Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,301
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Luuq (Caasimada Online) – Wararka aynu ka heleyno degmada Luuq ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in saaka dib usii laba qarxay dagaal labadii maalmood lasoo dhaafay ka socday gudaha degmadaas, kaas oo u dhexeeyo laba maleeshiyo beeleed. Dagaalka oo galay maalintiisii saddexaad ayaa haatan ka socda bartamaha magaalada oo ay isku hayaan labada dhinac, waxaana lasoo wariyay in xaaladdu ay faraha kasii baxeyso. Ciidamada dowladda ee ku sugan aaggaas ayaa lasoo wariyay in dagaalka ay ku biireen, taas oo waji cusub u yeeshay xiisadda ka taagan halkaasi. Sidoo kale waxaa guul darreystay dadaallo nabadeed oo la doonayay in xabad joojin lagu kala dhex dhigo labada dhinac kuwaas oo ay wadeen maamulka iyo waxgaradka degaanka. Labada dhinac ayaa isku weydaarsanayaa gudaha degmada hub culus, waxaa sidoo kale dagaalka barbar socda madaafiic lagu garaacayo aagga lagu dagaalamayo. Khasaaraha dhimashada, dhaawac iyo burburka ka dhashay dagaalkan ayaa sii kordhiyay, ayada oo horay loogu gubay suuqii weynaa ee degmada Luuq. Xaaladda ayaa weli ah mid cakiran, waxaana dhinacyada diriraya ay helayaan gurmadyo iyo ciidamo dheeraad ah, taas oo keentay in dagaalka uu kasii daro. Si kastaba, wuxuu dagaalkan markii hore ka billowday laba askari oo murmay, ayada oo goobta lagu dilay mid kamid ah, waxaana dhacdadaas kasii horeysay xiisad ka dhalatay muran dhul ku yaalla halkaas oo ay isku haystaan beelaha ku dagaalamaya degmada Luuq. The post DAGAL culus oo dib uga qarxay dgemada LUUQ appeared first on Caasimada Online.
  2. Mas’uuliyiinta Puntland iyo Galmudug ayaa ku guuleeystay in Ciidamo isku dhaf ah ay kala dhax dhigaan meleeshiyo beeleedkii dhawaan ku dagaallamay galbeedka gobolka Mudug. Kulankaan aya waxaa goobjog ka ahaa wasiiro iyo xildhibanada Puntland, maamulka gobolka ee labada dhinac, maamulka degmada, saraakiisha ciidamada darawishta, madaxtooyada iyo ciidamada isku dhafka iyo mas’uliiyiin kale Labada dhinac ayaa ku heshiiyay in Maleeshiyo Beeleedkii ku dagaalamay degaanada Galbeedka Gobolka Mudug la kala geeyo Dagmooyinka Goldogob iyo Bandiiradleey. Sidoo kala labada Maamul Madax ka socata ay si wadajir ah kormeer ugu sameeyaan goobaha Maleeshiyaadka laga qaado si loo hubiyo dhaqan galka Kala qaadista Maleeshiyaadka Marka la xaqiijiyo dhaqan-gelinta heshiiskaasi Hordhaca ah ee Xabad joojinta iyo kala qaadista Maleeshiyaadka kadib in loo gudbo dhameystirka Heshiiska Shir looga wada hadlayo xal gaarista sababaha soo celceliya Colaada iyo Dirirta uu ka furmo Magaalada Gaalkacyo. PUNTLAND POST The post Puntland iyo Galmudug oo ciidamo isku dhaf ah kala dhex dhigay maleeshiyaad ku dagaallamay galbeedka Mudug appeared first on Puntland Post.
  3. Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Galmudug Maamulada ayaa ku guuleystay in ciidamo isku dhaf ah ay kala dhex dhigaan beelaha dhowaan ku dagaallamay deegaannada galbeedka Mudug, waxaana sidoo kale lagu heshiiyay maleeshiyaadka la kala durjiyo. Wasiirrada amniga labada maamul ayaa Warbaahinta u sheegay in goobtii ay beelaha dirirtu ku dhex maray la gaynayo ciidamo nabad ilaalin ah oo xaaladda dajiya, islamarkaana ka hortaga inay colaaddu mar kale dib u qaraxdo. Ciidan beeleedyada ayaa la kala geeyay magaalooyinka Galdogob iyo bandiiradlay, waxayna wasiirrada amnigu wacad ku mareen in ciddii dagaalka dib u billowda ay tillaabo adag oo wadajir ah ka qaadi doonaan. Colaadda ka jirta galbeedka gobolka mudug oo muddo soo jiitamaysay ayaa todobaadyadii la soo dhaafay aad I xoogaysatay, ayadoo ay tobanaan ruux ku dhinteen, balse hadda xaaladdu way degantahay oo waxaa socata waan-waan nabadeed. Source: goobjoog.com
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa soo xiray wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Ashraf Cali Nuur, kaas oo isticmaala baraha bulshada. Booliska oo soo bandhigay ninkan ayaa ku eedeeyay anshax darro liddi ku ah dhaqanka iyo diinteenna Islaamka, waxaana boolisku sheegay in la horgeyn doono sharciga. “Ciidanka Boliiska Soomaliyeed ayaa soo xiray eedeysane Ashraf Cali Nuur Sahal 24 jir kuna eedeysan Anshax-daro. Ciidanaka Boliiska Soomaaliyeed waxa ay u taaganyihiin fal-kasta oo wax u dhibaya dhaqankeena suuban iyo diinteena sharafta leh” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay taliska qaybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir. Xarigga wiilkan dhalinyarada ah oo caan ka ah baraha bulshada ayaa waxaa ka dhalatay falcelin xoogan, waxaana kamid ah dadka ka hadlay hooyadiis oo faah-faahisay wiilkeeda iyo wax uu qabto. Hooyada oo wareysi bixisay ayaa sheegtay in wiilkeeda uu ka shaqeeyo goob ganacsi oo ay leedahay walaashiis, isla markaana aanu shaqo ku lahayd eedda culus ee loo soo jeeiyay. “Wiilkaas waa Xaafidul Qur’aan oo 114 kor ka xifdiyay waana nin ahlu diin ah, wuxuu sidoo kale ka baxay Jaamacadda Soomaaliya oo waa aqoonyahan ma’ahan erayada iyo waxa xun-xunka ah ee wiilkeyga lagu eedeynaayo” ayay tiri hooyada dhashay Ashraf Cali Nuur. Sidoo kale waxa ay dalab u diray dowladda “Waxaan dowladda ka codsanayaa inay ii soo dayso waa masaakiin hooyadiis anaa ah, bari ayuu ka yahay waxa lagu eedeynaayo”. Dhinaca kale waxaa ariinta wiilkan oo 24 sano jir si aad ah looga hadal baraha bulshada, ayada oo si weyn loogu falanqeeyay xaaladda wiilkan iyo falka lagu soo eedeeyay. Bashiir Salaad “Booliska Soomaaliya sheeg sheega dadka miyey wax ku fahmaan?. Cid walba oo bulshada qatar ku ah ka hor inta aysan bulshadu soo bandhigin ayaa laga rabaa Boolisku inay ka howl galaan ee maahan kii baraha bulshada la keenaba in ay dib ka raadiyaan”. Ramlo Maxamed “Qofka haddii aadan caddeyn ku heynin sharafkiisa iyo cirdigiisa ha u gefina”. Cabdikariin Xuseen “Dowlada shaqo aad u fiican bey heysaa waana ku bogaadinaa shaqada aadka u fiican ee bilooyinkii ugu dambeeyy ay ku dhiiratay”. Xayaat Cabdulle ” War bal suga maxaa qaldan wiilka ha u gafina, ninka mustaqbalka ha uga ciyaarina ma faankiisa run uga dhigteen?”. Isaaq Sheekh Aadan ayaa isuguna yiri “Shaqo wacan baad haysaan, waana idinkaaga mahadcelinaynaa”. The post Falcelin ka dhalatay soo qabashada ASHRAF Cali Nuur oo loo haysto dambi culus appeared first on Caasimada Online.
  5. Hoggaamiyayaasha militariga ee afgembiyay maamulladii Mali, Burkina Faso iyo Niger , ayaa shirkoodii u horreyay oo wadajir ah ku yeeshay caasimadda dalka Niger ee Niamey. Halkaasi oo ay kaga dhawaaqeen in ay sameynayaan urur ay ku mideysanyihiin oo ilaalinaya madax bannaanidooda, amniga iyo iskaashiga guud, sida uu ku dhawaaqay Ibrahim Traore, hoggaamiyaha Burkina Faso. Shir madaxeedkan ayaa u muuqda mid ay ku muujinayaan ka bixitaankooda ururka ECOWAS oo ay saddexda hoggaamiye sheegeen in ay ka baxeen horraantii sannadkan, inkasta oo ay jiraan dadaalo badan oo dib u heshiisiineed. Mali, Burkina Faso iyo Niger, oo ay ka dhaceen afgembiyo is xigay oo militariga ay xukunka kula wareegeen , ayaa isbeddelo weyn ku sameeyay jihada siyaasadeed ee galbeedka Afrika , iyagoo dalalkooda ka saaray Faransiiska iyo Mareykanka. PUNTLAND POST The post Saraakiishi Militariga ee af-gembiyay Mali, Burkina Faso iyo Niger oo ku dhawaaqay is-baheysi cusub appeared first on Puntland Post.
  6. Wararka naga soo gaaraya degmada Luuq ee gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in saaka halkaasi uu ka socdo dagaal qaraar oo u dhaxeeya laba maleeshiyo beeleed, dagaalkaan ayaa daba socday dagaal shalay ka dhacay gudaha magaalada. Dagaalka ka socda magaalada waxaa la’isku adeegsanayaa hubka noocyadiisa kala duwan iyadoo dagaalka uu kusii fiday duleedka magaaladaasi. Qaar ka mid ah dadka magaalada ayaa bilaabay in ay ka barakacaan magaalada sababo la xariira dagaalka ka socda. Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalkan, kaasi oo soo kala gaaray labadda dhinac ee dagaalamaya iyo dadka shacabka ah ee ku dhaqan halkaasi. Maleeshiyaadka dagaallama ayaa la sheegay in ay taageero ka helayaan ciidankii ku sugnaa magaalada oo dhinacyada ku kala biiray. Dagaalkaan ayaa ka dhashay dilal la xariiray anooyin qabiil oo ka dhacay degmada Luuq iyo isku heysashada ilo dhaqaalle sida Jidgooyooyin. Source: goobjoog.com
  7. Guddiga Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland oo Maanta Warbixin ka dhageystay Mas’uuliyiinta Xafiiska Hantidhowrka guud ee Puntland. Guddiga oo gacanta ku haya akhriska iyo falanqeynta Xisaab-xirka Sannad-maaliyadeedkii 2023, kana duulaya qodobka 58-aad farqadiisa 5-aad ee Xeerhoosaadka Golaha Wakiillada ayaa maanta kulan la qaatay Guddoomiyaha iyo xubnaha kale Xafiiska Hantidhowrka guud ee Dawladda Puntland. Ujeeddada kulanka ayaa ahaa xog-waraysi iyo su’aal waydiin la xiriirta Xisaab-xirka 2023 ee Golaha horyaala, waxaana mas’uuliyiinta Hantidhowrku ay Guddiga xog ka siiyeen Xisaab-xirka 2023, iyagoona uga jawaabay su’aalaha Xildhibaannadu waydiiyeen. PUNTLAND POST The post Hanti-dhawrka Puntland oo warbixin siiyay Guddiga Dhaqaalaha Baarlamanka appeared first on Puntland Post.
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale si adag uga hadlay xiisadda Soomaaliya kala dhaxeysa dowladda Itoobiya, wuxuuna bidhaamiyey heerka uu gaarsiisan yahay damaca ku jira Itoobiya. Ugu horeyn madaxweynaha oo ka hor-hadlayey labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in xukuumadiisa oo cuskaneysa qaraarkii baarlamaanka JFS ay fagaare kasta oo caalami ah geysay damaca waalan ee Itoobiya ay ku dooneyso badda Soomaaliya. “Aniga, xukuumadda iyo cid kasta oo naga mid ah waxay gole kasta iyo goob kasta u tagtay sidii aan u muuji laheyn qadiyadeena, dowladda Itoobiya ayadaa caalamka wareegeysa, iyadoo ka carareysa qaladkii ay gashay ee diblomaasoyadeed oo xad-gudub ku ah xeerarka caalamiga ah ee maanta dunida looga dhaqmo,” ayuu yiri Madaxweynaha JFS. Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hoosta ka xariiqay in Itoobiya ay caalamka ku wareegeyso iyadoo aan wax xal ah ogoleyn, isagoo tusaale u soo qaatay wadahadlkii ugu dambeeyey ee fashilmay markii la isugu tegay Ankara. “Toddobaadkii lasoo dhaafay Turkiga ay noogu yeeray inaan aqbalno gogol, ay Itoobiya codsatay, nasiib darro mowqifkii Itoobiya waxaba iskama bedelin, taasi waxay sababtay in gogosha mar kale dib loo dhigo, iyadoo aan la is horfariisan, gogoshaan Itoobiya ayaa codsatay in dib loo dhigo,” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaliya. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in Itoobiya ay sidaan oo kale ugu fashilantay gogol ay dhigtay Kenya, “Gogol bilow aheyd oo Nairobi ka furantay ayay Itoobiya dib u dhigtay, kadibna waa ku guul-dareysatay, “waxaan rajeynayaa tana in aysan lamid noqon gogoshii hore, oo aysan ka bixin balantii aan lasoo galnay walaalaheena Turkiga,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Madaxweyne Xasan Sheekh. Xasan Sheekh ayaa mar kale ku celiyey in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed aysan wax colaad ama naceyb ah u qabin shacabka Itoobiyaanka ah, balse madaxda dalkaas ayuu ugu baaqayo inay u hoggaansamaan sharciga iyo deris wanaagga, “Shacabka Itoobiya waxaan u rajeynayaa in ilaahey ka saaro dhibaatooyinka heysta,” ayuu yiri. Madaxweynaha Soomaaliya oo hortaagan baarlamaanka dalka ayaa si cad u sheegay in Itoobiya ay diiday inay ku dhaqanto sharciga, “Inta si derisnimo ah noogu timid wali nagalama hadlin arrimaha maanta taagan, hadana nasiib darro meel kasta ayey wareegayaan, iyagoo dhahaya Soomaaliya nala heshiisiiya,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Xasan Sheekh. The post Madaxweyne Xasan Sheekh oo Itoobiya u diray baaq culus oo la xiriira shirka Ankara appeared first on Caasimada Online.
  9. Ururka Xamaas ayaa Sabtidi shalay aqbalay hindisihii soo jeedinta madaxweyne Biden ee wadahadallada xabad-joojinta Gaza, ee dhigayay in Israa’iil iyo Xamaas ay is weydaarsadaan iyo la heystayaal iyo qodobbo kale. Ilo Maryam ka tirsan Xamaas ayaa wararka ee Reueters u sheegay, in Xamaas ay ka laabatay dalabkeedi hore ee ahaa, in marka hore ay Isra’il ogolaato xabad-joojin buuxda. Wajiga sawirada ayaa muujinaya xabad-joojin ka hirgasha Gaza ee uu u soo jeediyay maamulka madaxweyne Biden, Xamaas loo diiday hadda laga joogo 16 maalmood. Sida ay sheegeen laba sarkaal oo magacyadoodu qariyeen, isla kulmi ka keentay wadahadallada hadda socda ayaa sheegay, in wajiga hore ee xabad-joojinta uu si buuxda sharraxan kuna dhamaystirmi doono lix bilood ah. Muddadaas ayaa lagu wadaa in lasii daayo qaar ka mid ah Israa’iiliyiinta ay Xamaas ku heyso Gaza, gaar ahaan, kuwa xanuunaya iyo dumarka, halka Israa’iil ay Xabsiyadeeda ka fasaxa boqollaal Falastiiniyiin ah. Source
  10. Magaalada madaxda dalku sanadba sanadka ka dambeeya way sii koraysaa, baaxad ahaan iyo bulsho ahaanba, waxaana koritaankaas qeyb ka ah kororka jaadadka kala duwan ee gaadiidka sida maalin laha ah u dhex mushaaxaya. Gawaari xamuul ah, kuwa dadweynaha qaada, qaar tamashle loogu tala-galay, iyo kollanyooyin ay masuuliyiin dowladda ka tirsani wataan ayaa sidii faraha siman u yaacaya laamiyada waaweyn ee caasimadda. Waa run oo baabuurtu bilicda iyo hormarka kaalin weyn ayay ku leeyihiin, sidoo kale isku socodka dadweynaha iyo daabulidda adeegyada muhiimka ah ayay qeyb libaax ka qaataan, balse hannaankooda adeegsiga jidadka waxaa ka taagan culays aan layska indha tiri karin. Isgoyska iyo hilimada faras magaalaha ku yaalla ayaa mararka qaar jiq isku noqda oo gaadiidku food isla galaan, kala furfuriddooduna ay ammin dheer oo saacado ah ku qaadataa ciidanka taraafikada iyo is xilqaameyaasha damiirkoodu hagayo ee wax kala fududaynta ku foogan. Dadka xanuunsan ee isbitaallada loola cararayo, hooyada foosha ah, ardayda waxbarashada ka daahaysa, shaqaalaha u ordaya howl maalmeedkooda, iyo dadka socdaalka ah oo laga rabo inay si degdeg ah garoonka diyaaradaha ku tagaan ayaa dhammaantood dhibane u noqda markay jidadku isku xirmaan. Inkastoo ay dowladdu dadaashay oo mootooyinka maalinba koox u qoondaysay, haddana dhibaatada weli fari kama qodna, cabashada la xariirta cariiriga dhabbeyaashuna waa mid ay wada qabaan wadayaasha gaadiidka, dadweynaha, madaxda, iyo ciidamada nabad-galyada waddooyinka oo qudhoodu kala hagidda gaadiidka dhibaatooyinka Kala kulma. Haddaba haddii ay culaysyada wadda maristu kamid yihiin caqabad dadka caasimadda wadar ahaanta u haysta, muxuu yahay xalku, yaa’se u egman furdaaminta arrintan, ma madaxda oo keliya, mise bulshada iyo dowladda oo iskaashanaya. Warcelinta dambe waa quman oo si wadajir ah in arrintan looga howlgalo ayaa habboon sida ay xeeldheereyaashu qabaan, waana in gaadiidka waaweyn ee xamuulka xilli go’an ama gees cayiman oo ay jidadka ka adeegsadaan loo qoondeeyo, askarta baraha hubinta joogaahina ay dadaal iyo gacan fududayd muujiyaan. Sidoo kale wadayaasha mootooyinka iyo kexeeyaasha baabuurta qafilan ee dowladdu waa inay xeerarka wadda marista ku dhaqmaan oo aanay meelaan munaasabad ahayn, ama doc aanay jidka ka lahayn isku cariirin. Tillaabooyinkan ayay xal dhiig joojin ah u arkaan xeeldheereyaashu, balse dhaqan-gelintooda ayaa ah mid dhammaan ina wada sugaysa oo aan cid gaar ah marti looga ahayn, maadama dhibka ka yimaado uu nawada saameynayo. Source: goobjoog.com
  11. Ugu yaraan 38,100 falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay 87,705 kalena waa lagu dhaawacay weerarka militariga Israa’iil ee Gaza tan iyo 7dii Oktoobar, wasaaradda caafimaadka ee Gaza ayaa sidaa sheegtay. Tirada ayaa waxaa ku jira ugu yaraan 87 dhimasho ah 48-kii saacadood ee la soo dhaafay, ayaa lagu yidhi bayaan ay wasaaraddu soo saartay. Kuwaasi oo ay ku jiraan ugu yaraan 2 ka tirsan shaqaalaha Qaramada Midoobay oo ku sugnaa Bakhaar ay leedahay hay’ada UNRWA oo ku yaalla deegaanka Maghazi ee badhtamaha Gaza, halkaasi oo ay Israel duqeysay. Sidoo kale dadka la dilay saacadihii lasoo dhaafay ayaa waxaa ku jiray 5 suxufi oo u dhashay Falastiin. Source
  12. Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Dr. Maxamed Cilmi Ibraahim ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay mas’uuliyiin sare oo ka socday Xafiiska UNDP Soomaaliya oo uu hoggaaminayay Wakiilka Joogtada ah, Mudane Lionel Laurens. Kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saaray dhowr arrimood oo muhiim ah oo ay ka mid tahay xoojinta iskaashiga ka dhaxeeeya Wasaardda iyo Hey’ada UNDP Soomaaliya, iyo horumarinta warbixinta Tusaha Saboolnimada ee qeybaheeda kala Duwan Multidimensional Poverty Index (MPI), Sido kale kor u qaadista xog ururinta, beegsiga dadaallada dhimista faqriga, iyo horumarinta mustaqbal waara. Wasiirka waxaa sidoo kale kulanka ku wehlinayay Wasiir-dowlaha, Mudane Yuusuf Maxamed Aadan, isagoo ka dhacay xarunta Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee magaalada Muqdisho, wasiirka ayaa hey’adda UNDP iyo MPI uga mahadceliayay mashaariicda ay ka wadaan Soomaaliya. Hey’adahaan ayaa mashaariic kale duwan ka fuliya gobollada dalka iyo caasimadda, kuwaas oo lagu hormarinayo arrimaha bulshada, gaar ahaan caafimaadka waxbarashada iyo ceelasha laga qodo deegaannada fog fog ee miyig ah, iyagoo dhowaan mashaariic ka fuliyay deegaanadii la xoreeyay. Source: goobjoog.com
  13. Kismayo (HOL) - Jubbaland regional state leader Ahmed Mohamed Islam Madobe called for an immediate cessation of hostilities between two rival clan militia forces in the Luuq district in the Gedo region on Friday. Source: Hiiraan Online
  14. Ugu yaraan 16 qof oo Falastiiniyiin ah ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay weerar cirka ah oo ay ciidamada Israa’iil ku bartilmaameed-sadeen dhisme iskuul oo ay ku noolyihiin qoysas barakac ah bartamaha Gaza. Saraakiisha caafimaadka Falastiin ayaa sheegay in madaafiicda cirka ee lagu garaacay iskuulka Al Nuseyrat ay sidoo kale ku dhaawacmeen in ka badan 50 ruux oo Falastiiniyiin ah. Milatariga Isra’il waxay sheegeen in ay taxaddir dheeraad ah muujiyeen ka hor inta aysan weerarka fulinin, si bay yiraahdeen ay u yareeyaan khasaaraha rayidka, isla markaana u duqeeyaan malleeshiyo ay ku sheegeen in ay aaggaasi kasoo weerareyeen. Dhinaca kale Waaxda caafimaadka Gaza ayaa sheegtay in 24-ki saac ee lasoo dhaafay ay ciidamada Israa’iil duqeyn ku dileen ugu yaraan 29 qof oo Falastiiniyiin ah, halka ay dhaawaceen in ka badan 100 qof. Dagaalka sagaalka bilood ka socda ee Gaza, ayaa la xaqiijiyay in tirada dadka ay Isra’il dishay ay gaareen in ka badan 38,000 oo ruux oo u badan dumar iyo carruur. PUNTLAND POST The post Millatariga Israa’iil oo duqayn cirka ah ku dilay barakacayaal reer Falastiin ah appeared first on Puntland Post.
  15. Ururka Xamaas ayaa si rasmi ah u aqbalay hindisihii soo jeedinta madaxweyne Biden ee ahaa xabad joojin iyo in Israa’iil iyo Xamaas ay is weydaarsadaan la heystayaal iyo qodobbo kale, arrintaan ayaa u muuqa mid hoos u dhigeysa xaaladda Gaza. Mas’uuliyiinta Ururka Xamaas ayaa Reueters u sheegay, in Xamaas ay ka laabatay dalabkeedi hore ee ahaa, in marka hore Israa’iil aqbasho ka bixintaannka dhulka Gaza, kaas oo keenay in Israel dhankooda ay ka biyo diidaan dalabka Xamaas. Dhan kalena Ugu yaraan 16 qof oo Falastiiniyiin ah ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay weerar cirka ah oo ay ciidamada Isra’il Sabtidi ku bartilmaameedsadeen dhisme iskuul oo ay ku noolyihiin qoysas barakac ah bartamaha Gaza. Saraakiisha caafimaadka Falastiin ayaa sheegay in madaafiicda cirka ee lagu garaacay iskuulka Al Nuseyrat ay sidoo kale ku dhaawacmeen in ka badan 50 ruux oo Falastiiniyiin ah. Isra’il ayaa weerarka ku sheegtay mid ay ku bartilmaameedsatay malleeshiyaadka. Milatariga Isra’il waxay sheegeen in ay taxaddir dheeraad ah muujiyeen ka hor inta aysan weerarka fulinin, si bay yiraahdeen ay u yareeyaan khasaaraha rayidka, isla markaana u duqeeyaan malleeshiyo ay ku sheegeen in ay aaggaasi kasoo weerareyeen. Hase yeeshee Xamaas ayaa beenisay in dagaalyahannadeedu aysan halkaasi joogin. Source: goobjoog.com
  16. Djibouti (HOL) - The leader of the SSC Khatumo administration, Abdikhadir Ahmed Aw Ali Firdhiye, arrived in Djibouti on Saturday following an invitation from the President of the Republic of Djibouti, Ismail Omar Guelleh. Source: Hiiraan Online
  17. Ergeyga kumeel gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan oo gaaray magaalda Baydhabo ayaa kulan la qaatay madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagreen). Kulanka labada mas’uul ayaa waxaa ay kaga wada hadleen Arimo dhor ah oo ku jiraan Siyaasada, Amniga, Mashaariicda, bini’aadanimada iyo Daadejinta Adeegyada Dowlada, xilligaan maamulku qorsheynayo gaaritaanka deegaannada gacantiisa ka maqan. Madaxweyne Laftagareen ayaa uga mahadceliyey Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan Booqashadiisa Magaalada Baydhabo iyo taageerada ay la garab taagan yihiin Dowlad Goboleedka iyo Shacabka Deegaannada Koonfur Galbeed. Kulanka Madaxweynaha iyo Ergayga waxaa ku Wehlinayey Wasiiro, La Taliyaal iyo Agaasimaha Guud Madaxtooyada Dowlada Koonfur Galbeed, waxaana kulanka intii uu socday looga hadlay arrimo dhowr ah oo xilligaan ka taagan deegaannada maamulkaasi. Source: goobjoog.com
  18. Israa’iil ayaa lagu warramaya in ay diiddi doonto soo jeedinta heshiiska xabbad-joojinta, sababa la xiriira dalabaad ka yimid dhinaca Xamaas. Xamaas ayaa ka dalbamaya Israa’iil in ay samayso ballanqaad qoraal ah oo ku saabsan ka bixitaanka ciidamada Israa’iil ee Qasa. taasi oo ay dheertay inay Xamaas ka dalbatay in ay dammaanad qaadan Qatar, Masar iyo Mareykanka in xabbad-joojintu sii socon doonto illaa laga gaarayo heshiis dhammeystiran oo dagaalka soo afjaraya. Madaxa hay’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA-da , Bill Burns ayaa tagi doona Doha toddobaadkan, isagoo ka hortagaya in meesha ay ka baxdo fursada soo dhaweynaysa heshiis la gaaro si loo sii daayo 120 maxbuus oo Xamaas ay ku hayso Qasa. Wuxu si wadajir ah ula kulmi doona Ra’iisal Wasaaraha Qatar, Agaasimaha Hay’adda Mossad ee Israa’iil iyo Madaxa Sirdoonka Masar, sida ay sheegtay Axios. PUNTLAND POST The post Israa’iil oo ka horjeedda xabbad-joojinta dhexmarta iyaga iyo Xamaas appeared first on Puntland Post.
  19. An estimated 4.5 million people are currently displaced in both rural and urban locations in Ethiopia, the United Nations Office for the Coordination of Humanitarian Affairs (UNOCHA) has disclosed. Source: Hiiraan Online
  20. Prime Cabinet Secretary and Cabinet Secretary for Foreign and Diaspora Affairs Musalia Mudavadi has urged East African Community member states to fast-track regional integration and address the pressing needs of the region’s youthful population. Source: Hiiraan Online
  21. Samet Akaydin's first-half opener wasn't enough for the Turks as the Dutchmen bounced back with two goals in seven minutes in Berlin on Saturday to seal the semifinal clash with England at the Euro 2024. Source: Hiiraan Online
  22. Prime Minister Muhammad Shiaa Al-Sudani confirmed on Saturday, that Iraq today possesses information, experience and know-how in the field of combating terrorism and tracking its groups. Source: Hiiraan Online
  23. ROCHESTER, Minn. (KTTC) – Dozens gathered in SE Rochester to recognize and celebrate an important Independence Day. Source: Hiiraan Online
  24. Somalia has paid $7.8 million, its full budget contribution dues for the financial year 2024/25. Source: Hiiraan Online
  25. England's 5-3 (1-1) victory over Switzerland on penalties helped the Three Lions to advance into the semifinals of the Euro 2024 on Saturday in Dusseldorf. Source: Hiiraan Online