Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,301
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Asmara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta safar shaqo ku tagay magaalada Asmara ee caasimada dalka Eritrea. Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa markii ay ka degeen garoonka diyaaradaha ee Asmara waxaa si diiran ugu soo dhaweeyay madaxweynaha dalkaasi Isaias Afwerki, ayada oo kadib loo galbiyey xarunta madaxtooyada. Labada Madaxweyne ayaa yeelan doona kulan ay kaga wada-hadli doonaan xoojinta xiriirka labada dal iyo sidoo kale arrimo badan oo muhiim u ah iskaashiga labada dal. Safarkan weli wax war ah kama soo saarin Villa Somalia, mana ahan mid horey loo sii shaaciyay, wuxuuna kusoo aadaya xilli ay meel xasaasi ah mareyso xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya. Horraantii sanadkan unbey aheyd markii madaxweynaha uu safar ku tegay Asmara, maalmo un kadib markii Itoobiya iyo Somaliland ay heshiis is-afgarad ku gaareen Addis Ababa, kaasi oo madaxweyne Muuse Biixi uu Itoobiyaanka ugu saxiixay qeybo kamid ah biyaha Soomaaliya. Is-afgaradka ay la gashay Itoobiya ayey Somaliland ku sheegtay inay marin-badeed 20KM ah kaga kiraynayso Itoobiya muddo 50 sano ah, halka Itoobiya ay Somailand “u fidinayso aqoonsi.” Hase yeeshee weli heshiiskan mana noqon mid dhaqan-gala. Xiriirka Eritrea iyo Itoobiya ayaa xumaa tan iyo markii uu dhammaaday dagaalka gobolka Tigray ee dalka Itoobiya, oo ay heshiiyeen xukuumadda Abiy iyo Jabhadda TPLF, waxayna Soomaaliya xilligaan u aragtaa saaxiib muhiim ah. The post Xasan Sheekh oo ka degay Asmara + Qorshaha safarkiisa (Sawirro) appeared first on Caasimada Online.
  2. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan muhiim ah la qaatay Madaxweynaha dalka Ciraaq, Mudane Cabdi-Ladiif Jamaal Rashiid. Ra’iisul Wasaaraha oo soo dhaweyn heer sare ah loogu sameeyay Qarsiga Baqdaad, ayaa gaarsiiyey Madaxweyne Ladiif dhambaal iyo farriin uu uga siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh, isaga oo la wadaagay horumarka ay ku tallaabsadeen shacabka iyo dowladda Soomaaliya. Madaxweynaha Ciraaq Mudane Cabdiladiif Rashiid ayaa soo dhaweeyay booqashada Ra’iisul Wasaaraha oo uu ku tilmaamay tallaabo wanaagsan oo lagu xoojinayo xiriirka labada dal, laguna ballaarinayo iskaashiga gaar ahaan, dagaalka ka dhanka amniga, diblumaasiyadda iyo deeqaha waxbarashada ee ardayda Soomaaliyeed ee Jaamacadaha Ciraaq. Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa xaqiijiyay in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta xiriirka labada dal ee dhinacyada kala duwan, si loo adkeeyo amniga, nabadda, iyo xasilloonida gobolka. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Madaxweynaha dalka Ciraaq appeared first on Puntland Post.
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska Hanti-dhowrka Guud ee JFS ayaa maanta gudbiyay natiijada baarista uu ku sameeyay sannad-maaliyadeedka dhammaaday ee 31-da Diseembar 2023. Hanti-dhowrka ayaa dulmar kooban oo ku saabsan natiijooyinka muhiimka ah ee kasoo baxay baarista xafiiska ku sameeyay sannad-maaliyadeedkaas la wadaagay maamulka sare ee xafiiska xisaabiyaha guud, xafiiska ra’iisul wasaaraha, wasaaradda maaliyadda iyo golaha shacabka. Xafiiska Hanti-dhowrka ayaa sheegay inuu mar walba u taagan yahay xaqiijinta isla-xisaabtanka iyo daah-furnaanta hannaanka maaraynta maaliyadda dalka iyo xal u helidda caqabadaha dhanka u hoggaansanaanta sharciga ee haysta hay’addaha dowladda, si sare loogu qaado hufnaanta waxqabadka hay’addaha iyo dowlad wanaagga. Hanti-dhowraha Guud Axmed Ciise Guutaale ayaa xafiisyadan iyo hay’addaha dowladda uga mahad-celiyey kaalintii wanaagsanayad ee ay ka geysteen fulinta baarista. Maalmo kahor ayey aheyd markii uu hantidhowraha guud ee qaranka Mudane Guutaale uu shaaciyay in khasnada dowladda ay ka maqan tahay lacag ka badan $21 Milyan. Maqnaashaha lacagtan ayaa dibada usoo baxday kadib baaris fatash ah lagu sameeyay xafiisyada ruqsadda shaqada shaqaalaha shisheeyaha ee wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada iyo adeegga kordhinta dal ku jooga shisheeyaha ee hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda. Lacagta malaayiinta ah ee la musuq-maasuqay ayaa qeyb ka aheyd lacag $33 Milyan ah oo xafiisyadaas ay qabteen sanadihii 2018 illaa 2023-kii. Lunsashada lacagtan ayaa saameyn ku yeelatay dowladda dhexe, oo hanti-dhowrka uu sheegay in xitaa ay deyn u gashay sidii mushaaraadkooda loo siin lahaa shaqaalaha dowladda, ciidamada iyo xildhibaannada. Musuq-maasuqa ayaa ah mid si weyn u curyaamiyay kor u kaca dakhliga dowladda, xilli ay dowladda federaalka Soomaaliya ay sheegto inay la dagaamaleyso, islamarkaana masuuliyiin qaar u maxkamadeysay kiisas musuq. The post Hanti-dhowrka oo xisaabiyaha qaranka iyo xafiiska RW u gudbiyay natiijada baarista… appeared first on Caasimada Online.
  4. Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane, Abdirisak Ahmed Said oo ay wehliyaan ku-xigeenka 1-aad Mudane Maxamed Baarri Shire iyo ku-xigeenka 2-aad Mudane Maxamed Maxamuud Ciise ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 9-aad ee Kal-fadhiga 54-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Fadhiga maanta Ajandaha ayaa ahaa dhegeysiga warbixinta Xisaab Xirka Sannada Maaliyadeedka 2023-ka oo ay akhrinta labaad ay ku soo sameeyeen Guddiga Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka Golaha Wakiillada DPL, si waafaqan Dastuurka Dawladad Puntlad Qodobkiisa 64-aad iyo Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada DPL. Intaas Kadib waxaa cod gacan-taag ah ugu codeeyay Oggol 42 Xildhibaan, Diidmo 6, halka ay ka aamuseen 2 Mudane Ansixinta Xisaab Xirka Sannad Maaliyeedka 2023-ka. Dhinaca kale, xildhibaan Liibaan Beddel Shiikh Maxamuud ayaa Golaha u soo gudbiyey iscasilaad xubinnimada Golaha Wakiillada. Xildhibaannada Golaha Wakiillada ayaa ka oggolaaday iscasilaadda xildhibaanka, si waafaqsan Dastuurka Dawladda Puntland Qodobka 62-aad iyo Qodobka 18-aad ee Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada. Ugu dambayn waxaa xildhibaannada Golaha Wakiillada loo qeybiyey wax-ka-beddelka Xeerka Nootaayooyinka Puntland iyo Hindise-xeereedka Summadda Ganacsiga oo ay xukuumaddu soo gudbisey, si Goluhu ugu sameeyo akhrinta 1-aad si waafaqsan Qodobka 58-aad ee Xeer hoosaadka Golaha Wakiillada. PUNTLAND POST The post Baarlamaanka Puntland oo ansixiyay Xisaab Xirka Sannad Maaliyeedka 2023-ka appeared first on Puntland Post.
  5. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo safar shaqo ku tagay magaalada Asmara ee caasimada dalka Eritrea. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta booqasho shaqo ku tagay magaalada Asmara ee dalka Eritrea. Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo wafdigiisa ayaa markii ay ka degeen garoonka diyaaradaha ee Asmara waxaa si diiran ugu soo dhaweeyay Madaxweynaha dalkaas Isaias Afwerki. Labada Madaxweyne ayaa yeela doona kulan ay kaga wada hadli doonaan xoojinta xiriirka labada dal iyo sidoo kale arrimo badan oo muhiim u ah iskaashiga labada dal. Dalka Eritrea ayaa ku dhawaad 10 kun oo Askari u tababaray Soomaaliya labadii sano ee lasoo dhaafay. Madaxweynaha ayaa wararka waxa ay sheegayaan in uu kala hadli doono dowladda sidii ay qeyb uga noqon laheyd howlgallada dalka ka socda. Source: goobjoog.com
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Rejada ah inay doorashada Soomaaliya xilligeeda ku dhici doonto waa buurna. Xasan Sheekh iyo Farmaajo midkoodna waqtigeeda kuma qaban doorashada dalka labadii muddo xileed ee lasoo dhaafay. Farmaajo ayaa hal sano iyo saddex billood dhaafay waqtigii laga rabay inuu ku qabto doorashada dalka. Halka Xasan Sheekh uu muddo xileedkii hore lix billood dhaafay xilligii doorashada. Dadka Soomaalidu waxay iskala qabsadeen inay madaxda dhaafto maalinta doorashada, waxaana baxay ereyo qiil ah oo la yiraahdo “waqti farsamo”. Sida caadiga ah nuuca doorashada iyo jadwalka waxaa la dhisaa sanadka labaad ee muddo xileedka qofka xukunka haysta. Farmaajo 2018-kii ayuu Baydhaba kusoo dhisay qorshaha doorashada, laakiin waa fulin waayay, iyada oo weliba ay maamullada u dhamaayeen go’aanka maalintii la gaaray. Xasan Sheekhna Muqdisho ayuu bishii May ee sanadkii lasoo dhaafay ku dhisay hanaanka doorashada, xilli ay Puntland ka maqneyd, mucaaradkana ay diideen. Fulinta koowaad ee heshiiskii doorashada ee Golaha Wadatashiga Qaran ay gaareen bishii May ee sanadkii lasoo dhaafay ayaa ku beegna 30-ka bishii dhamaatay ee June. Madaxweyne Xasan, xukuumaddiisa iyo afar kamid ah maamul goboleedyada oo lagu daray gobolka Banaadir ayaa ku heshiiyay shaqada koowaad ee doorashada in laga dhigo qabashada doorashada dowladaha hoose. Laakiin wixii ay madaxda Soomaalida ku heshiiyeen ayaa fashilmay oo shaqeyn waayey. Qabasho iska daaye xitaa majiro maamul goboleed isku dayey inuu qabto oo kamid kuwii saxiixay. Gobolka Banaadir oo ah halka ay degan tahay dowladda dhexe ayaa xitaa far loo qaadin fulinta heshiiskii uu madaxweynaha saxiixay ee uu sheegay inuu dalka doorashada ku gelinayo. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa weli ku adkeysanaya inuu qabanayo doorasho qof iyo cod ah oo dalka oo dhan ah, isaga oo caasimaddii uu joogay ee Muqdisho ka qaban waayey doorashada dowladda hoose. Madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada midna kama raali-gelin shacabka Soomaaliyeed inay sameyn waayeen wixii ay ka ballan-qaadeen. Cudur-daar la’aantu waa caadada madaxda Soomaalida, waxaana loo sababeeya in uusan shacabka qiimo badan ugu fadhin. Sidoo kale dadweynaha weli looma sheegin waqti labaad ee la qaban doono doorashadii loo ballan-qaaday ee dowladaha hoose inta aanba la gaarin midda weyn. Fashilka halkan ka dhashay wuxuu xoojinayaq eedeyntii mucaaradka ee aheyd in uusan madaxweyne Xasan Sheekh wax doorasho ah u socon. Iyada oo aan la qaban doorashada dowladaha hoose lama qaban doono mid guud oo qof iyo cod ah. Xasan Sheekhna xujada hortaalla waa inuu caasimadda uu joogo ka qabto doorasho dadweyne, si Soomaalidu u aragto inuu qaban karo doorasho guud oo qof iyo cod ah iyo heerkiisa cadaaladda. Fashilkaan wuxuu sidoo kale jahwareer ku riday siyaasiyiin badan oo u sharaxan hoggaanka maamul goboleedyada Galmudug, HirShabelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, kuwaasi oo illaa maanta aqoonin halka ay doorashada ka xigto iyo xilliga ay dhaceyso toona. The post Ballan-qaadkii Xasan iyo Golaha Wadatashiga oo beenoobay – Maxaa dhacay? appeared first on Caasimada Online.
  7. Banadir Water Development Company publishes customer satisfaction survey results. Mogadishu (PP Report) — Before the privately owned water companies emerged in 1994, Mogadishu had been without running clean water for several years due to the destruction of the water infrastructure of the capital city that was dependent on the the state-owned former Water Development Agency. The Water Development Agency ran the two main sources of water — one located in El Irfid, 17km north of Mogadishu, and the other in Elasha Biyaha, approximately 18km southwest of Mogadishu. However, all facilities used for water distribution, including underground pipes supplying households in Mogadishu, were looted. The task to rebuild water infrastructures had been shouldered by businesses who created hand-dug wells in villages while consumers’ demands for water was met by water sellers using donkey carts to transport water barrels for distribution. Despite being unhygienic, this water supply solution became necessary but had to be replaced by proper water supply based on pumps and water supplied by companies. Small water supply companies continued efforts to maintain and develop water supply services in an environment of intense competition landscape. They introduced a meter system with unit pricing based on residential consumption. Water supply companies operate independently across the Mogadishu. Customers frequently complain about sudden price increases that do not take into account consumers’ economic conditions. Company owners cite fluctuations in international oil prices to justify price increases to cover operational costs for fuel used in water pumping generators and other facilities. When oil prices go down customers noted that water supply companies never reduce their water supply rates. Due to stiff competition in the water supply sector in Mogadishu some water supply companies allow to be acquired or merged with bigger utility companies. This corporate business practice affects consumer rights as some companies feign unprofitability to agree to consolidation deals. There is no a regulator to determine if mergers or acquisitions in the water supply sector are driven by justifiable economic imperatives. Despite water supply companies in Mogadishu publishing results of customer satisfaction surveys, customers have no the privilege to change the water supply company if they are unsatisfied with the quality of service. A bona fide agreement among water supply companies prevent a water supply company from operating in an area designated for another water supply company. This agreement limits the opportunity for companies to expand and provide customers with choices. The receipts issued to customers by New Banadir Water Development Company hint at acquisitions that might have happened quietly. Despite water supply companies in Mogadishu publishing results of customer satisfaction surveys, customers do not have the privilege to change the water supply company if they are unsatisfied with the quality of service. A bona fide agreement among water supply companies prevents a company from operating in an area designated for another water supply company. This agreement limits the opportunity for companies to expand and provide customers with choices. “The reason a water supply company acquires another company is to continue water supply provision when a company becomes economically unviable. A government cannot put such a company into administration. Without abolishing the rules that limit a water supply company to operate in one area in Mogadishu, consumer rights will be continued to be violated. When a water supply company acquires other companies the water rate increases ” said a professor of business law in Mogadishu who spoke to Puntland Post on the condition of anonymity. New Banadir Water Development Company is planning acquire several water supply companies. The company website still features its old name Banadir Water Development Company but receipts issued to customers in Mogadishu reflect a name change: New Banadir Water Development Company. “The acquisition might have already happened quietly. The customer receipts I have seen raise questions about the reliability of New Banadir Water Development Company customer satisfaction survey results” said Adan, a management consultant in Mogadishu. New Banadir Water Development Company is planning to acquire several water supply companies in Mogadishu. The company’s website still features its old name, Banadir Water Development Company, but receipts issued to customers in Mogadishu reflect a name change: New Banadir Water Development Company. “The acquisition might have already happened quietly. The customer receipts I have seen raise questions about the reliability of Banadir Water Development Company’s customer satisfaction survey results,” said Adan, a management consultant in Mogadishu. © Puntland Post, 2024 The post A Water Supply Company in Mogadishu Contemplates Acquisitions appeared first on Puntland Post.
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka ciidamada booliska Soomaaliyeed, Cabdifitaax Aadan Xasan oo maanta shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha ayaa ka warbixiyay howlgalka lagu qaaday xaafadda Dab-damiska oo ay saaka tageen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda. Cabdifitaax ayaa sheegay in ciidanka Boolisku ay saaka ka halkaasi ka wadaan shaqo culus, wuxuuna tilmaamay in dib loo howlgelinayo xaruntii Dab-damiska ee uu lahaa dalka. “Ciidanka dab-damiska Soomaaliyeed saaka waxay dab-damiska ka wadaan shaqo lagu diyaarinaayo goobtaasi, si looga dhiso xarun wayn oo magaalada Muqdisho u noqon doonta dab-damis la tacaala dhibaatooyinla dabka soo noqnoqday” ayuu afhayeenka Booliska. Afhayeenka ayaa xusay in baahi wayn loo qabo dhismaha xaruntan, isaga oo sheegay in tirakoob uu sameeyay taliska booliska ay ku ogaadeen inay magaalada Muqdisho ku gubatay illaa 47 goobood oo ay ku gubtay hanti Soomaaliyeed, balse hadda kadib loo heli doono xal dhammaan dhibaatooyinkaasi. “Tirakoob uu sameeyay taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxaa gubatay illa 147 meelood oo isugu jiro meelo yaryar iyo meelo waa wayn oo ay ku baaba’day hanti Soomaaliyeed oo ay lahayd bulshada Soomaaliyeed” ayuu sii raaciyay. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in shacabka dagan dhulka Dab-damiska la siiyay waqti ku filan, isla markaana uu maanta ku ekeaa isaga oo tilmaamay in inta badan laga guuray, dadkii harana ay gacam siinayaan ciidamada Booliska. “Boolisku wuxuu waqti dheer siiyay muwaadiniin daganayd halkaas, waqtigaas oo maanta ku ekaa, dadka intood badan way guureen wayna mahadsanyihiin intii kalena waxaa caawinaya booliska oo baabuur ugu deeqaayo” ayuu mar kale yiri afhayeenku. Ugu dambeyn wuxuu farriin u diray warbaahinta oo uu ka dalbaday inay ka shaqeeyaan horumarka iyo wanaagga dalka. “Saxaafadda waxaan leenahay dab-damisku bulshadii daganeyd iyo boolisku ay wada shaqeeyeen wuu dhamaaday dhismihiina waa la bilabaayaa ee ka shaqeeya wanaagga” ayuu kusoo gabagabeeyay afhayeenka booliska. The post BOOLISKA oo faah-faahiyay howlgalka Dab-damiska appeared first on Caasimada Online.
  9. Musharaxa xisbiga Waddani Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa u muuqda in uu noqonaayo madaxweynaha 6 ee Jamhuuriyadda Somaliland. Musharax Cirro ayaa waxa gurigiisa 5 todobaad ee ugu danbeeyay ku sii qul qulaayay badiba wasiiradda xukuumadda iyo madax kala gadisan oo ka tirsan xukuumada hada xilka haysa, sidoo kale ganacsatada iyo hogaanka dhaqanka ee dalka oo dhan ayaa Musharax Cirro si gooni gooni ah ugula kulmaayay hoygiisa uu ku leeyahay magaaladda Hargeysa. Sadaasha Cirro in uu noqonaayo madaxweynaha soo socda ayaa cirka isku sii shareertay kadib markii dhalinyaro iyo aqoonyahano ka tirsan beesha madaxwey ahu ay u soo jeedsadeen xaga xisbiga Waddani sidoo kale beeshii uu ka tirsanaa wasiirka arimaha guduhu ay si toos ah isugu shubtay xisbiga Waddani ee uu Cirro musharaxa ka yahay, sidoo kale uu taageero miisaan leh uu ka helay gobolka Gabiilay. Amaanka musharaxa xisbiga Waddani Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa aad loo adkeeyay hada iyada oo xataa hada laga joojiyay in uu suuqyadda ama meheradaha magaaladda uu ka cunteeyo. Dr Cirro ayaa kasbaday dhamaan shicibka Somaliland gobolkasta oo ay joogaan Qaran News
  10. Beirut (Caasimada Online) – Ururka Xisbullah ee Lubnan ee taageerada ka hela Iran ayaa shaaciyay inay diyaaradaha aanan duuliyaha laheyn ku weerartay saldhigga Israa’iil ee Buura Hermon oo ku yaalla buuraleyda Golan Heights ee Suuriya ee ay heysato Isra’il. Buurta Hermon ayaa waxaa ku yaalla saldhig muhiim ah oo ay Israa’iil u isticmaasho ilaalinta mandiqadda, gaar ahaan howlaha basaasidda iyo difaaca cirka. Israa’iil ayaa halkaasi si gaar ah uga ilaalineysay dhaq-dhaqaaqa WSuuriya, Ciraaq, Urdun iyo qeybo ka mid ah Sacuudiga tan iyo 1973-di, markaas oo uu dhacay dagaalkii Isra’il iyo Carabta. Xisbullah waxay sheegtay in weerarka bam ee ay ku qaadday Buurta Hermon uu ahaa kii ugu horreeysay, tan iyo markii ay iyada iyo Israa’iil billaabeen inay madaafiic is weydaarsadaan 8-dii bishii October, maalin kaddib markii ay Xamaas weerartay koofurta Israa’iil, weerarkaas oo dhaliyay duullaanka ay Israa’iil ku qaadday Gaza. Xisbullah ayaa sheegtay inay joojin doonto weerarada ay ku heyso Israa’iil, marka ay Israa’iil joojiso dagaalka ay ka waddo Gaza. Ciidanka Israa’iil ayaan weli war kasoo saarin duqeynta ay sheegtay in ay Xisbullah ku qaadday saldhiga Israa’iil ee Buurta Hermon ee dhulka la hesto ee Golan. Weerarkan ayaa imanaya xilli dhex-dhexaadiyaasha Mareykanka, Reer Yurub iyo Carabta ay ku dadaalayaan in weerarada Israel iyo Xizbullah aanay u gudbin dagaal baahsan oo Bariga Dhexe ka dhaca, kaasi oo dunidu ay ka cabsi qabtay muddo billo ah. The post Xizbullah oo weerar culus ku qaaday saldhig muhiim ah oo Israel ay leedahay appeared first on Caasimada Online.
  11. Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan guutada 9-aad ee qeybta 60-aad ayaa howlgal qorsheysan oo lagu burburiyay saldhigyadii Kooxda Al-Shabaab ka fuliyay deegaannada kala ah, Baar, Ceeljeedow, Ceeltuumed iyo Sijo oo ka tirsan degmada Waajid ee Gobolka Bakool, sida lagu sheegay war ay baahisay warbaahinta dowladdu. Howlgalka waxaa qeyb ka ahaa maamulka Degmada oo uu hoggaaminayay Guddomiye ku xigeenka Degmada Waajid iyo Taliyaha Nabad Sugidda Degmada, balse khasaare kooxda Alshabaab howlgalladaas lagu gaarsiisay weli dowladda Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed midkoodna faahfaahin kama bixin. Deegaanada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa kamida meelaha ay hawlgallada ka dhanka ah kooxda Alshabaab sida xooggan uga socdaan, ayadoo madaxweyne Laftagareen dhowaan sheegay in loo baahanyahay in hiigsiga koobaad laga dhigto in la soo afjaro kooxda Alshabaab. Source: goobjoog.com
  12. Afhayeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed gaashaanle Cabdifataax Aadan Xasan ayaa sheegay in Booliisku ay si toos ah hawlgal burbur ah uga billaabeen dhulka dabdamiska maadaama ay dhammaatay mudadii dadka halkaa deggan horay loogu qabtay kaga guuraan, taas oo maanta ku ekeyd. Afhayeenka ayaa sheegay in goobtaas laga dhisi doono dab damis casri ah oo lagula tacaalo shilalka dabka la xariira ee magaalada ka dhaca, islamarkaana ay noqan doonto xarun dadweynaha Soomaaliyeed loogu adeego oo dan guud ah. Gaashasnle Cabdifataax ayaa tibaaxay in odayaal dhaqan iyo waxgarad qoysaskii halkaa ku noolaa matalayaahi ay booliiska kala shaqeeyeen in dadka meeshaas laga raro, islamarkaana ay bulshada inteedii badnayd iskood u guureen, qeybtii hartayna ciidanku ay gaadiidka daabula u diyaariyeen, balse ma caddayn goobta rasmiga ah ee qoysaskaas loogu talo-gay oo la gaynayo. Si kastaba ha ahaatee booliiska Soomaaliya oo cagaf cagafyo iyo gaadiid dagaal wata ayaa saaka ku hiiraystay dhulkaas, ayadoo ay hadda ka wadaan hawlgal burburin ah oo dhismeyaasha ku yaalla dhulka lagula simayo. Source: goobjoog.com
  13. Xudur (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay maanta ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ka sameeyeen qaybo kamid ah gobolka Bakool, kaas oo lagu beegsaday maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab. Howlgalkan oo ay fuliyeen ciidanka guutada 9-aad ee qaybta 60-aad ayaa waxaa lagu beegsaday saldhigyo ku yaalla deegaano hoostaga degmada Waajid. Ciidamada ayaa inta uu howlgalka socday burburiyay saldhigyo ay Al-Shabaab ku lahaayeen halkaasi, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay dowladda Soomaaliya. “Ciidanka Xoogga Dalka Somaliyeed gaar ahaan guutada 9-aad qeybta 60-aad ayaa maanta howlgal qorsheysan oo lagu burburiyay saldhigyadii Khawaarijta ka fuliyay deegaannada kala ah, Baar, Ceeljeedow, Ceeltuumed iyo Sijo oo ka tirsan Degmada Waajid ee Gobolka Bakool. Howlgalka oo ahaa mid ballaaran ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa maamulka degmada oo uu hoggaaminayay guddoomiye ku xigeenka Waajid iyo Taliyaha Nabad Sugidda degmada. Dhinaca kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada dowladda Soomaaliya. Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo haatan laga dareemayaa qaybo badan oo kamid ah gobolka Bakool. Koonfur Galbeed ayaa haatan isku diyaarineyso wajiga labaad ee dagaalka, waxaana howlgalladan ay qayb ka yihiin qorshaha Al-Shabaab looga xoreynayo maamulkaasi. The post Sawirro: Ciidamada DF oo burburiyay saldhigyo ay lahaayeen Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
  14. Doorashooyinka dalka Faransiiska ayaa siweyn waxaa loogu jabiyay xisbiga uu hoggaamiyo Macron, kadib markii xisbiga Isbaheyda bidixda uu helay natiijo lama filaan ah, kadib markii ay heleen 182 Kursi, halka xisbiga dhextaalka ee uu hoggaamiyo madaxweynaha talada haya uu 168 Xildhibaan. Codbixiyeyaasha ayaa u muuqda iney iska diideen xisbiga Midigta Fog, kaas oo doorashooyinka kala yimid 143 kursi, marka loo eego 500 ee kursi ee lagu tartamayo, doorashada shalay dhacday Axaddii ayaa ka dhigan in xisbiga xisbiga dhextaalka uu waayay Aqlabiyadda Baarlamaanka oo 289 Xildhibaan. Macron ayaa horay u iclaamiyay doorashadan oo uu waqtigeeda kasoo hormariyay, kaddib guulihi uu xisbiga midigta fog ee La Pen kasoo hooyay doorashooyinki baarlamaanka Yurub, waxaana muuqata in doorashadaan uu siweyn ugu jabay xisbiga Midigta oo ay hoggaamiso Marine Le Pen oo 143 helay. Natiijada doorashada ayaa sidoo kale dharbaaxo iyo waji-agabxnimo ku ah, xisbiga siyaasaddiisu ay dhexda u janjeerto ee madaxweyne Emmanuel Macron, kaas oo lagu qasbay inuu soo dhiso dowlad wadaag ah, maadaama uu waayay codka aqlabiyadda Baarlamaanka oo u suurtogelin laheyd. Madaxweyne Macron ayaa hadda waxa uu u xuub siibtay, in uu dhexda uga dhacay baarlamaan aad u kala qeybsan siyaasad ahaan, bidix, midig iyo dhexda, kuwaas oo uusan midna heysan aqblabiyadda, waxaana laga cabsi qabaa inuu imaan karo jahwareer siyaasadeed oo Faransiiska uu wajahayo. Source: goobjoog.com
  15. Faransiiska ayaa wajahaya hubanti la’aan siyaasadeed ka dib markii doorashadii baarlamaanka aaney cidna helin aqlabiyad toos ah. Saadaasha ayaa muujineysa in isbahaysiga garabka bidix, Front Popular Front, uu u muuqdo inuu helayo kuraasta ugu badan ka dib wareega labaad. Heshiis xeeladaysan oo u dhexeeya xisbiyada qunyar socodka ah ayaa keenaya in xisbiga NR ee midigta uu galo kaalinta saddexaad. Wareegii koowaad ee doorashada ayuu dardar la soo baxay waxaana aad looga cabsi qabay inuu helo aqlabiyadda kuraasata baarlamaanka, hase-yeeshee waa loo awood sheegtay. Isbahaysiga dhexe ee madaxweyne Macron ayaa la saadaalinayaa inuu ku soo bixi doono kaalinta labaad. Ma cadda cidda noqon doonta raysal wasaaraha xiga ee Faransiiska, laakiin raysal wasaase Gabriel Attal, ayaa sheegay inuu xilka iska casili doono, inkastoo uu diyaar u yahay inuu sii joogo bishan. Qaran News
  16. Wararka ka imaanaya degmada Luuq ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in saaka xaaladdu ay deggentahay, iyadoo shalay halkaa uu ka dhacay dagaal culus oo u dhaxeeyay laba meleeshiyo beeleed. Dagaallada ayaa saddexdii maalmood ee la soo dhaafay ka dhacayay Luuq hase-yeeshee dagaalkii ugu cuslaa ayaa shalay dhacay. Wararka ayaa intaa ku daraya in dagaalkii shalay ay ku dhinteen dad ka badan dhowr iyo toban qof, tiro intaa ka badanna ay ku dhaawacantay. Dad badan ayaa sidoo kale shalay magaalada ka barakacay, kuwaas oo naftooda kala baxsanaya isku dhacyada meleeshiyo beeleedka. Luuq in dhawaalaba waxay ahayd meel xasilloon, ilaa iyo haddana si rasmi ah looma oga sababta ka dambeysa dagaalka dhowrka maalmood ka dhacayay degmadaas. Dowladda federaalka iyo maamulka Jubaland ayaa labaduba baaq u diray dhinacyada halkaa ku dagaallamaya, iyagoo ku booriyay in ay xabadda joojiyaan. bbcsomali Qaran News
  17. Boosaaso (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Bari ayaa sheegaya in maanta xubno ka tirsan kooxda Daacish ay isku soo dhiibeen ciidamada ammaanka Puntland ee ku sugan dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari. Xubnaha isa soo dhiibay oo labo ah ayaa waxaa lagu soo dhaweeyay deegaanka Balidhidhin ee gobolka Bari, halkaas oo ay kusoo bandhigeen ciidamada daraawiishta Puntland. Labada xubnood ayaa watay hubkooda iyo dareeska ciidanka, waxaana ay sheegeen inay tababar kusoo qaateen goobaha ay gacanta ku hayso Daacish ee deegaanada Puntland. Wareysiyo laga qaaday labada nin ayaa waxa ay ku sheegeen inay muddo saddex cisho ah soo lugeynayeen, si ay uga soo baxsadaan kooxda ay muddada dheer ka tirsanaayeen, ayna ku furaxsan yihiin in lagu soo dhaweeyay Puntland. Sidoo kale waxa ay tilmaameen inay ku qanci waayeen habka ay wax u waddo kooxdaan, isla markaana uu isbeddalay fakirkooda, ayna goosteen inay isaga soo baxaan kooxdaasi. Waxaa kale oo ay intaasi ku dareen inay ka qayb-qaateen dagaallo dhexmaray Daacish iyo Al-Shabaab, maadaama ay sheegeen in loo tababaray u dagaalidda kooxdaasi. Inta badan labada kooxood oo ku wada sugan buuraleyda gobolka Bari ayaa dagaallo ay waxa ay ku dhex maraan halkaasi, waxayna isku haystaan gacan sarreynta dhulkaasi. Kooxda Daacish ayaa bishii April ee sanadkan sheegtay inay dagaal ku dishay 50 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab kadib dagaal ay kula gashay buuraha Calmiskaad. The post Xubno ka tirsana kooxda DAACISH oo isa soo dhiibay appeared first on Caasimada Online.
  18. Mogadishu (HOL) - Somali Prime Minister Hamsa Abdi Barre has called for an immediate end to the deadly inter-clan conflict in the Luuq district of the Gedo region. Source: Hiiraan Online
  19. Garowe (HOL) - Two members of the Daesh/ISIS terrorist group surrendered to Puntland security forces in the Balidhidhin area of the Bari region on Sunday. Source: Hiiraan Online
  20. Natiijo lama filaan ah ayaa kasoo baxday wareegi labaad ee doorashadi baarlamaaniga aheyd ee Axaddii shalay ka dhacday Faransiiska, kaddib marki uu isbaheysiga bidixda ku guuleystay, inkasta uusan helin aqlabiyadda baarlamaanka. Natiijada ayaa muujineysa in isbaheysiga bidixda ay ku guuleysteen 182 kursi, xisbiga dhextaalka ee Macron ayaa helay 168 kursi, halka xisbiga midigta fog ee NR ee ay hogaamiso Marine Le Pen uu ku guukeystay kuraas dhan 143. Taasi ayaa ka dhigan in xisbina uusan u dhaweyn aqlabiyadda, waayo waxaa xukuumad soo dhisi kara xisbigi keena kuraas dhan 289. Baarlamaanka Faransiiska ayaa ka kooban 577 xildhibaan. Cod-bixiyayaasha ayaa dhabar-jebin siyaasadeed qoorta u suray xisbiga RN ee midigta fog ee ay hogaamiso, haweneyda mayalka adag Marine Le Pen. Ra’iyi ururinti la sameeyay ka hor doorashada ayaa muujisay in La Pen ay kaalinta koowaad geli doonto, hase yeeshee waxay u dhacday kaalinta saddexaad, taasoo lid ku ah natiijadi wareeggi hore ee doorashada oo ay kaalinta koowaad kasoo gashay. Natiijada doorashada ayaa sidoo kale dharbaaxo iyo waji-agabxnimo ku ah, xisbiga siyaasaddiisu ay dhexda u janjeerto ee madaxweyne Emmanuel Macron. Macron ayaa horay u iclaamiyay doorashadan oo uu waqtigeeda kasoo hormariyay, kaddib guulihi uu xisbiga midigta fog ee La Pen kasoo hooyay doorashooyinki baarlamaanka Yurub. Hadda waxa uu u xuub siibtay, in uu dhexda uga dhacay baarlamaan aad u kala qeybsan siyaasad ahaan, bidix, midig iyo dhexda, kuwaas oo uusan midna heysan aqblabiyadda. Source
  21. Ururka Xisbullah ee Lubnan ee taageerada ka hela Iran ayaa Axaddii sheegay, in ay diyaaradaha aanan duuliyaha laheyn ku weerartay saldhigga Israa’iil ee Buura Hermon oo ku yaalla buuraleyda Golan Heights ee Suuriya ee ay heysato Israa’iil. Buurta Hermon ayaa waxaa ku yaalla saldhig muhiim ah oo ay Israa’iil u isticmaasho ilaalinta mandiqadda gaar ahaan howlaha basaasidda iyo difaaca cirka. Israa’iil ayaa halkaasi si gaar ah uga ilaalineysay dhaq-dhaqaaqa WSuuriya, Ciraaq, Urdun iyo qeybo ka mid ah Sacuudiga tan iyo 1973-di, markaas oo uu dhacay dagaalkii Israa’iil iyo Carabta. Xisbullah waxay sheegtay in weerarka bam ee ay ku qaadday Buurta Hermon uu ahaa kii ugu horreeysay, tan iyo marki ay iyada iyo Israa’iil billaabeen in ay madaafiic is weydaarsadaan 8-dii bishii October, maalin kaddib marki ay Xamaas weerartay koofurta Isra’il, weerarkaas oo dhaliyay duullaanka ay Israa’iil ku qaadday Gaza. Xisbullah ayaa sheegtay in ay joojin doonto weerarada ay ku heyso Israa’iil, marka ay Israa’iil joohiso dagaalka ay ka waddo Gaza. Ciidanka Israa’iil aanan wali war kasoo saarin duqeynta ay sheegtay in ay Xisbullah ku qaadday saldhiga Israa’iil ee Buurta Hermon ee dhulka la hesto ee Golan. Source
  22. Displaced families in Baidoa, southern Somalia, say that a greenhouse farming project set up to provide sustainable livelihoods for them has uplifted their living standards. Source: Hiiraan Online
  23. BBC Africa Eye investigates a shocking spate of elderly people accused of witchcraft then murdered along Kenya’s Kilifi coast, and discovers the true motives behind the killings. Source: Hiiraan Online
  24. Uruguay advanced to the Copa America semifinals by overcoming Brazil on penalties 4-2 (0-0) on Saturday. Source: Hiiraan Online
  25. The U.S. The State Department on Friday disclosed that its special envoy to the Horn of Africa, Mike Hammer, is traveling to Djibouti and Ethiopia. Source: Hiiraan Online