-
Content Count
211,291 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Mogadishu (HOL) — The U.S. government has refuted claims circulating on social media that U.S. Special Envoy for the Horn of Africa Mike Hammer praised a controversial agreement between Somaliland and Ethiopia during his recent visit to Addis Ababa. The U.S. Embassy in Mogadishu issued a statement on platform X, clarifying that these reports are false. Source: Hiiraan Online
-
Wasiirka Wasaaradda Beeraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa safar shaqo ku jooga deegaanada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, ayagoo kulamo kala duwan la yeelanaya madaxda maamulkaas. Wasiirka oo kormeeray beer dalagyo badani ku shaqlanyihiin oo laga hirgeliyay duleedka baydhabo ayaa ujeedada socdaalkiisa Koonfur Galbeed warbaahinta la wadaagay, asagoo sheegay inay halkaas u tageen sidii ay u dhiirigelin lahaayeen xoojinta tacbashada beeraha. Sidoo kale wuxuu Bogaadinayay waaxda Badbaadada Dhirta iyo Cilmi baarista iyo hay’ado Wasaaradda wada shaqayn la leh asagoo ku ammaanay inay ku dhiiradeen saarista dalagyo caafimaad qaba, tayo leh, oo wakhti kooban ku baxa, kuwaas oo ay tusaale u tahay beerta uu booqday. Wasiirka iyo wefdigiisa ayaa horay u booqday deegaannada dowlad goboleedka Galmudug, waxaana la filayaa inay meelo kalena tagi doonaan, ayagoo u kuurgalaya caqabadaha beeralayda haysta, islamarkaana dhiirigelinaya tabcashada. Source: goobjoog.com
-
TORONTO, Canada (HOL) — Commercial litigator Mariam Moktar has been elected as the second vice-president of the Ontario Bar Association (OBA) for the 2024-25 term, with her presidency set for 2026. Moktar practices at Paliare Roland Rosenberg Rothstein LLP and is a member of the Federal Judicial Advisory Committee for Ontario—Greater Toronto Area. Source: Hiiraan Online
-
Garowe (HOL) — The General Auditor of Puntland has mandated the return of government vehicles held by private individuals, warning of legal action for non-compliance. This follows an investigation revealing that many government-owned vehicles are missing, with some being traded in markets or sold outside Puntland. Source: Hiiraan Online
-
England's Euro 2024 semifinal against the Netherlands was threatening to drift away from them in the style of previous tournament exits since the 53-year-old manager took charge in 2016. After being dominated in a first half that ended tied at 1-1, Dutch boss Ronald Koeman changed his approach at half-time, sending on Wout Weghorst, closing up the spaces Bukayo Saka, Phil Foden and Kobbie Mainoo had been exploiting and asked a different question of England and Southgate. Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu (HOL) — EgyptAir will launch its inaugural Cairo to Mogadishu flights on Friday, marking a significant step in the airline’s strategic expansion into East Africa. Source: Hiiraan Online
-
Hargeisa (HOL) — Somalilanders have been cautioned against yielding to calls for unity with Greater Somalia, a move seen as a threat to Somaliland's sovereignty and stability. Source: Hiiraan Online
-
Habibo Mohamed Ali is a 28-year-old Somali woman who recently embarked on a treacherous journey to new motherhood. Living in Baidoa, in Somalia’s Bay region, Habibo's community has seen an influx of internally displaced persons (IDPs) fleeing droughts, floods, and conflict, exacerbating the humanitarian crisis for vulnerable women and children. Source: Hiiraan Online
-
Millatariga Israa’iil ayaa ku amray Falastiiniyiinta ku nool magaalada Gaza in ay isaga baxaan, isla markaana u barakacaan dhinaca waqooyi. Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay, in warqado ay hawada kasoo daadiyeen, ay Isra’il ugu sheegtay dadka ku nool magaalada Gaza, in ay ka baxaan oo ay maraan laba dariiq oo ay ku sheegeen in ay nabad yihiin. Afhayeenka Qaramada Midoobey Stephane Dujarric, ayaa amarka daad-gureynta Israa’iil ee guud ahaan magaalada Gaza ku tilmaamay mid keenaya “dhibaato weyn”. Duqeymo aanan loo meel dayin oo ay ciidamada Israa’iil saddexdi maalmood ee lasoo dhaafay ku garaacayeen xaafado ka mid ah waqooyiga, iyo koofurta Gaza ayay saraakiisha caafimaadka sheegeen in tobnaan qof oo u badan dumar iyo carruur lagu dilay. Tan iyo bishi October, saraakiisha Falastiniyiinta ayaa sheegay in Israa’iil ay Gaza ku dishay in ka badan 38,000 oo Falastiinyiiin ah oo u badan dumar iyo carruur. PUNTLAND POST The post Israa’iil oo ku amartay Falastiiniyiinta in ay guud ahaan isaga baxaan magaalada Gaza appeared first on Puntland Post.
-
Is-baheysiga NATO oo diyaaradaha F-16 siinaya dalka Ukraine
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Is-baheysiga NATO ayaa sheegay in ay billaabeen inay diyaaradaha F-16 ku wareejiyaan Ukraine si ay gacan uga geystaan xoojinta difaacooda ka dhanka ah duulaanka Ruushka. Ku dhawaaqista ayaa ku soo beegantay iyadoo 32-ka waddan ee xubnaha ka ah isbahaysiga militariga ay ku kulmayaan Mareykanka si ay u xusaan 75 sanno-guurrada markii la aasaasay. Xog-hayaha guud ee NATO, Jens Stoltenberg ayaa sheegay haddii ay NATO doonayso inay u dagaallanto xorriyada iyo dimuquraadiyada inay taa ku muujin karaan Ukraine, isagoo ka hadlay arrimaha kale ee la filayo dalalka NATO inay ku heshiiyaan , si ay sare ugu qaadaan taageerradooda militari ee Ukraine. Wuxuu sheegay in la samaynayo xarun taliska NATO oo loogu talagalay bixinta kaalmada amniga iyo tababarka Ukraine, xarunteeduna tahay Jarmalka,laakiin leh xarumaha saadka oo ku yaalla dalalka Bariga Yurub iyo in ay Ukraine siinayaan nidaamyada diyaaradaha F-16 Sidoo kale wuxu sheegay in la dejinayo heshiisyo amni oo laba geesood ah oo u dhexeeya xubnaha NATO iyo Ukraine islamarkaana la samaynayo xarun tababbarka wadajirka ah ee Poland si loo dammaanad qaado xirmo gargaar oo dhameystiran. PUNTLAND POST The post Is-baheysiga NATO oo diyaaradaha F-16 siinaya dalka Ukraine appeared first on Puntland Post. -
Siyaasi Axmed Muumin Seed oo ka mida Masuuliyiinta Xisbiga Waddani oo ay weheliyaan Masuuliyiinta Xisbiga ee Gobolka Awdal iyo Dagmada Boorama ayaa waxay qado sharaf ku maamuuseen hogaanka Dhaqanka ee Beelaha Habar Cafaan. Kulankaasi oo daaranaa is xogwaraysi lagaga hadlayay Xaalada siyaasadeed ee somaliland iyo Doorashooyinka. Nimo Omar Xuseen Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maalmihii lasoo dhaafay waxaa baraha bulshada ee Soomaalida iyo Itoobiyaanka aad loogu faaqiday sawir laga qaaday qoraal uu qoray wargayska African Heral oo ka mid ah warbaahinta ka howlgasha gudaha dalka Itoobiya. Xogta uu baahiyay wargeyskaas oo ay iska fogeysay dawladda Maraykanka ayaa dhigeysay wax ay ku sheegeen nuxurka wadahadalka dhexmray ergayga Maraykanka u qaabilsan Afrika oo tagay Muqdisho iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Wargeyskan ayaa maqaalka uu daabcay waxaa uu ku sheegay xog ay iska fogaysay dowladda Maraykanka oo ku saabsanayd in ergayga Maraykanka ee Afrika Mike Hammer uu kala hadlay Madaxweyne Xasan Sheekh xiisadda kala dhaxeysa Itoobiya, taas oo ka dhalatay heshiiskii is-afgaradka ahaa ee bilowgii sanadkan ay kala saxiixdeen Abiy Axmed iyo Muuse Biixi. Wargayska ayaa qoraalkiisa ku xusay in Ergeyga Mareykanka ee Afrika uu soo hadal qaaday in la ixtiraamo xiriirka diblomaasiyadeed iyo dhaqaale ee sii kordhaya ee u dhexeeya Itoobiya iyo Somaliland, iyadoo la muujinayo faa’iidooyinka ka dhalan kara xiriirkaas uu u leeyahay nabadda iyo horumarka gobolka. Sidoo kale siyaasiyiin kala duwan ayaa barahooda internerka soo dhigay sawirka laga qaaday maqaalka Wargeyska, kaas oo ay siyaabo kala duwan looga falceliyey. Safaarada Maraykanka ee Soomaaliya ayaa barteeda twitter-ka (X) waxay ku beenisay xogta ku qoran magaalka Wargeyska Afrikan Herolad oo ay ku sheegeen mid been abuur ah. “Wararkii ugu dambeeyay ee ku saabsan hadal la sheegay inuu ka soo yeeray ergayga gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Geeska Afrika Mike Hammer oo ku saabsan Soomaaliya waa been abuur,”ayaa lagu yir qoraalka ka soo baxay safaaradda. Ergayga Maraykanka ee Afrika ayaa horay u cadeeyey mowqfika Maraykanka ee ku aadan xiisadda Itoobiya iyo Soomaaliya isagoo yiri, “Sida aan marar badan ku cecelinay Mareykanka waxa uu aqoonsan yahay madaxbanaanida, Midnimada dowladda Federaalka ee Soomaaliya oo ay ka mid tahay Somaliland, waxaan aaminsanahay in arrinta Somaliland ay tahay mid quseeysa dadka Soomaalida oo keliya ah” xilliga uu hadalkaan yiri Mike Hammer wuxuu ka qeyb gelaayey shirkii madaxda urur goboleedka IGAD ee bilowgii sanadkan ka dhacay magaalada Kampala ee dalka Uganda. The post Mareykanka oo war culus ka soo saaray xog xasaasi oo xiisadda badda ay ka baahisay Itoobiya appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo dhowr sano ka hor u muuqday xidigga Geeska Afrika, ayaa wajahaya cidlo iyo kallinmo siyaasadeed, kadib is-afgaradkii muranka dhaliyay ee 1-dii Janaayo 2024 uu la galay Maamulka Somaliland. Billowgii xukunka Abiy Axmed ee 2018 wuxuu u muuqday nin furfuraya nidaamka siyaasadeed ee Itoobiya, u janjeera dhanka Dimoqraadiyadda , xuquuqda aadanaha iyo xoriyadda hadalka. Nin u heellan xoojinta iskaashiga Geeska Afrika, xallinaya khilaafaadkii kala dhexeeyay Eritria, Sudan iyo Masar. Waxaa la siiyay billadda nabadda Nobel Peace Prize. Shan sano kadib, Itoobiya waxay gashay xaalad mugdi ah. 1- Dhanka xorriyadda iyo dimoqraadiyadda, wuxuu xabsiga dhigay hoggaamiyaashii qowmiyadaha kala duwan, gaar ahaan kuwii Oromada sida Jawar Mohamed iyo Lemma Megressa, oo mar danbe la soo daayay. 2- Dagaalkii ugu weynaa ee ka dhaxca geeska Afrika ayuu la galay qowmiyadda Tigreega (800kun ayaa lagu qiyaasaa dadka ku dhintay), waxaana dagaallo adag ay ka socdaan dhulalaka qowmiyadaha Amxaarda, Cafarta, Oromada iyo Soomaalida. Itoobiya waa dalka ay wali ka socdaan dagaallada ugu dhimashada badan Geeska Afrika. Todobaadkii hore boqolaal arday ah oo Qowmiyadda Amxaaraa u dhashay ayaa la afduubay. 3- Xiriirka Abiy uu la leeyahay Eretria ayaa meeshii ugu hooseeysay maraya. Dhanka kale Abiy ayaa la jirsaday fallaagada Suudaan ee Maleeshiyaadka Xammidati, iskuna dayay inuu maja-xaabiyo dowladda uu hoggaamiyo General Burhan ee caalamku aqoonsan yahay. Xiriirka Masar ayaa isagana meeshi ugu hooseysay maraya, iyadoo colaadda labada dal ay waligeed ahayd mid ku dhisan istiraatiyadda biyaha iyo saamaynta labada dal ay ku leeyihiin Geeska Afrika. 4- Soomaaliya oo muddo dheer u muuqatay dowlad burburtay, iskana ilaalin jirtay ku milanka siyaasada gobolka, ayaa si xoog leh u gashay loollan, kadib markii uu Abiy ku dhiiraday damaca uu ku doonayo inuu ku helo Bad iyo bariba. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa si aan gabbasho lahayn u muujiyay mowqifka dowladdiisa, Itoobiyana ku tilmaamay cadowga Soomaaliya. Dad badan waxay fillayeen in Abiy Axmed maciinsan doono Imaaraadka oo siyaasaadka Geeska raad ku leh. Waxaase muuqato in Imaaraadka ka gaabsaday inuu ka muuqdo arrintan aad xasaasiga uga ah dowladda Soomaaliya dhankeeda. Badalkeeda Itoobiya waxay u dhaqaaqday dhanka dowladaha saaxiibka la ah Soomaaliya sida Qatar, Sacuudiga iyo Turkiga, iyadoo codsanayso in la dhexdhexaadiyo iyaga iyo Soomaaliya. Soomaalida ayaa aaminsan in orodka Itoobiya ujeedadiisu tahay in la kala irdheeyo Soomaaliya iyo saaxiabadeed haddii ay wadahadal diiddaan, waana tan ku khasabtay in Soomaliya go’aansato wadahadl aan toos ahayn inay u tagto Ankara biloowgii bishan. Turkiga ayaa u muuqda inuu fahmay qasadka Itoobiya, horayna heshiis difaac badda ah la galay Soomaaliya. Guuldarrooyinka Abiy ku dhacay billihii la soo dhaafay, ayaa si cad u muuqday, markii uu shalay u tagay Jeneral Burhaanka Sudan oo xarun ka dhigtay magaalada Port Sudan. Booqashada Abiy waxay ka dhigan tahay inuu ka soo weecday jidkii maleeshiyada Dacmu Sariic ee Xamiidati uu hoggaamiyo, lana aaminsan yahay in Imaaraatku ay taageeraan, isla markaana uu la macaamilayo dowladda sharciga ah ee Sudan. Waxaa isweydiin mudan mar haddii Abiy Ahmed uu ku dhacay heehaab siyaasadeed, Adduunkana uu go’doon ka galay, saaxibbo badan oo Gobolka ku waayay habdhaqankiisa fudeedka iyo qiyaanada ku dhisan in bal markaan inuu tallaab kale oo aan laga filaneyn inuu qaado, marka la eego culeysyada gudaha iyo dibadda ee xilligan heysta. W/Q: Cabdicasiis Golfyare The post 5-sano kadib doorashadii Abiy, Itoobiya oo gashay xaalad mugdi ah + 4 arrimood oo sababay appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka kulammo kula qaatay Hoggaanka Wasaaradda iyo Ciidanka Xoogga. Saraakiisha ayaa la wadaagay Madaxweynaha warbixinihii ugu danbeeyey ee dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, gaar ahaan xoreynta deegaanno ka tirsan Jubbaland oo lagu guuleystay, waxayna soo bandhigeen sida ay uga go’an tahay Ciidamada Qalabka Sida in ay sii wadaan halganka dalka lagaga xoreynayo Al-shabaab. Madaxweynaha oo dhowaan booqday gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegay in la dardargelin doono dagaalka lagula jiro Al-shabaab dalkana laga saarayo sida uu sheegay, waxaana kulanka uu kusoo aadayaa xilli dhaqdhaqaaq uu socdo. Source: goobjoog.com
-
Baqdaad (Caasimada Online) – Maxkamad ku taalla dalka Ciraaq ayaa dil toogasho ah ku xukuntay xaaskii hoggaamiyihii kooxda Daacish ee la dilay, Abu Bakar Al-Baghdadi, oo lagu soo oogay dacwado la xiriira dilka haween Yazidi ah, sida ay Arbacadii sheegtay waaxda garsoorka. Xaaska Baghdadi ayaa dib loogu soo celiyay Ciraaq kadib markii lagu xiray dalka Turkiga, ilo dhanka garsoorka ah ayaa sidaas u sheegay wakaalada wararka ee AFP, iyagoo qarinaya magacooda sababo la xiriira in aan loo ogoleyn inay saxaafadda la hadlaan. “Maxkamadda dambiyada ee Karkh (galbeedka Baqdaad) ayaa dil toogasho ku xukuntay xaaska argagixiye Abu Bakar al-Baghdadi oo lagu helay dambi ah inay la shaqaynaysay kooxda argagixisada ah ee Daacish iyo inay gurigeeda ku xirtay haween Yazidi ah,” ayay Golaha Sare ee cadaaladda ku sheegeen website-kooda. Xaaska hogaamiyaha la dilay ayaa xirtay haweenka Yazidi-ga ah oo “kadib ay afduubteen” dagaalyahanada Daacish ee ku sugan degmada Sinjar ee waqooyiga Ciraaq, ayay raacisay. Ilo-wareedyo garsoor ayaa ku sheegay magaceeda Asma Mohammed. Washington ayaa ku dhawaaqday bishii October 2019 in ciidamada Mareykanka ay ku dileen Baghdadi howlgal ka dhacay waqooyi-galbeed ee Suuriya, shan sano ka dib markii uu isku magacaabay “Khaliifka” guud ee Suuriya iyo Ciraaq. Intii lagu guda jiray muddo ay xoog ku qabsadeen waqooyiga Ciraaq 2014, Daacish ayaa waxay si gaar ah u doorteen Yazidi-ga aan Muslimka ahayn, iyagoo si qorsheysan u dilay kumanaan rag ah, dumarkana ku qasbay addoonsi galmo. Muddo dhowr sano ah, maxkamadaha Ciraaq waxay ridayeen boqolaal xukunno dil ah iyo sidoo kale xabsi daa’in iyadoo la raacayo xeerka ciqaabta ee xubinnimada “koox argagixiso”. Dadka lagu xukumay Ciraaq ayaa waxaa ka mid ahaa in ka badan 500 oo ajaanib ah rag iyo dumar isugu jira oo lagu helay inay ku biireen Daacish. Ciraaq ayaa bishii Febraayo ku dhawaaqday inay xaqiijisay “dib u soo celinta qoyska” Baghdadi, iyadoo ilo garsoor ay u sheegeen AFP in xaaska Baghdadi, “oo lagu xiray Turkey,” dib loo soo celiyay iyada iyo caruurteeda. Ku dhawaaqista ayaa ku soo beegantay xilli uu TV-ga laga leeyahay Sucuudiga ee Al Carabiya baahiyey wareysi uu la yeeshay “Xaaska Baghdadi”. Waxaa magaceeda lagu sheegay Asma Mohammed. Bishii November 2019, Turkiga ayaa sheegay in ay xireen xaaska Baghdadi, oo warbaahinta Turkiga ay ku sheegtay Asma Fawzi Mohammed Al-Qubaysi, bishii Juun 2018. VOA The post Xaaska hoggaamiyihii Daacish Abu Bakar Al-Baqdaadi oo dil lagu xukumay appeared first on Caasimada Online.
-
The Wiper party’s National Executive Committee (NEC) now wants Dadaab Member of Parliament Farah Maalim kicked out of the opposition-affiliated political outfit over inflammatory remarks he recently made against youthful Kenyan protesters in a video that has now gone viral and elicited anger online. In the undated video, Maalim, while speaking in the Somali dialect, said that if he were the President of Kenya, he would have “slaughtered 5,000 Gen Z protesters” during the recent wave of anti-Finance Bill 2024 demonstrations The Kalonzo Musyoka-led party, in a statement to newsrooms on Wednesday, distanced itself from the remarks made by the MP – who is also the deputy party leader – further calling for his removal from all Parliament committees. Regarding the conduct and statements attributed to Deputy Party Leader Farah Maalim, let it be known clearly that the Wiper Democratic Movement party distances and disassociates itself from these remarks,” read the statement. “They go against our guiding principles and values as a party. NEC’s decision is that Farah Maalim be de-whipped from all Committees in Parliament including the Speaker’s Panel. NEC also recommends expulsion from the Party to the National Delegates Convention (NDC) – the supreme organ of the party.” Maalim was also among other Wiper lawmakers censured for going against the party decision in the contentious Finance Bill, 2024 vote when it came on the floor of the House. “On the conduct of party members, first, we believe strongly in the fidelity of political parties, their mission, vision and identity. It is in the public domain that three of our members, namely, Farah Maalim – MP for Dadaab, Doris Donya Toto – Kisii Women Rep, John Okano Bwire – MP for Taveta and Abubakar Ahmed – Nominated MP, have repeatedly gone against the party position,” added the statement. “Their latest transgression was voting Yes and Abstaining – in the case of Donya – for the now withdrawn Finance Bill, 2024. The four received invitations to attend today’s NEC meeting. They all failed to attend nor have offered their apologies. Their cases have been referred to the Party’s Disciplinary Committee.” This comes after the National Cohesion and Integration Commission (NCIC) also summoned the MP to appear before it on Thursday to shed light on the controversial remarks. Source Citizen digital Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarunta wasaaradda gaashaandhigga iyo taliska ciidanka xoogga dalka kulammo kula qaatay hoggaanka wasaaradda iyo viidanka xoogga. Saraakiisha ayaa la wadaagay madaxweynaha warbixinihii ugu danbeeyey ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, gaar ahaan xoreynta deegaanno ka tirsan Jubbaland oo lagu guuleystay. Sidoo kale waxay soo bandhigeen sida ay uga go’an tahay ciidamada qalabka sida inay sii wadaan halganka dalka lagaga xoreyanyo kooxda Al-Shabaab, kaasi oo dhawaan geli doona wejigiisa labaad. Madaxweyne Xasan oo horraantii bishaan tegay furimaha hore ee dagaalka ayaa dib u bilaabay dhaq-dhaqaaqyo xooggan oo lagu dar-dargelinayo dagaalka, isaga oo xaqiijiyay sida dowladda ay u diyaarisay qalabka, gaadiidka, xarummaha ciidan iyo hubkii lagu dhammeystiri lahaa xoreynta dalka. Dhawaan ayaa filayaa inuu si rasmi ah u bilowdo wejiga labaad ee dagaalka oo dhowr jeer uu dib u dhac ku yimid, kaasi oo kooxda siisay nafis ay dib isugu soo abaabuli karaan, ayaga oo weeraro rogaal celin ku qaaday deegaano horey looga qabsaday. Wejiga koowaad ee dagaalka ayaa markii uu bilowday laga gaaray guullo wax ku ool ah, ayada oo ciidanka dowladda iyo shacabka hubeysan ay dagaal adag la galeen kooxda, iyaga oo ka xoreeyay deegaan iyo degmooyin muhiim ah. Wejiga xiga ee dagaalka ayaa la filayaa in kooxda looga sifeeyo deegaanada ay weli kooxda kaga harsan tahay maamulka HirShabelle iyo Galmudug, ayada oo loo gudbi doono maamullada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland oo kooxda weli ku xoogan tahay. The post Xasan Sheekh oo xarunta difaaca kulamo xasaasi ah kula qaatay hoggaanka ciidanka appeared first on Caasimada Online.