Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,176
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (PP) ─ Dowladda Somalia ayaa qoraal deg-deg ah kasoo saartay duqeymo ay kooxda Xuutiyiinta ah ee ka dagaalama dalka Yemen ay maalin ka hor la beegsadeen dalka Sacuudiga. War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Somalia, ayaa lagu sheegay in Somalia ay aad u cambaareenayso labo weerar oo argagixso ah ee ay Xuutiyiinta ku qaadeen garoonka diyaaradaha ee magaalada Abha ee gobalka Casir ee Koonfur-galbeed Sacuudiga. Xukuumadda Muqdisho ayaa war-saxaafadeedka ku sheegtay in dowladda Sacuudiga ay ku guuleystay maalintii Khamiista ahayd ay hawada ku qabato shan gantaal oo lagu soo riday jihada garoonka Diyaaradaha ee Abha iyo xaafadda Khamiis Mushait. Sidoo kale, Somalia ayaa sheegtay in gantaal kusoo dhacay garoonka Abha gaar ahaan qaybta ay rakaabka kasoo dagaan ay keentay inay ku 26-qof oo kasoo kala jeeday waddamo kala duwan ay ku dhaawacmaan taasoo ay ku sheegtay Soomaaliya inay halis ku tahay amniga gobolka, ayna wiiqeyso dadaalkii Qaramada Midoobay ee ku aaddanaa in xal siyaasadeed loo helo dhibaatada ka taagan Yeman. Dhanka kale, Xukuumadda Somalia ayaa war-saxaafadeedka oo ku qornaa af-carabi ku caddeysay inay garab-taagan tahay dowladda Sacuudiga oo ay sheegtay inay wajaheyso weeraro arxan-darro ah oo kaga imaanayo gacmo dambiilayaal ah oo doonayo inay sare u qaadaan falalka dambiilanimada ah ee kasoo horjeedo qiyamka, caadooyinka, heshiisyada caalamiga ah iyo diinta Islaamka. Ugu dambeyn, Dowladda Somalia ayaa bayaanno deg-deg kasoo saarta markii ay dhibaatooyin ka dhacaan dalka Sucuudiga, iyadoo dib u dhigta inay ka hadasho dhibaatooyinka ka dhaca gudaha Somaila iyo inaysan si dhaqso ah uga hadlin caqabadaha soo wajaha Somalia. PUNTLAND POST The post Dowladda Somalia oo jawaab deg-dega ah ka bixisay Gantaallo lagu weeraray Sucuudiga appeared first on Puntland Post.
  2. Muqdisho (PP) ─ Dowladda Mareykanka ayaa ka digtay in dalka Suudaan ay ka billowdaan xiisado siyaasadeed oo sababi kara inuu ku dhaco mid la mid ah burburkii ku dhacay dalalka Soomaaliya iyo Liibiya. Mareykanka ayaa xusay haddii golaha millateriga iyo shacabka ay ku guul-dareystaan inay soo dhisaan dowlad KMG ah oo dalkaas hoggaamisa inay dhici karto fowdo iyo dagaallo sokeeye oo dalkaas ka qarxa. Sidoo kale, Xukuumadda Washington ayaa si deg-deg ah ugu baaqday in la isku keeno dhinacyada Suudaan si ay heshiis muhiim ah uga gaaraan waxa ay isku hayaan, taasoo horseedi karta in dalkaas loo dhiso dowlad KMG ah. Kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka ee Arrimaha Afrika, Tibor Nagy ayaa sheegay in Mareykanka uu isha ku heyso xaaladda Suudaan ayna ka walaacsan yihiin inuu haleelo burburkii Somalia ku dhacay oo kale. Tibor Nagy ayaa xusay in Mareykanka uu kala shaqeyn doono dalalka Afrika badbaadinta dalka Sudan oo tan iyo markii xukunka laga tuuray Al-bashiir ku jiray xiisado kala duwan, kuwaasoo saameyn ku yeeshay shaqooyinkii kala duwanaa iyo xasilloonida dalkaas. Ugu dambeyn, In ka badan boqol qof ayaa la dilay, in ka badan 500 oo qof oo kalena dhaawac ayaa soo gaaray intii lagu guda jiray hawl-gal culus oo laga fuliyay goob ay leeyihiin bannaan-baxyeyaasha oo ku taalla caasimadda Suudaan ee Khartoum. PUNTLAND POST The post Suudaan oo looga digay inuu ka dhaco mid la mid ah burburkii ku dhacay Somalia iyo Liibiya appeared first on Puntland Post.
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – 6 bil oo kaamil ah ayaa u buuxsantay, hadii si kale loo dhigo, waxa uu xiran yahay sanad kalabarkiisa. Waxa uu ahaa nin saameen badan oo musharax ah. Dad badan waxay aaminsan yihiin hadii uu tartanka ka qeyb gali lahaa xiligaan waxa uu noqon lahaa mid kamid ah Madaxweynayaasha Soomaaliya ee dowlad gobaleedyada. Dadka degaanadaas u dhashay waxay qabaan in ay guul gaari lahaayeen hadii uu hogaamin lahaa. Qofka aan ka hadleyno waa Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur, oo Lix bil ka hor 12-kii December laga qabtay magaalada Baydhabo ee xarunta Gobalka Bay. Abuu Mansuur ilaa hadda ma helin cadaalad waxa uuna ku jira xabsi ay maamusho hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya. Soo qabashadiisa waxaa ku dhintay dad badan oo shacab ah waxaana sidoo kale ka dhashay qalalaase xoog leh. Lix bil kadib Caasimada Online ayaa maalmahaan wada baahinta xogo ku saabsan xaaladda Abuu Mansuur iyo xoogagii uu ka tagay ee ku sugan Abal. Baaritaan dheer oo ay sameysay Caasimada Online ayaa waxay ku ogaatay in Dowladaha Mareykanka iyo Ingiriiska ay dadaal xoog leh ugu jiraan sidii ay wadashaqeyn ula yeelan lahaayeen Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur. Mareykanka ayaa dhaqaalo xoog leh ku bixiya Ciidamada Abuu Mansuur iyo qoyskiisa waxa uuna ka damacsan yahay in uu la shaqeeyo Howlgalka Mareykanka ee howlan la dagaalanka Argigixisada maadama Sheekh Mukhtaar xog badan ka haayo arrimaha argagixisada caalamka. Sidoo kale dowladda Ingiriiska ayaa wada dadaalo ay ku raadineyso wadashaqeynta Abuu Mansuur oo ay u aragto fursad muhiim ah wadashaqeyntiisa. Safiirka Dowladda Ingiriiska ayaa hore u qaabilay Sheekh Mukhtaar waxayna waxyaabihii ay kala hadleen kamid ahaa wadashaqeyn dhaxmarta Roobow iyo UK Ninka sidaas ay u raadinayaan dowladaha reer galbeedka Dowladda Soomaaliya kama faa’ideysan waxayna ku riday xabsi guri halkii ay kula dagaalami laheyd argagixisada oo ah dhibka ugu weyn ee Soomaaliya maanta heesta. Roobow waa ninkii aas aasay Al-Shabaab waxa uuna markii uu dowladda ku soo biiray yiri “waxaan aqaanaa sida loo bur burin karo Al-Shabaab, waxaana fikirkooda badali karaa xubnaha u dagaalama” fursadaas dahabka ah dowladda Soomaaliya waa ka indha iyo dhaga la’dahay balse dusheeda ayaa waxaa ku dagaalamaya wadamo ka awood badan oo baahina u qaba Roobow. Labadaan dowladood ayaa sidoo kale mid kasta oo ka mid ah waxay wadaa dadaal u gaar ah oo ay ku raadineyso sii deynta Abuu Mansuur si ay ugu manad sheegato markii uu xoriyad helo kadibna ay danaheeda ku fushato. Dad badan oo Soomaaliyeed iyo ajaaniib badan ayaa qaba in Roobow uu kamid ah Shaqsiyaad si fudud u dhameyn kara qatarta Al-Shabaab iyo Daacish oo dhibaato ba’an ku haaya Soomaaliya iyo qaar ka mid ah wadamada gobalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  4. The US government sounded the alarm yesterday over the situation in Sudan following the latest crackdown by the country’s Transition Military Council, warning of catastrophic scenarios similar to the instability in Libya and Somalia if the path to a civilian-led transition fails. Source: Hiiraan Online
  5. Somalia’s Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, Ahmed Isse Awad, spoke Monday at a Global Minnesota event about his country’s emergence from years of civil war and the progress attained thus far. Source: Hiiraan Online
  6. They say they have been coexisting well with the other side, trade, families bound to be affected Source: Hiiraan Online
  7. A feared unit of Sudan's security forces raped women as they dispersed pro-democracy protesters camped outside the military's headquarters 12 days ago, witnesses have told the BBC. Source: Hiiraan Online
  8. Gaalkacyo (Caasimadda Online) – Madaxweynihii hore ee Maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa ka hadlay dilal xalay ka dhacay Magaalada Gaalkacyo. Cabdikariin Xuseen Guuleed ayuu ku baaqay in lasoo qabto cadaaladdana la hor keeno dadkii ka dambeeyey dilkii loo geystay dad kasoo jeedo Koonfur Galbeed kadib markii Magaalada lagu dilay Sarkaal ka tirsanaa Nabadsugidda Galmudug oo lagu magacaabo Cali Tahliil Cadceed (Cali Dhiif). Cabdikariin ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay dilkaas loo geystay dadka kasoo jeedo Koonfur Galbeed ayna qalad tahay in dil ka dhacay Magaalada si aano ah loogu beegsado qoomiyad Soomaaliyeed. Sidoo kale, wuxuu dadka Koonfur Galbeed uga baaqay inay is dajiyaan oo ay muujiyaan dulqaad. Ugu dambeyntii Cabdikariin ayaa Alle uga baryey dadka la dilay inuu naxariistiisa siiyo samir iyo Iimaana uu Alle ka siiyo eheladii ay ka dhinteen. Halkaan hoose ka akhriso qoraalka uu Cabdikariin soo dhigay bartiisa Facebook Waxaan canbaareynayaa dilalka foosha xun ee labada waji leh ee loogeystay dad gaaraya ilaa 10 qof ee caawa ka dhacay magaalada Gaalkacyo kuwaaas oo loo geystay dadka aan waxba galabsan, waxaan waxgaradka iyo masuuliinta reer Gaalkacyo iyo Galmudugba u soo jeedinayaa uguna baaqayaa inay dadkii dilkaasi geystay soo qabtaan cadaaladdana hor keenaan, marna sax ma aha in dhib dhacay loo aaneeyo dushana laga saaro gowmiyad iyo dad Soomaaliyeed ee meel daga. Waxaan dadka kale ee reer Koofur Galbeed u soo jeedin lahaa inay is dajiyaan dulqaadna muujiyaan. Alaha u naxariisto intii ku dhimatay mashaqadaas, sabir iyo iimaana eheladii iyo qaraabadii ay ka baxeena rabi ha ka siiyo. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Gaalkacyo Caasimada@live.com
  9. Reports and posts by social media users indicate that internet connectivity has been restored across Ethiopia on day four of an unexplained government shutdown. Source: Hiiraan Online
  10. Wajir East Member Parliament Rashid Kassim Amin was arraigned on Friday in court and charged with assaulting a female legislator. Source: Hiiraan Online
  11. Boeing is coming to this year's Paris Airshow, which starts on Monday, facing some difficult decisions in the wake of the two deadly Boeing 737 Max crashes, while its global rival Airbus is widely expected to unveil a long-range version of its best-selling A321 - potentially taking away some of Boeing's customers. Source: Hiiraan Online
  12. The head of the Pentagon’s Africa Command held a series of top-level meetings with key leaders in the east African nation of Djibouti, focusing on the effort to fight terror groups such as al Shabaab and the Islamic State. Source: Hiiraan Online
  13. Wajir East MP Rashid Kassim has been charged with assaulting Woman Representative Fatima Gedi within the precincts of the national assembly . Source: Hiiraan Online
  14. SAN FRANCISCO (AP) — A California police agency will pursue a misdemeanor battery charge against Toronto Raptors President Masai Ujiri after the executive was accused of shoving and hitting a sheriff’s deputy in the face and shouting obscenities as he tried to join his team on the court to celebrate their NBA championship. Source: Hiiraan Online
  15. Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qoraal deg deg ah kasoo saartay duqeymo ay Kooxda Xuutiyiinta ah la beegsadeyn Dalka Sacuudi Carabiya. War saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay inay Soomaaliya aad u cambaareeneyso labo weerar oo argagixso ah oo ay Xuutiyiinta ku qaadeen Garoonka diyaaradaha ee magaalladda Abha ee Gobalka Casir ee K/galbeed ee dalka Sacuudiga. Dowladda Soomaaliya ayaa war saxaafadeedka ku sheegtay in Dowladda Sacuudiga ay ku guuleystay Maalintii Khamiista aheyd oo taariikhda ku beegneyd 13 Jun inay hawada ku qabato Shan Gantaal oo lagu soo riday jihada Garoonka Diyaaradaha ee Abha iyo Xaafadda Khamis Mushait. Sidoo kale Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Gantaal kuso dhacay Garoonka Diyaaradaha ee Abha gaar ahaan qeybta ay rakaabka kasoo dagaan ay keentay inay ku dhaawacmaan 26 qof oo kasoo kala jeeday wadamo kala duwan taasoo ay Soomaaliya ku sheegtay inay halis ku tahay Amniga Gobolka isla markaasna ay wiiqeyso dadaaladii Qaramada Midoobay ee ku aadanaa in xal siyaasadeed loo helo dhibaatada ka taagan dalka Yeman. Ugu dambeyntii Dowladda Soomaaliya ayaa war saxaafadeedka oo ku qornaa Afka Carabiga ku caddeysay inay garab taagan tahay Dowladda Sacuudiga oo ay sheegtay inay wajaheyso weeraro naxariis darro ah oo kaga imaanayo gacmo dambiilayaal ah oo doonayo inay sare u qaadaan falalka dambiilanimada ah ee kasoo horjeedo Qiyamka, Caadooyinka, Heshiisyada Caalamiga ah iyo Diinta Islaamka. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Halkaan hoose ka akhriso war Saxaafadeedka kasoo baxay Soomaaliya Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  16. PRESS RELEASE Sudan: Top UN official demands cessation of violence and rape against civilians by security forces Despite restrictions on communications in Sudan reports of serious human rights violations have emerged since the beginning of the month. NEW YORK, United States of America, June 14, 2019/ — Following recent reports of attacks and rape by security forces and paramilitaries against the pro-democracy protesters in Sudan who have been holding a sit-in outside army headquarters in the capital, Khartoum, the United Nations Special Representative on Sexual Violence in Conflict, Pramila Patten, expressed “grave concern” on Thursday and called for an “immediate and complete” end to the violence. According to her Office, despite restrictions on communications in Sudan, reports of serious human rights violations have emerged since the beginning of the month. These include reported rapes and gang rapes of protesters, women’s human rights defenders and women medical personnel working in hospitals near the sit-in perpetrated by the “Rapid Support Forces” or RSF – a paramilitary group run by the Sudanese Government, primarily composed of the Janjaweed, a party to the Darfur conflict – and other militias. “I demand the immediate and complete cessation of all violence against civilians including sexual violence,” stated Special Representative Patten, noting that the RSF have consistently been listed in the UN Secretary-General’s annual report on conflict-related sexual violence. “[They] should take effective measures to prevent and punish sexual violence in accordance with relevant Security Council resolutions, including resolution 2467,” she added. After the three-decade autocratic rule of President Omar al-Bashir ended in a military takeover in April, talks faltered in May between protesters and the ruling Transitional Military Council over a timetable for civilian rule. On 3 June, security forces and paramilitaries fired on pro-democracy protesters holding a sit-in outside army headquarters in the capital Khartoum, leaving a number of people dead and many more injured. Three days later, the African Union suspended the participation of Sudan in all its activities until the effective establishment of a civilian-led transitional authority. Pending verification of the alleged incidents by relevant UN bodies, Ms. Patten highlighted the fact that “the weakness of the rule of law and a general climate of impunity” is further compounding a highly-volatile context. “I urge the prompt investigation of all credible allegations of sexual violence and accountability for those responsible,” said the Special Representative, adding that she strongly supports the rapid deployment of a United Nations human rights monitoring team to examine the situation on the ground. She also called upon the international community, including members of the UN Security Council, to use “all possible diplomatic channels with leaders of Sudan to pave the way for a swift transition to a civilian administration and an end to all forms of violence and intimidation against civilians”. On Tuesday, the UN Children’s Fund (UNICEF), sounded the alarm over the killing and injuring of dozens of minors in the protests backlash. Distributed by APO Group on behalf of United Nations (UN). SOURCE United Nations (UN) Qaran News
  17. Saaka waxaa loo balansan yahay inuu magaalada Garoowe ka furmo kal-fadhigii 44aad oo dastuuri ah kaasi oo ay yeelanayaan barlamaanka dowladda Puntland ee Soomaaliyeed tan [...] Source
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Faysal Cali Waraabe oo ah guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka UCID ee Soomaalinad oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay inaysan gacantooda ka bixi doonin deegaanada ka tirsan gobolka Sanaag. Faysal cali Waraabe ayaa waxaa uu sheegay in iyagoo awood ciidan adeegsanaya ay xoog ku qabsan doonaan ilaa duleedka magaalada Garoowe ee Gobalka Nugaal. Guddoomiyaha ayaa waxaa uu sheegay in ciidamo ka tirsan puntland ay mararka qaar madaafiic ay ku ridaan Ciidanka Soomaaliland ee ku sugan deegaano ka tirsan Gobalada Sool iyo Sanaag. Sidoo kale Guddoomiye Faysal ayaa waxaa uu xusay in Soomaaliland ay mar walbo diyaar u tahay in nabad lagu noolaado. Ciidamo kala Taabacsan Soomalailand iyo Puntland ayaa xiligan waxaa ay isku horfadhiyaan deegaano hor leh oo ka tirsan Gobalada Sool iyo Sanaag, iyadoona mararka qaar ay madaafiic isweydaarsada, taasina wxaa ay cabsi badan gelisay shacabka ku nool gobalada Sanaag iyo Sool. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com
  19. Magaaladda Wajaale waxay u qaybsan tahay, laba qaybood oo kala ah qayb Somaliland iyo qayb Itoobiya ah, marka qaybta Somaliland joogto oo ah qaybta lacagta ugu badan ku xarooto indhahaagu wax ku raali galiya ku arki maysid. Marka dhinaca Itoobiya joogta duni kale inaad joogto ayaa la moodda, waxa kale kuma suuraynayside tuulloqaxooti ku nool yihiin iyo caasimad yurub ku taalla ayey u kala eeg yihiin. Waxay kala yihiin laba magaalo oo midna Maraykan ku taalla iyo mid Afrika ku taal, dawlad iyo dawlad la’aan, nidaam iyo nidaam la’aan. Markaad Wajaalada Somaliland joogto, waxa ku muuqanaya, waddo la’aan, qashin, biyo qudhmay, nadaafad daro,dhiiqo ama boodh, marka dhinac Itoobiya joogta, intaas cakiskeedda, waxay dheer tahay, nolol jaban, laydh, biyo iyo waxbarasho bilaash ah, qoyska danyarta ah ee dhinaca Itoobiya ku nool kama warwariyo waxa uu ka warwariyo ka ku nool dhinaca Somaliland. Maayarka Wajaale ee Itoobiya lix bilood buu jooga waxaanu wax ka qabtay:- 1. Waxa gidaarka ku yaalla sanadka waxa u qorshaysan inuu qabto iyo miisaaniyada ku baxaysa oo qof waliba si toos ah u arkayo, taas oo uu kaga mid yahay dhamaan magaalooyinka kale ee Itoobiya oo wada sidaas ah. 2. Markii uu yimid wuxuu bilaabay markiiba inuu sameeyo laydhkii wadooyinka nuurinayey, sida sawirkan idin muuqda ku arkaysaan,. 3. Wadooyin kale buu bilaabay. 4. Dhinacyadi wadooyinka ee boodhka ama dhiiqada dhagaxaan lagu dul sacdo ayuu ku sameeyey. 5. Dhamaaan dugsiyadii bilaa dayrka ahaa wuu sameeyey. 6. Nadaafadda kor buu u qaaday oo wax indhahaagu diidaan arki maysid. 7. Waxa u weyn ee uu qabtay ee lagu xasuusan doona ee markii ugu horeysay ka hirgaliyey jaamacad, iyadoo in badan loo diidanaa oo lahaa 45 daqiiqo ayey wajaale iyo Jigjiga isku jiraan suurogal maaha in qayb ka mid ah jaamacada JIgjiga laga furo Wajaale, nasiib wanaag wuu ku guulaystay dadaal badan oo uu galiyey. Intaas oo wax qabad ah dadka daanta Wajaale ayaa iga sheekeeyey. Maayarka Wajaale ee Somaliland laba sanno ayuu joogay, wax la taaban karo oo dadku ku sheegan arki maysid. Labada maayar waa laba nin oo ilmaadeer ah, waxaysa is dhaafiyey, kartidda, daacadnimada iyo laba dawladood ee ay kala yihiin. Nin Soomaali ah oo ka yimid xadka ay wadaagaan Oromada iyo Soomaalida ayaa igu yidhi “lacagtii Itoobiya oo dhan haday tahay xabashi, ama Oromo ama Soomaalida deegaanka waxay timaada Wajaalada Somaliland hadana lacagtaasi kama muuqato magaaladda, waar magaalada wax uun ku celiyo dhe buu yidhi”. Marka Wajaale joogta waxa loo yaqaan Soomaali weyn meel kasta oo Soomaali joogto way iskugu timaadda, qof kaligii usoo safra iyo qaar ganacsato ahiba waxbay ka iibsadaan, waa magaalo ganacsi, haseyeeshee dadkeedii baa hagraday oo waxaas oo lacag ah ee laga helo kama muuqato. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah W/Q: Bakhad-Ladiif M. Cumar Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  20. Qoraalka uu caawa bartiisa Twitter-ka soo dhigay gudoomiye Cirro waxa uu u dhignaa sidan hoos Ku xusan Cabdiraxmaan Cirro @CirroSL Xilka qabashada doorashooyinka SL ee Wakiilada iyo Deegaankuba waxa uu saaran yahay M.Muuse, Haddii berri la qabanayo doorashooyinka Xisbiga WADDANI waa u diyaar. Waxa aanu diyaar u nahay in qabyooyinka doorashada ee uu dhismaha KDQ ugu horeeyo miiska wada-hadalka lagu dhammeeyo. Qaran News
  21. Gaalkacyo (Caasimadda Online) – Dabley Hubeysan ayaa Caawa Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ku dilay Cali Tahliil Cadceed (Cali Dhiif), oo ka tirsanaa Ciidamada Maamulka Galmudug. Dilka oo ka dhacay Gaalkacyo dhanka Galmudug waxaa geystay dabley ku hubeysan bastoolado islamarkaana rasaas la dhacay xilli uu marxuunku fadhiyay goob lagu shaaho. Sida ay xaqiijiyeen dadka degaanka Cali Dhiif ayaa ka mid ahaa Saraakiisha Ciidanka Nabad suggida Galmudug. Xoogaa kadib dilka Taliyaha ayaa waxaa meel aan sidaas uga fogeyn meesha uu dilka ka dhacay lagu dilay 9 qof oo la sheegay in loogu aargudayey taliyihii la dilay. Wararka qaar ayaa sheegayo in dadka la dilay ay ahaayeen dad kasoo jeedo hal beel, oo lagu tuhmayo dilka Calio Dhiif oo kasoo jeeda beesha Sacad ee Habar-gidir, inkastoo aan weli laga helin faahfaahin dheeraad ah. Madaxweynihii hore ee Galmudug, Cabdkariim Xuseen Guuleed oo qoraal soo dhigay bartiisa facebook ayaa sheegay in dadka la dilay ay kasoo jeedaan deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya. Xaaladda Magaalada Gaalkacyo ayaa ah mid kacsan, waxayna arrintaan noqotay mid si weyn loo hadal hayo. Wixii warar ah ee kusoo kordho dilalka caawa ka dhacay Magaalada Gaalkacyo waxaad ku akhrisan doontaan wararkeena soo socdo Inshaa Allah Caasimada Online Xafiiska Gaalkacyo Caasimada@live.com