-
Content Count
213,209 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Duqeyn Mareykanka ay ka fuliyeen Soomaaliya ayaa lagu dilay 13 maleeshiyo oo ka tirsan kooxda Daacish, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay militariga Mareykanka. Read More
-
Click here Qaran News
-
Dawladda Kenya ayaa joojisay duulimaadyadii tooska ahaa ee magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi, laga billaabo maanta oo Jimce ah. Read More
-
Golaha degaanka ee magaalada Saint Paul ee gobolka Minnesota ayaa ansixiyey in la mataaneeyo Saint Paul iyo caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho. Read More
-
(SLT-London)-Qof hubaysan ayaa rasaas furay isaga oo ku sugan bannaanka masaajid ku yaalla London, iyadoo ay dadku tukanayaan taraawiix. Booliiska ayaa la wacay oo loo sheegay nin hubaysan oo galaya masaajidka ku yaalla Seven Kings. Dadkii cibaadaysanayay qaar ka mid ah ayaa masaajidka ka hor istaagay qofkii, intaas ka dibna rasaas ayaa la maqlay. Dhaawac ama hanti burburtay midna lama soo sheegin, sida uu sheegay booliiska, waxayna intaas ku dareen in ay rumaysan yihiin in dhacdadaasi aysan shuqul ku lahayn argagixisanimo. Taraawiixda ayaa lagu tukanayay masaajidka waddada High Road marka arrintaasi ay dhacaysay. Weerar laga cabsi qabo Booliiska ayaa sheegay “in askar ay ka mid yihiin kuwo hubaysan ay tageen masaajidka, isla markaasna aan la soo sheegin wax dhaawac ah ama burbur soo gaaray masaajidka” “Arrinti wakhti aan fogayn ayay dhacday, baaritaanna waxaa lagu hayaa caddaymihii meesha laga helay nooca hubka ee la adeegsaday ayaana laga garan karaa”. Askarta ayaa sii joogtay masaajidka habeenkii, ayay booliisku intaas ku sii dareen. War saxaafadeed uu soo saaray Guddiga Muslimiinta oo Twitterka lagu baahiyay ayuu imaamka masaajidka Mufti Suhail ku sheegay in aysan wali caddayn ujeedadda uu lahaa qofka laga shakisan yahay. Wuxuu dadka ugu baaqay “in ay ka baaqsadaan faafinta wararka la isla dhexmarayo een wali la xaqiijin.” Waxaa sare u kacay walaaca laga qabo ammaanka goobaha cibaadada ee dunida oo dhan ka dib weerarradii dhawaan dhacay. Bishii March ayaa weerar lagu qaaday dad badan oo ku jiray masaajid ku yaalla magaalada Christchurch ee dalka New Zealand, 50 ayaana halkaas ku geeriyooday. Bishii Abriilna dalka Sri Lanka ayaa lagu weeraray kiniisado iyadoo dadku ay u dabaaldagayeen ciidda Kiristaanka ee Easter, weerarkaas ayaana lagu dilay 253 ruux. Hal toddobaad ka dibna haweenay ayaa dhimatay ka dib markii nin hubaysan uu rasaas ku furay macbad yahuudeed oo ku yaalla California. Source
-
(SLT-Tehran)-Taliye ku xigeenka ciidamada Ilaalada Kacaanka ee dalka iran, ayaa sheegay in Tehran ayna wada hadali la geli doonin cadowgeeda Mareykanka. Yadollah Javani ayaa sidoo kale yidhi “Washington kuma dhacdo inay weerar militari nagu soo qaaddo,” sida ay werisay wakaaladda wararka dalkaas ee Tasnim. Hadalkiisa ayaa ka dambeeyey kadib markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu khamiistii ku booriyey hoggaanka Iran inay la fadhiistaan, oo ay ka wada hadlaan sidii Tehran ay uga tanaasuli lahayd barnaamijkeeda Nukliyeerka. “Wax wada-hadal ah lama geli doonno America, America-na kuma dhacdo inay tallaabo militari naga qaaddo” ayuu yidhi Yadollah Javani. Yadollah Javani ayaa sheegay in Iran ay Mareykanka u aragto mid aan la isku haleyn karin. Dhinaca kale, Mareykanka ayaa saldhigga ciidamada ee uu ku leeyahay Qatar geeyey diyaaradaha bambooyinka xambaara ee B-52 Stratofortress, si looga hortagao wax ay Washington ku sheegtay halis kaga imanaysa iran. Iran ayaa ku gacan seertay diyaaradahan iyo maraakiib dagaal oo Mareykanka uu diray toddobaadkii tagay, waxayna ku qeexday”dagaal maskaxeed lagu cabsi gelinayo.” Source
-
(SLT-Hargeysa)-Warbaahinta Masaarida ayaa ka warantay socdaalkii Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha dibadda Masar u qaabilsan Afrika Hamdy Sanad Loza uu ku tagay Somaliland iyo Kulamadii uu la yeeshay madaxda kala duwan ee JSL. Wakaallada Wararka Somaliland (SOLNA) ayaa soo xigatay Egyptian Today oo baahisay socdaalka Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Masaarida,waxaanay warkii ay ka qortay u dhignaa sidan:- “Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Masar u qaabilsan Afrika, Hamdy Sanad Loza, ayaa la kulmay Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi oo ay ka wada hadleen sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga labada dhinac. Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi ayaa sheegay inay danaynayaan inay adkeeyaan iskaashiga ay la leeyihiin Masar gaar ahaan dhinacyada Xoolaha, Kalluumasiga, Beeraha, Caafimaadka iyo Waxbarashada. Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Masar Mr. Hamdy Sanad Loza ayaa sheegay in booqashadiisa Somaliland ay ka dhalatay Siyaasadda Masar ay ku doonayso inay kor ugu qaado kaalinta ay ku leedahay Gobolka Geeska Afrika. Muddadii Mr. Loza uu booqashada ku joogay Somaliland wuxuu kulamo kala duwan la yeeshay Wasiirrada Wasaaradaha Caafimaadka iyo Kalluumaysiga. Egptian Today waxay intaas ku dartay in Wasiir Ku-xigeenka Masaaraddu uu booqday Jaamacadda Hargeysa oo ay falanqeeyeen sida ay isku weydaarsan karaan khubarrada iyo Tababarrada. Sidoo kalena wuxuu la kulmay bulshada reer Masar ee ku sugan Somaliland. Geesta kalena Wakaallada Wararka Masar ayaa daabacday warbixin ay kaga hadleen booqashada Wasiir Ku-xigeenkooda Arrimaha Dibaddu ku tagay Jamhuuriyadda Somaliland. Source
-
Warta Nabadda iyo Xamar Weyne oo caawa ku loolamay tartanka aqooneedka Shabelle Muqdisho (SMN) – Tartan aqooneedka Shabelle oo caawa galaya habeenkiisa afaraad ayaa waxaa ku baratami doona degmooyinka waa weyn ee Warta Nabadda iyo Xamarweyne oo ka wada tirsan gobolka Banaadir. Waa labo degmo oo in badan ku xifaaltama dhinaca aqoonta, waxaana ay ku wada jiraan Group-ka B ee tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan. Warta Nabadda iyo Xamarweyne oo marar badan ka qeyb galay tartanka Idaacadda Shabelle ayaa muujiyay dadaalo badan. Balse lama oga sida ay noqon doonto natiijada caawa, maadaama labada degmo ay yihiin kuwa ku fir ficroon dhinaca waxbarashada. Xalay oo ay wada kulmeen Dharkenley iyo Wanlaweyn ayaa waxa ay soo bandhigeen tartan aad loo jecleystay. Hayeeshee waxa ay guushu raacday degmada Dharkenley oo guul u soo hoysay guud ahaan gobolka Banaadir. Sanadkan tartan aqooneedka Shabelle waxaa taaba gelinaya Shirkadaha BECO iyo Coca-Cola. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dagmada Dharkenley ayaa xalay guul u soo hoysay gobolka Banaadir, kadib markii ay ka badisay dhiggeeda degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose. Labadan degmo oo ku wada jiray Groupka B ayaa xalay ku kulmay is araga koowaad ee tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan. Tartamayaasha Dharkenley oo qeybaha dambe ee Barnaamij la yimid dar dar xoogan ayaa keesaday 16 Dhibcood, halka Wanlaweyn ay la timid 12 Buundo. Sidaasina waxaa xalay guusha ula hoyday degmada Dharkenley ee gobolka Banaaadir Dhinaca kale waxaa caawa tartanka faca weyn ee Shabakadda Warbaahinta Shabelle ku ballansan degmooyinka Wardhiigley iyo Xamarweyne ee gobolka Banaadir. Waa labo degmo oo waa weyn oo ku xifaaltama dhinaca aqoonta, taas oo caawa kulanka u yeeleysa xiiso gooni ah. Taaba gelinta sanadkan tartan aqooneedka Shabelle waa BECO iyo Coca-Cola, halka su’aal diyaarintuna uu yahay Adulty Commercila Secondary School. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada Direed ee ku jira labada gole Baarlamaanka JFS ayaa war-murtiyeed ka soo saaray shirka Garowe ee oo ay ka qeyb galayaan madaxda dowladda dhexe iyo kuwa dowled-gobaledyada. Hoos ka aqriso Tr. 09/05/2019 Annagoo ah Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Jamhuuriyadda Soomaaliya ee beesha Dirreed, waxaanu isugu nimi kulan wadatashi ah oo ku qabsoomay caasimada dalka ee Muqdisho 09/05/2019. Waxaanu si qoto dheer u falanqaynay xaalada siyaasaddeed ee dalka iyo arrimaha ugu waaweyn ee hadda taagan sida dib-u-eegista dastuurka, wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya, doorashooyinka la filayo in sannadka 2020 dabayaaqadiisa ay ka qabsoomaan dalka iyo xeerka doorashooyinka ee Golaha Wasiiradu ansixiyeen, nidaamka federaalka iyo Kulanka uga socda magaalada Garoowe madaxda sare ee dalka iyo Dawlad Gobaleedyadda. Hadaba, iyadoo ay muhiim tahay in beeshani taladeeda ku toosiso dalkan iyo dawladiisa waxaanu isla garanay in dhammaan qodobada sare ku tilmaamman la dedejiyo dhaqangalintooda iyadoo la ilaalinaayo sarraynta sharciga iyo hay’addaha dastuuriga ah ee JFS lana dhawrayo danaha umadda soomaaliyeed. Markii aanu aragnay qaabka loo abaabulay amma uu u socda Shirka Garoowe, waxaanu garwaaqsanay in aanu ka turjumayn midnimada, talo-wadaaga iyo awood qaybsiga ay ku dhisantahay dawladda JFS. Waxa marag-ma-doon ah in Shirka Garowe looga hadlayo arrimo taabanaya masiirka iyo mustaqbalka siyaasadeed ee ummada soomaaliyeed, waaxa ayaan darro ah sida aan wax tixgelin ah loo siin matalaada Beesha Direed. Sababaha kor ku xusan awgeed, annagoo ah xildhibaanada labada Gole ee BFS ee beesha Dir waxaanu go’aansanay arrimahan hoos ku xusan: Beesha Direed kuma laha wax metelaad siyaasadeed ah shirka ka socda Garowe, sidaa darteed maaha mid gebi ahaan ba khuseeya Beesha Direed, wax kasta oo kasoo baxana maaha wax ay aqbalidoonto. Shir kasta oo looga hadlaayo arrimaha masiiriga ah ee dalka oo aan ku salaysnayn awood-qaybsiga siyaasadeed ee beelaha Soomaaliyeed isla ogolaadeen ka hor inta aanu nidaamka axsaabta badani dalka ka hirgelin, waxay beesha Direed u aragtaa inuu yahay mid caddaalad darro iyo xasillooni la’aan siyaasaddeed dalka u horseedaya. Beeshu ma aqabali doonto madal kasta oo hareer marsan hay’addaha dastuuriga ah ee dalka. Waxaan cadeyneynaa in guddiyadii hore loogu soo dhisay kulamadii ka horeeyay shirkan Garowe sida guddiga wadaxaajoodka iyo xubnaha madaxda dowlad goboleedyadu u soo dirsadeen in lagu kordhiyo guddiyada Dib-u-Eegista Dastuurka ay yihiin kuwo beelo ugaar ah laga soo magaacabay , sidaas awgeedna aysan beesha Dir aqoonsaneen. Sidoo kale waxaanu ugu baaqaynaa Madaxdaweynaha JFS oo ah astaanka midnimada Qaranka in uu ka fogaado nidaamka kasta oo kala fogaynaya wadajirka dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Ugu dambayn, hadii aan wax laga bedelin ku tagrifalka iyo tixgelin la’aanta matalaadda siyaasadda dalka, waxay beeshu wada tashi ka yeelan doontaa talaabada ay qaadayso. Wabilaahi Towfiiq
-
Dowled-gobaledka Jubbaland ayaa war-qoraal ah ka soo saaray dhacdadii shalay ka dhacday garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo ee xarunta maamulkaasi, ka dib markii ay ay is ku rasaaseeyeen ciidama ammaanka garoonka iyo kuwo uu watay C/naasir seeraar,. maamulka ayaana ayaana wixii ka dhaxay garoonka garoonka ku eedeeyay iney mas’uul ay ka tahay dowladda dhexe, ayaduna ay qaadayso wixii ka yimaada. dhacdadii shalay ka dhacday Kismaayo inta la xaqiijiyay sedex askari ayaa ku dhaawacan tahay oo ka mid ahaa askartii uu watay C/naasir seeraar oo ka mid ah murashiinta u taagan qabashada xilka maxweynaha maamulka Jubbaland.. Halkaan ka aqriso Source: goobjoog.com
-
Garoowe( Sh. M. Network):-Iyadoo weli Magaalada Garoowe ee Xarunta maamulka Puntland uu ka socdo shirka DFS iyo maamul Goboleedyada dalka islamarkaana qodobada la iskula soo qaaday ay ka mid tahay xaaladda Galmudug ayaa waxaa arrintaas ka hadlay Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaas. Cali Gacal Casir Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ayaa hoosta ka xariiqay in hal shaqsi aan lagala hadli Karin Maslaxadda Galmudug. Dhinaca kale mar aan wax ka weydiinyay sida uu u arko hadal heynta ku saabsan in muddo Sanad dheeraad ah loo kordhiyo hoggaanka Galmudug ayuu xusay in wax weliba ay ka horeeyaan dib u heshiisiin la kala dhex dhigo dadka talada ku leh Masiirka Galmudug. Hadalka Guddoomiye Casir ayaa muujinaya in weli Khilaaf xoogan uu ka dhex aloosan yahay Masuuliyiinta maamulkaasi Galmudug. View the full article
-
Qaran News
-
Kismaayo ( Sh.M.Network):-Waxaa saaka Xiisad xoogan ay ka taagan tahay Magaalada Kismaayo oo xarun KMG u ah maamulka Jubbaland. Xiisadaan ayaa ka dhalatay Dagaal shalay ka dhacay Garoonka diyaaradaha Magaalada Kismaayo kadib markii ay isku dhaceen ilaalada mid ka mid ah Musharrixiinta u taagan doorashada Madaxweyne ee Jubbaland iyo Ciidamada Maamulkaasi. Wararka ayaa tilmaamaya in xiisaddu timid kagadaal markii la isku dayay in la baaro Boorso uu sitay Musharraxa Cabdinaasir Seeraar iyadoona la dhaawacay 3 ka mid ah ilaaladiisa. Musharrax Cabdinaasir Seeraar oo ka hadlay dhacdadaas ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe in uu ka dambeeyay falkaasi , islamarkaana wixii haatan ka dambeeyo ay isaga iyo Axmed Madoobe u siman yihiin Magaalada Kismaayo haatan kadib sida uu hadalka u dhigay. Si kastaba weli waxaa soconaya u diyaar Garowga Doorashada Madaxweyne ee maamulka Jubbaland iyadoona weli Musharrixiin kala duwan ay ku sii qul qulayaan Magaalada Kismaayo oo xarun KMG u ah maamulkaasi. View the full article
-
Xildhibaanada Direed ee ku jira labada Gole Baarlamaanka JFS oo war-murtiyeed ka soo saaray shirka Garowe ee oo ay ka qeyb galayaan madaxda dowladda dhexe iyo kuwa dowled-gobaledyada. Tr. 09/05/2019 Annagoo ah Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Jamhuuriyadda Soomaaliya ee beesha Dirreed, waxaanu isugu nimi kulan wadatashi ah oo ku qabsoomay caasimada dalka ee Muqdisho 09/05/2019. Waxaanu si qoto dheer u falanqaynay xaalada siyaasaddeed ee dalka iyo arrimaha ugu waaweyn ee hadda taagan sida dib-u-eegista dastuurka, wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya, doorashooyinka la filayo in sannadka 2020 dabayaaqadiisa ay ka qabsoomaan dalka iyo xeerka doorashooyinka ee Golaha Wasiiradu ansixiyeen, nidaamka federaalka iyo Kulanka uga socda magaalada Garoowe madaxda sare ee dalka iyo Dawlad Gobaleedyadda. Hadaba, iyadoo ay muhiim tahay in beeshani taladeeda ku toosiso dalkan iyo dawladiisa waxaanu isla garanay in dhammaan qodobada sare ku tilmaamman la dedejiyo dhaqangalintooda iyadoo la ilaalinaayo sarraynta sharciga iyo hay’addaha dastuuriga ah ee JFS lana dhawrayo danaha umadda soomaaliyeed. Markii aanu aragnay qaabka loo abaabulay amma uu u socda Shirka Garoowe, waxaanu garwaaqsanay in aanu ka turjumayn midnimada, talo-wadaaga iyo awood qaybsiga ay ku dhisantahay dawladda JFS. Waxa marag-ma-doon ah in Shirka Garowe looga hadlayo arrimo taabanaya masiirka iyo mustaqbalka siyaasadeed ee ummada soomaaliyeed, waaxa ayaan darro ah sida aan wax tixgelin ah loo siin matalaada Beesha Direed. Sababaha kor ku xusan awgeed, annagoo ah xildhibaanada labada Gole ee BFS ee beesha Dir waxaanu go’aansanay arrimahan hoos ku xusan: 1. Beesha Direed kuma laha wax metelaad siyaasadeed ah shirka ka socda Garowe, sidaa darteed maaha mid gebi ahaan ba khuseeya Beesha Direed, wax kasta oo kasoo baxana maaha wax ay aqbalidoonto. 2. Shir kasta oo looga hadlaayo arrimaha masiiriga ah ee dalka oo aan ku salaysnayn awood-qaybsiga siyaasadeed ee beelaha Soomaaliyeed isla ogolaadeen ka hor inta aanu nidaamka axsaabta badani dalka ka hirgelin, waxay beesha Direed u aragtaa inuu yahay mid caddaalad darro iyo xasillooni la’aan siyaasaddeed dalka u horseedaya. 3. Beeshu ma aqabali doonto madal kasta oo hareer marsan hay’addaha dastuuriga ah ee dalka. 4. Waxaan cadeyneynaa in guddiyadii hore loogu soo dhisay kulamadii ka horeeyay shirkan Garowe sida guddiga wadaxaajoodka iyo xubnaha madaxda dowlad goboleedyadu u soo dirsadeen in lagu kordhiyo guddiyada Dib-u-Eegista Dastuurka ay yihiin kuwo beelo ugaar ah laga soo magaacabay , sidaas awgeedna aysan beesha Dir aqoonsaneen. 5. Sidoo kale waxaanu ugu baaqaynaa Madaxdaweynaha JFS oo ah astaanka midnimada Qaranka in uu ka fogaado nidaamka kasta oo kala fogaynaya wadajirka dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Ugu dambayn, hadii aan wax laga bedelin ku tagrifalka iyo tixgelin la’aanta matalaadda siyaasadda dalka, waxay beeshu wada tashi ka yeelan doontaa talaabada ay qaadayso. Wabilaahi Towfiiq Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargaysa) Iyadoo maalmihii u danbeeyay doodo ku Aadan 18- ka May la maq laayay, waxaanu halkan idinku Soo gudbinaynaa sidii ay Ku timi iyo tariikhdii maalintaas Qaran. Waraysi xiiso badan oo uu kaydiyay Muniir Axmed Cigaal oo Laga qaaday Madaxweyne ku-xigeenkii Hore Ee Somaliland Mud Xasan Ciise Jaamac. Hoos ka dhagayso. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Warar aan heleyno ayaa sheegaya in ciidamada amaanka ay xabsiga dhigeen Boqor Cabdi Axmed Cali oo loo yaqaan Cabdi Calas, kadib markii ay kasoo kaxeeyeen xaafadiisa. Boqor Cabdi Calas ayaa lagu xeray saldhiga degmada Warta Nabadda ee gobolka Banaadir, sida ehelkiisa ay xaqiijiyeen, iyadoo aanan la ogeyn sababta ka dambeysay xariga loo geystay. Warar soo baxaya ayaa sheegaya in boqorka loo xeray wareysi uu Shalay siiyay Idaacadda Goobjoog, kaasi oo uu kaga hadlay dil shalay ka dhacay isgoyska Tarabuunka, kaasi oo loo geytay ruux waday Mooto Bajaaj. Wuxuu sheegay in isaga uu saarnaa Mootada, kadibna uu joojiyay askari goobta ku sugnaa, iyadoo askariga uu goobta ku toogtay wiilka dhalinyarada ahaa ee mootada waday, sida uu sheegay Boqor Cabdi Calas. “SHalay Mootada anigaa saarnaa, askariga ayaa la joojiyay, wuxuu dhahay wiilka la dilay adeer maxaad iga rabtaa, kadiba xabad ayuu ku dhuftay” ayuu yiri Cabdi Calas, hadalkaasi oo loo malaynay in loo xiray. Maamulka Degmada Warta Nabadda iyo taliska ciidamada Booliska degmada ayaanan ka hadlin sababta Cabdi Axmed loo xiray iyo waxyaabaha laga doonayo. Hoos ka dhageyso qeyb kamid ah wareysiga Boqor Cabdi Calas uu shalay bixiyay. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/05/calas.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Anshax-marinta ee Golaha Wakiillada Somaliland, Md. Axmed Ducaale ayaa ka hadlay hadal uu Xildhibaan Dhakool oo ay isku Gole yihiin ku sheegay inaanu 18-ka May u aqoonsanayn Maalin Qaranka Somaliland wada leeyahay. Xildhibaan Dhakool oo Shalay Saxaafadda kula hadlay Hargeysa, ayaa sheegay in Xuska 18 May uu yahay mid u gaar ah beeshii u badnayd Jabhaddii SNM, balse Maalinta la wada leeyahay tahay Xuska 26-ka June. Laakiin, Xildhibaan Axmed Ducaale oo hadalkaa ka dareen-celiyey ayaa yidhi “Xildhibaan Dhakool muddo dhowr iyo labaatan Sanadood ah ayuu Golaha ka tirsan yahay, Guddoomiyaha Golaha Wakiilladana waa isku ardaa, markaa anigu ma garanayo Sababta uu xilligan hadalkaa u soo qaatay, meeshana uma ekayn wakhtigan, waayo? Maalmaha Qarankuna way iska faro badan, Ummad kasta oo meel ku dhaqana Taariikh kastaba ha ku timaadee Maalin ay xusaan ayay leeyihiin, markaa Anigu maan garanin waxa Xildhibaanku isagoo Golihii fadhiya uu hadalkaa uga jeeday.” Xildhibaan Axmed Ducaale oo Maanta Saxaafadda kula hadlay Hargeysa ayaa sheegay in Taariikhdu ku xidhnayn hadba Qofku wuxuu jecel yahay “Nin jecel iyo nin Neceba, 18 May waa Taariikh Somaliland leedahay, Taariikhda Sayidku Taariikhbay ahayd, Nin neceb iyo Nin Jecel ba oo lama dafiri karo, siyaad Barre iyo Soomaaliya, Taariikh dhacday oo inna soo martay ayay ahayd, Nin neceb iyo Jecelba, markaa Taariikhdu kuma xidhna Anigaa jecel ama Anigaa aamisan.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray in Guddi ahaan Anshax-marintoodu ku eg-tahay marka Xildhibaanku uu ka hor-yimaaddo wax Goluhu isla qaatay, balse aragtidiisa uu Golaha dibeddiisa ka sheegi karo “Annagu oo ah Guddiga Anshax-marinta, waxa Xidhibaankaasi ku hadlay kuma shaqo lihin.” Source
-
Muqdisho ( Sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/05/Warka-Subax-10052019-1.mp3 View the full article
-
(SLT-London)Arsenal ayaa u soo baxday finalka UEFA Europa League kadib markii ay guul muhiim ah ka soo gaadhay kooxda Valencia. Unai Emery oo taariikh layaableh ku leh Europa League ayaa markale u muuqda mid Gunners ka caawin kara in ay ku guulaystaan Europa League. Arsenal ayaa Valencia ku soo garaacday 4-2 iyada oo finalka ugu soo baxday wadarta labada kulan oo dhan 7-3 taas oo muujinaysa sida ay Gunners uga awood badnayd kooxda dhibta badan ee Valencia. Arsenal oo ay rajadeeda u soo bixitaanka UEFA Champions League ku xidhan tahay guusha ay ka gaadho finalka Europa League ayaa hadda haysata fursad fiican oo ay koobkan ugu guulaysan karto isla markaana ay Champions League ugu soo bixi karto. Aubameyang ayaa saddexley goolal ah dhaliyay halka Lacazette uu isna hal gool dhaliyay waxayna sidaa Gunners ku soo laabtay shaqadii cajiibka ahayd ee ay u soo gashay finalka Europa League. SHIXIHII LALBADA KOOXOOD EE KULANKAN: ARSENAL (3-4-1-2): Petr Cech; Sokratis Papastathopoulos, Laurent Koscielny, Nacho Monreal; Ainsley Maitland-Niles, Granit Xhaka, Lucas Torreira, Sead Kolasinac; Mesut Ozil; Pierre-Emerick Aubameyang, Alexandre Lacazette. Kadyka: Bernd Leno, Mohamed Elneny, Shkodran Mustafi, Henrikh Mkhitaryan, Eddie Nketiah, Alex Iwobi, Matteo Guendouzi. VALENCIA (4-4-2): Neto; Cristiano Piccini, Gabriel, Ezequiel Garay, Jose Gaya; Daniel Wass, Daniel Parejo, Francis Coquelin, Goncalo Guedes; Rodrigo Moreno, Kevin Gameiro. Kadyka: Jaume Domenech, Carlos Soler, Ferran Torres, Mouctar Diakhaby, Santi Mina, Toni Lato, Facundo Roncaglia. Arsenal ayaa doonaysay in ay si adkaysato guushii 3-1 ka ahayd ee ay Emirates Stadium kaga sii gaadhay kooxda Valencia si ay ugu soo baxdo finalka Europa League laakiin Valencia oo marti loogu ahaa Mestall Stadium ayaa dagaal wayn ugu jirtay in ay natiijadii hore dhinaca kale u dhigto. Daqiiqadii 11 aad Valencia ayaa qaab fiican ciyaarta ku bilaabtay kadib markii ay heshay goolkeeda furitaanka ee rajada u soo nooleeyay kaas oo uu dhalyay Kevin Gameiro wuxuuna ciyaarta ka dhigay 1-0 ay Valencia hogaanka kula wareegtay. Daqiiqadii 17 aad Arsenal ayaa iska dul qaaday cadaadiska xoogan ee kaga imanayay dhinaca kooxda martida loo ahaa ee Valencia waxaana goolka barbaraha u saxiixay Aubameyang kadib markii uu caawin ka helay Lacazette waxayna ciyaartu noqotay babraro 1-1 ah. Goolkani waxa uu Arsenal ka soo celiyay goolkii ay Valencia marti ahaanta ku soo dhalisay wuxuuna sidoo kale ka barbareeyay natiijada ciyaarta ee ay Valencia doonaysay in ay soo laabashada ku dhamaystirto. Labada kooxood ayaa dadaal badan u sameeyay goolka labaad laakiin dhamaadkii qaybtii hore Aubameyang ayaa kooxdiisa Gunners ka lumiyay fursad uu goolka labaad ku dhalin karayay waxaana qaybtii hore lagu kala nastay barbaro 1-1 ah oo ay wadarta labada kulan ku garacan saraysay Arsenal. Markii layskugu soo laabtay qaybtii labaad ee ciyaarta xamaasada ayaa cirka isku shareertay iyada Valencia doonaysay in ay ka dagaalanto xaalada ay ku jirtay balse Gunners ayaa wali ahayd kooxda ciyaarta ku maamulaysay wadarta guud. Daqiiqadii 50 aad Arsenal ayaa markeeda hogaanka ciyaarta ku hormartay kadib markii uu Lacazette dhamaystiray kubbad caawin uu ka helay Lucas Torreira wuxuuna ahaa gool waran xanuun badan ku noqday kooxda Valencia oo doonaysay in ay ciyaarta soo laabasho ku samayso. Goolka Lacazette ayaa ciyaarta ka dhigay 2-1 ay Arseanl hogaanka kula wareeegtay wuxuuna ahaa mid wadarta labada kjlan ka dhigay 5-2 ay Gunners si wayn ugu horayso. Daqiiqadii 58 aad Kevin Gameiro ayaa goolkiisii labaad ee ciyaarta dhaliyay si uu markale u soo nooleeyo rajada kooxdiisa Valencia wuxuuna ciyaarta ku soo celiyay barbaro 2-2 ah inkasta oo ay wali Gunners ku horaysay natiijada kulankii lugtii hore. Daqiiqadii 69 aad Arsenal ayaa musiibo kale ku abuurtay kooxda martida loo ahaa ee Valencia kadib markii uu Aubamayeng dhaliyay goolkiisa labaad ee ciyaartan iyo waliba kan saddexaad ee Arsenal waxaana ciyaarta goolkan sameeayay da’yarka Maitland-Niles. Ciyaarta ayaa noqotay 3-2 ay Arsenal waqti muhiim ah hogaanka ku soo ceshatay iyada oo wadarta labada kulan noqotay 6-3 ay Gunners laba jibaar ku horayso. Daqiiqadii 88 aad Aubamayeng ayaa gool cajiib ah ugu qubeeyay kooxda Valencia wuxuuna si rasmi ah u soo gaba gabeeyay rajo kasta oo yar oo ay ka qabeen in ay goolal ku soo laabtaan kadib markii uu caawin ka helay Henrikh Mkhitaryan. Aubameyang ayaa dhamaystirtay saddexleyda goolasha ah ee uu ka dhaliyay kooxda Valencia si uu kooxdiisa Gunners uga caawiyo in ay cadaadiska la’aan ugu soo baxdo finalka europa league. Ciyaarta ayaa noqotay 4-2 ay Gunners ku xasuuqayso kooxdii goolka kaga hor martay ee Valencia waxayna sidaa Arsenal ku xaqiijisatay booskeeda finalka Europa League iyada oo wadarta labada kulan ku awooday in ay 7-3 ku gumaaday Valencia. Source
-
(SLT-Nairobi)-Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Salaad Oomaar ayaa xaqiijiyay wararka sheegaya in dowladda Kenya ay joojisay duulimaadyadii sida tooska ah uga bixi jiray magaalada Muqdisho, kuwaasoo tagi jiray garoonka diyaaradaha Joma Kenyatta ee Nairobi. Wasiir Oomaar ayaa sheegay in gelinkii dambe ee Khamiistii ay soo gaartay warqad ka soo baxday laanta duulista Hawada ee dalka Kenya, taasoo ku xusneyd in wixii ka dambeeyay maanta oo Jimco ah 10-ka May, diyaaradaha ka baxa Muqdisho ay mari doonaan Garoonka Diyaaradaha Wajeer ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya. Mr. Oomaar ayaa sheegay in isaga xitaa aanu ogeyn sababta rasmiga ah ee ka dambeysa tallaabada ay qaaday Xukuumada Nairobi, balse dhankooda ay wadaan la tashiyo arrinkaasi ka dhan ah, isagoo tilmaamay inay dib ka soo sheegi doonaan waxa ay noqoneyso fal celintooda. Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Salaad Oomaar ayaa gabi ahaanba meesha ka saaray wararka sheegaya in arrimo amni ay la xiriirto tallaabadan cusub ee Kenya qaaday, isagoo ku faanay in amniga garoonka Muqdisho uu la mid yahay kuwa waa weyn ee Caalamka. Warar soo baxaya waxa ay sheegayaan iney jirto dhaqaale xumo dowladda Kenya ka soo wajahday dakhligii uga soo xaroon jiray garoonka Wajeer, iyadoo warbixin lagu daabacay wargeyska Daily Nation ay muujineyso in tan iyo markii dib loo bilaabay duulimaadka tooska ah ee Muqdisho iyo Nairobi, garoonka Wajeer uu khasaaray 19kun oo dollarka Mareykanka. Duulimaadyada tooska ah ee Muqdisho iyo Nairobi ayaa bilowday sanadkii 2017, kaddib markii dowladda Kenya iyo dowladda Soomaaliya ay gaareen heshiisyo dhowr ah oo ku saabsanaa iskaashiga iyo socdaalka, waxaana wixii xilligaas ka dambeeyay diyaaradaha ka bixi jiray Muqdisho ayaa toos uga degi jiray garoonka diyaaradaha Joma Kenyatta, waxaana dadka ka baxa Muqdisho ku qaadan jirtay inay Nairobi ku tagaan saacad iyo bar. Source