Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,291
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Xildhibaanada golaha shacabka ee Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid kulanka 2-aad ee Kalfadhiga 5-aad, iyagoo ka doodaya dhismaha hay’adaha madaxa bannaan ee aan miisaaniyadda lahayn. Kulanka oo uu shirgudooominaya guddoomiyaha golaha shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur ( Madoobe), ayaa sidoo kale, waxaa looga hadlayaa hindise-sharciyeedyada kala ah maalgashiga iyo shaqada Soomaaliyeed. Maanta ayaa sidoo kale kulanka waxaa lagu wadaa in lagu ansixiyo Hindise Shaciyeedyo kasoo gudbay golaha Wasiirrada, xildhibaannada ayaa dood adag ka yeelan doono qaarkood, kumada golaha ayaa hore laba jeer dib ugu dhacay Kooram la’aan. Sharciyada manta la meelmarinayo ayaa waxaana ay ka kala yimaadeen Wasaaradaha qorsheynta iyo wasaaradda shaqada, kuwaas oo kala ah Maalgashiga Soomaaliya iyo sharciga Shaqaalaha, waxaana lagu wadaa in manta golaha ay meelmariyaan. Baarlamaanka 11-aad labadiisa aqal oo Kalfadhigii 5-aad uu u furmay ayaa waxaa horyaallo sharciyo dhowr ah, kuwaas oo ay ugu waaweyn yihiin sharciga doorashooyinka iyo kuwa kale xilli dastuurka dib doodiisa loo bilaabayo cubyda 5-8 ee Dastuurka. Source: goobjoog.com
  2. Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya rasaas iyo dagaal ka socda Xabsiga dhexe ee Xamar ee ku yaalla Muqdisho. Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa xaqiijiyay qaar ka mid ah maxaabiista ku xiran xabsiga oo helay hub ay gudaha ka bilaabeen rasaas iyo Bambaanooyin sidaasna uu ku bilowday iska hor imaadka. Wali rasaas goos goos ah ayaa gudaha xabsiga dhexe ka socota, wararkuna waxaa ay sheegayaan inuu khasaare kala duwan ka dhashay weerarka ka socda xabsiga dhexe. Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee booliska ayaa howlgal ka wada Gudaha xabsiga dhexe si ay gacanta ugu dhigaan dagaalamayaasha. Xaalka Xabsiga dhexe oo ay ku xiran yihiin boqolaal maxaabiis ah ayaa saaka degeyn, waxaana dadka ku xiray ay yihiin kuwa ku eedeysan dambiyo kale. Source: goobjoog.com
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda maaliyadda Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dowladda federaalka ay markii ugu horreyso bilaabeyso qaadista canshuuraha iibka (Sales Tax), taas oo noqoneyso 5%, sida uu ku sheegay shirkiisa jaraa’id. Biixi ayaa shaaca ka qaaday in arrintani ay qeyb ka tahay dadaalka dowladda ee sare loogu qaadayo dakhliga gudaha, si loo gaaro isku filnaan dhaqaale oo ay gaarto Soomaaliya. Wasiirka ayaa xusay in qorshahan oo muddo dheer soo socday hadda la dhammeystiray, isaga oo la wadaagay shirkadaha isgaarsiinta iyo hay’adaha kale ee ka shaqeeya lacag dirista. “Waxaan rabaa maanta dadka Soomaaliyeed iyo ganacsatadaba gaar ahaan shirkadaha bixiya adeegga is gaarsiinta iyo adeegyada lacag dirista intaba aan rabaa inaan la wadaago in uu dhaqangeli doono hannaan casri ah oo wasaaradda maaliyadda ay muddo ku howlanayd oo ay ka shaqeyneysay oo soo dhameystirmay” ayuu yiri wasii Biixi Iimaan Cige. Sidoo kale wuxuu intaas ku daray in system-kan cusub oo ay yeelatay dowladda uu suuragelin doono inay goosatai canshuuraha ka dhasha iibka ee sida Electronica ah. “Hannaanka ayaa soo dhameystirmay wuxuuna wasaaradda u suuragelin in doonaa in canshuuraha ka dhasha iibka ee sida Electronica ah meel kasta oo dhaq-dhaqaaq iib ama gadasho ka dhaco oo hannaankaa ku dhaca inay dowladdu hadda yeelatay system iyo hannaan casri ah oo lagu daba galo lagu goosto canshuurta” ayuu sii raaciyay wasiirku. Waxaa kale oo uu ka dalbaday shirkahada isgaarsiinta iyo bangiyada dalka inay arrintan kala shaqeeyaan wasaaradda maaliyadda, si ay waaxda dakhliga u gudato waajibkeeda Waxaan rabaa inaan faro shirkadaha isgaarsiinta inay waaxda dakhliga iyo dadka farsamayaqaanada ee howlahaa ku howlan inay gacan buuxda ku siiyaan inay gutaan waajibaadkooda” ayuu mar kale yiri wasiirka maaliyadda xukuumadda Soomaaliya. Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Sida xeerka ina farayo canshuurta iibka ee hadda sharciga ina farayo waa 5%, waana marka la babar dhigo dalalka gobolka aan ka tirsanahay”. Arrintan ayaa durbo dhalisay walaac xoogan, waxaana si wayn looga hadal hayaa baraha bulshada, maadaama ay tallaabadan saameyneyso qof kasta oo wax ku iibsanayo habka Electroniga, gaar ahaan lacagaha taleefoonada EVC-ga-, eDahab-ka ama kuwa Walleta-ka. The post Daawo: DF oo canshuur hor leh kusoo rogtay reer Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  4. Ganacsatada Soomaaliyeed ayaa siweyn soo dhoweeyay duulimaadka tooska ah ee Soomaaliya ay ka bilowday diyaaradda Egypt Airweys, waxaana ay sheegeen in ay fudeynayso ganacsiyada ay dalkaas la wadaagaan, xilli Masar ay kamid tahay dalalka xiriirka qotada dheer la leh dowladda Soomaaliyeed. Guddoomiye Ku-xigeenka Rugta Ganacsiga Soomalaiyeed Yuusuf Galadi oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in qiima weyn ugu fadhiso bulshada Soomaaliyeed dib u bilaabashada duulimaadyada shirkadda diyaarada Egypt Airweys oo shalay laga daahfuray duulimaadkeedka magaalada Muqdisho. “Annaga ganacsato ahaan aad ayaan soo dhoweynaynaa, fursad fiican bey noo tahay waana u hambalyeynaynaa, waxaana ay qeyb weyn ka qaadanaysaa shaqo abuurka iyo isku xirka ganacsiga, dhallinyada kasoo shaqeysanayna waxaan leenahay aad ayaad u mahadsan tihiin’ ayuu yiri. Muddooyinkii dambe waxaa Soomaaliya kusoo badanayay duulimaadyada caalamiga ah, kuwaas oo aad u kordhiyay xiriirka ganacsatada Soomaaliyeed la leeyihiin dunida, waxaana ay sahashay in dalka ay ka hirgalaan ganacsiyo calami ah, shacabka Soomaaliyeed ayaa si maalinle ah ugu duula qadadka. Dalka Masar ayaa dhowaan Soomaaliya la saxiixday heshiiyo dhanka amniga, waxbarashada iyo kor u qaadidda ganacsida labada dhinac, waxaana arrintaas ay fududeysay in diyaaradda Egypt Airweys ay dib u soo celiso duulimaadkeeda Soomaaliya tan iyo burburkii dowladdii dhexe sanadkii 1991-kii Source: goobjoog.com
  5. Wasiirka Arrimaha dibadda dalka Masar Badr Abdelatty iyo wefdi uu hoggaaminayay ayaa Jimcihii safar kooban ku tegey magaalada Muqdisho, isaga oo la socday duulimaadkii u horreeyay ee diyaaradda Egypt Air. Wasiir Badr Abdelatty oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dowladda Masar si buuxda u taageersan tahay midnimada iyo madax-bannaanida jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. “Dowladda Masar waxay aad u daneyneysaa midnimada iyo madax-banaanida Soomaaliya, waxayna taageereysaa dadaallada ay dowladda Soomaaliya kaga hortageyso isku day kasta oo lagu waxyeeleynayo madax-bannaanideeda” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Masar. Mudane Badr Abdelatty ayaa carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in labada dal ee Soomaaliya iyo Masar ay si wada jir ah uga wada tashadaan caqabadaha ka jira gobolka waxaana uu ku baaqay in la ixtiraamo mabaadi’da deris wanaaga. Dhinaca kale Wasiirka Arrimaha dibadda dalka Masar waxa uu Muqdisho kaga qayb galay munaasabadda xarigga looga jarayay duulimaadkii u horreeyay ee diyaaradda Egypr Air ee Muqdisho oo Jimcihii la daah-furay. PUNTLAND POST The post Dowladda Masar oo sheegtay in ay si buuxda u garab taagan tahay midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  6. Is rasaaseyn xooggan ayaa lagu soo warramaya in ay saaka ka dhacday gudaha Xabsiga Dhexe ee magaalada Muqdisho. Is rasaaseynta ayaa timid kaddib markii Maxaabiis ka mid ah kuwa ku jira Xabsiga ay heleen hub iyo bambooyin si qarsoodi ah loogu geeyay islamarkaana ay la dagaalameen Ciidanka ilaalada xabsiga. Wararka ayaa sheegaya in dhimasho iyo dhaawac ka dhashay shaqaaqada ka dhacday gudaha xabsiga dhexe, waxaana la soo warrinayaa in xaaladda ay hadda tahay mid degan. Waa markii labaad oo xabsiga dhexe iska hor imaad uu ka dhaco, sanadkii 2020 ayay aheyd markii sidan oo kale maxaabiis ku jiray Xabsiga oo hub loogu qariyay raashin ay ka dhex dagaalameen xabsiga gudihiisa. PUNTLAND POST The post Khasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo ka dhashay is rasaasayn ka dhacday xabsiga dhexe ee Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  7. Luuq (Caasimada Online) – Ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah howlgalka ATMIS, kuna sugan gobolka Gedo ayaa si toos ah u faro-geliyay dagaal beeleedka degmada Luuq, kadib markii ay dowlad goboleedka Jubbaland ku wareejisay amniga guud ee degmadaasi. Ciidamada Itoobiya ayaa door way ka qaatay sugidda amniga intii uu socday dadaalka nabadeed ee uu halkaas ka waday madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan, ayaga oo la wareegay amniga hoolka la’isugu keenay beelaha. Sidoo kale ciidamada Itoobiya ayaa haatan isku ballaariyay qaybo badan oo kamid ah degmada Luuq, si ay uga hortagaan dagaal mar kale ka dhaca gudaha degmadaasi. Maxamuud Sayid Aadan oo kulan la yeeshay saraakiisha ciidamada Itoobiya oo uu hoggaaminayay taliyaha qeybta sadexaad ee howlgalka ATMIS Besfat Fente iyo masuuliyiin kale oo katirsan howlgalka ATMIS ayaa kala hadlay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab. “Kulanka ayaa lagaga hadlay xaalada amniga, howlgalada kasocda deegaanada Jubaland ee lagu ciribtirayo Khawaariijta iyo qorshaha bixitaanka Ciidamada ATMIS.” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo ay Jubbaland kasoo saartay shirkaasi. Dhinaca kale madaxweyne ku xigeenka Jubbaland ayaa sheegay in guddi gaar ah loo xil-saarayo soo qiimeynta hantidii lagu gubay Suuqa Degmada Luuq ee Gobolka Gedo, ayada oo uu guddigaas diyaariyo qorshaha lagu gacan-qabanayo Dadkaas. Waxaa kale oo uu nasiib darro ku tilmaamay in Dagaal Beeleedka ka dhacay Degmada Luuq lagu gubo Suuqa Degmadaas oo muhiim u ah Bulshada halkaas ku sugan maadaama aanay ka maarmin badeecaha lagu iibiyo oo safar fog loo galo. “Waxa aad uga xunnahay Dadka Soomaaliyeed ee Suuqaas ku hanti beelay, in ka badan 320 Ganacsi in lagu gubay, waan garab taaganahay, labadeenna heer Dowladeed waxa aan codsanaynaa in aan la cidleyn Dadkaas oo la gacansiiyo, Guddi Ayaan u xilsaaraynaa si dib noloshooda gacan looga siin lahaa” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka Jubbaland. Xaaladda degmada Luuq ayaa haatan ah mid deggan, kadib dagalalo culus oo halkaas ku dhex-maray laba beelood, kuwaas oo iska dilay dad badan, iskana gubay goobo ganacsi. The post ITOOBIYA oo faro-geliyay dagaalka LUUQ + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  8. Ammanka shaqaalaha maraakiibta ganacsiga ayaa noqday walaac weyn iyada oo ay kordheen weerarrada rabshadaha ah ee ay geysanayaan kooxaha burcad-badeedda sida laga soo xigtay warbixintii ugu dambeysay ee Xafiiska Caalamiga ah ee Badaha. Inta badan kororka waxaa uu ka yimid Soomaaliya halka meelaha kale ee adduunka hoos u dhac guud uu sii socdo, waxaana bilihii ugu dambeeyay soconayay afdubyada ay geysanayaan kooxda burcadda ah, taas oo keentay xasarad amni darro oo ka dhacda badda. Warbixinnada ayaa muujinaya in rubuci hore ee sannadkan, la diiwaangeliyey 60 dhacdo oo ah burcad-badeed iyo dhacdooyin hubaysan oo ka dhan ah maraakiibta, walaaca weyn ayaa ah in rabshadaha ka dhanka ah shaqaalaha ay si aad ah u kordheen. “Kororka walaaca leh ee dhacdooyinka rabshadaha wata wuxuu muujinayaa baahida loo qabo feejignaan joogto ah oo ka timaadda bulshada caalamiga ah si loo hubiyo badbaadada dhammaan badmaaxiinta, gaar ahaan xilligan ay jirto hubanti la’aanta sare ee gaadiidka badda,” ayuu yiri John W.H. Denton AO, Xoghayaha Guud ee ICC. IMB waxay tilmaamaysaa in kadib ku dhawaad 10 sano oo xasillooni ah biyaha Soomaaliya, dhacdooyinka burcad-badeednimada ay dib ugu soo laabteen si buuxda iyadoo 8 dhacdo laga soo sheegay rubuci hore ee 2024, oo ay ku jiraan 3 afduub. Dhacdooyinka ugu dambeeyay waxa ay muujiyeen awoodda burcad-badeedda Soomaaliyeed inay beegsadaan maraakiib illaa 1,000 mayl badeed meelo ka baxsan xeebta Soomaaliya, taas oo kor u qaaday walaaca maraakiibta muujinayaan oo amniga ah. Waxaa ka mid ah kiisaska sanadkan laga soo sheegay biyaha Soomaaliya afduubka Markabka Abdullah, markab xamuul ah oo calanka Bangladesh wato, bishii Maarso isagoo ka soo ambabaxay Mozambique kuna sii jeeday Isutagga Imaaraadka Carabta. Burcad-badeedda Soomaaliyeed waxay sii daayeen markabka iyo shaqaalaheeda oo gaaraya 23 kaddib markii la bixiyay $5 milyan oo madax-furasho ah. “Waxaan sii wadeynaa inaan ku boorinno taxaddar ku saabsan dhacdooyinka burcad-badeedda Soomaalida oo aan ugu baaqeyno dhammaan milkiilayaasha maraakiibta iyo badmaaxiinta inay adkeeyaan maraakiibtooda oo ay raacaan dhammaan tilmaamaha ku habboon ee ku jira warbixinnada hababka ugu wanaagsan ee maaraynta marka ay dhexmarayaan biyaha Soomaaliya,” ayuu yiri Michael Howlett, Agaasimaha IMB. Biyaha Soomaaliya iyo aagga Badda Cas ayaa muddooyinkii dambe waxaa kusoo badanayay weerarro ay geysanayaan kooxaha burcadda Soomaaliya iyo kooxda Xuutiyiinta, waxaana xusid mudan in dhowr weerar oo dhacay lagu afduubtay Maraakiib ganacsi. Source: goobjoog.com
  9. Mogadishu (HOL) - The Minister of Foreign Affairs of Egypt, Badr Abdel Aty, reiterated the Egyptian government's full support for the unity and independence of Somalia during the inaugural ceremony of biweekly Egypt Air flights in Mogadishu on Friday. Source: Hiiraan Online
  10. Wasiirka Kalluumeysiga xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Xasan Aadan oo wareysi kooban bixiyay ayaa sheegay in ay dagaal xoog badan ku qaadeen kalluumeysiga sharci-darrada ah ee xeebaha Soomaaliya. “Maaddaama ciidankeenu Badda uusan jirin ama awood badan uusan horey u lahayn, dalkana soo korayay, waxaa iska dayacnaa runtii Baddeenu oo aad u balaaran,marka waxaa batay dad badan oo si sharci daro ah uga kalluumeysto”. “Waayahan dambe waxaan ku qaadnay dagaal xoog badan mid sharci oo aan dacweyneyno dadka ku lug leh waxaa, dignoono oo aynu soo saarnay iyo dowladda Soomaaliya oo awood u yeelatay Tiknooloji ahaan in ay Badda ilaaliso oo aan ogaan karno maraakiibta Baddeenu soo marto nooca ay yihiin, meesha laga leeyahay, inta ay yihiin iyo meesha ay u socdaan”. “Taasi waxay sahashay in cidii aan ku dhaho markabkaada Baddeenu ayuu ku jiraa haddii aysan noo bareerin kala baxdo ama ay sharci na weydiistaan ama aan ku dacweyno oo ay ciqaab iyo cambaareyn kala kulanto, marka hadda Dowladda waxay awood u leedahay in ay koontaroosho Baddeeda” ayuu yiri wasiir Axmed Xasan Aadan. “Dowlado badan ayaan badeenna ka saarnay qaarna hadda ayaan ku tala jirnaa maadaama ay ku xad gudbeen nidaamka kalluumeysiga badaha waxaase jira kuwa ka dhega-adaygay oo weli ka kalluumeysta baddeena waxaana socda tallaabadii looga saari lahaa” ayuu sii raaciyay Wasiirka. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ay dagaal xoog badan ku qaaday Kalluumeysiga sharci-darrada ah appeared first on Puntland Post.
  11. Ayadoo ay Soomaaliya dhowaan ku biirtay Ururka iskaashiga dhaqaale bulshada bariga ayaa waxaa socda dadaallo ku aadan sidii kamid noqashadaas toos loogu dhaqan-gelin lahaa, islamarkaana Soomaaliya ay wax soo saarkeeda ugu iib geyn lahayd dalalka xubnaha ka ah ururka. Kalluunka oo kamida kheyraadka ugu badan ee ay Soomaaliya haysato ayaa kamid ah waxyaabaha lagu taamayo in dalalka bariga Afrika Suuq ballaaran looga helo, ayadoo laga faa”iidaysanayo ku biiristii ururka ay intooda badani ku mideysanyihiin ee dhowaan lagu guulaystay. Wasiirka Kalluumeysiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Axmed Xasan Aadan ayaa sheegay in Kuluumaysatada Soomaaliyeed ku biirista urur Gobaleedkaasi ay u tahay fursad qaali ah, islamarkaana uu suuq weyni ugu furanyahay kallunka dalka oo loo iib geeyn karno. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in kallunka iyo waxyaabaha kale ee ay Soomaaliya dhoofin doonto canshuur dhaaf loo sameyn doono, ama wax yar oo laysla ogyahay laga qaadi doono, sidoo kalena ay dalka kenya heshiis gaar ah oo wax soo saarka badda la xariira la galeen, islamarkaana dhowaan malayga Soomaaliya loo iib geyn doono. Arrin ayaa fursad weyn u noqan doonta kalluumaysatada Soomaaliyeed, sidoo kale kobaca dhaqaalaha dalka ayay kaalin weyn ka qaadan doontaa haddii hirgelinteeda lagu guulaysto, Soomaaliya ayaa qeyb ka ah dalalka leh kheyraadka Kalluunka. Dowladda Soomaaliya ayaa dhowaan ku biirtay suuqa bulshada Bariga Afrika, waxaana looga fadhiyaa in ganacsiyo kale duwan ay la wadaagaan dalalka ku jira, Xilligaan waxaa lasoo warinayaa in Kalluunka uu helayo suuq fiican xilli xoolaha iyo khudaarta la filayo. Source: goobjoog.com
  12. Maxkamad ku taalla Iran ayaa ku amartay Mareykanka inuu bixiyo ku dhawaad 6.8 bilyan oo dollar oo ah magdhowga saameynta ay cunaqabateynta Washington ku yeelatay bukaannada qaba cudurrada maqaarka ee dhifka ah. Tallaabooyinka Washington “waxay bukaannadan u diideen dawooyin iyo boomaato, taasi oo keentay “dhimashada ilaa 20 qof,”, ayuu lagu qoray website-ka waaxda garsoorka Iran ee Mizan Online. Maxkamadeynta ayaa billaabatay November 2021, markii 295 dacwoodeyaal, oo ay ku jiraan bukaanno, ay 30 sarkaal oo Mareykan ah maxkamadda ku dacweeyeen ayaga oo ku eedeeyey inay ka qaybqaateen soo-rogista cunaqabateynta”. Waxay gudbiyeen kiiska ka dib markii khubaro madax-bannaan oo Qaramada Midoobay ah ay bishii October 2021 tusaale ugu soo qaateen saameynta tallaabooyinka Mareykanka ay ku yeesheen bukaannada cudurka maqaarka ee epidermolysis bullosa. Madaxweyne Donald Trump ayaa sanadkii 2018 si keligiis ah Mareykanka uga saaray heshiiskii Nukliyeerka ee u dhaxeeyay Iran iyo quwado badan oo caalami ah. Waxa uu dib u soo rogay cunaqabatayn dhaqaale oo lagu qaaday heshiiska. PUNTLAND POST The post Iran oo Mareykanka ka doonaysa lacag dhan $6.8 bilyan oo Magdhaw ah appeared first on Puntland Post.
  13. Kenya’s police chief has resigned after criticism of officers’ conduct during recent antigovernment demonstrations in which dozens of protesters were killed. Source: Hiiraan Online
  14. The Minister of Foreign Affairs Badr Abdel Aty held Friday expanded bilateral talks with his Djiboutian and Somali counterparts, followed by two press conferences in the two countries. Source: Hiiraan Online
  15. The World Bank Group has debarred Kenya-based Ernst & Young LLP (EY) for two and a half years for failing to disclose conflict of interest and engaging in fraud and corrupt practices in implementing two projects in Somalia. Source: Hiiraan Online
  16. Thousands of Somaliland soldiers have entered Ethiopia on Thursday, BBC Amharic reported it citing government news outlets in Somaliland. Source: Hiiraan Online
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxeynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horreeysay si cad u beeniyay inay jiraan degaano iyo degmooyin ka tirsan gobolada dalka oo dib u qabsatay Al-Shabaab. Xasan ayaa meesha ka saaray inay jirto in kooxda dib ula wareegtay goobo markii hore laga saaray oo ciidamada ka baxeen, isaggoo amaanay ciidanka xoogga dalka iyo shacabka hubeysan oo si wada-jir ah ula dagaalamaya Al-Shabaab. Madaxweynaha ayaa sheegay in uu qalad dhici karo, wuxuuna sheegay in hadii la arko qof wax ka qaldameen uu yahay qof wax qabtay, uuna ka wanaagsan yahay midka an wax qabanin, islamarkaana la taageero ciidamada xoogga dalka. “Dagaal markasta waa guul ama guul-darro, hase yeeshee macquul maaha in la xaqiro ciidamada xoogga dalka iyo deegaanka ee dagaalka kula jira kooxda,” ayuu yiri madaxweyne Xasan oo ciidanka geesiyaasha ku amaanay sida ay naftooda ugu hurayaan xoreynta dalka. Hadalka madaxweyne Xasan ayaa imaanaya xilli xildhibaano ka tirsan golaha shacabka ay sheegeen in deegaano iyo degmooyinkii ay ku baxeen saraakiil muhiim ah ay dib ula wareegtay kooxda, wuxuuna u muuqda hadalka madaxweynaha mid jawaab u ah xildhibaannada. Dagaalka Al-Shabaab ka dhanka ah oo wejigiisa koowaad uu dardar horleh ku bilowday, islamarkaana kooxda looga xoreeyay degmooyin iyo deegaan muhiim ah oo sanado ka talinayeen, ayaa waxaa bilihii dambe ku yimid gaabis, kaasi oo loo tirinayo hoggaan xumo haysata ciidanka. Madaxweynaha ayaa toddobaadyadii u dambeeyay waday dadaallo dhiig cusub loogu shubayo howl-galka, si loogu gudbo wejiga labaad ee dagaalka oo dib u dhac weyn ku yimid, wallow uusan illaa hadda wax isbeddel ah ku sameyn hoggaanka sare ee ciidanka. The post Xasan Sheekh oo beeniyay war kasoo yeeray xildhibaano ka tirsan BF appeared first on Caasimada Online.
  18. Ciidamada Israa’iil ayaa xalay dib uga baxay qeybo ka mid ah magaalada Gaza, kaddib mudda todobaad ah oo ay duqeymo ba’ani ku hayeen isla markaana meelaha qaar ay kala kulmayeen iska-caabin culus oo kaga imaneysay Xamaas. Sida ay sheegeen goob joogayaasha iyo kooxaha gurmadka deg degga ah, ciidamada Isra’il ayaa kaga tagay xaafadihi ay xalay ka baxeen ee Gaza, meydadka tobnaan qof, burbur xoog leh oo soo gaaray dhismayaal tira badan iyo waddooyinki muhim u ahaa magaalada. Adeegga Gurmadka Rayidka ah ee Gaza ayaa sheegay in ay xaafadaha Tel Al-xawaa iyo Sabta ee magaalada Gaza ay kasoo ururiyeen, meydadka ku dhawaad 60 qof oo Falastiiniyiin ah oo ay dileen ciidamada Israa’iil usbuucii la soo dhaafay. Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in ay heleen hub iyo diyaaradaha aan duuliyaha laheyn oo ay sheegeen in ay Xamaas ku hesyteen xarunta hey’adda Qaramada Midoobay ee Falastiin ee UNRWA. Waxay kaloo sheegeen in ay aaggaasi ka daad gureeyeen rayidka ka hor inta aysan weerarin. PUNTLAND POST The post In ka badan 60 mayd oo laga helay xaafado ka tirsan Gaza kadib markii ay ka baxeen millitariga Israa’iil appeared first on Puntland Post.
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Socdaalka dalka Masar Badr Abdelatty ayaa maanta yimid Muqdisho, wuxuuna la socday diyaaradda Egypt Air oo Soomaaliya ka bilaabeysa duulimaad toos ah, waa duulimaadkii ugu horeeyey 30 sano oo Soomaaliya burbursadeen kadib. Wasiirka ayaa khudbad ka jeediyey qeybta VIP-da ee garoonka Aadan Cadde, isagoo muujiyey in dowladda Masar ay taageero weyn u heyso Soomaaliya, isagoo ka hadlay kursiga aan joogtada aheyn ee Soomaaliya ay ka heshay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey. “Waxaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, uga hambalyaynaya munaasabadda xuska maalinta xorriyadda, iyo sidoo kale doorashada Soomaaliya ee xubinnimada Golaha Ammaanka oo dhaqangaleysa bisha Janaayo ee socota,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Masar. Wasiir Badr ayaa sheegay in Masar ay ka go’an tahay inay taageero u fidiso Soomaaliya, isagoo sheegay in Soomaaliya ay u rajaynayaan inay ku guuleysto xilka gudashada kursigaas, isla markaana ay noqoto Soomaaliya xubin adag oo ka tirsan golaha. “Mudanayaasha sharafta leh, sida aad ogtahiin gobolka waxaa ka taagan caqabado horleh oo u baahan in aan dadaalkeenna isku geyno oo aan si dhow uga tashano, anagoo ka duulayna xiriirka soo jireenka ah ee labada dal, iyo in la isku duwo wada-shaqeynta ku aadan arrimaha kala duwan sida Ixtiraamka mabaadi’da deris-wanaagga iyo in laga fogaado fargelinta arrimaha gudaha ee dalalka,” ayaa yiri. Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar ayaa intaas ku sii daray “Waxaan sidoo kale jeclaan lahaa inaan caddeeyo sida buuxda ee Masar ay u taageersan tahay midnimada, wadajirka dhuleed iyo madax-bannaanida Soomaaliya, iyo diidmada qayaxan ee Masar ay ku diiddan tahay tallaabo kasta oo wax u dhimaysa madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.” Munaasabadda xarigga looga jarayay duulimaadkii u horreeyay ee diyaaradda Egypr Air oo ka mid noqon doonta duulimaadyada caalamiga ah ee yimaada garoonka Caalamiga ah ee diyaaraddaha Aadan Cadde oo ka dhacday garoonka ayay si wadajir ah xarigga uga jareen Wasiirada Arrimaha dibadda Soomaaliya iyo Masar oo ay wehliyeen Wasiirada Gaadiidka labada dal. Arrintan ayaa waxay astaan kale u noqoneysaa ahmiyadda Masar u leedahay Soomaaliya iyo xoojinta xiriirka soo jireenka ahaa ee labada dal, kaddib khilaafkii Soomaaliya iyo Itoobiya. The post Wasiirka arrimaha dibadda Masar oo ka hadlay 4 arrimood oo Soomaaliya muhiim u ah appeared first on Caasimada Online.
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay warbixinta toddobaadle ah oo ka kooban 19 qodob oo lagu faahfaahiyey waxyaabihii dhacay toddobaadkaan, qoraalkaan waxaa soo saartay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, waxayna soo baxdaa toddobaadkiiba hal mar. Hoos ka aqriso qodobada warbixinta oo dhameystiran: 1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo si rasmi ah u furay Kalfadhiga 5aad ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya. 2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Asmara kulan kula soo yeeshay Madaxweynaha Eritrea, Isaisas Afwerki. Madaxweynaha ayaa dib ugu soo laabtey dalka markii uu soo dhameystay booqashadiisa labada maalmood ahayd 3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo uu weheliyo Madaxweynaha dalka Eritrea Isaias Afwerki ayaa kormeer ugu tagay cutubyo katirsan Ciidanka Cirka Soomaaliya oo tababar ku qaadanaya magaalada Asmara. 4- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku saxiixay buugga tacsida Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari. 5- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay munaasabad ay ku qalin-jabinayeen Dufcaddii 6-aad ee saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo Muqdisho lagu qabtey. 6- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka telefonka kula xiriiray Madaxweynaha Masar Mudane Cabdulfataax Al-Sisi , iyagoo ka wada hadlay xaaladda gobolka iyo danaha ay wadijrka u wadaagaan Soomaaliya iyo Masar. 7- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa dib dalka ugu soo laabtey kadib booqasho rasmi ah oo uu ku tegay dalka Ciraaq. 8- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo intii uu joogay Ciraaq kulamo mira dhal ah kula soo yeeshay Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha, Guddoomiyaha Baarlamanka iyo madax kale oo ka tirsan Dowladda Jamhuuriyadda Ciraaq. 9- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa ku baaqay in si deg deg ah lagu joojiyo dagaal beeleedyada macno darrada ah ee ka socda degmada Luuq ee gobolka Gedo, isagoo intaa ku darey in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay qaadayso tallaabooyin lagu xaqiijinayo nabadda degmada Luuq. 10- Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarmalanka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa khudbad ka jeediyay furitaanka Kalfadhiga Shanaad ee Baarlamaanka 11-aad, isagoo ka warbixiyay waxyaabihii Baarlamaanka u qabsoomay Kalfadhigii Afaraad Iyo shuruucda u qorsheysan ka shaqeyntooda. 11- Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Allaha ha u naxriistee Mudane Maxamed Cali Xaamud oo ahaa Wasiirkii Hore ee Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya oo ku geeriyooday dalka Australia. 12- Shirkadda Diyaaradaha Masar oo bilowday duulimaadyo ay isaga gooshayso Muqdisho iyo Qaahira. 13- Wasirka Cadaaladda iyo Dastuurka ee Soomaaliya Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa daah furay Shirweynaha Hal-abuurada Soomaaliyeed ee 2024-ka, isagoo xusay muhiimadda ay leeyihiin hal-abuurka, maalgashiga, iyo taageerada sharciga. 14- Wasiirka Amniga Gudaha ee Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa kulan la yeeshay Danjiraha Dowladda Maraykanka u fadhiya Soomaaliya, Mudane Richard H. Riley, waxaana ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo Iskaashiga labada dal, gaar ahaan taageerada ay siiyaan hey’adaha amniga dalka. 15- Wasiirka Waxbarashada ee Soomaaliya Mudane Faaraxa Sheekh Cabdulqaadir ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay Ergeyga KMG ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, iyagoo ka wada hadley xaaladda waxbarashada dalka iyo mashaariicda hay’adaha Qaramada Midoobay ee horumarinta waxbarashada. 16- Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maxamed Cilmi Ibraahim ayaa kulan la yeeshay mas’uuliyiin sare oo ka socday Xafiiska UNDP Soomaaliya oo uu hoggaaminayay Wakiilka Joogtada ah, Mudane Lionel Laurens. 17- Maamulka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cabdulle ayaa la kulmay mas’uuliyiin ka socotay hay’adda TSA oo Mareykanka u qaabbilsan amniga garoomada. 18- Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxyadiin oo kulan la qaatay dhammaan hoggaanada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed 19- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa howlgalo ka dhan ah Khawaarijta Al-Shabab ka fuliyay deegaannada kala ah, Baar, Ceel Jeedow, Ceel Tuumed iyo Sijo oo ka tirsan Degmada Waajid ee Gobolka Bakool. The post DF oo soo saartay warbixin dheer oo 19 qodob ah – Aqriso qodobada appeared first on Caasimada Online.
  21. 450241288_3794905470722796_1125976552329377244_n Qaran News
  22. Nairobi (Caasimada Online) – Taliyihii guud ee ciidamada booliska dalka Kenya ayaa xilkii is-casilay, kadib mudaharaadyo rabshado wata oo toddobaadyo socda dalka, kuwaas oo galaaftay nolosha in ka badan 40 qof. Hay’adaha xuquuqul insaanka ayaa ku eedeeyay booliska Kenya in ay toos u toogteen tobanaan dibad-baxayaal ah oo qaarkood ay dhinteen, boqolaalna ay qafaasheen ama si aan sharci ahayn loo xiray. Bartamihii bishii hore waxaa ka dhacay dalka Kenya mudaaharaadyo looga soo horjeedo in la kordhiyo canshuuraha, dibadbaxa ayaa la xakameyn waayey. Dibad-baxayaashu waxay xoog ku galeen baarlamaanka, wax yar kadib markii sharci-dajiyayaashu ay meel mariyeen sharciga muranka dhaliyay. Intaas kadib Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa qaaday tallaabo uu ku kala diray golihii wasiirrada dalka, taas dejisay inta badan shacabkii careysnaa ee mudaharaadayey maalmihii lasoo dhaafay. William Ruto wuxuu Khamiistii shaqada ka eryay in badan oo ka mid ah golihiisa wasiirrada, isagoo ku dhawaaqay in uu soo dhisi doono xukuumad ‘ballaaran’. Wasiirrada shaqada laga eryey waxaa ka mid ah Aadan Barre Ducaale oo ka soo jeeda Soomaalida Kenya, isla markaana ahaa wasiirka gaashaandhigga dalkaas, sidoo kale wuxuu saaxiib dhow la ahaa Madaxweyne William Ruto. The post Taliyihii guud ee booliska dalka Kenya oo is-casilay, kadib markii ay dhinteen… appeared first on Caasimada Online.
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Shacabka Soomaaliyeed waxaa jirta laba arrin oo ay si weyn ugu nacaan madaxda, waana qabyaaladda iyo boobka hantida umadda ka dhaxeysa. Waxaa warbixintan ku eegayna madaxda iyo dhinaca qabyaaladda. Waxaana isku bar-bardhigaynaa warbixintan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed. Madaxda Soomaalida qaar markii ay banaanka joogaan waxay muujinayaan oo wax ku raadinayaan Soomaalinnimo, laakiin markii xukunka helaan ayey la yimaadan dabeecad qabyaaladeed, naceybka reero gaar ah iyo u sad-burinta reerkooda hoose. Dhawaan madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed aya ku eedeeyay madaxweyne Xasan Sheekh inuu qabyaalad uga shaqeynayo si aan fiicneyn, isaga oo tilmaamay in la ogyahay halka uu kusoo dhamaado qabiilka. Saddexdan madaxweyne ee Xasan Sheekh, Farmaajo iyo Sheekh Shariif mid walba waxaan ku saleynay qeybta uu warbixintan ku leeyahay waxa lagu arkay xukunkiisa ama u yaalla suuqa siyaasadda oo dadweynuhuna marar badan kor u sheegeen. Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu xukunka qabtay laba jeer. Madaxweynaha labadaasi jeerba waxaa lagu eedeeyay labo sifo oo qabyaalad la xiriirta. Mid waa inuu diidan yahay ama muujinaayo naceyb la xiriira reero gaar ah. Midna waa sad-bursi u sameynayo qeybta hoose ee uu ka yahay reerka uu awood-qeybsi ahaan ku metelo hanaanka 4.5. Beesha degta Puntland ayaa marar badan la sheegay inuu madaxweyne Xasan Sheekh reer ahaan u diidan yahay, halka uu labadiisi xili xukuna xagga wax qeybinta uu si weyn sad-bursi ugu sameeyay reerkiisa hoose, gaar ahaan xagga dhaqaalaha, xilalka, ciidameynta iyo hub u sameynta. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Farmaajo ayaa intii lagu jiray waxaa lagu arkay hal sifo oo qabyaalad ah, waana diidmada ama naceybka beel gaar ah. Waxaa si weyn loogu eedeeyay madaxweynihii hore madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo inuu go’aadsaday in siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaanba u wiiqo reerka Muqdisho degan. Isaga oo tijaabiyay inuu siyasaad ahaan u bur-buriyo hoggaankooda wax-galka ah, inta badan xilalkooda heer federaal iyo heer maamul goboleedna uu ku taxay kuwooddii ugu tayada liitay, taas oo lagu tilmaamay dagaal qaawan oo reerkaas ka dhan ahaa. Farmaajo isagu wax sad-bursi ah uma sameynin reerkiisa hoose. Markii diiwaankiisa lagu laabto markii ra’iisul wasaaraha ahaa iyo markii madaxweynaha noqday Farmaajo ma muujin sad-bursi uu reerkiisa u sameyno, balse waxaa lagu haystaa diidamada beel gaar ah. Shariif Sheekh Axmed Shariif waxa uu haystaa diiwaanka madaxweynaha ugu qabyaaladda yar saddexdii madaxweyne ee ugu dambeysay Soomaaliya. Shariifku ma lahan sumadda ah inuu reer gaar ah neceb yahay, waligiina laguma eedeyn. Xilligii xukunkiisana kuma kicin inuu reerkiisa xoolaha umadda u dhaco ama u sameeyo sad-bursi xileed. Marka lasoo koobo nuxurka warbixinta iyo waxa suuqa siyaasadda u yaalla mid walba oo kamid ah saddexdii madaxweyne ee ugu dambeysay Soomaaliya. Xasan Sheekh waxaa lagu haystaa diidmada reero gaar ah iyo u sad-burinta reerkiisa. Farmaajo waxaa lagu haystaa diidmada reero gaar ah, balse isagu kuma suntana weligiis inuu reerkiisa wax u badiyay. Halka aan Shariif Sheekh Axmed loo haysan wax qabyaalad la xiriira haddii ay tahay naceybka beel gaar ah ama wax u boobida reerkiisa. The post Xasan, Farmaajo iyo Shariif: Waa kuma madaxweynaha ugu qabyaaladda badan? appeared first on Caasimada Online.
  24. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa maanta oo Jimce ah ku soo dhoweeyay Muqdisho dhiggiisa Wasiirka Arrimaha Dibadda, Socdaalka iyo Jaaliyadaha, Mudane Dr. Badr Abdelatty, si loo daah-furo si rasmi ah khad duulimaad toos ah oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Masar, taasi oo tilmaan u ah bilashada waa cusub oo isgaarsiineed iyo iskaashi oo labada dal ee walaalaha ah yeeshaan. Xafladda daah-furidda ayaa lagu qabtay Gegidda diyaaradaha Caalamiga, Aadan Cabdulle, iyadoo ay ka soo qeybgaleen mas’uuliyiin sare oo labada dal ah, waxaa madasha goob-joog ka ahaa mas’uuliyiin muuqda oo ay ka mid ahayd Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fardowsa Cusmaan Cigaal iyo Wasiirka Duuliska Hawada ee Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar, Mudane Dr. Sameh Al-Hafni. Munaasabadani ay muujinaysay sida ay uga go’an tahay labada dal sare u qaadidda xiriirka dhow iyo iskaashig Soomaaliya iyo Masar u dhexeeya si uu u xoojiyo is-dhexgalka gobolka. Hadal uu madasha ka jeediyay Wasiir Axmed Fiqi waxa uu caddeeyay faaidada kala duwan ee khadka duulimaadka tooska ah ee cusub uu u leeyahay dalka, isaga oo sheegay inuu kobcinayo dhaqaalaha, xoojinayana dalxiiska, isla markaana uu soo jiidayo maalgeshiga. Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa ifiyay suuragalnimada inuu kobciyo is-dhaafsiga iyo wax is-weydaarsiga ganacsi ee labada dad oo u horseedaya labada dal fursado kobac aad u ballaaran. Daahfurka khadka duulimaadka tooska ah ayaa loo arkaa mid muhiim u ah xiriirka Soomaaliya iyo Masar, waxa ayna ka tarjumaysaa aragtida ballaaran ee labada dowladood ee ah inay sii qoto-dheereeyaan iskaashigooda dhinacyada kala duwan, sida siyaasadda, amniga, dhaqaalaha, gaadiidka, duulista hawada, ganacsiga, dhaqanka, tacliinta sare, caafimaadka iyo tababbaro dhinacyo badan leh. Source: goobjoog.com