Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,357
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. War qoraal ah oo ka soo baxay kulan ay magaalada Muqdisho ku yeesheen saraakiil ka tirsan DFS, Taliyaha Hawlgalladda Milliteriga Maraykanka ka jooga Qaraadda Afrika [...] Source
  2. Muqdisho (Caasimada Online)-Dowladda Sweden ayaa war kasoo saartay warar maalmihii ugu dambeeyay la isla dhex marayay oo ku aadan inay dowladda Sweden u diiday madaxweyne Biixi inuu safar ku tago magaalada Stockholm. Wararka ayaa sheegaya in socdaalka madaxweyne Biixi ku tagi lahaa Caasimada Sweden ay la xiriirtay ka qeyb galka dood ku saabsaneyd sida Somaliland ay ku heshay nabadda iyada oo ku taala gobol colaado badan ay ka jiraan. Sida wararka aan ku heleyno warqad loo soo diray Muuse Biixi oo uu shirka uga qeygali lahaa ayaa waxaa ku qorneyd in uu khudbad ka jeedin lahaa kana hadli lahaa mowduucaas. Hayeeshee markii ay warqaddaasi soo baxday ayaa la xaqiijiyay in Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay la xiriirtay Safaaradda Sweden ee Nairobi iyo Wasaaradda arrimaha dibadda dalkaas. Labada dhinac ayaa hadda beeniyay inay ka warhayeen socdaalka madaxweyne Biixi ku tagi lahaa Stockholm, waxaana hadda baaqday safarka Muuse Biixi Cabdi ee magaaladaasi. Socdaalka Muuse waxaa abaabulayay Dadka ka soo jeeda Somaliland ee ku nool dalkaas iyo xildhibaan ka mid ah Guddiga saaxiibada Baarlamaannada Somaliya iyo Sweden oo lagu magacaabo Magnus Oscarson. Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland ayaa la filayaa in ay ka qeybgalaan kulankaas waxaana baaqday safarkii uu Muuse Biixi uga qeybgeli lahaa iyada oo aan si rasmi ah loo shaacin in baajinta safarkaas dalbatay dowladda Federaalka ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  3. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay dagaal shalay ka dhacay deegaanka Kalabeyr ee gobolka Hiiraan, kaasi oo khasaare kala duwan uu ka dhashay. Dagaalkan waxaa ku dhintay taliyahii qeybta Booliiska ee gobolka Hiiraan, Gaashaanle Dhexe Maxamed Mocow Xalane. C/naasir Saciid Muuse, wasiir ku xigeenka wasaaradda amniga DFS ayaa sheegay iney ka xun yihiin geerida taliyaha, sidoo kalena ay guddi u saareen arrinta dagaalka. Wuxuu tilmaamay wasiir ku xigeenka in sidoo kale loo baahan yahay dejinta xaaladda oo aan xaalado kale oo dadka dhib u keeni kara la abuurin. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/06/cod1-wasarada-amniga-.mp3 Source: goobjoog.com
  4. Dagaal u dhexeeya ciidamada Somaliland iyo jabhadda dib u xoraynta Khaatumo ee uu hoggaamiyo Col. Faysal Falaalug ayaa xalay ka dhacay degaanka Tukaraq ee gobolka Sool sida ay soo sheegayan dadka ku nool tuuladaasi. Dagaalka ayaa saqdii dhexe ee xalay bilowday kadib markii dagaal-yahanno ka tirsan jabhadda ay weerar culus ku qaadeen taliska ciidamada Somaliland ee aga’gaarka buurta “Laba-madaxleey” oo dhanka koonfur bari ka xigta tuulada Tukaraq. Wararka halkaasi laga helayo ayaa sheegaya in dagaalka oo socday in ka badan hal saac uu ka dhashay khasaare kala duwan oo labada dhinacba gaaray inkastoo aan weli faahfaahin laga hayn maadaama ay adagtahay in labada dhinacba xog laga helo. Xubin ka tirsan jabhadda Khaatumo oo si kooban ula hadlay warbaahinta Puntland Post ayaa sheegay in dagaallamayaashooda oo ku hubaysan qoryaha garabka laga rido islamarkaana xiran ookiyaalaha habeenkii wax lagu arko ay gebi ahaanba gubeen taliska ciidamada Somaliland ee buurta “Laba-madaxleey” balse wuxuu diiday in uu ka hadlo khasaaraha dhankooda gaaray. Dhinaca kale taliska ciidamada Somaliland ayaan weli dhinacooda ka hadlin khasaaraha ka dhashay dagaalkii xalay oo dadka degaanka ay ku tilmaameen midkii ugu cuslaa ee dhexmara jabadda Khaatumo iyo ciidamada Somaliland marka loo eego hubka culus ee halkaasi ka dhacayey habeenkii xalay. PUNTLAND POST The post Dagaal culus oo xalay ka dhacay Tukaraq appeared first on Puntland Post.
  5. Dhuusomareeb (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Dhuusomareeb ee caasimada Galmudug ayaa sheegaya in dad shacab ah oo kasoo jeeda Koofur Galbeed lagu dilay duleedka magaalada. Ku dhawaad Shan ruux aya lagu dilay deegaanka Bulacle oo dhinaca Koofureed kaga beegan magaalada Dhuusomareeb, sida dadka deegaanka ay xaqiijiyeen. Wariyaasha ku sugan gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in dadka la dilay oo deegaan ahaan kasoo jeeda Koofur Galbeed inay ku dhinteen falal la xiriira aanooyin qabiil oo maalmihii ugu dambeeyay ka jiray deegaanada Galgaduud. Meydadka dadka Shacabka ah ee kasoo jeeda deegaanada Koofur Galbeed ayaa la sheegayaa in loo qaaday magaalada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud. Wararka qaar ee soo baxaya ayaa sheegaya in dadka rayidka ah ee la dilay aysan kamid aheyn labada beeleed ee maalmahaan ku dagaalamay deegaanka Bulacle. Xiisad u dhaxeysa labo beelood oo halkaasi wada daga ayaa ka taagneyd maalmihii ugu dambeeyay duleedka magaalada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud, waxaana dadkaan la sheegay inay saameysay xiisadda. Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka Galmudug oo ku aadan xiisadda kataagan duleedka magaalada Dhuusomareeb ee u dhaxeysa beelaha halkaasi wada daga. Arinta ayaa kusoo aadeysa iyadoo maalin ka hor dadka kasoo jeeda deegaanada Koofur Galbeed looga yeeray xarunta Dhuusomareeb, islamarkaana laga dalbaday inay laamaha amaanka kala shaqeeyaan xaqiijinta amniga Galmudug. Caasimada Online Xafiiska Galmudug Caasimada@live.com
  6. Maamulka deegaanka Af-urur ee gobolka Bari ayaa ka warbixiyey xaaladda guud ee deegaankaasi, halkaasi oo shalay ay dib ula wareegeen ciidamada Puntland. Maxamed Geeddi Saalax, guddoomiyaha deegaankaasi oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in xaaladdu ay tahay mid deggan, islamarkaana ciidanku ay howlgallo wadaan. Wuxuu guddoomiyaha tilmaamay in markii ciidanku ay shalay la wareegeen deegaankaasi ay isku gadaameen guud ahaan xaafadaha Af-urur, islamarkaana amniga ay xaqiijiyeen. “Xaaladdu wey deggan tahay, ammaankuna waa uu sugan yahay, ciidamadu sababo ciidan bay u baxeen, hadane waa ay kusoo laabteen deegaankooda” ayuu yiri guddoomiyaha. Al-shabaab ayaa la wareegay markii ciidanka Puntland isaga baxeen deegaanka Af-urur, hase ahaatee shalay ayeey dagaal la’aan isaga baxeen. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Muqdisho (SMN) – Afhaayeenka Odayaasha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Mogadishu Clan Nabadoon C/nuur Axmed Diiriye ayaa sheegay in la shaqeynta shacabka hay’adaha amniga ay fududeyn karto in la helo nabad galyo iyo xasilooni waarta. Nabadoonka ayaa ka codsaday in dowlad iyo shacab la’iska kaashado xaqiijinta amniga magaalada Muqdisho. Dhinaca kale Nabadoon Maxamed Xasan Xaad guddoomiyaha Odayaasha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Mogadishu Clan oo la hadlay Warbaahinta ayaa ka codsaday dowladda federaalka Soomaaliya in la helo Maqaamka Siyaadadeed ee magaalada Muqdisho, maadaama shacabka ku dhaqanka Caasimadda tiro ahaan ay ka badan yihiin saddex Milyan. Muqdisho ayaa hadda wax matalaad ah aan ku laheyn nidaamka federaalka dalka, hayeeshii waxaa socdo qorshe lagu doonayo in lagu helo maqaamka Caasimadda. View the full article
  8. Muqdisho (SMN) – Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac oo loo yaqaan (Goobe) ayaa ka warbixiyay dhismaha xarun Warshadeed oo soo saareyso dharka ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed. Bashiir Goobe ayaa sheegay in Warshadan oo uu dhagax dhigay R/wasaare Khayre ay soo saari doonto dharka ciidanka oo leh tixraac fududaynaya in askari kasta uu helo labis u gaar ah. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in Warshadan Soomaaliya ay ugu deeqday dowladda Turkiga, islamarkaana la howl galin doono horraanta sannadka 2020-ka. DFS ayaa dhismaha Warshadan kaga maarmeysa in dharka Ciidamada laga keeno dalka Dibaddiisa iyo sidoo kale in ay isticmaalaan shaqsiyaad aan qayb ka ahayn ciidanka. View the full article
  9. Muqdisho (Caasimada Online)-Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay xiisadda ka taagan deegaanada gobolka Hiiraan iyo dagaaladii shalay ka dhacay duleedka magaalada Beledweyne. Wasiir ku xigeenka wasaaradda amniga xukuumadda Soomaaliya C/Naasir Saciid Muuse ayaa sheegay inay ka xun yihiin dagaalada ka dhacay duleedka magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan. Dagaalkaasi ayuu sheegay inay u xilsaareen guddi gaar ahaaneed oo baaritaan dhab ah ku sameynaya, waxyaabaha keenay iyo cidda masuulka ka aheyd, isaga oo sheegay in la iskula xisaabtami doono. Wasiir ku xigeenka ayaa kaga digay qeybaha kala duwan ee ciidamada xooga dalka inay ku lug yeeshaan dagaalada ka dhacaya deegaanada Gobolka Hiiraan. Dhinaca kale wasiiro iyo xildhibaano kasoo jeeda gobolka Hiiraan ayaa ka hadlay xiisadda ka dhalatay xil ka qaadistii Dabageed iyo dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Beledweyne. Wasiirka waxbarashada C/llaahi Goodax Barre oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in wax laga xumaado tahay in xiligaan lagu dagaalamo magaalada Beledweyne, isaga oo ku baaqay in xal kale lala yimaado. Wuxuu sheegay inuu ka xun yahay dagaalo dhiig ku daadanayo inay qarnigaan ka dhacaan magaalada Beledweyne. Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo dhankiisa ka hadlay xiisadda Hiiraan ayaa sheegay in guddoomiyihii Hiiraan Dabageed looga baahan yahay inuu xilka si nabad galyo ah ku wareejiyo, islamarkaana uusan horseedin dagaalo ka dhaca gobolka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  10. Beleweyne (SMN) – Wasiir ku xigeenka wasaaradda amniga Soomaaliya Mudane Cabdinaasir Siciid Muuse oo shir jaraa’iid u qabtay warbaahinta ayaa si kulul uga hadlay dagaalka shalay ka dhacay duleedka magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Ugu horreyn Cabdinaasir ayaa ka tacsiyeeyay geerida Gaashaanle Dhexe Maxamed Macow oo ahaa taliyihii qeybta Booliska gobolka oo ku dhintay dagaalkaasi. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in XFS ay guddi u xilsaartay dhacdadaasi, islamarkaana ay soo xaqiijin doonaan, sida ay wax u dhaceen. Dhinaca kale waxaa xusay in baaritaanka kadib ay tallaabo qaadi doonto wasaaradda amniga dowladda federaalka Soomaaliya. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli shalay gelinkii dambe Ciidamo ka taabacsanaa guddoomiyihii xilka laga qaaday ee gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed iyo kuwa mamulka HirShabelle ay ku dagaalameen deegaanka Kala-bayr ee gobolkaasi. View the full article
  11. Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo maanta ka qayb galay munaasabad looga arrinsanayay dib-u-dhiska Xarunta degmada Warta-nabadd ee gobalka Banaadir, ayaa ku deeqay mushaarkiisa bisha June. Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa munaasabadda ka sheegay in dib-u-dhiska xarunta uu fududaynayo fulinta adeegyada bulshada, ayna muhiim tahay in laga wada qayb qaato dadaallada dib loogu dhisayo. Guddoomiyaha Degmada warta Nabadda oo ka hadashay munaasabadda ayaa ra’iisul Wasaare ku-xigeenka iyo dhammaan mas’uuliyiinta kale uga mahad celisay ka qayb qaadashada dadaallada dib loogu dhisayo xarunta. Munaasabadda oo lagu qabtay xarunta degmada, qorshaheeduna ahaa in dhaqaale loogu aruuriyo dib-u-dhiska xarunta oo ku burburtay weerar ay Al Shabaab ku qaadeen ayaa waxaa kasoo qayb galay wasiirro, xildhibaanno, guddoomiyaha gobalka Banaadir iyo mas’uulyiin kale. View the full article
  12. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/06/Warka-Subax-12062019.mp3 View the full article
  13. jihadist terrorists killed more than 250 people around Sri Lanka in a series of suicide-bombings. It is not surprising that since the attacks, jittery police have arrested more than 2,000 people, nearly all of them Muslim Source: Hiiraan Online
  14. A Somali refugee has set himself on fire on Manus Island, amid claims of a worsening mental health crisis at the detention centre. Source: Hiiraan Online
  15. League admits game officials missed call on Warriors' DeMarcus Cousins in final minute Source: Hiiraan Online
  16. Somaliland: Foreign Minister To Deliver Speech In Sweden The Somaliland Foreign Minister, Yasin Hagi Mohamud Hir “Faratoon” is expected to travel to Sweden in order to deliver keynote speech at a conference on democracy in Africa. The Foreign minister has been invited to the conference by Swedish parliamentarians. There was speculation that the Somaliland President Muse Bihi Abdi, who is one of the few politicians to have been elected on a one person, one vote in the Horn of Africa, would travel to Sweden to deliver the speech. However, the weak federal administration in Mogadishu lodged a complaint with the Swedish embassy in Nairobi, that is accredited to Somalia, regarding the reports of President Muse Bihi’s proposed visit to Sweden. The Swedish government replied that the Somaliland delegation were invited to the conference by Swedish parliamentarians and not the Swedish government. Once again, it is quite obvious that the weak federal administration’s attempts to diplomatically isolate Somaliland have clouded their judgement with regard to sound reasoning and political decorum. They neglected to verify whether the Swedish government or Swedish parliamentarians had extended the invitation. This is not the first example of a complete lack of diplomatic etiquette from the ill-trained and ill educated functionaries of the federal administration in Mogadishu. Just recently, the FGS “ambassador” in Qatar objected to the displays of Somaliland flags by fans at the football tournament in Doha. This functionary went as far as to request the removal of the fans by Qatari police. Understandably, his request was ignored. The match in question featured a teams representing the Somaliland and Sudanese communities, and what he was doing there, nobody knows. This type of immature conduct of by the federal entity in Mogadishu will only drive a deeper wedge between the peoples of Somaliland and Somalia. Qarannews.com Qaran News
  17. Wefdi ka kooban xildhibaanno iyo wasiiro ka tirsan dowladda Puntland oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha Baarlamanka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed Dhoobo ayaa gelinkii dambe ee shalay booqday fariisimaha ciidanka Daraawiishta Puntland ee degmada Yubbe . Guddoomiyaha iyo wefdigiisa ayaa soo kormeeray fariisimaha kala duwan ee ciidanka Daraawiiishta Puntland ku leeyihiin degmada Yubbe halkaasi oo ay isku hor fadhiyaan ciidamo kala taabacsan Puntland iyo Somaliland kuwaasi oo labada dhinac ka fadhiya magaalada Yubbe. Mudane Dhoobo iyo wefdigiisa ayaa kulan la qaatay saraakiisha ciidanka Daraawiishta Puntland ee ku sugan Yubbe iyagoo ka dhegaystay warbixinno la xiriira xaaladda ciidanka iyo diyaar-garowga ay ugu jiraan difaaca xuduudaha Puntland. Dhinaca kale guddoomiyaha iyo wefdigiisa oo xalay ku howday degmada Hadaaftimo ee isla gobolkaasi ayaa saaka kulamo kala duwan la qaadanaya maamulka degmada Hadaaftimo iyo bulshada ku dhaqan degmadaasi. PUNTLAND POST The post Xildhibaanno iyo wasiiro ka tirsan Puntland oo booqday fariisimaha ciidanka Puntland ee Yubbe appeared first on Puntland Post.
  18. Miami (AFP) - A Florida man pleaded guilty Tuesday to making death threats against three Democratic lawmakers and leaving them voicemail messages insulting Muslim Congresswoman Ilhan Omar. Source: Hiiraan Online
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya ayaa qaabilay dood ka soo gudubtay oo ay xalin kari waayeen taliyaha ciidamada Booliiska Soomaaliya Gen. Bashiir Americo, taliyaha qeybta Booliiska Soomaaliya Saadaq John iyo taliyaha Milateriga Soomaaliya General Indha-qarshe taas oo salka ku heysa Askari dhamaadkii Ramadaanka lagu dilay gudaha Suuqa degmada Xamar-weyne. Caasimada Online ayaa ogaatay in Madaxweynaha Soomaaliya uu kulan la qaatay taliyaha Guudatada 14-ka Oktoobar oo lagu magacaabo Axmed Gaashaan kaas oo maalmo ka hor ku hanjabay in uu weerari doono taliye ku xigeenka labaad ee ciidamada Booliiska Soomaaliya Gen. Zakiya Xuseen iyo taliyaha Saldhigga degmada Xamar-weyne. Arintaan ayaa ka dhalatay israsaaseyn dhaxmartay ciidamo katirsan Guutada 14-ka Oktoobar iyo ciidamada Booliiska degmada Xamar-weyne, taas oo dhacday dhamaadkii Bishii Ramadaan. Israsaaseyntaasi waxaa ku dhintay Askari kat irsan ciidanka Axmed Gaashaan oo ka adeeganayay Suuqa. Taliye Axamed Gaashaan ayaa ka hor inta aysan ciidamada Suuqa soo aadin waxa uu la soo wacay taliyaha Saldhigga Xamar-weyne waxa uuna ku wargeliyay in ciidamo kuwiisa ah oo aqoonsiyo wata sidoo kalane loo tilmaamay gaarigooda ay suuqa ka adeegan doonaan. Taliyaha Saldhigga oo aqbalay arrintaasi ayaa sidoo kale la sheegay in ciidamadiisa ay ku soo wargeliyeen in wax ay ugu yeereen burcad suuqa soo galeyn isagoo amray in la qabto ama la tuugto. Waa qodobka lagu heesto Taliyaha Saldhigga. General Zakiya Xuseen oo ah taliye ku xigeenka labaad ee Ciidamada Booliiska Soomaaliya ayaa iyadana lagu heestaa qoraal ay soo dhigtay Internet-ka oo ay ku sheegtay in la toogtay Askari ka tirsan Koox Burcad ah mid kalane la qabtay. Waa dooda kale Axmed Gaashaan. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la sheegay in arintaan ay gaartay islamarkaana uu dalbaday in uu wax ka qaban doono. Wararka la helayo ayaa sheegay in arintaan ay sababi doonto xil ka qaadista taliyaha Saldhigga degmada Xamar-weyne. Taliyaasha Booliiska iyo Milateriga Soomaaliya ayaa madaxweynaha warbixin ka siiyay wixii dhacay iyagoo cadeeyay in qaladka ka jira dhanka Booliiska balse uu xalkii diiday Axmed Gaashaan isagoo dalbaday in loo toogto Askarigii dilay Askarigiisa ama uu dagaal kale dhici doono. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  20. For the first time ever, residents of Glasgow were in late May treated to a cuppa with a twist: cappuccinos made from camel milk. Source: Hiiraan Online
  21. Dawladda Sweden ayaa dawladda Soomaaliya ku wargelisay inaanay wax shaqo ah ku lahayn socdaal la filayay in Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi uu ku tago dalka Sweden, laakiin hadda ay cadaatay inuu baaqday. Xildhibaan Magnus Oscarson ayaa qoraal uu baahiyay wuxuu ku sheegay in Madaxweyne Biixi Sweden tagi doono toddobaadkan. Warar xogogaala ayaa Geeska Afrika u xaqiijiyay inay dawladda Soomaaliya xidhiidh la samaysay safaaradda ay Sweden ku leedahay Nayrobi iyo weliba xarunta wasaaradda arrimaha dibadda ee Sweden oo ay ka dalbatay inay faahfaahin ka siiyaan socdaalka Madaxweyne Biixi, waxaanay sida ay xogahani sheegeen ay dawladda Sweden ku wargelisay dawladda Soomaaliya inaanay ka xukuumad ahaan wax lug ah ku lahayn socdaalka Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi, balse ay socdaalkaas ka shaqaynayeen jaaliyadda Somaliland iyo dad la shaqeeya oo aanay Sweden magacaabin kuwa ay yihiin. Madaxweyne Biixi oo hadda ka baaqday socdaal la filayay inuu maalmahan ku tago dalka Sweden, ayaa waxa socdaalkiisa qaban qaabinayay xildhibaan Magnus Oscarson oo ka tirsan Baarlamaanka Sweden kana mid ah golaha saaxiibada Baarlamaanka Sweden iyo Soomaalida, waxaanu sida uu xikdhibaanku ku sheegay qoraal uu soo saaray la filayay in Madaxweyne Biixi kulan uu xildhibaankani abaabulayay ka jeedin doonaa mawduuc ku saabsan sida ay Somaliland ugu suurtogashay inay dimuqraadiyad hirgeliyaan iyadoo ay dalalka kale ee gobalka Geeska Afrika ku fashilmeen inay dalalkooda dimquraadiyad ka hirgeliyaan. Xubno ka tirsan golaha wasiirada oo uu ka mid yahay wasiirka arrimaha dibadda ayaa la filayaa inay maalmahan tagaan dalka sweden oo ay ka qayb galaan kulankaas la filayay in madaxweyne Biixi ka qayb galo ee uu ka baaqday. Geeska Qaran News
  22. Muqdisho (PP) ─ Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa maanta xariga ka jaray Xarunta Waaxda Barwaaqo ee degmada Wardhiigleey. Guddoomiye Yariisow ayaa sheegay in dib u dhiska xarumaha waaxaha degmooyinka ay aasaas u yihiin qorshaha dariseynta, amniga iyo isku xirka bulshada Caasimadda. “Xaruntan waxaan rabnaa in ay saldhig u noqoto wacyi gelinta bulshada deegmada iyo adkeynta isku xirnaantooda, taas oo aasaas u ah in aan ku tallaabsanno horumar iyo amni buuxa.” Inj. Yarisow ayaa kula dardaarmay Maamulka heer Degmo iyo heer Waaxeed ee Wardhiigleey inay xoojiyaan isku xirnaanta bulshada iyo Maamulka, si loo xaqiijiyo amniga, bilicda iyo baahinta adeegyada aasaasiga ah. Ugu dambeyn, Munaasabadda xarig jarka Xarunta Waaxda Barwaaqo ee degmada Wardhiigleey waxaa Guddoomiyaha gobolka Banaadir ku weheliyey Kuxigeenkiisa Amniga iyo Siyaasadda Mudane Maxamed Cabdullaahi Tuulax iyo Guddoomiyaha Degmada Wardhiigleey, Saynab Maxamed Xaabsey. PUNTLAND POST The post Duqa Muqdisho oo Xarigga ka jaray Xarunta Waaxda Barwaaqo ee degmada Wardhiigleey appeared first on Puntland Post.
  23. Nairobi (PP) ─ Dowladda Kenya ayaa xalay xabsiga ka sii-daysay Ibraahim Faarax Bur-saliid, kaasoo mudo shan casho ah ugu xirnaa xabsi ku yaalla Magalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya. Bishaan horraanteedii ayay ciidamada sirdoonka Kenya gurigiisa kala baxeen Bur-saliid, iyadoo lala xiray saddex qof oo kale oo Somali ah, kuwaasoo eedo isku mid ah loo jeediyay. Aqoonyahahnkan Soomaaliyeed oo ah falanqeeye arrimaha siyaasadda ah ayaa wax ka dhiga Jaamacadda Nairobi, waxaana dhawaan dowladda Kenya ay hor-keentay maxkamad, waxaana isaga iyo rag kale ku eedeeysay inay xiriir la leeyihiin kooxaha argagaxisada ah, balse haatan wax dambi ah waa lagu waayay. Xiritaanka Bur-saliid ayaa kusoo aaday xilli ay weli taagan tahay xiisad u dhaxeysa dowladaha Somalia iyo Kenya, inkastoo Kenya ay sheegtay in xarigiisa aysan xiisadaas ku lug lahayn. Sidoo kale, Waxaa xabsiga laga sii daayay saddexdii ruux ee aqoonyahanka lala xiray, waxaana tani ay ahayd qodob si weyn looga hadal-hayay xilliyadii u dambeeyay magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Ugu dambeyn, Aqoonyahankan ayaa la sheegay in loo xiray hadallo uu ka sii daayay BBC-da oo uu inta badan wareysiyo siiyo, kuwaasoo la sheegay inay dhibsatay dowladda Kenya oo muran uu kala dhexeeyo dowladda Somalia. PUNTLAND POST The post Dowlada Kenya oo xalay xabsiga kasii daysay Dr. Ibraahim Bur-saliid iyo xubno kale appeared first on Puntland Post.
  24. Leyla Hussein had mixed feelings when she found out that Queen Elizabeth II was naming her an Officer of the Order of the British Empire for her work to eliminate female genital mutilation. Source: Hiiraan Online