Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,301
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muranka xudduud badeedka ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya ayaa qaaday waddo kale oo cusub kaddib markii Muqdisho ay ka mamnuucday saraakiisha dowladda inay ka qeybgalaan shirarka arrimaha Soomaaliya looga hadlayo oo ay Nairobi martigeliso si ay u muujiso sida ay uga xun tahay xayiraaddii loogu diiday inay galaan dalka Kenya mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale u qabatay bil ururrada aan dowliga ahayn ee ka hawlgala Soomaaliya inay u soo raraan xarumahooda magaalada Muqdisho ama laga mamnuuci doono inay ka shaqeeyaan Soomaaliya. Tillaabadaan ay Soomaaliya qaadday ayaa timid markii saddex mas’uul oo Soomaaliyeed oo u safrayey Kenya si ay uga qeybgalaan shirka midowga Yurub oo ka dhici lahaa magaalada Nairobi loo diiday visaha dal-ku-galka iyagoo wata basaboorka diblomaasiga. “Iyadoo ay jiraan arrimihii la xiriiray Nairobi, Kenya, Wasaaraddu ma awoodi doonto inay ka qeybgasho dhammaan shirarka qorsheysan iyo kuwa dhici doonaba sida Workshopska, Siminaarrada iyo tababarrada lagu qaban doono Nairobi waxayna ku talineysaa in shirarkaas lagu qabto dalka Soomaaliya gudihiisa ama dal kale oo fududeynaya safarka,” ayuu yiri agaasime General Cabdullaahi Xaashi Cali. Go’aanka Soomaaliya ay qaadatay ayaa macnihiisu yahay in saraakiisha Soomaaliyeed aysan ka qeybgali doonin shirka UN Habitat kaasoo ka dhacaya Magaalada Nairobi Isniinta, shirkaan oo uu furi lahaa madaxweyne Uhuru Kenyatta. Wasaaradda Qorsheynta Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay in NGO kasta ee wali ka hawlgalaya Nairobi laga mamnuuci doono inuu Soomaaliya ka shaqeeyo. Amarkaan cusub ee kasoo baxay Wasaaradda Qorsheynta ayaa sida muuqata muujinaya sida uu uga sii darayo muran badeedka u dhaxeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya. Usbuucii hore dowladda Soomaaliya ayaa u dirtay qoraal cabasho ah Kenya oo ku saabsan in xarig iyo musaafuris loo geystay saraakiil Soomaaliyeed oo qeyb ka ahaa wafdi Nairobi shir uga qeybgali lahaa markii loo diiday Visaha dal-ku-galka. Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in tillaabada Kenya ay dhaawacayso xiriirka derisnimo ee ka dhaxeeya labada dal isagoo intaas ku daray in xiriirka wanaagsan ee Soomaaliya iyo Kenya uu sii jiri doono. Wasiir Cawad ayaa ugu baaqay dowladda Kenya inay ka fiirsato tillaabooyinka keeni kara saameynta xun una hoggaansanto xiriirka muddada dheer soo jiray ee u dhaxeeya labada dal iyo sidoo kale nidaamka diblomaasiyadeed iyo kan isqaddarin. Saraakiisha laanta socdaalka ee Kenya ayaa sheegay in wasiirro iyo xidhibaanno ka socday dowladda Soomaaliya oo aan Visa kasoo qaadan safaaradda Kenya ee Muqdisho sida sharciga cusub uu tilmaamayo loo diiday gudaha dalka Kenya. Wafdiga oo qaarkood watay baasaboorro qalaad oo loo ogolaaday Kenya ayaa diiday shir midowga Yurub ay ku qabanayeen xafiiska UNka ee Gigiri galabnimadii Talaadada. Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Kenya ayaa ka gaabsatay inay ka faallooto tillaabooyinkii ugu dambeeyey ee ay Soomaaliya qaadday. Muranka labada dalka ayaa cirka isku shareeray kaddib markii ay Soomaaliya dacwad uga gudbisay Kenya Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ). Horraantii bishaan Kenya ayaa amar ka soo-saartay dhammaan diyaaradaha ka imaanaya magaalada Muqdisho inay sii maraan magaalada Wajeer si baaritaan loogu sameeyo. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa diiday heshiis ka baxsan maxkamadda ICJ sida ay Kenya codsatay isagoo taas beddelkeed doortay in la sugo go’aanka ay murankaan ka gaarto ICJ. Source: goobjoog.com
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhowaan ka qaaday xilkii Guddoomiye ku xigeenka Maaliyadda ee Gobalka Banaadir Dr Xuseen Dhagaweyne kadib markii lagu eedeeyay musuq maasuq, sida lagu xusay warbixin ka soo baxday xafiiska hanta dhowrka Soomaaliya. Caasimada Online ayaa ogaatay in Dr Xuseen uusan xilkiisa ku waayin musuq maasuq balse uu jiray khilaaf culus oo bilooyinkii ugu dambeeyay kala dhaxeeyay Raysal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre. Kheyre iyo Dr Xuseen, oo isku beel ah, ayaa isku qabtay fulinta amar ka soo baxay Raysal wasaaraha Soomaaliya kaas oo ku saabsanaa arimaha maaliyadda laakiin uu ka dhaga adeegay Xuseen. Sida caadiga ah Gobalka Banaadir waxa uu lacag siiyaa odayaal, siyaasiin iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo taageero u ah Xukuumadda. Muddooyinkii ugu dambeeyay waxaa hoos u dhacay dhaqaalaha Dowladda dhexe waxa uuna Kheyre Gobalka u soo wareejiyay shaqsiyaad kale oo Xafiiskiisa iyo kan madaxweynaha lacag laga siin jiray balse uu Xuseen u sheegay in uusan u awoodin lacagta dadkaan loo rabo, waana sababta keentay muranka Raysal Wasaaraha iyo Guddoomiyihii xilka laga qaaday. Raysal wasaaraha ayaa Guddoomiyihii xilka laga qaaday ka dalbaday in uu soo gudbiyo liiska dadka lacagta gobalka qaata iyo meelaha ay ku baxdo lacagaha kale. Kheyre ayaa liiskaas ka dhax-helay lacag dhan 400,000$ oo ay bil walba qaadato Marwada 1-aad ee dalka Saynba Cabdi Macallin oo ah haweeneydii ka dambeysay in Guddoomiye laga dhigo Dr Xuseen islamarkaana ay yihiin qaraabo dhaw. Xasan Cali Kheyre ayaa dalbaday in lacagtaan laga joojiyo ilaa amar dambe waana sababta keentay in khilaafka uu bilaawdo. Sidoo kale muranka kadib ayaa Dr Xuseen lagu qabsaday 170 qof oo uu gobalka ka shaqaaleysiiyay kuwaas oo ay usoo gudbiyeen Marwada 1-aad ee dalka iyo Xildhibaan Mustaf Dhuxulow iyo qaar uu isaga watay, waxa uuna u waayay jawaab aan aheyn inuu ku sameeyay amarka Marwada dalka oo booska keensatay, sidoo kalane ay qaraabo yihiin. Muddo 2 jeer ah ayuu Kheyre Madaxweynaha Soomaaliya ka dalbaday xil ka qaadista Dr. Xuseen balse markii 1-aad waxaa ka joojisay Marwada dalka, halka hada xil ka qaadistiisa lagu aadiyay iyadoo dalka ka maqan oo ku sugan dalka Turkiga. Kulankii ugu dambeeyay oo ay yeesheen Xuseen iyo Kheyre ayaa ku soo dhamaaday isfaham waa iyo muran, waxayna soo dadajisay in Kheyre Madaxweynaha ka dalbaday in uu Xuseen meesha ka wado ama aysan socon doonin Shaqada Dowladda, is jiid dheerna uu banaanka u soo bixi doono. Hada waxaa dood ka dhax bilaabatay Marwada 1-aad ee dalka Maamo Saynab iyo raysal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, khilaafkaas oo ku aadan arintaan iyo warqad la sheegay in Xuseen laga dhigay Airport-ka Muqdisho. Lama oga sida loo xalin doono arintaan, balse waxaa muuqata in khilaaf aan sahlaneen uu ka dhax jiro Marwada 1-aad ee dalka iyo raysal wasaaraha Soomaaliya. Maamo Saynab saameen siyaasadeed oo aan yareyn ayey ku leedahay siyaasadda Soomaaliya iyo doorka hogaamineed ee dalka taas oo ka dhigeysa in Guddoomiyihii xilkiisa waayay heesto garab adag oo aan la loodin karin. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  3. A single teacher is keeping classes going for 120 children at Gebagebo village school, in an extremely remote hilly area, some 90 km north of the Somaliland town of Burao. Source: Hiiraan Online
  4. The mayor who branded Donald Trump a ‘wasteman’ and banned him from his city has won a seat in the European Parliament. Source: Hiiraan Online
  5. Somaliland can pride in producing its own soft drinkS after beverage maker Coca-cola opened a Sh1.5 billion production plant in Hargeisa. Source: Hiiraan Online
  6. DUBAI, United Arab Emirates – The energy-rich Arab nation of Qatar says its ruling emir received a letter from the king of Saudi Arabia. Source: Hiiraan Online
  7. Marine Le Pen's far-right National Rally scored a first-place finish in the European election in France, besting President Emmanuel Macron's Renaissance list, according to early projections of the French vote — a major victory for populist, Euroskeptic forces. Source: Hiiraan Online
  8. Jenaraal Jaamac Maxamed Qaalib oo ka mid ahaa saraakiishii ugu saraysey ee soo mara ciidamada Soomaaliya gaar ahaan Booliiska iyo Nabad sugida, ayaa maalin maalmaha ka mid ah waxa uu iiga sheekeeyey halka ay salka ku hayso arinta muranka dhalisay ee Soohdinta dhinaca Badda ee ay hada isku hayaan Soomaaliya iyo Kenya, waxa uuna hadalkiisii ku bilaabay sidan: Madax ka tirsaneyd dowladda Norwey ayaa waxa ay la kulantay sanadkii 1986-kii Allaha u naxariistee Cabdulaahi Ciise Maxamuud oo safiir ama Danjire ka ahaa wadamada Scandinavian-ka ee yurub, waxayna dabeed ka Gadeen ama ka iibiyeen in ay Soomaliya u soo saaraan Shidaalka Badda gunteeda hoose ku jira ee ay Soomaliya leedahay (waa halka ay hadda ka socoto dacwada ay isku hayaan Soomaaliya iyo Kenya)”. Jenaraal Qaalib oo hadalkiisii sii wata ayaa yiri. “Cabdulaahi Ciise hadalkii Norwey waa uu la dhacay waxa uuna arintii ula tegey Madaxwaynihii hore ee Soomaliya Allaha u nxariistee Maxamed Siyaad Barre, aad ayuu u soo dhoweeyey maadama dano badan Soomaliya ugu jirto Heshiiskas Shidaalka dhinaca Badda Soomaaliya loogu soo saarayo. Jenaralka waa uu sii hadlay oo waxa uu yiri. “Markay halkaas mareyso ayaa waxaa Sheekadii ka war helay Dowlada Mareykanka waxayna bixisey dhaqaale iyo balanqaadyo kala duwan sidii ay arintas u curyaamin lahaayeen, waana ay ku guulaysteen. Haddaba Waxaa arintaa dhex martay Mareykanka iyo Soomaaliya aad uga carooday Danjire Cabdulaahi Ciise Maxamuud waxayna taasi sababtay in Cabdulaahi Ciise shaqada uu sidaa uga tago”. Jenaraal Jaamac Maxamed Qaalib oo ka hadlaya waaya aragnimadiisa ayaa ii sii sheekeeyey oo yiri. “Wixii ka dambeeyey bur burkii dawladii soomaaliya sanadkii 1991-kii waxay Dowlada Norwey raadinaysey Dowlad ka dhalata Soomaaliya oo ay heshiiska soo saaridda Shidaalka Badda u soo saarto maadama ay kii hore ku hungowdey, waqtigii ayaana ku dheeraaday Dowladda Norwey maadaama ay Soomaaliya Dowlad la’aan ahayd sanado badan, Aakhirkiina waxay dowladda Norwey Kenya ku tirtirsiisey kuna qal qaalisey in ay sheegato Ceelasha Shidaalka ee ku jira Badda Soomaaliya kuwaas oo ah kuwa hadda la isku haysto, marka ay Kenya guulaysatana ay Norwey Shidaalka soo saarto”. Jananku oo hadalkiisa soo gebagebeynaya ayaa yiri. “Kenya waxay u istaagtay arinta lagu baraarujiyey waana tan keentay in ay Heshiis la gasho Xukuumaddii Ra’iisal wasaare Cumar Cabdirashiid horaantii Sannadkii 2009-kii taasoo keentay Buuqa maanta taagan”. Fadlan Walaal adigoo Mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan. W/Q: Amiin Yusuf Khasaaro
  9. Somalia's militant Islamists remain relatively undiminished, despite a 12-year UN-backed campaign against them, largely thanks to its sophisticated web of spies, writes the BBC's Mary Harper. Source: Hiiraan Online
  10. Djibouti (CNN)A dirt track at Djibouti's Doraleh Port leads to a series of unassuming single-story buildings that, earlier this year, hosted the world's two superpowers. Source: Hiiraan Online
  11. A top military commander has said that a maritime border dispute has not affected operations of Kenyan forces in Somalia. Source: Hiiraan Online
  12. Milatariga dalka Mareykanka ayaa sheegay inay ku dileen duqeyn dhanka cirka ah saddex dagaalyahan oo ka tirsan ururka ISIS ee ka dagaallama buuraha Golis ee dalka Soomaaliya maalintii jimcaha. Taliska Africa ee Mareykanka ayaa xusay in qeybo ka mid ah buuraha Golis ay ku jiraan xarrakada Alshabaab kuwaasoo dagaal kula jira kooxda ISIS oo iyaguna dagaalyahannadoodu ay ku jiraan buuraha Golis. Africom, Taliska Africa ee Mareykanka ayaa intaas ku daray inaysan jirin dad shacab ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay duqeynta cirka laakiin ay faahfaahin ka bixin doonaan qaabka ay duqeyntu u dhacday. “Cadaadis joogto ah oo la saaro shabakadaha argagixisada ayaa ah mid lagu xaqiijinayo xakameynta kooxahaas islamarkaana hoos loogu dhigayo awooddooda. Waan sii wadi doonnaa inaan ka caawinno Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya dagaalka lagula jiro argagixisada” Waxaa hadalkaan jeediyey Robert Huston oo ah agaasime ku xigeenka hawlgallada Mareykanka ee taliska Africom. Tani waa duqeyntii labaad ee dhanka cirka ah oo Taliska Africa ee dalka Mareykanku ka fuliyey Soomaaliya usbuucaan. Duqeynta hore waxay ka dhacday meel u dhaw deegaanka Baled Amiin oo ku taalla gobolka Shabeellaha hoose taasoo lagu dilay laba argagixiso arbacadii. Soomaaliya waxaa ragaadiyey kooxo argagixiso ah in ka badan 10 sano waxaana kooxahaas ka mid ah xarrakada Alshabaab. Dagaalkan argagixisadu ka waddo dalka Soomaaliya ayaa lagu dilay tobannaan kun oo dad Soomaaliyeed ah iyadoo malaayiin kalena ay ka qaxeen guryahooda. ayaa lagu yiri hadalka kasoo baxay taliska Mareykanka ee Africa (Africom) Source: goobjoog.com
  13. Somalia's boundary tiff with Kenya has taken a new turn after Mogadishu barred its officials from attending any meetings hosted in Nairobi to protest last week's visa denials Source: Hiiraan Online
  14. Muqdisho (Caasimada Online) ― Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa ka hadlay qorshe ay xukuumada Farmaajo ku rabto inay faragelin ku sameyso doorashada Kismaayo. Yuusuf Garaad ayaa waxa uu sheegay in khilaafka ka taagana doorashada Kismaayo uu sarre u kacay, isagoona sheegay haddii aan xaqiiqada la garowsan uu sarre usii kici doono. Garaad ayaa dowladda federaalka ugu baaqay inay si isku mid ah ula dhaqanto Maamul Goboleedyada marka ay doorashooyinku ka qabsoomayan, isagoona xusay in laga waantoobo inay dib u dhacdo wixii hore uga dhacay doorashadii Baydhabo. Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, ayaa qoraal uu arrintaasi kaga hadlayo wuxuu soo dhigey bartiisa Facebook, wuxuuna ku yiri qoraalkiisa: “Doorashada Kismaayo khilaafkeedu kor ayuu kacay, wuuna sii kici doonaa, haddii aan xaqiiqada la garowsan. Federaalku si siman ha ula dhaqmo doorashooyinka Dowlad Goboleedyada. Yuu damcin in uu mar kale noo dhigo oo ha ka ka waantoobo filim hore loo daawaday oo doorasho aawgeed dad Soomaaliyeed u diray safar aan laga soo noqoneyn. Qaar ka qaaday xorriyadda. Soomaali iyo saaxiibbadeedna ay isku si uga qeyliyeen. Kismaayo ayada oo maanka ku haysa sida uu Dowlad Goboleedku ku dhismay iyo cabashada beelaha degaanka iyo murashixiinta qaar, waxa ugu yar ee laga aqbali karaa waa in inta wada joogta loo caddaalad falo oo doorasho lagu qanci karo ay dhacdo. Kismaayo ma ahan in dhiig dambe ku daato. Dadka xamaasadeysan ee xoog Soomaaliyeed iyo / ama mid shisheeye isku halleynaya waxaan xusuusinayaa in xoogga loogu baahi badan yahay oo yahay mid Gobolka lagu nabadeeyo oo ajnebi looga maarmo. Waxaa kale oo dadka carcartooda qaba aan xusuusinayaa xikmadda murtidii caqliga ku dhisneyd ee uu ku luuqeeyey Kuluc. “Alleylehe balaayooy, nin badbaado haystoo, kuu baahday adigoo, kuu baaqay waa nacas… Alleylehe belaayooy, baroor noqotay guushaa”. Dhinaca kale, Waxa maanta qaar ka mid ah xildhibaanada Aqalka Sare ee laga soo doorto degaanada maamulka Jubbaland ay Kismaayo kaga dhawaaqeen in ay ka hortagayaan dowladda dhexe ee Soomaaliya oo ay sheegeen in ay dooneyso in ay u gasho maamulka Jubbaland sidii doorashadda maamulka Koonfur Galbeed. Senetorada kala ah Fartaag iyo Iftin Xasan Baasto ayaa sheegay inay la socdaan qorshe ay waddo dowladda dhexe oo xiisad Amni daro looga abuuraayo degaanada maamulka Jubbaland, islamarkaana ay qaadi doonaan doorkood si looga hortaggo Arintaasi, maadaama ay la socdaan dhibaataddii dowladda Soomaaliya ay ka geysatay Magaalada Baydhabo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee Nabadoon Ibraahim Cariif oo ka mid ahaa Odayaasha Dhaqanka Somaliyeed ayaa shalay galab lagu dhex dilay Masaajid ku yaala xaafadda Juungal ee Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir. Rag bastoolado ku hubeysnaa ayaa Nabadoon Ibraahim Cariif ku dhex toogtay Masaajidka Sheekh Xasan Cadde, xilli uu akhrisanayay Qur’aanka Kariimka. Waxa keliya ee lagu dilay Nabadoonka ayaa ahayd in uu ka qayb qaatay Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, ee lagu soo doortay Magaalada Jowhar, qaybtooda Hirshabelle. Dilkan ayaa argagax ku buuray bulshada ku dhaqan Magaalada Muqdisho, gaar ahaan dadka degan xaafadda Juungal, iyadoo uu dadku aad u hadalhayo. Afhayeenka Guud ee Ururka Al Shabaab, Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) ayaa kol hore ku hanjabay in ay beegsan doonaan Odayaasha Dhaqanka iyo cid kasta oo ka qayb qaadata soo xulista Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya. Cali Dheere ayaa ku goodiyay inaanay wax naxariis ah u samayn doonin dadkaasi, isagoona amray maleeshiyada Shabaabka in ay kordhiyaan beegsigooda. Magaalada Muqdisho ayaa halbowle u noqotay goobaha lagu bartilmaameydsado Ergada Xildhibaanada ku soo kala dooratay Magaalooyinka Garoowe, Cadaado, Jowhar, Baydhabo & Kismaayo, waxaase wax lala yaabo noqotay inaanay jirin dad loo maxkamadeeyo dilalkooda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  16. Tobankii qof ee meel wada istaaga dalkani ingiriiska, waa hubaal in shan qofna ay magaca Boris Johnson markay maqlaan ka boodan ama aanay jeclayn, shan qofna ay la dhacaan kuna tilmaamaan geesi aan gaban oo hogaanka dalka ingiriisku tabayo wakhtigani. Waa 55 sanno jir, wuxuu ku dhashay magaalada New York ee dalka maraykanka, taasi oo ka dhigaysa marka loo eego sharciga dalka maraykanka inuu sidoo kale yahay muwaadin u dhashay dalka maraykanka, balse weligii muu raadsan mana codsan jinsiyadda dalka maraykanka. Mr. Johnson wuxuu ka soo jeeda qoys isku jir ah, waxaa awoow u ah Cali Kemal oo awoowgii Aabo ah, Cali Kemal ayaa ahaa suxufi Turkey caan ah waagii dawladdii cusmaaniyaddu dunida xukumaysay. Hooyadii waxay ka soo jeeda magaalada Kent ee dalka ingiriiska, balse ayeydii hooyo ayaa ah Faransiis ah. Mr. Johnson wuxuu wax ku bartay iskuulka caanka ah ee loo yaqaano Eton, ee ay badiba ka baxeen raysal wasaarayaashii dalkani ingiriiska soo xukumay, wuxuu markii danbana ka baxay jaamacadda weyn ee Oxford University oo uu ka bartay cilmiga siyaasadda. Noloshiisa badankeeda wuxuu ku jiray siyaasadda, balse magaciisa ayaa soo shaac baxay bishii May sannadkii 2008-dii markaasi oo loo doortay inuu noqday Maayarka ama duqa magaalada London, isagoo doorashada kaga adkaaday Ken Levingston oo ahaa Aabahii Maayarnimada magaalada London aas-aasay Doorashadii guud ee dalka ingiriiska ka dhacday sannadkii 2016 kii, ayuu dib ugu soo laabtay guriga baarlamaanka, wuxuuna bilo ka dib noqday wasiirka khaarajiga ama arrimaha dibadda ee dalka ingiriiska, xukuumadii Theresa May, balse xagaagii sannadkii hore ayuu iska casilay xilkaasi markii uu ka aragti duwanaaday qaabka raysal wasaare May ay u wadday wada hadaladda ka bixitaanka midawga Yurub (Brexit negotiations). Boris Johnson Iyo Muuse Biixi Maxay Iska Shabahaan? Boris sida Muuse Biixi waa siyaasi dadka kala qaybiya, faaleyayaasha siyaasadda dhinaca midigta xigta, ayaa ku tilmaama inuu yahay xidig adag oo xisbiga Conservative ka u noqon kara hogaamiye aan la loodin karin. Halka siyaasiyiinta qunyar socodka ah ee xisbiga Conservative ka iyo bulshada ingiriiska badiba dadka u codeeya siyaasadda midigta dhexe, ay ku tilmaameen inuu yahay siyaasi dhac-dhac badan, fudud, isla markaana aan midayn karayn wakhtigani dalka ingiriiska oo aad dadku ugu kala qaybsameen aragtida qaabka looga baxayo midawga yurub. Xagaagii hore mar uu la hadlaayay weriye ka tirsan wergeyska Telegraph, ayuu aflagadeeyay marada ay haweenka muslimiintu wajiga ku xidhaan, isagoo ku tilmaamay muuqaal u eg daloolka waraaqaha boosta laga soo dhex saaro. Taasi waxay ku keentay gilgil baaxadleh gudaha xisbiga Conservativeka , iyadoo ururadda Islaamka ee dalka ingiriiskuna ku tilmaameen in Xisbiga Conservativeku yahay xisbi neceb muslimiinta. Xagaagii sannadkii 2016 kii mar uu madaxweyne Obama ku joogay dalka ingiriiska safar, ayuu ku tilmaamay inuu yahay Nin madaw Kenyan ah oo ay ku jirto cuqdad uu ka qabo gumaystahii ingiriiska oo Aabahii u shaqayn jiray, isagoo marka daba socday hadal madaxweyne Obama ku sheegay in haddii ingiriisku ka baxo EU-da aanu maraykanku siin doonin, ingiriiska ahmiyad weyn oo dhaqaale, iyadoo marka loo diyaar garoobaayay ololahii aftida dalka ingiriiska, hadalka ka soo baxay Mr. Johnson ee uu ku ganay madaxweyne Obama, ayaa siyaasiyiin xisbigiisa ka tirsani ay si weyn u dhaleeceeyeen, iyagoo ku tilmaamay inuu yahay cunsuri, siyaasiyiinta dhaleeceeyey waxaa ka mid ahaa raysal wasaarahii hore ee dalka ingiriiska David Cameron. Mr. Johnson, ayaa dadka ka soo horjeeda ku tilmaameen istus, aan timahiisa dheer ee cad sidii loo hagaajin lahaa aan dhaafsiisnayn, halka qaarkoodna ay la barbar dhigaan (Mr. Bean ka siyaasadda Britain). Markuu hadlayo waa nin kaftan badan, oo dadka ka qosliya,culumadda siyaasadda ayaa ku tiriya inuu yahay aftahan siyaasadeed (Political genius) balse aan lahayn haybad hogaamineed (Lack of leadership skill). Waa hubaal in haddii uu noqdo Raysal wasaaraha dalka ingiriiska, uu si weyn u kala qaybin doono bulshada dalka ingiriiska, sida Madaxweyne Biixi shakhsiyadiisu u kala qaybiso bulshada Somaliland ama Donald Trump ka dalka maraykanku u kala dhantaalay ra’yul caamka maraykan. W/Q: Maxamed Cabdi Xasan Diridhaba Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  17. Hargeysa (Caasimada Online) ― Xildhibaan Ibraahim Jaamac Cali “Rayte” oo kamid ah xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa maanta ka hadlay khilaafka mudada badan u dhaxeeya xisbiyada ee arrimaha doorashooyinka Somaliland. Xildhibaan Rayte ayaa sheegay in xal waara laga gaari karo khilaafka doorashada haddii ay isku tanaasul sameeyaan saddexda xisbi qaran. Rayte ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay xariga Xildhibaan dhakool oo xukuumada Muuse Biixi u xiran muddo ka badan labo todobaad, wuxuuna yiri. “Ma arko in muran weyn oo dhexyaala Xisbiyada ee waxaa la isku hayo waa wax laga wada heshiin karo, aniguna waxaan qabaa in miiska wada hadalka dib loogu soo noqdo, oo qolo waliba intii ay tanaasul samayn karto inay sameeyso, laakiin haddii aanu tanaasul iman oo aan lagu talagalin tanaasul, micno ma leh wada-hadalka iyo wada fadhiisadku”. Wuxuuna intaas kusii daray “Xildhibaanku dambi wuu gali kara, qof kasta oo dambi galana in sharciga la hor geeya waa arin jirta, dalkuna sharci buu leeyahay ee haddii uu Xildhibaanku dambi galo, dariiq loo maro ayuu leeyahay, aniga waxay igu muuqata dariiqii loo mari lahaa inaan loo marin, intii Dastuurku jideeyey si ka baydhsan baa loo maray, Golaha ayey u taala wuxuu ka yeelayo”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  18. New York (Caasimada Online) ― Warbixin ay dhawaan baahisay Warbaahinta Bloomberg ee dalka Mareykanka ayaa waxa lagu sheegay in shirkada Amazon ay mas’uuliyiintodu dhageystaan kumanaanka shaqaalaha ah ee ka howl-gala shirkada. Bloomberg ayaa sheegtay in qalabka Echo ee ay shirkada Amazon shaqaalaheeda u dhiibto uu awood u leeyahay inuu duubo hadalada shaqaalaha sita marka ay xafiisyadooda iyo weliba guryahooda joogan. Echo ayaa codadka uu duubo waxa dib u dhageysta qaar kamid ah Mas’uuliyiinta shirkada, halka markii hore uu qorshaha loo sameeyay nidaamkan uu ahaa in codadka ku jira uu kala shaandheyo Kombiyuutar, kaasi oo kala baxaya inta quseysa shaqada. Mas’uul ka tirsan shirkada Amazon oo ka hadlayey warbixintan ayaa waxa uu sheegay in arrintan ay jirto, balse ay u sameeyan si ay shaqaalahooda uga caawiyan fahamkan qalabkan. Amazon ayaa wajaheysa eedeymo kala duwan oo ku aadan qalabkan, taasi oo ka leexatay hanaanka markii hore lagu heshiiyay ee ahaa in codadka ku jira uu kala shaandheyo Kombiyuutar, ayaa iyadu weli si adag iskaga difaaceysa eedeymahaasi, iyadoona ku andacooneysa inay sidaa u sameysay in ay sarre u qaado fahamka shaqaalaha ee ku aadan qalabkan. Shirkada Amazon ayaa waxa kale oo ay sheegtay in ay xil dheeraad ah iska saaraan Mas’uuliyiinteedu ilaalinta xogta gaarka ah ee shaqaalaha ay dhegeystaan iyo in aan loo isticmaali doonin dano gaar ah. Weli waxa loo arkayaa jawaabta Amazon ee ku aadan dhaliilaha loo jeediyay inay aheyn kuwo wax ka badalaya, maadaama oo aanay markii hore sidaas qofka ugu cadeynin, kuna wargelin in codadka uu dhageysanayo qof bini’aadam ah. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  19. TACAB BA’AY Dadkii shalay ku doortee Kuu dareeray hiirtee Waligaa na daadihi Jeegaan duqeediyo Kuwaan diir naxaynee Dulmigii ku naaxee Sharaftiyo Dadnimadii Daan qadhiidhka siistiyo Reer doqon ma waayiyo Daalin iyo la nooliyo Jin dagaagay idilkood Isku duubni kuu yidhi Sawtan dabin qaniinkiyo Luunku wada dishoodee Dadkoo kala fogaadiyo Dooni mayno badan tahay Waxse daahir yaa shams Cidna diir ka saarayn Inaan Dawladnimadii Daacad loo ahayn wali Waxna daahi maynee Rajadii dadweynaha Dar Allee sinaantii Dawlis baa usoo go’ay Door hore wixii dhacay Daarahii la boobiyo Dantii guud xaraashkii Maantana ka sii daran Hayeeshee duruufaha Dulucdiyo ujeedadu Halkay dari ka leedagay Isku diidi maynee Iyagaa dab iyo olol Ama duumo kaar badan Fartoodii ku doontoo Dardarsaday fundhaalada Dib u fiirso waayaha Dhacdadii doraad iyo Waagii Dad qalatada Dabadeed wixii dhacay Aan kuu daliilshee Inyar ii digtoonoow Dhegahana i deeqsii U dul qaado sheekada Dar Allee Hasheenii Loo daadshay dhiigee Duurka loogu jirayee Ehelkii u dabar go’ay Markay dihatay Maandeeq Caanahoo la daadshiyo Loo diyaarshay Gaawaha Waa wada darleefkaa Sawtan daba karuubkiyo Waxaan dunida lagu arag Dambarkeedi nuugtee Dalan doolay Ubadkii Dumar iyo carruurtii Nolol daydaygoodii Daaduun la cararee Dal shisheeye raadsaday Debedaha wareegee Duufaan kul badaniyo Badahii ku daatee Cunay bahal dugaagii Idinkuna dadweynoo Dambi maaha araguye Danta aynu leenahay Haka yeelin Daaquud Daw waxaad u leedahay Arrinkaan daliil wadan Hadaad diido aragtida Hada maati maad dilin Balaan daayo heestoo Duuduubo hadalkoo Dabin dhawrka saaroo Danta guud tilmaamee Aynu wada ducaynoo Dambi dhaafka barano Daayinkeena barinee Iska diida Xaaraan Dil dilaac Dhulkeenana Sida loo dawaynlaa Isku duubni weeyee Daayinoow na garansii Qaran News
  20. Countries Act to Protect Schools in Wartime 87 States Join Safe Schools Declaration (Palma de Mallorca, May 27, 2019) – More countries are protecting students, teachers, and schools from the harmful consequences of military use of schools during wartime, Human Rights Watch said in a report released today, in advance of the Third International Conference on Safe Schools in Palma de Mallorca, Spain, on May 28 and 29, 2019. The 137-page report, “Protecting Schools from Military Use: Law, Policy, and Military Doctrine,” contains examples of law and practice from 50 countries, from Afghanistan to Yemen, that provide some level of protection for schools or universities from military use. Many of the examples come from countries currently or recently involved in armed conflict. “When war breaks out, schools frequently end up on the battlefield, with classrooms converted into military bases or bunkers, or used to store weapons,” said Bede Sheppard, deputy children’s rights director at Human Rights Watch. “But more and more militaries are asserting that with the right policies and planning, they can find alternative ways to deploy their forces without using school buildings.” The report includes protections for schools and universities contained in legislation, court cases, military manuals, military policies, and other policy statements. Governments and armed forces with firsthand experience of problems caused by military use of schools have found practical solutions to deter the practice, Human Rights Watch said. All governments should take inspiration from these examples to ensure that their militaries avoid using schools for military purposes. Since 2013, the military use of schools or universities has been documented in at least 30 countries dealing with armed conflict or insecurity, according to the Global Coalition to Protect Education from Attack, of which Human Rights Watch is a member. That number represents the majority of countries experiencing armed conflict during that time. Armed forces take over schools and universities either partially or entirely to convert them into military bases and barracks. They use the schools as detention and interrogation facilities for training fighters, to store or hide weapons and ammunition, or to otherwise support the military effort. This practice endangers students and teachers, can lead to the damage and destruction of important education infrastructure, and can interfere with students’ right to education, Human Rights Watch said. Spain will co-host, along with Norway and Argentina, the Third International Conference on Safe Schools, which will bring together government representatives from around the world to discuss the global problem of attacks on students, teachers, and schools, and the related issue of military use of schools. Many of the countries attending the conference have already endorsed theSafe Schools Declaration, a political commitment for countries to take concrete steps to make students, teachers, and schools safer during times of armed conflict, including by agreeing to refrain from using schools and universities for military purposes. It was drafted under the leadership of Norway and Argentina in 2015. To date,87 countries have endorsed the declaration, and more are expected to join at the upcoming conference. The governments yet to endorse the Safe Schools Declaration should take the upcoming conference as an opportunity to express their commitment to protect children, teachers, and schools during war. United Nations committees on children’s rights, women’s rights, and economic and social rights, as well as the African Union’s Peace and Security Council and the European Parliament, have all called on countries to endorse the Safe Schools Declaration. The UN Security Council has encouraged all countries to “take concrete measures” to deter the use of schools by armed forces and armed groups. Since 2009, Human Rights Watch has investigated the military use of schools in Afghanistan, Cameroon, Colombia,the Democratic Republic of Congo, the Central African Republic, India, Iraq,Mozambique, Myanmar, Nigeria,Pakistan, Palestine, the Philippines,Somalia, South Sudan, Syria, Thailand,Ukraine, and Yemen. “Governments now know that they can take common sense steps to keep students safe during war,” Sheppard said. “Almost half the world’s countries have now endorsed the Safe Schools Declaration, recognizing the longtime importance of education for their citizens, even amid armed conflict.” Show quoted text Qaran News
  21. Xukuumadda Puntland ayaa ku dhawaaqday in ay joojisay, guud ahaan wada-shaqeyntii kala dhexasyay dowladda Federaalka Soomaaliya, inta laga heshiinayo arrimaha ay isku khilaafsan yihiin labada dhinac. Qoraal af-English ku qoran oo Puntland u dirtay Beesha caalamka iyo dalalka daneeya Soomaaliya, ayay ku sheegtay in ay joojisay dhamman arrimihii ay ka wada-shaqeynayeen dowladda Federaalka Soomaaliya sida; dib u-eegista Dastuurka, qorshaha amniga Qaranka iyo hannaanka doorashooyinka dalka ee 2020/2021. Dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegtay in aysan aqoonsan doonin, dhammaan shuruucda ay meel-mariyeen golayaasha dowladda Federaalka Soomaaliya sida; Sharciga doorashooyinka , sharciga shidaalka iyo xeerka canshuuraha dalka oo ay sheegtay in aan lagala tashan. Qoraalka ay Puntland soo saartay oo dheer ayaa looga sheekeeyay shirkii fashilmay ee Garoowe, waxaana Puntand ugu baaqday dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada dalka in shirar kale lagu kulmo, si heshiis looga gaaro qodobada salka u ah khilaafka labada dhinac. Dhinaca kale xukuumadda Puntland, waxay dowladda Federaalka Soomaaliya ku boorrisay in ay Dastuurka ku dhaqanto oo ilaaliso heshiisyadii ay hore ula gashay dowlad goboleedyada ee dhigayay in laga wada-tashado arrimaha masiiriga ah ee dalka, islamarkaana ay joojiso shuruucda iyo xeerarka aan laga wada-tashan ee ay Baarlamanka horgeynayso. Dowlad goboleedyada ayey sidoo kale u soojeedisay, in ay adkeeyan iskaashiga, wada-shaqeynta iyo xoojinta xiriirka dhexdooda ah, iyadoo ku boorrisay in si joogto ah loo qabto shirarka ku saabsan iskaashiga iyo wax wada-qabsiga dowlad goboleedyada dalka. Hadalka Puntland ayaa u muuqday mid inta badan dhaliilalaya hannaanka ay dalka u hoggaaminayso xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo Puntland ku eedaysay tanaasul la’aan iyo maroorsi awoodeed. PUNTLAND POST The post Puntland oo xiriirkii wada-shaqeynta u jartay dowladda Federaalka Soomaliya appeared first on Puntland Post.
  22. Amiirka dowladda Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani, ayaa casumaad rasmi ah ka helay boqorka SacuudiCarabiya Salman bin Abdulaziz oo ku marti-qaaday shir deg deg ah oo ay maalinta Khamiista ah ee ku beegan 30-ka bishan May magaalada Mecca ku yeelan doonaan golaha iskaashiga Khaliijka Carabta. Ra’iisul wasaare ku xigeenka ahn, wasiirka arrimaha dibadda dowladda Qatar Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al Thani ayaa casumaadda uu boqorku soo diray maalintii shalay ka guddoomay, xoghayaha guud ee golaha iskaashiga Khaliijka Abdullatif bin Rashid Al Zayani oo marti-qaadkaasi ka siday boqor Salman. Horraantii bishan ayaa boqorka Sacuudigu ku baaqay in magaalada barakaysan ee Mecca lagu qabto laba shir-madaxeed oo deg deg ah kuwaasi oo looga arrinsayo halista gobolku wajahayo kadib markii khilaaf xooggan ka dhex qarxay Maraykanka oo isbaheysi la’ah dalalka Khaliijka iyo dhanka kale Iran oo xifaaltan adag kala dhexeeyo Sacuudiga. Shirka boqor Salmaan ku baaqay ayaa sidoo kale ku soo beegmay xilli malayshiyaadka Xuutiyiinta ee Iran taageerto ay kordhiyeen weerarada ka dhanka ah boqortooyada Sacuudiga iyo xulafadeeda Imaraatiga oo Xuutiyiinta kula dagaallama gudaha dalka Yemen. Dhinaca kale xiriirka Qatar iyo dalalka kale ee Khaliijka oo boqortooyada Sacuudigu hoggaamiso ayaa aad u sii xumaanayey tan iyo bishii June ee sannadkii 2017 xilligaasi oo Sacuudiga iyo qaar kamid ah waddamada Khaliijku ay go’doomiyeen dalka Qatar kadib markii ay ku eedeeyeen in ay argagixisada taageerto. PUNTLAND POST The post Boqorka Sacuudiga oo casumaad rasmiya u diray Amiirka Qatar appeared first on Puntland Post.