-
Content Count
211,291 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Hoggaanka isku xirka shacabka iyo ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed ee (CIMIC) ayaa tababar aqoon kororsi ah magaalada beledwayne uga furay qaar kamida saraakiisha iyo saraakiil xigeenada hoggaanimta ee qaybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed . Tababarkaan ayaa saraakiisha iyo saraakiil xigeenada qaybta lagu barayaa sidii ay ula fal geli lahaayeen shacabka ku dhaqan deegaanada laga xuraynayo khawaarijta ,maadaama argagagexisadu dhibaatooyin badan ay ka geestaan deeganaada ay kaga dhuumaalaystaan gobolada dalka . Tababarkaan ayaa sidoo kale ah mid saraakiisha lagu barayo sidii ciidanka ay u gaarsiin lahaayeen la dhaqanka shacabka iyo u gar gaarida rayidka tabaaladu ka gaarto falalka guracan ee argagexisada naf la’caariga ah . Taliska ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed oo wada howlgallada sifaynta ee dalka looga saarayo khawaarijta ayaa dhinaca kalena garab wada dadaalo ku aadan barida saraakiisha iyo ciidankaba la tacaamulida shacabka ay u dhaarteen ,waxa uuna hooggaanka isku xirka shacabka iyo ciidanka oo qaabilsan buuxinta kaalintaan wadaa dar dark u aadan howlaha isku xirka shacabka iyo ciidanka xoogga dlka soomaaliyeed. Source: goobjoog.com
-
Raysal wasaaraha Hindiya oo booqasho ku tagay dalka Ruushka
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Raysal wasaaraha dalka Hindiya Narendra Modi , ayaa booqashadiisii ugu horeysay ku tagay Ruushka illaa markii uu bilaabmay dagaalka Ukraine. Waxaana uu Madaxweyne Vladimir Putin u qaabilay si saaxiibtinimo leh, isaga ku soo dhaweeyay guri qasri ah oo uu ku leeyahay Novo-Ogoryovo oo ku taalla duleedka magaalada Moscow. Labada hogaamiye kulankooda rasmiga ah yeelanaya aqalka Ruushka looga taliyo ee Kiriimalayn. Source -
Muqdisho (Caasimada Online) – Maanta shacabkii deganaa xaafada Dab-demiska way ilmeynayaan, madaxweyne Xasan Sheekhna wuxuu ka degay waddanka Eritrea. Waxyar maskaxdaada dib u celi. Maalintii loo dhaqaaqay fulinta go’aankii xabaala faaga ee qabuuraha Iskuul Buluusiyo, iyaduna madaxweynaha wuxuu ka degay waddanka Norway. Waxaa jira cilaaqad caan ah oo ka dhaxeeya fulinta go’aamada taabanaya shacabka iyo dhuumashada madaxda. Marwalba oo la fulinaayo go’aan taabanaya shacabka weliba markii awood ciidan la adeegsanayo sidii shalay ama go’aanka sharci darro yahay waa ku adag tahay madaxda inay xafiisyadooda ku sugaan fal-celinta go’aankooda. Xilliyadan oo kale waxaa xafiisyada madaxda tega dad raadinaya madaxda oo dalbanaya ka noqoshada go’aannada nuucaan ah ama raba inay tallo ka bixiyaan fal-celinta taban ee ka imaan karta arrinta maanta ama mustaqbalka. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bixiyay amar ah in lasoo faago qabuurihii Iskuul Buluusiyo. Wuxuu fulinta ku aadiyay markii uu ka degay waddanka Norway, isaggoo aaday shir heer wasiir ah oo ay qabatay madasha Oslo Forum. Xilligaas ayaa la sheegay inuu madaxweynaha amray in howsha laga falxasho inta uusan dalka kusoo laaban. Dhowr maalmood ayuu madaxweynaha ku qaatay waddanka Norway, balse intaasi kuma dhamaanin howshii qabuuro faagu. Wuxuu aaday haddana dood heer hoose ah oo ka dhaceysay Switzerland, laakiin xiisaddii qabuuraha waa sii taagneyd. Wuxuu go’aansaday inuu sii aado Turkiga, laakiin madaxweyne Erdogan ayaa u sheegay inuu fasax Ciideed ku jiro oo uusan cidna qaabileyn xilligan. Kadibna wuxuu Xasan Sheekh la kulmay wasiirka arrimaha dibadda ee waddanka Turkiga, laakiin dhowrkii maalmood ee maadashada aheyd kuma dhamaanin howshii qabuuraha Iskuul Buluusiyo, kadibna wuxuu madaxweynaha sii aaday Jabuuti, balse intaas waa ku dhamaan weysay oo illaa maanta dad ayaa weli la baxaya maydadka ehelkooda. Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu intaasi ka maadanaayay fal-celinta shacabkii ka gadoodsan maydadkii ehelkooda ee dib loo soo faagay, ama inuu qaabilo dad arrintaasi ergo ka ah ama xitaa inuu telefishanada kala socdo ilinta shacabka Soomaaliyeed ee isagu sababay. Markale shalay wuxuu madaxweyne Xasan Sheekh amray in duullaan lagu qaado xaafadda Dab-demiska oo awood looga saaro dadkii halkaas deganaa, wuxuuna kadib u dhoofay waddanka Eritrea. Waa markii labaad ee isla xirfadaan uu adeegsanayo madaxweyne Xasan Sheekh mana is arkayaan isaga iyo dadka ergada ka ah fulintaan hubeysan ama kuwa isaga u diir-naxaaya ee raba inay u sheegaan sumcad darrada uu ka dhaxlayo dhaqamada nuucaan ah. Shacabka Soomaaliyeed ayaa badi fahamsan inuu madaxweynahoodii ka cararaayo inuu dhageysto dareenkooda, ilintooda, baahidooda iyo gar-dhigashadooda. The post Xasan oo markii labaad ka dhuuntay shacabkiisa iyo sumcad xumo uu ka dhaxlayo appeared first on Caasimada Online.
-
Ciidamada Israa’iil ayaa Isniintii aad ugu sii siqay gunta magaalada ugu weyn Marinka Gaza, iyaga oo sheegay in ay la dagaallami doonaan dagaalyahannada Xamaas oo ay sheegeen in ay halkaasi dib ugu soo laabteen. Ciidanka Israa’iil ayaa Isniinti ku amray dadka aaggaasi daggan in ay iskaga baxaan, taasi oo keentay in kumannaan qoys ay mar kale si dhaqso ah uga cararaan duqeymaha ciidamada Israa’iil. Israa’iil waxay sheegtay in mar kale ay ciidankoodu kula dagaalamayaan aagga waqooyi ee Gaza, halkaas oo ay ah meeshi uu ka billaamay duullaanka Israa’iil billowgi dagaalka Gaza. Saraakiisha Xamaas ayaa ka digay in weerarka cusub ee ay Israa’iil shalay ka billowday Gaza uu halis ku yahay wadahadallada xasaasiga ah ee xabbad-joojinta ee ay dowldaha Mareykanka, Qatar iyo Masar ka dhex wadaan Xamas iyo Israa’iil. Dadka deegaanka waqooyiga Gaza ayaa sheegay in duqeymihi cirka ee ay Israa’iil Isniintii ka fulisay halkaasi ay ahaayeen mid ka mid ah kuwi ugu cuslaa uguna khasaaraha badnaa tan iyo marki uu billowday dagaalka muddo hadda laga joogo 9 bilood. Dowladda Mareykanka ayaa Isniintii xaqiijisay in saraakiil sare oo Mareykan ah ay gaareen magaalada Qahira ee dalka Masar, si ay u riixaan heshiiska xabbad-joojinta ee hindisihiisu uu lahaa madaxweyne Biden. Afhayeen u hadlay Aqalka Cad ayaa sheegay in agaasimaha hey’adda CIA Bill Burns iyo Ergayga gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Bariga Dhexe Brett McGurk la filayo in ay Qahira wadahadallo kula yeeshaan dhigooda dalalka Masar, Isra’il iyo Urdun. Source
-
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Guutada 26-aad ee Cali Bin Abii Daalib iyo dadka deegaanka ayaa howlgal ka dhan ah kooxda Alshabaab ka sameeyay dhulka howdka ah ee u dhaxeeya deegaanada Bood iyo Budbud ee gobolka Galgaduud. Howlgalka ay sida wadajirka uga fuliyeen dhulka howdka ah, Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ayaa ahaa mid looga hortegayay qorshe ay maleegayeen xubno ka tirsan Alshabaab sida lagu sheegay war ka soo baxay ciidanka xoogga dalka. Taliyaha Guutada 26-aad ee Cali Bin Abii Daalib Gaashaanle dhexe Cabdiraxmaan Salaad Xujaale oo la hadlay Warbaahinta dowladda ayaa xaqiijiyay in howlgalka lagu bar-tilmaameedsaday xubno ka tirsan kooxda Alshabaab oo isku uruursanayay dhulka howdka ah ee u dhaxeeya deegaanada Bood iyo Budbud ee gobolka Galgaduud,islamarkaana ay weli Ciidanku ku raad-joogaan dagaallayaal ka tirsan kooxda. Howlgallada ka dhanka ah kooxda Alshabaab ee ka socda gobollada Koonfurta iyo bartaha dalka ayaa xoogaystay bilihii la soo dhaafay, kuwaas oo lagu xaqiijiyo nabad-galyada guud ee dalka. Source: goobjoog.com
-
Dowladda Itoobiya ayaa u aqoonsatay khatar ka dhan ah Amnigooda Qaranka cid kasta oo ka hortimaada doonistooda marin biyoodka badda cas. Agaasimaha fulinta ee machadka arrimaha dibadda Itoobiya, Jacfar Bedru ayaa sheegayvin ay khatar ka dhan ah Amnigooda Qaranka u arkaaj cid kasta oo diiddan in Itoobiya hesho marin badeedka. Agaasime Jacfar Bedru ayaa intaasi ku daraya in dhaqaalaha iyo horumarka Itoobiya uu ku tiirsanyahay 100% badda cas,isagoo sii hadlaya wuxuu yiri ; “Itoobiya waxay qayb ka tahay Badda Cas, waxayna si istiraatijiyadeed ku tiirsan tahay marinkan muhiimka ah ee ganacsiga adduunka.” Itoobiya ayaa doonaysa in ay marin badeed iyo saldhig ciidan ka hesho badda cas, kaddib heshiis ay la gashay Somaliland , bishii koowaad ee sannadkan , kaasi oo aan weli dhaqangelin. Is-afgaradka badda labada dhinac ee Itoobiya iyo Somaliland ayaa waxa si adag u diidday dowladda Soomaaliya oo ku tilmaantay duullaan ka dhan ah Qarannimada iyo jiritaanka Soomaaliya. Dhinaca kale Turkiga oo bilaabay dhex-dhexaadinta Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa labada dhinac ku wada-hadal siiyay magaalada Ankara inkastoo Kulankaasi natiijo la’aan ku dhammaaday balse mid kale lagu ballamay bisha September ee sannadkan. PUNTLAND POST The post Itoobiya oo khatar ka dhan ah Amnigooda Qaran u aqoonsaday cid kasta oo diidan Is-afgaradkii Badda appeared first on Puntland Post.
-
Maleeshiyo lagu tirinayo inay ka soo jeedaan gobolka Oromia, ayaa la sheegay inay afduubteen in k abadan boqol arday jaamacadeed kuwaas oo ka soo safray gobolka Amxaarada kuna sii jeeday magaalada Adiss Ababa. Ardaydan ayaa ka soo kala kicitimay magaalada Debarq iyo magaalada Bahir Dar ee Waqooyiga Gonder ee Gobolka Axmaarada, waxayna ku safrayeen sadex bas oo nooca dadweynaha qaada ah oo lagu magacaabo “Tata” ayaa waxaa la sheegay in ay afduubteen maleeshiyaad lagu sheegay “Shene”. Waxaa la sheegay in ardada qaar ay baxsadeen. Labada bas ee ardaydy saarnaayeen ayaa waxaa lahayd jaamacada Debarak. XAYEYSIIN Laba arday oo baxsatay ayaa BBC-da u xaqiijiyay in mid ka mid ah basaska uu ka yimid magaalada Bahir Dar uuna ku sii jeeday caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa, waxaana lagu joojiyay “tuulo yar” oo u dhexeysa Goha Zion iyo Tulu Milki. Goob joogayaal iyo qoysaska la haystayaasha ayaa BBC-da u sheegay in rakaabka oo u badnaa arday wax ka barata jaamacadda Debarak, ee gobolka Amxaarada ay dableyda hubeysan ku qafaasheen deegaanka Gerbe Guracha oo ka tirsan waqooyiga Showa ee gobolka Oromada. badbaadinno,” ayey BBC-da u sheegtay ardayad dhawacantay markii danba isbitaalka loo qaaday. Ardayda oo qaarkood ku jira sanadka afaraad ee waxbarashadoda ayaa sheegay in dablayda afduubtay markii ilaa shan kilomitir ay sii wateen dadka ay ciidamada ammaanka ee dowlada Itoobiya is waydaarsadeen rasaaas. Ardayda ayaa sidoo kale sheegay in saaxiibadooda ay ka war heleen in lacago lagu doonayo in lagu badbaadiyo. Shaqsi sheegay in walaashii ay wax ka barata Jaamacadda lana afduubtay ayaa sheegay in la weydiistay lacag dhan 700 oo kun oo birr si loo sii daayo. Qofka la soo wacay ayaa sheegay in dablayda haysata walaashii ay u sheegeen inay lacagtaas ku bixiyaan saddex maalmood gudahood haddi kale ay diliyaan qofkooda, balse arrintaasi ay ku jahwareereen. Jaamacadda Debarak oo ay BBC-du wax ka waydiisay arrintaas ayaa ka gaabsaday inay tafaasiil bixiyaan. Dadaal ay BBC-du samaysay oo ay ku doonaysay in ay ku hesho xog ku saabsan sida ay wax u dhaceen ayaanay ku guulaysan xiriirro ay la samaysay saraakiisha deegaanka ay wax ka dhaceen. Maamulka Jaamacadda ayaa sheegay in uusan dooneyn in uu bixiyo xog dheeri ah oo aan ka ahayn in uu yiri “waxaan codsi u gudbinay hay’adaha Federaalka ee ay khuseyso. Ma ahan markii ugu horeysay oo fal kan lamid ah uu ka dhaco Waqooyiga Showa ee isku xira gobolada Axmaarada iyo Oromiya. Waxaa la xasuustaa in dhowr jeer oo hore la xiray dad lagana dalbaday lacago si loo sii daayo. Hadalka Maraykanka ee afduubka XIGASHADA SAWIRKA,@USEMBASSYADDIS Safaarada Maraykanku ku leeyahay Addis Ababa ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in falalkaasi ay yihiin kuwo lidi ku ah sharciga. “Afduubyadii ugu dambeeyay iyo kuwa soo noqnoqda ee ka dhacayay gobollada Oromia iyo Axmaarada waxay muujinayaan sida colaadaha daba dheeraaday ay u dhiirradaan dambiilayaasha ayna u wiiqaan sharciga. “Afduubka loo geysanayo dadka rayidka ah iyo ardayda si dhaqaale looga helo waa in la joojiyo. Toddobaadkii hore, in ka badan 100 arday iyo rakaab ah ayaa lagu afduubay madaxfurasho,”ayaa lagu yiri bayaanka safaarada. Qaran News
-
Wafdiga ka socda Dowladda JFS oo uu hogaaminayo Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda iyo Xiriirka Caalamka ahna u qaybsanaha Arrimaha Bulshada Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC) Ali M Omar (BALCAD) ayaa ka qayb galay shir madaxeedka 1aad ee golaha wasiirada. Shirka ayaa qabsoomay muddo saddex maalmood ah, waxaana isugu yimid Wasiirada Arrimaha Dibadda & iyo Wasiirada EAC. Waxyaabaha lagu qaadaa dhigay waxaa ka mid ah “kor u qaadida is-dhexgalka gobolka, nabadda & amniga ee Bulshada Bariga Afrika. Waxaana shirka lagu qabtay magaalada Zanzibar, Tanzania wuxuuna ku soo gabagaboobay natiijo wax ku ool ah iyadoo golahu uu soo saaray War-murtiyeedka aad looga baaraan degay isla markaasna ay wada saxiixeen wasiiradda dalalka ku bahoobay Bulshada Dhaqaalaha Bariga Afrika – EAC. Source: goobjoog.com
-
Mogadishu (HOL) — Somalia is facing a worsening hunger crisis driven by conflict, climate change, and economic instability, according to Action Against Hunger's 2023 Global Impact Report. The report reveals significant increases in emergency interventions and highlights Somalia as one of the hardest-hit nations in the Horn of Africa region. Source: Hiiraan Online
-
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa wajahaya cadaadis xooggan oo kaga imaanaya Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka kuwaasi oo diiddan in Baarlamaanka loo af-duubo Madaxtooyada Villa Somalia. Wararka ayaa sheegaya in qaar kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka oo la kulmay Guddoomiye Aadan Madoobe ay si adag uga la hadleen Arrinta ku saabsan in Baarlamaanka laga madax-banneeyo Madaxtooyada Illaa labaatameeyo Xildhibaan oo ka tirsan Golaha Shacabka oo la kulmay Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa u sheegay in Ajandaha Madaxtooyada aan lagu sii wadi karin howlaha Baarlamaanka, sidaas darteed Guddoonka Baarlamaanka looga baahan yahay inuu ka baxo jeebka Madaxtooyada iyo Xukuumadda. Xildhibaannada ayaa ka digay in haddii Guddoonka uu sii wado afduubka uu ku hayo howlaha Baarlamaanka ay qasab noqon doonto inuu xirmo fadhiyada Baarlamaanka, wixii mas’uuliyad ah ee ka dhasha uu qaadayo Guddoonka. PUNTLAND POST The post Guddoomiye Aadan Madoobe oo lagu cadaadinayo in uu Baarlamaanka ka madax-banneeyo Villa Somalia appeared first on Puntland Post.
-
Maamulka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cabdulle ayaa maanta la kulmay mas’uuliyiin ka socota hay’adda TSA oo Mareykanka u qaabbilsan Amniga Garoomada. Kulanka oo ka dhacay Garoonka Caalamiga ah ee Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiinta hay’adaha amniga garoonka, hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed iyo madaxda ka socota hey’adda TSA. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii la isaga kaashan lahaa horumarinta amniga garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Mas’uuliyiinta ka socota hay’adda TSA ayaa dalka joogi doona muddo 3 maalmood ah, iyagoo kulamo la qaadan doono dhammaan qeybaha kala duwan ee ka howlgala garoonka Aadan Cadde. Kulamada ayaa lagu qiimeynayaa heerka wanaagsan ee hey’adaha amniga Soomaaliya ay gaarsiiyeen sugidda amniga garoonka. Kulanka ayaa lagu qorshaynayaa sidii lagu gaari lahaa in Diyaaradaha ka duula garoonka caalamiga ah ee Muqdisho ay si toos ah uga degaan garoomada diyaaradaha dalka Mareykanka. PUNTLAND POST The post Soomaaliya iyo Mareykanka oo iska kaashanaya dhinaca Amniga Garoomada iyo Duullimaadyada appeared first on Puntland Post.
-
Hargeisa (HOL) — Sir Mo Farah, the celebrated 4x Olympic gold medallist, expressed profound sorrow over the devastating effects of climate change on child malnutrition in Somaliland, his birthplace. As a Save the Children ambassador, Farah visited Gabiley, where he witnessed firsthand the struggles of families impacted by severe droughts and floods. Source: Hiiraan Online
-
Somali President Hassan Sheikh Mohamud has received a personal message from Chinese President Xi Jinping, conveyed by Chargé d'Affaires Chen Wendi, inviting him to attend the upcoming China-Africa Summit in Beijing this autumn. This invitation underscores the strengthening diplomatic ties between Somalia and China, marking a significant moment in their bilateral relations. Source: Hiiraan Online
-
A battle named “Checkpoint Pasta” might seem funny, considering it was fought by Italian troops, but there's nothing funny about being outnumbered and surrounded in Somalia. The story of the Italians who fought their way out of warlord Mohamed Farrah Aidid's complex ambush in July 1993 is one of incredible bravery and perseverance. Source: Hiiraan Online
-
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL, Mudane Cabdrisaaq Axmed Siciid ayaa tacsi u diray ehelada, qaraabada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan reer Puntland ee uu ka geeriyooday Ex-Xildhibaan Faarax Sulub Jaamac oo muddo dheer kamid ahaa Baarlamaanadii kala dambeeyey ee Dawladda Puntland soo maray gaar ahaan Baarlamaanadii 2aad, 3-aad, 4aad iyo 5aad. “Innaa Lilaahi wa innaa ilayhi raajicuun, anigoo ku hadlaya afka Golaha Wakiillada Dawladda Puntland waxaan halkaan tacsi tiiraanyo leh uga dirayaa Ehelada iyo qaraabada guud ahaan umadda Soomaaliyeed gaar ahaan reer Puntland ee uu ka baxay Xildhibaan hore Faarax Sulub Jaamac oo muddo dheer ka tirsanaa Baarlamaanadii kala dambeeyey ee Dawladda Puntland. Waxaan si gaar ah ALLE uga baryayaa inuu janadii Fardowsa ka waraabiyo marxuumka, ehelka iyo qaraabadana samir iyo iimaan ka siiyo” ayuu yiri Gudoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid. PUNTLAND POST The post Xildhibaan mudda dheer ka tirsanaa Baarlamaanka Puntland oo ku geeriyooday magaalada Laascaanood appeared first on Puntland Post.
-
Weerar ay saraakiisha Ukraine ku tilmaameen kii ugu sheegeen mid ka mid ah kuwi ugu khasaaraha badnaa, ayaa la xaqiijiyay in ciidamada Ruushka ay ku bartil-maameedsadeen isbitaalka carruurta ee magaalada Kiyif ee caasimadda Ukraine. Madaafiicda lagu garaacay isbitaalka weyn ee carruurta ayay saraakiisha Ukraine sheegeen in lagu dilay ugu yaraan 41 qof oo rayid ah, weerarkaas oo noqday kii ugu waxyeellada badnaa oo muddo bila ah ay Ruushka ka geysato Ukraine. Waaliddiin xambaarsan carruurtooda oo kasoo baxay isbitaalka la duqeeyay ayaa lagu arkayay bannaanka isbitaalka iyaga oo ooyaya. Dad badan oo isugu soo baxay goobta ayaa caawinayay shaqaalaha isbitaalka. Madaxweyne Volodymyr Zelenskiy, oo diyaarad uu ku safrayay ku hakatay dalka Polland, ka hor inta uusan u soo dhaqaaqin magaaladan Washington D.C oo uu uga qeybgalayo shir madaxeedka NATO, ayaa tirada ku dhamashada ku sheegay 37 ruux oo ay saddex ka mid ah carruur yihiin. Laakin tiradi ugu danbeysay ee khasaaraha weerarkaas ayaa gaartay 41. Wuxuu kaloo sheegay in dhowr weerar oo uu Ruushka shalay ka fuliyay caasimadda lagu burburiyay in ka badan 100 guri. Wasaaradda gudaha Ukraine ayaa iyaduna xaqiijisay, in ciidanka Ruushka ay duqeyn ku la beegsadeen magaalooyin ku yaalla bartamaha iyo dhanka bari ee Ukraine. PUNTLAND POST The post Ruushka oo duqayn xooggan la beegsaday Isbitaalka Carruurta ee caasimadda Ukraine appeared first on Puntland Post.
-
Hoggaamiyaha SSC-khaatumo Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali oo booqasho rasmi ah ku jooga Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa maanta kulan la qaatay Madaxweynaha Jabuuti. Qoraal ka soo baxay Maamulka SSC-khaatumo ayaa lagu sheegay in Hoggaamiye Cabdiqaadir Firdhiye uu Kulan la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle. Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay inHoggaamiye Firdhiye uu si weyn uga mahadceliyey Soo dhawaynta diirran ee shacabka iyo Dawladda Jabuuti ku soo dhaweeyeen weftiga Maamulka SSC-Khaatumo. Hoggaamiyaha ayaa Sidoo kale bogaadiyay Doorka Dowladda Jibuuti ee Dowlad dhiska Soomaaliya iyo guud ahaan iskaashiga amniga ee gobolka. Dhankiisa Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa bogaadiyey booqashada Hoggaamiyaha iyo weftigiisu ku yimaadeen Dalka Jabuuti, isagoona xusay in Jabuuti tahay dal iyo dowlad xarun u ah Soomaali oo laga jecelyahay dhammaan dadka Soomaliyeed. Hoggaamiyaha ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jibuuti uga warbixiyay Xaaladda Guud ee SSC-Khaatumo, nabadda iyo xasilloonida ka jirta deegaannada SSC-Khaatumo, maamul dhiska, iyo hiigsiga dhaw ee dibu dhiska kaabayaasha dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada. PUNTLAND POST The post Hoggaamiyaha Maamulka SSC-khaatumo oo Kulan la qaatay Madaxweynaha dalka Jabuuti appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa soo saaray 3 qodob oo lagu sixi karo qaladaadka iyo dhul boobka ay ku kaceyso dowladda uu hoggaamiyo Xasan Sheekh, isagoo si adag uga hadlay arrinta dhulka Dabdemiska oo maanta xoog looga saaray shacabkii deganaa. Xildhibaan CC Shakuur ayaa qoraalkaan ku sheegay in amarka madaxweynaha lagu geystay wixii maanta ka dhacay Seybiyaano iyo talaabadii todobaadyo ka hor lagu soo fagay qabuurihii Iskuul Buluusiya. “Danyarta shacabka ah ee maanta guryahoodii laga barakiciyey, iyo maytadii toddobaadyo ka hor xabaalaha laga soo faagay amar Madaxweyne ayey ku dhaceen,” ayuu yiri Xildhibaan CC Shakuur. Qoraalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa intaas ku sii daray, “Amarkiisa ayaa dhul dowladdu leedahay ganacsato looga iibiyey, waxaana lagu laalushay siyaasiyiin iyo xildhibaano.” Wuxuu sheegay in uusan jirin xeer loo cuskanayo ama sharci loo raacayo talaabooyinka uu Xasan Sheekh qaadayo ee ‘bixinta dhulka, barakicinta shacabka iyo faagidda qubuuraha.’ “Ma jiro garsoor madax-banaan oo amar maxkamad ku joojin kara go’aanka Madaxweynaha, mana jiro Baarlamaan la xisaabtami kara xukuumadda,” ayuu yiri CC Shakuur. Sidoo kale wuxuu farta ku fiiqay inay jiraan xubno shuraako la ah Madaxweynaha oo dhulka shacabka laga saaro laga iibiyo, la siiyo ama laga kireey, kuwaas oo sida uu sheegay isugu jira xubno (shirko la ah, taageersan, ama qaraabo la ah). Ugu dambeyntii Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa soo jeediyey in la helo 3 qodob, si loo buriyo tacadiyada uu sameynayo Xasan Sheekh, kuwaas oo kala ah: 1- Awood shacab iyo abaabul dadwayne oo lagu hor istaago 2- In la magacaabo, lana canbaareeyo ganacsatada, siyaasiyiinta iyo xildhibaanada shuraakada kula ah dulmiga iyo boobka hantida. 3- In la isku diyaariyo markii muddo xileedkiisa dhammaado, burinta go’aannadii sharci-darrada ahaa ee hantida qaranka lagu bixiyey. The post CC Shakuur: Waxaa jira xubno Xasan ‘dhul boobka’ shuraako kula ah ee 3 u diyaar garooba appeared first on Caasimada Online.
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa la kulmay Ra’iisul Wasare ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Ciraaq Mudane Dr. Fu’aad Xuseen. Labada masuul ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga qotada dheer ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Ciraaq, sidoo kale waxaa kulanka diirradda lagu saaray iskaashiga dhinacyada amniga, waxbarashada, caafimaadka, dhaqaalaha, maalgashiga iyo horumarinta. Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa la wadaagay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Ciraaq, guulaha ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka gaartey xasillinta dalka, dib-u-dhiska hey’adaha amniga, kobcinta dhaqaalaha, la dagaallanka Argaggixisada iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha. Source: goobjoog.com
-
Waaxda Kormeerka iyo Qiimeynta ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Hormarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta martigelisay Shirka Saddex-biloodlaha ah ee Guddi-hoossaadka Kormeerka iyo Qiimeynta ee Tiirka Horumarinta Arrimaha Bulshada oo ay kasoo qaybgaleen wasaaradaha iyo hay’adaha Federaalka ee hoos yimaada Tiirkan. Agaasimaha Waaxda Kormeerka iyo Qiimeynta ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka Mudane Maxamud Siciid Nuur ayaa ugu horeyntii faahfaahiyay muhiimadda shirka iyo shaqada ballaaran ee hortaalla Guddi-hoosaadka Kormeerka iyo Qiimaynta, isagoo tibaaxay sida guddi hoosaadkan uu muhiim ugu yahay lasocodka iyo qiimeynta qorshe-howleeedka hay’adaha ka shaqeeya dalka oo ay ku jiraan kuwa Qaramada Midoobay iyo kuwa caalamiga ah. Shirka waxaa si qotto-dheer loogu falanqeeyay sidii kormeer iyo qiimeyn joogta ah loogu samayn lahaa Qorshe Howleedka 2024 ee hay’addaha Dawladda, kuwa Qaramada Midoobay iyo kuwa caalamiga ah ee ka shaqeeya Horumarinta Arrimaha Bulshada, iyadoo intii uu socday shirka lagu soo bandhigay Qorshe Howleeedka hay’adaha qaramada midoobay ee 2024-ka, Nidaamka Danabaysan ee Kormeerka iyo Qiimeynta (e-NIMIS), Shaxda Xog-ururinta Waxqabadka Dowladda ee 2024-ka iyo Tix-raaca shaqo ee guddi-hoossaadka Tiirka Arrimaha Bulshada. Wasaaradaha iyo hay’adaha hoos yimaada Tiirka Arrimaha Bulshada ayaa kala ah: Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Wasaaradda Waxbarashada, Caafimaadka, Haweenka, Tamarta, Warfaafinta, Awqaafta iyo Arrimaha Diinta, Dhallinyarada iyo Cayaaraha iyo Hay,adda Maaraynta Musiibooyinka. Gabagabadii, waxaa hoosta laga xariiqay la-socodka iyo qiimeynta qorshaha hay,adaha QM iyo Hay’adaha Caalamiga ah ee 2024-ka si waafaqsan tilmaamayaasha iyo halbeegyada ku cad Siyaasadda Qaran ee kormeerka iyo Qiimeynta oo ay ansixiyeen Golaha Wasiirada Soomaaliya. Source: goobjoog.com