-
Content Count
212,105 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Duqa caasimadda Garoowe Axmed Siciid Muuse, ayaa markii u horraysay, si faahfaahsan u soo bandhigay, dakhliga soo gala iyo kharashaadka ka baxa degmada Garoowe. Warbixinta dakhliga iyo Kharashaadka degmada, oo lagu soo bandhigay Shax ka kooban 2 bog, ayaa muujinaysa in aan shilin ka soo xaroon, lacagtii Curaarta caasimadda ee ay bixin jirtay dowladda Puntland. Iyadoo filashada dakhliga curraarta degmada ay qorneyd 24,630,000,000SH ayaa cel-celiska Shaxda lagu muujiyay 0.00% oo u dhiganta in aan shilin ka soo xaroon curraartii ay caasimadda siin jirtay dowladda Puntland. Sidoo kale, mashruucyada JPLG iyo Somali Urban Resilence Project ayaan midna wax dakhliya ka soo xaroon, sida ka muuqata shaxda soo bandhigista dakhliga degmada Garoowe. Halkaan hoose ka eeg shaxda dakhliga iyo kharashaadka degmada PUNTLAND POST The post Dowladda Puntland oo curraartii ka jartay caasimadda Garoowe appeared first on Puntland Post.
-
Go’aankii Kenya ee dhawaan ay dal ku-galka ugu diiday Saraakiisha Soomaaliya iyo in xannibaado dheeraad ah ay ku soo rogtay dadka Soomaalida ah, waxaa ka dhalan kara in ay dib u soo ifbaxaan dhaawacyo bogsaday oo ku saabsan kala shakiga u dhaxeeya Nairobi iyo Mogadisho. Taariikhda labada dal ee dariska ah ee imika ku muransan badda ayaa sii huriyay khaladaad siyaasadeed iyo mid militari, taasi oo sii murjinaysa kala shakigii u dhaxeeyay labada shacab. Iyada oo ay Kenya xaq u leedahay in ay meelmariso siyaasad kasta oo ay u aragto in ay lagama maarmaan u tahay siyaasaddeeda arrimaha dibadda, hadana tallaabooyiinkii ay ku bartilmaameedsanaysay Soomaaliya, sida in diyaaradaha Muqdisho ay ku hakadaan Wajeer iyo saraakiisha Soomaaliya ee loo diiday dal ku galka, waa mid muujinaysa inay ahayd fal-celin aan laga fikirin oo ahayd in Somaaliya ay diiday in ay kiiska kala so laabato maxkamada ICJ. Go’aankii Soomaaliya ee ahaa in ay maxkamadda geyso kiis ka dhan ah Kenya ayaa tijaabo u ahaa xiriirka Nairobi iyo Mogadishu. Baaxadda arrintan ayaa u dhiganto dhaqdhaqaaqyadii mucaaradka ee 1960-maadkii ee degmooyiinkii la isku oran jiray NFD oo xilligaa doonayay in ay Soomaaliya ku biiraan. Kenya ayaa kacdoonkaas uga jawaabtay si arxan daro iyo xoog ah taasi oo saamayntii ka dhalatay, illaa iyo imika gobolka laga dareemayo. Balse waxyaabihii shaqeeyay qarnigii 19aad ma shaqayn karo qarniga 21aad. Daacadnimada Kenya waa dal laga xushmeeyo caalamka taasi oo ah furfurnaanta siyaasadda iyo soo dhawaynta. Waxay Kenya marti galisay qaxooti Soomaali ah oo labo ka mid ah markii dambe ay caan ka noqdeen reer Galbedka. Mid ka mid ah waa xubin ku tirsan Congreska Mareykanka halka midna uu wasiir ka yahay Canada. Kenya waxyaabo badan oo ay ku faanto ayaa maanta jira mana aha in taako dhulkeeda ka mid ah ay dal kale siiso. Dal walba masuuliyad ayaa ka saaran in uu difaaco madaxbanaanidiisa dhul oo ay ka mid tahay badda waxay doonto ha ku qaadatee. Marka ay Kenya aqbashay in doodeeda kiiska badda ay ka hor jeediso maxakamada ICJ, waxay gudanaysay waajib qaran, si la mid ah kiis walba, go’aankana dhan kasta wuu u dhici karaa. Qareennada Kenya waxay qabteen shaqo adag taasi oo ka dhan ah dadka ku andacoonaya in waxqabadkoodu hooseeyay. Goobta ay ku yaallan biyaha lagu muransan yahay iyo maxkamadda oo qaaday kiisas kuwan la mid ah, Meesha biyaha ee la isku haysto waa su’aal, maxkamaddana waxay gacanta ku haysaa kiisas la mid ah taas oo ah waxa lagu dagay kooxdii difaaceysay Kenya. Sidaasi daraadeed Kenya waa in ay u dhaqantaa si masuuliyad ay ku jirto haddii ay kiiska ku guuldareysato, Soomaaliya waxay waligeed daris la ahaan doontaa Kenya. Xannibaadaha dhanka safarka Waa mid aan la qaadan Karin in dal la qadariyo, sida Kenya oo kale ay caradeeda kula dul dhacdo sarakiil, dad ganacsato ah iyo dad iska caadi ah, iyadoo sabab uga dhigayso in ay taageeraan dowladda Muqdisho ee diiday in muranka badda lagu xaliyo meel ka baxasan maxkamadda. Dhammaan tallaabooyiinka iyo go’aannada ay Kenya qaadanayso, xilligan ay careysan yihiin, waa inay ku saleysnaadaan xushmadda loo hayo Kenya, caalamkana si dhaw ayuu u daawanayaa. Xannibaado dhanka safarka ah waa in aan lala eegan saraakiisha Soomaaliya ee Nairobi uga qayb galaya shirarka caalamiga ah. Waxay Kenya samaysay bishii aanu soo dhaafnay ee ahaa in ay dal ku-galka u diiday saraakiisha Soomaliya waxa uu ahaa gool ay Kenya iska dhalisay. Kenya waxay hoy u tahay xarunta kali ah ee ay Qaramada Midoobey ku leedahay Afrika. Ururada caalamiga ah ayaa Nairobi ka doortay magaalooyiinka kale ee gobolka, sababtana mana aha in meelaha kale ay boos ka waayeen, balse sababtu waxay tahay in dalka Kenya uu yahay dal soo dhaweeyay ajaaniibta. Hab dhaqanka Kenya ayaa halis galin kara sumcaddii soo dhaweynta ee ay lahayd. In Kenya ay si wadar ah u ciqaabto Soomaalida ma noqonayso mid ay saaxibo badan ku kasbato, gaar ahaan, marka ay timaado caawinta ay soomaaliya uga baahan tahay ee ah in xididdada loo siibo Al-Shabaab. Suurtagalnimada Madaxwayne Maxamed Cabdulahi Farmaajo oo uu Kenya khilaafka kala dhaxeeyo ma aha imika mid shacbiyad ku haysata gudaha Soomaaliya, sababtoo ah ballamo uu qaaday oo aan la fulin, tallaaboyiinka Kenya ayaana Farmaajo ka dhigi kara Halyeey qaran. Haddii ay Soomaaliya ku guulaysato kiiska maxakamada ICJ islamarkaana madaxwayne Farmaajo dib loo doorto 2021, uuna muranka sii socdo, waxa laga yaabaa in ay isku daydo in ay dib u soo cusboonaysiiso falalkii ay kula kacday muwaadiniinteeda. Siyaasadda arrimaha dibadda ee Kenya ee ku wajahan Soomaaliya waa in ay eegtaa mel ka fog go’aanka ICJ, ayna ka fikirtaa sidii nabad loogu wada noolaan laha. W/Q: Prof. Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Waxgarad Soomaaliyeed ayaa ku baaqay in la joojiyo dagaal beeleedyo kasoo cusboonaaday deegaanno ka mid ah gobolka Galgaduud, kaa oo u dhaxeeya beello walaalo ah. Waxay sheegeen waxgaradkan in wax laga xumaado ay tahay dagaalladii dhacay, balse loo baahan yahay xilligan in wixii dhacay laga gaaro si aanay dhibaato kale u dhicin. Sidoo kale, waxgaradkan baaqa jeediyey ayaa sheegay sidoo kale in looga baahan yahay culimada iyo waxgaradka ku sugan nawaaxiga halka lagu dagaallamay iney nabadda ka shaqeeyaan oo beelahaas heshiisiiyaan. Maleeshiyaad u abaabulan qaab beeleed ayaa ku dagaallamay deegaanka Bulacley ee gobolka Galgaduud iyo deegaanno kale oo ku dhow deegaankaasi. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/06/Odyaasha-Baaq-Nabadded-Mo-Slaaad.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dhawaan dawladda Kenya waxa ay si dadban dib ugu soo cusboonaysiiyey dabacyadeedii siyaasadeed iyo dhul ee ku aaddanaa Soomaaliya oo ay wadaagaan xudduud dheer oo bad iyo birriba leh, balse aan ku dhidbanayn soodin sharci oo labo waddan heshiis ku yihiin, marka laga reebo xariijimayntii gumeystaha Ingiriiska, taasoo badanka waddama Afrika ay la wadaagaan. Kenya, ayaa bilihii la soo dhaafay qaadday tallaabooyin isku xiga oo wax dhimaan ku ah dariiqyada duullamaasiyadeed, siyaasad iyo daris wadaagidba, kadib markii ay burisay heshiisyo dhawr ah oo kala dhaxeeyey Soomaaliya, kuwaasi oo taabanayey socdaalka dadyowga labada dal, ganacsiga, iyo darisnimadaba iyo arrimo kale. Tallaabooyinkaasi ay ka qaadatay Kenya dalka iyo dawladda Soomaaliya ayaa imaanaya iyadoo maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda ee ICJ uu horyaallo kiis loogu daco-qaadayo Soomaaliya iyo Kenya, kadib markii dawladda Kenya ay sheegatay qaybo ka mid ah biyo badeedka Soomaaliya. Haddaba Dawladda Kenya tallaabooyinkeeda cusub ee ay wax uga baddeshay heshiisyadii isku socodka ee labada dal, isku furnaantii ganacsi iyo middii duullamaasiyadeedba maxay uga golleedahay? Maxaase ka dhaxeeya arrimahaan iyo murankii badeed? Su’aalahaasi iyo kuwo kaleba ayaa idaacadda Daljir waxay weydiisay Axmed Sheekh Maxamuud oo ah xeeldheere muddo badan ka shaqaynayey arrimaha duullamaasiyadeed ee Soomaaliya, kana soo shaqeeyey waddamo ay ka mid yihiin Kenya, USA iyo Sweden, siiba wixii ka horreeyey 1980-kii, Sidoo kalena gudaha dalka ka soo shaqeeyey, siiba wasaaradihii arrimaha dibedda iyo waxbarashada ee dawladdii Kacaanka ahayd ee Soomaaliya. Hoos ka dhageyso wareysiga https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/06/Wareysi-Duullamaasi-Axmed-Sh-Maxamuud-03-June-2019.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – 58 ka mid ah saraakiisha Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya ayaa isaga baxay dalka kadib markii ay dhameysteen howlihii ay u hayeen AMISOM. Saraakiishan ayaa waxa ay inta badan ka shaqeynayeen xarumaha ugu waaweyn ee AMISOM ku leedahay Soomaaliya. Tigabu Yilma oo ah Taliyaha Ciidanka AMISOM ee Soomaliya, kana soo jeeda dalka Itoobiya, ayaa billado guddoonsiiyay saraakiisha AMISOM ka tirsan ee ka baxay Dalka. Isaga oo la hadlayay saraakiisha ayuu yiri “dadaalkiinna waxaa uu horseeday in dadka iyo dowladda Soomaaliyeed ay nabad ku naalloodaan, Muqdisho kaliya maahee xitaa qeybo ka mid ah goboollada.” Intii ay munaasibaddaasi socotay ayaa waxaa taliyaha lagu wareejiyay Koob ay ku guuleysteen saraakiishan oo qaaday tartan Kubadda Gacanta ah oo ay qaban qaabisay AMISOM. Taliyayaasha AMISOM ayaa u mahadceliyay saraakiisha kala duwan ee ka baxay Soomaaliya, waxaana ay ugu hambalyeeyeen sida ay “ugu guuleysteen howshoodii Soomaaliya ee dhamaatay.” Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Washington (Caasimada Online) – La-taliyaha sare ee Aqalka Cad ee Mareykanka ahna wiilka qaba gabadha madaxweyne Donald Trump, Jared Kushner ayaa aflgaadeeyey Falastiiniyiinta, isaga oo sheegay inuu rumeysan yahay inay yihiin dad aan is-maamuli karin. Kushner ayaa ah ninka hoggaaminaya qorshaha Trump ee loogu magac daray ‘Heshiiska qarniga’ kaasi oo magaalada barakaysan ee Qudus loogu gacan gelinayo Yahuudda. Qorshahan, ayaa sida uu qoray wargeyska Washington Post, waxa uusan Falastiiniyiinta u ogolaaneyn inay yeeshaan dal buuxa oo madax banaan. Kushner oo ah Yahuud, ayaa sidoo kale sheegay inuusan wax dhib ah ku qaban haddii aysan Falastiiniyiinta ku kalsooneyn isaga oo yiri “Halkan uma joogo in la i aamino” Falastiiniyiinta ayaa doonaya in qorshe kasta ay qeyb ka noqoto in Daanta Galbeed oo ay ku jirto Bariga Qudus ay noqoto caasimaddooda mustaqbalka, halka Israel ay dooneyso inay sii haysto dhulalkii ay xoogga ku qabsatay. Heshiiskan oo uu horkacayo wiilka uu Trump sodogga u yahay ee Jared Kushner ayaa waxaa mar horeba diiday Falastiiniyiinta, oo sheegay in siyaasadda Aqalka Cad ay u eexaneyso Israel. Dalalka Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta ayaala rumeysan yahay inay taageersan yihiin qorshaha Mareykanka. Caasimada Online Xafiiska Minneapolis caasimada@live.com
-
Taliska ciidanka Maraykanka ee AFRICOM ayaa faah faahin ka bixiyey weerar ay iyaga iyo ciidanka DFS ka fuliyeen buuraleyda Goolis ee Puntland. Qoraal kasoo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in weerarkan lagu dilay Lix ka mid ah dagaalyahannada Daacish. Sidoo kale, Maraykanka ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Daacish iyo A-shabaab iyaga oo kaashanaya ciidanka DFS. Dhanka kale, AFRICOM ayaa sheegtay in weerarkaasi ay hubiyeen in aanu waxyeello kasoo gaarin dadka rayidka ah. Maraykanka ayaa DFS waxyaabaha uu ka caawiyo waxaa ka mid ah dagaalyahannada Al-shabaab iyo Daacish. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Qaranimada lagu naaloonayaa kumey iman habaqleysi iyo hormo-qamaam, kumey iman, kula lihi iyo kaa lihi, kumey iman ku daneyso iyo ka daneyso, kumey iman hanyari iyo hawaawil ee waxay ku timi hal-adeyg, hanweyni, hawlgal adag iyo gumucii iyo gaashaan kii mujaahidiintii xijaabatay ee ay ka sii nool yihiin inta yar ee debedyaalka u ah dacdarada dabeedaca uu sicir bararku u dheer yahay. Qaranimadu maaha oo keliya inta Digreetada ku timi, inta dabo socota ee dawaada ka maraareysatey iyo inta dibirtay ee doobineysa ee dhibi shaxleyneysa ee Qaranimadu waa shacabka qaybihiisa kala duwan oo noqda qowmiyad mid ah oo leh quluub mideysan oo isku dan ah, isku dad ah, oo isku dal ah, ku waas oo wadaaga dhamaan midhaha dawladnimo sida ilaha dhaqaalaha oo ay ka mid yihiin mansabka,maganta, moorada iyo maquunadaba. Somalilaan kumay iman Hadyad iyo hagbad jeegaamaysan balse waxaa loo soo qubay dhiig badan waxaana loo huray naf iyo maal ay dhamaan shacabka Somalilaan wada lahaayeen sidaa daraadeed marna xukuumada laga yeeli maayo in ay shacabkii halganka a’dag iyo hayaanka dheer u soo wada maray xornimada dalkooda in la kala fadilo oo loo kala eexdo loona kala badiyo manfaca, mansabka, maganta, moorada iyo midhaha dowladnimo. Waxaa ayaan daro ah in maanta uu hoos udhacay meeqaamkii, mustawihii iyo tisqaadkii hanaankii geedi-socodkii dimuqraadiyadeed maadaama sadexdii gole ee la doortay ay mudo kordhin kuraasta ku fadhiyaan Doorashooyinkiina aanay soo naaso cadayn. Waxaa iyana hagaasay maareyntii maamul ,maslaxadii, maamuuskii iyo masiirkii guud ee qaranka Somalilaan ku taamaayey mudada dheer. Markii ay Xukuumadu ku soo ururtey hungo madhan iyo Abaal celin Malaasan. Qarankeena yar ee raad qaadka ah ee ragaadey ee raranka maanta saarani wuxuu halkan uu maanta joogo ku soo gaadhey hawlgalo badan iyo hayaan dheer, siyaasiyiin utudha iyo ruug cadaa samo talis ah oo isku duuban oo ummadda isku wada oo walaaleeya oo arin kasta oo cakiranta ku soo dabaali jirey garnaqsi, talo-wadaag,isu tanaasul taas oo intiiba ay maanta meesha ka baxdey oo ay bedeshay quluub kala jeeda,qowleysato hantiday ilihii dhaqaalaha ee dalku lahaa, colaado degaan oo degamsan, isu jabhadeyn iyo cadaawe siyaasadeed oo huwan dabin isu maleeg joogto ah oo udhaxeeya ceelalyadii ummaddu sugeysay iyo dhamaan intii talada wadanka bud dhigi laheyd. Saaxiibkay Raage ayaan ka guntay ” Mar hadii rayigu kaa banjaro kuuma buuxsame eh “ Waxaa dalka ragaadiyey qabyaalad bacrimtay oo duluca furatay, colaad beelaysan,musuq-maasuq iyo maal urursi xadhkii goostay, mashruuc bursi jeegaamaysan, iskooxeysi shirkadeysan. dhul-boob baahsan oo hadaf waqti-dheer ku qotoma oo shaadh iskaashato, mid wershedeed iyo mid shirkadeed gashan taa soo gabood looga dhigay deyr adag oo qabyaadaleysan oo aan gabasho laheyn. Waxaa dalka hagaasiyey Hawlwadeeno aan la carbin oo aan laheyn higsi iyo hilaad durugsan , odoros iyo aragti fog taas oo nusqaan iyo nitaakhaba ku noqotey haykalkii iyo haybadii, qaranimo, wadaninimadii,wadarnimadii, sumcadii iyo quraxdii dawladnimo, higsigii iyo habsami usocodkii iyo himilooyinkii la higsanaayey ee lagu taamaayey mudada dheer. Shacabka Somalilaan waxaa deeqa oo keliya cadaalad ay si siman ugu wada noolaadaan oo u wadaagaan midhaha dowladnimo, una sinaadaan ilaha dhaqaalaha iyo hantida maguuraanka ah ee qaranka si ay udhowrtaan dalkooda , dantooda iyo deegaankooda. Dhammaan mushtamaca JSL, waxa dhiqi kara oo keliya nabad, walaalnimo, waayeelnimo, iyo wadaaga anfaca iyo agabka dalkooda. Waxaa wax-garadka siyaasada Somaalilaan udhuun daloolaa ay maanta isku wada raaceen in siyaasada guud ee Somalilaan ay hada ku jirto marin habow, mad-madow badan iyo indo sarcaad baahsan oo iska dabowareeg ah taa soo aan la saadaalin karin lana garan karin qorsheyaasheeda iyo Jihada ay u socoto . Waxay xukuumadu ku fashilantay in ay noqoto xukuumad ummadda wada deeqda, walaaleysa, dhex u noqota, oo dhayda diiftii iyo dildilaacii ay reebtay doorashadii dhamaatay ee la soo dhaafay.Waxaana xukuumada looga fadhiyaa in ay doorashooyinka qabato oo shacabka mideyso oo dalka ka dhigto Somalilaan loo siman yahay oo lawada leeyahay si ay shacabku u noqdaan ul iyo diirkeed, hal qoys oo wax walba wadaaga oo ilaashada danahooda iyo dantooda guud. Waxaan idiinku soo garoocayaa qormadan”” Anigu daaha kama rogin ee dadkuba way arkaayaan ” Shacabow tiraa kaa gedmane wax isu gey geyso “ Alleh ayaa Mahad iyo mudnaanba leh, Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi(scs) Wa-laahum-Aclum- Waa Billaahi-Taw-fiiq, Qalinkii :A/rahman fidhinle Qoraa Madax banaan Intensive ED BD BA United Kingdom London Qaran News
-
Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Mareykanka ayaa sheegay inay xubno ka tirsan kooxda Daacish ku dileen duqeyn 4-tii bishan ka dhacday buuraha Goolis ee gobolka Bari ee Soomaaliya. Duqeyntan ayaa ah tii toddobaad oo bishii u dambeysay lala beegsado kooxaha Daacish iyo Al-Shabaab ee buuraha Goolis. “Waxaan sii wadi doonnaa inaan cadaadis saarno shabakadaha argagixisada Soomaaliya, si dowladnimada ay u hanaqaado” waxaa sidaas yiri Jeneral William P. West, oo ah agaasime ku-xigeenka howl-gallada ee taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM). Jeneral West ayaa sheegay in Mareykanka iyo dowladda Soomaaliya ay sii wadi doonaan inay ka faa’iideystaan fursadaha ay ka helaan kooxahan argagixisada si loo arbusho howlgalladooda, loona wiiqo awooddooda. Weerarkan dhacay Arbacadii ayaa waxaa lagu dilay lix ka mid ah kooxaha mintidiinta Daacish. Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay inay rumeysan yihiin in dad shacab ah aysan wax ku noqon duqeyntii ugu dambeysay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Somaliland: Kenya Turns It’s Head To Hargeisa As the relationship between the Republic of Kenya and the federal entity in Mogadishu takes a turn for the worse, the powers that be in Nairobi are gradually turning their heads towards Somaliland. Kenyan citizens live and work in Somaliland. Kenyan business people have large investments in Somaliland, and more to come, Insha’Allah. The Somaliland authorities regularly work with the Kenyan colleagues on education, health, security, agriculture, fishing, transports and so on. Kenyan parliamentarians were present at the recent 18th May celebrations in Hargeisa. So, the economical, social and cultural ties are firm and lasting. Some commentators, Yusuf Garad, for example, ex-BBC Somali honcho, currently unemployed and frustrated, want to blame Somaliland. They say, “Somaliland is exploiting the friction between Mogadishu and Nairobi?’..Not really, but if we were, that is politics. The ties between Somaliland and Kenya go back centuries. The recent migration from Somalia into Kenya as the result of the conflict in defunct Somali Republic, doesn’t compare with the fact that Somalilanders were trading with Nairobi two centuries ago. Don’t blame Somaliland for the failure of leadership in the weak federal entity in Mogadishu. We welcome all those who wish to work with and co-exist with Somaliland. It is expected that Kenya will finally open an office in Hargeisa. It is about time. Although, the AMISON protected folks in Mogadishu say that “they gave permission for Kenya to open such an office”. Talk about delusions of grandeur! Look, we know Somaliland doesn’t currently enjoy de-jure recognition, but it is a de-facto state. We will bide our time, work with our friends and opponents alike. We will work with those who understand the reality on the ground. We will make friends were we can and interact with our opponents to bring about peace and progress. Here is a startling fact, On May 18th, 2021, Insha’Allah, the Republic of Somaliland will be out of the defunct union with the Somali Republic, just as long as it was in that union. 30 years! What is there to go back to? There will always be social, economic and cultural ties with Somalia, but there can’t and never will be another political union. Wa Bilaahi Towfiiq Ahmed Kheyre Qaran News
-
Beijing (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni iyo waftigii balaadhnaa ee uu hogaaminayey oo kala ahaa Wasiirada Wasaaradaha Duulista Hawada iyo Garoomada Xuseen Cismaan Lugatoor, Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Faarax Maxamuud Cawaash, Tamarta, Macdanta iyo Biyaha Axmed Maxamed Yuusuf (Taaran), Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga Cabdullaahi Maxamed Cabdi. Wafdiga Madaxweynaha ayaa intii ay ku sugnaayeen dalka Shiinaha waxaa u hirgalay kulamo iyo booqashooyin Xarumo Dowladeed, Wershedo wax soo saar, Goobo caafimaad iyo Rugta Ganacsiga. Sidoo kale waxay weftigu wada-hadalo miradhal ah la yeesheen madaxda wadanka Shiinaha iyo Shirkado Ganacsi oo caalami ah. Wada-hadaladaasi waxa ay ahaayeen kuwo lagu dar-dargelinayo mashaariicdii horey u socotay, sida dhismaha garoonka diyaaradaha Gaalkacayo, wadada Eyl iyo Garoowe isku xirta, dhamaystirka wejiga labaad garoonka diyaaradaha Boosaaso iyo in maalgashi loo helo kheyraadka dalka iyo kaabayaasha adeegyada bulshada,sida Biyaha, Korontada, Kalluumaysiga iyo hirgelinta duulimaadyo Caalami ah. Waxay Weftigu la saxiixdeen Madaxda caasimadda Tongxiang ee gobolka Jiaxing Zheijiang laba Heshiis oo kala ah: 1. Mataaneynta labada magaalo ee Tongxiang iyo Gaalkacayo, kuwaas oo yeelanaya Iskaashi iyo qorsheyaal horumarinta magaalooyinka ah. 2. In aag u gaar ah dhaqaalaha laga hirgeliyo Puntland “ Horn of Africa Special Economic Zone”, barnaamijkan maalgelintiisa iyo fulintiisa waxaa yeelandoonta Hay’adda caalamiga ah ee Tongxiang Economic Development zone. Heshiisyada dhaxalgal ka ah waxaa dhinaca Puntland u saxiixay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Wershedaha Puntland Mudane Cabdullaahi Maxamed Cabdi. Caasimada Online Xafiiska Garoowe caasimada@live.com
-
Madaxweynaha Dowlada Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni iyo waftigii balaadhnaa ee uu hogaaminayey oo kala ahaa Wasiirada Wasaaradaha Duulista Hawada iyo Garoomada Xuseen Cismaan Lugatoor, Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Faarax Maxamuud Cawaash, Tamarta, Macdanta iyo Biyaha Axmed Maxamed Yuusuf (Taaran), Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga Cabdullaahi Maxamed Cabdi. Wafdiga Madaxweynaha ayaa intii ay ku sugnaayeen dalka Shiinaha waxaa u hirgalay kulamo iyo booqashooyin Xarumo Dowladeed, Wershedo wax soo saar, Goobo caafimaad iyo Rugta Ganacsiga. Sidoo kale waxay weftigu wada-hadalo miradhal ah la yeesheen madaxda wadanka Shiinaha iyo Shirkado Ganacsi oo caalami ah. Wada-hadaladaasi waxa ay ahaayeen kuwo lagu dar-dargelinayo mashaariicdii horey u socotay, sida dhismaha garoonka diyaaradaha Gaalkacayo, wadada Eyl iyo Garoowe isku xirta, dhamaystirka wejiga labaad garoonka diyaaradaha Boosaaso iyo in maalgashi loo helo kheyraadka dalka iyo kaabayaasha adeegyada bulshada,sida Biyaha, Korontada, Kalluumaysiga iyo hirgelinta duulimaadyo Caalami ah. Waxay Weftigu la saxiixdeen Madaxda caasimadda Tongxiang ee gobolka Jiaxing Zheijiang laba Heshiis oo kala ah: Mataaneynta labada magaalo ee Tongxiang iyo Gaalkacayo, kuwaas oo yeelanaya Iskaashi iyo qorsheyaal horumarinta magaalooyinka ah. In aag u gaar ah dhaqaalaha laga hirgeliyo Puntland “ Horn of Africa Special Economic Zone”, barnaamijkan maalgelintiisa iyo fulintiisa waxaa yeelandoonta Hay’adda caalamiga ah ee Tongxiang Economic Development zone. Heshiisyada dhaxalgal ka ah waxaa dhinaca Puntland u saxiixay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Wershedaha Dowladda Puntland Mudane Cabdullaahi Maxamed Cabdi. Heshiisyadani muhiim ka ah waxay qayb ka yihiin balanqaadyadii Madaxweynaha Dowlada Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ee ahaa kobcinta Dhaqaalaha, horumarinta adeegyada bulshada, maalgashi iyo suuq u helidda Kheyraadka iyo wax soo saarka dalka. PUNTLAND POST The post Puntland iyo Dalka Shiinaha oo kaal saxiixday heshiisyo muhiima appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Ahna kusimaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta daahfuray dhismaha wadada halbowlaha ah ee Garoowe ilaa Sin-ujiif, wadada ayaa waxaa waxyeelo u geystey daadadka roobabkii da’ay. Daahfurka dib u dhiska wadooyinka go’ay ayaa waxaa Kusimaha Madaxweynaha Ku wehelinaayey Guddiga Gurmadka Fatahaadaha Rooobka, maamulka gobolka Nugaal, Kan degmada Garoowe, Afhayeenka Madaxtooyada Puntland, shirkado wadani ah oo ka qayb qaadanaya dhismaha wadada iyo masuuliyiin kale. Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa ku dheeray muhiimadda ay leedahay wax wadaqabsiga iyo isku duubnida shacabka iyo dowladda, waxa uu hoosta ka xariiqay inaanay dowladdu ka nasan marna tan iyo intii ay go’day wadadu, dedaalkaasina uu dhalay in maanta la bilaabo wejiga koowaad ee dhismaha wadada. “Waxaan u mahadcelinayaa cidkasta oo isu xilqaantay, mahad waa leeyihiin lakiin waa waajibaad dhammanteen ina wadasaaran, waa-jibaadkaasi intii gudatay waan u mahadcelinayaa oo ay kamid yihiin shirkaddaha gaar ka looleeyahay, kuwa dowladda iyo gaadiidleyda reer Puntland waa mahadsantihiin.” “Waxaan Kaloo farayaa xukuumadda inay il gaar ah ku eegaan cid kasta oo ka qayb qaadatay, waayo sharaf ayay mudan yihiin, in la xuso ayay mudan yihiin. Tani waa bilaw, waxaan ku dedaalay inaanay cidina nasan maaalmaha ciida, dowladda waa faran-tahay dedaal kasta oo dalka la isugu furayo, Insha Alla si deg deg ah ayay u furmidoontaa.” Ayuu yiri Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland. Ugu dambayn, Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Ahna kusimaha Madaxweynaha ayaa u mahadnaqay shacabka ka qayb qaatay dhismaha wadada, waxaana uu xusay in hadda dedaalkeeda lagu jiro isu furka dalka, dhawaanna la bilaabidoono dhismihii weynaa ee wadada, sidoo kale wuxuu ganacsatada iyo shacabka intooda kaleba ugu baaqay inaan loo kala harin dhammaystirka wadooyolinka bur-buray. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ahna kusimaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta daahfuray dhismaha wadada halbowlaha ah ee Garoowe ilaa Sin-ujiif ee gobolka Nugaal, wadada ayaa waxaa waxyeelo u geystey daadadka roobabkii da’ay. Daahfurka dib u dhiska wadooyinka go’ay ayaa waxaa Kusimaha Madaxweynaha ku wehelinaayey Guddiga Gurmadka Fatahaadaha Rooobka, maamulka gobolka Nugaal, kan degmada Garoowe, Afhayeenka Madaxtooyada Puntland, shirkado wadani ah oo ka qayb qaadanaya dhismaha wadada iyo masuuliyiin kale. Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa ku dheeray muhiimadda ay leedahay wax wadaqabsiga iyo isku duubnida shacabka iyo dowladda, waxa uu hoosta ka xariiqay inaanay dowladdu ka nasan marna tan iyo intii ay go’day wadadu, dedaalkaasina uu dhalay in maanta la bilaabo wejiga koowaad ee dhismaha wadada. “Waxaan u mahadcelinayaa cidkasta oo isu xilqaantay, mahad waa leeyihiin lakiin waa waajibaad dhammanteen ina wadasaaran, waa-jibaadkaasi intii gudatay waan u mahadcelinayaa oo ay kamid yihiin shirkaddaha gaar ka looleeyahay, kuwa dowladda iyo gaadiidleyda reer Puntland waa mahadsantihiin.” “Waxaan Kaloo farayaa xukuumadda inay il gaar ah ku eegaan cid kasta oo ka qayb qaadatay, waayo sharaf ayay mudan yihiin, in la xuso ayay mudan yihiin. Tani waa bilaw, waxaan ku dedaalay inaanay cidina nasan maaalmaha ciida, dowladda waa faran-tahay dedaal kasta oo dalka la isugu furayo, Insha Alla si deg deg ah ayay u furmidoontaa.” Ayuu yiri Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland. Ugu dambayn, Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ahna kusimaha Madaxweynaha ayaa u mahadnaqay shacabka ka qayb qaatay dhismaha wadada, waxaana uu xusay in hadda dedaalkeeda lagu jiro isu furka dalka, dhawaanna la bilaabidoono dhismihii weynaa ee wadada, sidoo kale wuxuu ganacsatada iyo shacabka intooda kaleba ugu baaqay inaan loo kala harin dhammaystirka wadooyinka bur-buray. PUNTLAND POST The post Kusimaha Madaxweynaha Puntland oo Daah-furay Bilawga Dhismaha Wadada Weyn ee Garoowe -Sin-ujiif appeared first on Puntland Post.