-
Content Count
211,291 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS ee ka howlgala Soomaaliya ayaa sheegay in laba askari ay uga dhinteen, askar kalena ay uga dhaawacmeen qarax miino oo ka dhacay gobolka Shabeellada Hoose. Qaraxa oo loo adeegsaday miinada nooca rimuudka laga hago ayaa lala beegsaday kolonyo iskugu jirtay ciidamada Uganda iyo kuwa xoogga dalka Soomaaliya oo marayey jidka isku xira Muqdisho ilaa degmada Baraawe. Qaraxaas ayaa dhacay shalay, wuxuuna haleelay ciidanka ATMIS oo waxaba ma gaarin ciidanka xoogga dalka oo qeyb ka ahaa kolonyada ka timid Baraawe ee u socotay Muqdisho. War-saxaafadeed kasoo baxay taliska ATMIS ayaa lagu xaqiijiyey weerarkaas, waxaana lagu sheegay warkaan in dhaawacyadii la dhigay xarumo caafimaad oo ku yaalla Muqdisho. Qoraalka ATMIS laguma sheegin faahfaahinta askarta dhimatay iyo dalka ay ka soo jeedeen. Wakaaladda Wararka ee Reuters oo soo xiganaysa milatariga Uganda ayaa sheegtay in sarkaal ka tirsan milatariga Uganda uu ku jiro askarta dhimatay, halka 6 askari oo kale ay ku dhaawacmeen qaraxaas. Gaashaanle Patrick Opio Awany ayaa ku dhintay qaraxaas oo ka dhacay tuulada Ceel-Wareegow oo 70 KM Koonfur galbeed ka xigta caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, sida uu sheegay Ibrahim Kasule Sekitto, oo ah afhayeenka u hadlay UPDF. Afhayeanka u hadlay mikatariga Uganda ayaa weerarka ku eedeeyey inay gaysteen Khawaarijta Al-Shabaab, ciidanka la weerar ayaa laga soo bedelay Sh/Hoose, waxayna u socdeen Muqdisho. The post Askar iyo sarkaal muhiim ah oo ATMIS looga dilay weerar ay fulisay kooxda Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
-
Jabuuti (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Maamulka KMG ah ee SSC Khaatumo Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) oo booqasho rasmi ah ku jooga Dalka Jabuuti ayaa maanta kulan la qaatay madaxda u saraysa Ururka Goboleedka IGAD. Madaxda IGAD ee Firdhiye uu maanta kula kulmay Jabuuti waxaa hoggaaminayey Xoghaye ku xigeenka sare ee IGAD Maxamed Cabdi Waare oo ah madaxweynihii hore ee HirShabeelle. Hoggaamiye Cabdulqaadir Firdhiye ayaa warbixin guud madaxda IGAD ka siiyey horumarka, nabadda, xasilloonida iyo dawlad-dhiska ka socda deegaanada Maamulka SSC-Khaatumo. Madaxda IGAD ayaa dhankooda Hoggaamiyaha kala hadlay sidii Geeska Afrika looga heli lahaa nabad waarta oo ku dhisan is qadarin iyo deris-wanaag. Sidoo kale xubnaha IGAD oo hadda daneynaya inay qaataan door dhex-dhexaadin ah, si nabad loogu soo dabaalo gobolka Geeska Afrika ayaa hoggaamiye Firdhiye ka wareystay ‘doorka uu ururka IGAD ka qaadan karo xal u helidda arrimaha geeska.’ Cabdulqaadir Firdhiye ayaa hoosta ka xarriiqay, una cadeeyey madaxda IGAD in shacabka iyo maamulka SSC-Khaatumo ay diyaar u yihiin ka shaqaynta nabadda iyo deris wanaagga. Sidoo kale hoggaamiye Firdhiye ayaa sheegay inay ka shaqey doonaan horumarinta adeegyada bulshada, ka qayb qaadashada dowlad-dhiska Soomaliya iyo sidoo kale nabad kula noolanshaha derisyada. Kulanka ayaa waxaa ku weheliyey Hoggaamiyaha xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo La-taliyayaasha sare ee Hoggaamiyaha SSC Khaatumo. The post Sawirro: Firdhiye oo qodobo xasaasi ah kala hadlay IGAD kadib kulan ka dhacay Jabuuti appeared first on Caasimada Online.
-
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan ururka 8-aad ee Guutada 18-aad ee Gor-gor, ururka 291aad Guutada 29aad ee daljir iyo Ciidamada deeganka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyey deegaano hoostaga degmada Buuloburde ee Gobolka Hiiran. Ciidankaan ayaa howlgalka ka fuliyay goob la sheegay iney isku aruursanayeen xubno ka tirsan Kooxda Al-Shabaab, sida lagu sheegay war ka soo baxay ciidanka, ciidanka ayaa ku baxay markii ay arkeen oo ay heleen xogta ay heleen. Howlgalka oo ay wadajir u hoggaaminayeen Abaanduuliyaha ururka 8-aad ee guutada 18-aad ee Gor-gor Naqiib Abdullaahi Xersi iyo Taliyaha Ururka 291aad Guutada 29aad ee Daljir G/le Cali Cadde, waxaa cagta lagu mariyay goobo ay ku sugnaayeen Alshabaab oo ku yaalay deegaanka Beero-yabaal oo hoostaga degmada Buulaburde ee gobolka Hiiraan. Source: goobjoog.com
-
The Human Rights Centre condemns the arbitrary detention of Mohammed Abdirahman Eidle. Mr. Eidle was arrested on 03/05/2024 in Burco without a warrant and then transferred to Hargeisa Central Prison. Mr. Eidle has been held in different detention facilities since his transfer to Hargeisa. He is being held for a Facebook post criticizing the Somaliland government. Since his transfer, he has been seen by the prosecutor’s office but has not appeared before court, violating his constitutional rights. Article 27(2) stipulates that a person shall have the right to be brought before a court within 48 (Forty-eight) hours of his arrest, clearly violating his constitutional right to a free and fair due judicial process. Additionally, he suffered bodily injury and developed teeth issues due to being captured by the Somaliland Intelligence Agency in Burco and has not received medical attention, further exacerbating his injuries. The Human Rights Center urges Somaliland authorities to respect the rights of its citizens, uphold the laws of the country enshrined in the constitution, and honor them by granting citizens their due process and to receive medical care and attention as soon as possible. We reiterate the right to exercise freedom of expression in all forms and request for his immediate release without conditions. Yasmin Omar H. Mohamoud Chairperson of the Human Rights Center Hargeisa, Somaliland hrcsomaliland@gmail.com Twitter: @hrcsomaliland Qaran News
-
Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jeneraal Dayax Cabdi Cabdulle ayaa gaaray degmada Al-Kowthar iyo deegaanka Daarunicma ee gobalka Shabeellaha Dhexe, waxaana halkaas ku soo dhaweeyey Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka iyo hoggaamiyaasha Ciidanka deegaanka ee macawiisleyda. Taliyaha ayaa khudbad dhiirigelin ah u jeediyay Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ee ku sugan aaga hore ee degmada Al-kowthar iyo deegaanka Daaru-nicma ee gobolka Sh/Dhexe. Sidoo kale Taliye Dayax Cabdi Cabdulle ayaa balanqaad uu ka siday madaxda sare ee Dalka la wadaagay dhiiranayaasha dhaxanta u taagan difaaca qaranka, waxaana uu u sheegay in cid kasta oo soo disha dhagarqabe Alshabaab ah la gudoonsii doono lacag dhan 5kun oo Doolar, halka loo qiimey doono agabka ay kasoo furtaan. Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Jeneraal Dayax Cabdi Cabdulle ayaa saraakiisha Ciidanka Xoogga iyo kuwa deegaanka kula dardaarmay in lasii laba jibaaro howlgalada ka dhanka ah Kooxda Alshabaab. Source: goobjoog.com
-
Al-Kowthar (Caasimada Online) – Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa qof kasta oo soo dila xubin Al-Shabaab ah u balan qaaday in la gudoonsii doono lacag dhan 5 kun oo doolarka Mareykanka ah. Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jeneraal Dayax Cabdi Cabdulle oo maanta gaaray degmada Al-Kowthar iyo deegaanka Daarunicma ee gobalka Shabeellaha Dhexe, ayaa hadalkaan ku dhawaaqay. Saraakiil uu Taliye Dayax hoggaaminayo ayaa gaaray deegaanadaas, kuwaas oo kormeer iyo gudbinta awaamiir culus u tegay Sh/Dhexe, waxaana halkaas ku soo dhaweeyey Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka iyo hoggaamiyaasha Ciidanka deegaanka ee macawiisleyda. Taliyaha ayaa khudbad dhiirigelin ah u jeediyay Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ee ku sugan aaga hore ee degmada Al-kowthar iyo deegaanka Daaru-nicma ee gobolka Sh/Dhexe. Sidoo kale Taliye Dayax Cabdi Cabdulle ayaa balanqaad uu ka siday madaxda sare ee Dalka la wadaagay dhiiranayaasha dhaxanta u taagan difaaca qaranka. Taliye Dayax ayaa ciidanka u sheegay in qof kasta oo soo disha dhagarqabe Khawaarij ah la gudoonsii doono lacag dhan 5 kun oo Doolar. Sidoo kale wuxuu balan-qaaday in qofkii hub, gaadiid ama saanad kale kasoo furta Al-Shabaab ay dowladdu u qiimey doonto oo lacag loogu bedeli doono. Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Jeneraal Dayax Cabdi Cabdulle ayaa saraakiisha Ciidanka Xoogga iyo kuwa deegaanka kula dardaarmay in lasii laba jibaaro howlgalada ka dhanka ah Khawaarijta. The post Taliska Xoogga oo lacag dul-saaray madaxa xubin kasta oo Shabaab ah + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
Hoggaamiye Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali oo booqasho rasmiya ku jooga Dalka Jibuuti ayaa maanta kulan la qaatay Madaxda u sarraysa Ururka IGAD oo uu hoggaaminayey Xoghaye kuxigeenka Sare ee IGAD Mud. Maxamed Cabdi Waare. Hoggaamiyaha ayaa warbixin guud madaxda IGAD ka siiyey horumarka, Nabadda, Xasilloonida iyo Dawlad-dhiska Maamulka SSC-Khaatumo. Madaxda IGAD ayaa dhankooda Hoggaamiyaha kala hadlay sidii geeska Afrika looga heli lahaa nabad waarta oo ku dhisan is qaddarin iyo deris-wanaag, iyo doorka uu ururku ka qaadan karo xal u helidda arrimaha geeska. Hoggaamiyaha ayaa hoosta ka xarriiqay in Shacabka iyo Maamulka SSC-Khaatumo diyaar u yihiin ka shaqaynta iyo horumarinta adeegyada bulshada, ka qayb qaadashada dawlad-hiska Soomaliya iyo sidoo kale nabad kula noolanshaha derisyada. Kulanka ayaa waxaa ku weheliyey Hoggaamiyaha xubno ka tirsan Golaha Wasiirada iyo La taliyayaasha sare ee Hoggaamiyaha. PUNTLAND POST The post Hoggaamiyaha SSC-khaatumo oo shir la yeeshay Madax ka tirsan Urur Goboleedka IGAD appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Khilaaf cusub ayaa ka dhex qarxay wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha iyo xiriirrada ciyaaraha ee Soomaaliya kadib tallaabo ay qaaday wasaaradda. Khilaafkan ayaa salka ku haya go’aan cusub oo kasoo baxay wasaaradda, kaasi oo dhigaya in xiriirrada kala duwan ee ciyaaruhu la socod siiyaan wasaaradda diyaargarowga xulalka muddo sagaashan maalmood kahor ka qayb-galka tartamada kala duwan ee caalamka. Xiriirrada ayaa u arka inay u madax-banaan yihiin shaqadooda, halka wasaaradda ay midaasi diidan tahay, ayna rabto in korjoogteyn iyo hubin ku sameysay tallaabooyinka uu qaadayo xiriirka. Go’aannada uu ka horyimid xiriirka ayey wasaaradda ku sheegtay mid looga gol leeyahay sidii loo ilaalin lahaa tayada ciyaartoyda iyo macalimiinta ee matalaya xulalka kala duwan ee ciyaaraha. “Waxaa masuuliyad naga saaran tahay cidda calanka iyo magaca Soomaaliya matalaysa inaan ka warhayno oo aan ogaano, ma tahay ciddii ku haboonayd, cid u qalanta ma tahay, waxyaalahaas oo dhan ayaan ka eegeynaa,” ayuu yiri wasiirka ciyaaraha Maxamed Barre oo la hadlay BBC. Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in xiriirrada kala duwan ee ciyaaraha looga baahan yahay inay hannaan daah-furan u maraan qaadashada macalimiinta, ciyaartoyda iyo maamulka xullalka qaranka, iyadoo wasaaradda ku yeelanayso kaalin kor joogteyn. Xiriirradda ayaa horey dhowr jeer u sheegay in aanay waxba u diidaneyn wasaaradda, balse ay iyagu u madax-bannaan yihiin xulista ciyaartoyda iyo xulalka u baxaya ciyaaraha caalamiga ah iyo kuwa gobolleedba, midaasi oo ay ganafka ku dhufatay wasaaradda. Si kastaba, guul-darooyinkii u dambeeyay ee xulka qaranka iyo fadeexaddii sanadkii hore ka dhalatay gabadh loo xulay ciyaaraha oraddada ayaa buuq badan ka dhex abuurtay bulshada ciyaaraha xiiseysa ee gudaha dalka iyo dibadda. The post Xogta khilaaf horleh oo ka dhex qarxay wasaaradda ciyaaraha iyo xiriirrada appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in laga yaabo in uu Turkiga ku casuumo dhiggiisa Suuriya Bashaar Al-Asad “waqti kasta”, taasi oo muujin karta in uu soo hagaagayo xiriirka labada dal ka dib in ka badan toban sano oo kala fogaansho ah. Arintan ayaa timid wax ku dhow todobaad kadib hadalkii Erdogan ee uu ku sheegay in aysan jirin wax ka hor istaagaya inuu xiriir dhex maro Ankara iyo Dimishiq, kadib xiisado xoogan oo tan iyo markii ay dalkaasi ka bilowdeen banaanbaxyo ka dhacay dalka Suuriya 13 sano ka hor,kuwaasi oo gaaray heerkii ugu sareeyay markii Turkiga uu dalbaday in meesha laga saaro Assad “si looga hortago dhiig daata.” Wakaalada Wararka Anadolu ayaa soo xiganeysa Erdogan Axadii, war saxaafadeedkiisa intii uu ku guda jiray socdaalkiisa Berlin, halkaasoo uu goob joog ka ahaa ciyaar dhexmartay xulka qaranka dalkiisa iyo dhiggooda Holland, taasoo qeyb ka ah tartanka kubadda cagta Yurub ee Euro 2024. “Waxaan casumaaddayada u fidin doonnaa Asad, martiqaadkan, waxaan rabnaa inaan dib u soo celinno xiriirka Turkiga iyo Suuriya sidii ay ahaan jireen markii hore,” ayuu Erdogan u sheegay Wariyaasha. bbcsomali Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay madaxweynaha dalka Ciraaq, Mudane Cabdi-Ladiif Jamaal Rashiid. Ra’iisul Wasaaraha oo soo dhaweyn heer sare ah loogu sameeyay Qarsiga Baqdaad ayaa gaarsiiyey Madaxweyne Ladiif dhambaal iyo farriin uu uga siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh. Sidoo kale waxa uu ra’iisul wasaaraha la wadaagay madaxweynaha Ciraaq horumarka ay ku tallaabsadeen shacabka iyo dowladda Soomaaliya. Madaxweynaha Ciraaq ayaa soo dhaweeyay booqashada ra’iisul wasaaraha oo uu ku tilmaamay tallaabo wanaagsan oo lagu xoojinayo xiriirka labada dal, laguna ballaarinayo iskaashiga gaar ahaan dhanka amniga, diblumaasiyadda iyo deeqaha waxbarashada ee ardayda Soomaaliyeed ee Jaamacadaha Ciraaq. Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa dhankiisa xaqiijiyay in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta xiriirka labada dal ee dhinacyada kala duwan, si loo adkeeyo amniga, nabadda, iyo xasilloonida gobolka. Xamza oo maalmihii dambe ku sugnaa Ciraaq ayaa mudnaanta siinayey wada-tashiyada ku saabsan isdhaafsiga khibradda, dagaalka ka dhanka argagixisada iyo in Soomaaliya ay wax ka barato qaabkii dowladda Ciraaq uga adkaatay, ugana xoreysatay dalka kooxihii argagixisada ahaa. Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa safarkaan ku wehlinaya Taliyaha NISA, waxayna Soomaaliya ka baraneysaa Ciraaq duruus ku saabsan sida loo xaliyo marxaladaha ay ka siman yihiin labada dal, balse Ciraaq ay ka soo kabatay. The post Sawirro: Xamza oo wada-hadal xasaasi ah qasriga Baqdaad kula yeeshay Cabdi-Ladiif Rashiid appeared first on Caasimada Online.
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan muhiim ah la qaatay Madaxweynaha dalka Ciraaq, Mudane Cabdi-Ladiif Jamaal Rashiid. Ra’iisul Wasaaraha oo soo dhaweyn heer sare ah loogu sameeyay Qarsiga Baqdaad, ayaa gaarsiiyey Madaxweyne Ladiif dhambaal iyo farriin uu uga siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh, isaga oo la wadaagay horumarka ay ku tallaabsadeen shacabka iyo dowladda Soomaaliya. Madaxweynaha Ciraaq Mudane Cabdiladiif Rashiid ayaa soo dhaweeyay booqashada Ra’iisul Wasaaraha oo uu ku tilmaamay tallaabo wanaagsan oo lagu xoojinayo xiriirka labada dal, laguna ballaarinayo iskaashiga gaar ahaan, dagaalka ka dhanka amniga, diblumaasiyadda iyo deeqaha waxbarashada ee ardayda Soomaaliyeed ee Jaamacadaha Ciraaq. Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa xaqiijiyay in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta xiriirka labada dal ee dhinacyada kala duwan, si loo adkeeyo amniga, nabadda, iyo xasilloonida gobolka. Source: goobjoog.com
-
Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maamulka sare ee Xafiiska Xisaabiyaha Guud, Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Wasaaradda Maaliyadda iyo Golaha Shacabka ee JFS la wadaagay dulmar kooban oo ku saabsan natiijooyinka muhiimka ah ee ka soo baxay baarista Xafiiska Hantidhowrka Guud ee sannad-maaliyadeedka dhammaaday 31-da Diseembar 2023 ee dhawaan lala wadaagay hay’addahaas. Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS wuxuu mar walba u taaganyahay xaqiijinta isla-xisaabtanka iyo daah-furnaanta hannaanka maaraynta maaliyadda dalka iyo xal u helidda caqabadaha dhanka u hoggaansanaanta sharciga ee haysta hay’addaha dowladda, si sare loogu qaado hufnaanta waxqabadka hay’addaha iyo dowlad wanaagga. Hantidhowraha Guud Ahmed Isse Gutale ayaa Xafiisyadan iyo hay’addaha dowladda uga mahadceliyey kaalintii wanaagsanayad ee ay ka geysteen fulinta Baarista. Source: goobjoog.com
-
A Ugandan military officer serving in Somalia was killed and six other soldiers were wounded when their convoy triggered a roadside bomb, Uganda's military said on Monday, blaming fighters from the Islamist group al Shabaab. Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu (HOL) - Somali President Hassan Sheikh Mohamud arrived in Asmara, Eritrea, on Monday for a working visit. Source: Hiiraan Online
-
Asmara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta safar shaqo ku tagay magaalada Asmara ee caasimada dalka Eritrea. Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa markii ay ka degeen garoonka diyaaradaha ee Asmara waxaa si diiran ugu soo dhaweeyay madaxweynaha dalkaasi Isaias Afwerki, ayada oo kadib loo galbiyey xarunta madaxtooyada. Labada Madaxweyne ayaa yeelan doona kulan ay kaga wada-hadli doonaan xoojinta xiriirka labada dal iyo sidoo kale arrimo badan oo muhiim u ah iskaashiga labada dal. Safarkan weli wax war ah kama soo saarin Villa Somalia, mana ahan mid horey loo sii shaaciyay, wuxuuna kusoo aadaya xilli ay meel xasaasi ah mareyso xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya. Horraantii sanadkan unbey aheyd markii madaxweynaha uu safar ku tegay Asmara, maalmo un kadib markii Itoobiya iyo Somaliland ay heshiis is-afgarad ku gaareen Addis Ababa, kaasi oo madaxweyne Muuse Biixi uu Itoobiyaanka ugu saxiixay qeybo kamid ah biyaha Soomaaliya. Is-afgaradka ay la gashay Itoobiya ayey Somaliland ku sheegtay inay marin-badeed 20KM ah kaga kiraynayso Itoobiya muddo 50 sano ah, halka Itoobiya ay Somailand “u fidinayso aqoonsi.” Hase yeeshee weli heshiiskan mana noqon mid dhaqan-gala. Xiriirka Eritrea iyo Itoobiya ayaa xumaa tan iyo markii uu dhammaaday dagaalka gobolka Tigray ee dalka Itoobiya, oo ay heshiiyeen xukuumadda Abiy iyo Jabhadda TPLF, waxayna Soomaaliya xilligaan u aragtaa saaxiib muhiim ah. The post Xasan Sheekh oo ka degay Asmara + Qorshaha safarkiisa (Sawirro) appeared first on Caasimada Online.
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan muhiim ah la qaatay Madaxweynaha dalka Ciraaq, Mudane Cabdi-Ladiif Jamaal Rashiid. Ra’iisul Wasaaraha oo soo dhaweyn heer sare ah loogu sameeyay Qarsiga Baqdaad, ayaa gaarsiiyey Madaxweyne Ladiif dhambaal iyo farriin uu uga siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh, isaga oo la wadaagay horumarka ay ku tallaabsadeen shacabka iyo dowladda Soomaaliya. Madaxweynaha Ciraaq Mudane Cabdiladiif Rashiid ayaa soo dhaweeyay booqashada Ra’iisul Wasaaraha oo uu ku tilmaamay tallaabo wanaagsan oo lagu xoojinayo xiriirka labada dal, laguna ballaarinayo iskaashiga gaar ahaan, dagaalka ka dhanka amniga, diblumaasiyadda iyo deeqaha waxbarashada ee ardayda Soomaaliyeed ee Jaamacadaha Ciraaq. Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa xaqiijiyay in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta xiriirka labada dal ee dhinacyada kala duwan, si loo adkeeyo amniga, nabadda, iyo xasilloonida gobolka. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Madaxweynaha dalka Ciraaq appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska Hanti-dhowrka Guud ee JFS ayaa maanta gudbiyay natiijada baarista uu ku sameeyay sannad-maaliyadeedka dhammaaday ee 31-da Diseembar 2023. Hanti-dhowrka ayaa dulmar kooban oo ku saabsan natiijooyinka muhiimka ah ee kasoo baxay baarista xafiiska ku sameeyay sannad-maaliyadeedkaas la wadaagay maamulka sare ee xafiiska xisaabiyaha guud, xafiiska ra’iisul wasaaraha, wasaaradda maaliyadda iyo golaha shacabka. Xafiiska Hanti-dhowrka ayaa sheegay inuu mar walba u taagan yahay xaqiijinta isla-xisaabtanka iyo daah-furnaanta hannaanka maaraynta maaliyadda dalka iyo xal u helidda caqabadaha dhanka u hoggaansanaanta sharciga ee haysta hay’addaha dowladda, si sare loogu qaado hufnaanta waxqabadka hay’addaha iyo dowlad wanaagga. Hanti-dhowraha Guud Axmed Ciise Guutaale ayaa xafiisyadan iyo hay’addaha dowladda uga mahad-celiyey kaalintii wanaagsanayad ee ay ka geysteen fulinta baarista. Maalmo kahor ayey aheyd markii uu hantidhowraha guud ee qaranka Mudane Guutaale uu shaaciyay in khasnada dowladda ay ka maqan tahay lacag ka badan $21 Milyan. Maqnaashaha lacagtan ayaa dibada usoo baxday kadib baaris fatash ah lagu sameeyay xafiisyada ruqsadda shaqada shaqaalaha shisheeyaha ee wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada iyo adeegga kordhinta dal ku jooga shisheeyaha ee hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda. Lacagta malaayiinta ah ee la musuq-maasuqay ayaa qeyb ka aheyd lacag $33 Milyan ah oo xafiisyadaas ay qabteen sanadihii 2018 illaa 2023-kii. Lunsashada lacagtan ayaa saameyn ku yeelatay dowladda dhexe, oo hanti-dhowrka uu sheegay in xitaa ay deyn u gashay sidii mushaaraadkooda loo siin lahaa shaqaalaha dowladda, ciidamada iyo xildhibaannada. Musuq-maasuqa ayaa ah mid si weyn u curyaamiyay kor u kaca dakhliga dowladda, xilli ay dowladda federaalka Soomaaliya ay sheegto inay la dagaamaleyso, islamarkaana masuuliyiin qaar u maxkamadeysay kiisas musuq. The post Hanti-dhowrka oo xisaabiyaha qaranka iyo xafiiska RW u gudbiyay natiijada baarista… appeared first on Caasimada Online.
-
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane, Abdirisak Ahmed Said oo ay wehliyaan ku-xigeenka 1-aad Mudane Maxamed Baarri Shire iyo ku-xigeenka 2-aad Mudane Maxamed Maxamuud Ciise ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 9-aad ee Kal-fadhiga 54-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Fadhiga maanta Ajandaha ayaa ahaa dhegeysiga warbixinta Xisaab Xirka Sannada Maaliyadeedka 2023-ka oo ay akhrinta labaad ay ku soo sameeyeen Guddiga Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka Golaha Wakiillada DPL, si waafaqan Dastuurka Dawladad Puntlad Qodobkiisa 64-aad iyo Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada DPL. Intaas Kadib waxaa cod gacan-taag ah ugu codeeyay Oggol 42 Xildhibaan, Diidmo 6, halka ay ka aamuseen 2 Mudane Ansixinta Xisaab Xirka Sannad Maaliyeedka 2023-ka. Dhinaca kale, xildhibaan Liibaan Beddel Shiikh Maxamuud ayaa Golaha u soo gudbiyey iscasilaad xubinnimada Golaha Wakiillada. Xildhibaannada Golaha Wakiillada ayaa ka oggolaaday iscasilaadda xildhibaanka, si waafaqsan Dastuurka Dawladda Puntland Qodobka 62-aad iyo Qodobka 18-aad ee Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada. Ugu dambayn waxaa xildhibaannada Golaha Wakiillada loo qeybiyey wax-ka-beddelka Xeerka Nootaayooyinka Puntland iyo Hindise-xeereedka Summadda Ganacsiga oo ay xukuumaddu soo gudbisey, si Goluhu ugu sameeyo akhrinta 1-aad si waafaqsan Qodobka 58-aad ee Xeer hoosaadka Golaha Wakiillada. PUNTLAND POST The post Baarlamaanka Puntland oo ansixiyay Xisaab Xirka Sannad Maaliyeedka 2023-ka appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo safar shaqo ku tagay magaalada Asmara ee caasimada dalka Eritrea. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta booqasho shaqo ku tagay magaalada Asmara ee dalka Eritrea. Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo wafdigiisa ayaa markii ay ka degeen garoonka diyaaradaha ee Asmara waxaa si diiran ugu soo dhaweeyay Madaxweynaha dalkaas Isaias Afwerki. Labada Madaxweyne ayaa yeela doona kulan ay kaga wada hadli doonaan xoojinta xiriirka labada dal iyo sidoo kale arrimo badan oo muhiim u ah iskaashiga labada dal. Dalka Eritrea ayaa ku dhawaad 10 kun oo Askari u tababaray Soomaaliya labadii sano ee lasoo dhaafay. Madaxweynaha ayaa wararka waxa ay sheegayaan in uu kala hadli doono dowladda sidii ay qeyb uga noqon laheyd howlgallada dalka ka socda. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Rejada ah inay doorashada Soomaaliya xilligeeda ku dhici doonto waa buurna. Xasan Sheekh iyo Farmaajo midkoodna waqtigeeda kuma qaban doorashada dalka labadii muddo xileed ee lasoo dhaafay. Farmaajo ayaa hal sano iyo saddex billood dhaafay waqtigii laga rabay inuu ku qabto doorashada dalka. Halka Xasan Sheekh uu muddo xileedkii hore lix billood dhaafay xilligii doorashada. Dadka Soomaalidu waxay iskala qabsadeen inay madaxda dhaafto maalinta doorashada, waxaana baxay ereyo qiil ah oo la yiraahdo “waqti farsamo”. Sida caadiga ah nuuca doorashada iyo jadwalka waxaa la dhisaa sanadka labaad ee muddo xileedka qofka xukunka haysta. Farmaajo 2018-kii ayuu Baydhaba kusoo dhisay qorshaha doorashada, laakiin waa fulin waayay, iyada oo weliba ay maamullada u dhamaayeen go’aanka maalintii la gaaray. Xasan Sheekhna Muqdisho ayuu bishii May ee sanadkii lasoo dhaafay ku dhisay hanaanka doorashada, xilli ay Puntland ka maqneyd, mucaaradkana ay diideen. Fulinta koowaad ee heshiiskii doorashada ee Golaha Wadatashiga Qaran ay gaareen bishii May ee sanadkii lasoo dhaafay ayaa ku beegna 30-ka bishii dhamaatay ee June. Madaxweyne Xasan, xukuumaddiisa iyo afar kamid ah maamul goboleedyada oo lagu daray gobolka Banaadir ayaa ku heshiiyay shaqada koowaad ee doorashada in laga dhigo qabashada doorashada dowladaha hoose. Laakiin wixii ay madaxda Soomaalida ku heshiiyeen ayaa fashilmay oo shaqeyn waayey. Qabasho iska daaye xitaa majiro maamul goboleed isku dayey inuu qabto oo kamid kuwii saxiixay. Gobolka Banaadir oo ah halka ay degan tahay dowladda dhexe ayaa xitaa far loo qaadin fulinta heshiiskii uu madaxweynaha saxiixay ee uu sheegay inuu dalka doorashada ku gelinayo. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa weli ku adkeysanaya inuu qabanayo doorasho qof iyo cod ah oo dalka oo dhan ah, isaga oo caasimaddii uu joogay ee Muqdisho ka qaban waayey doorashada dowladda hoose. Madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada midna kama raali-gelin shacabka Soomaaliyeed inay sameyn waayeen wixii ay ka ballan-qaadeen. Cudur-daar la’aantu waa caadada madaxda Soomaalida, waxaana loo sababeeya in uusan shacabka qiimo badan ugu fadhin. Sidoo kale dadweynaha weli looma sheegin waqti labaad ee la qaban doono doorashadii loo ballan-qaaday ee dowladaha hoose inta aanba la gaarin midda weyn. Fashilka halkan ka dhashay wuxuu xoojinayaq eedeyntii mucaaradka ee aheyd in uusan madaxweyne Xasan Sheekh wax doorasho ah u socon. Iyada oo aan la qaban doorashada dowladaha hoose lama qaban doono mid guud oo qof iyo cod ah. Xasan Sheekhna xujada hortaalla waa inuu caasimadda uu joogo ka qabto doorasho dadweyne, si Soomaalidu u aragto inuu qaban karo doorasho guud oo qof iyo cod ah iyo heerkiisa cadaaladda. Fashilkaan wuxuu sidoo kale jahwareer ku riday siyaasiyiin badan oo u sharaxan hoggaanka maamul goboleedyada Galmudug, HirShabelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, kuwaasi oo illaa maanta aqoonin halka ay doorashada ka xigto iyo xilliga ay dhaceyso toona. The post Ballan-qaadkii Xasan iyo Golaha Wadatashiga oo beenoobay – Maxaa dhacay? appeared first on Caasimada Online.
-
Banadir Water Development Company publishes customer satisfaction survey results. Mogadishu (PP Report) — Before the privately owned water companies emerged in 1994, Mogadishu had been without running clean water for several years due to the destruction of the water infrastructure of the capital city that was dependent on the the state-owned former Water Development Agency. The Water Development Agency ran the two main sources of water — one located in El Irfid, 17km north of Mogadishu, and the other in Elasha Biyaha, approximately 18km southwest of Mogadishu. However, all facilities used for water distribution, including underground pipes supplying households in Mogadishu, were looted. The task to rebuild water infrastructures had been shouldered by businesses who created hand-dug wells in villages while consumers’ demands for water was met by water sellers using donkey carts to transport water barrels for distribution. Despite being unhygienic, this water supply solution became necessary but had to be replaced by proper water supply based on pumps and water supplied by companies. Small water supply companies continued efforts to maintain and develop water supply services in an environment of intense competition landscape. They introduced a meter system with unit pricing based on residential consumption. Water supply companies operate independently across the Mogadishu. Customers frequently complain about sudden price increases that do not take into account consumers’ economic conditions. Company owners cite fluctuations in international oil prices to justify price increases to cover operational costs for fuel used in water pumping generators and other facilities. When oil prices go down customers noted that water supply companies never reduce their water supply rates. Due to stiff competition in the water supply sector in Mogadishu some water supply companies allow to be acquired or merged with bigger utility companies. This corporate business practice affects consumer rights as some companies feign unprofitability to agree to consolidation deals. There is no a regulator to determine if mergers or acquisitions in the water supply sector are driven by justifiable economic imperatives. Despite water supply companies in Mogadishu publishing results of customer satisfaction surveys, customers have no the privilege to change the water supply company if they are unsatisfied with the quality of service. A bona fide agreement among water supply companies prevent a water supply company from operating in an area designated for another water supply company. This agreement limits the opportunity for companies to expand and provide customers with choices. The receipts issued to customers by New Banadir Water Development Company hint at acquisitions that might have happened quietly. Despite water supply companies in Mogadishu publishing results of customer satisfaction surveys, customers do not have the privilege to change the water supply company if they are unsatisfied with the quality of service. A bona fide agreement among water supply companies prevents a company from operating in an area designated for another water supply company. This agreement limits the opportunity for companies to expand and provide customers with choices. “The reason a water supply company acquires another company is to continue water supply provision when a company becomes economically unviable. A government cannot put such a company into administration. Without abolishing the rules that limit a water supply company to operate in one area in Mogadishu, consumer rights will be continued to be violated. When a water supply company acquires other companies the water rate increases ” said a professor of business law in Mogadishu who spoke to Puntland Post on the condition of anonymity. New Banadir Water Development Company is planning acquire several water supply companies. The company website still features its old name Banadir Water Development Company but receipts issued to customers in Mogadishu reflect a name change: New Banadir Water Development Company. “The acquisition might have already happened quietly. The customer receipts I have seen raise questions about the reliability of New Banadir Water Development Company customer satisfaction survey results” said Adan, a management consultant in Mogadishu. New Banadir Water Development Company is planning to acquire several water supply companies in Mogadishu. The company’s website still features its old name, Banadir Water Development Company, but receipts issued to customers in Mogadishu reflect a name change: New Banadir Water Development Company. “The acquisition might have already happened quietly. The customer receipts I have seen raise questions about the reliability of Banadir Water Development Company’s customer satisfaction survey results,” said Adan, a management consultant in Mogadishu. © Puntland Post, 2024 The post A Water Supply Company in Mogadishu Contemplates Acquisitions appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka ciidamada booliska Soomaaliyeed, Cabdifitaax Aadan Xasan oo maanta shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha ayaa ka warbixiyay howlgalka lagu qaaday xaafadda Dab-damiska oo ay saaka tageen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda. Cabdifitaax ayaa sheegay in ciidanka Boolisku ay saaka ka halkaasi ka wadaan shaqo culus, wuxuuna tilmaamay in dib loo howlgelinayo xaruntii Dab-damiska ee uu lahaa dalka. “Ciidanka dab-damiska Soomaaliyeed saaka waxay dab-damiska ka wadaan shaqo lagu diyaarinaayo goobtaasi, si looga dhiso xarun wayn oo magaalada Muqdisho u noqon doonta dab-damis la tacaala dhibaatooyinla dabka soo noqnoqday” ayuu afhayeenka Booliska. Afhayeenka ayaa xusay in baahi wayn loo qabo dhismaha xaruntan, isaga oo sheegay in tirakoob uu sameeyay taliska booliska ay ku ogaadeen inay magaalada Muqdisho ku gubatay illaa 47 goobood oo ay ku gubtay hanti Soomaaliyeed, balse hadda kadib loo heli doono xal dhammaan dhibaatooyinkaasi. “Tirakoob uu sameeyay taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxaa gubatay illa 147 meelood oo isugu jiro meelo yaryar iyo meelo waa wayn oo ay ku baaba’day hanti Soomaaliyeed oo ay lahayd bulshada Soomaaliyeed” ayuu sii raaciyay. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in shacabka dagan dhulka Dab-damiska la siiyay waqti ku filan, isla markaana uu maanta ku ekeaa isaga oo tilmaamay in inta badan laga guuray, dadkii harana ay gacam siinayaan ciidamada Booliska. “Boolisku wuxuu waqti dheer siiyay muwaadiniin daganayd halkaas, waqtigaas oo maanta ku ekaa, dadka intood badan way guureen wayna mahadsanyihiin intii kalena waxaa caawinaya booliska oo baabuur ugu deeqaayo” ayuu mar kale yiri afhayeenku. Ugu dambeyn wuxuu farriin u diray warbaahinta oo uu ka dalbaday inay ka shaqeeyaan horumarka iyo wanaagga dalka. “Saxaafadda waxaan leenahay dab-damisku bulshadii daganeyd iyo boolisku ay wada shaqeeyeen wuu dhamaaday dhismihiina waa la bilabaayaa ee ka shaqeeya wanaagga” ayuu kusoo gabagabeeyay afhayeenka booliska. The post BOOLISKA oo faah-faahiyay howlgalka Dab-damiska appeared first on Caasimada Online.
-
Musharaxa xisbiga Waddani Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa u muuqda in uu noqonaayo madaxweynaha 6 ee Jamhuuriyadda Somaliland. Musharax Cirro ayaa waxa gurigiisa 5 todobaad ee ugu danbeeyay ku sii qul qulaayay badiba wasiiradda xukuumadda iyo madax kala gadisan oo ka tirsan xukuumada hada xilka haysa, sidoo kale ganacsatada iyo hogaanka dhaqanka ee dalka oo dhan ayaa Musharax Cirro si gooni gooni ah ugula kulmaayay hoygiisa uu ku leeyahay magaaladda Hargeysa. Sadaasha Cirro in uu noqonaayo madaxweynaha soo socda ayaa cirka isku sii shareertay kadib markii dhalinyaro iyo aqoonyahano ka tirsan beesha madaxwey ahu ay u soo jeedsadeen xaga xisbiga Waddani sidoo kale beeshii uu ka tirsanaa wasiirka arimaha guduhu ay si toos ah isugu shubtay xisbiga Waddani ee uu Cirro musharaxa ka yahay, sidoo kale uu taageero miisaan leh uu ka helay gobolka Gabiilay. Amaanka musharaxa xisbiga Waddani Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa aad loo adkeeyay hada iyada oo xataa hada laga joojiyay in uu suuqyadda ama meheradaha magaaladda uu ka cunteeyo. Dr Cirro ayaa kasbaday dhamaan shicibka Somaliland gobolkasta oo ay joogaan Qaran News
-
Beirut (Caasimada Online) – Ururka Xisbullah ee Lubnan ee taageerada ka hela Iran ayaa shaaciyay inay diyaaradaha aanan duuliyaha laheyn ku weerartay saldhigga Israa’iil ee Buura Hermon oo ku yaalla buuraleyda Golan Heights ee Suuriya ee ay heysato Isra’il. Buurta Hermon ayaa waxaa ku yaalla saldhig muhiim ah oo ay Israa’iil u isticmaasho ilaalinta mandiqadda, gaar ahaan howlaha basaasidda iyo difaaca cirka. Israa’iil ayaa halkaasi si gaar ah uga ilaalineysay dhaq-dhaqaaqa WSuuriya, Ciraaq, Urdun iyo qeybo ka mid ah Sacuudiga tan iyo 1973-di, markaas oo uu dhacay dagaalkii Isra’il iyo Carabta. Xisbullah waxay sheegtay in weerarka bam ee ay ku qaadday Buurta Hermon uu ahaa kii ugu horreeysay, tan iyo markii ay iyada iyo Israa’iil billaabeen inay madaafiic is weydaarsadaan 8-dii bishii October, maalin kaddib markii ay Xamaas weerartay koofurta Israa’iil, weerarkaas oo dhaliyay duullaanka ay Israa’iil ku qaadday Gaza. Xisbullah ayaa sheegtay inay joojin doonto weerarada ay ku heyso Israa’iil, marka ay Israa’iil joojiso dagaalka ay ka waddo Gaza. Ciidanka Israa’iil ayaan weli war kasoo saarin duqeynta ay sheegtay in ay Xisbullah ku qaadday saldhiga Israa’iil ee Buurta Hermon ee dhulka la hesto ee Golan. Weerarkan ayaa imanaya xilli dhex-dhexaadiyaasha Mareykanka, Reer Yurub iyo Carabta ay ku dadaalayaan in weerarada Israel iyo Xizbullah aanay u gudbin dagaal baahsan oo Bariga Dhexe ka dhaca, kaasi oo dunidu ay ka cabsi qabtay muddo billo ah. The post Xizbullah oo weerar culus ku qaaday saldhig muhiim ah oo Israel ay leedahay appeared first on Caasimada Online.