-
Content Count
212,105 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Afhayeenka Dagaalamayaasha Al-Shabaab Sheekh Cabdil caziiz Abuu Muscab oo qabtay shir jaraa’id oo lagu faafiyay Baraha Internetka Al Shabaab ayaa uga warbixiyay howlgalladii ugu dambeeyay ee ay Dagaalamayaashoodu ka fuliyeen Gobolka Waqooyi Bari Iyo Soomaaliya. Sheekh Abuu Muscab, wuxuu si gaar ah usoo hadal qaaday howlgalladii u dambeeyey ee maalmihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanada Gobolka Waqooyi Bari ee ay ka arrimiso dowladda Kenya, isagoona ka hadlay khasaaraha ka dhashey weeraradaas. Wuxuu xusay in illaa 5 Howlgal oo kala duwan ay halkaas ka fuliyeen kuna dileen inkabadan 10 Askari oo Kenyan ah , sidoo kale ay ku soo qafaasheen illaa 3 Askari oo Kenyan ah iyo Saanad dagaal. Wuxuu sidoo kale Afhayeenku soo hadal qaaday qaraxyadii Maalin ka hor ka dhacay magaalada Muqdisho, kuwaas oo uu sheegay in ay gallaafteen nolosha inkabadan 50 xubnood oo katirsan dowladda federaalka Somalia sida uu Hadalka u dhigay. Ugu dambeyn Afhayeenka Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa ka hadl howlgal uu ku sheegay mid gaar ah oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo kaas oo lagu dilay sarkaal lagu magacaabo Cali Dhiif oo katirsanaa sirdoonka maamulka Galmudug. Sarkaalkaan Lagu Magacaabi jiray Cali Dhiif ayaa ah Sarkaalkii dilkiisa kadib Maleeshiyo ku heyb ahayd ay ku laayeen dad fara badan oo aan waxba galabsan kuwaas oo ku sugnaa Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug View the full article
-
Muqdisho ( SMN):-Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/06/Warka-Subax-170619.mp3 View the full article
-
Qiyamka bulsho leedahay ayaa waxa ka dhasha hab-dhaqanka siyaasadeed ee bulshadaasi ku dhaqmayso. Hab-dhaqanka siyaasadeed ee bulsho kastana waxay leedahay xeerar iyo hagayaal gundhig ay u yihiin qiyamka guud ee bulshadaasi. Waxmataraha kurisga madaxtinimada ku fariista ama derejada uu bulsho hoggaaminayo gaara, waxaa is dabooli waaya markasta, shaqada siyaasadeed ee laga rabo iyo falcelintiisa oo noqota falal aan ku habboonayn shaqada uu hayo. Maadaama madaxtinnimadu ama hoggaaminta bulsho ay u baahan tahay xirfad gaar ah, awood hoggaamineed iyo tilmaamo ku habboon kursiga uu kufariisanayo qofkaasi. Waxmatare-nimada siyaasadeedna waxay kamid tahay cudurrada naafeeya shaqada siyaasadda, qofka waxmataraha ahna labo ayuu mid yahay, doqon ama mid is doqonaysiinaya. “Qofka caadiga ah (aan xil gaar ah hayn), dadka wuxuu ula dhaqmaa isaga oo isu muujinaya inuu yahay; qof Caqli-badan, Xikmad-badan, Waddani ah, Geesi ah, Aqoonyahan ah, Halyey ah, Naftiis-hure ah Iwm. Balse marka uu qofkaasi ku fariisto kursi bulshado loogu adeegayo (Kursiga madaxtinnimada), waxaa soo baxda waxmatare-nimadiisa (Doqonnimadiisa).” Maadaam madaxtinnimadu leedahay soo jiidasho iyo bidhaan wanaagsan, bulsho kastaana waxay leedahay waxmatare doonaya in uu kursigaas madaxtinnimada ku fariisto. Waxmatare-nimada Siyaasadeed, loolama jeedo doqonnimo iyo nuqsaan caqli-ahaan uga muuqata qofkaas kursiga madaxtinnimada ku fadhiya, balse waa qofka oo kursi bulsho loogu shaqaynayo ku fariista isaga oo aan awooddeedii xirfadeed lahayn. Haddab, sida sooyaalku ka markhaati kacayo, waxaa jira habab fudud oo waxmataruhu xukunka ku gaaro. Waxaana kamid ah:- DHAXALTOOYO: Waxayna u qaybsantaa Labo qaybood oo kala ah: B) Dhaxaltooyo Toos ah: arrintaani waxay ka dhacdaa inta badan maamullada nidaamkooda siyaasadeed uu ku dhisan yahay ‘‘Nidaamka Boqortooyada’’. Nidaamkaani wuxuu fursad siinayaa qof aan aqoon, waayo-aragnimo iyo xirfad kale ee hoggaamineed aan lahayn in uu aayaha ummad dhan ka taliyo, maadaama uu yahay dhaxal-sugaha sharciga ah ee nidaamkaas ama dowladdaas. Habkaan ayaa ah hab fudud oo qof walba uu xukunka ku gaari karo. T) Dhaxaltooyo Maldahan: habkaan waxaa kaloo loo yaqaan ‘Dhaxaltooyo aan Toos ahayn’; waxay inta badan ka dhacdaa dalalka Nidaamka Jamhuuriga ah ku dhaqma. Tusaale; markii uu dhinto Madaxweyne, dadkii ku hareereysnaa waxay soo jeedinayaan ama ka shaqaynayaan, iyagoo dantooda gaar ah ka dhex arkay in wiilka Madaxweynaha geeriyooday ama cid ay isku hayb yihiin xukunka ay la wareegaan. Iyagoo marin habaabinaya doonitaanka bulshada kana been abuuranaya doorashada. 2.Kuxigeen-nimo: Siyaabaha fudud ee qof kasta oo waxmatare ah ku gaari karo xukunka waxaa kamid ah; qof Kuxigeen u ah Xaakim ama Madaxweyne gaaray yoolkii bulshadiisu higsanaysay, guulo badanna gaaray, bulshadana kalsooni buuxda ka helay. Kaas oo har iyo habeenba u soo jeeday gudashada masuuliyadda saaaran, uuna culaysinayay xilka uu sido. Qofkaas Kuxigeenka ah, wuxuu fursaddaas uu xukunka ku gaarayo ku helikaraa oo kaliya qofka uu Kuxigeenka u yahay oo meesha ka baxa (dhinta, ladilo, iscasila Iwm), isagoo halkaas magac iyo maamuus kaga raadsanaya bulshada qofkaas meesha ka baxay, maadaama uu ahaa Xaakim ama Madaxweyne waxqab leh lana jecelyahay. 3. Kacdoon aan dhammays-noqon: Habkaani wuxuu kamid yahay siyaabaha ugu layaabka badan ee waxmataruhu xukunka kugaaro. Kacdoonada aan dhammayska noqon waxaa loola jeedaa; kacdoon aan lagaarin yoolkii laga lahaa isla markaasna natiijadii laga doonayey aaney kasoo bixin. Sida sooyaalka aad ka arki kartaan, kacdoonadaas kadib dadku way niyad-jabaan, wey isdhiibaan, qalalaase, baqdin iyo cabsi ayaana wehel u noqota. Taasi waxay keentaa in bulshadaasi ay aqbalaan qofkasta oo nabad-gelyadooda damaanad qaadikaraya, iyaga oo aan eegin qofkaas sooyaalkiisa, afkaartiisa iyo hab-dhaqankiisa. Halkaas na waxaa fursad kahela qof aan wax waayo-aragnimo, aqoon iyo mawhibo kale oo maamul lahayn, balse oo kaliya xirfad ciidannimo sheegta (Askari), bulshaduna ay ku tuhmayso in xaaladdaan cakiran uu nabad kusoo dabaalikaro. Balse nasiib darro, bulshadaasi muddo badan kadib waxay ogaadaan in ammaankii ay ku tuhmayeen qofkaas ay mala-awaal iyo waxba kama-jiraan tahay. 4: Geeri Degdeg ah: Habkaan ayaa ah kan ugu danbeeya, arrintaan ayaa ka dhigan, in Madaxweyne ama Xaakim ay ku timaaddo geeri degdeg ah. Kolkaasna iyada oo aan laysku waafaqin ciddii beddeli lahayd, daaha-gadaashiisa uu kasoo boxo qof aan lafilayn, oo markii horena udhowaa Madaxweynaha geeriyooday balse dadku aysan ka filayn khiyaano Iwm, taas cagsigeedana doqon loo arkayay. Balse qofkaasi wuxuu u gaatamayey oo sugayey kaliya fursad uu xukunka ku gaaro, inta badan na qofkaasi wey adagtahay in uu xukunka ka dego. W/Q: Aadam Salaad – Badiic Istanbul – Turkey The post Waxmataruhu sidee ku gaaraa kursiga madaxtinimada? appeared first on Puntland Post.
-
Dhuusomareeb (Caasimada Online)-Madaxa xukuumadda Galmudug Sheikh Maxamed Shaakir Cali oo saxaafadda kula hadlayay magaalada Dhuusomareeb ayaa shaaciyay in ciidamada amaanka Galmudug ay gacanta ku dhigeen Shaqsiyaad dad shacab ahaa ku dilay duleedka magaalada Dhuusomareeb. Dadka shacabka ahaa ayaa kasoo jeeday deegaanada Koofur Galbeed, waxaana todobaadkii hore lagu dilay duleedka magaalada Dhuusomareeb ee caasimada Maamulka Galmudug. Madaxa xukuumadda Galmudug ayaa sheegay in ciidamada ay saacado badan kadib soo qabteen dadkii falkaasi ka dambeeyay, kuwaasi oo shacabka ku dilay duleedka Dhuusomareeb ee caasimada Galmudug. Deegaanka dadka shacabka ah lagu dilay ayaa la sheegay inay maalmihii ugu dambeeyay ka taagneyd xiisad qabiil, waxaana marar badan dad shacab ah isaga dilay labo maleeshiyaad ah oo halkaasi wada daga. Madaxa xukuumadda Galmudug ayaa sheegay in dadka la qabtay cadaaladda la marsiin doono, islamarkaana cadaaladda ay heli doonaan dadkii shacabka laga dilay. Dadka kasoo jeeda deegaanada Koofur Galbeed ayuu ugu baaqay inay la shaqeeyaan laamaha amaanka si looga guuleysto dadka dhibaatada amni darada geysanaya. Dhacdadaan ayaa kusoo aadeyso iyadoo dhawaan xasuuq uu ka dhacay magaalada Gaalkacyo kadib markii dad shacab ah oo kasoo jeeda Deegaanada Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed lagu dilay magaalada Gaalkacyo. Hoos ka dhageyso codka Sheikh Shaakir. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/06/Cod-Sheekh-Shaakir.mp3Caasimada Online Xafiiska Galmudug Caasimada@live.com
-
Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa ka walaacsan isbahaysi xooggan oo Soomaaliya ay ka abuurtay gobolka, taasi oo horseedi karta in Kenya ee gooni ka noqoto gobolka islamarkaana la wiiqo saameynteeda. Kenya oo horey u rumeysneyd in Soomaaliya ay saaxib dhow la noqotay Itoobiya iyo Eritrea, ayaa sida wargeyska Daily Nation waxay iminka ka walaacsan tahay in isbahaysigaas ay sidoo kale kusoo biirtay Tanzania. Kenya waxay sheegtay inay aad uga walaacsan tahay kulan dhawaan dhexmaray madaxweynaha Tanzania John Magufuli, iyo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Dowladda Kenya ma sheegin halka uu ka dhacay kulankan iyo waxa looga hadlay. Si kastaba, xukuumadda Nairobi ayaa sheegtay in madaxweyne Farmaajo oo xiriir dhow la leh Eritrea iyo Itoobiya uu doonayo in Tanzania uu ku daro isbaheysi goboleedka. Tanzania iyo Kenya waxaa sidoo kale ka dhaxeeya muran dhinaca badda ah, waxaana haddii Soomaaliya iyo Tanzaniya ay ka guuleystaan Kenya noqoneysaa dal dekad leh laakiin aan lahayn meel ay maraakiibta u soo maraan, sababta oo ah dhul-badeed badan oo iminka ay sheegato waxaa ku jira muran oo waxaa kala sheegtay Soomaaliya iyo Tanzania. Haddii Kenya looga guuleysto labad kiis ee Soomaaliya iyo Tanzania, waxa ay ku qasbanaan doontaa in dalalka Soomaaliya iyo Tanzania ay fasax weydiisato si maraakiibta u socota Mombasa ay u maraan biyahooda una gaaraan dekadda Mombasa halkaas oo ay ku tiirsan yihiin dalalka Uganda, Koofurta Suudaan, iyo Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
-
EDMONTON—Washrooms without bidets, a lack of halal food options, soiled prayer mats and the presence of men were just some of the complaints Aliyah Gauri heard from Muslim women seeking shelter in Edmonton. Source: Hiiraan Online
-
Nairobi (Caasimada Online) – Wargeyska Daily Nation ee Nairobi kasoo baxa ayaa qoray in dowladda Kenya ay rumeysan tahay in dalal shisheeye ay ka dambeeyaan koox gooni u goosed ah oo kasoo ifbaxday gobolka Waqooyi Bari Kenya ee ay degan yihiin Soomaalida. Kenya ay sheegtay in dalalka taageeraya kooxda cusub oo la magac baxday xisbiga madax-bannaanida NFD ama Northern Frontier District Independence Party (NFDIP), ay yihiin kuwa sidoo kale Soomaaliya ka gacan siinaya kiiska maxkamadda caalamiga ah ee ICJ ee badda Soomaaliya ayaga oo eeganaya danahooda. Dalalka ay sheegtay Kenya inay Soomaaliya ka tagaeerayaan kiiska badda ayaa u badan kuwa reer galbeed ah, waxaana ka mid ah Norway iyo UK, hase yeeshee waxaa sidoo kale dalalka danta ka leh shidaalka Soomaaliya ka mid ah Turkey, Saudi Arabia, Masar iyo Imaaraadka Carabta. Kenya ma aysan shaacin habka ay dalalkan uga dambeeyaan kooxda cusub ee gooni u goosadka gobolka Soomaalida Kenya iyo danta ay ka leeyihiin. Kulanka dhowaan Nairobi ka dhacay, oo ay ka qeyb galeen saraakiisha amniga iyo siyaasadda dowladda Kenya, ayaa looga hadlay siyaasiyiin kasoo jeeda gobolka Waqooyi Bari oo ka qeyb-galay kulamada kooxdan iyo lacag la sheegay in kooxdan ay ka heshao ka ganacsiga badeeco ka timaada Soomaaliya. Kooxda madaxbanaanida NFD oo weli aan tiradooda la ogeyn, ayaa dhowaanahan dhaqdhaqaaq ka billaabay baraha bulshada, ayaga oo dib usoo nooleeyey rabitaankii gobolka Waqooyi Bari ee ahaa inay ka go’aan Kenya. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
-
ATHENS (Reuters) - Greece and Cyprus will push their EU partners to penalize Turkey, including the possible option of sanctions, if Ankara is verified to have started drilling for gas west of Cyprus, Greek Prime Minister Alexis Tsipras said on Sunday. Source: Hiiraan Online
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo shalay daah-furey Imtixaanka Shahaadiga ah ee deegaanada Somaliland, ayaa waxa uu ka jawaabay su’aal ay warbaahintu ka weydiisay sababta uu Beeshiisa ugu taxay xilalka ugu sareeya ee xukuumadiisa. Muuse Biixi ayaa wuxuu hore ugu eedeyn jirey Madaxweynihii hore ee Somaliland Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, in uu dowladiisa xilalkii ugu muhiimsana uu ku taxay Beeshiisa, balse maanta waxa taasi badalkeeda u muuqata in Biixi laftigiisu eedihii uu Cigaal u jeedin jirey inay dowladiisa ka jiran. “Waxaan doonayaa inaan ku xasuusiyo waxaan dhamayn 20-sano ka hor oo uu talada dalka hayey Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, waxa aad ku jirtay siyaasiyiin la odhan jiray waa mucaarid, wakhtigaa inta aad madaxweynaha la hadashay adiga oo ku tilmaamaya in 70-jir talinayo, Adiga oo leh Maxkamadii Reerkaaga ayaa haya, Taliyihii Ciidanka Qaranka reerkaaga ayaa haya, Xeer ilaalintii reerkaaga ayaa haya, bal maanta adiga ayaa kursigii ku fadhiya da’du waa da’diisii, maxaad ka xasuusataa maalintaa aad ku eedaynaysay arintaa iyo maanta oo ay dawladdaada ka jirto?” ayey u dhigneyd su’aasha ay warbaahintu weydiisay Madaxweyne Biixi. Madaxweyne Muuse Biixi ayaa isagoo su’aashasi ka jawaabaya waxa uu yiri “Waxaan ka xasuustaa, waa runtaa da’du waa da’dii, Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaalna Wasiirkiisa Daakhiliga ayaan ahaa, barigaa malaha waa laguu sheekeeye adigu maad joogine, Waa runtaa Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal intaa waan ku canaantay, waxaan ugu canaantayna waxay ahayd qalad uu maalintaasi joogay baan ka qabanayey”. “Khaladkaasi waxay ahayd markii salaadiintii badnayd ee reer Somaliland ay ku shireen guriga Suldaan Barre oo dad caqli xun intay u taliyeen ay ku yidhaahdeen ciidanku ha u tageene Taangiyada soo dhaqaaji, Taanigana ninkii u tagay ee qoladii watay ku idhi xaqaad u socotiin ayaan maanwaalanay”. Wuxuuna intaasi kusii daray “Maxamedna intaan ugu tagay gurigiisa ayaan intaa iyo in ka badana ku idhi, waayo waxaan ahaa ninkii ugu dhawaa ee isaga qaban lahaa, maanta adigan wariyaha ahi ma cidbaad iga qabanaysaa, maxaad ii sheegaysaa, maanta ma cid aan weerarayo oo salaadiin ah ama baayac-mushtar ah oo guri ku jira oo la igu qaldo oo aan weerararo ayaa jira”. “Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal ninkii qaban lahaa ee Wasiirul Daakhiligiisa ahaa ee saaxiibka la ahaa ee talo ugu dhawaa baan ahaa ee intuu qabto odhanaya ka daa, waanu iga aqbalay waanu ka daayey, Somalilandna way ku nabadgashay oo waata halkaa ku maraysa”. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Culimada Soomaaliyeed ayaa war-saxaafadeed ka soo saartay falkii lagu dilay kudhawaad 10 ruux oo ka dhacay magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Hay’ adda ayaana ku baaqday in la garab istaago Ehelada dadkii la dilay sidii ay ku heli lahaayeen cadaaladda, dadkii danbiga gaalayna loo horkeeni lahaa sharciga. Madaxa Golaha Culimada Soomaalida Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa sheegay in culima ahaan ay aad uga xun yihiin wixii dhacay, assaga oo dalbaday in cadaaladda la horgeeyo dadkii geeystay falkaas aanan laga harin ilaa sharciga la mariyo. “ Falka nuucaas ah waxaa la oran karaa inuu ahaa xasuuq dadka hadii isir ahaan loo raad sado, waana danbiyada waa weyn Diin ahaan, Qaanuun ahaana qatartiisa ayuu leeyahay , waxaan garanayaa hadda ka hor in halkaas dad u badan culimo Tabliiqa ah in lagu laayay oo Bakistaan u dhashay ayaan filaayaa ”. Sidoo kale Sheekh Bashiir oo hadalkiisa siiwato ayaa sheegay in dhibka ka dhacay ay ugu wacan tahay maamulka oo liito iyo waliba dadka shacabka oo gacantooda uu ku jiro hub aad u fara badan. “ Waxa ay muujinaysaa habacsanaanta maamulka ee meesha ka jiro iyo hubka oo aad ugu badan magaalada shabkana ay heystaan, dadkii waxaa loo baahnaa in ay kala danbeyta aaminaan oo wixii dhaco dowladda loo daayo, sargaalbaa la dilay intaas oo saraakiil ah ayaa horay loo dilay, aqoonyahan ayaa la dilaa culimo ayaa la dilaa” Dhanka kale Sheekh Bashiir Axmed Salaad, ayaa sheegay in arrintaan ay keeni karto in dadka Soomaaliyeed ay u noqdaan halkii ay ka yimaadeen iyo qabiil qabiilkii, assaga oo intaas ku daray in ay tahay arrin qatarteeda wadato siwada jirana looga hor tago. “ Tilmaan aad u xun ayey tilmaameysaa, waxaana ka dhalan kara in dadku mar labaad ay ku noqdaan halkii ay ka soo ka banaysay ee gobalgobkii iyo qabiilkii, in ayadoo maanta Soomaali wada dhaqmaysay oo wada noolaneysay in arrintaan lagu dhexbeero waa sheey qatartiisa leh weeyaan,in laga gaaro ayaan soo jeedinaynaa” Ugu danbeyn Gudoomiyaha hay’adda Culimada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay iska ilaaliyaan wax waliba oo dhaawici kara midnimadooda iyo wada jirkooda . “ Waxaan annagu adkaynaynaa in Soomaalidu adkaystaan walaaltinimadooda is dhexgalkooda la adkeeyo, waa in aad layskaga ilaaliyo tilaaba waliba oo dadka Soomaaliyeed kala dili karto nuuc waliba ay ahaato, dadka Soomaaliyeed waa dad walaalo ah oo muslimiin ah qof kasto oo Soomaaliya dalka waa inuu ka dagi karo meeshii rabo uuna tagi karo” Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Riyadh (Caasimada Online) – Mas’uuliyiinta Sacuudi Carabiya ayaa ajaaniibta doonaya inay dalkaas maal-gashtaan u sheegay in xanibaadda saaran khamrada la qaadi doono sanadka soo socda, sida ay werisay warbaahinta Bloomberg ee Mareykanka. Bloomberg ayaa maal-qabeenno ajnabi ah oo si dhow ula shaqeeya dowladda Sacuudiga kasoo xigatay inay maqleen in dowladda ay ka shaqeeneyso sidii loo bixin lahaa shatiyo ogolaanaya in dalka lasoo geliyo khamriga. Waxaa sidoo kale jira warar sheegaya in Xarunta Ganacsiga King Abdallah, oo ah xaafad gaar ah oo ku taalla waqooyiga magaalada Riyadh, loo ogolaan doono in khamriga lagu isticmaalo. Mas’uuliyiinta Sacuudiga waxa jawaab ah kama aysan bixin arrintan, hase yeeshee Bloomberg ayaa sheegtay in xaqiiqda ah in arrintan iminka aad loo hadal hayo ay tahay wax yaab leh. Waxaa la filayaa in shatiyada soo dhoofinta khamriga la siiyo maqaayado iyo hoteello ku yaalla qaar ka mid ah magaalooyinka waa weyn iyo goobo loo dalxiis tago oo Sacuudiga ay ka dhisayaan xeebaha. Inkasta oo sharciyan uu khamriga mamnuuc ka yahay Sacuudiga, haddana waxaa lagu iibiyaa suuqa madow. Waxaa sidoo kale jira khamri macmil ah oo guryaha lagu sameeyo oo dadka qaar ay isticmaalaan. Tan iyo sanadii 2017, wxaaa Sacuudiga ka socday is-beddelo waa weyn oo uu hormuud ka yahay dhaxal-sugaha dalkaas Maxamed Bin Salmaan, oo ka tagaya dhaqamo badan oo islaami ah, si uu usoo jiito maal-gashtayaasha aan muslimka ahayn, isaga oo raba inuu sare u qaado dhaqaalaha dalka. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Eng Cabdi Maxamuud Daahir (Cabdi Duco), oo ka mid ah dhallinyarada Somaliland ee ku nool magaalada Hargeysa ayaa shaaciyey inuu dacwad ka gudbinayo Maayarka Hargeysa, Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco). Cabdi Duco ayaa sheegay in Maayarka uu ku dacweynayo inuu bartiisa Facebook uu ku leeyahay uu iska saaray, kadib markii ay muddo asxaab ku ahaayen bartaasi. Waxa uu sidoo kale sheegay inuusan maayarku xaq u laheyn inuu iska saaro, haddii uu ku dhaliilo xilka uu bulshada uu kamid yahay u hayo. “Maayar markaynu leenahay maahan qof meel iska jooga, maayar waa qof matala bulshada magaaladaa uu ku noolyahay, baraha bulshada ee uu magaca dadweynaha ku kasbadanay waa wadaag oo waa lawada leeyahay, Dhowr jeer ayaan kala xidhiidhay Massenger-ka waan dhaliilay mana caayin anigu, xilka uu ii hayo ayaan ku dhaliilay, Baraha bulshaduna waa meel la wada leeyahay, asaga maayar ahaanna waa hanti ay dadweynuhu leeyihiin” ayuu yiri Cabdi Duco. Dacwadan ayaa ah mid ugub ku ah geyiga Soomaalida, taasi oo noqoneyso markii u horeysay ee Muwaadin uu Maayirkiisa ku dacweeyo arrimo ku saabsan mareegta ay bulshadu ku wada xiriirto ee Facebook. Dacwadan oo kale ah ayaa waxay hore uga dhacday dalka Maraykanka, taasi oo madaxweyne Trump lagu dacweeyey dad uu ka xannibay bartiisa Twitter-ka, iyada oo ay dacwadaasina ay ku guuleysteen dadkii ka gudbiyay Trump. Maxkamada ayaa madaxweyne Trump u sheegtay inuusan awood u laheyn inuu barihiisa bulshada uu cidna ka xanibo, taasi oo ay sabab uga dhigtay xilka iyo xafiiska guud ee uu joogo. Dacwadani laga gudbinayo maayar Solteco ayaa waxay lamid tahay midka madaxweyne Trump lagaga guuleystay, inkastoo ay tahay calaamad su’aal dul tagaan garsoorka Somaliland, oo laga war-sugi doono sidii ay dacwadaasi ka yeelan. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Xildhibaan Saleebaan Garas Seed, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Guurtida, ayaa baaq u diray Xukuumadda iyo guud ahaan Shacabka reer Somaliland, waxaanu ugu baaqay in ilaalinta nabadgalyada iyo qaranimada meel looga soo wada jeesto,laga dheerado wax kasta oo lid ku ah. Xildhibaan Saleebaan Garas Seed, oo Wargeyska Geeska Afrika u waramay ayaa sidoo kale dhaliilo culus u soo jeediyey Dawladda Somaliya, waxaanu ugu baaqay inay arimaha Somaliland faraha kala baxdo, waxaanu ugu horeyn uu yidhi “Inagoo madax banaan,oo waliba xoriyadeena ka qaadanay Ingiriiska, ayeynu Somaliya la midawnay, inagoo markaas raadinayna shantii Somalida, midawgaas aynu la midawnay dheef kamaynu helin ee midho dhalkiisi wuxuu noqday cadaadis, dil iyo in horumarka la inagala dagalaamo, halgan dheer kadibna dib ayeynu ula soo noqonay xoriyadeenii, imikana ku dhawaad sodon sanno ayeynu nahay dal madax banaan, wax badan baynu qabsanay, iyadoo aanay ciddi inaga caawin, markaas mar haddii aynu Somaliya kala soconay inagoo og sidii dadkeena loo galay, maaha inay ina daba socdaan, oo midnimo dambe raadiyaan ama ay ina sheegtaan, Somaliya oo dib ula midawnaan waa habeenkii xalay ahaa ee tagay, midnimadii hore ayeynu ka qoomamaynaa, ee Maamulka Xamar inay midnimo dambe raadiyaan, fikrad khaldana u sheegaan caalamka waa u damiir xumo, ee Xukuumadda Somaliland waxaa looga baahan yahay inay ka hor tagto dabinada ay Somaliya inoo maleegayso iyo beenta ay Caalamka u sheegayso, Xukuumadda Somaliland waxaa looga baahan yahay inay aad uga taxadirto khatar kasta oo inagaga imanaya Somaliya haddii ay noqoto dalka gudihiisa iyo dibadiisaba, Xukuumadda Somaliland waxaa looga baahan yahay in qadiyada Somaliland meel kasta ka rido, si aynu u helno aqoonsi caalamiya”. Xildhibaan Saleebaan Garas Seed mar uu baaq u diraayey Shacabka Somaliland ayaa yidhi “Shacabka Somaliland waa Shacab muwaadiniin ah, oo dalkooda iyo dadkoodaba ilaashanaya, waxaan se leeyahay aad uga feejignaada, oo nabadiina iyo qarankiina ilaashada, oo Xukuumaddiina garab istaaga, oo Ciidankiina garab istaaga, nimcadiina waa taas inoo da’day, ee ALLE inaga dulqaaday Abaartii, ee shugriga ALLENA aynu badino”.Xukuumadda Somaliland Waxaa Looga Baahan Yahay Inay Ka Hor Tagto Dabinnada Ay Somaliya Inoo Maleegayso Qaran News
-
Click here Qaran News
-
Somaliland: Do We Have A New Supreme Council? Does Somaliland have presidium much like the one of the old revolutionary junta of the defunct Somali Democratic Republic? This picture illustrates the power concentrated in one community in Somaliland. Granted that President Muse Bihi was elected in a one person, one vote system, and the appointment of the Chief Justice, the Minister of Finance and the Commander of the Somaliland Defence Forces, all stem from the previous administration of Ahmed Mohamed Mohamud “Silaanyo”; the addition of a powerful Information minister, from the same community, does not, optics wise, look good. Add to that the countless other figures from the same community trading on the President’s name. Just recently, President Muse Bihi stated that his administration was “inclusive, all Somaliland’s communities are well represented”. That may very well be the case. However, when your community members are in charge of the army, treasury, and the judiciary, it is pretty much game set and match. Qarannews.com Qaran News