-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Sida ay sheegeen Masuuliyiinta dalka Namibia Markab ay uga shakiyeen inuu sido shixnad milateri oo ay Israa’iil ugu talo-gashay dagaalka ka socda Qaza ayaa laga hor istaagay inuu kusoo xirto dalka Koonfurta Afrika ku yaalla. Yvonne Dausab Wasiirka cadaalada Namibia ayaa u sheegay warbaahinta dowladda in markabka la joojiyay sababtoo ah waxa uu sitay walxo qarxa oo loo waday Israel. Markabka MV Kathrin, oo ka soo kicitimay Vietnam, ayaa codsaday oggolaansho uu ku soo xidho dekedda Walvis Bay – ka hor inta aanu u dhoofin woqooyiga, isaga oo ku sii jeeday waddo la tuhunsan yahay oo ku wajahan badda Mediterranean-ka ee sii marta marinka Gibraltar. Kooxaha xuquuqda aadanaha ayaa ka digay in Namibia ay ku lug yeelan karto xadgudubyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha haddii ay u ogolaato in markabka uu ku soo xirto. Lama garanayo sababta uu markabku u doonayay in uu ku soo xidho, laakiin maraakiibta ku jirta safarrada dhaadheer ayaa u badan in ay u istaagaan sahayda, nasinta ama in ay dejiyaan ama rartaan. Source: goobjoog.com
-
Baydhaba (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay weeraro loo adeegsaday qaraxyo oo xalay Al-Shabaab ay ka gaysatay magaalada Baydhaba ee xarunta KMG ah ee Koonfur Galbeed Soomaaliya. Qaraxyada oo ahaa bambaano ayaa waxaa lagu weeraray laba guri oo ay dagan yihiin saraakiil ka tirsan ciidamada ammaanka ee maamulkaasi. Labo sarkaal oo la weeraray guryahooda ayaa ka maqnaa xaafadda xilliga uu dhacayay weerarka, sida aanu kasoo xiganay dadka deegaanka. Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in dad ehello ah oo ku sugnaa guryaha la beegsaday ay waxyeelo soo gaartay iyo qaar kamid ah ilaalada saraakiishaasi. Kooxda weerarka fulisay ayaa sidoo kale lasoo wariyay inay baxsatay, waxaana haatan Baydhaba ka socda saraakiisha laamaha ammaanka ee maamulka Koonfur Galbeed. Mas’uuliyadda weerarkan ayaa waxaa sheegatay kooxda Al-Shabaab, waxayna sheegtay in bartilmaameedkeeda uu u dhacay sidii ay qorsheysay, maadaama ay weerareen guryo ay daganaayeen saraakiil sar sare oo ka tirsan ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed. Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, laakiin waxaa soconayo howlgallo ay wadaan ciidamada ammaanka oo lagu baadi goobayo raggii weerarka ka gaystay halkaasi. Baydhaba ayaa waxaa habeennadii lasoo dhaafay weeraro ka gaysaneysay Baydhaba, waxaana dhowaan ay madaafiic ku gaaracday garoonka Shaati Gaduud ee magaaladaasi. The post Weeraro qaraxyo ah oo xalay ka dhacay Baydhaba appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (HOL) — A groundbreaking photography exhibition titled “Dhaliy Baydhaby: Through Their Eyes” concluded today at the National Museum of Somalia, offering an intimate glimpse into the lives of children from underserved communities in Baidoa’s internally displaced person (IDP) camps. Organized by the Somali Arts Foundation (SAF) in collaboration with UNICEF, the exhibition showcased 40 striking images captured by renowned Somali photographer Said Ahmed Musse, known as ‘Fadhaye,’ highlighting the resilience, hope, and daily challenges these children face. Source: Hiiraan Online
-
NAIROBI, Kenya (HOL) - Kenya officially launched Raila Odinga's bid for the African Union Commission (AUC) chairmanship on Tuesday with a ceremony at State House in Nairobi, garnering support from East African leaders despite the absence of Somalia's President Hassan Sheikh Mohamud. Source: Hiiraan Online
-
Wararka ka imaanaya magaalada Ceerigaabo ee xarunta Gobolka Sanaag ayaa sheegaya in saaka halkaasi ay ka taagan tahay xiisad dagaal oo xooggan. Xaalad kacsanaan ah iyo dhaq dhaqaaqyo ciidan ayaa laga dareemaya guud ahaan xaafadaha Ceerigaabo kadib markii halkaasi ay ka dhaceen dilal kala duwan sida ay sheegayaan goob-joogayal. Ganacsade caan ah oo lagu magacaabi jiray Cumar Sanjocor ayaa kamid ah dadka saacadihii u danbeeyay lagu dilay Ceerigaabo waxaana wararku sheegayaan in loo dilay aano qabiil oo daba socota dilalkii hore. Maamulka SSC-khaatumo oo xalay War-saxaafadeed ka soo saaray colaadda ka curatay magaalada Ceerigaabo ayaa Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ku eedeeyay in uu colaad ka hurinayo degaanka islamarkaana mas’uuliyadeeda qaadayo wixii dhaca. PUNTLAND POST The post Xiisad colaadeed oo saaka ka aloosan Ceerigaabo kadib dilal halkaasi ka dhacay appeared first on Puntland Post.
-
Ankara has become a political broker on the continent through soft power initiatives, deeper trade ties and growing security alliances Source: Hiiraan Online
-
Gaza (Caasimada Online) – Falastiiniyiinta hadba dhinac ugu barakacayo Marinka Gaza ayaa isugu tagay dhinaca xeebta, xilli ay ciidamada Isra’ul sii wadaan dagaalka iyo duqeymaha Gaza gaar ahaan qeybaha koofurta iyo bartamaha oo ay Talaadadi shalay kula dagaallameen dagaalyahannada Xamaas. Israel ayaa Talaadadi sheegtay in ay ciidankeedu ay soo badbaadiyeen mid ka mid ah laheystayaasha, kaas oo ay Xamaas koofurta Isra’il kasoo afduubtay 7-badi bishi October. Qaid Farhan Alkadi, ayay Isra’il sheegtay in lagu soo badbaadiyay howlgal ka dhacay koofurta Gaza. Saraakiisha caafimaadka Gaza ayaa iyaguna sheegay in ugu yaraan 22 ruux oo Falastiiniyiin ah lagu dilay weeraro ay millatariga Isra’il ka geysteen qeybo badan oo ka mid ah Gaza. Magaalada Qahirana waxaa wali kasii socda wadahadallada ay gar-wadeenka ka yihiin dhex-dhexaadiyaasha ka socda Mareykanka, Masar iyo Qatar, kuwaas oo afarti bil ee lasoo dhaafay riixayay xabbad-joojin ka dhaqan gasha Gaza iyo sii deynta la heystayaasha Isra’iiliyiinta ee Gaza. Dhanka kale, ilo wareedyo xagga amniga ah ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay, in ciidamada Isra’il ay xalay duqeyn cirka ah ku bartilmaameedsadeen waqooyiga dalka Lubnan. Wararka ayaa sheegaya in duqeynta lala beegsaday baabuur mararay meel u dhaw deegaanka Chaat ee xadka Lubnaan ay la wadaagto Suuriya. Lama oga khasaaraha ka dhashay weerarkaasi. The post Wararkii ugu dambeeyay xaaladda kasii dareysa ee GAZA appeared first on Caasimada Online.
-
Falastiiniyiinta hadba dhinac ugu barakacayo Marinka Gaza ayaa isugu tagay dhinaca xeebta, xilli ay ciidamada Isra’ul sii wadaan dagaalka iyo duqeymaha Gaza gaar ahaan qeybaha koofurta iyo bartamaha oo ay Talaadadi shalay kula dagaallameen dagaalyahannada Xamaas. Israel ayaa sheegtay in ay ciidankeedu ay soo badbaadiyeen mid ka mid ah laheystayaasha, kaas oo ay Xamaas koofurta Isra’il kasoo afduubtay 7-badi bishi October. Qaid Farhan Alkadi, ayay Isra’il sheegtay in lagu soo badbaadiyay howlgal ka dhacay koofurta Gaza. Saraakiisha caafimaadka Gaza ayaa iyaguna sheegay in ugu yaraan 22 ruux oo Falastiiniyiin ah lagu dilay weeraro ay millatariga Isra’il ka geysteen qeybo badan oo ka mid ah Gaza. Magaalada Qahirana waxaa wali kasii socda wadahadallada ay gar-wadeenka ka yihiin dhex-dhexaadiyaasha ka socda Mareykanka, Masar iyo Qatar, kuwaas oo afarti bil ee lasoo dhaafay riixayay xabbad-joojin ka dhaqan gasha Gaza iyo sii deynta la heystayaasha Isra’iiliyiinta ee Gaza. Dhanka kale, ilo wareedyo xagga amniga ah ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay, in ciidamada Isra’il ay xalay duqeyn cirka ah ku bartilmaameedsadeen waqooyiga dalka Lubnan. Wararka ayaa sheegaya in duqeynta lala beegsaday baabuur mararay meel u dhaw deegaanka Chaat ee xadka Lubnaan ay la wadaagto Suuriya. Lama oga khasaaraha ka dhashay weerarkaasi. PUNTLAND POST The post Wararkii u danbeeyay ee Marinka Gaza iyo Israa’iil oo sii wada duqeymaha appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho, Soomaaliya – 28-ka Agoosto 2024 – Bandhig sawireed xiiso leh oo lagu magacaabo “Dhaliy Baydhaby” oo lagu iftiiminayo waayaha carruurta Soomaaliyeed ayaa maanta lagu soo gabagabeeyey Matxafka Qaranka Soomaaliya. Munaasabaddan, oo ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen Somali Arts Foundation (SAF) iyo UNICEF, ayaa waxay dadka kasoo qeybgalay loogu soo bandhigay sawiro ka tarjumaya nolol-maalmeedka carruurta ku nool xeryaha barakacayaasha ee magaalada Baydhabo. Bandhiggan xiisaha badan, oo lagu soo bandhigay sawirro uu qaaday Saciid ‘Fadhaye’ Axmed Muuse, ayaa ka koobnaa sawirro xambaarsan dareen xooggan oo ka sheekeynaya nolol-maalmeedka 40 carruur ah oo ku dhex nool bulshooyinka ugu nugul ee Soomaaliya. Sawir kastaa wuxuu muujinayaa adkeysiga, rajada, iyo caqabadaha maalinlaha ah ee carruurtan ay wajahayaan. Bandhiggan ayaa ahaa gunaanadka mashruuc ballaaran oo ay SAF, oo ay taageerayso UNICEF, ku doonayso inay kor ugu qaaddo codadka carruurta laga tirada badan yahay. Iyada oo loo marayo taxane aqoon-isweydaarsi farshaxan iyo sawir-qaadis ah, carruurtani waxay fursad u heleen inay si hal-abuur leh u muujiyaan waaya-aragnimadooda, taasoo ku soo gabagabowday sawirrada dareenka banii’aadanimo xambaarsan ee lagu soo bandhigay munaasabadda. “Sawirradani waxay muujinayaan codadka carruurta muddada dheer la aamusiyey,” ayay tiri Wafaa Saeed, Wakiilka UNICEF ee Soomaaliya. “Waa inaan dhageysannaa codadkan, fahannaa sheekooyinkooda, oo tallaabo ka qaadnaa si aan u ilaalinno xuquuqdooda.” Xafladda ma ahayn oo kaliya bandhig faneed ee waxay sidoo kale ahayd safar soo koobaya waayaha nololeed ee ubadka Soomaaliyeed. Waxyaabihii ugu muhiimsanaa waxa ka mid ahaa sawir-gacmeed ay carruurtu sawireen, muuqaal muujinaya waayo-aragnimadooda iyo rajada mustaqbalka ee ay hiigsanayaan. “Farshaxanku wuxuu awood u leeyahay inuu wax bogsiiyo, inuu sheego sheekooyin aan ereyadu karin,” ayuu yidhi Fadhaaye Axmed Muuse. “Carruurtan waxay la soo noolaadeen dhibaatooyin aan la qiyaasi karin, haddana waxay heleen hab ay ku muujiyaan rajadooda iyo riyooyinkooda iyagoo adeegsanaya farshaxan. Sheekadooda waxay mudan tahay in dunidu aragto oo maqasho.” Bandhiggu sidoo kale wuxuu soo bandhigay sheekooyin qiiro leh oo laga soo ururiyey carruurta iyo bulshooyinkooda, kuwaas oo sawirrada macno iyo xamaasad ku kordhinaya. Sheekooyinkan waxay muujinayaan baahida degdega ah ee loo qabo in la kordhiyo taageerada iyo ilaalinta carruurta ku nool Soomaaliya, gaar ahaan kuwa laga tiro badan yahay. Guusha “Dhaliy Baydhaby” waxaa iska kaashaday hay’ado dhowr ah. Ururka Save Somali Maginalized and Minorities Organisation (SASMO) ayaa door muhiim ah ka ciyaartay fududaynta ka qaybgalka carruurta, iyada oo hubinaysa in aan codkooda la maqlin oo keliya balse loo dabbaaldego. “Bandhiggan wuxuu cadeynayaa waxa la gaari karo marka aan wada shaqeyno si aan u awoodsiinno kuwa ugu nugul bulshadeena,” ayay tiri XXX, wakiil ka socda SASMO. “Carruurtani waxay noo muujiyeen adkaysigooda iyo awooddooda, waana mas’uuliyaddeena inaan ku taageerno qaab kasta oo suurtagal ah.” Intaa waxa sii dheer, Sagal Cali, oo ah Agaasimaha Fulinta ee Mu’asasada Fanka Soomaaliyeed, ayaa iyaduna ka warbixisay aragtideeda ku aaddan muhiimadda bandhigga: “Waxaan aaminsanahay awoodda uu farshaxanka u leeyahay in uu isbedel keeno, bandhiggani wuxuu caddeeyey sida hal-abuurku u noqon karo qalab awood leh oo loogu ololeeyo xuquuqda carruurta. Markaan siino carruurtan fursad ay ku muujiyaan xirfadahooda, waxaan sidoo kale muujineynaa baahida degdega ah ee loo qabo in sheekooyinkooda la maqlo oo bulsho weynta wax ka qabato.” Markii bandhiggu soo dhammaaday, farriintu waxay ahayd mid cad, sheekooyinka carruurtan waa inay keenaan ficil. SAF iyo UNICEF waxa ay sahminayaan fursadaha ay “Dhaliy Baydhaby” ku geyn karaan gobollada kale, iyaga oo rajaynaya in ay dhaliyaan wada-hadal caalami ah oo ku saabsan xuquuqda iyo baahiyaha carruurta Soomaaliyeed. “Sawirada halkan lagu soo bandhigay maaha farshaxan oo keliya – waa baaqyo waxqabad,” ayay tiri Caasho Cabdullaahi Axmed. “Waa in aan hubinno in ilmo kasta oo ku nool Soomaaliya, iyo adduunka oo dhan, uu helo fursad uu ugu noolaado nolol sharaf iyo rajo leh.” Bandhiga “Dhaliy Baydhaby” waxa uu saameyn ku yeeshay dhammaan dadkii ka soo qeyb galay, taasoo xasuusin xooggan u noqotay adkeysiga ubadka Soomaaliyeed. Iyada oo la adeegsanayo kaamarada, da’yartan ayaa la siiyay madal ay sheekadooda kula wadaagaan adduunka – taas oo caddaynaysa awoodda isbeddelka ee farshaxanka. ***DHAMAAD*** The post Bandhig Sawireed Iftiiminaya Waayaha Nolosha ee Caruurta Soomaaliyeed oo lagu qabtay Matxafka Qaranka appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu, Somalia – 28th August 2024 – A groundbreaking photography exhibition, “Dhaliy Baydhaby: Through Their Eyes – Lived Experiences of Somali Children,” concluded today at the National Museum of Somalia. The exhibition hosted at the Somali National Museum, was organized by Somali Arts Foundation (SAF) in collaboration with UNICEF, offered a rare and intimate glimpse into the lives of children from underserved IDP camps in Baidoa, Southwest State. This powerful exhibition, featuring the work of renowned Somali photographer Said Ahmed Musse‘ Fadhaye’, brought together striking images that tell the stories of 40 children living in some of Somalia’s most marginalized communities. Each photograph captured moments of resilience, hope, and the daily challenges these children face. The exhibition was the culmination of a larger initiative by SAF, supported by UNICEF, to amplify the voices of marginalized and minority children. Through a series of art and photography workshops, these children were given the opportunity to express their experiences creatively, culminating in the powerful imagery displayed at the event. “These images are more than just photographs; they are the voices of children who have been silent for far too long,” said Wafaa Saeed, UNICEF Somalia Representative. “We must listen to these voices, understand their stories, and take action to protect their rights.” The event displayed art as a tool to journey through some of the lived experiences of children in Somalia. Among the highlights was a mural painted by the Mogadishu based artists Abdinasir ‘4C’ Abdulkadir Mohamed, in collaboration with the children, which display a vibrant depiction of their shared experiences and hopes for the future. “Art has the power to heal, to tell stories that words cannot,” said Said Ahmed Musse ‘Fadhaye’. “These children have lived through unimaginable hardships, yet they have found a way to express their hopes and dreams through art. Their stories deserve to be seen and heard by the world.” The exhibition also featured deeply personal narratives collected from the children and their communities, adding context and depth to the images. These stories highlighted the urgent need for increased support and protection for children in Somalia, particularly those from minority and marginalized communities. The success of “Dhaliy Baydhaby” was made possible through the collaboration of several organizations. The Save Somali Marginalized and Minorities Organization (SASMO) played a crucial role in facilitating the participation of the children, ensuring that their voices were not only heard but celebrated. “This exhibition is a testament to what can be achieved when we work together to empower the most vulnerable among us,” said Muhdin Isack, the Executive Director of SASMO. “These children have shown us their strength and resilience, and it is our responsibility to support them in every way we can.” Adding to this, Sagal Ali, Executive Director of the Somali Arts Foundation, shared her perspective on the significance of the exhibition: “We believe in the transformative power of art, and this exhibition has demonstrated how creativity can serve as a powerful tool for advocacy. By collaborating closely with the children and giving them a platform, we highlight not only the urgent need for their stories to be heard and addressed by the wider community, but also the fundamental truth that every child deserves and needs a safe and healthy childhood” As the exhibition drew to a close, the message was clear, the stories of these children must inspire action. SAF and UNICEF are exploring opportunities to take “Dhaliy Baydhaby” to other regions, hoping to spark a wider conversation on the rights and needs of Somali children. “The images displayed here are not just art—they are calls to action,” said Aisho Abdullahi Ahmed. “We must ensure that every child in Somalia, and around the world, has the opportunity to live a life of dignity and hope.” The “Dhaliy Baydhaby” exhibition has left a lasting impact on all who attended, serving as a powerful reminder of the resilience of Somali children. Through the lens of a camera, these young voices have been given a platform to share their stories with the world. ***END*** The post Photography Exhibition Highlights Lived Experiences of Somali Children from under-served communities: A Journey Through Their Eyes appeared first on Caasimada Online.
-
Dagaalkii galabta ka dhacay deegaamada Ceerigaabo oo u jirta magaalada masaafo lagu qiyaasay 80 ilaa 90 km waxaa ku dhnitay inta laxaqiijiyay 5 nin oo Muuse Ismaaciila gaar ahaa beesha Maxamuud Xaamud, islamarkaana ah odayaashii iyo acyaantii beesha, islamarkaana u tegey Goof shir ay beeshooda u qabanayeen dhacdadanina ku qabsatay deegaanka, oo magac yadoodu kala yihiin: 1. Haybe Jaama Tuke 2. Caydiid Faarax Xaaji 3. Xasan Dafac 4. Shire Cabdi dheere 5. Geele Cige Dawan Dhinaca Naaleeye Axmed waxaa la sheegay dhimashada 4 nin oo uu ku jiro wiil kii xalay magaalada police ku ku dilay. Waxaase laxaqiijiyay total ka 3 Nin dhimashadood oo weli inay 4 tahay layskuma raacin. Naaleeye Axmed waxay kasii kala yihiin inta laxa qiiniyay: Bahina Faarax Bahina Caraale Bihina Samatar Ninka aan laxaqiijin ee 4aad oo la sheegay inuu Awrboogays ku dhaawac dhintay waa Bihina Caraale. Dhaawacyada dhinacyadu aad buu u farabadan yahay. Alla hawnaxariisto intii dhimatay, inta dhaawaca ah Alla haw booga dhayo, Alla na nabad ha dhex dhigo. Waxaa iyana aad u xoogan fursada nabad lagu dhalin karo oo ay dhinacyo badani dedaal ku bixinayaan. Qaran News
-
Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Suudaan ayaa ku guulaysatay inay soo daadgurayso 31 muwaadin Soomaaliyeed oo laga soo daayey Port Sudan. Dadkaan ayaa muddo shan bilood ah ku jiray gacanta shabakad tahriib ah oo ku sugan Suudaan. Waxaa lagu soo furtay howlgal gaar ah oo ay fuliyeen Ciidanka Ilaalada Xeebaha Suudaan. Axmed Cabdi Xasan, Ku-Xigeenka Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Suudaan, ayaa sheegay in dadka la sii daayey ay ku jireen todoba gabdhood. Wuxuu u mahadceliyey Golaha KMG ee Suudaan iyo Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM) doorkooda wada shaqayneed, isagoo ugu baaqay in dadaal lagu bixiyo burburinta shabakadaha tahriibka iyo ka hortagga khataraha la xiriira socdaalka sharci-darrada ah iyo kan halista ah. Source: goobjoog.com
-
Xarardheere (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa bedelay guddoomiyihii degmada Xarardheere Maxamed Yuusuf Kulmiye, balse khilaaf culus ayaa ka dhashay xil ka qaadistaa, kadib markii uu ka horyimid guddoomiyihii xilka laga qaaday. Guddoomiye Maxamed Yuusuf oo la hadlay Idaacadda Kulmiye wuxuuna sheegay in qorshaha Axmed Qoor Qoor uusan ka soca doonin degmada Xarardheere, isla markaana ay la dagaalami doonaan ciidamada uu soo diray. Khilaafka xilka looga qaaday guddoomiyahaan ayaa ka dhashay hadal uu maalmo ka hor sheegay, xili uu magaaladaas ku soo dhaweynayey musharax Madaxweynaha Galmudug Liibaan Shuluq oo Xarardheere tegay. Guddoomiye Maxamed Yuusuf ayaa maalinkaas sheegay in Galmudug ay ku jirto muddo kororsi, isla markaana loo baahan yahay in deg deg doorasho loo aado, basle maalintii xigtay ayuu raali gelin ka bixiyey hadalkiisii, isagoo sheegay in Galmudug uu ka taliyo Axmed Qoor Qoor, hadalkaasna uu ku qaldanaa. Sida ay ogaatay Caasimada Online, Qoor Qoor ayaa soo magacaabay guddoomiye cusub, wuxuuna soo siiyey afar Cabdibile iyo ciidan uu ku qabsado Xarardheere, balse beesha Sacad ayaa Wisil ku celisay ciidankii Qoor Qoor soo diray, kuwaas oo u gudbi waayey Xarardheere. Ciidamada deegaanka beesha Sacad, saraakiisha hoggaamisa iyo odayaasha dhaqanka degmadaas ayaa ku soo baxay khilaafkaan, waxayna jidgooyo dhigteen degmada Wisil, halkaas ayaa lagu galay wadahadal aan laga gaarin wax natiijo ah, sida ay noo xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah. Sidoo kale gudaha degmada Xarardheere waxaa ka taagan khilaaf culus oo qarka u saaran gacan ka hadal, beelaha qaar ayaa isku hub aruursanaya, beesha Saruur oo guddoomiyaha degmada iska leh ayaa labo u kala jabtay. Sidoo kale beesha Saleebaan oo Axmed Qoor Qoor uu ka dhashay ayaa Xarardheere geysatay hub culus, waxaana mar kasta khatar loogu jiraa inay halkaas ka bilowdaan isku dhacyo sokeeye, iyadoo ay Al-Shabaab doonayaan inay dib u qabsadaan degmadaas. Hoos ka dhageyso wareysiga The post Guddoomiyihii Xarardheere oo diiday xilka qaadistii Qoor Qoor iyo khilaaf culus oo ka dhashay appeared first on Caasimada Online.
-
Dowladda Masar ayaa laba diyaaradood oo la sheegay inay ciidan iyo saanad militari wadeen ka soo dejisay magaalada Muqdisho, waxayna tillaabadaani ku soo beegantay xilli dhowaan ay Soomaaliya iyo masar heshiis difaac kala saxiixdeen, sidoo kalena ay Qaahira isku diyaarinayso ka mid noqashada howlgalka cusub ee badeli doona ATMIS. Golaha ammaanka ee Midowga Afrika ayaa bishii hore oggolaaday codsigii Masar ee ahaa in ciidamadeeda la geeyo Soomaaliya, islamarkaana ay qeyb ka noqdaan howlgalka cusub ee dhammaadka sanadkan dalka ka billaaban doona Imaatinka diyaaradahan ay leeyihiin ciidamada Masar ayaa sidoo kale ku soo aadaya iyadoo uu sii xumaanayo xiriirka Muqdisho iyo Addis Ababa, Qaahira ayaa iyaduna Addis waxaa kala dhexaysa xurguf xooggan oo ka dhalatay biyo xidheenka abay ee lagu muransan yahay. Source: goobjoog.com
-
Muqdiaho (Caasimada Online) – Wasiirka Macdanta iyo Batroolka ee dowladda federaalka Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa ka warbixiyey halka uu marayo qorshaha sahminta iyo soo saaridda shidaalka Soomaaliya. Wasiirka ayaa sheegay in gudaha bisha dhalaneysa ee September uu dalka soo gelayo Markabkii Turkiga ee sahminta ku bilaabi lahaa shidaalka Soomaaliya, kaas oo sahmin kadib bilaabi doona qodista shidaalka Soomaaliya. Wasiirka Cabdirisaaq oo ka qeybgalay kulankii bandhigga waxqabadka xukuumadda Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixiyey fursadaha Soomaalida ugu jira heshiiskii ay la gashay Turkiga, hadii uu dhaqan-galo. “Dadka ugu horeeya ee heshiiskaas ka faa’iideysanaya waa dhalinyarada Soomaaliyeed oo shaqo abuur ka heli doona shidaalka dalka laga qodayo. Lacagaha ka soo xaroonaya waxay noqo doonaan kuwo lagu dhiso kaabayaasha dhaqaalaha dalka, dalalka ugu horeeya dhaqaalaha dunida ayaan ka mid noqo doonaa,” ayuu yiri Wasiir Cabdirisaaq Cumar. Heshiiskaan rajada ku abuuray dadka iyo dowladda Soomaaliyeed ayaa Ankara lagu kala saxiixday 18-kii July 2024, waxaana lagu wadaa inuu dhaqan galo inta lagu guda jiro bilaha ugu dambeeya sanadkaan 2024-ka. “Dhamaadka bishaan September waxaa dalka imaanaya Markabkii sahminta shidaalka ka bilaabi lahaa badda Soomaaliya, labo ilaa saddex bilood ayey Markabkaas ku qaadaneysaa baarista Shidaalka, kadibna waxaan rajeyneynaa in bilowga sanadka 2025-ka uu dalka ka bilowdo qodista shidaalka,” ayuu yiri Wasiirka Batroolka Soomaaliya. Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in Soomaaliya ay markii ugu horeysay ku biireyso Hay’adda caalamiga ah ee Atoomikada ama Nukkeyrka Adduunka, taas oo horay dalalka caalamka ay ugu wada biireen, markii laba reebo afar dal oo Soomaaliya ay ku jirto. Wasiirka ayaa sheegay inay jiraan heshiisyo badan oo Soomaaliya ay la gashay Caalamka, sidoo kale wuxuu sheegay in dhowaan ay wasaaraddiisu horgeynto golaha wasiirrada sharciga Macdanta Soomaaliya, kaasi oo ka madax badnaan sharciga Batroolka oo hadda heshiisyo waaweyn oo kan Turkigu ku jiro lagu galay. Hoos ka daawo The post DF oo shaacisay goorta uu dalka imaanayo Markabka Turkiga ee shidaalka qodaya + Video appeared first on Caasimada Online.
-
Ciidanka Booliiska Soomaliyeed gaar ahaan taliska qeybta guud ee gobolka Banaadir ayaa Gacanta kusoo dhigey eedeysanayaal kala duwan oo intooda badan loo haysto falal amniga lid ku ah iyo qalqal-gelin. Raggan oo dhallinyaro u badan ayaa la sheegay inay bulshada dhexdeeda ku hayeen falal lidi ku ah ammniga iyo sharafka muwaadiniinta Soomaaliyeed , waxayna laama nabad-gelyadu ballanqaadeen inay maxkamad qaadista galdacwadeedkooda awood u leh horgeyn doonaan. Si kastaba ha ahaatee muuqaallo saacadihii la soo dhaafay baraha bulshada lagu hadal-hayay ayaa muujinayay dhallinyaro ku kacaya falal xadgudub ah oo isku socadka gaadiidka iyo dadka, islamarkaana qaarkood ay wadada dhexdeeda kuraas dhiganayaan, ayagoo bastoolado dadka ku cabsi gelinaya. Goobjoog.com Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa ku dhawaaqay in shaqsi lagu arkay astaamaha cudurka Furuqa Daanyeerka la karantiilay, kiiskaan ayaa lagu shaaciyey warbixin uu soo saaray Xafiiska Caafimaadka ee dowlad Deegaanka Soomaali Galbeed. Xanuunkaas oo loo yaqaano Monkeypox ayaa noqday xaalad caafimaad oo caalami ah, waxaana la karaantiilay qofkii lagu arkay dhulka dowlad deegaanka, kadib markii korkiisa ay ka soo baxeen nabro waaweyn. Xafiiska Caafimaadka Dowlad Deegaanka ayaa warbixintiisa ku sheegay inay wadaan baaritaan dheeraad ah, si loo ogaado in dad kale oo ku sugan deegaanka ay qaadeen xanuunkaas. Ku-xigeenka xafiiska caafimaadka ee deegaanka, Maxamed Ayaanle, ayaa Idaacada BBC u sheegay in dheecaanno laga qaaday qofka lagu arkay xanuunka, waxaana loo diray machadka caafimaadka dadweynaha ee dowladda federaalka Itoobiya, si baaritaan dheeraad ah loogu sameeyo. Sida uu sheegay gudoomiye ku xigeenka xafiiska caafimaadka qofka lagu arkay calaamadaha xanuunkan nabraha badan ayaa laga helay degmada Qabri-bayax ee dhulka dowlad deegaanka. Qoraal ka soo baxay xafiiska caafimaadka ee dowlad deegaanka ayaa lagu yiri “Xirfadlayaasha caafimaadka ee la geeyay degmada Qabri-Bayax ayaa ku dhawaaqay in lix qof oo isku qoys ah ay soo sheegeen calaamadaha furuqa laba toddobaad ka hor”. Bayaanka ayaa sidoo kale lagu xusay in shaqsiyaadka laba toddobaad ka hor lahaa calaamadaha ay “ka soo kabteen” cudurka. Si kastaba ha ahaatee, xafiisku wuxuu sheegay in calaamad noocan oo kale ah lagu arkay laba qof oo kala ah Aabe iyo Wiil, Waxa uu xusay in xaaladda labada qof ay soo hagaageyso. The post Qof qaba cudurka Furuqa Daanyeerka oo lagu arkay deegaanada Soomaalida appeared first on Caasimada Online.
-
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ahna kusimaha Wasiirka, Mudane Cabdiqafaar Cilmi Xaange iyo Agaasimaha Guud ee Dakhliga Mudane Faysal Maxamed Xaashi ayaa maanta shir muhiim ah Xarunta Wasaaradda Maaliyadda waxa ay kula qaateen Maamulayaasha iyo Agaasimeyaasha Isbitaalada Magaalada Muqdisho. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sida canshuurta gadista ay u saameysay adeegyada caafimad ee ay bixiyaan Isbitaalada magaalada iyo in Dowladda ay siiso tixgalin gaar ah xarumaha caafimadka si lamid ah wadamada ku bahoobay Bulshada Bariga Africa. Masuuliyiintii Wasaaradda Maaliyadda ee kulanka goobjooga ka ahaa ayaa dhankooda balan qaaday in ay howshan si cilmiyeysan u eegayaan, iyada oo la siinayo bahda caafimaadka tixgalinta ay mudanyihiin, kulankuna waxa uu ku soo dhamaaday is-afgarad. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska Hantidhowraha Guud ee Qaranka, Axmed Ciise Guutaale ayaa maanta soo bandhigay fadeexad culus oo lagu helay shirkadaha Albayrak iyo Favori LLC oo maamula garoonka Aadan Cadde iyo dekedda wayn ee magaalada Muqdisho. Hantidhowraha ayaa maanta soo bandhigay natiijada shan baaris oo lagu sameeyay hay’adaha dowladda iyo sidoo kale labadaan shirkadood oo ah kuwa ajanabi ah. “Si waafaqsan Sharciyada Xafiiska Hantidhowrka Guud iyo kan Maareynta Maaliyadda Guud, Xafiiska Hantidhowrka Guud waxa uu la wadaagayaa dadweynaha natiijada 5 baaris oo uu sameeyay, kana soo saaray 8 warbixin” ayaa lagu yiri warbixinta. Hantidhowraha ayaa shaaca ka qaaday in Albayrak iyo Favori aysan soo gudbin warbixinta maaliyadda ee laga rabay, si loo ogaado saamiga rasmiga ah ee dowladda Soomaaliya. “Sida uu xqiijiyay xafiiska xisaabiyaha guud ee dowladda labada shirkadood midoodna lama wadaagin warbixinadooda maaliyadood oo soo maray baaris hantidhowr oo madax bannaan si loo caddeeyo, loona ogaado dhab ahaan cadadka saamiga lacageed ee DFS ay yeelaneyso” ayaa lagu yiri warbixinta uu soo saaray Hantidhowraha guud ee qaranka. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in labada shirkadood ay jabiyeen heshiisyadii ay kula jireen dowladda federaalka, maadaama ay diideen soo gudbinta warbixinta maaliyadda. Sidaas darteed maadaama shirkadaha Albayrak iyo Favori ay jabiyeen, kuna xadgudbeen heshiiska dheef wadaagga ah ee ay kula jiraan dowladda Soomaaliya, isla markaana aysan usoo gudbin xafiiska xisaabiyaha guud warbixin maaliyadeed soo martay baaris hantidhowr madax bannaan ugu dambeyn muddada ku cad qandaraasyada kadib dhammaadka sanad maaliyadeed walba, sidaas aawgeed xafiiska hantidhowrka guud uma suuragelin inuu xaqiijiyo in qidmadda dheef wadaagga ah oo dhan 34,261371 dollar ay tahay mid si dhab loo xisaabiyay, loona hantidhowray marka la fiiriyo cadadka dakhliga ay labada shirkadood qabteen iyo saamiga DFS, maadaama ay labadooduba si joogta ah u jabiyeen heshiiska” ayuu mar kale yiri Hantidhowraha oo faah-faahiyay warbixinta uu maanta soo saaray. Sidoo kale baarista uu sameeyay Hantidhowrka ayaa lagu ogaaday in la waayay malaayiin dollar oo aan lagu soo shubin qasanadda dhexe ee dowladda federaalka, sida uu shaaciyay Hantidhowraha. Waxaa kamid ah meelaha la tilmaamay saddex safaaradood, qunsiliyad guud iyo laba hay’adood, kuwaas oo uu Hantidhowrku sheegay inay isticlaameen lacagihii ay qabteen, kahor inta lagu shubin qasnadda dhexe ee dowladda. “Dakhli ay qabteen saddex safaaradood, qunsiliyad guud iyo laba hay’adood ayaa lagu isticmaalay isla goobtii lagu qabtay, kahor inta aan lagu shubin qasnadda dhexe ee dowladda, sidoo kalena aan lagu muujin warbixin maaliyadeedka uu soo gudbiyay xafiiska xisaabiyaha guud” ayuu yiri Hantidhowraha guud ee qaranka. Hantidhowraha ayaa sidoo kale soo bandhigay lacagaha ku maqan safaaradaha saddexda ah, wuxuuna sheegay inay qabteen ku dhowaad saddex milyan oo dollar,taas oo aysan ku shubin qasanadda dhexe, sidoo kalena aysan soo gudbin xiisaabkii xirkii laga rabay. “Safaaradaha iyo qunsuliyadda la baaray ayaa uruuriyay dakhli dhan 2,790,000 safaaradahan ayaan soo gudbin xisaab xirka sanadlaha ah” ayuu mar kale yiri. The post Fadeexad weyn oo kusoo baxday shirkadaha maamula garoonka iyo dekedda Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
On August 15, 1984, the Ogaden National Liberation Front (ONLF) was established, marking a significant moment in the history of the Ogaden people. At the time, I was a 20-year-old living in Mogadishu, a city already beset by turmoil. However, the situation in the Ogaden was even grimmer—a region devastated by endless conflict and despair. The people of Ogadenia longed for hope but were met only with suffering as war ravaged their homeland. Source: Hiiraan Online
