Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,135
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-London)-Wasiir ka tirsan xukuumadda UK ayaa dhaliilay weerarka afka ah ee madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ku hayo guddoomiyaha magaalada London Sadiiq Khan. Wasiirka arimaha gudaha UK Sajid Javid ayaa ku booriyay in Trump uu faraha kala baxo siyaasada gudaha UK uuna Joojiyo dhaleeceynta uu ku hayo guddoomiyaha Caasimada London. Hadalkaan ayaa jawaab u ah qoraal uu xilli hore ee isniinta shalay ahayd soo dhigay Trump barta uu ku leeyahay Twitter-ka oo uu sheegay in Imran Khan uu yahay cudurka ka jira magaalada London. Madaxweynaha Mareykanka ayaa intaa ku daray in Khan aanu awood u laheyn waxkaqabashada amni darada ka jirta caasimada UK. Sajid Javid oo ka mid ah wasiirada muhiimka ah ee dalka Ingariiska ayaa asal ahaan ka soo jeeda dalka ka Pakistaan waxaana uu ka mid yahay shaqsiyaadka ugu cad cad ee badali doono Ra’isul wasaaraha UK Theresa May. Source
  2. PRESS RELEASE Pan African University, educating a new generation of Pan-African En-trepreneurial Solutioners: 2019 Student Call now open The Pan African University Institute for Water and Energy Sciences including Climate Change (PAUWES) hosting students from 34 African countries, is offering four distinct two-year Master programs TLEMCEN, Algeria, June 17, 2019/ — The Pan African University Institute for Water and Energy Sciences including Climate Change (PAUWES) (www.PAUWES.dz) in Tlemcen, Algeria provides higher education and applied research in the fields of water, energy and climate change – an important contribution to sustainable development in Africa. The admission process for its Master programs in water and energy (both engineering and policy tracks) starting in September 2019 is now open. All AU citizens (including diaspora) are encouraged to apply, particularly women and candidates from Southern, Central, and Northern Africa. Building a prosperous and stable Africa calls for a new generation of African leaders capable of and committed to facing the vast challenges of the continent. These challenges include water scarcity, renewable energy, and climate change. The Pan African University (PAU), a key initiative of the African Union Commission, is dedicated to this mission. The Pan African University Institute for Water and Energy Sciences (PAUWES) is hosted by the University of Tlemcen in Algeria. Since its establishment in 2014, 278 students from 34 countries across Africa have enrolled, and by now 152 students have been successfully graduated from its programs. “PAUWES is a prototype of the Africa of tomorrow, for which we are laying the foundations,” said Moussa Faki Mahamat, Chairperson of the African Union Commission, during his official visit to PAUWES in 2018. PAUWES benefits from the support of the host country of Algeria and the key and thematic partner Germany. “United in our diversity, proud of the Pan African University as a symbol of Africa United. Diversity and Pan Africanism are our strength” Said Prof. Zerga during the Africa Day celebration 2019. Today, PAUWES offers four distinct two-year Master programs. Students striving to be future engineers have the choice between the Master of Science (MSc) in Water Engineering and the MSc in Energy Engineering. Students interested in policy-making and governance can choose between the MSc in Water Policy and Energy Policy. PAUWES recently revised the curricula to ensure that the study programmes are practice-oriented and students obtain the skills needed to tackle the challenges of the future.). The language of instruction is English, and students have the opportunity to study French at the onset of the program. PAUWES strives to balance theory and practice through national, continental and international internships, case studies, and field trips. To provide the students with specific technical skills in their field of interest, PAUWES offers electives (e.g. solar, wind, geothermal and biomass energies, water and sanitation, integrated water resource management, policy analysis or leadership). Graduates benefit from career pathways in public administration, policy-making, research, private enterprise, consulting and civil society. Access to the Institute’s international expert network, research partnerships, career-promotion programs and the forthcoming entrepreneurship centre further boosts the graduates’ profiles. The Career Services Support at PAUWES aims to “not only to graduate the best of Africa. We are supporting the students to become the best graduates FOR Africa”, said Dr. Amazigh Dib, Private Sector Coordinator. PAUWES is committed to support its students to participate in international competitions s such as the Schneider GoGreen competition and programmes such as at the Alexander von Humboldt Foundation (https://bit.ly/29xGqbT), Tony Elumelu Foundation (TEF) Entrepreneurship Programme as well as UN conferences. Student initiatives such as the participation in the as Solar Decathlon competition are highly welcomed at the institute in Algeria. Under the framework of the African Union’s Agenda 2063, PAUWES places a special emphasis on recruiting and empowering female students. In the 2018 student’s selection a 50 ratio has been achieved The Institute facilitates women-focused networking events and workshops to empower young female Africans. To further develop its vision of diversity, PAUWES also encourages applicants with disabilities and candidates from under-represented regions (Southern Africa, Central Africa, Northern Africa) to apply. All PAUWES students receive full scholarships (covering tuition and living expenses) following a competitive admission process. Distributed by APO Group on behalf of Pan African University, the Institute for Water and Energy Sciences (PAUWES). Qaran News
  3. Jowhar (Caasimada Online)-Wararka naga gaaraya magaalada Jowhar ee caasimada maamulka Hirshabeelle ayaa sheegaya in xiisad cusub ay ka dhex bilaabatay xildhibaanada baarlamaanka ee maamulka Hirshabeelle. Xiisadda ayaa ka dambeysay kadib markii guddoomiyaha baarlamaanka maamulka Hirshabeelle fariin uu u diray xildhibaanada uu ku wargeliyay inay fasax ka yihiin kulamadii baarlamaanka. Muddo ku dhow Seddex bilood ah ma jiro wax kulan ah oo xildhibaanada baaramaanka maamulka Hirshabeelle ay yeesheen, iyadoo guddoomiyaha baarlamaanka uu mudadaasi ku sugan yahay magaalada Muqdisho. Guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Hirshabeelle Canab Axmed Ciise oo saxaafadda kula hadlaysay magaalada Jowhar ayaa muujisay xiisadda cusub ee ka dhex bilaabatay xildhibaanada Hirshabeelle. Waxaa muuqata inay durba xildhibaanada labo dhinac u kala safteen, waxaana xildhibaanada qaar ay sheegeen inay guddoomiye cusub dooran doonaan, haddii guddoomiyaha sida ugu dhaqsiyaha badan ugu laaban doono Jowhar. Xildhibaanada qaar oo dhankooda kula ku yeeshay magaalada Jowhar ayaa sheegay in dhawaan guddoon cusub ay dooran doonaan, iyaga oo eedeyn culus u jeediyay guddoomiye Cusmaan Barre Maxamed. Maamulka Hirshabeelle ayaa u muuqda mid aanan ka dhaqaaqin halkii uu ka bilowday, iyadoo ay ugu wacan tahay , ineysan jirin wax qabad muuqda oo shacabka labada gobol loo sameeyay. Caasimada online Xafiiska Hirshabeelle Caasimada@live.com
  4. 16 xubnood oo kamid ah golaha Degaanka degmada Buurtinle, ayaa xalay iscasilay, kadib markii uu shalay mooshin ku furmay kal-fadhiga golaha oo ka koobnaa 23 xildhibaan. Mooshinka ayaa laga keenay guddoomiyaha degmada Buurtinle, Maxamed Maxamuud Axmed (Buur-dibi) oo khilaaf xooggan soo kala dhex-galay isaga iyo xildhibaannada golaha oo ku eedeeyay xil-gudasho la’aan. Sida uu qabo xeerka golayaasha Degaanka Puntland ee Law 7, haddii saddex-meelood oo laba-meelood iyo in ka badan ay is casilaan golaha, waxaa sharci ahaan sidaasi lagu kala dirayaa dhammaanba golaha.. Mas’uuliyiinta wasaaradda arrimaha gudaha dowladda Puntland oo haatan ku sugan degmada Buurtinle ayaa laga sugayaa in ay soo dhisaan gole Degaan oo cusub. Xeerka golayaasha degaanka Puntland, ayaa dhigaya in mudda 45 cisho gudahooda lagu soo dhiso gole cusub, haddii uu meesha ka baxo gole Degaan. PUNTLAND POST The post Golihii Degaanka Buurtinle oo is wada-casilay appeared first on Puntland Post.
  5. Maalinimada Sabtida ah ee soo socota waxaa Garoowe lagu maxkamadayn doonaa 3 xukumane oo rafcaan ka qaatay kiiskii marxuumad Caasha Ilyaas Aadan oo bilowgii sanadkaan [...] Source
  6. The Norwegian government has been dragged into Kenya and Somalia maritime row that has threatened to strain the relationship between the two neighbouring countries. Source: Hiiraan Online
  7. Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya uma furna wax aan ka ahayn inay si diblomaasiyadeed ula heshiiso dowladda Soomaaliya, marka ay noqoto muranka badda ee u dhaxeeya labada dal, waxaa sidaas xaqiijiyey khuburo Kenyan ah. Khuburo dhinaca badda iyo diblomaasiyadda ah ayaa shaaca ka qaaday in go’aanka maxkamadda caalamiga ah ee Hague ee ku saabsan kiiska badda Soomaaliya ay u badan tahay inuu noqdo mid Kenya aysan ku farxi doonin. Khubrada ayaa sidoo kale sheegay inay rumeysan yihiin in danaha dalal kale oo shisheeye ay mas’uul ka yihiin xiisadda ka dhex oogan labada dhinac. Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad oo ka tirsan hay’adda wada-tashiga ee SouthLink ayaa sheegay inuu rumeysan yahay inay tahay in Kenya ay wax walba u sameyso inay ku qanciso Soomaaliya inay ka laabato dacwada badda, oo ay wada-hadal diblomaasiyadeed furto. Faaduma Cali oo iyana wax ka dhigta jaamacadda the United States International University-Africa ee Nairobi ayaa Kenya ugu baaqday inay iska ilowdo fikrika ah inay Soomaaliya u tahay walaal ka weyn, oo ay qasab tahay inuu u sameeyo wixii ay doonto. “Kenya waa inay raadisaa xal ka baxsan maxkamadda, waa inay Soomaaliya kula hadashaa meel dibedda ka ah maxkamadda. Mowqifka ah Soomaaliya waa ay nagu abaal dhaceysaa, wuxuu uga dambeyn noqon doonaa mid aan ku khasaarno” ayey tiri Faaduma Cali. Cadaadiska sii kordhaya ee Kenya ay saarayso Soomaaliya ayaa khubarada ay rumeysan yahay inay ugu wacan tahay ayada oo ay uu muuqato guul-darrada uga soo socota kiiska maxkamadda ICJ, sidaas darteedna ay dooneyso inay qasabto Soomaaliya. Soomaaliya ayaa marar badan ku gacan seertay baaqa dowladda Kenya ee ah inay kula hadasho meel ka baxsan maxkamadda. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  8. Walking through the arrival doors of the vast and sparkling new Istanbul (IST) airport, we were greeted by a colorful backlit photograph of Istanbul’s Bosphorus river with the slogan: “A glittering meeting of two continents.” Source: Hiiraan Online
  9. Yusuf Mohamud, a 28-year old lawyer and Somali-Australian discusses life in Australia, his contribution to society and the challenges his community faces settling into their new home. Source: Hiiraan Online
  10. A model of Turkey's first domestically developed combat aircraft was introduced Monday at the Paris Air Show, one of the world's largest aviation fairs. Source: Hiiraan Online
  11. SOMALILAND - Sirad Suldan has survived one of the worst droughts to hit Somalia in years. Sequential seasons of reduced rainfall, low harvests, and dying livestock exposed her community and many others in Shabelay Village, Borama District to famine from drought. Source: Hiiraan Online
  12. MOGADISHU, Somalia - The US government's top official in charge of foreign aid to Somalia's capital on Monday to a large humanitarian assistance package, calling it a "necessary evil" for the drought-and-conflict-plagued country where the American military is committed in counterterrorism offensives for almost 30 years. Source: Hiiraan Online
  13. Qaahira (Caasimada Online) – Side ay sheegtay dowladda Masar, madaxweynihii hore ee dalkaas Maxamed Mursi ayaa shalay ku geeriyooday maxkamad ku taalla magaalada Qaahira oo lasoo taagay halkaasi oo uu ku miir beelay. Si kastaba waxaa weli taagan shaki laga qabo sax ahaanshaha sida ay dowladda u sheegtay qaabkii uu u geeriyooday. Qoyskiisa iyo kuwa taageersan ayaa dalbanaya baaritaan caalaami ah oo lagu sameeyo geeridiisa. Wiilka madaxweynihii hore, Cabdullah Maxamed Morsi ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in ilaa iyo hadda aysan qoyskiisa ogeyn halka lagu hayo meydka aabihiis. Waxa uu intaas ku daray in sidoo kale mas’uuliyiinta Masar ay diideen in madaxweyne Morsi lagu aaso xabaalaha qoyskiisa. Morsi ayaa waxaa uu qabay dhibaatooyin caafimaad oo badan oo ay ka mid yihiin cudurka sonkorta iyo xanuunada beerka iyo kilyaha. Waxaa asiibay dayacaad caafimaad intii uu xabsiga ku jiray, oo ay usii dheer tahay xaaladda liidatay ee xabsigii lagu hayey. Sanadihii ugu dambeeyey waxaa jiray warbixino kala duwan oo sheegayey in si xun ay ula dhaqmeysay dowladda Masar, oo xitaa marar badan lagu jir dilay gudaha xabsiga. Hay’adda xuquuqda aadanaha Human Rights Wtach ayaa geerida Morsi ku qeexday mid aad u xun balse la filan karay, sababta oo ah dowladda Masar oo u diiday inuu helo daryeel caafimaad oo ku filan. “Dowladda Masar ayaa maanta xambaareysa mas’uuliyadda dhimashada Maxamed Morsi, sababtoo ah ayadaa u diiday inuu helo daryeel caafimaad oo ku filan iyo xuquuqda aas-aasaiga ah ee maxaabiista” ayaa lagu yiri bayaan ay soo saartay hay’adda Human Right Watch. Morsi oo ahaa madaxweynihii ugu horreeyey ee si dimoqraadi ah loogu dooraty dalka Masar ayaa talada la wareegay kadib kacdoonkii sanadii 2011 ka dhacay dalkaas ee xukunka looga tuuray madaxweynihii kali taliska ahaa ee muddada dheer xilka hayey, Xusni Mubaarak. Morsi oo ku dhashay Giza al-Ayat ayaa ahaa aqoonyahan iyo Injineer kusoo caan baxay ururka islaamiga ah ee Ikhwaanul Muslimiin, ka hor inta aan madaxweyne loo dooran 2012. Waxaa xukunka laga tuuray sanadii 201 kadib afgambi ay sameeyeen miltariga oo uu hoggaaminayey wasiirkiisii difaaca xilligaas, ahna madaxweynaha iminka Cabdul Fatax Al-Sisi. Morsi ayaa xukunka hayey kaliya hal sano oo ka mid ah afartii sano ee la doortay. Sidoo kale kooxdiisa Ikhwaanul Muslimiin ayaa kadib markii xukunka laga tuuray laga dhigay koox sharci darro ah oo aan laga ogoleyn Masar. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  14. Waxaa magaalada Beledweyne shirar xasaasi ah ku lahaa xildhibaano iyo Wasiiro ka socda Maamulka Hir-Shabeelle iyo guddoomiyihii Gobolka Hiiraan ee xilka laga qaaday balse ka [...] Source
  15. On June 18th, 2009, Somalia marks the sad anniversary of the terror attack in Beledweyne that took the lives of innocent victims, including influential politicians, local community elders, traders and many women and children. Source: Hiiraan Online
  16. Guddoomyaha golaha shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa guddi xaqiiqo raadin ah u saaray xansuuqii ka dhacay xaafadda Baraxley ee koonfurta Galkacyo oo lagu [...] Source
  17. Nairobi (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Dowladda Kenya Moses Wetangula ayaa ugu baaqay Madaxweyne Uhuru Kenyatta inuu si toos ah muranka Xuduudda Badda ee kala dhaxeeyo Soomaaliya uu kala hadlo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo . Senator Wetangula oo ahaa ninkii Kenya u saxiixay heshiiskii badda Soomaaliya ee 2009 ayaa sheegay in Soomaaliya ay qeyb weyn ka qaadato Dhaqaalaha Kenya loona baahan yahay in xal laga gaaro khilaaf kasta oo keeni karo inuu xiriirkaas ganacsi xumaado. Wuxuu ku dooday inay Kenya dhaqaale fiican ka hesho lacagaha ay Hey’adaha Caalamiga oo ay kamid yihiin Qaramada Midoobay iyo Safaaradaha ay Soomaaliya usoo mariyaan Kenya ,wuxuuna sheegay in lacagaha Kaashka ah ee loo diro Soomaaliya ay Kenya ka hesho lacago badan. ” Waxaan mar kasta dhahnaa ma dooran kartid cidda dariska kula noqoneyso, dariskaaga mar kasta meeshiisa ayuu ku yeelayaa, mararka qaar waxaad la yeelaneysaa xiriir subag ah mararka qaarna xiriir qabow” ayuu yiri Wetangula. Wuxuu Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ugu baaqay inay cashir fiican ka bartaan sidii loo xaliyey murankii dhanka Xuduudda ee ka dhaxeeyey Dowladaha Tanzania iyo Malawi ” Waxaa dhawaanahaan jiray khilaaf la mid ah Midka u dhaxeeyo Kenya iyo Somalia oo u dhaxeeyey Malawi iyo Tanzania kaasoo ku saabsanaa muran ku aadan Xuduuda Lake Nyasa taasoo u dhaxeyso labada dowladood, Tanzania ayaa dooneysay inay halkaas kala baxdo Shidaal, Malawi way diiday iyadoo sheeganeyso inay leedahay iyada” ayuu sii raaciyey. Sida laga soo xigtay Wetangula Khilaafkii ka dhaxeeyey Dowladaha Malawi iyo Tanzanian ayaa lasoo dhameeyey markii ay labada madaxweyne arrintaas u xil saareen koox ay hoggaminayeen Wasiiradooda Arrimaha Dibadda taasoo ugu dambeyn keentay in si wadahal ah xal looga gaaro. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Sarkaal sare oo ka tirsan QM ayaa niyad-wanaag ka muujisay xiriirka siyaasadeed iyo kan dhaqaale ee u dhaxeeya QM iyo dowladda Soomaaliya, lix bilood kadib markii Soomaaaliya ay soo cayrisay ergeygii QM, Nicholas Haysom. Kaaliyaha xoghayaha guud ee QM ee Afrika, Bintou Keita ayaa hadalkan jeedisay kadib markii ay soo geba gebeysay safar shan maalmood qaatay oo ay ku tagtay Soomaaliya, kaasi oo ujeedadiisa ahayd in dib caadi looga dhigo xiriirka labada dhinac. Keita ayaa sheegtay in wada-hadalladii ay la yeelatay madaxda Soomaalida diiradda lagu saaray hanaanka siyaasadda iyo ka dhaqaale ee dalka, iyo xiriirka QM iyo Soomaaliya. “Waxaan ka wada-hadalnay maamulka siyaasadda, aas-aaska nidaamka federaalka, iyo sidoo kale xaaladda dhaqaale ee dalka” ayay Keita ku tiri bayaan uu saaray xafiiska QM ee Soomaaliya ee UNSOM. Safarkeeda ayaa yimid dhowr toddobaad un kadib markii QM ay ergey cusub usoo magacowday Soomaaliya, kaasi oo ah James Swan oo u dhashay dalka Mareykanka, kadib lix bilood oo dalka uusan u joogin ergey. Xiriirka labada dhinac ayaa xummaaday kadib markii Soomaaliya ay bishii Janaayo ee sanadkan soo cayrisay eregygii QM, Nicholas Haysom, oo ay ku eedeysay inuu faro-gelin ku sameeyey arrimaha gudaha ee dalka. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  19. Wiil yar oo Sacuudiyaan ah oo la filayay in dowladdu ay dil ku fuliso ayaa la sheegay in aan la toogan doonin. Wiilkan ayaa loo heystay eed ah in uu ka qeyb-qaatay dibad-baxyo ay Shiicadu hormuud ka ahayd oo dalkaasi ka dhacay. Murtaja Qureyris oo markii la qabanayay sanadkii 2014-kii ahaa 13 jir ayaa sanado kale xabsiga kusii jiri doona. Maxkamad Sacuudi ah ayaa Qureyris Axaddii shalay ku xukuntay 12 sano oo xarig ah oo ay ku jirto muddadii 4-ta sano aheyd ee uu xukun la’aanta sii xirnaa, taasi oo micneheedi yahay in lasii deyn doono marka la gaaro sanadka 2022 isaga oo 25 jir ah. Sarkaal Sacuudi ah ayaa sheegay in Qureyris uu far-sameeyay walxaha qarxa ee Molov-ka loo yaqaano isaga oo bileyska iyo goob Farmashiye ahna ku weerayay. Waxa uu masuulku intaa ku daray, in wiilkan yari uu sidoo kale hub kale adeegsaday, kadib markii uu ku biiray koox argagixiso ah. Sacuudiga ayaa cambaareyn xooggan kala kulmayay kooxaha xuquuqda aadanaha u dooda, wixii ka dambeeyay dilkii Weriye Jamaal Khaashuqji bishii October ee sanadkii tagay loogu geystay Magalaada Istanbul, sidoo kale ururrada xuquuqda aadanaha ayaa Riyaad ku cambaareeyay qab-qabashada dadka xuquuqda haweenka u dhaqdhaqaaqa kuwaas oo ilaa hadda la maxkamadeynayo. Bishii April ee sanadkan dowladda Sacuudigu waxa ay dil ku fulisay 37 ruux oo Shiico u badan. Sida Hey’adda Amnesty International ay sheegtay waxaa dadkaasi la toogtay kamid ahaa wiil yar oo ay da’diisu 16 sano aheyd. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah VOA
  20. Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ayaa markii ugu horeysay ka hadashay cabsida laga qabo cudurka Ebola oo la sheegay inuu ka dilaacay dalalka Uganda iyo Kenya. Agaasimaha wasaarada caafimaadka Somaliland, Dr Maxamed Cabdi Xergeeye, ayaa sheegay inaysan jirin cabsi weyn oo laga qabo in xanuunkaasi ku soo fido deeganada Somaliland. Wuxuuse ka dhawaajiyey Agaasimuhu inay Somaliland ka diyaar-garowday sidii loogu hortagi lahaa cudurkan faafa ee Ebola. Agaasimaha ayaa waxa uu sheegay inay ka Wasaarad ahaan xanuunkan ay la socdeen xiliyadii hore ee uu ka dilaacay dalka Kongo, isagoona xusay inay baaqyo u gudbiyeen Hay’adaha Caalamiga ee arrimaha caafimaadka kala shaqeeya. Xergeeye ayaa sidoo kale waxa uu sheegay inay arrintan loo magacaabey guddi ka hor taga xanuunadan faafa ee noocan ah, kuwaasi oo bixin doona tobabaro ku aadan sidii looga hortagi lahaa cudurkan, kana talo bixin doona. Ugu dambeyntiina Agaasimaha ayaa xusey inay wasaarada caafimaadka Somaliland ay qaaday taloobiynkii looga hortagi lahaa xanuunkasi iyada oo ka soo baxaysa waajibadkeeda, balse aysan hadda jirin cabsi aad u weyn oo ku aadan cudurkaasi. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  21. Doorashooyinkii Somalilaan u qabsoomay 26 -kii Sanadood ee la soo dhaafay waa taariikh xusuusteeda leh oo diiwaanka gashay. 1- Doorashadii shirbeeleedka ee Boorama ka dhacday sanadkii 1993 waxaa is soo sharaxay Mahamed haji ibrahim Cigaal, Abdirahman Aw Ali tuur ( AHN), Omar Carte Qaalib iyo Ahmed Mohamed Halac. Waxaana madaxweyne loo doortay oo ku guuleystay marxuun Mohamed haji Ibrahim Cigaal ” AHN”. Madaxweyne Cigaal wuxuu Somalilaan kala dabaashay waqti aad u adag oo ahaa waqtigii ugu adkaa ee abid Somalilaan soo mara xag colaadeed iyo xag dhaqaale xumo labadaba. 2- Doorashadii shirbeeleedka ee Hargeisa ka dhacday 1997 Waxaa is soo sharaxay; Mohamed Haji Ibrahim cigaal, Mohamed hashi cilmi iyo Saleebaan Mohamoud Adan (salebaan gaal) Waxaana goobtaa madaxweyne loogu doortay Mohamed Haji Ibrahim Cigaal.(AHN) halkaas oo Madaxweyne Cigaal uu tiirarka dawladnimo u taagay dawladnimada Somalilaan oo uu waqtigaa u sameeyey Dastuur, Xeerar iyo xeegaano ku saleysan habka xisbiyada badan ee maanta dalka ka jira. -Taariikhdu marka aheyd 31 May 2001 ayaa aftidii Dastuurka ee gooni isu taaga Somalilaan la qaaday, shacabka reer Somalilaan ayaa 97.1% waxay u codeeyeen in Somalilaan gooni isu taagto oo xornimadeedii kala soo noqoto dawladii Somaliya si ay Somalilaan u noqoto dal ka go’ay Somaaliya oo aan ka tirsaneyn Dawlada Federaalka noqotay ee Somaaliya. 3- 15 kii December 2002 – Waxaa dhacday doorashadii ugu horeysay ee golayaasha degaanka oo ka tartamay 6 urur siyaasadeed, waxaana doorashadaa ku soo baxay sadex Xisbi qaran oo kala ahaa : Udub, Ucid iyo Kulmiye. 4- Doorashadii madaxtooyada ee dhacday sanadkii 2003 taas oo aheyd doorashadii JSL ugu horeysa ee ku dhacda hal qof iyo hal cod. Waxaana isa soo sharaxay Dahir Riyale Kaahin, Faysal Ali Waraabe iyo Ahmed Mohamoud Siilaanyo, Waxaana 80 cod ku helay Daahir Riyale Kaahin. kadib markii ay kala heleen 42.90% Dahir Riyaale , 42 .10 % Ahmed Mohamoud Siilaanyo iyo 15 % Faysal Ali Waraabe helay. Doorashadan waxaa taariikhda loogu duugay in Ahmed Siilaanyo oo ay dabada ka wadaan mucaaridkii abid ugu adkaa Somalilaan in uu Daahir Riyaale u tanaasulo oo yidhaahdo kelmeda dhaxalka u gashay ee uu yidhi ” Kursi Dhiig ku daatay ku fadhiisan maayo “ 5- 29/9/ 20005 : Waxaa dhacday doorashadii Baarlamaanka waxaana u tartamay 246 musharax oo u tartamayey 82 kursi ku waas oo ka kala sharaxnaa 6-da Gobol ee Darajada A ah. Musharaxiintaasi waxay ka kala socdeen 3-da Xisbi qaran waxaana ay kuraasta u kala heleen sidan: Udub = 33 Xildhibaan. Ucid = 21 xildhibaan. Kulmiye = 28 xildhibaan. 6- Doorashadii madaxtooyada ee dalka ka dhacday 2010 oo aheyd doorasho hal cod iyo hal qof ah, Waxaa tartamay Daahir Riyale Kahin, Ahmed Siilaanyo iyo Faysal ali Waraabe; Waxaana boqolkiiba 49.50 % ku guuleystay Ahmed mohamoud Siilaanyo. Dahir Riyaale wuxuu helay 33.23 %. Faysal Ali Waraabe wuxuu helay 17.18 % . 7- 15/11/2012 – Waxaa dhacday Doorashadii 2-aad ee Goleyaasha degaanka ee Somalilaan: Waxaa tartamay 7 urur Siyaasadeed oo kala ahaa Rays, Ummada, Xaqsoor, Dalsan, Wadani, Ucid iyo Kulmiye.Waxaa ka qayb galay 2368 musharax oo u tartamay 379 kursi. waxaana ku soo baxay sadexda xisbi qaran ee Wadani, Ucid iyo Kulmiye. 8- Doorashada madaxtooyada ee dhacaday 13/11/17 waxaa tartamay Faysal Ali Waraabe, Abdirahman Mohamed Ciro iyo Muse Biixi Abdi waxaana ay guushu raacday Muse biixi Abdi oo ku helay cod aqbaliyad ah oo 55.1% ah, Abdirahman Ciro wuxuu helay 40.73%, Faysal Ali Waraabe wuxuu helay sidii caadada u aheyd tirada ugu yar codadka oo ah 4.17% , ka dib markii laga dhawaajiyey in doorashadaas ay ku gedaamnaayeen mugdi iyo mad-madow fara badani, ayaa Abdirahman Ciro laga guntay odhaahda ah ” umaan tanaasulin Muse Biixi Abdi ee dalkeygu damacayga ku burburimaayo dhiigna ugu daadan maayo” 9- Waxaa maanta fadeexad qaawan ku ah Dimuqraadiyadii curdinka aheyd ee Somaalilaan ku taameysay mudada dheer iyada oo sadexdii Gole doorasho uu waqtigoodii iyo maandheytkoodiiba uu dhamaaday oo ay mudo kordhin kuraasta ku fadhiyaan: Golaha Baarlamaanka Somalilaan waxaa la doortay 28/9/2005 si ay 5 sanadood oo keliya kuraasta ugu fadhiyaan waxaana ay mudo dhaafeen 8 sanadood iyo badh.Golaha Guurtida Soomalilaan waxaa la doortay 1997 si ay kuraasta ugu fadhiyaan 6 sandood oo keliya waxaana ay mudo dhaafeen 21 sanadood oo dhaxaltooyo ayey kuraastoodu iyaga noqotay. Golaha Degaanka Somalilaan waxaa la doortay Nofember 2012 si ay kuraasta ugu fadhiyaan 5 sanadood oo keliya waxaana ay mudo dhaafeen 2 sandood, ku waas oo maanta kuraasta ugu fadhiya sife qayrul sharci ah. Hadaba Su’aasha qarnigu waxay tahay Doorasho ma ku dhacaysaa sanadkan 2019 hadii ay dhacdana ma ku dhacaysaa mudada loo asteeyey ee sanadkan oo ah 13/12/2019 ? Jawaabtu waa Maya ! Waayo – Waxaa Caqliga Saliimka ahi ku siinayaa in aanay marna Doorasho ku dhacayn 13-ka maalmood ee u dhaxeeya mudada Komishinka Doorashooyinka xilkoodu ku dhamaanayo oo ah 29/11/2019 iyo mudada loo asteeyey in Doorashadu qabsoonto oo ah 13/12/2019, Sidaa daraadeed waxaa Xukuumada looga fadhiyaa in ay iswaafajiso Caqiidadeeda Siyaasadeed iyo dhaqanka Dimuqraadiyada Doorashooyinka Somalilaan, si ay doorashada waqtigeeda ugu qabato Waana in xukuumadu xalisaa xurgufta siyaasadeed ee u dhaxaysa iyada iyo Xisbiga mucaaridka ah ee Wadani . Alleh ayaa Mahad Leh, Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi(scs) Wa-laahum-Aclum- Waa Billaahi-Taw-fiiq, Qalinkii :A/rahman fidhinle Qoraa Madax banaan Intensive ED BD BA United Kingdom London Qaran News
  22. Baahida dhaqaale iyo dhibaatada mucaawinooyinka. Dhaqaale xumada siyaasad xumo ayay salka ku haysaa, hoggaan xumo ayaana u sabab ah. Waa ayaan darro weyn guud ahaan in qaaraddan Africa ee aynu ka midka nahay calaamad u noqotay gaajo, hoggaan kelitaliye ah iyo guuldarrooyin siyaasadeed. Waxa mar labaad dhibaato wayn ah marka Internet-ka Soomaali laga baadho in ay kugu soo boodayso faqri iyo macaluul, kuwaas oo uu hadheeyay khilaaf dhexdooda ah ama qoomiyadaha ay wada degen yihiin oo taagan teer iyo intii nidaam dawladeed la helay. Waxaa ka sii daran in budhcad badeed iyo argagixiso magicii soomaalinnimo lagu lammaaneeyay, taas oo saamayn ku yeelanaysa qof kasta oo Soomaali ah meel kasta oo uu adduunyada ka joogo. Somaliland, innaga oo dhibtaa hore la wadaagna dadyawga soomaalida, waxaa inoo dheer aqoonsi la’aan aan dunidu weli inoo garwaaqsan dal ahaan iyada oo aynu soo jirnay in ka badan rubuc qarni, taas oo caqabad ku noqotay in aynu ka faa’iidaysan karno hay’adaha dhaqaalaha ee dunida ama taageero dhaqaale oo toos ah aynu dunida ka helno. Mushkuladaha dhaqaale xumida guud, sicir-bararka, xoolihii noolaa oo ahaa isha dhaqaale ee 1aad ee aynu dunida u dhoofinno oo Sucuudigu joojiyay iyadoo ishii dhaqaale ee 2aad oo ahayd lacagaha xawaaladaha ee debadda ka yimaadda iyagana cidhiidhi la saaray, waxaa isha dhaqaale ee 3aad loo cuskan jiray mucaawinooyinka aan tooska ahayn isla markaana aan laysku hallayn karin, kuwaas oo inta saafiga ah ee ina soo gaadha lagu qiyaaso 10% ilaa 30%. Bulshada oo intaas oo dhibaato ah la tiicaysa ayaa waxa ugu daran rejo xumada guud, qaybsanaanta iyo werwerka bulshadu soo wajahday ee aan xukuumaddu wax qorshe ah u soo bandhigin ilaa iyo maalintii madaxweynuhu talada la wareegay. Khudbaddii sanadlaha ahayd ee Madaxweynahana haba yaraatee wax barnaamij ah oo mustaqbalka u qorshaysan may xambaarsanayn. Dareenka bulshada ayaa suuqyada is waydiimo badan aad kala kulmaysaaa, bal aan sidan u cabbiro; Waar iminka maxaa innagu dhacay? Waxa la yidhi Madaxweynihii wuu handaraabay! Maxay? Dee dhaqaalihii iyo dhaqdhaqaaqii. Dee isagu malaha wax tar baabu islahaaye oo maba xuma in wixii tuugo iyo musuqmaasuq ah la xakameeyaaye, balse malaha, qolkii maaliyadda muu xidhine, aqalkii oo dhan ayuu guudka innagaga handaraabay! Cajabo Rabbi. Dhaqaalayahanka madaxa bannaan ee Azar Jammine, oo dhibtan oo kale ka faaloonaya ayaa yidhi: “Bad politics has broken economy’s resilience, now even 1% growth impossible” – oo nuxurkeedu yahay “Siyaasad xumadu waxay burburisay adkaysigii dhaqaalaha, oo iminka xataa koritaan dhaqaale oo 1% ahi suuragal ma aha.” Haddaba, markaan arkay duruufaha dhaqaale iyo is waydiimaha bulshada ee rejo-xumadu ka muuqato ayaan ku talo galay in aan faaqido dhibaatada oo qalinka u qaato, wixii iiga soo baxana bulshada la wadaago inta aan awoodo ee wakhtigu ii saamaxo, iyada oo ujeeddadu tahay, wixii dhib ah waa in wax laga qabto ama la qoro oo dhibta jirta tilmaan iyo sumad ay kuu leedahay, ilayn qofka mar kasta xil baa saarane. Dhaliisha iyo toosintu waxay ka mid yihiin guud ahaan xil-gudashada muwaadinnimo, gaar ahaan xisbiyada mucaaradka iyo xubnaha siyaasiyiinta ahna waxay ku noqonaysaa waajib in ay wixii dhib ah ee jira sheegaan. Taas baana saldhig u ah qoraalkan. Waa qormo madaxbannaan waxaanan ku metalaa inta igu taageersan. Dhaqaaluhu waa laf dhabarta nolosha, waa mishiinka dawladnimada, waa awoodda dunidu maanta ku tartamayso. Waxaa inta badan dawladaha dunidu isku qiimeeyaan awoodda dhaqaale iyo kaalinta dalku kaga jiro hodannimada ama dadkiisu heerka ay fakhriga ka joogaan. Dhaqaaluhu waa waxa jaangooya heer nololeedka aadamaha. Shaki kuma jiro in dhaqaaluhu maanta yahay awood aan la dafiri karin iyada oo aqoontiisana lagu kala dheereeyay oo loo sameeyay qaab cilmiyeed aad qiimo weyn uga leh dunida maanta. Raysal wasaarihii ugu hore ee Ingiriiska, David Cameron, oo ka hadlaya dhaqaalaha ayaa yidhi “The economy is the start and end of everything. You can’t have successful education reform or any other reform if you don’t have a strong economy” – oo macnaheedu yahay, dhaqaaluhu waa meesha ay ka bilaabmaan ee ku dhammaadaan wax kastaa, mana samayn kartid, si guul leh dib u habayn waxbarasho ama dib u habayn kaleba haddii aanad lahayn dhaqaale xooggan. Madaxweynihii Maraykan ee Ronald Reagan, oo sidan si ka geddisan laakiin ku dhaw uga hadlayna wuxuu yidhi “Government’s view of the economy could be summed up in a few short phrases: If it moves, tax it. If it keeps moving, regulate it. And if it stops moving, subsidize it” – Aragtida Dawladda ee dhaqaalaaha waxaa lagu soo ururin karaa kalmado kooban; haddii uu dhaqaaqo, cashuur. Haddii uu sii wado dhaqaaqa, u samee nidaam lagu hago. Sidoo kale haddii uu istaago, caawi oo kab. Diinteenna suubban ee Islaamku, si wayn ayay u tilmaantay muhiimadda iyo ilaalinta dhaqaalaha ama maalka, ilaa Sekada laga gaadhsiiyay in ay ka mid noqoto shanta Tiir Islaamka, halka culimada qawaacidda fiqiga dejiyayna ay geliyeen ilaalinta maalka mabaadi’da waaweyn ee shanta ah ee diintu ilaaliso. Marka dhaqanka soomaaliga la eegana waxaa ka mid ah halkudhigyada dhaqaale, “Xaglo laaban xoolo kuma yimaaddaan”, taas oo aynu odhan karno haddii tacabku kordho dhaqaalaha ayaa kordha, haddii dhaqaaluhu kordhana waxa suurtagal ah shaqo abuur, wax la bixiyo, wax la horumariyo iyo wax la hagaajiyo iwm. Wuxuu yidhi Abwaan Cabdilaahi Muuse oo tacab la’aanta ka hadlayaa: “In kastuu dhabcaal gudhan yahay oo dharabo kaa gooyo, isagoo dharaar maqan kol uu dumar wax kuu dhiibo, dhan aad uga dhacdaba maal ku xiga waad dhadhamisaaye, waa dhaawac kugu yaal xigtada oo dhaqasho diiddaaye” Marka aan u soo noqdo mucaawinooyinku xaddiga ay ka yihiin dhaqaalahu waa 10 ilaa 21% marka laga qiyaas qaato sida lagu sheegay warbixinta ay soo saartay UNDP ee Aid Flow in Somalia. Iyadoo marka horeba deeqaha dunidu siiso Somaliland iyo guud ahaanba intii Soomaaliya laysku odhan jiray ay aad u yar yihiin, ayaa inta ka soo gaadhaana ay tahay faro-guudkood, haddana ma dhibaato la’a. Ilyaas M Xuseen iyo Cabdicasiis Guudcadde oo mawduucan falanqaynayey, kana qoray “Gargaarka Shisheeye: Gurmad mise Gumayn”, ayaa tilmaanta luggooyada deeqaha ugu magac daray “Leef oo ha liqin” iyaga oo ka dab qaadanaya buugga Dead Aid ee caanka ah ee ay qortay Dr Dambisa Moyo. Waxaa marar badan laga hadlaa in aan deequhu ka jawaabin baahida dhabta ah ee jirta ama aanay iman wakhtiga ku habboon. Waxaa iyaduna mugdi ku jiraa isla xisaabtankii loo baahnaa si loo ogaado xaddiga dhabta ah ee deeqda iyo inta ka soo gaadhay dalka. Waxaa arrintaa caddeeyay warbixinta ay soo saartay Wasaarada Qorshayntu, Somaliland Aid Flow report: “Most organizations responded and resubmitted their reports … while others did not respond at all. Some organizations, including UN agencies, reported data without showing the amount disbursed through their implementing partners, and for that reason, the ministry was not able to sum up the amount disbursed by UN 
agencies and other INGOs”. Waxaa ka muuqata karti yarida xukuumadda, waxay abuuraan deequhu mararka qaar maamul xumo iyo musuqmaasuq gundheer oo sii taxan ilaa xafiisyada debadda ee laga diro. Ma inagaa kaalinteennii gabnay oo xoolihii layna siiyay dhoobi ka noqonnay mise deeqda dunida ayaa ah qawda maqashii waxna haw qaban? Akhristaha aan u dhaafo. Waxaynu ku soo ururinaynaa sababaha fursadaha siiya maamul xumada, musuqmaasuqa iyo isla xisaabtan la’aanta dhawrkan qodob; Debeca maamul iyo goldaloolooyinka shuruucda, dadka ka shaqaynaya qaar ma fahamsana ama sida qaldan ayaabay saxdii moodayaan, qaar waxaanay lahayn awood siyaasadeed oo ay mawqifkooda ku dificaan ama aqoon ahaan ayaanu ku soo bandhigi karin waxa uu doonayo, qaar kale waa musuqmaasuq ama isaga oo daacadba ah ayaa lagu maxlashaa musuqmaasuqa oo uu gabbood u noqdaa isaga oo aan is ogayn, qaarna waxay soo sallaxaan kubbadda oo waxay ku shaqeeyaan aragtida siyaasadeed ee dalkooda amaba deeq bixiyaha uu u shaqaynayo dan u ah, mana xaaleeyaan dhibaatada gaadhaysa dalka mashaariicda laga fulinayo iyo saamaynta xun ee mucaawinadu gaysan karto. Xilliyadii aan xukuumadda ka mid ahaa, waxaa maalin maalmaha ka mid ah xafiiska iigu yimi wefti heer sare ah oo igala hadlayay deeqo ay ka fekerayaan balse aan weli na soo gaadhin oo waddooyinka ku wajahan. Waxay iila hadleen qaab ay ka dhadhamayso haddidaad iyo harawsi. Waxaan si aan gabbosho lahayn ugu sheegay qorshahayaga iyo hannaanka aanu ugu talogalnay hawsha, ugu danbayna si fiican ayaanu isu fahannay. Waxaan joogay aqalka dalka looga taliyo, oo waxaan fahmi karayaa culayska uu kala kulmi karo qofka jooga xafiisyada kale oo iga derejo hooseeya. Haddaba, waxaa lagamamaarmaan ah in wax laga beddelo xaaladda jirta ee deeqaha iyo barnaamijyada mucaawinooyinka, iyada oo la samaynayo fahamka guud ee odhanaya dhaqaalahan deeqbixiyuhu wuxuu ugu deeqay dalkan ee hay’ada sidda iyo cida fulinaysaa may bixin sidaa darteed xaq bay u leeyihiin dalka la siiyay in ay ogaadaan xaddiga si aan mugdi ku jirin, meesha lagu bixinayo iyo sida loo fulinayo intaba. Marka labaad waa in uu jiraa nidaam ay isla qaateen hay’adaha mashaariicda fulinaysa iyo dalka laga fulinayaa, kaas oo aan maanta Somaliland ka jirin sida lagu sheegay isla warbixinta aan soo sheegnay ee Somaliland Aid flow report, “The absence of comprehensive Aid Management Platform has put the Ministry of Planning into difficult position to monitor and report the Aid flow level”. Sidoo kale jewi daahfuran oo ay isula jaanqaadi karaan laamaha ka shaqaynaya ee labada dhinac. Waxaa iyadanu loo baahan yahay hannaan warbixineed oo si mug leh loogu warbixinayo dawladdii deeqda la siiyay, deeqbixiyihii deeqda bixiyey iyo bulshadii deeqdu gaadhay, si ay u ogaadaan xaddiga soo gaadhay loona qiimayn karo midhaha ka dhasha mashaariicda. Ugu danbayn, Intan kuma koobna laakiin waxaa ka mid ah waxyaalaha labada dhinac looga baahan yahay. Dhinaca deeqda la siinayaa (Somaliland) waa in ay leedahay; Xeerka ama siyaasada deeqaha, Meelaha mudnaanta u ah qaranka, Talogelyadii iyo talooyinkii ka soo baxay bulshada iyo halka ugu danbaysa ee deeqdu gaadhayso, baadhista la sameeyay ee khataraha iyo carqaladaha iman kara, hannaanka hubinta iyo isla xisaabtanka, qaabka warbixinta iyo foomamka xogta dhinacyadu isugu gudbinayaan iyo qaabka wacyigelinta bulshadu u gaadhayso, xafiiska xogsiinta hay’adaha, buugyare xogside ah (information kit), iyo u fududaynta masuuliyiinta iyo xafiisyada ay shaqadu kaga xidhan tahay. Dhinaca deeqbixiyaha (Donors) ah ugu horrayn waa in loo cayimaa shaqaale hoggaamin kara mashaariicda, taas oo uga baahan deeqbixiyaha iyo hay’adaha caalamiga ahi inta aan shaqada la bilaabin ilaa ay hubiyaan in kooxda shaqada fulinaysaa ay leedahay aqoontii iyo kartidii loo baahnaa. Bilawga qaabaynta iyo naqshadaynta barnaamijka (Project design) waxaa muhiim ah texgelinta ra’yiga iyo talo-wadaagta dawladda iyo hay’adaha fulinta shaqadu hoos timaaddo iyo dadka ay mashaariicdu gaadhayaan si ay mashriicdu ugu fulaan sida ugu wanaagsan ee loogu baahida badan yahay ama raandhiiska u leh bulshada, xog xaqiiqo ku dhisan iyo cilmi baadhis ka turjumaysa waaqica jira, hubinta in aan mashaariicdu salka ku hayn waxyaalo abuuri kara khilaaf iyo mushkilado, waana in uu jiro qaybta hagitaanka iyo kormeerka mashaariicda. Xirsi Cali X. Xasan, Hoggaamiyaha Xisbiga Waddani. Qaran News