Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,204
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Hargeysa)-Masuul Ka Tirsan Xukuumadda Oo Soo Dhaweeyay Shirka Beelaha Bariga Iyo Galbeedka Burco, Halkan hoose ka DAAWO Source
  2. Deegaanka Garacad ee gobolka Mudug ayaa waxaa si rasmi ah uga bilowday dhismaha dekedda Garacad oo ay si iskutashi ah u dhisanayaan dowladda iyo shacabka [...] Source
  3. (SLT-Berbera)-Dooni Alaabooyin kala duwan u sidday Ganacsatada Somaliland ayaa ku degtay meel boqol iyo dhowr Mayl u jirta Dekedda Magaalada Berbera, sida uu sheegay Guddoomiyaha Rugta Ganacsigu. Doontan oo ka soo shiraaqatay Magaalada Dubai ee Dalka isu-tagga Imaaraadka Carabta, ayaa degtay markay dabaylo ku kaceen, sida uu sheegay Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland, Jamaal Caydiid Ibraahim oo Maanta Shir-jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa Hargeysa. Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Dooni sidday Xoolo Faro badan oo laga leeyahay Somaliland oo laga soo rarray Dubai ayaa degtay, Doontaasi siday u dhamayd waxay u rarnayd Ganacsatada Somaliland.” Jamaal Caydiid wuxuu sheegay oo kale “81 Qof oo Shirkado ama Ashkhaas ayay u rarnayd Doontu, qiimaynta xoolahaa ma hayno, laakiin waxa lagu qiyaasi karaa Shan Milyan.”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Waxay degtay iyadoo Berbera ku soo dhaw, sida la sheegayna dabaylo ayaa ku kacay, wayna awoodi wayday inay socoto.” Alaabta ay sidday ayaa u badnaa Qalabka dhismaha iyo Baabuur “Alaabta ay sidday waxa ka mid ah Baabuur, Qalabka dhismaha, Xadiid, Sibidh, Loox, Isbeer-baadhka Baabuurta..”ayuu yidhi. Source
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa war kasoo saartay Xanuunka Ebola oo la sheegay in uu ka dilaacay dalka Uganda oo Soomaaliya ay ka jooggaan Ciidamo. Sarkaal ka tirsan wasaaradda caafimaadka dalka Uganda ayaa toddobaadkii tagay wakaaladda wararka ee AFP u sheegey in wiil yar oo shan jir ahaa uu maanta u dhintay cudurka Ebola, kaas oo maalmo ka hor laga helay cudurkaasi. Kiiskaasi ayaa noqonaya kii ugu horreyey ee dalkaasi, tan iyo markii dalka ay deriska yihiin ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo uu ka dillaacay cudurka. Wasaaradda Caafimaadka ayaa bulshadda u xaqiijisay in aysan jirin hadda Khatar ka taagan Soomaaliya oo ku saabsan Ebola, waxaana sidoo kale sheegtay in heegan Sare ay galisay Shaqaallaha Caafimaadka. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah
  5. 16-ka bishan June sannad walba waxaa la xusaa maalinta Carruurta Afrika oo dib loogu xasuusto 16-kii June 1976 xilligaasi oo magaalada Soweto ee dalka Koonfur Afrika lagu laayay carruur u dhashay dalkaasi oo u muddaharaadayey xuquuqdooda. Munaasabad ballaaran oo lagu xusayo maalinta Carruurta Afrika ayaa maanta lagu qabtay xarunta wasaaradda horumarinta Haweenka iyo arrimaha Qoyska Puntland ay ku leedahay caasimadda Garowoe. Munaasabadda ayaa waxaa so agaasintay wasaaradda Haweenka Puntland oo kaashaynaysa hay’adaha ay bah-wadaagta yihiin waxaana ka qeyb galay carruur da’ yar oo sita boorar ay ku xusayaan maalintooda. Agaasimaha guud ee wasaaradda Haweenka Puntland Maxamed Cabdirisaaq Nuux oo faahfaahiyay nuxurka uu xambaarsanyahay xuska maalinta carruurta ayaa sheegay in ujeedka xuskaani yahay dhegaysiga baahiyaha ay qabaan carruurta ee dhinacyada kala duwan sida caafimaadka iyo waxbarashada. Maxamed Cabdullaahi iyo Maxamed Cali yuusuf oo ka kala socday hay’adaha save the children iyo UNISEF ayaa dhankooda munaasabadda ka sheegay in hay’adahoodu ay mar walba u taagan yihiin sidii ay dowladda Puntland uga gacan-siin lahaayeen arrimaha carruurta gaar ahaanna baahiyaha aas’aasiga u ah korriinka iyo horumrinta carruurta sida caafimaadkooda iyo waxbarashadooda. Sidoo kale Bahjo Siciid xassan oo ka socotay hay’adda world vision ayaa munaasabadda ka sheegtay in hay’addeeda world vision ay ka shaqeyso ka jawaabidda baahiyaha carrruurta iyo u qareemidooda gaar ahaanna dhinacyada waxbarashada iyo caafimaadka oo hay’addu carruurta ka taageerto. Wasiir ku xigeenka wasaaradda Haweenka Puntland Sahro Cabdi Xirsi ayaa sheegtay in wasaaradda Haweenka maalin walba ay u tahay maalinta carruurta maadaama ay maalin walba u qareemaan baahiyaha iyo xuquuqda carruurta puntland . Waxay sheegtay in wasaaraddu dadaalka ugu badan ku bixiso sidii carruurtu ku heli lahaayeen adeegyada aas’aasiga u ah noloshooda sida barbaarinta caafimaadka iyo waxbarashada iyadoo wasiirku si weyn ugu mahadcelisay hay’adaha ay bah-wadaagta yihiin ee kala shaqeeya arrimaha carruurta. Ugu dambeyntii mas’uuliyiinta wasaaradda iyo hay’adaha ayaa hadiyado ku guddoonsiiyay carruurtii munaasabadda joogtay si ay ula wadaagan farxadda maalintooda. PUNTLAND POST The post Wasaaradda Haweenka dowladda Puntland oo xustay maalinta Carruurta Afrika appeared first on Puntland Post.
  6. Wasiirka wasaaradda Hawlaha guud, Gaadiidka iyo Guriyeynta Dowladda Puntland Mudane Axmed Bashiir Muuse, ayaa maanta Garoowe tababar uga furay 25 Injaneer oo ka shaqeeya mashruuca horumarinta degmooyinka Puntland ee JPLG. Injaneerada ka faa’idaysanaya tababarkaan oo ka kala yimid 9 degmo oo uu ka socdo mashruuca horumarinta degmooyinka Puntland ee JPLG, ayaa la barayaa dhammaan xirfadaha la xiriira farsamooyinka dhismaha ee kala duwan. Tababarka ay Injaneerada ka shaqeeya JPLG u furtay wasaaradda Hawlaha guud, Gaadiidka iyo Guriyeynta Puntland, ayaa waxaa bixinayaa macallimiin ka socda jaamacadda PSU. Injaneer Ciise oo ka tirsan wasaaradda Hawlaha guud, Gaadiidka iyo Guriyeynta Puntland ayaa sheegay in tababarkan ay wasaaraddu ugu tala-gashay Injaneerada ka shaqeeya mashruuca horumarinta degmooyinka Puntland ee JPLG si wasaaraddu sare ugu qaaddo xirfadda injaneeradaasi. Wasiirka Hawlaha guud, Gaadiidka iyo Guriyeynta Puntland, Axmed Bashiir Muuse oo hadal kooban u jeediyay Injaneerada fursadda u helay tababarkan, ayaa ku boorriyay in ay ka faa’idaystaan cilmiga ay u gudbinayaan macallimiinta, isagoo sheegay in kormeer iyo daba’gal lagu samayn doono sida ay uga faa’idaysteen tababarka. Sidoo kale, wasiirka ayaa sheegay in waraaddiisu ay qaban doono tababarro kale oo kor loogu qaadayo xirfadda iyo farsamooyinka injaneerada da’da yare ee sannad walba u soo baxaya Puntland, si loo helo Injaneero aqoon buuxda u leh shaqadooda. PUNTLAND POST The post Wasaaradda Hawlaha guud ee Puntland oo tababar u furay 25 Injaneer oo ka shaqeeya mashruuca JPLG appeared first on Puntland Post.
  7. Golaha amaanka ee qaramada midoobay ayaa ka digay shidaal waqtigaan laga saaro dalka Soomaaliya. Warbixin ay soo saartay gudiga ka hortagga xayiraada hubka ee dalalka Soomaaliya ee Eritrea ayaa lagu sheegay in shidaal laga qodo dalka ay wiiqi karto dadaalada lagu doonayo dib u soo celinta Nabada. Gudiga ayaa tusaale u soo qaatay xiriirka aan wanaagsaneyn ee u dhaxeeya maamul goboleedyada iyo dowlada Dhexe oo ku kala aragti duwan heshiiska iyo hab loo Maareynayo wax soo saarka Shidaalka. Mudanayaasha baarlamaanka ayaa 20 bishii May qalinka ku duugay heshiiska wax soorka shidaalka. Balse shir ka dhacay isla horaantii bishii hore ismaamulka Puntland oo u dhaxeeyay maamul goboleedyada iyo dowlada dhexe oo la xiriira arintaan ayaa ku dhamaaday is faham La,aan. Inkastoo soomaaliya ay ka faa,ideysan karto dhaqaalaha shidaalka ayaa hadane gudiga xayiraada hubka ee dalalka Eritrea iyo soomaaliya waxay qabaan in ay keeni karto xasilooni daro iyo dagaal sokeeye oo ka dhaca Dalka. Madaxda dowlada dhexe ayaa qaba in dalka uu u baahan yahay dhaqaale si uu kaga baxo ku tiirsanaanta wadamada taageera Soomaaliya. Universal Qaran News
  8. Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa sheegtay in muranka dhinaca badda ah ee kala dhexeeya Soomaaliya ay hurinayaan Waddamada Norway iyo UK, sidaas darteedna ay gudbin doonto dacwad iyaga ka dhan ah gudbineyso. Sida uu qoray wargeyska Daily Nation, afhayeenka Xukuumadda Kenya Cyrus Oguna, ayaa sheegay in waxa ugu wanaagsan ee xal lagu gaari karo uu yahay wadahadal dhex mara labada dhinac ee is heysta. Peter Kagwanja, oo ah Khabiir Kenyaan ah islamarkaana falanqeeya siyaasadda ayaa sheegay in Kenya dacwaddeeda badda ay ahayd hal heer halka Soomaaliya ay gudbisay dacwad dhan 10 heer oo tiiba ka kooban tahay 250 bog, iyada oo gacan ka halaysa dalalka reer galbeedka. Kagwanja ayaa dalalka reer galbeedka ku eedeeyay in Soomaaliya ay maaliyad iyo talo ahaan ka gacan siinayaan muranka dhinaca badda ee kala dhaxeeya Kenya, ayaga oo eeganaya dantooda shidaalka Soomaaliya. Saraakiil sare oo ka tirsan dowladda Kenya ayuu wargeyska Daily Nation ka soo xigtay iyaga oo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Ra’isal wasaare Xasan Cali Kheyre ku eedeynaya in ay xiriir la leeyihiin sharikado shidaal baaris oo ay leeyihiin Norway, Canada iyo Sweden, sidoo kalena ay taageero farsamo ka helayaan dalalkooda. Kenya ayaa soo jeedisay in muranka labada dal lagu xalliyo kulan dhexmara wasiirrada arrimaha dibadda ee labada dal, laakiin kulamo ay horay u yeesheen oo aysan waxba ka soo bixin ayaa rajo xumo gelinaya mira dhalka kulan kale. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  9. Ururka saxafiyiinta qaranka ee NUSOJ ayaa shaaciyay waqtiga ay dhaceyso doorashada hoggaanka guud ee ururka, kaas oo sedexdii sanaba mar la soo doorto. Waa doorasho ay ka qeyb galaan dhammaan saxafiyiin Soomaaliyeed kuwaas oo ka kala yimaada gobalada dalka iyo kuwa kunool magaalada caasimada ah ee Muqdisho, halkaasi oo ay ku doortaan hoogaankooda. Xoghayaha guud ee ururka NUSOJ Maxamed Ibraahim Mocalimow, oo saxafiyiinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in doorashada ay dhici doonto 27 bisha June 2019-ka, asaga oo sidoo kale ka war bixiyay wixii u soo qabsoomay muddadii sedexda sano aheyd ee la soo dhaafay. “Maanta si rasmi ah suxufiinta Soomaaliyeed aan gacantooda ku soo celino waqtigii naga dhammaaday oo lana qabanaayo doorasho, waxaan si cad u shaacinaynaa in maalinta taariikhdu tahay 27 ka bisha June 2019 -ka in Muqdisho lagu qaban doono shir weynihii golaha suxufiyiinta qaranka Soomaaliyeed, waxaana ka soo qeyb galiya dhamaan saxfiyiinta oo ka kala imanaya gobalada dalka waxaana la qabanayaa doorashadii Ururka”. Sidoo kale Macalimow oo hadalkiisa siiwato ayaa sheegay in ururka sedexdii sano ee la soo dhaafay ay wax badan ay u qabsoomeen, waxa uuna xusay in ay meel aad u hooseyso ay wax ka soo bilaabeen maantana ay marayaan meel aad u wanaagsan. “ Waxa aan wax ka bilownay heer hoose xitaa annaga oo aan xafiis la heyn meel aan aad aanan aqoon ayaan howl bilaawnay, hoggaanka hadda joogana aa la doortay , maanta waxaa Allah mahadiis ah inaan leenahay xafiisyo shaqeeyo”. Dhanka kale Maxamed Ibraahim Macalimow, ayaa xusay intii maalkaan uu jiray in saxafiin badan oo Soomaaliyeed ay siiyeen tabaro la xariira Saxaafadda, kuwaas oo ku kala sugan gobalada dalka. “ Waxaad ogtihiin tababarro in aan ku qabannay meel weliba oo waddanka ah ma jiro dowled gobaleed mar ama dhowr jeer aan lagu noqon inuusan jirin, waxaana doonayaa inaan halkaan ugu mahad celiyo Faarax Cumar Nuur, oo ah ustaadkii tababaradaas noo fulinayay”. Ugu danbeyn xoghayaha guud ee Ururka NUSOJ waxa uu sheegay intii lagu jiray sedexdii sano ee na soo dhaafay in ay ilaaliyeen inuu dhaco wax Musuqmaasuqa oo lagu sameeyo dhaqeele loogu talagalay wariye dhintay ama uu dhaawmay ayna ku guuleysteen in wixii loogu tala galay ay gaaraan. ” Waxaan aheyn had iyo jeer haddii wariye dhib uu ku dhaco inaan aheyn kuwii u doodaayay, waxaan la dagaalnay inuu Musumaasuq dhaco, waxaad ogtihiin dad agooman ah ama dhaawaca waxooda la qaadan jiray waxa aan sameynay hab cad oo ah in qofka iyo hay’adda wax siinaysay aan isku xiraynay si ay meeshaba uga fogaato inuu wax mugdiyanba uu yimaado” Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Degmada Xaafuun oo ka tirsan gobolka Kar-kaar waa deegaan dhacda cirifka bari ee geeska Afrika, waxayna qarniyo ka hor Xaafuun ay caan ku ahayad magaalo [...] Source
  11. Hay’adda Culimada Soomaaliyeed ayaa war-saxaafadeed ka soo saartay falkii lagu dilay kudhawaad 10 ruux oo ka dhacay magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Hay’ adda ayaana ku baaqday in la garab istaago Ehelada dadkii la dilay sidii ay ku heli lahaayeen cadaaladda, dadkii danbiga gaalayna loo horkeeni lahaa sharciga. Madaxa Golaha Culimada Soomaalida Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa sheegay in culima ahaan ay aad uga xun yihiin wixii dhacay, assaga oo dalbaday in cadaaladda la horgeeyo dadkii geeystay falkaas aanan laga harin ilaa sharciga la mariyo. “ Falka nuucaas ah waxaa la oran karaa inuu ahaa xasuuq dadka hadii isir ahaan loo raad sado, waana danbiyada waa weyn Diin ahaan, Qaanuun ahaana qatartiisa ayuu leeyahay , waxaan garanayaa hadda ka hor in halkaas dad u badan culimo Tabliiqa ah in lagu laayay oo Bakistaan u dhashay ayaan filaayaa ”. Sidoo kale Sheekh Bashiir oo hadalkiisa siiwato ayaa sheegay in dhibka ka dhacay ay ugu wacan tahay maamulka oo liito iyo waliba dadka shacabka oo gacantooda uu ku jiro hub aad u fara badan. “ Waxa ay muujinaysaa habacsanaanta maamulka ee meesha ka jiro iyo hubka oo aad ugu badan magaalada shabkana ay heystaan, dadkii waxaa loo baahnaa in ay kala danbeyta aaminaan oo wixii dhaco dowladda loo daayo, sargaalbaa la dilay intaas oo saraakiil ah ayaa horay loo dilay, aqoonyahan ayaa la dilaa culimo ayaa la dilaa” Dhanka kale Sheekh Bashiir Axmed Salaad, ayaa sheegay in arrintaan ay keeni karto in dadka Soomaaliyeed ay u noqdaan halkii ay ka yimaadeen iyo qabiil qabiilkii, assaga oo intaas ku daray in ay tahay arrin qatarteeda wadato siwada jirana looga hor tago. “ Tilmaan aad u xun ayey tilmaameysaa, waxaana ka dhalan kara in dadku mar labaad ay ku noqdaan halkii ay ka soo ka banaysay ee gobalgobkii iyo qabiilkii, in ayadoo maanta Soomaali wada dhaqmaysay oo wada noolaneysay in arrintaan lagu dhexbeero waa sheey qatartiisa leh weeyaan,in laga gaaro ayaan soo jeedinaynaa” Ugu danbeyn Gudoomiyaha hay’adda Culimada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay iska ilaaliyaan wax waliba oo dhaawici kara midnimadooda iyo wada jirkooda . “ Waxaan annagu adkaynaynaa in Soomaalidu adkaystaan walaaltinimadooda is dhexgalkooda la adkeeyo, waa in aad layskaga ilaaliyo tilaaba waliba oo dadka Soomaaliyeed kala dili karto nuuc waliba ay ahaato, dadka Soomaaliyeed waa dad walaalo ah oo muslimiin ah qof kasto oo Soomaaliya dalka waa inuu ka dagi karo meeshii rabo uuna tagi karo” Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Nabaddoon Cabdullaahi Maxamuud Jibriil oo kamid ah nabaddoonada gobolka Nugaal ayaa si adag uga fal-celiyay hadal ay shalay jeediyeen niman ku sugan magaalada Baydhabo oo bulshada Koonfur Galbeed ee ku nool Puntland ugu baaqay in ay soo qaxaan kadib markii habeen hore dad lagu laayay Koonfurta Gaalkacyo ee Galmudug. Nabaddoonka ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay hadalka nimankaasi ka jeediyeen magaalada Baydhabo ee lagu aflagaaddeeyay sharafta iyo karaamada dowladda iyo shacabka Puntland maadaama aysan jirin wax dhibaato ah oo bulshada ka soo jeeda koonfur Galbeed loogu geystay degaannada Puntland. Wuxuu sheegay in shacabka ka soo jeeda degaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya ay si nabad iyo xorriyada ugu nool yihiin gudaha Puntland islamarkaana ganacsiyo ku haystaan iyagoo aan la kulmin wax dhibaato iyo cunsuriyad ah. Dhinaca kale nabaddoonka ayaa “fool-xumo aan la arag oo la maqal” ku tilmaamay xasuuqii koonfurta magaalada Gaalkacyo loogu geystay shacab ka soo jeeda Koonfur Galbeed isagoo tacsi u diray dhammaan qoysaskii ay eheladoodu ku dhinteen xasuuqaasi. Halkaan ka daawo hadalka Nabaddoonka PUNTLAND POST The post Garoowe: Nabaddoon si adag uga fal-celiyay hadal ka soo yeeray niman jooga Baydhabo appeared first on Puntland Post.
  13. Magaalada Garoowe waxaa ka furmay barnaamij loogu talagalay kor uqaadista hida iyo dhaqanka Soomaaliyeed, waxaan barnaamijka soo qaban qaabisay wasaarada warfaafinta wacyi galinta iyo hidaha [...] Source
  14. Caabudwaaq (SMN) – Wararka ka imaanaya Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa ku warramaya in maanta xiisad xoogan ay ka taagan tahay gobolkaasi. Xiisadan u dhexeyso labo Maleeshiyo Beeleed ayaa haatan ka aloolsan deegaanka Bali-wasaq ee waqooyiga gobolkaasi. Dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeedo ayaa haatan socdo, waxaana dadka deegaanku ay cabsi ka muujinyaan in markale dagaal uu ka qaraxo halkaasi. Shalay ayey aheyd markii Maleeshiyaadka labada dhinac ay ku dagaalameen deegaanka Bali-wasaq ee gobolka Galgaduud . View the full article
  15. By PETER KAGWANJA At the dawn of this century, the then editor of the Foreign Affairs Journal, James Fulton Hoge Jr., rightly observed that the global “transfer of power from West to East” was “dramatically changing the context for dealing with international challenges—as well as the challenges themselves” (Foreign Affairs,July/August, 2004). MESSIANIC SENSE In the Horn of Africa, the return to peace and collapse of sit-tight dictatorial regimes is spawning a major power shift. It is also challenging Kenya’s influence in the region over the last five decades in a profound and palpable way. The old regional balance of power that sustained Kenya’s regional influence rested on three pillars. One was a Strategic Alliance, a mutual defence pact ratified by the two countries in December 1963, with scions of the Solomonic Dynasty. The Kenya-Ethiopia Defence pact, which sought to curb the territorial and power ambitions of an increasingly militaristic and expansionist Somalia, ensured that Kenya and Ethiopia coexisted and collaborated in a duality of power as two regional powers with little competition for legitimacy or influence. Second, this duality of power has rested on the Intergovernmental Authority on Development (IGAD) established in 1996. Third, the Ethiopia-Kenya duality of power within IGAD gave the two powers a huge influence in the African Union and its Peace and Security Architecture (APSA). This enabled them to sustain the African Mission in Somalia (AMISOM) that has waged war against the terrorism in Somalia. Sadly, this old regional security regime appears to be falling apart. The relative peace that has followed the end of civil wars in Ethiopia and Somalia in recent decades coupled with the thawing of historic power rivalries especially between Ethiopia, Eritrea and Somalia has shifted the axis of power to new alliances. Power is gradually shifting to Eritrea and its allies in post-civil war Ethiopia and Somalia. Having emerged from the ashes of a long war of Independence against Ethiopia from 1961-1991, Eritrea is one of the few surviving nationalist and revolutionary regimes in Africa. It has a messianic sense of itself in the Ethiopia state, claiming a special contribution to ending the Ethiopia civil war and securing the post-bellum power. ETHNIC SUPRMACIST After defeating the Ethiopian forces in Eritrea, the Eritrean People’s Liberation Front (EPLF) helped the Ethiopian People’s Revolutionary Democratic Front (EPRDF), a coalition of Ethiopian rebel forces, to capture Addis Ababa and install a transitional government 1991. However, although Eritrea declared its independence and gained international recognition in 1993, supremacy wars and hostilities between EPRDF and EPLF sparked the Eritrean–Ethiopian War (1998–2000), a low-intensity border conflict (2000–2018) and complex proxy wars. Three developments have shifted the axis of power in favour of a resurgent Ethio-Eritrea détente. One is the rise of Abiy Ahmed Ali as Prime Minister in Ethiopia and EPRDF leader on April 2, 2018 which paved the way for two powerful allies in the Ethiopian Civil War to join ranks in regional power politics. Second, and related to this, on July 9, Afwerki and Abiy signed the historic 2018 Eritrea–Ethiopia peace pact, formally ending the border conflict, hostilities and proxy wars between the two countries, restoring full diplomatic relations. Third, the election of Mohamed Abdullahi (Farmajo) as the President of Somalia in 2017, heralded the resurgence of ethnic supremacist politics inside Somalia and pan-Somali nationalism as the organising principle in Somalia’s regional relations. After July 2018, Farmajo joined Afwerki and Abiy with the idea of a New Horn as the tie that binds the trio. The removal of long-time Sudanese strongman Omar El-Bashir on April 11, 2019 has left Afwerki as the senior-most leader and, arguably, the most influential figure shaping politics in the Horn of Africa. In a rare case where authoritarianism is aiding and securing liberal reforms, Afwerki’s Eritrea, touted in the media as “Africa’s North Korea”, is the guarantor of stability in Ethiopia. TRIPLE DETENTE Here, Abiy’s sweeping political and economic reforms have their discontents, especially Ethiopian Federalists and the Tigrayans—the ethnic partners in EPRDF who now feel that Abiy’s shake-up of the Ethiopian state is selectively targeting the Tigrayans. Be that as it may, as power shifts to the triple détente in the ‘New Horn’, the future of Kenya’s influence as a regional peacemaker and guarantor of stability is coming into sharp focus. The rise of the idea of the New Horn, largely hoisted on a pan-ethnic idea of “Cushitic Alliance” (Oromo and Somalis), has posed an existential ideological challenge to IGAD and the regional consensus it represents. Second, Ethiopia and Eritrea—with its large fighting force remnants from its war with Ethiopia—are seeking a new role as a military ally to Farmajo. This raises serious questions regarding the future of AMISOM, especially its contingents from Kenya, Uganda, Djibouti and Burudi and the very war against Al-Shabaab terrorists. Third, since the coming to power of Abiy (42), Ethiopia has enhanced its regional soft power, seemingly eclipsing Kenya as the lone regional peacemaker. In the wake of the brutal crackdown on protesters in Sudan which left dozens of people killed on June 3, 2019, Ethiopia has stepped up its peace diplomacy. Indeed, Ethiopia has also moved to broker peace between Kenya and Somalia over the simmering maritime row. Finally, and related to the above, power shift in the Horn has emboldened Somalia in its claim over Kenyan waters in what is unfolding as an existential challenge to the country. Should the ICJ rule in favour of Somalia in the coming months, experts fret that Kenya will loose not only 62,000 square kilometres of its Indian Ocean waters. It also risks losing access to international waters, effectively becoming a ‘land-locked’ country. Professor Peter Kagwanja is Former Government Adviser and currently Chief Executive of Africa Policy institute (Kenya). Disclaimer: The views expressed in this article are the author’s own and do not necessarily reflect Caasimada Online’s editorial stance.
  16. Hargeysa (Caasimada Online) ― Wararka naga soo gaaraya gobolka Togdheer ayaa waxay sheegayaan in Hal askari oo ka tirsan ciidamada Somaliland uu ku naf waayey iska hor imaad ku dhex maray deegaanka Fiqi Ayuub Dad shacab ah iyo Ciidamada Amniga. Sida aanu ku helayno Wararka hordhaca ah, Dad Shacab ah oo gadoodsanaa ayey ciidamada Amnigu isku dayeen inay kala dareeriyaan, taasi oo sababtay inay shacabku tuuryeeyan Ciidamada, oo dhagaxaasina uu sababsaday geerida Hal Askari. Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Keyse Maxamed Cawaale, waxaana lagu dilay dhagax, sida ay Caasimada u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Sidoo kale waxaa dhacdadaasi lagu dhaawacay labo Askari oo la socotay sarkaalka la dilay. Illaa iyo hadda si dhab ah looma oga sababta ay shacabku ka gadoodeen, balse waxa soo baxaya warar sheegaya in maalmihii u dambeeyay ay deegaankaasi ka socdeen dhaq-dhaqaaqyo lagaga baarayo Macdan, taasi oo si weyn uga caarooden dadweynaha dhulkaasi. Wararka qaar ayaa sheegay in kooxo heybtooda aan la garan ay fuliyeen dilkaasi, kadibna ay goobta isaga baxsadeen. Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay Somaliland oo ku aadan dhacdadaasi oo la yaab ku noqotay dadka ku dhaqan deegaanada maamulkaasi. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  17. Muqdisho (Caasimada Online) –Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed General Bashiir Cabdi Maxamed (Americo ) oo la hadlay Warbaahinta ayaa digniin u culus u diray shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho. Taliye Americo ayaa shacabka uga digay in guryahooda ay ka kireeyaan xubnaha ka midka ah Al-Shabaab ee weerarada iyo qaraxyada ka geysta gobolka Banaadir. Sidoo kale taliyaha ayaa shaaca ka qaaday in aysan u dulqaadan doonin haatan wixi ka dambeeya in gabaad la siiyo Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay. Waxaa kale uu xusay in dowladda federaalka Soomaaliya ay dajisay qorshe cusub oo lagu wajahayo dagaalka ka dhanka ah Kooxda Al-Shabaab. Taliye Ameeriko ayaa sidaa daraadeed shacabka ka dalbaday in ay garab istaagaan Ciidamada ammaanka, kuna soo wargaliyaan khatar kasta oo ay dareemaan. Hadalkan aya ku soo aadaya, xilli shalay magaalada Muqdisho ay ka dhaceen qaraxyo is xig xigay oo waxyeelo ay ka soo gaartay Askar iyo dad shacab ah. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  18. Malaaqa guud ee beelaha Digil iyo Mirifle Puntland oo ay weheliyeen isimo ka soo jeeda gobolada Baay iyo Bakool ayaa shir jaraa’id oo ay ku [...] Source
  19. Muqdisho (SMN) – Dowladda Turkiga ayaa si kulul u cambaareysay qaraxyadii shalay ka dhacay magaaladda Muqdisho kuwaasoo ay ku dhinteen in ka badan 10 qof, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen ku dhawaad 20 kale oo shacab u badan. “Waxaan si adag u cambaareynayaa weerarka arxandarada ahaa, waxaana ALLE uga baryeynaa naxariis kuwii ku naf waayay, sidoo kalena aan caafimaad deg deg ah u rajeynaynaa dadkii ku dhaawacmen,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga. Turkiga ayaa sheegay inay marwalba la garab taagan yahay dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda taageero dhinac walba leh, si wax looga qabto amaanka iyo qaraxyada ka dhacaya magaaladda Muqdisho. Labadii qarax ee shalay gelinkii hore ka dhacay Muqdisho ayaa waxaa sheegtay mas’uuliyadooda Al-Shabaab, oo war ay soo saartey ku sheegtay inay la bartilmaameedsatay baraha koontarool ee ku kala yaalla Isgoysyada Sayidka iyo Lambar Afar. Weerarka ayaa dhacay xilli amaanka Muqdisho aad loo adkeeyay mudooyinkii dambe, oo ciidamo dheeraad ay ay dowladdu dhigtay wadooyinka kala duwan, oo ay ku baaraan gaadiidka sidoo kalena ay socdaan howlgallo joogto ah oo amniga lagu xaqiijinayo. View the full article
  20. Kismaayo (SMN) – Wararka laga helayo gobolka Jubbada Hoose ayaa ku warramaya in saacadihii la soo dhaafay Ciidamo ka tirsan kuwa Jubbaland ay xabsiga u taxaabeen mid ka mid ah dhalinyarada ku dhaqan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolkaasi. Wiilkan la xiray ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Aadan Tobanle, kaas oo la sheegay in uu ka mid yahay xubnaha u ololeynaya in isbedal uu ka dhaco Jubbaland. Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in Ciidanka Booliska Jubbaland ay xalay Saqdii dhexe Aadan u soo dhaceen, islamarkaana ay kala baxeen Gurigiisa. Wararka qaar ayaa sheegaya in Wiilkan shalay loo doortay hoggaanka dhalinyarada isbedal doonka ee magaalo xeebeedka Kismaayo. Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa isa soo tarayay cadaadisyo xoogan oo ay Jubbaland ku heysay siyaasiyiiinta iyo dadka ka soo horjeeda ee ku dhaqan deegaaneeda, xilli la filayo in dhawaan doorasho ay ka dhacdo gudaha maamulkaasi. View the full article
  21. Galmudug State security forces have launched an operation in the southern parts of Galkayo town following the murder of 9 civilians on Friday night. The mass shooting drew local and international condemnations as Somali government vows credible investigation into the tragic incident. Galkayo has seen increasing attacks, killings and rape in the past few months as the local authorities are trying to handle the security which could undermine the ongoing efforts. The killing of the nine people hailing from the southern regions came following the assassination of a local security official that was claimed by Al-Shabaab. View the full article
  22. Afgooye (SMN) – Guddoomiyaha gobolka Shabeelaha hoose,Ibraahim Aaden Cali (Najax) iyo mas’uuliyiin uu hoggaaminayo oo booqasho ku tagay deegaanka Shalanbood ayaa ka warbixiyay dadaallo nabadeed oo ay ka wadaan halkaasi. Guddoomiye Najax ayaa sheegay in ay bilaabeen dadaallo dib u heshiisiin ah oo lagu dhammeystirayo colaadihii sokeeye ee ragaadiyay gobolka Sh/ Hoose. Waxa uu tilmaamay in ay la kulmeen Culimaa’udiinka, Oday dhaqameedyada, Haweenka, Dhallinyarada iyo bulshada qeybaheeda kala duwan, si loo gaaro wada noolaasho dhex marta beelaha wada daga gobolkaasi. “Amni iyo maamulba waxaan ku ballannay in aan ka shaqeyno midnimada Shacabka gobolka Shabeelaha Hoose, oo aan dambiilayaashana loo oggolaanin in ay helaan gabbaad Qabiil” ayuu yiri guddoomiye Najax. Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray inay dib isugu furi doonaan waddooyinka ay go’doomiyeen Al Shabaab. Shabeelaha Hoose oo hoostaga K/Galbeed ayaa waxaa la la dagay dagaallo sokeeye oo weli colaadeedu ay ka taagan deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolkaasi. View the full article