-
Content Count
211,301 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa war cusub kasoo saartay wada-hadalka la sheegay in lala galayo kooxda Al-Shabaab, waxaana arrintan si faah-faahsan uga hadlay madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta daah-furay kalfadhiga 5-aad ee baarlamaanka Soomaaliya, kadibna khudbad u jeediyay xildhibaanada labada Gole. Ugu horreyn madaxweynaha ayaa beeniyay in dowladda federaalka ay haatan waddo qorshe guud oo wada-hadal lagula galayo kooxda Al-Shabaab, wuxuuna sheegay in aanay jirin wax ajende ah oo ay dowladda Soomaaliyeed ka leedahay arrintaasi. Madaxweynaha ayaa gebi ahaanba waxba kama jiraan ku tilmaamay warar ku aadan wada-hadalka labada dhinac oo maalmihii dambe ay tabineysay warbaahinta. “Ma jiro qorshe aan wadno oo wada-hadal kula galeyno argagixisada oo aqoonsaneynba dowladda Soomaaliyeed, arrintaas waxaan rabaa inaan caddeeyo ma’aha mid jirto” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Sidoo kale wuxuu ku hadlay dagaalka ay dowladdiisa kula jirto kooxaha Khawaarijta, isaga oo sheegay in guullo waa wayn laga gaaray, isla markaana sanadkan imtixitaanka shahaadiga ah lagu galay degmooyin dhawaan uun laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab, wuxuuna ballan qaaday inay sii wadi doonaan howlgallada xoreynta ee ka socda dalka. “Waxaan kusii socon doonaa la dagaallanka Al-Shabaab, illaa dalkeenna oo xor ka noqono” ayuu sii raaciyay madaxweynuhu. Dhinaca kale wuxuu ka hadlay dagaal beeleedyada kasoo cusboonaaday dalka, isaga oo sheegay inay ka dambeyso kooxda Al-Shabaab, balse ay ka hortegi doonaan, si loo nabadeeyo deegaanada ay haatan kasoo cusboonaadeen dagaallada sokeeye. Beryahan dagaallo sokeeyo oo ahli ah ayaa kusoo noqnoqday deegaanada qaarkood waa qayb kamid ah qorshaha cadowga argagixisada oo rabta iska horkeenidda shacabkeenna, si aan uga jeesano ka xoreynta dalka Khawaarijta, taasina ma dhaceyso dalkeena waa nabadeyneynaa Khawaarijta dagaalkeedana waan waa wadeynaa” ayuu mar kale yiri. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo weli ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ay wadaan guluf ka dhan ah Al-Shabaab oo haatan ka socda inta badan gobollada dalka. The post War cusub oo kasoo kordhay wada-hadalka DF iyo Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdisamad Macalin Maxamuud oo shir jaraa’id ku qabtay banaanka hore ee xarunta golaha shacabka, iyadoo ay garbihiisa taagan yihiin xildhibaano kale oo badan ayaa ku hanjabay in hadii xilka Madaxweynaha ay dib u eegis ku samey doonaan hadii sidaan aan wax laga bedelin. “Dadku ma fahansana mooshin, laakiin baarlamaankaa ku shaqeeya oo wax ku toosiya, waxaana isticmaali doonaa awoodeena inta sharcigu noo ogolyahay,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdisamad oo isla xisaabtan ugu hanjabay madaxda ugu sareysa dalka. Xildhibaan Cabdisamad ayaa Madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ku eedeeyey inay dalka la habaabeen, isagoo xildhibaanada ugu baaqay inay gutaan waajibaadka qaran oo ay u dhaarteen, kuna dhaqaaqaan sidii loo badbaadin lahaa dalka. “Waxaan idiin cadeynayaa baarlamaanka uu kalfadhigiisu furmay waxay isku diyaariyeen isla xisaabtan adag, xildhibaanadu waxay dareensan yihiin in madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ay dalkii la habaabeen, waxaana u taaganahay inaan wax saxno,” ayuu yiri Cabdisamad Macalin. Sidoo kale Xildhibaan Cabdisamad ayaa sheegay in xildhibaanada loola dhaqmo si aad u liidata markii ay marayaan jidadka Muqdisho, isagoo ku goodiyey in arrintaas ay degdeg wax uga qabanayaan. “Xildhibaanada baarlamaanka 11-aad waxay noqdeen dadka xasaanada leh kuwa ugu liita ee dalka ku nool, waxaa lagu furtaa oo lagu handadaa jidadka, intaan ka badan ma sii dulqaada doono, laguma sii tuma doono sharafteena,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdisamad Macalin Maxamuud. Xildhibaanka ayaa sheegay in xildhibaano badan ay hadda u diyaarsan yihiin in xaaladda sidaan laga bedelo, isla markaana ay ku dhaqaaqi doonaan hadii ay la noqoto inay dantu ku jirto in madaxweynaha xilka laga qaado. “Xildhibaano aad u badan ayaa hadda u diyaarsan inay xaaladaan wax ka bedelaan, iyadoo hadii ay la noqoto in dib loo eego xilka madaxweynaha ay sameynayaan, xaqna waa u leeyihiin,” ayuu yiri. Xildhibaan Cabdisamad ayaa intaas ku sii daray, “Wax kasta ayaa la soo maray tan ugu daran waa in Qabuurihii lasoo fagayo maanta, ma jirto meel ka dambeysa in kii noolaa iyo kii dhintay ay baxsa la’yihiin, sidaan looma dul qaada karo, xildhibaanada waxaa ka go’an inay badbaadiyaan dadka ay u dhaarteen.” Hoos ka daawo The post Daawo: Xildhibaano ku goodiyey inay mooshin ka keenayaan Madaxweynaha appeared first on Caasimada Online.
-
Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland oo is kaashanaya ayaa galabta kooxda Alshabab kala wareegay deegaan istiraatiiji ah oo lagu magacaabo Filfile, kaas oo dhaca waqooyiga deegaanka Buulaxaaji ee gobolka Jubbada Hoose oo sina dhowaan laga saaray kooxda. Saraakiisha ciidanka howlgalka sameeyey ayaa Warbaahinta u sheegay in deegaankaas uu Alshabaab u ahaa meel ay xoolaha baadda ah uga qaadaan dadka shacabka ah, isla markaana ay ka gaysteen dhibaatooyin badan. Sidoo kale Saraakiisha hoggaamineysa howlgalkaan ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan baacsiga ka dhanka ah kooxda Alshabaab. Howlgallada ka dhanka ah kooxda Alshabaab ayaa si xoog leh uga socda deegaanada dowladda goboleedka Jubbaland, waxaana la filayaa in todobaadyada soo socda ay ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta sii xoojiyaan gulufka ka dhanka ah Alshabaab. Source: goobjoog.com
-
Dhalinyaro ka kooban aqoonyahan iyo wax garad isla markaasina ka soo jeeda jifada madaxweyne Muuse Biixi ee reer Samatar ayaa kulamo mudo qaatay la yeeshay qaar ka mid ah madaxda xisbiga Waddani ee Somaliland madaxdaasi oo ay isku deegaano ka soo wada jeedaan dhalinyaradani. Dhalinyaradani ayaa saaka kulan balaadhan oo duco iyo is waraysi ah la yeeshay suldaanka guud ee beelaha Gabiley Clan suldaan Xasan Wararku waxa ay sheegayaan in dhalinyaradani ay qayb ka yihiin isbadal doonka ka socda dalka waxana lagu wadaa in dhalinyaradani ay ku biiraan xisbiga Waddani oo ah xisbiga rajada iyo midnimada Somaliland. Dhowrkii todobaad ina soo dhaafay waxa aad xisbiga Waddani ugu soo badnaayay oo taageero buuxdavla garab istaagay deegaanada ay ka soo kala jeedaan Madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wasiirka arimaha gudaha mudane Maxames Kaahin Axmed oo bulshadii deegaankiisu ay todobaadkii hore ku biireen xisbiga Waddani. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Baarlamaanka Jubaland ayaa dhowaan u codeeyay wax ka bedel lagu sameeyey qaar ka mid ah qodobada dastuurka Jubbaland, tallaabadaasi waxay sii xoojisay hubanti la’aan ka taagan doorashada maamulkaas, carada iyo walaaca mucaaradka ayaa cirka isku sii shareeray. Wasiir ku xigeen wasaaradda cadaaladda iyo arrimaha dastuurka ee dowlad goboleedka Jubaland Bishaar Aadan ayaa markii ugu horeysay sheegay waqtiga rasmiga ah oo ay dhaceyso doorashada madaxtinimada maamulkaas oo wajaheysa hubanti la’aan weyn. Wasiirka oo ka qeyb galay barnaamij dood ah oo BBC ay qabatay ayaa muddo ka meer-meeray su’aal laga weydiiyey goorta ay dhaceyso doorashada maamulkiisa, balse markii dambe wuxuu sheegay in bisha 11-aad ay doorasho ka dhaceyso Jubbaland. “Wakhti ay doorasho dhacayso wasiir ma sheego ee guddi doorasho ayaa sheega, taana qorsheheedu waa uu socdaa, madaxweyneheyga ayaa saxiixay in ay November doorasho dhacayso, sidaas ayuuna qorshuhu yahay,” ayuu yiri Wasiir ku xigeen wasaaradda cadaaladda iyo arrimaha dastuurka Jubaland. Waxaa taagan muran ka dhashay wax ka badelka dastuurka, baarlamaanka ayaa toddobaadkii hore u codeeyey in dastuurka Jubbaland laga saaro qodobkii xadidayey inta jeer ee xilka Madaxweynaha uu u tartami karo Axmed Madoobe oo hoggaanka maamulkaas hayey tan iyo markii la aas-aasay Jubbaland 10 sano ka hor. Siyaasiyiinta mucaaradka ku ah Axmed Madoobe ee ka soo jeeda Jubbaland ayaa qaba in wax ka bedelka lagu sameeyey dastuurka maamulkaas ay tahay tallaabo khaldan oo aysan fileyn. Sidoo kale mucaaradka ayaa sheegay in arrintaan ay horseedi karto muddo kororsi uu sameyto Axmed Madoobe, waxay ku doodeen in muddo xileedkii baarlamaanka uu gabaabsi yahay oo bishii ugu dambeysay ay ku jiraan, sidoo kale waxay sheegeen in Axmed Madoobe uusan xaq u laheyn in mar kale uu u tartamo kursiga madaxweynaha. Siyaasiyiinta maamul-goboleedkaas oo qaar ka mid ah ay yihiin musharraxiinta madaxtinnimada ayaa dalbaday in la shaaciyo xilliga rasmiga ah ee doorashadu ay dhacayso. Bisha soo socota ee Agoosto ayuu ku egyahay muddo xileedka Axmed Madoobe, mana socoto ififaalo muujineysa inuu doorasho qaba doono, balse wasiirkiisa ayaa sheegay in bisha November ay doorashada qabanayaan, doorashooyinka ka dhaca Jubbaland ayaa lagu tilmaamaa kuwo aan xor aheyn oo Axmed Madoobe toos u maamulo. The post Xilliga doorashada Jubaland ay dhaceyso oo la shaaciyey iyo qorshe culus oo ka horeeya appeared first on Caasimada Online.
-
Hoggaamiyaha Kooxda Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali ayaa safar shaqo ugu anbabaxay dalka Djibouti kadib markii uu casuumaad ka helay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle Qoraal kasoo baxay SSC Khaatumo ayaa lagu yidhi “Safarka Hoggaamiyaha ayay muhiimadiisu tahay xoojinta walaalnimada, nabadda, xasilloonida gobolka iyo taageerada dhismaha Dowlad-dhiska Soomaaliya”. Kooxda Khaatumo ayaa hore dowlada Jabuuti ugu eedayn jirtay in ay qayb ka ahayd dagaalkii Laascaanood, lakiin Wasiirka Maaliyada Jabuuti Ilyaas Muuse Dawaale, ayaa sheegay in Jabuuti anay wax lug ah ku lahayn dagaalka. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta si rasmi ah u furay kalfadhiga 5-aad ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, labadiisa Aqal ayaa ka hadlay arrimo ku aadan doorashooyinka iyo dastuurka dalka. Xasan Sheekh ayaa ku adkeystay in doorasho qof iyo cod ah uu qabanayo 2026-ka, si ay codadkooda u dhiibtaan dadka Soomaaliyeed, una soo doortaan hoggaankooda. “Maanta waxaa nalaga sugaa inaan daka u jiheyno doorasho toos ah oo qof iyo cod ah oo guud ahaan shacabka qaybihiisa kala duwan siisa fursad ay ku codeeyaan iyaga oo xor ah, waana siineynaa shacabkeenna fursaddaas, insha allah” ayuu yiri madaxweynaha. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dowladdiisa ay ka go’an tahay in muwaadiniinta Soomaaliyeed ay helaan fursad ay wax ku dooran karaan, laguna dooran karo, si looga gudbo doorashooyinkii dadbanaa ee soo maray Soomaaloya. “Waxaan kusii siqeynaa in muwaadinka Soomaaliyeed uu helo fursad uu wax kuu dooran karo, laguna dooran karo, waxaan filayaa in doorashooyinkii dadbanaa aanay ahayn kuwa loo xiiso qabo” ayuu sii raaciyay. Dhanka kale madaxweynaha ayaa soo hadal qaaday arinta dastuurka isagoo baarlamaanka ku boggaadiyay tallaabado ay u qaadeen dhameystirkiisa, mudd 12 sano ah kadib. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in ay sii wadi doonaan doodaha ku saabsan arrimaha dastuurka, si loo dhameystiro qodobada kale ee weli harsan. “Waxaa kale oo iyadana ahmiyad wayn ah leh sii wadida cutubyada ka dhiman dastuurka, si uu dalka uga baxo hubanti la’aanta dastuuriga ah” ayuu mar kale yiri Xasan Sheekh. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo weli ay taagan tahay cabashada kasoo yeereyso xubnaha mucaaradka iyo Puntland oo kasoo horjeestay qorshaha Villa Soomaaliya ee ku aadan doorashada soo socota iyo tallaabada loo qaaday wax ka beddelka dastuurka dalka. The post Xasan Sheekh oo war culus kasoo saaray doorashada 2026-ka iyo dastuurka appeared first on Caasimada Online.
-
Garowe (PP News Desk) — Six months after Ethiopia signed a maritime Memorandum of Understanding with the Somaliland Administration, a secessionist entity, violating Somalia’s sovereignty, the fallout from this legally dubious deal continues to affect Ethiopia-Somalia relations. Last week, talks sponsored by Turkey helped negotiators from both countries to make progress. Several days after the first phase of talks concluded, Prime Minister Abiy Ahmed informed the Ethiopian Federal Parliament that Ethiopia has no doubts about Somalia’s territorial and political unity. To break the deadlock, SIDRA INSTITUTE, a think tank based in Puntland State of Somalia, has proposed a legal compromise based on a model similar to the Indo-Nepal Transit Agreements, which enables landlocked Nepal to access Indian seaports. “Somalia has no problem with Ethiopia’s non-sovereign access to its ports for trade purposes but strongly rejects any claims to sovereign access, such as establishing a naval base on Somali territory. To resolve the dispute, Ethiopia and Somalia could adopt a model similar to the Indo-Nepal transit agreements. This model emphasises legal agreements, cooperative infrastructure development, and mutual benefits, ensuring Ethiopia’s access to the sea while respecting Somalia’s sovereignty and promoting regional stability,” SIDRA INSTITUTE writes in the policy brief. This lawful solution proposed by SIDRA INSTITUTE is expected to persuade Ethiopia to respect the international norms given the funding proposal Abiy’s government made to IMF for 10.5 billion dollars. Abiy defended his decision to violate the political unity of Somalia when he spoke to Ethiopian MPs earlier this week. “ Access to the sea is critical for Ethiopia’s growing economy and population. The MoU we signed with Somaliland came after the Somali government’s refusal to talk with Ethiopia in the first place” said Abiy Ahmed. Abiy Ahmed violated article 12 of the Joint Communique issued by President Mohamed Abdullahi Mohamed and Abiy Ahmed who was visiting Mogadishu on 16/06/2018: “The two leaders unequivocally stated their mutual respect for the sovereignty, territorial integrity, political independence and the unity of both nations and called upon all Somali actors to relentlessly work towards the unity and cohesiveness of Somalia” reads article 12 of the communique. © Puntland Post, 2024 The post A Somali think tank suggests a legal compromise between Somalia and Ethiopia On the Illegal Maritime MoU appeared first on Puntland Post.
-
450115336_823675359479880_3902880146904575001_n Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka federaalka Soomaaliya, gaar ahaan kuwooda mucaaradka ah ayaa maanta shir jaraa’id ku qabtay gudaha magaalada Muqdisho, kaas oo ay kusoo aadiyeen furitaanka kalfadhigooda 5-aad. Xildhibaannadan oo sheegay inay shilrar ku yeesheen Muqdisho ayaa soo saaray go’aanno culus oo ka dhan ah xukuumadda Soomaaliya oo ay ku eedeeyeen wax-qabad la’aan. Maxamed Ibraahim Macallimuu oo kamid ah xildhibaannadaas ayaa akhriyay warsaxaafadeed ay soo saareen, kaas oo ay ku sheegeen in la joogo waqtigii isla xisaabtanka, meeshana looga saari lahaa isku milanka baarlamaanka iyo xukuumadda. “Kadib kulamo in muddo ah u socday xildhibaanno badan oo ka tirsan labada gole ee BFS ayaa waxa ay hoosta ka xariiqeen in la gaaray xilligii si dhab loo sixi lahaa isku milanka taaba galay hay’adaha fulinta iyo xeer dajinta, taas oo ay ugu wacnayd guddoonka baarlamaanka oo garan waayay shaqadii ahayd in lala xisaabtamo xukuumadda ” ayuu yiri. Macallimuu ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in la marin habaabiyay shaqadii muhiimka ahayd ee wasaaradda arrimaha dibadda, ayan jiraan heshiisyo sharci darro ah oo lasoo galay. “Waxay hay’adda fulinta marin habaabisay siyaasadii arrimaha dibadda waxay xukuumaddu gashay heshiisyo caalami ah oo aan loo marin dariiiqii sharcigaa ahaa” ayuu sii raaciyay. Sidoo kale wuxuu yiri “Waxaa la baabi’iyay ciidamadii qalabka sida, waxaana cadowga loo loogay saraakiil geesiyaal ahaa, taas oo Soomaalida oo dhan ay marqaati ka tahay”. Dhinaca kale waxa uu tilmaamay in uu kasii daray musuq-maasuqa ka dhex jira hay’adaha dowladda, ayna jiraan shirkado gaar ah oo lagu wareejiyay shaqadii laga rabay dowladda. “Waxaa laba lixaadsaday musuq-maasuqa hay’adaha dowladda dhexdooda, ayada oo la abuuray shirkado gaar loo leeyahay oo aan ku imaan hab daah-furan, kuwaas oo qabanayo adeegyadii ay dowladda u xilsaarnayd, ayada oo ujeedka uu yahay in lagu naas nuujiyo shaqsiyaad saaxib gaar ah la ah madaxda dalka” ayuu mar kale yiri Xildhibaan Macallimuu. Ugu dambeyn waxay xildhibaannadan hoosta ka xariiqeen in xukuumadda uu hoggaamiyo ra’iisul wasaare Xamza oo ku fashilinatay shaqadii loo igmaday iyo ballan-qaadyadii ay horay u horgeysay baarlamaanka Soomaaliyeed. “Xukuumadda fadhiidka ah ee isku magacowday Dan-qaran ee ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre waxa ay ku guul darreysatay hirgelinta ballanqaadyadii iyo qorshayaasha ay laba sano kahor soo hordhigeen baarlamaanka Soomaaliya” ayuu kusii daray xildhibaanku The post Xildhibaanada mucaaradka ee barlamanka oo soo saaray go’aanno culus (Daawo) appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khodbad ka jeediyay furitaanka kalfadhiga 5-aad ee baarlamaanka, khudbadda madaxweynaha ayaa taabanaysay dhinacyo badan, xilli si adag uga hadlay dagaalka Al-shabaab iyo xadgudubka Itoobiya. Madaxweynaha ayaa furitaankii Khudbaddiisa tacsi u diray qoyska iyo dhammaan shacabka geeridii ku timid Allah unaxariistee guddoomiyihii hore ee golaha shacabka Professor Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo dhowaan ku geeriyooday Muqdisho, isagoo Allah naxariistiisa u weydiiyay. “Waxa aan sidoo kale uga tacsiyeynayaa Barlamaanka Somaaliyeed, anigoo horaanba ugu tacsiyeeyay shacabka Soomaaliyeed, geeridii waayeelkii Soomaaliyeed, AUN Maxamaed Sh. Cismaan Jawaari, Guddoomiyahii hore ee Golaha Shacabka BFS. Waxuu ahaa qof ummadda Soomaaliyeed ay tabi doonto aqoontiisii, kartidiisii, xikmaddiisii iyo wadaninimadiisii. Dhammaanteen Sammir Allaha naga siiyo” ayuu yiri madaxweynaha. Madaxweynaha ayaa bogaadiyay howlhii baaxadda lahaa ee Baarlamaanka 11-aad uu soo qabtay kalfadhigii 4-aad oo lagu meelmariyay sharciyo iyo cutubyo ka tirsan Dastuurka KMG ah, waxaana uu tilmamay inuu rajo weyn ka qabo inuu soo dhamaado Dastuurka oo la gabagabeeyo sanadkaan. “Waxaan halkan ka bogaadinayaa howlaha baaxadda leh ee uu qabtay Barlamaanka afartii kalfadhi ee la soo dhaafay guuud ahaan, gaar ahaan kalfadhigii afaraad ee uu Barlamaanka 11-aad ku guulaystay ansaxinta afarta cutub ee ugu horreysa Dastuurkeenna KMG ah. Waa howl ina sugaysay in ka badan 12 sano, oo ay u suurtagali waysay Baarlamaanadii 9-aad iyo 10-aad ee aannu lahayn” ayuu sii raaciyay hadalkiisa. Madaxweynaha ayaa xusay inaan wali uusan dhammaan xadgudubka dowladda Itoobiya, waxaana Baarlamaanka uu u bogaadiyay qaraarkii laga soo saaray heshiiskii is afgarad ee ka dhacay Addis Ababa sanadkaan bilowgiisii, kaas oo xumeeyay cilaaqaadka labada dowladood ee dariska ah. “Waxaan si gaar ah u xusayaa qaraarkii Barlaamaanka ee ilaalinta gobnimada, midnimada iyo wadajirka dalka, oo jawaab u ahaa xadgudubkii ay dowladda Itoobiya ku samaysay qarannimadaiyo midnimada dadeed iyo dhuleedba ee dalkeenna” ayuu yiri madaxweynaha Jamhuuriyadda. “Haddii aan u soo noqdo qaddiyaddii noogu muhimsanayd oo ah dibu-xoraynta, soo celinta nabadda, xasilinta iyo dhismaha ciidamada qalabka sida. Waxaa marag ma doonto ah guulaha ay gaareen ciidamadeenna xoogga dalka iyo ciidamada Difaaca dadweynaha ee loo yaqaan MACWISLEYDA”. Sidoo kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay dagaalka lagula jiro Al-shabaab “Waxaan soo booqday maalmo ka hor mid ka mid ah goobahii la xoreeyay sannad ka hor, iyadoo uu isbeddel ka muuqdo dhanka nolosha, dhaqaalaha, amniga iyo adeegyada bulshada ee aasaasiga ah” ayuu yiri madaxweynaha Madaxweynaha oo dagaalka ka sii hadlaya ayaa yiri” In ka badan dhowr iyo toban sano ka dib, waxaa imtixaankii dugsiyada sare laga galay degmooyin ay mid yihiin Xaradheere iyo Ceel dheer. Ilaahey mahadi ha ka gaartee, waxaan gaarnay guulo waaweyn. Waana ku sii socon doonnaa la dagaallanka argagixisada ila uu dalkenna xor ka noqonayo. Ma jiro qorshe aan wadanno oo wadahadal nagu dhexmarayo argagixsada aan aqoonsanayn dowladnimada Soomaaliya”. Dhinaca kale madaxweynaha ayaa dul istaagay guulaha laga gaaray sharciyadii sanadkii tagay meelmaray, waxaana uu xusay in la gaaray riyooyin muddo qaranku kusoo taamayay waxaana uu bogaadiyay Baarlamaanka” Laga soo billaabo furitaanka kalfadhigii afraad oo ku beegnaa 24-kii Nofeember 2023; waxaa inoo rumoobay riyooyin ay muddo dheer Soomaaliya ku taamaysay. Maanta Soomaaliya waxay ku guuleysatay: 1. Iney ka mid noqoto iskaashiga dowaldaha Bariga Afrika ee (EAC). 2. Iney dhammaystirto Geeddi socodka dayn cafinta. Lagana cafiyey balaayiin doollar 3. In laga qaado cunaqabateyntii hubka, taasoo saarnayd muddo ka badan 30 sano. 4. In loo doorto xubinimada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay sannadaha 2025-2026. Guulahaas waxa ay astaan u yihiin inaan ka gudubnay marxalado adag oo ka dhashay dagaalladii sokeeye iyo geeddisocodka dowladnimadeenna oo gaabis ahaa sannad badan. Waa guul u soo hoyatay shacabka Soomaaliyeed oo wax badan u soo huray si ay ugu noolaadan siyaabaha bulshooyinka kale ee caalamka u nool yihiin. Guulahaas waxay ina saarayaan waajib kale oo ah inaan diiradda saarno sidii aan uga faa’iidaysan lahayn ama aan u xajisan lahayn si aanan dib ugu noqon halkii aan ka soo hayaannay. Madaxweynaha ayaa soo hadal qaaday damaca Itoobiya “Anigoo cuskanayo qaraarkii Barlamaanka ee ilaalinta gobanimada, midnimada iyo wadajirka dalka, waxaan aniga, xukuumadda iyo ummadda Soomaaliyeed oo dhan Gole kasta iyo goob kasta u tagnay, si aan u muujinno mowqifkeenna cad ee ku aadan qaddiyaddeenna” ayuu yiri. “Dowladda Etoobiya iyadaa caalamka wareegeysa iyadoo ka carareysaa qaladkii ay ka gashay diblomaasiyadda iyo xeerarka caalamka ee dunida ilbaxa ah ku dhaqanto. Shalay iyadaa jabisay daris wanaaggii iyo ku dhaqanka qaanuunka caalamkamaantana iyadaa wali diidan. Itoobiya waligeed inta si darisnimo ah noogu timid marna nagalama hadlin arrimaha maanta taagan. Nasiib darro iyadaa wareegaaleysaneysa meel kasta oo leh ha nala heshiisiiyo Soomaaliya. Soomaaliya ma aha midda xadgudubtay ama diidan heshiis. Xaalka dowladda Etoobiya waa HASHA IYADAA CUNEYSA OO CABAADEYSA. Soomaaliya waxay diyaar u tahay heshiis, nabad iyo deris wanaag. Laakin sida dowladda Itoobiya wax ku waddo ma aha waddo tagto meel nabad ah. Waxaan rabaa inaan caddeeyo wax Cadaawad ah uma qabno Shacabka Etoobiya. Waxaana la jecelnahahy nabad deggenaansho iyo iney ka gudbaan caqabadaha haysta manta” ayuu sii raaciyay. “Toddobaadkii la soo dhaafay walalaheen Turkida ayaa noogu yeeray inaan aqbalno Gogol ay Itoobiya codsatay. Nasiib darro Itoobiya mowqifkeedii waxba iska badalin. Waana middaas sababta keentay in gogosha la madlo, annagoo aanan kulmin. Annagu ma madlin gogosha ee Itoobiya ayaa sidaas codsatay. Waxay horay u codsatay in dib loo dhigo gogol billaw ahayd oo Nairobi ka furantay dibna uguma soo noqon. Waxaan rajeyneynaa tanne in aaney sidii tii hore oo kale ka baxin ballanta aan la soo galnay walaalaheen TURKIYE” ayuu kusoo gabagabeeyay xaaladda Itoobiya. Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn dul istaagay dagaallada Ahliga a ee ka dhacaya gobollada dalka waxaana u uku baaqay in laga waantoobo”Waxaan sidoo kale baaqayga mar kale u dirayaa walaalaha Soomaaliyeed ee Gobollada Waqooyi, inay walaaltinimada, xilkasnimada iyo taariikhda kaashadaan, una noqdaan jidkii aan isla jeexnay laba maalmood ka hor, saxiixa is afgarad ku sheegga lala saxiixday Itoobiya. Jidkasi waa kii walaaltinimada iyo garawshiyaha oo wali inoofuran, aanna aaminsanahay inuu badbaado u yahay jiritaankeenna ummadnimo, iyo soocelinta karaamadeenna iyo sharafteenna. Haddii aan wadajireyno iyo haddii kala tageyno waa howl u gaar ah oo quseysa dadka Soomaaliyeed oo kaliya. “DFS iyo DG waxay sammeeyeen daallo lagu kala dhexgalayo laguna nabadeynayo degaannada colaadduhu ka jiraan. Waxaan bogaadinayaa dowlad goboleeyda ku howlan damminta colaadaha ka jira degaannada qaarkood. Waana waajib dhamaanteen ina saaran inaan u guntano joojinta coladahaas. Waxaan sidoo kale bogaadinayaa siyaasiyiinta, odayaasha dhaqanka,culimada iyo ururrada bulshada ee iyagane ku howlan damminta colaadaha” ayuu yiri. Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka hadlay arrimaha doorashada iyo nuuca la aadayo” Waxaan wada xusuusannaa, in 2012kii barlamaankeenna ay soo xuleen odayaal dhaqameed (135) ah oo badankood degganaa hoteello ku yaal caasimadda, halka 2016 kii aan u daadejinnay in lagu soo doorto dowlad gobolledyada. Tiro ka badan 14 kun ay codeeysay. Arrinkaas wuxuu u muuqday isbeddel weyn. 2022kiina in ku dhaw 30kun ayaa codeysay. Manta waxaa nalaga sugayaa inaan dalka u horseedno doorasho toos ah oo guud ahaan shacabka qeybahiisa kala duwan siisa fursad ay ku codeeyaan iyagoo xor ah. Waana siineynaa shacabkeenna fursaddaas insha Allah. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa gabagabadii hadalkiisa yiri “Waxa aan ku soo gunaanadayaa hadal-jeedinteydakalfadhiga 5aad ee BFS, in anagoo Alle kaashaneyno oo aan ka mshquuleyn inaan wada aragno, Soomaaliya oo ku guuleysatay xoreynta deegaanada wali ku jira gacanta Khawaarijta, dejinta shuruucda aan ku horumarinayno dalka, dhameystirka hey’adaha Qaran ee muhiimka u ah dowlad-dhiska iyo balaarinta adeegyada bulshada sida ballaarinta waxabarashada ubadka Soomaaliyeed ee gaaray da’da waxbarashada”. Source: goobjoog.com
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa qaaday tallaabadii ugu horreysay ee ku aadan dagaal beeleedka haatan ka socda gudaha degmada Luuq ee gobolka Gedo. Axmed Madoobe ayaa ugu horreyntii baaq nabadeed u diray beelaha ku diriraya oo uu dagaalkoodu sababay dhimasho, dhaawac iyo in la gubo suuqii weynaa ee degmadaasi. Madaxweynaha Jubbaland ayaa sidoo kale sheegay in xilligan aan loo baahneyn dagaal dhex mara beelaha walaalaha ah, ayada oo xaalad ag markii hore ka jirtay gobolka. “Madaxweynaha ayaa tilmaamay in ay tahay wax aan loo baahnayn dagaalka u dhexeeya dadka walaalaha ah ee ku nool degmada luuq iyadoo dadka deegaanka ay kasoo kabanayaan saamaynta fatahaadaha iyo daadadka ku dhuftay sanadkii hore walina ay jirto saamaynta ay xaaladaas ku reebtay nolosha bulshada” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dhibaatada ka dhalatay colaaddan ay saameyneyo dhinacyada dagaalamaya iyo dadka rayidka ah ee degan magaalada. “Waxaa Madaxweynahu uu sheegay in khasaaraha ka dhashay dagaalkan ee naf iyo maalba leh ay taabanayso dhammaan dhinacyada loona baahan yahay in sida ugu dhakhsiyaha badan loo joojiyo dagaalka” ayaa lasii raaciyay. Axmed Madoobe ayaa dhinac kale digniin u diray ciidamada ku sugan Gedo ee ku biiraya dagaalka, isaga oo sheegay in tallaabo adag laga qaadi doono. “Madaxweynahu wuxuu digniin adag u diray askarta ku milmaysa shaqaaqadan isagoo xusay in askariga ku lug yeesha dagaalkan talaabo adag laga qaadi doono” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka. Ugu danbayn madaxweynaha Jubbaland ayaa faray maamulka gobolka Gedo, kan Degmada luuq iyo hay’adaha amniga oo kaashanaya odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada inay u istaagan sidii shaqaaqadan loo joojin lahaa. Dagaalka Luuq oo shalay soo bilowday ayaa u dhexeeyo labada beelood oo wada dega degmadaasi, wuxuuna sababay khasaare xoogan iyo barakaca dadka deegaanka. The post Axmed Madoobe oo qaaday tallaabo la xiriirta dagaalka ka socda degmada LUUQ appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (PP Comment) — The latest editorial on Somali politics by Matt Bryden of Sahan Research, an organisation owned by Matt Bryden, highlights what is wrong with the pontifications of wannabe modern buccaneers in Africa. What constitutes knowledge about Somali politics is now up for grabs, given the emergence of outfits such as Sahan that claim to have expertise on the countries they write about. Their claim to expert knowledge is often based on a previous stint of working in Somalia as a UN worker or as a field researcher contracted by a development agency affiliated with the EU, USA, or UK. Sahan serves to portray Somalia as an existential threat to the interests of the West by publishing unfounded information. Its latest editorial on reports that Somalia is open for talks with Al-Shabaab, Bryden recycles his 2021 essay entitled “Fake Fight: The Quiet Jihadist Takeover of Somalia.” It is an open secret that Bryden dismissed the sovereignty rights of Somalia earlier this year when he was interviewed by Al Jazeera about the illegal maritime Memorandum of Understanding between Ethiopia and the secessionist administration in Northern Somalia. Sahan equates proposed talks with Al-Shabaab and the rejectionist ideology of secessionists when it opines thus: “With negotiations, the future of electoral democracy in Somalia would be forfeit. Al-Shabaab rubbishes the very concept of popular sovereignty and with it, the notion of political alternation.” Any talks with Al-Shabaab will have preconditions, such as full respect for the territorial and political sovereignty of Somalia. This basic principle closes the door to any anti-sovereignty ideology and the forces of transnational terror organisations intent on turning Somalia into ungoverned spaces. In her essay “How to Write About Somalia,” Professor Safia Aidid offered pointers for those who want to write about Somalis stereotypically : “Always use the words ‘crisis,’ ‘instability,’ ‘conflict,’ ‘anarchy,’ or ‘terror’ in your title. Subtitles may include the words ‘refugee,’ ‘militant,’ ‘warlord,’ ‘failure,’ ‘collapse,’ ‘clan,’ ‘radical,’ ‘terrorist,’ ‘extremist,’ or ‘pirate.’ Also useful are words such as ’nomadic,’ ‘pastoral,’ and ‘tribal,’ as well as made-up verbs combined with these other words, like the ‘Somalization of the crisis.’ Sahan Research took this advice to heart. © Puntland Post, 2024 The post Sahan Research and the Art of Writing about Somalia appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta khudbad u jeediyay labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa si adag ugu jawaabay ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed oo dhowaan ka hadlay xiisadda kala dhexeysa Soomaaliya ee ka dhalatay heshiiska uu la galay Somaliland. Abiy Axmed ayaa markale ku celiyay muhiimada ay Itoobiyaanka u leedahay helitaanka bad, isaggoo xusay in xitaa Soomaaliya ay badda kaga beddelan karto wax soo saarkooda khudaarta. “in qarashka dowladda Soomaaliya uga baxaya safarka dibadda uu ku wanaagsan yahay dhismaha iskuul ku fadhiya 1KM oo Muqdisho laga dhiso oo ay ka faa’iideystaan shacabka waxaad imaan kartaan Addis Ababa, diyaar ayaa u nahay in aan idinla hadalno, mana rabno in Soomaaliya burburto ama kala qeybsanto,” ayuu horay u yiri ra’iisul wasaaraha Itoobiya. Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ka jawaabay hadalkaas ayaa sheegay in waxa wareegaya caalamka ay tahay Itoobiya oo khaladka gashay, wuxuuna ku eedeeyay inay jebisay darisnimadii iyo xeerarka caalamiga ah ee looga dhaqmo adduunka. “Dowladda Itoobiya iyadaa caalamka wareegeysa iyada oo ka carareysaa qaladkii ay shalay gashay ee diblumaasiyadeed iyo kii xeerarka caalamiga ahaa ee dunida ilbaxa ah ay ku dhaqanto maanta” ayuu ku jawaabay madaxweynaha. Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in Itoobiya aanay weligeed Soomaaliya ugu imaanin darisnimo iyo wanaag, isla markaana ay weli diidan tahay waddada saxda ah. “Shalay iyada ayaa jebisay darisnimadii iyo ku dhaqanka xeerarka caalamiga ah, maantana iyada ayaa weli diidan inaan u noqono waddada saxda ah. Itoobiya weligeed inta darisnimo noogu timaaday nagalama hadlin arrimaha maanta taagan nasiib darro iyadaa wareegeyso oo leh hanala heshiisiiyo Soomaaliya” ayuu kusii daray madaxweynuhu. Sidoo kale waxa uu yiri “Soomaaliya ma’aha midda xadgudubtay ama diidan heshiis, xaalka Itoobiya waa hasha iyadaa cuneyso oo cabaadeyso., Soomaaliya waxay diyaar u tahay nabad iyo heshiis”. Madaxweynaha oo soo hadal qaaday wada-hadalladii ka dhacay dalka Turkiga ayaa sheegay in ay ku yimaadeen dalab ka yimid Itoobiya, isla markaana ay isla iyada fashilisay, isaga oo sheegay inay diiday inay ka laabato mowqifkeeda ku aadan heshiiska badda. Ugu dambeyn madaxweynaha ayaa hoosta ka xariiqay in Soomaaliya ay u diyaar u tahay heshiis, nabad iyo darisnimo, si loogu wada noolaado xasilooni waarta. The post Madaxweyne Xasan oo u jawaabay Abiy: Itoobiya iyadaa cuneysa oo cabaadeysa appeared first on Caasimada Online.
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre oo safar shaqo ku jooga dalka Ciraaq ayaa kulan la qaatay dhiggiisa dalkaas, Mudane Maxamed Shiyaac Al-Suudaani, iyagoo ka wada hadlay arrimo dhowr ah. Labada Ra’iisul Wasaare kulankooda waxa ay kaga wada hadleen xoojinta xiriirka walaaltinimo ee soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal iyo sidii loo adkeyn lahaa iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo guud ahaan danaha ay wadaagaan labada dal. Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha waxaa ka mid ah Wasiirrada Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Axmed Macallin Fiqi, Maaliyadda, Mudane Biixi Iimaan Cige, Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada, Marwo Khadiija Maxamed AlMakhzoumi, iyo Taliyaha Hey’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka, Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe). Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khodbad ka jeediyay furitaanka kal fadhiga baarlamaanka ayaa si kulul uga warceliyay hadal uu dhowaan yiri Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo ahaa in Soomaaliya ay dalalka caalamka dacwad ayaga ka dhan ah la wareegayso. Madaxweynaha ayaa sheegay inay Itoobiya ayadu dunida wareegayso, ayadoo ku calaacalaysa Soomaaliya ha nala heshiisiiyo, balse ay ayadu gefka gaysatay ayna mid tahay hashii ayadu geela cunaysay, haddana cabaadaysay ee murti lagu xusi jiray. Sidoo kale wuxuu sheegay in shirkii magaalada Ankara ee dalka Turkigu uu guuldarraystay, ka dibna mar kale la hadlay, asagoo xusay in Itoobiya ay weli ku taagantahay mowqifkeedii xadgudubka ahaa ee madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya ka dhanka ahaa. Dhanka kale madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu hoggaanka iyo waxgaradka Soomaalilanda ugu baaqay inay garaadkooda iyo ilbaxnimadooda kaashadaan, kana fiirsadaan go’aanka guracan ee ay badda xabashida ugu gacan galinayaan. ” haddii aan wadajirayno iyo haddii aan kala tageyno waa howl u taalla dadka Soomaaliyeed oo keliya ee meelo kale iyo shisheeye ma qusayso” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, asagoo khodbad u jeedinayay labada gole ee Baarlamaanka. Itoobiya ayaan weli ka tanaasulin go’aankeedii xadgudubka ahaa, balse waxay garan la’dahay sidii ay fulintiisa ugu dhiiran lahayd sida ficilladeeda ka muuqata, balse dowladda Soomaaliya iyo dadweyneheeda oo kaashanaya saaxiibadooda dunida ayaa arrintaas geeri ka xega. Source: goobjoog.com