-
Content Count
212,105 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Dhibaatada Sicir bararka, doorka ganacsatada iyo sida looga bixi karo. Hadii aan si kooban uga hadlo macnaha ereyga sicir barar waa sare ukac weyn oo ku yimaada qiimaha noocyada kala duwan ee adeegyada bulshadu isticmaasho sida maceeshada noocyadeeda kala duwan, shidaalka iyo badeecadaha kale ee lagama maarmaanka u ah nolol maalmeedka bulshada. Marka hore haddaynnu eegno waxa sababa sixir bararka waxaynu kasoo qaadan karnaa laba qodob oo muhiim ah. Mid ku timaada xaga lacagta dalku isticmaalo taasoo keenta in lacagtu qiima dhacdo, qiima la, aantaas lacagtuna waxay katimaadaa iyadoo dalku daabacdo lacag cusub oo tira badan taasoo si too ah usoo gasha suuqa islamarkaana Lacagtaas aan xadka lahayn ee soo gelaysa suuqa waxay sababysaa hoos udhac weyn inuu ku yimaado lacagtii dalka islamarkaana waxay fursad unoqotaa sare ukac ku yimaada lacagaha qalaad ee sidoo kale dalka laga isticmaalo. Arrinta labaad waa mid ka timaada xaga badeecada dalka debeda kasoo gelaya ee aan ahayn kuwa ka imanaya gudaha dalka. Hadaba haddaan labadaasi qodob tusaale ugu soo qaato dhibaatada sixir barar ee ka jirta dalka Somaliland waxaynu arki karnaa in midka dhibaatada ugu badan sababay waqti xaadirkani uu yahay qodobka 2aad. Somaliland waa dal ku yaalla geeska afrika kaasoo leh maamul dhammaystiran, xuduudo iyo lacag ugaar ah. walow lacagta Somaliland ay kala simantahay lacagaha kale ee wadamada geeska afrika iyo wadamo badan oo caalamka ahba in aanay aqoonsanayn hay,adaha caalamiga ah sida worldbank iyo IMFtuba hadana waxay ku guulaysatay in ay noqoto lacag tayo leh oo la jaanqaadi karta isbadallada ku yimaada qiimaha lacagaha qalaad hase ahaatee dawladda Somaliland waqti xaadirkan masoo daabacan lacag cusub oo loo aaneeyo inay sababto sixir bararka iyo qiima dhac ku yimaada lacagta dalka Sidaasi oo ay tahay haddana bulshad Somaliland waxa dhowaanahanba saamayn weyn ku yeeshay sixir barar baahsan kaasoo kaga imanayey dhawr jiho haday noqoto qiimo dhac ku yimi lacagta shilinka Somaliland iyo haday tahay mid katimi sare ukac ku yimaadda qiimaha badeecadaha dalka debeda kasoo galaba. Qiima dhaca lacagta shilinka Somaliland wuxu sababay in lacagtii dalku waxba qiima ah yeelan weydo islamarkaana uu awood yeesho qiimaha lacagta dolarku taas oo ah lacagta labaad ee bulshadu sida weyn u isticmaasho. Haddaba qiima dhaca shilinka Somaliland wuxu si weyn saamayn ugu yeeshay nolosha dadka danyarta ah ee inta badan aan debeda wax dhaqaale ahi uga iman arintaasi waxay keentay in intabadan dawlada Somaliland lagu dhaliilo wax kaqabad la, aanta hoos udhaca ku yimi lacagta dalka. Dedaallo badan oo uu sameeyey baanka Somaliland wuxu ku guulaystay inuu hoos udhigo qiimaha Dollarka islamarkaana uu sare uqaado qiimaha shilinka Somaliland taasoo ay siweyn usoo dhaweeyeen bulshada Somaliland maadama oo ay u arkayeen in hadii uu qiima yeesho shilinka Somaliland sidoo kale hoos udhac uu ku imandoono maciishadaha iyo badeecadaha kala duwan ee bulshadu isticmaasho balse taasi ma aysan dhicin waxaana si toos ah u caddaatay in doorkii ganacsatadu uu gebi ahaanba meesha kabaxay maxaa yeelay markii uu qiimaha dolarku uu sare ukacsanaa ganacsatadu waxay bulshada wax kaga iibin jireen lacagta dolarka maanta oo dolarkii hoos udhacayna waxay wax ku iibinayaan lacagtii shilinka Somaliland taas oo aanay waxba iska bedelin qiimihii ay markii hore wax ku iibinayeen. Tusaale ahaan markii dolarku kacsanaa halkii shay ee lagu iibin jirey $50 qiimihiisu wuxu ahaa 500,000 SLSH. 50 kii dolar qiimihiisii maanta waa 400,000 SLSH, balse waxba iskama bedelin qiimihii alaabtu shaygaasi halkii qiimihiisu ka ahaan lahaa 400,000 waxay ku iibinayaan 500,000 iyagoo marwalba ka eegaya wixii iyaga dani ugu jirto oo qudha arrintaasina waa mid ay ku ceebaysantahay dawladdu maadaama ay maarayn kari wayday dhibaatada ganacsatadu ku hayso bulshada danyarta ah. Hadaan soo koobo maxaa lagaga bixi karaa dhibaatadaasi sixir barar ee daashadey bulshada Somaliland bal aynnu eego afartaa qodob ee muhiimka ah. Waa in xukuumadu fiiro dhow u yeelataa isla mar ahaantaana baadhitaan iyo ukuurgal ku samaysaa badeecadaha ganacsatadu dalka soo gelineyso iyadoo u eegaysa qiimaha ay kaga soo dhoofsadaan dalalka laga soo dhoofinayo alaabta iyo ta ay ku iibinayaan ganacsatadu inay isu dhigmi karaan marka laga reebo cashuuraha ku waajibey. In dawladdu ay cadaadis saarto isla mar ahaantaana wadatashi kala yeelato ganacsatada dalka sidii la isu waafajin lahaa isbadallada qiimaha lacagta somaliland iyo qiimaha badeecaduhu hadba heerka ay marayaan si lacagta qaranku u noqoto lacag qiimaheeda la dareemo bulshadana faa,iido weyn uleh. In wasaaradda ganacsigu xidhiidh joogto ah layeelato maamulka iyo ururka ganacsatada si loo hubiyo inay fulaan arrimaha lagu heshiiyaa isla mar ahaantaana wasaaraddu ku samayso kormeer joogto ah suuqyada ganacsiga dalka oo dhan. In dawladda Somaliland iyadoo u xilsaaraysa wasaaradda beeraha ay dardar geliso isla mar ahaantaana gacan kusiiso beeralayda dalka inay badiyaan waxsoosaarkooda si looga maarmo cuntooyinka iyo maciishadaha kale ee ka imanaya dalka dibaddiisa si bulshadu uga maaranto maciishadaha qaaliga ah fursadna u siiyaan beeralayda dalku inay suuq u helaan waxsoosaarkooda. By: Ibrahim Abdi Dirir dhaqaalayahan Qaran News
-
Madaxa xukuumadda Galmudug Sheekh Shaakir oo la hadlay warbaahinta kadib markii la soo qabtay koox dil ka fulisay todobaadkii hore bariga Dhuusamareeb ayaa sheegay in lagu daba jiro kuwii ka dambeeyey dil wadareedkii ka dhacay magaalada Galkacyo ee gobolka Mudug. Sheekh Shaakir waxaa ii intaasi ku daray in arrinkaas ay ka wada shaqeynayaan ciidamada, culimaa’idiinka, cuqaasha, dhalinyarada, haweenka iyo dhammaan dadka ku nool deegaanka, raggaasna gacanta lagu dhigi-doonno. Mudane Shaakir waxaa uu sidoo kale sheegay in arrinkan aanu aheyn mid Soomaalinnimo ah “Arrin Somalilnimo ma aha, walaaltinnimo ma aha, ehelnimo ma aha”, isaga oo ku eedeeyey waxa uu ku yeeray argigixsa. Waxaa uu adkeeyey in Soomaaliya aaney dhulka kala laheyn “Dadka meel kasta ayey soconayaan, meel kasta ku ganacsanayaan, Soomaaliya waa walaaalo, islu luqad ah, isku diin, ehel ah”, sidaasi waxaa yiri Sheekh Shaakir. Ugu dambeyntii, waxaa uu Sheekh Shaakir u tacsiyeeyey ehelada dadka ay ka dhinteen ee ku nool Koonfur galbeedka iyo Hirshabelle, isaga oo ballanaaqdey in dadkaasi la geyn-doono sharciga. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Baahida dhaqaale iyo dhibaatada mucaawinooyinka. Dhaqaale xumada siyaasad xumo ayay salka ku haysaa, hoggaan xumo ayaana u sabab ah. Waa ayaan darro weyn guud ahaan in qaaraddan Africa ee aynu ka midka nahay calaamad u noqotay gaajo, hoggaan kelitaliye ah iyo guuldarrooyin siyaasadeed. Waxa mar labaad dhibaato wayn ah marka Internet-ka Soomaali laga baadho in ay kugu soo boodayso faqri iyo macaluul, kuwaas oo uu hadheeyay khilaaf dhexdooda ah ama qoomiyadaha ay wada degen yihiin oo taagan teer iyo intii nidaam dawladeed la helay. Waxaa ka sii daran in budhcad badeed iyo argagixiso magicii soomaalinnimo lagu lammaaneeyay, taas oo saamayn ku yeelanaysa qof kasta oo Soomaali ah meel kasta oo uu adduunyada ka joogo. Somaliland, innaga oo dhibtaa hore la wadaagna dadyawga soomaalida, waxaa inoo dheer aqoonsi la’aan aan dunidu weli inoo garwaaqsan dal ahaan iyada oo aynu soo jirnay in ka badan rubuc qarni, taas oo caqabad ku noqotay in aynu ka faa’iidaysan karno hay’adaha dhaqaalaha ee dunida ama taageero dhaqaale oo toos ah aynu dunida ka helno. Mushkuladaha dhaqaale xumida guud, sicir-bararka, xoolihii noolaa oo ahaa isha dhaqaale ee 1aad ee aynu dunida u dhoofinno oo Sucuudigu joojiyay iyadoo ishii dhaqaale ee 2aad oo ahayd lacagaha xawaaladaha ee debadda ka yimaadda iyagana cidhiidhi la saaray, waxaa isha dhaqaale ee 3aad loo cuskan jiray mucaawinooyinka aan tooska ahayn isla markaana aan laysku hallayn karin, kuwaas oo inta saafiga ah ee ina soo gaadha lagu qiyaaso 10% ilaa 30%. Bulshada oo intaas oo dhibaato ah la tiicaysa ayaa waxa ugu daran rejo xumada guud, qaybsanaanta iyo werwerka bulshadu soo wajahday ee aan xukuumaddu wax qorshe ah u soo bandhigin ilaa iyo maalintii madaxweynuhu talada la wareegay. Khudbaddii sanadlaha ahayd ee Madaxweynahana haba yaraatee wax barnaamij ah oo mustaqbalka u qorshaysan may xambaarsanayn. Dareenka bulshada ayaa suuqyada is waydiimo badan aad kala kulmaysaaa, bal aan sidan u cabbiro; Waar iminka maxaa innagu dhacay? Waxa la yidhi Madaxweynihii wuu handaraabay! Maxay? Dee dhaqaalihii iyo dhaqdhaqaaqii. Dee isagu malaha wax tar baabu islahaaye oo maba xuma in wixii tuugo iyo musuqmaasuq ah la xakameeyaaye, balse malaha, qolkii maaliyadda muu xidhine, aqalkii oo dhan ayuu guudka innagaga handaraabay! Cajabo Rabbi. Dhaqaalayahanka madaxa bannaan ee Azar Jammine, oo dhibtan oo kale ka faaloonaya ayaa yidhi: “Bad politics has broken economy’s resilience, now even 1% growth impossible” – oo nuxurkeedu yahay “Siyaasad xumadu waxay burburisay adkaysigii dhaqaalaha, oo iminka xataa koritaan dhaqaale oo 1% ahi suuragal ma aha.” Haddaba, markaan arkay duruufaha dhaqaale iyo is waydiimaha bulshada ee rejo-xumadu ka muuqato ayaan ku talo galay in aan faaqido dhibaatada oo qalinka u qaato, wixii iiga soo baxana bulshada la wadaago inta aan awoodo ee wakhtigu ii saamaxo, iyada oo ujeeddadu tahay, wixii dhib ah waa in wax laga qabto ama la qoro oo dhibta jirta tilmaan iyo sumad ay kuu leedahay, ilayn qofka mar kasta xil baa saarane. Dhaliisha iyo toosintu waxay ka mid yihiin guud ahaan xil-gudashada muwaadinnimo, gaar ahaan xisbiyada mucaaradka iyo xubnaha siyaasiyiinta ahna waxay ku noqonaysaa waajib in ay wixii dhib ah ee jira sheegaan. Taas baana saldhig u ah qoraalkan. Waa qormo madaxbannaan waxaanan ku metalaa inta igu taageersan. Dhaqaaluhu waa laf dhabarta nolosha, waa mishiinka dawladnimada, waa awoodda dunidu maanta ku tartamayso. Waxaa inta badan dawladaha dunidu isku qiimeeyaan awoodda dhaqaale iyo kaalinta dalku kaga jiro hodannimada ama dadkiisu heerka ay fakhriga ka joogaan. Dhaqaaluhu waa waxa jaangooya heer nololeedka aadamaha. Shaki kuma jiro in dhaqaaluhu maanta yahay awood aan la dafiri karin iyada oo aqoontiisana lagu kala dheereeyay oo loo sameeyay qaab cilmiyeed aad qiimo weyn uga leh dunida maanta. Raysal wasaarihii ugu hore ee Ingiriiska, David Cameron, oo ka hadlaya dhaqaalaha ayaa yidhi “The economy is the start and end of everything. You can’t have successful education reform or any other reform if you don’t have a strong economy” – oo macnaheedu yahay, dhaqaaluhu waa meesha ay ka bilaabmaan ee ku dhammaadaan wax kastaa, mana samayn kartid, si guul leh dib u habayn waxbarasho ama dib u habayn kaleba haddii aanad lahayn dhaqaale xooggan. Madaxweynihii Maraykan ee Ronald Reagan, oo sidan si ka geddisan laakiin ku dhaw uga hadlayna wuxuu yidhi “Government’s view of the economy could be summed up in a few short phrases: If it moves, tax it. If it keeps moving, regulate it. And if it stops moving, subsidize it” – Aragtida Dawladda ee dhaqaalaaha waxaa lagu soo ururin karaa kalmado kooban; haddii uu dhaqaaqo, cashuur. Haddii uu sii wado dhaqaaqa, u samee nidaam lagu hago. Sidoo kale haddii uu istaago, caawi oo kab. Diinteenna suubban ee Islaamku, si wayn ayay u tilmaantay muhiimadda iyo ilaalinta dhaqaalaha ama maalka, ilaa Sekada laga gaadhsiiyay in ay ka mid noqoto shanta Tiir Islaamka, halka culimada qawaacidda fiqiga dejiyayna ay geliyeen ilaalinta maalka mabaadi’da waaweyn ee shanta ah ee diintu ilaaliso. Marka dhaqanka soomaaliga la eegana waxaa ka mid ah halkudhigyada dhaqaale, “Xaglo laaban xoolo kuma yimaaddaan”, taas oo aynu odhan karno haddii tacabku kordho dhaqaalaha ayaa kordha, haddii dhaqaaluhu kordhana waxa suurtagal ah shaqo abuur, wax la bixiyo, wax la horumariyo iyo wax la hagaajiyo iwm. Wuxuu yidhi Abwaan Cabdilaahi Muuse oo tacab la’aanta ka hadlayaa: “In kastuu dhabcaal gudhan yahay oo dharabo kaa gooyo, isagoo dharaar maqan kol uu dumar wax kuu dhiibo, dhan aad uga dhacdaba maal ku xiga waad dhadhamisaaye, waa dhaawac kugu yaal xigtada oo dhaqasho diiddaaye” Marka aan u soo noqdo mucaawinooyinku xaddiga ay ka yihiin dhaqaalahu waa 10 ilaa 21% marka laga qiyaas qaato sida lagu sheegay warbixinta ay soo saartay UNDP ee Aid Flow in Somalia. Iyadoo marka horeba deeqaha dunidu siiso Somaliland iyo guud ahaanba intii Soomaaliya laysku odhan jiray ay aad u yar yihiin, ayaa inta ka soo gaadhaana ay tahay faro-guudkood, haddana ma dhibaato la’a. Ilyaas M Xuseen iyo Cabdicasiis Guudcadde oo mawduucan falanqaynayey, kana qoray “Gargaarka Shisheeye: Gurmad mise Gumayn”, ayaa tilmaanta luggooyada deeqaha ugu magac daray “Leef oo ha liqin” iyaga oo ka dab qaadanaya buugga Dead Aid ee caanka ah ee ay qortay Dr Dambisa Moyo. Waxaa marar badan laga hadlaa in aan deequhu ka jawaabin baahida dhabta ah ee jirta ama aanay iman wakhtiga ku habboon. Waxaa iyaduna mugdi ku jiraa isla xisaabtankii loo baahnaa si loo ogaado xaddiga dhabta ah ee deeqda iyo inta ka soo gaadhay dalka. Waxaa arrintaa caddeeyay warbixinta ay soo saartay Wasaarada Qorshayntu, Somaliland Aid Flow report: “Most organizations responded and resubmitted their reports … while others did not respond at all. Some organizations, including UN agencies, reported data without showing the amount disbursed through their implementing partners, and for that reason, the ministry was not able to sum up the amount disbursed by UN agencies and other INGOs”. Waxaa ka muuqata karti yarida xukuumadda, waxay abuuraan deequhu mararka qaar maamul xumo iyo musuqmaasuq gundheer oo sii taxan ilaa xafiisyada debadda ee laga diro. Ma inagaa kaalinteennii gabnay oo xoolihii layna siiyay dhoobi ka noqonnay mise deeqda dunida ayaa ah qawda maqashii waxna haw qaban? Akhristaha aan u dhaafo. Waxaynu ku soo ururinaynaa sababaha fursadaha siiya maamul xumada, musuqmaasuqa iyo isla xisaabtan la’aanta dhawrkan qodob; Debeca maamul iyo goldaloolooyinka shuruucda, dadka ka shaqaynaya qaar ma fahamsana ama sida qaldan ayaabay saxdii moodayaan, qaar waxaanay lahayn awood siyaasadeed oo ay mawqifkooda ku dificaan ama aqoon ahaan ayaanu ku soo bandhigi karin waxa uu doonayo, qaar kale waa musuqmaasuq ama isaga oo daacadba ah ayaa lagu maxlashaa musuqmaasuqa oo uu gabbood u noqdaa isaga oo aan is ogayn, qaarna waxay soo sallaxaan kubbadda oo waxay ku shaqeeyaan aragtida siyaasadeed ee dalkooda amaba deeq bixiyaha uu u shaqaynayo dan u ah, mana xaaleeyaan dhibaatada gaadhaysa dalka mashaariicda laga fulinayo iyo saamaynta xun ee mucaawinadu gaysan karto. Xilliyadii aan xukuumadda ka mid ahaa, waxaa maalin maalmaha ka mid ah xafiiska iigu yimi wefti heer sare ah oo igala hadlayay deeqo ay ka fekerayaan balse aan weli na soo gaadhin oo waddooyinka ku wajahan. Waxay iila hadleen qaab ay ka dhadhamayso haddidaad iyo harawsi. Waxaan si aan gabbosho lahayn ugu sheegay qorshahayaga iyo hannaanka aanu ugu talogalnay hawsha, ugu danbayna si fiican ayaanu isu fahannay. Waxaan joogay aqalka dalka looga taliyo, oo waxaan fahmi karayaa culayska uu kala kulmi karo qofka jooga xafiisyada kale oo iga derejo hooseeya. Haddaba, waxaa lagamamaarmaan ah in wax laga beddelo xaaladda jirta ee deeqaha iyo barnaamijyada mucaawinooyinka, iyada oo la samaynayo fahamka guud ee odhanaya dhaqaalahan deeqbixiyuhu wuxuu ugu deeqay dalkan ee hay’ada sidda iyo cida fulinaysaa may bixin sidaa darteed xaq bay u leeyihiin dalka la siiyay in ay ogaadaan xaddiga si aan mugdi ku jirin, meesha lagu bixinayo iyo sida loo fulinayo intaba. Marka labaad waa in uu jiraa nidaam ay isla qaateen hay’adaha mashaariicda fulinaysa iyo dalka laga fulinayaa, kaas oo aan maanta Somaliland ka jirin sida lagu sheegay isla warbixinta aan soo sheegnay ee Somaliland Aid flow report, “The absence of comprehensive Aid Management Platform has put the Ministry of Planning into difficult position to monitor and report the Aid flow level”. Sidoo kale jewi daahfuran oo ay isula jaanqaadi karaan laamaha ka shaqaynaya ee labada dhinac. Waxaa iyadanu loo baahan yahay hannaan warbixineed oo si mug leh loogu warbixinayo dawladdii deeqda la siiyay, deeqbixiyihii deeqda bixiyey iyo bulshadii deeqdu gaadhay, si ay u ogaadaan xaddiga soo gaadhay loona qiimayn karo midhaha ka dhasha mashaariicda. Ugu danbayn, Intan kuma koobna laakiin waxaa ka mid ah waxyaalaha labada dhinac looga baahan yahay Dhinaca deeqda la siinayaa (Somaliland) waa in ay leedahay; Xeerka ama siyaasada deeqaha, Meelaha mudnaanta u ah qaranka, Talogelyadii iyo talooyinkii ka soo baxay bulshada iyo halka ugu danbaysa ee deeqdu gaadhayso, baadhista la sameeyay ee khataraha iyo carqaladaha iman kara, hannaanka hubinta iyo isla xisaabtanka, qaabka warbixinta iyo foomamka xogta dhinacyadu isugu gudbinayaan iyo qaabka wacyigelinta bulshadu u gaadhayso, xafiiska xogsiinta hay’adaha, buugyare xogside ah (information kit), iyo u fududaynta masuuliyiinta iyo xafiisyada ay shaqadu kaga xidhan tahay. Dhinaca deeqbixiyaha (Donors) ah ugu horrayn waa in loo cayimaa shaqaale hoggaamin kara mashaariicda, taas oo uga baahan deeqbixiyaha iyo hay’adaha caalamiga ahi inta aan shaqada la bilaabin ilaa ay hubiyaan in kooxda shaqada fulinaysaa ay leedahay aqoontii iyo kartidii loo baahnaa. Bilawga qaabaynta iyo naqshadaynta barnaamijka (Project design) waxaa muhiim ah texgelinta ra’yiga iyo talo-wadaagta dawladda iyo hay’adaha fulinta shaqadu hoos timaaddo iyo dadka ay mashaariicdu gaadhayaan si ay mashriicdu ugu fulaan sida ugu wanaagsan ee loogu baahida badan yahay ama raandhiiska u leh bulshada, xog xaqiiqo ku dhisan iyo cilmi baadhis ka turjumaysa waaqica jira, hubinta in aan mashaariicdu salka ku hayn waxyaalo abuuri kara khilaaf iyo mushkilado, waana in uu jiro qaybta hagitaanka iyo kormeerka mashaariicda. Xirsi Cali X. Xasan, Hoggaamiyaha Xisbiga Waddani. Source
-
Health authorities in Kericho County are on a red alert over a suspected case of Ebola. Source: Hiiraan Online
-
Nairobi (Caasimada Online)-Wararka ka imaanaya deegaan ka tirsan dalka Kenya ayaa sheegaya in ruux looga shakiyay xanuunka Ebola lagu takooray deegaanka Kericho, waxaana la dhigay xarun caafimaad ku taala dalka Kenya. Warbaahinta dalka Kenya ayaa baahisay in ruuxaasi lagu arkay deegaan ka tirsan gobolka Kericho, waxaana la sheegay in ruuxaasi oo haweeney ah lagu arkay qaar kamid ah calaamadaha lagu garko xanuunkaasi. Qofkan oo haweenay ah ayaa ka timid magaalada xuduudda ah ee Malaba halkaas oo ay ku kulmeen ninkeeda taas oo dhalisay welwelka ugu badan ee ay ka qabaan laamaha Caafimaadka ee dalka Kenya. Deegaanka Malabo ayaa ku yaala dhanka xuduuda Uganda iyo Kenya, waxaana ninkeeda oo ku nool dalka Uganda la sheegay in isna looga shakisan yahay inuu qabo xanuunka Ebola oo dhibaato badan u geystay dadka ku nool Galbeedka Africa. Dhakhaatiirta isbitaalka guud ee magaalada Kericho ayaa takooray qofkan iyadoo wali baaritaan lagu wado, Illaa hadda calaamadaha cudurka oo qandho daran kamid tahay ayaa lagu arkay qofkaan. Dalka Uganda ayaa dhawaan lagu arkay cudurka Ebola dadna ku dilay, waxaana jirta cabsi xoogan oo laga qabo in cudurkan uu kusii faafo deegaano hor leh uuna geesto dhibaatooyin xoogan. Wasiirka caafimaadka xukuumadda ayaa dhawaan shaacisay inaysan qabin baqdin weyn oo xanuunkaasi ku aadan, waxaana heegan la geliyay hay’ado caafimaad oo arimahaasi ka hortagaya. Caasimada Online Xafiiska Muqdsisho Caasimada@live.com
-
Dowladda Kenya ayaa shaacisay iney gudbin-doonto dacwad ka dhan ah dalalka Ingiriiska iyo Norway, iyada oo labada dal ku eedeysay iney hurinayaan kiiska badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya. Dhinaca kale, sarkaal u hadlay dowladda Kenya ayaa sheegay iney dalkiisa uu xoogga saarayo in dib loo furo wadahadal ku aadan kiiska badda kadib markii ay fashilmeen kuwii hore. Wada hadalka waa waddada keliya ee xalka muranka labada dal, waana waddada aan inagu mar walbo riixeyno” sidaasi waxaa yiri Col Cyrus Oguna, oo afhayeenka dowladda Kenya. Hadalkan waxaa uu imaanayaa kadib markii war ka soo baxay Qaramada Midoobey looga digay dalalka reer galbeedka ee shidaal ka raadinaya goobaha lagu muransan yahay ay sii hurin karaan colaadda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Yemen)-Maleeshiyadda Xuutiyiinta ee dalka Yemen waxay saaka diyaarad daroon oo laga buuxiyey waxyaabaha qarxa ku weerareen garoonka caalamiga ee diyaaradaha ee magaalada Abha oo ku yaalla Koonfurta Sacuudiga. Telefishinka Kooxda Xuutiyiinta ee Al-masirah ayaa shaaciyey in diyaarad daroon lagu weeraray garoonka Abha ee Sacuudiga, waana weerarkii 4-aad ee ay Kooxdaasi la beegsadaan garoonkaasi hal toddobaad gudihiisa. Dowladda Sacuudiga weli lama xaqiijinin weerarka ay Xuutiyiinta sheegteen inay saaka ku qaadeen garoonka Abha. Kooxda waxay kaloo Sabtidii la soo dhaafay sheegteen inay diyaarado daroonis ah ku weerareen laba Graoon oo ku kala yaalla magaallooyinka Abha iyo Jizaan ee Koonfurta Sacuudiga. Sidoo kale, Arbacadii la soo dhaafay, waxay Kooxda Xuutiyiinta gantaal ku garaaceen Garoonka Diyaaradaha ee magaallada Abha ee Sacuudiga, halkaasi oo ay 26 qof ku dhaawacmeen. Source
-
Maamulka Galmudug ayaa shaaca ka qaaday in gacanta lagu dhigay raggii ka dambeeyey dil todobaadkii hore 4 qof loogu geystay duleedka Dhuusamareeb Madaxa Xukuumadda ee dowlad goboleedka Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo xariga ka hadlay ayaa sheegay in ciimada ammaanka ay gacanta ku dhigeen, isla markaana la soo taagi-doono maxkamad. Sheekhda waxaa uu intaasi ku daray in falkan uu ahaa mid foolxun, isaga sidoo kale ka dhawaajiyey in sida ugu dhaqsaha badan loo soo taagi-doono maxkamad. Ragga la dilay oo 4 ahaa waxaa ay ahaayeen dad ka ganacsada shinnida, waxaana lagu dilay duleedka Dhuusamareeb, dhammaan waxaa ay ka soo-jeedeen koonfur galbeed Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Khartoum)-Madaxweynihii hore ee dalka Sudan Cumar Al Bashiir ayaa Axadii la horgeeyey xafiiska xeer illaalinta oo kusoo oogtay danbiyo la xariira musuq maasuq iyo dhaca Hantida Qaranka. Cumar Al Bashiir oo hada ah 75 sano jir ayaa waxaa garbaha ka socday ciidamo badan oo illaalo ah oo kasoo kaxeeyey xabsiga lagu hayo ee Kobar oo ku yaal duleedka caasimada Khartuum. Xeer illaalinta ayaa u akhrisay Cumar Al Bashiir dhamaan danbiyada loo heysto iyadoo sidoo kale su’aalo dheeraad ah laga weydiiyey danbiyada la xariira musuq maasuqa, waxaana la siiyey muddo hal asbuuc ah inuu jawaab ka bixiyo danbiyada loo heysto, hadii uu ku guuleysan waayo waxaa loo gudbinayaa maxkamada dalkaasi oo bilaabi doonta dhageysiga danbiyada lagu soo oogay. Danbiyada loo heysto Cumar ayaa waxaa kamid ah in gurigiisa laga helay lacag gaareysa 113 milyan oo dollar, arrintan oo jabineysa sharuucdii uu dhaqan geliyey isla Cumar Al Bashiir. Bishii Feberaayo ee sanadkan xili ay dalkaasi ka socdeen rabshado ka dhashay sicir bararka iyo maciishada qaaliga noqotay ayuu xiligaasi Cumar Al Bashiir amar ku bixiyey in la xiro qofkii lagu qabto in ka badan 3.000 lacagta qalaad, kadib markii xukunka laga tuuray bishii April ayaa baaritaan lagu sameeyey gurigiisa laga helay in ka badan 113 milyan oo dollarka Maraykanka ah. Mucaaridka Sudan ayaa u arka kiiskan Cumar Al Bashiir uusan ahayn maxkamad cadaalad ah balse militariga doonayo inuu isaga sii jeediyo xiisada dalkaasi ka taagan iyo dilalkii ay ciidamada geysteen horaantii bishan oo Golaha Militariga usoo jiiday cambaareynta Beesha Caalamka. Militariga Sudan ayaan weli go’aan ka gaarin in Cumar Al Bashiir ay u gacan gelin doonaan Maxkamada Caalamiga ah ee Danbiyada Dagaal ICC oo horey ugu soo eedaysay Madaxweynihii hore ee Sudan danbiyadii ka dhacay dagaaladii gobalka Darfur iyo xasuuqii ay geysteen ciidamadiisa, balse isla maxkamadaasi ay danbiyo kuwaasi lamid ah kusoo oogtay xubno sar sare oo kamid ah Taliska Militariga ee hada weli maamulaya wadanka Sudan. Waxaa xusid mudan ciidamada loo yaqaan (Gurmadka Deg Deg ah) ee horaantii bishan June dilalka u geystay shacabka mudaharaadka ka wada caasimada Khartuum ay u badan yihiin maleeshiyaadkii la oron jiray (Janjawiidka) ee uu Cumar Al Bashiir u adeegsaday dagaalkii gobalka Darfur, ciidamadan ayaa si toos ah u hoostaga Gen. Mohammed Hamdan Dagalo oo ah Kuxigeenka Taliyaha Militariga oo kamid ah xubnaha ugu awooda badan Golaha Militariga ee la wareegay xukunka dalkaasi. Source
-
(SLT-Addis Ababa)-Duuliyeyaashii waday diyaaraddii Ethiopian Airline ee dhacday bishii March ee ay ku dhinteen 157 ruux wax dambi ah ma aysan lahayn, sida uu sheegay agaasimaha guud ee shirkaddaasi diyaaradaha. Eedaymaha shaqaalaha loo jeediyay waxay ahaayeen “kuwo aan waxba ka jirin oo la isla wadaagay” ayuu yiri Tewolde GebreMariam oo la hadlay BBC. Wuxuu kajawaabayay hadal ka soo yeeray qof ka tirsan aqalka Congaress-ka ee dalka Maraykanka oo sheegay in ciladda ku timid diyaaradda ay masuul ka ahaayeen duuliyeyaashii diyaaradda. Diyaaradda Boeing 737 Max ayaa dhacday lix daqiiqo ka dib markii ay ka duushay magaalada Addis Ababa. Diyaaradda Itoobiya ee duulimaad lambarkeedu ahaa ET302 ayaa noqotay diyaaraddii labaad ee nooceedu yahay 737 Max ee burburta muddo shan sano gudaheed ah. Diyaarad ay leedahayLion Air oo ay midda Itoobiya isku nooc ahaayeen ayaa ku dhacday badda Jakarta bishii Oktoobar ee sannadkii 2018. Warbixinnada hordhaca ah eeee labada shilba waxay muujiyeen in ay horseedday qalabka lagu maamulo duulimaadka oo amar isa siiyay ka dib markii uu akhriyad cillad aan jirin. Sam Graves oo ka tirsan Aqalka Congress-ka ayaa Washignton ka sheegay bishii hore in “xaqiiqdii warbixinta hordhaca ah ay muujinayso in ciladdu ay ka dhalatay khalad ka yimid duuliyeyaasha”. Isaga oo hadalka sii watana wuxuu sheegay in “duuiyeyaasha lagu tababaray Maraykanka ay si buuxda u maarayn lahaayeen xakamaynta xaaladda”. Tewolde oo arrintaas ka jawaabaya ayaa BBC-da u shegay in Graves “uusan gacanta ku hayn xaqiiqada”. Warbixinta hordhaca ah ayuu sheegay “in ay si cad u muujisay in duuliyeyaashu ay si wanaagsan u mareen nidaamka”. Source
-
(SLT-Moscow)-Sarkaal ka tirsan ciidanka amniga Ruushka ayaa beeniyay in Moscow ay faragalin ku sameysay doorashadii baarlamaanka ee midowga Yurub bishii la soo dhaafay. Warbaahinta Yurub ayaa ku eedeysay Ruushka in uu doonayay in xisbiyada midig ay Guulaystaan. Xoghayaha guddiga amniga Alexander Venediktov oo wareysi siiyay wargeyska Rossiyskaya ayaa beeniyay faragalinta lagu eedeeyay. Venediktov ayaa tilmaamay in ayna jirin caddeyn muujineysa arintaan. Waxay ku soo beegmaysaa iyadoo sanadkii 2016-kii dowlada Ruushka lagu eedeeyay in uu faragaliyay doorashadii madaxtinimo ee Mareykanka. Source
-
(SLT-Riyadh)-Mas’uuliyiinta Sacuudi Carabiya ayaa ajaaniibta doonaya inay dalkaas maal-gashtaan u sheegay in xanibaadda saaran khamrada la qaadi doono sannadka soo socda, sida ay werisay warbaahinta Bloomberg ee Mareykanka. Bloomberg ayaa maal-qabeenno ajnabi ah oo si dhow ula shaqeeya dowladda Sacuudiga kasoo xigatay inay maqleen in dowladda ay ka shaqeeneyso sidii loo bixin lahaa cashuur ogolaanaya in dalka lasoo geliyo khamriga. Waxaa sidoo kale jira warar sheegaya in xarunta ganacsiga King Abdallah, oo ah xaafad gaar ah oo ku taalla waqooyiga magaalada Riyadh, loo ogolaan doono in khamriga lagu isticmaalo. Mas’uuliyiinta Sacuudiga wax jawaab ah kama ay bixin arrintan, hase yeeshee Bloomberg ayaa sheegtay in xaqiiqda ah in arrintan iminka aad loo hadal hayo ay tahay wax yaab leh. Waxaa la filayaa in cashuur soo dhoofinta khamriga la siiyo makhaayado iyo hoteello ku yaalla qaar ka mid ah magaalooyinka waa weyn iyo goobo loo dalxiis tago oo Sacuudiga ay ka dhisayaan xeebaha. Inkasta oo sharciyan uu khamriga mamnuuc ka yahay Sacuudiga, haddana waxaa lagu iibiyaa suuqa madow. Waxaa sidoo kale jira khamri macmiil ah oo guryaha lagu sameeyo oo dadka qaar ay isticmaalaan. Tan iyo sanadii 2017, wxaaa Sacuudiga ka socday is-beddelo waa weyn oo uu hormuud ka yahay dhaxal-sugaha dalkaas Maxamed Bin Salmaan, oo ka tagaya dhaqamo badan oo islaami ah, si uu usoo jiito maal-gashtayaasha aan muslimka ahayn, isaga oo raba inuu sare u qaado dhaqaalaha dalka. Source
-
Dhuusomareeb (SMN) – Ciidamada ammaanka ee maamulka Galmudug ayaa xalay gacanta ku dhigay kooxo Maleeshiyaad ah oo dhawaan dad rayid ahaa ku dilay duleedka magaalada Dhuusomareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Madaxa xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa sheegay in saacado badan kadib la soo qabtay Raggaasi. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in Cadaaladda la hor geyn doono, si looga qaado talaabo waafaqsan sharciga. Dilka loo heysto raggan ayaa ka dhacay agagaarka Dhuusomareeb, waxaana loo geystay illaa 4 Qof oo rayid ahaa, kuwaas oo la sheegay in loo dilay Aano Qabiil View the full article
-
(SLT-Iran)-Waa wax aan suura gali karin in dal jecel nabada sida Iiraan oo kale uu raadiyo dagaal, sidaasi waxaa sheegay qoraa iyo falanqeeye siyaasadeed oo u dhashay Mareykanka. Millatariga Mareykanka ayaa ku eedeeyay dowlada Iiraan laba weerar oo ka dhacay laba weerar oo lagu qaaday maraakiib shidaal oo mareysay xeebaha Cumaan. Iiraan ayaa diiday sheegashada Mareykanka iyadoo Washington ay ka digtay weeraro hor leh oo ka dhaca xeebaha Khaliijka. War saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Iiraan qaramada midoobay u qaabilsan ayaa loogu baaqay in Mareykanka iyo dalalka carbeed ee saaxiibka la ah inay Joojiyaan daandaansiga ay ku hayaan Iiraan. Stephen Lendman oo falanqeeya siyaasada una dhashay Mareykanka ayaa sheegay in been abuur ay tahay weerarada lagu eedeeyay Iiraan. Lendman ayaa ku eedeeyay Mareykanka iyo Israel in ay ka danbeeyaan weerarka lagu qaaday maraakiibta shidaalka ee bishan iyo Bishii May lagu qaaday Maraakiib Shidaal. Source
-
(SLT-London)-Murashaxiinta u tartameysa hogaanka Xisbi Xaakimka UK iyo Raysalwasaaraha ayaa xalay ka qeyb galay dood si toos ah telefishinka looga baahiyey, walow uu doodaasi ka qeyb gelin murashaxa ugu horeeya loolanka Boris Johnson. Shan kamid ah murashaxiinta ka dhex tartameysa xisbiga xaakimka Conservative Party ayaa ka qeyb galay doodan laga baahiyey telefishinka Channel 4, qodobka ugu muhiimsan ee doodan ayaa ahaa sida loo xalin doono Mushkilada Brexit ee sababta u noqotay inay xilka iska casisho Raysalwasaare Theresa May. Boris Johson oo horey usoo noqday Duqii magaalada caasimada ah ee London ayaa kamid ahaa siyaasiyiintii horseedka u ahaa ololaha Brexit iyo in dalka UK isaga baxo Midowga Yurub ahna murashaxa la sheegayo inuu hada heysto taageerada ugu badan ayaa ka gaabsaday inuu ka qeyb galo doodii xalay, arrintaasi oo ay si wey ugu cambaareeyeen murashaxiinta kale oo sheegay in Boris uu ka cabsanayo inuu waji-gabax kala kulmo dooda. Balse Boris ayaa sheegay inuusan ka qeyb gelin dooda maadaama sida uu sheegay shacabka UK ay ka daaleen dooda siyaasadeed ee labadii sano ee lasoo dhaafay ka socotay wadankaasi oo xal u waayey ismarin waaga ka taagan qaabkii wadanka UK uga bixi lahaa Midowga Yurub. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Wasaaradda Caafimaadka xukuumadda ayaa shaacisay in dowladda Soomaaliya ay heegan gelisay hay’ado iyo shaqaalo loogu talo galay ka hortaga cudurada faafa, sida xanuunka Ebola. Wasiirka caafimaadka xukuumadda Soomaaliya Dr Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa shaacisay in wasaaradda ay heegan gelisay shaqaalo horey loogu tababaray inay ka hor tagaan xanuunadaan oo kale. Waxay sidoo kale sheegay inay arinta ku aadan xanuunka Ebola la kaashan doonaan hay’ado caalami ah, kuwaasi oo ka howlgala Soomaaliya, iyaga oo sheegay in hadda uusan jirin walaac badan oo dowladda Soomaaliya ay qabto. “Wasaaraddu Waxay heegan gelisay howlwadeeno horey loogu tababaray ka fal celinta cudur dilaacyada noocaan oo kale ah, waxay sidoo kale heegan gelisay hay’ado iyadoo lala kaashanayo kuwo caalami ah oo dalka ka howlgala”ayay tiri wasiirka caafimaadka xukuumadda Somaliay. Dr Fowsiyo waxa ay xustay in la tashiyo badan ay sameeyeen, sidoo kala ay la kaashanayaan hay’addaha ay quseyso arrintan ee dowladda Soomaaliya. Wasaaradda Caafimaadka ayaa bulshadda u xaqiijisay in aysan jirin hadda Khatar ka taagan Soomaaliya oo ku saabsan Ebola, waxaana sidoo kale sheegtay in heegan Sare ay galisay Shaqaallaha Caafimaadka. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/06/cod-1-wasarada-caafimadka-.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho ( SMN ) Wasiirka caafimaadka Soomaliya Marwo Fowsiya Abiikar Nuur oo la hadlaysay Warbaahinta ayaa sheegtay in aysan ka jirin xilligaan walaac ay ka qabaan ka wasaarad ahaan in Cudurka Ebola uu a dilaaco gudaha Soomaaliya. Waxa ay sheegtay in hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO iyo kuwa kale caalami ah ay ka gacan siiyeen ogaanshaha in xilligan uusan saameyn karin Cudurkaasi Soomaaliya. Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay in la sameeyay baaris caalami ah oo ku aadan arrintaasi. Dhinaca kale Fowsiya Abiikar Nuur wasiirka caafimaadka Xukuumadda Soomaliya ayaa shaaca ka qaaday in ay ku kalsooni ku qabto wadamada dariska ah, islamarkaana ay dhowri doonaan xeerarka caafimaadka adduunka. Waxaana ay tilmaamtay in aysan suura gal aheyn in dad qaba xanuunka Ebola ay ka soo gudbaan xuduudaha dalka., Hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli muddooyinkii dambe uu taagnaa walaac laga qabo Cudurka Ebolo oo kiis ka mid ah laga helay dalka Ugand oo xiriir bulsho la leh Soomaaliya. View the full article
-
Nairobi (PP) ─ Xukuumadda Kenya ayaa xaqiijisay in qofkii u horreeyay ee Kenyaan ah laga helay cudurka Ebola, isla markaana la geliyay karantiil si looga digtoonaado inuu faafo. Saraakiisha caafimaadka gobolka Kericho ayaa sheegay in haweeney Kenya u dhalatay oo ku nool gobolkaas laga helay cudurkan, isla mrkaana la dhigay goob loo diyaariyay in lagu karantiilo dadka qaba curudkan halista ah. Waxay saraakiishu hadalkooda ku dareen in haweeneydan oo da’deedu aad u yar tahay laga helay calaamada cudurka Ebola sida xumadda ama qandho kulul, iyagoo sheegay in goobta la dhigay lagu hayn doono illaa caafimaad ay ka helayso. Sidoo kale, Warbixin ay soo saareen maamulka gobolka ayaa lagu sheegay in haweeneyda laga helay cudurkan halista ah ay shalay u gudubtay dalka Uganda halkaas oo ay ku booqatay saygeeda, inkastoo aan la sheegin in saygeedu cudurka qabay iyo in kale. Xukuumadda Kenya ayaa heegan gelisay hay’adaheeda caafimaadka si ay uga hortagto cudurkan halista badan, waxaana la sameeyay shaqaale loo tababaray ka hor-tagga iyo la socoshada faafitaanka cudurkan. Dhanka kale, Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shalay ku dhawaaqday inay u diyaar-garowday ka hortagga cudurka, ayna heegan gelisay shaqaale caafimaad oo loogu talo-galay inay cudurkan ka hor-tagaan. Wasiiradda caafimaadka Soomaaliya, Fawsiya Abiikar Nuur ayaa sheegtay in hay’adaha socdaalka iyo amaanka dalka ay war-geliyeen in dhaq-dhaqaaqa dadka soo galaya dalka lala socdo, si looga fogaado in cudurka sahal kusoo galo dalkeenna Soomaaliya. Dalka Uganda oo uu cudurkan faro ba’an ku hayo ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga kumannaan askari oo qayb ka ah howl-galka Midowga Afrika, kuwaas oo u kala safra labada waddan, waxaana cabsi weyn lga qabaa in cudurku uu soo gaaro Soomaaliya. Ugu dambeyn, Cudurka Ebola ayaa dadka qaba la karantiilaa ilaa 21 casho si looga hortago in dadka qaba cudurkan ay la fal-galaan bulshada inteeda kale, waana cudur halis badan oo dilaa ah. PUNTLAND POST The post Qofkii ugu horreeyay oo qaba cudurka EBOLA oo lagu arkay Kenya appeared first on Puntland Post.
-
Ajandaha kal-fadhiga Baarlamanka Puntland oo shalay la ansixiyay, ayaa lagu daray qodob ku saabsan, in dib u eegis lagu sameeyo, heshiiska ballaaarinta iyo dhismaha dekedda Boosaaso oo ay xukuumaddii hore ee Puntland la gashay shirkadda DP World. Qodobkan ayaa sida la sheegayo, waxaa soo diyaariyay mudanayaal ka tirsan golaha wakiilada Puntland, oo doonaya in dib loogu noqdo heshiiska DP World, maadaama sida ay qabaan 2 sano kadib heshiiskaasi, aysan jirin wax shaqa ah oo laga qabtay dekedda Boosaaso. Heshiiska DP World oo soconaya muddo 30 sannadood ah, ayaa waxaa bishii Apriil ee sannadkii 2017 wada saxiixday, madaxweynihii hore Puntland Cabdweli Maxamed Cali Gaas iyo madaxa shirkadda DP World Suldaan Axmed Bin Suleyman. Nuxurka heshiiskaasi ayaa dhigaya in shirkaddu ay ballaarin iyo casriyeyn ku samayso dekedda magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, iyadoo lagu kordhin doono 450 mitir oo ballac ah. Sida ku xusan heshiiska, shaqada ballaarinta iyo dhismaha dekedda, waxaa ku baxaysa lacag dhan $336 malyan oo Dollar, taasi oo wejiga kowaad ee dekedda la gelin doono $ 200 malyan Dollar, halka wejiga labaadna la gelin doono $ 136 malyan oo Dollar. Baarlamankii hore ee Puntland ayaa heshiiska ansixiyay 27-kii july 2017, balse mudanayaal ka tirsan golaha wakiilada cusub ee Puntland, ayaa ku doodaya in dib loogu noqdo, maadaama sida ay sheegayaan aan mudadaasi wax shaqa ah laga qaban dekedda. PUNTLAND POST The post Baarlamanka Puntland oo dib ugu noqonaya heshiiska DP World ee dekedda Boosaaso appeared first on Puntland Post.
-
Wasiir Dhabancad Wasiirka arrimaha gudaha dowladda Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo ay weheliyaan xubno ka tirsan golaha wasiirada iyo maamulka gobolka Nugaal, ayaa sida qorshaysan saaka furi doona kal-fadhiga golaha degaanka degmada Buurtinle ee gobolka Nugaal. Golaha degaanka demada Buurtinle oo ka kooban 23 xubnood, ayaa la sheegayaa in ay wadaan mooshin ka dhan ah guddoomiyaha degmada, Maxamed maxamuud Axmed (Buur-dibi) oo ay ku eedeyanayan dhega’adayg iyo xil-gudasho la’aan. 16 xubnood oo kamid ah 23-da xildhibaan ee golaha degaanka Buurtinle, ayaa soo gudbiyay mooshinka xilka qaadista guddoomiye Buur-dibi, waxaana fashilmay dadaalay odoyaasha degmadaasi ku doonayeen in ay ku xalliyaan khilaafka guddoomiyaha iyo xildhibaannada. Markii la xisaabiyo wadarta guud ee golaha degaanka buurtinle oo dhan 23 xubnood iyo xildhibaannada mooshinka wada, waxaa soo baxaysa natiijo muujinaysa in sidaasi Buur-dibi xilkii looga qaaday, haddii aan wax kale is-beddelin. PUNTLAND POST The post Guddoomiyaha degmada Buurtinle oo xilka laga qaadayo appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Wasaaradda caafimaadka Somalia ayaa si taxadar leh uga hadashay cudurka halista ah ee Ebola oo ay shacabka Soomaaliyeed ka qabaan walaac xooggan inuu soo gaaro Somalia. Wasiiradda caafimaadka DF, Fowsiya Abiikar Nuur ayaa sheegtay in Somalia aysan ka jirin xilligaan walaac ku aaddan inuu ka dilaaco cudurka Eboola oo kiisas ka mid ah laga helay dalka Uganda oo ay ciidammo ka joogaan dalka. Cudurkan ayaa wuxuu horay dhibaatooyin ba’an uga geystay dalal badan oo Afirka ah, waxaana Somalia laga saaray ciidan ka socday dalka Sierra Leone oo qayb ka ahaa hawl-galka AMISOM, cabsi laga qabo inuu cudurkan u soo gudbo Somalia. Haddaba, Cudurkan ayaa waxaa laga helay dalka Uganda oo ay ciidammo ka joogaan Somalia, taasoo keentay walaaca laga qabo in cudurkan uu si fudud kusoo gaaro Somalia, haddii uu soo gaarana ay dhibaato weyn oo caafimaad ka dhici karo dalkeenna, maadaama aysan hay’adihiisa caafimadku awood badan u lahayn ka hor-tagga cudurka. Haddaba, AKHRISO: Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Federaalka Somalia PUNTLAND POST The post DF oo si taxaddar leh uga hadashay cabsida laga qabo cudurka halista ah ee EBOLA appeared first on Puntland Post.
-
Baydhabo ( SMN )Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qaraxyo Ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Koonfur Galbeed saacadihii la soo dhaafay lagula eegtay degmada Qansaxdheere ee gobolka Baay. Qaraxyada oo labo ahaa, islamarkaana ka dhashay Miinada nuuca dhulka lagu Aaso ayaa lala bartilmaameedsaday Ciidamadaasi, xilli ay marayeen duleedka degmadaasi. Al Shabaab oo sheegtay masuuliyadda qaraxyadan, waxa ay ay baahiyeen in ay ku dileedn illaa 4 Askari oo ka tirsanaa Ciidamada K/ Galbeed Soomaaliya. Ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay dhanka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed oo ku aadan qaraxyadaasi. Dhinaca kale Al Shabaab ayaa sheegtay dil qorsheysan oo Dagaalyahannadooda ay ka fuliyeen gudaha magaalada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose. Dilkan ayaa waxa ay timaameen in ay u geysteen mid ka mid ahaa Ergadii Xildhibaanada baarlamaanka federaalka Soomaaliya ku soo xulay magaalada Baydhabo ee xarunta G/ Baay, kaas oo magaciisa ay ku soo gaabiyeen Maxamed. Inta badan Al Shabaab ayaa weeraro iyo dilal ka fuliya gobollada Shabeelaha Hoose, Baay iyo Bakool ee Koonfurta Soomaaliya. View the full article