Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,301
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Deqa Yasin’s work promoting women’s rights in Somalia has led to significant successes, including an increase in the number of women in Parliament and the development of the Somali Women’s Charter. Source: Hiiraan Online
  2. Mogadishu (HOL) — Somali Federal Government forces stormed the Dab Damiska (Fire Brigade) neighbourhood in the Wadajir district of Mogadishu on Monday morning, initiating the demolition of houses and displacing many families in the area. Source: Hiiraan Online
  3. Somali President Hassan Sheikh Mohamud has received a personal message from Chinese President Xi Jinping, conveyed by Chargé d'Affaires Chen Wendi, inviting him to attend the upcoming China-Africa Summit in Beijing this autumn. This invitation underscores the strengthening diplomatic ties between Somalia and China, marking a significant moment in their bilateral relations. Source: Hiiraan Online
  4. A battle named “Checkpoint Pasta” might seem funny, considering it was fought by Italian troops, but there's nothing funny about being outnumbered and surrounded in Somalia. The story of the Italians who fought their way out of warlord Mohamed Farrah Aidid's complex ambush in July 1993 is one of incredible bravery and perseverance. Source: Hiiraan Online
  5. Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL, Mudane Cabdrisaaq Axmed Siciid ayaa tacsi u diray ehelada, qaraabada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan reer Puntland ee uu ka geeriyooday Ex-Xildhibaan Faarax Sulub Jaamac oo muddo dheer kamid ahaa Baarlamaanadii kala dambeeyey ee Dawladda Puntland soo maray gaar ahaan Baarlamaanadii 2aad, 3-aad, 4aad iyo 5aad. “Innaa Lilaahi wa innaa ilayhi raajicuun, anigoo ku hadlaya afka Golaha Wakiillada Dawladda Puntland waxaan halkaan tacsi tiiraanyo leh uga dirayaa Ehelada iyo qaraabada guud ahaan umadda Soomaaliyeed gaar ahaan reer Puntland ee uu ka baxay Xildhibaan hore Faarax Sulub Jaamac oo muddo dheer ka tirsanaa Baarlamaanadii kala dambeeyey ee Dawladda Puntland. Waxaan si gaar ah ALLE uga baryayaa inuu janadii Fardowsa ka waraabiyo marxuumka, ehelka iyo qaraabadana samir iyo iimaan ka siiyo” ayuu yiri Gudoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid. PUNTLAND POST The post Xildhibaan mudda dheer ka tirsanaa Baarlamaanka Puntland oo ku geeriyooday magaalada Laascaanood appeared first on Puntland Post.
  6. Weerar ay saraakiisha Ukraine ku tilmaameen kii ugu sheegeen mid ka mid ah kuwi ugu khasaaraha badnaa, ayaa la xaqiijiyay in ciidamada Ruushka ay ku bartil-maameedsadeen isbitaalka carruurta ee magaalada Kiyif ee caasimadda Ukraine. Madaafiicda lagu garaacay isbitaalka weyn ee carruurta ayay saraakiisha Ukraine sheegeen in lagu dilay ugu yaraan 41 qof oo rayid ah, weerarkaas oo noqday kii ugu waxyeellada badnaa oo muddo bila ah ay Ruushka ka geysato Ukraine. Waaliddiin xambaarsan carruurtooda oo kasoo baxay isbitaalka la duqeeyay ayaa lagu arkayay bannaanka isbitaalka iyaga oo ooyaya. Dad badan oo isugu soo baxay goobta ayaa caawinayay shaqaalaha isbitaalka. Madaxweyne Volodymyr Zelenskiy, oo diyaarad uu ku safrayay ku hakatay dalka Polland, ka hor inta uusan u soo dhaqaaqin magaaladan Washington D.C oo uu uga qeybgalayo shir madaxeedka NATO, ayaa tirada ku dhamashada ku sheegay 37 ruux oo ay saddex ka mid ah carruur yihiin. Laakin tiradi ugu danbeysay ee khasaaraha weerarkaas ayaa gaartay 41. Wuxuu kaloo sheegay in dhowr weerar oo uu Ruushka shalay ka fuliyay caasimadda lagu burburiyay in ka badan 100 guri. Wasaaradda gudaha Ukraine ayaa iyaduna xaqiijisay, in ciidanka Ruushka ay duqeyn ku la beegsadeen magaalooyin ku yaalla bartamaha iyo dhanka bari ee Ukraine. PUNTLAND POST The post Ruushka oo duqayn xooggan la beegsaday Isbitaalka Carruurta ee caasimadda Ukraine appeared first on Puntland Post.
  7. Hoggaamiyaha SSC-khaatumo Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali oo booqasho rasmi ah ku jooga Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa maanta kulan la qaatay Madaxweynaha Jabuuti. Qoraal ka soo baxay Maamulka SSC-khaatumo ayaa lagu sheegay in Hoggaamiye Cabdiqaadir Firdhiye uu Kulan la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle. Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay inHoggaamiye Firdhiye uu si weyn uga mahadceliyey Soo dhawaynta diirran ee shacabka iyo Dawladda Jabuuti ku soo dhaweeyeen weftiga Maamulka SSC-Khaatumo. Hoggaamiyaha ayaa Sidoo kale bogaadiyay Doorka Dowladda Jibuuti ee Dowlad dhiska Soomaaliya iyo guud ahaan iskaashiga amniga ee gobolka. Dhankiisa Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa bogaadiyey booqashada Hoggaamiyaha iyo weftigiisu ku yimaadeen Dalka Jabuuti, isagoona xusay in Jabuuti tahay dal iyo dowlad xarun u ah Soomaali oo laga jecelyahay dhammaan dadka Soomaliyeed. Hoggaamiyaha ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jibuuti uga warbixiyay Xaaladda Guud ee SSC-Khaatumo, nabadda iyo xasilloonida ka jirta deegaannada SSC-Khaatumo, maamul dhiska, iyo hiigsiga dhaw ee dibu dhiska kaabayaasha dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada. PUNTLAND POST The post Hoggaamiyaha Maamulka SSC-khaatumo oo Kulan la qaatay Madaxweynaha dalka Jabuuti appeared first on Puntland Post.
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa soo saaray 3 qodob oo lagu sixi karo qaladaadka iyo dhul boobka ay ku kaceyso dowladda uu hoggaamiyo Xasan Sheekh, isagoo si adag uga hadlay arrinta dhulka Dabdemiska oo maanta xoog looga saaray shacabkii deganaa. Xildhibaan CC Shakuur ayaa qoraalkaan ku sheegay in amarka madaxweynaha lagu geystay wixii maanta ka dhacay Seybiyaano iyo talaabadii todobaadyo ka hor lagu soo fagay qabuurihii Iskuul Buluusiya. “Danyarta shacabka ah ee maanta guryahoodii laga barakiciyey, iyo maytadii toddobaadyo ka hor xabaalaha laga soo faagay amar Madaxweyne ayey ku dhaceen,” ayuu yiri Xildhibaan CC Shakuur. Qoraalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa intaas ku sii daray, “Amarkiisa ayaa dhul dowladdu leedahay ganacsato looga iibiyey, waxaana lagu laalushay siyaasiyiin iyo xildhibaano.” Wuxuu sheegay in uusan jirin xeer loo cuskanayo ama sharci loo raacayo talaabooyinka uu Xasan Sheekh qaadayo ee ‘bixinta dhulka, barakicinta shacabka iyo faagidda qubuuraha.’ “Ma jiro garsoor madax-banaan oo amar maxkamad ku joojin kara go’aanka Madaxweynaha, mana jiro Baarlamaan la xisaabtami kara xukuumadda,” ayuu yiri CC Shakuur. Sidoo kale wuxuu farta ku fiiqay inay jiraan xubno shuraako la ah Madaxweynaha oo dhulka shacabka laga saaro laga iibiyo, la siiyo ama laga kireey, kuwaas oo sida uu sheegay isugu jira xubno (shirko la ah, taageersan, ama qaraabo la ah). Ugu dambeyntii Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa soo jeediyey in la helo 3 qodob, si loo buriyo tacadiyada uu sameynayo Xasan Sheekh, kuwaas oo kala ah: 1- Awood shacab iyo abaabul dadwayne oo lagu hor istaago 2- In la magacaabo, lana canbaareeyo ganacsatada, siyaasiyiinta iyo xildhibaanada shuraakada kula ah dulmiga iyo boobka hantida. 3- In la isku diyaariyo markii muddo xileedkiisa dhammaado, burinta go’aannadii sharci-darrada ahaa ee hantida qaranka lagu bixiyey. The post CC Shakuur: Waxaa jira xubno Xasan ‘dhul boobka’ shuraako kula ah ee 3 u diyaar garooba appeared first on Caasimada Online.
  9. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa la kulmay Ra’iisul Wasare ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Ciraaq Mudane Dr. Fu’aad Xuseen. Labada masuul ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga qotada dheer ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Ciraaq, sidoo kale waxaa kulanka diirradda lagu saaray iskaashiga dhinacyada amniga, waxbarashada, caafimaadka, dhaqaalaha, maalgashiga iyo horumarinta. Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa la wadaagay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Ciraaq, guulaha ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka gaartey xasillinta dalka, dib-u-dhiska hey’adaha amniga, kobcinta dhaqaalaha, la dagaallanka Argaggixisada iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha. Source: goobjoog.com
  10. Waaxda Kormeerka iyo Qiimeynta ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Hormarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta martigelisay Shirka Saddex-biloodlaha ah ee Guddi-hoossaadka Kormeerka iyo Qiimeynta ee Tiirka Horumarinta Arrimaha Bulshada oo ay kasoo qaybgaleen wasaaradaha iyo hay’adaha Federaalka ee hoos yimaada Tiirkan. Agaasimaha Waaxda Kormeerka iyo Qiimeynta ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka Mudane Maxamud Siciid Nuur ayaa ugu horeyntii faahfaahiyay muhiimadda shirka iyo shaqada ballaaran ee hortaalla Guddi-hoosaadka Kormeerka iyo Qiimaynta, isagoo tibaaxay sida guddi hoosaadkan uu muhiim ugu yahay lasocodka iyo qiimeynta qorshe-howleeedka hay’adaha ka shaqeeya dalka oo ay ku jiraan kuwa Qaramada Midoobay iyo kuwa caalamiga ah. Shirka waxaa si qotto-dheer loogu falanqeeyay sidii kormeer iyo qiimeyn joogta ah loogu samayn lahaa Qorshe Howleedka 2024 ee hay’addaha Dawladda, kuwa Qaramada Midoobay iyo kuwa caalamiga ah ee ka shaqeeya Horumarinta Arrimaha Bulshada, iyadoo intii uu socday shirka lagu soo bandhigay Qorshe Howleeedka hay’adaha qaramada midoobay ee 2024-ka, Nidaamka Danabaysan ee Kormeerka iyo Qiimeynta (e-NIMIS), Shaxda Xog-ururinta Waxqabadka Dowladda ee 2024-ka iyo Tix-raaca shaqo ee guddi-hoossaadka Tiirka Arrimaha Bulshada. Wasaaradaha iyo hay’adaha hoos yimaada Tiirka Arrimaha Bulshada ayaa kala ah: Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Wasaaradda Waxbarashada, Caafimaadka, Haweenka, Tamarta, Warfaafinta, Awqaafta iyo Arrimaha Diinta, Dhallinyarada iyo Cayaaraha iyo Hay,adda Maaraynta Musiibooyinka. Gabagabadii, waxaa hoosta laga xariiqay la-socodka iyo qiimeynta qorshaha hay,adaha QM iyo Hay’adaha Caalamiga ah ee 2024-ka si waafaqsan tilmaamayaasha iyo halbeegyada ku cad Siyaasadda Qaran ee kormeerka iyo Qiimeynta oo ay ansixiyeen Golaha Wasiirada Soomaaliya. Source: goobjoog.com
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS ee ka howlgala Soomaaliya ayaa sheegay in laba askari ay uga dhinteen, askar kalena ay uga dhaawacmeen qarax miino oo ka dhacay gobolka Shabeellada Hoose. Qaraxa oo loo adeegsaday miinada nooca rimuudka laga hago ayaa lala beegsaday kolonyo iskugu jirtay ciidamada Uganda iyo kuwa xoogga dalka Soomaaliya oo marayey jidka isku xira Muqdisho ilaa degmada Baraawe. Qaraxaas ayaa dhacay shalay, wuxuuna haleelay ciidanka ATMIS oo waxaba ma gaarin ciidanka xoogga dalka oo qeyb ka ahaa kolonyada ka timid Baraawe ee u socotay Muqdisho. War-saxaafadeed kasoo baxay taliska ATMIS ayaa lagu xaqiijiyey weerarkaas, waxaana lagu sheegay warkaan in dhaawacyadii la dhigay xarumo caafimaad oo ku yaalla Muqdisho. Qoraalka ATMIS laguma sheegin faahfaahinta askarta dhimatay iyo dalka ay ka soo jeedeen. Wakaaladda Wararka ee Reuters oo soo xiganaysa milatariga Uganda ayaa sheegtay in sarkaal ka tirsan milatariga Uganda uu ku jiro askarta dhimatay, halka 6 askari oo kale ay ku dhaawacmeen qaraxaas. Gaashaanle Patrick Opio Awany ayaa ku dhintay qaraxaas oo ka dhacay tuulada Ceel-Wareegow oo 70 KM Koonfur galbeed ka xigta caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, sida uu sheegay Ibrahim Kasule Sekitto, oo ah afhayeenka u hadlay UPDF. Afhayeanka u hadlay mikatariga Uganda ayaa weerarka ku eedeeyey inay gaysteen Khawaarijta Al-Shabaab, ciidanka la weerar ayaa laga soo bedelay Sh/Hoose, waxayna u socdeen Muqdisho. The post Askar iyo sarkaal muhiim ah oo ATMIS looga dilay weerar ay fulisay kooxda Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
  12. Jabuuti (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Maamulka KMG ah ee SSC Khaatumo Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) oo booqasho rasmi ah ku jooga Dalka Jabuuti ayaa maanta kulan la qaatay madaxda u saraysa Ururka Goboleedka IGAD. Madaxda IGAD ee Firdhiye uu maanta kula kulmay Jabuuti waxaa hoggaaminayey Xoghaye ku xigeenka sare ee IGAD Maxamed Cabdi Waare oo ah madaxweynihii hore ee HirShabeelle. Hoggaamiye Cabdulqaadir Firdhiye ayaa warbixin guud madaxda IGAD ka siiyey horumarka, nabadda, xasilloonida iyo dawlad-dhiska ka socda deegaanada Maamulka SSC-Khaatumo. Madaxda IGAD ayaa dhankooda Hoggaamiyaha kala hadlay sidii Geeska Afrika looga heli lahaa nabad waarta oo ku dhisan is qadarin iyo deris-wanaag. Sidoo kale xubnaha IGAD oo hadda daneynaya inay qaataan door dhex-dhexaadin ah, si nabad loogu soo dabaalo gobolka Geeska Afrika ayaa hoggaamiye Firdhiye ka wareystay ‘doorka uu ururka IGAD ka qaadan karo xal u helidda arrimaha geeska.’ Cabdulqaadir Firdhiye ayaa hoosta ka xarriiqay, una cadeeyey madaxda IGAD in shacabka iyo maamulka SSC-Khaatumo ay diyaar u yihiin ka shaqaynta nabadda iyo deris wanaagga. Sidoo kale hoggaamiye Firdhiye ayaa sheegay inay ka shaqey doonaan horumarinta adeegyada bulshada, ka qayb qaadashada dowlad-dhiska Soomaliya iyo sidoo kale nabad kula noolanshaha derisyada. Kulanka ayaa waxaa ku weheliyey Hoggaamiyaha xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo La-taliyayaasha sare ee Hoggaamiyaha SSC Khaatumo. The post Sawirro: Firdhiye oo qodobo xasaasi ah kala hadlay IGAD kadib kulan ka dhacay Jabuuti appeared first on Caasimada Online.
  13. Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan ururka 8-aad ee Guutada 18-aad ee Gor-gor, ururka 291aad Guutada 29aad ee daljir iyo Ciidamada deeganka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyey deegaano hoostaga degmada Buuloburde ee Gobolka Hiiran. Ciidankaan ayaa howlgalka ka fuliyay goob la sheegay iney isku aruursanayeen xubno ka tirsan Kooxda Al-Shabaab, sida lagu sheegay war ka soo baxay ciidanka, ciidanka ayaa ku baxay markii ay arkeen oo ay heleen xogta ay heleen. Howlgalka oo ay wadajir u hoggaaminayeen Abaanduuliyaha ururka 8-aad ee guutada 18-aad ee Gor-gor Naqiib Abdullaahi Xersi iyo Taliyaha Ururka 291aad Guutada 29aad ee Daljir G/le Cali Cadde, waxaa cagta lagu mariyay goobo ay ku sugnaayeen Alshabaab oo ku yaalay deegaanka Beero-yabaal oo hoostaga degmada Buulaburde ee gobolka Hiiraan. Source: goobjoog.com
  14. The Human Rights Centre condemns the arbitrary detention of Mohammed Abdirahman Eidle. Mr. Eidle was arrested on 03/05/2024 in Burco without a warrant and then transferred to Hargeisa Central Prison. Mr. Eidle has been held in different detention facilities since his transfer to Hargeisa. He is being held for a Facebook post criticizing the Somaliland government. Since his transfer, he has been seen by the prosecutor’s office but has not appeared before court, violating his constitutional rights. Article 27(2) stipulates that a person shall have the right to be brought before a court within 48 (Forty-eight) hours of his arrest, clearly violating his constitutional right to a free and fair due judicial process. Additionally, he suffered bodily injury and developed teeth issues due to being captured by the Somaliland Intelligence Agency in Burco and has not received medical attention, further exacerbating his injuries. The Human Rights Center urges Somaliland authorities to respect the rights of its citizens, uphold the laws of the country enshrined in the constitution, and honor them by granting citizens their due process and to receive medical care and attention as soon as possible. We reiterate the right to exercise freedom of expression in all forms and request for his immediate release without conditions. Yasmin Omar H. Mohamoud Chairperson of the Human Rights Center Hargeisa, Somaliland hrcsomaliland@gmail.com Twitter: @hrcsomaliland Qaran News
  15. Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jeneraal Dayax Cabdi Cabdulle ayaa gaaray degmada Al-Kowthar iyo deegaanka Daarunicma ee gobalka Shabeellaha Dhexe, waxaana halkaas ku soo dhaweeyey Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka iyo hoggaamiyaasha Ciidanka deegaanka ee macawiisleyda. Taliyaha ayaa khudbad dhiirigelin ah u jeediyay Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ee ku sugan aaga hore ee degmada Al-kowthar iyo deegaanka Daaru-nicma ee gobolka Sh/Dhexe. Sidoo kale Taliye Dayax Cabdi Cabdulle ayaa balanqaad uu ka siday madaxda sare ee Dalka la wadaagay dhiiranayaasha dhaxanta u taagan difaaca qaranka, waxaana uu u sheegay in cid kasta oo soo disha dhagarqabe Alshabaab ah la gudoonsii doono lacag dhan 5kun oo Doolar, halka loo qiimey doono agabka ay kasoo furtaan. Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Jeneraal Dayax Cabdi Cabdulle ayaa saraakiisha Ciidanka Xoogga iyo kuwa deegaanka kula dardaarmay in lasii laba jibaaro howlgalada ka dhanka ah Kooxda Alshabaab. Source: goobjoog.com
  16. Al-Kowthar (Caasimada Online) – Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa qof kasta oo soo dila xubin Al-Shabaab ah u balan qaaday in la gudoonsii doono lacag dhan 5 kun oo doolarka Mareykanka ah. Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jeneraal Dayax Cabdi Cabdulle oo maanta gaaray degmada Al-Kowthar iyo deegaanka Daarunicma ee gobalka Shabeellaha Dhexe, ayaa hadalkaan ku dhawaaqay. Saraakiil uu Taliye Dayax hoggaaminayo ayaa gaaray deegaanadaas, kuwaas oo kormeer iyo gudbinta awaamiir culus u tegay Sh/Dhexe, waxaana halkaas ku soo dhaweeyey Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka iyo hoggaamiyaasha Ciidanka deegaanka ee macawiisleyda. Taliyaha ayaa khudbad dhiirigelin ah u jeediyay Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ee ku sugan aaga hore ee degmada Al-kowthar iyo deegaanka Daaru-nicma ee gobolka Sh/Dhexe. Sidoo kale Taliye Dayax Cabdi Cabdulle ayaa balanqaad uu ka siday madaxda sare ee Dalka la wadaagay dhiiranayaasha dhaxanta u taagan difaaca qaranka. Taliye Dayax ayaa ciidanka u sheegay in qof kasta oo soo disha dhagarqabe Khawaarij ah la gudoonsii doono lacag dhan 5 kun oo Doolar. Sidoo kale wuxuu balan-qaaday in qofkii hub, gaadiid ama saanad kale kasoo furta Al-Shabaab ay dowladdu u qiimey doonto oo lacag loogu bedeli doono. Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Jeneraal Dayax Cabdi Cabdulle ayaa saraakiisha Ciidanka Xoogga iyo kuwa deegaanka kula dardaarmay in lasii laba jibaaro howlgalada ka dhanka ah Khawaarijta. The post Taliska Xoogga oo lacag dul-saaray madaxa xubin kasta oo Shabaab ah + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  17. Hoggaamiye Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali oo booqasho rasmiya ku jooga Dalka Jibuuti ayaa maanta kulan la qaatay Madaxda u sarraysa Ururka IGAD oo uu hoggaaminayey Xoghaye kuxigeenka Sare ee IGAD Mud. Maxamed Cabdi Waare. Hoggaamiyaha ayaa warbixin guud madaxda IGAD ka siiyey horumarka, Nabadda, Xasilloonida iyo Dawlad-dhiska Maamulka SSC-Khaatumo. Madaxda IGAD ayaa dhankooda Hoggaamiyaha kala hadlay sidii geeska Afrika looga heli lahaa nabad waarta oo ku dhisan is qaddarin iyo deris-wanaag, iyo doorka uu ururku ka qaadan karo xal u helidda arrimaha geeska. Hoggaamiyaha ayaa hoosta ka xarriiqay in Shacabka iyo Maamulka SSC-Khaatumo diyaar u yihiin ka shaqaynta iyo horumarinta adeegyada bulshada, ka qayb qaadashada dawlad-hiska Soomaliya iyo sidoo kale nabad kula noolanshaha derisyada. Kulanka ayaa waxaa ku weheliyey Hoggaamiyaha xubno ka tirsan Golaha Wasiirada iyo La taliyayaasha sare ee Hoggaamiyaha. PUNTLAND POST The post Hoggaamiyaha SSC-khaatumo oo shir la yeeshay Madax ka tirsan Urur Goboleedka IGAD appeared first on Puntland Post.
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Khilaaf cusub ayaa ka dhex qarxay wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha iyo xiriirrada ciyaaraha ee Soomaaliya kadib tallaabo ay qaaday wasaaradda. Khilaafkan ayaa salka ku haya go’aan cusub oo kasoo baxay wasaaradda, kaasi oo dhigaya in xiriirrada kala duwan ee ciyaaruhu la socod siiyaan wasaaradda diyaargarowga xulalka muddo sagaashan maalmood kahor ka qayb-galka tartamada kala duwan ee caalamka. Xiriirrada ayaa u arka inay u madax-banaan yihiin shaqadooda, halka wasaaradda ay midaasi diidan tahay, ayna rabto in korjoogteyn iyo hubin ku sameysay tallaabooyinka uu qaadayo xiriirka. Go’aannada uu ka horyimid xiriirka ayey wasaaradda ku sheegtay mid looga gol leeyahay sidii loo ilaalin lahaa tayada ciyaartoyda iyo macalimiinta ee matalaya xulalka kala duwan ee ciyaaraha. “Waxaa masuuliyad naga saaran tahay cidda calanka iyo magaca Soomaaliya matalaysa inaan ka warhayno oo aan ogaano, ma tahay ciddii ku haboonayd, cid u qalanta ma tahay, waxyaalahaas oo dhan ayaan ka eegeynaa,” ayuu yiri wasiirka ciyaaraha Maxamed Barre oo la hadlay BBC. Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in xiriirrada kala duwan ee ciyaaraha looga baahan yahay inay hannaan daah-furan u maraan qaadashada macalimiinta, ciyaartoyda iyo maamulka xullalka qaranka, iyadoo wasaaradda ku yeelanayso kaalin kor joogteyn. Xiriirradda ayaa horey dhowr jeer u sheegay in aanay waxba u diidaneyn wasaaradda, balse ay iyagu u madax-bannaan yihiin xulista ciyaartoyda iyo xulalka u baxaya ciyaaraha caalamiga ah iyo kuwa gobolleedba, midaasi oo ay ganafka ku dhufatay wasaaradda. Si kastaba, guul-darooyinkii u dambeeyay ee xulka qaranka iyo fadeexaddii sanadkii hore ka dhalatay gabadh loo xulay ciyaaraha oraddada ayaa buuq badan ka dhex abuurtay bulshada ciyaaraha xiiseysa ee gudaha dalka iyo dibadda. The post Xogta khilaaf horleh oo ka dhex qarxay wasaaradda ciyaaraha iyo xiriirrada appeared first on Caasimada Online.
  19. Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in laga yaabo in uu Turkiga ku casuumo dhiggiisa Suuriya Bashaar Al-Asad “waqti kasta”, taasi oo muujin karta in uu soo hagaagayo xiriirka labada dal ka dib in ka badan toban sano oo kala fogaansho ah. Arintan ayaa timid wax ku dhow todobaad kadib hadalkii Erdogan ee uu ku sheegay in aysan jirin wax ka hor istaagaya inuu xiriir dhex maro Ankara iyo Dimishiq, kadib xiisado xoogan oo tan iyo markii ay dalkaasi ka bilowdeen banaanbaxyo ka dhacay dalka Suuriya 13 sano ka hor,kuwaasi oo gaaray heerkii ugu sareeyay markii Turkiga uu dalbaday in meesha laga saaro Assad “si looga hortago dhiig daata.” Wakaalada Wararka Anadolu ayaa soo xiganeysa Erdogan Axadii, war saxaafadeedkiisa intii uu ku guda jiray socdaalkiisa Berlin, halkaasoo uu goob joog ka ahaa ciyaar dhexmartay xulka qaranka dalkiisa iyo dhiggooda Holland, taasoo qeyb ka ah tartanka kubadda cagta Yurub ee Euro 2024. “Waxaan casumaaddayada u fidin doonnaa Asad, martiqaadkan, waxaan rabnaa inaan dib u soo celinno xiriirka Turkiga iyo Suuriya sidii ay ahaan jireen markii hore,” ayuu Erdogan u sheegay Wariyaasha. bbcsomali Qaran News
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay madaxweynaha dalka Ciraaq, Mudane Cabdi-Ladiif Jamaal Rashiid. Ra’iisul Wasaaraha oo soo dhaweyn heer sare ah loogu sameeyay Qarsiga Baqdaad ayaa gaarsiiyey Madaxweyne Ladiif dhambaal iyo farriin uu uga siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh. Sidoo kale waxa uu ra’iisul wasaaraha la wadaagay madaxweynaha Ciraaq horumarka ay ku tallaabsadeen shacabka iyo dowladda Soomaaliya. Madaxweynaha Ciraaq ayaa soo dhaweeyay booqashada ra’iisul wasaaraha oo uu ku tilmaamay tallaabo wanaagsan oo lagu xoojinayo xiriirka labada dal, laguna ballaarinayo iskaashiga gaar ahaan dhanka amniga, diblumaasiyadda iyo deeqaha waxbarashada ee ardayda Soomaaliyeed ee Jaamacadaha Ciraaq. Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa dhankiisa xaqiijiyay in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta xiriirka labada dal ee dhinacyada kala duwan, si loo adkeeyo amniga, nabadda, iyo xasilloonida gobolka. Xamza oo maalmihii dambe ku sugnaa Ciraaq ayaa mudnaanta siinayey wada-tashiyada ku saabsan isdhaafsiga khibradda, dagaalka ka dhanka argagixisada iyo in Soomaaliya ay wax ka barato qaabkii dowladda Ciraaq uga adkaatay, ugana xoreysatay dalka kooxihii argagixisada ahaa. Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa safarkaan ku wehlinaya Taliyaha NISA, waxayna Soomaaliya ka baraneysaa Ciraaq duruus ku saabsan sida loo xaliyo marxaladaha ay ka siman yihiin labada dal, balse Ciraaq ay ka soo kabatay. The post Sawirro: Xamza oo wada-hadal xasaasi ah qasriga Baqdaad kula yeeshay Cabdi-Ladiif Rashiid appeared first on Caasimada Online.
  21. 450272793_1340729813510051_4822686109922193648_n Qaran News
  22. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan muhiim ah la qaatay Madaxweynaha dalka Ciraaq, Mudane Cabdi-Ladiif Jamaal Rashiid. Ra’iisul Wasaaraha oo soo dhaweyn heer sare ah loogu sameeyay Qarsiga Baqdaad, ayaa gaarsiiyey Madaxweyne Ladiif dhambaal iyo farriin uu uga siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh, isaga oo la wadaagay horumarka ay ku tallaabsadeen shacabka iyo dowladda Soomaaliya. Madaxweynaha Ciraaq Mudane Cabdiladiif Rashiid ayaa soo dhaweeyay booqashada Ra’iisul Wasaaraha oo uu ku tilmaamay tallaabo wanaagsan oo lagu xoojinayo xiriirka labada dal, laguna ballaarinayo iskaashiga gaar ahaan, dagaalka ka dhanka amniga, diblumaasiyadda iyo deeqaha waxbarashada ee ardayda Soomaaliyeed ee Jaamacadaha Ciraaq. Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa xaqiijiyay in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta xiriirka labada dal ee dhinacyada kala duwan, si loo adkeeyo amniga, nabadda, iyo xasilloonida gobolka. Source: goobjoog.com
  23. Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maamulka sare ee Xafiiska Xisaabiyaha Guud, Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Wasaaradda Maaliyadda iyo Golaha Shacabka ee JFS la wadaagay dulmar kooban oo ku saabsan natiijooyinka muhiimka ah ee ka soo baxay baarista Xafiiska Hantidhowrka Guud ee sannad-maaliyadeedka dhammaaday 31-da Diseembar 2023 ee dhawaan lala wadaagay hay’addahaas. Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS wuxuu mar walba u taaganyahay xaqiijinta isla-xisaabtanka iyo daah-furnaanta hannaanka maaraynta maaliyadda dalka iyo xal u helidda caqabadaha dhanka u hoggaansanaanta sharciga ee haysta hay’addaha dowladda, si sare loogu qaado hufnaanta waxqabadka hay’addaha iyo dowlad wanaagga. Hantidhowraha Guud Ahmed Isse Gutale ayaa Xafiisyadan iyo hay’addaha dowladda uga mahadceliyey kaalintii wanaagsanayad ee ay ka geysteen fulinta Baarista. Source: goobjoog.com
  24. A Ugandan military officer serving in Somalia was killed and six other soldiers were wounded when their convoy triggered a roadside bomb, Uganda's military said on Monday, blaming fighters from the Islamist group al Shabaab. Source: Hiiraan Online
  25. Mogadishu (HOL) - Somali President Hassan Sheikh Mohamud arrived in Asmara, Eritrea, on Monday for a working visit. Source: Hiiraan Online