Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,105
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa wax lalayaabo oo khibraddaro maamul ah ku tilmaamay cunaqabatayn uu maamulka Somaliland sheegay inuu saaray gobolka Sanaag. Mudane Karaash ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay hadalka Somaliland isagoo sheegay in aysan jirin Al-Shabaab ka hawlgala Dhahar iyo degaannada kale gobolka oo hore Somaliland warbixin qaldan uga gudbisay. Kusimaha Madaxweynaha oo ka hadlaya arrintaasi ayaa yiri “Arrin aan maqlay oo Muuse Biixi la yiri cunaqabatayn ayuu ku soo rogay Sanaag, waa arrin lalayaabo weeye, Cunaqabatayn mana saari karo, Alle ‘SWC’-na ma saarin. Waxaan farayaa Hay’ddaha uu beenta u sheegayey iyo dowladda Puntland-ba in si deg deg ah looga hortago arrintaasi been abuuur ka ah”. Ayuu yiri Madaxweyne Axmed Karaash. Wuxuu ku eedeeyay maamulka Somaliland uu taageero kooxda Al-Alshabaab oo uu ku tilmaamay cadaw Soomaaliyeed. ”Shabaabka uu leeyay Dhahar ayay joogaan, Shabaab Puntland ma joogto mana taageerto, Shabaab iyo Puntland waa kuwa dagaalku ka dhexeeyo har iyo habeenba, waxaanu leenahay meesha lagu badbaadiyo waa Soomaaliland, xariiq ma gaarsiin reer Burco iyo reer Hargeysa iyo Jeegaanta Midna, halkanna dagaalka ka dhex socda waad la socotaan, markaa Shabaab anagu ma haynee halkaas ayay jiraan, Soomaliland ayaa laga soo taakuleeya.” Ayuu yiri Madaxweyne Karaash. Madaxweyne ku-xigeenka ayaa hadalkan ka jeediyay munaasabad lagu furayay wadada laamiga ah ee isku xirta Garowe iyo Boosaaso. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  2. Riyadh (Caasimadda Online) – Dood kala duwan ayaa ka dhalatay in la arkay Bishii Shawaal isla markaasna waxaa arrintaas isku khilaafay qaar ka tirsan Dowladaha Islaamka. Dowladda Sacuudiga ayaa kamid ah Dowladihii ugu horeeyey ee ku dhawaaqay in la arkay Bishii Shawaal, waxaana kadib ku raacay Dowladaha Kuwait, Qatar iyo Imaaraadka Carabta kuwaas oo dhammaantood u dabaadagay Ciidda Maalintii Talaadada aheyd. Sidoo kale Dowladaha go’aankooda badalay ee markii dambe Sacuudiga ku khilaafay in Talaadadii aheyd Ciid waxaa kamid ahaa Dowladda Liibiya oo soo saartay laba go’aan oo ku saabsanaa Ciidda inkastoo midkii dambe uu ahaa in Maalintii Talaadada aheyd la dhameystiro Soonka halka ay ciideyn Maalintii Arbacada aheyd. Sidoo kale Dowladaha Ciiday Arbacadii waxaa kamid ah Malaysia iyo Indonesia kadib markii ay sheegeyn inaan la arkin Dhalashada Bishii Shawaal ayna Soonka dhameystirayaal Maalintii Talaadda aheyd. Haddaba Ciiddii kadib waxaa soo baxay dood culus oo ku saabsan inay Sacuudiga ku qaldantay in Maalintii Talaadada ay aheyd ciid sidaas darteedna ay Hal Bilyaar iyo 6 Malyan oo Lacagta Sacuudiga Kafaaro gud ay uga bixineyso Shacabka Sacuudiga maadama ay afurisay Maalin Soon aheyd. Meelaha lagu faafiyey warkaan ayaa waxay soo xiganayeen Maxamed Al-Najmi oo xubin ka ah Dalladda Fuqahada Islaamka ee Dowladda Sacuudia kaasoo la sheegay inuu wareysi dhanka Taleefoonka ah siiyey Talafishinka Al-Carabiya, waxaana la xaqiijiyey inay arrintaas tahay been abuur kadib baaritaan lagu sameeyey warbixinadii ka baxay Telefishinkaas oo laga waayey warbixin ka hadleyso arrintaan. Sidoo kale Dadka faafinayey arrintaan ayaa soo xiginayey qoraal ay sheegeyn inay Baraha Bulshada kusoo qortay Hey’adda Cirbixiyeenka ee Magaalada Jeddah balse markii dib loo fiiriyey Baraha Bulshada ee hey’adda sida Facebook iyo Twitter labadaba waa laga waayey qoraal ku sabaabsan arrinta la faafiyey. Arrintaan ayaa waxaa lagu eedeeyey inay faafinayaan Kooxda Xuutiyiinta Yeman iyo Iiraan kuwaas oo dagaal kula jiro Dowladda Sacuudiga. Been abuurkaan ayaa kusoo aadeyo Xilli Boqorka Sacuudiga ahna u adeegaha Xarameynka Maxamed Bin Cabdulcasiis Aala Sacuud uu Talaadadii Xaramka kula dukaday Ciidul Fidriga Muslimiin badan oo isugu yimid Xaramka iyo hareerihiisa. Caasimada Online Xafiiska Riyadh caasimada@live.com
  3. Xubnahas Ayaa Waxaa Ka Mid ah Madaxda Ugu Sareesa Dalka,Wasiiro,Xildhibaano iyo Shaqsiyaad Dowlada Ka Taageero Bartooda Facebooga. Hor Dhaca Caawa Shaqsiyaadka Kenya Ay Soo Bandhigtayna Waxaa Kamid Ah:- 1. Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo 2. RW Xasan Cali Qeyre 3. G.Barlamanka Maxamed Mursal 4. G.1 aad Muudey 5. G2 aad Mahad Cawad 6. G.G.Banadir Eng Yariisow 7. G.Amniga Maxamed Tuulah 8. W.Qorsheynta Jamaal 9. W.Dhalinyarada Mama Qadiija 10. W.Maliyada Ducale Beyle 11. Madaxweynha K.Galbeed Cabdicasis Lafta Garen 12. Madaxweynha Hirshabele Maxamed Waare 13. Agasimaha NISA Fahad Yaasiin 14. Taliyaha Boliska G.Banadir Sadaq John 15. Safiirkii Kenya Maxamuud Tarsan 16. RW Kuxigenka Mahdi Guuleed 17. Siyaasi Salad Cali Jeele 18. Siyaasi Cali Maxamed Geedi 19. Siyaasi Cali Yare Cali 20. Siyaasi Ambassador Owliyo 21. Duqbilow Kablow Faarax 22. W.Dulista Hawada Maxamed Oomaar 23. W.Waxbarashada Cabdullahi Godax Bare 24. W.Amniga Qaranka Wasiir Islow 25. Xildhibaan Mustafa Dhuxulow 26. Xildhibaan Xuseen Iidow 27. Xildhibaan Cayaar Jecel 28. Madaxweyne Kuxigenki Galmudug Xaashi Carabey 29. G.Barlamanka Galmudug Cali Gacal Casir 30. Sheeq Cali Wajiis 31. Sheeq Nuur Baaruud Gurxan 32. Sheeq Bashiir Axmed Salaad 33. Sheeq Kenyawi 34. Marwada 1aad Dalka Saynab 35. Dr Axmed Cali Daahir 36. Xildhibaan Cabdishakuur Gaal eri 37. Xildhibaan Sagal Biixi. Qaran News
  4. Cajiibka taariikhda! Taariikhdii hore Somaalida ama geeska africaba waxaa ku jirtay kenya oo haysata dhul soomaaliyeed (NFD) ka dibna Somaliya dhulkaas waxay kaga tanaasushay heshiis markhaatiyo lahaa. Taariikhda Cusub ee hadda qoristeedu Socoto waxay dhigaysaa Dawlada Kenya oo ay Somaliya ka haysato dhul ay lahaan jirtay( maaha xuduuda badda ee muranku ka taaganyahay) Kenya waxay sheeganaysaa qaybo badan oo ka mid ah gobalada jubooyinka. Arrintan waxay kusoo beegmaysaa waqti ay Itoobiya soo saartay khariidad (map) ay Somaliya ka maqantahay iyo qorshaha Abiy Ahmed ee midaynta Somaliya iyo Itoobiya! Waqti sanado badan laga joogo waxaan balaf ku maqlijiray hadalhayn odhanaysay Somaliya waa laga saarayaa khariida aduunka oo saxaafada qaar si hoose uga hadli jireen! Intaa markaan isugeeyo ee aan ku daro tafaraaquqa iyo talo-xumada somaalida maanta waxa ii soo baxaysa natiijo werwer leh. Meelo badan oo bcaalamka ah oo uu ku jiro geeska Africa waxa ka socota DIB-U-QORID TAARIIKHEED( Rewriting The History) arrintan oo keeni karta in wax wayni iska bedelaan nolosha dhaqan dhaqaale ee bulshooyinka qaar, isbedelkaas oo saamaytiisu noqon karto mid togan iyo taban labada. Waxayna ku xidhantahay quruun kastaa sida ay u maal-gashato mustabalkeeda, firfircoonidooda iyo feejignaantooda. Waa NINBA TACABKII TOGOW KAA MAAL. NINKII SEEXDUU SICII DIBI DHALAYAA! Sahaminta Aayaha Somalida ee waqtiga dheer sidee kuula muuqdaa? Mohamed Hussein ( Samadoon). Qaran News
  5. Ma Awoodno inuu Fashilmo Mashruuca Dib u Habaynta Shaqaalaha Qaranku , Waana Muhiim in Baadhis Buuxda lagu Sameeyo ! Asalaamu Calaykum Dedaal aad u badan iyo wada-hadalo wakhti aad u dheer qaatay oo Habeen iyo Maalinba laga shaqaynayay ka dib waxaa Allah Mahadii ahayd in Baanka Aduunka iyo Xukuumada Somaliland ay Magaalada Nayroobi ku kala Saxeexdaan 29kii July 2016 kii Heshiis uu Baanka Aduunku ku Maalgelinayo Toban Milyan oo Doolar dib u habaynta Shaqaalaha Dalka Somaliland si kor loogu qaadayo tayada aqooneed iyo xirfadeed ee Shaqaalaha dowladda, gaar ahaana ay Qabta Koowaad ee Mashruucaasi ay ka faaiidaysan doonaan Sideed Wasaaradood iyo laba Hay’adood oo dowli ah, kadibna loo gudbi doono Wasaaradaha iyo Laamaha Dawlada ee kale. Hawsha Mashruucan oo aanu marar kala duwan u tagnay Magaalada Nayroobi waxa Masuuliyiinta hawshan ka qayb qaatay ka mid ahaa Dr. Sacad Cali Shire oo xiligaas joogay Wasaarada Arrimaha Debeda, Gudoomiyihii hore ee Hay’ada Shaqaalaha Mudane Maxamed Mixile Boqorre, Wasiir u Dawlihii hore ee Wasaarada Shaqda iyo Arrimaha Bulshada Mudane Cabdi Daahir Camuud, Aniga oo waagaas ahaa Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Qorshaynta Qaranka Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed, Gudoomiyaha Machadka Tababarka Shaqaalaha Mudane Guuleed Saleebaan Hagoog, Agaasimihii Guud ee hore ee Wasaarada Maaliyada Mudane Maxamed Xasan Ibraahim iyo Xidhiidhiyaha Machadka Shaqaalaha Dawlada Mudane Xirsi Cabdilaahi Ismaaciil. Mashruucaasi waxa Daahfurkiisii si rasmi ah loogu qabtay Hoteelka Ambassador 23kii bishii November 2018. Waxaana uu ahaa Guul usoo hoyatay Qaranka oo loogu talo galay inuu socdo Muddo Shan Sanadood ah. Waxaana loogu talo galay sidii kor loogu qaadi lahaa Aqoonta iyo Tayada Shaqaalaha Dawlada ee loo Abuuri lahaa Shaqaale Aqoon u leh Adeegga ay Bulshada u hayaan una carbisan shaqooyinkooda sidoo kalana xoogga la saaro sidii loo tayayn lahaa guud ahaan Nidaamka Shaqada iyo Shaqaalaha loona kobcin lahaa Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dawlada ee kala duwan. Sidoo kale waxa Qorshaha Mashruucan qayb ka ahaa sidii kor loogu qaadi lahaa Xuquuqda Shaqaala iyo Daryeelkooda oo ah mid Mudnaan iyo Muhiimad weyn leh si loo hubiyo Xaqa iyo Xuquuqda ay Shaqaalaha Dawladu ku leeyihiin Qarankooda iyo Daryeelkooda marka ay hawlgabka noqdaan ee ay shaqada ka fadhiistaan. Waxa kale oo xusid mudan in Barnaamujkan ay qorshayaashiisa ugu waaweyn ee kale ay ka mid tahay sifaynta iyo soo Afjarida waxa loo yaqaan Caaglaha “ghost workers” oo ah shaqaale magac u yaal ah oo ku jira Liiska Shaqaalaha Dawlada ee lagu lagac qaato balse aan ahayn shaqaale meel ka shaqeeya. Hadaba Mashruucan loo yaqaan dib u Habaynta Shaqaalaha Dawlada ” Civil Service Reform Project” waa mid qiimo weyn ugu fadhiya Qaranka oo ay muhiim tahay in la hubiyo inuu u socdo sidii loogu talo-galay lagana hor tago oo laga ilaaliyo in wax madmadow ahi uu soo galo si aynaan u lumin Sumcada iyo is Aaminka u dhexeeya Xukuumada iyo Baanka Aduunka Waxaa aad ii werwer geliyay baadhitaanka ay sameeyeen Warbaahinta loo yaqaan Somaliland Chronicle oo tilmaamaysa in lacag gaadhaysa Laba Milyan oo Doolar ay ku baxday wax lagu Tilmaamay la Taliyayaal reer Kenya ah. Aniga oo sharaf iyo Xushmad u haya Masuuliyiinta hawshan gacanta ku haysa, isla markaasna kalsooni buuxda ku qaba in ay Xukuumadu baadhis buuxda ku samayn doonto Mashruucan ayaa hadana waxaan jeclaystay inaan Xukuumadu ku dhiirri geliyo in la dedejiyo baadhista Eedaha dul hoganaya Mashruucan si aanu u fashilmin Barnaamujkaas qiimaha weyn ugu fadhiya Qaranka. Somaliland ha Guulaysato Amb Kaysar Cabdilaahi Maxamed Qaran News
  6. NAIROBI (HOL) - Somali government has reiterated that it did not put on sale blocks belonging to Kenya as the diplomatic raw between Somalia and Kenya escalates over maritime boundary. Source: Hiiraan Online
  7. waxaan halkan anigoo ah garaad barkhad xaaji cabdi tacsii tiiraanyo leh u dirayaa afhayeenka guud ee xusbiga wadanni ” garyaqaan barkhad Jamac Xirsi Batuun iyo walaalahay cabdi mahdi .hodan mahdi iyo khadra cabdi qaray iyo dhamaan qaraabadii iyo eheliyadii ay ka geeriyotay anigoo ka tacsiyadeynaya geeridaa ku timid habaryartay luul cayuun kariyee kuna geeriyotay magaalada hargaysa goordhaweyd waxaan dhamantod leehyahay ilaahay samiir iyo iiimaan saadaqa allah ha inaga wadasiiyoo dhamaan qoyska iyo qaraabadii iyo ehelkeeda . hooya na ilahaay naxariistii janoo fardowsa allah ha ka warabiyoo aaaamiin aaamiin aaamiin Source
  8. (SLT-Hargaysa)Warar rasmi ah oo soo baxay ayaa xaqiijiyey in madaxweyaha somaliland uu xilkii wasaarada qorshaynta si ku meelgaadh ah ugu wakiishay wasiir Sacad Cali Shire ka dib markii wasiirkii wasaaradaasi xaalad caafimaad ugu baxay wadanka dibadiisa. Talaabadaasi oo dibada u soo baxday ayaa guux ka dhex dhalisay bulshada iyada oo si weyn laysku waydiinayo doorka iyo waajibaadka uu leeyahay wasiir ku xigeenka wasaaradaasi, kaas oo sharcigu u ogolaanayo inuu ku sime ka yahay wasaarada marka uu wasiirku ka maqan yahay dalka. Hadaba boqor Axmed Iimaan Warsame oo ay isku deegaan yihiin wasiir ku xigeenka qorshaynta ayaa jawaab ka bixiyey talaabada la sheegay in madaxweyne Muuse qaaday, waxaanu yidhi “Waxa dhacday in wasiirkii qorshayntu uu xaalad caafimaad ugu baxay wadanka dibadiisa, halkii loo dhiibi lahaa wasiir ku xigeenka oo hayb ahaan aanu isku beel ka soo wada jeedno oo uu ku sime u noqon lahaa wasiirka maqan ayaa hadana la keenay wasiirka maaliyada Sacad Cali Shire oo hawl culus u haya wadanka, iyada oo markii laga soo badalay arimaha dibada ee maaliyada la keenay ay somaliland sawir kale ka bixisay hadana marka la yidhaa wasaaradii kalana waa loogu daray isaga oo ka soo jeeda beesha madaxweyne Muuse, wasiir ku xigeenkayagana la yidhi laguma aaminayo inuu ku sime noqdo somaliland iyo anaguba sawir kale ayaanu u aragnay, iyada oo ay markii hore nagu jirtay shakiga ah in madaxweyne kasta uu ka badalaya ku balamiyo in wasiir ku xigeen naloo magacaabo.”ayuu yidhi boqor Axmed Ugaas Iimaan oo la hadlday eryaltv. Sidoo kale boqor Axmed Ugaas Iimaan ayaa iscasilaad ugu baaqay wasiir ku xigeenka qorshaynta Eng Xuseen Ibraahim Xasan Buuni “Wasiir ku xigeenka qorshaynta waxa sharaf u noqon lahayd oo dadnimo, magac iyo sharaf ku heli lahaa inuu is casilo, Maantana sharaftiisa iyo dadnimadiisu waxay ku jirtaa inuu hayo dulinimada oo uu iska casilo.” Dhinaca kale dadka siyaasada falanqeeya ayaa sheegaya in go’aanka uu madaxweyne Muuse Biixi sida ku meelgaadhka ah ugu wakiishay xilkii wasaarada qorshaynta wasiirka maaliyada Dr. Sacad Cali Shire ay tahay kalsooni daro uu ka qabo masuulka uu u magacaabay wasiir ku xigeenka qorshaynta Eng Xuseen Ibraahim Xasan Buuni. Source
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan ay maanta magaalada Muqdisho ku yeesheen qaar ka mid ah waxgaradka beelaha Mogadishu Clan ee gobolka Banaadir ayay ku dhawaaqeen in dowlada dhexe ee Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo ay caburin ku heyso shacabka Muqdisho. Waxgaradka waxa ay sheegeen in ay sameyn doonaan maamul gaar ah oo uu yeesho gobolka Banaadir, oo lagu magacaabo Banadir State, si looga baxo dhibatooyinka ay dowladda Soomaaliya ku heyso shacabka caasimadda. Waxa ay sheegeen in magaalada Muqdisho loo kala qeybiyay labo qeybood oo ay adag tahay in la iska kala gudbo, maadaama inta badan ay xiran yihiin wadooyinka magaalada Muqdisho. Odayaasha dhaqanka ayaa xusay in haweenka badan ay ku umuleen Wadooyinka islamarkaana aysan wax naxariis ah ka helin dowladda Soomaaliya oo sii xirtay Wadooyinka. Odayaasha ayaa sheegay in dowladda Farmaajo ay magaalada ku maamuleyso kali-talisnimo, sidaas darteed la joogo xilligii la iska dhicin lahaa. Mid ka mid ah ka qeyb galayeyaasha ayaa warbaahinta u aqriyay war kasoo baxay kulankii odayaasha dhaqanka. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/06/Odoyaasha-dhaqanka-ee-Muqdisho-ayaa-dowladda-federalka-ku-eedeeyey-in-nolosha.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  10. Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Ahna Kusimaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay cunaqabatayn uu maamulka Hargaysa kusoo rogay gobolka Sanaag [...] Source
  11. PRESS RELEASE Sudan: Remove Rapid Support Forces from Khartoum streets immediately Since 3 June, media outlets have widely reported attacks on protestors with live ammunition, teargas, whips and sticks by the RSF paramilitary officers across Sudan LONDON, United Kingdom, June 6, 2019/ — Following the suspension of Sudan from the African Union after the Rapid Support Forces (RSF) led the horrific slaughter of more than 100 peaceful protestors over the past three days, Amnesty International’s Secretary General Kumi Naidoo said: “The Transitional Military Council of Sudan must immediately withdraw all members of the Rapid Support Forces from policing and law enforcement anywhere in Sudan and especially in Khartoum. They must be ordered off the streets and confined to their barracks in the interests of public safety. “What we have witnessed in the past three days is horrific and barbaric. The senseless killing of protestors must be stopped immediately, and those responsible for the bloodbath, including at command level, must be held fully accountable for their dreadful actions,” said Kumi Naidoo. Amnesty International is also calling for the immediate unblocking of the internet and social media to allow the people of Sudan access to information and the opportunity to exercise their freedom of expression. Background Since 3 June, media outlets have widely reported attacks on protestors with live ammunition, teargas, whips and sticks by the RSF paramilitary officers across Sudan. According to the Central Committee of Medical Doctors, more than 100 people have been killed and hundreds more injured. The security forces tried to conceal their acts by dumping dead bodies weighted with bricks in the River Nile, 40 of which are reported to have floated back to the surface, according to the doctors’ committee. Hundreds of people have been arrested and detained in the past three days, including recently returned opposition leader Yassir Saeed Arman, whose whereabouts are unknown. Yassir, who is the deputy chairperson of Sudan’s People Liberation Movement-North (SPLM-N) and was one of the SPLM lead negotiators during the Comprehensive Peace Agreement that ended the war between the north and south of Sudan in 2005, has an unwarranted death sentence hanging over his head. He must be released immediately and unconditionally. Distributed by APO Group on behalf of Amnesty International. SOURCE Amnesty International Qaran News
  12. (SLT-Hargaysa) Wasiirka Wasaaradda Gaashandhiga ayaa isku bedal ku sameeyay qaar kamid ah agaasime waxeedyada Wasaaradda sida Lagu Sheegay war-murtiyadeed Ka Soo baxay Wasiirka kaas u dhignaa sidan . Source
  13. Qaranimada lagu naaloonayaa kumey iman habaqleysi iyo hormo-qamaam, kumey iman, kula lihi iyo kaa lihi, kumey iman ku daneyso iyo ka daneyso, kumey iman hanyari iyo hawaawil ee waxay ku timi hal-adeyg, hanweyni, hawlgal adag iyo gumucii iyo gaashaan kii mujaahidiintii xijaabatay ee ay ka sii nool yihiin inta yar ee debedyaalka u ah dacdarada dabeedaca uu sicir bararku u dheer yahay. Qaranimadu maaha oo keliya inta Digreetada ku timi, inta dabo socota ee dawaada ka maraareysatey iyo inta dibirtay ee doobineysa ee dhibi shaxleyneysa ee Qaranimadu waa shacabka qaybihiisa kala duwan oo noqda qowmiyad mid ah oo leh quluub mideysan oo isku dan ah, isku dad ah, oo isku dal ah, ku waas oo wadaaga dhamaan midhaha dawladnimo sida ilaha dhaqaalaha oo ay ka mid yihiin mansabka,maganta, moorada iyo maquunadaba. Somalilaan kumay iman Hadyad iyo hagbad jeegaamaysan balse waxaa loo soo qubay dhiig badan waxaana loo huray naf iyo maal ay dhamaan shacabka Somalilaan wada lahaayeen sidaa daraadeed marna xukuumada laga yeeli maayo in ay shacabkii halganka a’dag iyo hayaanka dheer u soo wada maray xornimada dalkooda in la kala fadilo oo loo kala eexdo loona kala badiyo manfaca, mansabka, maganta, moorada iyo midhaha dowladnimo. Waxaa ayaan daro ah in maanta uu hoos udhacay meeqaamkii, mustawihii iyo tisqaadkii hanaankii geedi-socodkii dimuqraadiyadeed maadaama sadexdii gole ee la doortay ay mudo kordhin kuraasta ku fadhiyaan Doorashooyinkiina aanay soo naaso cadayn. Waxaa iyana hagaasay maareyntii maamul ,maslaxadii, maamuuskii iyo masiirkii guud ee qaranka Somalilaan ku taamaayey mudada dheer. Markii ay Xukuumadu ku soo ururtey hungo madhan iyo Abaal celin Malaasan. Qarankeena yar ee raad qaadka ah ee ragaadey ee raranka maanta saarani wuxuu halkan uu maanta joogo ku soo gaadhey hawlgalo badan iyo hayaan dheer, siyaasiyiin utudha iyo ruug cadaa samo talis ah oo isku duuban oo ummadda isku wada oo walaaleeya oo arin kasta oo cakiranta ku soo dabaali jirey garnaqsi, talo-wadaag,isu tanaasul taas oo intiiba ay maanta meesha ka baxdey oo ay bedeshay quluub kala jeeda,qowleysato hantiday ilihii dhaqaalaha ee dalku lahaa, colaado degaan oo degamsan, isu jabhadeyn iyo cadaawe siyaasadeed oo huwan dabin isu maleeg joogto ah oo udhaxeeya ceelalyadii ummaddu sugeysay iyo dhamaan intii talada wadanka bud dhigi laheyd. Saaxiibkay Raage ayaan ka guntay ” Mar hadii rayigu kaa banjaro kuuma buuxsame eh “ Waxaa dalka ragaadiyey qabyaalad bacrimtay oo duluca furatay, colaad beelaysan,musuq-maasuq iyo maal urursi xadhkii goostay, mashruuc bursi jeegaamaysan, iskooxeysi shirkadeysan. dhul-boob baahsan oo hadaf waqti-dheer ku qotoma oo shaadh iskaashato, mid wershedeed iyo mid shirkadeed gashan taa soo gabood looga dhigay deyr adag oo qabyaadaleysan oo aan gabasho laheyn. Waxaa dalka hagaasiyey Hawlwadeeno aan la carbin oo aan laheyn higsi iyo hilaad durugsan , odoros iyo aragti fog taas oo nusqaan iyo nitaakhaba ku noqotey haykalkii iyo haybadii, qaranimo, wadaninimadii,wadarnimadii, sumcadii iyo quraxdii dawladnimo, higsigii iyo habsami usocodkii iyo himilooyinkii la higsanaayey ee lagu taamaayey mudada dheer. Shacabka Somalilaan waxaa deeqa oo keliya cadaalad ay si siman ugu wada noolaadaan oo u wadaagaan midhaha dowladnimo, una sinaadaan ilaha dhaqaalaha iyo hantida maguuraanka ah ee qaranka si ay udhowrtaan dalkooda , dantooda iyo deegaankooda. Dhammaan mushtamaca JSL, waxa dhiqi kara oo keliya nabad, walaalnimo, waayeelnimo, iyo wadaaga anfaca iyo agabka dalkooda. Waxaa wax-garadka siyaasada Somaalilaan udhuun daloolaa ay maanta isku wada raaceen in siyaasada guud ee Somalilaan ay hada ku jirto marin habow, mad-madow badan iyo indo sarcaad baahsan oo iska dabowareeg ah taa soo aan la saadaalin karin lana garan karin qorsheyaasheeda iyo Jihada ay u socoto . Waxay xukuumadu ku fashilantay in ay noqoto xukuumad ummadda wada deeqda, walaaleysa, dhex u noqota, oo dhayda diiftii iyo dildilaacii ay reebtay doorashadii dhamaatay ee la soo dhaafay.Waxaana xukuumada looga fadhiyaa in ay doorashooyinka qabato oo shacabka mideyso oo dalka ka dhigto Somalilaan loo siman yahay oo lawada leeyahay si ay shacabku u noqdaan ul iyo diirkeed, hal qoys oo wax walba wadaaga oo ilaashada danahooda iyo dantooda guud. Waxaan idiinku soo garoocayaa qormadan”” Anigu daaha kama rogin ee dadkuba way arkaayaan ” Shacabow tiraa kaa gedmane wax isu gey geyso ” Alleh ayaa Mahad iyo mudnaanba leh, Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi(scs) Wa-laahum-Aclum- Waa Billaahi-Taw-fiiq, Qalinkii :A/rahman fidhinle Qoraa Madax banaan Intensive ED BD BA United Kingdom London Qalinkii A/rahman Fidhinle UK Source
  14. Muxaafidka maantu wuxuu u qaybsamaa todobaa jaad , oo kala ah , Jiif oo jaq , waa koox xanjo meel uun ugu dhegan tahay oo kormeera baraha bulshada ,waxaana la dhahaa jiif oo jaq . Joog oo jaq , waa koox ka tirsan hawl-wadeenadda iyo saraakiisha xilalka haysa , kuwaasoo maraqa muufadu isugu jirto . Jiidoo jaq , waa koox iyagu danley ah oo mashaariic iyo shaxaad kale waxay helaanba marmar wax soo gaadhaan , kuwaas na waxaa la dhahaa jiidoo jaq . Jiidhoo jaq , waa koox miidayaha ka qaylisa oo marka ay waxoogaa buuqaanba ku qadhaab doonta sidaan u jiidhay ma arkaysay kuwaasna waxaa la dhahaa jiidh oo jaq . Jamoo jaq , kooxdani waa koox mucaashiqiina , oo muxubo awgeed iska qiiraysan sidaa darteed waxa la dhahaa jamoo jaq . Jaboo jaq , kooxdanina waa koox ku guuldaraysatay in ay meelnaba kasoo galaan xukuumadda iyo albaabadeeda ,hadana weli ka dhursugaya , kuwaasna waxa la dhahaa jaboo jaq . Juud oo jaq , kooxdani waa koox muxaafidka qudhiisu ka maarmay oo aan dan iyo muraad cidina ka lahayn iyana is og laakiin weli isku dhedhejinaya , kuwaasna waxa la yidhaahdaa juud oo jaq .Muxaafidka maantu waa 7 jaad , barasho wanaagsan W/Q: Ahmed Nour Guruje Source
  15. (SLT-Hargaysa)Xildhibaano ka tirsan goleyaasha wakiilada iyo guurtida ayaa booqasho ugu tagay madaxweynihii hore ee somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo. Xildhibaan Cabdiqaadir Indho Indho oo ka tirsan golaha guurtida somaliland iyo xildhibaan NacNac oo golaha wakiilada ka mid ah ayaa booqasho ay ugu tageen madaxweynihii hore waxay soo bandhigeen ujeedada ka dambaysa. Xildhibaan Cabdiqaadir Indho Indho oo ka hadlay kulanka ay la qaateen madaxweynihii hore ee somaliland Axmed Siilaanyo ayaa waxa uu yidhi ” Madaxweynaheenii hore Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo waxa uu ka mid yahay halyeeyadii soo celiyey qaranimada dalkan iyo dhismihiisaba, waxanan ugu nimid inaanu soo siyaarano, waanu caafimaad qabaa anaga oo ilaahayna u waydiinayna inuu mid taam ah siiyo inta cimrigiisa ka hadhay.” Xildhibaan Indho Indho ayaa sidoo kale sharaxay ujeedada ka dambaysay ubax qoorta ay u sudheen madaxweynihii hore waxaanu yidhi “Ujeedada aanu ubaxa ugu xidhnay waa kalgacayl iyo qofka aad jeceshahay oo aad gudoonsiin karto, waanad aragtay ilma nabi Aadan qofba qofkii uu jecel yahay ayuu faraawil u galiyaa markaa waa hadiyad maamuus ah oo aanu u keenay, xurmo, karaamo ama ixtiraam ayaa la yidhaa qofba sida uu u yaqaano,.” Sidoo kale xildhibaan Indho Indho ayaa intaas raaciyey “Labadayada xildhibaana inaanu ka barakaysano ayaanu ugu nimid oo dhabarka ayuu naga soo dhirbaaxay, dadkuna waxay yidhaahdaan waa guul wadayaashii balse waxaanu nahay run sheegayaashii labadii gole.” Xildhibaan NacNac ayaa dhiniciisa ka hadlay booqashada ay ugu tageen madaxweynihii hore waxanu yidhi “Madaxweynaheenii hore Axmed Siilaanyo ayaanu ku soo booqanay gurigiisa waana nin aan la ilaabi Karin oo taariikhdu qortay kaas oo umada somaliland iyo anaguba aanu jecelnahay, badanaana waanu u nimaadnaa.” sidoo kale madaxweynihii hore ee somaliland Axmed Siilaanyo ayaa ka hadlay kulanka uu la qaatay xildhibaanada ka tirsan guurtida iyo wakiilada ” Ciid wanaagsan ayaan idin leeyahay, waxaanan ilaahay ka baryayaa in ciidan ciideeduu uu inagu gaadhsiiyo bashbash iyo barwaaqo”ayuu yidhi ex madaxweyne siilaanyo. Source
  16. (SLT-Iran) Ayatollah Ali Khamenei Hoggaamiyaha sare ee Wadanka Iran, ayaa eedeeyn kulul usoojeediyay qorshaha Mareykanka ee nabadda Bariga Dhexe, oo uu ku sheegay “khiyaano weyn oo lagu sameynayo dunida Islaamka”, wuxuuna dalalka Khaliijka kaga digay inay taageeraan. Maraykanka ayaa la filayaa inay dhammaadka bishan dalka Bahrain kusoo soo bandhigto qeybta dhaqaalaha ee qorshaheeda muddada la sugayey ee nabadda Bariga Dhexe ee Israel iyo Falastiin, kaasi oo loogu magac daray “Heshiika qarniga.” “Ujeedada shirkan waa in laga gun gaaro qorshaha Mareykanka ee khiyaanada iyo sharaf-tirka ah ee ku wajahan Falastiin, kaasi oo ay ku magacaabeen ‘heshiiska qarniga’” ayuu Ayatollah Ali Khamenei ku yiri khudbad laga sii daayey taleefishinka oo uu ugu talo-galay munaasabdda ciidda. “‘Heshiiska qarniga’, Insha Allah marnaba ma hir-geli doono, tani waa khiyaano weyn oo ka dhan ah dunida Islaamka. Waxana rajaynayaa in hogaamiyayaasha Bahrain iyo Sacuudiga ay garowsan doonaan dabinta ay ku socdaan iyo dhaawaca ay gaarsiin doonto mustaqbalkooda” ayuu yiri Ayatollah Ali Khamenei. Heshiiskan oo uu horkacay wiilka uu Trump sodogga u yahay ee Jared Kushner ayaa waxaa mar horeba diiday Falastiiniyiinta, oo sheegay in siyaasadda Aqalka Cad ay u eexaneyso Israel. rumeysan yahay inay taageersan yihiin qorshaha Mareykanka ayaa sheegay inay ka qeyb-galayaan shirka Bahrain ka dhacaya 25-26-ka June, kaasi oo Falastiiniyiinta ay qaadaceen. Source
  17. (SLT-Nairobi) Wararka saacadihii u danbeeyay soo baxay ay ayaa sheegaya in Dr Ibraahim Faarax Bursaliid oo arrimaha siyaasadda ka faaloooda lagu xidhay magaalada Nairobi. Dr Bursaliid ayaa xalay laga kaxeystay gurigiisa, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo isaga ku dhow. “Waxaa tagay gurigiisa askar dhar cad ah oo soo u kexeeyay saldhig ciidan.” Waa macallim jaamacedeed oo ku takhakhusay arrimaha xidhiidhka caalamiga ah, kana faalooda xaaladaha Afrika iyo caalamka. Ma cadda sababta loo xidhay illaa iyo hadda. Wuxuu bare ka ahaa jaamacad ku taalla Nairobi. Source
  18. (SLT-London) Inkastoonan ka mid ahayn ragga xiiseeya shirarka reeruhu yeeshaan oo aanan ka qayb gelin, haddana ma arko sabab looga sasaa beelo ood iyo dhalasho wadaag ah oo wax kala tirasaday khalad iyo sax inay yaqiinsadaan baahida loo qabo in lays beer xaadho oo ugu yaraan laysugu yimaado shir horu dhac ah. Waa dhab in maanta dadka wada yaal magaalada Burco, gaar ahaan ay u baahan yihiin in dib loo soo nooleeyo midnimadii ugu yaraan ay ku dhisan jireen guddiyadii horumarinta ee ka hawlgeli jiray gobolkaasi, kuwaasi oo ku burburay kala xantaysigii siyaasadeed ee ka dhashay doorashadii ina kala qaybisay ee lagu soo doortay madaxweynaha guushiisii looga dabaaldegay bariga Burco iyo galbeedka Hargeysa oo keliya. Shaqsiyan in ay jirto baahida dib u heshiisineed ee magaalada Burco iyo guud ahaan inta labadaa reer ay wada yaalaan waxaan soo xaqiiqsaday caleema saarkii Suldaanimo ee saaxiibkay Suldaan Cabdirisaaq Cumaani oo lagu qabtay hotel ku yaala daanta galbeed ee magaalada Burco oo haddana ay dadka galbeedka Burco ka maqnaadeen ka soo qaybgalka munaasibadaasi, marka laga reebo Deyr Xiniinyo Dheere oo keliya. Waxaan xasuustaa in tiro abtirsiimo ahaan ka soo jeeda Galbeedka Burco oo aanu ku tagnay xaflada Suldaan Cumaani in nalagu dhibsaday oo na loo arkaayay rag badhi furaaya wax wax laysaga ogyahay. Dhinaca kale intii xafladaasi socotay waxa salaantiinta wakhtigan hormuudka u ah bulshada bariga Burco ay noo soo bandhigayeen qolyahayaga fara ku tiriska ah ee xafladaasi ka soo qaybgalay in ay fidin doonaan gogol lagu wada hadlo oo lagaga wada hadlo waxa la kala tabanaayo, waan xasuustaa in uu madaxdhaqameedkaa arrinkaa soo jeedinayay uu ka mid ahaa Abtigay Boqor Osman Buurmadow, manay ahayn gogol ay uga danlahaayeen siyaasad iyo qolo kale loogu heshiiyo,.waxase ay haasaawaheeda wadeen in aanu tolku marnaba cadho ku kala maqnaan oo wixii dana laga wada hadli karaayo, iyadoo mararka qaarna siyaasada iyo arrimaha kaleba lagu kala aragti duwanaan karo. Dadaalkii ay salaadinta qaar wadeen hadduu soo gaadhay heer labada dhinac ay isla ogolaadaan bal in ugu yaraan la wada hadlaa ma garan karo sabab ay xukuumadda maanta jirtaa ee eelka dhigtay uga sastaa, halkii ay iyadu dhiiri gelin lahayd in ummaddu is laab xaadhato, waxaase aan hubaa in siyaasada dawlada Muuse Biixi ay tahay in ay ku cimri dheeraysan karto oo keliya marka dadku beelo u qaybsan yahay oo sida uu Xassan Guure sheegay ay haddii qolo quraan akhrido ay qolada kale tidhaahdo “idinkama akhrisan “. Si kastaba xaalku ha noqdee waa in xukuumaddu ay faraha ka qaadaa dagaalka ay ku hayso walaalahaa shiraaya ee aan dantooda mooyaanee cid kale ku maqnayn, hadday beel seddexaad u shirayaan anagaanba ka yeeleenee, hala siiyo fursad ay dib uga wada arrinsadaan danahooga. Mustafe Shiine Source
  19. (SLT-Moscow)Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa dhiggiisa dalka Ruushka Vladimir Putin ku qeexay inuu yahay “saaxiibkiisa ugu fiican” xilli uu booqasho saddex maalmood ah ku tagay magaalada Moscow. “Lixdii sano ee lasoo dhaafay, waxaan kulannay ku dhawaad 30 jeer. Ruushka waa waddanka aan booqashooyinka ugu badan ku tagay, madaxweyne Putin isagana waa saaxiibkeyga ugu fiican”, ayuu yidhi Xi. Putin oo soo dhaweeyay hadalkaas ayaa sheegay “inuu ku faraxsan yahay in xiriirka Ruushka iyo Shiinaha uu gaaray heer aad u sarreeya”. Mr Jinping ayaa halkaas u tagay wadahadallo diiradda lagu saarayo xiriirka ganacsi iyo kan diplomaasiyadeed ee u dhaxeeya labada waddan. Labada madaxweyne ayaa Moscow ku saxiixday heshiis dhaqaale oo wadajir ah. Booqashada madaxweynaha Shiinaha ayaa timid xilli uu meeshii ugu xumeyd gaaray xidhiidhka Shiinaha iyo Mareykanka, kaasoo qoonsaday dagaalka kharaaraaday ee dhinaca ganacsiga. Ruushka ayaa dhowr sano kahor go’aansaday inuu la bahoobo reer bariga ka dib markii uu sii xumaaday xiriirkii uu la lahaa reer galbeedka, sababo la xidhiidhka qalalaasihii Ukraine iyo farogalintii uu ku sameeyay. Source
  20. (SLTSudan)Mas’uuliyiinta dalka Suudaan ayaa sheegay in 46 ruux lagu dilay isku dayga lagu doonayay in lagu kala eryo mudaharaadeyaasha u doodaya dimuqraadiyadda. Tiradaas ay qirteen ayaana aad uga yar 100-ka ruux ee ay dhakhaatiirta sheegeen in lagu dilay howlgalladaas ay ciidamada ammaanka fuliyeen. Arrintan ayaa u muuqata tallaabadii ugu horreysay ee lagu aqoonsaday xaddiga khasaaraha ka dhashay qalalaasaha. Saraakiisha ayaa markii hore ka gaabsan jiray wararka ku saabsan dhimashada rayidka, iyadoo ciidamada amaanka lagu eedeynayay inay rasaas ku fureen dad aan hubeysneyn. Wadahadallo u dhaxeeyay mucaaradka iyo golaha ku meel gaarka ah ee Milatariga maamulka haya ayaa burburay horaantii isbuucan. Madaxda mucaaradka Suudaan ayaa ku gacan seyray wada xaajood ay mar kale soo bandhigeen golaha Milatariga, iyagoo sheegay inaysan kalsooni ku qabi karin yaboohaas, maadaama uu wali socdo qalalaasaha sida qallafsan loola tacaalayo. Source
  21. (SLT-Washington)Dowlada Shiinaha ayaa muwaaddiniinteeda dalxiiska ku taga Mareykanka uga digtay safarka ay ku tagayan Mareykanka inay aad uga taxaddaraan maadaamaa ay khatar amni darro ka soo wajihi karto. Wasaaradda dhaqanka iyo dalxiisaka Dalka Shiinaha ayaa muwaaddiniinta Shiinaha uga digtay khatar uga iman karta falalka ay ka mid yihiin tuugnimo iyo dilalka aan loo meel dayin oo Mareykanka ka dhaca loona adeegsado hubka sharci darrada. Wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha ayaa sida oo kale sheegtay hay’adaha Sharciga ee Mareykanka inay muwaaddiniinta Shiinaha ay xadgudubyo u geystaan. Arrintan ayaa ku soo beegmeysa xilli uu Mareykanka iyo Shiinaha uu ka dhex taagan yahay dagaalka Ganacsiga. Mareykanka ayaa bisha May canshuur dheeraad ah ku soo rogay maciishadaha Shiinaha uu soo saaro oo loo iib geeyo Mareykanka, iyada oo si gaar ah xayirad ugu soo rogtay shirkadda isgaarsiinta ugu weyn Shiinaha ee Huawei. Labada dhinacba waxay isku soo rogeen canshuuro dheeraad ah oo balaayiin doolar ku kacaya, waxaana laga cabsi qabaa dagaalka ganacsiga ee u dhaxeeya labad dal inuu si weyn u saameeyo dhaqaalaha labada dal. Source
  22. (SLT-London)Madaxweyne Trump ayaa Arbacadii shalay boqoradda Britain Elizabeth u raacay magaalada bariga dalkaas ku taalla ee Portsmouth, halkaas oo uu ka dhacayey xuskii 75aad ee maalinta loo yaqaan D-Day oo ah maalinta dalalkii xulufada ahaa ay ku duuleen deegaanka Normandy ee xeebaha Faransiiska, duullaankaas oo keenay in Nazigii laga adkaado, ugu dambeynna uu dagaalkii 2aad ee dunidu soo gabagaboobo. Hogaamiyeyaal dhowr iyo toban ah ayaa iyaguna goobta joogay, kuwaas oo ku jiraan RW-ha Britain Theresa May, Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, RW-ha Canada Justin Trudeau, kuwaas oo dhamaantood amaanay geesinimada askartii qeybta ka ahaa weerarkii dhinaca biyaha ee dunida ugu weynaa, kaas oo ay ciidanka Jarmalka kaga hortageen. Source
  23. (SLT-Hargaysa) Waraysi lala yeeshay Boqor Cismaan Aw Maxamuud Maxamed oo kamid ah madax dhaqameedka waa wayn ee Rer Somaliland ayaa doodo badan ka dhex dhaliyay baraha bulshada. Waraysigan oo uu Boqorku siiyay Telefeeshinka Bulsho wuxuu kaga hadlay qaban qaabada shirka Beelaha Galbeedka iyo Bariga Burco oo La filaayo inuu bishan qabsoomo. Hoos ka DAAWO waraysigaas. Source