Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,105
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Kismaayo (Caasimadda Online) – Nin ka mid ahaa dhaq dhaqaaqa AL-shbaaab sida uu sheegay ayey Ciidamada dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ku soo bandhigeen Magaalada Kismaayo Ibraahim Lujeende Maxamed, ayaa sheegay in uu ka soo baxsaday AL-shabaab, isaga oo baxsanaya xabado lagu furay. Waxaa uu sheegay in uu 10 sano ka mid ahaa AL-shabaab isaga oo ku dagaallami jiray Qori AK47 ah sida uu sheegay Ibraahim. Ibraahim oo uu af Soomaaliga ku adagyahay ayaa sheegay in markii uu soo baxsanayay uu galay howdka kaddibna xilli habeen ah lugeeyay sidaasna ku tagay Baarsanguuni oo uu iska dhiibay. Ninka la qabtay ayaa tirsan qeybta Jabhadaha ee weerarada ku qaada xeryaha ciidamada, waxaa la sheegay inuu ka mid ahaa dagaalamayaashii Al-Shabaab ee ka qeyb galay weerarkii Ceel Cadde ee Gobolka Gedo oo dhacay sanadkii 2015 ee lagu galay xero Ciidamada Kenya, laguna dilay boqolaal askari. Marka laga soo tago sheegashada Saraakiisha Ciidamada dowladda, ma jirto illaa iyo hada wax war ah oo ka soo baxay dhanka Al-Shabaab, waxaana inta badan Shabaabka ka gaabsadaan weerarada cirka iyo howlgalada ka dhaca deegaanada ay maamulaan. Maxamed Beddel Xasan Taliyaha guutada 11aad qeybta 43aad ee Ciidanka Xoogga dalka, ayaa sheegay in Ninkaasi Al-shabaab u qaabilsanaa sirdoonka,xogahana u uririn jiray.
  2. Milatariga Maraykanka ayaa duqayn uu shalay ka geystay buuraha Golis ee gobolka Bari ku dilay lix kamid ah argigixisada Daacish. Warsaxaafadeed kasoo baxay howlgalka Maraykanka [...] Source
  3. Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Jubaland ee ku sugan gobolka Jubada hoose oo iskaashanaya ayaa hawlgal wadajir ah ku qabtay sarkaal ka tirsanaa Al-shabaab. Saraakiisha ayaa sheegay in hawlgalka oo ka dhacay degaanka Baar-Sanguuni ee gobolka Jubada hoose ay ku qabteen Ibraahim Lujende Maxamed oo Al-shabaab u qaabilsanaa xog raadinta iyo sahanka. Sarkaalka la qabtay ayaa ciidamadu sheegeen in uu ka tirsanaa jabhadaha wax weerara ee Al-shabaab islamarkaana uu ka qeyb-galay weerarkii lagu qaaday saldhiga ciidamada Kenya ee degaanka Ceel-cadde sannadkii 2015. Ururka Al-shabaab ayaan dhankooda weli ka hadlin sarkaalka la sheegayo in laga qabtay. PUNTLAND POST The post Sarkaal ka tirsan Al-shabaab oo lagu qabtay Jubada hoose appeared first on Puntland Post.
  4. Tiro dad ah oo isugu jira Muhaajiriin iyo Qaxooti ayaa laga siidaayay Isniintii Xabsi ku yaalla dalka libya,waxaana badi dadkaasi ay ka tageen dalalka Soomaaliya,Ereteriya iyo Itoobiya. Hay’adda Qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNCH ayaa sheegtay in dadkaan lasiidaayay,iyada oo la siiyay adeegyadii ay u baahnayeen,sida deegaano ay sii dagaan ilaa iyo inta laga daad gureynayo, waxana la sheegay in dadkaasi ay ku jiraan laba Carruur ah oo umusha lagula jiro. Afhayeen u hadlay Hay’adda UNCH oo lagu Magacaabo Bieber Bloch ayaa sheegay in Hay’addu dadkaasi ay siineyso Cunto, Guryo, Daawooyin iyo talooyin la xiriira dhinaca maskaxda ah si looga caawiyo dhibaatooyinkii ay soo mareen intii ay Xabsiga ku jireen. “Xaalada Xabsiga waa kuwo adag in lagu noolaado goob dadku ay ka tiro bateen,ayada oo aysan jirin wax neecaaw ah oo dadka u soo geleyso waa mid adag,qeyb ahaan xarunta dhexdeeda musqulaha ayaa ah kuwo buux dhaafay taasi aawgeedna qashin qub ayaa laga dhigay qolalka Xabsiga,waxeyna leeyihiin qataro halis ah ayuu yiri Bieber Bloch. Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR ayaa sheegtay in xabsiyada ku yaalla dalka Libya gaar ahaan tripoli ay ku xir xiran yihiin in ka badan saddex Kun oo magangalyo doon ah iyo kuwa tahriibayaal ah,kuwaas oo markii hore laga soo badbaadiyay dooman ee saarnaayeen dalkaasi Libya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Galmudug Maxamed xaash cabdi Carrabeey ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ugu baaqay in ay hoos u eegto xaaladda ka taagan gobollada Sool iyo Sanaag oo ay ku muransan yihiin Puntland iyo Somaliland. Mudane Carrabeey ayaa xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku boorriyay in ay la socoto dhibaatooyinka ka jira degaannada SSC oo ay ka taagantahay colaad u dhexaysa Puntland iyo Somaliland oo ku salaysan khilaafka xuduudaha labada dhinac. “Dowlada Soomaaliya Waa inay Hoos u eegtaa waxa ka dhacaya Gobolada Sool iyo Sanaag” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook. Carrabeey ayaa noqday mas’uulkii ugu horreeyay ee ka tirsan Galmudug oo dowladda Soomaaliya u soo jeediya in ay la socoto xaaladaha ka jira gobollada Sool iyo Sanaag . PUNTLAND POST The post Carrabeey dowladda Soomaliya ugu baaqay in ay hoos u eegto xaaladda Sool iyo Sanaag appeared first on Puntland Post.
  6. Nairobi (Caasimadda Online) – Dowladda Kenya ayaa mar kale dowladda Soomaaliya ku eedeysay in ay shidaal ka baareyso Xeebaha Gobolka Lamu ee dalka Kenya. Wargeyska The Standard ayaa baahiyay wax uu ku sheegay xog ay baahisay Wasaaradda Batroolka Soomaaliya oo muujinaya in shan ka mid ah Ceelasha shidaalka laga baarayo ay ku yaallaan sohdin badeedda Biyaha ee dalka Kenya. Waxaa uu sheegay Wargeysku in Wasaaradda Batroolka SOomaaliya soo bandhigtay shidaal in laga baarayo 15 toban xirmo oo ku kala yaalla Galmudug, Hirshabeelle iyo Xeebaha Lamu sida ay hadalka u dhigtay Kenya. Xermooyinka shanta ah ee ay Kenya sheeganeyso ayey ku kala sheegtay xermada 189, 190, 204, 218 iyo 219aad. Wasaaradda Batroolka SOomaaliya ayaa sheegtay in shidala baarista xermooyinkaas ka billaabaneyso 1da January 2020, sharikad kasta oo ku guuleysatana ay heysato afar sano oo heshiis shidaal soo saarid ah iyo labo sono oo loo kordhin karo. Dowladda Soomaaliya ayaa dhowr jeer oo hore iska fogeysay eedaha Kenya,waxaana labada dal u dhaxeeya dacwad badeed taalla Maxkamadda ICJ. Haddaba halkan ka akhriso taariikhda muranka badda Kenya iyo Soomaaliya: April 7, 2009:- Dowladdii Kumeel Gaarka ahayd ee Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Kenya ayaa kala saxiixday heshiis Isfahan ah oo la xiriiray Qalfoof-badeedka. Qalfoof-badeed waa barta ay ku kulmaan labada bad ee dalalka. Heshiiskaasi waxaa dinaca Soomaaliya u saxiixay Cabdiraxman Cabdishakur, oo xilligaasi ahaa wasiirkii qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah. Dhanka Kenya waxaa u saxiixay Moses Wetangula, oo markaasi ahaa wasiirka arrimaha dibedda ee Kenya. Heshiiskaas kuma jirin arrinta la xiriirta xadka badda, balse wuxuu dhigayay hanaankii loo mari lahaa in lagu xalliyo khilaafka xadka badda ee laba dal u dhexeeya. August 1, 2009:- Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dood dheer ka dib, aqlabiyad ballaaran ugu codeeyay in la laalo heshiiska isafgaradka ahaa ee dhex maray Soomaaliya iyo Kenya. Kulan aan caadiga ahayn oo ay yeesheen ayay Baaramaanka gebi ahaanba ku diideen in xitaa doodad ku saabsan arrintan dib loo dhigo, oo wasiirka arrintan khuseyso la siiyo fursad oo ku faahfaahiyo heshiiska. July 13, 2015:- Sannad ka dib markii ay ku war galisay maxkamadda iney dacwad u soo waddo, Soomaaliya ayaa rasmi ahaan kiiska badda u geysay maxkamadda cadaaladda caalamiga ah ee ICJ. Xeerilaaliyaha Soomaaliya Axmed Cali oo BBC-da la hadlayay xilligaasi ayaa sheegay in arrintan ay go’aankeeda gaari karto oo keliya maxkamaddaasi, halka Xeerilaaliyaha Guud ee Kenya ee xilligaasi Githu Muigai uu isagana BBC-da u sheegay in Soomaaliya aysan xaq u lahayn in kiiskan ay geyso maxkamaddaas. December 18, 2017:- Kenya ayaa xareysay jawaabta ay ka bixineysay kiiska ay Soomaaliya u gudbisay maxkamadda caalamiga ah ee ICJ. Xeerilaaliyaha Guud ee Kenya wuxuu ku dooday in maxkamadda aysan xaq u lahayn inay go’aan ka gaarto kiiskan. Wuxuu codsaday in arrintan ay labada dal ku xalliyaan wadahadal. Soomaaliya ayaa iyaduna dhankeeda bixisay jawaabteeda ku aaddan codsigii Kenya ay maxkamadda uga dalbatay in arrintan dibedda maxkamadda lagu xalliyo. Xeerilaaliyaha Soomaaliya Axmed Cali Daahir ayaa ku adkeystay in Soomaaliya ay u aragto in maxkamadda ay tahay goobta keliya ee lagu kala bixi karo. Waxayna xukuumaddiisa diidday dooddii Kenya ee ahayd in labada dhinac ay gaareen heshiis Isfahan oo waafaqsan xeerarka caalamiga ah, kaas oo ay tahay in Soomaaliya ay xushmeyso. Soomaaliya ayaa ku doodday in heshiiskaasi uusan sharci ahayn maadaamma uu diiday baarlamaankii Soomaaliya ee xilligaas. Feb 02, 2018:- Maxkamadda Cadaaladda ee Qaramada Midoobay ayaa go’aan ku gaartay inay dhageysan karto dacwadda ku saabsan muranka badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya. Xaakimiinta Maxkamadda ayaa u codeeyay kiiska ka dib markii ay ka hadleen sharci ahaanta doodda Soomaaliya iyo diidmada Kenya. Hase ahaatee, maxkamaddu weli ma aysan qaban taariikhda la dhegeysan doono dacwadda. Feb 07, 2019:- Soomaaliya ayaa waxay London ku qabatay shir ay ku sheegtay inuu suuq-geyn u ahaa shidaalka Soomaaliya. Wasiirka betroolka ee Soomaaliya, Cabdirashid Maxamad Axmed, oo BBC-da u warramayay ayaa sheegay in goobaha sahminta laga sameeyay ay ku jirto qeybta badweynta Hindiya ee Kenya iyo Soomaaliya ay ku muransan yihiin, isagoo sheegay in Soomaaliya ay leedahay go’aanka la xiriira arrintaasi, inta ay maxkamadda cadaaladda caalamiga ee ICJ ay ka soo saareyso go’aankeeda ku aadan murankaasi. Feb 16, 2019:- Kenya waxay la soo noqotay safiirkeedii Soomaaliya, waxayna ka codsatay safiirka Soomaaliya ee Kenya inuu dalkiisa ku laabto. Wasaaradda arrimaha dibedda ee Kenya ayaa sheegtay in shirkii shidaalka Soomaaliya ee Lonodn lagu xaraashay “hantida shacabka reer Kenya,” taas oo ay sheegeen inay tahay tallaabo aan loo dulqaadan karin. Feb 17, 2019:- Danjiraha Soomaaliya ee ku sugnaa Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa dib ugu laabtay magaalada Muqdisho, kadib markii lagu amray inuu dalkiisa aado. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
  7. Moqokori (Caasimadda Online) – Mu’asasada Alkataa’ib oo ah garabka warbaahinteed ee Xarakada Al-Shabaab ayaa baahisay qeybta 7aad ee silsiladda واغلظ عليهم 7 Muuqaalkaan oo ah mid la daawan karo qadar 16 daqiiqa ah ayaa lagusoo bandhigayaa dagaalkii lagu qaaday ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ee sanaddii lasoo dhaafay ka dhacay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan. Ciidamada Al-Shabaab ayaa la arkayey iyagoo xoog ku galaya SaldhiggaCiidamada Dowladda ee deegaanada, sidoo kalana waxaa muuqaalka laga dhex arkayaa Ciidamada Dowladda oo ka cararayo kuwa Al-Shabaab isla markaasna mid mid loo tooganayo. Sidoo kale Muuqaalka ayaa waxaa lagu soo dhex daray codka Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku tilmaamayo Ciidamada Dowladda inay yihiin kuwa geesiyaal ah oo aan marnaba ka cararin kuwa Al-Shabaab, waxaana waqtiga codkiisa uu socdo lagu qabanayaa muuqaalka Ciidamada Dowladda oo ka baxsanayo saldhigga ay weerareen Ciidamada Dowladda. Al-Shabaab ayaa halkaas ka qaatay gawaari badan oo kuwa dagaalka ah iyo hub tiro badan oo ay lahaayeen Ciidamada Dowladda. Haddaba halkaan hoose ka daawo sawirada
  8. FARIBAULT, Minn. — A Minnesota man is accused of a bias crime for allegedly spraying a Somali American teenager and her siblings with a garden hose while he yelled racial slurs. Source: Hiiraan Online
  9. Mandera ( SMN):-Wararka ka imaanaya dalka Kenya ayaa sheegay in iska hor imaad u dhexeeya ciidamada dalkaasi iyo Dagaalamayaal la aaminsanyahay in ay ka tirsan yihiin Alshabaab uu ku dhexmarey deegaan u dhow magaalada Bandheere ee gobolka Waqooyi Bari ee Kenya. Guddoomiyaha gobolka Waqooyi Bari ee Kenya Mohamed Birik ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in ciidankooda ay la dagaalameen Dagaalamayaal ka tirsan Alshabaab oo weerar soo qaaday,wuxuuna xusay in 1 qof ay ka dileen,islamarkaana dhankoodi uu 1 askari kaga dhintay dagaalkaasi. Deegaanka Fino oo weerarka uu ka dhacay 24 saacadood ee la soo dhaafay gudahooda ayaa qiyaas ahaantii 6 KM u jira xadka ay wadaagaan labada dal,waxaana uu hoostaga magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari ee Kenya. Hay’adaha sirdoonka Dalka Kenya ayaa sheegay in goor sii horeysay ay heleen xogo ku saabsan in dagaalyahanno ka tirsan Alshabaab ay qorsheynayeen weeraro ay ka geystaan gudaha dalkaasi mar kale,balse laga hortagay. Mohamed Birik ayaa sheegay ay soconayaan howlaglo ballaaran,isagoo intaasi ku daray in ay ku raad joogaan ragii weerarka soo qaaday. Alshabaab ayaa dhowr jeer waxaa ay weeraro ka geysteen gudaha dalka Kenya,iyadoo dhawaan dowladdu ay soo saartay digniino ku aadan weerarada Alshabaab ay qorsheynayaan. View the full article
  10. Howlgal khasaare uu ka soo gaaray Xubno ka tirsan Daacish ee ku sugan Puntland ayaa ka dhacay deegaanno ka tirsan Gobolka Bari,kaasi oo ay fuliyeen ciidamada Mareykanka oo kaashanaya Ciidammada Amniga dowladda Soomaaliya. War ka soo baxay taliska ciidammada mareykanka ah ee jooga afrika ee Africom ayaa faah faahiyay duqeymahaasi,waxaana ay sheegeen in ay ku bartilmaameedsadeen goobo ay ku dhuumaaleysanayeen Daacishta ku jirta deegaanada Puntland sida lagu yiri Warbixinta Africom. Warbixin uu soo saaray taliska AFricom ayaa lagu sheegay in weerarkaasi cirka ah lagu dilay ilaa 6 xubnood oo ka tirsan Daacish,kuwaasi oo ka howlgala buuraha Goolis ee Puntaland. Mareykanka ayaa sheegay in uu diyaar u yahay in uu joogteeyo weeraradaasi,ilaa la soo afjaro wax uu ugu yeeray kooxaha argagixisada ee ku sugan Soomaaliya. View the full article
  11. Wararka saakay oo Khamiis ah ka imaanaya gobolka Sanaag ayaa waxay sheegayaan in xiisad u dhaxeysa Somaliland iyo Puntland laga dareemayo deegaanno ka mid ah gobolkaasi. Somaliland ayaa lagu soo waramayaa in ciidamo dheeraad ah ay geysay deegaanno ka tirsan gobolka Sool, taasi oo xiisadda sii adkeysay. Sidoo kale, madaxda Labada dhinac ayaa warbaahinta isku mariyey hadallo hanjabaad ah taasi oo keentay in dhaq-dhaqaayada ciidan ay sii kordhaan. Labada dhinac horey waxaa u dhexmaray dagaallo khasaare geystay, iyadoo dhanka kale dhowaan ay is dhaafsadeen maxaabiis ay ku kala qabsadeen dagaalkii ka dhacay deegaanka Tukaraq. Weli ma jirto xal rasmi ah oo laga gaaray colaadda Puntland iyo Somaliland, marar badanna waxaa arrintaasi isku dayday iney xalliso Qaramada Midoobay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Dikreeto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Puntland, oo ay warbaahinta Puntland Post heshay bishii February ee sannadkan, ayaa lagu joojiyay dhammaan curaaraha ay dowladdu maamusho ee la siin jiray hay’adaha madaxa-bannaan ee dowladda iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay. Dikreetada oo ku taariikhaysan 2 February 2019, ayaa lagu amray in dhammaan lacagaha curraarta ee laga jaray hay’adaha madaxa-bannaan ee dowladda iyo shirkadaha gaarka,loo isticmaalo bixinta mushahaaraadka iyo socod-siinta hawlaha dowladda. Go’aankaasi ayaa sida dikreetada ku qoran loo qaatay, kadib markii uu dowladda soo wajahay is-dhin dakhli oo baaxad weyn, ayna adkaatay in la bixiyo mushahaaraadka shaqaalaha iyo ciidamada . Caasimadda Garoowe oo ku jirtay meelaha dikreetadu saameysay, ayaan tan iyo wakhtigaasi helin lacagihii curraarta ay siin jirtay dowladda Puntland. Balse, dadweynaha oo aan la socon dikreetada hore, ayaa su’aalo badan isweydiiyay, kadib markii xalay duqa degmada Garoowe uu Facebook-giisa ku daabacay, shaxda dakhliga u soo xarooday degmada oo muujinaysa in aan wax curraara la siin caasimadda. halkaan hoose ka akhriso dikreetada PUNTLAND POST The post Dikreetadii Siciid Deni ku jaray curraarta caasimadda Garoowe appeared first on Puntland Post.
  13. Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda fedraalka Soomaaliya, mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo ka hadlay munaasabadda Maalinta Deegaanka Adduunka ee shanta Juun ayaa ku baaqay in la isu xil-qaamo hagaajinta deegaanka. “Anigoo ku hadlaya magacayga iyo magaca xukuumadda Soomaaliyeed waxaan rabaa inaan diro qaylo-dhaan deegaan taas oo ku qotonta sida deegaankeennu usii baaba’ayo lana joogo waqtigii qofkasta uu isuxil-qaami lahaa sidii deegaankeennu u noqon lahaa mid saamaxaya nolosha jiilka haatan iyo kuwa dhalan doona”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalku. Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa sheegay in Dikhowga Hawada uu si guud sannadkii u galaafto nolosha dad kabadan 7 malyuun oo ruux kuwaas oo eersada ku noolaanshaha deegaan wasakheysan, Neefsashada hawada wasakheysanna ay ka mid ah dikhwoga sababi kara khatarta caafimaad, dhibaato dhaqaale iyo bedqabka bulshooyin caalamka. Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa sheegay Jarista dhirta iyo gubista dhuxushu ay qayb ka yihiin kororka dikhowga hawada ee dalka iyada oo sidoo kalena maareyn xumada qashinka iyo qiiqa gawaarida dalka oo badankoodu gaboow yihiin ay qayb weyn ka yihiin wasakhowga hawada taas oo ka dhigaysa waddaankeena mid halis ay kujirto caafimaadkiisa iyo bedqabkiisa. Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa caddeeyay in Soomaaliaya ay diyaar u tahay inay qayb ka ahaato dedaalada caalamiga ah ee lagu xakamaynayo wasakheynta hawada, oo ay abuurayso dedaal taariikhi ah oo ku aaddan bedqabka deegaanka Soomaaliya kaasoo ay qayb ka tahay; maalgashiga tamarta, maareynta qashinka, xakamaynta dhir jarista iyo hubinta tayada iyo bedqabka dhammaan qaybaha deegaanka. Xukuumadda Soomaaliya ayaa muhiimad gaar ah siinaysan wax ka qabashada dhibaatooyinka deegaanka ragaadiyey oo ay ka mid yihiin; isbedelka cimilada, xaalufka iyo nabaad guurka, dabar go’a duurjoogta, xaalufinta dhirta, qashinka, xaalufka kheyraadka badaha & berriga ba. Tan iyo sannadkii 1974, 5ta Bisha Juun ayaa dunida waxaa laga xusaa Maalinta Deegaanka Adduunka taas oo looga golleeyahay inay qayb ka ahaato wacyigelinta arrimaha deegaanka isla markaana ay bulashooyinka caalamku ku dedaalaan sidii ay diiradda u saari lahaayeen dhibaatooyinka waaweyn ee ragaadiyey deegaanka. Sannadkan 2019, waxaa uu caalamku isla qaatay in “Dikhowga Hawada” uu noqdo dhibaatada deegaan ee diiradda lagu saari doono xuska maalintan. View the full article
  14. Beledweyne (Caasimadda Online) – Wararka ka imanaya Gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in Ciidamada Dowlad degaanka ee Soomaalida ay afduub ka geysteen Gobolka Hiiraan ee Soomaaliya. Ciidamadan oo aan la garaneyn sababta ay xadka uga soo tallaabeen ayaa waxaa ay qafaasheen 10 qof oo beeraley ah iyo shan ka mid ah Cagaf ama Makiinadaha Beeraha lagu fasho. Afduubkan ayaa shalay gelinkii dambe ka dhacay degaanka Xuday Wagle oo 35KM kaliya u jira Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan. Ciidamada liyuu Boolis ee soo galay deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay wateen Gaadiidka dagaalka,hayeeshee waxaa la sheegay inaysan jirin dagaal ka dhacay deegaankaas oo ka tirsan Maamulka hir-Shabeelle. Weli ma cada halka sida rasmiga ah ay dadkaasi iyo gaadiidka ula aadeen iyo sababta ka dambeysa,waxaana ay cabsi ballaaran ay soo wajahday dadka ku nool deegaanka Xudey-Woogle iyo deegaanada kale ee Waqooyiga ka xiga Magalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan. Mas’uuliyiinta Maamulka gobolka Hiiraan iyo saraakiisha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ee Gobolkaasi hiiraan weli kama hadlin afduubka ciidamada liyuu boolis ay ka geysteen deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan. Caasimada Online Xafiiska Beledweyne caasimada@live.com
  15. Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in ciidamada Liyuu Boolis ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ay gobolka Hiiraan ka kaxeysteen dad rayid ah iyo sidoo kale gaadiid. Sidey sheegeen dadka ku dhaqan deegaanka Xudey-Woogle oo qiyaastii 34-KM dhanka waqooyi kaga beegan magaalada B/weyne, ayeey ciidankaan waxay ka wateen Lix qof, sidoo kalena waxay horey u wateen Lix gaari. Lama oga sababta ka dambeysay in ciidankan ay gudaha gobolka Hiiran falkan ka sameeyaan. Waxgaradka Hiiraan ayaa wada dedaallo ku addan sidii dib loogu soo celin lahaa dadkaasi la watay iyo sidoo kale gaadiidkan oo ay ku jiraan kuwo xamuulka qaada. Ciidanka Liyuu Boolis ayaa watay sida la sheegay gaadiid dagaal oo ad u badan, mana jirin wax dagaal ah oo halkaasi ka dhacay. Mararka qaar sidan oo kale, ciidamada Liyuu Boolis ayaa weeraro ku qaada deegaanno ka mid ah gobollada dhexe ee dalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Kulankan oo ay soo qaban qaabiyeen Odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ayaa waxaa uu ahaa mid ay shirkadda Hormuud uga mahad celinayeen wax qabadka iyo taakuleynta ay siiso dadka dan yarta ah ee ku nool Gudaha Somalia. Kulankan oo ka qabsoomay Muqdisho aya waxaa ka soo qeyb galay Haldoorka Odayaasha dhaqanka Somaliyeed, Culimaa’uddiinka, Qaar ka mid ah Madaxda Jaamacadaha, Ururrada Bulshada Rayidka ah, Ururka Haweenka Gobolka Banaadir, Qeybaha kale ee bulshadda iyo Xubno matalayay Shirkadda Hormuud. Kulankan oo noqonaya kii ugu horeeyay ee noociisa ah oo lagu qabto Muqdisho ayaa Ujeedka ay odayaasha usoo qaban qaabiyeen waxay ku sheegeen inuu ahaa mid ay ku Bogaadinayaan waxqabadka iyo taakuleynta & ay la garab taagantahay Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Gudihiisa. Qaar ka mid ah Odayaasha ka qeybgalayay Kulankan ayaa sheegay in xiligan marnaba aysan habooneyn in la xaqiro Adeegyada waxtarka leh ee ay shirkadda u heyso umada ku nool gudaha Dalka iyo Dibediisa. Guddoomiyaha Golaha Dhaqanka Beelaha Mogadishu Clan Maxamed Xasan Xaad oo Munaasabadda furay ayaa Sheegay in ujaaddada loo dhigay gogoshani ay eheed in looga mahad celiyo shirkadda Hormuud wax qabadka aan la koobi karin ee ay u heyso umaddeeda. Salaadiintii ka hadashay munaasabadda ayaa dhammaantood isku raacay in Deeqihii ugu dambeeyay oo ayt shirtkadda Hormuud ugu deeqday dadweynaha ku tabaaleysan Magaaladda Muqdisho iyo degaanada ku xeeran ay muujiyeen muhimadda ay u leedahay Bulshada, waxa ayna caddeeyeen in Hormuud ay tahay Shirkada Qaran, loona hanyahay in xil gaar ah la iska saaro ilaalinteeda. Jawaahir Maxamed Baarqab oo ah Gudoomiyaha ururka Haweenka Gobalka Banaadir ayaa ka sakow Qabashada Kulankan Mahad celinta ah ka dib sheegtay in marnaba aan la ilaawi karin adegyada haqabtirka leh oo ay shirkadda hormuud siiso bulshada ku nool Dalka iyo Daafahiisa. Ugu dambeyn Odoyaasha Golaha Dhaqanka Soomaaliyeed ayaa Shahaado sharaf lagu dhiirri gelinayo laguna garab istaagayo Shirkadda guddoonsiiyey Hey’adda Hormuud Foundation, waxaana u guddoomey Guddoomiyaha Hey’adda Mr. Cabdullaahi Nuur Cismaan. Maamulaha Hay’adda Hormuud Foundation Cabdullaahi Nuur Cismaan oo ugu Dambeyn munaasabadda ka hadlay ayaa uga mahad celiyay Odayaasha dhaqanka Soomaliyeed Qabashada Kulankan ay shirkadda uga mahad celinayaan. Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa waxaa uu sheegay in ay sii wadi doonaan Adeegyada ay u hayaan Qeybaha bulshada ku dhaqan Magaalada Muqdisho iyo Gobolada Dalka.
  17. The Israel Cancer Association points to milk as a possible protective agent against cancer. Source: Hiiraan Online
  18. Taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal ay ka sameeyeen nawaaxiga deegaanka Baar-sanguuni ee gobolka Jubbada Hoose waxa ay kusoo qabteen shaqsi la sheegay inuu ka mid ahaa Al-shabaab. Shaqsigan oo magaciisa ku sheegay Ibraahim Lujenda Maxamed ayaa waxaa lagu soo bandhigay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose. Wuxuu Ibraahim sheegay in markii lasoo qabanayey uu baxsad ka ahaa Al-shabaab, kana soo baxsaday xabsi uu ku jiray, balse saraakiisha xoogga dalka ayaa sheegaya inuu sahan Al-shabaab ah ahaa. Maxamed Bedel Xasan, Taliyaha guutada 11-aad, qeybta 43-aad ee ciidanka xoogga dalka oo warbaahinta la hadlay ayaa isna dhankiisa sheegay in Ibraahim xogtiisa hayeen, islamarkaana sidaasi lagu soo qabtay. Wuxuu tilmaamay in Ibraahim uu qaabilsanaa dhanka sahanka, kana tirsanaa dagaalyahannadii Al-shabaab ee weerarka ku qaaday deegaanka Ceel-cadde. Ugu dambeyn, taliyaha ayaa ugu baaqay dhallinyarada ka midka ah Al-shabaab iney isku soo dhiibaan ciidanka xoogga dalka, islamarkaana cafis loo fidin doono. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. WASHINGTON (Reuters) - Republican and Democratic U.S. senators said on Wednesday they would introduce legislation to block President Donald Trump’s plan for $8 billion in military sales to Saudi Arabia and the United Arab Emirates without congressional review. Source: Hiiraan Online
  20. Gaarisa (Caasimada Online) – Odayaasha dhaqanka beelaha dega magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari ee Kenya, ayaa ka hadlay xiisadda u dhaxeysa Kenya iyo Soomaaliya, waxayna soo jeediyeen in lagu dhammeeyo hab diblomaasiyeed. Odayaashan oo ay ka mid yihiin Maxamed Gaabow, Dubad Camey iyo Xasan Cusmaan ayaa ku baaqay in laga laabto kiiska maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda, islamarkaana xiisadda lagu dhameeyo wada-hadal. Dowladda Soomaaliya ayaa ku gacan seertay inay wax wada-hadal ah ka gasho muranka badda. Maxamed Gaabow ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Kenya ay leeyihiin xiriir soo jireen ah oo ay tahay inaan la halleyn. “Kenya waxay garab istaagtay Soomaaliya, ayada oo marti-gelisay dad gaaraya hal milyan oo qaxooti ah muddo labaatan sano ka badan. Muranka xuduudda badda waxaa lagu xalin karaa si saaxiibtinimo, mana ahan inuu labada dal u horseedo dhiig daata” ayuu yiri. Waxa uu sheegay inay jirto xiisad kale oo sii kordheysay oo u dhaxeysa muwaadiniinta labada dal, gaar ahaan kuwa ku nool dhanka xududda. Dhinaca kale, Dubad Camey ayaa madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo madaxweyne Farmaajo ugu baaqay inay si deg deg ah u billaabaan wada-hadallo xal looga gaarayo xiisadda, laguna wanaajinayo xiriirka u dhaxeeya labada dal. “Haddii aan u ogolaano ICJ inay xaliso arrintan, waxay horseedi doontaa in xaaladda kasii darto, waxaana suurta-gal ah inay hoggaamiso dagaal ka dhex qarxa labada dal” ayuu yiri Camey. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
  21. Steph Curry oozed championship experience as he pumped in 47 points trying single-handedly to lead his injury-hampered Golden State Warriors in their home arena. But the well-balanced Toronto Raptors couldn’t be beat. Source: Hiiraan Online
  22. Prime Minister Lars Lokke Rasmussen of Denmark announced that he would resign on Thursday after a coalition partner was trounced in a general election.CreditCreditMads Claus Rasmussen/EPA, via Shutterstock Source: Hiiraan Online
  23. “I don’t want to see him impeached, I want to see him in prison,” House Speaker Nancy Pelosi said. | Win McNamee/Getty Images Source: Hiiraan Online