-
Content Count
211,301 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Luuq (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa xaaladda kacsan ee degmada Luuq ee gobolka Gedo, waxaana mar kale dib uga qarxay goordhow dagaal culus oo u dhexeeyo maleeshiyaad beeleed ku wada sugan halkaasi. Dagaalka ayaa sii weynaanayo, waxaana uu ku sii fidayaa goobo horleh ayada oo la’isku adeegsanayo hub culus, sida ay soo sheegayaan qaar kamid ah dadka deegaanka Guddoomiyaha maamulka gobolka Gedo Cabdullaahi Cabdi Jaamac Shimbir oo wareysi siiyay Idaacadda Kulmiye ayaa sheegay in Luuq ay ka billowdeen isku dhacyo qabiil isla markaana dad badan oo ay ku jiraan haween lagu dilay shaqaaqooyin ka dhacay halkaasi. “Xaaladda gobolka Gedo xoogaa isku dhac qabiil ayaa ka jiro laba beelood oo dadkii meesha daganaa ah ayaa isku dhacay dadna waa la laayay illaa 4 qof meelahaas, guryo badana waa la gubay” ayuu yiri guddoomiyaha maamulka gobolka Gedo. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dagaalka uu yeeshay weji cusub, ayna ku biireen ciidamadii joogay degmada Luuq, kadib markii ay lasoo safteen dhinacyada dagaalamaya. “Dhibaatada ugu wayn ee meesha ka jirto waxaa weeye ciidamo dowladeed ayaa joogo oo milatari u badan oo meesha fariisin ku lahayn oo fasax ku jooga iyagaa shidada daraf ka ah oo qabiilka la socda haddii lasoo duu duubo intaas ayaa meesha ka jirta” ayuu raaciyay. Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Dambiga dadka kama wada dhexeeyo dadbaa gaystay waana la garanayaa, iyaga ayaana qaadayo mas’uuliyadda”. Guddoomiye Cabdullahi Shimbir ayaa ugu dambeyn baaq nabadeed u diray dhinacyada dagaalamaya, wuxuuna ka codsaday inay ilaaliyaan nabadda iyo darisnimada. Waxaa ugu baaqayaa shacabka xasiloonida iyo deganaashaha inay ilaaliyaan dagaal waxba micno ma sameynaayo, waxaana dhihi lahaa nabadda ilaaliya” ayuu mar kale yiri. Dagaalkan sii xoogeysanaya ayaa ka bilowday laba askari oo kamid ahaa ciidamada jooga halkaas, kuwaas oo murmay ayada oo mid kamid ah goobta lagu dilay, sida ay sheegeen ilo wareedyo xilkas ah. Kadib xaaladda ayaa kasii dartay waxaana la gubay suuqii weynaa ee degmada iyo kaam barakac oo ku yaalla halkaasi, taas oo keentay in dagaalku uu yeesho saameyn xoogan. Si kastaba, xaaladda ayaa weli ah mid kacsan, waxaana gurmadyo helayo dhinacyada dagaalamaya oo haatan dhaq-dhaqaaqyo culus ka wada qaybo kamid ah gobolka Gedo. The post Ciidamada dowladda oo ku biiray dagaalka LUUQ iyo xaalada oo faraha ka baxday appeared first on Caasimada Online.
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa Maanta kulan la qaatay dhiggiisa dalka Ciraaq, Mudane Maxamed Shiyaac Al-Suudaani. Ra’iisul Wasaaraha oo soo dhaweyn heer sare ah loogu sameeyay Qarsiga Xukuumadda ee Baqdaad sida lagu sheegay War-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul wasaare Xamse. Labada Ra’iisul Wasaare ayaa kulankooda waxa ay kaga wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Ciraaq iyo sidii loo adkeyn lahaa iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo guud ahaan danaha ay wadaagaan labada dal. Wefdiga Ra’iisul Wasaaraha waxaa ka mid ah Wasiirrada Arrimaha Dibedda, Mudane Axmed Macallin Fiqi, Maaliyadda, Mudane Biixi Iimaan Cige, Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada, Marwo Khadiija Maxamed Al—Makhzoumi, iyo Taliyaha Hey’adda Sirdoonka Qaranka, Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe). PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaaraha Ciraaq oo si maqaam sare leh u qaabilay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtomadaxweyne uu Cafis Guud ugu fidiyey Maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan, munaasibadda curashada sannadka cusub ee Islaamka 1446-ka awgii. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Xubintiisa 5aad; Markaan Arkay: Xeerka Ciqaabta Guud, Qodobkiisa 149; Markaan Tixgaliyey: War-bixinta Taliyaha Ciidanka Asluubta ee summaddiisu tahay TCA/G-1/233/2024, kuna taariikhaysan 01/07/2024; Markaan Arkay: Qoraalka Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ee ujeeddadiisu tahay Soo-jeedin Cafis Guud, summaddiisuna tahay XIG/JSL/265/2024, kuna taariikhaysan 06/07/2024; Markaan La-tashaday: Hay’adaha Ay Khusayso; Waxaan Go’aansaday; In laga bilaabo taariikhda maanta aan Cafis Guud u fidiyo maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan oo tiradoodu dhan tahay 377 (Saddex Boqol iyo Toddoba iyo Toddobaatan) maxbuus, munaasibadda curashada sannadka cusub ee Islaamka ee 1446 awgeed. Cafiskani saamayn kuma laha xuquuqda madaniga ah, sida ku xusan qodobka 92aad ee Xeerka Ciqaabta Guud. Waxa cafiskan fulinaya Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, iyada oo la raacayo liiska Maxaabiista Wareegtadan ku lifaaqan. Allaa Mahad Leh Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Source
-
The first Somali Diaspora Conference was held in Istanbul 21 and 22 June, 2014. Shamso Sheego ( first on the left in the front row (seated). Ten years ago, I had the privilege of attending the Somali Diaspora Conference in Istanbul, an event that symbolized the beginning of a deep and enduring partnership between Turkey and Somalia. As I arrived in Istanbul, the warmth and hospitality of Turkey enveloped me. From the moment I landed at Sabiha Gökçen Airport, the beauty of Istanbul and the kindness of its people made huge impression on me. The conference was opened by Turkish Ambassador to Somalia, Mr. Cemalettin Kani Torun, with a heartfelt greeting: “Ladies and Gentlemen, brothers and sisters; Welcome to Istanbul. Soo dhowaada!” These words set the tone for an event characterized by solidarity and hope. Turkey’s engagement with Somalia had been growing since President Recep Tayyip Erdoğan’s landmark visit to Somalia in 2011—a visit that marked the behing of a special relationship between the countries. President Erdoğa was not the first leader to visit Somalia since the civil war erupted, but his visit was profoundly different. Accompanied by his family and key members of his cabinet, President Erdoğan’s visit to Somalia boosted the momentum to consolidate the state-building initiatives that culminated in the end of the transitional period (2000-2012). Unlike other foreign dignitaries who remained in highly protected zones, he walked through the city, touching the hearts of many by visiting internally displaced persons (IDPs) camps and empathizing with Somali children. Images of these moments, capturing Erdoğan and his wife comforting children, resonated deeply with the Somali community worldwide. Moved by these acts of compassion, the Somali diaspora, including myself, organized gratitude campaigns and visited Turkish embassies with flowers to express our heartfelt appreciation. Personally, I had the honor of meeting President Erdoğan during that conference, a memory I cherish deeply. Meeting him and witnessing his genuine concern and commitment to Somalia was transformative. Erdoğan’s humility and dedication were evident when he met with a delegation of blind Quran Hafids, reminding us all that true blindness is of the soul, not the eyes. A decade later, Turkey’s commitment to Somalia remains unwavering. Turkey continues to be a critical ally in Somalia’s journey towards stability and prosperity. Recently, this partnership took a significant step forward with the signing of a defense pact aimed at protecting Somali waters. This agreement is crucial for safeguarding Somalia’s maritime sovereignty and ensuring the security of its vital resources. In addition to defense cooperation, Turkey has been instrumental in mediating regional tensions. Amidst Ethiopia’s attempts to sign a Memorandum of Understanding (MoU) with Somaliland Administration (secessionist administration) in northern Somalia, Turkey has been striving to mediate between Somalia and Ethiopia. This diplomatic effort underscores Turkey’s role as a peacemaker, committed to maintaining a rules-based global order and well as the territorial integrity of Federal Republic of Somalia and promoting regional stability. Reflecting on the past ten years, it is evident that Turkey’s support has been a beacon of hope for Somalia. The bonds forged through shared hardships and mutual respect have strengthened over time, creating a partnership that is both strategic and genuine. President Erdoğan’s words a decade ago still resonate with me: “Wa itasimuu bihablillahi jamee’ an walaa tafaraqoo” (And hold firmly to the rope of Allah all together and do not become divided). As I look to the future, I remain deeply grateful for Turkey’s unwavering support. The journey towards peace and stability is ongoing, but with allies like Turkey, there is confidence that Somalia will continue to rise. Tüm yardımlarınız için teşekkür ederiz (Thank you for all your help)! May the bond between Turkey and Somalia continue to flourish, bringing about a brighter, more prosperous future for both nations. Shamsa Sheegow is Somali social and climate activist, is the founder of Badbaado Deegaan (Save The Environment). A tree planting organization with focus on Somalia. She is also the Author of the novel Geeltoosiye. Connect with her on X @SpotOnSomalia. Link to the book: How to buy :: shamsasheegow (webnode.se) The post A Decade of Partnership: The First Somali Diaspora Conference in Istanbul appeared first on Puntland Post.
-
Baqdaad (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xamza Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo oo haatan ku sugan dalka Ciraaq ayaa maanta soo dhaweyn heer sare ah loogu sameeyay Qarsiga Xukuumadda ee Baqdaad, wuxuuna kadib kulan gaar ah la yeeshay dhiggiisa wadkdanaasi Mudane Maxamed Shiyaac Al-Suudaani. Labada ra’iisul wasaare kulankooda waxa ay kaga wada-hadleen afar qodob oo ka ah xoojinta xiriirka walaaltinimo ee soo jireenka ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Ciraaq iyo sidii loo adkeyn lahaa iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo guud ahaan danaha ay wadaagaan labada dal. Sidoo kale ra’iisul wasaare Xamza ayaa dhiggiisa la wadaagay horumarada ay gaartay dowladda Soomaaliyeed ee ku aadan amniga, gaar ahaan la dagaallanka argagixisada oo halis ku haya labada dowladda. Kulamada ayaa sii socon doonaan ayada oo diiradda lagu saari doono sii xoojinta iskaashiga ka dhexeeya xukuumadaha Muqdisho iyo Baqdaad, si ay u yeesheen xiriir ballaaran. Wafdiga ra’iisul wasaaraha waxaa ka mid ah wasiirrada arrimaha dibedda Mudane Axmed Macallin Fiqi, maaliyadda, Mudane Biixi Iimaan Cig Isbeddelka Cimillada Marwo Khadiija Maxamed Al—Makhzoumi iyo taliyaha Hey’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka, Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe). Wasiirada ayaa sidoo kale kulamo duceedyo la yeelan doono wasiirada dhiggooda ah ee Ciraaq, si ay uga wada-hadleen arrimaha quseeya wasaaradahooda iyo wada shaqeyn dhex marta labada dhinac. Ra’iisul wasaaraha ayaa muddooyinkii lasoo dhaafay safaro ku bixinayay qaar kamid ah waddamada saaxibka la ah Soomaaliya, waxaana ugu dambeeyay booqashadii uu dhowaan ku tegay dalka dariska ah ee Kenya. Waxaa sidoo kale oo uu ubaxay safaro kale oo dibadeed, isaga oo ka qayb-galayay shirar caalami ah oo uu ku metalay dowladda federaalka aha ee Soomaaliya. Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan diiradda saartay horumarinta xiriirka caalamiga ah iyo diblomaasiyadda, ayada oo door muuqda ku leh fagaareyaasha caalamka, si ay wax ula qaybsato dalalka lamid ah ee dhiggeeda. The post Ra’iisul wasaare Xamza oo 4 qodob kala hadlay dhiggiisa dalka Ciraaq + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
Wararka naga soo gaarayo degmada Luuq ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in dagaal u dhaxeeya laba beelood uu ka dhacay degmadaas, kaas oo geystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac, xilli la gubay suuqa degmada. Dadka geeriyooday ayaa gaaraya ilaa 5 ruux, waxaana wararku sheegayaan in sedex kamid ah ay yihiin dumar, dagaalka ayaa ka bilowday dil ay isku geysteen laba nin oo ka kala tirsanaa labada maleeshiyo beeleed. Marka laga soo tago geerida dadka waxaa sidoo kale oo jira dhaawaca sedex ruux, sida uu sheegay laanta VOA-da Cabdirashid Ugas Bilow Ugas Xandulle oo ka mid ah odayaasha dhaqanka degmada oo manta shaqaaqo ka dhacday. Ugaaska ayaa sheegay in arrintaan ay salka ku heyso dhul ku yaallo degmada, kaas oo dhowr jeer la isku qabsaday, waxaana intaas uu raaciyay in maamulka degmada dhowr jeer isku dayay inuu kala dhexgalo laakiin ku guuldareystay. Dagaalka ka dhacay magaalada Luuq ayaa kusoo aadaya xilli dhowr jeer dagaallo sidaan uga dhaceen aan lagu guuleysan in xal laga gaaro, dagaallada dhacaya ayaa inta badan salka ku haya dhul la isku hayo in la deegaameeyo. Source: goobjoog.com
-
Wararka ka imaanaya waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in saaka halkaasi lagu xiray suxufi Siciid Nadaara oo wax ka qora arrimaha bulshada. Waaxda danbi-baarista u qaabilsan Booliska Puntland ee C.I.D ayaa saaka su’aalo weydiin ugu yeertay suxufi Siciid Nadaaro kadibna xabsiga u taxaabay sida ay wararku tilmaamayaan. Weriye Siciid Nadaara oo soo gudbiya wararka ku saabsan arrimaha bulshada ayaa la sheegaya in uu hadda ku xiran yahay xarunta waaxda danbi baarista C.I.D ee magaalada Gaalkacyo. Suxufigan ayaa maalmihii u danbeeyay soo gudbinayay warar la xiriira Canshuuro la kordhiyay, adeegyada dowladda oo lacago lagu kordhiyay iyo lacago ka baxsan canshuurta oo gaadiidka looga qaado kontoroolka waqooyi ee Gaalkacyo. PUNTLAND POST The post Puntland oo xabsiga u taxaabtay suxufi Siciid Nadaara oo wax ka qora arrimaha bulshada appeared first on Puntland Post.
-
Mascuud Bezeshkiyaan oo ah qunyar-socod ah aanan magac weyn ku laheyn siyaasadda Iran, ayaa ku guuleystay doorashadi ku celiska aheyd ee Jimcihi shalay ka dhacday dalka Iran. Wasaaradda arrimaha gudaha Iran ayaa aroornimadi hore ee Sabtidi saakay shaacisay, in Pezeshkian doorashada kaga guuleystay Saciid Jalili oo ah murashax taageero buuxda ka heystay hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iran. Madaxweynaha la doortay ayaa helay codad dhan 16.3 milyan, halka Jalili uu keenay 13.5 milyan oo cod. Wasaaradda gudaha Iran waxay sheegtay, in guud ahaan ay codadkooda dhiibteen ilaa 30 milyan oo ruux. Pezeshkian oo ballan qaaday inuu Iran u furi doono dunida inteeda kale isla markaana gaarsiin doono shacabka xorriyadda ay in badan ku taamayeen, ayaa ah dhaqtar 69 jir ah oo ku taqasusay qalliinka wadnaha. Wuxuu sidoo kale horay u ballan qaaday inuu horumarin doono siyaasad dibadeed oo dhab ah, si uu u yareeyo xiisadaha wada-xaajoodyada hadda hakadka ku jira ee quwadaha waaweyn ee khuseeya soo nooleynta heshiiskii nukliyeerka ee 2015. Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujiyay taageerayaasha Pezeshkian oo waddooyinka ku qoob-ciyaaraha halka qaarkoodna ay yeerinayeen hoonka baabuurta dhowr magaalo oo waddanka ka tirsan. Magaalada uu kasoo jeedo ee Urmia ee dhacda waqooyigalbeed ee Iran, dadweynaha ayaa qeybinayay macmacaan si ay u muujiyaan farxadda doorasho u muuqato inuu ku guuleystay wiilka degmadooda. Doorashadan ayaa aheyd mid waqtigeeda laga soo hormariyay, kaddib marki uu shil helikobtar ku geeriyooday madaxweynihi hore ee I Source
-
Dooni xoolo siday oo xalay ka dhaqaaqdey dekada magaalada Berbera ayaa la sheegay inay saaka ku degtay Badweynta. Suldaan Ayaanle Suldaan Maxamuud oo ah suldaanka guud ee Awal Bari ayaa saab Tv u xaqiijiyey In doontan oo magaceedu yahay SK Marwah oo siday xoolo tiradoodu dhan tahay 1780 neef oo isugu jiray adhi iyo lo’ una rarnayd ganacsato reer Somaliland xoolaha dhoofisa, kuna socotay dalka Yemen ay ku degtay meel u dhaw marin biyodka Baabul Mandab ee badweynta. Sidoo kale waxa doontan degtay saarnaa shaqaale dhan 10 qof baxaari ah iyo naakhuudihii doonta waday, kuwaasi oo aan ila hadda raq iyo ruux midna aan laga haynin. Ilaa hadda lama oga sababaha keenay inay doontan siday xooluhu ee ka baxday dekedda Berbera ay ku degto xeebaha dalka Yemen. Suldaanka ayaa Ilaahay uga baryey ganacsatada xooluhu ka khasaareen inuu cawil naq khayr qaba siiyo, isagoo sidoo kale Ilahaay ka baryey in shaqaalaha doonta la socday la soo samata bixiyo iyagoo nool. Source
-
Hal qof ayaa la xaqiijiyay in uu ugu dhintay magaalada Boorama roob dabeylo watay oo shalay ka da’ay magaalada iyo hareeraheeda. Dabeylaha ayaa sidoo kale waxyeello gaadhsiiyay meelo ay ka mid tahay xarunta Jaamacadda Camuud. Source
-
Boqorka UK, Charles III ayaa shalay Jimcihii ah si rasmi ah ugu magacaabay hoggaamiyaha Xisbiga Labor-ka Keir Starmer raysal wasaaraha cusub ee Britain. Sawirro laga sii daayey qasriga Buckingham Palace ayaa muujiyey Starmer oo gacan qaaday Boqorka, kadib markii xisbigiisa ay guul aqlabiyad xooggan leh ka gaadheen doorashooyinkii dhacay Khamiistii. Boqorka ayaa goor sii horreysay aqbaly is-casilaadda hoggaamiyaha Xisbiga Conservative-ka ra’iisul wasaare Rishi Sunak. “Boqorku waxa uu maanta qaabilay mudane xildhibaan Sir Keir Starmer, wuxuuna ka codsaday in uu dowlad cusub soo dhiso,” ayaa lagu yidh bayaan ka soo baxay qasriga. “Sir Keir wuu aqbalay soo jeedinta boqorka, wuxuuna dhunkaday gacmahiisa kadib markii loo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha iyo Sayidka Koowaad ee Maaliyadda.” Keir Starmer ayaa Jimcihii balan qaaday in xukuumadiisa Labour-ka ay laga billaabo maalinta koowaad ka shaqeyn doonaan dib u cusboonaysiinta qaranka, isaga oo xafiiska 10 Downing Streat ka hor jeediyey khudbaddii ugu horaysay ee isaga oo ra’iisal wasaare ah. “Shaqada isbedelka si degdeg ah ayey u billaabmaysa. Laakiin shaki ha ka qabin, waxaan dib u dhisi doonnaa Britain,” ayuu yidhi, ka dib markii Labour-ka uu soo afjaray 14 sano oo xukunkii Conservative-ka. Source
-
Korontadu waa arrin nolol iyo geeri u ah wiilka Tetiana. Wuxuu dhashay isagoo naafo ah, wuxuuna u baahan yahay qalab koronto ku shaqeeya si uu u sii noolaado, wax u cuno, iyo inuu dawo helo. “Aad ayaan ugu tiirsanahay korontada, haddii uusan ahayn dagaalkan dhiigga badan ku daatay, noloshu wey ka duwananaan lahayd sidan, laakiin waan la qabsan karnaa,” Tetiana ayaa u sheegtay BBC. Ukrainiyiintu waxa ay baranayaan in ay ku noolaadaan mugsiga, iyada oo Ruushku uu sii wado in uu garaaco xarumaha tamarta ee dalka oo dhan. Tetiana, oo ku nool magaalada dekedda leh ee Odesa, ayaa sheegtay in korontada aan la’isku halleyn karin ay nolosha ka dhigayso mid aad u adag sababtoo ah waxay u baahan tahay inay hubiso in korontadu ay joogto tahay. Waxa ay haysataa matoor shidaal ku shaqeeya oo u baahan in mar walba lagu shubo, laakiin waa in la damiyo lixdii saacadoodba mar si loo qaboojiyo. Korontadu waxay sidoo kale saamaysaa taleefanka gacanta, sidaa darteed u helidda adeegga ambalaasta ee wiilkeeda waxay noqon kartaa halgan iyo dhibaato kale. “Mararka qaar waxay qaadataa nus saac, mararka qaarkood waa saacad ka hor inta aysan ambalaasku imaan,” ayay tiri. “Wiilkeyga wuu dhiman karaa haddii uusan helin Ogsajiinta.” waxana muuqata in dadka reer Ukraine ay baahi badan u qabaan isticmaalka qaboojiye-yaasha. Caasimadda Ukraine ee Kyiv ayaa muddo dheer laga dareemayay koronto la’aan. Roksolana waxaa doortay dadka deggan gurigeeda oo ka kooban 24 dabaq si ay gacan uga geysato socodsiinta qalabka korontada ee dhismaha. IsbitaalladaXIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES Waxay sheegtay in ku noolaanshaha dhismooyinka qaar aanay ahayn mid sahlan sababtoo ah korontadu waxay sidoo kale ka dhigan tahay in haddii ay maqan tahay aysan biyo jirin. “Wiishashka sidoo kale ma shaqeeyaan, markaa hooyooyinka caruurta leh iyo dadka naafada ah waa inay sugaan. Waxay qorsheynayaan in ay bannaanka u baxaan kaliya xilliga ay koronto jirto, waxa ay raacisay. “Waa inay gudaha ku jiraan lix saacadood, haweenkeena waayeelka ah uma soo bixi karaan dukaamada si ay u helaan rootigooda.” Magaalada Zaporizhzhia, dhakhtarka ilkaha Volodymyr Stefaniv ayaa sheegay in ballamaha dib loo dhigo waqtiga ugu dambeeya, waxaana jiray marar koronto la waayay intii lagu jiray qalliimo adag. “Haddii ay tani dhacdo, waxaanu bilownaa in aan ku howlgalno matoorradeenna si aan u dhamaystirno wixii aan bilownay. Ma jirto waddo kale, uma sheegi karno bukaanka inuu soo noqdo berri,” ayuu yiri. “Run ahaantii dhowr toddobaad ka hor korontadu waxay noqotay mid marar badan la waayay. Dabcan aad bay u adag tahay carqaladeyntan.” Si loo sameeyo hawlgallo deg-deg ah inta lagu jiro mugdiga iyo qalliinka, Mr Stefaniv wuxuu isticmaalaa tooshka madaxa. Tani waa xirfad uu kasbaday oo uu hagaajiyay markii uu daweynayay askarta jiidda hore, shirkaddiisuna waxay wali siisaa adeegyo bilaash ah ama qiimo dhimis ah xubnaha ciidamada Ukraine. “Waxaan daweyn karaa koronto la’aan. Waxaan barannay inaan qalliinno fulinno koronto la’aan,” ayuu yiri. bbcsomali Qaran News
-
Markii laga hadlo dhismaha qoys wanaagsan oo isfaham iyo gacaltooyo ku naalooda waxaa jira waxyaabo badan oo gundhig u ah, kuwaas oo ay kamid tahay in labada qof ay wax walba heshiis ka yihiin, ama ugu yaraan isla meeli dhigaan aragti is qaddarintu udub-dhaxaad u atahay oo ay ku wada joogaan. Runta oo laysku sheego iyo dhabta oo laga wada hadlo marka haasaawaha lagu jiro ayaa sidoo kale la rumaysanyahay inay yareyn karaan ismaandhaafka dambe ee nolosha lamaanenimo caqabadda ku noqan kara, haddii’se aan Kolka hore xaqiiqda laysla oggolaan waxaa dhallan karta xurguf waaritaanka qoyska halis ku noqata, sida ay qabaan xeeldheerayaasha arrimaha qoysku. Raxma Maxamuud oo lagu garan ogyahay “Abwaanad Beello” ayaa Goobjoog uga warantahay waxyaabaha dhismaha qoyska aas-aaska u ah, ayadoo sheegtay in marka horeba halbeeg quman oo Kartika qofka ka turjumaya laysku doorto, balse aan la fiirin lacagta iyo dabaqadda nololeed uu qofku ku jiro. Waxay sheegtay in haasaawihii hore uu ahaa dhab ka hadal ku qotoma yoolka ay labada qof nolosha ka leeyihiin, balse jeerkan uu noqday ku danaysi iyo maalin joog raadin aan mabda’ fog iyo mustaqbal odoros midna ku dhisnayn. Si kasta ha ahaatee xeeldheereyaasha arrimaha qoyska ayaa qaba in burburka qoyska laga sii gaashaaman karo, haddii shukaansiga ama haasaawaha laga dhigo mid iyo isku xog waran dhab ah ku salaysan oo been iyo wax kala qarsi ka maran. Source: goobjoog.com
-
Mogadishu (HOL) – The signing of a controversial MoU between Ethiopia and the self-declared Republic of Somaliland on January 1, 2024, has prompted Somalia to embark on a vigorous diplomatic campaign to oppose the agreement. Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed criticized Somalia this week for avoiding direct talks, stating, "If the Somali government has grievances with us, one flight and a one-hour meeting would suffice. We harbor no ill will towards Somalia. Instead of talking to us directly, the Somali government chose to go around and file complaints against us. I advise against wasting money. Every country we visit costs us money. It is better to build one kilometer of road or a school in Mogadishu that people can benefit from." Source: Hiiraan Online
-
Dowladda Iran ayaa yeelatay madaxweyne cusub kadib doorashadii soo gabagabowday kuna soo baxay Mascuud Bezeshkiyaan, ninkaan ayaa ah quyar socod aan magac weyn ku laheyn Iran, xilli codad gaaraya 16.3 milyan uu helay , halka Jalili uu keenay 13.5 milyan oo cod 30 Milyan ee ruux. Wasaaradda arrimaha gudaha Iran ayaa aroornimadi hore ee Sabtidi saakay shaacisay, in Pezeshkian doorashada kaga guuleystay Saciid Jalili oo ah murashax taageero buuxda ka heystay hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iran Aayatullah, doorashada dhacday ayaa u muuqatay in aad loogu kala horeeyay. Mascuud Pezeshkian oo ah dhaqtar 69 jir ayaa sheegay in Iran uu u furi doono dunida inteeda kale oo ay ka xirxiran tahay, waxaana uu sheegay in madaxweynihii hore ee geeriyooday shaqadiisa uu shaqo adag soo qabtay, waxaana uu intaas raaciyay in la jogo xilligii Iran dunida ay wax la qeybsan laheyd. Wuxuu sidoo kale horay u ballan qaaday inuu horumarin doono siyaasad dibadeed oo dhab ah, si uu u yareeyo xiisadaha wada-xaajoodyada hadda hakadka ku jira ee quwadaha waaweyn ee khuseeya soo nooleynta heshiiskii nukliyeerka ee 2015, dhaqtarkaan ayaa siyaasad ahaan ku dhow Aayatullahi. Doorashadan ka dhacday Iran ayaa aheyd mid waqtigeeda laga soo hormariyay, kaddib marki uu shil helikobtar ku geeriyooday madaxweynihi hore ee Iran Ibrahim Ra’iisi May 19, 2024, waxaana lagu dhawaaqay qabashada doorasho deg deg ah si dalka u yeesho madaxweyne Rasmi sidaas u dhacday. Source: goobjoog.com
-
Sir Keir Starmer's new cabinet will meet for the first time on Saturday - the first full day of Labour being in power. Source: Hiiraan Online
-
Gumaadka joogtada ah ee maamulka Israa’iil uu ku hayo dadka reer Falastiin ee marinka Qasa ayaa socda bishii 10-aad oo xariir ah, ayadoo tirada dhimashada ee ka dhalatay ay gaartay in ka badan 37,925 qof, halka dhaawacyaduna ay 87,141 sare u dhaaftay. Sidoo kale waxaa waxaa jira daaraasiin dad ah oo aan raq iyo ruux midna lagu hayn, kuwaas oo la rumaysanyahay inay ku qur bexeen dhismeyaasha burburay hoostooda, islamarkaana halkaasi ay xabaal rasmi ah u noqatay. dadka nool ee duqeymaha iyo dilalka tooska ah ee Israa’iil ka nabad-galay ayaa ayaguna hadda ku jira xaalad cakiran, waxayna u muuqdaan sida xayn ari ah oo nin kawaanle ah xayndaab ugu jiri, maalin walbana uu tiro kamid ah gowracayo. Waxay ku jiraan duruufo nololeed kuwii ugu adkaa, waxayna wajahayaan barakac maalin leh maadaama ay duqeymuhu hadda jiho cusub uga imaanayso, islamarkaana aanay jirin goob nabad-galyo ah ama gabaad ah oo ay diyaaradaha rushaynaya iyo rasaasta tooska ah kaga badbaadi karaan. Sidoo kale cunto yari baahsan ayay wajahayaan, ayadoo safaf dhaadheer u gala goobo kookooban oo rootiga iyo cuntooyin kaloo fudud laga helo, waxaanay xaaladdu gaartay heer lagu tilmaami karo cadaabta dunida. Midda layaabka leh inay madaxdii dunida islaamka iyo warbaahintiiba ay ka sii caajisayaan soo hadal qaadidda dadkan tarab tarabta loo laynayo, qaarkood ay gaajada iyo daawo la’aanta u dhimanayaan ee xasuuqa martida ah. Dadka damiirka iyo garaadka quman leh ayaa is weydiinaya ma xaquuq ayaanay lahayn oo xaydaabka bini’aadantinimo kuma jiraan, dhiiggooduna xurmo ma leh, mise xaquuqooda ayaa dabiica iska noqday oo in la sheego xiiso looma qabo. Source: goobjoog.com
-
Maanta oo Sabti ah ayaa lagu wadaa in uu furmo Kalfadhiga 5-aad ee labada gole Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kadib fasax ay xildhibaannadu ku maqnaayeen, Baarlamaanka ayaa waxaa horyaallo shaqooyin badan. Waxaa la filayaa in furitaanka Kalfadhigan ay ka qeybgalaan mas’uuliyiin dhowr ah, iyadoo munaasabadda furitaanka uu khudbad ka jeedin doono Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud. Amaanka guud ee magaalada Muqdisho ayaa aad loo adkeeyey, xildhibaannada Baarlamaanka ayaa waxaa horyaalla shaqooyin aad u badan, soo laabashadooda kadib oo ay ku jiraan sharciyo iyo arrimaha Dastuurka oo doodiisu socotay. Khudbadda Dastuuriga ah ee Madaxweynaha ayaa lagu wadaa inuu kaga hadlo xaaladaha guud ee dalka, iyo arrimaha gobolka ka taagan, waxaana siweyn uu kaga hadli doonaa dastuurka iyo dagaalka Al-shabaab iyo qorsheyaasha dowladda. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Source: goobjoog.com
-
Kenyan President William Ruto on Friday ordered significant cuts in the federal budget along with other government reforms to pay off a crushing debt burden in a move seen as a concession to popular disapproval of a tax bill that sparked violent protests. Source: Hiiraan Online