Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,501
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Dubia)-Dawladda Imaaraadka Carabta ayaa Dhallinyarada Wiilasha ah ee ka weyn 18 jirka siinaysa Fiisaha Deganaanshiyaha ee Dalkaasi. Waaxda Maamulka Federaaliga ah ee Waraaqaha Aqoonsiga iyo Muwaadin-nimada ee Imaaraadka ayaa ku dhawaaqay Arbacadii inay beddeleen siyaasaddii hore, sidaasi darteed ay dhallinyarada Ragga ah ee ka weyn 18-ka jirku ay soo dalban karaan Fiisaha deganaanshiyaha Imaaraadka Carabta, taasi oo loo cusboonaysiinayo labadii sanadood oo xidhiidh ahba mar. Siyaasadda cusub ee Imaaraadka ee la xidhiidha Dadka Fiisaha Deganaanshiyaha la siinayo waxa ka mid ah Hablaha aan weli la guursan, laakiin waxa Fiisaha u dalbanaya Aabbahood, halka wiilasha 18-ka ka weyn ay iyagu si madax-bannaan u dalban karaan. Source
  2. (SLT-Hargeysa)-Khilaaf dhinaca awoodaha sharci ansixinta ah oo muddooyinkii u dambeeyey ka dhex taagnaa labada gole ee baarlamaanka Somaliland ayaa markan ku fiday golaha xukuumadda, oo isaguna dhankiisa qayb ka noqday weerarka iyo weerar celiska labada gole hore ugu socday. Sida ay dhigayaan shuruucda dalku xeerarka uu ansixiyo golaha wakiilada Somaliland waxa ay maraan golaha Guurtida oo mar labaad ansixiya, laakiin waxaa jira xeerar, aan marin oo sida uu golaha wakiilladu ku doodayo ah dhammaan xeerarka khuseeya arrimaha maaliyadda. Xoghayaha guud ee golaha wakiillada Somaliland mudane Cabdirisaaq Siciid Ayaanle, oo daba socda eedo hore uga yimi golaha guurtida oo ah in wakiilladu ay xeerar aan Guurtida marin u gudbiyeen madaxweynaha, ayaa golaha Guurtida ku eedeeyey in ay faragelin ku samaynayaan xeerar aanu sharcigu u fasaxayn oo uu golaha wakiillada meel mariyey, kuwaas oo uu sheegay in ay yihiin xeerka maaliyadda. Laakiin isla saacad gudaheed ayaa uu arrintan ka jawaabay xoghayaha guud ee golaha Guurtida Somaliland mudane Cabdirisaaq Aadan beegsi, isaga oo golaha wakiilada ku eedeeyey in ay madaxweynaha hadda iyo kuwii ka horreeyeyba u gudbiyeen xeerar aad u badan oo sidii sharcigu dhigayey aan la marin golaha Guurtida. Waxa se uu madaxweynaha hadda mudane Muuse Biixi Cabdi ku ammaanay in uu xeerarkaas qaar ka mid ah soo celiyey kaddib markii uu golaha Guurtidu u diray warqad uu ku wargeliyey in sifo aan sharciga waafaqsanayn loogu gudbiyey. Xeerarka uu Xoghaye guud ee Guurtidu sheegay in loo tahriibiyey madaxweynaha, sida uu hadalka u dhigay, isla markaana ay xukuumaddu dhaqangelisay iyada oo aan ku soo celin, waxaa ka mid ah; xeerka Hantidhawrka guud, xeerka kufsiga, xeerka maamuuska madaxweyeyaashii iyo madaxweyneyaal ku xigeennadii hore iyo xeerka qandaraasyada qaranka. Waxa aanu sheegay in uu dastuurku dhigayo in aanu xeerna sharci noqonayn illaa uu golaha guurtidu ansixiyo. Mar labaad ayaa ay xildhibaanno ka tirsan golaha Guurtida ee Somaliland, warbaahinta la hadleen waxa aanay marka garyaqaanka guud ee xukuumadda Somaliland ku eedeeyey in uu qariyey xeerar golaha wakiilladu ansixiyeen, kaddibna iyaga oo aan Guurtida marin u gudbiyeen madaxweynaha oo sidaas ku saxeexay. iyaga oo si gaar ah u magacaabay xeerka xawaaladaha. Garyaqaanka Guud ee qaranka mudane Cabdisamad Cumar Maal ayaa isla shalay hadlay oo isaguna iska fogeeyey eedahaas uga yimi xildhibaannada Guurtida. Garyaqaanka guud ee qaranku waxa uu sheegay in aanay jirin cabasho uga timi golaha guurtida oo ay ku dalbanayaan in dib loogu soo celiyo xeerkaasi xawaaladaha. Mudane Maal waxa uu sheegay in mudadii uu xafiiska garyaqaanka guud ku sugnaa ay dhaceen in labada xeer oo aan soo marin golaha guurtida loo soo gudbiyey madaxwaynaha, balse eegis kadib ay dib ugu celiyeen golaha guurtida si ay waajibaadkooda dastuuriga ah uga gutaan. Dhinaca kale Garyaqaanka guud ee Somaliland waxa uu ka hadlay khilaafka sharaci ee ka dhex qarxay labada gole ee Baarlamaanka, isaga oo sheegay in xeerka Maaliyadda uu ansixintiisa iyo wax ka badalkiisu gooni u yahay golaha wakiilada, balse hadii ay arrinkaasi isku fahmi waayaan shirgudoonka labada gole, ay waajib ku tahay inay u gudbiyaan maxkamadda dastuuriga ah. Haddaba, muranka ka dhextaagan labada gole ee baarlamaanka oo ah kuwa ka masuulka ah sharci dejitna iyo sida oo kale murankan cusub ee ka dhex aloosmay golaha Guurtida iyo xukuumadda oo dhaqangelisay xeerar aan marin Guurida, ayaa u muuqda in aanay ka maarmayn in la helo habkii uu murankoodu ku gaadhi lahaa maxkamadda sare ee dastuuriga ah oo ay tahay in ay fasirto, xalna ka gaadho muranka awoodaha sharci ee labada gole. Xukuumadda Somaliland ayaa ah hay’adda uu saamaynta ku yeelanayo muranka labada gole, maadaama oo uu madow badani gelayo xeerar madaxweynuhu saxeexay oo dalka lagu dhaqo ama hay’ado qaran ku dhisan yihiin, sidaa awgeed haddii ay labada shir guddoon ee labada gole baarlamaan oo aan weli arrintan ka hadlin ku guuldarraysteen in ay xal sharci ah gaadhaan, waxaa la sugayaa doorka ay xukuumaddu ku yeelanayso arrintan iyo sida ay uga shaqayso soo afmeerista murankan sii socoshadiisu shuruucda dalka khatarta ku tahay. In arrintan xaal mastuur lagu dhammeeyaana waxa ay keenaysaa mugdi gala guud ahaan sharciga, mustaqbalkana keeni kara muran la xidhiidha ansaxnimada shuruuc arrimo muhiim ahi ku dhisan yihiin ama muwaadiniinta saamayn toos ah ku yeelanaya. Source
  3. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Dhuusamareeb kadib socdaal qaatay muddo todobaad ah oo uu ku gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Ugaas Nuur ee magaalada Dhuusamareeb, Gudoomiyaha Barlamaanka, Shiikh Ismaaciil Cabdulle; Madaxa Xukuumadda Sheikh Maxamed Shaakir Cali; iyo qaar kamid ah xubnaha labadda gole ee dowladda. Shar-jaraa,id ayeyna si wadajir ah ugu qabteen Aqalka madaxtooyada DG Galmudug. Madaxweynaha xaaf ayaa ka warbixiyey guulihii safarkii Nairobi iyo arrimo badan oo xasaasi ah. Mar uu ka hadlayey arrinta Galmudug iyo warqadii dhawan ka soo baxday wasaaradda Arrimaha Gudaha wuxu yiri: “Galmudug mahan State cusub, sharci bay leedahay, Dastuur bay leedahay, nidaam bay leedahay madax bey leedahay, Caasimadeedii bay joogtaa, in lagu xad-gudbo oo la yiraahdo hadda ayaa doorasho loo qabanaa aad ayaa uga xumahay”. Dhinaca kale wuxuu ka hadlay dhacdadii lagu laayay dadka shacabka ah eek a dhacday koonfurta magaalada Gaalkacyo isagoo sheegay in askarta wax laayey ay ka tirsanaayeen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya” militari ayey ahaayeen, marka 10 nin oo xoogga dalka ah, oo Xamar laga xukummo, innaga nagama amarqaataan, cid kasta waan u sheegeynaa, haddii ay dambi galaan, cidda amarka ku leh ayaa qaban karta ee annagu ciidankeenna xaq uma laha iney wax ka qabtaan”. Halkaan hoose ka daawo shirkiisa jaraa’id PUNTLAND POST The post Xaaf oo sheegay in dadkii Gaalkacyo lagu laayay ay dileen askar ka tirsan ciidamada Xoogga dalka appeared first on Puntland Post.
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka ayaa kasoo horjeestay waraaqdii Shalay kasoo baxday Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta oo ku saabsaneyd in Galmudug ay 4 Bisha July ka dhici doontoo Doorasho. Xisbiga ayaa waraaqda ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya shalay oo taariikhdu ay ahayd 19ka Juun 2019 ku tilmaamay mid aan laheyn sal ama tixraac sharci, sidaas darteedna uu yahay sharci darro. Xisbiga ayaa sheegay in agaasinka iyo qabashada doorashooyinka uu kaliya xaq u leeyahay maamulka Goboleedka aysana shaqo ku laheyn Dowladda Dhexe. Haddaba halkaan hoose ka akhsriso war saxaafadeedka oo dhamesytiran Waxaan halkaan ku caddeyneynaa in war-saxaafadeedka ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya taariikhdu marka ay ahayd 18ka Juun 2019 uusan lahayn sal ama tixraac sharci, sidaas darteedna uu yahay sharci darro. War saxaafadeedkaas wuxuu iska indho tiray Dastuurka KMG ah ee dalka, Dastuurka Dowlad Goboleedka Galmudug iyo jiritaanka hay’adaha dastuuriga ah ee Dowlad Goboleedka Galmudug. Sida ku cad Qoddobka 120aad ee Dastuurka KMG, arrimaha doorashooyinka Maamul Goboleedka Galmudug (Sida dawlad goboleedyada kale) waxaa qorsheyntooda, agaasinkooda iyo qabashadoodaba xaq u leh keliya hay’adaha uu xaqsiinayo dastuurka Dawlad Goboleedka Galmudug oo ay ku heshiiyeen beelaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan deegaanada Maamul Goboleedka Galmudug oo loo baahan yahay in si buuxda loo ixtiraamo oo laga dhowro faragelin kaga timaada dawladda dhexe. Sidaas darteed, ku ilaalinta dooroshooyinka Galmudug waqtiga ay dhacayaan iyo muddo xileedka hay’adaha dastuuriga ah ee Dowlad Goboleedka waxaa lagu dhaqayaa Dastuurka Dowlad Goboleedka iyo heshiis kasta oo bulsho kaas oo ay ku heshiiyaan dadka deegaanku. Haddaba waxaan Dawladda Federaalka ah uga digaynaa in aysan ka tallaabin seeraha sharciyeed ee dastuurka dalku uu u xadaynayo, ayna u hogaansanto qodobada dastuuriga ah ee kala xadaynaya awoodaha dawladda dhexe iyo dawlad goboleedyada. Ugu danbayn, waxaan garowsannahay in bulshada reer Galmudug dhexdooda uu ka dhex-jiro Khilaaf xooggan oo saameeyey maamulka & deegaankaba, kaasoo u baahan dib-u-heshiisiin baahsan oo dhexdooda ah, garwadeenna ay ka yihiin waxgaradka Galmudug. =DHAMMAAD= Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  5. “Tv-Gii Localka Ahaa Iyo Idaacadii Radio Hargeysa Ee Goboladda Gaadhi Jirtay Oo Xidhmay, Lacagihii Kasmaal Iyo Kobci Garaadkaaga Ee Telesom Iyo Somtel, Iyo Waliba Lacagtii 18-May Ee Warbaahinta Oo La Cunay + Ismarin Waaga Ka Jira. (SLT-Hargeysa)-Jahwareer culus oo dhinaca Maamulka ah ayaa Maalmahan u dambeeyay ka taagan Wasaaradda Warfaafinta Somaliland kaasi oo sababay inay gabi ahaanba istaag gasho shaqo maalmeedkii iyo hawl socodsiintii Wasaaradda Warfaafinta Somaliland. Waxa gabi ahaanba hawada ka maqan Idaacadii waynayd ee Gobolaladda Dalka iyo goobo badan gaadhi jirtay ee RADIO HARGEYSA, Waxaanay idaacadda hadda baxdaa ku kooban tahay oo qudha Caasimadda Hargeysa taasi oo uu tahli kari waayay inuu dayactiro wasiirka hadda Wasaaradda horjoogaha ka ahi Maxamed Muuse Diiriye oo ah masuulkii ugu liitay ee Wasaaraddaasi soo maray intii ay jirtay, waxa ay ciidankeenii qaranka ee Furinta joogay oo Idaacaddani maaweelo u ahayd, hadda dhagaystaan muddo afar bilood ku dhawba Idaacadda Cadawga ee GAROWE ka baxda ee afka Maamulka Puntland ku hadasha, arintaasi oo niyad jab ku diray Ciidanka Qaranka oo walaac gaar ah ay arintani ku abuurtay. Sidoo kale waxa isna muddo afar bilood ku dhaw fadhiya Tv-gii qaranka gaar ahaan qaybtii gudaha “Local-ka”, ahayd kaasi oo u fadhiya farsamo Xumo iyo Maamul Xumo ragaadisay Wasaaradda Warfaafinta Wakhtigan. Majirto xiitaa wax dadaal ah oo fadeexadahan iyo idaacadahan xidhan lagu hagaajiinayaa, waxaanay Wasaaradda Warfaaftintu wakhtigan Hoy u noqotay Masuuliyiin aan ehel u ahayn shaqada Wasaaradda oo ka fikiraya oo qudha lacag halkii ay ka heli lahaayeen. Ceeb weyn ayay ku tahay Wasiir Maxamed Muuse Diiriye inuu sii dhex joogo madaama oo labadii Idaacadood ee Halbawlaha u ahaa dalkani ay ku dul Xidhmeen. Waxa Lagu tilmaamaa inuu yahay masuul aan wax qorshe maamul lahayn keli ah inuu iska dhex joog joogo shaqada mooyee. Wasiirka Maxamed Muuse Diiriye, Ku Xigeenkiisa iyo Agaasimaha guud ee Wasaaraddaasi ayaa madaxa iskula jira oo isla jaan qaadi la’. Sida ay noo xaqiijiyeen Shaqaalaha Wasaaraddu, waxa ay wasaaraddu kujirtaa Xaaladii Ugu adkayd, waxa la cunay oo ay afka iska mariyeen lacagtii 18-May ee Warbaahinta loo qorsheeyay Doorkii dhawayd, waxa kale oo iyagana la cunay oo ay isku qab qabsadeen masuuliyiinta Wasaaradda ugu sareeyaa lacagaha u qoondaysan Barnaamijyadda ay maalgaliyaan Shirkadaha Isgaadhsiinta Telesom iyo Somtel, lacagtaasi oo ah mid buuran oo haddii la iskula xisaabtamo wax ka tari lahayd duruufaha dhaqaale xumo ee wasaaradda lasoo darsay, lacagtaasi oo aan waxba laga siin Shaqaalaha Wasaaradda, islamarkaan buuq iyo kalsooni daro ku abuurtay shaqaalihii Wasaaradda Warfaafinta. Wasiirka wasaaradda Warfaafinta Maxamed Muuse Diiriye oo ah masuulka ugu sareeya Wasaaradda ayaan wax qorshe ah illaa hadda la iman, waxaanay Wasaaraddu hoy u noqotay Maamul Xumo iyo isku dhexyaac dhinaca shaqada ah. Arimaha ugu layaabka badan waxaa ka mid ah, iyadoo wasaaraddu xaaladaasi ku jirto, ayaa haddana waxa ay qorteen shaqaale kale iyo lataliyayaal qaab qabiil lagu qoray, waxaanay arintaasi niyadjab ku riday guud ahaana hawl wadeenadii hore u sii joogay Wasaaradda. Wasiirka ku xigeenka Wasaaraddaasi Naasir Cumar Yare ayaa isna Khilaaf awgii looga soo badelay Wasaaradda Caafimaadka kadib markii uu shaqaale badan si aan qarsoodi ahayn oo beeshoodda ah u qortay, waxaanu haddana Wasaaradda Warfaafinta ka bilaabay hawl kale oo taasi uun la mid ah. wasiirka wasaaradda Warfaafinta oo aan isna dhaamin ayay muddadan ay imika wasaaradda wada joogaan ay isku dawakheen, waxaanu mid waliba raadinayaa meel lacag leh ama dhaqaale kasoo galo. Waxa ay wasaaraddii Warfaafintu ku jirtaa xaalad adag oo xagga maamulka ah, waxaanay shaqaalihii ka hawlgalayay ku kaliftay inaanay shaqadaba iman niyad jab ay ka qaadeen awgeed. Madaxweyne Biixi ayaa laga dhursugayaa inuu talaabo ku haboon ka qaato xaaladda ka taagan Wasaaradda oo aan ka qarsoonayn, dhawr jeerna la gaadhsiiyay muruga iyo ismarin waagga wasaaradda ka taagan. Wariye Shiine Axmed Calim (Sokeeye). Source
  6. (SLT-Berbera)-Xukuumadda Somaliland ayaa la sheegay in shirkad gaar loo leeyahay ay ku siisay Qandaraas in dhammaan maraakiibta iyo doonyada ku soo xidha dekedda Berbera ay ka baadho hub. Markabkasta waxa laga qaadayaa $ 3,500 halka mar ee uu dekedda ku soo xidho. Arrintan ayaa debadda u soo baxday kadib markii markab ku xidhan dekedda uu diiday in uu bixiyo lacagtaasi kadibna maareeyaha dekedda ayaa ka codsaday maxkamadda gobolka Saaxil in ay xayirto markabkaasi. Maxkamadda ayaa qoraal ay soo saartay ku xayirtay markabka ilaa amar danbe ka soo baxaayo. Shirkadda ayaa lagu magacaabaa Somaliland documentation and Control declared, Accounka lacagta loogu shubayana waxa ku qoran Somaliland Maritime Security Organization. Lacagta ayaa ku dhacaysa Bangi ku yaalla waddanka Jabuuti. Weli ma cadda cidda leh shirkaddan iyo maamulkeeda. Source
  7. (SLT-Hargeysa)-Siyaasiyiinta Madasha Wadda Tashiga Oo sheegay In Xukuumadda Madaxweyne Biixi Ay Xayndaabkii Sharciga Laga Baxay, Halkan hoose ka DAAWO Source
  8. Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo shir jaraa’id ku qabtay maanta magaalada Dhuusamareeb ayaa ka hadlay waxyaabo badan oo ay kamid tahay Xasuuqii dhawaan Magaalada Gaalkacyo loogu geystay dad kasoo jeeday Deegaanada Koonfur Galbeed iyo Hirshabelle. Madaxweynaha Maamul Goboleedka Galmudug ayaa ku tilmaamay dilkii ka dhacay Koofurta Gaalkacyo inuu ahaa mid siyaasad ay ka dambeysay isagoo sheegay in dilkaas ay ka dambeeyeen ciidamo ka tirsan qeybta 21aad ee xoogga dalka Soomaaliyeed. “Waxbaayala dhaca Galmudug, wax badan oo ka mid ahi waxaad moodaa iney siyaasadeyn yihiin, sidii Ciidanka 21aad ee dadka ku tumanaya, oo dadka leynaya, annagu markii shilka ka dhacay Galkacyo hal nin oo booliis ah ayaa ku jiray, ninkii waa xiranyahay, inta kale military ayey ahaayeen” ayuu yiri Xaaf. Wuxuu hadalkiisa sii raaciyey inaysan Galmudug xaq u laheyn inay soo qabtaan Ciidamada Militariga maadaama aysan maamul ahaan hoos tagin oo ay maamusho dowladda, wuxuuna yiri ” Marka 10 nin oo xoogga dalka ah, oo Xamar laga xukummo, innaga nagama amarqaataan, cid kasta waan u sheegeynaa, haddii ay dambi galaan, cidda amarka ku leh ayaa qaban karta ee annagu ciidankeenna xaq uma laha iney wax ka qabtaan” Dowladda Soomaaliya ayaa xasuuqii Gaalkacyo ka dhacay horey uga hadashay waxaana arrintaas saxaafadda uga waramay wasiirka warfaafinta Maareeye isaga oo yiri “ waxaa ballanqaadeynaa dowlad ahaan, anagoo kaashaneyna hey’adaha dowladda heer federaal iyo heer maamul goboleed, inagoo kaashaneynaa oday dhaqameedyada, inagoo kaashaneyna culimada iyo waxgaradka Soomaaliyeed in ficilkaas baaris lagu sameeyo, oo dadkii ka dambeeyey ficiladaas cadaaladda la horkeeni-doono”. Hadalka Xaaf kasoo yeeray ayaa ka dhigan inuu meel xun sii gaari doono xiriirka sii dabar go’ayey ee u dhaxeeyo Dowladda iyo Maamulkaas oo aan muddo 2 sano ah shaqeyn. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/06/Xaaf.mp3Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  9. Aqoonyahan Cabdirisaaq Aadan Shire oo ku taqasuskiisay arimaha Juqraafiga haystana Master Degree kana tirsan Jaamacada Baddacas Bosaaso ayaa warsidaha Puntlandi.com waxa uu wax ka waydiiyay [...] Source
  10. Caabudwaaq (SMN) – Ciidamada ammaanka Galmudug ayaa maanta howlgallo ballaaran ka sameeyay degmada Caabudwaaq ee waqooyiga gobolka Galgaduud. Ujeedka howlgallada ayaa ahaa kuwa lagu xaqiijinayay amniga magaaladaasi oo mararka qaar ay ka dhacaan falal liddi ku ah nabadgalyada. Saraakiil ka tirsan kuwa Galmudug oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in baaritaanadan ay sii socon doonaan, tan iyo inta laga xaqiijinayo amniga. Sidoo kale waxa ay ugu baaqeen shacabka ku dhaqan Caabudwaaq in ay kala shaqeeyaan amniga degmadaasi. Galmudug ayaa maalmihii dambe xoojisay amniga, waxaana Ciidamadeeda ay howlgallo ka wadeen magaalooyinka hoos yimaada maamulkaasi. View the full article
  11. Dhismaha jaamacada Jariiban Universaty ayaa maraya meel gabo gabo ah, waxaana lagu dhisayaa qaab isku tashi ah. Madaxweynhii hore ee dowladda Puntland Cabdiwali Gaas ayaa [...] Source
  12. At the age of 65, Jamaad Farah Mohamed has rebuilt her life around the sale of myrrh that she collects from the mountainous area near the camp they have settled in at Anjiid, 20 km north of Lasanod, in northern Somalia. Source: Hiiraan Online
  13. Garowe (SMN) – Wasiirka Maaliyadda Puntland Xasan Shire Cabdi (Abgaal) oo maanta la hadlay Warbaahinta ayaa digniin u diray qaar ka mid ah wasiirada maamulkaasi. Wasiir Abgaal ayaa tilmaamay in wasaaradaha qaar aysan illaa iyo haada bixin Canshuurtii ku waajibtay. Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray haddii ay ka dhaga adeegan digniintay uu dacwad u gudbin doono xeer ilaaliyaha iyo hanti dhowrka guud ee Puntland. Sidoo kale waxa uu carabka ku dhuftay in hay’adaha kale ee madaxa banaan uu ka gudbin doono dacwad, haddii aysan si deg deg ah ku bixin Canshuurta laga rabo. Dhanka kale wasiirka Maaliyadda Puntland oo hadalkiisa sii wata ayaa ku amnray in hay’adaha kale ee madaxa banaan in ay si deg deg ah ku bixiyaan Canshuurta laga rabo. Muddooyinkii la soo dhaafay Puntland ayaa waday qorshe guud oo kor loogu qaadayo Canshuuraha laga qaado deegaanada maamnulkaasi. View the full article
  14. Two children have died and 300 others are infected in a diarrhoea outbreak in Eldibir village, Galmudug state health ministry has reported. Source: Hiiraan Online
  15. Muqdisho (SMN):-Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/06/Warka-Duhur-20062019.mp3 View the full article
  16. Guddoomiyaha baarlamaanka Gamudug garabka Cadaado Cali Gacal Casir ayaa qoraal uu maanta soo saaray ku sheegay in baahi weyn loo qabo in doorasho ay dhacdo waqtigeeda. Casir waxaa uu intaasi raaciyey in inta laga dooranayo baarlamaan cusub ay sii shaqeyn-doonaan 89-kii xildhibaan ee Galmudugtii hore. Halkan Ka Akhriso: Source: goobjoog.com
  17. (SLT-Boorama)-Madaxweyne ku ixgeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo waftigii uu hoggaaminayey ee hawlaha shaqo u joogay Gobolka Awdal ayaa kulamo kala duwan la qaatay Laamaha Dawladda ee heer Degmo iyo heer Gobol, Sidoo kalena qeybaha kala duwan ee Bulshada ayey la kulmeen. Madaxweyne ku xigeenka iyo wafigiisu waxay Xalay Kulan balaadhan la qaateen dhalinyarada iyo aqoonyahanka Gobolka Awadal, shirkaasi oo ka qabsoomay Hotel Saw ee Magaalada Boorama, waxaa lagaga wada hadlay Horumarinta Gobolka iyo sidii ay dhalinyaradu uga qeyb qaadan lahaayeen mashaariicda horumarineed ee gobolka. Wasiiradda Wasaaraddaha Beeraha, Axmed Muumin Seed, Ganacsiga Warshadaha iyo Dalxiiska Maxamuud Xasan Sacad (Saajin) oo kulankaasi ka hadlay ayaa dhalinyarada ku bogaadiyey hannaanka wanaagsan ee ay uga soo qeyb galeen kulanka, waxaana ay sheegeen in loo baahan yahay in dhalinyaradu kaalin mugleh ku lahaato horumarinta Gobolka Awdal maadaama ay yihiin mustaqbalka berrito hoggaamin doona Waddanka. Madaxweyne ku ixgeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), oo isagu ugu danbayntii ka hadlay kulaankaasi ayaa sharraxaad ka bixiyey awooda dhalinyarada, qaabka ay uga faa’idayn karaan qarankooda iyo gobolkooda, waxaana uu Madaxweyne ku xigeenku dhalinyaradii halkaasi joogtay u sheegay in la joogo wakhtigii aqoonta wax loogu tari lahaa guud ahaan qaranka iyo gaar ahaan gobolka, loona baahan yahay in dhalinyaradu kaalin mugg leh ka qaataan mashaariicda horumarineed iyo midnimada ummadda reer Somaliland. Dhalinyaradii kasoo qeyb gashay kulankaas ayaa Madaxweyne ku xigeenka iyo Waftigiisa uga mahad celiyey kulankaasi oo ay sheegeen inuu ahaa mid loo baahnaa ka dhalinyaro ahaana ay markasta danaynayaan kulamada noocaasi ah, waxa ay Madaxda ku bogaadiyeen dhiiri-gelinta iyo maamuuska ay maamuuseen, waxaana halkaasi ay ku waydiiyeen su’aalihii ay qabeen dhalinyaradu iyagoo usoo bandhigay qaab aqooni ku dheehan tahay, Madaxweyne ku xigeenka ayaa isna mid mid uga jawaabay su’aalihii la waydiiyey waxaana uu fadhigaasi kusoo dhammaaday jawi wanaagsan oo is afgarad. Source
  18. Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo Maanta dib ugu laabtay Magalada Dhuusamareeb ayaa si kulul uga hadlay Warqadii Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya kasoo baxday ee looga hadlay doorashada Galmudug iyo mudada xilheyntiisa. Shir jaraa’id oo uu ku qabtay Dhuusamareeb ayuu Xaaf ku sheegay in maamulka Galmudug uu yahay mid xur ah, islamarkaana warqadii kasoo baxday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ay tahay mid loogu xad gudbay Galmudug. Waxa uu sheegay in Galmudug ay tahay maamul jira oo dastuurkiisa u dhisan yahay, islamarkaana cid gaar ah maamuli karin, waxaana uu eedeyn kulul u jeediyay madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya. Madaxweyne Xaaf ayaa ugu baaqay shacabka degaannada Galmudug in ay ilaashadaan amaankooda isaga oo dhaliilay waxqabadka dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya. Hoos ka dhageyo codka madaxweyne Xaaf https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/06/Cod-Xaaf.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  19. Three suspects were on Wednesday convicted over the 2015 Garissa University terror attack. Nairobi Chief Magistrate Francis Andayi found Mohamed Ali Abdikar, Hassan Aden Hassan and Rashid Charles Mberesero, a Tanzanian, were involved in the attack that left 148 people dead. Andayi, however, freed Sahal Diry Hussein, saying he cannot be linked to the attack just because he was found in the company of one of the attackers. Prosecutors had proven “beyond a reasonable doubt” that “they knew the plot,” he said but did not give further details of the alleged conspiracy. The Nairobi court will sentence the trio on July 3. The three convictions are the first to result from a long-running investigation and prosecution. All four gunmen were killed by security forces. The operation’s suspected ringleader, Mohamed Mohamud, also named “Kuno,” a former professor at a Koranic school in Garissa, was killed in southwestern Somalia in 2016. The Shabaab said he had been killed by “US crusaders”. The group is fighting to overthrow the internationally backed government in Mogadishu. But it also regularly carries out attacks in neighboring Kenya, which has troops in Somalia as part of an African Union force. View the full article
  20. (SLT-Tehran)-Dawladda Iran ayaa sheegtay inay soo ridday Diyaarad kuwa aan duuliyaha lahayn ah oo ku soo xad-gudubtay Hawadeeda. Telefiishanka Dawladda Iran ayaa baahiyey in Ciidammada ilaalada Kacaanta Iran ay dhulka soo dhigeen Diyaarad Drone ah oo nooca wax basaas ah, ka dib markii ay soo gashay Xuduudka Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee IRAN. Laakiin, Masuul Maraykan ah oo Magaciisa la qariyey ayaa Wakaaladaha Wararka Adduunka u sheegay in diyaaradda Drone-ka ay ku jirtay hawada Caalamiga, ka hor intii aan la soo ridin. “Diyaarad nooca wax kormeera ah oo Maraykanku sameeyo ayaa la soo riday.” ayuu ku warramay Telefiishanka Afka Ingiriisiga ku warrama Press Tv. Website ay Ciidammada IRAN leeyihiina wuxuu sheegay “Waalla toogtay oo way soo dhacday, markii ay soo gashay hawada Iran, gaar ahaan meel u dhow Degmada Kouhmobarak oo koonfurta Dalka ah..” ayaa lagu sheegay Qoraalka uu Website-ku baahiyey, sida ay qortay Al-jazeera. Arrintan ayaa kor u sii qaadi karta Xiisadda u dhaxaysa Maraykanka iyo IRAN. Source