-
Content Count
212,135 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Guddoomiyaha baarlamaanka maamulka Hirshabeelle oo maalmihii ugu dambeeyay ku maqnaa Boqortooyada Sacuudiga ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, waxaana uu kadib kulan la qaatay madaxweynaha Soomaaliya. Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa bartiisa Facebook kusoo qoray in madaxweynaha Soomaaliya uu kala hadlay arimo dhowr ah, balse ma uusan cadeyn waxyaabaha ay ka wada hadleen. “Waxaan caawa la kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mohamed Abdullahi Farmajo kadib maalmihii lasoo dhaafay oo aan Dalka uga maqnaa cumro, waxaana maalmaha soo socda dib ugu noqon doonaa Deegaanada Hirshabelle”ayuu yiri guddoomiye Cusmaan. Balse Caasimada Online ayaa ogaatay in guddoomiyaha baarlamaanka uu madaxda dalka kala hadlay sidii looga caawin lahaa daminta xiisadda cusub ee ka dhex dhalatay baarlamaanka Hirshabeelle. Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa doonaya dhaqaalo uu ku kala furfuro xildhibaanada baarlamaanka Hirshabeelle ee sida weyn u mucaaraday fariin uu dhawaan u diray oo ku aadaneyd inay fasax ka yihiin kulamada baarlamaanka. Guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Hirshabeelle iyo xildhibaano badan ayaa shaaciyay inay guddoon cusub dooran doonaan haddii uusan si dhaqsi ah ugu laaban magaalada Jowhar. Guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabeelle ayaa saaxiib dhow la ah madaxda Nabad iyo Nolol. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
AQOONTII LA BARTAY IYO NOLOSHII MAGAALADU WAXBA KAMAY BADALIN QAABKII LOO NOOLAA XILIGII SOMALIDU GEELA KALA DHACAYSAY EE LA ISUGU FAANAYEY CUDUDA IYO CIIDANKA . ! Habka ay somalidu u noolayd qarniyo badan oo hore iyo xiligii miyiga la joogay ayaa ahaa seban la isku faano xoolaha la kala dhaco, oo la isugu faano xoog iyo xoolo, marka aad suugaanta oo kaydka taariikhda ah dib u raacdo. Noloshaasi waxa ay sababtay in ilmaha lagu barbaariyo in reerkoogu yahay ka ugu dagaal yahansan ugu xoolo badan uguna taariikh wanaagsan, waxaana farta loogu fiqi jiray reeraha uu reerkooga xafiiltanku ka dhexeeyo iyo cida uu iska ilaalinayo . Hab nololeedkii noocaa ahaa waxa uu inala soo galay magaalada iyada oo inta badan dadkii aanay waxba ka badelin magaaladii iyo waxbarashadii la bartay ee lahayd mid maadi ah iyo mid diini ahba oo uu qofku wali taagaan yahay halkii dhawr qarni ka hor la taagnaa iyo qaabkii loo noolaa. Waxa garab socota oo iyaduna uu nidaamkaa in qofwaliba qoladiisa dabada galiyo oo madaxa kala soo jeedsadaa sii dhiirigaliyey in la aaminay in aanu qofna reerkiisa la’aantii waxba noqonayn hadii uu u baahdo waxyaabo ay ka mid tahay in uu hogaaminta iyo talada dalka ka qayb qaato oo rabitaankii qofka waxa laga doorbiday ka reerka . Waxa wax lala yaabo ah in xataa kuwii dambiyada kala duwan soomaali dhexdeeda ka galay ee isugu jiray xasuuqyadii iyo duqeymihii dadka loo geystay iyo ilaa kuwa argagixisada ah ee maalinwalba umada gumaada in nin waliba reer dabada kula jira oo hadii la is yidhaahdo talaabo ha laga qaado aanu waayeyn cid reernimo iyo tolaayeey ku difaacda. Dadku way duloobaan hadii aanay xaqa iyo wanaaga isku taageerin oo waxa imanaysa in xaqdarada iyo xumaanta la isku garabsado, taasi oo Ina dhaxalsiinaysaa aayo la’aan iyo bur-bur umadeed oo aanay ka soo kaban Karin dadkeenan dhibaatooyinka dagaalada, qabyaalada iyo qiimo beelka nololeed marba marka ka dambaysa ku soo badanayo. Waxaa aynu ka hadlaynaa waa dhibaato Ina haysanaysa ilaa inta dadku ka xoroobayaan wax badan oo aasay wanaagii mustaqbalkii iyo qiimeyntii saxda ahayd ee qofka soomaaliga ahi sameyn lahaa wax ku dooran lahaa si uu ula tartamo umadaha kala duwan ee Africa iyo Aduunkaba kula nool, ilaa arimahaa xal laga gaadhona ma filayo in laga gudbayo wax badan oo dhibaato inagu haya oo aynaan diyaarna u ahayn xiligan in laga baxo, laakiin ay imanayso maalin laga bixi doonaa. Muhamed Dhimbiil Image Qaran News
-
Muqdisho (PP) ─ Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa xalay kulan gaar ah ku yeeshay madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo guddoomiyaha baarlamaanka maamul-goboleedka Hir-shabelle, Cusmaan Barre Maxamed oo maalmahan ku sugnaa Muqdisho. Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa waxaa warar kala duwan oo kasoo baxaya ay sheegayaan in waxyaabihii looga hadlay aanay illaa hadda aan laga soo saarin wax war ah. Balse, wararka hoose oo la helayo ayaa sheegay in la iskula soo qaaday sidii loo xalin lahaa xiisadda ka taagan Baladweyne ee ka dhalatay xilka qaadiistii guddoomiyihii gobolka Hiiraan, Yuusuf Axmed Hagar [Daba-geed]. Sidoo kale, waxaa kulanka looga hadlay muranka ka taagan degmada Jowhar oo ka dhashay fasaxa xubnaha baarlamaanka Hir-shabelle, kaasoo lagu eedeeyay inuu bixiyay guddoomiyaha, waxaana taasi ay dhalisay muran xooggan oo aan weli xal loo helin. Dhanka kale, waxaa socda wadahadallo lagu doonayo in lagu xalliyo khilaaf ka dhashay xil-ka-qaadistii Yuusuf Dab-geed oo gaaray meel xun, uuna ku naf-waayay taliye ka tirsan ciidamada booliiska Soomaaliya ee ku sugan gobolka Hiiraan. Ugu dambeyn, Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka taagnaa xilliyadii lasoo dhaafay muran xooggan oo ka dhashay xilal la isku bedelay, waxaana ay u muuqataan xilligan in Yuusuf Dabo-geed loo dhaafi doono xilkiisii hore si loo xalliyo khilaafka taagan. PUNTLAND POST The post Kulan Qarsoodi ahaa oo Muqdisho ku dhex-maray Farmaajo iyo Guddoomiye Baarlamaan appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Dowladda Kenya ayaa waxay dadaal xooggan ugu jirtaa sidii ay u joojin lahayn in go’aan ku aaddan muranka badda ee Somalia kala dhexeeya uu kasoo baxo maxkamadda caalamiga ah ee ICJ oo horay loogu gudbiyay dacwad ku aaddan muranka badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya. Wasiiradda arrimaha dibadda Kenya, Monica Juma ayaa booqasho ku tagtay dalka Jabuuti waxayna kulan la qaadatay madaxweynaha Dalkaas Ismaaciil Cumar Geelle, kaasoo intiisa badan ay uga hadleen muranka badda ee labada dal u dhexeeya. Monica Juma, ayaa qoraal ay ku daabacday booggeeda Twitter-ka ku xustay inay ku farsaxsan tahay la kulanka madaxweynaha Jabuuti, ayna u gudbisay qoraal ay uga siday madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, kaasoo salka ku hayay muranka badda ee u dhexeeya Somalia iyo Kenya. Kenya ayaa dhawaan ku eedeysay Xukuumadda Somalia inay abuureyso is-baheysi geeska afrika ah, iyadoo sheegtay in Madaxweynaha Somalia uu la kulmay madaxweynayaasha Tanzania iyo Eritrea iyo ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya. Sidoo kale, Dowladda Kenya ayaa dadaal ugu jirta sidii muran badeedka kala dhaxeeya Somalia loogu xallin lahaa meel aan ahayn maxkamadda, iyadoo qoraal arrintan ku saabsan dhawaan u dirtay golaha ammaanka ee QM, si ay uga hadlaan go’aanna uga soo saaraan. Dhanka kale, Xukuumadda Nairobi ayaa sheegtay in biyaha ay Somalia isku haystaan haddii loo xukmiyo Somalia ay horseedi karto in dalal badan oo ku yaalla Afrikada ay ku murmi doonaan biyo-badeedyada u dhexeeysa, kuwaas oo ay ka xustay; Kenya, Tanzaniya, Mozambique iyo Koonfur Afrika. Ugu dambeyn, Dowladda Kenya ayaa waxay dadaal weyn ugu jirtaa sidii ay u baajin lahayd go’aanka maxkamadda ICJ oo la sheegay inuu u muuqdo mid ay Somalia ugu xukumi doonto biyaha lagu muransan yahay, waxayna Kenya billowday inay cadaadisyo kala duwan saarto Somalia. PUNTLAND POST The post Kenya oo dadaal weyn ugu jirta sidii muranka Badda loogu dhameyn lahaa hab is-faham ah appeared first on Puntland Post.
-
Addis Ababa (PP) ─ Dalalka IGAD ayaa kulan aan caadi ahayn oo ay uga hadleen xaaladda ka taagan dalka Suudaan, waxay shalay ku yeeheen magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya, iyagoo isla gartay in si dhaqso ah wax looga qabto xaaladda Suudaan. Dalka Suudaan ayaa waxaa ka taagan xaalad is-mari-waa ah oo u dhexeysa xukuumadda ay ciidamadu hor-boodayaan iyo dadweynaha dalkaas, kuwaas oo ka biyo-diiddan in xukunka ay sii hayaan ciidamada, maadaama xilka laga qaaday madaxweynihii hore ee dalkaas, Cumar Al-bashiir oo xilka dalka Suudaan kula wareegay afgambi millateri. Waddooyinka magaalada Khartuum ee dalka Suudaan ayaa intooda badan ah kuwo maran, iyadoo goobaha qaarkood lagu arkayo dhallinyaro baangado iyo toorreeyo wata oo taagan waddooyinka, kuwaasoo sheegay inay ciidanka dalkaas ka ilaalinayaan inay xaafadahooda soo galaan. Sidoo kale, Wasiirrada Arrimaha dibadda ee IGAD ayaa waxay ku baaqeen in la qabto shir deg-deg ah oo wax looga qabanayo xaalada Suudaan ku sugan tahay xilligan, isla markaana cadaadis la saaro ciidamada xukunka haya. Dhanka kale, Wasiirrada shirka IGAD ka qayb-galay ayaa waxaa isugu jireen wasiirrada dalalka, Itoobiya, Somalia, Jabuuti, South Sudan, Kenya iyo wasiir-u-dowle ka socday dalka Uganda. Kulankan ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo dhawaan uu dalka Sudan booqday ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed halkaasoo uu ka billabay inuu u kala dab-qaado dhinacyada isku haya awoodda maamul ee dalkaas, inkastoo aan la ogeyn halka ay wada-hadalladaas billowday marayaan. Ugu dambeyn, Dalka Sudan ayaa waxaa ka taagan xaalad aan la qiyaasi karin halka ay ku dambeyn doonto, inkastoo madaxweynihii hore uu xabsiga ku jiro, haddana millateriga ayaa diiday dalab ka yimid dibad-baxayaasha oo ah in xukunka lagu wareejiyo rayidka. PUNTLAND POST The post Dalalka ku bahoobay IGAD oo shir ka yeeshay xaaladda adag ee ay ku sugan tahay Suudaan appeared first on Puntland Post.
-
Xassan Shire Cabdi Abgaal Wasiirka Maaliyadda Puntland Xassan Shire Abgaal, ayaa shaaciyay in uu dacwad ka gudbiyay qaar kamid ah wasaaradaha dowladda Puntland iyo hay’adaha madaxa-bannaan oo sida uu sheegay bixin waayay canshuurtii ku waajibay. Wasiirka oo shalay ka hadlayey shir ku saabsana kicinta iyo kor u-qaadidda canshuuraha oo Garoowe lagu qabtay, ayaa sheegay in uu dacwad ka gudbiyay qaar kamid ah wasaaradaha iyo hay’adaha bixin waayaycanshuurta ku waajibtay,islamarkaana qoraal-dacwadeed ka geeyay Xeer-ilaalinta, Hanti-dhowrka guud iyo madaxtooyada Puntland . Abgaal ayaa sidoo kale ku hanjabay in uu dacwad ka gudbin doono, wasaaradaha iyo hay’adaha aan weli bixin canshuurta dowladda” annaga wasaaradii iyo hay’addii aan ka wayno canshuurihi ku waajibay dacwad baan gudbinaynaa” ayuu yiri wasiirka. Waxaa kale oo uu xusay in qaar kamid ah wasaaradaha iyo hay’adaha madaxa-bannaan ee dowladda Puntland ay Maaliyaddu dhaqaalihii ka joojisay, kadib markii ay bixin waayeen canshuurta”Haa way jiraan hay’addo bixin waayay Cashuurta Mashaariicda dhex marta dacwadna waan ka gudbinay adeegiina waan ka joojinay ” ayuu yiri sii raaciyay Xassan Abgaal. Halkan hoose ka daawo hadalkiisa PUNTLAND POST The post Xassan Abgaal oo sheegay in uu dacwad ka gudbiyay qaar kamid ah wasaaradaha dowladda Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Somaliland: Coldoon Case Begins At Hargeisa Court The case against reporter, Abdimalik Coldoon has began at the Marodi Jeh Regional Court in Hargeisa. Reporter Coldoon who has been in remand for nearly two months is accused of writing articles that defame the Republic of Somaliland and it’s institutions, including the office of the President. This is not the first time that reporter Abdimalik Coldoon has been in trouble with the Somaliland authorities and had been charged with libel and slander against the Republic. The reporter is also accused of defaming Abaarso School and two of it’s staff members. Lawyers for the reporter, Abdimalik Coldoon, have dismissed the charges as frivolous and as a personal vendetta against their client who is well known for his “Somaliweyn” sympathies. The hearing is expected to last a few days Qaran News
-
Nairobi (Caasimada Online)-Maxkamad ku taala magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxaa shalay kasoo muuqday afar ruux oo loo heystay inay qeyb ka ahaayeen weerar Al Shabaab Labadii April ee sanadkii 2015 ka geysteen Jaamacadda Gaarisa. Francis Andayi oo ah garsooraha maxkamadda magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa shaaciyay in seddex kamid ah eedeysanayaasha lagu helay dambiga loo heystay oo ahaa inay qeyb ka ahaayeen weerarkii ka dhacay jaamacadda magaalada Gaarisa. Maxkamadda ayaa siideysay Sahal Diiriye Xuseen oo lagu waayay dambiga,waxa lagu helayna ahayd in uu la joogay mid ka mid ah Ragga weerarkaas loo heysto, sidaasna lagu soo xiray. Dhamaan Afartii Nin ee fulisay Weerarkii Gaarisa ayey dowladda Kenya sheegtay in ay isla Jaamacadda ku dhinteen halkaas oo ay ku dhinteen 148 qof oo Ardey u badan. Garsooraha Maxkamadda Nairobi, Francis Andayiwaxa uu amray in saddexda Eedeysane lagu sii hayo Xabsiga, inta laga gaarayo bisha soo socota ee July 3-da, xilligaasi oo lagu dhawaaqi doono Xukunkooda. Al Shabaab ayaa ardaydii ugu badneyd ku dilay jaamacadda magaalada Gaarisa ee dalka Kenya sanadkii 2015, waxaana la sheegayaa inay ahaayeen ardaydii ugu badneyd ee lagu dilay dalka Kenya. Caasimada Online Xafiiska Kenya Caasimada@live.com
-
(SLT-Khartoum)-Maxkamada danbiyada dagaalka caalamiga ah ee ICC ayaa ugu baaqday milatariga Suudaan in ay usoo gacan galiso Madaxweyne Camar Xasan Al-Bashiir. Wadamada reer galbeedka ayaa ku eedeeyay hogaamiyihii hore ee Suudaan tacadiyo ka dhacay gobolka Daafuur. Al-Bashiir ayaa talada Lumiyay bishii April ee sanadkaan iyadoo deetana xabsiga La Dhigay. ICC ayaa ku eedeysay in danbiyo dagaal iyo xasuuq bani aadanimo uu geystay sanadihii 2003-dii ilaa 2008-dii. Dacwad soo oogaha maxkamada ICC Fatou Bensouda oo warbaahinta kula hadashay magaalada New York ee dalka Mareykanka ayaa sheegtay in la gaaray waqtigii cadaalada ay heli lahaayeen dhibanayaasha Daafuur. Bensouda ayaa dhanka kale ka codsatay milatariga suudaan in ay gacanta u soo galiyaan afar la tuhme oo uu ka mid yahay wasiirkii hore ee Amniga Axmed Harun. Source
-
(SLT-Ankara)-Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ku baaqay in Maxkamad caalami ah loo soo taago dowlada Masar geerida Madaxweynihii hore ee dalka Masar Mohamed Morsi. Erdogan ayaa sheegay inuu sameyn doono wax walba oo suurtogal ah sidii maxkamad caalami ah ay u qaadi lahayd geeridii Morsi,isagoo ugu baaqay Ururweynaha Islaamka inuu qaado tallaabo. Hoggaamiyaha dalka Turkiga Erdogan ayaa ku tilmaamay Morsi inuu yahay Shahiid isagoo xusay inuusan aaminsanayn in Morsi uu u dhintey si caadi ah. Erdogan ayaa taageeray dowladii Morsi oo muddo gaaban shaqeyneysay waxayna taageerayaal iyo qaar ka mid ah xubnaha xisbiga Ikhwaanul Muslimiinta ay u carareen dalka Turkiga kadib markii laga mamnuucay dalka Masar. Sidoo kale Erdogan ayaa sheegay in arrinta Morsi uu ku soo qaadi doono shirweynaha madaxda G20 ee dhamaadka bishan ka dhici doona dalka Japan. Source
-
Boosaaso (Caasimada Online)-Saraakiisha ciidamada amaanka ee Puntland ayaa sheegay inay fashiliyeen qarax miino oo lagu aasay Suuq ku yaala magaalada Boosaaso ee gobolka Bari. Ciidamada amaanka ee Puntland waxay sheegeen in qaraxaasi uu ahaa miinada dhulka lagu aaso, waxaana la geliyay meel ku dhow isgoyska Gaaca ee Suuqa magaalada Boosaaso, waana bartamaha Suuqa. Arinta ayaa timid kadib markii ciidamada amaanka Mid kamid ah uu arkay qaraxa oo la geliyay Suuqa, waxaana kadib la xeray waddooyinka Suuqa gala, iyadoo kadib goobta laga saaray. Saraakiil u hadashay ciidamada Puntland ayaa sheegay kaliya inay miinada soo saareen, mana jirin faahfaahin dheeri ah oo laga bixiyay miinada iyo in lasoo qabtay dadkii ka dambeeyay aaska miinada. Maalmihii ugu dambeeyay waxaa kordhayay amni darada magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, waxaana ciidamada ay sameynayeen baaritaanada amaanka lagu xaqiijinayo. Saraakiisha Puntland ayaa sheegay inay sii wadi doonaan baaritaanada amaanka lagu xaqiijinayo, waxaana jirto cabsi laga qabo in kooxaha Al Shabaab iyo Daacish ay weeraro ka geystaan magaalada Boosaaso. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
-
(SLT-Paris)-Maxkamada dalka France ayaa Arbacadii soo saartay go’aan ah in Maxkamada lasoo taagi karo Madaxweynihii hore Nicolas Sarkozy oo loo heysto Kiis Musuq Maasuq ah. Qareenada u doodayey Madaxweynihii hore ayaa dadaal ugu jiray in laga hortago Maxkamada iyo Kiiska loo heysto Sarkozy oo la xariira lacago qarsoodi ah oo uu ka helay Hogaamiyihii hore ee Liibiya Mucamar Qadafi, xiligii uu Sarkozy ku jiray ololihiisii doorashada 2007 iyo inuu isku dayey inuu kahor tago baaritaanadii lagu sameenayey inuu jabiyey Sharuucda dalkaasi. Sarkozy iyo Qareenkiisa Thierry Herzog ayaa la sheegay inay shaqo iyo hanti u balanqaadeen Garsoorihii Maxkamadii baareysay lacagaha uu ka helay Col.Qadaafi iyo inuu Madaxweynaha jabiyey sharuucda dalkaasi, waxaa sidoo kale dacwad lagu soo oogay Mr.Gilbert Azibert oo kamid ah Garsoorayashii xiriirka hoose la lahaa Sarkozy intuu xilka hayey. Maxkamada ayaa xukuntay in sadexdan nin ee kala ah; Sarkozy, Qareenkiisa iyo Garsooriihihii hore Gilbert Azibert dhamaantood maxkamada lasoo taagi karo, arrintan oo u fasaxeysa xeer illaalinta inay bilowdo dacwadooda ku aadan kiiskan. Wiilka uu dhalay Qadaafi ee Sayfislam ayaa horey u baahiyey sirta inay lacag siiyeen Sarkozy markii uu xilka u tartamayey, kadib markii dowladii Sarkozy ay ku biirtay dalalkii wadamadii NATO taageerada militari siiyey kacdoonkii xukunka looga tuuray Col.Qadaafi. Nicolas Sarkozy ayaa noqonayaa hogaamiyihii ugu horeeyey ee France oo in muddo ah maxkamad la horgeeyo, waxaana la filayaa in dacwada ka dhanka ah ay bilaabato bilaha soo socda. Source
-
(SLT-Pyanyang)-Madaxweynaha dalka Shiinaha Xi Jinping ayaa gaaray Kuuriyada Waqooyi si uu ula kulmo Kim Jong-un, waana booqashadii koobaad ee rasmi ah ee madaxweyne Shiinaha ka socda uu ku tago Waqooyiga Kuuriya tan iyo 2005. Labadan masuul oo afar jeer oo hore ku kulmay Shiinaha ayaa la rajaynayaa in ay ka wada xaajoodaan barnaamijka nukliyeerka ee Kuuriyada Waqooyi iyo arrimo dhaqaalaha la xiriira. Shiinaha ayaa muhiim u ah Kuuriyada Waqooyi maadaama ay yihiin dalka ganacsiga ugu wayn uu kala dhaxeeyo. Booqashada Xi ayaa timid toddobaad ka hor shirka G20 ee lagu qabanayo dalka Japan, halkaas oo uu kula kulmi doono madaxweyne Donald Trump. Kulankan ayaa sidoo kale noqon doona midkii koobaad ee uu Kim la yeesho tan iyo kulankii dhex maray Trump iyo Kim ee ka dhacay magaalada Hanoi bishii Feebaraayo, kaas oo dhammaaday iyadoo aan wax heshiis ah laga gaarin baabi’inta hubka nukliyeerka ah ee Kuuryada Waqooyi. Source
-
A Somali owned and operated e-commerce company has quietly been making serious headway in Africa. The company, ZIQQI.com, has a sharp looking site and powerful branding that makes it seem more like a large foreign player than a home-grown outfit. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Kulamo gaar-gaar ah oo ka dhacay magaalada Muqdisho bilaawgii bishaan islamarkaana ay yeesheen odayaasha dhaqanka beelaha Habar-gidir ayaa lagu joojiyay dhamaan rajadii iyo qorshihii dowladda Soomaaliya ay ka damacsaneed Galmudug. Odayaasha beelaha Sacad, Ceyr, Duduble, iyo Saruur ayaa la kulmay odayaasha beesha reer Xaaji Saleebaan waxayna kala hadleen qodobo ku saabsan mideynta Habar-gidir iyo ka hortagga damaca dowladda Soomaaliya ee qabashada doorashada Galmudug sanadkaan 2019. Beesha reer Xaaji Saleebaan ayaa laga dalbaday in magaalada Cadaado aysan ka dhicin doorasho ay soo abaabushay dowladda Soomaaliya oo ku saabsan degaanada Galmudug. Dowladda Soomaaliya ayaa waday qorshe doorashada Galmudug ah waxayna rabtaa in ay ku qabato magaalada Cadaado maadaama aysan tagi karin Dhuusamreeb, hase-yeeshee odayaasha Habar-gidir oo dhan ayaa ku heshiiyay magaalo ka tirsan Galmudug aysan doorasho ku qaban karin dowladda Soomaaliya taas oo lagu sheegay bur burinta dowladda Galmudug. Cadaado oo ay degto beesha Saleebaan waxay aheyd meesha kaliya ee looga cabsi qabo in ay doorasho ka dhacdo hase-yeeshee Habar-gidir ayaa is hortaag ku sameysay qorshihii dowladda Soomaaliya. Beelaha Habar-gidir ayaa ku heshiiyay in ay shir ku yeeshaan magaalada Hobyo bisha dhalan doonto ee Luulyo waxaana halkaas lagu dhameyn doonaa dhamaan tabashooyinka ay iska qabaan beelaha Habar-gidir. Sidoo kale waxaa looga hadli aayaha Galmudug iyo sidii dadkeeda loo mideyn lahaa waana sababta keentay in beesha reer xaaji ay ogolaadaan in aan Cadaado laga soo dhaweyn qorshe kasta oo aysan Habar-gidir u mideesneen. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
WASHINGTON (June 19): The Trump administration is weighing three sanctions packages to punish Turkey over its purchases of the Russian S-400 missile-defense system, according to people familiar with the matter. Source: Hiiraan Online