-
Content Count
211,301 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Gaalkacyo (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay magaalada ku dileen gabar kasoo baxday masaajid, salaadii Taraawiixda kadib. Dilka oo ka dhacay dhanka waqooyi ee magaalada Gaalkacyo ayaa loo geystay gabar 22 sano jir aheyd oo la sheegay inay kasoo baxday Masjid ku yaala xaafadda Garsoor ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo. Gabadha oo lagu magacaabo Nimco Cumar Shire “Xuur” .ayaa la sheegay in dilkeeda loo adeegsaday aalaada Tooreyda, waxaana kadib goobta ka baxsaday dadkii dilka ka dambeeyay. Wararka ayaa sheegaya in marka Hore Nimco, dhaawac daran uu kasoo gaaray Tooreyda Dhuunka kaga dhacday, waxaase ay markii dambe ku geeriyootay isbitaal ku yaala magaalada. Maamulka Puntland ayaa sheegay inay ku raad joogaan dadkii ka dambeeyay dilka xanuunka badan ee ka dhacay magaalada Gaalkacyo, iyadoo aan la ogeyn sababta dilkeeda ka dambeysay. Ciidamada ayaa saaka baaritaano ka wada xaafadaha magaalada Gaalkacyo, waxaana ay baadi goobayaan rag dhalinyaro ahaa oo la sheegay inay falka ka dambeeyeen. 24-kii February magaalada Gaalkacyo waxaa Kufsi uu dil xigay loogu geystay gabar 12 Sano jir eheyd, taasoo lagu magacaabi jiray Caasha Ilyaas Aadan, iyadoo ragga dilkeeda ka danbeeyay oo Saddex ahaa ay yihiin xukun sugayaal maadaama dil toogasha ah lagu xukumay. Caasimada Online Xafiiska Mudug Caasimada@live.com
-
Col. Faadumo Ali spent her life trying to bring peace and security back to her home country of Somalia. Source: Hiiraan Online
-
Xuseen Maxamed Nuur ayaa loo magacaabay gudoomiye kuxigeenka dhanka maamulka iyo maaliyada ee gobolka banaadir 21 january 2018 markaas uu madaxweyne Maxamed Abdullahi Farmaajo is bedel guud ku sameeyay dhamaan maamulka sare ee gobolka Banaadir. Xuseen ayaa hore xil dowladeed u soo qaban ka hor magacaabistiisa madaxweynaha u magacaabay gudoomiye ku xigeenka dhanka maamulka iyo maaliyada ee gobolka Banaadir, inta aan loo magacaabin xilkaan ayaa waxa uu ka soo shaqeeyay Erdogan hospitalka (Ex. Digfeer) oo uu ka ahaa agaasimaha guud. Xuseen ayaa waxbarashadiisa kusoo qaatay dalka dibadiisa isagoo markuu dalka kusoo laabtayna noqday agaasimaha guud ee isbitaalka Digfeer. Aniga iyo Xuseen Is Barashadeenii. Waxaan Xuseen bartay kadib marka uu gudoomiye ku xigeenka gobolka Banaadir noqday anigana aan markaas ka tirsanaa gobolka Banaadir, markii la soo magacaabay Xuseen ayaa sida caadada ah marka qof cusub loo magacaabo institutions ka dadka ka shaqeeyo waxay raadiyaan qofka la soo magacaabay dabeecadahiisa, hab-dhaqankiisa iyo taariikhii hore uu qofkaasi lahaa, waxaana raadiyay warbixin la xiriirto Xuseen waa qof noocee ah durbadiiba waxaan la kulmay nin aan saaxiib ahayn oo ii sheegay inuu yaqaan Xuseen waxa uuna ila wadaagay inta uu Xuseen ka yaqaanay waxaana ka mid ahaay wixii uu ila wadaagay qodobadaan. Xuseen inuu yahay qof ku wanaagsan maamulka iyo maaliyada kana soo bixi karo shaqada loo idmaday. Waxuu kaloo ii sheegay inuu yahay nin shaqo badan oo dulqaad u leh inuu shaqeeyo waqti ku dhow 18 saacadood waxuuna ii sii raaciyay in mudadii uu agaasimaha Digfeer ka ahaay xitaainuu dhex jiifan jiray gudaha Isbitaalka Waxuu ii sheegay in sidoo kale in Xuseen uu yahay nin ku ad adag go-aankiisa oo meesha uu ku dhago aan laga fujin karin Waxyaabahii uu ila wadaagay waxaa ka mid ahayd inuu ii sheegay in Xuseen lagu xanto inuu yahay nin u xagliyo reerka uu kasoo jeedo marki la fiirsho dhinaca fursadaha kasoo baxay isbitaalka Digfeer mudadii uu agaasimaha guud ka ahaa dadki uu siiyay inay u badnaayeen reerkiisa. Arrinta kaliya ee aan ka naxay ayaa ahayd inuu Xuseen si ad adag ula dhaqmo shaqaalihiisa, isla markaana haddii qofka isaga la shaqeeya uu noqdo qof amaradiisa jebiya, waajibaadkiisana fulin uu si arxan daran ula dagaalo, arrintaas oo cabsi iyo wal wal igu abuurtay, maadaama uu yahay madaxdeyda shaqo wadaaga aan nahay. Marka intaas laga gudbo, waxaa xilkii la wareegay maamul cusub ee loo soo magacaabay gobolka Banaadir kadibna waxaa bilawday shaqooyinkii caadiga ahaa ee Gobolka. Kulankeeni u horeeyay aniga iyo Xuseen. Kulankeenii ugu horeeyey waxa uu ahaa subax barqo ah isaga uu xafiiskiisa fadhiyo lana qabsaday shaqadiisa uu ku cusbaay waxaa ag taagnaa oo uu sii sagootinaayey nin aan aad u garanaayo oo saaxiibkey ahaay asigana ka tirsanaay maamulka dhexe ee gobolka Banaadir oo aan ula jeedo marki aan dhahaayo maamulka dhexe inuu ahaay shaqsi agaasime ka ah gobolka Banaadir , kadib waxaa isa salaanay agaasimaha oo usii hinqaday dhinaca albaabka si uu u baxo intaas kadib waxaa si dhoola cadeyn leh ii dhahay soo fadhiiso guddoomiye Xuseen oo wejigiisa farxad ka muuqatay waxaan fadhiistay kursi agtiisa yaalay isbarasho kadib waan sheekeesanay waxuuna iga wareestay shaqada aan haayo iyo marxaladaha ay soo martay marki aan la wadaagay kadib waxuu iigu jawaabay ( waxaad heysaan shaqo adag adinka oo ku shaqeynaayo daruufo adag waxaan kuu ballan qaadayaa in aan garab istaago xafiiskaan oo shaqo muhiim ah ummada u hayo), waxaa aamini waayey sida Xuseen iila macaamilayo waqtigaas iyo sida markii hore la iigu sheegay waxaan ku dhiiraday in aan la wadaago caqabad xafiiska aan ka shaqeenaayey heysatay oo u baahneyd xalinteeda dhaqaale iyo awood maamul isla markiiba waxuu si fudud iigu jawaabay soo qor ee ii soo gudbi anigaa xalinaayo. Kulankeeni labaad. Waxaa u keenay qoraalkii uu iga codsaday si uu wax uga qabto caqabadaas oo ahayd mid shaqadeena cuuryaamineysay waxuu si degan u aqriyay warbixintii qoraalka ahayd markii uu dhameestay kadib waxuu iga weydiiyay labo su’aalood markii aan jawaabahooda siiyayna waxuu saxiixay warqadii oo noo amray in la siiyo waaxda dhaqaale ee u baahneed si ay shaqada u socoto, waxuuna markii la hadlay nin taliye ahaay oo shaqada caqabad ku ahaay waxuuna ku wargeliyay dowlada hoose shaqadeeda inay ayada qabaneyso farahana uu kala baxo. Waxaan la dhacay sida uu durbadiiba go’aan u qaatay hadana go’aankii uu u fuliyay uusan kaliya ka ahayn go’aan af ah sida aan ku aqaanay madaxdii isaga ka horeesay oo xoogaa ka caga jiidi jiray inay la hadlaan ninka taliyaha ah maadaama uu ahaay shaqsi hub fara badan heesto isla markaana saaxiib la ah qaar ka mida madaxda sare ee dalka. Inti aan la shaqeenaayey wixi aan ka bartay. Xuseen waxaan ku bartay inuu yahay nin howlkar ah, cod kar ah, go’aan qaadasho wanaagsan, habdhaqan wanaagsan iyo gacan furnaan oo runtii astaan u ah hogaamiyaha wanaagsan. Waqtiga uu shirarka asiga ka yahay shir gudoon ha noqdaan shirarka guud ee Gobolka iyo kuwa maamulka iyo maaliyada waxay ahaayeen shirar la xiiseeyo sababtuna waxay ahayd shirarka uu shir gudoominaayo waxay ahaayeen kuwa mira dhal ah oo wax faa’iido u leh maamulka gobolka kasoo baxaan, waxay kaloo ahaayeen kuwa ku saabsan isla xisaabtan oo agaasimayaasha iyo gudoomiyayaasha degmooyinka marka ay soo aadaayaan ay hore usoo qaataan warbixino tifatiran si ay isaga difaacaan su’aalaha iyo isla xisaabtankiisa. Waxaan kaloo ku xasuustaa inuu ahaa nin macaamil fiican oo la macaamiilo saqiir iyo kabiir ama shaqaale illaa iyo agaasime ay aad u jecalaayeen, waxuu ahaa shaqsi caawiyo qofkii uu dhib ku dhaco waxuu kaloo ahaa gudoomiye badbaadiya markii shaqaalaha ama agaasimayaasha asiga hoos taga qalad ka dhaco isla markaana digniin siiyo qofka qalad ku dhacay si uusan mar danbe ku dhiiran inuu danbigaas mid la mid ah ku dhaco. Shaqaalaha waxuu kula dardaarmi jiray in daacad loo noqdo Nidaamka dowliga ah, si daacadnimo ku jirtona loo guto waajibaadka loo idmaday, maadaama ay mushaar ka qaataan dowlada oo mar walbo laga rabo inay dowlada gaashaan u noqdaan. Xafiiska Xuseen waxuu ahaa xafiiska ugu mashquulka badan gobolka waayo waxuu ahaa xafiis qof walbo u furan madax, shaqaale iyo shacab. Waxuu ahaa qof ay adagtahay marka uu xafiiskiisa fadhiyo inaa u heshid waqti badan mashquulka xafiiskiisa ka jira dartiis iyo cariiriga waqtiga ee asiga heesto. Intaas kadib Xuseen waxaan u rajaynaa musqtaqbal wanaagsan waxaana aragtidayda marki aan cabiro ay ila tahay in ay adagtahay gobolka Banaadir inuu mar kale helo mas’uul Xuseen la mid ah ama u astaamihiisa oo kale leh Waxaan rabaa inaan ku soo gabagabeeyo, oraah igu soo dhacday habeenkii ay I soo gaartay xil ka qaadistiisa, oo ah (Xuseen tag, saameyna reeb!!!. W/Q: Shaafici Saalax shafici698@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Amsterdam (Caasimada Online) – Dowladda Holland ayaa waxa ay aqoonsatay in dalkeeda lagu gali karo Baasaboorka Soomaaliga ee la siiyo shaqaalaha iyo diblomaasiyiinta Soomaalida. Safiirka Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub Danjire Cali Saciid Faqi ayaa shaaca ka qaaday in Dowladda Holland ay si rasmi ah u aqoonsatay in dalkeeda lagu geli karo Baasaboorka Soomaaliga gaar ahaan kan Shaqaalaha iyo kan diblomaasiyiinta. “Waxaan aad ugu faraxsanahay inaan idin la wadaago in dowladda Netherlands ay aqoonsatay Baasaboorka Diplomaasiga iyo kuwa Service-ka laga soo bilaabo May 15 2019, Baasaboorada la aqoonsaday waxaa laga soo bilaabay kuwa la bixiyay 2014-ka” ayuu safiirka bartiisa ku qoray”. Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dadaallada Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya ugu jirto sidii loo xoojin lahaa xiriirka diblomaasiyadeed ay Soomaaliya la leedahay dalalka Caalamka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
PRESS RELEASE President of Kenya opens first UN-Habitat Assembly Over 3,000 delegates confirmed to attend the five day event NAIROBI, Kenya, May 27, 2019/ — Kenya’s President Uhuru Kenyatta formally opened the first UN-Habitat Assembly in front of a packed audience at the United Nations Office in Nairobi. With over 3,000 delegates confirmed to attend the five day event, the guests at the colourful opening ceremony included representatives of Member States, mayors of cities, representatives of civil society and business leaders. Welcoming the international guests to Kenya, President Kenyatta emphasized the importance of sustainable urbanization and the need for innovative solutions to the challenges faced by cities. He assured the Assembly of his country’s continued support to UN-Habitat and urged Member States to do likewise. In the opening session Ms. Martha Delgado, Undersecretary of Multilateral Affairs and Human Rights at the Mexican Ministry of Foreign Affairs, was unanimously elected President of the UN-Habitat Assembly. “I would like to stress my deepest appreciation to all the Member States that have bestowed this honour on my country, Mexico, by electing me as President,” she said. “I can assure you I will do my best.” Addressing the room through a video message, António Guterres, United Nations Secretary-General said the gathering comes at an important juncture. “ About 60 per cent of urban infrastructure needed by 2030 is yet to be built. That creates great opportunities. Well planned and managed cities can steer us towards inclusive growth and sustainable low emission development,” he said. “A historical moment”, was how UN-Habitat Executive Director Ms. Maimunah Mohd Sharif described the event, and she congratulated Ms. Delgado on her appointment as President of the Assembly. Reflecting on the task ahead for the Assembly and the organization, Ms. Sharif said, “No one here needs convincing that sustainable urbanization is the key issue of the moment. The Assembly’s theme of Innovation for better lives in cities and communities clearly spells it out. If we don’t innovate and if we continue business as usual we will have little hope of progress.” The inspiring keynote address by Ridwan Kamil, Governor of West Java Province, Indonesia, elaborated on how, during his time as Mayor of Bandung, he implemented a number of successful urban planning projects. “To me quality of life is another way to say a happy life,” he said. From slum redevelopment to improved walkability and social spaces, he emphasized how listening to the community provided the best solutions. The Kenyan drummers in traditional dress flanking the venue peppered the ceremony with beats and added a uniquely Kenyan flavour to the event. In between proceedings, there were performances Canadian teenager Emma Stevens from Nova Scotia in her language, Mi’kmaq , and the orchestral group Ghetto Classics from Korogocho, a slum in Nairobi as well as a dynamic speech about youth and culture by Sona Jobarteh, a virtuoso Kora playerfrom Gambia. Over the next five days the UN-Habitat Assembly will adopt global norms and policies that will guide how cities and communities are planned, managed and governed. Ms. Sharif said “This Assembly will only happen every four years. The world is now watching. We must make sure we turn our words into action to improve the lives of everyone in today’s urbanizing world.” Distributed by APO Group on behalf of UN Habitat. Qaran News
-
Wax is bedelay oo weyn ma jiraan, annaguna Soomaali baan nahay iyguna waa Itoobiya, labadeenna dalna waa isku yaalaan oo Allaah baa deris innaga dhigay, waliba deris aan is jeclayn, kaaga daranee haddaan lays jeclayn qaynuun iyoo xeerar baa lagu kala badbaadaa laakiin taasna Itoobiya waa ku qanci waysay!… markaas shaki la’aan Soomaaliya waxa ay dhinaca Itoobiya ka fili karayso waa cadaawad, waxayna ku qasbantahay inay u toog hayso cadaawaddaas aan lahayn meel ay ku dhammaato!.. mar kasta waxa dhaca ama colaadda labada dal waxay ka bilaabataa qab aan xaqiiqo ku salaysnayn oo dalalkii guumeystayaasha ahaa qaarkood ay dabada ka riixayaan oo Itoobiya ku soo dhiiri geliyaan inay Soomaaliya colaadiso, daandaansato, dagaal ku soo qaado, laakiin mar kasta natiijada waxba kama aysan bedelayn xaaladda Soomaaliya, mana dhicin inay qaadato qab iyo gar darro uga yimid Itoobiya ama dal kale… waxaana arrin lala yaabo ah in Itoobiya aysan wali waxba ka bedelin siyaasadda noocaas ah, iyadoo isku helaynaysa wali taageerrada guumeystayaashii awalba dabada ka soo raxiiyay!… Run ahaan khariidaddii ay wazaaradda arrimaha dibada Itoobiya ay boggeeda ku faafisay waxay ahayd dagaal bareer ah oo ay ku soo qaaday Soomaaliya, waxay meel ka dhac ku ahayd qaranimmada iyo sifaha dowladanimo ee Soomaaliya! Waxaana arrin lala yaabo ah in ilaa iyo hadda aysan madaxda Soomaaliyeed arrintaas haba yaraatee waxba ka oran, marka laga reebo xubno ka tirsan golaha shacabka iyo guud ahaan dad-weynaha Soomaaliyeed oo aad uga carooday kun tilmaamay baaq colaadeed oo Itoobiya ka dirayso, waxaana arrin xiiso leh ahayd in maamulka Woqooyiga Soomaaliya aysan Itoobiya ku darsan dal balaarsiga madax maray ee ay ku muujisay sida ay doonayso inay isugu soo baalariso dhulka Soomaaliya!…waxaana loo qaadan karaa khariidadadda inay bannaanka soo dhigtay wax badan oo ay huurinayeen shirarkii Addis Ababa ka dhacayay ee Abiy iyo Farmaajo!… Soomaaliya marka laga soo tago burburka ku dhacay waa la garbo duubay si ku talo gal ah oo qorshaysan, walina qorshahaas waa ku socdaa. Sanadii 2007-dii waxa la keenay ciidamo lagu sheegay inay dowladda Soomaaliya u adeegayaan oo ammaankeeda ilaalinayaan, muddada ay joogayaaanna lagu sheegay 6 bilood oo keliya, laakiin ciidammadaa soo ilaa maanta jooga shaqadooda iyo danta runta ah ee laga lahaa waxay ahayd in lagu cabburiyo ummadda Soomaaliyeed, si hubaka looga dhigo, oo loo xaddido dhaqdhaqaaqooda, looguna taliyo sidii la doono, iyagoo aan waxba diidi karayn!… tallaabadaas waxay keentay in dalalkii Soomaaliya muranka xagga xudduudaha iyo colaadda ay kala dhexeyay ee Itoobiya iyo Kenya ciidamadoodii la soo sharciyeeyay oo la soo geliyo gudaha Soomaaliya…waxyaabaha aan maanta arkayno ama aan ka maqlayno dalalka huwanta ah ee duulaanka ku ah Soomaaliya, haddii ay tahay Itoobiya, Kenya, Midowga Immaaradaha Carabta, Sacuudiga iyo dalal kale oo badan, xataa shakhsiyaad iyo shirkado aajnabi ah oo maanta shanta kula jira arrimaha Soomaaliya, waxay qayb ka ahaayeen qorshaha loogu magac daray Nabad-Ilaalinta! Intaan la keenin ciidammada laynoo baray inay danaha qaranka Soomaaliyeed iyo ammaankiisa u adeegayaan ee AMISOM 10 sano iyo dheeri ka hor bay ciidammada Itoobiya waxay ku jireen gudaha Soomaaliya, waxayna kaalin buuxda ku lahaayeen colaadihii iyo iska hor-immaadyadii kooxihii ku dagaalamayay dalka, waxaana fasax ay ka haysteen dhammaan Qarammada Midoobay, Midowga Afrika, iyo guud ahaanba caalamaka iyadoo lagu sababaynayo inay ammaankeeda u cabsanaysa, oo kooxo loogu yeeray Xag-Jir oo argagixiso ah xudduudaheeda uga soo tallaabeen dhinaca Soomaaliya…waxaana si cad loogu garab istaagay inay meel kasta oo dhul-weynaha Soomaaliya ka mid ah ugu geli karaan cid kasta oo ay ammaankeeda uga baqayso, wixii dhacayna waa la ogaa! 1996kii markii ugu horeysay ee ay soo galeen gobolka Gedo xataa caruur iyo haween bay guryahoodii ku dhex laayeen, waxayna dhaceen oo boobeen hanti faro badan, waxaana loo sharciyeeyay inay waxay doonto ka dhex samayn karto! Waxaa cuna-qabatayn xagga hubka ah lagu soo rogay Soomaaliya iyadoo layska dhigayo nabad gelyadeeda loogu danaynayo, isla markaasna waxaa lagu fasaxay hubkii faraha badanaa ee sida lacag la’aanta ah ay ciidammada Itoobiya ugu qaybinayeen kooxihii dalka ku dagaalamayay! Illaa maalintaas hamiga Itoobiya wuu iska caddaa shacabka Soomaaliyeedna wali feejignaantii ayuu qabaa mana mooga in cuna –qabataynta la saaray ay ahayd in loo garba duubo abeesooyinka xaska u soo jiifa oo ay ugu horeeyaan kuwa aan deyrka wadaagno!… Sida dadka Soomaaliyeed ama warbaahinta qaarkeed ay u fasireen ma ahayn sir la qarinayay khariidaddii wazaaradda arrimaha dibadda Itoobiya shalay laga daalacday boggeeda rasmiga ah, laakiin waa xaqiiqda ka dambaysay xiriirada iyo is-xulufaysiga cusub ee dhex maray dalalka Masar, Midowga Immaaradaha Carabta, Sacuudiga, iyo dalal kale oo waaweyn, raali gelinta ay dowladda Itoobiya bixisayna waxba kama bedelayso ujeeddadii khariidaddaas loo sameeyay, shacabka Soomaaliyeedna wax ku cusub ma ahayn tilmaanta iyo farriinta ay khariidadda lagu muujiyay, waxaase la oran karaa in kharidaddas bannaanka si rasmi ah loo soo dhigo waxaa soo dedejiyay xiriirka qarsoon ee sida gaarka ah ugu dhexeeya Farmaajo iyo wiilkaan aan wali jaro baran ee Abiy Axmed oo iyagu waxyaabo khayaali ah oo aysan labadoodaba awood u lahayn sacabbada isku saaray!… waxaana ayaan daro weyn ah oo mar kasta soo noqnoqota in nin kasta oo la soo doorto ama hoggaanka dalka loo dhiibo uu yahay nin ciil qaba ama raba inuu ka sara maro sharciga iyo qaynuunka sidaasna cadowgii ummadda garab ka soo dhigta oo ku soo hoggaamiya dalka!… DHibaatada Geeska Afrika, ama Soomaaliya iyo dalalka ay deriska yihiin waa mid waligeed jiri doonta, taasi macnaheeda ma aha in dadka Soomaaliyeed aysan ahayn dad deriska xaq-dhowra, laakiin macnaheeda waxaa weeye dadka Soomaaliyeed waligood ma qaadan mana qaadanayaan kibir iyo gar-daro, Itoobiya iyo Kenyana kama weynaanayaan guumeystaal mar walba gadaal ka soo riixa oo ay taladooda ku soo duulaan!…Kenya biyaha Soomaaliya ayeey ku waalatay, waxaana ku dhacay cudur waali ah oo ay ilowday dhammaan wixii aan abaal u haynay iyo wanaaggii labada shacab dhex maray intii dadka Soomaaliyeed ay u qaxeen dalkeeda, waalidaas xaggee bay ka timid?! Ma is weydiisay?… iyadana khariidad cusub bay samaysatay oo ay xudduudda Soomaaliya bad iyo dhulba (berriga) 500 km gudaha u soo gashay!…KHariidaduhu ma yara!…SHeegashada Kenya ee biyaha Soomaaliya waxay ka dambaysay colaaddii dowladda Norway u qaaday dowladdii Soomaaliya ka dib markii lagala noqday heshiiskii ay ku qodi lahayd shidaalka lagu sheegay inuu ku jiro gunta badda koonfureed ee Soomaaliya xilligii Siyaad Barre. Markay dowladdii Soomaaliya burburtay, Norway waxay isla markiiba u isticmaashay Kenya sabab ay ku qodi karto shidaalkii ay horay uga sahmisay gunta badda koonfureed ee Soomaaliya, waxaana la diyaariyay shirqool loogu magac daray Memorandum Of Understand si loo helo sabab ay Kenya ay ku sheegan karto lahaanshaha biyaha guntooda shidaalka lagu sheegay, ama ay ugu qabsan karto Soomaaliya, kaasoo bishii April 7dii, 2009kii ay Nairobi ku wada saxiixdeen labada dal…Kenya intaas kuma qancin ee si ay u sugto shirqoolkaas (MOU) inuu dhaqan galo Oktoober 16dii, 2011kii waxay ku dhaqaaqday hawl gal ay ku magacowday Linda Anchi (Difaac Dalka) oo ay ciidammadeeda ku soo gelisay Soomaaliya iyadoo isticmaalaysa isla sababtii ay Itoobiya ku soo gashay Soomaaliya ee ahayd inay ammaankeeda uga baqayso argagixiso, markii dambana si joogitaanka ciidamadeeda ay u noqdaan mid qaynuun ah oo la aqbali karo, bishii March, 2012kii waxayciidamadeeda ku biireen askarta shisheeyaha ee lagu sharciyeeyay magaca AMISOM, waxaana xusid mudan in soo gelitaankii ciidammada Kenya ee Soomaaliya ay isla markiiba taageertay dowladda Israa’iil iyadoo isla markaasna sheegtay inay gacan buuxdo ka siinayso xagga difaaca taba-barka iyo qalabka ciidammada. Soomaaliya dalkeeda way haysataa wayna taqaan, KHariidaddii is balaarinta ahayd ee wazaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ay ku faafisay boggeeda rasmiga ah waxay ahyda masawirka runta ah ee caqliga iyo fikradda dowladda Itoobiya!…laakiin annag iyo Itoobiya layskuma kaayo xuuxinaayo! Waxaana arrin lagu farxo ah in shacab weynaha Soomaaliyeed meel uu joogaba ka dheregsanyahay siyaasadaha ku hareeraysan dalkooda dhiiggoodana uu ku qiimaysanyahay dalkooda, waana taas midda ay habeenkii ku seexdaan ilamaha yar-yar iyo haweenka Soomaaliyeed, waana taas nicmmada Alle siiyay ee ay ku ledaan!…Itoobiya cadaawaddeda waa ka weyntahay khariidadaas, waxaana nasib daro ah wali inaysan ka waantoobin nacaybka aan sababta lahay iyo colaadda joogtada ah ee ay u hayso dadka iyo dalka Soomaaliya!…AMISOM maalin asta ma muddadaa loo kordhinayaa?!…Soomaaliya mar kale dhiig waa loogu wan-qali!… W/Q: Axmed-Yaasin Max’ed Sooyaan Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
AS/CALAYKUM DHAMAAN SHACBIGA SOMALILAND GUDE IYO DIBADBA. SIYAADADA DUSHAAN KALA SOCDAA,MAALINBA MAALINTA KA DAMBAYSA, WAXA SII LICIIFAYA XUKUMADII IYO UCID….BAL CEEBTAN EEGA!!!! waxaan la yaabay kusoo-guryo noqoshada mataanaha Kulmiye iyo UCID ee Nairobi ay kaga soo noqdeen! waxaan ula yaabayna waxa weeye, Faysal C Waraabe oo ka dhigay Maxamed Kaahin nin uu hayo Xanuun Saxaafadeed, isla markaana aan qaadi karin in kalmad la waydiiyo…..ku lahaa Faysal: Ta daa Ta daa Anigaa la kulmay Cabdishskuur Warsame….i kkkkk. Bal ogow Siyaasigaa Cabdishakuur waa ninka kaliya ee midayndoona Soomaaliya oo dhan. waa nin aan la gaban inaanay dhagihiisu maqal wax kala qaybsanaan iyo laanta iyo waxaas. Sida fagaarayaasha doodaha siyaasada uu ku tiraabo, waa siyaasi ka shaqeeya midnimada umada Somaliyeed, soona celin doona nidaamkii Soomaaliwayn. Waxaan shaki ku jirin in wada hadalka dawlada Somaliland ay la hadashay siyaasigan, uu yahay mid qalbi jabinaya kuwa qalbigooda ku haba ama ku xardha: SOMALILAND. ku sii dheeraan maayee, faysal baa aad iiga qosliyoo maalintii dhawayd ee Culimada Somaliland lagu casuumay madaxtooyada wuxuu yidhi: WADANI WAANU KA ADKAAN WAYNEE, MEE HAYN INAA NASOO KALA DHEX GASHAAN….!!!!! Waxaan kaga baxayaa, Wadani wuxuu xukumada iyo ucid ka adkaaday maalintii ay is bahaysteen 4% IYO 48%. Ku darsadoo siyaasiyiin dhab u darsa waxay siyaasadi tahay iyo sida bulsho loo badalo, ayaa dalka ku nool!!!! U fiirso hadalka layskama yidhaahee, waxaan u jeedaa Wadani wuu ka adkaaday dawladii iyo UCID, waxay yidhaaheen laba xisbi ayaanu doorasho ku galaynaa, iminkana afka waysoo marin kari la’yihiin inay ku adkaystaan inay labadaa ay sheegeen doorasho ku galaan!!! iminkoo u dambaysay waa la waydiiyee mabay ka jawaabin ina kaahin iyo faysal toona!! halkan bal eeg ceebta fagaare saxaafada somaliland iyo waftigan margaday een biyana loo dhiibin!!! https://www.youtube.com/watch?time_continue=64&v=l2q8uOHz5hw Shaqsi uma jawaabo, Afxumana umada uma horseedo, taasaynu isku ognay Akhristayaal! SANWAA CUMAR YARE Freelance Political Commentator Email Address: politicianbynature@outlook.com Qaran News
-
Mareykanka ayaa todobaadyadii u dambeeyay kordhiyey duqeymaha dhanka cirka ee uu guud ahaan Soomaaliya kula beegsanayo maleyshiyaadka Daacish iyo Al-Shabaab. Ku dhowaad tobban dagaalame ayaa looga dilay kooxahaasi howlgalo uu Mareykanka isbuucyadii lasoo dhaafay ka geystay gobolada Bari iyo Shabeellaha Hoose, oo ka kala tirsan Puntland iyo Koonfur Galbeed. Taliska Mareykanka ee Afrika waa kan kaliya ee fahfaahinta duqeymahaasi si shaax-baxsay bulshada ugu soo bandhigta, iyaga oo soo marinaya war-saxaafadeed sadaro kamida aanan waxba laga bedelin. Balse sanadihii ugu dambeeyay waxaa kusoo kordhay bayaanada eray bixin cusub, taasi oo su’aalo iyo tuhunba ay geliyeen qaar kamida dadka ka faaloda arrimaha amaanka ee ku nool Soomaaliya iyo caalamka. Eraygaasi ayaa wuxuu yahay “degrade” halka ay joojiyeen adeegsiga erayga “defeat” oo ay kolkii horey u is-ticmaali jireen ciwaanka war-saxaafadeedka lagu soo bandhigayo khasaaraha gulufyada cirka ah. Dadka aqoonta u leh luqada naxwaha Ingiriiska ayaa erayga “degrade” macneeyay in uu yahay “yareyn/dhimis”. Si lamida erayga kale ee ah “defeat” uu yahay “jebin/ka takhalusid”. Farqi weyn ayaana u dhaxeeya, dabcan. War-saxaafadeedyadda ayaa sidoo kale waxaa lagu sheegayaa in ujeedooyinka duqeymaha ay kaliya yihiin “olale xadidan iyo mid argagixisada carqalad looga gelinayo aag xor ah oo ay dhaqdhaqaaq ku sameeyaan”. “Baabi’inta hogaamiyeyaasha shabakada,” waa nuqul yar oo kamida war-saxaafadeedyadda AFRICOM, si gaar ah markay soo saarayaan fahfaahinta howlgalada ka dhanka ah Daacishta Soomaaliya. Isaga oo la hadlayey Guddiga Ciidamada ee Aqalka Sare, taliyaha AFRICOM, Thomas Waldhauser, wuxuu si cad u qeexay in duqeymaha ay ugu talogaleen ku taageerida dowlada Soomaaliya ee la halgalemesa dagaalka Al-Shabaab. Waldhauser ayaa sidoo kale intaasi raaciyey in hadafka duqeymaha uu yahay in dowladda dib u hanato goobaha ay AlShabaab qabsatay, wuxuuse meesha ka saarey in ahmiyada koowaad tahay jebinta kooxdaasi. “Aakhiritaankii duqeymahaasi maalina ma jebin karaa Al-Shabaab, balse waxay yihiin kuwa dowlada iyo ciidamada soo koraya ee Soomaaliya ku xaqiijin karaa amniga dalkooda,” ayuu xusay. Mareykanka ayaa dagaalka argagixisada Soomaaliya waxa uu qeyb ka yahay in ka badan tobban sano wallow aysan muuqan guul la taaban karo oo tan iyo xiligaasi uu ka sameeyay marka laga reebo in colaadu sii badaneyso. “Waanu ognahay in [duqeymaha ka dhanka ah Al-Shabaab] ay sababaan dhibaatooyin, waanu oganahay in niyad-jab abuurayaan. Taasi waa su’aal u furan si xad ah,” ayuu hoosta ka xariiqay. Inkasta oo ay jiraan howlgalada Mareykanka, Al-Shabaab oo si wax ku ool ah u joogteysay xagjirnimadeeda ayaa maamusho tuuooyinka baadiyaha ee bartamaha iyo koonfurta wadanka, waxayna halis ku tahay magaalooyinka. Xigasho: Garowe Online
-
Arrinta shalay soo baxday ee ah in Itoobiyaanka ay khariidada Afrika ka saaraan Soomaaliya, kuna daraan dhulkooda waxaa ay adkeyneysaa shaki hore oo jiray, damaca xabashida iyo heerka uu loolanka gaaray. Arrintan waxaa ay na tuseysaa in aan la aamini Karin xabashida, loona baahanyahay feejignaan dheeraad ah marka lala dhaqmayo hey’adahooda rasmiga ah iyo ama xataa shakhsiyaad caadi ah. In kasta oo ay raali-gelin ka bixiyeen Itoobiyaanka, hadana in bogga rasmiga ee wasaaradda arrimaha dibadda oo ah meesha lagu kariyo siyaasadda arrimaha dibadda dalkaasi laga dhex helo khariidad noocaas waa halis, waxaana ka badan inta qarsoon. In Soomaaliya aaney illaa iyo hadda xad rasmi ah la laheyn Itoobiya iyo Kenya, waxaa ay daliil cad u u tahay loolankaas soo jireenka ah, Soomaali galbeed, NFD, Djibouti waxaa ay ka mid yihiin dhulka ku baxay dhagarta gumeystaha Yurub, waxaa jirtay in 1884-tii la qabtay shir loogu magac daray shirkii Berlin, waxaa shirkaas kasoo qeyb-galay gumaystayaashii reer Yurub, Mareykanka iyo Boqortooyadii Cusmaaniyiinta. Waxaa Berlin lagu qeybsaday Afrika, dalka Soomaaliya waxaa loo kala qeybiyay Shan: Koofurta oo qeyb ahaan loo siiyay Talayaaniga, Waqooyiga ama Somaliland oo qeyb loo siiyay Ingiriiska, waxaa kaloo Ingiriiska la siiyay Labada Gobol sida Koofur Galbeed oo haatan Xabashida Gumaysato iyo N.F.D oo weli ku jirta gacanta Gumaystaha Kenya halka dhulkii loo yaqaanay xeebta Soomaaliya ama Djibouti qeyb ahaan loo siiyay dalka Faransiiska. Salka Loolanka Soomaaliya iyo Itoobiya: Soomaaliya waa dalka keliya ee ku yaalo bariga Afrika ee dadkiisu ilaahay mahadiis Muslimiin yihiin 100% halka Itoobiya ay waligeed aheyd hoyga ugu weyn masiixiyadda bariga iyo geeska Afrika, arintan waa loolan soo jiray 14 qarni, waxaa uu sii jiri doonaa illaa qiyaamaha! Soomaaliya waa dalka kaliya ee ku yaalo qaaradda Afrika ama ama xitaa Caalamkaba oo dadkiisa ay gumeystayaasha u qeybiyeen ilaa 5 qeybood, iyadoo la og yahay in Soomaalida ay isku af, dhaqan iyo diin tahay, arintan waa dhibaato kale! Itoobiya waa dal weyn oo aan laheyn bad iyo dekad ay wax kasoo degsato, waxaa jiro damac ah in ay hesho Dekad quudisa dadkeeda, in ay dekadda Berbera xabishidu share ku lahaadaan waa miraha cadaadiskeeda!! Loolanka Soomaaliya iyo Itoobiya waa mid lagu dhigo Jaamacadaha Caalamka, ku qoran xeerarka caalamiga ah sida Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika iyo xitaa kan Jaamacadda Carabta. Hadaba, Halkan Ka Akhriso: Dagaaladii Dhex Maray Dalkeena iyo Xabashida Dagaalkii Koobaad: Qarnigii 16-naad Xabashi waa u xasuus madoow, Qarnigaas waxaa noolaa Imaamka Soomaaiyeed ee Axmed Guray, waxaa uu dagaal ku qaaday xabashida oo dhulkoodii qabsaday, waxaa uu Imaam Axmed Guray ka talin jiray dhulka maanta loo yaqaano Soomaaliya, Kenya, Itoobiya, Djibouti, Eritrea, Suudaan iyo qeyb ka mid ah Masar. Boqorkii Xabashida, waxaa uu dagaal la galay Imaam Axmed Guray, Boqortooyada xabashida waa la jabiyay, Kaniisadihii Masiixiyadda ee xiligaas la burburiyay illaa markii dambe bartamihii qarnigii tagay uu dhisay Xeyla Salaase, Boqorka Xabashida Lebna Denqal waxaa uu dhintay 1540, Xitaa waxaa la sheegaa in Xabashida ay hilib Ceyriin ah cuneen!! Maamulka Imaam Axmed Guray waxaa uu gaaray ilaa Nuba(koofurta Masar), intaa kadib Cadawga burtuqiiska ayaa sida gaalada lagu yaqaano usoo hiilay xabashida. Imaam Axmed Guray mid ka mid dagaaladaas Borqtuqiiska uu la galay ayuu ku dhaawacmay, isla dhawacaas dartii ayuu markii dambe u shahiiday. Dagaalkii Labaad: Xabashida waxaa ay dagaal la gashay Sayidka iyo Ciidankii Darwiishta intii u dhaxeysay 1900-1920-kii, Laakin ciidanka Sayid dhibka Xabashida waxaa ugu darnaa kan Ingiriiska, oo waxaa ay aad ugu mashquuleen dagaalka Ingiriiska, Waxaa la sheegaa in Sayid iyo Ciidankiisa ay dagaal ku tageen ilaa Jigjiga, guulo badan ay kasoo hooyeen Itoobiya. Markii Dhulka La siiyay 1954-tii: Waxaa xusid mudan in Itoobiya uu Gumeytaha Ingiriisku siiyay dhul Soomaaliyeed 1654-tii: Waa gobol balaaran oo badhkiisu ka badan 25002, Waxaa uu ka koobanyahay Gobolo iyo magaalooyin caan ah sida: Jigjiga, Dhagaxbuur, Godey, Qabridahare, Shilaabo, Wardheer, Awbarre iyo Raso. Markii ay Soomaaliya xuriyaddii qaatay 1960-kii, waxaa ay ku dhaqaaqday dhismaha ciidanka qaranka si dhulalka ay heystaan Itoobiya iyo Kenya loo xureyn lahaa. Dagaalkii Sedexaad: Bishii February 1964, waxaa uu dagaal dhex maray Ciidamada geesiyaasha dalkeena iyo cadawga Itoobiya, dagaalkaas waxaa uu socday ilaa April, Labada cadaw ee Kenya iyo Itoobiya, waxaa ay ku heshiiyeen in Soomaaliya ay iska dhiciyaan. Dagaalkan waxaa uu ka dhacay xadka Soomaaliya iyo Itoobiya sida Doolow ilaa Feerfeer, dagaal weyn ma aheyn, Ciidanka Qaranka waxaa uu jiray afar sano oo keliya halka Cadawga la dhihi jiray “Libaaxyada Afrika”, laakin dagaalkaas Ciidamada Qalabka sida waxaa ay muujiyeen geesinimo iyo Soomaaliya ay soo jeesatay, Xabashida iyo Hogaamiyashoodii waxaa galay cabsi. Dagaalkii Afaraad: Maxamed Siyaad Barre oo ka mid ahaa dadkii ka qeyb galay dagaalkii 1964-tii ay Soomaaliya la gashay Xabashida ayaa madax noqday 1969-kii, Jaalle Siyaad waxaa uu xoogiisa koobaad, Labaad iyo Sedexaad saaray dhismaha ciidanka qaran oo xoog leh, Sanado yar kadib, Soomaaliya waxaa ay noqotay Ciidanka ugu awoodda badan Afrika halka xabashida ay daciiftay waayo waxaa ka dhacay Inqilaab, February 1974 waa la afgambiyay Boqorkii boqoradda Itoobiya Haile Selassie, waxaa markii dambe dalkaa Madaxweyne ka noqday 3 February 1977 Mengistu Haile Mariam. Ciidankeena qalabka sida waxaa ay faa’ideysteen isbadallada ku imaanaya cadawga iyaga oo qaaday weerar iyo olole loogu magac daray”Xoreyntii Soomaali Galbeed”, Jigjiga waxaa ay soo gashay gacanta xoogagga Soomaaliya 2 September 1977, xiligaas waxaa dalkeena Wasiirka difaaca ahaa Maxamed Cali Samatar, waxaa kaloo dagaalka hogaaminayey rag cadawga xiligaas ka cabsan jiray sida Maxamed Cumar Jees, General Galaal, Col. Maxamud Ciro iyo hogaamiyaal kale, Geesiyaasha qalabka sida waxaa ay si fudud ku qansadeen Mustaxiil, Wardheere, Dhagaxbuur, Godey, Qalaafe, Qabridahare, Jigjiga iyo magaalooyin kale, Soomaaliya oo dhan waxaa ay u midoobeen cadawga iyo jabkiisa, waxaa dalka ka socday damaashaad iyo Midnimo. Markii dambe sida lagu yaqaano reer Galbeedka, horayna aan ugu soo aragnay in markii Imaam Axmed Guray dhulka Xabashida la wareegay in Burtuqiis la saftay xabashida, isla markaana dileen hogaamiyahaas, sidaa oo kale ayaa mar kale dhacday. January 22, 1978-dii, Ciidamo ka socday Midowga Soviet iyo Cuba ayaa u soo hiiliyay Xabashida taas oo keentay in geeshiyaashii Soomaaliya uu cadawga ku sameeyo dhabar jabin iyo dhagar halkaas waxaa kusoo jabay Ciidankeena qalabka sida. Bishii March 1978dii. 1991-dii: Markii ay dhaceen dagaaladii Sokeeye waa la iska iloobay loolankii Soomaaliya iyo Itoobiya, Itoobiya waxaa dalkeeda ka dhacay shirar badan oo lagu heshiisiinayo hogaamiye kooxeedkii dalka sida 8 January 1993 Madaxda 14 ka tirsan ururada iyo Kooxaha Soomaaliya oo heshiis ku saxiixday Adis Ababa iyo shirar kale sida Shirkii NSC-Sodare, Adis Ababa 25, June 1997-dii. Itoobiya hadda waxaa ay ka mid tahay Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya waxaa dalkeenna jooga 4 kun oo qeyb ka ah AMISOM iyo 10 Kun oo sharci darro ah, dadka reer Muqdishu waxaa ay aad u xasuustaan imaashiyhii Itoobiya ee koofurta dalka iyagoo xiligaas la sheegay in ay taageerayeen Dowladdi Cabdullahi Yusuf. Itoobiya: Waxaaa u dhaqaaqday dhanka Soomaaliya, iyagoo qabsaday magaalooyin badan sida Beledweyn, Jowhar, Buurhakaba, Deynuunay, ilaa ay Muqdishu gacantoodu gasho December 28, 2006-dii, laakin iska caabin dagaalo lagu hoobtgay kadib waxaa ay dalka ka baxday January 5, 2009-kii. Xiriirka Itoobiya iyo Maamul Goboleedyada: Somaliland waa maamulkii ugu horeeyay ee xiriir fiican la yeesha dalka Itoobiya, hadda waxaa ay mareysaa in Adis Ababa ay share ku leedahay dekadda Berbera, waxaa sidoo kale xusid mudan in Itoobiya ay xiriir soke la leedahay dhammaan 5 maamul goboleed ee ka jira Soomaaliya, xiriir amni ayaa ugu mihiimsan, waxaa madaxdooda si joogta ah looga wacaa gudaha Soomaaliya. Goobjoog News
-
Jabuuti (Caasimada Online) ― Madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geele ayaa ka hadlay weerar dhowan lagu qaaday xarumo muhiima oo ku yaala dalka Sacuudiga. Madaxweyne Geelle ayaa waxa uu si adag u cambaareeyay weeraradaas oo lagu qaaday xarumo laga soo saaro shidaalka oo ku yaala Magaalada Riyadh. Geelle ayaa waxa kale oo uu taageero u muujiyey shirarka iyo kulamada uu Sacuudigu u qabto dunida Carabta iyo Islaamakaba, isagoona ku tilmaamay dalka Sacuudiga inuu yahay hogaamiyaha dalalka Carabta iyo dunida Islaamka. Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele ayaa waxa uu kaga hadlay arrimahaasi wareysi gaar ah oo uu siiyey wargeyska Sacuudiga ah ee Asharq Al-Awsat, wuxuuna yiri “Sucuudigu waa hoggaamiyaha Carabta iyo dunida Islaamka. Dhibaato kasta oo loo gaystaa waxay la macno tahay weerar lagu soo qaaday dunida Muslimka iyo Carabta. Kelmadaha ugu culus ayaanu ku cambaaraynaynaa weerarkaas”. “Weerarkii diyaaradaha drone-ka ee dhawaan lagu soo qaaday dhuumaha shidaalka waanu cambaaraynaynaa, sidoo kalena weeraro kale oo lagu qaaday Makkah iyagana waanu cambaaraynaynaa”. Wuxuuna intaas ku daray “Is af-garadka Sacuudigu ka abuuray Jabuuti iyo Ereteriya wuxuu sababay inuu soo noqdo xiriirkii, lana dhiso xiriir is aaminaad ah. Waxaana rajeynayaa in is-fahamkaasi bilowday uu sabab u noqdo in la calaamadiyo xuduudaha ay ku muransanyihiin Ereteriya iyo Jabuuti”. Madaxweyne Geele ayaa waxa uu ugu dambeyntii uu ku sheegay wareysigiisa in dowlada Jabuuti ay door muhiim ah ka ciyaarto daminta khilaafaadka gobalka iyo bariga Afrika, isagoo xusay inay dowladiisu ay si dhow ula socoto xaaladaha ka aloosan dalka Sudan. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Click here Qaran News
-
Saddex taliye oo ka tirsanaa ciidamada Somaliland ee gobolka Sanaag oo ka soo jeeda bariga gobolkaasi, ayaa sida la xaqiijiyay caawa ciidamadooda kala baxay Somaliland. Taliyaasha oo kala ah; Xuseen Faarax Aadan (Xuseen Dheere), Guray Cismaan Saalax iyo Xayle Xaaji Diraac, ayaa sida la sheegayo ka carooday, taliyaha ciidamada Somaliland Nuux Ismaaciil Taani, kadib markii uu amar ku siiyay in ay si wadajir ah u weeraraan, degmada Badhan ee gobolka Sanaag, halkaasi oo ay ku sugan yihiin wefdi uu hoggaaminayo wasiirka amniga Puntland Cabdisamad Gallan. Saddexda taliye ayaa gebi ahaanba diiday amarka Nuux Taani, waxaana ay u sheegeen in aysan dagaal ku qaadi doonin degaanka ay u dhasheen ee maxasta iyo maatadoodu taallo, sida uu Puntland Post u xaqiijiyay sarkaal la socday mid kamid ah saddexdaasi taliye. “Taani hadalkiisa, waxaa loo arkay in uu leeyahay, ordoo maxastiina iyo maatadiina dagaal ku qaada, taasina way u cunmi wayday taliyaasha, sidaasi ayayna uga goosteen Somaliland iyo taladeedaba, waayo? waxa meesha ka socdaa waa lafa geel iyagaa la isku jebiyaa” ayuu yiri sarkaalka. Sidoo kale, taliyaasha ayaa diiday, kadib markii Gen Taani uu ka dalbaday in ay wada-tashi u yimaadan magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, si looga wada-hadlo khilaafka labada dhinac ee ku saabsan, sida loo wajahayo xiisadda ka aloosan degaanno ka tirsan gobolka Sanaag. “Anigu taliyaha aan la joogo dalabkaasi wuu diiday, wuxuuna u sheegay in talada Yubbe iyo Damala Xagarre u taallo dadka halkan u dhashay ee aan go’aan looga yeerin Karin meelo kale. Raggii kalena maba aadin oo waa kuwaan noo yimid ee hadda nala jooga” ayuu yiri sarkaal weheliya mid kamid ah taliyaashaasi. Sarkaalka ayaa sii raaciyay in caawa uusan ciidamada Somaliland ku harin, hal askari oo u dhashay degaannada bariga gobolka Sanaag, isagoo sheegay in awalba dhammaantood ay maamulayeen saddexda taliye ee ka baxay Somaliland. Taliyaasha ka baxay Somaliland, ayaa dhinaca kale caawa degaanka Ceelbuh kulan kula qaatay waxgaradka u dhashay bariga gobolka Sanaag oo isaga kala yimid degmooyinka Badhan, Laasqoray, Hadaaftimo, Xingalool, Dhahar, Damalla-xagarre, Ceelbuh iyo Carmale, sid aan ka soo xiganay qaar kamid ah wagaradkii kulankaasi joogay. Taliska ciidamada Somaliland ayaan dhankiisa weli ka hadal, taliyaasha iyo ciidamadooda ka goostay, iyadoo gobolkaasi ay ka aloosantahay xiisad u dhexaysa Puntland iyo Somaliland tan iyo markii ciidamada Somaliland ay qabsadeen, degmada Yubbe oo dhanka bari ka xigta magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag. PUNTLAND POST The post Xog: Ciidamadii u dhashay bariga gobolka Sanaag oo guud ahaan ka soo baxay Somaliland appeared first on Puntland Post.
-
Marxuumad Nimco Cumar Shire Xuuray Koox ku hubaysan toorayo ayaa caawo gabar ku dilay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Gabadha oo magaceeda lagu sheegay Nimco Cumar Shire (Xuuray) ayaa lagu dilay xaafadda Garsoor ee waqooyiga magaalada Gaalkacy xilli ay ka soo baxday salaadda Taraawiixda sida ay sheegeen goobjoogayaal. Gabadha oo dhaawac culus ka soo gaaray toorey dhuunta looga dhuftay ayaa ku geeriyootay gudaha isbitaalka Gaalkacyo sida laga soo xigtay dhaqaatiirta caafimaadka ee ka hawlgala isbitaalkaasi. Ciidamada amniga ayaa hawlgallo ka sameeyay xaafadda gabadha lagu dilay balse sida la sheegayo ilaa iyo haatan cidna looma qaban dilkeeda. PUNTLAND POST The post Gaalkacyo: Gabar u dhimatay tooray dhuunta looga dhuftay appeared first on Puntland Post.
-
Militariga Maraykanka ayaa sheegay in ay duqeyn diyaaradeed ku dileen saddex xubnood oo ka tirsan malayshiyaadka Al-shabaab ee ku sugan buuraleyda gobolka Bari ee Puntland. Qoraal ka soo baxay taliska ciidamada Maraykanka ee Afrika oo lagu daabacay bogga Twitter-ka ayey ku sheegeen in duqeynta oo lala kaashaday dowladda Federaalka Soomaaliya Axaddii todobaadkan laga fuliyay buuraleyda Golis ee gobolka Bari. Taliska AFRICOM ayaa xaqiijiyay in duqeyntaasi aysan wax khasaara u geysan dadka rayidka ah ee ku nool degaannada lagu beegsaday malayshiyaadka Al-shabaab. Sidoo kale waxa qoraalka lagu sheegay in duqeyntaasi ahayd tii lixaad ee laga fuliyo buuraleyda gobolka Bari ee Puntland tan iyo 14-kii April ee sannadkan xilligaasi oo Maraykanku sheegay in uu duqeyn ku khaarajiyay ku xigeenkii hoggaaamiyaha Daacish ee Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Maraykanka oo duqeyn ku dilay xubno ka tirsan Al-shabaab oo ku sugnaa gudaha Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Somali President Mohamed Abdullahi Mohamed has called on Somalis to unite and avoid tribalism, which previous fueled the civil war in the horn of Africa country. Source: Hiiraan Online
-
Dowladda Holland ayaa waxa ay aqoonsatay in dalkeeda lagu gali karo Baasaboorka Soomaaliga ee la siiyo shaqaalaha iyo diblomaasiyiinta Soomaalida. Safiirka Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub Danjire Cali Saciid Faqi ayaa shaaca ka qaaday in Dowladda Holland ay si rasmi ah u aqoonsatay in dalkeeda lagu geli karo Baasaboorka Soomaaliga gaar ahaan kan Shaqaalaha iyo kan diblomaasiyiinta. “Waxaan aad ugu faraxsanahay inaan idin la wadaago in dowladda Netherlands ay aqoonsatay Baasaboorka Diplomaasiga iyo kuwa Service-ka laga soo bilaabo May 15 2019, Baasaboorada la aqoonsaday waxaa laga soo bilaabay kuwa la bixiyay 2014-ka” ayuu safiirka bartiisa ku qoray”. Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dadaallada Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya ugu jirto sidii loo xoojin lahaa xiriirka diblomaasiyadeed ay Soomaaliya la leedahay dalalka Caalamka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ciridkaan arkaayo ilko kama soo muuqdaan. Wiilka yar ee Xamar u shaqo tagana waa la xidhaa, siyaasiyiinta kolka lagu qabto shir ay madaxda Soomaaliya la galaana waxa la yidhaa waa Hawl bay wadeen. Waar bal shacabkan la duleeyey ee wax walba loogu sheekaynayo ee aan waxba layskaga tirineynin eega. Sharcigii Baarlamaanku ansixiyey sowtii ku taalay “waa ka mamnuuc siyaasiyiinta Somaliland iyo kuwa Soomaaliya in ay hoos u wada shiraan kolka laga reebo wadahadaladda ay labadda dawladood wada galayaan mooyaane”. Horta Wasiirkii arrimaha dibaddu xagee buu qabtay Oo aanu isagu waftigan Kiiniya tegay u hogaamineynin? Arrinkani waa fadeexad hor leh Oo kalsoonidii shacabka hoos u dhigaysa. Waxeeniiba wax aan sidaa u sii ridneynin ayeey noqotay; hadduu inuun u sharci jiro waa fadeexad qaran arrinkani, dadkana sharaxaad iyo jawaabo waafiya, raaligelin, iyo talaabooyin hor leh ayeey ka sugayeen. Buunbuunintuu waday wataa, loo bud-dhigi waayey Xaqii ay bireeyeen wakaa, boqonka jiidaaya Bicil qodax leh waa kuwaa ku jaray, bohoradeeniiye Dal leh siyaasad yaroo caadifadaysan iyo hebel waa Libaax waa mid subaanaleh. Sharcigani Ma la jiifiyaana banaan baa? Yaab? Qaran News
-
Garowe (Caasimada Online) – Xukuumadda Puntland ayaa ku dhawaaqday in ay guud ahaan joojisay wada-shaqeyntii kala dhexasyay dowladda federaalka Soomaaliya, inta laga heshiinayo arrimaha ay isku khilaafsan yihiin labada dhinac. Qoraal af-English ku qoran oo Puntland u dirtay beesha caalamka iyo dalalka daneeya Soomaaliya, ayay ku sheegtay in ay joojisay dhamman arrimihii ay ka wada-shaqeynayeen dowladda Federaalka Soomaaliya sida; dib u-eegista dastuurka, qorshaha amniga qaranka iyo hannaanka doorashooyinka dalka ee 2020/2021. Dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegtay in aysan aqoonsan doonin, dhammaan shuruucda ay meel-mariyeen golayaasha dowladda federaalka Soomaaliya sida; sharciga doorashooyinka, sharciga shidaalka iyo xeerka canshuuraha dalka oo ay sheegtay in aan lagala tashan. Qoraalka ay Puntland soo saartay oo dheer ayaa looga sheekeeyay shirkii fashilmay ee Garoowe, waxaana Puntand ugu baaqday dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada dalka in shirar kale lagu kulmo, si heshiis looga gaaro qodobada salka u ah khilaafka labada dhinac. Dhinaca kale xukuumadda Puntland, waxay dowladda Federaalka Soomaaliya ku boorrisay in ay dastuurka ku dhaqanto oo ay ilaaliso heshiisyadii ay hore ula gashay dowlad goboleedyada ee dhigayay in laga wada-tashado arrimaha masiiriga ah ee dalka, islamarkaana ay joojiso shuruucda iyo xeerarka aan laga wada-tashan ee ay baarlamanka horgeynayso. Dowlad goboleedyada ayey sidoo kale u soo jeedisay, in ay adkeeyan iskaashiga, wada-shaqeynta iyo xoojinta xiriirka dhexdooda ah, iyadoo ku boorrisay in si joogto ah loo qabto shirarka ku saabsan iskaashiga iyo wax wada-qabsiga dowlad goboleedyada dalka. Hadalka Puntland ayaa u muuqday mid inta badan dhaliilalaya hannaanka ay dalka u hoggaaminayso xukuumadda federaalka Soomaaliya oo Puntland ku eedaysay tanaasul la’aan iyo maroorsi awoodeed. Hoos ka arag warqadda ay dirtay Puntland
-
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya kooxo hubeysan oo gudaha Suuqa weyn ee Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho ku dilay Nin la sheegay in uu Odey ahaa galinkii danbe ee maanta . Dilka ayaa waxa uu ka dhacay Nawaaxiga Masjid lagu magacaabo Shuhadda oo ku yaalla Cabdalla Shideeye,isla markaana waxaa Dilka ayaa waxaa geystay Rag kU hubeysnaa Bastoolado xili halkaasi uu ku sugna, Raggii dilka geystay ayaa goobta isaga baxsaday. Ciidamada ammaanka oo goobta soo gaaray ayaa sameeyay baaritaan kooban ayadoona aysan jirin cid loo soo qabtay dilka ka dhacay suuqa Bakaaraha. Magaalada M.uqdisho waxaa bisha ramadaan gudaheeda ka dhacay dhowr dil kuwaas oo loo adeegsay bastoolado, ayadoo malinimadii shalay magaalada lagu dilay laba nabadoon oo ka mid ahaa kuwii wax ka soo xulay BFS Source: goobjoog.com
-
Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda federalka Soomaaliya ayaa ka hadashey qorshihii ahaa in la xirayo baraha bulshada inta uu socdo imtixaanka guud shahaadiga ah, kaasi oo ka socda intake badan gobollada dalka. Wasaaraddu waxey soo bandhigtay warqad ka soo baxday maxkamadda sare oo loogu ogolaanayo iney xiri-karto baraha bulshada haddii ay u aragto in Imtixaanka ay dhib ku hayaan ama laga cabsado in markale la xado imtixaanka . Halkan hoods ka akhriso qaraarkaa maxkamadda ee Laguna ogolaanayo in baraha bulshada Laguna xayiro : Goobjoog News Source: goobjoog.com