Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Ciidamada Booliiska, Milateriga, Nabad Sugidda iyo Asluubta Soomaaliya iyo masuuliyiinta kale ee Qaranka ayaa isku raacay in 2 nuuc oo kamid ah dareeska Ciidamada Soomaaliya aan la isticmaali karin kadib kulamo ka dhacay Muqdisho. Kulamadaan oo kii ugu dambeeyay ka qayb galay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa ka dhacay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya iyadoo sidoo kale kulankaasi laga soo saaray digniin culus. Dharkaan oo laba nuuc ka kooban ayaa isugu jira cadaan boor ah oo u muuqaal eg dharka Ciidamada Milateriga Sacuudiga iyo nuuca kale oo ah isla naqshadaas oo cadees ah. Dharkaan ayaa sidoo kale waxaa loo yaqaanaa dareeska Ciidamada Xasilinta, waxaana horey loogu qaybiyay Ciidamadii gaarka ahaa ee Xasilinta balse waxaa hadda la sheegay in Al-Shabaab ay heystaan dharkaas waliba in badan oo kamid ah uu gacanta u galay. Dhinacyada kulanka yeeshay ee soo saaray go’aankaan ayaa sidoo kale go’aamiyay in Askartii lagu arko la qabto hadii ay diidaan qabashana la toogan karo. Afarta talis ee Ciidamada Soomaaliya ayaa lagu wargeliyay in ay fariintaan gaarsiiyaan Ciidamada Soomaaliya islamarkaana dharkaas magaalada iyo guud ahaan dalka looga saaro muddo 30 cisho gudahood. Inkastoo ay hadda ka soo wareegatay dhowr maalmood hadane wali waxaa socoto wargelinta Ciidamada iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in Taliyaasha qaar ay gacantooda ku gubeen dharkaan inta laga soo aruuriyay Xeryaha Ciidamada. Al-Shabaab ayaa inta badan si fudud u hela dareeska Ciidamada Soomaaliya waxaana hadda la sheegaa in ayba helaan dharkii ugu dambeeyay ee loo qaybiyay Ciidamada Soomaaliya, gaar ahaan Ciidanka Booliiska dalka, ayada oo aysan caddeyn sida ay u helaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  2. Dowladda Puntland ayaa mar kale ku celisay in baaritaan dhab ah lagu sameeyo eedaymo ku qoran maqaal 22-July lagu daabacay wargeyska New York Times oo dowladda Qatar la xiriiriyay qarax 11-May ee sannadkan ka dhacay bannaanka hore ee maxkamadda derejada kowaad ee magaalada Boosaaso. War-saxaafadeed xalay ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa looga dalbaday Golayaasha Fulinta iyo Xeer-dejinta dowladda Federaalka Soomaaliya in ay baaritaan dhab ah ku sameeyaan eedaymaha ku qoran maqaalka lagu daabacay New York Times ee dalka Qatar la xiriirinaya qaraxa 11-May ee sannadkan ka dhacay magaalada Boosaaso. Puntland ayaa ballan-qaadday in ay taageeri doonto si buuxda ula shaqeyn doonto baaritaan kasta oo ku saabsan eedaymaha loo jeediyay Qatar ee sheegaya in ay ku lug-lahayd qaraxyadii ka dhacay magaalada Boosaaso. Sidoo kale Puntland waxay sheegtay in ay dhowaan soo bandhigi doonto natiijada ka soo baxday baaritaan ay ku samaysay weeraradii u dambeeyay ee argagixisadu ku fulisay magaalada Boosaaso gaar ahaanna dilkii madaxii shirkadda P&OPorts Paul Anthony Farmosa PUNTLAND POST The post Puntland oo shaacisay in ay soo bandhigayso natiijada baaritaan ay ku samaysay dilkii Paul Anthony Farmosa appeared first on Puntland Post.
  3. Ankara (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibedda Turkey, Mevlut Cavusoglu ayaa wacad ku maray in dalkiisa uu ka aargudan doono Mareykanka haddii uu Ankara cunaqabateyn u saaro soo iibsashadeeda habka difaaca gantaalaha Ruushka ee S-400. “Haddii Mareykanka uu lasoo baxo mowqif cadowtooyo ah oo nagu wajahan, waxaan qaadi doonnaa tallaabooyin aargudasho, sida aan horey u sheegnay. Tani ma ahan hanjabaad ama cayaar cayaar” ayuu yiri Mevlut Cavusoglu. “Ma nihin dal madax u raaricin doona kuwa noo muujiya cadaawad ka dhan ah Turkiga” ayuu yiri wasiirka, oo sheegay in Turkiga aysan marnaba raali ka noqon doonin in loo sheego wixii ay sameyn lahayd. Wasiir Mevlut Cavusoglu ayaa sheegay in si kastaba uu rajeynayo in maamulka Mareykanka uusan qaadin tallaabo noocaas ah. Maamulka Mareykanka ayaa horey ugu hanjabay inuu Turkiga ka saari doono ka qeyb-galka barnaamijka diyaaradaha dagaalka ee F-35, haddii ay soo iibsadaan barnaamijka S-400. Mevlut Cavusoglu ayaa sheegay in Turkey ay baahideeda difaac ka buuxin doonto meelpo kale, haddii Washington aysan siin jiilka shanaad ee diyaaradahan casriga ah ee dagaalka oo ah F-35. Caasimada Online Xafiiska Istanbul caasimada@live.com
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Qabanqaabada Shirweynaha Dib-u-heshiisiinta Galmudug oo u xilsaaran qaabkii xal waara looga gaari lahaa khilaafaadka bulsho ee ka dhex jira beelaha Galmudug, wuxuu si weyn ugu faraxsan yahay in si habsami leh ugu qabsoomay kulamadoodii hordhaca ahaa ee dar-dar gelinta qorshaha geedi-socodka shirweynaha dib-u-heshiisiinta intii u dhaxeysay 20 – 23ka July 2019. Guddigu wuxuu bogaadinayaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo dib-u-heshiisinta iyo dhammaan bulshada reer Galmudug magacaabista iyo taageerada ay guddiga u muujiyeen si khilaafaadka reer Galmudug xal waara looga gaaro. Guddiga Wuxuu uga mahad-naqayaa madaxda sare ee dalka gaar ahaan Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya hawshii baaxadda lahayd ee uu ka qabtay Galmudug muddadii afarta usbuuc ahayd ee uu meelo badan oo ka mida degaannada Galmudug kula kulmay bulshada qaybaheeda kala duwan , taa oo abuurtay jawi sahli kara in reer Galmudug ka heshiin karaan waxyaabihii soo dhex maray iyo dadaalkii mugga lahaa ee Maamulka Dowlad Goboleedka Galmudug ka gaystay suurtagelinta jawi nabadeed. Ugu danbayntii guddigu wuxuu bogaadinayaa kulankii shalay (22 July) ay la yeesheen wakiilada caalamka oo si buuxda u taageray geedi-socodka Shirweyanaha D-ib-heshiisiinta Galmudug. Intaa kadib, guddigu markii uu qiimeeyay xaaladda ka jirta deegaannada Galmudug iyo baahida loo qabo in si deg deg ah loo fidiyo gogol dib-u-heshiisiineed oo lagu lafa guro isla markaana lagu xaliyo khilaafaadka bulsho ee deeagaanada Galmudug wuxuu go’aamiyay:- 1. In ergooyinka ku matalaya beelaha wada dega Galmudug ee tira ahaan loo qoondeeyay beel walba lagu soo xulo, waayo aragnimo la xariirta arrimaha dib-u-heshiisiinta kana kooban qaybaha kala duwan ee bulshada sida; hoggaamiyaasha dhaqanka, culimaa’u-diinka, dhalinyarada, ganacsatada iyo haweenka. 2. In shirweynaha Dib-u-heshiisiinta uu ka dhaco magaalo madaxdada Dawlad Goboleedka Galmudug ee Dhuusamareeb 5ta bisha Agoosto, 2019. 3. In ergooyinka shirweynaha loo qoondeeyay ay soo gaaran goobta shirka 1da Bisha Agoosto, si ay waqti ugu helaan deegaan iyo kulamo gaar-gaar ah. 4. Guddigu wuxuu qoondeeyay in tirada guud ee ergooyinka kasoo qayb gelaya shirka ay noqdaan (356) seddex boqol konton iyo lix ergo. 5. In Wasaaradda Arrimaha Gudaha, iyadoo tixgelinaysa qorshaha guddiga ay diyaariso dhammaan tas-hiilaadka shirweynaha iyo ergooyinka ay u baahanyihiin. 6. Guddigu waxa uu taageero buuxda waydiisanayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Wakiilada Beesha Caalamka u fadhiya Soomaaliya kuna casuumayaa furitaanka shirweynaha. Guddigu wuxa uu bulshada Galmudug ugu baaqayaa in ay taageeraan kalana shaqeeyaan guddiga sidii uu shirweynaha Dib-u-heshiisiinta Galmudug u guuleysan lahaa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  5. Gabiley (Caasimada Online) ― Wararka naga soo gaaraya magaalada Gabiley ayaa sheegaya in Xukuumada Muuse Biixi ay xabisga dhigeen xildhibaano ka tirsan golaha deegaanka Gabiley. Ciidamada Booliska ayaa xabsiga u taxaabay afar xildhibaano oo ka tirsanaa golahaasi, kuwaasi isla markiiba loo wareejiyey magaalada Hargeysa. Xildhibaanada ka tirsan golaha deegaanka Gabiley ayaa hadda ku xiran xarunta dambi baarista ee Hargeysa, halkaasi oo sida la sheegayo lagu baari doono kiiska xukuumadu u haysato. Wararka aan helayn ayaa waxay sheegayaan in xildhibaanada loo xiray inay ka dambeeyen oo ay abaabulayeen mooshino ka dhan ah maayarka Gabiley, kaasi oo ay rabeen inay xilka kaga tuuran. Warar kale ayaa sidoo kale waxay sheegayan in xildhibaanada lala xiriirinayo inay ka dambeeyen shaqsi ay wareysatay idaacada BBC-da oo sheegtay inuu yahay maayirka magaalada Gabiley. Xarigan xildhibaanada ayaa waxa uu ku soo aadaya xili muran baahsan uu ka jiro golaha deegaanka Gabiley, kaasi oo sababay in golahu uu yeesho labo maayir. Dhinaca kalena, Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed ayaa isagu shalay soo saaray wareegto uu ku mabnuucayo in fadhiyo aan caadi aheyn yeeshan Goleyaasha deegaannada Somaliland, isagoona sheegay in xildhibaannada goleyaasha deegaanka qaarkood ay si khaldan oo fawdo ah u abaabulayaan Mooshino ka dhana Maayarada. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  6. Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo kamid ah Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya xubina a ah Gudiga Baarlamaanka u qaabilsan Amaanka Dalka ayaa si kulul wuxuu uga hadley [...] Source
  7. When tragedy strikes people you have met and known for some time, people with the energy, the ability and the disposition to make changes in their communities and countries: it touches you profoundly Source: Hiiraan Online
  8. Here we are again, mourning yet still another loss of young, vibrant and core of our society—which append to long list victims at the hands of heartless terrorists. First of all, I would like to send my deepest sympathy and condolence to the Somali people Source: Hiiraan Online
  9. Paul Anthony Formos oo ahaa maamulihii Dekada Bosaso wakiilka uga ahaa Shirkada P&O Ports oo hoostimaada PD World waxaa feberaaayo sanadkaan lagu dilay Bosaso, Ninkii [...] Source
  10. Qatar and Somalia denied a news report that suggested Doha had an "interest" in a bombing in northern Somalia carried out by a local armed groupin May. Source: Hiiraan Online
  11. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Bar___-Qumanaha-__-Wararka-2307-2019.mp3 View the full article
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ahaa xildhibaanno maanta shir jaraa’id qabtay, kana hadlay xaaladda dalka, ayaa sheegay in ay tahay arrin laga walwalo warbixin uu uu soo saaray wargeyska New york times ee dalka Mareykanka ka soo baxa. Wargeyska warbixinta ka soo baxday ayaa sheegay in dowladda Qadar ay ka mid tahay dowladdo falal dil ku ah ammaanka ka geystay Soomaaliya. Sida lagu sheegay warbixinta New York Times, cod uu helay wargeyska oo ah wada-sheekeysi taleefon, ayaa waxaa laga maqlay, Khalifa Kayed al-Muhanadi oo safiirka Qatar ee Soomaaliya Hassan bin Hamza Hashem ku dhahaya “waan ognahay cidda ka dambeysay qaraxyada iyo dilalka.” Al-Muhanadi ayaa sheegay in qaraxyada loo fuliyey “si loogu qasbso Imaaraadka Carabta inay ka cararaan Boosaaso.” Xildhibaan Fiqi ayaa sheegay in ay tahay arrin aan la aqbali Karin, waxaa uuna yri “ Arrinta ay soo saartay New york times ayaa waxaa ay tahay arrin walal nagu beertay, dalkaan waxa ka socda iyo argigisada meesha ay fanka ka hesho, arrintaas guddiga difaaca gudoomiyihiina waa uu joogaa,waxaan dadka soomaaliyeed u sheegeynaa in baaritaankeena iyo xaqeena aan ka gudaneyno waana arrin walwal noo muujineyso runtii” Sidoo kale Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa nasiib darro ku tilmaamay in safiirka dowladda Qadar u fadhiya dalka,uu wargeysku sheegtay in laga helay cadeymo muu jinaayo in dowladda Qadar ay soomaaliya ka fulisay dilal iyo mashinno lagu qaarijiyay dad ajaanib ah. “ Waxaa nasiib darro ah in la yiraahdo safiirkii dalka Qadar waxa uu ku lug leeyahay mashinno iyo dilal dalka ka dhacay, ayadoo dadka reer Muqdisho ay maalin kaso ay la kulmaan dilal,qaraxyo iyo waxyaabo lamid ah, annaga guddi hoosaadka difaaca ah oo aniga madax u ahay waxaan qaadaneynaa inaan baaritaan sax ah aan galino warbixin sax ahna aan ka soo saarno, haddii uu cadaadana in tilaabada haboon ay qaataan dadka Soomaaliyeed, Baarlamaanka Soomaaliyeedna aan u gudbin doono arrintaasna walwal xoogan ayeey naga muujisay” Dhanka kale Xildhibaanka ayaa sheegay in aan layska indho tiri Karin arrintaan oo ah arrin walwalkeeda leh,waxaa uuna sheegay in Baarlaman ahaan ay waajibkooda gudan doonaan ku aadan arrintaan maanta soo baxday. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  13. Dhuusamareeb (SMN) – Guddiga Qabanqaabada Shirweynaha Dib-u-heshiisiinta Galmudug oo u xilsaaran qaabkii xal waara looga gaari lahaa khilaafaadka bulsho ee ka dhex jira beelaha Galmudug, wuxuu si weyn ugu faraxsan yahay in si habsami leh ugu qabsoomay kulamadoodii hordhaca ahaa ee dar-dar gelinta qorshaha geedi-socodka shirweynaha dib-u-heshiisiinta intii u dhaxeysay 20 – 23ka July 2019. Guddigu wuxuu bogaadinayaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo dib-u-heshiisinta iyo dhammaan bulshada reer Galmudug magacaabista iyo taageerada ay guddiga u muujiyeen si khilaafaadka reer Galmudug xal waara looga gaaro. Guddiga Wuxuu uga mahad-naqayaa madaxda sare ee dalka gaar ahaan Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya hawshii baaxadda lahayd ee uu ka qabtay Galmudug muddadii afarta usbuuc ahayd ee uu meelo badan oo ka mida degaannada Galmudug kula kulmay bulshada qaybaheeda kala duwan, taa oo abuurtay jawi sahli kara in reer Galmudug ka heshiin karaan waxyaabihii soo dhex maray iyo dadaalkii mugga lahaa ee Maamulka Dowlad Goboleedka Galmudug ka gaystay suurtagelinta jawi nabadeed. Ugu danbayntii, guddigu wuxuu bogaadinayaa kulankii shalay (22 July) ay la yeesheen wakiilada caalamka oo si buuxda u taageray geedi-socodka Shirweyanaha D-ib-heshiisiinta Galmudug. Intaa kadib, guddigu markii uu qiimeeyay xaaladda ka jirta deegaannada Galmudug iyo baahida loo qabo in si deg deg ah loo fidiyo gogol dib-u-heshiisiineed oo lagu lafa guro isla markaana lagu xaliyo khilaafaadka bulsho ee deeagaanada Galmudug wuxuu go’aamiyay:- 1. In ergooyinka ku matalaya beelaha wada dega Galmudug ee tira ahaan loo qoondeeyay beel walba lagu soo xulo, waayo aragnimo la xariirta arrimaha dib-u-heshiisiinta kana kooban qaybaha kala duwan ee bulshada sida; hoggaamiyaasha dhaqanka, culimaa’u-diinka, dhalinyarada, ganacsatada iyo haweenka. 2. In shirweynaha Dib-u-heshiisiinta uu ka dhaco magaalo madaxdada Dawlad Goboleedka Galmudug ee Dhuusamareeb 5ta bisha Agoosto, 2019. 3. In ergooyinka shirweynaha loo qoondeeyay ay soo gaaran goobta shirka 1da Bisha Agoosto, si ay waqti ugu helaan deegaan iyo kulamo gaar-gaar ah. 4. Guddigu wuxuu qoondeeyay in tirada guud ee ergooyinka kasoo qayb gelaya shirka ay noqdaan (356) seddex boqol konton iyo lix ergo. 5. In Wasaaradda Arrimaha Gudaha, iyadoo tixgelinaysa qorshaha guddiga ay diyaariso dhammaan tas-hiilaadka shirweynaha iyo ergooyinka ay u baahanyihiin. 6. Guddigu waxa uu taageero buuxda waydiisanayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Wakiilada Beesha Caalamka u fadhiya Soomaaliya kuna casuumayaa furitaanka shirweynaha. Guddigu wuxa uu bulshada Galmudug ugu baaqayaa in ay taageeraan kalana shaqeeyaan guddiga sidii uu Shirweynaha Dib-u-heshiisiinta Galmudug u guuleysan lahaa. View the full article
  14. Muqdisho (SMN) – Wasiirka Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta DFS Mudane Cabdi Aadan Hoosow ayaa shir gudoomiyey Shirka kaabayaasha dhaqaalaha Dalka oo Saddexdii biloodba mar Lagu qabtay Magaalada Muqdisho. Waxaa kasooqayb galay Wasaaradaha Kumidaysan Madasha Kaabayaasha dhaqaalaha ee kala ah Wasaaradda Hawlaha Guud, Wasaaradda Tamarta & Khayraadka Biyaha, Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada, Wasaaradda Qorshaynta, Wasaaradda Boostada & Isgaarsiinta, Wasaaradda Dekedaha & Gaadiidka Badda, Wasaaradda Maaliyadda, Xafiiska Ra’isal Wasaaraha, Xubno kasocday Maamul Goboleedyada Dalka, Madaxda Haayadaha Qaramada Midoobay & Wadamada Taageera Soomaaliya Oo ay kamid ahaayeen Italian Coorperation, World Bank, African Development Bank, UNDP, UNOPS, & UN-Habitat. Shirka ayaa waxaa looga Wada Hadlay Horumarinta Kaabayaasha Dhaqaalaha Dalka, Dhegaysiga Warbixinada Waxaayabahii Qarsoomay, Mashaariicda qabyada ah & Sidii loo dhamaystiri lahaa. Wasiirka Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta DFS Mudane Cabdi Aadan Hoosow oo shirka daahfuray ayaa yiri “Kaabayaasha dhaqaaluhu waa wadadii horumarka run ahaantii Waxay inaga caawinayaan Nabad galyada oo muhiimada gaar ah inoo leh, waxay inaga caawinayaan shaqaalaysiinta oo iyadana muhiim ah sabatoo ah inkabadan 70% bulshadeena waa dhalinyaro, Waxay inaga caawinayaan Baahinta Adeegga Dowladda, Markaan haysano Waddooyin wanaagsan Adeeggyada Dowladduna waxa ay gaarayaan meelo aysan hadda gaari karin, Waxay inaga cawinayaan Ganacsiga gudaha dalka & Isku xirka kan Gobolka, Marka Kaabayaasha Dhaqaaluhu aad ayey muhiim ugu yihiin horumarka Dalka” Shirkan ayaa Saddexdii biloodba mar laqabtaa Waxaana looga arinsadaa Mashaariicda Kaabayaasha dhaqaalaha Dalka waxaana kukulma Dowladda Soomaaliya, Haayadaha Caalamiga ah, & Deeq bixiyeyaasha. View the full article
  15. Somalia has secured about 29 million U.S. dollars from the African Development Bank (AfDB) for water and sanitation and roads projects designed to improve livelihoods and boost the country's resilience. Source: Hiiraan Online
  16. The National July 23, 2019 05:47 PM New evidence concerning a car bombing in Bosaso, Somalia, which took place in May, suggests that the attack [...] Source
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibedda Axmed Ciise Cawad ayaa ka hadlay warbixin lagu daabacay wargeyska The New York Times oo dowladda Qatar la xiriirisay qarax ka dhacay Boosaaso oo ka dhan ahaa Imaaraadka Carabta. Sida lagu sheegay warbixinta New York Times, cod uu helay wargeyska oo ah wada-sheekeysi taleefon, ayaa waxaa laga maqlay, Khalifa Kayed al-Muhanadi oo safiirka Qatar ee Soomaaliya Hassan bin Hamza Hashem ku dhahaya “waan ognahay cidda ka dambeysay qaraxyada iyo dilalka.” Al-Muhanadi ayaa sheegay in qaraxyada loo fuliyey “si loogu qasbso Imaaraadka Carabta inay ka cararaan Boosaaso.” Cawad oo wareysi siiyey VOA, ayaa sheegay in dowladda Qatar ay la wadaagtay bayaan ay soo saartay oo ay ku beenineyso inay ku lug leedahay qaraxa iyo dhammaan wax kasta oo ka dhan nabad-galyada Soomaaliya. Axmed Ciise Cawad ayaa shaaca ka qaaday in dowladda Soomaaliya ay ku qanacday sharaxaadda ay dowladda Qatar ka bixisay arrintan. Waxa uu sidoo kale sheegay in safiirka Qatar ee Soomaaliya Hassan bin Hamza Hashem uu u yimid wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya lana hadlay isaga oo beeniyey inuusan taleefon kula hadlay ganacsade Khalifa Kayed al-Muhanadi, kana sheekeysteen qarax ka dhacay Soomaaliya. Cawad ayaa meesha ka saaray in arrintan baaritaan lagu sameeyo, sida uu dalbaday madaxweynaha Puntland, wuxuuna ku adkeystay in sharxaadda ay bixisay dowladda Qatar ay ku filnaatay Soomaaliya kuna qanacday. Hoos ka dhageyso codka Cawad https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/07/Cawad-VOA.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  18. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka-Habeen-23072019.mp3 View the full article
  19. Dayaxay ka shiddan tahay Waxa kasoo wareegtay mudo qarni badhkiiya ama 50 sanadood markii ugu horeysay ee dad nooli Dayaxa ku dul degeen, waxay ahayd 20-07-1969 kii markii ay cago dhigteen Dayaxa guudkiisa kuna dul socdeen mudo Neil Armstrong iyo Buzz Aldrin oo ahaa Cir-ubaxeenadii la socday Dayax-gacmeedkii apollo11 ee maraykanku u diray Dayaxa. Wakhtigaas lategay Dayaxa oo ahay wakhtigii loolanka iyo tartanku ka dhexeeyey Ruushka iyo Maraykanka kaas oo Ruushku uu ahaa wadankii ugu horeeyey ee xayawaan nool hawada sare ee Dhulka ka baxsan u diray siddoo kale dalkii ugu horeeyey ee Ruux nool hawadaa sere u diray ee kasoo celiyey, hase yeeshee Maraykanka ayaa bun dhaafiyey Markuu noqday dalkii ugu horeeyey ee dad nool Dayaxa ka dul dejiyey ee haddana kasoo celiyey, waxayna ahayd Sabtidii 20-07-2019 sanad guuradii kontonaad ee kasoo wareegtay wakhtigaa la dul degey Dayaxa xuskeedii, Sikastaba ha ahaatee in mudo dheer ahay Dayaxa siddaa looma Hadal hayn se iminka in mudo dhow ah aad ayey u soo noqotay Hadal hayntiisa iyo loolankii beri samaad oo kale, iyaga oo ay kusoo biireen loolanka Dayax tagista cusub dalal badani sidda Dalalka midowga Yurub, Shiinaha iyo Hindiya, waxa shalay oo ay Taariikhdu ahayd 22-07-2019 Hindiya kicisay Dayax-gacmeed lagu magacaabo (Chandrayaan-2) kaas oo ay u dirtay in uu ku dego Dayaxa guudkiisa oo uu baadhitaan ku sameeyo Dhanka fog ee Dayaxa oo biyo lagu sheegey, waxa jira in Dayaxu aanu isku duurin sidda Dhulka oo Mar walba dhan kaliya ama dhan qudhi uu ina soo eegaayo, siddaa laajigeed Dhanka siijeedka aynaan arag ayaa loo yaqaanaa dhanka fog ama (far side). Sikastaba ha ahaatee haddii ay indiya ku guulaysato oo ay ku dul dejiso Dayax-gacmeedka Dayaxa guudkiisa waxay noqonayaan dalkii afaraad ee Dayax-gacmeed Dayaxa u diray ee ku degey, waxa ay yihiin 3da kale Maraykanka, Ruushka iyo Shiinaha, waxa ay Hindiya ku rajo weyntahay in uu ku dego Chandrayaan-2 Dayaxa guudkiisa weliba cidhifka sare ee waqooyi ee Dayaxa 06-09-2019 halkaas oo uu uga daadegi doono Dhanka fog ee Dayaxa, noqon doonana mid baadhitaan buuxa kusamay doona Dayaxa, xog cusub oo ku saaban Dayaxana soo kordhindoona. Dhanka kale iyana waxa Jira mashruuc ay wada jir u hirgelinayaan Maraykanka iyo midowga Yurub kaas oo ay iskaga kaashanayaan in xarun laga dhiso Dayaxa guudkiisa loo adeegsado xog uruurin kusaabsan xiddigaha maadaama uu Dayaxu lahayn hawo ku dahaadhan sidda Dhulka iyo in loo adeegsado meel laga kiciyo Dayax-gacmeedada loo diraayo meerayaasha aynu Cadceeda wadaagno iyo kuwa xiddigaha kale ku meeraba, maadaama uu Dayaxu uu ka cufis-jiid yaryahay Dhulka wuu ka sahlanaanayaa Dhulka, kicinta Dayax-gacmeedka. Hadal iyo dhamaan Dayaxay kashidan tahay oo dunidii lakala bax oo hindigii isticmaarka Mar ina wada haystay wakaa la beratamaaya ee ka bidinaaya inakuna hoos marnay aduunkii oo biriishna dhisan kariweynay biyona lasoo bixi kari weyney baaniyaalkii hindiya-laynka iyo hargeysa kula joogi jirayna Dayaxuu biyo u doontay, 69kii ayaa nin laga hayaa ORGI FUULAYAA AMA QABAAL MIIG KA DHIGANAYAABA ANIGA IYO AMISTARON MARUUN DAYAXA GUUDKIISA WAA ISKU ARKI DOONAA, maanta haddana Dayaxay ka shiddan tahaye awr kornayaa ama foosto-gobolo sayruukh ka dhiganayaaba inaga iyo Baaniyaalku Biyaha Dayaxa weynu wada dhaansan DOONAA!!. Caddaaladbaa Ummad isku tiiris Caddaaladbaa Ummad toosisa Caddaaladbuu Dalna ku taabo qaadaa. Fuad Fartaag Fartaagmuwaadin@gmail.com Qaran News