Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,501
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Wafdigan uu hogaaminayo Wasiirka Duulista iyo Hawada Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Salaad Oomaar ayaa waxaa Garoonka Caalamiga ah ee Addis Ababa ku soo dhaweeyay Wasiirka Macdanta iyo Shidaalka ee Dowlada deeganka Soomaalida Eng Hamdi Axmed Omar iyo diplumaasiyiin ka tirsan Safaaradda Soomaaliyeed ee Itoobiya. Wafdiga uu Wasiir oomaar hogaaminayo oo ka kooban Xildhibaano, Fanaanii Abwaano iyo Masuul ka socota Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa lagu wadaa inay ka qeybgalaan aaska Marxuum Abwaan Maxamuud Cabdullaahi Ciise “Sangub” oo dhawaan ku geeriyooday Addi Abba. Maanta ayaa lagu wadaa Abwaan Sangub in lagu aaso Magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deegaanka Soomaalida. Abwaan Maxamuud Cabdullaahi Ciise “Sangub” ayaa ka mid ahaa Abwaanada ugu weynaa taariikhda Umadda Soomaaliyeed isag oo sameeyay ruwaayado iyo heeso badam oo can ka ah Dalka. Alla ha u naxriistee Abwaan Maxamuud Cabdullaahu Ciise(Singub) ayaa taariikh fcaweyn ku leh Soomaaliya,gaar ahaan wacyigelinta bulshada,iyadoo loo marayo dhinaca fanka, Hidaha iyo Dhaqanka. View the full article
  2. Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Caawa War-saxaafadeed ay soo saartay waxaa Digniin loogu diray Dadka ka Shaqeynaya Ficilada Dhaawaca ku ah Qaddiyadaha Lama taabtaanka ah ee Qaranka. View the full article
  3. Baydhabo (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax khasaaro geystay oo ka dhacay deegaanka Daynuunaay ee gobolka Baay, waxaana masuuliyadda qaraxa sheegtay Al Shabaab. Qaraxa oo ka dhacay duleedka magaalada Baydhabo, ayaa Al Shabaab waxay sheegeen inay la eegteen ciidamada ethiopia oo marayay deegaanka Daynuuneey, waxaana ay sheegeen inay ahaayeen kolonyo gaadiid ah oo wada socday. Ciidamada qaraxa lala eegtay ayaa ku sii jeeday degmada Buurhakaba ee gobolka Baay, iyaga oo kasoo dhaqaaqay magaalada Baydhabo, sida Al Shabaab ay sheegteen. Shan kamid ah ciidamada Dowladda Ethiopia ayaa la sheegay inay waxyeelo kala duwan kasoo gaartay qaraxa ka dhacay duleedka magaalada Baydhabo ee gobolka Baay. Ciidamadan ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay ka gaabsaday adeegsiga wadadaan, kadib markii dhowr jeer ay Al Shabaab kala kulmeen weeraro kala duwan, sida Al Shabaab ay ku baahiyeen baraha Internetka. Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka ciidamada Ethiopia ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ee ka socda Somalia inka badan 10 sano. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  4. Boosaaso (Caasimada Online)-Ciidamada amaanka ee Puntland ayaa baaritaano ka sameeyay xaafadaha kala duwan ee magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, halkaasi oo maalmihii ugu dambeeyay falal amni daro ay ka jireen. Ciidamada ayaa baaritaankii ugu adkaa xalay ka sameeyay xaafado kamid ah magaalada Boosaaso, waxaana la arkayay iyaga oo dadweynaha qaar qabanaya inta uu howlgalka socday. Ciidamada amaanka saraakiil u hadashay ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen ku dhawaad 7 ruux oo ka tirsan Al Shabaab iyo Daacish, kuwaasi oo ku sugnaa xaafadaha magaalada Boosaaso. Taliyaha ciidamada PSF ee Puntland oo warbaahinta la hadlayay ayaa sheegay in ciidamada amaanka ay dadkaasi qabteen, sidoo kale wuxuu sheegay inay wadeen sahay uu sheegay in loo waday deegaanada dhanka Buuraha ah oo Al Shabaab iyo Daacish ku sugan yihiin. Howlgalkan ayaa ku soo aadayaa xili ciidamada amaanka maamulka Puntland ay habeen ka hor fashiliyeen qarax lagu aasay batamaha suuqa Magaalada Boosaaso. Howlgalka oo dhacay habeenkii Khamiista 19-ka bishan ayaan la ogeyn inuu jiro khasaare ka dhashay inta ay socotay qabashada xubnahan Shabaab iyo Daacishka ah ee maamulka Puntland. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
  5. – On the occasion of World Refugee Day, UNHCR, the UN Refugee Agency and the British Embassy joined forces to honour the achievements and resilience of refugees and asylum-seekers in a reception at the British Ambassador’s residence on Wednesday. The attendees included Egyptian government officials, representatives of donor countries, the diplomatic community, United Nations agencies, non-governmental organisations, media, Egyptian civil society, businessmen and prominent figures who support refugees, including renowned Egyptian Actress Lebleba, Mohamed Mamdouh, Ahmed Hatem, Novelist Essam Youssef and Ahmed El Ghandour. Egypt is currently a host to more than 247,000 registered refugees and asylum-seekers from 56 different nationalities. “Egypt is setting an example in the region through the hospitality of its Government and people towards refugees, embracing their diversity and showing solidarity. I would like to seize the opportunity today to thank the generous donors supporting Egypt and UNHCR to sustain this hospitality and I reiterate the urgency for additional funds to maintain the current programmes,” said Mr. Karim Atassi, UNHCR Representative to Egypt and to the League of Arab States. In addition to the health and education services the Government of Egypt provides to refugees and asylum-seekers on equal footing with Egyptians, this year the Government also extended the scope of several health campaigns, initiated by the President of Egypt, to include refugees and asylum-seekers. Examples of these campaigns include the “100 Million Sehha” campaign to detect and treat Hepatitis C, the anti-polio campaign, and the campaign to detect obesity, anaemia and dwarfism among primary school students. “The United Kingdom Government is no stranger to this generosity. In addition to the support the UK is providing to UNHCR’s operations globally and its support to UNHCR Egypt’s operation specifically, the UK is also keeping the resettlement lifeline open for vulnerable refugees in Egypt and is the operation’s third largest resettlement country after Germany and Canada in 2019,” added Mr. Atassi. “The UK and Egypt have a strong record in protecting vulnerable refugees and combating irregular migration. The UK allocated over EGP 1.6bn to the region, including EGP 73.3m to Egypt, to support Egypt’s hosting of refugees in this country. Today, we reaffirm our commitment, and continue our work with UNHCR to raise awareness about the needs of refugees,” said Sir Geoffrey Adams, the British Ambassador to Egypt. As we celebrate the 2019 World Refugee Day, UNHCR continues to see record levels of forced displacement. At the end of 2018, the number of people fleeing war, persecution and conflict stood at 70.8 million, the highest level that UNHCR has seen in its almost 70 years of operation. This includes 41.3 million internally displaced persons, 25.9 million refugees and 3.5 million asylum-seekers. According to UNHCR’s annual Global Trends report, the current level of forced displacement globally is double that of 20 years ago and corresponds to a population size between that of Thailand and Turkey. This increase is not met with the same rate at which solutions are being found for people who become displaced. With refugees, the best solution is being able to return home voluntarily, in safety and dignity. Other solutions include being resettled to a third country. Distributed by APO Group on behalf of UN Information Centre in Cairo Qaran News
  6. Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’iisul wasaaraha dalka Xasan Cali Kheyre iyo taliyihii Nabad sugadda Qaranka Cabdullaahi Maxamed Sambaloolshe ayaa muddo kadib ku kulmay dhismaha safaaradda Ingiriiska ee Muqdisho. Labada Masuul ayaa safaaradda kaga qeyb galayay dabaal daga dhalashada boqoradda UK ee Queen Elizabeth 2, waxaana ku sugnaa goobta masuuliyiin kale oo heysta baasaboorka dowladda UK. Ra’iisul wasaaraha oo goobta lagu casuumay, ayaa markii uu gaaray wuxuu bilaabay inuu salaamo dhamaan dadkii goobta ku sugnaa, wuxuuna ka bilaabay Cabdullaahi Maxamed Sambaloolshe. Markii uu xabadka gellinayay ayuu yiri hadal u muuqday inuu yahay Kaftan balse laga fasiran karo inuu dhab yahay “Meeshaan yaa kuu ogolaaday”. Sambaloolshe ayaanan wax jawaab ah ka bixin hadalka ra’iisul wasaare Kheyre, waxaana hadalkaasi micno u yeelay in ra’iisul wasaaraha marka uu hadalkaasi yiri kadib inuusan lasii joogin Sambaloolshe oo uu kasii dhaqaaqay. Waxay taasi macno kale u yeeshay hadalka ra’iisul wasaaraha, waxaana loo qaatay inuu ahaa hadal aanan kaftameyn aheyn, balse ka tarjumaya inuusan wali wanaagsaneyn xiriirka u dhaxeeya labada masuul. Sanbaloolshe oo ahaa Xildhibaan kamid ah golaha shacabka ayaa kategey xilkaas kaddib markii uu qabtay xilka taliyaha hay’adda Nabadsugidda isaga oo markii xilkaas laga qaadayna isku deyey in uu u tartamo booskiisii golaha shacabka hayeeshee kuma guuleysan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah degmooyinka gobalka Banaadir ayaa laga howlgeliyay dhalinyaro hubeysan oo dhar cad islamarkaana laga qoray hey’adaha amaanka Soomaaliya, si loo xaqiijiyo amaanka magaalada Muqdisho. Degmooyinka Boondheere, Shibis, Warta Nabadda, Xamar-weyne iyo Waabiri ayaa kamid ah goobaha ugu badan oo ay dhalinyaradaan ka howlgalaan waxaana la sheegay in ay habeenkii ilaa maalintii oo dhan ay roondeeyaan xaafado lagu kala qoray. Caasimada Online ayaa ogaatay in halkii Waaxba lagu qoray 10 qof iyo Guddoomiye Waaxeedka degmada, waxaana lagu amray in ay habeenkii oo dhan aysan seexan oo ay shaqeeyaan. Sidoo kale maalintii ayaa la sheegay in ay waajib ku tahay in ay socdaan oo ay sameeyaan roondo iyo baaritaano xoog leh. Awoodaha la siiyay waxaa kamid ah in ay geli karaan gurigii ay ka shakiyaan hadii ay u arkaan in ay halis ka jirtana ay ku wargeliyaan Booliiska si loogu sameeyo baaritaan dheeraad ah. Walaaca ugu weyn ee la qabo ayaa ah in aysan is aqoonin dhalinyaradaan laga qoray degmooyinka oo ay dhax-dooda dagaalami karaan. Sidoo kale walaaca kale ee jira ayaa ah degmooyinka ay ka shaqeeyaan waxaa ku nool shaqaale dowladeed iyo ciidan kuwaas oo heesta hub sharciyeeysan iyo mid aan sharciyeeysneen mana is yaqaanaan dhalinyaradaan la howlgeliyay waxeyna taasi keeni kartaa isku dhac iyo kala shaki sababa dhimasho iyo dhaawac. Dhalinyaradaan oo dhowr boqol ah ayaa la sheegay in ay maal-gelineyso Dowladda Qatar islamarkaana ay u dhameestirtay dhamaan baahiyahooda ku saabsan shaqada ay qaban doonaan. Lama oga sida loo kala dhowri doono Ciidamadaan aan is aqoonin ee la howlgeliyay iyo saameynta ay ku yeelan doonto shaqaalaha kale ee dowladda ee hubeysan kuwaas oo keeni kara isku dhacyo dhimasho iyo dhaawac sababa. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Daahir Axmed Carabow waa Askari ka falaagoobay Ciidamada Booliiska Soomaaliya waxa uuna magaalada Muqdisho ka fuliyay ugu yaraan 5 dil oo dhamaantood ah dad shacab oo aan waxba galabsan. Dilalka ugu badan waxa uu ka fuliyay degmada Kaaraan ee gobalka Banaadir, waxeyna Dowladda Soomaaliya ku guul dareysatay in ay sharciga marsiiso ama xirto si looga badbaado qatarta dilaaygan. Ciidamada Booliiska Soomaaliya ayaa mar qabtay waxaana lagu sii daayay damiin kadibna waxa uu sii watay dilalka iyo dhaca dadka shacabka ah. Xildhibaan iyo Senator ka tirsan dowladda Soomaaliya ayuu magan u yahay askarigan waxaana la sheegay in ay ku xareesteen guri ay dagan yihiin oo ku yaala magaalada Muqdisho. Hey’adaha amaa ka ee Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in aysan heysan fasax ay ku weeraraan guri ay dagan yihiin Xildhibaan iyo Senator islamarkaana Askariga halkaas lagu haayo oo aan loo ogoleyn dibadda. Waa mid kamid ah nasiib darrada ka jirta magaalada Muqdisho waxaana hadda laga cabsi qabaa in Askrigaan uu fuliyo dilalka maadaama uu weli hubeysan yahay oo aysan jirin cid la xisaabtanta ama hubka ka dhigta. Caasimada Online waxay ka gaabsatay in ay adeegsato magacyada Senatorka iyo Xildhibaankaan katirsan Baarlamaanka Soomaaliya ee gacanta ku haaya Askarigaan dadka badan ku dilay Muqdisho. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  9. OTTAWA — Immigration Minister Ahmed Hussen says he would like to see Canada welcome more refugees than it currently accepts and believes more of them should be able to enter through economic immigration programs. Source: Hiiraan Online
  10. Kenya ayaa baadi-goob ugu jirta suuq ay u iib-geyso Qaadka, waxaana ay isha ku haysaa Jabuuti iyo Mozambique xilli tartan adag uga imaanaya dalka Itoobiya oo ku ciriirinaya suuqeeda soo jireenka ah ee Soomaaliya. Qaadka Miraa loo yaqaano ayaa ku jira khatar ah in loo waayo dal oo suuq geeyo, kadib markii ay kasoo xirmeen suuqayada dalal badan oo Yurub ku yaalla, sida Ingiriiska, oo ogaaday in maandooriyan uu ka halis badan yahay kuwa kale. Mamnuucida dalalkan ayaa dharbaaxo kulul ku dhuftay beeralayda Qaadka, iyadoo ay u sii dheertahay in gobolo dhowr ah oo gudaha dalka Kenya ku yaalla ay ku goodiyeen inay joojinayaan iibshada maandooriyahan. Kello Harsama, oo ah gudiga ganacsatada Qaadka Kenya ayaa u diray warqad wasaaradda arrimaha dibadda dalkaasi, isagoo ka codsaday in suuq loo raadiyo, si ay uga soo kabsadaan dhaawaca kasoo gaarey suuqyada caalamiga ah ee ka xirmay. Guddigan ayaa qorsheynaya inuu safaro ku tago Jabuuti, Mozambique iyo Itoobiya, iyagoo la kulmi doona wasiiradda beeraha dalalkan, ganacsatada Qaadka iyo rugaha ganacsiga ee ka jira, si ay u ogaadaan shuruudaha looga baahan yahay inay badeecadahooda u iib-geeyeen. Wuxuu sheegay in mar uu Itoobiya booqday uu soo ogaadey in Qaad 50 nooc ah oo ka baxa dalkan, uusan u dhigmin tayo ahaan midka ka baxa Kenya ee Miiraa, kaasoo aad loogu beero gobolka Meru. In badan Qaadka Itoobiya waxaa aad looga isticmaalaa Somaliland iyo Jabuuti, oo maalintii loo iib geeyo in ka badan 16 tan, iyadoo dowladaha ay ka helaan lacago badan oo canshuur ah. Inkastoo Qaadka Miiraa loo iib geeyo dalal ay kamid yihiin Uganda, South Sudan Masar, haddan Soomaaliya ayaa ah suuqa ugu weyn, oo malaayiin dollar bil kasta ka heleen ganacsatada Kenya. Soomaaliya ayaa ku tiirsan waxa dibadda looga soo dhoofiyo [Import], iyadoo wadan mudadii burburka kusoo jiray illaa hadda aysan jirin dowlad shacabka uga faa’idaysay khayraadka dabiiciga ah, sida Macdanta, Batroolka, Kalluunka, dalaga beeraha iyo Xoolaha. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Isha: Garowe Online
  11. ISTANBUL/BRUSSELS (Reuters) - The U.S. government on Thursday said economic sanctions over Turkey’s planned purchase of a Russian missile defense system remained a “very viable” option, even as Turkish President Tayyip Erdogan vowed to retaliate if that occurred. Source: Hiiraan Online
  12. WASHINGTON (Reuters) - Canadian Prime Minister Justin Trudeau on Thursday took a break from high-level Washington talks to gently remind his American hosts that, for the first time ever, a basketball team from Canada had won the NBA title. Source: Hiiraan Online
  13. Interior CS Fred Matiangi has re-assured Mandera leaders that quarry mines in the region will be re-opened soon but in a structured manner. Source: Hiiraan Online
  14. Amitabh Bachchan probably doesn’t know it, but he is big in Somalia. So big that he even has his own Somali nickname. SAMIRA SAWLANI reports from Mogadishu on how Bollywood became an integral part of Somali culture Source: Hiiraan Online
  15. The Mandera County government has been dragged to the Employment and Labour Relations Court in Nairobi following the cancellation of a recent mass recruitment of staff. Source: Hiiraan Online
  16. The chairperson of the Electoral Commission (EC), Justice Simon Byabakama, has tipped Somalia on electoral security ahead of the 2020 general elections in the conflict-riddled country. Source: Hiiraan Online
  17. The 3rd international conference of the International Global Somali Diaspora (GSD) was held in Istanbul earlier this month. Source: Hiiraan Online
  18. On a sunny afternoon, a group of mothers in hijabs sit on the bench of a football pitch, watching their daughters play football at the Stonebridge recreation ground in north-west London. Source: Hiiraan Online
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Baraha bulshada ayaa si aad ah loogu wadaagay muuqaal kooban oo laga qaaday Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre oo magaalada Muqdisho uga kaqaybgelayey xuska dhalashada Boqoradda Ingiriiska Queen Elizabeth 2 Xuska dhalashada Queen Elizabeth oo lagu qabtay gudaha safaaradda UK ee Muqdisho ayaa waxa kaqaybgalay oo lagu casuumay madax katirsan dowladda Soomaaliya kuwaas oo dhalashada 2aad kahaysta Uk Ra’iisal wasaare Kheyre oo kamid ahaa madaxdii lagu casuumay xuska sanadguurada 93aad ee kasoo wareegatay dhalashadii Queen Elizabeth ayaa saf ballaaran u salaamay madax, siyaasiyiin iyo Shaqaalaha safaaradda qaarkood. Kaddibna waxa kusoo baxay taliyihii hore ee hay’adda Nabadsugidda ee xukuumadda Ra’iisal wasaare Kheyre, Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Cali Salbaloolshe oo kamid ahaa Siyaasiyiinta lagu casuumay xuska sanadguurada 93-aad ee dhalshada Elizabeth. Ra’iisal wasaare Kheyre isaga oo salaamaya Sanbaloolshe ayuu si kaftan u eg u weydiiyey taliyaha Su’aal ka qoslisay madaxdii joogtay kulanka taas oo ahayd ” Meeshaan yaa kuu ogolaaday? Madaxdii safka kujirtay ee soo dhoweysay Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa dhammaan ku qosolay su’aashaas iyada oo uusan Sanbaloolshe muuqaalkan dhexdiisa uga jawaabin su’aasha Raisalwasaaraha. Su’aashaan oo Kaftan-dhable ayaa ka turjumeysa xiriirka, waaqica siyaasadeed iyo sida uu Raisalwasaare Kheyre u arko Siyaasiyiinta la soo shaqeeyey balse ay muddo kaddib isla jaanqaadi waayeen. Sanbaloolshe oo ahaa Xildhibaan kamid ah golaha shacabka ayaa kategey xilkaas kaddib markii uu qabtay xilka taliyaha hay’adda Nabadsugidda isaga oo markii xilkaas laga qaadayna isku deyey in uu u tartamo booskiisii golaha shacabka hayeeshee kuma guuleysan. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  20. Dowladda dhexe oo ah tan dalka hogaamisa marna uma ogolaan dowlad goboleedyada Hirshabelle iyo Galmudug in ay horay usocdaan,waxeeyna 2dii sano ee lasoo dhaafay dhaqaalo iyo waqtiba ku bixineeysay sidii labadaa dowlad goboleed ay ufashilin laheeyd. Waxaad mooddaa in ay ula macaamilaan labadaa maamul in ay ku dhaqan yihiin dad iyaga horay cadaawad kala dhaxeysay oo kale,waana u ayaan darro ficillada ay u muujiyeen dadka labadaa deegaan kasoo jeeda. Waxeey labadii sano saareen cunaqabateen dhaqaale oo ay marna si cadaaladeysan ku siinin dhaqaalihii ay xaqqa u lahaayeen,xittaa waxeey hor istaageen cunnooyinkii hay’adaha deeqaha bixiya keeneen dalka in deegaannadaa loogaarsiiyo si cadaalad ah . Waxeey labada maamulba ku shaqeynayeen culaasyadaa adag iaygoo kaashanaya shacabka kuwadooda fahamsan waaqiciga ay kujiraan. Hirshabelle iyo Galmudug waxaa markasta loo adeegsanayay kuwa kasoo jeeda oo iyaguna ujeedkoodu yahay xoogaaga yar ay ku helayeen in ay deegaannadaa ay abuuraan khilaafyo sokeeye. Waxaan lawadaagayaa dhamaan dadka kasoo jeeda labadaa dowlad goboleed in ay ilaashadaan maamulladooda iskana dhax saaraan kuwa calooshood ushaqeeysta yaasha ah ee markasta khilaafyada u horseeda. ( Hirshabelle iyo Galmudug maxeey ka bi’iyeen madaxtooyo?) Waa su’aal taagan oo aragtideyda ah una baahan in jawaab loo helo. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah W/Q: Hassan Abdulkhader Mudey Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Shirar wada tashi ah oo maalmihii u dambeeyay Suxufiyiinta Somaliyeed uga socday magaalada Muqdisho ayaa lasoo gabagabeeyay maanta oo ay Taariikhdu tahay 20/6/2019 waxaana ka qeyb galay Tifaftireyaal, War-dooneyaal, Soo-saarayaal, Qoraayaal, Milkiilayaal Warbaahineed, Wariye-yaal rug-caddaa ah iyo hawl-wadeenno kale oo warbaahineed. Shirka inta uu socday waxaa si wayn looga dooday muhimadda ay leedahay tabinta wararka ku saabsan maslaxadda Qaran ee Waddanka, iyadoo la soo hadal qaaday arrinta badda Soomaaliya ee ay Kenya nagu haysato iyo sida ay tahay in Warbaahinta Soomaaliyeed u tabiyaan. Waxaa laga hadlay muhiimadda danta guud ay leedahay iyo sida warbaahintu ay laf dhabar ugu tahay difaaca danaha Qaran, waxaana la isku raacay qodobada soosocda: 1. In Wariyeyaasha Soomaaliyeed aysan dhexdhexaad ka noqon karin qadiyadda la xiriirta difaaca dalka. 2. In Wariyeyaasha Soomaaliyeed ay iska hubiyaan xaqiiqada wararka ay daabacdo Warbaahinta Kenya ee ay soo xigato Warbaahinta Soomaaliyeed. 3. Laga bilaabo maanta in Warbaahinteenu aysan adeegsan erey bixin aan u danneyneyn danta dalka Soomaaliyeed sida ( muranka Badda ee Soomaaliya iyo Kenya) ee taas badalkeeda la isticmaalo ( Badda Soomaaliya ee Kenya muranka galisay). 4. In Wariyeyaasha Soomaaliyeed ay ka foojignaadaan tabinta wararka aan caawineynin nabadda iyo wada noolaashaha. 5. In la sameeyo Barnaamijyo iyo Wareysiyo joogto ah oo laga qeyb galinayo dadka indhaha u ah Bulshada Soomaaliyeed sida Sharci-yaqaanada. 6. in Dowladda Soomaaliyeed ay Wariyeyaasha siiso xogaha muhiimka ah ee jira iyada oo abuureysa bar loogu soo hagaago xogaha ku saabsan arrimaha Badda si looga fogaado in xog been ah ay Bulshada gaarto. 7. In si qotto dhaw loola socdo Saxaafada adduunka waxa ay ka qoraan gaar ahaan qadiyada Soomaaliya iyo Kenya. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  22. Hargeysa (Caasimada Online) ― Xildhibaan Abubakar Cabdiraxmaan Good, oo ka mid ah xildhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa markii u horeysay ka hadlay Saami qaybsiga doorashada ee bulshada Gobolka Awdal. Xildhibaan Abuubakar ayaa sheegay inay dadweynaha ku dhaqan Gobolka Awdal aysan ka qeyb galeyn doorashooyinka Somaliland, ilaa inta laga xalinayo saami-qaybsiga. Xildhibaanka ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay Shir uu dhowaan ku baaqay Boqor Buurmadow, isagoona eedeymo u jeediyey Madaxweyne Muuse Biixi, wuxuuna yiri: “Reer Awdal sodon sanno ayey doonayeen in saami qaybsi doorashada lagu galo, oo la siiyo saamiga ay xaqa u leeyihiin, Doorasho dambe oo aan saami qaybsi lagu galina anagu reer Awdal ahaan ma galayno, waa in la sameeya Saami-qaybsiga, Madaxweynahana waxaan leeyahay Madaxweyne adiga ayaa maanta ah Masuulkii qaranka u sareeya, adiga ayaa Madaxweynihii qaranka, in badan baad ololaha ku gashay saami qaybsiga inaad sameeysanayso, ee maanta maxaa ku bedelay”. “Madaxweyne si kasta oo aad isku tidhaahdo u baaji saami qaybsiga, kaa yeeli mayno, reer Awdal doorasho dambe oo bilaa saami qaybsiya inay galaan diyaar uma ah, 13 kursina kuma qanacsana, ee saami qaybsigu yaanu kula cuslaan, ee adiga ayuu ka go’aa, ee ka badheedh oo ku dhiiro”. Wuxuuna intaas kusii daray “Madaxweynihii qaranka, waxaa looga baahan yahay inuu wax walba ka fiirsado, oo aanu ku deg degin hadalada qaar, mar haddii uu Madaxweynuhu dambiile ku sheegay boqor buurmadaw, waxaa laga doonaya inuu ku caddeeyo dambigiisa, si sharciga loo hor keeno”. “Shirarka waa la qabsan karaa, oo Beeluhu masiirkooda wey ka shiri karaan, Shirarka Beeluhu maaha Shirar qaranka lagu duminayo ee yaanay Xukuumaddu sas iyo baqdin ka qaadin”. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com