-
Content Count
213,501 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay qabsoomida doorashooyinka Somaliland, isagoona fariin u direy musharixiinta ka qeyb galaya doorashooyinkaasi. Guddoomiye Faysal ayaa ka dhawaajiyey in Bulshada reer Somaliland ay naceen doorashooyinka, taasi oo uu ku sababeeyay inay waayen wax isbadel ah. Faysal ayaa sidoo kale waxa uu sheegay inay ka xisbi ahaan soo kordhiyeen shuruudo cusub, wuxuuna yiri: “Waxaan shacbiga Somaliland u sheegayaa doorashadii waa ay inoo dhacaysaa waxaan leenahay ha la diyaar garoobo, baarlamaankeena iyo dawladaheena hoose wakhtigoodii waa uu dhamaaday haduu wakhtigu dhamaadana waa inay ka baxaan meesha toban sano ayaynu sugaynay inaan baarlamaan cusub helno”. “Waxaanu leenahay cidii doonaysa inay iska sharaxdo xisbiga Ucid waanu bilaabaynaa diiwaan-galintii, soo keensada shaqadiina waa la bilaabayaa, waan ognahay shacbigu doorashada waa ay naceen wax is badal ah ayay waayeen” Wuxuuna intaas kusii daray “Doorkan waxaan doonaynaa baarlamaan fiican iyo dawlado hoose oo fiican inaga oo ka faa’idaysanayna khaladaadkii hore oo doonayna qofka aynu xilka u dhiibayno inaan damiirkiisa eegno dhaqaalihiisa iyo akhlaaqdiisaba aan eegno”. “Shuruudo ayaan soo kordhinayaa aan doonayno inaan la wadaagno laba xisbi oo hadhowna aanu ka dhigno shuruudo qaran. Shacbiga Somaliland waxaanu leenahay diyaar garooba diiwaan-galintii dhakhso ayaa loo galayaaye”. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Somalilan-neey, Gar Qaado oo Beesha Gabooye Dulmiga Ka Daa. Hadaanad “Cunsuri” Ahayn, Indhaha Ka Lalin-maysid Maqaalkan. Umad ahaan, ma nahay cusuriyiin ?! Ha ka boodin su’aashan, hana ku boodin jawaabteeda, ee bal ha kuga yar duxdo, laabta u daadaji oo is qiimee qof ahaan, adoo degan. Waxaa kuu soo bixi jawaab aad u xanuun badan. Ilaahay baynu ka magan galnay cunsurinimada. Nigger, Cabiid, waa erayada reer Somaliland looga yaqaano daafaha dunida badankiisa. Inaga iyo inta diirka madow inala wadaagta. Waa erayo la inoogu sheegayo in aynu ka hoosayno dadka diirka cad, oo aynaan dad ahaan sinayn, gaadhi Karin, lana xuquuq ahayn. Dadka diirka cad waxaabay caruurtooda ku ababiyaan, oo ay rumaysan yihiin in qofka madow, waxa kaliya ee Ilaahay aduunka u keenay ay tahay in uu u adeego qofka cad. Iyadoo inteena qurbo joogta ah: Gabooye iy beelaha kaleba, aynu ka simananahay takoorkaa xanuunka badan, ayey hadana beesha Gabooye ay taa mid la mid ah ku haysataa wadankeena Somaliland. Dulmiga Gabooye lagu hayo, hadaan si kooban isu dul taago: waa quudhsi, hoos u eegid, yasid, tixgalin la’aan iyo iyaga oo aan waxbaba la iskaga tirin, Hada in ay jiraan iyo in kaleba, cajiib. Tusaale kooban, qof kasta oo inaga mid ahi wuxuu ku abtirsadaa beel; bal ka sheekee sida uu qalbigu ku noqon lahaa, haddii Somaliland iskuwada raacdo in beeshaadu aanay helin wasiir, xildhibaan gole degaan, gole baarlamaan, agaasime wasaaradeed, gudoomiye gobol i.w.m. Walaalayaal,taas ayaa Beehsa Gabooye ku haysata Somaliland, waana wax xaaraan ah oo aan la aqbali Karin, in beelna loola yimaado edebdarada noocaas oo kale ah. Waxaa hadaba wax lala yaabo ah, Somaliland oo maanta aduunku yeso oo laga hortaagan yahay in ay hesho cadaalad iyo xuquuq ka maqan, in ay iyadii dhexdeeda iska duudsido xuquuqdaa iyo cadaladaa ay caalamka ka tabayso oo beesha Gabooye xaqoodii indhaha laga laliyo. Subxaanaka yaa cadiim. Waxaa hubaal ah, inta aynu dhexdeena isdulmayno, in dulmiga inaga haysta aduunwaynuhu uu jirayo, wanaaga aynu aduunka ka rajaynaynona uu meel dheer saran yahay. In Cid, inaga mid ahi sheegato in ay xuquuq bixiso, ku kale oo inaga mid ahina xuqquq ka doono shaqsi la mid ah, waa doqonimo aan loo dul qaadan karin . Walaalkaa ood quudhsi iyo takoor u badheedhaa, waxay la mid tahay adigoo dilay oo hadana uu wali kula joogo. Iyadoo hubaal, biseylkeeda la gaadhi doono wakhti aan fogayn, in beesha Gabooye xaal marin heer qaran ah, oo aan afka uun ahayn la siiyo, oo Misaaniyadda qaranka loogu daro lacagow magdhaw ah, oo lagu soo kobciya beesha, ayey maanta ay lagama maarmaan tahay in ay helaan waxay ay xaqa ugu leeyihiin dawladda Somalailand ee kaga maqan. Dawladdan maanta joogtaa, iyadoo xataa garowshiiyo u quudhi la’ beeshan ayey hadana ka xishoon wayday in marba damaqdo dareenka beeshan. Umadda Gabooye,waxaa la gudboon in haddii samirkii, dulqaadkii iyo walaaloo-gii waxba soo goyn waayeen, in aad ku eegtaan sifo kasta oo aad ku kasban kartaan xaqiina. Walee, kali ku noqonmaysaan halgankiina xalaasha ah wakhtigan. Nina ma gayo, in uu nin la mid ah xuquuq iyo cadaalad waydiisto. Waa muqadas in aad heshaan waxa idinka maqan. Meesha ma taalo in aad xuquudiina cidna ka baridaan. Waa in aad doonataan. Xuquuqda ban’aadanimo waa mid Ilaahay ina wada siiyey oo aynu uga siman nahay. In nin sheegto in uu xuquuq bixiyo, midna loo arko in uu xuquuq ka doono shqsi la mid ah, waa wax xaraan ah, oo aan la aqbali karin. Mana aha Meesha Somaliland yoolkeedu yahay. Somaliland-neey toos oo u heeli walaakaaga dulman, adna Ilaahay baa kuu hiilin doonee. Alahayow naga badbaadi aqoondarda iyo aafooyinka takoorku leeyahay. Aamiin rizakj@yahoo.com Qaran News
-
PRESS RELEASE UNHCR calls on Europe to allow SeaWatch passengers ashore UNHCR reiterates that no port in Libya can be considered safe at this time, and that no one rescued on the Mediterranean should be returned there GENEVA, Switzerland, June 20, 2019/ — Eight days since they were rescued by the NGO vessel, Sea Watch 3, a group of some 43 people, including three children with no accompanying family, remain stranded at sea and in urgent need of a safe port. UNHCR, the UN Refugee Agency is today, on World Refugee Day, urging European States to call forth their principles of humanity and compassion, and to allow the group to disembark. Ten refugees and migrants were previously evacuated to Lampedusa last weekend on medical grounds. “Europe played an intrinsic role in creating the legal architecture that underpins modern day international refugee law,” said Vincent Cochetel, UNHCR Special Envoy of the Central Mediterranean. “It is time to invoke that proud history of assisting people fleeing war, violence and persecution, and to allow the rescued passengers to come ashore to safety.” Rescue at sea is a centuries-old tradition and obligation that does not end with pulling people out of the water. A rescue can only be considered complete once the passengers have reached dry land in a safe port. Broader discussions on which States will host the group should be held once their safety is assured. UNHCR reiterates that no port in Libya can be considered safe at this time, and that no one rescued on the Mediterranean should be returned there. Renewed efforts are needed to develop a regional approach for dealing with rescue and disembarkation on the Mediterranean. UNHCR, together with IOM, have made concrete proposals for a way forward that would provide clarity and predictability to shipmasters carrying rescued passengers. Distributed by APO Group on behalf of United Nations High Commissioner for Refugees (UNHCR). SOURCE United Nations High Commissioner for Refugees (UNHCR) Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa ku hanjabtay in ay tilaabo ka qaadi doonto shaqsiyaad ay ku eedeysay in ay waddaan falal lidi ku ah hanaanka dowladnimada Soomaaliya. Warkaan ayaa kasoo baxay Wasaaradda warfaafinta Soomaaliya waxaana lagu sheegay in dadkaasi si adag loola xisaabtami doono. Warka laguma shaacin Magacyadda Shaqsiyaadka Soomaalida ah ee kasoo horjeedda Qadiyadda Soomaaliya. Si kastaba waxaa warqadda kasoo baxday wasaaradda ayaa lagu sheegay in shaqsiyaadka ay ku jiraan mas’uuliyiin hore oo dalalka xilal uga soo qabtay iyo siyaasiin aan xilal hayn. Shaqsiyaadkan ayaa la sheegay inay ku lug leeyihiin garabsiinta dad uu damac kaga jiro dhulka iyo badad Soomaaliyeed. Hoos ka aqriso warqadda kasoo baxday dowladda Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah
-
The diplomatic standoff between Somalia and Kenya appears to have taken an interesting turn. Source: Hiiraan Online
-
(SLT-London)-Dowladda Britain ayaa ku dhawaaqday inay joojin doonto ruqdasaha ay hubka kaga iibiso Boqortooyada Sacuudi Carabiya, kaddib marki ay Maxkamadda Racfaanka Ingiriiska amar ku bixisay in dowladda ay dib uga fiirsato arrintan. Qaadiga Maxkamadda Racfaanka Britain, Terence Etherton ayaa sheegay in Dowladda Britain ay jebisay sharciga kaddib marki ay ku guul-darraysatay in ay si hufan u qiimeyso in hubka ay ka iibisay Boqortooyada Sacuudiga lagu waxyeelleeyay dadka rayidka ah ee Yemen iyo in kale. Xoghayaha Ganacsiga Caalamiga ah ee Britian Liam Fox ayaa go’aanka joojinta hubka uu Ingiriiska ka iibiyo Sacuudiga maanta uga dhawaaqay gudaha baarlamaanka. Laakin wuxuu sheegay in dowladda ay racfaan ka qaadan doonto go’aanka Maxkamadda. Xakunka Maxkamadda Racfaanka ayaa qeyb ka ah dagaal dhinaca sharciga ah oo ay bishii December ee sannadki 2015-ki soo billowday hey’adda la dagaalanka ka ganacsiga hubka ee fadhigeedu yahay Ingiriiska. Hey’addaan ayaa ugu danbeyntii dowladda Ingiriiska uga guuleysatay dagaalkaasi dhinaca sharciga ah ee ku saabsanaa in aysan dowladda Britian wax hub ah ka iibin Sacuudiga. Tan iyo sanadki 2015-ki, Ingiriiska ayaa Sacuudiga ka iibiyay hub qiimahiisu gaarayo shan milyan iyo afar boqol oo kun oo doollarka Mareykanka ah. Source
-
ADDIS ABABA (Reuters) - Displaced families are enduring subhuman conditions in Ethiopia without enough food and shelter, Jan Egeland, secretary general of the Norwegian Refugee Council, said on Thursday. Egeland told Reuters he had seen 3,500 people without food in an abandoned factory, Source: Hiiraan Online
-
The diplomatic standoff between Somalia and Kenya appears to have taken an interesting turn after the Arab Parliament cautioned the country against meddling with matters to do with Somalia. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay ka mid noqoshada JFS Heshiiska Qaramada Midoobey ee Xuquuqda Naafada. Munaasabad uu ku dhaqan geliyey Madaxweynuhu ka mid noqoshada Dowladda Federaalka Soomaaliya Cahdiga Qaramada Midoobay ee Xuquuqda Dadka Naafada Ah ayaa ku qabsoomtay Madaxtooyada, waxaana goob joog ku ahaa Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Marwo Deeqo Yaasiin Xaaji iyo Agaasimaha Madaxtooyada Qaranka Dr.Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade). Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo tilmaamtay dadaalka joogtada ah ee dowladdu ugu jirto diyaarinta shuruucda iyo yagleelidda hay’adaha xaqsiinta dadkeenna nugul ayaa uga mahadcelisay Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare akhrinta, falanqaynta iyo ansixinta Heshiiskan oo waxtar u leh dhismaha Hay’adda Naafadaqa Qaranka. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ogolaatay Bishii Oktoobar ee sanadkii 2018 in ay ka mid noqotay Cahdiga Xuquuqda Dadka Naafada ah, kaddib markii Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Xukuumaddu ay ku saxiixday Xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada New York. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay ka mid noqoshada JFS Heshiiska Qaramada Midoobey ee Xuquuqda Naafada. Munaasabad uu ku dhaqan geliyey Madaxweynuhu ka mid noqoshada Dowladda Federaalka Soomaaliya Cahdiga Qaramada Midoobay ee Xuquuqda Dadka Naafada Ah ayaa ku qabsoomtay Madaxtooyada, waxaana goob joog ku ahaa Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Marwo Deeqo Yaasiin Xaaji iyo Agaasimaha Madaxtooyada Qaranka Dr.Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade). Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo tilmaamtay dadaalka joogtada ah ee dowladdu ugu jirto diyaarinta shuruucda iyo yagleelidda hay’adaha xaqsiinta dadkeenna nugul ayaa uga mahadcelisay Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare akhrinta, falanqaynta iyo ansixinta Heshiiskan oo waxtar u leh dhismaha Hay’adda Naafadaqa Qaranka. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ogolaatay Bishii Oktoobar ee sanadkii 2018 in ay ka mid noqotay Cahdiga Xuquuqda Dadka Naafada ah, kaddib markii Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Xukuumaddu ay ku saxiixday Xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada New York. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Nairobi)-Wasiirka Arimaha dibada ee dalka Ethiopia, Gedu Andargachew ayaa kulan iyo wadahadal la yeeshay Wasiirka Arimaha dibada ee dalka Kenya Dr. Monica Juma maanta oo Khamiis ah (June 20). Labada Masuul ayaa ka wadahadlay arimo ay ka mid yihiin xidhiidhka labada dal ee mudada dheer soo jiray iyo sida hore loogu wadi lahaa xidhiidhkaasi ay wadaagaan labada dal ee Ethiopia iyo Kenya. Waxaanay sidoo kale labada Wasiir ay hoosta ka xariiqeen muhiimada ay leedahay in ay u wadashaqeeyaan si dhaw oo wadajir ah marka ay timaado arimaha la soo dhigo ururada IGAD, Midawga Afrika iyo Qaramada Midoobay. Source
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay ka mid noqoshada JFS Heshiiska Qaramada Midoobey ee Xuquuqda Naafada. Munaasabad uu ku dhaqan geliyey Madaxweynuhu ka mid noqoshada Dowladda Federaalka Soomaaliya Cahdiga Qaramada Midoobay ee Xuquuqda Dadka Naafada Ah ayaa ku qabsoomtay Madaxtooyada, waxaana goob joog ku ahaa Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Marwo Deeqo Yaasiin Xaaji iyo Agaasimaha Madaxtooyada Qaranka Dr.Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade). Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo tilmaamtay dadaalka joogtada ah ee dowladdu ugu jirto diyaarinta shuruucda iyo yagleelidda hay’adaha xaqsiinta dadkeenna nugul ayaa uga mahadcelisay Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare akhrinta, falanqaynta iyo ansixinta Heshiiskan oo waxtar u leh dhismaha Hay’adda Naafadaqa Qaranka. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ogolaatay Bishii Oktoobar ee sanadkii 2018 in ay ka mid noqotay Cahdiga Xuquuqda Dadka Naafada ah, kaddib markii Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Xukuumaddu ay ku saxiixday Xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada New York. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo saxiixay xubinimada Soomaaliya ee Cahdiga Qaramada Midoobey ee Xuquuqda Naafada appeared first on Puntland Post.
-
Qaran News
-
The Arab Parliament on Thursday cautioned the Kenyan government against interfering with the territorial borders of neighbouring Somalia. The Arab body rejected Kenya’s threats to meddle in Somalia’s internal affairs, arguing that the move violates neighbourly principles. The decision by the Arab Parliament is now thought to pose a new hurdle to Kenya’s efforts to lobby for support in resolving the dispute. By the time of going to press, the Kenyan authorities had not issued a statement regarding the new development. The Kenya-Somalia tussle began in August 2014 after the latter filed a suit at the International Court of Justice (ICJ) over alleged unlawful operations within her maritime territory. Over the past few weeks, the tussle has taken a fresh twist after Kenya closed her border points in Lamu as tension escalates. This comes after Kenya deported several Somalia high profile officials who had just landed at the Jomo Kenyatta International Airport (JKIA) for failing to meet immigration requirements. View the full article
-
Shirka Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland oo uu Shir-guddoominayey Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, uuna goob joog ka ahaa Madaxweyne ku-xigeenka Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa todobaadkan looga hadlay Xaaladda Amniga, Ansixinta Xeerka Howlgabka Shaqaalaha Dowladda, Xaaladda degmada Caluula, Waddooyinkii go’ay, Amniga Garoomada iyo Warbixino kale. PUNTLAND POST The post Puntland oo guddi u saartay xaaladda degmada Caluula appeared first on Puntland Post.
-
Agaasimaha wasaaradda Hawlaha guud, Gaadiidka iyo Guriyeynta Puntland Cabdulqaadir Sheikh Maxamuud ayaa maanta shaqaale ka tirsan wasaaradda Garoowe ugu soo xiray tababar ku saabsan qaab-dhismeedka Waaxda Hawlaha guud ee heer degmo. Tababarkan ayaa ku saabsanaa hannaanka qaab-dhismeedka waaxda Hawlaga ee heer degmo iyo waxyaabaha looga baahanyahay in shaqaaleeda ku hawl-galaan ama fuliyaan. Agaasimaha wasaaradda Hawlaha guud, Gaadiidka iyo Guriyeynta Puntland Cabdulqaadir Sheikh Maxamuud ayaa shaqaalaha ka faa’idaystay tababarkan ku boorriyay in wixii la baray ay sida ugu wanaagsan uga faa’ideeyan isagoo xusay in ay wasaaraddu kormeer ku samayn doonto shaqadooda. Halkan hoose ka daawo dhammaan PUNTLAND POST The post Wasaaradda Hawlaha guud ee Puntland oo Garoowe tababar ugu soo xirtay qaar kamid ah shaqaalaheeda appeared first on Puntland Post.
-
Popular Contributors
