-
Content Count
213,176 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Somalia police confirmed the arrest of a suspect following a vehicle-borne improvised explosive device (VBIED) attack in Mogadishu on Saturday. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweynaha dowlad gobaleedka Puntland Siciid Cbdullaahi Deni, oo maanta ka furay magaalada Garowe kalafadhiga 44aad ee Baarlamaanka dowled gobaledka Puntland, ayaa ka hadlay dhinacyo badan. Madaxweynaha ayaa soo hadal qaaday shirkii Garowe ee natiijo la’aanta ku soo dhamaaday, waxa uuna xusay in marwaliba Puntland ay u taagan tahay in la helo dowladnimo Soomaaliyeed oo ku dhisan nidaamka federaalka oo Soomaali ay ku heshiisay. “Ujeedooyinkii lagu aas aasay Puntland oo ay ka mid ahaayeen raadinta iyo taabagalinta dowladnimo Soomaaliyeed, waxaanu fidinay gogol ay isugu imaanayeen madaxda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah, si looga wada xaajoodo arrimaha lasku qilaafsan yahay xalna loo gaaro”. Sidoo kale Madaxweyne Deni ayaa xusay in nidaamka federaalka ee dalka uu qaatay aysan Puntland dooneynin in ay faragaliso shaqo ay dowladda dhexe ay leedahay . “Puntland marabto mana doonreyso inay qabato ama qaadato shaqo dowldada ay leedahay, ma aqbaleyno in dowledda federaalka si sharciga hareer marsan u qaadato doorkii maamulada dalka,waxaan aad isugu taxalujinay inaan kala aragti duwanaanta u badalno is faham, wadashaqeyn, is ixtiraam iyo dhaqan galinta sareynta sharciga, nasiib darro Todobo maalin ka dib shirkii waxa uu ku soo dhamaaday natiijo la’aan” Dhanka kale Saciid Cabdullaahi Deni ayaa xusay in maalintaa laga baaqsan karay inuu natiijo la,aan uu ku soo dhamaado shirkii Garowe haddii dowladda federaalka ay ka soo dabci laheyd halka ay joogtay waxa uuna sheegay in maanta loo baahan yahay wadajir. “ Waxaan aaminsan nahay inuu laga baaqsan karay fashil ku yimaada wadaxaajoodkii, haddii dowladda federalka ay ka soo dabci laheyd marooqsiga iyo isku kali yeelidda awoodaha dalka, maanta waxaan u baahan nahay wadajir, wadashaqeyn, dadka Soomaaliyeed uma baahno tafaraaruq iyo jab hor leh” Ugu danbeyn Madaxweyne dowled gobaledka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in Puntland ay diyaar u tahay in ay gacan ka geysato sidii loo dhameyn lahaa xiriirka aan wanaagsaneyn ee kala dhexeeya dowledda federaalka. “ Puntlan waxa ay diyaar u tahay in is afgarad laga gaaro iyo wada xaajood xiriirka aan wanaagsaneyn ee kala dhaxeeyo dowladda federaalka, Puntland mar waliba waxa ay hormuud u tahay ku dhaqanka iyo dhowrista dastuurka, hirgalinta iyo adkeynta nidaamka federaalka, ka shaqeynta sidii si is afgarad ah looga gaari lahaa arrimaha masiiriga ah ee dalka” Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Muqdisho)-Laba Qarax oo waaweyn ayaa ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya, duhurnimadii Sabtida Maanta. Qaraxyadan oo geystay khasaare aan weli si rasmi ah loo ogayn ayaa ka koowaad wuxuu ka dhacay oo lala eegtay Koontarool ku yaalla agagaarka Isgoyska Sayidka oo laga ilaaliyo dhismaha baarlamaanka Dawladda Federaalka Soomaaliya, waxaana la sheegay in Qaraxaasi oo sababay Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawacba. Qaraxa labaad ayaa muddo kooban ka dib, waxa lala eegtay Kaantarool laga galo Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay in khasaare soo gaadhay Ciidammada Dawladda ee Halkaasi ku sugnaa. Qaraxyadan oo aan Tiro-koob rasmiya laga haynin khasaaraha ay geysteen ayaa waxa markiiba Masuuliyaddooda sheegatay kooxda Al-shabaab. Warbaahinta taageerta Al-shabaab soo xiganaysa Sarkaal ka mid ah Kooxdaasi ayaa sheegtay in Qaraxyadani qayb ka yihiin silsilado weeraro ah oo kooxdu doonayso inay ku baa’biiso kaantaroollada Dawladda. Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli ka hadal khasaaraha ka dhashay Qaraxyadan. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Salaadiinta Beelaha Bariga iyo Galbeedka Burco, ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay Shirka uu Boqor Buurmadaw ku baaqay ee uu sheegay inuu labadan Beelood uu Shir ugu qaban doono Magaalada Burco. Suldaanka guud ee Beesha Barriga Burco Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cali Muuse, iyo Suldaan Saleebaan Cawil Dirir, oo Beesha Galbeedka Burco ah, oo Wargeyska Geeska Afrika wax ka weydiiyey aragtidooda ku wajaahan Shirkan uu Boqor Buurmadaw ku baaqay iyo waxay kala socdaan ayaa ugu horeyn Suldaanka guud ee Beesha Barriga Burco Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cali Muuse, waxaa uu sheegay in aanu haba yaraate aanu waxba kala socon, cid soo ogeysiisayna aanay jirin, waxaanu hadalkiisi ku bilaabay “Shirkan la leeyahay waxaa loo qabanaya labada Beelood, wax alaale wax aan ka ogahay oo aan kala socdaa ma jirto, Shirkan cid I soo ogeysiisay ma jirto, waxaan ka ogahayna iyo waxaan kala socdo toona ma jiraan” Suldaan Saleebaan Cawil Dirir, oo Beesha Galbeedka Burco ah, isla markaana ah Suldaanka Sacad Yooniska, ayaa isna wuxuu dhankiisa tilmaamay in aanu waxba kala socon Shirkan, balse labada Beeloodna ay u yalaan hawlo ka muhiimsan kana culus Shirkan Buurmadaw ku baaqay, waxaanu yidhi “Shirka uu Boqor Buurmadaw ku baaqay ee ku saabsan labada Beelood ee walaalaha ah waan maqlaayey, laakiin labada Beelood ee East Burco Clan iyo Habar Yoonisba, hawlo ka culus kana muhiimsan Shirkan Boqor Buurmadaw ayaa u yaala, oo ay ka mid yihiin hawlihii qabyada ka ahaa heshiiskii labada Beelood, ee Ceel-afweyn, waxaana muhiim ah in si wada jir ah loo wada dhamaystiro hawlaha qabyada ka ahaa Shirkaas, sida in magtii la bixiyo, in aad looga digtoonado in dhib dambe dhacod, labadan Beeloodna, waa laba Beelood, oo aan sinaba u kala go’ayn, sinabana u kala tagaynin, Shir labada Beeloodna waa loo qaban kara, danahoodana wey ka wada shiri karaan, laakiin maanta wakhti Shir la qabto maaha”. Dhanka kale Suldaan Maxamed Xirsi Qani oo isna aanu isku daynay in aanu wax ka weydiino fikirkiisa yo aragtidiisa ku waajahan Shirkan Boqor Buurmadaw ku baaqaay, ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo. Source
-
Gaalkacyo (Caasimadda Online) – Axmed Ducaale Geelle Xaaf Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug ayaa ka hadlay dilkii loogu geystey Magaalada Gaalkacyo 13 ruux oo kasoo jeeday degaanada maamulada Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed. Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa sheegay in dadkii ka dambeeyay dilkii loo geystey illaa 13 ruux oo xoogsato la qabtay caddaaladana la horgeyn doono. “Dadka ka dambeeyay dilka waxa ay ahaayeen dad weyraxsan kadib markii maqribnimadii la diley sarkaal.”ayuu u sheegay Xaaf laanta afka soomaaliga ah ee BBCda. Madaxweynaha ayaa ugu baaqay dadka Shacabka ee Koonfur Galbeed in ay isdejiyaan, islamarkaana dadkaasi dhibaatadda geystay Sharciga la marsiin doono. Dhinaca kale Madaxweynaha dowlad goboleedka Koofurgalbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa ka codsaday Maamulka Galmudug inay wax ka qabtaan dilalka loo geysanayo dadka rayidka ah ee ku nool deegaanada Galmudug. Illaa 13 ruux oo ka soo kala jeeda deegaanad Koofurgalbeed iyo Hirshabelle ayaa lagu diley xalay magaalada Gaalkacyo iyagoo dadkaasi la sheegay inay ahaayeen dad xoogsato ah oo laga soo saaray guryo ay ka degenaayeen magaalada Gaalkacyo. Halkaan hoose ka dhageyso War Saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Madaxweyne Xaaf, sidoo kalana hoos ka akhriso isagoo qoraal ah https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/06/COD-XAAF-.mp3 Caasimada Online Xafiiska Gaalkacyo Caasimada@live.com Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah
-
Istanbul (Caasimadda Online) – Shir ay soo qaban qaabiyeen Qurbo Joogta Soomaaliyeed ee loo yaqaano Global Somali Diaspora (GSD) ayaa Maanta ka furmay magaalada Istambuul ee waddanka Turkiga. Shirkan oo ay taaba galiyeen Shirkadaha Hormuud Telecom & Salaam Somali Bank ayaa waxaa ka qeyb gelaya Wufuud heer caalami ah oo ay ka mid yihiin Reysulwasaare ku xigeynta Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Sifiirkii hore ee Turkiga u fadhiyey Soomaaliya Olgan Bekar, iyo Madax ka socota Shirkadaha taaba geliyey shirka & xubno Soomaali ah oo Saameyn kuleh dunida. Guddoomiyaha Golaha Qurba-Joogta Soomaaliyeed Marwo Jawaahir Daahir ayaa uga mahad celisay Shirkadda Hormuud Telecom & Salaam Soomaali Bank sdia ay isugu xilqaameen taaba gelinta Shirweynaha, waxayna sidoo kale sheegtay in ay horumar la taaban karo ka abuureen Somalia. Guddoomiyaha Hey’adda Hormuud Foundation Cabdullaahi Nuur Cismaan oo ka mid ah wafdiga Shirkada Hormuud & Salaam Bank ayaa ka war bixiyey wax qabadka Hey’adda Hormuud Foundation, waxa uuna sheegay in dad gaaraya ilaa 5 Malyan oo qof oo Soomaali ah ay siyaabo kala duwan uga faa’idaysteen adeegyada shirkadda. Tusaale ahaan malaayin qof ayaa ka faa’idaysta adeegga EVC Plus si bilaash ah (lacag la’aan), boqolaal kunna waxay ka faa’idaystaan taakulaynta Isbitaallada Danta Guud, Jaamacadaha, Iskuullada iyo goobaha adeegga bulshada ee shirkadda Hormuud Telecom ay caawiso. Shirkadda Hormuud ayaa kaalin lixaad leh ka qaadatay Horumarka dhaqaalaha Dalka iyo Shaqo abuurka, ayadoo abuurtay in ka badan 30 kun oo shaqo, waxey sidoo kale gacan ka geysatay horumarinta Technology-yadda & Dhiirri gelinta Waxbarashada. Bangiga Salaam ayaa sidoo kale wuxuu kaalin weyn ka ciyaaray horumarka hannaanka Maaliyadda ee waafaqsan shuruucda Bangiyada, dhismaha nidaamka maaliyadda ee Soomaaliya, dib u dhiska dalka sida unkidda xaafadda cusub ee Daarusalaam iyo laamiga Daarusaaalam oo 7KM ah, maal gelinta Ganacsiga oo gaarayso boqolaal malyan oo lagu maalgaliyay Shirkado iyo ganacsato soomaaliyeed, Shaqo Abuurka & soo celinta Xisaabaadka maaliyadeed ee waafaqsan hannaanka Bangiyada. Sidoo kale, ka soo qayb galayaasha shirwaynahan ayaa dhankooda aad uga mahad celiyay kaalintaas wanaagsan ee shirkadda Hormuud Telecom iyo shirkadaha bah wadaagta la ah sida Salaam Somali Bank, Taaj Money Transfer sida ay uga qeyb qaateen dib u soo kabashada dalka iyo horumainta dhaqaalaha.
-
Guddoomiyaha golaha wakiilada dowladda Puntland, Cabdixakiin Maxamed Axmed oo maanta khudbad ka jeediyay furitaanka kal-fadhiga Baarlamanka, ayaa si kulul u cambaareeyay duullaanka Somaliland ku soo qaadday degaanno ka tirsan Puntland, gaar ahaanna degmooyinka Yubbe iyo Damalla-xagarre ee gobolka Sanaag. Guddoomiyaha ayaa sheegay in weerarka ay Somaliland ku soo qaadday degmooyinkaasi, ay ku doonaysay in ay ku fashiliso imtixaanka shahaadiga Puntland, oo wakhtigaa ka socday degmooyinka gobolka Sanaag, isagoo muujiyay in aan Puntland u dulqaadan doonin daan-daansiga noocaas ah. Sidoo kale, guddoomiyaha ayaa sheegay in wixii dhibaato ka yimaada daan-daansiga Somaliland ka waddo gobollada Sool iyo Sanaag, ay mas’uuliyadeeda qaadi doonto xukuumadda Hargeysa, haddii aysan joojin ficillada lagu wiiqayo nabad-gelyada gobolladaasi. Mudane Dhoobo ayaa u mahad-celiyay dhammaan saraakiishi, mas’uuliyiintii, iyo ciidamadii ka tirsanaa Somaliland ee ka soo baxay, kadib markii ay qaadan-waayeen nidaamka cunsuriyadda ah ee maamulkaasi ku dhisanyahay. Hoos ka daawo khudbaddiisa oo dhammaystiran PUNTLAND POST The post Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland oo si kulul u cambaareeyay Somaliland appeared first on Puntland Post.
-
Taliyha qaybta booliska gobolka Sanaag ayaa waxa uu beeniyey in magaalada Badhan uu dagaal ku dhexmaray Ciidanka Puntalnd iyo kuwa malayshiyaadka Soomaaliland. Taliyaha qaybta booliska [...] Source
-
Kenyan officials say at least 10 police officers are dead after their vehicle struck an improvised explosive device near the Somali border. The officials, who spoke on condition of anonymity because they were not authorised to share the information, said those killed Saturday in Wajir County were among 13 officers who were pursuing fighters who had kidnapped police reservists. Police on Friday said an unknown number of gunmen stormed Konton centre in Wajir East and kidnapped three reservists. There was no claim of responsibility for the latest attack. The Somalia-based al-Shabab armed group often targets Kenyan security forces, vowing retribution after Kenya deployed troops to Somalia in 2011 to combat the fighters. View the full article
-
Somalia police confirmed the arrest of a suspect following a vehicle-borne improvised explosive device (VBIED) attack in Mogadishu on Saturday. Zakia Hussein, deputy police commander confirmed that no one was injured in the attack. The VBIED went off near the security checkpoint at KM4 junction. “The driver of the VBIED has been apprehended and there were no casualties resulting from the blast,” Hussein said in a statement. She said another separate VBIED went off near Sayid Junction, and promised to provide more details concerning the attack, the latest in the restive capital, Mogadishu. No group has claimed responsibility for the two latest attacks in Mogadishu but extremist group, al-Shabab which is fighting to overthrow the government, usually stages such deadly attacks in the Horn of Africa nation. The move comes while Mogadishu is on high alert as police forces blocked the main roads of the capital to prevent possible attacks by the militants. Somali National Army (SNA) backed by African Union Mission in Somalia have driven al-Shabab militants out of Mogadishu, but the terror group is still capable of conducting attacks, targeting government installations, hotels, restaurants and public places. View the full article
-
Madaxtooyada Galmudug ayaa soo saartay qoraal lagu cambaareynayo dil wadareedkii ka dhacay magaalada Galkacyo. Qoraalka waxaa la faray dadka iney is-dejiyaan, si looga hortago beegsiga lagu hayo daldoorka gobolka Mudug, lagana horgtago argigixisada iyada oo aan cidna lagu xadgudbeyn. Madaxtooyada Galmudug waxaa ay leedahay waxaan arrintaas loo saarayaa guddi, si caaladda loo horkeeno kooxdii falkaasi ka dambeysay. Akhriso: Source: goobjoog.com
-
Somalia’s Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, Ahmed Isse Awad, spoke Monday at a Global Minnesota event about his country’s emergence from years of civil war and the progress attained thus far. The minister spoke about the current economic and political aspects of Somalia as well as the nation’s efforts to rebuild after war. The civil war which began in 1991 led to food insecurity, terrorism, and economic strife. The calamities sent millions of Somalis fleeing abroad to neighboring African countries and as far as the United States, Europe. The war resulted in a Somali community diaspora with a population of over two million, according to the minister. The event was held at Augsburg University, located in the Cedar Riverside neighborhood which is home to a large Somali community. The university’s president, Paul Pribbenow, in his opening remarks said the university has created partnerships with the area residents and has a student body that is 10 percent Somali American. The Minnesota community has been culturally enriched with the presence of the Somali community and Minnesota is “the warmest place in terms of people’s hearts in terms of a desire to make the world a better place” said Pribbenow. “I have good news to report without exaggeration” said Awad. Somalia’s a country undergoing reconstruction after years of civil war and unrest. The East African nation is no longer consumed by starvation, terrorism, insecurity, and in the presence of a collapsed state. “I am here to report that we have made progress” Awad said in a room full of Minnesotans. “We want you to look at Somalia with a different perspective. Somalia is transforming is defeating terrorism and becoming more and more peaceful.” The rebuilding of Somalia has been a progress largely aided by the Somali diaspora in the United States, said Awad. Currently Somalia has one of the largest numbers of remittances in the world with the total amount sent from the diaspora to the main land totaling around 1.4 billion dollars annually. This figure is larger than the amount of money that Somalia receives in foreign aid and contributes to 23 percent of the country’s gross domestic product. Despite the challenges at home, members of the diaspora have been thriving abroad. Minister Awad pointed to the number of business success that has been accomplished by Somalis outside of the homeland. “The highest building in Nairobi is being built by a Somali, the highest building in Djibouti is being built by a Somali” said Awad. In Minnesota, 24,000 different Somali businesses generate about $489 million dollars annually. The strides in Somalia’s development can also be seen in members of the diaspora that have returned to Somalia. Which includes Minister Awad, who’s a Canadian national along with eight other members of the cabinet. The President of Somalia is an American. Minister Awad stated that there is a need for more skills and qualified individuals to fulfill Somalia’s various industries which can be met by members of the diaspora. “Somalia’s back,” Awad said pointing to the earlier success of the democracy. In 1968 Somalia had welcomed Vice President and Minnesota native Hubert Humphrey to its shores. The leader stated that Somalia had the strongest democracy in Africa a statement that came long before the civil war left the country in strife and the state collapsed. Somalia had lived without an organized state for 40 years. The government is making efforts to rebuild the country’s state organically by formulating a system that is for Somalis by Somalis. Some of the challenges that the government has faced is in educational quality and equity with over 70 percent of the population being under the age of 24. The Somali government’s greatest initiative in supporting change and maintaining the momentum of economic growth lies in the government’s ability to receive debt relief. “The government has been working to improve its financial management.” “We are on the brink, on the edge of getting debt relief.” Debt relief would provide the government more financial room to further invest in education and provide employment. “In twenty-five years, we will see Somalia that is peaceful with itself, peaceful with its neighbors, contributing to the peace and security of the region and of the world, economically prosperous [and] well governed.” View the full article
-
Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo maanta khudbad u jeediyay kal-fadhiga 44 aad ee golaha wakiilada Puntland, ayaa si faahfaahsan uga warbixiyay waxqabadkii xukuumaddiisa mudada ay shaqeynaysay. Madaxweynaha ayaa sheegay, in xukuumaddiisu ay dardar-gelin ku samaysay dhinacyada amniga, siyaasadda, maamul-daadejinta, la’daallanka argagixisada, dib u-habaynta ciidamada, hagaajinta hannaanka caddaalada, horumarinta dhaqaalaha& maal-geshiga, dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha, tayaynta hay’adaha dowladda, hirgelinta adeegyada aas’aasiga ah iyo horumarinta arrimaha bulshada. Mudane Deni, ayaa dhinaca kale khudbaddiisa ku soo qaaday, shirkii madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyadu ku yeesheen magaalada Garoowe ee fashilka ku dhammaaday, isagoo sheegay in laga baaqsan karay burburka ku yimid shirkaasi, haddii dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka tanaasul lahayd, maroorsiga iyo isku’keli-yeelidda talada dalka. Isagoo hadalkiisa sii wata, ayuu xusay in Puntland mar walba diyaar u tahay, in heshiis laga gaaro khilaafka kala dhexeeya dowladda Federaalka Soomaaliya, si loo helo wadajir iyo wada-shaqeyn looga gudbo caqabadaha taagan, maadaama sida uu sheegay dadka Soomaaliyeed aysan u baahneyn tafaraaruq, niyad-jeb iyo awood-maroorsi. Halkan ka daawo khudbaddiisa oo dhan PUNTLAND POST The post Deni oo sheegay in Soomaaliya gacanta u gashay nidaam keligii’telis ah appeared first on Puntland Post.
-
Allah u naxariistee waxaa saakay Magaalada Hargeysa ee Soomaaliland ku geeriyooday Abwaan Saxardiid Maxamed Jabiye, oo ka mid ahaa abwaanadii ugu caansanaa sida weyna loo yaqaanay gayiga Soomaalida, Abwaanka ayaa u geeriyooday xanuun soo wajahay Abwaanka waayihii ugu danbeeyay. Abwaanka ayaa xusuus iyo taariikh fogba ku lahaa gudaha dalka asaga oo lagu xasuusto inuu sameeyay heesto badan kuwaas oo dadka Soomaaliyeed uu ku dareen siinayay qimaha ay leedaha xoriyadda. Abawaan Saxardiid Maxamed Jabiye Saxardiid ayaa ku dhashay magaalada Hargeysa sanadkii 1938 gaar ahaan xaafadda Jamaacada, isagoo ku koray kuna barbaaray magaalada Hargeysa abwaanka ayaana ku geeriyooday da’da 81 sano. Sanadihii 1954- 1955, ayeey soo shaac baxday saameyta faneed taas aad u soo jiiday dadka, waxa uuna hal abuuray Ruwaayado iyo Heeso fara badan oo wadani iyo Jeceyl isugu jira kuwaas oo aad dadka u la dhaceen . Sidoo kale Ruwaayadihii Abwaan Saxardiid Maxamed Jabiye uu alifay waxaa ka mid ahaa kuwo uu uga hadlayay xoriyad doonka, maadaama dalka xiligaas uusan xoriyad qaadan oo dhowr sano ay ka dhineed waqdigii loo asteeyay in Soomaaliya Xoriyad la siiyo ee 1960 kii . Abwaanka Heesaha lagu xasuusto oo xoriyadda ka hadlayay waxaa ka mid ahaa Heestii can baxday ee Aan maalno Hasheen Maandeeq, oo la qaaday maalintii calan Soomaali leedahay oo xor ah la saaray 26 kii June sanadkii 1960 magaalada Hargeysa, waxaana ku luuqeyay fanaan Maxamed Axmed Kuluc, oo asna geeriyooday. Dhanka kale Heesihii uu sameeyay Abawaanka ayaa waxa ay ahaayeen kuwo inta badan ay qaadeen fanaaniintii ugu waa weynaa hobalada Waabari. Waxaana ka dhex nuuqaneyay fanaaniin miisaan ku lahaa fanka Soomaaliyeed waxa aan ka xusi karnaa, Allah u naxariistee fanaanaddii boqoradda codka Xaliima Qaliif Cumar Barre Maqool, Cismaan Cabdi kariin Gacanloow iyo fananiin kale oo ka mid ahaa kuwo aad looga qadariyo fanka dhexdiisa kana tirsanaa hobaladii qaranka Waabari. Abwaan Saxardiid Jabiye ayaa ahaa Tiir adag oo ku taagnaa fanka Soomaaliyeed ayaa ka baxay, waxaana lagu xasuusan doonaan raad faneedkii uu uga tagay fanka iyo Umadda Soomaaliyeed. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wajeer (Caasimadda Online) –Dowladda Kenya ayaa xaqiijisay in sideed ka mid ah Booliskeeda ay geeriyoodeen sidoo kalena dhaawacmeen shan kale markii Gaari ay la socdeen uu miino dul maray. Qaraxa ayaa saaka ka dhacay degaanka Khorof Harar, oo ka tirsan Gobolka ismaamulka Wajeer. Askarta dhaawaca ah ayaa la sheegayaa in uu dhaawacooda daranyahay,kuwaas oo loo qaaday Isbitaal. Inkastoo ay Kenya sheegtay dhimashada 8 ka tirsan Ciidamada Booliska haddana wararka madaxa banaan ayaa sheegayo in dhimashada ay tahay illaa 13 askari. Dhimashada 13-kaas Askari ee ka tirsanaa Booliska Kenya ayaa kusoo aadeysa iyadoo shalay Al-Shabaab ay sheegteen in deegaanka Konton ee Ismaamulka Wajeer ay kasoo Afduubteen Afar Askari oo Kenyaan ah kadib markii ay la wareegeen gacan ku heynta deegaanka Kontonka, waxa ayna sheegeen in haatan gacanta ku hayaan Afartaas Askari. Dowladda Kenya ayaa xirtay sohdinta ay la wadaagto Soomaaliya iyada oo sheegtay in amaanka dalkeeda ay ka sugeyso. Kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyinkii dambe sii xoojisay weerarada ay ku qaadeyso Gudaha Kenya, waxayna horey u sheegeyn inay saldhigyo waaweyn ka sameysteen Gudaha dalkaas. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Madaxweynaha dowled gobaledka Koofur galbeed Soomaaliya Cabdi casiis Axmed Lafta gareen, oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Baydhabo ayaa si kulul uga hadlay falkii xalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug, taas oo lagu dilay 10 ruux oo ka soo jeeda deegaanada Koofur galbeed Soomaaliya. “ Waa arrin aan ku fiicneyn Islaamnimada, Soomaalinimada, waa dhacdo soo socotay oo mar aan ahayn oo labo mar ah, maalin ka hor ayeey aheyd tii ka dhacday Dhuusamareeb tan kalane tii xalay dhacday ayey aheyd, runtii waana wax aad iyo aad looga xumaado in dad masaakiina oo la taacaamulaayo noloshooda in inta guryahooda loogu tagay lagu dilo” Sidoo kale Madaxweyne Lafta gareen ayaa ayaa ugu baaqay maamulka Galmudug iyo odayaasha dhaqanka deegaanadaas in ay baaraan sida ay wax u dhaceen dadkii danbiga galayna sharciga la hor keeno. “ Maamulka Galmudug, odayaasha dhaqanka, Siyaasiyiinta, waxaan ka rabnaa oo uga fadhinaa labadii dhacdo oo Galmudug ka dhacday in ay naga soo siiyaan jawaab dag dag ah, dadkii falkaas geystay oo dadkaas masaakiinta ah dhibaateeyay in ay cadaaladda geeyaan” Dhanka kale Maxweyne Cabdi casiis Lafta gareen ayaa xusay in laga rabo dadka reer Koofur galbeed in ay is dajiyaan, waxna ayna sameynin ilaa jawaab ay ka helaan Galmudug.“ Dadka reer Koofur galbeed oo dadkaas Ehelkooda ahaa waxa aan ka rabnaa inta baaritaanka uu socdo in ay is dajiyaan aan ogaano sidii ay wax u dhacen, wax kale inaan la sameynin” Ugu danbeen Madaxweynaha Koofur galbeed ayaa sheegay in guddi dag dag ah oo ka kooban Wasiiro iyo Xildhibaano ay u diyaan deegaanada Galmudug, kuwaas oo soo ogaanaya sidii ay wax u dhaceen. “ Waxa aan ku dhawaaqnay dag dag ah oo arrintaas ka shaqeynaayo, oo sida ugu dhaqsiyaha badan meesha u tagaayo, oo ogaanaayo meeshaas wixii ka dhacay oo isgu jiro Wasiiyo iyo Xildhibaano”. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wajeed (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya saaka lagula eegtay xadka dalalka Soomaaliya iyo Kenya. Qaraxa oo Miino ahaa ayaa waxaa la sheegay in uu haleelay gawaari dagaal oo ay wateen Ciidamadaasi, kaas oo ku basbeelay isla goobta. Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxa ku dhintay illaa 10 Askari oo ka mid ahaa Ciidamada Kenya, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan. Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in Ciidamadani ay damacsanaayeen in ay soo furtaan illaa 3 Askari oo nawaaxiga magaalada Wajeer ay ka soo afduubteen Dagaalyahannada Al Shabaab oo saacadihii la soo dhaafay la wareegay gacan ku heynta deegaanka Kontonka oo dhac xadka ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Kenya. Xaaladda ayaa haatan jkacsan, waxaana dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemaya qeybo ka mid ah gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi. Muddooyinkii la soo dhaafay Al Shabaab ayaa kordhiyay weerarada ay ka fuliyaan gudaha dalka Kenya, gaar ahaan deegaanada dhaca xadka Soomaaliya. View the full article