-
Content Count
211,291 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Ururka Xisbullah ee Lubnan ayaa sheegay, in ay diyaaradaha aanan duuliyaha laheyn ku weerartay saldhigga Israa’iil ee Buura Hermon oo ku yaalla buuraleyda Golan Heights ee Suuriya ee ay heysato Israa’il. Buurta Hermon ayaa waxaa ku yaalla saldhig muhiim ah oo ay Israa’iil u isticmaasho ilaalinta mandiqadda gaar ahaan howlaha basaasidda iyo difaaca cirka. Israa’iil ayaa halkaasi si gaar ah uga ilaalineysay dhaq-dhaqaaqa WSuuriya, Ciraaq, Urdun iyo qeybo ka mid ah Sacuudiga tan iyo 1973-di, markaas oo uu dhacay dagaalkii Isra’il iyo Carabta. Xisbullah waxay sheegtay in weerarka bam ee ay ku qaadday Buurta Hermon uu ahaa kii ugu horreeysay, tan iyo marki ay iyada iyo Israa’iil billaabeen in ay madaafiic is weydaarsadaan 8-dii bishii October, maalin kaddib marki ay Xamaas weerartay koofurta Isra’il, weerarkaas oo dhaliyay duullaanka ay Isra’il ku qaadday Gaza. Xisbullah ayaa sheegtay in ay joojin doonto weerarada ay ku heyso Isra’il, marka ay Isra’il joohiso dagaalka ay ka waddo Gaza. Ciidanka Israa’iil aanan wali war kasoo saarin duqeynta ay sheegtay in ay Xisbullah ku qaadday saldhiga Isra’il ee Buurta Hermon ee dhulka la hesto ee Golan. PUNTLAND POST The post Ururka Xisbullah oo duqeeyay saldhig Israa’iil ku leedahay buuraha Golan Heights appeared first on Puntland Post.
-
Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay, in qaar ka mid ah ciidankeeda ay kala soo baxday saldhigga ciidanka cirka Niger ee 101, ee u dhaw garoonka diyaaradaha magaalada caasimadda ah ee Niamey. Tallaabadan ayaa imaneysa todobaadyo yar ka hor inta uusan Mareykanka ka bixin saldhigga weyn ee diyaardahiisa drone-ka ee u dhaw magaalada Agadez ee ku taalla saxaraha Niger. Taliska millatari ee xakuma Niger ayaa bishii April amar ku bixiyay, in Mareykanka uu Niger kala baxo ilaa 1,000 askari, bilo kaddib marki ay saraakiil ka tirsan millatariga afganbiyeen dowladdii hore ee Niger, sannadki hore. Bayaan ay si wada jir ah u soo saareen wasaaradda gaashaandhiga Niger iyo Waaxda Difaaca Mareykanka ayaa lagu sheegay, in iskaashi iyo wada shaqeyn wax ku ool ah oo dhex maray ciidamada Niger iyo kuwa Mareykanka aawgeed. Guud ahaan ciidanka Mareykanka ee Niger ayaa lagu wadaa in laga soo saaro bisha soo socota ee August. Taliska milatari ee Niger ayaa u qabtay in ciidanka Mareykanka ka jooga Niger ay waddanka uga baxaan ilaa 15-ka September. PUNTLAND POST The post Mareykanka oo ciidankiisa kala baxaya dalka Niger appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Turkiga , Recep Tayyip Erdogan ayaa markii u horreysay sheegay inuu martiqaad rasmi ah u fidin doono Madaxweynaha Suuriya, Bashar al-Assad , si dib loogu hagaajiyo xiriirka labada dal. Erdogan , wuxuu muddo 10 sanno ah si xooggan u maalgeliyay mucaaraadka Suuriya , si ay xukunka uga tuuraan Bashar al-Assad, laakin hadda wuxuu aqbalay Erdogan inaysan taas shaqeynayna, si la mid ah Mareykanka oo waqti hore aqbalay inaysan awoodin xukunka in laga tuuro Bashar al-Assad. Maraykanku wuxuuv qaatay siyaasad go’doomin ah, balse Turkiga sidaa ma sameyn karo sababo la xiriir xadka labada dal iyo khatarta amni ee uga imaan karta Suuriya , taasi oo hadda ku qasbaysa inuu xiriir diblomaasiyadeed iyo iskaashi la yeesho Suuriya , isagoo aqoonsan Bashar al-Assad. Waddamada Carabta , ayaa iyagana ka qaaday xannibaada Bashar al-Assad,iyagoo dib usoo celiyay kursigii Jaamacadda Carabta. Sidoo kale , waa inan ku sheega Bashar al-Assad, waa hoggaamiyaha kaliya ee ka badbaaday ololihii guga Carabta ee ay ka faa’iideysteen reer galbeedka iyo dhaqdhaqaaqii isbeddelka uu doonayay Mareykanka oo sidoo kale taageerraya siyaasadda bariga dhexe ee Israa’iil. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Tayyip Erdogan oo marti qaad rasmiya u fidin doona Bashar al-Assad appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa looga hadlay dagaal beeleedka maalmaha qaatay ee ka socda gudaha degmada Luuqa oo ka tirsan gobolka Gedo. Xamza ayaa baaq deg-deg ah kasoo saaray dagaalkaasi, wuxuuna ka dalbaday labada beelooed inay dirirta joojiyaan, si looga hortegi dhiigga macno darrada ah ee daadanayo. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in dowladda federaalka Soomaaliya oo kaashanaysa maamulka Jubaland ay qaadayso tallaabooyin degdeg ah oo lagu xaqiijinayo nabadda iyo degenaanshaha degmada Luuq ee gobolka Gedo. Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale faray Ciidamada Qalabka Sida in ay u istaagaan ka hortagga dagaallada iyo colaadaha sokeeye oo uu tilmaamay fursad u noqon karaan Al-Shabaab oo weli ku sugan qaybo badan oo kamid ah dalka. “Wada-xaajood iyo dib-u-heshiisiin ayaa ah furaha nabadda iyo horumarka. Waxaan ku boorrinayaa dhammaan dhinacyada ku lugta leh colaadaha iyo dagaallada sokeeye ee dalka in ay degdeg u joojiyaan, kana fogaadaan dabinka Khawaarijtu ay ku doonayaan in ay ku cimri-dheeraystaan si ay u sii dhibaateeyaan dadkeenna” ayuu yiri Xamza Cabdi Barre. Waxaa kale oo uu Xamza faray Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaloya in ay dardar geliso qorshaha dhab-u-heshiisiinta Qaran, si looga gudbo duruufaha horseedaya xasillooni darrada iyo dagaal beeleedyada kasoo cusboonaaday gobollo badan oo kamid ah dalka. Xaaladda Luuq ayaa maanta deggan, inkastoo ay weli is horfadhiyaan maleeshiyaadka ku dagaalamay magaaladaas oo dagaalkoodu sababay khasaare aad u wayn. Si kastaba waxaa dagaalkan oo socdo ku dhowaad todobaad ayaa lagu dilay illaa 20 qof, wuxuuna u dhaxeeyaa labo jifo oo ka soo kala jeeda beelaha Mareexaan iyo Raxanweyn. The post XAMZA oo war culus kasoo saaray dagaalka LUUQ appeared first on Caasimada Online.
-
La soco qaybaha kale ee xafladani Qaran News
-
Luuq (Caasimada Online) – Dagaal culus ayaa mar kale maanta ka qarxay degmada Luuq ee gobolka Gedo, dagaalka ayaa saakay ka bilowday bartamaha magaalada, wuxuuna u dhaxeeyaa labo maleeshiyo beeleed oo wada dega degmada Luuq. Goobjoogayaal ayaa Caasimada Online u sheegay in ugu yaraan 4 qof oo kamid ah dhinacyada dagaalamaya ay ku dhinteen dagaalka, halka 7 kale oo isku jira ciidan ku soo baxay dagaalka iyo rayid ay ku dhawaacmeen. Qoysaskii ugu dambeeyey ayaa maanta ka qaxaya degmada Luuq, iyagoo ka baxsanaya in waxyeelo ay ka soo gaarto dagaalka socda. Dagaalka ayaa saaka dib u bilowday kaddib markii ay soo rogaal celiyeen koox shalay dib uga guratay dagaalka, waxaana sii adkaatay xaaladda Luuq. Ciidamo isku dayey inay kala dhexgalaan beelaha dagaalamaya ayaa ku guul-dareystay inay dagaalka joojiyaan, doorka dhaqanka iyo siyaasiyiinta ayaa ku soo aruuray baaqyo nabadeed oo loo jeediyay maleeshiyaadka isku awood sheeganaya. Ugu yaraan 20 qof ayaa lagu dilay dagaalka oo ku dhowaad toddobaad ka socda gudaha iyo hareeraha degmada Luuq, wuxuuna u dhaxeeyaa labo jifo oo ka soo kala jeeda beelaha Mareexaan iyo Raxanweyn. Magaalada Luuq waxaa ku wareegsan Wabiga Jubba, waxaana laga galaa hal irid, maleeshiyaadka dagaalamaya oo saakay isku fara-saaray gudaha magaalada, iyadoo markii dambe la iskula baxay banaanka magaalada, xaaladda Luuq caawa waa mid colaadeed, mana jirto cid u diyaarsan inay kala dhexgasho dhinacyada dagaalamaya. The post Dagaalkii ugu cuslaa oo ka socda Luuq iyo khasaaraha ka dhashay oo sii kordhaya appeared first on Caasimada Online.
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ku baaqay in si deg deg ah lagu joojiyo dagaal beeleedyada macno darrada ah oo uu ugu danbeeyay dagaalka ka socda degmada Luuq ee gobolka Gedo. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaysa Jubaland ay qaadayso tallaabooyin degdeg ah oo lagu xaqiijinayo nabadda iyo degenaanshaha degmada Luuq, si la mid ahna la farayo Ciidamada Qalabka Sida in ay u istaagaan ka hortagga dagaallada iyo colaadaha sokeeye oo fursad u ah in Khawaarijtu ay ku sii dhuumaaleystaan deegaannada ay kaga harsan yihiin dalka. “Wada-xaajood iyo dib-u-heshiisiin ayaa ah furaha nabadda iyo horumarka. Waxaan ku boorrinayaa dhammaan dhinacyada ku lugta leh colaadaha iyo dagaallada sokeeye ee dalka in ay degdeg u joojiyaan, kana fogaadaan dabinka Khawaarijtu ay ku doonayaan in ay ku cimri-dheeraystaan si ay u sii dhibaateeyaan dadkeenna”. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa faray Wasaaradda Arrimaha Gudaha in ay dardar geliso qorshaha dhab-u-heshiisiinta Qaran, si looga gudbo duruufaha horseedaya xasillooni darrada. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo baaq deg deg ah ka soo saaray dagaal beeleedka degmada Luuq appeared first on Puntland Post.
-
Baqdaad (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta kulan la qaatay Hoggaamiyaha Xisbiga Dacwa ee dalka Ciraaq, Mudane Nuuri Al-Maaliki, sidoo kale isla maanta wuxuu kulan kale la yeeshay guddoomiyaha baarlamaanka dalkaas. Xamsa markii uu tegay Ciraaq waxaa ku soo dhoweeyey Ra’iisul Wasaaraha dalkaas, wafdiga Soomalaiya ayaa madaxda dalka Ciraaq kala hadlaya xiriirka labada dal, iyadoo mudnaanta siiyey wadatashiyada ku saabsan isdhaafsiga khibradda, dagaalka ka dhanka argagixisada iyo in Soomaaliya ay wax ka barato qaabkii dowladda Ciraaq uga adkaatay, ugana xoreysatay dalka kooxihii argagixisada ahaa. Afhayeenka Xukuumadda Farxaan Jimcaale ayaa ka warbixiyay saddex qodob oo muhiim ah oo ay ku saleysan tahay booqashada rasmiga ah ee Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre iyo wafdigiisa ay ku joogaan magaalada Baqdaad ee Jamhuuriyadda Ciraaq. Qofobada ayaa kala ah: 1-Xoojinta cilaaqaadka ka dhexeeya labada wadan, iyadoo diiradda la saaray sidii loo cusbooneysii lahaa xiriirka Soomaaliya iyo Ciraaq, sida ganacsiga iyo dhaqaalaha. 2-Arrimaha amniga oo muhiim u ah Soomaaliya ayaa looga hadlay kulamadii madaxda labada dal, Ciraaq iyo Soomaaliya waxay ka mideysan yihiin burhurkii qaranimada, balse Ciraaq ay ka soo kabatay, kana adkaatay argagixisadii ka dilaacday dalkaas, halka Soomaaliya ay weli la tacaaleyso dowlad-dhis iyo la dagaalanka argagixisada. Ra’iisul Wasaaraha waxaa safarkaan ku wehliya Taliyaha NISA, waxayna Soomaaliya ka baraneysaa Ciraaq duruus ku saabsan sida loo xaliyo marxaladaha ay ka siman yihiin labada dal, balse Ciraaq ay ka soo kabatay. 3-Qodobka 3-aad waa in R/Wasaare Xamsa uu madaxda Ciraaq la wadaago guulaha ay dowladda Soomaaliya ka gaartay arrimaha dagaalka argagixisada, dhaqaalaha, deyn cafinta, cunaqabateyntii hubka iyo guulaha kale ee dowladda Soomaaliya ay gaartay labadii sano ee xukunka uu hayey madaxweyne Xasan Sheekh. Hoos ka daawo The post Daawo: 3 qodob oo muhiim ah oo Xamza uu la tegay Ciraaq appeared first on Caasimada Online.
-
After Michael Jordan retired from the NBA, player after player tried to emulate Jordan’s game and success, yet there is no player like Muchael Jordon in the history of NBA. To copy or to emulate someone’s behavior or try to be like someone else because you admire or respect that person is not a common practice in S/land. Even government officials don’t often emulate good thoughts from each other. But these days making a viral social media video, without auditioning for a reality show, or showcasing unique passion or problem-solving skills has become the most practiced means by which some chaps try to gain fame (popularity). Mayor Mooge is exceptional because he proved himself through practical sense. I am not jealous. Life is always a pursuit – the pursuit of fame, fortune and power. Pursuit of popularity is a desire that all people share in common. However, popularity can be sought by design. Seeking popularity by design means you must design purposefully each element of your world, from business to politics, from friends to foes toward your definition of how fame (Popularity) is gained. The pursuit for fame (popularity) requires a discipline. It requires a lot of run-in. It requires principles, it requires prudence, it requires an ability to transform worries into wisdom. Fame doesn’t mean that you prove yourself by argument, but it does mean that you’re living intentionally and with vision that people can understand and know exactly where you want to go and with what means you can use to reach where you haven’t been to. People need new thoughts, new ways of doing things, new solutions to the existing problens, an exposition that explains how people can get themselves out of tight situations. One can be popular by having a good sense of humor; a willingness to create new ideas; a vision that can live a meaningful life, a hope to sell, hints showing where the sense of tomorrow will lie. Arguments are what always wears all Somalis out. Weeping one day with a grouo and weeping the other day with another group does not make a meaning to people who need a real change. Sticking to where you first found yourself is better than running amoke around. By: Jamafalaag Hargeisa – Somaliland. jamafalaag@gmail.com Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qaabilay Safiirka UK ee Soomaaliya, Michael Nithavrianakis, kulankaan ayaa ka dhacay aqalka madaxtooyada Soomaaliya. Madaxweynaha iyo Safiirka ayaa ka wadahadlay iskaashiga istiraatijiyadeed ee Soomaaliya iyo UK oo dhinacyo kala duwan leh. Madaxweynaha ayaa intii uu kulanka socday waxa uu sidoo kale hambalyo kal iyo laab ah u diray ra’iisul wasaaraha cusub ee UK Sir Keir Starmer. Dhinaca kale, Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa maanta la kulmay Danjiraha dowladda Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Richard H. Riley. Kulankaas oo ka dhacay gudaha safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya oo ku taalla xerada Xalane ayaa waxaa looga wada-hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, gaar ahaan taageerada ay siiyaan hey’adaha amniga dalka. Wasiirka oo uga mahad-celiyey taageerada dowladda Mareykanka ay siiyaan Soomaaliya ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo, iyada oo mudnaanta la siinayo tayeynta iyo tababarrada ciidanka, si ay u xaqiijiyaan in dalka laga xoreeyo argagixisada. Dhinaca kale, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Madaxtooyada Qaranka ku saxiixay buugga tacsida guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Marxuum Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari. Allaha u naxariiste Prof. Jawaari ayaa 28 Juun 2024 ku geeriyooday magaalada Muqdisho, ayada oo aas qaran loogu sameeyay isla caasimada, kaasi oo ay ka qayb-galeen mas’uuliyiin, ehellada marxuumka iyo shacab fara badan. Buugga tacsida ayaa maalmo ka furnaa gurigii uu ku geeriyooday guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Prof. Jawaari, iyada oo maanta ugu dambeyntii uu Madaxtooyadda ku saxiixay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. The post Sawirro: Xasan oo UK kala hadlay arrimo xasaasi ah, fariina u diray R/W Britain appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku saxiixay Buugga tacsida Guddoomiyihii hore ee golaha shacabka Marxuum Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari. Buugga Tacsiyada ayaa muddooyinkii dambe ka furnaa caasimadda waxaana saxiixiisa ka qeybgalay mas’uuliyiin kale duwan, kuwaas oo dalka xil ka haya iyo kuwa hore, waxaana xusid mudan iney u muuqato inuu madaxweynuhu soo xiray maanta. Magaalada Nairobi ayaa waxaa dhowaan buugga tacsida marxuumka ku saxiixay tanjirayaal dhowr ah iyo mas’uuliyiin kal duwan, Allah unaxariistee Marxuum Jaaari ayaa Muqdisho ku jeeriyooday 29-kii June xilli uu muddo uu ahaa bukaan socod. Source: goobjoog.com
-
Buug la magac baxay Garsoore Garoon aan Sharci ka Jirin oo uu qoray Guddoomiyihii hore ee Guddiga Doorashooyinka Dadban ee loo yaqaanay FEIT Mudane Maxamed Xasan Cirro ayaa galabta lagu soo bandhigay magaalada Nairobi. Buuggan oo ka hadlaya dhacdooyin la yaab leh oo aan hore bulshada loogu soo tabin ayaa waxaa kamid ah kuwa ugu xiisaha badan Kursiga tirsigiisu ahaa 86 ee uu ku guuleystay Fahad Daahir Axmed balse natiijadiisa la hor istaagay markii dambe, wuxuuna daaha ka rogayaa in Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe inuu ahaa shakhsiga qandaraaska kusoo qaatay hakinta kursigan, eedda ugu wayna uu isagu leeyahay. Bogagga 88 ilaa 94 ee buugga waxa uu qoraagu ku faahfaahinayaa shirqoolo loo abaabulay doorashada kursigan oo ay ka shaqeeynayeen qaar kamid ah ilaalada Madaxweynaha Hirshabelle Cali Cabdullaahi Guudlaawe, iyadoo iskudaygaas fashilmay markuu uu dhagartaasi la wadaagay hay’adaha amniga oo xogtan uu usoo dusiyay askri ay ehel yihiin oo kamid ah kuwa loo xilsaaray inay fuliyaan dhagartaas. Buuga wuxuu kaloo iftiimiyay in ilaa 3 dowladadood oo uusan magacyadooda si toos ah uusan u sheegin ay siyaabo kala duwan dhaqaale ugu bixiyeen sidii looga hortagi lahaa in kursigan uu qaato Fahad Yaasiin, taasoo ka bilaabatay afduubkii Fahad loogu gaystay Jabuuti keddib markii diyaaraddii siday lagala dagay. Waxaan qeybahan hoose kusoo qaadanayaa sida buuga loogu qoray wada hadalladii dhexmaray Guddoomiye Cirro iyo xubin katirsan Guddiga Hirshabelle iyo telefoon dhex maray Fahad Yaasiin iyo Cali Guudlaawe. Hoos ka akhri qeyb kamid ah qoraalka buugga. “Sida qof walba ogyahay doorashada awoooddeeda waxay gacanta ugu jirtay Madaxda Maamul Goboleedyada, waana siday iyagu qorteen oon cid ka daba hadlin, mana dhici karin in kursi la xannibo, ayadoo aysan la soconin raalli ahaanshaha Madaxweynaha maamulkaas. Kursigaan waa kan keliya ee uu si toos ah isu hor taagay madaxweynihii lahaa, wuxuuna ahaa cabaqadda rasmiga ah ee ka danbaysay in la xannibo kursiga. “Fahad oo ahaa qofka u tartamay, kuna guulaystay, wuxuu ka soo badbaaday dhowr shirqool oo uu ka mid yahay xanibaaddii garoonka Jabuuti. Waxaa kale oo jiray shirqoollo kale oo khatar badnaa. Inta xogaha iga soo garay arrinta shirqoolada wakhtigi tartanka doorshada uu ku jray waxaan ka sheegi karaa sheekadaan. “Gabalgaab qoraxdii ay wali soo jeedo, taariiqdana waa Febaraayo 17, 2022, waxaan ku sugnaa magalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga, xarun guryihii Boqoradii dowladdii Cismaaniyiinta oo dhismayaal qadiim ah oo dhagaxyo qalalan oo waaweyn ka samaysan oo buur dhakadeed ku taal. Saaxiibkay Axmed oo Turkiya igu soo dhoweeyey ayaa meesha i keenay, ujeedkuna wuxuu ahaa ogaanshaha goobaha taariikhiga ah. Annagoo meel kore oo furan taagan, dadyow kala dhalasho iyo midab duwan sawirro ku mashquulsan yihiin ayaa telefoonkayga dhowr mar soo dhacay, saaxiibkayga oo wax sharaxaya ayaanse ereyadiisa dhuuxayaa, halka uu hadba farta iigu fiiqo ayaan indhahayga u taagayaa. Telefoonkii wuu kala joogsan waayey, waana qabtay. Wuxuu noqday xubin muhiim ah oo ka tirsan Guddigii doorashada Hirshabeelle. Ima uusan salaamin, wuxuu ku celcelinayaa ma i maqlaysa, ma i maqlaysaa. Hadalkiisa waxaa ka muuqatay in culays badani haysto. Wuu degdegayaa, kala jarjarayaa, waxaa markiiba dhegahayga ku dhibcay “Guddoomiye xaggee joogtaa?” waxaan ka shakiyey hadalkiisa dareenka leh. Horay Guddiga Hirshabeelle wuxuu ahaa guddi kala qaybsan gartooduna marar badan ayey ii timid oon isku dayey in aan si hoose u xalliyo. Markii muran xallismo haddana mar kale ayuu dib u oogmayey, markastana waa kala cabanayeen oo khilaaf siyaasiyiinta maamulka Hirshabeelle dhex dhigeen ayaa walaaqayey, waxaan u qaatay in khilaafyadii qayb ka mid ah oo sii cuslaaday uu ii soo wacay.” Hadalkii ayaan u dejiyey ninkii telefoonka ku jiray, waana wareystay. Wuxuu igu yiri “Ninyow Fahad ayaa magalada yimid galabta, kursiga 086 ayuuna u tartamayaa, laakiin ninkii Guudlaawe ahaa hawl kale oo shirqool ah ayuu wadaa. Marka ay codaynta tartanka bilaabato waxaa la qorsheeyey in xabbad ka dhacdo hoolka, sidaasna laga kala cararo, laba ujeedo ayaana laga leeyahay; tan ugu muhimsan in meesha lagu khaarijiyo, haddii taas ay dhici weydana tan xigtaa waa in tartanka kursigaas loo helo qiil culus oo lagu laalo doorashadiisa, hawshaasna waa degdeg ee wixii aad igala gaban karto igala qabo. Waxaan waydiiyey warka sidee ku heshay? Jawaabtiisii waxay noqotay “nin ka mida askarta amarka hawsha la siiyey oon qaraabo hoose nahay ayaa isoo gaarsiyey.” Maan beensan oo wixii taxadar amniga ah markasta in aad u qaadato mid run ah ayaan dareensanahay. Waxaan ku iri hawsha ha yareysan. Waan aamusay ilbiriqsiyo, waxaan weydiiyey hawsha xubnaha kale ee Guddiga sidaas ma u og yihiin?” Maya, maya. Cid kale ma u sheegtay oo wax ma iska dhahdeen? Maya, maya ayuu yiri, waxaan u soo jeediyey talo ah in siduu warkaan ugu sheegi karo dadka ay qusayso, gaar ahaan saraakiisha amniga doorashada uu degdeg u gaarsiiyo. Waxaa kale oo u sheegay in uu Fahad laftigiisa arrinta u sheego. Wuxuu i weydiistay telefoono xubno gaar ah, lambaradii waa u diray. fariintaan uu i sheegay waxay i ilowsiisay in aan su’alihisii ka jawaabo iyo eed markuu fariinta ii sheegay ka dhalatay oo maskaxdayda ku dhex waregaysay, taasoo ahayd in wax aan ka soo dhex baxay uu iga daba keenay. Fahad Yaasiin ayaan wacay oo arrinta iyo sida xogta igu soo gartay ku war geliye. Waxaan kale oo u sheegay in xubinta guddiga ee xogta isoo gaarsiiyey uu degdeg ula xiriiro. Saxibkay Axmed ayaan ku soo noqday annigoo beddelan, wuu dareemay in telefoonka hawl cusub la iiga soo sheegay. Guddoomiye ma dhib ayaa jirta ayuu i weydiiyey, anigoo dhuunta candhuuf mari la’a ku khasbaya, doobta hungurigaygana kor iyo hoos ay u kala ordayso laga dareemayo in wax dhuuntayda mari la’ ligayo, ayaan u sheegay in ay tahay wax ku saabsan doorashadii. Inkastoo aan run u sheegay haddana xogta uma faahfaahin, wuxuu dareemay in wax aan ka qarinayo a jiraan. Iguma uusan soo celin war kale. Taariikhdii uu sharaxayey wuu joojiyey markuu arkay in dhiifoonaantii aan wax ku dhegeysanayey iga luntay. Cabaar ayaan aamusay, anoo is weydiinaya jawaabta ninkii aan siiyay in ay ku filan tahay wax ka qabashada arrinta iyo in kale. Boqolaal jawaabood ayaa hal mar maskadayda soo buuxiyey. Ninkii isoo wacay ayaan ku celiyey telefoonkii. Wuxuu ii sheegay in uu Fahad gaarsilyey warkii, madaxii amniga doorashada uu la hadlay. Si hagaagsan ayaad yeeshay ayaan ku iri, anna in culays ay keentay fariintiisii degdegga ahayd iga degtay ayaan dareemay. Habeenkii ayaan markale is wacnay wuxuuna ii sheegay in uu u tegey Fahad oo ka mid ah murashaxiinta, uuna u sharaxay dhibka jiray, isagoo la joogana uu telefoon u diray Guudlaawe, uuna kala hadlay bedgabka goobta iyo naftiisa, la islana gartay hawshii amniga goobta doorashada waxweyn laga qabtay, wuxuuse ii raaciyey hadal kaloo la yaablahaa. Markii Fahad aan u tegey talaabadii koowaad ee uu qaaday waxay noqotay; toos ayuu u wacay Guudlaawe, wuxuu furay sameecadda taleefoonka oo wuxuu ku yiri, “Mudane Madaxweyne, barito amniga goobta doorashada waxan filayaa inaad xil wayn iska saartay, ood hubisay wax kasta, waayo aniga adigaan isku kaa halaynayaa.” Sidii qof hurdo ka salalay ayuu Guudlaawe yiri, “maxaa tiri? yaah, iigu soo celi hadalka.” Kolkasuu intuu ugu celiyay farriinii ugu soo daray hadalkii, “Mudane Madaxweyne maadaama goobta hay’ado kala duwan oo ciidamada ah awood u leeyihiin in ay soo galan, anigana aad ogtahay inaan cadow badan leeyahay, waxaan ku sheegayaa inaan go’aansaday inaan kasoo tago dhammaan askarta iyo ciidanka ila socday xitaa ilaalada gaarka ah, goobta doorashadana aan soo gelayo anigoo kaligay ah. Sidaas darteed, amnigayga iyo amniga goobta adiga ayaan kugu halaynayaa, ee u xilsaar sarkaal aad ku kalsoontahay, iina soo dir magaciisa iyo telkiisa si aan ula soo xiriiro.” Guudlaawe hadalkii ayuu ku mergeday, “haa, maya. Een een. Fiiri Eeboow, runtaa waaye cadow badan aa leedahay, walaahi wareer waaye, waxaan maxaa waaye, waayahay Eeboow, aan kugu soo laabto, ama fiiri, maan si kale u dhigno,” intaas buu halmar iska soo daba tuuray, wuxuu ku sii hadlay, “maad adigaba la wareegtid amnigaaga, oo aan kuu amro sidaas, oo hoolka iyo goobtaba u dhiibno ciidankaaga. Intuu Fahad ilka cadays qosol aan cod lahayn ah sameeyey ayuu ku yiri, “waa talo fiican, waadna ku mahadsantahay, sidaas baan yeelayaa ee ciidanka iyo gudiga iigu amar.” Labaatan daqiiqo kaddib ayuu Guudlaawe soo wacay Guddigii oo isla fariintii noo sheegay, waxaana la wareegay goobtii doorashada taliyihii amniga gaarka ah ee Fahad. Hadalkii ayaa xubintaan Guddiga ah la sii dheeraaday, warar kale oo aad u cuslaa oo qalbigaygu qaadan waayey siday u suuro gal u tahay ayuu ii sheegay, wuxuuna igu soo xiray, “Cirrow Fahad haddii kursiga loo doorto ma filayo in uu isbaaro la’aan nogon doono oo Guudlaawe cadaadis daran oo wadamo shisheeye iyo meelo kala duwan uga imaanaya ayaa jira, annagu kursigaan sidii kuraasta klae doorshadooda u dhacayso ayuun baanu u qabannaynaa.” Aniguu igu cedeyey in wakhti aad u xasaasi ah aan ka tegey hawshii, ereyadiisana uma arkayn in ay muhiim ii yihiin. Alle ha idin guuleeyo, hana idin nabad yeelo ayaan ugu duceeyey, markaasaan u sheegay in aan wadanka ka maganahay. Kursigan doorashadiisii waxa la gabtay Febaraayo 20keedii, 2022, waxaana ku soo baxay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir. Guddiyadii doorashadu waa wada joogeen, si furan oo tartan ah ayaana ay u dhacday doorashadiisu, cidina cabasho kama keenin. Fahad wuxuu ku qabay kalsooni iyo isku halayn buuxda, laakiin qandaraaska ugu weyn ee in la xanibo kursigaas waxaa lahaa Guudlaawe oo qorshaha la dejiyey Rooble. Inuusan xildhibaan noqon, waxaa maal gelin dhaqaale ku bixiyey ilaa saddex dowladood oo khatar weyn ka arkayey Fahad haddii uu noqdo xildhibaan wuxuu uga sii gudbayaa Gudoomiye ku Xigeenka Baarlamaanka, taasoo sahli karta dib u doorashada Farmaajo, sababta kursigan loo xanibayna intaas ayey ahayd. Subaxii xigtay Raysalwasaare Rooble wuxuu bogga Guddiga ku qoray in kursiga 086 doorashadiisa la hakiyey. Hadda go’aamada Guddiga waxaa laga garaa xafiiska Raysalwasaaraha oo koox ayuu u samaystay, oo Guddoomiyiii Guddiga ee cusbaa wuxuu ku khasbayaa in amarrada kooxda xafiiska Raysalwasaaraha ka soo baxa yihiin kuwa rasmiga ah ee guddiga! Raysalwasare Rooble ayaa amar dul dhigay Guddigii, wuxuuna ugu gooddiyey in uu kala dirayo guddiga haddii ay aqoonsadaan doorashada kursiga, waa intii uu anigaba iigu goodiyey doorashadii Xildhibaan Yaasiin Farey. Muddo ayaa muranka kursigani warbaahinta haystay. Makamadda Sare ayaa dacwadiisa dhegeysatay 19 Abril 2022. Dadku indhahay u taagayeen go’aanka dacwadda. Cidda haysata kursiga waa koox siyaasad ahaan u hor taagan oo kaashanaya shisheeye. Waxaa tariikh xumo ka qaaday koox si xishood la’aan ah u qaadatay laaluush iyo musuq oo ah Guudlaawe iyo Raywaslwasaare Rooble oo hor istagtay natijada, mana ka jawaabi karaan sababta. Bulshadu waxay eedeysaa Gudoomiyihii Guddiga Doorashada, isaga mar horaa la qaatay awoodiisa oo cabsi gelin lagu sameeyey, wuxuuna ahaa nin mar hore iibsaday qofnimadiisii. Makamadda Sare way degeysatay kiiskii. Halkii go’aan laga sugayey waxay soo saartay warqad ay ku sheegayso in aysan xaq u lahayn in ay dhegeysato kiis ku saabsan doorashada. In aan loo dacwoon ayaaba ka qummanayd oo kiiska cidda haysatay ayaa go’aankani u sii xalaaleeyey. Qoraalkan oo dhammeystiran waxaa laga heli karaa Buugga Garsoore Garoon aan Sharci Ka jirin ee uu qoray Maxamed Xasan Cirro, bogaggiisa 88 ilaa 94. The post Kaalin intee la eg ayuu Cali Guudlaawe ku lahaa hakinta kursigii Fahad Yaasiin? appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Madaxtooyada Qaranka ku saxiixay buugga tacsida guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Marxuum Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari. Allaha u naxariiste Prof. Jawaari ayaa 28 Juun 2024 ku geeriyooday magaalada Muqdisho, ayada oo aas qaran loogu sameeyay isla caasimada, kaasi oo ay ka qayb-galeen mas’uuliyiin, ehellada marxuumka iyo shacab fara badan. Buugga tacsida ayaa maalmo ka furnaa gurigii ku geeriyooday guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Prof. Jawaari, iyada oo maanta ugu dambeyn uu Madaxtooyadda ku saxiixay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Jawaari ayaa waqtigiisii ugu badanaa soo geliyay dowlad dhiska Soomaaliya, wuxuuna sidoo kale ka mid ahaa haldoorka ummadda Soomaaliyeed. Prof Jawaari ayaa ku dhashay magaalada Afgooye sanadkii 1945-tii, wuxuuna ku koray yaraantiisii degmada Buur-Hakaba ee gobolka Bay. Wuxuu cilmiga sharciga ka bartay jaamacadii umadda Soomaaliyeed, intii u dhexeysey 1979-1985 waxa uu soo noqday sanadkii 2012-kii guddoomiyaha Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, Barlamaankaas oo ahaa kii ugu horreeyey ee lagu doorto gudaha dalka oo ay odoyaasha dhaqanku soo xulleen. Sanadkii 2017-kii ayuu mar kale noqday guddoomiyaha Golaha Shacabka balse xilkaas ma dhammaysan muddo xileedkiisa ka dib markii uu iska casiley. Hadda wuxuu ka mid ahaa guddi madaxweyne ee uu Xasan Sheekh u magacaabay difaaca madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya ka dib khilaafka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya. The post Sawirro: Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta Madaxtooyadda ku saxiixay… appeared first on Caasimada Online.
-
Fauzia Azim Tahir ayaa BBC-da kala hadlaysay gabadheeda oo koomo ku jirtay ku dhawaad 15 sano. Inanteeda waxaa la yiraahdaa Fakhra Axmed. Sannadkii 2009, Fakhra Axmed waxa la dhigay cusbitaalka si ay u umusho. Tan iyo markaasna waxay ku jirtay koomo. Laba maalmood ka dib umesheedii, Fakhra ilmaheeda ayaa isna ku dhintay isbitaalka. Maxkamada sare ee Pakistan oo uu markaasi hogaaminayay Iftikhar Muxamed Chaudhary ayaa ka war heshay dhacdadan iyadoo baaritaan lagu sameeyay geerida Fakhra Axmed, waxaa la sheegay in geerida Fakhra Axmed ay sabab u tahay dayacaad ay ku sameeyeen dhaqaatiirta iyo shaqaalaha caafimaadka ee ka howlgala isbitaal gaar loo leeyahay. . Aabaha dhalay Fakhra Axmad oo la yirahdo Qazi Ismail Tahir waxa uu yiri: “Dhibaatooyinka ina soo maray iyo xanuunkii na soo maray 15-kan sano hadak lagum sifayn karo”. Fakhra Axmed waxa ay ka shaqaynaysay bangi ka hor inta aanuay koomo gelin waxa ay sidoo kale daabacday waraaqo cilmi baariseed oo badan. Aabaha dhalay Fakhara, Qazi Ismaaciil Taahir ayaa sheegay in xitaa markii ay Fakhara u timid gurigiisa si ay u umusho, ay qoreysay majalad cilmi baaris ah oo ay ka codsatay in ay ku soo dirto boostada. Ismaaciil waxa uu sheegay in Fakhra, oo ah curad afar caruur ah oo uu dhalay, ay ku wacnayd waxbarashada ilaa yaraanteedii. Fakhra intii ay ka shaqaynaysay Bangiga waxa ay wadday waxbarasho heer sare ah, waxa aanay sidoo kale u faa’iideyn jirtay carruurta doonaysa in ay noqdaan shaqaale Bangi. Fakhra waxaa la dhalatay laba gabdhood iyo wiil oo dhakhaatiir ah. Walaalkeed Roshan Axmed oo ah walaalkeed ka yar oo dib u xasuusanaya noloshii walaashii ayaa yiri, “Si fiican ayaan u xusuustaa markii ay Fakhra guriga noogu timid iyada oo xaamila ah, waxaan markaas dhiganayay fasalka sagaalaad. Zubaida, oo ah kalkaaliye caafimaad oo ka tirsan Isbitaalka Nishtar Teaching Hospital ee magaalada Multan, waxay ka shaqaynaysay qaybta ICU in ku dhow 12 sano, waxayna muddadaas la socotay xaaladda Fakhra Axmed. Zubaida waxay sheegtay in iyada iyo shaqaalaha kale ee cisbitaalku ay ‘xiriir’ wanaagsan la sameeyeen Fakhra. Zubaydah waxay tiri Fakhra indhaheeda way kala qaadi jirtay, laakiin ma aysan dhaq-dhaqaaqi karin, wax yar ayay fahmi kari jirtay, wax ka fikiri jirtay, inta badana markaan qolka ku jirno, mararka qaarkood indhuhu ayay rogi jirtay oo na soo eegi jirtay. Qazi Ismaaciil Tahir ayaa yiri “Baaritaano ay sameeyeen Maxkamada Sare ee Pakistan, Ururka Dhakhaatiirta iyo Ilkaha Pakistan iyo Dowlada Punjab waxay ku cadeeyeen in xaalada Fakhar ay sabab u tahay dayaca Dhaqaatiirta iyo Shaqaalaha Isbitaalka gaarka loo leeyahay, balse ilaa iyo hadda ma ogi cid dacwad lagu soo oogay”. Waxa uu sheegay in Fakhra ay ahayd in ay si caadi ah u umusho, balse waxaa lagu muday ‘irbadda suuxinta’. Waxa diiwaanka ku jira in anaga iyo Fakhra toona ogolaansho laga qaadin. Qazi Ismaaciil Tahir waxa uu yiri, “Warbixinta baaritaanku waxa kale oo ay cadaysay in aanu jirin nidaam lagula socon karo oo lagu baaro dhiigkarka Fakhara. In muddo ah qofna lama socon xaaladdeedar markay koomada galeysay. Waxa uu yiri, “Ambalaas ma joogin cisbitaalkaas gaarka loo leeyahay. Ambalaasta dibadda ayaa looga soo wacay.” Sannadkii 2009-kii, sida uu dhigayo amarka Maxkamadda Sare ee Pakistan, Madaxa Caafimaadka ee Degmada, Guddi baaritaan oo ka kooban saddex xubnood oo uu madax u yahay Iftikhar Xusseen Qureshi ayaa la sameeyay, kuwaas oo warbixintooda ku qoray, “In dhammaan dhibaatooyina Fakhra ay bilaabeen markii ibadda suuxinta ka dib ayna irbada ku durtay umuliso aan khibrad u lahayn suuxdinta, xaaladda bukaanka waa ay ka sii dartay, dhakhtarka haweenka ee joogana wuu cabsaday mana siin karin bukaanka CPR sax ah.” Warbixintu waxa sidoo kale lagu yiri: “Dhakhtarka haweenka waxa uu wakhti badan ku lumiyey in uu u yeedho dhakhtar kale, dib u dhaca ku yimi neefsiga macmalka ah waxa uu sababay in bukaanka uu dhaawac weyn ka soo gaaro maskaxda”. Sida laga soo xigtay warbixinta, “waxay ahayd mas’uuliyadda isbitaalka in uu joogo takhtar suuxiya inta lagu jiro xilliga dhalmada.” Warbixinta ayaa ku eedeysay maamulka isbitaal gaar loo leeyahay oo ku yaalla magaalada Multan inay mas’uul ka yihiin xaaladda Fakhar. Waxa la sheegay in dhakhtarku isna dayacay arrintan. Waxay waalidkeed sheegeen in lacag ceymiska ay ka heshay Fakhar ay u suurogelisay inay geeyaan isbitaal ku yaalla Shiinaha si wax looga qabto xaaladda gabadhooda balse nasiib darro halkaasna waxba looga soo qaban waayay. Waxay sheegeen inay dantu ku qasabtay inay halkoodii ku soo noqdaan oo ay geeyaan isbitaalka Multan’s Nishtar Hospital. Isbitaalka oo ka fogaa gurigooda darteed ayaa waxay guri ka kireysteen meel u dhaw isbitaalka si ay ula socdaan oo ay u caawiyaan xaaladda gabadhooda. Fakhra hooyadeed waxay had iyo jeer la joogtay isbitaalka muddadaas oo dhan. “Shan iyo tobankii sano ee la soo dhaafay, hal mar oo kaliya ayaan magaalada ka baxay, markii hooyaday dhimatay,” ayay tiri. Aabaha dhalay Fakhar, Qazi Ismail Tahir waxa uu leeyahay “Ma dhaheyno dhamaan dhakhaatiirta iyo shaqaalaha caafimaadku waa kuwa dayaca bukaanadooda, laakiin waa in aan xasuusannaa in aanay xirfaddan meelna uga banaanayn dayacaad iyo khaladaad”. Waxa uu yiri “Waxa aanu doonaynaa in sheekadeenii 15-ka sano ahayd ay maqlaan dhakhaatiirta iyo hawl-wadeennada caafimaadka ee dalka oo dhan si aanay mustaqbalka cid kale u soo gaarin xanuunka iyo dhibaatada qoyskayagu soo food saartay”. bbcsomali Qaran News
-
Sir Keir Starmer ayaa xaqiijiyay in qorshihii muhaajiriinta loogu musaafurin jiray dalka Rwanda uu ‘’dhintay, lana aasay’’ maalintii ugu horreysay ee uu xafiiskiisa fariistay. Hoggaamiyaha xisbiga Shaqaalaha waxa uu sheegay in uu dhammaaday waqtigii dadka muhaajiriinta ah sida sharci darada ah loogu geyn jiray dalka Rwanda, kaas oo ay hirgaliyeen dawladdii hore ee xisbiga konsarfatifka. Xisbiga shaqaalaha ayaa ku ol’oleeyay doorashada in uu baabi’in doono qorshahan oo ku kacay illaa hadda 310 milyan oo gini, wuxuna balan qaaday in uu la iman doono hannaan waxtar leh oo lagu dhimayo muhaajiriinta sida sharci darada ah ku soo gala UK. Shirkiisii jaraa’id ee ugu horeeyay markii uu galay xafiiska number 10, Sir Keir waxa uu weriyayaasha u sheegay: ‘’Qorshihii Rwanda wuu dhintay, waana la xabaalay kahor inta aanu bilaaban.’’ Waxa uu ku dooday in qorshahan ‘’aanu lahayn wax faa’iido ah’’ kaliya waxa uu musaafurinnayay ‘’waxa ka yar 1%’’ dadka doomaha ku yimaada. Culeysyada dhaqaale ee lagu burinayo qorshahan iyo guud ahaan miisaaniyadda canshuur bixiyayaasha, wali lama garanayo. Soo gabagabeynta qorshahan ayaa ka tagaya su’aal calaamadaynaysa waxa laga yeelayo 52,000 oo muhaajiriin ah oo la doonayay in la musaafuriyo. bbcsomali Qaran News
-
Duqeymo cirka ah oo ay Israa’iil ka geysatay magaalada Gaza ayaa lagu dilay wasiir ku-xigeenka shaqada ee Xamaas, sida ay sheegtay warbaahinta Xamaas Axaddii. Ehab al-Ghussein ayaa lala dilay saddex qof oo kale, sida ay sheegtay hay’adda gargaarka deg-degga ah ee rayidka. Israa’iil ayaa duqeymo halis ah ka geysatay marinka Qaza maanta oo Axad ah iyadoo dagaalku uu galay bishii 10-aad. Dagaalka iyo duqeymaha ka socda Qaza ee go’doonsan ayaa si aan kala go’ lahayn u socda maanta, iyadoo dhaqaatiirta iyo gurmadka deg degga ah ee dhulkaasi ay sheegeen in ay jiraan dhimasho hor leh. Sabtidii, wasaaradda caafimaadka ee Gaza ayaa sheegtay in 16 qof ay ku dhinteen weerar lagu qaaday iskuul ay maamusho hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga Falastiin ee UNRWA kaas oo hoy u ahaa dad barakacayaal ah oo ku nool deegaanka al-Nuseirat ee badhtamaha Gaza. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa maanta la kulmay Danjiraha dowladda Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Richard H. Riley. Kulankan oo ka dhacay gudaha safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya oo ku yaalla xerada Xalane ayaa waxaa looga wada-hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, gaar ahaan taageerada ay siiyaan hey’adaha amniga dalka. Wasiirka oo uga mahad-celiyey taageerada dowladda Mareykanka ay siiyaan Soomaaliya ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo, iyada oo mudnaanta la siinayo tayeynta iyo tababarrada ciidanka, si ay u xaqiijiyaan in dalka laga xoreeyo argagixisada. Danjire Richard ayaa dhankiisa sheegay in dowladdiisu ay sii xoojin doonto taageerada ay la garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinacyada amniga oo mudnaan gaar ah u leh dowladda. Mareykanka ayaa kamid ah dalalka sida weyn ugu garab istaagay dowladda federaalka dagaalka Al-Shabaab, wuxuuna hub iyo saanad ciidan soo gaarsiiyay dowladda federaalka Soomaaliya tan iyo markii uu billowday dagaalka argagixisada. Dowladda Mareykanka ayaa horey u sheegtay in taageeradeeda dhinaca saanada hubka ee uu la garab taagan yahay dowladda Soomaaliya ay laf-dhabar u tahay oo xoojin doonto tayada ciidamada gaarka ah oo wax weyn ka bedesho, islamarkaana ay sare u qaadi doonto iskaashiga iyo la-dagaalanka argagixisada. Tan iyo markii ay bilowdeen howl-gallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab waxay diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka weeraro ka fuliyaan gudaha Soomaaliya, inkasta oo bilihii dambe uu hoos u dhac ku yimid duqeymahaas oo badi lagu beegsan jiray xubnaha iyo saraakiisha sar-sare ee kooxda. Mareykanka ayaa sidoo kale tababara islamarkaana bixiya mushaharka ciidamada Danab ee xoogga dalka Soomaaliya ee la dagaalama Al-Shabaab, lana rumeysan yahay inay yihiin ciidamada ugu waxtarka fiican kuwa Soomaaliya ay hadda leedahay. The post DF iyo Mareykanka oo wada-hadal xasaasi ah ku yeeshay Xalane + Sawirro appeared first on Caasimada Online.