-
Content Count
211,357 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Hargeysa)-Xubno ka mid ah Guddiga Madasha Wadatashiga Somaliland oo Maanta Shir-jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa ayaa sheegay in laga baydhay ku dhaqankii Dastuurka isla-markaana dhaartii ay Illaahay u dhaarteen Masuuliyiinta Dawladdu aanay ku dhaqmin. Sheekh Maxamed Xaaji Maxamuud iyo Cabdisalaan Yaasiin Gabaxaddi iyo Xubno dhallinyaro ah oo Guddigaasi ka mid ah ayaa soo jeediyey in sharciga la ilaaliyo oo Ilaahay lagaga yaabo dhaartii. Sheekh Maxamed Xaaji Maxamuud oo ugu horrayn halkaa ka hadlay ayaa yidhi “Madaxdeena marka xil loo dhiibayo mid walba waxa lagu dhaariyaa (Kitaabka), waynu ognahay culayska dhaartana, markaa Madaxdeenu ha gartaan Culayska dhaarta..” Cabdisalaan Yaasiin Gabaxaddi ayaa isaguna yidhi “Innaga waxay noqotay in inta la dhaarto oo Kitaabkii Gacanta la saaro oo Dhaartii Dastuurka loo laqimo, in Maalin walba haddana Dastuurka la jabiyo oo lagu tumanayo oo inamadii ku dhaartay ku tumanayaan oo aan loo hoggaansamayn, taasina waxay tilmaamaysaa inaynu ka been sheegnay dhaqankii iyo Dawladnimadii wanaagsanayd ee aynu doonayney..” Source
-
(SLT- Minnesota)-Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Congress-ka Mareykanka ayaa lagu eedeeyay in dhaqaalaha ololihii doorashadii Mareykanka u adeegsatay si gaar ah. Guddiga maamula dhaqaalaha ee Minnesota ayaa sheegay inay jebisay xeerka gobolka, waxayna saareen ganaax lacageed. Guddiga ayaa sheegay in Ilhaan ay isticmaashay lacag gaadheysa $3,500 oo dollar oo ay ku bixisay safar ay ku tagtay Florida iyo qeyb ay ku bixisay canshuur celintii ay sameysay. Waxay guddiga sheegayaan in ay heleen cadeyn ah in Ilhaan Cumar kooxdii ololaha u qaabilsanayd ay u iibiyeen tikit diyaarad oo Boston ay ku tagtay, “halkaas oo ay uga qeybgashay kullan siyaasadeed”. Sidoo kale, qeyb waxaa “lagu bixiyay hoteel ay ka degtay Washington D.C” oo ay uga qeybgashay wareysiga shirka UN ee Girl UP. Sida uu ku warramay raadiyaha Shacabka ee Minnesota, Ilhaan Cumar ayaa sidoo kale lagu helay in lacagta ay u adeegsatay safarkeedii Chicago, si ay u aqbasho abaalmarin la siiyay iyo dhaqaale uruurin ay sameysay. Sida uu qabo sharciga Gobolka, “safarrada waa in ay noqdaan kuwo la xiriira arrimaha xafiiska”. Sida guddiga uu sheegay, Ilhaan Cumar, waxay ahayd wakiilka Gobolka markii “xeerka lagu xudgudbay.” Sidoo kale, waxaan Ilhaan lagu helay in $1,500 oo dollar, lagu bixiyay arrimo la xiriiray sixidda cashuur celinteeda, taas oo aan la xidhiidhin ololihii doorashada. Waxayna dalbadeen in la soo celiyo. Waxaana la saaray ganaax gaadhaya $500 oo dollar. Sida uu qoray wargeyska Washington Post, Ilhaan Cumar ayaa sheegtay in arrintan ay ka dambeeyaan dano siyaasadeed. Qoraal ka soo baxay kooxdeedii ololaha waxay ku sheegeen in ay “ku faraxsan tahay in baaritaankan uu dhammaaday” ayna ka go’an tahay in ay u hoggaansanto guddiga waxa uu soo saaray. Hadallada Ilhaan Cumar ee dhibaatada u soo jiiday Bilo ka hor markii lagu dhawaaqay in Ilhan Cumar ay ku guuleysatay doorashadii Maraykanka, oo ay xubin ka noqoto aqalka Kongres-ka Maraykanka, waxaa xigay dabbaaldegyo waaweyn, maxaa yeelay waxay noqotay haweeneydii ugu horreysay ee madow oo Muslim ah oo heerkasi gaarto. Haatan xaalkeeda sidii hore waa uu ka duwan yahay, oo waxay maalin walba heshaa farriin cagajugleyn. Tan iyo markii la dhaariyay, Ilhaan waxaa ka soo yeeray dhowr hadal, oo Maraykanka ka abuuray duufaan siiyasadeed. Donald Trump, oo ololahiisu ku dhisan yahay soogalooti-nacaybka, ayaa si weyn uga fa’deystay hadallada Ilhaan Cumar. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Wasaaradda Waxbarashada Somaliland ayaa sheegtay in laba ka mid ah Dugsiyada ku yaalla Degmada Badhan laga joojiyey Imtixaanka Shahaadiga ah oo Somaliland ka bilaabmaya 16-ka bisha June. Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Jaamac Cismaan Aadan oo Maanta Saxaafadda kula hadlay Xafiiskiisa Magaalada Hargeysa ayaa sheegay in Wasaaraddu ay Dugsiyada Waxbarashada ee degmada Badhan aanay ka wada joojin Imtixaanka shahaadiga ah, balse laba dugsi oo keliya laga joojiyey, kuwaas oo uu ku eedeeyay inay dhaqaalaha ka qaataan Somaliland iyo Puntland. Wasiirka Waxbarashada oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Deegaanka Badhan oo dhan maaha waa laba Iskuul, waana inta Puntland ka qaadata Imtixaanka, Wasaaradda Waxbarashada Somaliland way ka tirsan yihiin, Macalimiinta waxa laga gunneeyaa halkan, ha yeeshee way laba Afleeyaan oo halkaana way ka gurtaan, markaa Imtixaankii waanu ka joojinay. waxaan Maqlayey inay hadda Codsi soo qorteen oo ay doonayaan oo ay leeyihiin u noqon mayno ee Imtixaanka ha lana siiyo, laakiin Go’aan la gaadhay hadda ma sheegi karo.” Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Booliiska Soomaaliya ayaa 15-kii bishii May xabsi dhigay Jamaaludiin Xasan Xirsi oo 29 sanno jir, kadib markii la sheegay in lagu tuhunsan yahay bixinta qishka imtixaanka Class-ka 12aad ee dugsiga Sare oo ay qaadeysay dowladda Soomaaliya. Jamaaludiin oo ah wiil dhalinyaro ah ayaa xabsi ku jira muddo ka badan 20 cesho ilaa hadana ma jirto xukun Maxkamadeed oo ku dhacay iyadoo loo waayay cadeymo ku aadan kiiskii lagu soo eedeeyay. Caasimada Online ayaa baaritaan dheer oo ay sameysay ku ogaatay qaladaad badan oo ay gashay Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya iyo taliska ciidamada Booliska Soomaaliya taas oo xadgudub ku dhageyso sii xirnaanshiyaha Jamaaludiin Xasan Xirsi. Saddexda qalad ee ka dhacay Wasaaradda iyo Booliiska Soomaaliya kuwaas oo ka dhan Muwaadin Jamaaludiin Xasan Xirsi ayaa kala ah:- Marka waxaa qalad aheyd in Jamaaludiin Xasan loo wakiisho shaqo mas’uuliyad weyn u baahan sababtoo ah Jamaaludiin ma’an shaqaale dowladeed oo rasmi ah waa shaqaale KMG ah. Sida ku xeerka shaqaalaha Rayidka Soomaaliya qofka mar hadii uusan aheyn shaqaale Rayid ah ama mas’uul xil haaya waxaa ka mamnuuc ah in lagu aamino arin masiiri ah iyo in loogu shaqeeyo waqti dhameestiran (Full Time). Xeerka shaqaalaha waxa uu dhigayaa in dadkaas ay yihiin shaqaale KMG ah Caawiyaal waqti go’aan looga baahan yahay in ay shaqeeyaan. Jamaaludiin Xasan waxa uu si KMG ah u joogaa Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya wax ka badan 5 sano waxaana gadaashiis la shaqaleysiiyay boqolaal shaqaale cusub isagana waxaa looga reebay qabiil iyo wax isdaba marin waana qaladka labaad oo ay gashay Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya. Hadii imtixaanka qal qal ka yimid maxaa loo xiray Jamaaludiin oo aan aheyn Madaxda imtixaanaadka Qaranka iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda waa qaladka 3aad. Hadiiba la xiray maxaa ilaa hadda xabsi loogu haayaa Jamaaludiin waa mid kamid ah qaladaadka hey’adaha garsoorka iyo Booliiska Soomaaliya. Sidoo kale Caasimada Online ayaa ogaatay in Jamaaludiin Xasan uu dhowaan galay Aroos islamarkaana aqal-galkiisa ay ka soo wareegtay wax kayar 50 cesho waxayna arintaasi uur ku taalo ku noqotay Xaaska Jamaaludiin iyo qoyskiiska. Markii aad joogto Soomaaliya waa adag tahay in aad hesho cadaalad waxaana dhibka kuu geysanaya dowladda gaar ahaan Booliiska oo katirsan garsoorka waxaana sidoo kale u dacwooneysaa garsoorka oo qeyb ka ah hey’adaha cadaaladda waana nasiib darrada taala Soomaaliya Muwaadin, Caruus iyo dhibane Jamaaludiin Xasan Xirsi waxa uu cadaalad ka sugayaa umadda Soomaaliyeed waana wiil dhalinyaro ah oo mugid la geliyay nolashiisa iyo nolasha qoyskiisa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Somali forces retook three villages near Bardere town in Gedo region on Sunday and killed three al-Shabab militants in the country’s southern region of Gedo, officials said Monday. Ali Mohamed Hassan, commander of Somali forces unit 49, in Bardhere town told journalists that the militants were killed in an offensive in Bulaweyn and Bakal villages along the road of Bardhere in the Gedo region. Hassan also noted that a soldier sustained injuries during the battle. “Heavily armed forces attacked al-Shabab militants in the town, and the two sides fought for a while exchanging heavy weapons,” Barre Elmi, a local resident, told the media via phone. The latest offensive came barely a week after Somali forces conducted an operation in the same region, killing two al-Shabab militants and injured three others. Somali forces backed by African Union Mission in Somalia have stepped up operations on the al-Qaida affiliated group in central and southern Somalia to flush them out. View the full article
-
The Special Representative of the Chairperson of the African Union Commission for Somalia and Head of the African Union Mission in Somalia (AMISOM), Ambassador Francisco Madeira, today met with the President of the Federal Republic of Somalia, H.E. Mohamed Abdullahi Mohamed Farmaajo, and discussed the role that AMISOM has to play in the stabilization of Somalia under its recently adopted new mandate. The United Nations Security Council late last month adopted Resolution 2472 in which it extended AMISOM’s mandate and approved further troop reduction by 1000 personnel in line with the existing Somalia Transitional Plan to gradually transfer security responsibilities to Somali security forces. “We all agreed that AMISOM remains extremely relevant in Somalia in supporting Somalia in its efforts to stabilise the country and contain Al-Shabaab. This joint effort must continue and Al-Shabaab must be brought under control,” Ambassador Madeira stated in an interview after the closed-door meeting. Both President Farmaajo and Ambassador Madeira further discussed developments under the security sector, particularly focusing on the recent capture of the towns of Sabiid and Bariire by the Somali National Security Forces (SNSF) supported by AMISOM, and the capacity demonstrated by these forces to hold the captured towns. “In this we see the quality of the troops (SNSF) who are making sure that the population of Sabiid and Bariire and their property are protected and that there are no illegal checkpoints and no illegal taxation or extortion taking place,” Ambassador Madeira noted. The AU Special Representative said that going forward, the focus of AMISOM is on the attainment of the transition plan objectives through the implementation of its revised Concept of Operations (CONOPs) under the new mandate. He said, “As AMISOM, we now need to continue to reconfigure in a manner that can allow us to deliver on the new mandate that was given to us by enhancing our synergies and coordination in the implementation of the CONOPs detailed plan 2018-2021 for peace and security in Somalia.” View the full article
-
Jabhad kale oo ka soo baxday Somaliland una gashay Puntland
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Wararka laga helayo gobolka Sanaag ayaa sheegaya in jabhad hubaysan oo ka horjeedda maamulka Somaliland ay u soo tallaabtay dhinaca Puntland kadib markii ay maalmahan taba-barro ku qaadanaysay degaanka Garabcad oo ka tirsan degmada Ceel Afweyn ee gobolka Sanaag. Dadka magaalada Xiingalool ee gobolka Sanaag ayaa laga soo xigtay in jabhadda hubaysan oo taageersan boqor Buurmadow ay haatan ku sugan yihiin nawaaxiga degmada Xiingalool kadib markii ay ogolaansho ka heleen odoyaasha dhaqanka iyo mas’uuliyiinta Puntland ee degmadaasi. Jabhadda cusub ee ka soo baxday Somaliland ayaa sida la sheegayo doonaysa in ay dagaal ku qaaddo ciidamada Somaliland ee ku sugan gobolka balse weli lama xaqiijin in ay ku biirayaan jabhaddii iyaga ka soo horraysay ee Col. Caarre oo dagaal kala horjeedda Somaliland. Dhinaca kale guddoomiyaha gobolka Sanaag ee Somaliland Maxamed Axmed Caalim oo warbaahinta Hargeysa kula hadlay ayaa xaqiijiyay jiritaanka ciidamada jabhadda ee u soo tallaabay dhinaca Puntland. Hoos ka daawo hadalka guddoomiyaha PUNTLAND POST The post Jabhad kale oo ka soo baxday Somaliland una gashay Puntland appeared first on Puntland Post. -
Nairobi (Caasimadda Online) – Madaxda Maamul Goboleedyada dalka ayaa la filayaa inay maalmaha soo socdo kulan xasaasi ah ku yeeshaan Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya. Wararka ayaa sheegayo inay Maamul Goboleedyada kulan la qaadan doonaan Beesha Caalamka si ay ugu gudbiyeen mowqifkooda kama dambeysta ah ee ku aadan xaaladda dalka Soomaaliya iyo Khilaafka kala dhaxeeyo Dowladda Federaalka Soomaaliya. Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Hirshabeelle ayaa ku sugan magaalada Nairobi, halka la filayo inay gaaraan waqtiyada soo socdo Madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo ka imaan doona Imaaraadka Carabta, halka Madaxweynaha Galmudug oo ku sugan Dhuusamareeb uu maanta ama berri ka tagi doono. Maxamed Cabdi Waare ayaa la filayaa in markii u horeysay uu ku biirio shirarka Madaxda Jubbaland, Galmudug iyo Puntland, kaddib markii sanad ka hor uu ka baxay Golihii Iskaashiga maamul goboleedyada. Waxaa kulanka gebi ahaanba aan ka qeybgeli doonin Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen kaasoo la rumeysan yahay inuu daacad u yahay Dowladda Federaalka Soomaaliya. Madaxda Maamul Goboleedyada ayaa ku heshiiyey in Beesha Caalamka loo gudbiyo in la sameeyo qorshe Road Map ah oo dalka lagu gaarsiiyo sanadka 202. Sidoo kale Maamul Goboleedyada ayaa Beesha Caalamka u sheegi rabo inay taageersan yihiin qaraarkii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey. Bishii la soo dhaafay ayay aheyd markii uu natiijo la’aan ku dhamaaday Shirkii Wadatashiga ahaa ee u dhaxeeyay Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada, kaddib todobaad la fadhiyay magaalada Garowe. Beesha Caalamka illaa hadda weli si rasmi ah uma muujin go’aankeeda ku aadan Khilaafka Dowladda iyo Maamul Goboleedyada, inkastoo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya cadaadis ku saareyso inay la heshiiso Maamul Goboleedyada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa shaqada ka joojisey Hay’adda caalamiga ah ee Shaqaalaha dunida (ILO). Hay’addan Caalamiga ah ayaa waxa shaqada looga joojiyey warqad ay ku saxiixnaayen Afar wasiir oo ka tirsan Xukuumada Muuse Biixi. Waraaqda lagu joojiyey dhamaan dhaq-dhaqaaqyadii Hay’adda ayaa waxa nuqul kamid ahi soo gaaray Shabakada Caasimada Online, waxaana lagu sheegay inay go’aan qaadashadan ay ka dambeysay kadib markii ay Hay’addaasi lunsatay xuquuqdii Somaliland. Xukuumada Muuse Biixi ayaa sidoo kale waxay ku xustay waraaqdaasi inaysan Hay’addu ka shaafin walaaca ay sheegtay inay ka qabto ILO, Waxaana lagu yiri qoraalkaasi: “Iyadoo la tixgelinayo joojinta dhaq-dhaqaaqyada ILO ee ku saabsan shuruucda iyo shuruudaha ka qeyb-galka xukuumada Somaliland, waxay si aan toos aheyn u go’aansatay joojinta dhaq-dhaqaaqyada ILO, heshiisyada iyo iskaashiga ay la leeyihiin dhamaan Hay’addaha Somaliland”. “Natiijada go’aankan ayaa waxay ku saleysan tahay tixgelin la’aanta go’aamada dowladda iyo in aanay ILO kasoo jawaabin oo ay awoodin inay ka jawaab celiso walaac ay qabto dowladu”. Halkan hoose ka aqriso waraaqda shaqada lagaga joojiyey Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Garbahaarey (Caasimada Online ) – Ciidamo Milatariga Soomaaliya oo howlgallo ka sameeyay gobolka Gedo ayaa la wareegay deegaano badan oo hoos yimaada degmada Baardheere ee gobolkaasi. Dhamme Cali Maxamed Xasan Taliyaha Ururka 49-aad, guutada 10-aad qeybtiisa 43-aad oo la hadlay Warbaahinta dowladda ayaa sheegay in Al-Shabaab laga saaray Tuulooyinka Bakal, Mataanaha iyo Buurweyn oo ka tirsan gobolka Gedo. Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in dadka deegaanku ay soo dhaweeyeen marka ay tageen Tuulooyinkaasi oo ku yaalla Webiga labadiisa geddi. Warar qaar ayaa sheegay in iska hor imaadyo kooban labada dhinac ay ku dhex mareen halkaasi, inkastoo aan la cadeyn karin khaaaraha ka dhashay. Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana dhaq dhaqaaqyo xoogan laga dareemayaa duleedka magaalada Baardheere ee koonfurta Soomaaliya. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi. Caasimada Online Xafiiska Garbahaarey caasimada@live.com
-
As though the scars of war are not bad enough, child refugees arrive in Dadaab only to find education hard to get. Source: Hiiraan Online
-
Baardheere (SMN) – Taliyaha Ururka 49-aad, guutada 10-aad qeybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Dhamme, Cali Maxamed Xasan oo la hadlay Warbahinta ayaa ka warbixiyay howlgallo saacadihii la soo dhaafay Ciidamada dowladda ay ka sameeyeen qeybo ka mid ah gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya. Howlgallada oo laga fuliyay agagaarka degmada Baardheere ayuu taliyuhu sheegay in ay kula waregeen Tuulooyinka Bakal, Mataanaha iyo Buurweyn oo dhaca Webiga labadiisa geddi. Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay in ay dadka deegaanku soo dhaweeyeen, markii ay tageen Tuulooyinkaasi. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka Al Shabaab oo ku aadan howlgalladaasi. Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa duleedka magaalada Baardheere ee gobolka Gedo. View the full article
-
Geneva (SMN) – Waxaa maanta si rasmi ah u furmay shirka shaqaalaha Adduunka oo sanadkan lagu qabanayo magaalada Geneva ee dalka Siswitzerland. Shirkan ayaa waxaa soo qaban qaabisay hay’adda shaqaalaha aduunka ee magaceeda loo soo gaabiyo ILO. Hay’adan oo 108 sano jirsatay ayaa ka mid ah hay’adaha ugu faca weyn ee Qaramada Midoobay. Shirka Geneva ayaa waxaa ka qeyb galaya shaqaalaha ururada bulshada rayidka ah, hay’adaha ka shaqeeya xuquuqda shaqaalaha iyo maas’uuliyiin kale oo ka kala yimid dalalka caalamka. Ujeedka shirka ayaa ah mid diirada lagu saarayo sidii loo xoojin lahaa, loogana shaqeyn lahaa xuquuqda shaqaalaha rayidka ee ku dhaqan caalamka. Sanad walba maanta oo kale ayaa la qabtaa shirkan, waxaana lagu taageeraa shaqaalaha weynaha aduunka. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa howlgalka AMISOM Francisco Madeira, ayaa shalay la kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,isagoo kala hadlay dowrka AMISOM ay ka ciyaareyso xasilinta Soomaaliya ka dib markii dhowaan Howlgalka AMISOM ee Soomaaliya waqti kordhin loo sameeyay. Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa bishii hore dabayaaqadeedii qaatay go’aanka ah 2472 kaas oo waqti kordhin loogu sameeyay howlgalka AMISOM,waxaana Golaha ammaanka uu ansixiyay in 1000-askari laga dhimo tirada AMISOM ee ka howlgasha Soomaaliya si waafaqsan Qorshaha Ku-meelgaarka ah ee Soomaaliya oo si tartiib ah loogu wareejiyo mas’uuliyadda amniga dalka Ciidanka Qaranka Soomaaliya. “Dhammaanteen waxaan isku raacnay in AMISOM xiriir wanaagsan ka dhaxeeyo Soomaaliya si ay gacan uga geysato soomalaiya dadaalkeeda ah in la xasiliyo dalka lana ciribtiro Al-Shabaab. Dadaallada wadajirka ah waa in ay sii socdaan, Al-Shabaab waa in la xakameeyaa, “ayuu Ambassador Madeira ku sheegay wareysi uu bixiyay ka dib markii uu shirka soo idlaaday. Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo iyo Danjire Madeira ayaa ka wada hadlay horumarada laga gaaray qeybaha amniga,gaar ahaan waxay si aad ah diirada u saareen deegaanadii dhowaan ay la wareegeen ciidanka Xoogga dalka oo kaashanaya AMISOM ee Sabiib iyo Bariire oo ka tirsan Gobolka Shabeelaha hoose. ” Tani waxay ku tusuineysaa tayada ciidamada (SNSF) ee hubinaya in dadka Sabiid iyo Bariire iyo in hantidooda la ilaaliyo oo aysan jirin jid-gooyooyin sharci-darro ah oo aan lahayn canshuur sharci-darro ah ama meel ka dhac lagu sameeyo,” ayuu yiri Ambassador Madeira. Ugu dambeyntii, Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Francisco Madeira, ayaa sheegay iney sii socon doonaan howlgalada lagu beegsanayo kooxaha argagixisada ee ay wadaan Ciidanka Xoogga dalka iyo AMISOSM. View the full article