-
Content Count
212,105 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Abu Dubai (Caasimaddda Online) – Sida ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ay xaqiijiyeen, dhaxal-sugaha dalka Imaaraadka Carabta Maxamed Bin Zayed ayaa bilaabay dagaal culus oo uu la galayo Dhaxal Sugaha Dalka Sacuudiga Maxamed Bin Salman kadib markii uu Riyadh u arkay inay caqabad ku tahay saameynta wadankiisa ee Gobolka. Arrintaan ayaa waxaa soo shaac bixiyey Wargeyska New York Times oo sheegay in labada wadan sidoo kale uu ka dhaxeeyo Khilaaf dhanka Xuduuda ah oo keenay inay Imaaraadka dagaal dadban ku bilowdo Sacuudiga. Wargeyska ayaa sheegay in Maxamed Bin Zayed uu Mareykanka la sameesanayo xiriir guud isagoo taas u marayo muuqaal xumeynta Maxamed Bil Salman illaa uu ka gaarsiiyo inuusan si rasmi ah ugu fadhiisan kursiga Boqortooyada Sacuudiga. Ilo diblomaasiyadeed oo aad ugu dhow Maxamed Bin Zayed ayaa New York Times u sheegay inuu aad u dhibsanayey Sacuudiga tan iyo markii ay xiriir dhow la sameysteen Wakaaladda Sirdoonka Mareykanka ee CIA-da. Sidoo kale Bin Zayed ayaa la sheegay inuu Mareykanka u gudbiyey xog ku aadan in Maxamed Bin Salman uu ahaa ninkii amray dilka Warihii Sacuudiga ee Jamal kaasoo lagu dhex gowracay Safaaradda Sacuudiga ee Istanbul. Sirtaan uu faafiyey wargeyskaan ayaa laga yaabaa inay xiisad ka dhex dhaliso Dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka oo ku mideysan hal xulufo balse ay hadda soo baxeyso inay jirto cadowtooyo qarsoon oo aan la isku sheegeen. Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa iska kaashaday dhawr xasarad oo ka dhex dhacday Carabta dhexdeeda oo ay ugu waaweyneyd go’doomintii lagu sameeyey dalka Qatar iyo Dagaalkii tooska ahaa ee lagu qaaday Wadanka Yeman. Dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa lagu eedeeyaa inay dabadhilif u yihiin Dowladda Mareykanka isla markaasna ay sameeyaan wax kasta oo uu Mareykanka doonayo. Madaxweynaha Mareykanka Trump ayaa horey ugu jees jeesay Dowladda Sacuudiga isagoo sheegay inuu isaga ilaaliyo Boqortooyada la’aantiisna aysan hal asbuuc jiri karin taas badalkeedana laga rabo inay lacago siiso Mareykanka. Caasimada Online Xafiiska Abu Dubai caasimada@live.com
-
Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam ayaa waxa uu ka jawaabey eedeymo maamulkiisa dhowaanahaan uga imaanayey qaar kamida murashaxiinta doorashada fooda nagu soo haysa. Eedeymahaasi oo uu Axmed Madoobe ku tilmaamay “waxba kama jiraan” ayaa ahaa in Guddiga doorashadda uu isaga u xag-linayaa iyo in uu afduubanayo nidaamka soo xulista Xildhibaanadda cusub. “Murashaxiinta waxaa lagu yaqiinay in ay dhaliilaa maamulka, laakiin haddda iyagaa dhibaato abuuraya oo ay laamihii amniga ka cararayaan,” ayuu ku yiri khudbadiisa munaasabadda Ciidul Fidriga. Madaxtooyada ayaa ku eedeysan in ay maal-gelineyso olale daaqada looga saarayo Axmed Madoobe xili wasaarada arrimaha gudaha federaalka dhowaan soo saartay Habraac loo marayo doorashooyinka maamulada. Hogaamiyaha maamulka Kismaayo ee xafiiska jooga tan iyo 2013-kii oo si adag ka fal-celiyey gacma-gacmeynta xukuumada iyo bayaanka wasaaradda ayaa wuxuu si weyn uga digay in ay ka dhalato gacan ka hadal. Habraaca wasaaradda ayuu tibaaxay in loo baahnaa in la sameeyo kahor aas-aaskii dowlad goboleedyadda shanta ah ee waqti xaadirkaan waddanka ka jira. “Marka hore waxaa la lahaa muddo kororsi buu doonayaa oo dacayaad aheyd, haddana waxay leeyihiin guddiga baa si wax ka yihin. Doorashada nidaamka saxda ah iyo sida uu qabo dastuurka Jubbaland ay ku dhaceysaa. Guddi ayaa jira oo iyaga iyo aniga u dhaxeeya. Cid farogelin kartaa ma jirto, sidey shalay u soo qab-sadeenn reer Jubbaland ayey maantana u qabsanayaa,” ayuu xusay. – Weerarka madaxda dowladda federaalka – Mr Axmed Madoobe oo Kismaayo ka xoreeyay Al-Shabaab isaga oo garab ka helaya Kenya ayaa waxa uu mar kale doonayaa in dib loo doorto hasayeeshee waxaa ka biyo diidan madaxda dowlada oo murashax gaar ah wata. “Waxaan isku deynay in aan isku keeno oo wax badan la isla qaato. Macal-asaf-Shadiid! Hogaanka dowladda ee maanta jira waxaa uu madow kaga jiraa waxa waddankan kasoo dhacay iyo waxa loosoo maray,” ayuu shaaciyey Axmed Madoobe. Isaga oo hadalkiisa sii wata oo ku dhaleeceeyay madaxda ugu sareysa dowladda federaalka “falal aan ku jirin” Axdiga Qaran ee qabyadda ayaa waxaa uu ka digay in la isku dayo awood-adeegsasho. “Dowladda waxaan oran lahaa ha ilaaliso waxa heshiiska lagu yahay. Dastuurbaa lagu heshiiyey. Isagagaasi lagu kala aran-yahay. Madaxweynaha, Afhayeenka iyo Ra’iisul Wasaaraha isagey ku yimaadeen. Hadii kaasi la waayo Soomaaliya way is-garatay, nin-nin ka xoog badan ma jiro. Hadii dastuurka lagu dhaqmi waayo oo loo hogaan-sami waayo waxa dadka ka dhaxeeya, cidna-cid kale ma qasbi karto, ma xoog karto, Soomaaliduna dhaqankii xumaanta ayey ku noqoneysaa, taasina xal maaha, waa in Dastuurka lagu dhaqmo, loona hogaan-samo isagaasi,” ayuu hoosta ka xariiqay, isaga oo ay caro badan ka muuqato. – ‘Qaacidada Annaa Iri ee Villa Soomaaliya ma aqbalayo’ – Madaxweynaha Jubbaland oo sii hadlaya ayaa wuxuu ku eedeeyay madaxda dowlada federaalka “federaal diidnimo iyo kali-talisnimo” taasi oo uu si cad daaha uga rogay in uusan marnaba aqbali doonin. “Waxaan leeyahay madaxda dowladda dhexe, waddankaan boogog buu leeyahay ma bog-sanin, isku wadda buu u baahan yahay, sharci buu u baahan yahay, oo lagu ilaalin karaa ee laguma wada joogi karo ‘Anna iri”.. Qaacidada aan shalay Shabaabka ku diiday in maanta Villa Soomaaliya laga soo yeeriyo ma aqbalayo. Ha-qaateen sharciga ay meesha ku joogaan, hadey ku joogi waayaan sharciga, qof walba irid buu leeyahay isagaa loo baneynayaa oo maraya, aan ilaalino sharcigaan ku heshiinay ee yaalla,” ayuu ku nuux-nuuxsaday. Hogaamiyaha Jubbaland oo sii hadlaya ayaa waxaa uu “waxba kama jiraan iyo dhar la isku soo cabiray ku sifeeyay” dhamaan sharciyadda ay diyaarisay xukuumadda sida kan doorashooyinka iyo kheyraadka. “Boogagta wali ay bisil-yihiin. Waxaana dooneynaa in la bogsiiyo. Kaliya ma ahan Kismaayo oo tusaale idin kugu fulin tahay meelaha kale oo idil way kala siman yihiin,” ayuu raaciyey. Amniga oo uu ka digay in la siyaasadeedyo lana abuuro xasilooni daro baahsan ayuu carabka ku adkeeyay in uusan marnaba indhaha ka fiirsan doonin, wallow uusan shaacin talaabada uu qaadayo. “Murashaxiinta iyo ragga kale ee halkaan imaan doona wixii olale ah guddiga ayay u taalaan, waxa kalena waa laga gorgortami karaa, laakiin mas-aladda amniga gorgortan ma gelayso. Amniga waa dhaxalka aan ka tagayo. Dad wada nool oo walalo ah oo qof kasta sharciga la marsiiyo ayaan rabaa in aan ka tago. Kuwii shalay dhibta lagula gaarsiiyey ee dhabarkooda la saarnaa baa haatan socda, dowlada dhexe dhibaa naga soo gaarey, in aan ka gaabsanay oo heerkan ka keentay. Reer Jubbalanow nabad baa wax idin ah. Odayaasha iyaga ayay koreysaa mas’uuliyadda ugu badan isu imaada oo heshiiya,” ayuu kusoo xiray hadalkiisa madaxweyne Axmed Madoobe. Hadaladaan fariimaha culus xambaarsan ee kasoo yeeray hogaamiyaha Jubbaland ayaa imaanaya iyadda oo dowladda federaalka ah ay wado dedaaladii ugu dambeeyay ee ay ugu dhaqaalo uruur-saneyso in ay ka taqalusto Axmed Madoobe iyo Xaafka Galmudug. Hoos ka daawo Axmed Madoobe Xigasho: Garowe Online
-
Dowladda Puntland ayaa nawaaxiga tuulada Sinujiif ee gobolka Nugaal ka bilowday dadaal dib loogu furayo isu’socodka gaadiidka magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso oo hakad ku jiray tan iyo markii ay go’day wadadaasi. Hawlaha dib u furista wadada ayaa xalay ka bilowday dooxada Midigar ee degaanka Sinujiif halkaasi oo uu ka go’ay laamiga kadib daadad xooggan oo ay ku fataheen roobab mahiiggaana oo gobolka ka da’ay maalmihii la soo dhaafay. Qorshan ayaa sida la sheegay lagu doonayaa in lagu furo isu’socodka gaadiidka laamiga dheer ee magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso oo mudda xanniban ka hor la bilaabin dib u-hagaajinta iyo dhismaha wadada oo halbowle u ah isku’ xirka degaannada Puntland iyo guud ahaan dalka. PUNTLAND POST The post Dadaal dib loogu furayo isu’socodka wadada laamiga oo ka bilowday degaanka Sinujiif appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Midowga Yurub ayaa xayiraadda ka qaaday taageeradii uu siin jiray maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, islamarkaana ogolaaday in dib loo billaabo. Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa taageerada laga joojiyey bishii December ee sanadkii tagay kadib rabshado ka dhacay magaalada Baydhaba intii lagu guda jiray doorashada maamulkaas, taasi oo ka dambeysay markii la xiray Mukhtaar Roobow Abu Mansuur oo ka mid ahaa murashaxiinta. Booliska Koonfur Galbeed ayaa waxaa lagu eedeeyey waqtigaas inay ka qeyb galeen rabshadaha oo ay ku dhinteen dad badan oo u badnaa taageerayaasha Roobow. Warqad kasoo baxday Midowga Yurub oo ku taariikheysan 31-ka May oo ay heshay Caasimada Online ayaa lagu sheegay in go’aanka xayiraadda looga qaaday Koonfur Galbeed ay ka dambeysay ballan-qaadyo ay sameeyeen maamulka iyo dowladda federaalka oo Midowga Yurub warqad u qortay bishii Febraayo. Lama sheegin waxa ay yihiin balla-qaadyadaas. Warqadda kasoo baxday Midowga Yurub ayaa waxaa ku saxiixnaa wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya iyo safiirada dalalka Jarmalka iyo UK ee Soomaaliya. Hoos ka aqriso warqadda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Ciid Mubaarak Dhamaan Madaxda Shirkadaha TransferGalaxy , waxay hambalyo iyo bogadin u dirayaan dhammaanba ummadaha Islaamk iyo dhamaan macaamiisha qaaliga ah ee ku xidhan shirkadda, bahda saxaafadda iyo dhammaanba umada somaliyeed meelkasta oo ay jogaan waxaanu leenahy ciid wanaagsan Insha Allahu in Ciidan Ciideeda ku gaadhan barwaaqo, nabad-gelyo, caafimaad qab iyo cibaado suuban. Ilaahayna (SWT) ha innaga aqbalo Acmaashii Saalixa ahayd ee aan soo gudanay Bisha Barakaysan ee Ramadaan. Aamin aamin amin Best Regards, Mustafa Ibrahim CCO Qaran News
-
Qaran News
-
PRESS RELEASE Spokesman’s reaction to escalation of Sudan crisis Mousavi underlined the need to address people”s demands and the importance of a quick transition of power to civilians TEHRAN, Islamic Republic of Iran, June 4, 2019/ — Foreign Ministry Spokesman Seyyed Abbas Mousavi has expressed deep concern over the re-escalation of tensions and deepening of internal conflicts in Sudan and condoled with the families of the victims of the recent clashes over the past days. In a statement on Tuesday, Mousavi underlined the need to address people”s demands and the importance of a quick transition of power to civilians. “It is imperative that all parties involved in this crisis refrain from taking accusatory approaches and deepening the internal hatred and lack of trust between various groups, and help end the crisis through adopting political and democratic approaches that promote dialogue between groups,” he said. The spokesman also urged Sudanese people to remain vigilant against the interference of parties who have a long record of instigating violence and extremism and nurturing and promoting terrorism in Sudan”s internal affairs. Mousavi warned against the interference of foreign powers which can prolong the crisis, and said, “We are deeply worried about the power clashes in this country and Sudan”s conversion into a battlefield for foreign axes.” “We hope all internal parties of Sudan, on the eve of the great Eid of Muslims and on the basis of respecting the people”s demand, end the conflicts and move towards returning internal stability and security to the Sudanese people.” Distributed by APO Group on behalf of Ministry of Foreign Affairs – Islamic Republic of Iran. SOURCE Ministry of Foreign Affairs – Islamic Republic of Iran Qaran News
-
Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa warqad ay 21-kii May u dirtay dowladda Soomaaliya ku hanjabtay inay awood ciidan u adeegsan doonto muwaadiniin Soomaaliyeed oo ay sheegtay inay burburin ama is-hortaag ku hayaan darbiga ay ka dhiseyso xuduudda Soomaaliya. “Arbushaad kasta oo sii socota oo ka dhan ah shaqaalaha Kenya, waxaa loogu jawaabi doonaa awood ciidan” ayaa lagu yiri warqadda oo ay saxiixday wasaaradda arrimaha dibedda Kenya, islamarkaana safaaraddeeda Muqdisho ay u gudbisay wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya 25-kii May. Warqaddan oo uu arkay wargeyska The Standard ee kasoo baxa Nairobi, ayaa ku eedeysay Soomaaliya “inay si joogto” isu hortaageyso dhismaha darbiga, ayada oo adeegsaneysa haween iyo caruur dhibaato ku haya ciidamada ammaanka Kenya iyo shaqaalaha darbiga dhisaya. “Kenya waxay qiimeyneysaa khasaaraha waxyeelada ay sababeen muwaadiniinta Soomaaliyeed ayada oo dalban doonta magdhow” ayaa lagu yiri warqadda oo ka koobneyd laba bog. Kenya ayaa ku eedeysay dowladda Soomaaliya inaysan uga abaal-celin sama-falkii ay sameysay. “Markii Kenya ay hakisay dhismaha darbiga muddo laba toddobaad ah, sanadii 2017, waxay muujisay dulqaad, wanaag, saaxiibnimo iyo deris wanaag” ayaa lagu yiri warqadda. “Sidaas darteed, Kenya waxa ay rajeeneysaa in Soomaaliya ay ku jawaabto ayada oo qaadeysa tallaabooyin lagu xaqiijinayo in amniga xuduudda Kenya aysan is-hortaagin muwaadiniinta Soomaaliyeed” ayaa lagu qoray warqadda. Dowladda Soomaaliya ayaa beenisay inay caqabad ku tahay dadaallada Kenya ay ku sugayso amniga xuduuddeeda. “Dowladda Soomaaliya waxay si qayaxan u diidaysaa eedeymaha ah inay ku lug leedahaa waxa lagu qeexay warqadda dowladda Kenya” ayaa lagu yiri warqad jawaab ah oo ay dowladda Soomaaliya u dirtay Kenya “Sidoo kale, dowladda Soomaaliya kama war-hayso, mana hayso wax caddeymo ah oo muujinaya in muwaadiniinteeda ay waxyeelo u gaysteen xeendaabka Kenya ay dhiseyso. Haddii Kenya ay rajeeneyso inay caddeymo usoo gudbiso Soomaaliya, Soomaaliya waxay ku faraxsan tahay inay sida ugu habboon uga fakarto” ayey tiri Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya ayaa soo jeedisay dhismaha guddi farsamo oo labada dal ka kooban oo xal u hela khilaafka labada dhinac. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
The African Union senior envoy in Somalia on Tuesday called for unity and forgiveness as Muslims in the Horn of Africa complete the holy month of Ramadan. Francisco Madeira, special representative of the Chairperson of the African Union Commission for Somalia and head of African Union Mission in Somalia (AMISOM) also lauded security forces for beefing up security in the capital, Mogadishu, and other parts of the country and ensuring a peaceful Ramadan. “The holy month of Ramadan is a time to reflect on the teachings of Islam and reinforce the virtues of sharing and self-sacrifice. As we come to an end of Ramadan, let us use this opportunity to renew our commitment to a peaceful and prosperous Somalia and to remind ourselves of the responsibility that we have to one another and to the Almighty,” Madeira said in a statement issued in Mogadishu. The AU envoy reiterated AMISOM’s commitment to continue working with the Somali leadership to ensure a peaceful transition and in helping the country move forward in the direction of peace, unity and stability. Somali security forces backed by AMISOM chased al-Shabab militants from the capital in August 2011, but the militants are still able to stage attacks targeting government installations, hotels, restaurants and public places. View the full article
-
The African Union Mission in Somalia has sent messages of goodwill to Muslims as they celebrate Id-Ul-Fitr Wednesday. Francisco Madeira, head of AMISOM on Tuesday extended his warm and best wishes to the government and the people of Somalia on the occasion of Eid al-Fitr. Madeira congratulated Muslims in Somalia upon completion of the holy month of Ramadan. “The holy month of Ramadan is a time to reflect on the teachings of Islam and reinforce the virtues of sharing and self-sacrifice. Head of AU mission expressed hope that as troops mark the day in solidarity with their Muslim brothers and sisters “As we come to an end of Ramadan, let us use this opportunity to renew our commitment to a peaceful and prosperous Somalia and to remind ourselves of the responsibility that we have to one another and to the Almighty,” said Ambassador Madeira. He congratulates the Somali security forces for beefing up security in the capital, Mogadishu, and other parts of the country and ensuring a peaceful Ramadan. Madeira reiterated AMISOM’s commitment to continue working with the Somali leadership to ensure a peaceful transition and in helping the country move forward in the direction of peace, unity, and stability. View the full article
-
A section of Garissa leaders wants the maritime boundary row between Kenya and Somalia resolved diplomatically. The leaders, among them county assembly Majority leader Mohamed Gabow, Kenya Livestock Marketing Council chair Dubat Amey and Garissa county peace secretary Hassan Osman, said separately on Monday that the case at the International Criminal Justice court should be withdrawn to pave the way for negotiations. The case at The Hague is over the boundary in the Indian Ocean. For Kenya, the boundary lies parallel to the line of latitude but Somalia wants the boundary extended to the southeast as an extension of the land border. In 2009, both countries agreed that the United Nations commission in charge of mediating border disputes should determine the borderline, the issue has ended up at the ICJ. Gabow said Kenya and Somalia have had a long-standing relationship even after Somalia degenerated into civil war following the ouster of Siad Barre as president. “Kenya who stood with Somalia to the extent of hosting over one million refugees for over two decades. The border dispute that can be resolved amicably should not be allowed to bring bad blood between the two countries,” Gabow said. He said there is growing tension between the citizens of the two countries especially in Northeastern which directly borders war-torn Somalia. Amey urged President Uhuru Kenyatta and his Somalia counterpart Mohamed Farmajo to initiate talks and have the matter resolved to foster good relations. “If we allow the ICJ to resolve the matter, it would most likely escalate the matter and may even result in war with both countries bound to incur heavy losses,” Amey said. He added, “I can see the hand of foreign influence in this matter because of the rich oil and gas that they want to exploit in the Somali coastline.” Osman said residents were keenly following the matter and hoped that reason will prevail. Source: The-star.co.ke
-
Somali President Mohamed Abdullahi Farmajo has performed on Tuesday the prayer of Eid al-Fitr at a military base in the capital, Mogadishu. The Eid prayer at Isbahaysiga mosque was attended by the Somali parliament speaker, Mohamed Mursal and other government officials. After the Eid prayer, the speaker congratulated the Somali citizens on the event of Eid al-Fitr and urged to the Almighty Allah to give the country reconciliation, unity, and stability. Somali people across the country are celebrating the Eid al-Fitr holiday after 29 days of fasting. The holiday is celebrated with prayers, small gifts for children and the distribution of meat to the poor. View the full article
-
The relationship between Kenya and Somalia continued to deteriorate even as a verdict on the maritime boundary dispute between the two neighbours draws nearer. In a diplomatic letter sent to Somalia on May 21, Kenya threatened to use force if Somali citizens continued to obstruct or destroy the fence it is building along the two countries’ border. “Any continued obstruction or destruction of the fence shall be responded to forcefully,” stated the letter signed by Kenya’s foreign ministry and delivered by Kenya’s mission in Mogadishu to Somalia’s ministry of foreign affairs on May 25. Construction teams In the letter, Kenya accuses Somalia of “continuously” obstructing the construction of the fence and using women and children to cause harm to security personnel and construction teams. “Kenya is assessing the cost of damage caused by Somali citizens with a view of demanding compensation,” stated the two-page letter seen by The Standard. In the letter, Kenya accuses Somalia of not reciprocating its goodwill. “When Kenya suspended the construction of the fence for two weeks in 2017, it exhibited the highest level of patience, good faith, friendship and good neighbourliness. “It is Kenya’s expectation that Somalia will reciprocate by taking appropriate action to ensure that Kenya’s border security is not obstructed or in any way inhibited by the actions of its citizens,” stated the letter. Kenya, however, said it was ready and committed to undertaking what it described as “a boundary reaffirmation exercise” at the earliest opportunity as long as the matter was communicated through proper diplomatic channels. Somalia has, however, denied that it is frustrating Kenya’s efforts to secure its border. “The government of Somalia categorically rejects the allegation that it is in any way involved in the alleged conduct described in the aforementioned Note Verbale,” said Somalia in response to Kenya’s letter. “The government of Somalia is, moreover, not aware of any and does not have any evidence of any damage caused by its citizens to the wall/fence. Should the Government of Kenya wish to share relevant information with the government of Somalia, the latter would be happy to give it appropriate consideration,” wrote Somalia. Somalia proposed the formation of a technical and legal working group to iron out any differences between the two countries. On the maritime border dispute that is currently pending before the International Court of Justice (ICJ), Somalia said it would respect Kenya’s borders and expected the same from Kenya. “The government of Somalia assures the Government of Kenya of its respect for the territorial integrity of the Republic of Kenya and trusts that the Government of Kenya equally respects the territorial integrity of the Federal Republic of Somalia,” wrote Somalia in a letter dated May 29. Between the lines, the letters spoke volumes of a diplomatic tussle between the two neighbours. The Kenyan government has since ordered planes originating from Somalia to first land in Wajir. On May 28, Kenya also banned unaccompanied luggage on planes from Somalia. Kenya is also said to have drawn a list of 66 Somalia officials banned from entering the country. The secret list, whose existence The Standard learnt of from a source who didn’t want to be named, contains the names of a Somali Cabinet minister, a former prime minister, a member of parliament, the deputy head of Somalia’s intelligence agency and the owners of a telecommunication firm. Kenyan nationals of Somali origin, some of whom are from the same clan as that of President Mohamed Abdullahi Mohamed Farmajo are also included in the list. More restrictions A source at Somalia’s presidency told The Standard on condition of anonymity that Mogadishu is bracing itself for more restrictions by Kenya against its officials and business people ahead of the ICJ’s verdict. Somalia’s Foreign Minister Ahmed Isse Awad, however, told The Standard that Mogandishu was not ready to escalate the diplomatic tiff. “We’re not interested in a tit-for-tat. We’re interested in having a good relationship with Kenya,” he said. Awad laughed off reports that Kenya was aligning itself with Somalia’s regional administrations, particularly with the northern-western Somaliland region. “It is the Somali government that gave Kenya the permission to set up a consulate in Hargeisa,” he said, referring to the region’s capital. “Kenya has also allowed us to open a consulate in Mombasa if we want to,” he said. The ICJ’s final decision on the maritime boundary row between Kenya and Somalia is expected next year. Should Kenya lose the case, it will lose about 100 square kilometres of waters rich with natural resources. Source: The Standard
-
Eid Mubaarak Jun 4, 2019 Eid MubarakShawal 1,1440 It’s that time of the year when we celebrate Eid-al-fitr after the end of Ramadan—-a month of of fasting for the worshipers closer to Allah—our protector and sustainer—-with a day of joyous prayer, feast and celebration with family members and friends. As we reflect, what we have accomplished during the month of Ramadan—-fasting, long nights of sleep deprivation and prayers and giving away to charities and house of worships, but we should thank to Allah for giving us another chance to be those who follow to his commands and guidance, to be closer to him. Eid-Al-fitra is also a time for forgiveness. Please reach out to your relatives and friends, especially those who you are holding a grudge against and renew your relationship with them. How should we expect Allah to accept our repentance if you are still having hard feelings or grudges towards one another. May Allah, the merciful, forgive our sins and and accept our Ramadan. Because we’re only human beings, we’re not angels. Our deeds alone are not enough to get a pass to Paradise. May this Eid bring peace, happiness, satisfaction and prosperity to all of us, especially those who are living in our homeland. Lately, the Somaliland people are suffering because of economic hardship due to run away inflation, greedy merchants who are gauging prices even during the holiest days of Islamic calendar, and a government that lacks regulations to crack down on these unscrupulous merchants. Please accept my warmest greetings to you and your family on the occasion of Eid-Al-Fitr. May Allah accept our good deeds and hard work during the month of Ramadan. May Allah shower you and your families with his blessings. Ameen Thanks, Ali-Guban Lewis Center, Ohio Qaran News
-
Nairobi (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegaya in dowladda Kenya ay dalkaasi ka mamnuuceysa Soomaali badan oo Siyaasiyiin ay ku jiraan. Liis Sir ah oo ay shaaciyeen warbaahinta dalka Kenya ayaa waxaa ku jiray masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya kuwaasi oo la sheegay in laga mamnuucaysa inay tagaan dalka Kenya. Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in siyaasiyiintaasi ay gaarayaan ku dhawaad 66 xubnood, waxaana la sheegayaa in dhamaantood laga mamnuucayo inay gudaha Kenya tagaan. Arintaan ayaa qeyb ka ah cadaadiska dowladda Soomaaliya ay kala kulmeyso dowladda Kenya, kaasi oo xoogeystay maalmihii ugu dambeeyay. Siyaasiyiinta ayaa sida liiska la arkay ku xusan waxaa ku jira ra’iisul wasaare, wasiir ka tirsan xukuumadda Soomaaliya, milkiilayaal isgaarsiin iyo xubno hore. Laakiin wargeysyada dalka Kenya ma aysan shaacin magacyada iyo goorta la mamnuucayo siyaasiyiinta, walow ay soo bandhigeen inay gaarayaan ku dhawad 66 xubnood oo siyaasiyiin Soomaali ah. Kenya ayaa dooneysa in dowladda Soomaaliya ay ka laabato kiiska dacwadda dhanka badda ah oo dhamaadka sanadkaan la filayo in maxkamadda ICJ go’aan ka gaarto. La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, ayaa kulan deg deg ah iskuugu yeeray madaxda dowlad goboleedyada, kadib qoraal kasoo baxay xafiiska Xaaf. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in madaxweyne Xaaf uu doonayo inuu iskuugu yeero dhamaan madaxda maamulada, si ay kaga wada hadlaan xaalada dalka, sida qoraalka lagu sheegay. Qoraalka kasoo baxay xafiiska madaxweyne Xaaf, ayaa lagu sheegay in dowladda dhexe ay ku fashilantay dhamaan waxyaabaha loo igmaday, sida lagu sheegay qoraalka. Sidoo kale qoraalka ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka gaabisay dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab, taasi badalkeedana ay ku mashquushay duminta maamulada. Kulankaan ayaa ka dhici doona Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug, waxaana sidoo kale beesha Caalamka ay ugu baaqday in ay il gaar ah ku heyso Xaaladda Soomaaliya. Maamulka Galmudug ayaa eedeyn adag u jeediyay dowladda dhexe ee Soomaaliya, waxaana ay sheegeen in ay duulaan kusoo qaadeen maamulka Galmudug ayna ka jarteen dhaqaalihii loogu tala galay. Galmudug iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya ayaa waxaa ka dhaxeeya Khilaaf xooggan oo sababay in ay xiriirka u jaraan dowladda dhexe ee Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Galmudug Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa salaadda ciidda kula tukaday cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka Masjidka Dugsiga Tababarka ee Jeneraal Goordan. Salaaddii ciidda kaddib, Madaxweynaha ayaa goob fagaare ah kula hadlay Ciidanka waxa uuna ugu hambalyeeyey munaasabadda Ciidul Fidriga, isagoona xasuusiyey muhiimadda uu ciidanku u leeyahay dib u soo noolaynta dawladnimada Soomaaliya. “Qof kast oo ku biira ciidanka waxa uu naftiisa u huray dalkiisa iyo dadkiisa, waana sharaf iyo waddaniyad tan ugu sarreysa. Waxaad raadineysaan waa inaad soo celisaan dalkeenna haybadiisa iyo sharafkiisa.” Ayuu yiri Madaxweynaha. Madaxweynaha ayaa sheegay in dhallinyaradan u istaagay difaaca dalkooda ay ka tarjumayso rajada weyn ee aynu ka qabno dib u soo celinta qaran Soomaaliyeed oo ka tilmaaman Gobolka iyo Caalamkaba. Dhankooda, geesiyaasha uu Madaxweynuhu la ciiday ayaa muujiyey dareenkooda ku aaddan in hoggaanka dalku ay la qaybsadaan farxadda ciidda, waxa ayna la wadaageen erayo ay ku muujinayaan sida ay uga go’an tahay difaaca dalka iyo xaqiijinta amniga. Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Gaas Daahir Aadan Cilmi ayaa isagana Madaxweynaha la wadaagay dadaallada ballaaran ee ku aaddan dhismaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo tayeyntooda. Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Mudane Mahadi Maxamed Guuleed, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Gaas Daahir Aadan Cilmi iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac ayaa ka mid ahaa masuuliyiinta la socotay Madaxweynaha ee farxadda Ciiddul Fidriga la qeybsaday cutubyadan ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Guddoomiyaha gobolka Nugaal, Cabdisalaan Xassan Xirsi (Gu’jir) oo kamid ahaa, mas’uuliyiintii dowladda ee salaadda Ciidda shacabka Garoowe kula tukaday garoonka Mire Awaare, ayaa sheegay in dowladda Puntland ay bilowday, gurmad xooggan oo lagu dhisayo meelaha uu ka go’ay laamiga xiriiriya Garoowe iyo Boosaaso. Mudane Gu’jir ayaa sheegay in burbur xooggani gaaray, waddada laamiga ah ee isku xirta magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso, oo halbowle u ah isu-socodka gaadiidka ee degaannada Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya, isagoo intaasi raaciyay in dowladda Puntland ay markiiba magacowday guddi hawshaasi ka shaqeeya haatanna gacanta lagu hayo. Guddoomiyaha ayaa shacabka Puntland ee gudaha iyo debadda jooga ugu baaqay, in ay dowladda kala qeyb-qaataan dib u-dayac-tirka iyo dhismaha laamiga oo sida uu sheegay ilaa 80km in ka badan ay boholo noqdeen. PUNTLAND POST The post Guddoomiyaha gobolka Nugaal oo sheegay in uu socdo gurmad lagu dayac-tirayo laamiga Garoowe iyo Boosaaso appeared first on Puntland Post.
-
Kooxda ku hubeysnaa Bastoolado ayaa Ex-control Afgooye qeybta Garasbaaley waxa ay ku dileen nin ka tirsanaa Ergadii soo xushay Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Somaliya. Dilalkan oo dhacay ayaa si gaar ah uga dhacay ka soo horjeedka xarunta Taliska Asluubta, halkaasi oo loo yaqaano xaafada Maslax. Ninkan la dilay oo magaciisa lagu soo koobay Maxamed Gaabow ayaa ka mid ahaa Ergadii Xildhibaanada ku soo dooratay Magaalada Baydhabo oo uu ku shaqeeyo Maamulka Koonfur Galbeed. Goobjoogayaal ayaa xaqiijiyay Kooxaha dilaka ayaa si nabad ahna meesha dilka ay ka gaysteen uga baxsadeen. Goobtii uu dilka waxaa mar dambe waxaa soo gaaray ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Somaliya, kuwaasi oo sameyay hawlgalo aanan la sheegin cida ay ku soo qabteen. Kooxaha dilaka qorsheysan ka qeysta ayaa kordhiyay weeradooda intii lagu guda jiray bisha Ramadaan ayadoo magalaada Muqdisho iyo duleedkeeda lagu dilay dhowr Erko. Goobjoog News Source: goobjoog.com