Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,501
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa saaka magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug ku sii jeeda taliyeyaasha ciidamada qalabka sida ee dowladdda federaalka Soomaaliya. Taliyeyaasha ciidamada Milatariga, Booliska iyo Asluubta ayaa saacaha soo socda gaari doona magaaladaasi. Caasimada Online ayaa ogaatay inuu socdaalkooda la xariiro heshiiska Ahlu-Sunna Waljamaaca iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya. Heshiiskan ayaa lagu wadaa in maanta Qalinka lagu duugo, islamarkaana la dhameystiro. Wararka ayaa intaasi ku daraya in taliyeyaasha ciidamada ee ka socda dowladda federaalka ay la wareegi doonaan ciidamada Ahlu-Sunna si loo qareemeeyo. Sidoo kale hay’adaha ammaanka ee dowladda ayaa la wareegaya amniga magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Arrintan ayaa qeyb ka ah heshiis ay horay u wada gaareen Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo Madaxda Ahlu-Sunna Waljamaaca. Dhuusamareeb ayaa waxaa dhawaan lagu qaban doonaa shirka dib u heshiisiinta Beelaha daga Galmudug iyo doorashada guud ee maamulkaasi. Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb caasimada@live.com
  2. (SLT-Khartoum)-Iyadoo mudaaharayada Suudaan ee looga soo horjeedo millatariga xukunka dalkaasi xoogga ku qabsaday ay sii socdaan, ayaa kooxaha Islaamiyiinta waxey u muuqdaan inay la halgamayaan inay talo ku yeeshaan hanaanka siyaasadeed ee dalkaasi. Kooxaha Islamiyiinta Sudan ayaa door muuqda ku lahaa afgambigii 1989kii uu xukunka ku qabsaday Madaxweynihii 30 sandood dalkaasi soo xukumayay ee la riday Cumar Xassan al-Bashiir. Laakiin xiriirka ay Al-bashiir la lahaayeen mudada dheer ayaa ku cusleeyay xisbiyada Islaamiyiinta Sudan inay cod muuqda ku yeeshaan gorgortanka siyaasadeed ee hadda dalkaasi ka socda, waxeyse doonayaan inay qeyb ka noqdaan xukumad rayid ah oo ku meel gaar ah oo ay Sudan yeelato. Ka dib ku dhawaad mudahraadyo afar bilood ka socday Sudan oo looga soo horjeeday al-Bashiir, ayey dibad baxayaashu awood u yeesheen inay xukunka ka tuuraan bishii April ee sanadkan. Kuwii dibadbaxa hormuudka ka ahaa ayaa ku shaabadeeyay ururada Islaamiyiinta inay la jireen al-Bashiir Waxaa kaloo ay qabteen Islaamiyiinta dibad baxyo ay ku taageerayeen militariga wadankaasi xoogga ku maamula. Source
  3. Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali kheyre aya markale Magalada dhuusamareeb ka sheegay in doorasahda Madaxweynaha Galmudug ay ka dhaceyso Magaaladaas,isla markaana ay ku guuleysatay. Waxa uu sheegay in wadahadalladii uu u tegay deegaanada Galmudug iyo wadatashiyadii ay guuleysteen,isla markaana dadka Reer Galmudug ay yihiin kuwo jecel dowladnimkada,isla markaana uu ku amaanayo. “Maalmahan waxaan socdaal ku mareynay deegaano ka tirsan Galmudug,waxaana wadatashiydii aan la qaatay Madaxda & Bulshada Galmudug isla qaadanay in doorashada ay ka dhacdo Magaalada Dhuusamareeb,waxaana isugu tegi doona Dhuusamareeb Bulsho kala duwan si loo dhiso Galmudug mideysan ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kheyre. Habeen ka hor ayaa markii uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu Dhuusamareeb ka sheegay in doorashada iyo shirka dib u heshiisiinta Galmudug lagu qabanayo Dhuusamareeb ayaa waxaa si cad uga soo horjeestay Odayaasha & Waxgaradka Magalada Cadaado,kuwaas oo sheegay in Ra’iisul Wasaaraha uu uga baxay balan uu la galay. Xaalada Galmudug ayaanan weli xasilin, iyada Ra’iisul Wasaare Xasan Cali kheyre uu weli ku sugan yahay Magalada Dhuusamareeb,waxaana dadka Siyaasada falan qeeya ay sheegeen in xalka Galmudug uusan aheyn mid dhow. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  4. Chinese smart card manufacturer XH Smart Tech (China) Co., Ltd. said on Monday that it plans to roll out its innovative financial digital platforms in East Africa. Source: Hiiraan Online
  5. Police are to crackdown on bureaux de change and currency transfer businesses in London suspected of being used to launder drugs money - as part of a bid to stem the surge in street violence. Source: Hiiraan Online
  6. Wararka laga helayo koonfurta magaalada Gaalkacyo ee Galmudug ayaa sheegaya in uu halkaasi ku geeriyooday taliyihii Saldhiga Koonfurta Gaalkacyo Cawil Nuur Rooble oo gelinkii dambe ee shalay ku dhaawacmay qarax lagu xiray gaarigiisa. Taliyaha ayaa gaarigiisa la qarxay shalay galab xilli uu marayey jidka Soddonka ee koonfurta magaalada Gaalkacyo waxaana qaraxaasi ka soo gaaray dhaawac culus iyadoo markiiba loola cararay isbitaalka halkaasi oo la xaqiijiyay in uu ku geeriyooday. Ciidamada Amniga Galmudug oo hawlgallo ka sameeyay xaafadaha magaalada ayaa sheegay in aysan weli cidna u qaban balse malayshiyaadka Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxaasi. PUNTLAND POST The post Taliyihii Saldhiga Koonfurta Gaalkacyo oo u geeriyooday qaraxii shalay appeared first on Puntland Post.
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa kumanaan doolar ku iibisay dhul danguud ah oo ku yaala degmada Dayniile ee gobalka Banaadir, sida ay ogaatay Caasimada Online. Dhulkaan oo ah qayb kamid ah Isbitaalka Xoogga dalka islamarkaana ahaa barxad weyn oo ah dhul danguud ah kuna taalla dhabar-ka dambe ee Isbitaalka ilaa bisha Cas ayaa laga iibiyay ganacsato Soomaaliyeed. Saraakiil ka tirsan Ciidamada Xoogga oo ka daggan Isbitaalka ayaa Caasimada Online u sheegay in dhulkaan oo muhiim u ah dowladda dhowaan laga iibiyay dad ganacsata ah waxaana arintaan ka shaqeeyay Maamulka Degmada Deyniile ee gobalka Banaadir. Dowladda Soomaaliya ayaa dad badan u xirtay falal la xariira musuq maasuq islamarkaana waxay amar ku bixisay in la soo celiyo hantida danta-guud oo ay ugu horreyso dhulka iyo hantida kale ee ma guurtada ah. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa la sheegay in uu wax ka ogaa iibinta dhulkaan. Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Deyniile ayaa sidoo kale Caasimada Online u xaqiijiyay in dowladda Soomaaliya ay iibisay dhulka barxadda ah ee ku yaala dhabar-ka dambe ee Isbitaalka Xoogga islamarkaana ku eg ilaa xarunta Bisha Cas ee agagaarka Isbitaalka. Arintaan waxay qayb ka tahay musuq maasuq la sheegay in uu ka jiro xafiisyada Dowladda, waxaana maalmihii dambe isa soo tarayay wararka sheegaya in dowladda Soomaaliya ay bilaawday bixinta iyo iibinta dhulkii danta-guud ah oo waligeyd sheegi jirtay in ay ilaalin doonto. Sidoo kale arintaan ayaa waxaa lagu sababeeyay in dowladda Soomaaliya ay baahi weyn u qabto dhaqaalo xoog leh maadaama uu gaba-gabo marayo waqtiga dowladda islamarkaana ay doonayaan madaxda Qaranka in ay dib ugu soo laabtaan hogaanka Dowladda Soomaaliya. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  8. Guddiga Xali u helidda dhacdadii koonfurta magaalada Gaalkacyo ee lagu laayay dadka ka soo jeeda koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle ayaa kadib kulamo kala duwan oo ay la yeesheen mas’uuliyiinta iyo madax-dhaqameedka koonfurta Gaalkacyo waxay ka soo saareen war-saxaafadeed ka kooban dhowr qodob. Guddiga ayaa sheegay in ay cabashooyin ka dhegaysteen shacabka ka soo jeeda Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle ee ku nool degaannada Galmudug kuwaasi oo sheegay in markii Al-shabaab dhibaato ka geysato Galmudug lagu shaabbadeeyo bulshada ka soo jeeda Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle. Guddiga ayaa sheegay in iyagoo ka duulaya cabashadaasi ay soo jeediyeen in shacabka ka soo jeeda degaannada koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle ay nabadgelyada kala shaqeeyaan mas’uuliyiinta iyo laamaha amniga dowlad goboleedka Galmudug. Sidoo kale in shacabka ka soo jeeda Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle laga joojiyo argagixisada lagu shaabadeynayo iyo eedaymaha loo jeedinayo ee la xiriira in ay gacan-siiyaan malayshiyaadka Al-shabaab ee dhibaatada iyo nabad-gelyo xumada ka sameeya gudaha dowlad goboleedka Galmudug. Waxaa kale oo guddigu soo jeediyay in bulshada ka soo jeeda Koonfur Galbeed iyo Hirsahabeelle ee ku nool degaannada Galmudug ay samaystaan guddiyo maamulka Galmudug kala shaqeeya nabadgelyada Degaanka. PUNTLAND POST The post Guddigii loo xil saaray dhacdadii dadka lagu laayay ee Gaalkacyo oo qodoba soo saaray appeared first on Puntland Post.
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Ganacsadaha caanka ah ee Bashiir Raage Shiiraar, sidoo kalane ka tirsanaa hogaamiye kooxeedyadii Soomaaliya ayaa fariin hanjabaad ah u diray dowladda Kenya oo muran gelisay qayb kamid ah Badda Soomaaliya. Bashiir Raage Shiiraar oo caan ku ahaa dagaaladii Soomaaliya ee Isbaheysigii la dagaalanka Argigixisada ayaa sheegay in dowladda Kenya ay ku jirto riyo maalmeed laakiin ay ka dhaxli doonto in ciidanka Soomaaliyeed ay ka soo jeestaan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya. “Dadka waxay riyoodaan markii ay hurdaan habeenkii laakiin Kenya waxay riyooneysaa maalin cad oo barqa ah balse waxay ka toosi doontaa markii ay Ciidanka Soomaaliyeed ka soo jeestaan Nairobi” ayuu yiri Ganacsade Bashiir Raage Shiiraar oo ka hadlay damaca Kenya ee Badda Soomaaliya. Dhamaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan siyaasiinta, masuuliyiinta qaranka ee xilalka haaya iyo kuwii hore ayuu ka dalbaday in loo midoobe damaca iyo riyo maalmeedka Kenya oo halis ku ah Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay Bashiir Raage Shiiraar. “Qof kasta oo Soomaali ah waxaan kula talinayaa in xoog iyo fikir wixii uu haayo uu kaga qayb qaato iska celinta dowladda Kenya” ayuu yiri Bashiir Raage oo markii ugu horreysay ka hadlay xiriirka aan wanaagsaneen ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya. Dhinaca kale Bashiir Raage Shiiraar ayaa ka hadlay xaaladda Soomaaliya ee dhanka ammaanka iyo siyaasadda isagoo sheegay in ay Soomaaliya ku jirto xaalad soo kabasho ah. “Soomaaliya waxay ku jirtaa soo kabasho amaanka iyo siyaasadda ah, wax kastana labadaas ayaa laf dhabar u ah” ayuu yiri Bashiir Raage. “dhaqaalo xumo ayaa jirta laakiin waa laga bixi doonaa waa in la samara” ayuu hadalkiisa sii raaciyay siyaasiga iyo ganacsadaha caanka ah ee Bashiir Raage Shiiraar. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  10. The newest firefighters in St. Paul and Minneapolis graduated Friday, including two men who will be the first Somali-American firefighters in St. Paul and possibly the state and nation. Source: Hiiraan Online
  11. Sudanese protest leaders called for a one-day nationwide "civil disobedience" campaign on July 14, in an announcement on Monday a day after they organised mass protests against the ruling generals that rocked the country. Source: Hiiraan Online
  12. Gudiyadii loo saaray xal u helidda dilalkii ka dhacay xaafadda Baraxley ee Koonfurta Galkacyo kana socdey golayaasha barlamaanka Soomaaliya ayaa waxa ay war ka soo [...] Source
  13. DUBAI/VIENNA (Reuters) - Iran announced on Monday it had amassed more low-enriched uranium than permitted under its 2015 nuclear deal with world powers, drawing a warning from U.S. President Donald Trump that Tehran was “playing with fire.” Source: Hiiraan Online
  14. Conflict and disaster have shaped the lives of the Somali people for the last 30 years. Now, a new initiative is helping women to develop their own businesses – making them and their families more resilient to any future upheaval. Source: Hiiraan Online
  15. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada casho sharaf lagu maamusayo toddobaadka xorriyadda ugu sameeyay diblomaasiyiinta iyo danjirayaasha dalalka aan saaxiibbada nahay ee ka hawlgala Muqdidsho. Madaxweynaha oo hadal kooban munaasabadda ka jeediyay ayaa ka sheekeeyay sooyaalka Soomaaliya iyo marxaladdii adkayd ee dalku soo maray isaga oo hoosta ka xarriiqay in waddanku uu hadda cagta saaray dhabbada xasilloonida iyo horumarka. Madaxweynaha ayaa xusay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay tixgeliso saaxiibtinnimada ay dalalka caalamka la leedahay isaga oo sheegay inuu ku kalsoon yahay horumarka iyo dib u soo kabashada Soomaaliya inta ay dowladdu garab ka helayso shacabka Soomaaliyeed ee adkaygsiga badan iyo saaxiibbada caalamka. Madaxweyne Farmaajo ayaa marti sharafta uga warbixiyay dadaallada ay dowladdu ugu jirto sidii Soomaaliya loo gaarsiin lahaa horumar waara isaga oo la wadaagay siyaasadaha hor-tabinta u leh dowladda ee dhinacyada amniga, hannaanka maaliyadda iyo siyaasadda loo dhan yahay. “Sida aad ka warqabtaan, Soomaaliya waxay sannadihii la soo dhaafay samaysay horumar xawli ah, waxaana ku faraxsanahay inaan idin la wadaago in dowladdaydu ay gaartay guullo waaweyn intii aan talada hayay. Dhanka dhaqaalaha, Soomaaliya waxay horumar la taaban karo ka samaysay la dagaallanka musuqmaasuqa, sare u qaadidda dakhliga gudaha iyo buuxinta shuruudaha dayn cafinta ee Hay’adda Lacagaha Adduunka oo meel fiican maraya.” Madaxweynaha ayaa dalalka saaxiibka la ah Soomaaliya uga mahadceliyay sida hagar la’aanta ah ee ay u garab taagan yihiin ummadda Soomaaliyeed isaga oo sheegay in dowladda ay ka go’an tahay xoojinta iskaashiga iyo xiriirka ay la leedahay guud ahaan Beesha Caalamka. Munaasabadda casho sharafta waxa sidoo kale ka qaybgalay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Murshal Sheekh Cabdiraxmaan, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle (Xaaf), Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow), Wasiirka Warfaafinta ahna Guddoomiyaha Guddiga Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), xubno ka tirsan Golaha Xukuumadda iyo Baarlamaanka, Taliyeyaasha iyo Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo casho lagu maamusayo 1-da Luulyo u sameeyay diblomaasiyiinta shisheeye appeared first on Puntland Post.
  16. Somalia protested formally to Kenya, the foreign ministry in Mogadishu said Monday, after Nairobi referred to the self-proclaimed Republic of Somaliland as a country. Source: Hiiraan Online
  17. Dhuuso-mareeb (Caasimada Online) – Xog dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa heshiiska ay gaareen ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre iyo kooxda Ahlu-Sunna ee lagu qarameenayo ciidamada kooxdaas. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in heshiiskan uu yahay mid Ahlu-Sunna kaga siyaasad badisay dowladda dhexe, islamarkaana marka la eego habka loo dhigay uu yahay mid wax walba sidooda ahaan doonaan, balse ay Ahlu-Sunna ku heli doonto lacag. Hehsiiska ayaa la sheegay inuu yahay in Ahlu-Sunna ay ciidamadeeda iyo hubkeedaba haysan doonto balse magac ahaan la hoos gayn doono dowladda, si ay mushahar ugu hesho. Waxaa sidoo kale la isla gartay in taliyayaasha hadda maamula ciidanka Ahlu-Sunna ay sidooda u joogi doonaan laakiin taliyaha guud laga soo magacaabi doono Muqadisho. Taliyaha imaan doona ayaa lagu sheegay in uu noqdo shaqsi “caqiidadiisa wanaagsan tahay”, taas oo macnaheedu yahay in uu noqdaa taliye aaminsan caqiidada kooxda Ahlu-Sunna, xulashadiisana ay qayb ku leedahay. Sida ana xogta ku helnay Ahlu-Sunna ayaa heshiiskan gashay ayada oo qorshaheedu yahay in ciidankeeda ku joogo magaca dowlada fedraalka, ay si dowlada dhexe ay u bixiso mushaarka ciidamada. Ahlu-Sunna ayaa sidoo kale diiday in ciidamada kale ee dowladda ee guutada 21-aad lagu soo diro ciidamadeeda. Isku soo duuboo, waxay u muuqataa in Ahlu-Sunna ka cayaar siyaasad badisay Kheyre, oo arrimo badan oo dowladda aan dan u ahayn ogolaaday, si uu u xaqiijiyo in safarkiisa gobollada dhexe aan loogu qeexin mid fashil kusoo dhammaaday. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa diiday inuu aqbalo codsi kaga yimid madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Faraamjo oo ku aadanaa doorashada dhowaan ka dhaceysa Galmudug. Xaaf oo Muqdisho soo gaaray axaddii ayaa la kulmay Farmaajo, waxaana loo soo bandhigay laba qodob oo mid uu yahay; inuusan isku so sharaxin doorashada dhawaan la filayo inay ka dhacdo Galmudug, iyo kan labaad oo ahaa inuu dowladda kala shaqeeyo inay dhacdo doorashadaas. Xaaf ayaa aqbalay qodobka labaad ee ku saabsan la shaqeynta dowladda ee dhanka doorashada, hase yeeshee wuxuu ku gacan seeray kan ah, inuusan isa soo sharxin. Sida aan xogta ku helnay, Xaaf ayaa madaxweynaha u sheegay inuusan codsigiisa ku aqbali karin kulanka, balse go’aankiisa uu waqti siin doono, islamarkaana uu si rasmi ah u shaacin doono waqti kale. Waxaa jiro heshiis maaliyadeed oo ay horey ugu balameen dowladda Soomaaliya iyo Madaxweyne Xaaf, kaasi oo ku saabsanaa in Xaaf uu aqbalo inay doorashado dhacdo, waxaana Xaaf uu dalbaday fulinta ballan qaadkaas ka hor inta aan loo gudbin fulinta qodobka ku saabsan is-sharaxaaddiisa. Sida ilo xog ogaal ah oo u dhow Xaaf inoo xaqiijiyeen, Madaxweyne Xaaf ayaa la filayaa inuu maalmaha soo socdo dowladda Soomaaliya ka qaato lacagtii lagu heshiyey oo keentay inuu aqbalo doorashada Galmudug. Lacagtaas ayaa qiyaas ahaan lagu sheegay inay tahay mid u dhaxeyso 2 illaa 3 milyan oo dollar, waxaana lacagtaas qeyb ka ah lacagihii horey looga xayiray maamulka Galmudug oo hadda loo isticmaalayo in Xaaf uu ogolaado doorasho iyo inuu magacaabo guddi doorashada oo ay raali ka tahay dowladda Soomaaliya. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  19. Somaliland: Foreign Workers Physically Assualted By Locals Some foreign workers in Berbera, who according to sources are employed by DP World Berbera were assualted by an angry crowd of local inhabitants of the city. These attacks occurred after a few days of protest by former workers of the Berbera port who are angry about the continuing recruitment of foreign workers from the Indian sub-continent, in particular, Bangladesh, by DP World. These disgruntled former Berbera port workers have been protesting the loss to jobs to foreign workers, and the increasing cost of living brought about by the influx of the contracted workers and their spending power. According to informed sources within the Somaliland ministry of Labour, two companies had been granted license to recruit foreign workers by the minister, Hinda Jama. The fees paid by theses two companies, have allegedly, according to sources been deposited in to the minister’s personal account. The Somaliland Police force managed to restore some semblance of order, before the unfortunate workers suffered more serious injuries. The injured have been taken to the medical clinic operated by DP World in Berbera. There has been no comment from both the Somaliland ministries of Home Affairs and Labour. Qarannews.com Qaran News
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Maxamed, oo xalay khudbad ka jeediyay xuska 1-da Luuliyo, ayaa sheegay in uu wada-hadallo la gelayo maamulka Somaliland oo khilaaf xuduudeed kala dhexeeyo Puntland, haddii dhankooda laga helo. Madaxweynaha ayaa sheegay in Puntland ay wada-hadal diyaar ulaa tahay cid kasta oo Soomaaliyeed, haddii ay koonfur ahaan lahayd iyo haddii ay waqooyi ahaan lahaydba, si loo dhammeeyo khilaafaadka jira. “Hadday tahay waqooyi iyo hadday tahay Koonfur iyo Galbeed cid kasta oo diyaar u ah in lala hadlo diyaar baan u nahay in aan la hadalno” ayuu yiri madaxweynaha Puntland. Sidoo kale madaxweynaha Puntland ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ugu baaqay in ay dhex-dhexaad ka noqoto doorashooyinka dowlad goboleedyada Galmudug iyo Jubaland, si uusan uga raacin magacii xumaa ee ka raacay doorashadii Koonfur Galbeed Soomaaliya. “Waxaan aad u rajaynayaa in ay aad uga fiirsato in magacii xumaa ee meela ka raacay uuna dib dambe u raacin oo ka istaagto dhex dhexaad” ayuu yiri Siciid Deni. Waxaa kale oo uu Galmudug iyo Jubaland ugu baaqay in ay wax ka bartan doorashadii Puntland oo si xor ah loogu tartamay, isagoo uga digay in xoog wax lagu raadiyo. Halkaan ka daawo khudbaddiisa oo dhan Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  21. Mogadishu (AFP) – Somalia protested formally to Kenya, the foreign ministry in Mogadishu said Monday, after Nairobi referred to the self-proclaimed Republic of Somaliland as a country. Somaliland declared its independence in 1991 but is not recognised by the international community, which considers it an autonomous region of Somalia. Kenya invoked the ire of its war-torn neighbour last week after referring in a tweet to a meeting with Somaliland officials as covering “issues of mutual interest to both countries”. Somalia’s foreign ministry said it summoned Kenya’s ambassador on Sunday and presented him a note of protest about the “offensive tweet”. “We consider this tweet an affront to Somalia’s sovereignty, unity and territorial integrity as well as harmful to the relationship between Somalia and Kenya,” the foreign ministry said in a statement. “Somalia stands for good-neighbourliness, mutual respect and close cooperation with its neighbours, and expects the same from Kenya.” Formerly a British protectorate, Somaliland merged with former Italian Somaliland in 1960 to create Somalia. But it seceded and declared itself independent in 1991 as Somalia plunged into chaos after the fall of autocrat Siad Barre. Somaliland has been pushing for independence ever since. It has its own government based in the self-appointed capital of Hargeisa, its own army and prints its own currency. It is also considered much more stable than the rest of Somalia, which is plagued by clan disputes, corruption and a violent insurgency waged by the Al-Shabaab militant group. Ties between Kenya and Somalia have cooled considerably in recent times. In February, Somalia accused Kenya of auctioning oil and gas fields in a disputed maritime area. The feuding neighbours have taken that spat to The Hague, where the UN’s highest court is expected in September to start hearing both sides in the border disagreement. More recently, Kenya decided to suspend direct flights from Mogadishu to Kenya, requiring passengers to stop first in Wajir, a Kenyan town near the Somali border, for security screening. Somalia’s foreign ministry said it summoned Kenya’s ambassador on Sunday and presented him a note of protest about the “offensive tweet”. “We consider this tweet an affront to Somalia’s sovereignty, unity and territorial integrity as well as harmful to the relationship between Somalia and Kenya,” the foreign ministry said in a statement. “Somalia stands for good-neighbourliness, mutual respect and close cooperation with its neighbours, and expects the same from Kenya.” Formerly a British protectorate, Somaliland merged with former Italian Somaliland in 1960 to create Somalia. But it seceded and declared itself independent in 1991 as Somalia plunged into chaos after the fall of autocrat Siad Barre. Somaliland has been pushing for independence ever since. It has its own government based in the self-appointed capital of Hargeisa, its own army and prints its own currency. It is also considered much more stable than the rest of Somalia, which is plagued by clan disputes, corruption and a violent insurgency waged by the Al-Shabaab militant group. Ties between Kenya and Somalia have cooled considerably in recent times. In February, Somalia accused Kenya of auctioning oil and gas fields in a disputed maritime area. The feuding neighbours have taken that spat to The Hague, where the UN’s highest court is expected in September to start hearing both sides in the border disagreement. More recently, Kenya decided to suspend direct flights from Mogadishu to Kenya, requiring passengers to stop first in Wajir, a Kenyan town near the Somali border, for security screening. Qaran News
  22. Beledweyne (Caasimada Online) – Weli waxaa taagan xiisadii ka dhalatay xilka qaadistii uu madaxweynaha Maamulka Hir-Shabelle Maxamed Cabdi Waare ku sameeyay guddoomiyihii gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) hase yeeshee uu kasoo horjeestay xilka qaadistaas. Xubno ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya iyo Xildhibaano iyo wasiiro ka tirsan Hir-Shabeelle ayaa ku guda jiray xalinta xiisadaas, waxaana ay ku dhawaaqeen inay fashilmeen wdahdaladaas, kadib kulamo maalmihii la soo dhaafay ka socday Baladweyne. Wasiir ku xigeenka beeraha Hir-Shabeelle Xildhibaan Maxamed Bashiir Qaasim (Daqare) iyo Xildhibaan Cabdiwaaxid Axmed Cumar Wadaad Yare oo shir Jaraa’id ku qabteen Baladweyne ayaa waxaa ay sheegeen in 20 Maalin kadib aan wax natiijo ah laga gaarin xalinta xiisadii ka dhalatay xilka qaadistii Guddoomiyihii Gobolka Hiiraan. Waxaa ay ugu baaqeen Madaxweynaha Soomaaliya, Ra’iisul Wasaare kheyre iyo Xildhibaanada labada Aqal Gobolka Hiiraan ku matala iany xiisadaas soo farageliyaan, isla markaana xiisada ay haatan mareyso meeshii ugu xumeed. Hoos ka dhageyso shirka jaraa’id ee xildhibaanada maamulka Hir-Shabelle. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  23. 23-kii Feb 1997, 7:30 subaxnimo ayaa Guriga Shaqaalaha oo ahaa goobtii foodku ka dhacayey lagu soo sunsumay oo la isugu yimi. Cismaan oo maalintaas Guriga Shaqaalaha joogey ayaan wax ka weydiiyey sidii wax u dhaceen, yidhina, “Maxamuud Xaashi Cabdi oo markaas dambe maamulka ololaha u qaabbilsanaa Saleebaan ayaa ka hor tegey Saleebaan oo gaadhi ka soo degaya, kuna odhanaya, ‘waa la ina wataa’. Saleebaan baa yidhi, ‘oo maxaa dhacay?’ Maxamuud baa ugu jawaabey, “xalay baa ergooyinkii muska looga dhacay oo la dareersaday’, Saleebaanna ugu warceliyey, ‘oo ma iyadaa khudbaddii guuldarraduba ii qoran, tii guusha uun baan sitaaye, maxaa la yeelayaa?’ 300 oo ergooyin ah ayaa shirkaas ka soo qayb galay. Codbixintii oo gacan-taag ah ayaa la galay. 91 cod oo keli ah ayuu Saleebaan Maxamuud Aadan helay. Cismaan Abokor oo khudbaddii guusha ee Cigaal ka mid ahaa dadkii tooska u dhegeysanayey ee Cigaal hor fadhiyey ayaa yidhi, “Cigaal waxa uu akhriyey khudbad dheer oo qayb ka mid ah uu kaga hadlayey raaskiisa Reer Qaasaalli, isaga oo dhinaca kalena madasha u sheegay in 91 ka ergey ee Saleebaan u foodety yihiin muwaaddiniin xalaal ah, waayo buu yidhi, ‘inta kale lacag bay iga qaateen’. Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo markii labaad ku guuleystey doorashadaas madaxweynennimo, waxa madaxweyne ku xigeen u noqday Daahir Riyaale Kaahin, waxanu Cigaal soo dhisay xukuumaddii ugu cuslayd marka la eego ragga uu soo xushay, uguna dheellitirka wanaagsanayd marka la eego xukuumadihii ka horreeyey iyo kuwii ka dambeeyey ilaa eeggan. Waxa uu guddi u saaray ka soo baaraandegta shuruudaha lagu soo geli karo golaha wasiirrada. Golihiisa wasiirrada ee Cigaal soo xushay 1997: 1. Maxamuud Saalax nuur, AHN: Arrimaha Dibedda 2. Maxamed Cabdi Gaboose: Arrimaha Gudaha 3. Axmed Maxamed (Siilaanyo): Maaliyadda 4. Rashiid Xaaji Cabdillaahi: Gaashaandhigga 5. Prof Daahir Maxamed Yuusuf: Waxbarashada 6. Maxamed Siciid Gees: Qorshaynta 7. Yaxye Xaaji Ibraahim: Beeraha 8. Dr Maxamed Muuse Cawaale: Deegaanka 9. Cumar Maygaag Samatar: Warfaafinta 10. Dr Axmed Xaashi Oday: Xannaanada Xoolaha 11. Eng Axmed Maxamed Biixi: Macdanta iyo Biyaha 12. Prof Maxamed Cabdi Dhimbiil (Galbeedi): Caddaaladda 13. Eng Yuusuf Caynab, AHN: Hawlaha Guud 14. Cabdillaahi Xuseen Iimaan (Darawal): Dib-u-dejinta 15. Maxamed Qaasim: Ganacsiga 16. Jaamac Saalax Axmed, AHN: Madaxtooyada 17. Cali Sh. Ibraahim Aaraye: Dhaqanka iyo Ciyaaraha 18. Cabdillaahi Maxamed Ducaale: Gaadiidka Cirka iyo Badda 19. Dr Cabdi Aw Daahir, AHN: Caafimaadka 20. Sheekh Maxamed Aayatullaahi: Diinta iyo Awqaafta. Sida ka muuqata xukuumaddan uu Cigaal soo dhisay waxa ku jira xubno wasiirro ah oo culculus oo ka mid ahaa garabkii taageersanaa Saleebaan Maxamuud Aadan si uu isugu hayo dadka iyo dalka, taasi oo muujinaysa bilayska iyo ballaadhnidii siyaasadeed ee Cigaal. Marka la eego tayada iyo waaya-aragnimada nimankaas wasiirrada noqday haddana maxsuulkii hoggaamintooda ka soo baxay waxa u yeeshay saluug badan, wax naf lehna hore uma ay dhaqaajin hawlihii u yaalley oo ay ugu muhiimsanayd noolaynta iyo xoolaynta wasaaradihii ay gacanta ku hayeen. Sababaha ay taasi u dhacdayna waxa lagu tiriyaa jug weyn oo dhaqaale oo waddanka ku dhacday markii la joojiyey dhoofintii adhiga ee Sucuudiga xilligii cudurka Rift Valley Desease oo meelo Afrika ah la sheegay in uu ka dillaacay, xoolaha Soomaalidana la yidhi cudurkaas ayay qabaan. Arrintaasi waxa ay waddanka ku keentay dhaqaale burbur xoog leh. Sababta labaad waxa loo aaneeyaa curyaamin siyaasadeed, amni iyo dhaqaale oo ka yimi mucaarid xoog leh oo xukuumadda cusub culays ku keenay sida isbahaysigii SNM iyo golihii salaadiinta iyo cuqaasha oo wakhti dambe (2001) oodaha jabsaday. Raggii xukuumadda culayska saaray ee SNM ahaa, waxa ka mid ahaa: 1. Xasan Ciise Jaamac 2. Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax 3. Muuse Biixi Cabdi 5. Maxamed Kaahin Axmed 6. Ibraahim Cabdillahi (Dhegaweyne 7. Saleebaan Maxamuud Aadan 8. Xuseen Axmed Caydiid 9. Dayib Gurey, AHN 10. Abokor Cabdi Xaalays, AHN iyo rag kale oo badan. Xukuumaddii cusbayd waxa ay gashay suti xodayood oo dhinaca siyaasadda ah iyo xaalad gunti giijis ah oo dhinaca dhaqaalaha ah. Waxa kale oo doorashadaas ka dib dhacay khilaaf weyn oo kala irdheeyey madaxweyne Cigaal iyo in badan oo ka mid ah odayaashii iyo siyaasiinyiintii Harti Waqooyi, markii dambena sii kala durkiyey Somaliland iyo Harti Waqooyi. Iyada oo awel hore tabashada Harti Waqqyi ee dhinaca saami-iyo-awood-qaysigu mar walba miiska taalley ayaa waxa soo kordhay in madaxweynuhu odayaasha degaankaas ka dhegeysan waayey wixii talo ahaa ee degaannadooda iyo dadkooda ku saabsanaa. Saluuggii waa uu weynaadey oo waxa abuurmay dareen dib u gurasho ah oo ay odayaashu kaga go’ayaan Somaliland. Taasi waxa ay keentay in siyaasiin iyo odayaal badan ka baxaan daaradda Somaliland oo wax ka yagleelaan maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland ee laga aasaasay 1998. Garaad Cabdiqani Garaad Jaamac, AHN, garaaddo iyo odayaal uu ka mid yahay ayaa Somaliland ka baxay oo Puntland wax ka dhisay. Garaad Cabdiqani waxa uu ka mid ahaa hormoodkii nabadaynta Somaliland lugta weyn ku lahaa. Waxa uu nabadaynta iyo isu soo jiidka Reer Waqooyi ka soo bilaabay Muqdisho 1989 sidii aynu meelo kale ku xusnay ee uu ilaa SNM ugu tegey Gawlallaale iyo Balli-gubadle. Waxa uu ka mid ahaa salaadiintii ka hawl gashay nabadaynta beelaha bariga Somaliland ee Isaaq iyo Harti Waqooyi. Waxa uu ka mid ahaa salaadiintii saxeexday baaqii shirkii Burco ee la soo noqoshada madaxbannaanida. Waxa kale oo uu ka mid ahaa salaadiintii ka shaqaysay abaabulkii shirkii nabadaynta beelaha Somalind iyo dawlad u yagleelka ee Boorame. Waxa ka saaray Somaliland ee Puntland oo la yabyabayo geeyey wax sahlan ma ahayn, waana in maanta taas jawaab loo helaa, innaga oo marag ka ah oo aragna heshiisyadii Khaatumo iyo Somaliland ee dhowaa sida ay u sii ibo-gammuurmayaan, meelo dambe ayaynu tan kaga sii hadli. Muxuu se yidhi Faarax Nuur, AHN? Rag kaa tegey rafiiq nimaad tihiin talo lagaa reebay Qalbigaan ku sii rabin indhaha la lama sii raaco! La soco qaybta 23aad, HAI, oo ku saabsan qulqulatooyin siyaasadeed oo soo foodsaaray xukuumaddii Cigaal iyo werwer la jaanqadayey oo la xidhiidha tallaabooyin dhinaca taban loo qaaday. Qaran News
  24. A body was found in a south London garden after a man is believed to have fallen from a plane. Source: Hiiraan Online