Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,176
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Hirshabelle, Maxamed Cabdi Waare ayaa ka hadlay dagaal-beeleedyada ku soo noq noqday Deegaanno Hoos Yimaada Degmooyinka Maxaas, iyo Matabaan ee Gobolka Hiiraan. Ugu horeyn, waxaa uu ka tacsiyeeyay dadka ku dhintay Colaadaasi kuwa dhaawaca ahna uu u rajeeyay caafimaad qab. Waxa uu ku tilmaamay “fidno ah oo aanan la aqbali karin” isagoo ugu baaqay waxgaradka beelaha in ay joojiyaan colaadahaasi, kana digay in ay sii socdaan. Waare ayaa tilmaamay in Hirshabelle ay diyaar u tahay inay gacan ka geysato wax walba oo sababi kara in dagaalladaas la joojiyo. Sidoo kale, madaxweynaha ayaa ku baaqay in xabbada la joojiyo, wixii dhinacyadu ay isku hayaanna si nabad ah lagu dhameeyo. Ugu dambeyntii, Madaxweyne Waare ayaa xusay inay soo arkeen dhibaatada ay colaaddu leedahay, balse loo baahanyahay in laga wada shaqeeyo nabadda. View the full article
  2. Caabudwaaq (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha dalka, Xasan Cali Khayre, ayaa lagu wadaa in maanta uu gaaro degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud. Wafdi horudhac u ah socdaalka wasiirka koowaad ee xukuumada federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa gaarey degmadaasi. Maxamuud Cabdiqaadir Hilaal, wasiir ku xigeenka Bartoolka, ayaa hogaaminayey wafdigaasi oo si diiran loosoo dhaweeyay. Maxamed Xaashi Carabeey, Madaxawayne ku-xigeenka Galmudug ayaa sidoo kale wuxuu qeyb ka yahay wafdiga halkaasi gaarey Khayre ayaa la filayaa in uu Caabudwaaq kulamo kula yeesho bulshada qayba-heeda kala duwan ee ku nool Degmadaasi. View the full article
  3. Muqdisho (SMN) – Dhageysteyaasheena ku xiran website-keena waxaan halkan idin kugu soo gudbineynaa Warka Subax ee Idaacada Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/06/Warka-Subax-28062019.mp3 View the full article
  4. With a little more than a month before Minnesota’s new hands-free law goes into effect, officials are intensifying efforts to make sure people know what they can and can’t do behind the wheel. Source: Hiiraan Online
  5. Councillor Rakhia Mohammed Ismail has been chosen as Islington’s Mayor for 2019-20 at Islington’s Annual Council meeting on May 16. The Holloway Ward Councillor is the first Somali-born woman to hold the position of Lord Mayor in the UK Source: Hiiraan Online
  6. Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Kooxda Ahlu-Sunna ayaa diiday shuruudo iyo qodobo uu usoo bandhigay ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre intii lagu guda jiray wada-hadalladii dhex maray labada dhinac, Caasimada Online ayaa sidaas ogaatay. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in ra’iisul wasaaraha uu dalbaday in heshiis kasta oo dhex mara dowladda iyo Ahlu-Sunna ay sidoo kale ku jirto in la qarameeyo ciidamada Ahlu-Sunna. Kheyre ayaa Ahlu-Sunna u sheegay inuu doonayo in ciidmada kooxda ay ka mid noqdaan militariga dowladda federaalka ah, gaar ahaan guutada 21-aad, si ay dowladda uga caawiyaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee gobollada dhexe. Qorshahan ayaa qeyb ka ah qorshaha guud ee ra’iisul wasaaraha ee dib u habaynta ciidanka iyo xoreynta dalka, wuxuuna soo jeediyey in marka ciidamada Ahlu-Sunna la qarameeyo ay ku biiraan ciidamada kale ee dowladda oo qaadaya howlgal Al-Shabaab looga saarayo meelaha ay ku harsan yihiin ee gobollada Galgaduud iyo Mudug. Si kastaba, Ahlu-Sunna ayaa diidan in ciidankooda ku biiraan kuwa dowladda, waxayna sheegtay inay sii ahaan doonaan ciidamo xireed balse ay diyaar u yihiin inay dowladda caawiyaan haddii ay mushahar u qorto. Sida aan xogta ku helnay, Kheyre ayaa uga digay Ahlu-Sunna inuusan jiri doonin heshiis dhex mara kooxdan iyo dowladda haddii aysan qodobkan muhiimka ah aqbalin. Labada dhinac ayaa la filayaa inay wada-hadallo kale oo dheeri ah yeeshaan, hase yeeshee waxay hadda kala taagan yihiin meel aad u kala fog. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  7. At least two soldiers and a civilian died when their three-wheel car, commonly referred to as Bajaja rammed by AMISOM armoured vehicle outside Mogadishu Source: Hiiraan Online
  8. Marka (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa fagaare ku yaalla degaanka Tooratoorow gobolka Shabeelaha Hoose shalay galab ku toogatay nin 75 jir ah oo la oran jiray Abshir Maxamad Cabdi ka dib markii lagu eedeeyay inuu guursaday Cadeey Manuur Khaliif iyo hooyadeed Xaawa Cabdi Biille. Sida ay sheegtay maxkamadda Al-Shabaab ninkan ayaa waxaa soo dacweeyey Xasan Khaliif Aadan oo adeer u ah Caddeey isagoo Abshir ku eedeeyay inuu gabadhooda guursaday hal da’na uu ka dhalay xilli uu horey hooyadeed u qabay. Xasan ayaa dacwaddiisa wuxuu ku sheegay in Abshir uu gabadha la dhuuntay islamarkaana uu meel baadiyo ah kusoo nikaaxsaday wali la’aan iyadoo ah. Abshir ayaa beeniyey eedeymaha loo jeediyey, wuxuuna sheegay inuu gabadha guursaday laakin aanu guursan hooyadeed. Sida lagu sheegay qoraal ay baahiyeen warbaahinta Al-Shabaab, Intaa kadib waxaa Abshir ku marqaati furay dad degaan ah oo la socday kiiskan. Qaadiga maxkamadda Al-Shabaab ayaa sheegay in marqaatigu uu ansaxay, sidaa darteed ayaana waxaa lagu xukumay inuu ficilkaasi ku dhacay isagoo waliba og, waxaana lagu xukumay dil toogasho ah, kaasi oo lagu fuliyey. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  9. Abu Dhabi (Caasimada Online) – Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa u muuqata inay dib uga guraneyso xiisaddii ka dhaxeysay dalalka Khaliijka iyo dalka Iran, ayada oo beddeshay mowqifkeedii hore. Wasiirka arrimaha dibedda Imaaraadka, Abdullah Bin Zayed ayaa sheegay in dalkiisa uusan hayn wax caddeyn ah oo si cad u sheegi kara dalkii ka dambeeyey weeraro lagu qaaday maraakiib ku safrayey biyaha gacanka dhowr toddobaad ka hor. Bin Zayed oo warkan ka sheegay magaalada Moscow oo uu booqasho ku joogay ayaa yiri “Si aan mas’uuliyad arrintan dusha uga saarno dal, waa inaan helnaan caddeyn buuxda oo aan shaki ku jirin, taasina weli ma hayno”. Hadalkan ayaa aad uga duwan kii Bin Zayed laga soo xigtay bishii May markii la weeraray maraakiibta siday saliidda, kaasi oo uu ku sheegay in faraha Iran ay si aad ah uga muuqdaan weerarada. Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa hadda u muuqata inay ka laabatay eedeymahaas, waxayna ku baaqday in la qaboojiyo xiisadda islamarkaana wada-hadal lagu dhameeyo. Mowqifka Imaaraadka ayaa aad uga duwan kan dalka ay saaxibka dhow yihiin ee Sacuudiga oo aad ugu ololeynaya dagaal lagu qaado dalka Iran. Wararka ayaa sheegaya in Imaaraadka Carabta garowsaday inay yihiin dalka khasaaraha ugu badan uu kasoo gaari doono dagaal kasta oo lagu qaado Iran, haddii ay noqoto mid nafeed iyo mid hantiyeed. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Abu Dhabi caasimada@live.com
  10. Hargeysa (Caasimada Online) ― Axmed Yuusuf Yaasiin, Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland ayaa ka hadlay wada-hadalada Somaliya iyo Somaliland, isla markaana xusey waxa keliya ay labada dhinac ka wada-hadli karaan. Axmed Yaasiin ayaa waxa kale oo uu sheegay in khilaafka Xisbiyada ee ku aadan doorashooyinka Somaliland uu ka iman karo niyad jab badan, isagoona ugu baaqay in miiska wada-hadalka lagu dhameeyo khilaafkaasi. Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa arrimahaasi ka hadlay, wuxuuna yiri “Somaliya markii aynu isku darsanay, mid bay ahayd, markaas waxaa isku biiray Somaliland iyo Somalilya, balse maanta Somaliya waxay u kala baxday Puntland, Juba Land, Gal-mudug, Koonfur Galbeed, intubana Maamulka Muqdisho kama amar qaatan, markaas Somaliyadii hore waxay u kala baxday shan meelood”. “Inaynu wada hadalnaa aad bay u adkaanaysaa, waa loo baahnaa inaynu wada hadalno waliba ka wada hadalno sidii aynu u kula guran lahayn wixii iskugu keen hadhsanaa, waxaa muhiima ah in haddii Somaliland iyo Somaliya wada hadlayaan inay Beesha Caalamku goob joog ka ahaato halka lagu wada hadlayo, laakiin cid aynu Somaliya kala la hadalnaba garan mayno, madaama Somaliya Shan qaybood u kala baxday”. “Haddii aanu dib ula soo laabanay xoriyadii naga luntay, waxaa muhiim ah inaanu dantayada ka shaqeeyno, mar bay caadifadi na qaaday, oo bilaa shuruud aanu kula midawnay Somaliya, balse cadaafid dambe na qaadi mayso, Somaliyana niyada ha ka saarto in dib dambe Somaliland ula midawdo, Calankaas tawxiidka ah ee Somaliland lagamo yaabo in la dajiyo, ee Somaliya waxaanu leenahay aynu ahaano dalal jaara ah”. Wuxuuna intaas kusii daray “Xisbiyadu waa kuwa soo saara Madaxweynaha, Dawladdaha hoose iyo Barlamaanka, dadkuna ay doortaan hadba cidda ay ku kalsoon yihiin, iyadoo Doorashada lagu kala guulaysto sida loo kala cod badan yahay, Xisbiyadu waa in khilaafkooda meel iska dhigaan, oo Xisbi waliba uu soo xulaa ciddii matalaysay haddii ay tahay Barlamaan iyo haddii ay tahay Dawladdo hoose iyo haddii ay tahay Madaxweynaba, oo ay taas ka fikiraan”. “I-jiid aan ku jiide waa gacamo daalis, khilaafka Xisbiyada oo sii jiitama niyad jab baa ka imanaya, ee waa inay Xisbiyadu miiska wada hadalada iskugu yimaadan, oo xooga saaran sidii xal u gaadhi lahayn, si Doorashadu inoogu dhacdo, Doorashada oo dhacdana Somaliland waa u dan, Caalamkuna uu inoogu soo istaagaya, waanu inagu qiimaynayaa, markaas waa inay Xisbiyadu heshiis gaadhan”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  11. Hargeysa (Caasimada Online) ― Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, ayaa ka hadlay shirkii Nairobi ka dhacay malintii Salaasadii ee ay ka qeyb gashay Xukuumada Somaliland. Waddani ayaa shirkaasi ku sheegay mid hoos loogu dhigay meeqaamkii dowladnimo ee ay laheyd Somaliland, midaasi oo ku tilmaamay inay tahay musiibo weyn oo ku dhacday Dowladdan weli aqoonsiga ka baadi-goobeysa caalamka. Marwo Faadumo Siciid Ibraahim, Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee xisbiga mucaaridka ah ee Waddani oo warbaahinta kula hadleysay magaalada Hargeysa, ayaa sheegtay in ka qeyb-galka shirkaasi ahaa mid lagu dilaalayo qaranimada Somaliland, isla markaana ah wax lagu xumaado in Madaxweyne Biixi uu ogyahay talaabadaasi, una wakiisho Wasiirkiisa Arrimaha Dibadda. Marwo Faadumo ayaa sidoo kale waxay sheegtay in Madaxweyne Biixi u cadeeyo shacabka in uusan raali ka aheyn shirkaasi ay Somaliland ku matalayeen wafdigii uu hogaaminayey Wasiir Faratoon, iyadoona ku baaqday in uu talaabo adag ka qaado Mas’uuliyiintaasi. Waxay sidoo kale ku eedeysay Wasiirkii hore ee arrimaha dibada Somaliland Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar, oo imika ka mid ah mas’uuliyiinta Hay’adda Center for Humantarian Dialogue ee kulankan soo qaban-qabaisay, inuu ka shaqeeyo waxay dilaalnimada Somaliland iyo Somaliya. Iyadoona ka dhawaajisey inuu wada-shaqayn dhaw la leeyahay madaxda dowladda Somaliya, muddo badanna uu ku sugnaa magaalada Muqdisho, isla markaana xustay inuu ka leexiyey dhabihii ay aqoonsiga ku raadinayeen Madaxweynayaashii Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal iyo Daahir Riyaale Kaahin. Marwo Faadumo Siciid ayaa wax laga xumaado ku tilmaamtay hadalkii uu Wasiir Faratoon ka sheegay idaacada BBC-da, ee ahaa inay Somaliland hor fadhiisaneyso mas’uul kasta oo Somaliya u soo dirato wada-hadalada Somaliland darajo kasta oo uu yahay. Ugu dambeyntiina, Marwo Faadumo Siciid ayaa ka dhawaajisey in aanay mar dambe u dul-qaadan doonin arrimahaasi xisbiga Waddani iyo bulshada reer Somaliland, iyadoona soo jeedisay in Wasiir Faratoon hadii uu ka qeyb galayo kulamo noocasi oo kale ah uusan ku matelayn Somaliland. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  12. Liverpool (Caasimadda Online) – Cabdi Shariif waa wiil Soomaaliyeed oo u ciyaara Kooxda Liverpool. Wuxuu kooxda la saxiixday heshiis heer sare ah oo uu kaga mid noqonayo laacibiinta ay Liverpool ku tashato. “Laacibkan qadka dhexe ee 18 jirka ah wuxuu kooxda ka tirsanaa illaa markii uu lix jirka ahaa, wuxuuna seddax sano ka hor billaabay inuu kooxda u ciyaaro”, ayaa lagu yiri warsaxaafadeed Liverpool ay soo saartay. “Wuxuu ciyaaraha ku billaabay tartanka FA-ga ee dhallinyarada, wuxuuna kullankii ugu dambeeyay dhaliyay gool ku laad ay Liverpool ku qaaday koobka. Waxay ahayd markii ugu horeysay muddo 12 sano ah oo kooxda ay heerkaa gaarto”. Steven Gerrard wuxuu toddobaadki hore sheegay “In dhaab dhismeedka Cabdi uu u dhigmo ciyaartooyda waaweyn”. Wuxuuna Gerrard intaasi raaciyey “Cabdi inuu orodka aad ugu wanaagsan yahay, uuna lugo dhaadheeryahay. Wuxuu ka dhex muuqday kooxdiisa iyo ciyaartooyda Keydka, sidaa darteed waxaan isku dayeynaa inaan Cabdi ku boorino sidii uu u noqon lahaa mid ciyaaraha ka qayb qaato.” “100% waan ku raacsanahay, Shariif 17- jir ah inuu tababar uu dhawaan ku qaatay Akaadeemiga kooxda si uu uga mid noqdo kooxda Liverpool. “Billow aad u wanaagsan ayaan ku billaawday xilli ciyaareedkan, laakiin ciyaartooy kasta wuxuu leeyahay xirfad ciyaareed oo u gaar ah aniguna waxaan wadaa dadaal inta awooddeyda ah.” “Steven iyo tababaraha wax badan ayey igu dhiirrageliyaan ciyaartoy ahaanna aad ayaan ugu baahanahay. Aniga ahaan si aan xirfaddeyda ciyaareed u soo saaro oo aan ciyaaraha heerki looga baahnaa uga gaaro, dhiirragelinta noocaasi waan u baahanahay. Steven wuxuu marwalba igala shaqeeyaa sidi aan xirfaddeyda goor walba ku hormarin lahaa.” Cabdi Shariif ayaa ku dhashay Soomaaliya balse wuxuu kusoo barbaaray Magaalada Toxteth, waxayna Liverpool sheegtay inuu muhiim u ahaa Macalinka Ciyaartoyda 18 jirada Liverpool ee Barry Lewtas. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska London caasimada@live.com
  13. Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ayaa waxay xabsiga dhigtay intii u dhaxeysay bilaha April iyo May, Wariye Cabdi Maalik Muuse Coldoon, Jamaal Cabdi Muxumed iyo Guddoomiyaha garabka dhalinyarada xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, Maxamed Sidiiq Dhamme. Hay’adda u doodda xuquuqda Aadamaha ee Amnesty International ayaa siday sheegtay Saddexdoodaba waxa xarigooga loo cuskaday inay baraha bulshada ku baahiyeen qoraalo ay xukuumadu u aragtay inay khatar ku yihiin Somaliland iyo Mas’uuliyiinta xukuumada Biixi. Amnesty International oo si toos ah qoraal ugu dirtay Xeer ilaaliyaha guud ee Somaliland Xasan Axmed Aadan, ayaa sheegtay in Cabdi Maalik Muuse Coldoon oo 17-dii April laga soo xiray Magaalada Burco, laguna eedeeyay inuu Facebook-ga ku dhaleeceeyay Madaxweynaha, sidoo kalena Borobagaando lidi ku ah Somaliland iyo Warar been ah oo ku saabsan Dugsiga Abaarso uu ku baahiyey, xilligana uu ku xidhan yahay Jeelka dhexe ee Hargeysa. Waxay sidoo kale sheegtay Jamaal Cabdi Muxumed oo shaqaale ka ahaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Xafiiskiisa laga soo xidhay 24-kii Aprill, iyadoo lagu eedeeyay inuu Facebook-giisa ku dhaleeceeyay habacsanaanta shaqada Ciidammada Booliska, sidoo kalena eedaha Amnesty International sheegtay in loo haysto Jamaal waxa ka mid ah inuu Aflagaadeeyay Sarkaal Booliska ka mid ah. Sida ay Hay’addu ku sheegtay qoraalkeeda Jamaal ayaa hadda wuxuu ku xiran-yahay Saldhigga dhexe ee Magaalada Hargeysa. 1-dii Bishii May ee sannadkan ayaa Maxamed Sidiiq Dhamme oo ah Guddoomiyaha Garabka dhallinyarada Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, isagna gurigiisa Hargeysa laga soo xiray. Guddoomiye Dhamme ayaa Facebook-giisa ku Cambaareeyay xaalad deg-deg ah oo xiligaas lagu soo rogay Degmooyin ka mida ah Gobolka Sanaag, ayaa 8-dii June lagu eedeeyay inuu meel kaga dhacay sharafta Madaxweynaha. Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ayaa maanta waxay Guddoomiye Dhamme ku riday xukun ah lix bilood oo xarig ah kadib markii ay ku eedeysay dambi ah inuu u gefay sharafta Madaxweynaha Somaliland. Amnesty International ayaa waxay sheegtay in saddexda Xubnood ee xiran dhammaantood qabashadooda aan loo marin sifo sharci ah, iyadoona xustay in aan loo soo qaadan waaran qabasho ah, Sida uu qodobka 25-aad ee Dastuurku uu dhigayo in qofka boolisku xirayo uu usoo jarto waaran qabasho ah oo Maxkamad ka soo baxday, ka hor inta aan la xirin. Ugu dambeyntiina, Hay’adda Amnesty International ayaa waxay ku baaqday in si deg-deg ah oo shuruud la’aan ah loo sii daayo Cabdi Maalik Muuse Coldoon, Jamaal Cabdi Muxumed iyo Maxamed Sidiiq Dhamme, oo dhamaantoodba ay xukuumada Biixi sifo sharciga baal-marsan ku soo xirtay. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com
  14. Waxa aynu in badan u soo joognay hanaanka siyaasedeed ee somaliland iyo sida uu marba ahaa , waxa aynu cabiri karnaa in wax inoo kordheen qaran ahaan sida la isku doorto , la isku mucaarido iyo in wax inaga sii dhacayaan oo aynaan hayn jidkii saxda ahaa ee aynu rabnay . Habdhaqanka siyaasadeed ee Jamhuuriyada somaliland waxa uu u muuqdaa mid aan korayn oo aan samaynayn horumar la taaban karo oo mustaqbal wanaagsan oo umadeed laga filan karo , waayo ? Sababtu waxa ay tahay ma jirto qorshe siyaasadeed xisbi qaran leeyahay oo rasmi uga turjumaya rabitaanka umada kuna fadhiya xaqiiqooyinka dalka yaalla ee u baahan in laga gudbo oo hore loo socdo si aynu u hiigsano dalalka iyo dawladaha hore u maray aduunka . Waxa laga yaabaa in aad is weydiinayso saw kuwa axsaabta siyaasadu barnaamijyo xisbi iyo balanqaadyo umada u soo bandhiga , waa run oo waxa ay axsaabtu siyaasadu soo bandhigtaa barnaamijyo qurux badan oo lagu doortaa , laakiin wali akhriste ma isweydiisay bal in barnaamijyadaa iyo habdhaqanka loo shaqeeyo marka kursiga la tago in ay is waafaqsan yihiin ama laga dhabeeyo waxii umada loo sheegayay iyo waxii loo qorayba ! ?. Waa mid lagu kala aragti duwanaan karo haseyeeshee aan u arko marka hore in axsaabteenu inala wadaagaan oo inoo soo bandhigaan waxkasta oo ay is leeyihiin kursiga ku gaadha iyo balanqaad kasta oo ay samayn karaan oo aan qorshe wadan iyo qaabka loo qabanayo goorta la qabanayo iyo halka laga fulinayoba ee ay tahay uun wax sheeg aad talada ku gaadho . Waxa tusaale wanaagsan aan kuu siinayaa marka aad daawato madaxweynaha somaliland oo meesha uu tagaba wax iska balan qaadaya ama meel iska dhagax dhigaya aan qorshihii xisbiga ku jirin , miisaaniyada qaranaka ku jirin wasaaradii hawshaa qaabilsanayd aanay ogeyn oo gole ka fuul ah , taasi waxa ay la macno tahay in aan waxa kaambaynka lagu galo ee afkana laga sheego , buugna wax kooban la inoogu qoraa aan lagu socon , isla markaana miisaaniyada qaranku aanay lahayn qorshe si cilmiya loo dejiyey oo baahida umada ka turjumaya. Marka aynu intaa is la fahamno ayaa waxa aynu garan karaynaa ama cabiri karaynaa horta dawlada somaliland maxaa u qabsoomay xaga nidaamka iyo maamulka tobaneeyo ama labaataneeyadii sano ee ugu dambeeyay, sida oo kale maxaa u qabsoomay xaga dimuqaradiyada iyo doorashooyinka , maxaa u qabsoomay xaga horumarka iyo horumarka bulshada , halkee aynu taaganahay bal !!! Haddaba somaliland waxa ay u baahan tahay mucaaradad dhaafsiisan kursiga uun gaadh , muran ku jiqsii iyo in la is jiid-jiito oo umada lagu mashquuliyo wax aan dani ugu jirin , waxa aynu u baahanahay mucaaradad qorshe leh oo la xisaabtan dawlaadeed leh oo ka hadasha danta umada , oo waliba maalinta kursiga la helona buuxisa gol daloolo waxii ay arkaysay markii ay dibada joogeen , ka taxadiraysa wadada kursiga loo marayaa in aanay noqon mid hogaamintaada caqabad hadhowto ku noqota . Qolyaha muxaafidka isku sheegana waxa la gudboon in ay xukuumadii ay umada u keeneen miisaanka saaraan oo bal hubiyaan in ay dan umadeed iyo qorshihii xisbiga lahaa ku taagan tahay ee aanay ka shaqeyn uun rabtitaanka madaxweynaha iyo jacaylkiisa ee ay runta u sheegi karaan oo ku diidi karaan waxii aan anfacayn xisbigooga iyo umada reer soamalialnd . Gebagabada qoraalkaygu waxa ay tahay in xisbiga doonaya in ay hogaaminta qaranaka gacanta ku dhigaan uu noqdo mid ku kasbada dadka qorshe dhab ah iyo barnaamij la lafaguray oo qaranka lagu hogaamiyo , waana in uu ka digtoonaadaa in uu kursiga u soo maro wado caqabad ku noqon karta hogaamintiisa si aan umada wakhtigu ugaga lumin wax aan danteeda ahayn. Qolada muxaafikda ah ee kursiga joogtana waxa aan kula talinayaa in ay umada uga tagaan raad wanaagsan iyo waxqabad lagu xasuusto oo mudadaa ay joogaan noqoto mid hore u socod leh , hogaamintooduna aanay noqon qorshe laab la kac ah oo aan qawl dhaafsanayn ee waa in ay noqotaa mid run iyo xaqiiqo ku fadhida oo dal iyo dad ba la dareemo , isla markaana iyadu is xisaabisa hadii aanay jrin xataa cid la xiisaabtamaysaa . Gunaanadka qoraalkaygu waa in dadka reer somaliland danta guud iyo qaranimada meel uga soo wada jeedaan , kana digtoonaadaan in shaqsi iyo shaqsiyaad dano leh ay ku ciyaaraan mustaqbalkooda , waana in ay ilaashadaan nabad galyadooda , dawladooda kula shaqeeyaan oo ku adeecaan waxii wanaagsan ee ay u wado , waxii qalad ah ee ay arkaana iska diidaan oo ay sida ugu wanaagsan ee qaladkaa lagu joojin karo yeelaan. Somaliland way guulaysanaysaa qofkastana xumaan iyo wanaag waxa uu taray taariikhda ayuun baa xusi doonta . Muhamed Dhimbiil Mohamed Abdi Jama Qaran News
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Booliska Degmada Boondheere ayaa caawa 7:15 Daqiiqo waxa ay toogteen ruux la sheegay inuu ka tirsan yahay Shabaab, kaasi oo Bistoolad ku hubaysnaa. Taliye Ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomalaiya Jeneraal Zakiya Xuseen Axmed ayaa sheegtay ruuxa la toogtay inuu doonaayay inuu dilo Askari ka tirsan Ciidamada Booliska, balse isagii la dilay. Israsaaseynta dad shacab ah waxba kuma soo gaarin, marka laga reebo ruuxaasi hubaysan ee Ciidanka ay dileen, waxaa sidaas sheegtay Zakiya. “Ciidanka amniga ee Degmada Boondhere ayaa caawa abbaaro 7:15 fiidnimo waxay iska hor imadeen shaqsi ka tirsan kooxda argagixisada Al Shabaab, kaas oo ku hubeysnaa Bistoolad, una dan lahaa inuu dilo askari howl u taagnaa. Israsaaseyn kaddib waxay ciidamada amniga toogteen dhagar qabahii watay Bistoolada, isla meeshuu ayuuna ku dhintay. Nasiib wanaag ma jiro qof kale oo wax ka soo gaaray howlgalkaas” ayay tiri taliye Sakiyo Xuseen. Ciidamada amaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa mudooyinkii u danbeeyay adkeeyay amaanka Caasimada, iyagoo wadooyin dheeraad ah dhigay askarta, si au u feejignaadaan, isla mar ahanataasina ay uga hortagaan falalka amni daro. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  16. Muqdisho (SMN) – Dhageysteyaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/06/BAr-Qumanaha-wararka-27062019-Okay.mp3 View the full article
  17. More than 50 people have been arrested after an alleged coup attempt in an Ethiopian region, an opposition party says. Source: Hiiraan Online
  18. Abdi Sharif has signed his first professional contract with Liverpool Football Club. The 18-year-old midfielder has been training with the Reds since the age of six ... Source: Hiiraan Online
  19. Garoowe (Caasimadda Online) – Waxaa cirka isku sii shareeray Khilaafka u dhaxeeyo Maamulada Puntland iyo Somailand kadib markii ay Garoowe Maanta gaareen Saraakiil ka tirsanaa Somaliland iyo Guddoomiyihii Gobolka Sanaag. Saraakiishaan oo kasoo goostay Somaliland ayaa waxaa soo dhaweyn aan caadi aheyn loogu soo dhaweeyey Magaalada Garoowe, iyadoo soo dhaweynta ay ka qeyb galeen dadweyne badan oo sitay ubaxyo iyo Calanka Puntland. Saraakiisha isku soo dhiibay Puntland ee gaaray Garoowe waxya kala yihiin: 1) G/sare Xuseen Faarax Aadan (Xuseen Dheere) 2) G/sare Xayle xaaji Diraac 3) Cali Xuseen Maxamed guddoomiyihii gobolkaas ugu magacownaa Somaliland iyo saraakiil kale. Saraakiishaan iyo Mas’uuliyiintaan ayaa ka yimid dhinaca Magaalada Badhan ee Gobolka Sanaag oo ay ku sugnaayeen tan iyo markii ay isku dhiibeen Maamulka Soomaaliland,waxaana garoowe kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Puntland iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Magalada. Waxaa soo dhaweynta ka qeyb qaatay Saraakiisha hoggaamiso Ciidamada Daraawiishta Puntland, waxayna soo dhaweyntaas u muuqatay mid dhoolatus ah oo farriin loogu dirayey Maamulka Somaliland. Waxaa Magaalada Garoowe ka socoto qaban qaabo heer sare oo la doonayo inay saraakiishaan kula kulmaan madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni. Saraakiishaan soo goostay iyo Madaxweynaha Puntland ayaa la filayaa inay si wadajir ah uga hadlaan dagaalka ka dhaxeeyo Somaliland iyo Puntland. Tallaabadaan ayaa la rumeysan yahay inay sii xumeyn doonto muran xudeedeedka u dhaxeeyo labadaan maamul oo muddo badan uu dagaal ka dhaxeeyey.
  20. Cadaado (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa xalay iyo maanta waxa uu magaalada Cadaado kulamo wadatashi ah kula yeeshay qaar kamid ah odayaasha dhaqanka deegaannada Galmudug. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo kulamada wadatashiga ah isugu yeeray hoggaanka dhaqanka ayaa u sheegay muhiimmada ay u leeyihiin dhameystirka hannaanka lagu taabbagelinayo Galmudug mideysan oo qeyb ka noqota horumarka Soomaaliya. Waxa uu ballan qaaday in talooyinka odayaasha iyo wadatashigooda uu aasaas u yahay tallaabooyinka xiga ee la qaadayo. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale dhagaystay talooyinka odayaasha dhaqanka ee ku aaddan dhismaha iyo xoojinta hay’adaha Dowlad Goboleedka Galmudug. Odayaasha Dhaqanka ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahadceliyay booqashada uu ku yimid, wadatashiyada uu dhaqanka la yeeshay iyo dadaalka xooggan ee uu ku bixinayo nabadeynta iyo dhameystirka dhismaha hay’adaha dowliga ah ee Galmudug iyaga oo ka codsaday in uu sii wado wadatashiyada uu bulshada la yeelanayo. Kulamada uu Ra’iisul la yeeshay odayaasha dhaqanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa qaar kamid ah xildhibaannada iyo Seneterada deegaan doorashadoodu tahay Galmudug. View the full article
  21. Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Mudane James Swan ayaa ugu hambalyeeyay xilkan dhawaan loo soo magacaabay. James Swan oo Madaxweynaha la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres ayaa tilmaamay inuu dadaal muuqda ku bixin doono taageridda arrimaha hortabinta u leh dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, si ay u xaqiijiyaan himiladooda ku aaddan helitaanka Soomaaliya xasilloon oo horumarsan. Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobey ayaa uga mahad-celiyey DF soo dhaweynta wanaagsan iyo sida ay diyaarka ugu tahay inay ku garab siiso gudashada waajidbaadkiisa inta uu ku sugan yahay dalka. Ergaygan ayaa wuxuu bedelayaa ergaygii ka horreeyay oo billowgii sannadkan 2019-ka ay eriday Dowladda Somalia, kaasoo lagu magacaabi jiray, Nicholas Haysom, kaddib markii lagu eedeeyay inuu soo fara-geliyay arrimaha gudaha Somalia. Dhanka kale, Madaxweynaha Somalia ayaa la wadaagay Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya dadaallada joogtada ah ee Dowladdu ku bixinayso sugidda amniga, kobcinta dhaqaalaha iyo xoojinta dib u heshiisiinta dalka, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay in lagu gacan siiyo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed sidii ay uga gudbi lahaayeen caqabadaha ku hor gedaaman. Ugu dambeyn, Kulankan waxaa ka qayb galay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Danjire Axmed Ciise Cawad iyo Agaasimaha Madaxtooyada Qaranka Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade). PUNTLAND POST The post Kulan gaar ah oo Muqdisho ku dhex-maray Farmaajo iyo Ergayga cusub ee Q/Midoobay appeared first on Puntland Post.