Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,291
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda JFS Mudane Maxamed Cabdulqaadir Dhucle oo uu wehlinayo Agaasimaha Guud ee Wasaardda Dekadaha Mudane Axmed Yuusuf Cabdulle ayaa kulan la qaatay Mr. Stefano TOMAT oo ah Maareeyaha Guud ahna Taliyaha Hawlaha Rayidka Adeegga Hawlaha Dibadda ee Midowga Yurub iyo Mr. Kęstutis LANČINSKAS, Madaxa EUCAP Soomaaliya. Kulan kan ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka wada shaqayneed ee labada Dhinac, sare u qaadista tayada aqooneed shaqaalaha ee Wasaaradda iyo Hormarinta xirfadlayaasha haweenka ka shaqeeya Arrimaha Badda (Women in Maritime). Source: goobjoog.com
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, General Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa maanta guddoomiyay shir muhiim ah oo ay yeesheen qaybaha kala duwan ee saraakiisha Xoogga dalka, kaas oo looga hadlay dagaalka Al-Shabaab. Kulankan aya daba socday amarkii madaxweyaha ee ku aadanaa xoojinta iyo dardargelinta dagaalka adag ee lagula jiro maleeshiyaadka Al-Shabaab. “Iyadoo laga duulayo xoojinta amarkii Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ee ahaa dardar galinta dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta ayaa maanta Taliyaha Ciidanka XDS Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxyadiin waxuu kulan la qaatay dhammaan hoggaanada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay taliska ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed. Sidoo kale waxaa kulanka kadib la faray dhammaan hoggaannada ciidanka Xoogga dalka in looga baahanyahay hoggaan walba inuu kordhiyo shaqadiisa, lagana doonayo inuu diyaar u noqdo waajibaad Qaran oo rasmi ah. “Waxaan Taliska ciidanka ku soo kordhinay talisyo iyo hoggaana cusub, waxaana laga doonayaa inay qeyb weyn ka qaataan qorshaha socda ee ku saabsan dagaalka Argagixisada, dhismaha ciidanka, taakuleynta iyo sare u qaadista tayada ciidanka Xoogga dalka” ayuu yiri Taliye Ibraahim Sheekh Muxudiin. Qorshaha ayaa ah in mar kale dib boorka looga jafo ciidamada Xoogga dalka, si ay u qaadaan duulaan culus oo ka dhan ah Al-Shabaab oo wajigii koowaad ee dagaalka looga xoreeyay dhul ballaaran, kadib weeraro ay ku qaadeen Xoogga dalka iyo Macawiisleyda. Soomaaliya ayaa haatan isku diyaarineyso inay la wareegto amnigeeda, marka ay baxaan ciidamada howlgalka ATMIS oo haatan si tartiib u wareejinayo mas’uuliyaddooda The post Sawirro: Kadib amarkii Xasan Sheekh, taliyaha xoogga oo maanta tallaabo qaaday appeared first on Caasimada Online.
  3. Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa maanta xarunta wasaaradda ku qaabilay Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Mudane James Swan. Wasiirka oo ay wehelinayeen Wasiir Ku-xigeenka wasaaradda Mudane Axmed Cabdiraxmaan, Xoghayaha Joogtada Mudane Feysal Xasan Adan iyo Kusimaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Muhuidin Hashi Dalmar ayaa kala hadlay Mudane James Swan hawlaha hortabinta u leh bahda Cadaaladda ee dalka iyo geeddi-socodka dhamaystka dastuurka. Dhankiisa Ergayga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa bogaadiyay shaqada baaxadda leh ee bahda Caddaaladda oo wasaaraddu hogaaminayso ku tallaabsatay labada sanno ee la soo dhaafay iyo heerka uu soo gaaray geeddi-socodka dhamaystirka dastuurka. Source: goobjoog.com
  4. Madaxweynaha maamulka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Magaalada Kismaayo ku qaabilay Taliyaha hawlgallada gaarka ah ee wadajirka ah ee bariga Afrika Kornayl David Haskell oo booqasho ku yimid Jubaland. Kulanka ayaa lagaga hadlay howlgallada ay wadaan Ciidamada Jubaland iyo tageerada dhinaca amniga ee Dowladda Maraykanka ee la xiriira dagaalka ka dhanka ah Khawaariijta. Taliyaha hawlgallada gaarka ah ee wadajirka ah ee bariga Afrika Kornayl David Haskell ayaa bogaadiyay howlgallada ay wadaan Ciidamada Jubaland ee lagu xoreeyay deegaanada joore gaar ahaan deegaanka buuloxaaji iyo deegaanada ku xeeran isagoo xusay in guulaha laga gaaray howlgalladii u danbeeyay ay muujinayaan sida Dowladda Jubaland ay uga go’antahay xoreeynta deegaanada wali ay ku harsan yihiin Khawaariijta. Waxaa Madaxweynaha kulanka ku wehelinayay Taliyaha Hay’ada Sirdoonka iyo Nabadsugida Jubaland Mudane Maxamed Axmed Sabriye iyo Taliyaha Ciidamada Darawiishta Jeneraal Ismaciil Saxardiid. Source: goobjoog.com
  5. Osman: “Failure to comply with this directive would result in the names of the non-compliant individuals being passed on to law enforcement agencies in Puntland State of Somalia.” Garowe (PP News Desk) — The Office of the Auditor General of Puntland State of Somalia has issued an ultimatum to former government officials who are still using government vehicles. The statement, released earlier today, follows an investigation into missing government vehicles, which revealed troubling reports last month about government-owned cars being sold in the market. In his statement, Auditor General Osman Mohamed Ali demanded that any individuals who no longer work for the Puntland State Government but continue to use government vehicles must return them to the Auditor General’s Office by 16 July, 2024. He warned that failure to comply with this directive would result in the names of the “former officials” being passed on to law enforcement agencies. The announcement did not clarify whether the Auditor General directly communicated with the former officials or if respective government agencies reported the missing vehicles and requested their retrieval. This ultimatum reflects the Puntland government’s efforts to ensure accountability and recover state assets improperly kept by former officials. © Puntland Post, 2024 The post Puntland Auditor General Issues Ultimatum to Former Officials Over Missing Government Vehicles appeared first on Puntland Post.
  6. Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa magaalada Kismaayo ku qaabilay taliyaha hawlgallada gaarka ah ee wadajirka ah ee bariga Afrika Kornayl David Haskell oo booqasho ku yimid Jubaland. Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay madaxtooyada Jubaland kulanka waxaa looga hadlay howlgallada ay wadaan Ciidamada Jubaland iyo tageerada dhinaca amniga ee dowladda Maraykanka ee la xiriira dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab. Taliyaha hawlgallada gaarka ah ee wadajirka ah ee bariga Afrika Kornayl David Haskell ayaa bogaadiyay howlgallada ay ciidamada Jubaland kula wareegeen deegaanka Buulo-xaaji iyo deegaanada ku xeeran. Madaxweynaha Jubaland waxaa kulanka ku wehelinayay Taliyaha Hay’ada Sirdoonka iyo Nabadsugida Jubaland Maxamed Axmed Sabriye iyo Taliyaha Ciidamada Darawiishta Jeneraal Ismaciil Saxardiid. PUNTLAND POST The post Kismaayo: Axmed Madoobe oo la kulmay Kornayl David Haskell appeared first on Puntland Post.
  7. Ciidanka komaandooska danab, gaar ahan ururka 161-aad ayaa daaweyn iyo baaritaanno caafimaad u sameyeen qaar kamida dadka ku dhaqan deegaanka balidogle ee hoostagta degmada walanweyn ee gobolka shabeelaha hoose. Dadka deegaanka balidogle ayaa dhankooda u mahadceliyay ciidanka koomaandooska danab gaar ahaan xafiiska arimaha bulshada ururka 161-aad, kuwaas oo caawimaad daawoyin ah ay u fidiyeen saraakil ka tirsan ciidanka kumaandoska danab. Gaashaanle Ibrahim cali Cumar oo ka mid ah sarakiisha Guutada 161-aad ee Kumandooska Danab ayaa dhankiisa shacabka uga bishaareeyey in Danab ay mar walba garabkooda tahay, islamarkaana u adeegi doonto. In ciidamadu ay bulshada adeegyo aas-aasi ah oo nabad-galyada ka baxsan u sameeyeen ayaa loo arkaa mid kamida guulaha iyo hormarka uu ku tillaabsanayo hannaanka dowladnimo ee Soomaaliya. Source: goobjoog.com
  8. Asmara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kusoo laabtay magaalada Muqdisho kadib booqasho laba maalmood ah oo uu ku tagay Eritrea. Madaxweyne Xasan ayaa intii uu joogay Eritrea waxa uu la kulmay qaar kamid ah askarta Soomaaliya ee dalkaasi Eritrea ku qaadanaya tababarka dhinaca ciidanka cirka. Wasiirka Warfaafinta ee Eritrea Yemani Meskel ayaa ku sheegay bartiisa X (ex-Twitter) in madaxweynaha Soomaaliya uu ammaanay kaalinta ay Eritrea ka qaadanayso dib u dhiska ciidanka Soomaaliya, iyo wadajirka ay u muujisay qaranka iyo dadka Soomaaliya, sida uu ku sheegay qoraalka. Madaxweynaha Soomaaliya oo dalkaasi tagay shalay ayaa dhinaca kale madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ay ka wada-hadleen xiriirka labada waddan. Madaxweynaha Eritrea ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda xoojinta xiriirka labada waddan iyo sikaashiga labada dhinac ee siyaasadda, amniga, militariga, dhaqaalaha, dhaqanka iyo arrimaha bulshada, sida uu sheegay Meskel. Horraantii sanadkan unbey aheyd markii madaxweynaha uu safar ku tegay Asmara, maalmo un kadib markii Itoobiya iyo Somaliland ay heshiis is-afgarad ku gaareen Addis Ababa, kaasi oo madaxweyne Muuse Biixi uu Itoobiyaanka ugu saxiixay qeybo kamid ah biyaha Soomaaliya. Si kastaba, Eritrea ayaa sannadihii u dambeeyey lagu tababarayey ciidamo kumannaan ah oo Soomaali ah kuwaasi oo qaarkood soo laabteen, haatanna ay qayb ka yihiin dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab. The post Xasan oo soo afjaray safarkii dalka Eritrea + Natiijada appeared first on Caasimada Online.
  9. 450373162_458878770421879_92627099853967358_n Qaran News
  10. Maareeyaha Hay’adda ka hortagga maandooriyaha iyo dhaqan celinta Qaranka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo danjiraha dowladda Imaaraadka carabta u fadhiya Soomaaliya ayaa ka wada hadlay yareynta halista maandooriyaasha. Kulanka oo ka dhacay xarunta safaaradda dalka Imaaraadka ayaa diiradda lagu saaray ka hortagga noocyada kala duwan ee maandooriyaha iyo yaraynta halista ka dhalan karta, wuxuuna maareeyuhu Janaraal Muuse Ashkir safiirka warbixin ka siiyay dadaallada ay hay’addu waddo iyo qorsheyaasheeda horta tabinta u leh. Safiirka Imaaraadka danjire Axmed Jumca Alrumaydi ayaa dhankiisa ballan-qaaday inuu hay’adda ka taageeri doono howlaha baaxadda leh ee horyaalla, islamarkaana ay si dhow u wada shaqayn doonaan labada dhinac si loo yareeyo halista maandooriyaasha. Source: goobjoog.com
  11. 450487601_340970942384659_6299820674148240308_n Qaran News
  12. Nairobi (HOL) - Somali President Hassan Sheikh Mohamud and his Eritrean counterpart Isaias Afwerki visited Somali Air Force units undergoing training with the Eritrean Defence Forces (EDF) in Asmara on Tuesday. Source: Hiiraan Online
  13. Hogaamiyaha Khaatumo Firdhiye iyo xubnihii la socday ee uu madaxweynaha Djibouti ku marti qaaday dalkiisa oo dhowrkii cisho ee u danbeeyayba ku sugnaa dalkaasi Djibouti ayaa goordhawayd ka dhoofay madaarka Djibouti iyaga oo u kicitimay dhanka magaalda Muqdisho oo ay markii hore ka yimaadeen. Ismaciil Cumar Geele ayaa hore dalkiisa ugu casuumay dhowr xubnood oo qurba joog ah oo sheegat Awdal state, ururinta cid kasta oo ka soo hor jeeda Somaliland ayaa hada xarun ka dhigatay dalka Djibouti taasina waxa aybka danbaysay tan iyo intii ay Somaliland heshiiska isfahan la gaadhay dalka Itoobiya. Heshiiska Itoobiya iyo Somaliland dhex maray ayaa u muuqda mid aan dib looga laabanaynin isla markaasna ay la dhacsznyihiin dawladaha Itoobiya iyo Somaliland. Qaran News
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa si toos ah usoo faro-gelisay amniga garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho oo haatan ay gacanta ku hayaan ciidamada ammaanka Soomaaliya iyo kuwa howlgalka ATMIS ee Midowga Afrika. Mareykanka ayaa wafdi culus oo qaabilsan amniga garoomada usoo diray Muqdisho, kaas oo maanta la kulmay mas’uuliyiinta maamulka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde. Wafdiga oo ka tirsan hay’adda TSA ayaa si gaar ah ula shiray saraakiisha amniga garoonka iyo hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, waxayna ka wada-hadleen amniga guud ee garoonka Aadan Cadde. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii la isaga kaashan lahaa horumarinta amniga garoonka Muqdisho oo kamid ah ilaha dhaqaale ee ugu muhiimsan dowladda Soomaaliya. Sidoo kale wafdiga Mareykanka ayaa qiimeyn ku sameeyay howlaha sugida amniga garoonka iyo sida ay u shaqeeyaan hay’adaha amniga ee dowladda Soomaaliya. Sidoo kale mas’uuliyiinta ka socota hay’adda TSA ayaa dalka joogi doona muddo saddex maalmood ah, iyagoo kulamo la qaadan doono dhammaan qeybaha kala duwan ee ka howlgala garoonka Aadan Cadde, kulamadaan ayaa lagu qiimeynayaa heerka wanaagsan ee hey’adaha amniga Soomaaliya ay gaarsiiyeen sugidda amniga garoonka. Si kastaba kulanka mas’uuliyiinta maamulka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, hay’adaha amniga garoonka iyo hay’adda duulista rayidka oo dhinac ah iyo hay’adda TSA ay ku yeesheen xafiiska maamulka garoonka ayaa gogol xaar u noqon doona sidii lagu gaari lahaa in diyaaradaha ka duula garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde ee Muqdisho ay si toos ah uga degaan garoomada diyaaradaha dalka Mareykanka. Garoonka magaalada Muqdisho ayaa u shaqeeyo si maalinle ah, waxaana kusoo xirmay duulimaadyo caalami ah, taas oo sare u qaaday heerka shaqo ee garoonkan oo marin muhiim u ah dadka ka dhoofaya iyo kuwa kasoo dagaya gudaha magaalada Muqdisho. The post MAREYKANKA oo soo faro-geliyay amniga garoonka diyaaradaha Aadan Cadde appeared first on Caasimada Online.
  15. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehelinayo Madaxweynaha dalka Ereteriya Mudane Isaias Afwerki ayaa kormeer ugu tagay dugsiga ay ku tababaranayaan cutubyo katirsan ciidanka Cirka Soomaaliya. Ciidankaan ayaa ku sugan dugsiga ciidanka Cirka dowladda Ereteriya, halkaas oo ay muddo ku qaadanayeen tabarro la xiriira ciidanka circa, madaxweynaha ayaa bogaadiyay dadaalka ay ku jiraan ciidankaan oo qeyb ka ah kuwa dhowaan dalkaas tababar loogu qaaday. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa salaan sharaf ka qaatay ciidanka isagoo intaas kadib u kuur-galay xaaladaha ay ku sugan yihiin, wuxuu warbixinno ka dhageystay qaar ka mid ah saraakiisha iyo askarta uu tababarka u socdo. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intaas kadib soo gaba gabeeyey Socdaalkii uu ku joogay Magaalada Asmara ee dalka Ereteriya, waxaana inta u uku sugnaa uu kulan kooban uu la qaatay madaxweynaha Ereteriya. Dowladda Ereteriya ayaa dowladda Soomaaliya ugu deeqday tababarista ciidamo kale duwan oo ka tirsan xoogga dalka kuwaas oo qaar kamid ah ay dalka dib ugu soo laabteen, waxaana wali halkaas ku sugan ciidamo ka tirsan kuwa badda iyo circa ciidanka xoogga. Source: goobjoog.com
  16. 450537597_452853554244401_5092574988094085158_n Qaran News
  17. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan waddanka Eritrea ayaa shir gaar ah la yeeshay Madaxweynaha dalkaasi Asaias Afwerki. Labada Madaxweyne ayaa wada-hadal ka yeeshay xaaladda Geeska Afrika iyo Xoojinta Xiriirka iyo Iskaashiga labada dal ee dhinacyada Amniga iyo Siyaasadda sida laga soo xigtay wakaaladda Wararka ee dalka Eritrea. Dhinaca kale labada Madaxweyneayaa kormeer ugu tagay cutubyo katirsan ciidanka Cirka Soomaaliya oo tabbar ku qaadanaya xarunta ciidanka Cirka ee Ereteriya (EAF) ee magaalada Asmara. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa salaan sharaf ka qaatay ciidanka isagoo intaas kadib u kuur-galay xaaladaha ay ku sugan yihiin, wuxuu warbixinno ka dhegeystay qaar ka mid ah saraakiisha iyo askarta uu tababarka u socdo. PUNTLAND POST The post Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Eritrea oo Shir gaar ah ku yeeshay magaalada Asmara appeared first on Puntland Post.
  18. Asmara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan ku sugan dalka Eritrea ayaa isaga oo uu weheliyo Madaxweynaha dalkaas Mudane Isaias Afwerki waxa uu kormeer ugu tagay cutubyo ka tirsan ciidanka Cirka Soomaaliya oo tababar ku qaadanaya xarunta ciidanka Cirka ee Ereteriya (EAF) ee magaalada Asmara. Ugu horreyn Xasan Sheekh ayaa salaan sharaf ka qaatay ciidanka isagoo intaas kadib u kuur-galay xaaladaha ay ku sugan yihiin, wuxuu warbixinno ka dhageystay qaar ka mid ah saraakiisha iyo askarta uu tababarka u socdo. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa intaas kadib soo gaba gabeeyey Socdaalkii uu ku joogay Magaalada Asmara ee dalka Ereteriya. Madaxweyne Xasan ayaa sidoo kale la filayaa inuu wadahadal la yeesho dhiggiisa dalka Eritrea iyaga oo ka wada-hadli doono xoojinta xiriirka labada dal iyo sidoo kale arrimo badan oo muhiim u ah iskaashiga labada dal. Horraantii sanadkan unbey aheyd markii madaxweynaha uu safar ku tegay Asmara, maalmo un kadib markii Itoobiya iyo Somaliland ay heshiis is-afgarad ku gaareen Addis Ababa, kaasi oo madaxweyne Muuse Biixi uu Itoobiyaanka ugu saxiixay qeybo kamid ah biyaha Soomaaliya. Is-afgaradka ay la gashay Itoobiya ayey Somaliland ku sheegtay inay marin-badeed 20KM ah kaga kiraynayso Itoobiya muddo 50 sano ah, halka Itoobiya ay Somailand “u fidinayso aqoonsi.” Hase yeeshee weli heshiiskan mana noqon mid dhaqan-gala. Xiriirka Eritrea iyo Itoobiya ayaa xumaa tan iyo markii uu dhammaaday dagaalka gobolka Tigray ee dalka Itoobiya, oo ay heshiiyeen xukuumadda Abiy iyo Jabhadda TPLF, waxayna Soomaaliya xilligaan u aragtaa saaxiib muhiim ah. The post Madaxweyne XASAN oo u tegay ciidamada cirka ee loo tababarayo Somalia + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  19. Kulanka oo ka dhacay Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle Cismaan (Aadan Cadde) ayaa waxaa ka qeyb galay hay’adaha amniga garoonka iyo hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed iyo masuuliyiin ka socotay hey’adda Mareykanka u qaabilsan amniga garoomada TSA, kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii la isaga kaashan lahaa horumarinta amniga garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Masuuliyiinta ka socota hay’adda TSA ayaa dalka joogi doona muddo 3 maalmood ah, iyagoo kulamo la qaadan doono dhammaan qeybaha kala duwan ee ka howlgala garoonka Aadan Cadde, kulamadaan ayaa lagu qiimeynayaa heerka wanaagsan ee hey’adaha amniga Soomaaliya ay gaarsiiyeen sugidda amniga garoonka. Kulanka masuuliyiinta Maamulka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cabdulle, Hay’adaha Amniga Garoonka iyo Hay’adda Duulista Rayidka oo dhinac ah iyo Hay’adda TSA ay ku yeesheen xafiiska maamulka garoonka ayaa gogol xaar u noqon doona sidii lagu gaari lahaa in diyaaradaha ka duula garoonka caalamiga ah ee Aadan Cabdulle ee Muqdisho ay si toos ah uga degaan garoomada diyaaradaha dalka Mareykanka. Source: goobjoog.com
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka oo guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe la kulmay ayaa u sheegay in aan ajendaha Villa Somalia lagu sii wadi karin howlaha baarlamaanka, sida ay ogaatay Caasimada Online. Xogta aan helayno ayaa sheegaysa in illaa labaatameeyo xildhibaan oo ka tirsan golaha ay Aadan Madoobe si cad ugu sheegen in guddoonka baarlamaanka looga baahan yahay inuu ka baxo jeebka madaxtooyadda iyo xukuumadda. Xildhibaannada ayaa ka digay in haddii guddoonka uu sii wado afduubka uu ku haayo howlaha baarlamaanka ay qasab noqon doonto inuu xirmo fadhiyada baarlamaanka, wixii mas’uuliyad ah ee ka dhasha uu qaadayo guddoonka. Kal-fadhiga 5-aad ee baarlamaanka oo furmay horraantii toddobaadkan ayaa waxay Villa Somalia qorsheynaysa inuu meel-mariyo sharciyo dhowr ah oo kamid yahay kan doorashooyinka, guddiga doorashooyinka iyo xeerka lagu dhisayo iyo weliba sharciga axsaabta, sida ay ogaatay Caasimada Online. Madaxtooyadda oo gacan ka helaysa guddoonka baarlamaanka ayaa qorsheynaysa in sharciyadan ay marsato baarlamaanka inta lagu jiro kal-fadhiga 5-aad, xilli ay xildhibaannada qaar durba muujiyeen sida ay uga soo horjeedan qorshaha Villa Somalia ay usoo xambaarineyso guddoonka baarlamaanka. Villa Somalia ayaa horey u marsatay baarlamaanka afartii cutub ee dastuurka ee mucaaradka ka qeyliyay iyo heshiiskii Turkiga ee illaa hadda baarlamaanka aqoonin wax ku qoran, kuwaasi oo dhamaantood ku gacan siiyay guddoonka baarlamaanka Soomaaliya. Horey waxaa buuq badan ka dhashay ansixinta cutubyada hore ee dastuurka, kaasi oo illaa hadda diidan yihiin siyaasiyiinta mucaaradka, maadaama ay ku jireen qodobo culus oo qeyb ka tahay nooca doorasho ee la aadayo, taasi oo illaa hadda wax tallaabo ah loo qaadin. Si kastaba, weli ma cadda sida ay wax noqon doonaan, waxaana muuqata in markaan Villada ay rabto inay dhameystirato qorshaha qabyada ka ah, kaasi oo diidan yihiin xildhibaannada qaar oo la safan mucaaradka. The post Xog: Xildhibaano Aadan Madoobe ugu tegay qorshe ka dhan ah Villa Somalia appeared first on Caasimada Online.
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaanka booliska Soomaaliya ayaa la filayaa inuu isbeddel ku dhaco. Wararka la xiriira in xilkaan la siinayo taliyihii hore ee ciidanka PSF Jeneraal Asad Cusmaan Diyaano ayaa noqday kuwo soo noq-noqday dhowrkii asbuuc ee lasoo dhaafay. Kursiga hadda waxaa ku fadhiya Jeneraal Sulub oo si gaar ah isku xisaab ku yihiin ra’iisul wasaare Xamza. Gudaha saami-qeybsiga reerka uu Xamza ku metelo 4.5 ayaa dheelinaayay muddooyinkii lasoo dhaafay, iyada oo ra’iisul wasaaraha uu hal dhinac marsaday xilkiisa iyo xilal kale oo kamid yihiin; Taliyaha booliska Safiirka Itoobiya Safiirka Imaaraafka Ergeyga Xasillinta iyo Hoggaanka dhowr hay’adood oo ka tirsan kuwa dowladda federaalka ah. Madaxweyne Xasan Sheekh oo marwalba lagu eedeeyo inuu qabo colaad gaar ah oo reerka Puntland deg ah ayaa hadda la eegaya haddii uu dib u sixi karo saami-qeybsiga, gaar ahaan haddii uu ra’iisul wasaarihiisa ku qancin karo inuu dadka la dhashay wax u hanbeeyo. Xasan Sheekh oo laba jeer madaxweyne noqday wuxuu magacaabay afar ra’iisul wasaare. Hal mar ayuu qalinkiisu qabtay qof reer Puntland ah waana Cumar Cabdirashiid, kaas oo isna la sheegay inay safaaradda Mareykanka soo jeedisay magacaabistiisa, maadaama uu Xasan Sheekh xilligaasi aad u rabay inay Mareykanka la shaqeeyaan. Macnaheedu waa in reer Puntland ay weli u dhadhami la’yihiin madaxweyne Xasan Sheekh. Hadda iyo taliyaha booliska Wararka ah inuu kursiga u dhowyahay dhinaca Asad Diyaano waa kuwo saxan. Waxaase la sheegay inuu ra’iisul wasaare Xamza dagaal badan u galay inuu Sulub sii joogo taliska booliska. Xubno badan oo siyaasiyiin ah oo reer Puntland oo madaxweyne Xasan Sheekh dhowr jeer kala hadlay mowduucan, ayuu Xasan u sheegay inay xaggiisa diyaar ka tahay, balse wuxuu farta ugu fiiqay dhinaca xafiiska ra’iisul wasaaraha, kadibna waxay xubnahaasi u sheegeen Xasan Sheekh inuu isagu soo xaliyo ra’iisul wasaarihiisa. Xogihii u dambeeyay ee kursigan waxay sheegayaan inay Xasan Sheekh iyo Xamza ka wada-hadleen in kursiga la siiyo Asad Diyaano, oo hoos loo dhigo colaaddii ay ku mideysnaayeen ee reer Puntland. Xamza waxaa la sheegay inuu hadda halkii hore kasoo dabcay oo uu ogol yahay in la beddelo Sulub, si loogu diyaar garoobo marxalada labaad ee xukunka Xasan Sheekh oo hadda laba jirsaday. Haddaba, waa maxay muhiimadda loo qaadanayo Asad Diyaano? Midda koowaad: Xasan Sheekh waa kasoo qancay in aanay isaga iyo Saciid Deni dib isku aamini karin. Deni hadda diyaar uma ahan sida la sheegay inuu Xasan Sheekh waxba badan la wadaago, wuxuuna bilaabay inuu yiraahdo “nuuca doorashada iyo inay waqtigeeda ku dhacdo unba Xasan Sheekh ka rabna”. Haddii aadan Deni haysan, waa inaad Asad Diyaano haysatid marka dan ka leedahay Puntland. Midda labaad: waa macaamilka hay’addaha amniga ee caalamka. Taliyaha hadda xilka jooga Sulub iyo taliyaha la saadaalinayo inuu beddeli doono Asad Diyaano masaafo dheer ayaa u dhaxeysa xagga xiriirka hay’addaha amniga ee caalamka. Midda saddexaad ee Asad Diyaano loo qaadanayo waa dib u nooleynta shaqada booliska oo hadda u muuqata inay si weyn uga hoos martay heerkii laga rabay, gaar ahaan sida uu booliska u samata-bixin karo umad colaad kasoo kabaneysa. Wararka waxay intaas ku darayaan in tobanka cisho ee soo aadan la magacaabi karo Asad Diyaano hadddi aanay wax kale isbeddelin oo uusan markale madaxweyne Xasan Sheekh ka boodin reer Puntland. The post Magacaabista Asad Diyaano: Xasan iyo Xamza midkee diidan reer Puntland? – Xog appeared first on Caasimada Online.
  22. 27 Juun 2024 doodii dhexmartay Biden iyo Trump waxaa ka dhashay in wargeysyo iyo dad ah asxaabu ra’yi iyo mufakiriin, lana saaxiib ah Biden ay Madaxweynaha ka dalbadeen inuu isaga haro tartanka doorashada. Wargeysyada fekerkaa ugu caansan waxaa kamid ah; tifaftirayaasha The New York Times Editorial Board, The Chicago Tribune Editorial Board, The Atlanta Journal-Constitution Editorial Board, The Boston Globe Editorial Board, The Economist. Kulligood waxay usbuucii tagey qoreen kalmado ah; “Madaxweyne, kahar doorashada wanaagga dalkaaga awgiis”, “Kalsoonidii dalka waad gilgishay”, “Biden isaga uun baa isku ciyaaraya”. Dadka caanka ah ee iyaguna qoray waxaa kamid ah Th. Friedman oo buugaag badan qoray, oo ku tilmaamay ‘qalbijab’, Nicholas Kristof oo yiri “wuxuu xoojiyay aragtidii inuu Biden yahay waayeel aan dalkan maamuli karin”, Paul Krugman oo yiri “mandiqa ayaa ka lumay Biden” iyo David Ignatius oo arrimaha dibadda The Washington Post yiri; “Tartamidda Biden waxay aflagaaddo ku tahay ehel, shaqaale iyo taageerayaal”. Source: Hiiraan Online
  23. Mogadishu (HOL) — Somali National Army troops, supported by local militia, have destroyed several Al-Shabaab hideouts in the Hiiraan region's Buula Burte district, the government announced. Source: Hiiraan Online
  24. Mogadishu (HOL) — Intense clan conflicts in Somalia's Mudug region have displaced more than 5,820 individuals, the United Nations High Commissioner for Refugees (UNHCR) reported. The violence, which erupted between the Sa'ad and Lelakase sub-clans, has severely impacted the local population and infrastructure over the past four months. Source: Hiiraan Online
  25. Jabuuti (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali oo booqasho rasmi ah ku jooga Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa kulan xasaasi ah la qaatay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle. Hoggaamiyaha ayaa madaxweyne Geelle uga warbixiyay xaaladda guud ee SSC-Khaatumo, nabadda iyo xasilloonida ka jirta deegaannadaasi, maamul dhiska iyo hiigsiga dhaw ee dibu dhiska kaabayaasha dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada, sida lagu yiri qoraal kasoo baxay SSC-Khaatumo. Firdhiye ayaa sidoo kale si weyn uga mahad-celiyey soo dhawaynta diirran ee shacabka iyo dowladda Jabuuti ku soo dhaweeyeen wafdiga uu horkacayo ee SSC-Khaatumo. “Hoggaamiyaha ayaa bogaadiyay doorka dowladda Jabuuti ee dowlad dhiska Soomaaliya iyo guud ahaan iskaashiga amniga ee gobolka,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay SSC-Khaatumo Madaxweyne Geelle ayaa dhankiisa bogaadiyey booqashada hoggaamiyaha iyo wafdigiisa ku yimaadeen dalka Jabuuti, isagoona xusay in Jabuuti tahay dal iyo dowlad xarun u ah Soomaali oo laga jecel yahay dhammaan dadka Soomaliyeed. Shalah ayey aheyd markii uu Firdhiye dalka Jabuuti uu kulan muhiim ah kula qaatay madaxda u saraysa urur-goboleedka IGAD, oo uu hoggaaminayey Xoghaye ku-xigeenka sare ee IGAD Maxamed Cabdi Waare oo ah madaxweynihii hore ee HirShabeelle. Madaxda IGAD ayaa hoggaamiyaha kala hadlay sidii Geeska Afrika looga heli lahaa nabad waarta oo ku dhisan is qadarin iyo deris-wanaag, iyada oo Firdhiye u cadeeyey madaxda IGAD in shacabka iyo maamulka SSC-Khaatumo ay diyaar u yihiin ka shaqaynta nabadda iyo deris wanaagga. Si kastaba, socdaalka hoggaamiye Firdhiye ee dalka Jabuuti ayaa imanaya xilli ay xiisad xooggan ka dhaxeyso hoggaanka Somaliland iyo Jabuuti, islamarkaana ay dowladda Jabuuti marti-gelisay jabhad kasoo jeeda gobolka Awdal oo rabta inay dagaal la gasho maamulka Muuse Biixi. The post Ismaaciil Cumar Geelle oo qaaday tallaabo farriin dagaal cad ah u dirtay Somaliland appeared first on Caasimada Online.