Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,291
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan guutada 9-aad ee qeybta 60-aad ayaa howlgal qorsheysan oo lagu burburiyay saldhigyadii Kooxda Al-Shabaab ka fuliyay deegaannada kala ah, Baar, Ceeljeedow, Ceeltuumed iyo Sijo oo ka tirsan degmada Waajid ee Gobolka Bakool, sida lagu sheegay war ay baahisay warbaahinta dowladdu. Howlgalka waxaa qeyb ka ahaa maamulka Degmada oo uu hoggaaminayay Guddomiye ku xigeenka Degmada Waajid iyo Taliyaha Nabad Sugidda Degmada, balse khasaare kooxda Alshabaab howlgalladaas lagu gaarsiisay weli dowladda Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed midkoodna faahfaahin kama bixin. Deegaanada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa kamida meelaha ay hawlgallada ka dhanka ah kooxda Alshabaab sida xooggan uga socdaan, ayadoo madaxweyne Laftagareen dhowaan sheegay in loo baahanyahay in hiigsiga koobaad laga dhigto in la soo afjaro kooxda Alshabaab. Source: goobjoog.com
  2. Afhayeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed gaashaanle Cabdifataax Aadan Xasan ayaa sheegay in Booliisku ay si toos ah hawlgal burbur ah uga billaabeen dhulka dabdamiska maadaama ay dhammaatay mudadii dadka halkaa deggan horay loogu qabtay kaga guuraan, taas oo maanta ku ekeyd. Afhayeenka ayaa sheegay in goobtaas laga dhisi doono dab damis casri ah oo lagula tacaalo shilalka dabka la xariira ee magaalada ka dhaca, islamarkaana ay noqan doonto xarun dadweynaha Soomaaliyeed loogu adeego oo dan guud ah. Gaashasnle Cabdifataax ayaa tibaaxay in odayaal dhaqan iyo waxgarad qoysaskii halkaa ku noolaa matalayaahi ay booliiska kala shaqeeyeen in dadka meeshaas laga raro, islamarkaana ay bulshada inteedii badnayd iskood u guureen, qeybtii hartayna ciidanku ay gaadiidka daabula u diyaariyeen, balse ma caddayn goobta rasmiga ah ee qoysaskaas loogu talo-gay oo la gaynayo. Si kastaba ha ahaatee booliiska Soomaaliya oo cagaf cagafyo iyo gaadiid dagaal wata ayaa saaka ku hiiraystay dhulkaas, ayadoo ay hadda ka wadaan hawlgal burburin ah oo dhismeyaasha ku yaalla dhulka lagula simayo. Source: goobjoog.com
  3. Xudur (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay maanta ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ka sameeyeen qaybo kamid ah gobolka Bakool, kaas oo lagu beegsaday maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab. Howlgalkan oo ay fuliyeen ciidanka guutada 9-aad ee qaybta 60-aad ayaa waxaa lagu beegsaday saldhigyo ku yaalla deegaano hoostaga degmada Waajid. Ciidamada ayaa inta uu howlgalka socday burburiyay saldhigyo ay Al-Shabaab ku lahaayeen halkaasi, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay dowladda Soomaaliya. “Ciidanka Xoogga Dalka Somaliyeed gaar ahaan guutada 9-aad qeybta 60-aad ayaa maanta howlgal qorsheysan oo lagu burburiyay saldhigyadii Khawaarijta ka fuliyay deegaannada kala ah, Baar, Ceeljeedow, Ceeltuumed iyo Sijo oo ka tirsan Degmada Waajid ee Gobolka Bakool. Howlgalka oo ahaa mid ballaaran ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa maamulka degmada oo uu hoggaaminayay guddoomiye ku xigeenka Waajid iyo Taliyaha Nabad Sugidda degmada. Dhinaca kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada dowladda Soomaaliya. Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo haatan laga dareemayaa qaybo badan oo kamid ah gobolka Bakool. Koonfur Galbeed ayaa haatan isku diyaarineyso wajiga labaad ee dagaalka, waxaana howlgalladan ay qayb ka yihiin qorshaha Al-Shabaab looga xoreynayo maamulkaasi. The post Sawirro: Ciidamada DF oo burburiyay saldhigyo ay lahaayeen Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
  4. Doorashooyinka dalka Faransiiska ayaa siweyn waxaa loogu jabiyay xisbiga uu hoggaamiyo Macron, kadib markii xisbiga Isbaheyda bidixda uu helay natiijo lama filaan ah, kadib markii ay heleen 182 Kursi, halka xisbiga dhextaalka ee uu hoggaamiyo madaxweynaha talada haya uu 168 Xildhibaan. Codbixiyeyaasha ayaa u muuqda iney iska diideen xisbiga Midigta Fog, kaas oo doorashooyinka kala yimid 143 kursi, marka loo eego 500 ee kursi ee lagu tartamayo, doorashada shalay dhacday Axaddii ayaa ka dhigan in xisbiga xisbiga dhextaalka uu waayay Aqlabiyadda Baarlamaanka oo 289 Xildhibaan. Macron ayaa horay u iclaamiyay doorashadan oo uu waqtigeeda kasoo hormariyay, kaddib guulihi uu xisbiga midigta fog ee La Pen kasoo hooyay doorashooyinki baarlamaanka Yurub, waxaana muuqata in doorashadaan uu siweyn ugu jabay xisbiga Midigta oo ay hoggaamiso Marine Le Pen oo 143 helay. Natiijada doorashada ayaa sidoo kale dharbaaxo iyo waji-agabxnimo ku ah, xisbiga siyaasaddiisu ay dhexda u janjeerto ee madaxweyne Emmanuel Macron, kaas oo lagu qasbay inuu soo dhiso dowlad wadaag ah, maadaama uu waayay codka aqlabiyadda Baarlamaanka oo u suurtogelin laheyd. Madaxweyne Macron ayaa hadda waxa uu u xuub siibtay, in uu dhexda uga dhacay baarlamaan aad u kala qeybsan siyaasad ahaan, bidix, midig iyo dhexda, kuwaas oo uusan midna heysan aqblabiyadda, waxaana laga cabsi qabaa inuu imaan karo jahwareer siyaasadeed oo Faransiiska uu wajahayo. Source: goobjoog.com
  5. Faransiiska ayaa wajahaya hubanti la’aan siyaasadeed ka dib markii doorashadii baarlamaanka aaney cidna helin aqlabiyad toos ah. Saadaasha ayaa muujineysa in isbahaysiga garabka bidix, Front Popular Front, uu u muuqdo inuu helayo kuraasta ugu badan ka dib wareega labaad. Heshiis xeeladaysan oo u dhexeeya xisbiyada qunyar socodka ah ayaa keenaya in xisbiga NR ee midigta uu galo kaalinta saddexaad. Wareegii koowaad ee doorashada ayuu dardar la soo baxay waxaana aad looga cabsi qabay inuu helo aqlabiyadda kuraasata baarlamaanka, hase-yeeshee waa loo awood sheegtay. Isbahaysiga dhexe ee madaxweyne Macron ayaa la saadaalinayaa inuu ku soo bixi doono kaalinta labaad. Ma cadda cidda noqon doonta raysal wasaaraha xiga ee Faransiiska, laakiin raysal wasaase Gabriel Attal, ayaa sheegay inuu xilka iska casili doono, inkastoo uu diyaar u yahay inuu sii joogo bishan. Qaran News
  6. Wararka ka imaanaya degmada Luuq ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in saaka xaaladdu ay deggentahay, iyadoo shalay halkaa uu ka dhacay dagaal culus oo u dhaxeeyay laba meleeshiyo beeleed. Dagaallada ayaa saddexdii maalmood ee la soo dhaafay ka dhacayay Luuq hase-yeeshee dagaalkii ugu cuslaa ayaa shalay dhacay. Wararka ayaa intaa ku daraya in dagaalkii shalay ay ku dhinteen dad ka badan dhowr iyo toban qof, tiro intaa ka badanna ay ku dhaawacantay. Dad badan ayaa sidoo kale shalay magaalada ka barakacay, kuwaas oo naftooda kala baxsanaya isku dhacyada meleeshiyo beeleedka. Luuq in dhawaalaba waxay ahayd meel xasilloon, ilaa iyo haddana si rasmi ah looma oga sababta ka dambeysa dagaalka dhowrka maalmood ka dhacayay degmadaas. Dowladda federaalka iyo maamulka Jubaland ayaa labaduba baaq u diray dhinacyada halkaa ku dagaallamaya, iyagoo ku booriyay in ay xabadda joojiyaan. bbcsomali Qaran News
  7. Boosaaso (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Bari ayaa sheegaya in maanta xubno ka tirsan kooxda Daacish ay isku soo dhiibeen ciidamada ammaanka Puntland ee ku sugan dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari. Xubnaha isa soo dhiibay oo labo ah ayaa waxaa lagu soo dhaweeyay deegaanka Balidhidhin ee gobolka Bari, halkaas oo ay kusoo bandhigeen ciidamada daraawiishta Puntland. Labada xubnood ayaa watay hubkooda iyo dareeska ciidanka, waxaana ay sheegeen inay tababar kusoo qaateen goobaha ay gacanta ku hayso Daacish ee deegaanada Puntland. Wareysiyo laga qaaday labada nin ayaa waxa ay ku sheegeen inay muddo saddex cisho ah soo lugeynayeen, si ay uga soo baxsadaan kooxda ay muddada dheer ka tirsanaayeen, ayna ku furaxsan yihiin in lagu soo dhaweeyay Puntland. Sidoo kale waxa ay tilmaameen inay ku qanci waayeen habka ay wax u waddo kooxdaan, isla markaana uu isbeddalay fakirkooda, ayna goosteen inay isaga soo baxaan kooxdaasi. Waxaa kale oo ay intaasi ku dareen inay ka qayb-qaateen dagaallo dhexmaray Daacish iyo Al-Shabaab, maadaama ay sheegeen in loo tababaray u dagaalidda kooxdaasi. Inta badan labada kooxood oo ku wada sugan buuraleyda gobolka Bari ayaa dagaallo ay waxa ay ku dhex maraan halkaasi, waxayna isku haystaan gacan sarreynta dhulkaasi. Kooxda Daacish ayaa bishii April ee sanadkan sheegtay inay dagaal ku dishay 50 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab kadib dagaal ay kula gashay buuraha Calmiskaad. The post Xubno ka tirsana kooxda DAACISH oo isa soo dhiibay appeared first on Caasimada Online.
  8. Mogadishu (HOL) - Somali Prime Minister Hamsa Abdi Barre has called for an immediate end to the deadly inter-clan conflict in the Luuq district of the Gedo region. Source: Hiiraan Online
  9. Garowe (HOL) - Two members of the Daesh/ISIS terrorist group surrendered to Puntland security forces in the Balidhidhin area of the Bari region on Sunday. Source: Hiiraan Online
  10. Natiijo lama filaan ah ayaa kasoo baxday wareegi labaad ee doorashadi baarlamaaniga aheyd ee Axaddii shalay ka dhacday Faransiiska, kaddib marki uu isbaheysiga bidixda ku guuleystay, inkasta uusan helin aqlabiyadda baarlamaanka. Natiijada ayaa muujineysa in isbaheysiga bidixda ay ku guuleysteen 182 kursi, xisbiga dhextaalka ee Macron ayaa helay 168 kursi, halka xisbiga midigta fog ee NR ee ay hogaamiso Marine Le Pen uu ku guukeystay kuraas dhan 143. Taasi ayaa ka dhigan in xisbina uusan u dhaweyn aqlabiyadda, waayo waxaa xukuumad soo dhisi kara xisbigi keena kuraas dhan 289. Baarlamaanka Faransiiska ayaa ka kooban 577 xildhibaan. Cod-bixiyayaasha ayaa dhabar-jebin siyaasadeed qoorta u suray xisbiga RN ee midigta fog ee ay hogaamiso, haweneyda mayalka adag Marine Le Pen. Ra’iyi ururinti la sameeyay ka hor doorashada ayaa muujisay in La Pen ay kaalinta koowaad geli doonto, hase yeeshee waxay u dhacday kaalinta saddexaad, taasoo lid ku ah natiijadi wareeggi hore ee doorashada oo ay kaalinta koowaad kasoo gashay. Natiijada doorashada ayaa sidoo kale dharbaaxo iyo waji-agabxnimo ku ah, xisbiga siyaasaddiisu ay dhexda u janjeerto ee madaxweyne Emmanuel Macron. Macron ayaa horay u iclaamiyay doorashadan oo uu waqtigeeda kasoo hormariyay, kaddib guulihi uu xisbiga midigta fog ee La Pen kasoo hooyay doorashooyinki baarlamaanka Yurub. Hadda waxa uu u xuub siibtay, in uu dhexda uga dhacay baarlamaan aad u kala qeybsan siyaasad ahaan, bidix, midig iyo dhexda, kuwaas oo uusan midna heysan aqblabiyadda. Source
  11. Ururka Xisbullah ee Lubnan ee taageerada ka hela Iran ayaa Axaddii sheegay, in ay diyaaradaha aanan duuliyaha laheyn ku weerartay saldhigga Israa’iil ee Buura Hermon oo ku yaalla buuraleyda Golan Heights ee Suuriya ee ay heysato Israa’iil. Buurta Hermon ayaa waxaa ku yaalla saldhig muhiim ah oo ay Israa’iil u isticmaasho ilaalinta mandiqadda gaar ahaan howlaha basaasidda iyo difaaca cirka. Israa’iil ayaa halkaasi si gaar ah uga ilaalineysay dhaq-dhaqaaqa WSuuriya, Ciraaq, Urdun iyo qeybo ka mid ah Sacuudiga tan iyo 1973-di, markaas oo uu dhacay dagaalkii Israa’iil iyo Carabta. Xisbullah waxay sheegtay in weerarka bam ee ay ku qaadday Buurta Hermon uu ahaa kii ugu horreeysay, tan iyo marki ay iyada iyo Israa’iil billaabeen in ay madaafiic is weydaarsadaan 8-dii bishii October, maalin kaddib marki ay Xamaas weerartay koofurta Isra’il, weerarkaas oo dhaliyay duullaanka ay Israa’iil ku qaadday Gaza. Xisbullah ayaa sheegtay in ay joojin doonto weerarada ay ku heyso Israa’iil, marka ay Israa’iil joohiso dagaalka ay ka waddo Gaza. Ciidanka Israa’iil aanan wali war kasoo saarin duqeynta ay sheegtay in ay Xisbullah ku qaadday saldhiga Israa’iil ee Buurta Hermon ee dhulka la hesto ee Golan. Source
  12. Displaced families in Baidoa, southern Somalia, say that a greenhouse farming project set up to provide sustainable livelihoods for them has uplifted their living standards. Source: Hiiraan Online
  13. BBC Africa Eye investigates a shocking spate of elderly people accused of witchcraft then murdered along Kenya’s Kilifi coast, and discovers the true motives behind the killings. Source: Hiiraan Online
  14. Uruguay advanced to the Copa America semifinals by overcoming Brazil on penalties 4-2 (0-0) on Saturday. Source: Hiiraan Online
  15. The U.S. The State Department on Friday disclosed that its special envoy to the Horn of Africa, Mike Hammer, is traveling to Djibouti and Ethiopia. Source: Hiiraan Online
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Bishan July waxaa bilowday sanad dhaqaaleedka ururka bulshada bariga Afrika ee ay dhawaan xubin ka noqotay Soomaaliya, waxaana dhaman wadamada xubnaha ka ah ay bixiyaan lacago luugu talagalay in lagu guto waajibaadka ururka. Soomaaliya oo ah dalkii ugu dambeeyay ee ku biiray ururka ayaa laga doonayaa in uu bixiyo lacag dhan 7.8 milyan oo doolarka Maraykanka ah, taas oo ah lacag ay bixiyaan dhamaan wadamada xubaha ka ah, sida uu BBC da u sheegay Cabdisalaan Hadliye, oo ah Ergeyga madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arimaha ururka bulshada bariga Afrika. Soomaaliya ayaa waxaa looga baahan yahay in ay ku bixiso lacagtaas muddo 12 bilood gudahood ah, oo ka bilaabaneysa kowda bisha July ee sanadkaan, sida uu sheegay Hadliye. Arrintaan ayaa ka dhigan in dakhliga sanadlaha ah ee dallada bulshada bariga Afrika ay ku korortay 7.8 milyan oo dollar, taas oo ah lacagta ka imaan doonta dhanka Soomaaliya. Sida uu ka sheegay kulanka sanadlaha ah ee Ururka, Madaxa golaha wasiiradda ee ururka bulshada bariga Afrika, Deng Aloor – Dakhli sanadeedka 2024/2025 ee dallada ayaa waxa uu ku soo aadayaa “Xilli dhaqaalaha wadamada ku bahoobay EAC uu wajahayo xaalado caalami ah oo aad u daran, taas oo ay ka tan bateen khilaafaad juquraafi iyo saameynta uu keenay isbadalka cimilada,”. Sidoo kale waxa uu sheegay in sicirka shidaalka ee cirka isku sii shareeraya iyo cuntada aan la goyn Karin qiimaheeda ee ka jira gobolka ay cadaadis xoog leh ku keeneen sarrifka lacagaha qalaad. Balse waxa uu xusay Deng, in in kasta oo caqabado badan oo nuucaasi ah jiraan, hadana uu kordhay dhaqaalaha Dallada Bulshada Bariga Afrika. “Sare u kaca dakhliga ururka waxa uu ka yimid 2.8% isaga oo gaaray 8.1%, dhamaan dhinacyaduna waxay sheegeen in ay wadi doonaan horumarinta kororka dakhliga”, ayuu ka yiri Kulanka Mr. Deng. Maxaa loo adeegsan doonaa lacagtaan? Kulanka sanadlaha ee sharciga ah ee ururka ayaa waxaa looga hadlay kobaca dhaqaalaha wadamada ku bahoobay ururkaan iyo sidoo kale hab adeegsiga dakhligii 2023/2024, isaga oo goobta ka xusay warbixinta hantidhawrka ee faahafaahineysay arrimahaas. Waxa kale oo uu sheegay wasiirku arimaha muhiimka ah ee ay doonayaan in ay ku bixiyaan dakhliga sanadkaan, waxa uuna faahfaahiyay qoondooyinka ay kala siin doonaan arimo ay ugu waawayn yihiin amniga iyo nabadda gobolka. Waxa uu sheegay in lacag dhan 1 milyan oo doolarka Maraykanka ah ay u qoondeeyeen in lagu bixiyo nabadda iyo amniga gobolka sidii loo sii xoojin lahaa. Arimaha ganacsiga iyo maalgashiga ayuu sheegay in loo qoondeeyay lacag gaaraysa 7 milyan oo doolarka Maraykanka ah, halka arimaha bulshada iyo waaxyaha waxsoosaarka leh uu sheegay in lagu bixin doono lacag gaareysa 6.2 milyan oo doolarka Maraykanka ah. Horumarinta hay’adaha ayuu sheegay in ay ku bixi doonto ilaa iyo 10.4 milyan oo doolarka Maraykanka ah. Lacagta ugu badan ayaa waxa ay ku bixi doontaa xubnaha iyo hay’adaha ururka oo loo qoondeeyay lacag dhan 66.3 milyan oo doolarka Maraykanka ah. Dakhliga guud ee ururka ee sanad dhaqaaleedka 2024/2025 ayaa waxa uu yahay $112,984,442 sida uu sheegay wasiirku. Soomaaliya ayaa ku biirtay ururka bulshada bariga Afrika bishii Maarso ee sanadkaan. Waddamada xubnaha ka ah EAC ayaa waxa ay iska kaashadaan dhinacyo khuseeya siyaasadda, ammaanka, difaaca, dhaqaalaha, dhaqanka, tiknoolajiyadda iyo sharciga. Dalalka ayaa ku haminaya inay sameeyaan is dhexgal buuxa oo dhinacyo badan. Dalalka ayaa sanadkii 2005 ku heshiiyay kastam midaysan oo ay alaabaha iyo dadka si xor ah uga kala gooshi karaan waddamada. Shuruudda ku xiran alaabahaas ayaa ah inay ka yimaadaan gudaha waddamada xubnaha ka ah EAC. Si loo xoojiyo dhaqaalaha waddamada iyo horumarkooda, ururka EAC ayaa sameeyay suuq gaar ah oo shaqeynayay tan iyo 2010. Waddamada ayaa sidoo kale ku haminaya in sanadka 2023 ay samaystaan lacag u gaar ah. Isha: BBC The post Maxay tahay lacagta Soomaaliya uu ka rabo ururka EAC inay ku bixiso 12 bil gudahood? appeared first on Caasimada Online.
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka amniga caasimada ayaa ka qabsoomay magaalada Muqdisho, kaasi oo looga hadlayay dardar-gelinta amniga caasimada oo bilihii dambe aad u wanaagsanaa. Shirkan ayaa waxaa qeyb ka ahaa taliska NISA uu metelayay taliye Muhiyadiin Warbac, taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Sulub Axmed Firin iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Madaale. Shirkan ayaa sidoo kale waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siaasadda gobolka iyo saraakiisha u xilsaaran amniga magaalada Muqdisho. Warbixin la xariirta dhinaca amniga ayaa waxaa shirka looga dhageystay hay’addaha kala duwan ee amniga, kuwaasi oo soo bandhigay isbadalka ku dhacay Amniga Muqdisho. Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa ku amaanay saraakiisha laamaha amniga sida ay habeen iyo maalin ugu taagan yihiin ilaalinta nafta iyo maalka muwaadinka Soomaaliyeed. Sidoo kale wuxuu kula dar-daarmay in la xoojiyo amniga ay ku nool yihiin shacabka ku dhaqan gobolka Banaadir. Shirkan ayaa qeyb ka ah dardar-gelinta iyo xoojinta amniga caasimada, oo waayihii dambe ka nasatay falalkii argagixisada ka geysan jireen, kuwaasi oo ay ku bixi jireen tobanaan iyo boqolaal shacabka magaalada. The post Xogta shir xasaasi ah oo qeyb ka tahay NISA oo ka qabsoomay MUQDISHO appeared first on Caasimada Online.
  18. 450012267_1023983345909532_7325239531013673780_n 450377357_1192676712151915_8192273232623026094_n Qaran News
  19. 450377357_1192676712151915_8192273232623026094_n Qaran News
  20. Dowladda Itoobiya oo sannado badan la daalaa dhacaysay khilaaf siyaasadeed oo hoose ayaa sidoo kale halis ugu jira in la isku dayo in la afgambiyo dowladda, sida uu sheegay Ra’iisul wasaare Abiy Axmed intii ay socotay khudbadii furitaanka fadhiga Baarlamaanka ee 4 bishan. “Dhawaan, odayaasha iyo dadka kale waxay yeelanayeen dooddo ku saabsan in afgambi la sameeyo,” ayuu Abiy u sheegay xildhibaannada, isagoo intaa ku daray “Aan ku siiyo talo… inqilaab laguma guulaysan karo Itoobiya. Waxa aanu u dhisnay hay’adahayaga si aanu uga hortagno afgambiga… Inqilaabka kaliya ee abid ka dhacay Itoobiya wuxuu ahaa 50 sanno kahor — Hadda ma guulaysan karto.” Abiy ayaa ka gaabsaday inuu si dhab ah u qeexo cidda saxda ah ee “talada” loo jeediyay, si kastaba ha ahaatee, sida ay soo bandhigtay Thereport oo xiganaysa ilo-wareedyo , xukuumadda Abiy ayaa hadda ka feejigan khataraha afgambiga ee la dareemayo. Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Xukuumadda Abiy ay qaadayso tallaabooyin ay ka mid yihiin adeegsiga baraha bulshada si ay uga hortagaan sheekooyinka iyo xoojinta ammaanka meelaha qaar oo ay ku jirto Addis Ababa. Walaaca laga qabo afgambiga ka dhici kara Itoobiya ayaa soo ifbaxay kaddib markii ay bilowdeen wada hadal u dhaxeeya dawladda Mareykanka iyo madaxda xisbiyada mucaaradka Itoobiya iyo sidoo kale xubno saameyn ku leh jaaliyadda Itoobiya ee degan Mareykanka, si la mid ah tallaabooyinkii uu Mareykanka qaaday ka hor inta uusan gelin Ciraaq iyo Liibiya. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaare Abiy Axmed oo cabsi xooggan ka muujiyay in la inqilaabo dowladdiisa appeared first on Puntland Post.
  21. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa la kulmay Madaxa Dhadhaqaaqa Al-Xikma ee dalka Ciraaq, Sheekh Cammaar Al-Xakiim. Ra’iisul Wasaaraha iyo Hoggaamiye Al-cammaar ayaa ka wada hadlay xiriirka taariilkhiga ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Ciraaq. Labada ayaa sidoo kale ka wada hadlay mudnaanta la siinayo iskaashiga heer Carbeed ee arrimaha masiiriga ah. Sheekh Cammaar Al-Xakiim ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga warbixiyey dhaqdhaqaaqa Al-Xikma ee hormuudka u yahay, kaas oo door wanaagsan ka qaata siyaasadda dalka Ciraaq, isaga oo muujiyey sida uu ugu faraxsan yahay in dib loo cusboonaysiiyo xiriirka labada dal. Source: goobjoog.com
  22. Waxaa magaalada Istanbul ee dalka Turkiga lagu qabtay munaasabad si heer sare ah loo agaasimay oo ay soo qabanqaabisay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas, taas oo lagu soo dhaweyay Danjiraha cusub ee Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga mudane Fathudin Ospite. Xafladda ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiin kala duwan oo ay ka mid ahaayeen Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Isaaq Maxamuud Mursal, Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Turkiga Maxamed Cabdullahi Xaashi, qaybaha kala duwan ee bulshada. Safiirka cusub ee Turkiga Fathudin Ospite ayaa sheegay inay ka go’antahay u adeegista shacabka Soomaaliyeed ee Turkiga ku dhaqan iyo ilaalinta midnimadooda. Turkiga ayaa kamid ah dalalka ugu muhiimsan saaxiibada Soomaaliya, wuxuuna ka taageeraa dhinacyo badan oo isugu jira dhaqaalaha, siyaasadda, nabad-galyada, waxbarashada, iyo caafimaadka, Jaaliyadda dalkaas ku dhaqan ayaana kamida kuwa ugu ballaaran Soomaalida caalamka ku nool. Source: goobjoog.com
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamo la tirsan kuwa dowladda federaalka Soomaaliya ayaa saaka howlgal culus kula jarmaaday xaafadda Dab-damiska ee degmada Wadajir, halkaas oo ay ka bilaabeen howlo burburin ah. Ciidamo ka tirsan kuwa booliska ayaa lasoo wariyay in xalay saqdhexe la geeyay gudaha xaafaddaasi oo ay horay amar uga soo saartay dowladda Soomaaliya, si looga guuro maadaama uu yahay dhul dan-guud ah. Gaadiidka Cagaf-cagafka ayaa la geliyay gebi ahaan dhulka Dab-damiska, kuwaas oo jajabinaya guryaha ay muddada dheer daganaayeen shacabka ku dhaqan halkaasi. Sidoo kale dadka deegaanka ayaa bilaabay in ay xaafadda ka qaataan alaabtooda inta ay awoodaan, maadaama aan gaadiid loo ogoleyn halka uu howlgalka ka socdo, waxayna gacmaha iyo doodkooda ku qaadayaan inta ay awoodaan. “Lixdan baan jiraa maato ayaa guriga ii dhex taallo oo aanan qaadan karin sideed saac habeenimo ayaa nasoo weerartay waxaasna wax macquula ma ah” ayay tiri hooyo kamid ah dadka deegaanka Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana sidoo kale xiran dhammaan waddooyinka ku dhow dab-damiska, gaar ahaan Isgoyska Banaadir, illaa Seybiyaano. Ciidamada ayaa celinaya gaadiidka iyo xittaa dadka lugeynaya, waxaana kaliya ay ogol yihiin in laga soo baxo, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka. Xaafadda Dab-damiska ayaa waxaa in muddo ah ka taagnaa xiisad xoogan, balse saaka ayay dowladdu qaaday tallaabo culus oo xoog loogu rarayo shacabka ku dhaqan halkaasi. The post Ciidamada DF oo howlgal culus ku qaaday xaafadda Dab-damiska kuna bilaabay… appeared first on Caasimada Online.
  24. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ku baaqay in si deg deg ah lagu joojiyo dagaal beeleedyada macno darrada ah oo uu ugu danbeeyay dagaalka ka socda degmada Luuq ee gobolka Gedo. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaysa Maamulka Jubaland ay qaadayso tallaabooyin degdeg ah oo lagu xaqiijinayo nabadda iyo degenaanshaha degmada Luuq, si la mid ahna la farayo Ciidamada Qalabka Sida in ay u istaagaan ka hortagga dagaallada iyo colaadaha sokeeye oo fursad u ah in Khawaarijtu ay ku sii dhuumaaleystaan deegaannada ay kaga harsan yihiin dalka. “Wada-xaajood iyo dib-u-heshiisiin ayaa ah furaha nabadda iyo horumarka. Waxaan ku boorrinayaa dhammaan dhinacyada ku lugta leh colaadaha iyo dagaallada sokeeye ee dalka in ay degdeg u joojiyaan, kana fogaadaan dabinka Khawaarijtu ay ku doonayaan in ay ku cimri-dheeraystaan si ay u sii dhibaateeyaan dadkeenna”. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa faray Wasaaradda Arrimaha Gudaha in ay dardar geliso qorshaha dhab-u-heshiisiinta Qaran, si looga gudbo duruufaha horseedaya xasillooni darrada. Source: goobjoog.com
  25. Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Sulub Axmed Firin iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo kusimaha Taliyaha hey’adda NISA Mudane Muhiyadiin Warbac ayaa guddoomiyay shir loogu hadlaayay dar-dargelinta Amniga Caasimadda Muqdisho.. Shirkaan oo ay goobjoog ka ahaayeen Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) iyo saraakiisha u xilsaaran amniga magaalada Muqdisho ayaa warbixin la xariirta dhinaca Amniga waxaa looga dhageystay Hey’addaha kala duwan ee Amniga, kuwaasi oo soo bandhigay isbadalka ku dhacay Amniga Muqdisho. Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Madaale ayaa ku amaanay Saraakiisha laamaha Amniga sida ay habeen iyo maalin ugu taagan yihiin ilaalinta nafta iyo maalka muwaadinka Soomaaliyeed, isagoona kula dar-daarmay in la xoojiyo amniga ay ku nool yihiin shacabka ku dhaqan Gobolka Banaadir. Source: goobjoog.com