-
Content Count
213,176 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Siyaasiga Maxamuud Cabdiyare Garlibaax, oo si kooban uga faallooday khudbaddii shalay madaxweynaha Puntland u jeediyay golaha wakiilada, ayaa soo dhoweeyay qodoba ku xusan khudbaddaasi oo ay kamid tahay; dadaalka xukuumaddu ugu jirto hir-gelinta doorasho qof iyo cod ah. “Hadalkii Madaxweyne Deni ka jeediyey Golaha Wakiilada ee ahaa In xukuumadiisa ay ku tijaabinayso seddax Degmo oo Ka mid ah Puntland in habka hanaanka Doorashada hal cod iyo hal qof sanadkan 2019 intaanu Dhamaan laga hirgalin doono si looga helo Khibrad Doorashada hanaanka xisbiyada badan ee mustaqbalka waxaan hubaa inay kalsooni ku abuureyso Shacabka reer Puntland haddii la howlgeliyo Pilot Project tigaa” ayuu yiri Garlibaax. Siyaasiga ayaa sidoo kale bodaadiyay, qodob la xiriiray dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha Puntland oo madaxweynuhu ku sheegay khudbaddiisa sida, dib u-hawlgelinta dhismaha wadada Garoowe_Gaalkacyo, hirgelinta marso Kalluumaysi oo laga dhisayo degmada Eyl ee gobolka Nugaal, dhismaha garoonka diyaraadaha Gaalkacyo iyo laami-saarista jidka Dangoroyo iyo Eyl. Balse, dhinaca kale wuxuu wal-wal ka muujiyay, sababta madaxweynuhu Baarlamanka iyo shacabka Puntland ugu faahfaahin waayay, heshiis uu sheegay in xukuumaddu la gashay shirkado kalluumaysi oo laga leeyahay dalka Shiinaha, kuwaasi oo shatiyo loo siiyay in ay gurtaan kalluunka xeebaha Puntland sida uu hadalka u dhigay Garlibaax. “Madaxweynaha sooma hadal qaadin heshiiskii shacabka welwelka ku abuuray ee ahaa keenista shirkadaha Kaluumeysiga ee China kaasoo laga filayey inuu faahfaahin Ka bixiyo” ayuu sii raaciyay siyaasi Garlibaax oo ka digaya heshiiskaasi. PUNTLAND POST The post Garlibaax oo ka shifay heshiis Puntland la gashay maraakiib jariif ah appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo xubno ka tirsan Xukuumaddiisa ayaa xalaY kormeer shaqo ku tagay qeybo ka mid ah M/ Muqdisho. Ra’iisul wasaaraha ayaa si gar ah booqasho ugu tagay goobihii shalay ay ka dhaceen qaraxyada ee Sayidka iyo KM4 ee magaalada Muqdisho. Intii uu ku jiro kormeerkan R/wasaare Khayre waxa uu la kulmay saraakiisha Ciidamada ee ku sugan Koontarooladaasi oo uu ka xog wareystay, sida ay wax u dhaceen. Sidoo kale waxaa uu kula dardaarmay in ay xoojiyaan howlaha lagu xaqiijinayo amniga, si looga hortago weerada iyo qaraxyada ay Al Shabaab ka geystaan Caasimadda. Shalay ayey aheyd markii qaraxyo is xig xigay ay ka dhaceen magaalada Muqdisho, waxaana kan ugu khasaaraha badan uu ka dhacay bar koontarool oo ku taalla nawaaxiga Isgoyska Sayidka oo ku dhow xarunta golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya. View the full article
-
Halgan (Caasimadda Online) – Kooxda Macaawisley ee Al-shabaab kula dagaallanta qaar ka mid ah Gobollada dalka ayaa sheegtay in Nin ajannabi ah oo u dagaallamayay AL-shabaab ay ku dileen dagaal ka dhacay Gobolka Hiiraan. Saraakiisha Kooxda Macaawisleyda ayaa sheegay in dagaal shalay labada dhinac ku dhexmaray Tuulada Halgan ee Gobolka Hiiraan. Waxaa ay sheegeen in Ninka Ajannabiga ah uu u dhashay dalka Kenya islamarkaana magaciisa lagu sheegay Maxamed. Degaankii lagu dagaallamay ayaa waxaa ku sugan AL-shabaab waxaana saraakiisha Kooxda Macaawisleyda ay sheegtay in halkaas ay ka dhacayaan dagaallo u dhaxeeya labada dhinac. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
A Somali immigrant struggles to grasp his child’s imprisonment. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho ( SMN):-Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/06/Warka-Subax-16062019.mp3 View the full article
-
A car bomb exploded near the Somali parliament Saturday, killing eight people, emergency workers said, hours after militia executed nine civilians from a clan with suspected links to the Islamist Al-Shabaab. Source: Hiiraan Online
-
Click here Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Amaanka 17-ka ee Gobalka Banaadir waa kala heer, waxaana intooda badan amnigooda suga Ciidamada amaanka Soomaaliya. Degmooyinka aadka ugu dhow Madaxtooyada Soomaaliya iyo agagaarka goobaha ay dowladda ku xoogantahay ayaa qeyb ka ah goobaha ay ka taagan tahay amni darrada iyo daganaansho la’aanta amni. Hase yeeshee waxaa jirta hal degmo oo ay kuwada noolyihiin Al-Shabaab iyo dowladda oo aan midkoodna qofna ku dili karin islamarkaana aan la soo qaban karin. Caasimadda Online ayaa ogaatay in Al-Shabaab ay kulan la qaateen odayaasha dhaqanka ee degmada Kaxda waxayna ku heshiiyeen qodobo ay kamid yihiin. In degmadaas Al-Shabaab qofna ku dilin kuna afduuban. In Al-Shabaab aysan degmadaasi ka sameynin qaraxyo xataa hadii uu joogo Madaxweynaha Soomaaliya oo aan cidna la socon. In aysan Al-Shabaab degmadaas oo koonaha magaalada ku taala aysan ka soo gelin qaraxyada loo wado Muqdisho iyo rasaasta ama hubka Al-Shabaab. Dhanka kale waxaa jira waxyaabo kale oo ay Al-Shabaab ku badasheen heshiiska ay lagaleen odayaasha dhaqanka waxaana qodobadaas ka mid ah. In Al-Shabaabkii soo gala degmada aan la qaban, haddii la qabtana laga rabo dhaqanka degmada. In Al-Shabaab lacago looga qaado hey’adaha, ganacsatada iyo siyaasiinta degmada ku nool si loo nabad geliyo. Heshiiskaan oo la gaaray waqti aan dhoweyn ayaa hadda la ogaaday waxaana fududeeyay in la helo xogtaan xubno Al-Shabaab ahaa oo laga sii daayay Xabsiyada magaalada Muqdisho, kuwaas oo laga qabtay Kaxda. Dadkaas la sii daayay waxaa kamid ah wiil dhalinyaro ah oo bilo ka hor laga qabtay degmada Kaxda kaas oo la sheegay inuu ahaa Wariye Al-Shabaab u shaqeeya. Maamulka gobolka Banaadir ayaa dhowaan sheegay in la qabtay Wariye Al-shabaab uga warami jiray Muqdisho hayeeshee waxaa wiilkaas la sii daayay Todobaadkii la soo dhaafay. Degmada Kaxda kama dhacaan dilal, qaraxyo iyo baaritaanada Ciidamada dowladda ay ka sameeyaan magaalada Muqdisho. Qaraxa ugu dhow ee ka dhaca degmadaasi waxaa ka dhacaa waqtiyada qaar wadada Ex Control Afgooye, gaar ahaan hareeraha laamiga. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
OAKLAND — The image is startling, somber, a little haunting. Source: Hiiraan Online
-
Magacaabistii 30-kii may diblimaasiga Mareykanka ah ee James Swan loo magacaabay ergeyga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa kala qeybsanaan siyaasadeed oo aad u fogaatay ka dhex abuurtay Soomaaliya. Waxaa soo baxaya eedo loo heysto xukuumadda Wanshington oo lagu tuhmayo in Qaramada Midoobey ay ku cadaadisay magacaabista Diblomaasiga Mareykanka ah si ay u ilaashato danaheeda dalka shidaalka hodonka ku ah ee Soomaaliya. Swan, oo ah khabiir diblomaasiyadeed oo ka tirsan Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa horay u soo noqday danjiraha Mareykanka ee dalalka kala ah; Djibouti, Somalia iyo Congo-Kinshasa intii uu Barack Obama ahaa Madaxweynaha Mareykanka ,waxaana magacaabistiisa ergeyga Qaramada Midoobey gadaal ka riixayay Donald Yamamoto, oo ah danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya. Diblomaasiyiin ku jira gudaha Qaramada Midoobey ayaa u sheegay Wargeyska Africa Confidential. Yamamoto oo la soo shaqeeyay Madaxweynayaashii kala ahaa George W. Bush iyo Bill Clinton, soo noqday danjiraha Mareykanka ee dalalka Djibouti iyo Ethiopia. Yamamoto, ayaa hormariyay siyaasad xulufeysi ah oo uu ka hirgeliyay dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya, halkaas oo la xaqiijiyay in ay ka mid yihiin meelaha uu ceegaago shidaalka Soomaaliya,kuwaas oo Xukuumadda Muqdisho ay ku soo bandhigtay Magaalada London Bishii February ee sanadkan. Mareykanka waxaa uu sidoo kale gacanta ku hayaa saldhigga Ciidanka cirka ee Balli doogle, halkaas oo uu ka fuliyo tababarro uu siiyo ciidanka Soomaaliya, weerarrada ka dhanka ah AL-shabaabna laga abaabulo. Saraakiil Ingiriis aha ayaa Donald Yamamoto ka codsaday in saldhigga uu dhisay Midowgii Soviet ee Balli doogle ay wadaagaan Ciidamada labada dal, saldhiggaas oo leh 3.2km oo run way ama halka ay diyaaradaha ka haadaan ah laakiin Yamamoto ayaa diiday codsiga Ingiriiska. Sanadkii la soo dhaafay Baydhaba oo ah caasimadda KMG ah ee Koofur Galbeed Soomaaliya waxaa ka dhacay muran siyaasadeed horseeday dhimashada dhowr iyo toban qof taas oo ka dhalatay xariggii Mukhtaar Roobow,kaas oo ciidanka Itoobiya ay ka xireen Baydhaba, Roobow waxaa uu ka dhashay Raxanweyn gaar ahaan Leysaan, waxaa uu ka mid ahaa aas aasayaasha Al-shabaab, sidoo kalena in badan maamulayaya hareeraha Baydhaba, ilaa uu dowladda isu dhiibo sanadkii 2017kii. Doorashadii Koofur Galbeed oo uu isu taagay Roobow waxaa diiday xukuumadda Muqdisho,madaxweyne Farmaajo ayaa amray xariggiisa,si uu doorashada ugu guuleysto C/Casiis Lafta Gareen oo ah Raxanweyn, Hariin ah, laakiin hooyadiis ahaa ah Daarood gaar ahaan Mareexaan oo ah qabiilka Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo . Doorashadiisii kaddib Germany iyo Ingiriiska ayaa mushaarka ka goostay Booliska Koofur Galbeed iyaga oo ka xun sida ay wax u dhaceen, laakiin dowladda Mareykanka ayaa buuxisay booskoodii waxaana ay xiriir dhow la yeelatay Maamulka Koofur Galbeed ee hadda jira. *dhaawac diblomaasiyadeed* Mid ka mid ah khasaaraha ugu weyn ee Xariggii Mukhtaar Roobow waxaa uu ahaa eryiddii wakiilkii Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Nicholas Haysom, oo u dhashay Koofur Afrika, Haysom kali kuma ahayn in Roobow loo arki karay Buundo ama Kaabad loo mari karay Al-shabaab. Dad badan ayaa aamisan in António Guterres, uusan Haysom ka difaacin Farmaajo oo amray in uu dalka isaga baxo. David Concar,danjirihii hore ee UK ee Soomaaliya waxaa uu saaxiib dhow la ahaa Roobow, inkasta oo hareeraha Roobow ah buuxeen Islaamiyiin iyo Salafiyiin badan, haddana waxaa loo arkayay Nin ay siyaasad badan ku xeerantahay. Raggii uu beddelay Haysom ee kala ahaa ; Nicholas Kay iyo Michael Keating, waxaa ay wada ahaayeen Ingiriis, waxaana ay shaqeynayeen intii u dhaxeysay 2013 ilaa 2018, muddadaas London waxaa ay ahayd awoodda Soomaaliya ee Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey ,waxaana ay sidoo kale dowladda Ingiriiska maalgashi badan ku sameysay Soomaaliya. Yamamoto, ayaa isku dayay in uu abuuro xiriir wanaagsan oo kala dhaxeeya Xasan Cali Kheyre iyo xubno ka mid ah Wasaaradda Batroolka Soomaaliya gaar ahaan Wasiirkeeda C/Rashiid Maxamed Axmed, kaas oo sharciga Batroolka Soomaaliya horgeeyay golaha shacabka islamarkaana ay meel mariyeen inkasta oo Soomaali badan ka hor timid sida xubnaha dowlad Goboleedyada. Kheyre mar waxaa uu ahaa madaxa Sharikadda Som Oil and Gas,waa sharikad laga leeyahay Ingiriiska,waxaana guddoomiye ka ahaa Lord Michael Howard, 2013kii ayey sharikaddaasi heshay ruqsadda ah in ay shidaal ka baari karto 60km2 oo Soomaaliya ka mid ah. Yamamoto, ayaa uga sii daray kala qeybsanaanta tiro aagagga hore ee siyaasadda ah, ee la xiriira diidmadiisa Roobow, waxaa uu kala qeybiyay qabiilka Leysaan ee Baydhaba,waxaana uu diblomaasiyadda Mareykanka isbahaysi uga dhigay Baantuuga,waxaa uu soo dhaweystay qabiilka ugu weyn Gobolka Shabeellaha hoose ee Hawiya, gaar ahaan Abgaal iyo Habargidir, si uu cabsi u geliyo maamulka deriska la ah ee Jubaland ,halkaas oo ay doorashooyinka ka dhacayaan August, Yamamoto waxaa uu isbaheysi la sameysanayaa Soomaali Baantuuda, Biyamaalka si uu u wajaho Jubaland. Ilo diblomaasiyadeed ayaa xaqiijiyay in Madaxweyne Farmaajo uu wasiirka Gaadiidka Maxamed Cabdullahi Salaad Oomaar la doonayo xilka Madaxweynaha Jubaland, si meesha looga saaro Axmed Madoobe. Yamamoto, waxaa uu ahaa mid ka mid ah xubnihii abaabulay shirkii Garowe ee fashilka ku dhamaaday waxaa uu Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isalwasaare Kheyre cadaadis ku saaray in ay ka qeybgalaan shirkaas, iyada oo khilaadka dowladda dhexe iyo dowlad Goboleedyada uu sii xumaanayay. Sidii la filayay wadahadalladii ayaa fashilmay, Puntland iyo Galmudug ayaa soo saaray in ay hakiyeen wada shaqeyntii Xukuumadda Muqdisho, Jubaland ayaa fashilka shirka dusha u saartay dowladda dhexe laakiin kuma dhiiran in ay hakiso wada shaqeynta . *xaaladda oo sii xumaatay* Murankii ka dhashay eryidda Haysom, waxaa ay sababtay in shan bilood kaddib la soo xuso qofkii beddeli lahaa si xasillooni siyaasadeed looga gaaro Soomaaliya, laakiin fashilkii shirka Garowe ayaa Farmaajo iyo Kheyre ku reebay afkiibaa juuqda gabay, waxaana ay isbabaysiga uu Yamamoto la sameystay Koofur Galbeed iyo xubno ka mid ah Wasaaradda Batroolka aysan arkayeen in uu difaaac dhameystiran u noqon karo xukuumadda Muqdisho. Iyada oo ay xaaladda sii xumaaneyso , magacaabista Swan waxaa ay isu keened xawaare ku socota siisay mucaaridka Soomaaliya, kaas oo ka dhan ah dowladda Soomaaliya. Billowgii qorashada qofkii beddelilahaa Haysom, waxaa miiska la saaray diblomaasiyiin aan wax aqoon ah u lahayn Soomaaliya iyo xitaa Qaramada Midoobey, waxaana musharrixiintaas ka kala socdeen Mareykanka, Canada iyo Turkiga. Bilowgii May waxaa soo baxday in la soo wado diblomaasiga Canadianka ah ee Jarat Chopra,kaas oo qaramada Midoobey kala shaqeynayay arrimaha Soomaaliya tobanaankii sano ee la soo dhaafay qibradna u leh Soomaaliya,waxaana uu gudaha ku lahaa xubno taageersan sida dowlad Goboleedyada iyo dowladda Soomaaliya. Todbaad kaddib shirkii Garowe, Mareykanka ayaa soo farageliyay si xoog iyo jujuub ahna Guterres, u sheegay in diblomaasiga Mareykanka ah la magacaabo. Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isalwasaare Kheyre, dalalka la Gobolka sida Kenya ayaa walaac uga muujiyay Guterres magacaabista diblomaasiga Mareykanka ah in uu hoggaamiyo xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya. Xukuumadda Nairobi ayaa haddana isku dhexyaacday markii ay heshay nuqul ka mid ah shirkii shidaal baarista Soomaaliya ee London, Kenya ayaa ku doodday in 5 ka mid ah xermooyinkaas ay biyaheeda ku jiraan Soomaaliyana ruqsad ku bixineyso. Sidoo kale Diblimaasiyiin ayaa u sheegay Wargeyskan in Mareykanka uu gadaal ka riixayo in Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Eritrea la geeyo Kismaayo si meesha looga saaro Ciidamada Kenya . Markii ay soo baxday Magacaabista Danjiraha Mareykanka ah,wariyaaha VOA, ayaa lagu baahiyay magaciisa iyo xogtiisaba,waxaana kaddib billaatay fal celinta daneeyayaasha, Xisbiga Roobow ayaa ka digay in la magacaabo diblomaasiga Mareykanka ,waxaana ay sheegeen in Mr Swan aan laga soo dhaweyn doonin Koofur Galbeed Soomaaliya, sidoo kale Odayaasha Mogadishu Clan ayaa ka digay magacaabista Swan, iyaga oo soo qaatay dagaalkii ugu dambeeyay ee Hawiyuhu Muqdisho kula galay Mareykanka billowgii sagaashamaadkii. Todobaadkii saddexaad ee Bishii May, shirkii Garowe ee fashilmay kaddib dowladda Federaalka ah ayaa isku dayday in dib loo dhigo magacaabista Mr Swan, iyada oo ku baaqday in la tashi la geliyo,laakiin waxa loo sheegay ayaa ah in la magacaabay mar hore, lana doortay qof aan kii ay doonayeen ahayn. Billowgii Bishan June dowladda Soomaaliya ayaa soo saartay warbixin ay ku soo dhamweyneyso go’aanka Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey ay muddo kordhinta ugu sameeyeen Holwgalka AMISOM , waxaase ay ka aamustay wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobey u soo magacawday Soomaaliya. Isha: Africa Confidential Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah
-
Calls for dialogue to solve Kenya, Somalia maritime dispute
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
A group of maritime experts in Kenya have appealed to the government to shift from aggressive reaction against Somalia over the maritime dispute and embrace diplomacy for the sake of peace in the western Indian Ocean. Source: Hiiraan Online -
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay kaaliyaha xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabisha arrimaha Afrika, Bintou Keita. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo kaaliyaha xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee arrimaha Afrika ayaa ka wada hadlay arrimaha nabad gelyada, howlaha nabad ilaalinta iyo qoshaha dowladdu isugu diyaarinayso la wareegidda mas’uuliyadda amniga. Bintou Keita oo ka tirsan waaxda siyaasadda iyo dhismaha babad-gelyada ayaa Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, ka caawisa howl-gallada nabad ilaalinta. PUNTLAND POST The post Khayre oo la kulmay kaaliyaha Xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Afrika appeared first on Puntland Post.
-
A delegation from the African Union Mission in Somalia (AMISOM) on Thursday visited Bariire in Lower Shabelle region in the South West State of Somalia, to conduct a rapid needs and security assessment of the situation on the ground following the recovery of the town from Al-Shabaab. Source: Hiiraan Online
-
While food is now her love language, that wasn’t always the case with the Somali model-turned-entrepreneur Hawa Hassan. “I always looked at cooking as a chore, but when I moved into the space of food, I started to see cooking as a joy and a safe space for other people.” Source: Hiiraan Online
-
he Turkish Cooperation and Coordination Agency (TİKA), in coordination with the government of Djibouti and the local governorate, reached out to families in Lac Assal, a drought-hit area of the East African country's northern Tadjourah region, as well as in the capital Djibouti. Source: Hiiraan Online
-
Turkey on Saturday condemned terror attacks in the Somalian capital Mogadishu that killed 8 people. Source: Hiiraan Online
-
Sanca (Caasimada Online) – Kooxda Xuutiyiinta dalka Yemen ayaa sabtidii weerar loo adeegsaday diyaarado drone ah ku qaaday koonfurta dalka Sacuudiga ayagoo ka aargudanaya duqeymaha Sacuudiga ee dalka Yemen. Taleefishinka Xuutiyiinta ee al-Masirah ayaa sheegay in duqeyn xooggan ay diyaaradaha drone-ka u gaysteen garoomada diyaaradaha ee gobollada Jizan iyo Abha. Afhayeen u hadlay Xuutiyiinta ayaa sheegay in weeraradan looga aargutay gardarrada Sacuudiga ee ka dhanka ah shacabka Yemen, ayna sii xoojin doonaan haddii Sacuudiga uu sii wado duqeymaha Yemen. Si kastaba, dowladda Sacuudiga ayaa sheegtay inay dhexda ka qabatay gantaalo ay Xuutiyiinta soo rideen, sida uu ku warramay taleefishinka Al-Arabiya ee Sacuudiga laga leeyahay. Xuutiyiinta ayaa toddobaadyadii dhowaa kordhiyey weerarada ay la beegsanayaan Scauudiga, waxaana inta badan weeraradan lagu qaaday goobo ku yaalla Jizan, Najran, Abha iyo Khamis Mushait. Sacuudi Carabiya ayaa iminka qosheeneysa inay soo iibsato habka difaaca gantaalaha Israel ee loo yaqaan Iron Dome, si ay uga hor-tagaan gantaalaha ay soo tuuraan Xuutiyiinta dalka Yemen. Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii habka difaaca gantaalaha Mareykanka ee Patriot System, oo balaayiin dollar uga baxday Sacuudiga, uu ku fahsilmay inuu qabto inta badan gaantaalaha Xuutiyiinta. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Qaahira caasimada@live.com
-
Cabdullahi Yusuf Axmed baa laga sheegay inuu yiri dhibka iyo shiddadu aniga ma ahee waa Kursiga. Xaaf iyo Axmed Madoobana waxay leeyihiin anaa iri yeeli mayno. Iyaguna waxay rabaan inay helaan waxay dhahaan, siday rabaana loo yeelo. Taasina waa xukun jeclaysigii iyo keli talisnimadii sababtay inay Soomaaliya bur-burto, Siyaad Barrena loogu qabsaday kursiga. Madaxdii ka dambaysay Siyaad Barre oo dhan waxaa looga caal la’a yahay in markii xilligoodu dhamaado in aysan isku sii dhajin xukunka, ayna qabtaan doorashooyin loo siman yahay oo ka madax banaan faro gelin shisheeye, cadaadis, cabburin, handaad, musuq-maasuq, laaluush, iyo u adeegid dano dawlado shisheeye oo cadow u ah Soomaaliya, qofkii ku guulaysta doorashadana si hufan loogu wareejiyo xilka. Xukun uu ninna rabin inuu ka dego maxaa Siyaad Barre loogu qabsaday? Sow la yaab ma aha in ninkii madax noqdaaba uu marayo waddadii iyo nidaamkii xukun ku dhegga ahaa ee dalkeenu u bur-buray, laguna eedeeyay Siyaad Barre. Sow iyana ma aha in la is waydiiyo sababta Siyaad Barre xukunka loogu qabsaday haddii kuwii ka dambeeyay aysan rabin inay xukunka ka degaan. Waa in labo mid la yeelaa: In madaxda waddanka oo dhan heer Federaal iyo heer maamul goboleedba ay doorasho ku yimaadaan, doorashana ku tagaan. In madaxda oo dhan ay noqdaan kuwo uuay mgacaabaan madaxwaynaha iyo madaxda maamul goboleedyadu. Taasina waxay keenaysaa in laga bed-baado is qab-qabsiga, iyo fashilka siyaasadeed ee ka dhalan kara mooshinada had iyo jeer lagu soo oogo madaxda la doortay, iyo in la helo dawlad waqtigeeda iyo juhdigeeda galisa ka shaqaynta horumarka degaanda dalka oo dhan, dawalad aan mar walba ku jirin is difaac iyo siday uga bed-baadi lahayd mooshinada lid ku ah ee ay keenaan kooxo danaystayaal ah. Waxaan is waydiin leh, sidee u dhici kartaa in madaxda maamul goboleedyadu ay yeeshaan awood ay ku magacaabi karaan xilkana uga qaadi karaan guddoomiyayaasha gobollada iyo duqyaasha magaaloyinka maamul goboleedkooda laakiin madaxwaynaha Soomaaliya uusan lahayn awood taas la mid ah oo uu ku magacaabi karo madaxda maamul goboleedyada heer ay yihiinba. Macne ma samaynaso in awood loo diiday madaxwaynaha waddanka la siiyo ama ay xoog ku maroorsadaan madaxda maamul goboleedyadu. Waa in guddoomiyayaasha iyo duqyaasha magaaloyinku ay ku yimaadaan doorasho, xilkooda aan cidina ka qaadi karin ilaa ay waqtigooda ka dhammaystaan. Sidoo kale, tuulooyinka, degmooyinka, iyo gobollada hoos yimaada maamul goboleedyada waa inay helaan xuquuq u dhiganta tan maamul goboleedyadu ku leeyihiin dawaldda Federaalka ah. Dawaladda dhexena xuquuq taas u dhiganta waa inay ku yeelato maamul goboleedyada iyo degaanada hoos yimaada. Waana in isla sida maamul goboleedyadu ugu hanjabaan inay xiriirka wada shaqaynta u jarayaan dawladda dhexe, ay gobollada iyo degaanda hoos yimaada maamul goboleedyada iyaguna u qaadi karaan tallaabo taas la mid ah oo ay xiriirka wada shaqaynta ugu jari karaan maamul goboleedka. Haddii si buuxda loo fahmo in xiriirka iyo wada shaqaynta dawladda dhexe, maamul goboleedyada, degmooyinka, iyo tuulooyinku uu yahay mid kor-iyo-hoosba isu dheelli-tiran oo ay caddahay xuquuqda iyo waajibaadka midba kan kale ku leeyahay, waxaa la helayaa is faham buuxa oo keenaya in laga wada shaqeeyo horumarka waddanka. Laakiin haddii maamul goboleedyada keliya ay leeyihiin awoodda ah in wax la curyaamiyo, wax la qaso, wax la joojiyo, la hanjabo, ama xilka qof laga qaado, waxaa meesha ka baxaya isu dheelli tirnaanta awood qaybsiga, helidda xuquuqaha iyo waajibaadka la isku leeyahay, iyo jirtaanka sharci ay ku kala bixi karaan maamullada kala duwan ee dalka ka dhisan markii aragti kala duwanaan imaato. Jaridda xiriirka wada shaqayntu waa inuu noqdo mid labo jihoole ah oo aan hal jiho oo qura uun loogu hanjabin oo loo adeegsan. Waa gobollada iyo degmooyinka uu ka kooban yahay maamul goboleedku ay xiriika wada shaqaynta u jari karaan maamul goboleedka sida uu isaguba uga hanjabo inuu xiriirka ugu jaro dawladda dhexe. Sidoo kale, waana in fikraddaan qodob ahaan lagu daro dastuurka dalka, haddii kale waligeed laga dhamaan mayo is qab-qabsi, fashil siyaadeed, horumar la’aan, iyo u adeegidda shisheeye dano gaar ah ka leh Soomaaliya. Dastuurka ha isu dheelli tiro hana labo-jiheeyo awoodaha iyo xuquuqaha Hadda ka hor mar aan xiriir la sameeyay wasiirkii hore ee dastuurka (Cabdirxman Xoosh Jibriil) wuxuuna ii sheegay inuu daraasadeeyay dastuurka waddamo badan (sida South Africa, Nigeria, U.S., Switzerland, etc) oo ku dhaqma nidaamka Federaalka ay kulligood leeyihiin xquuqo iyo awoodo isu dheelli tiran oo si siman u sugaya xuquuqaha degmooyinka, gobollada, maamul goboleedyada, iyo dawladda dhexe uu midba midka kale ku leeyahay. Wuxuuna ii sheegay in dastuurka Soomaaliyana uu sidaas oo kale u qeexi doono xuquuqaha degmooyinka iyo goballada maamul goboleedku ku yeelan doonan maamul goboleedka iyo dawaldda dhexe labadaba. Taa macnaheedu waxa weeye in tallaabooyinka u banaan in maamul goboleedku ka qaado dawladda dhexe, ay u banaan yihiin degmooyinka iyo gobollada maamul goboleedku ay ka qaadi karaan maamul goboleedkooda. Taa oo qura baa maamullada dalka ka jira oo dhan ku kala bed-baadi karaan, waayo mid waliba wuxuu iska ilaalin doonaa inuu ku xadgudbo xuquuqda midka kale si aan isagan loogu xad gudbin una ilaashan karo xuquuqdiisa. W/Q: Axmed Bashir bashir1631@gmail.com Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool oo kamid ah xildhibaanada Golaha Wakiillada Somaliland ayaa xukuumada Muuse Biixi u xiran mudo ka badan hal bil. Xildhibaan Dhakool ayey xukuumadu xabsiga u taxaabtay kadib markii uu si adag uga horyimid xuska 18-ka May ee markii ay Somaliland ku dhawaaqday inay gooni uga goosatay Dalka Soomaaliya. Beesha uu ka soo jeedo Xildhibaanku ayaa ka hadlay xariga ay xukuumada kula kacday Dhakool, iyaga oo xuseyna in 18-ka May aysan aheyn maalin madow. Wasiirkii hore ee Cadaalada Somaliland, Axmed Xasan Cali Casoowe oo ay isku deegaan yihiin Xildhibaan Dhakool, kana mid ahaa xubnaha Beeshiisa ee ka hadlay xarigiisa, ayaa waxa uu sheegay in beeshu ay ka raali-gelinayso bulshada hadalkii Dhakool, wuxuuna yiri “Shacabka Somaliland ayaanu ka mid nahay waxaanan cadaynaynaa inaanay 18-ka May ahayn maalin madow balse ay tahay maalin ay isku yimaadeen dadka reer Somaliland oo ay wada dhisteen dawlada, qiime weyna ku leh shacabka Somaliland”. Wuxuuna intaas kusii daray “Waxaanan beesha afkeeda ku bixinaynaa inaanay 18-ka May munaasib ku ahayn maalin madow ee ay tahay maalin ay umadu nabadeedii saxatay. Hadalkii ka soo baxay Xildhibaanka waanu ka raali gelinaynaa shacabka Somaliland anaguna Xildhibaanka waanu is aragnay sidaas ayaanan u soo gudbinaynaa shacabka”. Wararka aan helayno ayaa sidoo kale sheegaya in xildhibaan Dhakool uu ka laabtay diidmadii uu uga hor-yimid xuskaasi, uuna go’aansaday inuu raali-gelin ka siiyo hadalkiisa bulshada reer Somaliland. Dhakool ayaa raali-gelintiisan ku lifaaqay dalab uu ku rabo inuu xoriyadiisa dib ugu helo, oo ilaa hadda xukuumada Muuse Biixi ka cago jiideyso. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com