-
Content Count
211,291 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa ku dhawaaqay in Wasaaradda ay dhaqangelisay hannaan casri oo suuragelinaya in Canshuurta iibka si casri ah loo qaadi doono. Wasiir Biixi ayaa sheegay in hannaankan cusub muddo lagu howlanaa oo ay Wasaaraddu diyaarinaysay, haddana la joogo xilligii si rasmi ah loogu guuri lahaa oo canshuuraha lagu qaadi lahaa, asagoo intaa ku daray in habkani uu dowladda awood u siinayo inay dhaqdhaqaaq kastoo wax kala iibsi ah oo electric ah la socato, waxna ay ka goosato. Sidoo kale wuxuu shirkadaha adeegyada maaliyadeed bixiya iyo ganacsada ka dalbaday inay Wasaaradda u fududeeyaan inay hannaanka cusub dhaqan-geliso oo ay howlawadeenada fulinta habkan ku gacan siiyaan. Qorshahan cusub ee uu wasiirku ku dhawaaqay ayaa suurtagelin doona in lacagaha iyo waxyaabaha online-ka lagu kala iibsado canshuur laga qaado, balse sida uu u dhaqan-geli doono ayaa isha lagu wada hayaa. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa maanta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay dhiggiisa Masar Badar Cabdulcaadi oo maanta Muqdisho u yimid daah-furka duulimaadka tooska ah ee diyaaradda Egypt Air. Wasiir Fiqi oo shir-jaraa’id qabtay ayaa faah-faahiyay muhiimadda ay tallaabadan u leedahay xoojinta xiriirka labada dal, isagoo xusay in bilaabista duullimaadyadan tooska ah ay qayb ka qaadanayso xoojinta iskaashiga dhaqaale iyo ganacsi ee Wadan. Wasiirka ayaa sidoo kale soo hadal qaaday doorka hormuudka ah ee Masar ay ka ciyaareyso taageeridda mowqifka dowladda Soomaaliya, isagoo carabka ku adkeeyay in Masar ay sii wadi doonto ka hortagga tallaabooyin kasta oo hoos u dhigaya madax-banaanida dalka. “Jamhuuriyadda Masar ayaa ku celisay mowqifkeeda diidmada xadgudubyada Itoobiya, kadib wadahadal toddobaadkii hore khadka taleefonka ku dhax-maray Madaxweynaha JFS Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa Masar, Abdel Fattah El-Sisi.” ayuu yiri wasiir Fiqi. Masar ayaa sanado badan saaxiib la aheyd Soomaaliya, laakiin waxay ku jirtay dowladihii ay xiriirkooda hoos iska dhigtay xukuumadii Farmaajo, balse dowladda Xasan ayaa ku soo celisay booskeedii saaxiibka dhow, taas oo dhashay in Egypt Air ay timaado Muqdisho. Duulimaadka tooska ah ee diyaaradda Egypt Air ee la daah-furay ayaa ka dhigan tallaabo weyn oo loo qaaday dhanka sare u qaadida iskaashiga dhaqaale ee labada dal, taasi oo ka tarjumaysa himilooyinka guud ee labada shacab ee walaalaha ah. Si kastaba, Soomaaliya ayaa waxaa bilihii u dambeeyay kusoo xirmayay duulimaadyo caalami ah oo hadda yimaada garoonka Aadan Cadde, kuna sii xira dalalka kale ee caalamka. The post Sawirro: Duulimaadka tooska ah ee Egypt Air oo si rasmi ah looga daah-furay Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Supermarket to close thousands of stores early for Euro 2024 final as England takes on Spain A major supermarket will close its Express stores in England early on Sunday for the Euro 2024 final following the Three Lions win in their semi-final against the Netherlands on Wednesday. Earlier, the UK’s biggest grocer Tesco said its more than 1,800 Express stores will close at 7.30pm instead of the usual 10pm or 11pm to allow employees to watch a final involving England. Tesco said the move would allow thousands of colleagues to get home or to the pub in time for kick-off, while still receiving their normal pay for those hours. Those employees who do not want to watch the match will be also paid as normal. After having beaten the Netherlands on Wednesday, England will face Spain in Berlin at 8pm on Sunday for a chance to become the first England men’s team to win a major tournament since the 1966 World Cup. Because the match falls on a Sunday, the retailer’s larger stores in England will already be closed by the time the match kicks off. All stores would then reopen as normal the following morning, with the majority from 6am or 7am. Tesco reassured customers that stores would still be open as normal during the daytime on Sunday, so they could stock up on any essential pre-match supplies. All online orders already placed for Sunday evening will be honoured and delivered as normal. Stores in Wales, Scotland and Northern Ireland would continue to remain open in line with their usual hours. So, if we make it through to the final, we will close our stores across England in time for them to get behind Gareth Southgate and the team, and we’ll all be hoping that football will be coming home England will take on Spain in the Euro 2024 final in Berlin, thanks to a last-minute goal by substitute Ollie Watkins that secured their victory over the Netherlands. Source The independent Qaran News
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland oo qasriga madaxtooyada ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayey safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Amb. Richard H. Riley ayaa wuxuu u gudbiyay dood yaab leh oo la xiriirta heshiiska badda ee Somaliland iyo Itoobiya. Sida ay baahisay Madaxtooyadda Somaliland, Muuse Biixi ayaa safiirka Mareykanka la wadaagay in heshiiska Itoobiya uu gaar u yahay iyaga iyo Itoobiyaanka, islamarkaana uusan wax dhibaato ah u laheyn dalal deriska iyo caalamkaba. “Madaxweynaha waxa uu safiirka u sheegay in heshiiska uu soo kordhin doono iskaashi dhaqaale, mid amni iyo isu-socodka ganacsiga, taasina ay xoojin doonto dadaaladii hore loogu jiray horumarka gobolka,” ayaa lagu yiri qoraalka Madaxtooyadda Somaliland kasoo saartay kulanka safiirka Mareykanka iyo madaxweyne Biixi. Biixi ayaa meesha ka saaray dood uu sheegay inay Muqdisho iibgeynayso oo ah “in heshiiska is-afgarad ee Somaliland iyo Itoobiya uu bixinayo fursad ay kusii xoogeysato Al-Shabaab.” “Midaasi xaqiiqo maaha, waxaanu ka leenahay marka uu hirgalo waxa xoogaysanaya iskaashiga amni. Somaliland cidkasta iskaashi iyo nabad-gelyo ayey diyaar ula tahay, waxaanay u halgamaysaa qarannimada uu u ogolyahay axdiga Afrika ee qeexaya inay dowladaha afrika ee xornimada ka qaatay isticmaarkii ay ku eekaanayaan xuduudihii isticmaarka,” ayuu yiri Biixi, sida ay baahisay Madaxtooyadda Somaliland. Doodda Biixi oo u muuqata mid boor isku qaris ah, kana dabacsan sida Madaxtooyadda u gudbisay ayaa waxba ka goyn doonin mowqifka Mareykanka uu ka qaatay heshiiska badda, maadaama ay Washington horey u caddeysay inay aqoonsan tahay madax-banaanida, midnimada dowladda federaalka Soomaaliya, oo ay ka mid tahay Somaliland. Si kastaba, Mowduuca u weyn ee kulanka safiirka Mareykanka iyo Muuse Biixi ayaa sida la fahamsan yahay ahaa arrimaha doorashooyinka iyo khilaafaadka soo noq-noqday ee la xiriira, taasi oo loo ballansan yahay inay Somaliland ka dhacdo bisha November ee sanadkaan. The post Somaliland oo dood yaab leh oo heshiiska badda u gudbisay Mareykanka appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (PP Comment) — A question with which legal philosophers and geopolitical experts grapple to understand the secession movement in Northern Somalia is: To what extent does inattention to the facts about how pre-1991 successive Somali governments retrospectively honoured Protectorate Agreements, which Somali clans signed with the British Empire at the turn of the nineteenth century, expose the vacuity of the secessionist claims? When the North and South united in 1960 to create the Republic of Somalia, the argument to grant Somali citizenship to any person from Somali-inhabited territories in Ethiopia was enthusiastically defended by Northerners. Northern politicians felt the pain of betrayal after Britain violated the Protectorate Agreements with Somali clans by allowing Ethiopia to annex Somali-inhabited territories. In a stroke of the pen, Somali nomads in the Haud and Reserve Area were forced to swap their British subject identity for an Ethiopian subject (colonised) identity. In 1959, Mohamed Ibrahim Egal, then the Chairman of the Somali National League, wrote to the President of Ghana to ask him to persuade Emperor Haile Selassie to stop killing Somalis in the annexed territories, where Ethiopian forces had killed many Somalis accused of harbouring nationalist sentiments. The diehard secessionists in Hargeisa advocate the inviolability of colonial borders to break up Somalia, but they forget that the African Union Charter cannot be applied twice against Somalia — once when Somalia was accused of violating the sovereignty of Ethiopia, and again when Ethiopia violated the sovereignty of the Federal Republic of Somalia in an attempt to annex a Somali coastal district. The former Soviet Union and its allies defended Ethiopia’s sovereignty in 1977. Doesn’t Somalia have a similar right to have its sovereignty protected by its allies if Ethiopia attempts to violate Somalia’s sovereignty? The Federal Government of Somalia has designated secession as a national security threat. This decision has wider implications for Somalia-Somaliland talks. The Somaliland Administration opted to allow Ethiopia to lease a coastal district in northern Somalia. Ethiopia claims it intends to build a naval base there in line with an illegal Memorandum of Understanding signed by Prime Minister Abiy Ahmed of Ethiopia and President Muse Bihi Abdi of the Somaliland Administration in January 2024. The President of the Somali region of Ethiopia, Mustafe Omer, claimed that the illegal maritime Memorandum of Understanding would reduce Ethiopia’s dependency on other ports. By signing an illegal maritime Memorandum of Understanding with Ethiopia, the Somaliland Administration violated the informal code of conduct that has guided Somalia-Somaliland talks since 2012. The paths taken by Eritrea and South Sudan to secede from Ethiopia and Sudan in 1993 and 2011, respectively, respected the process. In the case of the Somaliland Administration, the decision to collude with Ethiopia to violate the sovereignty of the Federal Government of Somalia indicates that secessionists in northern Somalia are neither guided by a sense of history nor respect for international norms. Somalia respects international norms governing the sovereignty of nations. Ethiopia interpreted Somalia’s favourable stance on the Grand Ethiopian Renaissance Dam and the defence pact signed in December 2023 by the Somali Defence Minister with his Ethiopian counterpart as signs of weakness. In February 2023, when Essa Keyd, the Foreign Minister of the Somaliland Administration, claimed that his administration was a buffer zone for Ethiopia, the Federal Government of Somalia did not rebut his claims. In 2007, when the Ethiopian forces invaded Somalia, Abdirahman Yusuf Artan wrote that Ethiopia would not support three Somali-dominated sovereign states in the Horn of Africa. Both the Federal Government of Somalia and the Somaliland Administration made strategic miscalculations by signing agreements with the Ethiopian government, which is at war with its people in the Amhara region after the end of the Tigray War (2020-2022). The Horn of Africa is teetering on the brink of preventable proxy wars. Somalis wonder if the sovereignty of their country could be as dispensable as the Protectorate Agreements that Somali clans signed with the British Empire more than 130 years ago. © Puntland Post, 2024 The post The Secession Movement in Northern Somalia Cannot Invoke Protectorate Agreements with the British Empire appeared first on Puntland Post.
-
Luuq (Caasimada Online) – Madaxweyne ku-xgeenka koowaad ee dowlad-goboleedka Jubaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa maanta kormeer ku tagay suuqa weyn ee degmada Luuq ee gobolka Gedo. Suuqan ayaa ku gubtay rabshadahii maalmahii lasoo dhaafay ka jiray degmada Luuq, kadib markii laba maleeshiyo beeleed ay isku fara saareen gudaha degmadaasi. Waxaa madaxweyne ku-xigeenka kormeerka ku wehlinayay xubno ka tirsan golayaasha kala duwan ee heer dederaal iyo heer Jubbaland iyo taliyaha qeybta saddexaad ee howl-galka ATMIS. Dhinacyada colaadda u dhaxeysay ee ku dagaalamay degmada ayaa la faray inay qaataan xabad-joojin bilaa shuruud, ayna oo dhinacyada u diyaar garoobaan wada-xaajood lagu xalinayo mushkiladii dhacday. “Waa in laga fogaado wax kasta oo carqaladeynaya nabadda degaanka, sida wada-hadallada socda sida kicinta bulshada,” ayaa lagu yiri qodobo kasoo baxay guddiga loo igmaday xal ka gaarista colaaddan, si xal nabadeed looga gaaro dagaalka. Sidoo kale oo lagu yiri go’aannada guddiga kasoo baxay “In dhinacyada ku sugan Magaalada ay badbaadiyaan hantida dadka barakacay, iyada oo qofna aan dhib loogu geysan Karin heybtiisa.” Guddiga ayaa ugu dambeyntiina ku baaqay in guud ahaan shacabka degmada Luuq ay ka wada qeyb qaataan nabadda, islamarkaana dadkii barakacay ay dib ugu soo laabtaan guryahooda. The post Sayid oo indhaha soo saaray suuqii weyna ee ku gubtay dagaalkii LUUQ + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
Somaliland main opposition party WADDANI party and KAAH political organization today officially set up a political coalition that will guide them towards the November 13 presidential elections. The coalition agreement reached in Somaliland capital Hargeisa came upon after days of discussion between leaders of the two political outfits. A technical committee will be set between the two sides to set path for a campaign process in support for one presidential candidate to challenge the incumbent Muse Bihi of the Kulmiye party. A prominent member of the WADDANI campaign team Dr Mohamed Abdillahi Omar said early Thursday morning; ‘This morning we have a success that the political coalition between Wadani Party and Kaah organization about the issues of presidential elections that are facing us. He added; ‘I hope that the country’s coalition will lead to change (CHANGE) or rescue will be appreciated Inshallah. Dr Mohamed Abdillahi Omar He said an opposition alliance will be created as a result of the people’s feelings and the will of the nation. The coalition is a big statement for the Somaliland opposition ahead of the elections. On Thursday morning, the first session of the announcement of the political alliance between the Wadani party and the Kaah political organization, which is the most supportive organizations, led by Mohamud Hashi, who has held various ministerial positions in the previous governments, is the founder of the Kulmiye party. In the first meeting, the two sides agreed to set up two technical committees representing both sides to work on this agreement and prepare a big event to publicize the alliance. The committee will begin its work on Saturday. Presidential candidate Abdirahman Irro who made a speech at the scene said, “This cooperation will save the people from anything that delays the election.” Earlier in his campaign trail, WADDANI Presidential candidate Abdirahman Irro said “I thank the electoral committee for clarifying to the people that the election will take place 13 Nov 2024, get ready for it people.” ‘The Somaliland people who want change and the party of Waddani will unite so that change will happen in our country and vote for peace and development. The first coalition will be between Waddani and Kaah soon,’ added Irro SL Reporter Qaran News
-
Mogadishu (HOL) — Somali President Hassan Sheikh Mohamud has declared that severe penalties will be imposed on anyone who communicates with a member of Al-Shabaab, even if they are relatives. The President stressed that interacting with Al-Shabaab members is a crime and warned the Somali people against such actions. Source: Hiiraan Online
-
NAIROBI, Kenya (HOL) — Farah Maalim, the Member of Parliament for Dadaab, has been de-whipped from the Wiper Democratic Movement following his controversial remarks about the handling of Gen Z protesters. The National Cohesion and Integration Commission (NCIC) summoned Maalim to address his statements, which have sparked widespread public outcry. Source: Hiiraan Online
-
Mas’uuliyiinta dalka Niger ayaa ku dhawaaqay Bandow lagu soo rogay gobolka Tillaberi oo ah mid ay ka jirto xaalad kacsanaan ah kadib markii maxaabiis dhowr ah ay ka baxsadeen xabsi ay ku xirnaayeen dad badan oo ka tirsan kooxaha Islaamiyiinta ah. Dhacdadan ayaa Khamiistii ka dhacday xabsiga Koutoukale oo ku yaal meel 50 kilomitir waqooyi galbeed ka xigta caasimadda Niamey, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha gudaha. Labo isku day oo kale oo lagu doonayay in xabsi looga baxsado 2016 iyo 2019 ayaa waxaa fashiliyay saraakiisha ammaanka. Ciidamada qalabka sida ee dalka Niger ayaa waxaa ka awood batay weerarada kooxaha jihaad-doonka ah ee galbeedka si ay u difaacaan maamulkii militariga ee xukunka kula wareegay afgambi sanadkii hore. PUNTLAND POST The post Xiisad ka taagan gobol ka tirsan dalka Niger appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ku metela maamulka Koonfur Galbeed waxay badi u codeeyeen afar cutub oo kamid ah dastuurka lagu muransan yahay ee Soomaaliya. Codeyntooda waxaa ku xirnaa shardi, mar ay diideen sida uu Xasan Sheekh u wado dastuurka, laakiin waa lala fariistay iyaguna shardi ayey ku xireen ansixinta, kaas oo ahaa in la siiyo ra’iisul wasaare ku-xigeen labaad. Meel marqaati leh ayaana la sheegay inuu madaxweynaha taas kaga ballan-qaaday, sidaas ayeyna ugu coddeeyeen afartii cutub ee ugu horreysay dastuurka oo illaa maanta la aaminsan yahay inuu madaxweyne Xasan Sheekh dantiisa ku saleeyay, balse uusan danta qaranka ku saleynin. Haddaba, aaway ballantii ra’iisul wasaare ku-xigeenka? Asbuucan waxaa guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe u tegay xayn kamid ah xildhibaannada kasoo jeeda Koonfur Galbeed, waxayna u sheegeen inay dhowr billood sugayeen in la oofiyo ballantii aheyd in la sameeyo ra’iisul wasaare ku-xigeenka labaad ee dalka, kadibna la siiyo qof kasoo jeeda Koonfur Galbeed. Sidoo kale waxay weydiiyeen Aadan Madoobe waxa uu madaxweynaha ka hayo, isaguna waxa uu sheegay in uusan fulinta ballantaas gacan ku haynin, kadibna xildhibaannadu waxaa la sheegay inay arrintaas ka caroodeen. Xildhibaannadan waxay u muuqdaan in lagu gaaray halkii loo baahna oo aan hadda dan badan laga laheyn. Dastuurka Soomaaliya waxaa ku qoran inuu dalka leeyahay ra’iisul wasaare ku-xigeenno, sidaas awgeed waxaa la magacaabi karaa hal, labo illaa saddex ra’iisul wasaare ku-xigeen. Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu markii koowaad tallada yimid 2012, iyada oo reer Koonfur Galbeed haystaan ra’iisul wasaare ku-xigeenka labaad, laakiin Xasan Sheekh waa joojiyay kursigii ra’iisul wasaare ku-xigeenka labaad iyo kii saddexaad oo waa isagii 2012 qaatay siyaasaddii tobanka wasiir iyo hal ra’iisul wasaare ku-xigeen. Tobankii wasiir wax waa ku wadi waayey Xasan Sheekh oo shan iyo labaatankii wasiir ayuu u laabtay, laakiin ra’iisul wasaare ku-xigeenkii labaad ee reer Koonfur Galbeed haysan jireen sooma celin. Ballanta cusub ee uu dhawaan la galay xildhibaannada Koonfur Galbeed ee lagu ansixiyay afartii cutub ee ugu horreysay dastuurka weli lama fulin, waana la isku haystaa. Waxaa la isku ogaa in bil gudaheed lagu magacaabo ra’iisul wasaare ku-xigeen labaad oo kasoo jeed Koonfur Galbeed, iyaguna ay madaxweyne Xasan Sheekh la ansixiyaan afarta cutub ee dastuurka ee uu madaxweynaha dantiisa gaarka ah uga dhex jeeday. Xildhibaannada ballantoodii waa kasoo baxeen, laakiin illaa hadda ma hayaan ballantii iyaga laga qaaday. Waxaa la sheegayaa inay hadda xildhibaannada kasoo jeeda Koonfur Galbeed si weyn u gadoodsan yihiin, Sheekh Aadan Madoobe waa ku adag tahay inuu Xasan Sheekh kasoo qaado ra’iisul wasaare ku-xigeenkii. Culeyska dhinaca kale ka jira ee mowduucan la xiriira waa in xildhibaannada reer Waqooyiga diidan yihiin in la sameeyo ra’iisul wasaare ku-xigeen labaad, iyaga oo aaminsan inuu kursigooda ra’iisul wasaare ku-xigeenka koowaad uu daciifin doono. Laakiin dhinaca reer Koonfur Galbeed waxay ku doodayaan in markii reer Waqooyiga la siinayay ra’iisul wasaare ku-xigeenka koowaad in uusan jirin aqal sare balse ay hadda haystaan guddoomiyaha aqalka sare, taas oo macnaheedu tahay in ra’iisul wasaare ku-xigeenka koowaad la dhaafin karo reer Waqooyiga. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud hadda ayey kusoo butaacayaan dhamaan ballamaddii uu qaaday xilligii u ololeynayey meel-marinta afartii cutub ee ugu horreysay dastuurka. Fulintii ballamahaasina waa looga fadhiyaa, qofka madaxda ahna waxaa u sharaf badan inuu fuliyo wixii uu ballan-qaaday. The post Xasan Sheekh oo wajahaya culeys horleh iyo xildhibaannada Koonfur Galbeed oo… appeared first on Caasimada Online.
-
Tehran (Caasimada Online) – Maxkamad ku taalla Iran ayaa ku amartay Mareykanka inuu bixiyo ku dhawaad 6.8 bilyan oo dollar oo ah magdhowga saameynta ay cunaqabateynta Washington ku yeelatay bukaannada qaba cudurrada maqaarka ee dhifka ah, waxaas sidaas sheegtay waaxda garsoorka. Madaxweyne Donald Trump ayaa sanadkii 2018 si keligiis ah Mareykanka uga saaray heshiiskii Nukliyeerka ee u dhaxeeyay Iran iyo quwado badan oo caalami ah. Waxa uu dib u soo rogay cunaqabatayn dhaqaale oo lagu qaaday heshiiska. Tallaabooyinka Washington “waxay bukaannadan u diideen dawooyin iyo boomaato”, taasi oo keentay “dhimashada ilaa 20 qof,”, ayuu lagu qoray website-ka waaxda garsoorka Iran ee Mizan Online. Maxkamadeynta ayaa billaabatay November 2021, markii 295 dacwoodeyaal, oo ay ku jiraan bukaanno, ay 30 sarkaal oo Mareykan ah maxkamadda ku dacweeyeen ayaga oo ku eedeeyey “inay ka qaybqaateen soo-rogista cunaqabateynta,” ayuu yiri Mizan. Waxay gudbiyeen kiiska ka dib markii khubaro madax-bannaan oo Qaramada Midoobay ah ay bishii October 2021 tusaale ugu soo qaateen saameynta tallaabooyinka Mareykanka ay ku yeesheen bukaannada cudurka maqaarka ee epidermolysis bullosa. Washington ayaa cunaqabataynteeda ka reebtay badeecooyinka bani’aadannimo, gaar ahaan daawooyinka iyo qalabka caafimaadka. Hase yeeshee iibsashada caalamiga ah ee sahayda noocan oo kale ah waxaa hor istaagay bankiyada oo ka walaacsan in ay ganacsi la sameeyaan Iran. Khubarada Qaramada Midoobay ayaa soo xigtay kiiska shirkad Swedish ah oo joojisay iibinta faashadda gaarka ah ee macmiilkeeda Iran. Faashadaha noocan oo kale ah waxay gargaar muhiim ah siiyaan bukaanada qaba cudurka bullosa epidermolysis. Bishii Maarso, Mizan ayaa soo wariyay in garsoorka Iran uu amar ku bixiyay in lala wareego saliid Mareykan ah oo qiimaheedu ka badan yahay 50 milyan oo dollar oo saarnaa markab la qabtay 2023-kii. Waxa ay sheegtay in qabsashadani ay aargoosi u ahayd “cunaqabataynta dalalka reer galbeedka, gaar ahaan Maraykanka, taasi oo hor-istaagtay iibinta dawooyinka loo baahan yahay bukaannada xanuunka epidermolysis bullosa.” The post IRAN oo Mareykanka ka dooneysa $6.8 bilyan oo magdhow ah kadib markii… appeared first on Caasimada Online.
-
Warbaahinta dunida ayaa si wayn u hadal haysa khalad uu galay madaxweynaha Mareykanka Joe Biden xilli uu masuul kale ku soo dhoweynayay madasha hadalka ee shir saxaafadeed lagu soo gunaanadayay xuska sanad guurada 75-aad ee Ururka gaashaan buurta NATO, kaas oo lagu qabtay magaalada Washington. Madaxweynaha oo doonayay inuu cod baahiyaha ku wareejiyo dhiggiisa dalka Ukraine Vladimir Zelensky, wuxuu yiri “haddana waxaan ku soo dhoweynayaa madaxweyne Putin”, oo ah magaca hoggaamiyaha Ruushka ee ay Ukraine colaadda ba’ane kala dhexayso, balse wax yar ka dib hadalkiisa saxay oo yiri” ooh putin waa midka weyn, ee waxaan soo dhoweynayay Zelensky”. Arrintan oo fadeexad lagu tilmaamay ayay si weyn u falanqeynaysaa warbaahinta caalamku, waxayna dhacdadani ku soo beegantay ayadoo uu jiro olole ka dhan ah dib u doorashadiisa, asagoo weynaan iyo gabow lagu durayo. Madaxweyne Joe Biden oo hadda 81 sano jir ah ayaa u xusul duubaya in marka uu hoggaaminayo dalka dunida ugu awoodda badan militari ahaan iyo dhaqaale ahaanba ee Mareykanka, balse waxaa shaki la gelinayaa kartisii uu 4 sanoo dambe wax ku sii maamuli karo, maadaama uu aad u da’ weynyahay. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Diyaaradda Masar ee Egypt Air ayaa maanta bilaabaysa duulimaadkeedii ugu horeeyey ee Soomaaliya, iyada oo duulimaad toos ah ka bilaabi doonto garoonka diyaaradaha Aadan Cadde. Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha dibadda ee Masar ayaa safar ku iman doona magaalada Muqdisho, iyada sidoo kale usii gudbi doonao Jabuuti oo ay kaga qayb-geli doonaan daah-furka duulimaad ay diyaaradda Masar ka samayn doono dalalkaasi. Daah-furka duulimaadka shirkadda Masaarida ka bilaabayso Qaahir, Muqdisho iyo Jabuuti ayaa waxaa xigi doona kulamo lagu xoojinayo xiriirka ay Masaarida la yeelanayaan dalalkaan dhaca Geeska Africa. Sida ay horey u shaacisay Egypt Air, todobaad kasta laba maalmood ayay diyaaradahooda kasoo duuli doonaan Qaahira, iyaga soo gaarayo Muqdisho, kadibna kusii hakanaya Jabuuti. Dowladaha Soomaaliya iyo Masar ayaa si weyn iskugu soo dhawaanaya kadib markii madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu booqday Qaahira, halkaasi oo uu wada-hadallo kula soo yeeshay dhiggiisa Cabdifataax al-Sisi. Masar ayaa sanado badan saaxiib la aheyd Soomaaliya, laakiin waxay ku jirtay dowladihii ay xiriirkooda hoos iska dhigtay xukuumadii Farmaajo, balse dowladda Xasan ayaa ku soo celisay booskeedii saaxiibka dhow, taas oo dhashay duulimaadka tooska ah ee diyaaradeedu ka bilaabeyso Muqdisho. Si kastaba, Soomaaliya ayaa waxaa bilihii u dambeeyay kusoo xirmayay duulimaadyo caalami ah oo hadda yimaada garoonka Aadan Cadde, kuna sii xira dalalka kale ee caalamka. The post Egypt Air oo maanta bilaabaysa duulimaadkii ugu horreeyey ee Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo markii uu soo baxay wareysiga La-taliyihii hore amniga qaranka ee madaxweynihii hore ee Farmaajo, kaas oo soo jeediyay tallada dalka loo galiyo kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa ka dhalatay dood xooggan. Gudddoomiye ku-xigeenkii hore ee amniga iyo siyaasadda ee gobolka Banaadir, Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare) oo qoraal kasoo saaray hadalka Cabdisaciid oo xukunkii Farmaajo si weyn ugu dhawaa madaxweynaha ayaa sheegay inay tani dhaawac weyn ku tahay hanka dib u doorasho ee Farmaajo. Cali Yare ayaa sheegay in Farmaajo uu ninkaan ka dhigtay gacantiisa koowaad, balse uu god ku hubsaday maanta hoggaamiyaha N&N oo uu sheegay inuu u afduuban yahay cid gaar ah. Hoos ka aqriso qoraalka Cali Yare Madaxweyne hore Farmaajo wuxuu Cabdi Saciid ka dhigtay gacantiisa koowaad waxeeyna isla gaareen heer uu udhiibto saddexda kursi ee loo yaqaanno “aaminaadda ugu sarreeysa ee madaxweynaha”. • Agaasimaha madaxtooyada • La-taliyaha amniga qaranka • Wasiirka arrimaha dibadda Hadana waa qofka gacantiisa koowaad ah aniga ogaalkeey. Cabdi-Saciid wuxuu maanta banaanka la yimid taageeradiisa lixaadda leh, aan qarsooneeyn, uun ku faanayo taageeradiisa kooxda soomaalida iyo duniduba argagixisada u taqaanno ee dadkeennii xasuuqday. Laga soo billaabo Juun 2006 markii kooxda Al-Shabaab la aas-aasay xisbiga Nabad iyo Nolol garabka Daacishteenna ayaa noqonayo garabka kali ah ee siyaasadeed, ee soomaali ah, oo ummada Soomaaliyeed horteeda ku sheegta, una bareera, taageeradooda kooxda Khawaarijta ah ee Alshabaab. Nabad iyo Nolol garabka Asal ah iyo abuurkii xisbiga ah wuxuu hadalka kooxda garabka Daacish u arkaa mid ka turjumaya cadownimo guun ah ee uurkooda ku daxaleeysatay kaas oo ahaa midkii aan uga digeeynay inaanu ku qatalmin hoggaamiyaha xisbiga ee hadda afduuban. Cabdi-Saciid wuxuu maanta Farmaajo ka saaray siyaasaddii dalka iyo hankiisii soo laabashada talada dalka. The post Dhaawac weyn oo gaaray hanka soo laabasho ee Farmaajo – Maxaa dhacay? appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (HOL) — A fierce battle broke on Thursday evening in Qaamqaam, near the southern port city of Kismayo, between the government and Jubbaland forces and Al-Shabaab fighters. The clash, which lasted nearly an hour, resulted in casualties, though the exact numbers remain unconfirmed. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay Munaasbad lagu abaal-marinayay Saraakiisha Ciidamada Ammaanka iyo Howl-wadeenada Wasaaradda Waxbarashada ee doorka muhiimka ah ka qaatay qabsoomidda Imxitaanka Qaran ee dugsiyada sare ee dalka. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goobta ka jeediyay khudbad uu kaga hadlaayay horumarada ay gaartay dowladda Soomaaliya ee dhanka Ammaanka Caasimadda, degmooyinka laga xoreeyay Shabaab iyo dhismaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Waxaa uu sheegay in dhammaan degmooyinka laga qabsaday shabaab wali ay ku jiraan gacanta dowladda oo laga ilaaliyay in dib looga soo baxo si ururka Shabaab ay si dib ugu qabsadaan. Madaxweynaha ayaa mamnuucay in wax xiriir ah lala sameeyo xubnaha ku jira gacanta Shabaab. Wuxuu sheegay in qof lagu helo tilaabo laga qaadi doono. “Ma wici kartid oo kuma soo wici karo qofka Ehelkaaga ah ee Argagixisada ah,Kii la macaamila Akoon u fura,Saacida ama qariya ha ogaado waa Dambiile” ayuu yiri Madaxweyne Xasan. Hadalka Madaxweynaha ayaa yimid xilli dowladda Soomaaliya ay dagaal adag kula jirto kooxda Shabaab, waxaana laga saaray deegaanno badan oo ay ku sugnaayeen ka hor madaxweyne Xasan Source: goobjoog.com
-
War kasoo baxay Guddiga sida gaarka ah loogu xilsaaray xal u helista Dagaal beeleed dhawaan ka dhacay degmada Luuq ee gobolka Gedo Dowlad-Goboleedka Jubbaland ayaa dalbaday in marka hore la helo Xabbad-joojin ka dhaqangasha labada dhinac. Xubnaha Guddiga si uu arrintaan oo fure u ah xalka rasmiga ah ee dagaallada dhacay waxa uu la kulmay Duubabka Dhaqanka labada dhinac in marka hore la helo damaanad buuxda oo muujineysa in xabadda labada dhan xal laga gaaray. Qorshaha oo ah in Ciidamada la diyaaariyay in la kala dhex dhigo si ay u xoojiyaan xabbad-joojintas kaddib ayay labada duub dhaqameed kawada hadlayaan sidii looga xaajoon lahaa waxa sababay dirirta & xalka dhabta ah. Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Cumar Maxamed oo xubin ka ah Guddigaan ayaa ugu horreyn soo jeediyay in la raaco qodobada sida ay u kala horreeyaan. Wasiirka ayaa sheegay in ay ka go’an tahay sidii sare loogu qaadi lahaa nabad buuxda oo ay helaan shacab degmada Luuq. Wasiirka ayaa xusay in Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay sii wadi doonta korjoogteynta labada dhinac. Source: goobjoog.com
-
HELSINKI, Finland (HOL) — Finland's parliament is set to vote on a bill on Friday that would grant border guards the power to turn back asylum seekers crossing from Russia, following the arrival of over 1,300 people, which forced Helsinki to close its border. Among those affected are numerous Somali migrants, who find themselves caught in the geopolitical struggle between Finland and Russia. Source: Hiiraan Online