Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,357
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Garoowe (Caasimadda Online)- Dowlad Goboleedka Puntland ayaa Warka soo saartay Doorashooyinka la filayo inay dhawaan ka dhacaan maamul Goboleedyada Galmudug iyo Jubbaland. War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha gudaha, Puntland ayaa waxa looga hadlay Go’aankii xalay ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya,kaasi oo looga hadlay habraaha Doorashada maamulka Jubbaland. Puntland ayaa dowladda Federaalka uga digtay inay faragelin ku sameeyso Doorashooyinka Jubbaland iyo Galmudug,kuwaasi oo kala dhici doona Bishan July iyo Bisha soo socota ee 2019,iyadoona dowladda labada Doorasho horey war uga soo saartay. Sidoo kale maamulka Puntland ayaa dowladda Federaalka ku booriyay inay ixtiraamto dadka reer Jubbaland iyo Galmudug si ay u soo doortaan Madaxdooda si waafaqsan Shuruucda iyo Dastuurada u gaarka ah labada maamul Goboleed. Halkaan hoose ka akhriso war saxaafadeedka kasoo baxay Puntland Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
  2. Wasaaradda arrimaha gudaha, dimuquraadiyeynta iyo arrimaha federalka dowladda Puntland ayaa hogaamiyayaasha Villa Somalia uga digtey inay faragelin ku sameeyaan doorashooyinka maamulada Jubbaland iyo Galmudug. AKHRISO Source
  3. Some founders of Puntland universities taught or got educated at the Somali National University (SNU). Faculties of SNU had links with Italian universities. The relationship had a positive impact on the quality of the curriculum. After 1991 many Puntland professionals had tertiary education in Italy. They can play a role in creating links between Puntland and Italian universities. They can also pioneer to open Italian language schools because Italy is one G7 countries that own 58% of global wealth. The former FAI invested in the construction of the infrastructure on which Puntland relies. People of Puntland are grateful to Italian taxpayers. Higher education links between Puntland and Italian universities will positively contribute to the quality of the curriculum and universities’ administration. Before the collapse of the state in 1991 there were no universities in Puntland. It shares with other parts of Somalia the absence of institutional history as to how to run a university due to the looting of documents after state collapse. Puntlandpost urges Puntland Government to lend a hand to efforts aimed at creating technical cooperation between Puntland and Italian universities. The post Create links between Puntland and Italian Universities appeared first on Puntland Post.
  4. Dowladda Puntland ayaa uga digtay xukuumadda Federaalka Soomaaliya fara-gelinta qaawan ay ku hayso doorashada madaxtinimada dowlad goboleedka Jubaland oo sida qorshaysan dhici doonta 30-Agoosto 2019. War-saxaafadeed ka soo baxday wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland oo tixraacaya qoraalkii ay xalay soo saartay dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku saabsanaa habraaca doorashada Jubaland ayaa looga digay xukuumadda Federaalka fara-gelinta ay ku waddo doorashada madaxtinimada Jubaland. Dowladda Puntland ayaa sidoo kale Villa Somalia ku boorrisay in ay ixtiraamto doorashooyinka u qorshaysan dadka reer Galmudug iyo Jubaland si ay madaxdooda u soo doortan hab waafaqsan shuruucda iyo Dastuurka dalka. Dhanka kale Puntland waxay dowladda Federaalka iyo dhammaan madaxda dowlad goboleedyada ku waanisay in la ilaaliyo ku dhaqanka Dastuurka dalka lagana fogaado wixii khilaaf cusub iyo xiisad keeni kara. Halkaan ka akhriso war-saxaafadeedka Puntland PUNTLAND POST The post Dowladda Puntland oo Villa Somalia digniin ku siisay in aysan fara-gelin doorashada Jubaland appeared first on Puntland Post.
  5. Afhayeenka Odoyaasha Dhaqanka ee Gobolka Sool Caaqil Axmed Maxamuud Daad ‘Sanyare’ ayaa ku tilmaamay Faysal Cali Waraabe mid maalinba beel sheegta isla markaana sameeya cadaawad [...] Source
  6. Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo wefdi uu hoggaaminayey oo safar ugu maqnaa dalka Guinea conakry ee ku yaalla galbeedka Qaaradda Afrika, ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland. Qaybaha kala duwan ee shacabka magaalada Hargeysa oo ku lebbisan calanka Somaliland iyo mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda iyo xisbiyada Somaliland oo uu hoggaaminayo madaxweyne-ku-xigeenka, Cabdiraxamaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa madaxweyne Biixi ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland. Madaxweynaha oo goob fagaare ah kula hadlayey dadkii soo dhoweeyay, ayaa ka warbixiyay safarkiisi dalka Guinea conakry oo uu ku tilmaamay mid guul u soo hoyiyay Somaliland, isagoo uga mahadceliyay madaxda waddanka Guinea sida ay hab-maamuuska ay siiyeen wefdigiisa. Dhinaca kale, wuxuu dameer ciyay ku tilmaamay hadalkii dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku sheegtay in ay xiriirka u jartay waddanka Guinea conakry kadib markii Muuse Biixi si hab-maamus sare leh loogu soo dhoweeyay. Halkaan ka daawo hadalkiisa oo dhan PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Somaliland oo dameer ciyay ku tilmaamay dowladda Federaalka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  7. Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada ku qaabilay U Qeybsanaha dhanka Taageerada Hawlgallada ee Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobey Mudane Atul Khare. Madaxweyne Farmaajo iyo Mudane Atul Khare ayaa ka wada hadlay xaaladda Soomaaliya, dadaalka Dowladdu ugu jirto dib u soo kabashada dalka iyo mashaariicda horumarineed ee ay Qaramada Midoobey ka waddo Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa U Qeybsanaha kala hadlay dardargelinta dadaallada Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobey ee Soomaaliya (UNSOS) uu ku garab istaagayo hawlgallada Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa AMISOM si looga miradhaliyo dagaalka lagu la jiro Al-Shabaab. Madaxweyne Farmaajo ayaa u soo jeediyay U Qeybsanaha dhanka Hawlgallada ee Xoghayaha Guud in Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobey ee Soomaaliya uu xoogga saaro sidii mudnaanta koowaad loo siin lahaa in muwaaddiniinta Soomaaliyeed loo qaato shaqooyinka Qaramada Midoobey. Madaxweynaha ayaa sidoo kale Mudane Khare kala hadlay in dhismayaasha Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ay noqdaan kuwo waara oo aan ku meelgaar ahayn si loogu adeego bulshada marka hawlaha haatan loogu tala-galay ay dhammaadaan, isaga oo adkeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay mudnaan gaar ah siinayso ilaalinta deegaanka. Dhankiisa, Mudane Khare ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyay soo dhawaynta diirran isaga oo ballan qaaday inuu ka shaqaynayo sidii wax looga qaban lahaa qodobbada ay ka wada hadleen iyo dardargelinta taageerada Qaramada Midoobey ee Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  8. Cadaado (SMN) – Faah faahin dheeri ah ayaa ka soo baxaysa gaari Cabd Bile ah oo maanta ku rogmaday duleedka magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud. Gaarigan ayaa la sheegaya in ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa dowlad goboleedka Galmudug. Ugu yaraan hal askari ayaa ku dhintay shilkaasi, halka ay ku dhaawacmeen 6 kale oo ka tirsan Ciidamada maamulkaasi. Askarta dhaawacantay ayaa lagu soo warramayaa in ay ku jiraan kuwa halis ah, kuwaas oo hatan xaaladooda caafimaad lagu dabiibayo Cadaado Dhinaca kale taliyeyaasha ciidamada qalabka sida Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaaladaasi. Taliyeyaashan oo ka soo baxay Dhuusamareeb ayaa Cadaado ay u tagay arrimo la xariira diiwan gelin ciidan oo ay dowladdu ka wado deegaanada Galmudug. Kadib booqashadii Ra’iisul wasaare Khayre ee Galgaduud dowladda dhexe ayaa la wareegtay ciidamadii Ahlu-Sunna iyo maleeshiyaad kale oo ku sugnaa gobolkaasi. View the full article
  9. Gaalkacyo (SMN) – Ciidamada Booliska Galmudug ayaa maanta bandhigay Haweeney la sheegay in ay iska dhigi jirtay nin, taas oo in muddo ah ku nooleyd magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Haweeneydan ayaa magaceeda lagu sheegay Deeqo Cabdullaahi, balse waxa ay dadka deegaanka u yaqaaneen Deeq Cabdullaahi. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in Haweeneydani ay hubeysneyd, islamarkaana lagu soo qabtay Bistoolad ay sheegtay inay ku ilaalsan jirtay Dukaan ay laheyd Maxamed Nuur Cali oo ah taliyaha Booliska gobolka Mudug ayaa sheegay in haatan ay gacanta ku hayaan, ayna ku socdaan baaritaano xoogan. Taliyaha ayaa hoosta ka xariiqay in Haweeneydani ay xiriir la sameysay Haween kale, iyada oo iska dhigeysa Rag. Lama oga waxa ku kalifay Deeqo tallaabada ay qaaday, balse waxaa weli dabagal ku haya laamaha amniga ee maamulka Galmudug. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  10. Haregeysa (SMN) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo dib ugu laabtay Hargeysa ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyey magaaladaasi. Wafdiga uu hoggaaminayo Madaxweyne Biixi ayaa waxaa si diiran u soo dhaweeyey dadweyne fara badan oo isugu baxay magaalada Hargeysa oo xarunta maamulkaasi. Sidoo kale banaanbaxyo waa weyn oo qeyb ka ah soo dhaweynta wafdigan ayaa ka dhacay halkaasi. Dadweynaha ayaa watay boorar ay ku xardhan yihiin Sawirka Madaxweynaha Somaliland iyo sidoo kale kuwa ay ku qoran Erayo ay ugu mahadcelinayaan shacabka iyo madaxda dalka galbeedka Africa ku yaalla ee Guinea. Muuse Biixe Cabdi ayaa u mahadceliyay dadkii soo dhaweeyay, waxaana uu sheegay in Somaliland ay si wadi doonto qorshaha ay ku ballaarineyso xiriirka arrimaha dibadda. Dhawaan wafdigani ayaa booqasho rasmi ah ku tagay Guinea, taas oo sababtay in dowladda federaalka ay gabi ahaan xiriirka u jarto dalkaasi, kadib markii ay sheegtay inuu ku xadgudbay Madax bananida iyo Qaranimnada Soomaaliya. View the full article
  11. Iran has announced it will begin enriching uranium beyond the limit set in its 2015 nuclear deal with world powers "in a few hours". Source: Hiiraan Online
  12. As a Somali girl she underwent the horrific practice. Now a new film tells how she risked her life to end it Source: Hiiraan Online
  13. Kismaayo (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose ayaa ku warramaya in baraqanimadii maanta Markab sida hub uu ku xirtay Dekedda magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland. Markabkan ayaa la sheegay inay dirtay dowladda federaalka Soomaaliya, islamarkaana hubkaasi loo wado qeybta 43-aad ee ciidanka Xoogga Soomaaliyeed. Maamulka Jubbaland ayaa la sheegay inuu isku dayay in si hor istaag ku sameeyso hubkaasi, balse waxaa ka hortagay tallaabadaasi ciidamada MAISOM. Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in ugu dambeyn ciidamada Xoogga dalka, gaar ahaan qeybta 43-aad ay la wareegn hubkaasi. Dhinaca kale wararka qaar ayaa sheegaya in bandow xoogan Madaxweyne Axmed Madoobe uu ku soo rogay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Ciidamo badan oo ka tirsan kuwa Jubbaland ayaa lagu arkayaa gudaha magaalada, kuwaas oo dhaq dhaqaaqyo ka wada halkaasi. Mid ka mid ah dadka deegaanka oo qariyay magaciisa sababo dhinac ammaanka ah ayaa Shabellle uga warramay arrimahaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Wareysi-Nuur-Cabd-Dayib-.mp3 View the full article
  14. Nigeria and Benin signed a landmark African trade pact alongside the continent's heads of state at the African Union (AU) Summit, in Niger on Sunday. Source: Hiiraan Online
  15. Baarlamanka Puntland oo diiday xisaab-xirka Miisaaniyaddii 2018 Golaha wakiilada dowladda Puntland oo maalmahan ka doodayey, xisaab-xirka Miisaaniyaddii Puntland ee 2018 ee wasiirka Maaliyaddu uu Golaha horkeenay 30-June-2019, ayaa maanta cod gacan-taag ah ku diiday ansixinta Miisaaniyaddaasi. Golaha ayaa kor inta aysan u codayn xisaab-xirka Miisaaniyadda, waxay warbixin ka dhegaysteen Hanti-dhawrka guud ee Puntland, waxaana Xafiiska Hanti-dhawrku sheegay in aan gebi ahaanba lagu dhaqmin Miisaaniyaddii Puntland ee sannadkii 2018, islamarkaana ay khaladaad badan ka muuqdan sida loo kharash gareeyay dakhligii soo xerooday. Warbixinta Xafiiska Hanti-dhawrka guud kadib, ayaa mudanayaasha Baarlamanku cod gacan-taag ah u qaadeen, ansixinta xisaab-xirka Miisaaniyadd,a waxaana ogolaaday 12 mudane, halka ay diideen 27 mudane oo kale, hal xildhibaanna ka aamusay, iyadoo wadarta guud ee kulanka fadhiday ahaayeen 40 mudane. Xisaab-xirka Miisaaniyaddii 2018 ee maanta Baarlamanku diiday, ayaa loo gudbin doonaa xafiiska Xeer Ilaaliyaha guud ee Puntland, sida uu qabo qodobka 137.2 ee Dastuurka dowladda Puntland. Golaha ayaa sidoo kale cod aqlabiyad leh ku meel-mariyay, in dib u-habayn lagu sameeyo Hanti-dhawrka guud iyo Bankiga dhexe ee Puntland, islamarkaana dib loo eego xeerarka ay ku shaqeeyaan, iyadoo qodobkaasi ay ogolaadeen 39 mudane hal xildhibaannada ka aamusay. Waxaa kale oo Goluhu ogolaaday in uu soo saaro, xeer cusub oo Xisaabiyaha guud ee Puntland looga madax-bannaynayo wasaaradda Maaliyadda. Halkaan ka daawo sida codayntu u dhacday PUNTLAND POST The post Baarlamanka Puntland oo gebi ahaanba diiday xisaab-xirka Miisaaniyadii Puntland ee 2018 appeared first on Puntland Post.
  16. Hargeysa (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi oo Maanta dib ugu soo laabtay Magalada Hargeysa ayaa waxaa uu si kulul uga hadlay Go’ankii Dowladda Soomaaliya ay xiriirka ugu jartay dowladda Gini xilli uu safar ku joogay dalkaas. Waxa uu sheegay in markii ay tageen,isaga iyo wafdigiisa dalka Gini si weyn loosoo dhaweeyay,isla markaana warka kasoo yeeray Dowladda Soomaaliya uu yahay mid la iska yiri. “Runtii warka kasoo yeeray dowladda Soomaaliya waa mid leyska yiri,dowladda Xamar ee AMISOMta ilaaliso,waxaana leeyahay annaga ma nihin Maamul Goboleed,wadamo badan ayaan tageynaa kuwo kalena horay ayaan u tagnay”ayuu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Sidoo kale waxaa uu sheegay in Soomaaliland aysan marnaba u dulqaadan doonin qorsha ay wado dowladda Soomaaliya,isla markaana tallaaba kasto ay qaadeyso. Dowlada Federalka ayaa ku dhowaaqday in xiriirkii ay u jartay dowlada Guinea kadib markii uu booqasho uu ku tegey Madaxweynaha Somaliland loona soo dhoweeyay sidii Madaxweyne dal madaxbanaan mas’uul ka ah. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  17. Former Kenya’s parliament speaker Farah Maalin has accused Saudi Arabia and United Arab Emirates [UAE] of fuelling the current tension between Somalia and Kenya over the maritime boundary row. In an exclusive Interview with Shabelle TV, Maalin said the intelligence agents from the two Gulf countries have grown their presence in Nairobi as part of the efforts to pour fuel on the fire. The former speaker further stated that Kenya’s minister of foreign affairs Monica Juma presided over several anti-Somalia meetings held in Nairobi which used to stain the good image of the country. The two neighboring countries are currently at loggerheads over a sea border dispute which the UN’s ICJ – International Court of Justice is expected to rule by the end of this year. View the full article
  18. Tehran (Caasimadda Online) – Dowladda Iran ayaa shaacisay inay sare u qaadday heerka uranium-keeda tayaysan. Arintan ayaa kusoo beegmaysa toddobaad kadib markii uu dalkaasi shaaciyay inuu jebiyay qodob kamid ah heshiiskii 2015-kii kaasoo ku aaddan xaddiga loo oggol yahay ee keydkiisa uranium-ka ay tayadeedu hooseyso. Go’aankan ay gaartay xukuumadda Tehran ayaa qeyb ka ah dadaalka ay ku dooneyso inay cadaadis ku saarto dalalka Yurub si ay uga khafiifiyaan cunaqabateynta Maraykanka ee wax u dhintay dhaqaalaha Iran. Ku xigeenka wasiirka arimaha dibada ee dalka Iran Abbas Araqchi oo go’aankan ku dhawaaqay ayaa sheegay in wali ay daneenayaan ilaalinta heshiiskaasa. Balse wasiirka ayaa wadamada Yurub ku dhaliilay in ay ku fashilmeen ilaalinta go’aamadooda ku aadan heshiiskan. Mr Araqshi ayaa sidoo kale sheegay in Iran ay bilaabi doonto sara u qaadidada Yuraaniyamkeeda 3.67% taas oo aad uga hor imaanayso heshiiskii 2015. Sanadkii lasoo dhaafay ee 2018 ayaa Mareykanka iskaga baxay heshiiska xakamaynta Niyukleerka isagoona dib usoo celiyay cunaqabateenadii saarnaa dalka Iran. Iran ayaa bishii May mudo 60 maalin ah u qabatay wadamada wali heshiiskan qaybta ka ah sida Shiinaha, Faransiiska, Germal’ka, Ruushka, iyo UK in ay kaga soo jawaabaan cunaqabateenta Mareykanka. Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron oo khadka telefoonka kula hadlay dhiggiisa Iran ayaa ka codsaday waqti dheeraad ah oo ay uga soo tashadaan arintan. Dalalka Yurub ayaa ku dadaalaya inay ka hortagaan fashil ku yimaada heshiiska, balse haddii Iran ay sii wado inay jebiso qodobada, waxaa lagama maarmaan noqoneysa inay isaga baxaan. Heshiiskii 2015, waxaa loogaga gol-lahaa in Iiraan lagaga qaado cunaqabateynta taa badelkeedana ay soo afjarto barnaamijkeeda nukliyeerka, hasayeeshee Mareykanka ayaa sannadkii tegay isaga baxay heshiiskaasi iyadoo cunaqabateyn cusubna uu dalkaasi ku rogay. Mareykanka waxa uu gacanka geeyay maraakiib iyo diyaarado dagaal waxa uuna amray in shaqaalaha aan sida degdega ah loogu bahnayn ee Ciraaq ku sugan ay halkaasi isaga soo baxaan, isagoo sheegay inay jiraan warar sirdoon oo sheegaya suuragalnimada halis ciidammada Mareykanka kaga timaado waddanka Iiraan. Ku dhawaaqista Iran ee go’aankan ayaa kusoo beegantay maalin kadib markii uu madaxwaynaha Faransiiska Emmanuel Macron lahadalay dhigiisa Hassan Rouhani kaas oo walaac xoogan kaga muujiyay ka bixida heshiiskan. Caasimada Online Xafiiska Tehran Caasimada@live.com
  19. Muqdisho (SMN) – Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa Baarlamaanka ka hor akhriyay sharciga Shaqaalaha Rayidka oo wax ka bedel lagu sameeyay. Wasiir Warfaa, ayaa xaqiijiyay sharcigan oo laf-dhabar u ah dedaalada socda in wax ka bedelka lagu sameeyay uu sahlayo in la helo shaqaale xirfad leh, isla markaana fulin kara howlaha adeegga qaranka. “Tan iyo markii uu ii magacaabay ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre, wasiirka wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada waxaan xoogga saaray sidii is bedel loogu sameyn lahaa arrimaha shaqada iyo arrimaha bulshada , gaar ahaana dib u habaynta sharuucda iyo soo saarista siyaasad qaran oo hagta wasaaradda.” ayuu yiri wasiir Sadiiq Warfaa oo intaa ku daray” Sharciga adeegga rayidka ah wuxuu lafdhabar u yahay dadaalada aan ugu jirno in la helo shaqaale Soomaaliyeed oo loo qoro hab furan, leh xirfad shaqo isla markaana fulin kara howlaha adeegga qaranka hor yaalla. Sharciga adeegga rayidka waa mid lagu maamullayo shaqaalaha rayidka Soomaaliyeed wuxuuna sharcigan muhiimad gaar ah u leeyahay hab sami u socodka howlaha qaranka. “Wasiirka ayaa caddeeyay sababaha keennay in is bedel lagu sameeyo sharciga Shaqaalaha Rayidka , waxaa uu qodobka koowaad ku sheegay, dalka oo isku bedelay Federaal, sharcigii hore ma uusan qeexeyn qiimeynta booska uu qofka ka shaqeynayo, halka wax ka beddelkan ee sharciga uu u gogol xaarayo hab gaar ah oo lagu maamullo. “Sharciga cusub wuxuu ahmiyad siinaya khayraadka aadamiga ah .” ayuu ku daray wasiirka.Ugu dambeyn, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya ayaa Xildhibaannada ka codsaday in ay meel mariyaan sharcigaan ka dib marka ay waajibkooda ka gutaan. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article