Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,501
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Bayaan kasoo baxay kalfadhiga Afaraad ee Baarlamaanka Carabta oo lagu qabtay Magaalada Qaahira ayaa laga soo saaray baaq ku aaddan in Biyaha Soomaaliya ay yihiin hanti Carbeed. Baarlamaanka Carabta ayaa gaashaanka u daruuray sheegashada beenta ah ee ay Kenya ku dooneyso in ay ku calaamadaysato Baadda Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu Baarlamaanka Carbeed ka hor yimid Fara gelinta arrimaha Soomaaliya iyo in lagu xad gudbo arrimaha gudaha ee Dalkeeda,mabaadii’da deris wanaagga iyo heshiisyada caalamiga ah. Baarlamaanka ayaa sidoo kale Dowladaha Carbeed ugu baaqay in ay Soomaaliya Garab istaagaan, oo dedaal ugu jirto sugidda amniga iyo sidii ay u cirib tiri lahayd argagixisada. Hoos ka akhriso Bayaanka oo turjuman Baarlamaanka Carbeed waxa uu taageerayaa Jamhuuriyadda Soomaaliya si loo dhowro midnimadeeda, nabadgelyadeeda, deganaanshaheeda, bedqabka dhulkeeda, xorriyaddeeda, milgaheeda, Beri, Bad iyo Cir , waxa uu ugu baaqayaa Kenya in ay faraha kala baxdo Biyo Goboleedka Jamhuuriyadda Soomaaliya, oo ah qeyb aan ka go’ayn biyaha Carbeed oo lama taabtaan ah, waxa uu ku gacan seyrayaa sheegashada beenta ah ee ah calaamadeyn cusub oo raad lahayn, xaqiiqdana ka fog, sidoo kale waxa uu ganafka ku dhufanayaa hanjabaadda faragelin ee Kenya ee arrimaha gudaha Soomaaliya iyo ku tumashadeeda mabaa’diida deris wanaagga iyo heshiisyada caalamiga. Baarlamaanka Carbeed waxa uu ugu baaqayaa wadamada Carbeed ee xushmadda mudan in ay garab istaagaan Jamhuuriyadda Soomaaliya oo tallaabooyin wanaagsan u qaadaysa dhinacyada ammaanka, deganaanshaha iyo ka takhalusidda argagaxisada iyo waxyaabaha ka hor’imaanaya xuquuqul insaanka. PUNTLAND POST The post Baarlamaanka Carabta oo Kenya ugu baaqay in ay Faraha kala baxdo Badda Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  2. Foreign Ministers from Inter-Governmental Authority on Development (IGAD) convened in the Ethiopian capital, Addis Ababa on Wednesday. The 68th Extraordinary Session of the IGAD Council of Ministers discussed the situation in Sudan and as well as political developments in neighboring South Sudan. The Foreign Ministers of Ethiopia, Somalia, Djibouti, Kenya, South Sudan, Sudan and the State Minister for Foreign Affairs of Uganda were present. IGAD special envoy to South Sudan briefed the council of ministers on the implementation of the revitalized peace agreement in Africa’s youngest nation. In his opening remarks, Minister of Foreign Affairs of Ethiopia’s and Chairperson of the IGAD Council of Ministers, H.E. Gedu Andargachew noted the importance of encouraging the Sudanese stakeholders to return to negotiation and finalize their discussion on the remaining outstanding issues with a view to ensuring a smooth and peaceful transition. Recalling the efforts of H.E. Prime Minister Abiy Ahmed and noting that the Premier also deployed a Special Envoy to defuse the tension and assist the parties to reach a peaceful solution, Minister Gedu said today’s Session would offer an opportunity for IGAD to work to enhance this initiative. The Minister also called on Sudanese stakeholders to refrain from inflammatory statements and de-escalate tensions. On South Sudan, IGAD chair emphasized the need to review the progress of the implementation of the revitalized peace process in accordance with the direction set at the 67th Extraordinary Session of the IGAD Council of Ministers, which recently convened in Juba. View the full article
  3. Madaxweynaha Galmudug Axmed Geelle Xaaf oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Dhuusamareeb ayaa sheegay in dadkii 9-ka ahaa ee lagu dilay Galkacyo 14-kii bishan ay dileen 10 askari oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka. Mudane Xaaf oo arrintaas ka hadlaya waxa auu yiri “Waxbaayala dhaca Galmudug, wax badan oo ka mid ahi waxaad moodaa iney siyaasadeyn yihiin, sidii Ciidanka 21aad ee dadka ku tumanaya, oo dadka leynaya, annagu markii shilka ka dhacay Galkacyo hal nin oo booliis ah ayaa ku jiray, ninkii waa xiranyahay, inta kale military ayey ahaayeen, marka 10 nin oo xoogga dalka ah, oo Xamar laga xukummo, innaga nagama amarqaataan, cid kasta waan u sheegeynaa, haddii ay dambi galaan, cidda amarka ku leh ayaa qaban karta ee annagu ciidankeenna xaq uma laha iney wax ka qabtaan”. Markii uu dilka dhacay waxaa ka hadlay wasiirka warfaafinta Maareeye isaga oo yiri “ waxaa ballanqaadeynaa dowlad ahaan, inakoo kaa shaneyna hey’adaha dowladda heer federaal iyo heer maamul goboleed, inakoo kaa shaneynaa oday dhaqameedyada, inakoo kaa shaneyna culimada iyo waxgaradka Soomaaliyeed in ficilkaas baaris lagu sameeyo, oo dadkii ka dambeeyey ficiladaas cadaaladda la horkeeni-doono”. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. (SLT-Berbera)-Cuqaal Taageertay Shirka Buurmadow Iclaamiyay, Halkan hoose ka DAAWO Source
  5. Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug Axmed Geelle Xaaf oo maanta dib ugu soo laabtay Dhuusamareeb ayaa shir jaraa’id uu ku wehliyey madaxa xukuumadda Sheekh Shaakir ku sheegay iney waxbo kama jiraan iyo sharci-darro tahay warqad ay soo saartay wasaaradda arrimaha gudaha dowladda federaalka ah oo la xiriirtay doorasho ka dhaceysa Galmudug. Madaxweyne Xaaf oo arrimtaan ka hadlaya waxaa uu yiri “Galmudug waa state xor ah, oo madaxbannaan, mustacmarad ma aha, ma aha mid cusub oo hadda la dhisayo, aad iyo aad ayaan ugu xumahay in warqadda soo baxday u muuqatay in Galmudug tahay State cusub, State cusub ma aha Galmudug, shicib ayey leedahay, nidaam ayey leedahay, dastuur ayey leedahay, baarlamaanbey leedahay, madaxbey leedahay, caasimadeedibey joogtaa, in lagu xadgudbo, oo la yiraahdo hadda ayaa doorasho loo qabanayaa anugu meel ay ku taalo ma arag”. Dhanka kale, waxaa uu madaxweynaha ugu baaqay bulshada Galmudug iney fiijignaadaan “waxaan u sheegeynaa umadda Soomaaliyeed iyo inta wax garaneysa, reer Galmudug khaasatan in arrintaas si qoto-dheer uga fiirsadaan, una ogaadaan iney tahay xadgudub sharci-darro ah, haddii madaxdii federaalka ee qaranka ay sharcigii ku tumanayaan, aad iyo aadbaan uga xumahay, in aan sharciga ilaalsanno ayaa nalakooka baanhayanyahay, haddii aan waxa yaga ilaashan weyno, waa nalaku tumanayaa”. Arrintan xildhibaanka waxaa ay imaaneysaa kadib markii wasaaradda arrimaha gudaha ee dowladda Federaalka ay habeen hore saqdii dhexe soo saartay qoraal ku aadan doorasho ka dhaceysa Galmudug, iyada oo ku baaqday in la qabto xilligii loogu talo-galay. Wasaaraddu waxaa ay sheegtay muddada xilheynta madaxda Galmudug ay ku egtahay 4-ta July ee sanadkan, isla markaana loo baahanyah in la qabto shirweyne arrimaha looga tashto. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Ciidamada Ilaalada Kacaanka Iran ayaa maanta sheegay inay soo rideen diyaarad drone oo basaas ah oo Mareykanka uu leeyahay, taasi oo sida ay sheegeen kusoo xadgudubtay hawada dalkaas, meel ku dhow Marinka Hurmuz. “Diyaaradda basaaska RQ-4 Global Hawk ee Mareykanka ayaa waxaa lagu dhuftay gantaal markii ay kusoo xadgudubtay hawada Iran ee dusha biyaha gobolka Hormozgan” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Ilaalada kacaanka. Sarkaal Mareykan ah ayaa sheegay in diyaaradda lasoo riday ay tahay nooca MQ-4C Triton, hase yeeshee ay ku duuleysay hawada caalamiga ee Marinka Hormuz. Dhacdadan ayaa timid xilli uu aad usii kordhayo is-naceybka u dhaxeeya Mareykanka iyo Iran kadib mowjado weeraro ah oo laba mar lagu qaaday maraakiib marayey biyaha gacanka. Dowladda Mareykanka ayaa Iran ku eedeysay inay ka dambeysay weeraradaas, waxayna soo bandhigteen sawirro ay sheegtay inay taas caddeyn u yihiin. Tehrani waa ay beenisay inay wax lug ah ku lahayd weerarada, waxayna tusmeysay in laga yaabo in Washington ay ka dambeysay weerarada si ay qiil ugu raadsato weerar ay ku qaado Iran. Isha: VOA Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah
  7. Addis Ababa (SMN) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiha, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa ka qeybgalay kulanka gaarka ah ee 68-aad ee Golaha Wasiirrada IGAD oo ka furmay shalay Caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa. Sidoo kale waxaa ka qeybgalay Wasiirrada Arrimaha Dibadda Itoobiya, Jabuuti, Kenya, Koonfurta Suudaan, Suudaan iyo Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda ee Uganda. Wasiirrada Arrimaha Dibadda wadamada xubnaha ka ah IGAD waxa ay ka doodeen xaaladda Suudaan iyo horumarka laga gaaray howlaha taabagelinta dib u noolaynta geedi socodka Koonfurta Suudaan. View the full article
  8. Somalia’s IBS Bank has partnered with Visa to deepen its payments services in Somalia in a move expected to accelerate its banking services locally and globally. IBS Bank Chief Executive Officer Mahat Mohamed said “We went live with Visa acquiring in May this year and within a month we have seen an outstanding response in the market. In our first month, we have had 341 transactions (ATM withdrawals) with a total value of $85K. Our partnership with Visa is bound to accelerate the growth of electronic payment in Somalia and ensure that as many Somalis as possible are brought into the formal banking system.” IBS Bank has a growing network of 7 branches in key districts in Mogadishu and makes provision for services such as cash withdrawals and balance enquiries. In addition, the wider Point of Sale acceptance footprint is growing, and Visa cardholders can also pay for goods and services from merchants that accept Visa across the country. “We are happy to officially welcome IBS Bank customers onto the Visa network where they can enjoy secure and convenient payment experiences,” said Kevin Langley, Visa’s General Manager East Africa. “This development is in line with our commitment to reduce cash usage and deepen financial inclusion in Somalia and across Africa.” IBS Bank will continue to be at the forefront of innovation and will continue to look for new ways of giving Somalis the means to enhance their financial prospects. Visa will support IBS Bank by engaging with key stakeholders to assist where possible on infrastructural challenges and ensure that innovative payment solutions enable financial inclusion for Somalia’s population. “Visa’s experience of offering superior products and value to its clients has driven growth in over 200 countries and territories around the world and we hope to attain the same results in Somalia,” added Langley. VisaNet, Visa’s centralized processing network will be utilized in Somalia to help facilitate the transfer of value and information among Visa’s client financial institutions, consumers, merchants, businesses and government in a faster, more reliable and more secure way.
  9. Muqdisho (Caasimadda Online) – Sheekh Cali Maxamuud Xasan (Wajiis) oo ka mid ah Culumada Soomaaliyeed kana mid ah guddiga arrimaha xajka ayaa xukuumada federalka ku eedeeyay inay caqabad ku tahay sanadkan Soomaalida dooneysa inay soo xajiso. Qoraal dheer uu soo dhigay Bartiisa Facebook ayuu ku soo bandhigay qoddobo sababi kara in sanadkaan Soomaalida ka baaqato Xajka. Qodobada uu soo saaray Sheekha ayaa waxaa kamid ah in xamlooyinka loo xil saaray xajka sanadkan aysan lahayn waayaraganimo ku filan marka laga reebo shan xamlo. Hoos Ka Akhriso Qodobada uu ku sababeeyay in Xukuumadda Soomaaliya caqabad ku tahay Arrimaah Xajka. Asc waxaan maanta anigoo aad uga xuna kana murugeysan aan madaxda qaranka iyo umada soomaaliyeed u cadeynayaa in xajkii islaamka ee soomaalidu maanta khatar ugu jiro inow baaqdo sababaha soo socda 1– In wasaaraddii owqaafta iyo diinta oo la rabay iney fududeyso ay caqad ku tahay gudigiina shaqadii ka widi la,yahay 2–In Shirkadihii tartamay ee guuleestay ay ka hor taagantahay wasaaraddu iney howshoodii si toosa u guda gslaan iyagoo weliba ka qaatay lacag ku dhaw 1200.000 rahana uga dhigay 555000 3– In Ay xajkii af duubeen oo ka dhigeen xaj bicsah iyagoo diidan shirkadaha iney kaalintooda qaataan iyagoo acconka wasaaradda ee jiddah doonaaya in $20.000 000 malyan ee soomaalidu ku xajineyso lagu shubo iyagoo ay ka saari karaan lacagtaas oo qura shaqaalaha wasaaradda iyo qunsuliyadda taasoo khilaafsan nadaamkii saxda ahaay 3 biloodna laga shaqeynaayay oo ahaay in shirkadihii guuleestay howlohooda loo daayo loona qoro kartul munadam shirkdeed oo bicsada ka madax banaan lacagohoodana loo madaxbaneeyo iyo shaqooyinkooda bicsaduna u fududeyso wixii dhanka dowladda sucuudiga ku saabsan. Haddaba iyadoo faragelintaas owgeed dibu dhac weyn wasaaraddu sameysay howlihii shirkadahana faraha kula jirto waxaan ugu baaqayaa madaxda sare ee dowladdu iney xajka aan la siyaasadeyn una sheegto wasaaradda iyagu ay dhiseen in xajkaas aan jidkiisa laga leexin. Aniga iyo gudiga howlaha xajka ee dhiman waa ay noo muuqdaan sida loosoo gebagebeyn karo uguna habboon lkn wasaaraddii ayaa shaqadii caqabad ku ah. haddaan 24 saac madaxdu caqabadaha ku hor gudban xajka ka qaadin waxaan uga bexeynaa wasaaradda iyadaana maanta wixii ka danbeeya ka masuula arintaas. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  10. Qaahira (SMN) – Bayaan kasoo baxay kalfadhiga Afaraad ee Baarlamaanka Carabta oo lagu qabtay Magaalada Qaahira ayaa laga soo saaray baaq ku aaddan in Biyaha Soomaaliya ay yihiin hanti Carbeed. Baarlamaanka Carabta ayaa gaashaanka u daruuray sheegashada beenta ah ee ay Kenya ku dooneyso in ay ku calaamadaysato Baadda Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu Baarlamaanka Carbeed ka hor yimid Fara gelinta arrimaha Soomaaliya iyo in lagu xad gudbo arrimaha gudaha ee Dalkeeda,mabaadii’da deris wanaagga iyo heshiisyada caalamiga ah. Baarlamaanka ayaa sidoo kale Dowladaha Carbeed ugu baaqay in ay Soomaaliya Garab istaagaan, oo dedaal ugu jirto sugidda amniga iyo sidii ay u cirib tiri lahayd argagixisada. Bayaanka kasoo baxay Baarlamaanka Carabta oo turjuman ayaa u qornaa sidan. Baarlamaanka Carbeed waxa uu taageerayaa Jamhuuriyadda Soomaaliya si loo dhowro midnimadeeda, nabadgelyadeeda, deganaanshaheeda, bedqabka dhulkeeda, xorriyaddeeda, milgaheeda, Beri, Bad iyo Cir , waxa uu ugu baaqayaa Kenya in ay faraha kala baxdo Biyo Goboleedka Jamhuuriyadda Soomaaliya, oo ah qeyb aan ka go’ayn biyaha Carbeed oo lama taabtaan ah, waxa uu ku gacan seyrayaa sheegashada beenta ah ee ah calaamadeyn cusub oo raad lahayn, xaqiiqdana ka fog, sidoo kale waxa uu ganafka ku dhufanayaa hanjabaadda faragelin ee Kenya ee arrimaha gudaha Soomaaliya iyo ku tumashadeeda mabaa’diida deris wanaagga iyo heshiisyada caalamiga. Baarlamaanka Carbeed waxa uu ugu baaqayaa wadamada Carbeed ee xushmadda mudan in ay garab istaagaan Jamhuuriyadda Soomaaliya oo tallaabooyin wanaagsan u qaadaysa dhinacyada ammaanka, deganaanshaha iyo ka takhalusidda argagaxisada iyo waxyaabaha ka hor’imaanaya xuquuqul insaanka. View the full article
  11. Muqdisho (SMN) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Mudane; Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, ayaa la kulmay Guddi xaqiiqa raadin ah ee uu soo Magcaabey Madaxweynaha koofur Galbeed Mudane Cabdicasiis (lafta gareen). Guddigan ayaa soo baaraya dhibaatadii dhowaan ka dhacadey Magaalooyinka Dhoosamareeb iyo Gaalkacyo ee Dowlad Goboleedka Galmudug , halkaas oo lagu laayey Dad Shacab ah oo aan waxba galabsan. Guddigan oo uu horkacayey Wasiirka wasaaradda caddaaladda Soomaaliya, ayaa waxaa xubno ka ah Xildhibaanno , Salaaddiin iyo Malaaqyo oo ka soo jeedo degaannada Koofur galbeed. View the full article
  12. Warbixinta sadaalinta ee qaramada midoobey ay sameysay sanadkan 2019-ka, waxaa ay sheegeysaa in 2027 ay Hindiya dad ahaan ka badnaan-doonto dalka Shiinaha. Hadda Shiinaha tiro ahaan waa 1.4 bilyan oo qof halka ay Hindiyana ay tahay 1.3 bilyan oo qof. Sida ku qoran warbixinta UN-ta, 2050-ka, Nigeria ayaa noqoneysa dalka 3-aad oo dadkeedu noqon-doonaan 733 Milyan oo qof, iyada oo ka sari-mari-doonta Mareykanka oo ku geli-doona kaalinta 4-aad qiyaas ahaan 434 milyan, sidoo kale Pakistan ayaa sii ahaan-doona kaalinta 5-aad. Dalkeenna Soomaaliya waxaa ay qaramada midoobey hadda ku qiyaastay 15.5 Milyan oo qof, 2050-ka waxaa la sheegayaa in ku kordhin-doonaan ilaa 121% oo tirada dadka ay gaari-doonaan 34.9 Milyan. Dalalka Carabta: Masar oo hadda ah 100 Milyan waxaa ay gaari-doontaa 160 Milyan, Ciraaq oo hadda 39.9 oo gaari-doona ilaa 70 Milyan, Suudaan oo hadda ah 42.8 Milyan waxaa ay dadkiisa noqon-doonaan 81.2 Milyan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Wasiirka wasaaradda amniga iyo DDR-ta ee dowladda Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan ayaa waxa uu ka warbixiyey shir looga hadlayey arrimaha ammaanka oo uu muddooyinkii ugu [...] Source
  14. Muqdisho (Caasimadda Online) – Sheekh Cali Wajiis oo xubin ka ah Guddiga Xajka ayaa sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay caqabad ku tahay in sanadkan Soomaalida Xajka aadaan. Qoraal uu ku daabacay Boggiisa Facebook ayuu ku tiriyay caqabadaha faraha badan ee uu Guddiga la kulmayo oo ay ka mid tahay faragelinta wasaaradda. Waxaa uu muddo 24 saac ah u qabtay Xukuumadda gaar ahaanna Wasaaradda Diinta oo uu sheegay in haddii aysan go’aan rasmi ah soo saarin uu isaga baxayo Guddiga. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  15. Wasiirrada arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiha ee dalalka IGAD ayaa waxaa uu shalay kulan uga furay caasimadda Itoobiya. Dadkaasi Adis Ababa ku sugan waxaa ka mid aha danjire Axmed Ciise Cawad, wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ee Soomaaliya. kulankan oo gaar ah, waa kii 68aad ee golaha Wasiirrada IGAD, waxaana looga hadlay xaaladda dalka koonfurta Suudaan. Wasiirrada Arrimaha Dibadda wadamada xubnaha ka ah IGAD waxa ay ka doodeen xaaladda Suudaan iyo horumarka laga gaaray howlaha taabagelinta dib u noolaynta geedi socodka Koonfurta Suudaan Sidoo kale waxaa ka qeybgalay Wasiirrada Arrimaha Dibadda Itoobiya, Jabuuti, Kenya, Koonfurta Suudaan, Suudaan iyo Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda ee Uganda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Maanta waxaa dunida oo dhan laga xusayaa maalinta qaxootiga adduunka, sida ay sheegeyso UNHCR, ilaa hadda, 71 million ayaa dalkooda uga cararay qalalaaso siyaasadeed iyo dagaallo sokeeye. Dalka ugu badan ee qaxooti dibadda ugu maqan waa Syria, oo 6 million dibadda ka jiraan, waxaa xiga Afghanistan oo 3 million ah, Ciraq: 142,576, Iran: 37,732, Soomaaliuya: 5,518 Sanadkii tagay 2018, dadka qaxootinnimada ku soo biiray, ee dalkooda ka cararay waa 2 million. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. Degmada Caluula ee gobolka Bari ayaa waxaa saamayn xoogan ku yeeshay badda oo ku soo fatahday waxaana jira qoysas badan oo ka cararay guryohooda oo [...] Source
  18. Muqdisho (Caasimada Online)-Guddoomiyaha baarlamaanka maamulka Hirshabeelle oo maalmihii ugu dambeeyay ku maqnaa Boqortooyada Sacuudiga ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, waxaana uu kadib kulan la qaatay madaxweynaha Soomaaliya. Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa bartiisa Facebook kusoo qoray in madaxweynaha Soomaaliya uu kala hadlay arimo dhowr ah, balse ma uusan cadeyn waxyaabaha ay ka wada hadleen. “Waxaan caawa la kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mohamed Abdullahi Farmajo kadib maalmihii lasoo dhaafay oo aan Dalka uga maqnaa cumro, waxaana maalmaha soo socda dib ugu noqon doonaa Deegaanada Hirshabelle”ayuu yiri guddoomiye Cusmaan. Balse Caasimada Online ayaa ogaatay in guddoomiyaha baarlamaanka uu madaxda dalka kala hadlay sidii looga caawin lahaa daminta xiisadda cusub ee ka dhex dhalatay baarlamaanka Hirshabeelle. Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa doonaya dhaqaalo uu ku kala furfuro xildhibaanada baarlamaanka Hirshabeelle ee sida weyn u mucaaraday fariin uu dhawaan u diray oo ku aadaneyd inay fasax ka yihiin kulamada baarlamaanka. Guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Hirshabeelle iyo xildhibaano badan ayaa shaaciyay inay guddoon cusub dooran doonaan haddii uusan si dhaqsi ah ugu laaban magaalada Jowhar. Guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabeelle ayaa saaxiib dhow la ah madaxda Nabad iyo Nolol. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  19. AQOONTII LA BARTAY IYO NOLOSHII MAGAALADU WAXBA KAMAY BADALIN QAABKII LOO NOOLAA XILIGII SOMALIDU GEELA KALA DHACAYSAY EE LA ISUGU FAANAYEY CUDUDA IYO CIIDANKA . ! Habka ay somalidu u noolayd qarniyo badan oo hore iyo xiligii miyiga la joogay ayaa ahaa seban la isku faano xoolaha la kala dhaco, oo la isugu faano xoog iyo xoolo, marka aad suugaanta oo kaydka taariikhda ah dib u raacdo. Noloshaasi waxa ay sababtay in ilmaha lagu barbaariyo in reerkoogu yahay ka ugu dagaal yahansan ugu xoolo badan uguna taariikh wanaagsan, waxaana farta loogu fiqi jiray reeraha uu reerkooga xafiiltanku ka dhexeeyo iyo cida uu iska ilaalinayo . Hab nololeedkii noocaa ahaa waxa uu inala soo galay magaalada iyada oo inta badan dadkii aanay waxba ka badelin magaaladii iyo waxbarashadii la bartay ee lahayd mid maadi ah iyo mid diini ahba oo uu qofku wali taagaan yahay halkii dhawr qarni ka hor la taagnaa iyo qaabkii loo noolaa. Waxa garab socota oo iyaduna uu nidaamkaa in qofwaliba qoladiisa dabada galiyo oo madaxa kala soo jeedsadaa sii dhiirigaliyey in la aaminay in aanu qofna reerkiisa la’aantii waxba noqonayn hadii uu u baahdo waxyaabo ay ka mid tahay in uu hogaaminta iyo talada dalka ka qayb qaato oo rabitaankii qofka waxa laga doorbiday ka reerka . Waxa wax lala yaabo ah in xataa kuwii dambiyada kala duwan soomaali dhexdeeda ka galay ee isugu jiray xasuuqyadii iyo duqeymihii dadka loo geystay iyo ilaa kuwa argagixisada ah ee maalinwalba umada gumaada in nin waliba reer dabada kula jira oo hadii la is yidhaahdo talaabo ha laga qaado aanu waayeyn cid reernimo iyo tolaayeey ku difaacda. Dadku way duloobaan hadii aanay xaqa iyo wanaaga isku taageerin oo waxa imanaysa in xaqdarada iyo xumaanta la isku garabsado, taasi oo Ina dhaxalsiinaysaa aayo la’aan iyo bur-bur umadeed oo aanay ka soo kaban Karin dadkeenan dhibaatooyinka dagaalada, qabyaalada iyo qiimo beelka nololeed marba marka ka dambaysa ku soo badanayo. Waxaa aynu ka hadlaynaa waa dhibaato Ina haysanaysa ilaa inta dadku ka xoroobayaan wax badan oo aasay wanaagii mustaqbalkii iyo qiimeyntii saxda ahayd ee qofka soomaaliga ahi sameyn lahaa wax ku dooran lahaa si uu ula tartamo umadaha kala duwan ee Africa iyo Aduunkaba kula nool, ilaa arimahaa xal laga gaadhona ma filayo in laga gudbayo wax badan oo dhibaato inagu haya oo aynaan diyaarna u ahayn xiligan in laga baxo, laakiin ay imanayso maalin laga bixi doonaa. Muhamed Dhimbiil Image Qaran News
  20. Muqdisho (PP) ─ Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa xalay kulan gaar ah ku yeeshay madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo guddoomiyaha baarlamaanka maamul-goboleedka Hir-shabelle, Cusmaan Barre Maxamed oo maalmahan ku sugnaa Muqdisho. Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa waxaa warar kala duwan oo kasoo baxaya ay sheegayaan in waxyaabihii looga hadlay aanay illaa hadda aan laga soo saarin wax war ah. Balse, wararka hoose oo la helayo ayaa sheegay in la iskula soo qaaday sidii loo xalin lahaa xiisadda ka taagan Baladweyne ee ka dhalatay xilka qaadiistii guddoomiyihii gobolka Hiiraan, Yuusuf Axmed Hagar [Daba-geed]. Sidoo kale, waxaa kulanka looga hadlay muranka ka taagan degmada Jowhar oo ka dhashay fasaxa xubnaha baarlamaanka Hir-shabelle, kaasoo lagu eedeeyay inuu bixiyay guddoomiyaha, waxaana taasi ay dhalisay muran xooggan oo aan weli xal loo helin. Dhanka kale, waxaa socda wadahadallo lagu doonayo in lagu xalliyo khilaaf ka dhashay xil-ka-qaadistii Yuusuf Dab-geed oo gaaray meel xun, uuna ku naf-waayay taliye ka tirsan ciidamada booliiska Soomaaliya ee ku sugan gobolka Hiiraan. Ugu dambeyn, Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka taagnaa xilliyadii lasoo dhaafay muran xooggan oo ka dhashay xilal la isku bedelay, waxaana ay u muuqataan xilligan in Yuusuf Dabo-geed loo dhaafi doono xilkiisii hore si loo xalliyo khilaafka taagan. PUNTLAND POST The post Kulan Qarsoodi ahaa oo Muqdisho ku dhex-maray Farmaajo iyo Guddoomiye Baarlamaan appeared first on Puntland Post.
  21. Muqdisho (PP) ─ Dowladda Kenya ayaa waxay dadaal xooggan ugu jirtaa sidii ay u joojin lahayn in go’aan ku aaddan muranka badda ee Somalia kala dhexeeya uu kasoo baxo maxkamadda caalamiga ah ee ICJ oo horay loogu gudbiyay dacwad ku aaddan muranka badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya. Wasiiradda arrimaha dibadda Kenya, Monica Juma ayaa booqasho ku tagtay dalka Jabuuti waxayna kulan la qaadatay madaxweynaha Dalkaas Ismaaciil Cumar Geelle, kaasoo intiisa badan ay uga hadleen muranka badda ee labada dal u dhexeeya. Monica Juma, ayaa qoraal ay ku daabacday booggeeda Twitter-ka ku xustay inay ku farsaxsan tahay la kulanka madaxweynaha Jabuuti, ayna u gudbisay qoraal ay uga siday madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, kaasoo salka ku hayay muranka badda ee u dhexeeya Somalia iyo Kenya. Kenya ayaa dhawaan ku eedeysay Xukuumadda Somalia inay abuureyso is-baheysi geeska afrika ah, iyadoo sheegtay in Madaxweynaha Somalia uu la kulmay madaxweynayaasha Tanzania iyo Eritrea iyo ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya. Sidoo kale, Dowladda Kenya ayaa dadaal ugu jirta sidii muran badeedka kala dhaxeeya Somalia loogu xallin lahaa meel aan ahayn maxkamadda, iyadoo qoraal arrintan ku saabsan dhawaan u dirtay golaha ammaanka ee QM, si ay uga hadlaan go’aanna uga soo saaraan. Dhanka kale, Xukuumadda Nairobi ayaa sheegtay in biyaha ay Somalia isku haystaan haddii loo xukmiyo Somalia ay horseedi karto in dalal badan oo ku yaalla Afrikada ay ku murmi doonaan biyo-badeedyada u dhexeeysa, kuwaas oo ay ka xustay; Kenya, Tanzaniya, Mozambique iyo Koonfur Afrika. Ugu dambeyn, Dowladda Kenya ayaa waxay dadaal weyn ugu jirtaa sidii ay u baajin lahayd go’aanka maxkamadda ICJ oo la sheegay inuu u muuqdo mid ay Somalia ugu xukumi doonto biyaha lagu muransan yahay, waxayna Kenya billowday inay cadaadisyo kala duwan saarto Somalia. PUNTLAND POST The post Kenya oo dadaal weyn ugu jirta sidii muranka Badda loogu dhameyn lahaa hab is-faham ah appeared first on Puntland Post.
  22. Addis Ababa (PP) ─ Dalalka IGAD ayaa kulan aan caadi ahayn oo ay uga hadleen xaaladda ka taagan dalka Suudaan, waxay shalay ku yeeheen magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya, iyagoo isla gartay in si dhaqso ah wax looga qabto xaaladda Suudaan. Dalka Suudaan ayaa waxaa ka taagan xaalad is-mari-waa ah oo u dhexeysa xukuumadda ay ciidamadu hor-boodayaan iyo dadweynaha dalkaas, kuwaas oo ka biyo-diiddan in xukunka ay sii hayaan ciidamada, maadaama xilka laga qaaday madaxweynihii hore ee dalkaas, Cumar Al-bashiir oo xilka dalka Suudaan kula wareegay afgambi millateri. Waddooyinka magaalada Khartuum ee dalka Suudaan ayaa intooda badan ah kuwo maran, iyadoo goobaha qaarkood lagu arkayo dhallinyaro baangado iyo toorreeyo wata oo taagan waddooyinka, kuwaasoo sheegay inay ciidanka dalkaas ka ilaalinayaan inay xaafadahooda soo galaan. Sidoo kale, Wasiirrada Arrimaha dibadda ee IGAD ayaa waxay ku baaqeen in la qabto shir deg-deg ah oo wax looga qabanayo xaalada Suudaan ku sugan tahay xilligan, isla markaana cadaadis la saaro ciidamada xukunka haya. Dhanka kale, Wasiirrada shirka IGAD ka qayb-galay ayaa waxaa isugu jireen wasiirrada dalalka, Itoobiya, Somalia, Jabuuti, South Sudan, Kenya iyo wasiir-u-dowle ka socday dalka Uganda. Kulankan ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo dhawaan uu dalka Sudan booqday ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed halkaasoo uu ka billabay inuu u kala dab-qaado dhinacyada isku haya awoodda maamul ee dalkaas, inkastoo aan la ogeyn halka ay wada-hadalladaas billowday marayaan. Ugu dambeyn, Dalka Sudan ayaa waxaa ka taagan xaalad aan la qiyaasi karin halka ay ku dambeyn doonto, inkastoo madaxweynihii hore uu xabsiga ku jiro, haddana millateriga ayaa diiday dalab ka yimid dibad-baxayaasha oo ah in xukunka lagu wareejiyo rayidka. PUNTLAND POST The post Dalalka ku bahoobay IGAD oo shir ka yeeshay xaaladda adag ee ay ku sugan tahay Suudaan appeared first on Puntland Post.
  23. Xassan Shire Cabdi Abgaal Wasiirka Maaliyadda Puntland Xassan Shire Abgaal, ayaa shaaciyay in uu dacwad ka gudbiyay qaar kamid ah wasaaradaha dowladda Puntland iyo hay’adaha madaxa-bannaan oo sida uu sheegay bixin waayay canshuurtii ku waajibay. Wasiirka oo shalay ka hadlayey shir ku saabsana kicinta iyo kor u-qaadidda canshuuraha oo Garoowe lagu qabtay, ayaa sheegay in uu dacwad ka gudbiyay qaar kamid ah wasaaradaha iyo hay’adaha bixin waayaycanshuurta ku waajibtay,islamarkaana qoraal-dacwadeed ka geeyay Xeer-ilaalinta, Hanti-dhowrka guud iyo madaxtooyada Puntland . Abgaal ayaa sidoo kale ku hanjabay in uu dacwad ka gudbin doono, wasaaradaha iyo hay’adaha aan weli bixin canshuurta dowladda” annaga wasaaradii iyo hay’addii aan ka wayno canshuurihi ku waajibay dacwad baan gudbinaynaa” ayuu yiri wasiirka. Waxaa kale oo uu xusay in qaar kamid ah wasaaradaha iyo hay’adaha madaxa-bannaan ee dowladda Puntland ay Maaliyaddu dhaqaalihii ka joojisay, kadib markii ay bixin waayeen canshuurta”Haa way jiraan hay’addo bixin waayay Cashuurta Mashaariicda dhex marta dacwadna waan ka gudbinay adeegiina waan ka joojinay ” ayuu yiri sii raaciyay Xassan Abgaal. Halkan hoose ka daawo hadalkiisa PUNTLAND POST The post Xassan Abgaal oo sheegay in uu dacwad ka gudbiyay qaar kamid ah wasaaradaha dowladda Puntland appeared first on Puntland Post.