Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,291
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Taliyaha Hawlgelinta Ciidamada PMPF Gen. Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac oo ay weheliyaan Saraakiisha Sar-sare ee ciidamada PMPF ayaa kulan kula qaatay Boosaaso Madaxa Hawlgallada Rayidka ka ah ee Midawga Yurub Mr. Stefano Tomat oo uu weheliyo Madaxa EUCAP Somalia Mr. Kęstutis Lančinskas. Kulanka oo ka qabsoomay Xarunta Hawlgallada iyo la socoshada dhaqdhaqaaqyada Badaha ee PMPF (MOC) ayaa looga wadahadlay xoojinta Wadashaqaynta labada dhinac, sare u qaadidda hawlgallada EUCAP Soomaaliya ay ka fuliyaan dalka, gaar ahaan Puntland iyo dardargelinta iskaashiga Tababarada socda ee lagu tayaynaayo ciidamada PMPF, wadaagista xogta falalka Amidaro ee ka dhaca badaha iyo in la iska-kaashado waxkasta oo liddi ku ah amniga, qaanuunka iyo xasiloonida Badaha dalka iyo kuwa Caalamiga ah sida lagu sheegay Qoraal ka soo baxay PMPF. Dhinaca kale, Taliska Guud ee ciidamada PMPF ayaa ku adkeeyey Weftiga Midawga Yurub iyo kuwa EUCAP Somalia in sare loo qaado Hawlgallada ay ka fuliyaan dalka, islamarkaana lagu saleeyo qorshayaasha hortebinta leh ee lagu horumarinaayo Amniga Soomaaliya, gaar ahaan Puntland, kuwaas oo ah tababarada ciidamada iyo qalabayntooda, taasi oo muhiim u ah in guul wadajira laga gaaro yoolasha midaysan ee wadashaqaynta labada dhinac. PUNTLAND POST The post Puntland iyo Midowga Yurub oo ka wada-hadlay Iskaashiga dhinaca Amniga iyo Xasiloonida Badaha appeared first on Puntland Post.
  2. Maxkamadda Sare ee ciidamada qalabka sida ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo gabagabeysay gal dacwadeedka ku saabsan dilkii Ganacsade Abuukar Kaabax oo loo heysto Taliyihii Booliska degmada Heliwaa iyo qaar kamida ilaaladiisii gaarka ahaa. Maxkamadda ayaa ugu horrayn dhageysatay dhinaca eedaysanayaasha qareenadii u doodayay iyo eheladooda oo ka warbixiyay sababtii ay maxkamadda darajada koobaad oo dil toogasho ah ku xukuntay racfaanka uga soo qaateen, waxayna sheegeen inaanay go’aankii hore ku qancin oo caddaymaha loo cuskaday aysan dhammaystiranayn, islamarkaana ay eedeysanayaashu aysan qiraal ahayn. Xeer ilaalinta ayaa dhankooda soo bandhigay caddaymo faldambiyeedka la xariira, ayagoo fadhiga maxkamadda keenay marqaatiyaal kala duwan, islamarkaana guddoonka maxkamadda ka dalbadeen inuu dil toogasho ah ku xukumo raggan loo haysto dilkii ganacsade Abuukar kaabax ee dhacay bishii Febraayo. Sidoo kale maxkamaddu waxay su’aala weydiisay eedeysanayaashu, waxay inkireen inay ku faldambiyeedka ku luglahaayeen, halka qaarkood ay sheegeen in kuwo kale ka dambeeyeen kiiska, ayaguna ay goobtuu ka dhacay ku sugnaayeen, balse aysan ka qeyb-qaadan fulintiisa. Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee ciidamada qalabka sida mudane Liibaan Cali yarow ayaa ugu dambeyn fadhiga maxkamadda soo xiray, wuxuuna sheegay inay ayagu go’aanka dib ka soo saari doonaan. Source: goobjoog.com
  3. Maxkamad ku taalla Ciraaq ayaa dil toogasho ah ku xukuntay xaaskii hoggaamiyihii kooxda Daacish ee la dilay, Abu Bakar Al-Baghdadi, oo lagu soo oogay dacwado la xidhiidha dilka haween Yazidi ah, sida ay Arbacadii sheegtay waaxda garsoorka. Xaaska Baghdadi ayaa dib loogu soo celiyay Ciraaq kadib markii lagu xidhay dalka Turkiga, ilo dhanka garsoorka ah ayaa sidaas u sheegay wakaalada wararka ee AFP, iyagoo qarinaya magacooda sababo la xidhiidha in aan loo ogoleyn inay saxaafadda la hadlaan. “Maxkamadda dambiyada ee Karkh (galbeedka Baqdaad) ayaa dil toogasho ku xukuntay xaaska argagixiye Abu Bakar al-Baghdadi oo lagu helay dambi ah inay la shaqaynaysay kooxda argagixisada ah ee Daacish iyo inay gurigeeda ku xidhay haween Yazidi ah,” ayay Golaha Sare ee cadaaladda ku sheegeen website-kooda. Xaaska hogaamiyaha la dilay ayaa xidhay haweenka Yazidi-ga ah oo “kadib ay afduubteen” dagaalyahanada Daacish ee ku sugan degmada Sinjar ee waqooyiga Ciraaq, ayay raacisay. Ilo-wareedyo garsoor ayaa ku sheegay magaceeda Asma Mohammed. Washington ayaa ku dhawaaqday bishii October 2019 in ciidamada Mareykanka ay ku dileen Baghdadi howlgal ka dhacay waqooyi-galbeed ee Suuriya, shan sano ka dib markii uu isku magacaabay “Khaliifka” guud ee Suuriya iyo Ciraaq. Intii lagu guda jiray muddo ay xoog ku qabsadeen waqooyiga Ciraaq 2014, Daacish ayaa waxay si gaar ah u doorteen Yazidi-ga aan Muslimka ahayn, iyagoo si qorsheysan u dilay kumanaan rag ah, dumarkana ku qasbay addoonsi galmo. Muddo dhowr sano ah, maxkamadaha Ciraaq waxay ridayeen boqolaal xukunno dil ah iyo sidoo kale xabsi daa’in iyadoo la raacayo xeerka ciqaabta ee xubinnimada “koox argagixiso”. Dadka lagu xukumay Ciraaq ayaa waxaa ka mid ahaa in ka badan 500 oo ajaanib ah rag iyo dumar isugu jira oo lagu helay inay ku biireen Daacish. Ciraaq ayaa bishii Febraayo ku dhawaaqday inay xaqiijisay “dib u soo celinta qoyska” Baghdadi, iyadoo ilo garsoor ay u sheegeen AFP in xaaska Baghdadi, “oo lagu xidhay Turkey,” dib loo soo celiyay iyada iyo caruurteeda. Ku dhawaaqista ayaa ku soo beegantay xilli uu TV-ga laga leeyahay Sucuudiga ee Al Carabiya baahiyey wareysi uu la yeeshay “Xaaska Baghdadi”. Waxaa magaceeda lagu sheegay Asma Mohammed. Bishii November 2019, Turkiga ayaa sheegay in ay xidheen xaaska Baghdadi, oo warbaahinta Turkiga ay ku sheegtay Asma Fawzi Mohammed Al-Qubaysi, bishii Juun 2018. Source
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Patrick Opio Away oo ahaa kabtan ka tirsan ciidamada difaaca dalka Uganda ee UPDF ayaa lagu dilay gudaha Soomaaliya, ayada oo lala dhaawacay ku dhawaad lix askari oo kale kadib markii kolonyo ciidan oo ay la socdeen ay ku qaraxday miino wadada dhinaceeda lagu aasay. Ninkan ayaa ka tirsanaa saraakiisha ciidanka shisheeye ee Soomaaliya ku sugan, waxaana qaraxa lagu dilay uu ka dhacay tuullada Ceel-waarigoow, oo qiyaastii 70KM jihada Koonfur Galbeed kaga beegan caasimadada Muqidsho. Kabtan Away ayaa ahaa taliyaha kolonyada ciidanka lala eegtay weerarka miino, kuwaas oo xilligii ay la kulmayeen miinada ku sii jeeday deegaanka Ceel-jaale ee gobolka Shabeellaha Hoose, iyaga oo markii hore ka ambabaxay Muqdisho, sida uu afhayeenka ciidamada Uganda Mr. Sekitto. “Weerarkan nama joojin doono, taas beddelkeeda wuxuu adkeyn doonaa go’aankeenna ah in aan sii wadno taageeridda dadaallada nabadeed ee Soomaaliya,” ayuu yiri Sekitto oo la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters. Sarkaalkan ayaa waxay walaalo yihiin mid kamida madaxda siyaasadda ee dalka Uganda, kaas oo awood sare ku leh xisbiga tallada haye ee dalkasi, laguna magacaabo Richard Todwong. Todwong ayaa waxa uu ku magacaaban yahay xoghayaha guud ee xisbul xaakimka haya talada dalka Uganda ee lagu magacaabo National Resistance Movement (NRM), sidoo kalena waa xubin ka tirsan golaha wasiirada ee dalkaas. Todwong ayaa qoraal uu bartiisa X (ex-Twiter) uu soo dhigay ku muujiyay sida uga naxay geerida walaalkiisa, isaggoo xusay in Major Patrick Opio Away uu ka soo qayb-galay dagaalo fara badan oo ka dhacay dalalka Afrikada Dhexe, Bariga DRC Congo iyo Soomaaliya, uuna hawlgallo u aaday waddamadaas oo dhan, kuwaasi oo uu ku tilmaamay “howl-gallo geesinimo lahaa”. “Noloshaadu waxay si naxdin leh u soo gaabatay saaka (7/7/2024) markii aad u adeegaysay qaaraddeena Afrika. Dhaxalkaagu ha waaro si aad u dhiiri geliso geesiyaal badan. Waligaa waxaan kugu hayn doonaa qalbiyadayada. Patrick, Wwaxaad ahayd wadani dhab ah,” ayuu yiri Todwong. Kabtan Away ayaa sidaas ku galay liiska saraakiisha shisheeye ee dalkeenna u yimid nabad ilaalinta ee naftooda ku waayay. The post Muxuu yahay sarkaalka Ugandes-ka ee lagu dilay Somalia ee la dhashay mas’uul sare appeared first on Caasimada Online.
  5. Hargeisa (HOL) - Somaliland government announced decisions to defend Somaliland and hold upcoming elections during an extraordinary meeting in Hargeisa on Wednesday, chaired by Somaliland President Muse Bihi Abdi. Source: Hiiraan Online
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirada Somaliland ayaa maanta yeeshay kulan waqtigiisa laga soo hormariyay, kaasi oo uu shir-guddoominayey madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, uuna ku wehlinaayey ku-xigeenkiisa Cabdilaahi Ismaaciil Saylici. Kulankan ayaa lagu gorfeeyay arrimo kala duwan oo ay kamid yihiin amniga, doorashooyinka, difaaca qaranka, caafimaadka, diyaar-garowga oddoroska miisaaniyadda 2025 iyo horumarinta kalluumaysiga. Golaha Wasiirradu ayaa war-bixin guud oo la xiriirta amniga dalka ka dhageystay wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Kaahin oo golaha uga warbixiyey amniga guud ee dalka iyo xaaladda nabad-gelyada mandaqadda geeska Afrika. Golaha ayaa sidoo kale waxa uu caddeeyey in doorashada Somaliland waqtigeedii lagu qabanayo, deegaannada Somaliland-na si adag looga difaacayo kuwa ay sheegtay inay isu soo bahaysateen inay waxyeelleeyaan qarannimadeeda, sida lagu yiri bayaan kasoo baxay kulankan. “Somaliland waajib ayey ku tahay inay sidaa ugu diyaar garoobaan doorashada iyo difaaca qarankaba,” ayaa sidoo kale lagu yiri bayaanka Somaliland, oo loogu goodiyay dhinacyo ay sheegtay inay usoo hanjabayaan oo colaaddu u cusub tahay. Dhinaca kale, golaha ayaa warbiximo ka dhageystay wasiirrada wasaaradaha horumarinta maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire oo golaha xog-warran ka siiyey arrimaha dhaqan dhaqaale iyo diyaar-garowga odoroska miisaaniyadda 2025 ee dalka, horumarinta caafimaadka oo ku dheeraaday xaaladda xannuunada kala duwan ee ay ka mid ka tahay xummadda (Dengue fever) oo Somaliland ka jirtay muddooyinkii u danbeeye. Golaha ayaa sidoo kale waxaa lala wadaagay qorshaha kobcinta horumarinta kalluumaysiga dalka oo ay baahi weyn u qabaan bulshada Somaliland iyo sidii suuqyo cusub loogu heli lahaa kalluunka dalka. Ugu dambeyntiina golaha wasiirrada ayaa waxa taariikhda markii u horaysay loo qaybiyey qabyo qoraalka xeerka ciqaabta guud ee Somaliland, oo ay golaha keenneen wasiirka xiriirka golayaasha qaranka Cabdinaasir Buuni iyo xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Cabdiraxmaan Hayaan. The post Golaha wasiirada Somaliland oo maanta ku dhowaaqay in loo diyaar garoobo difaaca… appeared first on Caasimada Online.
  7. Maxkamad ku taalla Ciraaq ayaa dil toogasho ah ku xukuntay xaaskii hoggaamiyihii kooxda Daacish ee la dilay, Abu Bakar Al-Baghdadi, oo lagu soo oogay dacwado la xiriira dilka haween Yazidi ah, sida ay sheegtay waaxda garsoorka dalkaasi. Xaaska Baghdadi ayaa dib loogu soo celiyay Ciraaq kadib markii lagu xiray dalka Turkiga, ilo dhanka garsoorka ah ayaa sidaas u sheegay wakaalada wararka ee AFP, iyagoo qarinaya magacooda sababo la xiriira in aan loo ogoleyn inay saxaafadda la hadlaan. Xaaska hogaamiyaha la dilay ayaa xirtay haweenka Yazidi-ga ah oo lagu magacaabi jiray Asma Mohamed kadib ay afduubteen dagaalyahanada Daacish ee ku sugan degmada Sinjar ee waqooyiga Ciraaq sida laga soo xigtay ilo wareedyada dhinaca garsoorka Ciraaq. Xukuumadda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday bishii October 2019 in ciidamada Mareykanka ay ku dileen Baghdadi howlgal ka dhacay waqooyi-galbeed ee Suuriya, shan sano ka dib markii uu isku magacaabay “Khaliifka” guud ee Suuriya iyo Ciraaq. PUNTLAND POST The post Xaaskii Abu Bakar Al-Baghdadi oo dil toogasho ah lagu xukumay appeared first on Puntland Post.
  8. Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Kuwa dowlad goboleedka Jubbaland ayaa si rasmi ah u furay wadada dheer ee isku xirta Magaalooyinka Kismaayo iyo Afmadow, ayagoo burburiyay fariisihii ay kooxda Alshabaab ku lahaayeen aaggaas, sida ay xaqiijiyeen saraakiishu. Deeganadan ay howgallada qorshaysan ka fuliyeen ciidanka Xoogga Dalka, gaar ahaan qeybta 43-aad iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland ayaa kala ahaa Lagta Qubbi, Golhadamo, Biibi, Harboole iyo Miido, ayadoona Ciidamada Hawl-galka Fuliyey ay Ka Soo kala bexeen Degmada Afmadow iyo deegaanka Jannaa Cabdalle. Dhaqdhaqaaqyada militari ee ka dhanka ah kooxda Alshabaab ee ka socda deegaanada Jubbaland ayaa kordhay todobaadyadii la soo dhaafay, ayadoo ay Ciidamada la wareegeen deegaanno ay horay ugu sugnaayeen kooxdu. Source: goobjoog.com
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan xasaasi ah oo ay maanta lahaayeen xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa maanta baaqday, waxaana guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe uu sheegay in uu yahay qalad wayn oo ka dhacay baarlamaanka. Sababta uu u baaqday kulankan oo bilow u ahaa kalfadhigga 5-aad ee Golaha Shacabka ayaa la xiriira kooram la’aan, kadib markii ay soo xaadiri waayeen xildhibaanno badan. Sheekh Aadan Madoobe ayaa tilmaamay in kaliya 108 xildhibaan ay soo xaadireen, taasina ay tahay ayaan darro, maadaama ay fasax dheer kasoo laabteen xildhibaannadu. “Maadaama saddex bilood fasax la galay maanta waxaan fileynay in si xamaasad leh loo imaanaayo oo shirka noo furmaayo oo shuruucdii kalfadhiga 4-aad dhaqaaqi waayay aan xoogga saarno oo maanta shaqadaas bilaabeyno walaalayaan waan ka xumahay in kooramkii la waayay oo la yiraahdo 108 ayaan dhaafi waynay” ayuu yiri Aadan Madoobe. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in arrintan ay tahay qalad wayn oo dhacay, maadaama ay baaqatay shaqadii ay Umadda Soomaliyeed ka sugayeen xildhibaannadooda. “Saaka waxaan is leeyahay qalad wayn ayaa dhacay marka waxaan usoo jeedinayaa xildhibaannada yimid ee isa soo xilqaamay waad mahadsan tihiin waajibkiina dastuuriga ah ayaad gudateen, waana idinka mahacelinayaa” ayuu yiri Sheekh Aadan Madoob. Guddoomiyaha ayaa sidoo kale farriin culus u diray xildhibaanno uu sheegay inay joogaan magaalada Muqdisho, haddana ay xaadiri waayeen kulankii maanta, taas oo uu sheegay inay ceeb ku tahay, maadaama ay gudan waayeen waajibkii dastuuriga ah ee lagu lahaa. “Xildhibaannada maanta imaan waayay kuwa dibadda jira oo aan weli imaan iyo kuwa jooga ayay kala yihiin waxaan leeyahay baarlamaanka waa la furay ha yimaadaan, xildhibaannada jooga magaalada ee imaan waayay fadhiga waa is ceebeyseen, baarlamaankana waad ceebeyseen, waana gudan wayseen waajibaadkiisa” ayuu raaciyay. Ugu dambeyn guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa soo xiray kulankii, wuxuuna sheegay inuu u baaqday maqnaasha xildhibaannada tagi waayay xarunta Villa Hargeysa. “Maanta sidaas ayuu shirka ku baaqday dad magaalada jooga daraadeen ayaa shirkiina daraadiis u qabsoomi waayay oo xildhibaanno ah” ayuu kusoo gabagabeeyay. The post Daawo: Qalad weyn oo ka dhacay baarlamaanka Soomaaliya kadib markii… appeared first on Caasimada Online.
  10. “Waxaan Guddida Doorashooyinka uga mahadnaqayaa inay ummadda u caddeeyeen in ay doorashadii dhacayso 13 Nov 2024, u diyaar garooba Shicalibkow. Shicibka Somaliland Ee isbedel doonka ah Iyo Xisbigi Waddani way Isbahaysan doonaan si isbedel dalkeena Ka dhaca Oo nabad Iyo horumar ah ugu Codayno, Isbahaysiga ugu Horeeya Waddani Iyo Kaah ayuu dhawaan dhexmari doonaa..” Musharrax Cabdiraxmaan Cirro Qaran News
  11. Afmadow (Caasimada Online) – Ciidamada Daraawiishta Jubbaland ayaa gelinkii dambe ee shalay fashiliyay qarax miino oo ay Al-Shabaab doonayeen inay ku khaarijiyaan taliyaha ururka 9-aad ee ciidanka Daraawiishta Jubbaland Gaashaanle Dhexe Mahad Maxamed Islaam oo ku sugan degmada Afmadow ee gobolka Jubbalamd. Al-Shabaab ayaa qaraxa usoo dhiibay wiil dhalinyaro ah oo ka tirsan isla ciidamada Jubbaland, kaas oo ay ka dalbadeen inuu qaraxaas gaariga ugu xiro taliyaha degmada Afmadow, balse uu xogta la wadaagay taliyihiisa oo ay rabeen inay dilaan Al-Shabaab, kadibna sidaas lagu fashliyay. “Aniga oo ah Axmed Cabdi Digaale (Axmed Katiitow) waxaa ila soo xariirtay qoladii Khawaarijta ee Al-Shabaab, xiriirkeena wuxuu billowday bishii 5-aad waxay igu dheheen waxaan rabnaa inaad nagala shaqeyso sidii aan ku dili lahayn ninka Daraawiishta Afmadow haysto Mahad Maxamed Islaam, miino ayaan kusoo dhiibeynaa ee gaarigiisa inaad noogu dhajiso aan rabnaa” ayuu yiri Axmed Cabdi Digaale. Sidoo kale wuxuu raaciyay “Billow illaa dhammaad saraakiisheyda iyo madaxdeyda waan la socod siinaayay waxay socotaba filimka aan jilno ugu dambeyn Alxamdulilah maanta ayaan ku guuleysanay dowladdeydana waa mahadsan tahay abaal-marinta waan ka guddoomay”. Dhankiisa taliyaha degmada Afmadow Gaashaanle Dhexe Mahad Maxamed Islaam oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in xogta miinadan ay la socdeen bilowgeeda illaa dhammaadkeeda kadibna markii ay soo gashay gacantooda ay qarxiyeen, isaga oo sheegay in ujeedka uu ahaa in isaga lagu dilo. “Waxaanu fashilinay maanta miino ay qolada dhagar qabayaasha ah doonayeen inay ku gaystaan dhibaato ayaanu fashilinay xogteedana billow illaa iyo dhammaad aanu la soconay oo nimankaasi ay isticmaalayeen ay usoo dhiibeen ninka la yiraahdo ee garabkeyga taagan Axmed Cabdi Digaale (Axmed Katiitow), miinadaas oo ay ugu talo galeen oo ay dhaheen miinadaas Mahad gaariga ugu xir” ayuu yiri taliye Mahad Maxamed. Taliyaha ayaa u mahadceliyay wiilka dhalinyarada ah ee soo gudbiyay xogta, wuxuuna guddoonsiiyay abaa marin lacageed, isaga oo sheegay in cid kasta oo keenta xog noocaan oo kale ah ay abaal marin doonto dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland. “Nasiib wanaag miinadii haddaa wiilka innoo keenay waana qarxinay intaas kadib waxaanu abaal marin lacageed oo dhan 3,000 oo dollar guddoonsiineynaa Axmed Cabdi Digaale abaal marintaasi oo ay ugu talagashay dowladda Jubbaland” ayuu mar kale yiri taliyuhu. Waxaa kale oo uu kusii daray “Cid kasta oo fal noocaan oo kale ah soo sheegta oo fashilisa waxaanu siin doonaa abaal-marin lacageed askari ha noqdo ama shacab”. The post Muxuu sameeyay ninkii Al-Shabaab ay usoo dhiibeen qaraxa si uu ugu xiro gaariga… appeared first on Caasimada Online.
  12. Diinsoor (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal qaraar oo ka dhacay degmada Diinsoor oo ka tirsan gobolka Baay ee koonfurta Soomaaliya, kaas oo u dhexeeyay Al-Shabaab iyo ciidamada Itoobiya ee ku sugan halkaasi. Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dagaalka uu yimid, kadib markii xoogaga Al-Shabaab ay weerar ku billowday madaafiic ku qaadeen saldhig ay leeyihiin ciidanka Itoobiya, waxaana kadib sidaas ku qarxay dagaal foolka fool ah. Dagaalka oo saacado badan qaatay ayaa la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana jira khasaare soo kala gaaray labada dhinac, balse ma cadda inta uu gaarsiisan yahay. Dadka deegaanka ayaa sidoo lale sheegay inay soo wajahday cabsi xoogan, ayna ka argagaxeen hubka culus ee ay is weydaarsadeen labada dhinac, kadib dagaalka ku dhex maray aaggaasi. Al-Shabaab oo war kaso saartay dagaalkan iyo weerarka ka horreeyay ayaa guul sheegatay, waxayna sheegtay in khasaare lixaadleh ay u gaysatay ciidanka Itoobiya. Dhankooda saraakiil u hadashay ciidanka la weeraray ee ku sugan degmada Diinsoor ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarka lagu qaaday, isla markaana haatan ay howlgallo amni xaqiijin ah ka waday aagga lagu dagaalamay. Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana dib u laabtay maleeshiyaadkii kooxda Al-Shabaab ee weerarka ku qaaday saldhigga ay ku sugnaayeen ciidanka Itoobiya. Gobollada Baay iyo Bako ayaa kamid ah meelaha ay ku xoogan tahay kooxda Al-Shabaab, waxaana badanaa ay ka fulisaa weeraro ay ku qaado saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS ee ku yaalla halkaasi. Weerarkan ayaa kusoo aaday, ayada oo haatan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ay ka socdaan deegaanada Koonfur Galbeed oo uu ku wajahan yahay wajiga labaad ee dagaalka ay hoggaamineyso dowladda Soomaaliya. The post Ciidanka Itoobiya oo maanta dagaal culus uu ku qabsaday gudaha Soomaaliya – Xog appeared first on Caasimada Online.
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka amniga xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan gaar ah kula yeeshay safiirka dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya Dr Cabdullahi Bin Salem Al Nuaimi. Fartaag ayaa danjiraha Qatar kala hadlay laba qodob oo kala ah horumarinta xiriirka labada dal iyo xoojinta taageerada ay siiyaan hey’adaha amniga dowladda Soomaaliya, sida lagu sheegay qoraal lagu daabacay warbaahinta qaranka Soomaaliyeed. Sidoo kale wasiirka amniga gudaha oo uga mahad-celiyey taageerad Qatar ay siiso Soomaaliyaa yaa sheegay in Dooxa ay tahay saaxiib dhow oo Soomaaliya ka taageerada dhinacyo kala duwan oo horumarinta dalka ah. “Waxaa muhiim innoo ah in wasaaraddu ay si dhow ugala shaqeyso sidii ay usii xoojin lahaayeen taageeradooda ku aaddan hey’adaha amniga ee hoostaga wasaaradda amniga gudaha” ayaa lagu yiri qoraalka. Qatar ayaa kamid ah dowladaha Carbeed ee xiriirka wanaagsan la leh Soomaaliya, waxayna mashaariicyo muhiim ah ka fulisaa dalka, sida dhimaha waddooyinka muhiimka ah. Si kastaba, xiriirka Muqdisho iyo Dooxa ayaa sii xoogeysanayay sanadihii ugu dambeeyay, ayada oo dowladdan iyo tii ka horeysayba la lahayd wada shaqeyn wanaagsan oo dhanka diblumaasiyadda ah. The post Soomaaliya iyo Qatar oo ka hadlay laba qodob + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  14. Fadhigii maanta ee golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa u baaqday kooram la’aan, sida uu sheegay Guddoomiye Shiikh Aaden Madoobe. Guddoomiyaha golaha Shacabka Aaden Madoobe ayaa xildhibaannada aan fadhiga ka soo qayb gelin u sheegay in arrintaasi ay ceeb ku tahay baarlamaanka waxaana uu ugu digay in mar kale ay dhacdo. “Saaka waxaan is leeyahay qalad wayn ayaa dhacay marka waxaan usoo jeedinayaa xildhibaannada yimid ee isa soo xilqaamay waad mahadsan tihiin waajibkiina dastuuriga ah ayaad gudateen, waana idinka mahacelinayaa” ayuu yiri Shiikh Aadan Madoob. “Xildhibaannada maanta imaan waayay kuwa dibadda jira oo aan weli imaan iyo kuwa jooga ayay kala yihiin waxaan leeyahay baarlamaanka waa la furay ha yimaadaan, xildhibaannada jooga magaalada ee imaan waayay fadhiga waa is ceebeyseen” ayuu sii raaciyay Aadan Madoobe. PUNTLAND POST The post Fadhigii Baarlamaanka Soomaaliya ee maanta oo kooram la’aan u baaqday appeared first on Puntland Post.
  15. Jabuuti (Caasimada Online) – Waxaa ku sugan caasimadda Jamhuuriyadda Jabuuti ee Jabuuti hogaamiyaha SSC-Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) iyo xubno maamulkiisa ka tirsan. Booqashadan ayaa lagu sheegay mid shaqo, waana tii ugu horreysay ee hogaamiyahan ku tago Jabuuti tan iyo markii uu qarxay dagaalka gobolka Sool bilowga sanad kii hore ee 2023. Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) iyo xubnaha la socda waxay kula kulmeen qasriga madaxtooyada Jabuuti Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, iyagoo ka wadahadlay xaaladda gobolka iyo xoojinta nabadgalyada Geeska Afrika. Firdhiye ayaa warbixin ka siiyay Madaxweynaha Jabuuti xaaladda deegaannada SSC-Khaatumo, gaar ahaan maamul dhisidda iyo dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha ee ku burburay dagaallada. Wasiirka warfaafinta Maamulka SSC-Khaatumo Najiib Barkhadle ayaa sheegay in booqashadani uga dhigan tahay guulweyn. “Maamulka SSC-Khaatumo in ay Jabuuti martiqaaddo oo uu casuumaad rasmiya helo, hogaanka sare waxay nooga dhigan tahay horumarka aan ka sameynayno dawlad dhiska iyo in ay muuqato awoodda aan ku leenahay geeska afrika, oo aan ku sameynayno in qiblada siyaasadeed ee horukaca geeska, aynu ku yeelanay minbar fiican iyo talaabo fiican oo aan soo gaarnay,’’ ayuu yiri wasiir Najiib. Maamulka SSC-Khaatumo ayaa hadda sheegaya in Jabuuti ay gacan ka geysan doonto, dawlad dhiska deegaannada ay maamulaan, si la mid ah taageerada Jabuuti ku garab taagan tahay Soomaaliya inteeda kale ee lagu xoojinayo hay’adaha dawladda. ‘’Waxaa xoogaa laga yaabaa in dadku ay isha ku hayeen arrimaha dagaalladii laga soo baxayay, marka si uun nabadgalyo looga helo gobolka ayay had iyo gooraale, dawladda aan dariska nahay, waa dawlad ka shaqeyneysay dhismaha maamul ama dawladeed ee Soomaaliya, sidaa daraadeed maamulka SSC-Khaatumo oo kamid ah maamullada dawladda federaalka waxa ay lamid tahay dhismihii ay ku haysay maamullada kale,’’ ayuu yiri wasiirka warfaafinta. Maxaa iska badalay aragtida dadka qaar ee taageera SSC-Khaatumo ka qabeen Jabuuti? Intii lagu jiray dagaalladii lagu hoobtay ee ka dhacay Laasacaanood sanad kii hore, waxa jiray dad taageerayay qadiyadda SSC oo ku eedeynayay Jabuuti in ay la safneyd Jamhuuriyadda Iskeed Madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland. Laakiin dooddaas dadka riixayay marna ma aysan soo bandhigin caddeyn ku saabsan eedeynta ay Jabuuti u jeediyay. Wasiirka Warfaafinta SSC-Khaatumo Najiib Barkhadle ayaa ku jawaabay: ‘’eed gaar ah oo Jabuuti ay ku eedeysnayd burburinta iyo in ay qayb ka ahayd dagaalkii qoladan fallaagada ah, waxay iska ahayd aragti fadhi kudirirrada lagu buunbuuniyay, laakin wax eed ah oo SSC-Khaatumo toos ugu jeedisay dawladda Jabuuti ma jirin’’. Xiriirka dhaw ee dhexmaraya Jabuuti iyo SSC-Khaatumo ayaa loo tiirinayaa isabadallada iyo kihilaafyada ka soo kordhay Geeska Afrika. Barfasoor Maxamed Xuseen oo bare ka ah Jaamacadda Muqdisho ayaa sheegaya in markii hore ay Jabuuti u arkaysay, Somaliland oo wadajirta in ay ku jirto danta gobolka, maadaama ay xuduud dheer oo bad iyo bari lehba wadaagan. Si taasi aanay uga caraysiin Muqdisho, waxay ku daadlaysay in la wadahadalsiiyo Somaliland iyo Dawladda Federaalka, wayna dhacday taasi. Laakin wax kasta waxay isbadalleen markii heshiiska is af-garadka ah ay kala saxiixdeen Itoobiya iyo Somaliland billowgii sanadkan, sida uu qabo Barfasoor Maxamed Xuseen. ‘’Arintu waxay is badashay markii Somaliland heshiis la saxiixatay Itoobiya oo bad iyo saldhig milatari la siinayo, Jabuuti waxay u aragtay in taasi khatar weyn ku tahay amnigeeda qaran iyo kan badda casba, sidoo kalena uu dhaqaalaheeda dhaawac weyn ku yahay, sidaa daraadeed aragtidii ay ka qabtay Somaliland way isbadashay’’. Wadaxaajoodyada maxabiista lagu kala qabsaday dagaalkii Laasacaanood Wafdiga SSC-Khaatumo ee jooga Jabuuti waxa kale oo ay la kulmeen xoghaye ku xigeenka urur goboleedka IGAD Maxamed Cabdi Waare. Waxaana labada dhinac ka wadahadleen arinta maxaabiista. Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in xubnaha Khaatumo ay kala hadleen arimo ay ka mid yihiin khilaafka SSC-Khaatumo iyo Somaliland. ‘’Waxa kale oo aan ka wadahadalnay khilaafka Somaliland iyo Khaatumo, gaar ahaan maxaabiista dagaalka, daryeelkooda iyo badqabkooda, iyo kaalinta IGAD ka ciyaari karto sii deyntooda, isla wadahadalkaas waxaan la yeelan doonaa Somaliland marka ay suurtagal noqoto,’’ ayuu yiri xoghaye kuxigeenka guddiga fulinta ee IGAD. Dhanka SSC-Khaatumo, waxay sheegeen “waxyaalaha la isla soo qaaday waxaa ka mid ahaa arimaha maxaabiista, arrimaha maxaabiistuna waa kiis caalami ah, annagana si gaar ah saameyn noogu leh, labo dhinac marka loo kala qaado, waxaa ku jira dad dambiilayaal ah oo waaweyn oo iyagoo gacanta dambiga iyo dhiigga kula jira la qabtay, dadkaas maxkamad uun bay sugayaan’’ ayuu yiri wasiir Najiib. Wadahadal labada dhinac dhexmara ayay shardi uga dhigeen Khaatumo in Somaliland ogolaato in loo wadaxaajoodo labo maamul oo daris ah, nabadna ay qaataan. The post Xogta sababta uu Ismaaciil Cumar Geelle u casuumay hoggaamiyaha Khaatumo appeared first on Caasimada Online.
  16. Madaxwayne ku xigeenka dowlad goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa shirar hor dhac u ah nabadaynta beelihii dirirtu dhexmartay waxa ay la qaateen odayaaha dhaqanka degmada Luuq . Madaxwayne ku xigeenka Dowlad goboleedka Jubbaland mudane Maxamud Sayid Aadan waxa kulanka ku weheliya wasiiru Dowlaha Wasarada Deegaanka Iyo Isbeddalka Cimillada XFS Axmed Cumar Maxamed, Wasiir ku xigeenka wasaradda shaqada iyo shaqaalaha XFS Cismaan Libaax, xildhibaanno ka kala tirsan golaha Shacabka iyo golaha Wakiillada dowlad goboleedka Jubbaland. Kulanka Madaxwayne ku xigeenka dowlad goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan iyo odayaaha dhaqanka degmada Luuq ayaa looga hadlayay sidii nabad waarta loo kala dhex dhigi lahaa beelo walaalo ah oo dirir dhex martay waxa ay layeesheen odayaasha iyo waxgaradka degmada Luuq. Shirkan oo hordhac u ah sidii loogu soo celin lahaa nabad kuwada noolaashiyaha bulshada degmada luuq ayaa waxa la isla afgartay in laga wada shaqeeyo nabadda islamarkaana lasii ambaqaado sidii loo heshiisiin lahaa beelaha dagaallamay. PUNTLAND POST The post Madaxweyne ku xigeenka Jubaland oo shir la yeeshay odayaaha dhaqanka degmada Luuq appeared first on Puntland Post.
  17. Kulan weynihii Baarlamaanka Federaalka ayaa maanta u baaqday kooram la’aan, ka dib markii la waayay tiradii loo baahnaa si uu furmo. Gudoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa sheegay in isla xisaabtami doono. Aaden Madoobe ayaa xildhibaannada aan fadhiga ka soo qayb gelin u sheegay in arrintaasi ay ceeb ku tahay baarlamaanka isaga oo ugu digay in mar kale ay dhacdo. Guddoonka Xildhibaanada golaha shacabka ayaa lagu waddaa in uu yeeriyo Xildhibaanada maqan kulanka soo socda si ay u ogaadaan dadkii soo doortay. Xildhibaanno badan ayaa ku maqan dalka dibadiisa wali oo aan soo xaroon xilli la furay kalfadhiga Xildhibaannada golaha shacabka. Source: goobjoog.com
  18. Madaxwayne ku xigeenka Dowlad goboleedka Jubbaland mudane Maxamud Sayid Aadan iyo wafdi uu oo ay qayb ka yihiin wasiiru Dowlaha Wasarada Deegaanka iyo isbedalka Cimilada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ahmed Cumar Maxamed, wasiir ku xigeenka wasarada shaqada iyo shaqaalaha XFS Cismaan Libaax, xildhibaanno ka kala tirsan golaha Shacabka iyo golaha Wakiilada Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa kulan looga hadlayay sidii nabad waarta loo kala dhex dhigi lahaa beelo walaala ah oo dirir dhexmartay waxa ay layeesheen odayaasha iyo waxgaradka qaybihiisa kala duwan ee ku nool Degmada Luuq Shirkan oo hordhac u ah sidii loogu soocelin Lahaa nabad kuwada noolaanshiyaha bulshada kunool degmada luuq ayaa waxa la isla afgartay in laga wada shaqeeyo Nabada islamarkaana laga sii anba qaado sidii loo heshiisiin lahaa beelaha walaalaha ee dirirty dhex martay. Beelahan ayaa dhowaan waxaa dhex maray dagaal ba’an oo galaaftay nolosha dad badan, islamarkaana guryo lagu gubay, ka dib markii laba tol oo halkaas wada deggan ay xiisadi ka dhex qaraxday. Source: goobjoog.com
  19. AMSTERDAM, Netherlands (HOL) — Feyenoord has bolstered its youth ranks by signing 15-year-old Dutch youth international Nuuradiin Mahamud from PSV on Saturday. The promising defender, who inked a contract lasting until mid-2027, will join the Feyenoord Under-17 squad for the upcoming season. Source: Hiiraan Online
  20. Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa la kulmay Danjiraha Dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya Mudane Dr Abdullah Bin Salem Al Nuaimi. Wasiirka iyo Danjiraha ayaa isla soo qaaday arrimo dhowr ah oo ay kamid yihiin xiriirka labada dal iyo xoojinta taageerada ay siiyaan hey’adaha amniga dalka. Wasiirka Amniga oo uga mahadceliyey taageeradooda, ayaa sheegay in Dowladda Qatar ay tahay saaxiib dhow oo Soomaaliya ka taageerada dhinacyo kala duwan oo horumarinta dalka ah, iyada oo ay muhiim tahay in Wasaaraddu ay si dhow ugala shaqeyso sidii ay usii xoojin lahaayeen taageeradooda ku aaddan hey’adaha amniga ee hoostaga Wasaaradda. Dowladda Qatar ayaa ka mid ah dowladdaha taageerada dhanka horumarinta ah siiya Soomaaliya. Dowladda Qatar ayaa maalgalisay Wadooyinka Muqdisho iyo Balcad, Muqdisho iyo Afgooye taasoo sare u qaaday isku socodka Wadooyinka caasimadda Source: goobjoog.com
  21. Mogadishu (HOL) — Several mortar shells struck Balow village in the Lower Shabelle region on Wednesday, resulting in significant civilian casualties. Source: Hiiraan Online
  22. NAIROBI, Kenya (HOL) — Three Somali individuals were killed and seven others injured in a violent attack at the border between Kenya and Uganda, according to emerging reports. The victims, who were all young people studying in Uganda and Kenya, were attacked by angry locals wielding swords and clubs. Source: Hiiraan Online
  23. Wasiirada Wasaaradda Beeraha Iyo Waraabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareey iyo Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka dowlad goboleedka koonfur galbeed Mudane Isaaq Cali Subag, ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay caasimadda Kumeel gaarka ee Dowlad Goboleedka KGS, Wasiirada iyo wafdigooda waxaa airport-ka magaalada Baydhabo ku soo dhaweeyeen Wasiir Wasaaradda Cadaaladda KGS Mudane Cabdulkhaadir Yuusuf Cabdinuur, Wasiirka Wasaaradda Howlaha guud Mudane Daahir Cabdi Cabdullahi, Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Cabdulkhaadir Cumar Cabdullahi Baasto, Wasiirka Deegaanka Isbadalka Cimilada Mudane Diini Cabdinuur Maxamed, Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Maxamed Isaaq Ibraahim Mr Baay, Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Biyaha iyo Tamarta, iyo Maayarka Dagmada Baydhabo Candullahi Watiin, Ujeedka socdaalka Wasiirka Iyo wafdiga uu hogaaminaayo ayaa ah xoojinta tacbashada beeraha iyo la qabsiga isbedelka cimilada. Source: goobjoog.com