Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,501
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Hargeysa (Caasimada Online) ― Eng Cabdi Maxamuud Daahir (Cabdi Duco), oo ka mid ah dhallinyarada Somaliland ee ku nool magaalada Hargeysa ayaa shaaciyey inuu dacwad ka gudbinayo Maayarka Hargeysa, Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco). Cabdi Duco ayaa sheegay in Maayarka uu ku dacweynayo inuu bartiisa Facebook uu ku leeyahay uu iska saaray, kadib markii ay muddo asxaab ku ahaayen bartaasi. Waxa uu sidoo kale sheegay inuusan maayarku xaq u laheyn inuu iska saaro, haddii uu ku dhaliilo xilka uu bulshada uu kamid yahay u hayo. “Maayar markaynu leenahay maahan qof meel iska jooga, maayar waa qof matala bulshada magaaladaa uu ku noolyahay, baraha bulshada ee uu magaca dadweynaha ku kasbadanay waa wadaag oo waa lawada leeyahay, Dhowr jeer ayaan kala xidhiidhay Massenger-ka waan dhaliilay mana caayin anigu, xilka uu ii hayo ayaan ku dhaliilay, Baraha bulshaduna waa meel la wada leeyahay, asaga maayar ahaanna waa hanti ay dadweynuhu leeyihiin” ayuu yiri Cabdi Duco. Dacwadan ayaa ah mid ugub ku ah geyiga Soomaalida, taasi oo noqoneyso markii u horeysay ee Muwaadin uu Maayirkiisa ku dacweeyo arrimo ku saabsan mareegta ay bulshadu ku wada xiriirto ee Facebook. Dacwadan oo kale ah ayaa waxay hore uga dhacday dalka Maraykanka, taasi oo madaxweyne Trump lagu dacweeyey dad uu ka xannibay bartiisa Twitter-ka, iyada oo ay dacwadaasina ay ku guuleysteen dadkii ka gudbiyay Trump. Maxkamada ayaa madaxweyne Trump u sheegtay inuusan awood u laheyn inuu barihiisa bulshada uu cidna ka xanibo, taasi oo ay sabab uga dhigtay xilka iyo xafiiska guud ee uu joogo. Dacwadani laga gudbinayo maayar Solteco ayaa waxay lamid tahay midka madaxweyne Trump lagaga guuleystay, inkastoo ay tahay calaamad su’aal dul tagaan garsoorka Somaliland, oo laga war-sugi doono sidii ay dacwadaasi ka yeelan. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  2. Xildhibaan Saleebaan Garas Seed, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Guurtida, ayaa baaq u diray Xukuumadda iyo guud ahaan Shacabka reer Somaliland, waxaanu ugu baaqay in ilaalinta nabadgalyada iyo qaranimada meel looga soo wada jeesto,laga dheerado wax kasta oo lid ku ah. Xildhibaan Saleebaan Garas Seed, oo Wargeyska Geeska Afrika u waramay ayaa sidoo kale dhaliilo culus u soo jeediyey Dawladda Somaliya, waxaanu ugu baaqay inay arimaha Somaliland faraha kala baxdo, waxaanu ugu horeyn uu yidhi “Inagoo madax banaan,oo waliba xoriyadeena ka qaadanay Ingiriiska, ayeynu Somaliya la midawnay, inagoo markaas raadinayna shantii Somalida, midawgaas aynu la midawnay dheef kamaynu helin ee midho dhalkiisi wuxuu noqday cadaadis, dil iyo in horumarka la inagala dagalaamo, halgan dheer kadibna dib ayeynu ula soo noqonay xoriyadeenii, imikana ku dhawaad sodon sanno ayeynu nahay dal madax banaan, wax badan baynu qabsanay, iyadoo aanay ciddi inaga caawin, markaas mar haddii aynu Somaliya kala soconay inagoo og sidii dadkeena loo galay, maaha inay ina daba socdaan, oo midnimo dambe raadiyaan ama ay ina sheegtaan, Somaliya oo dib ula midawnaan waa habeenkii xalay ahaa ee tagay, midnimadii hore ayeynu ka qoomamaynaa, ee Maamulka Xamar inay midnimo dambe raadiyaan, fikrad khaldana u sheegaan caalamka waa u damiir xumo, ee Xukuumadda Somaliland waxaa looga baahan yahay inay ka hor tagto dabinada ay Somaliya inoo maleegayso iyo beenta ay Caalamka u sheegayso, Xukuumadda Somaliland waxaa looga baahan yahay inay aad uga taxadirto khatar kasta oo inagaga imanaya Somaliya haddii ay noqoto dalka gudihiisa iyo dibadiisaba, Xukuumadda Somaliland waxaa looga baahan yahay in qadiyada Somaliland meel kasta ka rido, si aynu u helno aqoonsi caalamiya”. Xildhibaan Saleebaan Garas Seed mar uu baaq u diraayey Shacabka Somaliland ayaa yidhi “Shacabka Somaliland waa Shacab muwaadiniin ah, oo dalkooda iyo dadkoodaba ilaashanaya, waxaan se leeyahay aad uga feejignaada, oo nabadiina iyo qarankiina ilaashada, oo Xukuumaddiina garab istaaga, oo Ciidankiina garab istaaga, nimcadiina waa taas inoo da’day, ee ALLE inaga dulqaaday Abaartii, ee shugriga ALLENA aynu badino”.Xukuumadda Somaliland Waxaa Looga Baahan Yahay Inay Ka Hor Tagto Dabinnada Ay Somaliya Inoo Maleegayso Qaran News
  3. Sawiradini waa wadadii cusbayd ee tagaysay Ceerigaabo waana goobihii uu macmalay wasiir Cabdillahi Abokor intii uu xilka hayay ee uu Ku faanaayay todobaadkani Qaran News
  4. Somaliland: Do We Have A New Supreme Council? Does Somaliland have presidium much like the one of the old revolutionary junta of the defunct Somali Democratic Republic? This picture illustrates the power concentrated in one community in Somaliland. Granted that President Muse Bihi was elected in a one person, one vote system, and the appointment of the Chief Justice, the Minister of Finance and the Commander of the Somaliland Defence Forces, all stem from the previous administration of Ahmed Mohamed Mohamud “Silaanyo”; the addition of a powerful Information minister, from the same community, does not, optics wise, look good. Add to that the countless other figures from the same community trading on the President’s name. Just recently, President Muse Bihi stated that his administration was “inclusive, all Somaliland’s communities are well represented”. That may very well be the case. However, when your community members are in charge of the army, treasury, and the judiciary, it is pretty much game set and match. Qarannews.com Qaran News
  5. Maxamed Siciid Gees oo ka mid noqday golihii wasiirrada ee Somaliland, ahna siyaasi ka soo jeeda gobolka Sanaag ayaa qoraallo taxane ahaa dib ugu eegay nabadayntii beelaha gobolka Sanaag wada dega iyo sidii ergada East Sanaag Clan ku timi shirkii beelaha Somaliland ee Boorame. Derbi lugo weyn Darka loo dhigay Waa wax doqonoo Deysan maysee Wayska dumisaa. Ereyo maanseedkan ka dib, waxa uu Maxamed Siciid Gees oo hadlaya shirka Boorame qoraalkiisa ku bilaabay, “shirkii Boorame waxa uu ahaa shir taariikhi ah oo la odhan karo waxa uu ahaa kii seeska loogu dhigay qarannimada Somaliland. Waxa lagu saxeexay axdi nabadeed ay dhammaan beelaha Somaliland wada saxeexeen iyo axdi qarameed maamul dawladnimo iyo awood qaybsi lagu qeexay. Waxa la doortay madaxweyne, waxa lagu dhisay golayaasha guurtida iyo wakiillada, waxana lagu soo gabagabeeyey shirkaas dawladdii SNM ee fadhiidka noqotay ee muddada lagu siiyey shirkii Burco ee labada sano ahayd ay dhammaatey”. Gees oo sidii shirkaas looga soo qayb galay, gaar ahaan beesha East Sanaag Clan Boorame ku timi ka hadlaya, waxa uu qoray, “shirkaas beelaha Somaliland si lixaad leh ayay uga wada qayb galeen oo beelna kama ay maqnayn. Muddadaas shirka Boorame loo diyaar garoobayey, aniga iyo Cadami waxa aannu joogney Jabuuti. Waxa noogu yimi oo in muddo ah na raadiyey nin la yidhaahdo Maxamed Xaaji Xuseen (Berberaawi). Waxa uu noo sheegay in laba diyaaradood oo ay Daalo leedahay loo kala diray Laascaanood iyo Boosaaso, si ay soo qaadaan ergooyinkii East Sanaag Clan iyo Sool clan. Wakhtigaas ma jirin baabuur oo dhulka cidina ma mari jirin marka laga reebo meelaha dhodhow. Sidaas awgeed ayaa diyaaradaha loo diray. Waxa la yaab noqon karta maxaa ergada East Sanaag Clan Boosaaso looga doonay?! Sababtu waxa ay ahayd Ceerigaabo in aan weli lagu heshiin oo waa lagu kala maqnaa sidii aan uga soo sheekeeyey, welina shirkii nabadeed kama qabsoomin, magaalooyinka Warsangelina ma lahayn garoomo ay diyaaraduhu soo fadhiistaan”. Maxamed Siciid Gees oo sii ambaqaadaya sababta odayaasha, ganacsatada iyo siyaasiyiinta East Sanaag Clan ay Boosaaso u joogeen, waxa uu yidhi, “sidaas awgeed madaxdhaqameedka, siyaasiyiinta iyo ganacsatada East Sanaag Clan waxa ay joogeen Boosaaso oo ahayd magaalo leh waddo, deked, garoon iyo ganacsi. Boosaaso waxa ay weligeed ahayd degaan East Sanaag Clan oo mar walba East Sanaag Clan waa uu joogey oo ardaayo East Sanaag Clan ah ayaa markii Talyaanigu xukumi jirey degganaa. 11 tuulo oo East Sanaag Clan leeyihiin ayaa laga xukumaa Boosaaso oo degmadaas ka mid ahaa ilaa wakhtigii Talyaaniga ilaa maanta. Sida beelaha kale ee Somaliland xadka Itoobiya iyo Jabuuti u tallaabsan yihiin ayaa annaguna (East Sanaag Clan) xadkaas uga tallabsannahay. Waxa uu noo sheegay ninkii Maxamed Xuseen in diyaaraddii Laascaanood soo qaadday ergadii Sool clan ee shirka Boorame, hase yeeshee diyaaraddii Boosaaso ee loo diray ergadii East Sanaag Clan ay Jabuuti ku noqotay iyada oo faaruq ah, shirkii Booramena iyaguu u xidhan yahay, cid la la xidhiidho na la la’ yahay. Waxa aannu ku nidhi naga war sug”. Gees waxa uu sii wada sidii ay u baadi-doon tageen iyo natiijadii ay Berberaawi kula soo noqdeen: “waa aannu wardoon tagnay oo dhulkii baannu la xidhiidhnay. Waxa na loo sheegay in shir lagu qabtay Ceelaayo oo laga soo saaray baaq ah in aan shirkaas Boorame la tegin. Shirka Ceelaayo waxa uu ahaa shir mu’aamaradaysan. Markii aan ogaanney ayaannu la xidhiidhnay kooxdayadii iyo raggii aannu isku aragtida ahayn. Magaalada Badhan ayaa shir kale lagu qabtay oo lagu baabi’iyey baaqii Ceelaayo, laguna gudddoonsadey in shirkii Boorame la tago”. Markii Gees iyo Cadami ogaadeen go’aankii shirka Badhaneed waxa ay raadiyeen ninkii Maxamed Xuseen (Berberaawi) oo ay ku yidhaahdeen ‘diyaaraddii mar labaad ergadii East Sanaag Clan u dir. Gees oo taas qoraalkiisa kaga hadlayaa waxa uu yidhi, “markii aannu ku nidhi diyaarad kale dir, Berberaawi waa uu naga shakiyey, waxanu yidhi, ‘ma inaga hubtaan khasaare labaad looma taag hayo’e’?, waxa aannu ku adkaynay in aannu hubno oo aannu ergadii diyaarinnay, sidaas ayaana diyaaraddii labaad lagu diray, ayna ku soo qaadday ergadii East Sanaag Clan oo ay ardaayadii u dhan yihiin oo xitaa kuwii hore u diidey soo raaceen oo wada yimaaddeen Boorame, kana qayb galeen shirkii Boorame ee beelaha Somaliland”. Waxa se xusid mudan oo Maxamed Siciid Gees qoraalkiisa ku soo qaatay in ergadii East Sanaag Clan ee shirkaas Boorame ka qayb gashay aanay ka qayb qaadan dawladdii lagu dhisay Boorame ee madaxweynaha uu ka noqday Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, AHN. Gees oo taas qoray, waxa uu yidhi, “ergadii East Sanaag Clan ma aanay soo magacaabin xubnihii uga qayb geli lahaa golayaasha guurtida iyo wakiillada, waayo waxa u cuntami weydey in ay dawladda Hargeysa ka qayb galaan, iyada oo nabaddii gobolka Sanaag aanay xidhmin, Ceerigaabana lagu kala maqan yahay. Sidaas daraadeed, markii ay ka soo noqdeen shirkii Boorame waxa ay dardar geliyeen shirkii Ceerigaabo ee aan hore uga soo sheekeeyey”. Markii ay nabaddii Sanaag aslaaxday ee Ceerigaabo lagu heshiiyey ka dib waxa East Sanaag Clan wefti u soo diray Hargeysa, si ay uu ula kulmaan madaxweyne Cigaal, kaalintii ay lahaayeenna ka qaataan dawladdii Boorame lagu soo dhisay sannad ka hor ee ay ka maqnaayeen. Maxamed Siciid Gees ayaa arrintan qaadaadhigay, waxanu yidhi, “Hargeysa ayaa wefti Warasangeli soo diray u soo baqooleen. Waxa ay la kulmeen madaxweynaha iyo shirguddoonkii labada gole. Waxa ay ahayd June 1994. Waxa xukuumaddii laga siiyey afar xubnood oo kala ahaa 1) Axmed Xaaji Cali Cadami oo noqday wasiirka caafimaadka 2)Cali Faarax Dhahar oo loo magacaabay wasiirka gaadiidka, cirka iyo dhulka 3) Cawl Garaad Maxamuud oo noqday wasiir ku xigeenka xannaanada xoolaha iyo 4) Axmed Yacquub Cismaan oo loo magacaabay wasiir ku xigeenka dalxiiska iyo suugaanta. Waxa kale oo Warsangelin buuxiyey kuraastii uga qoondaysnayd golayaasha guurtida iyo wakiillada oo ahaa 12 xubnood iyo laba ay madaxweynaha iyo ku xigeenkiisu u ballanqaadeen. Cigaal ballanqaadkiisii wuu fuliyey oo xubin Ciise Muuse ah ayuu kursigii ka kiciyey oo East Sanaag Clan ku wareejiyey, wax se nasiib darro ahayd in ku xigeenkiisii Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax aanu ballantaas fulin oo dhawr jeena laga la kulmay Awdal Clan oo ay ka dhega adaygtay. Waxa kale oo beesha East Sanaag Clan keentay ciidankii qaranka guutadii 1aad oo markaas la aasaasayey qaybtii kaga soo aaddey oo ahayd 35 askari oo la soo dhex mariyey 1000km oo xero Isaaq ah ilaa Hargeysa, iyaga oo qoryahoodii sita, dhulkuna wakhtigaas uu ahaa wada kantarool uu dayday haysto, isu socodkuna uu adkaa”. La soco qaybta 15aad, HAI, oo ku saabsan Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, AHN, iyo yagleelkii haykalka iyo hay’adaha qarannimo ee Somaliland iyo waayihii ku xeernaa. Maxamed Baashe Xaaji Xasan Qaran News
  6. Isfaham Dhexmaray Dekeda Berbera iyo Dekeda Sokhna ee Masar iyoWafti Somaliland na oo Booqasho ku Jooga Sokhna()- Wafti sare ka socda Xukuumada Somaliland, ayaa booqasho ku jooga Dalka Masar gaar ahaan Magaalada Sokhda, waftigan oo u hoggaaminayo Maareeyaha guud ee Dekedaha Somaliland Eng. Siciid Xasan Cabdilahi, waxay ka kooban yihiin 5 xubnood oo kala ah, Safiirka Somaliland ee Imaaraadka Amb. Muniir abu-site iyo Madaxa Shirkada Dp World ee Magaalada Berbera Superje iyo laba xubnood oo kamid ah Boodhka Sare ee Dekeda Berbera Md. Cali Xasan iyo Md. Cabdraxman Diiriye. Waftiga, ayaa marti-qaad ka helay Dekeda Sokhna oo ay wada maamulan Shirkada Dp World iyo Xukuumada Masar, isla markaana ah deked aad mashquul u ah, oo ay kusoo xidhaan maraakiibta waaweyn ee xamuulka ah, Dekedan ayaa waraabisaa in ka badan 18-Milyan oo qof. Maareeyaha Guud ee Dekedaha Berbera Eng. Siciid Xasan Cabdilahi, oo la hadlay Saxaafada, ayaa sheegay in shaqaalaha Baylooda Dekeda Berbera tabobar loogu diri doono Dekeda Sokhna si aqoon ay usoo korodhsadaan. Maareeye Siciid oo arimahaas iyo ujeedada safarkooda ka hadlaya waxa uu yidhi. “Waxanu Marti-qaad rasmiya ka helay maamulka sare ee Dekeda weyn ee Magaalada Sokhna, oo ay wada samaysteen Dp World iyo Dalka Masar, waxa hada lagu kordhiyey 1300meter, oo dhismaheedu socdo, waanu soo kormeernay, si khibradi noogu korodho, Waxanu isu miisameynaa labada qaab ee ay u ekaan doonto Dekeda Sokhna iyo teena Berbera oo hada la dhisayo 400-mt iyo 400 dambe, Waxanu halkaa kasoo korodhsanay, khibrad weyn waxananu kula soo noqon-doonaa dalkeena”. Sidoo kale, Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng. Siciid Xasan Cabdilahi waxa uu kulan gaar ah la qaatay, Maareeyaha guud ee Dekeda Sokhna, waxanay labada masuul halkaa isku waydaarsadeen macluumaad badan, waxanay halka ku wada gaadheen isfaham wada-shaqeyneed oo dhex-mara labada dekedood, isla markaana shaqaalaha soo xidha Maraakiibta tabobar u fidin lahayd Dekeda Sokhna. Maareeyaha oo arrimaha ka hadlaya waxa uu yidhi, ” Waxanu Maamulka Dekeda Sokhna isla qaadanay, in aanu shaqaale tabobar ugu dirno, gaar ahaan shaqaalaha Bayloodada, si loogu tabobaro Maraakibta waaweyn ee Madar Ship-ka ah, maadaama oo maraakiibtaa dhereerkoodu dheeraan doono, isla markaana xajmigoodu weyn yahay. Alxamdulilah waanu isku afgaranayn, waxanaanu rajeynayaa sidii aanu ugu soo diri lahayn Dekeda Sokhna shaqaalaha Bayloodada ah, ee Dekeda Berbera, sii ay khibrad dheerada usoo korodhsan lahayeen, Waxana na dhexmaray isfaham hordhac ah. Dekeda aanu bookhanay waxay ka kooban tahay 23 Km oo isku weera, waxana muhiima in ay Dekedu yeelato dhul, waayo maalinbaa malinta ka dambaysa, waxbaa u kordhaya Dekeda dhul Kayd u ah, si kolbaa loogu kordhiyo, oo kusii fiddo” ayuu yidhi Mareeyaha Dekedaha Somaliland. Dekeda Sokhna oo ah mid casriya, waxay ku taala marin muhiim ah, kaasoo ah wadaada ganacsi Sues Canal, bada cas EGHPT, waxana ka baxa 6 waddo oo tareen iyo 12 Wado oo Baabuurta waaweyni marto, Dekeda Sokhna waxay u jirtaa Magaalada CAIRO, 120-Km. Qaran News
  7. Muqdisho (Caasimada Online) ― Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka hadlay xasuuqii arxan darada ahaa ee magaalada Gaalkacyo loogu geystay 13-ruux oo kasoo jeeday degaanada maamulada Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in wax lala yaabo ay tahay in siyaasiyiinta ka hadashay xasuuqa Gaalkacyo ee cambaareysay, ay ka hadli waayeen xasuuqii Baydhabo ka dhacay sanadkii hore. Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa arrintaasi kaga hadlay qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook, isagoona xusey farqiga u dhaxeeya labadan xasuuq ee Baydhabo iyo Gaalkacyo, wuxuuna u dhigna qoraalkiisu sidan: “Haddii siyaasigu rabo in shacabku rumeysto ama aamino waxaa lagama maarmaan ah in uu dareen iyo mowqif isku mid ah kaga jawaabo fal kasta oo gurracan. Xildhibaano badan oo labada aqal ee Baarlamaanka ka tirsan iyo siyaasiyiin kaleba waxay canbaarayeen xasuuqii Gaalkacyo ka dhacay. Waa tilaabo fiican, laakiin waxaa la yaab leh, marka laga reebo tiro yar oo fara ku tiris ah, inta badan xildhibaanada iyo siyaasiyiinta xasuuqa Gaalkacyo canbaareeyey, juuq kama aysan oran, labada aqal ee Baarlamaankana sooma hadal qaadin xasuuqii ay sanadkii hore Baydhabo ka gaysteen ciidanka dawlada iyo kuwa Itoobiyaanka ah, balse in badan oo ka mid ah way taageereen. Farqiga u dhexeeya labada xasuuq waa in kii Baydhabo ka dhacay ay dawladu ka danbaysay oo lagu dhici waayey in la canbaareeyo, laakiin xasuuqii Gaalkacyo ka dhacay ma jirin cid gooni ah oo canbaarayntiisa looga cabsado ama looga weji dadbado, taas ayaana keentay in cid waliba canbaarayso, halkii xasuuqii Baydhabo, xildhibaano iyo siyaasiyiin tira yar ay ku dhiiradeen. Madaxweynihii ugu horeeyey ee Soomaaliya Mudane Aadan C/lle Cusmaan (AUN) ayaa laga reebay “Soomaaliyey dadkiina kala barta”. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  8. Wasaaradda caafimaadka xukuumadda federaalka ee Soomaaliya oo ka Jawaab celineysay dareenka Bulshada Soomaaliyeed ee ku aadan xannuunka Ebola. Xanuunkan Eboola ayaa dhawaan lagu arkay kiis ka mid ah in laga helay wadanka Yugaandha, kaas ciidamo aad u fara badan ay ka joogaan wadanka oo qeybka ka ah ururka nabad ilaalinta midowga Afrika ee Amisom. Wasiirka caafimaadka xukuumadda Soomaaliya Drs. Fowsiya Abiikar Nuur ayaa sheegtay in Soomaaliya aysan ka jirin xilligaan walaac ku aaddan inuu ka dilaaco Cudurka Ebola oo kiis ka mid ah laga helay Dalka Yugaandha. Warqad qoraal ah oo ka soo baxday xafiiska wasiirka caafimaadka ayaa lagu sheegay in xilligaan ayna jirin qatar ku aadan xanuunka Ebola. Wasiir Fowsiya ayaana ugu baaqday in shacabku ay daganan muujiyaan dowladduna ay diyaar u tahay in ay samayso ka hor tag. halkaan ka aqriso Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Garoowe (Caasimada Online) – Nabaddoon Cabdullaahi Maxamuud Jibriil oo kamid ah nabaddoonada Puntland ee gobolka Nugaal ayaa si adag uga fal-celiyay hadal ay shalay jeediyeen odayaal ku sugan magaalada Baydhabo. Odayaashaas ayaa bulshada Koonfur Galbeed ee ku nool Puntland ugu baaqay in ay soo qaxaan kadib markii habeen hore dad lagu laayay Koonfurta Gaalkacyo ee Galmudug. Nabaddoonka ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay hadalka odayaashaas ay ka jeediyeen magaalada Baydhabo oo uu ku tilmaamay mid lagu aflagaaddeeyay sharafta iyo karaamada dowladda iyo shacabka Puntland, maadaama sida uu sheegay aysan jirin wax dhibaato ah oo bulshada ka soo jeeda koonfur Galbeed loogu geystay degaannada Puntland. Wuxuu sheegay in shacabka ka soo jeeda degaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya ay si nabad iyo xorriyada ugu nool yihiin gudaha Puntland islamarkaana ganacsiyo ku haystaan iyagoo aan la kulmin wax dhibaato iyo cunsuriyad ah. Dhinaca kale nabaddoonka ayaa “fool-xumo aan la arag oo la maqal” ku tilmaamay xasuuqii koonfurta magaalada Gaalkacyo loogu geystay shacab ka soo jeeda Koonfur Galbeed isagoo tacsi u diray dhammaan qoysaskii ay eheladoodu ku dhinteen xasuuqaasi. Halkaan ka daawo hadalka Nabaddoonka
  10. Godka Lagu Janne Muuse Biixi Isagaa Siyaasadda Ka Saaray Cigaal, Waxaana Ku Soo Celiyay Siilaanyo “Muuse Biixi miyuu Somaliland ka qabtay Cigaal Mise Cigaal ayaa Somaliland ka qabtay”? Madaxwaynihii labaad ee Somaliland Maxamed Xaji Ibraahim Cigaal casharo badan ayuu Somaliland uga tagay duruustaas waxa kow ka ahayd siyaasad ka saaristii Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha hadda … Siduu uga saaray Siyaasadda gabi ahaanba Muuse Biixi, yaase ku soo celiyay saxadda, sidee ayuuse ugu soo laabtay …? Madaxweyne Cigaal 1993-kii, markii la doortay raarta wuxuu soo gashaday Kooxdii SNM ee saraakiisha ahayd, Cabdiraxmaan Aw Cali ayaa Madaxweyne ku-xigeen u noqday, Muuse Biixi ayaa Wasiirka arrimaha gudaha u noqday, Dayib Guray ayaa Wasiir Ganacsi u noqday. Marka laga tago Maxamed Kaahin iyo Ibraahim Dhagawayne intii badnayd sarakiishii SNM xilal ayuu u dhiibay, khibrad iyo casharo ayuu ka laha, mar Dadka ayuu tusaayay, marna in Ciidanka iyo xilalka siyaasiga ahi kala dhumuc iyo maamulid ballaadhan yihiin ayuu baraayay. Musue Biixi qaybtaas ayuu kamid aha, 2-sanno ayuu Xilka kaga qaaday markuu hayay, markii uu ka qaaday Muuse Biixi banaanka ayuu Hargaysa uga baxay, kadib odayaal uu hoggaaminaayo Sheekh Ibraahim Sheekh Yuusuf Sheekh Madar ayaa ergo ugu tagay Maxamed Xaji Ibraahim Cigaal iyagoo Madaxweynaha ka codsaday inuu xilka Wasiirka arrimaha gudaha ku celiyo Muuse Biixi. Cigaal siyaasi mawjad ah oo qotadiisa dubaladeed gun dheertahay ayuu aha Alle hawnxariiste, wuxuu yidhi “Inanku waa Inankagii haddu xilka aan ka qaaday dib u qaadanaayo hadda ayaan magacaabaya ee waydiiya”. Waydiinay oo wuu qaadanaya ayaa la yidhi, Intuu Galinkii hore magacaabay ayuu kii Danbe ka qaaday… In aanu Muuse Biixi siyaasi ahayna wuu xaqiijiyay, waayo Madaxweyne xil ka qaaday u jeedadii uu kaga qaaday ayaa nool macquul maha inuu haddana isla markiiba dib kugu magacaabo. Waa halka ay ku soo baxday “Waa Rafadkay Rafanaysay”. Muuse Biixi Cabdi markii Cigaal alle hawnaxariiste waqcadaas ku sameeyay qalbada ayaa jabtay, Dagaal waxba lama hadhin, Intase tariikhda haysa ayaa hayse Maxamed Xaji Ibraahim Cigaal ilaa jifadiisa hoose ayuu ka ka xaystay oo uu cid ka waayay . Waa markay Wasiir Daakhiliga noqonayaan Axmed Jaanbiir Suldaan iyo Ismaciil Shaqalle oo Taliyaha Ciidanka Qaranka noqonaaya iyo Jiilkaasi… Muuse Biixi ayuu meesha kaga saarayay Cigaal, waa xilliga uu Muuse Biixi leeyahay “Ma maanta ayaad awoodi ku soo koobtay in Suldaan idin wada xukumo, kkkkk “Daakhiligii Taliyhii Ciidamadda, Xaakimkii ” waa marka uu sidaa leeyahay .. Muuse Biixi Geelisa ayuu raacday, gabi ahaanba Siyaasadda banaanka ayuu ka dhigay Cigaal, intii ogayd ayaa ogayd halkaas iyadoo maraysa ayuu Cigaal unkay nadaamka Axsaabta badan (Xisbiyada) UDUB ayuu ku dhawaaqay, Dr. Cabdi Aw Daahir ayuu Xoghayihii Guud uga dhigay isla markaana ahaa Wasiirka Caafimaadka, Cali Warancadde oo isku waday jagada Xoghayaha ayaa muraaladilaacay, waa sababtii uu kaga baxay Xukuumaddii Cigaal, furidii ururada siyaasadda ayaa ragg badan oo buulka ku jiray qoorta la soo kaceen, Ururkii SAHAN ayay isku uruursadeen ragg ay ka mid ahayeen Muuse Biixi, Cali Maxamed Warancadde, Alle hawnaxariste Maxamed Cabdi Iskeerse, oo dhammaantood ay Madaxweyne Cigaal isa soo seegeen, waxaa Guddoomiye u noqday Xildhibaan Prof Maxamed Cumar Jiir oo wali ku jira Golaha Wakiilada. Muu tisqaadin SAHAN markii hore markii danbena Dr. Maxamed Cabdi Gaboose ayaa waddo cad ka mariyay Muuse Biixi Cabdi. Isagoo barakace siyasadeed ah ayuu u gacan haadiyay Axmed Maxamed Siilaanyo oo KULMIYE markaa hawada galiyay, ragg dhalinyaro u badanaana haysta, Jabhadii SNM way ku yarayd aasaaskii KULMIYE, dhalinyaro saxad ku cusub oo Dr. Axmed Xaashi Oday ugu wayn yahay oo Cigal Aagaasime u soo noqday, Cabdicasiis Maxamed Samaale, Maxamed Iid Dhinbiil ragg nocaas ah ayuu hastay KULMIYE SNM Daa’uud Maxamed Geele alle hawnaxariisto oo Xoghaye Guud noqday iyo Cali Guray ayuu ka haystay . Muuse Biixi sidaa ayuu Siilaanyo siyaasadda ugu soo celiyay balse Cigaal wuu ka saaray .. Ilaa uu Madaxweyne noqdayna Axmed Siilaanyo ayaa madaxa dadka ka saarayay, waa halka ay ku kala tagayaan Siilaanyo iyo Cigaal xagag siyaasadda, waayo Siilaanyo Muuse wuu fahmi kari waayay inuu Dalka dan u yahay iyo in kale Cigaal-se wuu fahmay .. Mida labaad Axmed Siilaanyo quwada Muuse Biixi ayaa alle tusay, xooga ayuu isugu hagaajistay Axmed Siilaanyo intii ayuu Madaxweyne kaga helay ammaantana Muuse Biixi waan u haya bac-bacdiisi kaga helay kursigii siday doontaba ha noqte hadalbaase ka danbayn oo hoggaaminta iyo helida kursigu waa kala gaar.. Hadalkaa dheer waxa iga keenay weedhi Madaxweyne Muuse Biixi ee ahayd Cigaal ayaan Dalka ka qabtay oo ka badbaadiyay.. Tusan .. Muniir Axmed Cigaal.. Qaran News
  11. Nairobi (Caasimada Online) – Khubaro dhinaca cilmiga Badda ayaa sheegay, haddii maxkamadda caalamiga ah ee ICJ ay u xukunto biyaha la’isku heysto Soomaaliya ay Kenya noqon doonto dal aan laheyn Bad. Khubarada ayaa sheegay in Kenya ay ku qasbanaan doonto in ay fasax weydiisato dalalka Soomaaliya iyoTanzania, si ay Maraakiibteeda ugu xirtaan magaalada xeebeedka Mombasa. Shir ay Khubaradani ku yeesheen magaalada Nairobi ayaa waxa ay kula taliyeen dowladda Kenya in ay xalka ka eegto dhanka Diblomaasiyadda, islamarkaana ay hoos u dhigto xiisada haatan ka dhexeysa labada dal. Sidoo kale waxa ay tilmaameen haddii Kenya looga guuleysto dacwadan ay u furan tahay fursad kale oo ah in ay wadahadal hoose kala galaan dowladda federaalka Soomaliya. Dacwada badda ee labada dal ayaa waxaa la go’aamin doonaa bisha September, iyadoo rajo weyn laga muujinayo in Soomaaliya ay ku guuleysan karto kiiskaasi. Dowladda Soomaaliya ayaa horay u shaacisay in aysan wax gor-gorton ah ka galin doonin kiiska Badda, kaas oo mugdi sii galiyay xiriirka labada dowladood. Kenya ayaa qaaday tallaabooyin adag, waxaana ay bilowday in cadaadis ay saarto Soomaaliya, kana baxdo heshiisyo ay wada galeen labada dal. Dadka falanqeeya arrimaha dacwadaha ayaa arrintaN u sababeynaya in uu jiro tuhun ah in Kenya ay ku guul dareysan karto kiiska Badda ee horyaalla ICJ. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
  12. The Kenyan government is making fresh efforts to negotiate with Somalia as a way of ending the maritime conflict between the two countries after the collapse of previous talks, senior government officials have told the Sunday Nation. Source: Hiiraan Online
  13. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha xisbiga UCID ayaa maanta casuumay madaxda dhaqanka ee Bariga Burco. Odayaashan ayaa hormuud ka ah shir dhaqameed lagu wado in uu dhawaan Burco ka dhaco, Halkan hoose ka DAAWO Source
  14. (SLT-Hargeysa)-Markii ay 23 jirka ahayd ayey ogaatay in boqolkiiba 85 ay halis ugu jirto kansarka naasaha ku dhaca. Sababtu waxay tahay in jidhkeeda uu ku jiray hidde-side loo garanayo BRCA1, kaas oo ka dhasha kansar ku dhaca halkii qof ee ka mid ah 300 illaa 400 oo qof. “Aabahey hooyadii, waxay u dhimatay kansarka naasaha. Xilligaa aabe wuxuu ahaa sideed sano jir”. “Waxaan koray anigoo arrintaa og, balse fikrad kama haysan in la iska dhaxlo illaa eedadeey uu ku dhacay kansarka naasaha, sannadkii 2013-kii”. “Si xasillooni dhanka maskaxda ah aan u helo, waxaan go’aansaday in baaritaan la igu sameeyo si aan u arko isbedelka hide-sidaha BRCA. In ay shalay ahayd bay ila tahay, anigoo fadhiya cisbitaalka oo walwalsan, hooyo iyo aabe na ay ila socdeen. Waxaan sugeynay natiijada”. “Markii dhaqtarka ay soo baxday, waxayna geysay xafiiskeeda, waan ogaa in war fiican aysan sidin. Halkaas ayaan go’aan ku gaaray, waxaanna doonayay in naasaha la iga jaro (taa oo dhaqaatiirtu ku tilmaameen laba qalliin oo ka hor tag ah)”. “Waxaan lahaa naaso waaweyn, waana dhab, waxay astaan u ahaayeen inaan dumar ahay, waana jeclaa. Waa iska naaso, waana ogaa in nolosheyda ay badbaadeyso haddii aan iska gooyo.” “Maskaxdeyda waxaa markasta ku jirtay inaan nolol hore isaga jiro oo caruurteyda aan nuujiyo, halkii aan caruurtayda dhigi lahaa hooyo la’aan”. “Ka dib fikir badan iyo ballamo cisbitaal oo aanan tagin, ugu dambeyn waxaan go’aansaday in laba qalliin la igu sameeyo, 13 February 2019, xilligaas oo aan 27-jir ahaa.” “In kastoo dadka ay si joogto ah ii weydiinayeen inaan ka baqayo qalliinka, aniga caadi ayaan iska ahaa illaa aan hooyo iyo aabe dhunkaday oo aan ku iri macsalaama, ka dibna sii aaday qolka qalliinka. Waan jareynayay, waxaanna billaabay inaan ooyo. Si la ii dejiyo, dhaqtarka wuxuu isiiyay dawada hurdada. Dhab ahaantii, wuu ku mahadsan yahay in aan hurdo.” BRCA: Xaqiiqada Dhammaanteen waan leenahay hidda-sidayaasha BRCA1 iyo BRCA2, waxaanna ka dhaxalnaa waalidiinteena Shaqada hidaha waa hagaajinta DNA-ga iyo unugyada dhiigga Haddii ay qaldamaan ama isbedelaan, halis badan ayaad ugu jirtaa inuu kugu dhaco kansarka naasaha ama ugxaanta jirka. Sababtu waxay tahay in hidde-sidaha uusan daweyn karin unug xanuunsan, kaas oo sababi kara burooyiin. Qiyaastii, hal qof oo ka mid ah 300 illaa 400 oo qof ayaa qaba hidde-sidaha BRCA oo halis ah Halista ugu badan waxaa wajahaya qabiilka Yuhuudda ee loo garanayo Ashkenazi. Waxa uu ku dhacaa mid ka mid ah 40-kii qofba Haddii kansar halis ah uu ka dhasha isbedelka hidaha BRCA1, waxaa suuragal ah in caruurtaada uu u gudbo BRCA ma ahan hidde-sidaha keli ah ee halista kansarka sababa Xigasho: NHS iyo The Eve Appeal “Labadii maalmood ee ugu horreeyay ee qalliinka ka dib, waa kuwii iigu xumaa: Hooyo ayaa wax kasta ii sameyneysay, sida in ay dharka iga badasho, i seexiso ama i toosiso – ceebbey ila ahayd”. “Balse ugu dambeyn, aniga baa wax kasta sameysanayay. Laba isbuuc ayaan kaniin xanuun baabi’iye ah isticmaalayay. Naaso qurux badan ayaan yeeshay! cabsideydu waxay ahayd in ay aad u yaraadeen. Laba wareeg oo isla eg ayaan yeeshay oo ku wareegsanaa ibta. Mararka qaar waan ilaawayay in qalliin la igu sameeyay”. “Waxaan dareemayaa in la qabtay shaqo nolosheyda lagu badbaadiyay”. “Waxaan saaxiib la ahay dumar kale oo 27 illaa 40 ay da’dooda u dhexeyso oo halis ugu jira kansarka naasaha.” “Qaar ka mid ah caruur bay leeyihiin, qaarna weli caruur maysan dhalin. Kuwa kale saaxiibbo bay leeyihiin, kuwana malahan. Waxaan u sheegaa in cabsidii ay iga yaraatay”. Xigasho: BBC Soomaali Source
  15. (SLT-Hargeysa)-Faahfaahin Askariga Dhagaxa Lagu Dilay, Taliye Ku-xigeenka Booliska Iyo Maamulka Tuulada Fiqi Ayuub Oo Ka Haday, Halkan hoose ka DAAWO Source
  16. (SLT-Hargeysa)-Siyaasi Cabdillaahi Jawaan ayaa ka hadlay tallo uu ula tagay xukuumadda KULMIYE iyo jawaabaha uu kala kulmay, Halkan hoose ka DAAWO Source
  17. “Muuse Biixi miyuu Somaliland ka qabtay Cigaal Mise Cigaal ayaa Somaliland ka qabtay”? Madaxwaynihii labaad ee Somaliland Maxamed Xaji Ibraahim Cigaal casharo badan ayuu Somaliland uga tagay duruustaas waxa kow ka ahayd siyaasad ka saaristii Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha hadda … Siduu uga saaray Siyaasadda gabi ahaanba Muuse Biixi, yaase ku soo celiyay saxadda, sidee ayuuse ugu soo laabtay …? Madaxweyne Cigaal 1993-kii, markii la doortay raarta wuxuu soo gashaday Kooxdii SNM ee saraakiisha ahayd, Cabdiraxmaan Aw Cali ayaa Madaxweyne ku-xigeen u noqday, Muuse Biixi ayaa Wasiirka arrimaha gudaha u noqday, Dayib Guray ayaa Wasiir Ganacsi u noqday. Marka laga tago Maxamed Kaahin iyo Ibraahim Dhagawayne intii badnayd sarakiishii SNM xilal ayuu u dhiibay, khibrad iyo casharo ayuu ka laha, mar Dadka ayuu tusaayay, marna in Ciidanka iyo xilalka siyaasiga ahi kala dhumuc iyo maamulid ballaadhan yihiin ayuu baraayay. Musue Biixi qaybtaas ayuu kamid aha, 2-sanno ayuu Xilka kaga qaaday markuu hayay, markii uu ka qaaday Muuse Biixi banaanka ayuu Hargaysa uga baxay, kadib odayaal uu hoggaaminaayo Sheekh Ibraahim Sheekh Yuusuf Sheekh Madar ayaa ergo ugu tagay Maxamed Xaji Ibraahim Cigaal iyagoo Madaxweynaha ka codsaday inuu xilka Wasiirka arrimaha gudaha ku celiyo Muuse Biixi. Cigaal siyaasi mawjad ah oo qotadiisa dubaladeed gun dheertahay ayuu aha Alle hawnxariiste, wuxuu yidhi “Inanku waa Inankagii haddu xilka aan ka qaaday dib u qaadanaayo hadda ayaan magacaabaya ee waydiiya”. Waydiinay oo wuu qaadanaya ayaa la yidhi, Intuu Galinkii hore magacaabay ayuu kii Danbe ka qaaday… In aanu Muuse Biixi siyaasi ahayna wuu xaqiijiyay, waayo Madaxweyne xil ka qaaday u jeedadii uu kaga qaaday ayaa nool macquul maha inuu haddana isla markiiba dib kugu magacaabo. Waa halka ay ku soo baxday “Waa Rafadkay Rafanaysay”. Muuse Biixi Cabdi markii Cigaal alle hawnaxariiste waqcadaas ku sameeyay qalbada ayaa jabtay, Dagaal waxba lama hadhin, Intase tariikhda haysa ayaa hayse Maxamed Xaji Ibraahim Cigaal ilaa jifadiisa hoose ayuu ka ka xaystay oo uu cid ka waayay . Waa markay Wasiir Daakhiliga noqonayaan Axmed Jaanbiir Suldaan iyo Ismaciil Shaqalle oo Taliyaha Ciidanka Qaranka noqonaaya iyo Jiilkaasi… Muuse Biixi ayuu meesha kaga saarayay Cigaal, waa xilliga uu Muuse Biixi leeyahay “Ma maanta ayaad awoodi ku soo koobtay in Suldaan idin wada xukumo, kkkkk “Daakhiligii Taliyhii Ciidamadda, Xaakimkii ” waa marka uu sidaa leeyahay .. Muuse Biixi Geelisa ayuu raacday, gabi ahaanba Siyaasadda banaanka ayuu ka dhigay Cigaal, intii ogayd ayaa ogayd halkaas iyadoo maraysa ayuu Cigaal unkay nadaamka Axsaabta badan (Xisbiyada) UDUB ayuu ku dhawaaqay, Dr. Cabdi Aw Daahir ayuu Xoghayihii Guud uga dhigay isla markaana ahaa Wasiirka Caafimaadka, Cali Warancadde oo isku waday jagada Xoghayaha ayaa muraaladilaacay, waa sababtii uu kaga baxay Xukuumaddii Cigaal, furidii ururada siyaasadda ayaa ragg badan oo buulka ku jiray qoorta la soo kaceen, Ururkii SAHAN ayay isku uruursadeen ragg ay ka mid ahayeen Muuse Biixi, Cali Maxamed Warancadde, Alle hawnaxariste Maxamed Cabdi Iskeerse, oo dhammaantood ay Madaxweyne Cigaal isa soo seegeen, waxaa Guddoomiye u noqday Xildhibaan Prof Maxamed Cumar Jiir oo wali ku jira Golaha Wakiilada. Muu tisqaadin SAHAN markii hore markii danbena Dr. Maxamed Cabdi Gaboose ayaa waddo cad ka mariyay Muuse Biixi Cabdi. Isagoo barakace siyasadeed ah ayuu u gacan haadiyay Axmed Maxamed Siilaanyo oo KULMIYE markaa hawada galiyay, ragg dhalinyaro u badanaana haysta, Jabhadii SNM way ku yarayd aasaaskii KULMIYE, dhalinyaro saxad ku cusub oo Dr. Axmed Xaashi Oday ugu wayn yahay oo Cigal Aagaasime u soo noqday, Cabdicasiis Maxamed Samaale, Maxamed Iid Dhinbiil ragg nocaas ah ayuu hastay KULMIYE SNM Daa’uud Maxamed Geele alle hawnaxariisto oo Xoghaye Guud noqday iyo Cali Guray ayuu ka haystay . Muuse Biixi sidaa ayuu Siilaanyo siyaasadda ugu soo celiyay balse Cigaal wuu ka saaray .. Ilaa uu Madaxweyne noqdayna Axmed Siilaanyo ayaa madaxa dadka ka saarayay, waa halka ay ku kala tagayaan Siilaanyo iyo Cigaal xagag siyaasadda, waayo Siilaanyo Muuse wuu fahmi kari waayay inuu Dalka dan u yahay iyo in kale Cigaal-se wuu fahmay .. Mida labaad Axmed Siilaanyo quwada Muuse Biixi ayaa alle tusay, xooga ayuu isugu hagaajistay Axmed Siilaanyo intii ayuu Madaxweyne kaga helay ammaantana Muuse Biixi waan u haya bac-bacdiisi kaga helay kursigii siday doontaba ha noqte hadalbaase ka danbayn oo hoggaaminta iyo helida kursigu waa kala gaar.. Hadalkaa dheer waxa iga keenay weedhi Madaxweyne Muuse Biixi ee ahayd Cigaal ayaan Dalka ka qabtay oo ka badbaadiyay.. Tusan .. Muniir Axmed Cigaal.. Source
  18. (SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Somaliland ayaa beenisay, waxba kama jiraana ku tilmaamantay socdaalka la sheegay inuu Madaxweyne Muuse Biixi uu ku tagaayo Dalka Sweden. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika, ayaa sidoo kale ka hadlay xidhiidhka Somaliland iyo Beesha Calaamka, iyo kala duwanaasha Somaliland iyo Somaliya, waxaanu ugu horeyn yidhi isagoo ka jawaabay socdaalka Madaxweynaha ee dalka Sweden “Socdaal hadda uu Madaxweynuhu ku tagaayo dalka Sweden ma jirto, Dalka Sweden iyo dalka kaleba Madaxweynuhu uu tagi karaa, marti qaadna uu ku tagi karaa, xidhiidhka wacan ee inaga dhexeeya uu ku tagi kara hadba dalka aynu danteena moodno, laakiin socdaal rasmiya oo hadda jira oo uu Madaxweynuhu ugu baxayo Sweden ma jiro”. Mar uu ka hadlaayey xidhiidhka Somaliland iyo Beesha Caalamka iyo kala duwanaasha Somaliland ayaa yidhi “Xidhiidh aad u fiican baa inaga dhexeeya Wadamada kale duwan ee Calaamka, ha noqdaan Wadamada jaarka iyo Wadamada kale ee Caalamkaba, waxaana jecel nahay mar walba in aanu hagaajino xidhiidhka inaga dhexeeya Caalamka, dhab ahaana Caalamka wuxuu aad ugu bogay heerka aynu ka gaadhnay dhismaheena Dawladnimo, Dimuqraadiyada Doorashooyinka iyo kala dambaynta dalkeena ka jirta”. Mar uu ka hadlaayey kala duwanaashaha Somaliland iyo Somaliya ayaa yidhi “Somaliland waa dal madax banaan, oo nidaamkiisa Dawladnimo u dhan yahay, waxaana dalka ka Madaxweynaha Muddane Muuse Biixi Cabdi, oo ah Madaxweyne si xor iyo xalaal ah loo doortay, oo Shacabkiisu u doorteen, waana Madaxweyne diyaar u ah inuu qarankiisa wax walba u qabto, Somaliland waa dal leh Madaxweyne, Golayaasha kala duwan ee Dawladnimada, Ciidan, Calan iyo Lacag u gaar ah, shuruud kasta oo aqoonsiga inagaga xidhana weynu buuxinay, halka Somaliya aynu ognahay qaabka loo doorto Madaxweynaha hadba ka taliya, markaas Maamulka Somaliya waxaanu leenahay isku xaalad iyo isku heer ma joogno, ha isku kaaya mashquulina, maxaa yeelay hadafka shacabkaygu waa sidii aynu aqoonsi caalamiya u heli lahayn, Xukuumad ahaana dadaalkeedii waanu wadnaa, ee Maamulka Somaliya waxaanu leenahay idinku dalkiina hagaajista, waxbana nagu yeeli maysaan xaasidnimo iyo wax la mid ah ee jaarnimadu ha inaga dhexeeyso, oo aynu ahaano laba dal oo jaar ah,Shacabka Somaliland meel kasta oo ay joogaan waxaan leeyahay mar walba muujiya qadiyadiina, iyo qaranimadiina”. Source
  19. (SLT-Hargeysa)-Masuul Ka Tirsan Xukuumadda Oo Soo Dhaweeyay Shirka Beelaha Bariga Iyo Galbeedka Burco, Halkan hoose ka DAAWO Source
  20. Deegaanka Garacad ee gobolka Mudug ayaa waxaa si rasmi ah uga bilowday dhismaha dekedda Garacad oo ay si iskutashi ah u dhisanayaan dowladda iyo shacabka [...] Source
  21. (SLT-Berbera)-Dooni Alaabooyin kala duwan u sidday Ganacsatada Somaliland ayaa ku degtay meel boqol iyo dhowr Mayl u jirta Dekedda Magaalada Berbera, sida uu sheegay Guddoomiyaha Rugta Ganacsigu. Doontan oo ka soo shiraaqatay Magaalada Dubai ee Dalka isu-tagga Imaaraadka Carabta, ayaa degtay markay dabaylo ku kaceen, sida uu sheegay Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland, Jamaal Caydiid Ibraahim oo Maanta Shir-jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa Hargeysa. Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Dooni sidday Xoolo Faro badan oo laga leeyahay Somaliland oo laga soo rarray Dubai ayaa degtay, Doontaasi siday u dhamayd waxay u rarnayd Ganacsatada Somaliland.” Jamaal Caydiid wuxuu sheegay oo kale “81 Qof oo Shirkado ama Ashkhaas ayay u rarnayd Doontu, qiimaynta xoolahaa ma hayno, laakiin waxa lagu qiyaasi karaa Shan Milyan.”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Waxay degtay iyadoo Berbera ku soo dhaw, sida la sheegayna dabaylo ayaa ku kacay, wayna awoodi wayday inay socoto.” Alaabta ay sidday ayaa u badnaa Qalabka dhismaha iyo Baabuur “Alaabta ay sidday waxa ka mid ah Baabuur, Qalabka dhismaha, Xadiid, Sibidh, Loox, Isbeer-baadhka Baabuurta..”ayuu yidhi. Source