Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,311
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Xukuumadda Federaalka ah ayaa dhowaan u gudbisay Baarlamaanka Federaalka sharciga Doorashooyinka Qaranka ee loogu talogalay in looga gudbo Xilliga kala guurka ah ee 2020-ka, Sharcigan ayaa u baahan in si qotto dheer ay u fahmaan dhammaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Xildhibaannada Federaalka ah iyo Siyaasiyiinta kale ee u dhuun-duleesha geeddi socodka shuruucda Qaran-Dhiska ah ee lagu askumayo Dowladnimada Soomaaliyeed, Qormadan dulmarka ah waxaa ay iftiiminaysaa Qodobka 12-aad faqradiisa 5-aad ee gundhigga u ah Sharcigan. Sharciga Doorashada ee loogu magac daray Propotional Represention Closed-List, (PR CL) ama Matalaadda Saami-Qaybsiga ku dhisan ee Liiska Xiran. ayaa ah in waddanka dhan laga dhigo hal Deegaan Doorasho (Single Constituency) oo macnaheedu tahay, in dhammaan Xisbiyada kuwada tartamayaan guud ahaan Dalka. Dadka isu diiwaangaliyay in ay codadkooda dhiibtaan ayaa Dooranaya Xisbiga ay doonaan, Nidaamka PR CL Qofka cod bixiyaha ah ma dooranayo Musharrax ee wuxuu Dooranayaa Xisbi kaliya. Xisbiyada iska diiwaangaliyay Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ee buuxiyay shuruudaha ka qaybgalka tartanka Doorashada, ayaa usoo gudbinaya Guddiga Doorashooyinka tixda liiska Xildhibaannada Musharaxiintiisa iyo qoondada dumarka, islamarkaana isudheelitiran yihiin habka isku-dhafka Beelaha ay kasoo jeedaan. Marka Doorashada ay dhacdo oo dadka codadkooda dhiibtaan, waxaa la xisaabinayaan guud ahaan tirada codadka Dadku ay dhiibteen ee ansaxay inta ay noqoto, Xisbi walba codadka uu helay waxaa laga doonaya in ay gaaraan codad ka kabadan (threshold) 7% guud ahaan tirada codadka ay Dadku dhiibteen si ay uga mid noqdaan Xisbayada ka qaybgalaysa saami qaybsiga xubnaha Baarlamaanka Federaalka. Habka loogu baddelo codadka Xisbiyadu ay heleen tirada kuraasta Baarlamaanka ay Xisbiyadu ku guuleysteen ayaa ah, in tirada codadka guud ay dadku dhiibteen ee ansaxay lagu salleeyo qoondada tirada kuraasta ee Xisbi walba uu helayo tiro u dhiganta codadka Xisbi walbaa helay, iyadoo lagu jaan-goynayo habka saamiga qaybsiga loogu magac daray Sainte Lague. Haddii aan tusaale u soo qaadanno, in Doorashada ay ku tartameen 7 Xisbi, tirada dadka codadka dhiibatay guud ahaan Dalka ay noqodaan 4,750,000 cod, Xisbiyada guuleystay waxaa ay noqdeen 5 Xisbi, waxaana Doorashada looga adkaaday ama waayay labada Xisbi ee aan helin codad ku filan oo udhigma 7% codadka guud ee 4,750,000 codka ah. 1, Xisbiga A wuxuu helay 2,000,000 cod (47%) 2, Xisbiga B wuxuu helay 700,000 cod (17%) 3, Xisbiga C wuxuu helay 600,000 cod (14%) 4, Xisbiga D wuxuu helay 500,000 cod (11.7%) 5, Xisbiga E wuxuu helay 450,000 cod (10.5%) 6, Xisbiga F wuxuu helay 250,000 cod (5.8%) 7, Xisbiga G wuxuu helay 250,000 cod (5.8) Sida uu qabo Qodobka 50-aad faqradiisa 5-aad qaabka qaybinta kuraasta 7-da Xisbi ee ku tartamay doorashada waxaa soo guuleystay 5-ta Xisbi, waxaana haray 2 Xisbi in ay ka qaybgalaan saami qaybsiga kuraasta Xubnaha Baarlamaanka, qaabka qaybinta saamiga Xubnaha wuxuu noqonaya habka Sainte Lague ee tirada kisiga tixan ah ayaa loo qaybinayaa codadka 4,250,000-ka ah 5-ta Xisbi ee guuleystay sida ay u kala heleen 275-ta Xubnaha Baarlamaanka Federaalka ah inta ay saami ahaan ugu helayaan Xisbi walbaa ayaa noqonaysa sida hoos ku qoran. 1, Xisbiga A 2,150,000 udhiganta = 130 Kursi 2, Xisbiga B 700,000 udhiganta = 45 kursi 3, Xisbiga C 600,000 udhiganta = 39 kursi 4, Xisbiga D 500,000 udhiganta = 32 kursi 5, Xisbiga E 300,000 udhiganta = 29 kursi. FG: Xisbiyada u tartamaya Doorashada ee helay codad kabadan 7% tirada guud ee codadka ansaxay ay ka bataan 5 Xisbi ama ay ka yaraadaan waxaa is baddelaya tirada codadka Xisbi walbaa helayo iyo tirada kuraasta loo qoondeynayo Xisbi walba. Faah faahinta Nidaamka saami qaybsiga ee Sainte Lague halkan laguma soo koobi karo waxaaa y u baahan tahay in si toos ah loo barto habka loo sharraxo Xisaabta ku hoos jirta. Gunaanad Ujeedka qoraalkan waa fududeyn iyo fahamsiin shacabka Soomaaliyeed Qodobada udub-dhexaadka u ah ee sharciga Doorashooyinka Qaranka ee Baarlamaanka Federaalka horyaalla, fariintan kama tarjumayso diidmo ama iin-u yeelid Sharciga Doorashooyinka, turxaan bixinta iyo duleel-daarka Qodobada Sharciga waxaa u idman Hay,adaha Dastuuriga ee u xilrsaarran. W/Q: Muxudiin Iimaan Muhyadiin7@hotmail.com
  2. Belgrade (Caasimada Online) – Wasiirka Khaarajiga ee Seerbiya Ivica Dacic, ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo uu naxdin darteed kursiga ka booday, ka dib markii uu toddobaadkii hore qarax xoog weyni ka dhacay meel u dhow madaxtooyada Soomaaliya. Wasiirka arrimaha dibadda Seerbiya Ivica Dacic, ayaa toddobaadkii hore wuxuu socdaal ku tagay magaalada Muqdisho, waxaanu Villa Somalia kula kulmay Madaxweynaha Soomaaliya, laakiin intii uu kulanku socday ayaa waxa dhacay qarax weyn oo ka dhacay meel aan ka dheerayn madaxtooyada. Dacic ayaa sheegay in markii qaraxa uu dhacay uu naxdin darteed kursigiisa ka booday Madxweyne Farmaajo, halka isaga oo marti ahaa aanu is dhaqaajin. Dacic ayaa sida uu sheegay markaas kadib Farmaajo ku yiri “Anagu waanu u baranay qaraxyada oo diyaaradaha NATO ayaa cirka naga duqeyn jiray”, waxaanu Farmaajo kaga jawaabay hadalkaas Wasiirka “Ma ogtahay haddii halkan ay ilaa joogi lahaayen qaar ka tirsan dawladaha reer Galbeedku inay iyagu yaaci lahaayeen.” Wasiirka Seerbiya, wuxuu sheegay inuu mar dambe ogaaday inuu qaraxaas ku geeriyooday mid ka mid ah wasiiradii Soomaaliya ee soo maray arrimaha dibadda Marxuum Xuseen Ceelaabe Faahiye. Dalka Serbia ayaa horey uga tirsanaa dalka Yugoslavia ka hor inta aanay sanadihii sagaashaamaadkii aanu dhowr dal u kala qeybsamin, waxaana weeraray Nato markii ay laayeen muslimiinta Bosnia. Caasimada Online Xafiiska London caasimada@live.com
  3. Hargeysa (Caasimada Online) ― Prof. Axmed Ismaaciil Samatar ayaa ka hadlay dad siyaabo kala duwan uga fal-celiyay barnaamijkii Tabliiqa Siyaasadda ee ay isaga iyo Cali Khaliif ku qabteen magaalooyinka waaweyn ee Somaliland. Prof Samatar ayaa waxa uu sheegay in Somaliland la wada leeyahay ay is weydiin karaan oo qudha dadka kalsoonideedii leh, isagoona ka dhawaajiyey in uu arkayo bulshada reer Somaliland oo soo bislaanaysa. Samatar ayaa sidoo kale waxa uu sheegay inuu barnaamijka ay wadeen isaga iyo Galeyr uu yahay mid lagu faano, oo aanu aheyn wax laga baqo ama’se laga caroodo. Prof. Axmed Ismaacil Samatar, ayaa waxa uu arrimahaasi kaga hadlay wareysi gaar ah oo uu siiyey telefishanka HCTV, wuxuuna yiri “Waxa dadka qaarkood ka xanaaqeen Su’aasha Prof Samatar iyo Dr Cali Khaliif ay keeneen ee ah ‘Somaliland ma la wada leeyahay?’ in aanay meesha qaban oo dadka qaarkii ay ka xanaaqeen, annigu waxaan qabaa reer Booramana waan u sheegay dad bislaaday ama soo bislaanaya ayuunbaa su’aasha caynkaas ah kalsoonideedii leh oo is weydiin karra”. “Somaliland waxaan arkayaa in la soo bislaanayo dadka qaarkii su’aala caynkaas ah way is weydiinayan, anniga jawaabtaydu waxay ahayd ‘Haa’ waa la wada leeyahay, laakiin wax ayaa dhiman, waanan magacaabay waxa dhimani waxa ay yihiin qaarkoodna iminka la qaban karro qaarkoona mustaqbalka la qaban karro”. Wuxuuna intaas ku sii daray “Markaa waxaan walaalahay reer Somaliland ku leeyahay gees ilaa gees anniga iyo Dr Cali Khaliif arrimahaa aanu ka qayb-galnay waxay yihiin wax lagu faano, wax laga baqo maaha wax laga cadhoodo maaha waa wax aynu u baahanay, waayo waxay hoosta ka xariiqayaan dad bislaaday ama soo bislaanaya in aynu nahay”. “Shir ayaan ka qayb-gelayaa lagu qabanayo Magaalada New York bishan Juun, ciida dabadeed ayaa lagu qabanayaa waa wax yaabaha aan doonayo in aan u sheego Somaliland ubaxaasi sida uu usoo dilaacayo in aan tuso, dadkeenu markaa Doodaha yaan laga biqin yaan laga cadhoonin geesinimadeedii hala yeesho lagu dhageysto faa’iido badan ayaa ku jirta”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  4. Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa waxaa soo wajahay dhaqaalo yari baahsan, taasi oo keentay inay Kenya u baahato deyn badan oo ay ka hesho Bank Adduunka ama dalalka Caalamka. Dowladda Kenya ayaa la sheegay inay hadda u baahan tahay inay deyn ka qaadato Bank Adduunka, waxaana la sheegay inay u baahan tahay 750 Milyan oo doolar. Dhaqaalahaasi ayaa dowladda Kenya waxay u adeegsan doontaa miisaaniyad sanadeedkaan, maadaama ay ku fashiliantay xukuumadda Kenyatta inay kordhiso dhaqaalaha dalka Kenya. Dalka Shiinaha ayaa deynta ugu badan ku leh dowladda Kenya, waxaana wargeyska Financial oo ka faalooda arrimaha dhaqaalaha uu shaaciyay in Kenya ay la ciir ciireyso deymo badan oo lagu leeyahay. Lacagta Deynta ah ee Kenya hadda lagu leeyahay waxaa kamid ah 4.8 Bilyan oo lagu dhisay Jid Tareen oo mara dalka Kenya, kaasi oo dowladda Shiinaha ay ka dhistay magaalada Nairobi. Kenya ayaa markii ugu horreysay wada xaajood kala yeelaneysa bangiga adduunka si uu deyntan u siiyo. Dhawaan waxaa warbaahinta Kenya qabsaday baadi goobka madaxweyne Kenyatta oo xiligaasi safar ku joogay dalka Shiinaha, iyadoo dadka Kenyan-ka ah ay sheegayeen in loo heystay madaxweynahooda deymaha badan ee Shiinaha ku leeyahay Kenya. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
  5. Kooxda hoos ku sawirani waa Xilkii Gobolka Sanaag we 1983kii xiligaasi wacdaraha ka dhigay ciyaarahii xiligaasi Hadaba markii Sawirkani uu soo galay baraha bulshada waxa markiiba soo booday in xulkaasi uu xiligaas ay xidhnaayeen dirayska laga soo sheegtay midabada calanka Somaliland ee hada. Ma is tidhi reer Sanaag ama Ceeriba way inaga sii horeeyeen? Ceerigaabooy calankaaga sido Qaran News
  6. PRESS RELEASE The Government of Japan and WHO donate six ambulances to boost health service delivery in South Sudan The two vehicles donated by the Government of Japan through WHO will be distributed to Juba Teaching Hospital Blood Bank and to the National Blood Transfusion Service JUBA, South Sudan, May 28, 2019/ — Six new ambulances, donated this week (Tuesday, 28 May) to the Ministry of Health of the Republic of South Sudan by the World Health Organization (WHO) and the Government of Japan, are a vital boost to the Ministry’s efforts to increase access to health care services for its most vulnerable populations especially women and children. “In South Sudan, women and children are dying because they do not have access to the healthcare services they need. We are pleased to be able to help to reverse that trend through the donation of ambulances to four of the country’s hospitals,” said Dr Matshidiso Moeti, WHO Regional Director for Africa. South Sudan has poor health indicators due to years of conflicts which has disrupted the health systems, with women and children facing high mortality rates from preventable diseases and conditions. The estimated maternal mortality is 789/100 000 live births, the infant mortality rate is 84/1000 live births, and child mortality rate is 104/1000. The ambulances will be deployed to increase access to key underutilized services that are recognized as having the capacity to save the lives of millions of mothers, newborns and children and to support medical teams in the field. The two vehicles donated by the Government of Japan through WHO will be distributed to Juba Teaching Hospital Blood Bank and to the National Blood Transfusion Service. The four vehicles donated by the Office of the Regional Director for Africa will be distributed to Ajak Kuac County Hospital, Twic State; Ngapagok County Hospital, Tonj State; Mary Help Maternity Hospital, Wau State and Akon County Hospital, Gogrial State to support live-saving care emergency obstetric and others referrals. “The government and people of Japan are continuing their strong support for South Sudan through this donation,” said H.E. Seiji Okada, Ambassador of Japan to South Sudan. “Voluntary blood donations save lives, and we are pleased to be contributing to this effort.” The WHO Country Representative to South Sudan, Dr Olushayo Olu, said the ambulances will also be used to boost voluntary blood transfusion through mobile blood donation drives. Receiving the ambulances, the Honorable Minister for Health, Dr Riek Gai Kok said the ambulances will help to strengthen the health system to provide the highest quality of care, and empower communities to utilize health services appropriately. Distributed by APO Group on behalf of WHO Regional Office for Africa. View multimedia content SOURCE WHO Regional Office for Africa Qaran News
  7. Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar), maareeyaha hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed, Axmed Macallim Xasan iyo maareeya ku-xigeenkiisa, Sheekh Jaamac ayaa kulan la qaatay mas’uuliyiin ka socota hay’adda caalamiga ah ee duulista Rayidka (ICAO) oo uu kamid yahay khabiir loo soo diray in dowladda uu ka caawiyo dib-u-dhiska iyo Qorista sharciga hay’adda duulista Soomaaliyeed. Kulanka dhex maray hay’adda caalamiga ah ee duulista rayidka, wasaaradda duulista iyo hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed ayaa aad looga dooday dedejinta qorista sharciga hay’adda duulista oo dowladda u ogolaanaya in ay diiwaan geliso diyaaradaha iyo duuliyaasha iyo in ay qabato dhammaan howlaha muhiimka u ah duulista. Hay’adda caalamiga ah ee duulista Rayidka ayaa dowladda ka taageeraysa Diyaarinta Shuruucda. Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay dhamystirka qorshaha ay dowladda Soomaaliya ugu soo wareegayaan shaqaalaha ka shaqeeya hay’adda duulista Soomaaliyeed oo markii hore hoos tegi jiray hay’adda maamuli jirtay hawada Soomaaliya kahor inta aan dowladda lagu soo wareejin. Wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada iyo hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed ayaa qorsheynaya in shaqaalaha hay’adda ee laga soo wareejiyay Nairobi ay si dhamaytiran dowladda Soomaaliya ugu wareegaan ugu dambayn July 31, 2019. PUNTLAND POST The post Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo dedejinaysa qorista Sharciga duulista Hawada appeared first on Puntland Post.
  8. When the St. Paul City Council appointed Kassim Busuri this year to fill out the unexpired term of Dan Bostrom, the 32-year-old business owner was hailed as the council’s youngest member and its first Somali-American. Source: Hiiraan Online
  9. Seven years ago, the elite Kenya Defence forces launched an offensive operation in Somalia’s Kismayo town against Al Shabaab. Source: Hiiraan Online
  10. Mas’uuliyiin ka tirsan laamaha amniga dowladda Puntland ee gobolka Mudug ayaa warbaahinta Puntland Post u xaqiijiyay in gacanta lagu dhigay nin ku eedaysan dil habeen ka hor magaalada Gaalkacyo loogu geystay gabar lagu magaacaabi jiray Nimco Cumar Shire (Xuuray). Nimco oo da’deeda lagu sheegay 22 sano jir ayaa wakhtiga la dilay ka soo baxday salaadda Taraawiixda waxaana dhuunta tooray uga dhuftay koox hubaysan oo goobta ka baxsaday. Gabadha oo dhaawac culus qabta ayaa markiiba loola cararay isbitaalka magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug halkaasi oo ay ugu geeriyootay dhaawacii loo geystay. Ciidamada amniga ayaa kadib saacado baaritaan ah waxay xalay shaaciyeen in gacanta lagu hayo nin ku eedaysan dilka gabadhaasi kadib markii sida ay sheegeen la tixraacay raadad iyo tibaax la helay. PUNTLAND POST The post Nin loo qabtay dilkii Gaalkacyo loogu geystay Nimco Xuuray appeared first on Puntland Post.
  11. Dalkeenna ayay Saddex u qeybisay. Dalalka ay ku leedahay Wakiillo Diblomaasiyadeed ayay ku dartay Puntland iyo Somaliland. Dowladdeennu kama hadal markii khariidadda Afrika laga reebay [...] Source
  12. Guddoomiyaha cusub ee gobolka Mudug Axmed Muuse Nuur ayaa maanta xilkii kala wareegay guddoomiyihii hore ee gobolka Cabdiqaadir Xuseen Nuur. Xilwareejinta ayaa waxaa ka soo [...] Source
  13. A recent report by the UN Office for the Coordination of Humanitarian Affairs (OCHA) indicated that at least 4.2 million people in Somalia need urgent life-saving humanitarian support. Source: Hiiraan Online
  14. In what could be now a diminishing relationship between Kenya and Somalia, President Mohammed Farmaajo on Monday snubbed Kenyatta International Airport on his way to Mogadishu Source: Hiiraan Online
  15. Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada, Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar), Maareeyaha hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed, Axmed Macallim Xasan iyo maareeya ku-xigeenkiisa, Sheekh Jaamac ayaa maanta kulan la qaatay mas’uuliyiin ka socota hay’adda caalamiga ah ee duulista Rayidka (ICAO) oo uu kamid yahay khabiir loo soo diray in dowladda uu ka caawiyo dib-u-dhiska iyo Qorista sharciga hay’adda duulista Soomaaliyeed. Kulanka dhex maray hay’adda caalamiga ah ee duulista rayidka, wasaaradda duulista iyo hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed ayaa aad looga dooday dedejinta qorista sharciga hay’adda duulista oo dowladda u ogolaanaya in ay diiwaan geliso diyaaradaha iyo duuliyaasha iyo in ay qabato dhammaan howlaha muhiimka u ah duulista. Hay’adda caalamiga ah ee duulista Rayidka ayaa dowladda ka taageeraysa Diyaarinta Shuruucda. Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay dhamystirka qorshaha ay dowladda Soomaaliya ugu soo wareegayaan shaqaalaha ka shaqeeya hay’adda duulista Soomaaliyeed oo markii hore hoos tegi jiray hay’adda maamuli jirtay hawada Soomaaliya kahor inta aan dowladda lagu soo wareejin. Wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada iyo hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed ayaa qorsheynaya in shaqaalaha hay’adda ee laga soo wareejiyay Nairobi ay si dhamaytiran dowladda Soomaaliya ugu wareegaan ugu dambayn July 31, 2019 ka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa khilaaf xoog leh uu ka dhax jiraa dowladda Soomaaliya iyo taliska tababarada dowladda Turkiga ee saldhigga magaalada Muqdisho khilaafkaas oo dibadda usoo baxay maalmihii ugu dambeeyay. Khilaafkaan ayaa u dhaxeeya Raysal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre, iyo Sarkaalka Turkiga u qaabilsan arimaha tababarada iyo ciidamada kaas oo sidoo kale ugu sarreeyo xarunta tababarada ee dowladda Turkiga ku leedahay magaalada Muqdisho. Caasimadda Online ayaa ogaatay in khilaafkaan uu ka dhashay Ciidamo dowladda Turkiga tababartay oo taliye looga dhigay Sarkaal ay wataan Saadaq John, iyo Raysal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, waxaana laga badalay taliyihii ay u soo magacaawday dowladda Turkiga. Ciidamadaan oo howlgalad gaarka ah ka fuliya magaalada Muqdisho ayaa lagu magacaabaa Haramcad, waxaana taliye looga dhigay Sarkaal kamid ah ciidamada ay tababartay dowladda Turkiga halka ku xigeen looga dhigay Farxaan Qaroole oo kamid ah Saraakiisha ka hoos shaqeeya Saadaq John iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre. Sidoo kale waxaa taliye ku xigeenka 2-aad looga dhigay Sarkaal magaciisa lagu soo koobay Korneel Fanax oo ka tirsan Booliiska Soomaaliya horane taliye uga ahaa degmada Kaxda ee Gobalka Banaadir markiisii horane ka soo goostay Al-Shabaab. Saadaq John iyo labada taliye ee aan kor ku soo xusnay ayaa hoos u dhigay 70% awoodda taliyaha ay dowladda Turkiga u soo magacaawday ciidamada Haramcad ee howlagalada gaarka ah ka fuliya magaalada Muqdisho waana sababta keentay khilaafka. Caasimada Online ayaa ogaatay in Sarkaalka dowladda Turkiga u magacaawday hogoominta ciidamada uu turkiga tababaray ee Haramcad uu warbixin ku siiyay Taliyihiisa ka sarreeya in uusan waxba kala socon dhaq dhaqaaqa ciidamada oo ay maamushaan Farxaan Qaroole, Kornel Fanax iyo Saadaq John. Sidoo kale Sarkaalkaan ayaa taliyihiisa warbixin ku siiyay 4 howlgal oo aan laga tala gelin waxna uusan ka ogeyn ay fuliyeen ciidamada arintaasna ay sababtay muran u dhaxeeya asaga iyo labadiisa ku xigeen. Dowladda Turkiga ayaa markaas kadib xiriir la sameysay Saadaq John taliyaha qaybta Booliiska Gobalka Banaadir, waxayna ka waysay warbixintii ay ka dalbatay. Turkiga ayaa arinta gaarsiiyay taliyaha booliiska Soomaaliya oo markii dambe ka dalbaday in ay toos ula xiriiraan xafiiska Raysal Wasaaraha Soomaaliya kadib markii uu u cadeeyay in uusan waxba ka gelin. Dowladda Turkiga ayaa ugu dambeyn joojisay ciidamo gaaraya 200 oo Askari oo loogu geeyay in ay kamid noqdaan ciidamada cusub oo ay tababarka siin doonaan macalimiinta Turkida ee arimaha ciidamada. Soo celinta ciidamadaan ayaa waxaa sabab u ah kadib markii xafiiska Raysal Wasaaraha uu ka jawaabi waayay cabashada Turkiga ee arimaha ciidamada Haramcad. Turkiga ciidamada uu tababaray wali asaga ayaa gacanta ku haaya waxaana mas’uuliyadda taliyaha loo dhiibo kamid ah in uu mas’uul ka noqdo Qatar kasta oo ay wajahaan ciidamada loo dhiibay. Hadii askari ku dhinto si qaldan ama istiraatiijiyad xumo waxa uu wajahaa ciqaab ciidan iyo ciqaab kale oo aan la sheegin waana sababta keentay in Sarkaalka turkiga ugu magacaaban ciidamada Haramcad ee awoodiisa hoos loo dhigay uu cabasho u gudbiyo taliyiisa ka sarreeya ahna madaxda tababarada ciidamada Soomaaliya ee dowladda Turkiga. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  17. Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubadda Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ay ka socdaan Howlgallo amniga lagu xaqiijinayo. Howlgaladaan ayaa yimid ka dib markii Magaalada Kismaayo maalmihii ugu dambeeyay ay ka dhaceen falal lidi ku ah Ammaanka, islamarkaana Musharaxiinta ku sugan Magaalada Qaarkood ay sheegeen in ay Qaraxyo ka badbaadeen. Howlgaladan oo ay sameynayaan Ciidanka Amaanka ee Maamulka Jubbaland ayaa waxa ay ka socdaan xaafadaha ay ka kooban tahay Degmada Kismaayo Ciidanka ayaa guri guri u baaraya, waxaana shacabka ay weydiinayaan aqoonsi iyo cida taqaana, sida ay sheegayaan wararka caawa laga helayo Magaalada Kismaayo. Weli howlgaladan lama sheegin cid si rasmi ah loogu soo qabtey, hase ahaatee Ciidamada ayaa galaya inta badan guryaha ku yaalla Kismaayo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. (SLT-Makkah)-Xujaaj tiradoodu ka badan tahay 6.97 million oo qof ayaa u socdaalay dalka Sucuudi Carabiya si ay dhulka barakaysan ugu soo gutaan Cumrada Sanadkan, sida ay ku warantay wakaalada wararka ee dalka Sucuudi Carabiya ee (Saudi Press Agency, SPA). Warbixintan tirada dadka dhulka barakaysan ee Sucuudi Carabiya ku soo cimraysana ayaa waaxda la socodka Cimrada ee Boqortooyadu waxa ay tilmaantay in Fiisayaal ka badan 7.4 million (7,463,259) visas loo soo saaray xujayda. Waxaana sidoo kale ay sheegeen in yoolka Mustablaka ee Boqortooyadu ay tahay in marka la gaadho sanadka 2030-ka, Dawladda Sucuudi Carabiya ay baadigoob u gali doonto inay soo dhaweyso in ka badan 30 million oo Xujaaj soo cimraysanaya si loo hubiyo adeegysada suurtagalka ah ee ugu wanaagsan aadka u cajiibka ah, ayaa lagu sheegay warbixinta waaxda la socodka Cumrada. Hase yeeshee dhulka Soomaalida ayaa sanad kasta ay sii korodhaa dadka xiligan oo kale bisha barakacysan ee Ramadan u cimro taga dhulka Cabarakaysan ee dalka Sucuudi Carabiya. Source
  19. Shirka dajitna habraaca maamulka iyo maaliyada ee Puntland ayaa waxaa soo qaban qaabisay wasaarada maaliyada dowladda Puntland . Shirkan ayaa waxaa diirada lagu saarayaa inta [...] Source
  20. Maamulka iyo shacabka degmada Xarfo ee gobolka Mudug ayaa si isku tashi ah waxa ay ku dhisteen Isbitaalka guud ee degmada Xarfo, kaas oo la [...] Source
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey ayaa lagu wadaa inuu noqdo safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Itoobiya, sida ay ogaatay Caasimada Online. Golaha wasiirada Soomaaliya ayaa 21-kii March waxay Camey u magacaabeen xil safiir, balse xiligaas lama shaacin dalka uu fariisan doono. Camey ayaa tagi doona safaaradda Soomaaliya ee Addis-Ababa marka Safiirkii Soomaaliya u fadhiyay Addis Ababa Cali Shariif laga soo aqbalo dalka Mareykanka, oo loo beddelay. Dowladda Soomaaliya ayaa madaxweyne ku xigeenkii hore ee maamulka Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey ka abaal-marisay dagaal siyaasadeedkii uu la galay xilligii ay u bahoobeen madaxda maamul goboleedyada, islamarkaana siisay xilka safiir. Dhinaca kale, xilka safiirnimo ee Camey ayaa marka lasoo aqbalo la filayaa inay saameyn ku yeelato safiirka Soomaaliya u fadhiyay magaalada Ankara ee dalka Turkiga Jaamac Caydiid oo ay isku heyb yihiin, maadaama Safiirada dibadda ay qeyb ka tahay habka awood qeybsiga ee 4.5. Wararka ayaa sheegaya in Jaamac Caydiid uu xilka weyn doono, marka Camey uu xilka la wareego, booskiisana la siin doono beel kale. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com