-
Content Count
211,291 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Ciidanka Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Jubbaland ayaa fuliyey howlgallo ka dhan ah kooxda Alshabaab deegaannada Harboole iyo Weelmaro oo hoos taga degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose. Ciidamada Xoogga iyo kuwa Jubbaland ayaa howlgalkooda ku gaaray deegaanno la sheegay in Shabaab isku uruursanayeen, , waxaana jira khasaare ka dhashay howlgalka sida laga soo xigtay saraakiil ka tirsan ciidanka. ,Ciidamada ayaa ku sii wajahan deegaano hor leh, iyagoo kaabiga ku haya magaalooyinka Xagar iyo Jamaame, sida lagu yir war ka soo baxay ciidanka, maalmihii lasoo dhaafay ciidanka ayaa la waraeegay deegaanno dhowr ah. Saraakiisha hoggaaminaya ciidamada ayaa Warbaahinta ciidamada u sheegay in howlgalku uu sidii loo qorsheeyay u socdo, isla markaana ay bulshada faahfaahin ka sii doonaan markii lasoo gabagabeeyo. Ciidanka Ciidanka Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Jubbaland ayaa dhowaan bilaabay howlgal u jeedkiisa lagu sheegay in Al-shabaab lagaga saaro deegaannada at kaga sugan yihiin Jubbada hoose, xilli dhowaan laga saaray Buulo Xaaji. Source: goobjoog.com
-
Raysal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa la kulmay Taliyaha Ciidanka Suudaan General Abdel Fattah al-Burhan, isagoo noqday hogaamiyihii ugu horreeyay ee ajnabi ah oo ku booqda caasimaddiisa dagaalka ee Port Sudan tan iyo markii uu billowday colaadda u dhaxeysa ciidanka dowlada Sudan iyo xoogagga RSF. Abiy, oo hore loogu arkayay inuu RSF uga dhow yahay ciidanka, isla markaana bishii December ku marti-geliyay Addis Ababa hoggaamiyahooda Mohamed Hamdan Dagalo, ayaa booqashadiisa u qaabeeyey inay qayb ka tahay sidii xasillooni loogu soo dabbaali lahaa Suudaan ka dib ku dhawaad 15 bilood oo colaad ah. Dagaalka u dhaxeeya kooxaha militariga Suudaan ayaa ku dhawaad 10 milyan oo qof ku qasbay in ay guryahooda ka barakacaan, waxaana qeybo ka mid ah dalkaasi ka abuurmay xaalado macluul oo kale ah. Iyadoo RSF ay qabsatay inta badan caasimadda Khartoum iyo badhtamaha iyo galbeedka Suudaan, ciidanku waxay maamulaan gobollada bari iyo waqooyiga, oo ay ku jirto Port Sudan, oo saldhig u noqotay. Wadahadalo ay marti galiyeen Sacuudiga iyo Mareykanka oo ka dhacay magaalada Jeddah ee looga golleeyahay in lagu dhexdhexaadiyo xabbad joojintii kal hore istaagtay iyo isku daygii lagu doonayay in ciidanka lagu soo celiyo miiska wada xaajoodka ayaan ilaa hadda guul dareysan. Ilo ku dhow arrintan ayaa sheegay in Abiy uu fursad wanaagsan u heystay inuu horumar gaadho isagoo dhulka jooga.Booqashadan ayaa dhacday ka dib markii weerar ay RSF ku qaadeen gobolka Sennar ee koonfur bari bishii hore uu dagaalka ku soo dhawaaday xadka Sudan uu la wadaago Itoobiya. Bishii hore ayay ahayd markii beeralayda Sudan ee gobolkaasi ay sheegeen in Maleeshiyada Fano ee Itoobiya ay soo galeen dhulka Al Fushqa ay ku muransan yihiin labada dal. Abiy ayaa khudbad uu jeediyay Isniintii ku sheegay in dagaalka uusan ka faa’ideysan doonin in arrinta lagu dhameeyo, isla markaana dowladdiisa aysan la safan doonin dhinacyada isku haya dalka Sudan. Abiy ayaa xulafo la ah Imaaraatka Carabta oo ay ciidamadu ku eedeeyaan in ay taageero agab ah siiyaan RSF, eedeymaha Imaaraadku waa uu diiday balse khubarada Qaramada Midoobay ayaa sheegay in warkaas la aamini karo. Source
-
Guusha Jamhuuriyadda Somaliland usoo hoyatay waa maxay?! Ugu horayn, guusha Jamhuuriyadda Somaliland u soo hoyatay waxa weeye in xukuumadda cusub ee goaha wasiirada ee xisbiga talada dalka UK ku guulaystay uu ku soo daray masuulyiin taageera qaddiyada jamhuuriyadda Somaliland oo uu ka midyahay wasiirka cusub ee maaliyadda dalka UK, mudane xildhibaan Darren Jones iyo xildhibaan Kerry McCarthy oo wakhti dheer ku soo jirtay xisbiga labour ka. Xildhibaan Kerry McCarthy waa xildhibaan in badan siyaasadda ku jirtay muddo dheerna xildhibaan ahayd. Waana saaxiibada Somaliland, sidoo kalana ka tirsan ururka “friends of Somaliland.” Waxayna booqosho ku timi jamhuuriyadda Somaliland. Haddaba, muddo ku siman 12 sannadood waxa wada shaqayn qoto dheer ka dhaxaysay xildhibaan Hibaaq Jaamac iyo xildhibaan Darren Jonen oo haddana ah wasiirka maaliyadda dawladda UK. Intaas waxa dheer, xildhibaan Hibaaq iyo Xildhibaan Darren Waxay kasoo wada shaqeeyeen magaalada bristol ee dalka ingiriiska illaa iyo wakhtigii ay soo wada galeen siyaasadda. Waxayna soo wada qabteen shaqooyin muhiim u ahaa dalka ingiriiska oo ay ka wada mid noqdeen jagooyin kala duwan marka laga yimaado jagooyinkooda xildhibaannimo, sidaas oo ay tahay xildhibaan Hibaaq waxa ay gaadhay inay qabato jago sare oo ah “safiirka maalgashiga iyo ganacsiga caalamka ee magaalada bristol ee UK.” https://www.bristolpost.co.uk/…/inside-story-behind-how… Muddadii ay ku wada jireen xisbiga labour ka oo talada dalka ku guulaystay maalinnimaddii 05/07/2024 waxay kusoo biiriyeen xisbiga taageero iyo talooyin badan iyagoo qayb ka ahaa guusha xisbiga. Sidoo kale, waxay dalka UK iyo magaalada bristol usoo jiideen oo ay ku guulaysteen maalgashiyo caalami ah, iyagoo keenay shirkado waawayn uu muhiim u ahaa dhaqaalaha dalka UK iyo magaalada bristol. Marka laga yimaado caasimadda London ee dalka UK, magaalada bristol waa magaalada ay kasoo xarooto miisaniyadda ugu badan iyo dhaqaalaha dalka UK. Isla markaana ay magaalada bristol ku celiso dhaqaale aad u badan dalka UK marka laga yimaado inta kaga soo noqota. Haddaba, aqoonta iyo wadashaqaynta ka dhexaysa xildhibaan Darren iyo xildhibaan Hibaaq waa mid soo xididaysatay, oo ay wada shaqayn badan soo wada yeesheen. Sidaas darteed, guushii xildhibaan Darren waxa qayb wayn ka qaatay xildhibaan Hibaaq waxayna u ahayd la taliye muhiima, iyadoo door muhiima ay ka qaadatay olalihiisa iyo guushiisaba. Sidoo kale, xildhibaan Hibaaq waxay kasoo qayb qaadatay horumarinta jaaliyadda reer Somaliland ee degan dalka UK, gaar ahaan magaalada bristol iyo qaddiyada dib u aqoonsiga jamhuuriyadda Somaliland mudadii ay xilka haysay. Runtii, xildhibaan Hibaaq kama aysan gabban jirin qaddiyada dalkeeda hooyo ee jamhuuriyadda Somaliland maadama oo ay kasoo jeedo kuna dhalatay, kana tagtay dalka iyadoo laba jir ah. Illaa iyo haddana waxay ka shaqaysaa sidii dalkeeda hooyo u heli lahaa aqoonsi buuxa. Waxayna ku hanwayn tahay inay wax badan ay usoo jiidi doonto haddii uu dalkeeda hooyo helo aqoonsi buuxa. Ugu dambayn, xildhibaan Darren oo ah wasiirka cusub ee maaliyadda UK waxa uu aqoon durugsan u leeyahay jamhuuriyadda Somaliland maadama Somaliland ay xorriyadeedii ka qaadatay boqortooyadii ingiriiska 26/06/1960 kii. Muddadaas uu aqoonta u lahaa jamhuuriyadda Somaliland aad ayuu ula dhacsana horumarka ay gaadhay. Source
-
Sarakiil Falastiiniyiin ah ayaa sheegay in duqeyn cirka ah oo ay Israa’iil ka geysatay koonfurta Marinka Gaza ay ku dishay ugu yaraan 30 qof oo Falastiiniyiin ah. Khasaaraha badan ee rayidka ayaa dhacay kaddib markii la duqeeyay guryo hore iskuul u ahaa jiray oo ay qoysas Falastiiniyiin ah gabbaad ka dhiganayeen. Xamas ayaa ka digtay in ay taasi halis gelin karto wadahadalada xabad joojinta. Milateriga Israa’iil ayaa sheegay inay eegayaan warbixinta. Agaasimaha xafiiska warbaahinta ee Hamas maamusho ee Gaza Ismaaciil Al-Tha-wabta ayaa sheegay in Israa’iil ay duqeeyno ka geysatay deegaano ku yaala bartamaha Gaza ayna ku dhinteen 60 Falastiiniyiin ah, halka ay ku dhaawacmeen tobanaan kale. Dadka deegaanka ayaa sheegay in taangiyada Israa’iil eey gudaha u soo galeen xaafadaha Tel-Al-Xawa Shejaciya iyo Sabra ee magaalada Gaza ayna tacshiiradeyeen wadooyin iyo dhismayaal, kuna qasbeen dadka inay ka cararaan guryahooda milatariga Israa’iil amaro soo dhigay baraha bulshada oo ku saabsanaa in dadku ay guuraan. Isra’iil ayaa saddexdii maalmood ee u danbeeyay aad u sii xoojiyay duqeymaha ay la beegsaneyso koofurta, badhtamaha iyo waqooyiga Gaza, halkaas oo ay ku dishay tobnaan qof oo u badan dumar iyo carruur. Source
-
Dowladda turkiga ayaa si adag u cambaaraysay weerarkii ay Israa’iil ku dishay ku dhawaad 30 qof oo goob iskuul ah gabaadsanayay, kuwaas oo duqeyn aan loo meel dayin lagu xasuuqay gudaha Falastiin oo siweyn loogu cambaareeyay. War qoraal ah oo ay soo saartay Wasaaradda arrimaha dibadda Turkigu ayay dowladdu ku muujisay sida ay uga xun tahay weerarka Israa’iil ay ku qaadday iskuul ay deggan yihiin dad barakacayaal ah oo ku yaalla magaalada Khan Yuunis. Bayaanka wasaaradda arrimaha dibadda ayaa lagu yiri “Waxaan cambaareyneynaa gumaadka ay Israa’iil ku dishay tobannaan qof oo rayid ah oo aan waxba galabsan oo lagu duqeeyay iskuulka ay gabaad ka dhiganayeen ee ku yaalla magaalada Khan Yunis ee marinka Qasa.” Wasaaradda ayaa intaa ku dartay in Helitaanka xabaalo-wadareedyo laga helay Khan Yuunis iyo beegsiga 4 dugsi ee halkaas ku yaalla ee afartii maalmood ee la soo dhaafay la weeraray ay caddayn la taaban karo u tahay in Israa’iil ay doonayso inay si buuxda u baabi’iso dadka reer Falastiin ee marinka Qasa. Duullaanka maamulka Israa’iil iyo duqeymaha arran darrada ah ee Qasa ayaa socda bishii 10-aad oo xariir ah, ayadoo tirada dhimashada Falastiiniyiintu ay 40 kun ku dhowdahay, Israa’iilna ay saraakiil badan ku wayday illaa haddana aanay wax guul ah ka gaarin markii laga reebo gumaadka rayidka aan waxba galabsan. Source: goobjoog.com
-
Spain came from behind to secure a 2-1 victory over France in the Euro 2024 semifinal on Tuesday, thanks to quick goals from Lamine Yamal and Dani Olmo. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweyne Biden oo martigelinaya shir-madaxeedka shan iyo toddobaatan-guuradii NATO oo Washington ka dhacaya ayaa u sheegay hoggaamiyeyaasha ka qayb galaya in ururku uu yahay isbahaysiga difaaca ee ugu weyn uguna waxtarka badan adduunka. Mr Biden ayaa shir-madaxeedka furay isagoo ku dhawaaqay in Washington iyo xulafadeedu ay Ukraine siin doonaan shan hab oo difaaca cirka ah oo ay ku jiraan baytariyada gantaalaha Patriot. Isagoo u hadlayay si xallad leh ayuu Mr Biden ku adkaystay in Ukraine ay awood u leedahay ka jortagga Vladimir Putin. Madaxweyne Zelensky, ayaa soo dhaweeyay deeqda laakiin wuxuu sheegay inaysan ku filn Wuxuu ugu baaqay Maraykanka in aan laga tanaasulin ka hortagga gardarrada Ruushka. Mr Zelensky ayaa sidoo kale ku booriyay Mareykanka in aan laga daahin tagaeerada la shaaciyay in dalkiisa la siin doono. bbcsomali Qaran News
-
Duqeymo dhanka cirka ah oo ay fuliyeen ciidamada Israel ayaa lagu dilay 29 Falastiiniyiin ah oo ku sugnaa teendhooyin iskuul ku yaala magaalada Abassan, oo u dhow Khan Younis ee koonfurta Gaza. Warbaahinta oo soo xiganaysa Masuuliyiinta Falastiiniyiinta ayaa sheegtay in meesha la weerarin aysan joogin cid hubeysan. Weerarku waa weerarkii afraad ee ay Israa’iil ku garaacdo dhismo dugsi oo gabaad ahaan loogu isticmaalo Gaza muddo afar maalmood gudahood ah, wuxuuna imanayaa ka dib markii Israa’iil ay soo saartay amarro cusub oo daad-gureynta qaybo ka mid ah Khan Younis iyo magaalada Gaza, taasoo ku khasabtay tobanaan kun inay cararaan. Kooxda xuquuqul insaanka ayaa iftiimisay awood la’aanta Israa’iil in ay baarto dambiyada dagaal ee lagu eedeeyay militariga Baaritaan ay sameysay hay’adda xuquuqul insaanka Israa’iil ee Yesh Din ayaa lagu ogaaday in 573 kiis oo lagu eedeyay dambiyo ay milatariga Israa’iil ka geysteen Gaza tobankii sano ee la soo dhaafay. Tan iyo bishii October Israa’iil ayaa lagu eedeeyay beegsiga dadka masaakiinta ah ee dhulkooda laga barakiciyay. Source: goobjoog.com
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa booqday Masaajidka taariikhiga ah ee Shiikh Cabdulqaadir Jeylaani ee magaalada Baqdaad. Ra’iisul Wasaaraha ayaa la kulmay maamulka iyo culimada masaajidka gacanta ku haya, wuxuuna uga mahadceliyey soo dhoweynta diirran ee isaga iyo wafdigiisa loo sameeyay, iyadoo lagu soo wareejiyay afarta qaybood ee masaajidku ka kooban yahay oo lagu baran jiray afarta madhab ee Xanafiya, Shaaficiya, Maalikiya iyo Xambaliya. Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa dul istaagay taariikhda iyo muhiimadda Masaajidka Shiikh Cabdulqaadir Jeylaani, oo sanad walba Muslimiin badan oo caalamka Islaamka ka socda ay soo booqdaan, Waxa uu sheegay in Shiikhu ahaa caalim Sunni ah oo diinta Islaamka faafiyay, una horseeday dad badan inay raacaan jidka xaqa ah. Culimmada Masaajidka Shiikh Jeylaani ee Baqdaad ayaa uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha Booqashadiisa, waxayna ugu duceeyeen shacabka Soomaaliyeed nabad iyo horumar. Source: goobjoog.com
-
Samia Yusuf Omar was a Somali athlete who competed with honor in the 2008 Beijing Olympics. Driven by her dream of participating in the 2012 London Summer Olympics, she left her country, which had fallen into chaos, to come to Europe as a migrant. Her journey ended when she drowned while trying to reach Sicily. Her story is now recounted in a theater play in Ravenna, based on the novel "Don't Tell Me You Are Afraid" by Italian writer Giuseppe Catozzella. Source: Hiiraan Online
-
Kismayo (HOL) — A delegation led by Jubbaland's Deputy President Mahamud Sayid Aden arrived today in Luuq, Gedo region, aiming to mediate a recent deadly clan conflict that has resulted in around 30 deaths and numerous injuries. The delegation, including ministers and MPs from Jubbaland, was welcomed by the district administration and community members. Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu (HOL) — The leader of ISIS in Somalia, Abdulqadir Mumin, has been confirmed alive after surviving a U.S. airstrike targeting him on May 31, 2024. Although unconfirmed, sources within Puntland's intelligence agencies told Hiiraan Online that Mumin continues to operate from a highly secured, secret location in the Al-Miskaad mountains of the Bari region. Source: Hiiraan Online
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa booqday Masaajidka taariikhiga ah ee Shiikh Cabdulqaadir Jeylaani ee magaalada Baqdaad. Ra’iisul Wasaaraha ayaa la kulmay maamulka iyo culimada masaajidka gacanta ku haya, wuxuuna uga mahadceliyey soo dhoweynta diirran ee isaga iyo wafdigiisa loo sameeyay, iyadoo lagu soo wareejiyay afarta qaybood ee masaajidku ka kooban yahay oo lagu baran jiray afarta madhab ee Xanafiya, Shaaficiya, Maalikiya iyo Xambaliya. Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa dul istaagay taariikhda iyo muhiimadda Masaajidka Shiikh Cabdulqaadir Jeylaani, oo sanad walba Muslimiin badan oo caalamka Islaamka ka socda ay soo booqdaan, Waxa uu sheegay in Shiikhu ahaa caalim Sunni ah oo diinta Islaamka faafiyay, una horseeday dad badan inay raacaan jidka xaqa ah. Culimmada Masaajidka Shiikh Jeylaani ee Baqdaad ayaa uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha Booqashadiisa, waxayna ugu duceeyeen shacabka Soomaaliyeed nabad iyo horumar. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo booqday Masaajidka Shiikh Cabdulqaadir Jeylaani ee magaalada Baqdaad appeared first on Puntland Post.
-
LONDON, United Kingdom (HOL) — Channel 4 is launching a new social experiment series, "Go Back To Where You Came From," where Britons will retrace dangerous refugee and migrant routes to the UK. Inspired by an award-winning Australian format, the four-part series aims to offer an unfiltered look at immigration realities. Source: Hiiraan Online
-
For weeks Kenya has been mired in protest. Confronted with demonstrators denouncing the tax policies of William Ruto, Kenya’s president, the security forces responded ruthlessly. They have killed 39 people, most of them in Nairobi on June 25th, when protesters briefly overran Parliament and set a portion of it ablaze. Looting has also erupted in several towns and cities, although it is unclear whether this was by state-backed provocateurs, as the protesters allege, or by opportunist criminals, as Mr Ruto claims. Source: Hiiraan Online
-
Israa’iil oo in ka badan 30 rayid ah ku dishay Marinka Gaza
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Mas’uuliyiinta Reer Falastiin ayaa sheegay in duqeyn cirka ah oo ay Israa’iil ka geysatay koonfurta Marinka Gaza ay ku dishay ugu yaraan 30 qof oo Falastiiniyiin ah. Khasaaraha faraha badan ee rayidka ayaa dhacay kaddib marki la duqeeyay guryo horay iskuul u ahaa jiray oo ay qoysas Falastiiniyiin ah gabbaad ka dhiganayeen. Xamas ayaa ka digtay in ay taasi halis gelin karto wadahadalada xabad joojinta. Milateriga Israa’iil ayaa sidoo kale sheegay in ay eegayaan warbixintaasi. Israa’iil ayaa saddexdi maalin ee u danbeeyay aad u sii xoojiyay duqeymaha ay la beegsaneyso koofurta, bartamaha iyo waqooyiga Gaza, halkaas oo ay ku dishay tobnaan qof oo u badan dumar iyo carruur. PUNTLAND POST The post Israa’iil oo in ka badan 30 rayid ah ku dishay Marinka Gaza appeared first on Puntland Post. -
Madaxweyne Biden oo martigelinaya shir-madaxeedka shan iyo toddobaatan-guuradii NATO oo Washington ka dhacaya ayaa u sheegay hoggaamiyeyaasha ka qayb galaya in ururku uu yahay isbahaysiga difaaca ee ugu weyn uguna waxtarka badan adduunka. Mr Biden ayaa shir-madaxeedka furay isagoo ku dhawaaqay in Washington iyo xulafadeedu ay Ukraine siin doonaan shan hab oo difaaca cirka ah oo ay ku jiraan baytariyada gantaalaha Patriot. Isagoo u hadlayay si xallad leh ayuu Mr Biden ku adkaystay in Ukraine ay awood u leedahay ka jortagga Vladimir Putin. Madaxweyne Zelensky, ayaa soo dhaweeyay deeqda laakiin wuxuu sheegay inaysan ku filn Wuxuu ugu baaqay Maraykanka in aan laga tanaasulin ka hortagga gardarrada Ruushka. Mr Zelensky ayaa sidoo kale ku booriyay Mareykanka in aan laga daahin tagaeerada la shaaciyay in dalkiisa la siin doono. PUNTLAND POST The post Isbahaysiga NATO oo hub iyo saanad ciidan siinaya dalka Ukraine appeared first on Puntland Post.
-
As the sun set over the vibrant cityscape of Istanbul, I found myself reflecting on the profound insights and experiences gathered during our study tour in Turkey. Representing a delegation of government officials from various ministries and private sector leaders from Somalia, our mission was clear: to explore and understand the intricacies of Public-Private Partnerships (PPP) and envision how these partnerships could be harnessed to fuel Somalia’s ambitious plan, the National Transformation Plan (NTP) 2025-2029. Our journey took us through the heart of Turkey’s infrastructure marvels, from the impressive Northern Marmara Highway and the 3rd Bosphorus Bridge to the world-renowned Ankara Bilkent City Hospital, Ankara Airport and the cutting-edge Eurasia Tunnel. Each of these projects is a testament to the transformative power of PPPs, where the collaborative eff orts between the public and private sectors have resulted in infrastructure that not only meets but exce eds global standards. We began our tour with a warm reception by Mr. İlhan Hatipoğlu, the Deputy Minister of Treasury and Finance, at the Ministry of Treasury and Finance, Emek Campus in Ankara. The Somalia delegation, led by Hon. Abdiqafar Elmi Hange, Deputy Minister of Finance, expressed our collective enthusiasm for the potential of PPPs. In his remarks, Hon. Abdiqafar hinted that it is the right time for Somalia to take PPPs forward as part of its post-HIPC strategy, emphasizing the importance of leveraging these partnerships to accelerate our national transformation agenda. The opening sessions provided a comprehensive overview of Turkey’s PPP legal framework and regulatory environment. Turkey has strategically employed various PPP models tailored to specific sectors to drive infrastructure development and improve public services. The Build-Operate-Transfer (BOT) model in the transport sector, Build-Own (BO) in the energy sector, and Build-Lease-Transfer (BLT) in the health sector have been pivotal. In contrast, the Philippines and Malaysia use the BLT model for airports and public transport, the US and India employ the BO model for the energy sector, and Brazil and South Africa effectively use the Transfer of Rights model for transportation. While different countries apply different models, they commonly use PPP to create value for money and efficient risk transfer. Relevance to Somalia: PPPs as Catalysts for Transformation The relevance of PPPs to Somalia cannot be overstated. As we embark on the ambitious path laid out by the NTP, the focus on private investments, job creation, and improved government performance is paramount. PPPs offer a structured framework to achieve these goals by leveraging private sector expertise, efficiency, and capital. Somalia has long considered implementing PPPs, but it is now, under the visionary leadership of His Excellency Prime Minister Hamza Abdi, that we see a committed drive to move forward with these initiatives. This momentum aligns seamlessly with the broader Vision 2060 spearheaded by His Excellency President Hassan Sheikh Mohamud, which aims to propel Somalia into a new era of sustainable development and economic prosperity. logistics infrastructure: The Promise of PPPs in Somalia’s NTP One of the most promising areas for PPPs in Somalia is the logistics infrastructure sector. Our discussions in Turkey highlighted the critical importance of modern and efficient transport networks in supporting economic activities. In Somalia, establishing a separate lab focused on logistics infrastructure under the NTP can pave the way for significant advancements in this sector. Imagine modern airports that facilitate increased trade and tourism, ports that become gateways for international commerce, and highways and bridges that connect remote areas, fostering inclusivity and development. Additionally, building new fishing ports will bolster our fishing industry, providing more employment opportunities and contributing to food security. The construction of regional roads that connect all regions will not only enhance domestic trade but also increase trade volumes with neighboring countries. This connectivity is crucial now that Somalia has joined the East African Community, as it will enable our goods to reach broader markets, fostering regional economic integration and growth. Each of these projects can attract substantial private investments, driving job creation and economic growth. The collaborative efforts in these labs will ensure that these projects are not just dreams but achievable milestones, bringing in investors and stakeholders who share a common vision of a prosperous Somalia. Energy Sector: Powering Economic Transformation Somalia’s energy sector is another critical area where PPPs can drive transformative change. Our nation is energy-hungry, and a reliable power supply is essential for economic development. The NTP prioritizes energy infrastructure, recognizing that access to affordable and sustainable energy is a cornerstone of industrial growth, improved living standards, and overall economic resilience. Through PPPs, Somalia can attract investments in renewable energy projects, such as solar and wind farms, which are abundant given our geographical location. Additionally, modernizing existing power plants and expanding the electricity grid to rural areas will provide the much-needed energy for households and industries. These initiatives will not only meet the current energy demands but also ensure future growth and sustainability. The PPP model allows for shared risks and rewards, making large-scale energy projects viable and attractive to private investors. Healthcare: Transforming Somalia’s Health Infrastructure During our tour, one of the standout visits was to the Ankara Bilkent City Hospital. This massive healthcare facility, with a bed capacity of 4,050 and indoor space of 1.3 million square meters, is the largest hospital in the world constructed as one piece. It stands as a model for how PPPs can deliver state-of-the-art healthcare infrastructure. In contrast, Somalia’s healthcare infrastructure is in dire need of heavy investments. Many of our citizens are forced to travel abroad for medical treatment, incurring significant costs. By developing similar healthcare facilities through PPPs, we can drastically reduce these costs, provide quality healthcare at home, and improve the overall health outcomes of our population. Tourism Facilities: Unlocking Economic Potential Another area ripe for PPPs is tourism. With its rich cultural heritage, stunning landscapes, and historical significance, Somalia has immense potential to become a sought-after tourist destination. By developing world-class tourism facilities through PPPs, we can not only attract more visitors but also create numerous job opportunities, boost local economies, and promote cultural exchange. Consider the former government-owned hotels like Juba and Uruba in Mogadishu. Revitalizing these hotels and transforming key government-owned installations into hotels, apartments, malls, and offices can generate significant revenue, create jobs, and contribute to security. This not only revives our tourism sector but also ensures that these historical landmarks are preserved and utilized effectively. Addressing Unemployment and Security through PPPs One of the most pressing challenges in Somalia is youth unemployment, which significantly contributes to insecurity. By creating job opportunities through PPP projects, we can address this challenge head-on. Whether it’s constructing new hospitals, developing tourism infrastructure, or modernizing logistics networks, these projects will require a skilled workforce, thereby providing employment to thousands of young Somalis. This not only boosts the economy but also enhances security, as gainfully employed youth are less likely to be drawn into activities that threaten national stability. Key Projects and Insights from Turkey During our tour, we had the privilege of visiting several key projects that exemplify the success of PPPs in Turkey: Ankara Bilkent City Hospital: This massive healthcare facility, with a bed capacity of 4,050 and indoor space of 1.3 million square meters, is the largest hospital in the world constructed as one piece. It stands as a model for how PPPs can deliver state-of-the-art healthcare infrastructure. Northern Marmara Highway and 3rd Bosphorus Bridge: These projects showcase the efficiency and scale achievable through PPPs, significantly improving connectivity and reducing traffic congestion in Istanbul. Eurasia Tunnel: This undersea tunnel linking the European and Asian sides of Istanbul is a marvel of engineering and a testament to the transformative power of PPPs in urban infrastructure. The Way Forward: Embracing PPPs for Sustainable Economic Transformation The lessons learned from Turkey’s successful PPP projects provide a valuable blueprint for Somalia. By embracing PPPs, we can accelerate our infrastructure development, attract private investments, and create a conducive environment for economic growth. The separate lab dedicated to logistics infrastructure will be a critical step in this direction, focusing on airports, ports, roads, highways, and bridges. Moreover, PPPs will play a crucial role in Somalia’s post-HIPC strategy, ensuring that we build a resilient and diversified economy. The positive effects of PPPs on sustainable economic transformation are manifold – from improving public services and infrastructure to fostering innovation and creating jobs. As we return to Somalia, we are more determined than ever to implement the insights and strategies gleaned from our Turkish counterparts. With the committed leadership of President Hassan Sheekh and Prime Minister Hamza Abdi, Somalia is poised to harness the full potential of PPPs, driving forward our National Transformation Plan and paving the way for a brighter, more prosperous future. Author: Abdirizak Ibrahim, Deputy PS, Office of the Prime Minister, Federal Government of Somalia Contributors: 1- Abdullah Adan (Tarey), Director General, Ministry of Water and Energy, Somalia. 2- Amina Osman, Private Sector Led Growth Advisor, Office of the Prime Minister, Somalia. The post Bridging the future: A study tour in Turkey and the promise of public-private partnerships in Somalia appeared first on Caasimada Online.
-
Marka (Caasimada Online) – Taliska ciidanka xoogga dalka ayaa ka warbixiyey dagaal maanta ka dhacay duleedka deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellada Hoose, halkaas oo lagu dilay xubno badan oo Shabaab ka tirsanaa, halka ayaguna ay dileen taliyihii ciidanka Gorgor ee deegaanka Bariire iyo askar kale. Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Sheekh Abuukar Maxamed Xasan oo ku sugan Sh/Hoose ayaa sheegay in dagaalkii maanta looga guuleystay kooxda Al-Shabaab, isagoo sheegay in ‘baqtigooda uu daadsan yahay’ goobihii lagu dagaalamay maanta. Afhayeenka Xoogga ma uusan sheegin tirada rasmiga ah ee maleeshiyaadka dagaalkaas looga dilay Al-Shabaab, balse wuxuu faahfaahintiisa ku soo daray in horjoogayaal ay ku jireen, kuwaas oo hoggaaminayey duulaanka kooxda, laakiin ku baxay gacanta ciidanka Qaranka. Sida ay ogaatay Caasimada Online, dagaalkaas wuxuu saakay ka bilowday duleedka deegaanka Bariire, kadib markii ciidanka Gorgor oo ku sugnaa saldhig ay kala wareegeen ATMIS oo Bariire ku yaalla ay ka war-heleen in Shabaab duulaan ah ay ku soo wajahan yihiin. Qorshaha Al-Shabaab wuxuu ahaa inay cagta mariyaan saldhigga, balse ciidanka oo ka warhelay duulaanka kooxda ayaa ka hortegay weerarkaas, waxaana duleedka Bariire ka qarxay dagaal bilowday saakay waaberigii oo soo gaaray maanta duhurkii. Jab culus ayaa la gaarsiiyey Al-Shabaab, waxayna saraakiil la hadlay Caasimada Online noo sheegeen in meydkooda oo tira beel ah uu daadsan yahay howdkii lagu dagaalamay. Ciidanka Gorgor ee xoogga dalka khasaare badan ayaa ka soo gaaray dagaalkaas, waxaana ku dhintay taliyihii ugu sareeyey militeriga ku sugan Bariire oo lagu magacaabi jiray Cabdisalaan Jaamac iyo askar kale. Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegay in geesiyaashii Shahiiday maanta ay xaqiijiyeen mid kamid ah labadii hadaf ee qofka Soomaaliga ah ku waajibay, kuwaas oo kala ah in Shabaab la dilo ama ay ku dilaan. Afhayeen Sheekh Abuukar ayaa sheegay in labadaas wax ka dhexeeya aysan u fureyn maanta dadka Soomaaliyeed, si gaar ah ciidamada qaranka ee hubka u qaatay inay dadka ka xoreeyaan argagixisada. Hoos ka daawo The post Taliska xoogga oo war culus ka soo saaray dagaalkii Bariire ee maanta lagu dilay Taliyaha appeared first on Caasimada Online.
-
Baqdaad (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa booqday Masaajidka taariikhiga ah ee Shiikh Cabdulqaadir Jeylaani ku yaalla caasimadda dalka Ciraaq ee Baqdaad. Ra’iisul Wasaaraha ayaa la kulmay maamulka iyo culimada masaajidka gacanta ku haysa, wuxuuna uga mahadceliyey soo dhoweynta diirran ee isaga iyo wafdigiisa loogu sameeyay Masjidka iyo guud ahaan dalka Ciraaq. Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa lagu soo wareejiyay afarta qaybood ee masaajidku ka kooban yahay oo lagu baran jiray afarta madhab ee Xanafiya, Shaaficiya, Maalikiya iyo Xambaliya. Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa dul istaagay taariikhda iyo muhiimadda Masaajidka Shiikh Cabdulqaadir Jeylaani, oo sanad walba Muslimiin badan oo caalamka Islaamka ka socda ay soo booqdaan. Xamsa Barre ayaa sheegay in Shiikhu ahaa caalim Sunni ah oo diinta Islaamka faafiyay, una horseeday dad badan inay raacaan jidka xaqa ah. Culimmada Masaajidka Shiikh Jeylaani ee magaalada Baqdaad ayaa uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha Booqashadiisa, waxayna ugu duceeyeen shacabka Soomaaliyeed nabad iyo horumar. Weli wafdiga xukuumadda Soomaaliya ayaa ku sugan dalka Ciraaq oo casuumaad ay ku tageen, ra’iisul wasaaraha waxaa safarkaas ku wehliya wasiirada arimaha dibadda, maaliyadda, deegaanka, taliyaha NISA, iyo xubno kale oo ka tirsan xafiiska ra’iisul wasaaraha. The post Sawirro: Xamza oo booqday Masjidka taariikhiga ah ee Sheekh Cabdulqaadir Jeylaani appeared first on Caasimada Online.