-
Content Count
213,176 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Sudan's ruling military council has said a proposal submitted by the African Union (AU) and Ethiopia received on June 27 is suitable for the resumption of talks with the opposition on a transition to democracy. Source: Hiiraan Online
-
(SLT-Addis Ababa)-Raysal Wasaaraha dalka Ethiopia, Abiy Axmed ayaa taliyaha ciidamada dalkaasi u magacaabay Jeneral Adem Mohammed oo beddelaya taliyihii hore ee la diley Jeneral Seare Mekonnen. Raysal Wasaaraha Ethiopia waxa uu sidoo kale magacaabay taliyaha ciidammada Nabadsugidda inuu noqdo Demelash Gebremichael, kaas oo badali doona Jeneral Adem Maxamed oo xilkaasi hore u hayay. Jen. Adem Mohammed taliyaha cusub ee ciidammada difaaca Itoobiya ayaa ka soo jeeda qowmiyada Amxaarada, halka Demelash Gebremikael uu isaguna ka soo jeedo qoomiyada Oromada. Isbeddelka ayaa ka dambeeyay markii toddobaadkii hore Afgembi fashilmay uu ka dhacay maamulka Amxaradda ee dalka Ethiopia, kaas oo galaaftay nolosha saraakiil ciidan iyo shaqsiyaad kale oo loo xidhay afgembigaa. Waxaanay arintaasi keentay in kor loo qaado amniga dalka Ethiopia oo tan iyo intii uu talada dalkaasi la wareegay Raysal Wasaare Abiy Axmed ay ku timid furfurnaan farabadani. Source
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Siyaasigii Maxamed Qanyare Afrax ayaa maanta ku geeriyoodey magaalada Muqdisho, Qanyare waxaa uu siyaasadda Soomaaliya caan ka ahaa 1991-2013-kii. Maxamed Qanyare waxaa uu dhashay 40-tameeyadii qarnigii tagay, isaga oo muddo dheer ahaa ganacsade ka shaqeysta dalka Kenya halkaasi ayuuna markii dambe ka taageeri jiray jabhadii ku kacay taliskii Siyaad Barre sida USC. Maxamed waxaa uu ahaa guddoomiye ku-xigeenkii USC ee Maxamed Faarax Caydiid guddoomiye u ahaa, waxyar kadib waxaa ay isku dhaceen Caydiid, waxaa uu ku biiray dowladdii Cali Mahdi isaga oo noqday wasiirka arrimaha gudaha. Qanyare waxaa uu ahaa hoggaamiye kooxeedyada ugu xoogga badan magaalada Muqdisho, isaga oo ka qeyb galay shirar badan oo dib u heshiisiin ah, oo Soomaalida loo qaabtay kuwaas oo ka dhacay Adis Ababa, Qaahira iyo meelo kale. 2004-tii, waxaa uu ka mid ahaa xildhibaannada, sidoo kale murashaxiinta u tartantay madaxtiinimada Soomaaliya isaga oo galay kaalinta 3aad kadib C/llaahi Axmed Caddow iyo Cabdullahi Yuusuf. Xukuumaddii Cali Maxamed Geedi waxaa uu ka noqday Wasiirka Amniga Qaranka inkasta oo jagadaasi laga qaaday markii uu ku biiray Isbahaysiga la dagaalanka “argaggixisada”. February 18, 2006, Qanyare iyo siddeed qabab-qable ee kale waxaa ay Muqdisho uga dhawaaqeen isbaheysiga la dagaalanka “argaggixisada”, kaas oo markii dambe ay meesha ka saareen maxaakiimta Islaamiga ee uu hoggaamiyo Shariif Sheekh Axmed. 2009-kii, waxaa uu ahaa qofkii ugu horeeyey oo sheegay inuu mar kale u tartamayo madaxtinimada Soomaaliya kadib is-casilaaddii Cabdullahi Yusuf isaga oo yiri “ “Aniga Safarkii hore Musharaxa waan ahaa, hadana safarkan Musharax ayaa ahay, waxaa hadii la ii doorto qaban doonaa wax badan oo ay ka mid tahay in Soomaali aan isu keeno, nabadna ku soo dabaalo, xabad dambena aan qush laga siin” 2012-kii, waxaa uu ka mid noqoday baarlamaanka federaalka ah, laakin markii dambe May 2013-kii waxaa uu xilkii ku wareejiyey wiilkiisa Cabdiweli Qanyare, wixii xilligaasi ka dambeysay waa uu xanuunsanaa, maanta ayuuna ku geeriyooday magaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Shir Lagaga Hadlayey Balaadhinta Dekedaha Africa oo Door-weyn Ay ka Ciyaartay S/land, Nuxurka Khudbado ay kasoo Jeediyeen Wasiirka Maalgashiga iyo Maareeyaha Dekedaha Somaliland… Wafti sare oo ka Socday Xukuumada Somaliland, ayaa Dalka Tanzania kaga Qaybgalay Shir Caalamiya oo in ka badan 300, oo Xubnood kasoo Qaybgaleen. Shirka oo lagu magacaabo 3RD Africa Ports Expansion, ayaa lagaga hadlaayey balaadhinta Dekedaha Africa Iyo sidoo kale isku xidhka dekedaha iyo dalalka africa, waxanu Shirkani ka dhacay caasimada dalka Tanzania ee Darasalam. Xubnaha Waftiga ee metelayey Jamhuuriyada Somaliland waxay kala ahayeen Wasiirka Maalgashiga Maxamed Axmed Cawad, iyo Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng. Siciid Xasan Cabdilahi, kuwaasoo khudbado taarikhiya oo gilgilay quluubta kasoo qaybalayaashii Shirkaa ka jeediyey madasha, waxanay kaga warameen dalka Jamhuuriya Somaliland iyo sida ay uga banaantahay fursado maalgashi oo u ka waramay Wasiirku, halkaa Maareeyaha Dekeduhuna ka waramay balaadhinta Dekeda Berbera iyo sidoo kale inay Deked ahaan u baahan tahay inay xidhiidh la samayso dekedaha kale ee Africa iyo sidoo kale Dhismaha Free-zone ka ama rugta ka caagan cashuuraha, taasoo in ka badan 35 Company ay is diiwaangeliyeen, taasoo markaa ay balaadhinta Dekedu dhamato noqon doontaa Hab gaadhsiisa Kontiinarada Wadamada kale. Iyadoo ay talaabadaasi sahlayso inay Dekeda berbera kusoo horeyn doonaan Maraakiibta waaweyn si loogu qaybiyo Koontiinarada u kala socda, wadamada bariga iyo badhtamaha Africa, sida Dekedaha Salada iyo Dubai oo kale. Sidoo kale, waxay ka warameen xubnaha waftiga Somaliland ee ka qaybgalay shirkaasi, sida ay israatiijiga u tahay Dekeda Berbera iyo marinka muhiimka ah ee ay ku taalo, kaasoo ay maraan in ka badan 35000, oo Markab. Qaran News
-
Boosaaso (Caasimada Online) – Ciidamada sida gaarka ah u tababaran PSF ee Puntland ayaa maanta howlgallo ballaaran ka fuliyay dhulka Buuraleyda ee gobolka Bari. Howlgalllada ayaa lagu qaaday deegaanada Dhagax-Dhaabur, Madarshoon iyo Ceel-Qaraar oo ay ku xooganaayeen dagaalyahannada Kooxda Al-Shabaab. War ka soo baxay Puntland ayaa lagu sheegay in howlgalladaasi lagu gubay Godad waa weyn oo Al-Shabaab ay ku Keydsan jireen Hubka iyo Raashinka. Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in howlgalladani lagu burburiyay saldhigyo Al-Shabaab ay ku lahaayeen agagaarka Buuraha Calmadow ee gobolka Bari. Sidoo kale wararka aya intaasi ku daraya in Moonooyin laga saaray waddada dheer ee isku xirta deegaanada Madarshoon iyo Galgala. “Ciidanka PSF waxay gubeen godad ay Al-Shabaab ku Keydsan jireen Hubka iyo Raashinka isla mar ahaantana ciidanku waxay burburiyeen saldhigyo dhuumaalaysi oo ay ku lahaayeen Buuraleyda Calmadow” ayaa lagu yiri qoraalka. Saraakiisha hoggaamineysa howlgalladan ayaa ballan qaaday in ay sii wadi doonaan dhaq dhaqaaqyadani, tan iyo inta Al-Shabaab laga saarayo halkaasi. Kooxaha Daacish iyo Al-Shabaab ayaa ku xoogan Buuraleyda gobolka Bari, iyaga oo inta badan weeraro ku qaada fariisimaha ciidamada maamulka Puntland. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
-
Somali Prime Minister, Hassan Ali Kheyre has called upon the residents of Abduwaq to support his government’s efforts in the state building process. The premier was speaking during his visit to the area as he continued his regional tour. He started his visit in Dhusamareb, Galmudug administrative capital, reached Adado where he held discussions with the regional leader, Ahmed Gelle Duale Haff and expected to conclude his visit in Abudwaq. Accompanied by Galmudug deputy leader, Mohamed Hashi Arabey and members of regional assembly, Kheyre said the federal government is working towards the restoration of public services in Galmudug state while calling upon the residents to play their part in the upcoming state elections by maintaining law and order in order to achieve free, fair and peaceful democratic exercise. He urged them to strengthen unity, stability and inclusive governance. The principal held a public meeting in Abudwaq to listen to views of the residents towards the national government. It was the first visit by Somali PM in the region since he resumed office in 2017. View the full article
-
Somali security forces on Thursday night killed 8 militants in southern Somali, officials said on Friday. According to a spokesman from the Somali security ministry and internal affairs of Jubbaland, the militants were killed in a joint offensive launched by Jubbaland and the Somali Special Forces in Jamame town in Somalia’s southern region of Lower Juba. “Our forces inflicted heavy casualties on the militants in the operation,” the spokesman said, adding that the security forces destroyed the militants’ base in Jamame town where the militants used to plan attacks on government forces. Local residents confirmed that there was a confrontation in the town. “Government forces launched an attack on the extremists’ hideout. There was heavy fighting and the militants fled the town,” Yahye Ahmed, a local resident told Xinhua by phone. Recently, Somali forces backed by African Union Mission in Somalia have stepped up operations on al-Qaida affiliated extremists in some central and southern regions. About three weeks ago, Somali forces killed three al-Shabab militants in an operation in the country’s southern region of Gedo. View the full article
-
Siyaasigii Maxamed Qanyare Afrax ayaa maanta ku geeriyoodey magaalada Muqdisho, Qanyare waxaa uu siyaasadda Soomaaliya caan ka ahaa 1991-2013-kii. Maxamed Qanyare waxaa uu dhashay 40-tameeyadii qarnigii tagay, isaga oo muddo dheer ahaa ganacsade ka shaqeysta dalka Kenya halkaasi ayuuna markii dambe ka taageeri jiray jabhadii ku kacay taliskii Siyaad Barre sida USC. Maxamed waxaa uu ahaa guddoomiye ku-xigeenkii USC ee Maxamed Faarax Caydiid guddoomiye u ahaa, waxyar kadib waxaa ay isku dhaceen Caydiid, waxaa uu ku biiray dowladdii Cali Mahdi isaga oo noqday wasiirka arrimaha gudaha. Qanyare waxaa uu ahaa hoggaamiye kooxeedyada ugu xoogga badan magaalada Muqdisho, isaga oo ka qeyb galay shirar badan oo dib u heshiisiin ah, oo Soomaalida loo qaabtay kuwaas oo ka dhacay Adis Ababa, Qaahira iyo meelo kale. 2004-tii, waxaa uu ka mid ahaa xildhibaannada, sidoo kale murashaxiinta u tartantay madaxtiinimada Soomaaliya isaga oo galay kaalinta 3aad kadib C/llaahi Axmed Caddow iyo Cabdullahi Yuusuf. Xukuumaddii Cali Maxamed Geedi waxaa uu ka noqday Wasiirka Amniga Qaranka inkasta oo jagadaasi laga qaaday markii uu ku biiray Isbahaysiga la dagaalanka “argaggixisada”. February 18, 2006, Qanyare iyo siddeed qabab-qable ee kale waxaa ay Muqdisho uga dhawaaqeen isbaheysiga la dagaalanka “argaggixisada”, kaas oo markii dambe ay meesha ka saareen maxaakiimta Islaamiga ee uu hoggaamiyo Shariif Sheekh Axmed. 2009-kii, waxaa uu ahaa qofkii ugu horeeyey oo sheegay inuu mar kale u tartamayo madaxtinimada Soomaaliya kadib is-casilaaddii Cabdullahi Yusuf isaga oo yiri “ “Aniga Safarkii hore Musharaxa waan ahaa, hadana safarkan Musharax ayaa ahay, waxaa hadii la ii doorto qaban doonaa wax badan oo ay ka mid tahay in Soomaali aan isu keeno, nabadna ku soo dabaalo, xabad dambena aan qush laga siin” 2012-kii, waxaa uu ka mid noqoday baarlamaanka federaalka ah, laakin markii dambe May 2013-kii waxaa uu xilkii ku wareejiyey wiilkiisa Cabdiweli Qanyare, wixii xilligaasi ka dambeysay waa uu xanuunsanaa, maanta ayuuna ku geeriyooday magaalada Muqdisho. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online ) – Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka hadlay geerida ku timid Maxamed Qanyare Afrax oo saaka ku dhintay isbitaal Digfer ee magaalada Muqdisho. Madaxweyne Farmaajo ayaa Tacsi u diray Qoyskii iyo Qaraabadii uu ka baxay Marxuumka. Sidoo kale waxa uu Eebbe uga baryay inuu Marxuum Qanyare ka waraabiyo Jannadiisa Fardowso. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa intaasi ku daray in Maxamed Qanyare Afrax uu qayb weyn ka soo qaatay dadaalladii dib u heshiisiineed ee dalka “Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Waxaan u tacsiyaynayaa qoyskii, qaraabadii iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Marxuum Maxamed Qanyare Afrax. Marxuumku waxa uu qayb weyn ka soo qaatay dadaalladii dib u heshiisiineed ee dalka.”ayuu yiri Madaxweynuhu. Maxamed Qanyare Afrax oo saaka geeriyooday ayaa soo noqday Xildhibaan ka tirsan golaha shacabka iyo wasiir amni intaba. Sidoo kale waxa uu ka mid ahaa hoggaamiye kooxeedyadii soo maray dalka ee la dagaalamay Maxkamadihii Islaamiga. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
-
Qaran News
-
Trump oo ammaan kala dul dhacay Dhaxal Sugaha Sacuudiga Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa Dhaxal Sugaha Sacuudiga ku tilmaamay nin ” qabtay waxyaabo la yaab leh” waxa uuna sheegay in uu saaxiib la yahay. Hadalka Trump ayaa imaanaya ayadoo labadan masuul ay shir doceed ku yeesheen shir madaxeedka G20 ee ka dhacay dalka Japan. Trump ayaa waxaa gudaha dalka Maraykanka ka haysta cadaadis siyaasadeed oo ku aaddan sababta uu uga warwareegayo kaalintii la sheegay in ninkani uu ku lahaa dilkii saxafigii sacuudiyaanka ahaa Jamal Khashoggi. Waxaana jiray warar sheegaya in sirdoonka Maraykanka ee CIA-du ay xaqiijisay in “Maxamed Bin Salman uu yahay ninkii bixiyey amarkii lagu dilay Jamal Khashoggi” Guddi xaqiiqo raadin ah oo ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa soo jeediyey in Maxamed Bin Salmaan lagu sameeyo baadhitaan la xiriira dilkii Khashoggi, kaas oo bulshada caalamku ay aad uga carootay. Guddiga ayaana sheegay in ay hayaan “caddaymo ku filan” oo marag u noqon ah in Bin Salmaan uu dilkaas ka dambeeyey. Masuuliyiinta Sacuudiga ayaa beeniyey ku lug lahaanshaha Dhaxal Sugaha ee dilkaas. Waxayna sheegeen in ay maxkamadaynayaan rag sacuudiga u dhashay oo dilkaas loo haysto. Ka hor inta aanu la kulmin Maxamed Bin Salmaan, ayaa Trump waxa uu yidhi: “Sharaf wayn ayay ii tahay in aan la kulmo Dhaxal Sugaha Sacuudiga, oo ah mid ka mid ah Saaxiibaday” Waxa uu intaasi ku daray in Ina Salmaan uu yahay “nin shantii sano ee la soo dhaafay Sacuudiga wax badan ka qabtay” asagoo tilmaamay in Amiirku uu ka shaqeeyey sidii Sacuudiga loo furfuri lahaa dhanka dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada. Madaxweynaha Maraykanka ayaa ka hadlay arrinta khusaysa haweenka Sacuudiga oo uu yidhi asagoo la hadlayaa Bin Salmaan: ” Wax qabadka aad samaysay gaar ahaan dhanka haweenka waxa uu u dhigmaa kacdoon oo kale, marka la eego waxa qabsoomay”. Bin Salmaan ayaa kaga jawaabay oo yidhi: ” Waxaan isku dayaynaa in wax ka sii wanaagsan aan ka qabanno dalkeenna Sacuudiga, arrintanina waa safar dheer oo hadda biloowday” Arrinta ku saabsan xidhiidhka labada dal ayaa Trump waxa uu sheegay in Maraykanku uu tixgalinayo in Boqortooyada laga iibiyo hub ku gacaya balaayiin dollar. Congress-ka Maraykanka ayaa bishaan horraanteedii u codeeyey mashruuc lagu joojinayo hubka laga iibinayo Sacuudiga iyo Imaaraadka. Qaran News
-
Kenya oo dalbatay in laga laabto dacwadda ICJ Qareenada dalka Kenya oo war ka soo saaray muranka Badda Soomaaliya iyo Kenya ayaa dalbaday in dib loo dhigo dacwadda hortaalla ICJ. Ururada Kinoti iyo Kibe oo ay ku mideysan yihiin Qareenada Kenya ayaa tilmaamay in kiiskan uu xadgudub ku yahay Dastuurkooda, sida ay hadalka u dhigeen. Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen in dowladda looga baahan yahay inay laasho dacwaddaasi. Qareenadan ayaa sidoo kale baaqooda u gudbiyay xeer ilaaliyaha guud ee Kenya, waasaaradda arrimaha dibadda iyo maxkamadda sare ee dalkaasi. Hadalkan ayaa imaanaya, xili shalay Wasiir Monica Juma oo Wareysi siisay BBC-da ay ku muujisay astaamo u muuqda inay Kenya guul-darro uga soo socoto kiiska Badda. Wasiirka arrimaha dibadda Kenya ayaa ka jawaabtay dhowr su’aalood oo la xidhiidha kiiska Badda Soomaaliya ee horyaal maxkamadda ICJ, wareysiga oo muuqaal ahaa waxa ka muuqday welwel iyo feejignaan badan oo dhinaca jawaabaha ah, inta badan jawaabaha ay bixisay waxa ay xambaarsanaayeen dareen iyo isku dhex yaac, kuwaas oo muujiyey heerka uu gaadhsiisan yahay welwelka Kenya ee sheegashada Badda Soomaaliya. Bisha September ee soo socota ayaa la filayaa in ICJ ay dib u furto dhageysiga dacwaddan, sida lagu shaaciyay War-Saxaafadeed ka soo baxay maxkamaddaasi. Qaran News
-
Raysal Wasaaraha Itoobiya Oo Magacaabay Taliyihii Guud Ee Ciidanka Militariga Iyo Taliyeyaal Kale Oo Mihiim + Deegaamada Ay Kasoo Kala Jeedaan. Raysal wasaaraha Dalka Itoobiya Abiye Ahmed ayaa u magacaabay taliyaha Guud ee ciidamada Qalabka sida ee Itoobiya Gen Adem Mohamed. Taliyahan la magaacaabay ayaa wuxuu horay u ahaa Taliyaha sirdoonka Itoobiya oo uu horay usii ahaa Getachew Asefe. waxaa dhanka kale loo magacaabay Taliyaha Sirdoonka Itoobiya nin lagu magacaabo Demelash Gebremicha. Sidoo kale waxa uu Ciidanka Dhulka Ethoipia u magacaabay Generall Mola-Haylamarem uu isna kasoo jeedo (Tigree). Afganbigii dhicisoobay ee ka dhacay wadanka Todobaadki hore ayaa wuxuu saamayn balaadhan ku yeeshay geedi socodka Dawlada Abiye Ahmed. Taliyaha Guud Ee Ciidamada Qalabka Sida Aadam Maxmed Waxa uu kasoo jeedaa Deegaanka (Axmaaro), Sidoo kale Taliyaha Sirdoonka Ethoipia Generrall Dhambelesh Mokonon isna waxa uu kasoo jeedaa deegaanka (Oromada), halka uu Taliyaha Ciidanka Dhulka Ethoipia Generall Mola-Haylamarem uu isna kasoo jeedo (Tigree). Qaran News
-
Muqdisho (SMN) – Waxaa maanta isbitaal Digfer ee magaalada Muqdisho ku geeriyooday Maxamed Qanyare Afrax oo xilal kala duwan ka soo qabtay dalka. Xildhibaan Cabdiweli Maxamed Qanyare oo ka tirsan golaha shacabka, ayaa xaqiijiyay geerida Marxuumka. C/weli oo ah wiil uu dhalay Marxuum Qanyare ayaa sheegay in muddooyinkii la soo dhaafay uu ku xanuunsanaa gudaha magaalada Muqdisho. Maxamed Qanyare Afrax ayaa soo noqday Xildhibaan ka tirsan golaha shacabka iyo wasiir amni xilligii dowladihii KMG ee dalka Sidoo kale waxa uu ka mid ahaa hoggaamiye kooxeedyadii soo maray dalka ee la dagaalamay Maxkamadihii Islaamiga. View the full article
-
Sida ilo’ xog-ogaal ah ay warbaahinta Puntland Post ka heshay, wasiirka Arrimaha debadda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon, ayaa warqadda iscasilaadda u gudbiyay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi. Xubno ka tirsan xafiiska wasiirka, ayaa xaqiijiyay in mudane Faratoon uu waradda is-casilaadda gudbiyay dabayaaqadii todobaadkii tegay, kadib markii ay soo food saartay xaalad caafimaad, balse aan madaxweynuhu weli go’aan ka gaarin warqaddaasi. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa 10-kii bishii November ee sannadkii 2018 Faratoon u magacaabay, wasiirka Arrimaha debadda Somaliland, isagoo ka beddelay wasiirka Waxbarashada oo uu xilligaasi ahaa. Mudane Faratoon oo ka soo jeeda gobolka Sool, ayaa xilal kala duwan ka soo qabtay maamulka Somaliland tan iyo sannadkii 1991-dii oo uu soo noqday, guddoomiyihii ugu horreeyay ee Somaliland u magacowday gobolka Sool. Sidoo kale, xukuumaddii Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal ayuu sannadkii 1993 ka noqday wasiirka Caafimaadka, halka xukuumaddii madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin ee sannadkii 2003 uu ka noqday, wasiiru-dowlaha Dibu –dejinta Somaliland. 17-kii bishii Agoosto ee sannadkii 2016, madaxweynihii Somaliland ee xilligaasi Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa Faratoon u magacaabay wasiirka Arrimaha gudaha maamulkaasi. Sidoo kale, madaxweynaha hadda ee Somaliland ayaa mar kale ku soo daray golihiisa wasiirada,isagoo 14 December ee sannadkii 2017 u magacaabay wasiirka Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland. Ha’yeeshee isku shaandhayn uu Muuse Biixi ku sameeyay golihiisa wasiirada 10-kii November 2018 ayuu mar kale Yaasiin Faratoon u magacaabay wasiirka Arrimaha debadda Somaliland , isagoo wasiirkii xilkaasi hore u hayay Dr Sacad Cali Shire u magacaabay wasiirka Maaliyadda Somaliland. PUNTLAND POST The post Xog: Yaasiin Faratoon oo warqadda iscasilaadda u gudbiyay madaxweynaha Somaliland appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Maxamed Qanyare Afrax oo ka mid ahaa hoggaamiye koxeedyadii Muqdisho ayaa goor-dhaw ku geeriyooday Isbitaalka Difgeer ee Muqdisho, halkaasoo dhawaan la dhigay, kaddib markii uu lasoo darsay xanuun daran. Ehellada marxuumka ayaa warbaahinta u xaqiijiyay geeridiisa, waxaana lagu wadaa in isla maanta la aaso, waxaana hoggaamiyahan geeriyooday uu la il-darnaa xanuun tobankii sano ee lasoo dhaafay. Qanyare, ayaa wuxuu soo noqday xildhibaan iyo wasiir, isagoo muddo dambe ku wareejiyay xilkiisa xildhibaannimo wiil uu dhalay oo lagu magacaabo, C/weli Maxamed Qanyare oo illaa haatan ku jira baarlamaanka Somalia. Marxuumka ayaa wuxuu ifka uga tagay tiro caruur ah, waxaana uu kaalin weyn kasoo qaatay isbedelladii siyaasadeed ee dalka ka dhacay, isagoo mar ka mid ahaa gacan-yarayaashii Jen. Caydiid oo ka mid ahaa hoggaamiyeyaashii ugu awoodda badnaa ee Xamar soo maray. Dhawr jeer ayaa Qanyare caafimaad ahaan loogu qaaday dalka dibaddiisa, balse xaaladdiisa caafimaad ayay waxba iska beddeli waayeen taasoo keentay in dib loogu soo celiyo dalka, isagoo maanta ku geeriyooday Xamar. Hoggaamiyahan dunida faarujiyay ayaa waxaa xarun weyn u ahayd Degmada Dayniile oo dulleedka Muqdisho ku taalla, waxaana uu ka mid ahaa hoggaamiyeyaashii la baxay argagaxiso la dirirka, inkastoo markii dambe looga awood roonaaday isaga iyo hoggaamiyeyaal kale dagaalkii ay la galeen Maxkamadihii Islaamka. Madaxda Dowladda Somalia iyo maamulada dalka ayaan weli ka hadlin geerida ku timid Maxamed Qnyare Afrax oo si weyn looga yaqaan dalka iyo dibaddiisa, ahaana hoggaamiye awood badan ku leh Muqdisho. Ugu dambeyn, Wixii ka dambeeyay markii awoodda laga maroorsaday hoggaamiye kooxeedyadii uu ka mid ahaa Qanyare wuxuu isku bedelay oday qunyar socod ah, isagoo ku ekaa inta badan hoygiisa iyo goobaha ay xubnaha dowladdu isugu tagaan. PUNTLAND POST The post Mid ka mid ah Hoggaamiye kooxeedyadii ugu awoodda badnaa Muqdisho oo geeriyooday appeared first on Puntland Post.
-
Isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho waxaa ku geeriyoodey Allaha u naxariistee, Maxamed Qanyare Afrax oo ka mid ahaa siyaasiyiinta sida weyn dalka iyo dibadda looga yaqaanay. Qanyare ayaa xanuunsanaa muddooyinkaan dambe, wuxuuna ku dhintey Isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho, sidey inoo xaqiijiyeen ehladiisa qaarkood oo aynu xiriir la sameennay. Maxamed Qanyare ayaa soo noqday wasiir iyo xildhibaan, sidoo kale wuxuu ka mid ahaa hoggaamiye kooxeedyadii dalka soo maray. Muddooyinkan dambe ayaa la sheegay inuu ka shaqeynayey arrimaha dib u heshiisiinta iyo nabadda. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa saaka magaalada Muqdisho ku geeriyooday Maxamed Qanyare Afrax oo xilal kala duwan ka soo qabtay dowladihii KMG ee dalka. Geerida ku timid Qanyare ayaa waxaa Wabaahinta u xaqiijiyay wiilkiisa Cabdiweli Maxamed Qanyare oo ah Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya. Xildhibaan Cabdiweli ayaa sheegay in Marxuumka muddooyinkii la soo dhaafay uu xanuunsanaa, islamarkaana uu ku jiray Isbitaalka Digfer ee magaalada Muqdisho. Maxamed Qanyare Afrax ayaa soo noqday Xildhibaan ka tirsan golaha shacabka iyo wasiir amni oo uu ka soo noqday dowladdii KMG ee lagu soo dhisay Kenya. Sidoo kale waxa uu ka mid ahaa hoggaamiye kooxeedyadii soo maray dalka ee la dagaalamay Maxkamadihii Islaamiga. Allaha u naxariistee Marxuumka ayaa xilligaasi heystay dhinaca degmada Dayniile ee gobolka Banaadir. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
-
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Jimcihii Juun, 28, 2019, munaaasibad Qado sharaf ah u sameeyay Saraakiishii Ciidamada Gobolka Sanaag ee kasoo baxay maamulka Somaliland, kuna soo wareegay Dowladda Puntland iyo Guudoomiyihii gobolkaasi ee Soomaaliland. Ujeedka kulanka qado sharafta ah ayaa daaranaa soo dhoweynta Saraakiisha Ciidamadaasi hogaaminayey oo kala ah G/Sare Xuseen Faarax Aaden (Xuseen Dheere), G/Sare Cabdirashiid Axmed Jaamac Nuur(Xayle) iyo Guddoomiyihii Maamulka Somaliland ee gobolka Sanaag Cali Xuseen Soomaali. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa bogaadiyay go’aanka taariikhiga ah ee ay qaateen Ciidamada iyo doorkii shacabka gobolka Sanaag ay muujiyeen, wuxuuna Madaxweynuhu kula dardaarmay dhammaan Saraakiisha Ciidanka inay gutaan waajibaadka Dastuuriga ah ee difaaca dalka iyo dadka. Kulanka qado sharafta ah waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Baarlamaanka Cabdixakiim Maxamed Axmed (Dhoobo-Daarood), masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda, Guddomiyeyaaĺ hore ee Golaha Wakiillada Puntland, odeyaal dhaqameed, saraakiil ciidan iyo masuuliyiin kale. PUNTLAND POST The post madaxweynaha Puntland oo la kulmay taliyaashiii ka soo baxay Somaliland appeared first on Puntland Post.
-
Haweenay 27 jir ah oo ku nool gobolka Alabama ee Maraykanka ayaa lagu soo oogay dacwad ka yaabisay dad badan , waxaana lagu heystaa in ay dishay ilmo yar oo caloosheeda ku jiray, inkasta oo aysan ahayn qofka riday xabbad caloosha kaga dhacday. Marshae Jones ayaa waxa ay dagaalameen haweenay kale oo lagu magacaabo Ebony Jemison, iyaga oo isku heystay aabaha ilmo ay caloosha ku wadday Marshae. Ebony ayaa bastoolad soo qaadatay, xabbadka caloosha kaga dhufatay Marshae, taas oo sababtay in uu kasoo dilmo uurkii. Waxaa la laalay dhammaan dacwadihii loo heystay haweenayda rasaasta riddey, waxaana taas badelkeeda dacwad lagu soo oogay haweenaydii ay xabbadda ku dhacday, ilmahana ay kasoo dilmeen. Waxaa arrintan loo cuskaday sharci adag oo la xiriira ‘ilmo soo xaaqista’, waxayna kooxaha xuquuqda aadanaha sheegayaa in sharcigan si qaldan loo isticmaalayo. Booliiska waxa ay sheegeen in maadaamaa Ms Jones ay iyadu biloowday muranka, halisna galisay ilmaheeda, in ay tahay in ay wajahdo dacwad la xiriirta soo dilista ilmo aanan weli dhalan. Booliiska waxa ay sheegeen in haweenayda kale ay ku qasbanaatay in ay is difaacdo, sidaasna rasaasta u riddey. Balse haweenaydii rasaasta riddey ayaa lafteeda la yaaban kiiska loo heysto gabadhan kale, waxayna sheegtay in wax aan ahayn dil lagu soo oogo. Qaran News
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose waxaa ka socda diyaar garowgii ugu dambeeyay ee doorashada Jubbaland, gaar ahaan soo xulista Xildhibaanada cusub ee baarlamaanka maamulkaasi. Wararka ayaa sheegaya in Ergada soo xuli laheyd Xildhibaanada saacadihii la soo dhaafeen ay gaareen magaalo xeebeedka Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose. Jubbaland ayaa xarun gaar ah dajisay Ergada, kuwaas oo amnigooda si gaar ah loo sugi doono. Ololaha doorashad ayaa ka socda Kismaayo oo ay haatan ku sugan yihiin Musharraxiin dhowr ah oo u taagan hoggaanka sare ee maamulka Jubbaland. Sidoo kale waxaa jira galan gal xoogan oo ay waddo dowladda Soomaaliya oo la sheegayo in dagaal hoose ay ku jirto maamulka haatan talada haya ee Axmed Madoobe. Dowladda federaal kaayaa Muqdisho ku marti qaatay wasiirka amniga dowlad goboleedka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Janan oo la dejiyay xarunta NISA. Sababta uu socdaalka qarsoodiga ah ugu yimid Wasiir Janaan Caasimada ayaa la aaminsan yahay inay tahay sidii ay dowladdu u heli laheyd jaanis ay qeyb kaga noqoto doorashada ka dhaceyso maamul goboleedka Soomaaloyeed ee Jubbaland . Doorashadan ayaa la filayaa in ay qabsoonto bisha August ee soo socota, iyadoo ay sanadkan ka adagtay koo hore. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Christine Syombua Oo Ah Muwaadin Reer Kenya Ah Oo Degan Somaliland Ayaa Caaddeeyey Inay Baahi Weyn U Qabaan Qunsuliyad Ay Dawladoodu Ka Furato Hargeysa, Si Ay Uga Maarmaan Socdaalka Dheer Ee Ay U Galaan Baasaboorka Dalkooda Kenya (SLT-Hargeysa)- Muwaadiniinta reer Kenya oo ku nool, kana shaqeysta Somaliland ayaa Xukuumaddooda ku booriyey inay qunsuliyad ka furato Hargeysa, si ay fursad ugu helaan inay cusboonaysiistaan Baasaboorka dalkooda isla markaana ay u helaan xafiis ay hawlahooda la socodsiiyaan. Siduu ku Warramay Wargeyska East African Business Week, oo ka soo baxa dalka Uganda oo ay maanta (shalay) soo xigatay Wakaaladda Wararka Somaliland (SOLNA), Waxa Somaliland ka shaqeysta muwaadiniin u dhashay Kenya oo tiradooda lagu qiyaasay 10 kun oo qof waxaanay dawladdooda ugu baaqeen inay furto xafiiskii qunsuliyadda ee ay sheegtay inay ku yeelan doonto Hargeysa. Christine Syombua oo ah muwaadin reer Kenya ah oo degan Somaliland ayaa caaddeeyey inay baahi weyn u qabaan qunsuliyad ay Kenya ka furato Hargeysa, si ay uga maarmaan socdaalka dheer ee ay u galaan inay helaan ama cusboonaysiistaan Baasaboorka dalkooda Kenya. Waxa kaloo uu intaasi ku daray in qunsuliyadaasi ay noqon lahayd halka ay la xidhiidhaan mar kasta oo dhibaato soo gaadho. Baaqa muwaadiniinta reer Kenya ayaa ku soo beegmay xili uu xoogaysanayo xidhiidhka Somaliland iyo Kenya, iyadoo shalayna Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya ay ka hadashay kulan uu Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaraddaasi Mr. Macharia Kamau la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda JSL Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Fartoon) oo ay sheegeen in labada Masuul ay shirkaas kaga wada hadleen danaha guud ee labada dal wadaagaan iyo sidii loo sii taabogelin lahaa cilaaqaadka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Jamhuuriyadda Kenya. Source