Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,176
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa boggiisa Facbook-ga ku faafiyay farriin ku saabsan qabsoomida doorashooyinka iyo mawqifka xisbiga WADDANI. Guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa ayaa waxa uu sheegay in mas’uuliyadda qabsoomida doorashooyin ay saaran tahay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi dhankooda ay u diyaar u yihiin in wada-hadal lagu dhammeeyo caqabaha hor-taagan doorashooyinka. Farriinta Guddoomiye Cirro ayaa u dhigan “Xilka qabashada doorashooyinka Jamhuuriyadda Somaliland ee Wakiilada iyo Deegaankuba waxa uu saaran yahay Madaxweyne Muuse Biixi. Haddii berri la qabanayo doorashooyinka Xisbiga WADDANI waa u diyaar. Waxa aanu diyaar u nahay in qabyooyinka doorashada ee uu dhismaha Komishanka Doorashooyinka Qaranku ugu horeeyo in miiska wada-hadalka lagu dhammeeyo” Source
  2. Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa goordhow cambaareysay dil wadareed xalay ka dhacay duleedka Galkacyo halkaasi oo lagu dilay 9 qof oo ka soo-jeeda koonfur galbeed. Wasiirka warfaafinta DF Maxamuud Maareeye oo arrinkaas ka hadlayey waxaa uu yiri “ Waxaan cambaareyneynaa, aad uga xunnahay, ficil aan la aqbali karin ah dhacdada dilka lagu laayey dad aan waxba galabsan magaalada Galkacyo iyo kuwii ka horeeyey ee dad shacab ah lagu dilay ee ka dhacay nawaaxiga Dhuusamareeb, ficiladaas ayaan dowlad ahaan ka xunnahay, oo cambaareyneyaa, waa ficilo kala geynaya umadda Soomaaliyeed, waa ficillo aan sharci islaam iyo mid banii’aadam kala nool aanu ku dhaqmin, oo kala geynaya shacabka Soomaaliyeed ee walaalaha ah”. Ugu dambeyntii, waxaa uu balanqaadeen in la baaro, Maareeye waxaa uu yiri “ waxaa ballanqaadeynaa dowlad ahaan, inakoo kaa shaneyna hey’adaha dowladda heer federaal iyo heer maamul goboleed, inakoo kaa shaneynaa oday dhaqameedyada, inakoo kaa shaneyna culimada iyo waxgaradka Soomaaliyeed in ficilkaas baaris lagu sameeyo, oo dadkii ka dambeeyey ficiladaas cadaaladda la horkeeni-doono”. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Maleeshiyo beeleed ku sugan magaalada Galkacyo ayaa la sheegayaa iney xalay hal meel oo duleedka magaalada ah ku dileen 9 qof. Arrintan ayaa la sheegayaa iney tahay aano-qabiil kadib markii saacado ka hor isla magaalada lagu dilay wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabayay Cali Dhiif oo ka tirsanaa nabad sugidda. Xiisdda ayaa kacsan, waxaana isa soo taraya cambaareynta arrintaasi la xiriira, maamulka koonfur galbeed ayaa cambaareeyey, waxaa kale oo dhankooda iyana cambaareeyey xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka federaalka ah sida Saabir Shuuriye, Mahad Salaad iyo mas’uuliyiin kale. Faah-faahinta Sida uu u dhacay arrinkan foosha xun, kala soco halka Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in aan madaxda dhaqanka looga baahnayn abaabulka nabad galyo darro. Waxa uu sheegay in bulshadu xamanayso Boqorka sidaas awgeedna ay tahay in uu arrintaasi iska bari yeelo, Halkan hoose ka DAAWO Source
  5. (SLT-Hargeysa)-Madaxweyne Biixi Oo Saaka Daah-furay Imtixaankii Shahaadiga Ahaa, Halkan hoose ka DAAWO Source
  6. Waxaa hadda si rasmi ah magaalada Garoowe uga socda furitaanka kal-fadhigii 44aad ee barlamaanka dowladda Puntland, waxaana madasha ku sugan madaxweynaha dowladda Puntland, guddoonka barlamaanka, [...] Source
  7. Waxaa maanta dib u furmaya kulammada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya oo maalmihii dambe ku maqnaa fasaxa Ramadaanta iyo ciidda. Ajendaha kulankoodan ugu horeeya ayaa la sheegayaa inuu noqonayo akhrinta 1-aad wax ka bedelka sharciga Iibka Qaranka. Golaha shacabka iyo aqalka sare ayaa waxaa horyaallo sharciyo muhiim ah horumarka dalka iyo in dalka laga saaro kala-guurka, lana sameeyo dastuur sax ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. (SLT-Riyadh)-Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Dawlada Sucuudigu Cafis u fidisay Dadka Soomaalida ah ee sharci-darrada ku jooga Dalkaasi, sida kuwa Ciqaamaduhu ka dhaceen. Sii hayaha Safaaradda Soomaaliya ee Sucuudiga Saalim Macow Xaaji ayaa sheegay in Dadka Cafiska loo fidiyey yihiin kuwa Sharci-darrada ku jooga Sucuudiga ee doonaya inay isaga baxaan, sida kuwa Ciqaamaduhu ka dhaceen, Kuwa Tahriibka ku galay. Sii hayaha Safaaradda Soomaaliya ee Sucuudiga Saalim Macow Xaaji oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Dawladda Sucuudigu waxay naga ogolaatay in Dadka Soomaaliyeed ee Sharci-darrada ku jooga Sucuudiga loo fududeeyo bixitaankooda, Saddex baa loo kala qaaday Dadka, kuwa Ciqaamadaha leh ee ay ka dhacsan yihiin ee lacagta badan lagu leeyahay ee raba in iyaga iyo Carruurtoodu ay Dalka ka baxaan, kuwaa waalla cafiyey oo lama xidhayo ee ay bixi karaan.” Sii hayuhu waxa kale oo uu sheegay “Sidoo kale, Dadka ku soo galay Tahriibka waalla fasaxay oo ka bixi karaan Waddanka iyo Dadka ku yimid Xaj ama Cimro ee muddada dheer Sharci-darrada halkan joogay waalla cafiyey.” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Cafiskani wuxuu gaar u yahay Dadweynaha Soomaaliyeed. Cafisku wuxuu bilaaban doonaa 16-ka bisha June, waxaanu socon doonaa illaa 2 bilood, markaa waxaan Dadweynaha.” Source
  9. Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa ka hadlay dadkii xalay lagu dilay magaalada Gaalkacyo, kuwaasi oo kasoo jeeday deegaanada Koofur Galbeed. Dadka la dilay ayaa la sheegay in loogu aar gudayay ruux lagu dilay magaalada Gaalkacyo, kaasi oo ahaa sarkaal ka tirsan ciidamada NISA ee deegaanada Galmudug. Xasan Sheikh Maxamuud ayaa muujiyay sida uu kaga xun yahay dhibaatada ka dhacday magaalada Gaalkacyo, isaga oo tacsi u diray ehalada dadka waxyeelada kasoo gaartay dhacdadii ka dhacday magaalada Gaalkacyo. Wuxuu shacabka iyo madaxda Galmudug ugu baaqay inay ka wada shaqeeyaan sidii loosoo qaban lahaa dadkii ka dambeeyay weerarka ka dhacay magaalada Gaalkacyo. “Waa wax laga naxo in dad gaarayo 10 qofood lagu dilay magaalada Gaalkacyo hal habeen sabab kasta oo loo tiiriyo e, waana cambaareynayaa falkaas foosha xun iyo dadkii ka dambeeyayba. Waxaan u tacsiyeynayaa eheladii ay ka geeriyoodeen dadkaas. Waxaan ku adkeynayaa maamulka Galmudug iyo waxgaradka reer Galmudug guud ahaan iyo gaar ahaan kuwa reer Galkacyo iney ka wada shaqeeyaan sidii gacan ku dhiiglayaaaha loo hor keeni lahaa sharciga si cadaaladu u shaqeyso” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud. Saraakiisha Ciidanka Galmudug ee Gaalkacyo ayaa sheegay in dilka dadkaasi uu yimid ka dib markii Kooxo hubeysan ay Magaalada Gaalkacyo ku dileen Sarkaal ka tirsan Ciidanka Nabad suggida Galmudug, Waxaana kadib la sheegay in dadka degaanka ay eryadeen labo ka mid ah Kooxihi dilka geystay ka dibna gurigii ay galeen laga soo saaray 10 ruux ayna dileen 9 ka mid ah Koox degaanka ah oo ka careysan dilka Sarkaalka Nabad suggida ka tirsanaa. Halkaan ka daawo Wararka oo Muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  10. (SLT-Washington)-Golaha amaanka ee qaramada midoobay ayaa ka digay shidaal wakhtigaan laga saaro dalka Soomaaliya. Warbixin ay soo saartay guddiga ka hortagga xayiraada hubka ee dalalka Soomaaliya ee Eritrea ayaa lagu sheegay in shidaal laga qodo dalka ay wiiqi karto dadaalada lagu doonayo dib u soo celinta Nabada. Gudiga ayaa tusaale u soo qaatay xidhiidhka aan wanaagsaneyn ee u dhaxeeya maamul goboleedyada iyo dowlada Dhexe oo ku kala aragti duwan heshiiska iyo hab loo Maareynayo wax soo saarka Shidaalka. Mudanayaasha baarlamaanka ayaa 20 bishii May qalinka ku duugay heshiiska wax soorka shidaalka. Balse shir ka dhacay isla horaantii bishii hore ismaamulka Puntland oo u dhaxeeyay maamul goboleedyada iyo dowlada dhexe oo la xidhiidha arintaan ayaa ku dhamaaday is faham La,aan. Inkastoo soomaaliya ay ka faa,ideysan karto dhaqaalaha shidaalka ayaa hadane gudiga xayiraada hubka ee dalalka Eritrea iyo soomaaliya waxay qabaan in ay keeni karto xasilooni darro iyo dagaal sokeeye oo ka dhaca Dalka Soomaaliya. Source
  11. (SLT- Galkacayo)-Rag hubaysan ayaa xalay 9 qof ku dilay koonfurta Magaaladda Galkacayo ee gobolka Mudug, dilkan ayaa ka dambeeyay markii Koox ku hubaysan bastoolada ayaa xalay fiidkii ku dileen Magaaladda Cali Tahliil Cadceed oo ahaa sargaal ka tirsan Hay’adda Nabadsugidda Soomaaliya, gaar ahaan qaybta qaabilsan Galmudug. Dil wadareedkaas ka dhacay magaalada Galkacayo ayaa waxaa kaloo ku dhaawacmay laba qof oo kale. Dadka la laayay ayaa dhammaan ka soo jeeda Maamul goboleed Koonfur Galbeed ee Soomaaliya. Ciidamada amniga Galmudug ayaa bilaabay inay baadigoobaan kooxihii ka dambeeyay Dilka 9 qof Dilkan ayaa noqonaya kii labaad ee ka dhacay degaanada maamul goboleedka Galmudug, iyadoo toddobaadkii hore lagu dilay 4 qof, kuwasoo ka soo jeeda Koonfur Galbeed. Source
  12. (SLT-Tel Aviva)-Diyaaradaha dagaalka ee Israa,iil ayaa duqeyn ka geestay magaalada Gaza ee dalka Falastiin gaar ahaan goobo ay ku tuhmayaan Ururka Xamaas. Duqeynta ayaa timid kadib markii gantaalo xoogan oo laga soo tuuray dhanka magaalada Gaza ay ku dhaceen koonfurta Israa,iil. Arintaan ayaa lagu xaqiijiyay war saxaafadeed ka soo baxay wasaarada difaaca ee xukuumada Tell Aviv. Taliska milatariga Yahuuda ayaa sheegay in ay burburiyeen dhowr saldhig oo ay ku sugnaayeen ciidanka Xamaas. Israel ayaa intaa raacisay in duqeynta ay jawaab u tahay madaafiic ku dhacday magaalada Sderot. Goobta la duqeeyay ayaa la sheegay in waqtigaas ay ka tageen arday iskuul iyo Macalimiin, wax qasaara ahna aysan geysan sida lagu xaqiijiyay war saxaafadeedka Isra,iil. Source
  13. Dowladda Puntland ayaa dhismaha waddo carratuur ah waxa ay ka bilowday deegaanka Xaaji Khayre ee gobolka Nugaal oo ay dhowaan gooyeen biyaha roobab mihiigaan ah [...] Source
  14. (SLT-Sanca)-Telefishinka Dowladda Sacuudiga waxa uu sheegay inay Diyaaradaha Isbahaysiga duqeeyeen Nidamaka Gantaalladda Difaaca Cirka ee Maleshiyadda Xuutiyiinta ku leeyihiin magaalada Sanca. Afhayeen u hadlay Isbahaysiga ayaa sheegay inay duqeeyeen dhowr bar-tilmaameed oo ay Kooxda Xuutiyiinta leeyihiin, isla markaan ay burburiyeen Awoodaha Milliteri ee ay ku lahaayeen goobaha la duqeeyey. Afhayeenka waxa uu dadka rayidka ugu baaqeen inay ka fogaadaan Deegaanadda la beegsanayo ee magaalada Sanca. Duqeyntan ayaa timid, kadib, markii ay Kooxda Xuutiyiinta ay duqeeyeen Garoonka Diyaaradaaha ee magaalladad Abha ee dalka Sacuudiga, kuna dhaawaceen 26 qof. Ciiddanka Cirka ee dalka Sacuudiga waxay shalay sheegeen inay burburiyeen 5 Diyaaradaha Darooniska ee xuutiyiinta oo la doonayey in lagu qarxiyo bar-tilmaameedyo ku yaalla gudaha Sacuduiga. Source
  15. (SLT-Tehran)-Ururka ugu weyn ee ay ku mideysan yihiin milkiilayaasha maraakiibta caalamka ee BIMCO, ayaa ka digay xaaladda ka sii daraysa ee marinka Hormuz iyo Khaliijka Carabta kadib weerarradii ugu dambeeyay ee halkaa lagula beegsaday maraakiibta shidaalka. Madaxa ammaanka badaha ee ururkaasi, Jakob Larsen, ayaa sheegay in xiisaadda ay hadda gaartay meeshii ugu saraysay iyadoo aanu dhicin wax dagaal ah. Laba markab ayaa Khamiistii lagu qarxiyay marinka Hormuz, waxaana halka lagu beegsaday ay qiyaastii 46 kilommitir koonfur uga beegan tahay xeebaha Iran. Xukuumadda Washington ayaa ku eedeeysay Iran inay ka dambeysay qarxayadaasi, iyadoo ciidanka badda ee Maraykanka uu faafiyay muuqaal uu sheegay inuu muujinayo xooggaga sida gaarka ah u tababaran ee Iran oo miino badeed aan qarxin ka fujinaya mid kamid ah maraakiibta. Tehran ayaa si adag u beenisay eedeymahaasi, waxaana ay weerarrada ku eedaysay koox aanay magacaabin oo ay sheegtay inay doonayso waxyeelleynta xiriirka ay Iran la leedahay caalamka intiisa kale. Dhanka kale madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping, oo dalkiisa iyo Maraykanka khilaaf ganacsi dhex yaal ayaa ballanqaaday in taageerada uu dalkiisa siiyo Iran joojinayn. Qiyaastii shan meeloodow meel shidaalka dunida oo dhami wuxu maraa marinka Hormuz oo Iran sheegtay in nabadgelyadiisu tahay xil iyada saaran. Xiisadda Bariga Dhexe ka taagan ayaa beryahan isa soo taraysay waxaanu Maraykanku u diray gobolkaasi ciidamo dheeraad ah iyo maraakiib dagaal. Waxa ay aad sare ugu kacday tan iyo markii uu xukunka Maraykanka la wareegay madaxweyne Donald Trump sanadkii 2017, kaasoo ka baxay heshiiskii nukliyeerka ee uu Obama la galay Tehran, waxaana uu cunaqabateyn dheeraad ah kusoo rogay Iran. Khilaafku ma aha wax dhex yaal Maraykanka iyo Iran oo keliya, waxa uu sidoo kale u dhaxeeyaa Iran iyo Sacuudiga oo ah laba quwadood oo kala mad-hab ah, khilaafka siyaasadeed ee dhex yaallaana saamayntiisa ku yeeshay dalal badan oo gobolka ah. Source
  16. (SLT-Khartoum)-Golaha Milateriga Suudaan ayaa markii u horraysay qirtay inuu khalad uu ahaa hawlgalkii ay ciidamada ku dileen in ka badan 100 qof 3dii bishan June. Afhyeen u hadlay Milateriga Suudaan Shams al-Din Kabashi waxa uu sheegay in golaha milateriga ay go’aansadeen in xoog lagu kala eryo banaanbaxayaasha Ururada Rayidka ah iyo xisbiyada mucaaradka ewadanka Sudan ayaa joojiyay ololihii shaqo joojin ay wadeen muddo sadexdii maalmood kadib markii is-afgarad laga gaaray sharuudihii ay hordhigeen Golaha Militariga dalka Sudan. Dhinaca kale, Afhayeenku wuxuu sheegay inay ka hortageen isku day afgembi, isagoo sheegay inay xidheen saraakiil ka tirsan milateriga Suudaan. Source
  17. Baydhabo (Caasimada Online)-Maamulka Koofur Galbeed ayaa ka hadlay dad lagu laayay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, kuwaasi oo deegaan ahaan kasoo jeeda Koofur Galbeed. Dadka la laayay ayaa gaaraya sagaal ruux oo isku reer kasoo jeeda, waxaana dhamaantood loo dilay aano la xiriira dil loo geystay sarkaal ciidan oo ka tirsanaa maamulka Galmudug. Wasiirka Warfaafinta maamulka Koofur Galbeed Ugaas Xasan ayaa isaga oo warbaahinta la hadlayay wuxuu sheegay inay ka xun yihiin dil wadareedka loo geystay dadka kasoo jeeda Koofur Galbeed ee lagu dilay magaalada Gaalkacyo. Wasiirka ayaa warbaahinta u sheegay inay baaritaanno wadaan, islamarkaana saacaddaha soo socda ay warbaahinta la wadaagi doonaan, waxyaabaha kasoo baxa baaritaanka ay wadaan. Ugaas Xasan ayaa xusay inay jiraan dad badan oo Koonfur Galbeed u dhashay kuwaasoo cabsi awgeed xalay ku hoyan waayay guryahooda ku yaal Gaalkacyo. Dhawaan ayay ahayd markii uu maamulka Galmudug beeniyay inuu soo saaray amar la sheegay in deegaannadiisa uu uga mamnuucayo dadka kasoo jeeda Koonfur Galbeed. Arintaan ayaa kusoo aadeysa iyadoo dhawaan duleedka magaalada Dhuusomareeb ee gobolka Mudug lagu dilay dad kasoo jeeda deegaanada Koofur Galbeed, islamarkaana la hadal hayay is diiwaan gelinta dadka kasoo jeeda deegaanada Koofur Galbeed. Halkaan ka daawo Wararkii oo Muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
  18. (SLT-Washington)-Afhayeenka aqalka hoose ee Mareykanka Nancy Pelosi ayaa sheegtay in Congress-ka uu xanibaad saari doono hubka Mareykanka uu ka iibinayo dowlada Sacuudiga. Arintaan ayaa timid iyadoo ay soo baxayeen bilihii la soo dhaafay cabsida laga qabo in hubkaan culus loo adeegsan karo dagaalka Isbaheysiga Sacuudiga uu ka wado dalka Yemen tan iyo sanadkii 2015-kii. Pelosi oo ka hadlaysay shir shalay habeenimadii xalay ka dhacay magaalada New York ayaa sheegtay in Congress-ka sida ugu dhaqsiyaha badan u codeyn doonaan Sharcigaan. Mareykanka ayaa saaxiib dhow la ah dowlada Sacuudiga oo ka mid ah quwadaha ugu waaweyn ee Carabta. Waxay intaa ku dartay in ay u dagaalami doonaan sidii ay ku xakameyn lahaayeen Arintaan. Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in hubkaan uu kaga iibinayo Sacuudiga ay ujeedadiisa tahay in looga hortago weerar dowlada ay xulufada yihiin kaga yimaada Iiraan. Source
  19. Wajeer (SMN) – Dagaalyahanno aad u hubeysan oo katirsan Xarakada Shabaabul ayaa markale weerar qorshaysan ka fuliyay gudaha dhulka Soomaalida NFD ee ku jira gummeysiga Kenya. Wararka ka imaanaya magaalada Wajeer ayaa sheegaya in xoogaga Al Shabaab ay la wareegeen gacan ku heynta deegaanka Kontonka oo hoos yimaad magaaladaasi. War rasmi ah oo ka soo baxay Xarakada Al Shabaab ayaa lagu sheegay in Dagaalyahannadoodu ay la wareegeen gacan ku heynta deegaanka islamarkaana ay soo qafaasheen ciidamo katirsan booliska Kenya “Howlgal qorshaysan oo mujaahidiintu ay ka fuliyeen deegaan hoos yimaad magaalada Wajeer ayay ugu suurtagashay in ay la wareegaan gacan ku heynta deegaanka ayna soo qafaashaan ciidamo katirsan Booliska dowladda Saliibiyadda Kenya” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab. Wararka ayaa intaas ku daraya in xoogaga Al Shabaab ay gacanta kusoo dhigeen laba Mooto iyo agabyo kale oo ay lahaayeen ciidamada Booliska Kenya, weerarkan lagusoo qabtay ciidamada dowladda Kenya ayaa banaanka soo dhigaya awoodda Al Shabaab iyo taakdarida ciidamada gummeysiga Kenya. Illaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin dowladda Kenya oo ku aaddan lawareegidda Al Shabaab ee deegaanka Kontonka iyo ciidamada lagasoo qafaashay. View the full article
  20. Malabo (SMN) – Wasiirka Maaliyadda Xukuumada federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle waxa uu Magaalada Malabo ee dalka Equatorial uga qeyb galay shirkii Bangiga hormarinta Afrika oo uu ku matalayay Soomaaliya kaa soo looga hadlay hormarinta Dhaqaalaha iyo maalgashiga Afrika. Shirka kadib waxa uu la kulmay madaxweynaha Bangiga Hormarinta Afrika Akinwumi Adesina waxuuna warbixin ka siiyay marxalada dhaqaalaha Soomaaliya iyo horumarka ay sameynayo. Wareysi uu Siiyay TV CNBC oo ka hadla arrimaha ganacsiga ayuu ku faahfaahiyay waxyaabaha Soomaaliya ku soo bandhigtay shirka si gaar ah fursadaha dhaqaalaha iyo maalgashiga ee horyaala. “Marka koowaad waxaan u sheegnay inaan leenahay kheyraad badan waxan leenahay xeebta ugu dheer Afrika. Waxay ii sheegeen inaan haysano mid ka mid kaluunka ugu wanaagsan ee ku jira badaha, waxaan u sheegnay inaan aad qani ugu nahay saliida iyo gaaska. Soomaaliya waxay noqotay mid ka mid ah dalalka ugu badan ee shidaal ku jiro, waan ka shaqaynaynaa dabcan, marka koowaad waa inaan xaqiijinaa amaanka, mida sadaxaad waxa weeye Soomaaliya waa ay burburtay waxwalba waxay ka bilaabanayaan meel hoose oo ay tahay in dib loo dhiso marka waxa yaala fursado badan” Wasiir Belye waxaa uu sheegay in Soomaaliya diyaar u tahay in la maalgashado albaabadeeduna ay furan yihiin. “Diyaar beynu nahay, albaabadeenu waa ay u furan yihiin caalamka oo idil gaar ahaan ganacsatada raadinaya meel ay maalgashadaan, waa Soomaaliya halka ku haboon waayo meelaha aad magacwdeen waan haysanaa kheyraadkooda waxan ka shaqeynaynaa ammaanka iyo waxay sameynaynaa shuruucdii aan idinku soo dhaweyn laheen.” View the full article
  21. Gaalkacyo (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Nabad Sugida Galmudug xalay loogo geystay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Sarkaalka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cali Tahliil Cadceed (Cali Dhiif), sida ay Shabelle u xaqiijiyeen dad Goobjoogayaal ah. Rag ku hubeysnaa Bistoolado ayaa la sheegay in Marxuumka ay toogteen, xilli uu fadhiyay goob lagu shaaxo oo ku taalla koonfurta magaaladaasi. Dilka kadib waxaa goobta gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Galmudug oo baaritaano kooban ka sameeyay halkaasi. Dhinaca kale waxaa isla xalay duleedka magaalada Gaalkacyo lagu dilay illaa 9 Qof oo ka mid ahaa dadka deegaanka. Warar hoose ay heshay Warbaahinta ayaa sheegaya in dad ka careysanaa dilka Marxuum Cali Dhiif ay ka dambeeyeen dhacdadaasi. Dadka la laayay ayaa lagu soo warramayaa in laga kaxeystay gudaha magaalada, kadibna lagu toogtay duleedkeeda. Madaxda iyo shacabka ku dhaqan guud ahaan gobolka Mudug ayaa si aad ah uga xumaaday dilalkaasi. Xaaladda ayaa saaka degan, hayeeshee Ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Galmudug ayaa lagu arkayaaa waddooyinka magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolkaasi. View the full article
  22. Wararka laga helayo gobolka Mudug ayaa sheegaya in xalay 9 ruux hal mar lagu dilay duleedka koonfureed Gaalkacyo saacado kadib markii nin dhalinyaro ah lagu dilay gudaha magaalada. Ninka dhalinyarada oo magaciisa lagu sheegay Cali Tahliil Cadceed (Cali Dhiif) ayaa fiidnimadii xalay koox hubaysan ku toogteen koonfurta magaalada Gaalkacyo xilli uu fadhiyay meherad laga shaaho sida ay sheegeen goobjoogayaal. Dilka ninkaasi kadib ayaa sida la sheegayo askar hubaysan oo u dhashay Galmudug waxay gudaha magaalada ka uruuriyeen 9 qof oo qaarkood lagu tuhmayo dilka Cali Dhiif waxaana ay si wadar ah ugu laayeen meel ka baxsan gudaha Gaalkacyo. Wararka qaar ayaa sheegaya in hayb ahaan loo beegsaday dadka halkaasi lagu laayay oo aan u dhalan degaannada Galmudug islamarkaana qaarkood lagu tuhmay dilka Cali Dhiif oo fiidnimadii xalay lagu toogtay meherad ku taalla Koonfurta Gaalkacyo. Laamaha amniga iyo mas’uuliyiinta Galmudug ayaan weli dhankooda war rasmiya ka soo saarin dadka laga uruuriyay koonfurta Gaalkacyo ee la laayay. PUNTLAND POST The post Dad lagu laayay koonfurta magaalada Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.
  23. Geneva ( SMN) – Wasiirka wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa khudbad muhiim ah oo arrimo badan uu uga hadlay ka jeediyay shir-weynaha shaqada adduunka ee ka socda magaalada Geneva ee dalka Switzerland. Wasiirka ayaa inta badan diiradda saaray dedaalada wasaaradda iyo xukuumadda ay ku jiraan sida ay bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan dhallinyarada iyo haweenku shaqooyin ugu heli lahaayeen gudaha dalka. “Kulankan waxa uu ka tarjumayaa saamaynta ballaaran ee hey’adda Shaqaalaha dunidda ee ILO ay ku yeelatay nolosha shaqaalaha dunida boqolkii sano ee la soo dhaafay.Soomaaliya hay’adaheeda shaqaalaha waxa ay kaalin muhiim ah ka soo qaateen in ay sharciyo iyo nidaamyo dhinaca shaqada la xiriira ka yagleelaan wadanka.Waqtiyadii adkaa ee dagaallada sokeeye iyo xasilooni daradda ,ILO waxa ay ahayd mid Soomaaliya la garab taagan taageero ,dhiira-galin iyo waliba hagid.Shirkan aynu joogno waxaan u baahan-ahay in aan qiimaynno Gap-ka u dhaxeeya rajada dadka ee ku aaddan shaqada iyo xaqiiqda runta ah ee jirta.Soomaaliya gudaheeda ,waxan ogaannay in shaqo yaraantu ay tahay waxa lagu cabiri karo gap-ka u dhaxeeya xaaladda aynu ku shaqaynayn-no iyo rajadu shacabka Somaliyeed ka qabaan nolol wanaagsan.Tani maaha xaalad ku gooni ah Soomaaliya , waddamada qaar shaqadu waxa ay u tahay waddada lagu dhimo faqriga laguna gaaro horumar caalami ah.” ayuu yiri wasiir Sadiiq Warfaa. “Marka su’aashu waxa ay noqonaysaa halkee Ayaan ka nimid sidoo kale maxaan ilaa iyo hadda xaqiijnnay. Suaa’shu waxa ay ahmiyad sii yeelanaysaa marka aynu xalinno shaqa la’aanta iyo sinnaan la’aanta sii kordhaysa.Caqabadaha aynu maanta wajahaynno boqol sanno ka dib markii la asaasay hey’adda shaqaalaha adduunka ee ILO , waxa ay noogu baaqayaan in aynu la nimaano go’aamo horumarsan oo rajo galinaysa boqollaalka milyan ee shaqa la’aanta ah ,taasi oo ay ku doonayaan cadaalad bulsho, taasina waa mid loo baahan-yahay in aynu aqbalno oo aynu badalno. Dowladdeenu waxa ay soo dhaweynaysaa warbixinta ka soo baxday Hoggaanka sare ee ILO ,kaasi oo si cad u qeexaya in aynu maal-gashano awoodaha muwaadiniinteena. Waxaan kaloo u baahannahay in shaqaalaheena shaqo la isku halayn karo ay helaan.Waxaanu taageeran-sanahay dib u cusboonaysiinta arrimaha bulshada oo dhan ,kuwaasi oo ay ku jiraan asaasiyaadka horumarinta aadamaha. Shaqaalaha waa in lagu taageero fursaddo ay ku hormarin karaan xirfadahooda. Waa in aynu si wada jir ah u dhiirra-galino ilaalinta bulshada,taasi oo u ogolaanaysa in la dhiso maamullo xilligan la joogo ku habboon shaqaale weynaha dunidda.Dowladda Federalka ah ee Soomaaliya waxaa ka go’an in ay hubiso , isla markaana diiradda saarto in ay shaqooyin iyo fursado dhaqaale u abuurto dhallinyarada waddanka , inkastoo ay jiraan caqabado dhinaca aminga ah iyo weerarro lagu handado wasaaradda shaqaalaha iyo arrimaha bulshada.” ayuu ku daray wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Soomaaliya. Waxaa kalo uu shirka ka caddeeyay dowladda Soomaaliya inay ka go’antahay in la dhiso hiigsiyo horumarineed oo la isku halayn karo, ‘taasina waxa ay ku caddahay siyaasadaheena iyo sharciyada aynu maal-gashannay ee dhinaca shaqaalaynta iyo ilaalinta bulshada, kuwaasi oo gundhig u noqon doona cadaalad iyo isku duubni bulsho.” ayuu yiri isagoo inta ku daray “Qaar kamid ah dhalinta waddankeena waa shaqo la’aan ,sidoo kale ma lahan xirfadihii looga baahnaa goobaha shaqada ee maanta iyo shaqooyinka mustaqbalka soo bixi doona.Dowladdu waxa ay si dhow ula shaqaynaysaa ganacsiyada sida gaarka ah loo leeyahay si ay u horumariso una abuurto jawi hal abuur ,kaasi oo dhallinyarada shaqooyin u abuuri kara ,isla markaana la socda baahida kordhaysa ee qarnigan 21-aad.” Waxaa kalo uu sheegay arrimaha oo dhan inay hoos u dhigayaan khatarta halista leh ee tahriibka ,taasi oo dhallinyaradu ku doonayaan nolol tooda dhaanta. Iyada oo la eegayo mustaqbalka waa in ay xoojin-no go’aankeena ku aaddan difaacidda xuquuqda shaqaalaha.Waxaan dhamaanteen isla qaadanay in shaqo la’aantu iyo faqrigu ay taabteen boqollaal milyan oo dad ah ,kuwaasi oo kala jooga waddamo kala duwan oo daafaha dunidda ah , isla markaana dumarka iyo dhallinyaradu ay yihiin kuwa dhibta ugu badani ay ka soo gaarto.” ayuu raaciyay wasiir Warfaa oo gabagabadii sheegay “Aan si wada jir ah uga shaqaynno sidii aynu u hirgalin lahayn Mabaadi’da hey’adda ILO ee ku dhisan wadda hadalka bulsho ,ilaa iyo haddana ILO waxa ay ahayd mid ku taagan u jeedkii loo asaasay 100 sanno ka hor.” In ka badan 5,000 oo wakiillo oo ay ku jiraan 40 madax dowladaha ayaa shirka ka qeybgalay, kaaso ku aadday sannad-guurradii boqollaal ee hey’adda shaqaaha adduunka, waxaana wasiirka shaqada Soomaaliya uu shirka ka qeybgalay isagoo hoggaaminaya wafdi saddex-geesood ah. View the full article
  24. Muqdisho ( SMN):-Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/06/Warka-Subax-15062019.mp3 – View the full article