Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,501
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Ergeyga gaarka ah ee IGAD u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Danjire Dr. Maxamed Cali (Guyo) ayaa ballan qaad u sameeyay Madaxweynaha maamulka Galmudug, kadib markii uu kulan kula yeeshay magaalada Muqdisho. Mr Guyo ayaa sheegay in Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) uu kala shaqeyn doono arrimaha dib u heshiisiinta Galmudug iyo horumarka maamulkaasi. Sidoo kale waxa ay labada dhinac ka wada hadleen xaaladda siyaasadeed ee Galmudug iyo doorashada la filayo in ay ka dhacdo magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud. IGAD ayaa Madaxweyne Xaaf ku bogaadisay siduu u ballaariyay maamulkiisa, uguna soo daray maamulkii Ahlu-Sunna Waljamaaca. Dhankiisa Madaxweynaha Galmudug ayaa Wakiilka IGAD ee Soomaaliya uga warbixiyay xaaladihii adkaa ee uu soo maray maamulkiisa iyo waxa u qabsoomay. Xaaf ayaa shaaciyay in guullo la taaban karo uu gaaray muddada uu joogay, taas oo ay ugu horreyso dhinac nabad galyada. Kulankan ayaa ku soo aadaya, xilli weli khilaaf xoogan uu ka jiro maamulka Galmudug, kaas oo ka dhashay sida loo wajahayo doorashada maamulkaasi. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  2. (SLT-Moscow)-Afar iyo toban Badd-maax oo saarnaa markab milatari oo ah nooca gujiska loo yaqaano ee biyaha hoostooda mara ayaa ku dhintay markii ay ku neefqabatoobeen dab ka kacay markabkaasi. Markabkan Gujiska ah ayaa gunta hoose ee badda ka waday cilmibaadhis biyaha dalka Ruushka, waxaanu sababay dabkaasi in ay dhintaan 14-ka badd-maax ,sida uu sheegay Wasiirka difaacada ee dalka Ruushka oo u waramay wakaalada wararka ee dalkaasi. Waxaanu tilmaamay in durtaba ay bilaabeen baadhitaano ku saabsan sababtii dhalisay dabkaasi, “Dabku waxa uu bilaabmay xili ay cilmibaadhis ay ka samaynayeen badda hoosteeda” ayuu yidhi Wasiirka difaaca ee dalka Ruushka, Mr Sergei Shoigu. Source
  3. (SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Somaliland, ayaa sheegtay inay Dawladda Somaliya aanay diyaar u ahayn wada hadalada Somaliland, isla markaana daacad ka ahayn inay labada dal isku garnaqsadaan. Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale sheegay inay Xukuumad ahaan xidhiidh la sameeyeen Boqortooyada Sucuudiga, oo ay kala hadleen go’aankii ay dhoofka Xoolaha Somaliland ka soo saartay, waxaanu ugu horeyn uu yidhi isagoo ka hadlaya wada hadalada Somaliya, “Somaliland waa u diyaar inay si toos ah u wada hadlaan Somaliya, balse Maamulka Somaliya diyaar uma ah daacadna kama ah inuu Somaliland si toos ah ula hadlo, oo wada hadalo toos ah wada galaan, anagu Somaliland ahaana waxaanu diyaar u nahay in qancino Somaliya, oo aanu la garnaqsano, balse Somaliya wey ka meermaraysaa, Farmanaajana midnimo aan ka soconayn ayey kaga dhegtay,garnaqsi iyo wada hadalna diyaar uma ah, Caalamkuna toos ayuu u arkaa Somaliya, iyo sida aanay diyaarka ugu ahayn wada hadalada,Somaliland sida ugu dhakhsaha badan aqoonsigeeda wey u heli doonta, Caalamkuna si toos ah ayuu u ictiraafi doonaa”. Mar uu ka hadlaayey Sucuudiga iyo dhoofka Xoolaha ayaa yidhi “Inagu waxaynu nahay dal la yidhaahdo Somaliland, Somaliya la inama yidhaahdo, Somaliyana ma hoos tagno, sinabana u dhici mayso inaynu Somaliya u daba fadhiisano dhoofka Xoolaheena, Sucuudigana arintan waanu kala xidhiidhnay, oo waanu kala hadalnay, waxaana ku rajo weynahay inay ka noqon doonaan”. Source
  4. Maxamed Qanyare oo toddobaadkan ku geeriyooday Muqdisho, waxaa taariikhdiisa soddomeeyadii sano ee u dambeeyay laga dhex akhrisan karaa in badan taariikhda Soomaaliya. Waayo dhacdooyin aad u badan oo xag amni iyo xag siyaasadeed u badan oo dalka ka dhacay ayuu qeyb muuqata ka ahaa. Allah ha u naxariisto, Maxamed Qanyare Afrax wuxuu ahaa hoggaamiye kaalin muuqata ku leh halgan isugu jira siyaasad iyo dagaal oo marba waji lahaa. Halganka dadka qaar waxay u arkayeen in ujeeddadiisu ay tahay dhac hanti guud iyo mid gaar ahba iyo sadbursi-doon xagga siyaasadda ah. Qaar kale iyagu waxay u arkayeen xaq u dirir iyo iska caabbin qabaa’il, wadaaddo, Dowladda iyo xataa quwado shisheeye. Waa arrimaha aad mooddo Soomaalidu in ay u bislaatay in iyada oo aan laga wadahadal wixii dhacay oo dhan oo aan si dhab ah looga heshiin in haddana la wada noolaado, lana wada lahaado hal Dowlad. Maxamed Qanyare Afrax wuxuu ahaa nin karmeed inta badan cadkiisa goosta af iyo addin mid ay noqotaba, mararka qaarna yaqaan tanaasul iyo in uu ka leexdo waddada aan libinteedu u muuqan. Sidoo kale wuxuu ahaa codkar, hadal yaqaan ah, marka uu doonana maad badan. Wuxuu ahaa Hoggaamiye isabahaysiga uu ka mid yahay iyo midka uu lidka ku yahay labaduba ay fiiro gaar ah siiyaan hadalladiisa iyo tallaabooyinka uu qaadayo. Qormo dheer ayaan Qanyare ka diyaariyay noloshiisa inta aan ka aqaan. Waxaan is iri dhallinyaro iyo dad waaweyn oo hadda siyaasadda ku jira iyo qaar daneynaya ayaa laga yaabaa in ay tilmaan u noqoto oo dhacdooyinka badan oo halkan aan si kooban ugu xusayo ay kuwa ay daneynayaan ku sameeyaan baaritaan cilmi ah ama ay dadka goob joogga ahaa ay ka wareystaan. Markaa Qormadani waxay u horreysaa dhowr aan maalmaha soo socda u soo daabici doono isdaba joog, haddii Rabbi idmo. Maxamed Qanyare Afrax wuxuu ku dhashay baadiyaha Ceel Buur. Isaga oo kuray ah ayuu magaalo tegey. Booliiska ayuu ka mid noqday. Hantiile ayuu ku noqday Kenya iyo Gobolka Afrikada Bari. Ka dibna wuxuu u dallacay Hoggaamiye Siyaasadeed oo xukuma koox hubeysan. Wuxuu noqday Wasiir, Xildhibaan iyo Hoggaamiyaha USC. Wuxuuna qeyb ka ahaa waliba hormuud ah dagaallo badan oo dalka ka dhacay iyo sidoo kale heshiisyo lagu demiyay dagaallo. Waxaa magaciisa iigu horreysay 1989, markaas oo Soomaali badan la qabqabtay oo laga tarxiilay dalka Kenya. Inta uu howlgalkaasi socday ayaa aniga oo gashiin ah laba jeer markiiba dhowr maalmood aan joogay Nairobi. Waxay ahayd arrin aad u taabatay shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed, isla markaasna aad looga dareensanaa Kenya. Waxaan ku maqlay Qanyare oo ahaa Ganacsade weyn oo hanti ku leh Kenya iyo dalal kale oo Gobolka ah in uu ka mid ahaa dadka laga soo saaray Kenya. Intii ka dambeysay, Maxamed Qanyare isaga oo ka mid ah hoggaamiyayaasha ka qeyb galaya shir ama dano kale u socda ayaan in badan marba caasimad isku aragnay, aan telefoonka ku wareystay ama aan ku sheekeysannay, in bandanna fool-ka-fool ayaan u wada shaahnay. New York 1992 Mar kale, wuxuu Qanyare magaciisu soo galay raadaarkeyga, markii ay dagaalladu ka billowdeen Muqdisho 1990. Wuxuu ahaa Hoggaamiyihii ay Jabhadda USC markii ay laba u kala jabtay Madax ka noqday dhinaca ay is diiddanaayeen General Caydiid. Qanyare iyo Cusmaan-Caato waxay ahaayeen labada mas’uul ee iyaga oo wakiillo ka ah Mudane Cali Mahdi iyo General Caydiid heshiiska xabbad joojinta dagaalkii afar biloodlaha ee Muqdisho kala qeybiyay ku soo saxiixay Xarunta Qarammada Midoobay ee New York. Wuxuu ahaa dagaalka ay ku burbureen dhismayaashii waaweynaa ee Farasmagaaluhu. Dad badan ayaa ku geeriyooday, qaar kale wuu ku naafoobay, in badanina waa ay ku barakacday. Addis Ababa Horraantii sagaashanaadkii, Mudane Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, inta aan loo dooran Madaxweynaha Somaliland ayuu Addis Ababa kaga qeyb galay shir weyn oo loo qabtay Hoggaamiye Kooxeedyadii Soomaalida ee berigaas jiray oo dhan. Cigaal wuxuu hoggaaminayey ergo la yiri waa korjoogto oo ka socotay Somaliland. Magacyadii ugu waaweynaa siyaasaddii berigaa jirtay ayaa dhammaantood fadhiyay. Maxamed Qanyare Afrax markuu halka qaatay wuxuu la hadlay ka hadlay lana hadlay Cigaal. Oktoobar1969 markii la dilay Madaxweynihii Soomaaliya, Mudane Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ka dibna uu militerigu xukunka xoog kula wareegay, ayuu xusay in Cigaal uu ahaa Ra’iisal Wasaare Baarlamaanka ka haysta kalsooni. Hadda oo militerigii awoodda dalka hayay iyagana xoog looga qaaday Xukunka, wuxuu Qanyare ku tilmaamay in ninka keliya ee ugu dhow ee sheegan kara sharciyad awoodeed uu yahay Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal. Sidaa darteed wuxuu Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal u soo jeediyay in uu isagu dalka Madax ka noqdo. Hoggaamiye kooxeedyada, Qanyare wuxuu ka mid ahaa kuwooda aad u tirada yar ee aan Ethiopia ka shidaal iyo hub qaadan ama marka ay xaaladdu calowdo aan iyada isku halleyn. Qanyare wuxuu ahaa nin baaddiya ku dhashay laakiin reer magaal ah, leh caqli sare oo la isku dabbaro, siyaasad lagu furfuro, marka loo baahdana lagu qabbiro. Wuxuu ahaa nin dhiirran Soomaalida dhexdeeda iyo marka ajnebi lala macaammilayo labadaba. Wuxuu ahaa nin hadalkiisu cad yahay, cod karna ah. Sidaa darteed wuxuu ka mid ahaa siyaasiyiinta ay weriyayaasha siyaasaddu ugu jecel yihiin in ay wareystaan ama uu ka aqbalo in uu dood kala qeyb galo. Qaybta Labaad waxaan ku soo qaadan doonaa qaar ka mid ah wareysiyadii uu siiyay BBC iyo doodihii uu ka qeyb galay Allah ha u naxariistee Mudane Maxamed Qanyare Afrax. W/Q: Yuusuf Garaad Cumar
  5. Magaalada Garoowe ee caasimadda dowladda Puntland waxaa maalmo kahor soo gaarey wafti uu hogaaminayey safiirka dowladda Hindiya ee Soomaaliya oo fadhigiisu yahay magaalada Nairobi ee [...] Source
  6. Muqdisho (SMN) – Wararka laga helayo gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in gaari Dhayno ah oo ay la socdeen dad shacab ah uu helaalay qarax Miino. Baabuurka oo ka baxay degmada Afgooye ayna saarnaayeen ganacsato Caanaha ah ayay Miinadu ku kacdey inta u dhaxeysa degaanada Moori iyo Lamber 50. Warbixinada ayaa sheegaya in saddex ruux oo uu ku jiro darawalka gaariga ay ku geeriyoodeen ayna ku dhaawacmeen saddex kale. Mas’uuliyiinta gobolka Shabeellaha Hoose wali kama aysan hadlin dhacdadan, oo aysan sidoo kale jirin koox sheegatay. View the full article
  7. Hargaysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa joojiyay kulan lagu qaban lahaa magaalada Hargeysa kaas oo qeyb ka ahaa mashruuca SSF (Somalia Stability Fund) oo ah Sanduuqa xasilinta Soomaaliya, kaas oo hoostaga Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya War ka soo baxay Wasaaradda qorshaynta Soomaaliland ayaa lagu sheegay in gebi ahaanba ay shirkaasi joojiyeen sababo la xiriira in iyagu aysan waxba ka quseyn arrimaha Soomaaliya, isla markaana marhore ay ka go’een Soomaaliya. Warka ka soo baxay Wasaaradda Qorshaynta Maamulka Soomaaliland ayaa u qornaa sidatan “Wasaarada qorshaynta iyo horumarinta somaliland waxay idinla socodsiinaysaa inay joojisay kulankii lagu qaban lahaa Hargeysa ee ku saabsanaa maalgashiga, Mashruuca SSF (Somalia Stability Fund) maaha mid ka jira somaliland, somaliland-na kama mid aha heshiiska lagu helay dhaqaalahan ayuu lag yiri warka kasoo baxay Wasaaradda Qorsheynta Soomaaliland. Sidoo kale Waxaa intaasi lagu daray in SSF aysan ka helin wax ogolaansho kaas oo ay ku qaban karto kulankaas, waxaana xogheynta SSF lagu wargeliyay inay deegaanadooda dib ugu celiyaan dadkii loogu talo galay inay ka qeyb galaan Shirkaas. Warkan kasoo baxay Soomaaliland ee lagu joojiyay shir looga hadli lahaa mashruuca xaslinta Soomaaliya ee hoostaga Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya ayaanan ilaa iyo hadda aysan ka hadlin Dowladda Federaalka Soomaaliya. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Hargaysa caasimada@live.com
  8. Muqdisho (SMN) – Dhageysteyaasheena ku xiran website-ka waxaan halkan idin kugu soo gudbineynaa Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka-habeen-02072019.mp3 View the full article
  9. Ku: Madaxweynaha dowladda Puntland Garowe Og: Gudoomiyaha baarlmaanka dowladda Puntland Garowe Uj: Talo Soo-Jeedin Ku Aadan Xulidda Guddiga Ku-meel-gaarkaa ee Doorshooyinka Puntland (TPEC). Golaha Current [...] Source
  10. Cadaado (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdi Xasan Cilmi (Indha-yare) oo ka tirsan baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku fashilantay xal ka gaarista doorashooyinka Galmudug. Wuxuu tilmaamay xildhibaanka in Ra’iisul wasaaraha uu dedaal badan bixiyey, ayna fiican tahay dib u heshiisiin, balse aanay ahayn in Dhuusamareeb gogol la dhigo. Kheyre ayuu sheegay inuu ku degdegay go’aanka ah in doorashooyinka iyo sidoo kale gogosha wadahadalka la dhigo Dhuusamareeb, taasi oo ka carreysiiyey qaar ak mid ah beelaha, gaar ahaan beesha Cadaado. Xildhibaanka ayaa sheegay in go’aankan lagu deg degay iyo diidmada beelaha saameynta leh uu macnaheedu yahay in doorasho Galmudug aysan dhicin karin, wuxuuna Kheyre ku eedeeyey inuu qaatay go’aan abuuray khilaaf hor leh. Cabdi Xasan Cilmi (Indha-yare) ayaa sheegay in Cadaado ay tahay xarunta baarlamaanka Galmudug, sidaasi darteedna ay dowladda Soomaaliya iska indho tireyso arrintaasi. Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in doorashada Galmudug lagu qabanayo degmada Dhuusamareeb, sidoo kalena halkaasi la dhigayo gogosha dib u heshiisiinta Galmudug, waxaana maanta Cadaado ka dhacay dibad-bax looga soo horjeedo arrintaas. Halkaan hoose ka dhageyso: Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  11. (SLT-Eritrea)-Madaxweynaha dalka Eritrea ayaa aqalka madaxtooyada dalkaasi kulan kula yeeshay ku xigeenka hogaamiyaha golaha milatariga ku meelgaadhka ah ee dalka Sudan, Lt Jeneral Maxamed Xamdan Daglo. Weftigan ka socda dalka Sudan ee martiqaadka ka helay Madaxweynaha dalka Eritrea ayaa si diiran loogu soo dhaweeyey dalkan ay jaarka yihiin ee Eritrea, waxaanu Madaxweyne Isaias Afwerki ay ka wadahadleen xaalada dalka Sudan uu ku sugan yahay wakhti xaadiran. Isagoo Madaxweynaha dalka Eritrea ku booriyey in dalka la dajiyo oo si nabada iyo xasiloonida dalkaasi aanay faraha uga bixin, waxaanu balan qaaday madaxweynaha Eritrea in dhiniciisa uu gacan ka geysan doono wixii looga baahdo inuu la qabto dalka Sudan. Source
  12. Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyay magaalada Gurigeel ee [...] Source
  13. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maanta gaaray Guriceel ayaa si ballaaran loogu soo dhaweeyay degmadaasi. Wafdiga Ra’iisul wasaaraha oo ay ka mid yihiin Xildhibaano iyo Wasiiro ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay boqolaal shacab ah iyo xubno ka tirsan maamulka degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud. Ra’iisul wasaaraha ayaa markii uu tagay halkaasi goob fagaare ah kula hadlay dadkii soo dhaweeyay, isaga oo u mahadceliyay. Sidoo kale waxa uu uga warbixiyay ujeedka socdaalkiisa iyo guulaha laga gaaray kulamadii uu ka waday degmooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb ee gobolkaasi. Khayre oo hadalkiisa sii wata ayaa ugu baaqay dadweynaha uu la hadlayay inay ka qeyb qaataan dadaallada dib u heshiisiineed ee Galmudug. Dhanka kale waxa uu ka hadlay dagaal Beeleedyada ka soo cusboonay degmada Mataabaan gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya. Waxa uu ka dalbaday dhinacyada dagaalamaya inay si deg deg ah ku joojiyaan colaada, islamarkaana wax weliba ay ku dhammeeyaan wada-hadal. Mudane Xasan Cali Khayre ayaa horay safar dhulka ugu bixiyay d Dhuusamareeb, Cadaado, Caabudwaaq, Xeraale iyo deegaano kale oo hoostaga maamulka Galmudug. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb caasimada@live.com
  14. (SLT-Hargeysa)-Gudoomiyaha-ku-meel-gaadhka ah ee xisbiga WADDANI, Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde ayaa ka hadlay kulankii ay la yeesheen Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, Halkan hoose ka DAAWO Source
  15. Fadumo Moalim Ali, 27, is one of the 24 women candidates competing in the clan–based selection process for the next round of representatives to the Jubbaland regional state parliament in southern Somalia. Source: Hiiraan Online
  16. Guriceel (SMN) – Ra’iisul wasaaraha XFS Mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud. Wafdiga Ra’iisul wasaaraha oo ay ka mid yihiin Xildhibaano iyo Wasiiro ka tirsan xukuumaddiisa ayaa waxaa si diiran loogu soo dhaweeyay degmadaasi. Saacadaha soo socda ayaa la filayaa in Ra’iisul wasaare Khayre uu khudbad u jeediyo dadweynaha ku dhaqan degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud. Ammaanka ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo ay xaqiijinayaan ciidamada maamulka Galmudug iyo ilaalada Ra’iisul wasaaraha oo la geeyay halkaasi. Khayre ayaa horay u booqday Dhuusamareeb, Cadaado, Caabudwaaq, Xeraale iyo deegaano kale oo hoostaga maamulka Galmudug. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  17. Baardheere (SMN) – Al-Shabaab ayaa lagu soo warramayaa in maanta madaxii hay’adda Life Line Gedo ay ku dileen gudaha gobolkaasi. Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Aadan Barre ayaa la sheegay in Al-Shabaab ay ku toogteen agagaarka degmada Baardheere ee gobolka Gedo. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in Al-Shabaab ay wateen howlwadeeno kale oo ka tirsanaa hay’addaasi. Lama oga u jeedada rasmiga ah ee ka dambeysa dilka loo geystay Maxruum Aadan Bare oo mas’uul ka ahaa Life Line Gedo oo ah hay’ad Samafal ah. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka maamulka gobolka Gedo iyo kan degmada Baardheere oo ku aadan dhacdadaasi. Radioshabelle.com kala soco wixii soo kordha. View the full article
  18. (SLT-Hargeysa)-Inta la xaqiijiyey 9 Qof ayaa ku dhaawacmay Garoonka diyaaradaha ee Abha ee Dalka Sucuudiga Isniintii, ka dib weerar ay ku qaadeen Jabhadda Xuutiyiintu, sida ay xaqiijiyey Isbahaysiga Carabtu. “Xulafada Sucuudigu hoggaamiyaa waxay u dagaalamayaan inay taageeraan Dawladda Yemen..” ayaa lagu yidhi, War-saxaafadeed Xulafadu soo saareen, ka dib markii 9 Qof ay ku dhaawacmeen weerar loo adeegsaday Diyaarad yar oo Drone ah, kaasi oo ka dhacay Garoonka diyaaradaha Abha. 9-ka Qof ee dhaawacmay 8 baa u dhashay Sucuudiga, halka Qofka Sagaalaadna yahay Hindi, Dadka dhaawacmay dhammaantood Xaaladdoodu ma xuma. Jabhadda Xuutiyiinta ee IRAN taageerto ee dagaallada ka wada Dalka ay Sucuudiga jaarka yihiin ee Yemen, ayaa intii dambay kor u qaadday Weerarradooda ay ku ekaynayaan Sucuudi Carabiya. Afhayeen u hadlay Jabhadda Xuutiyiinta ayaa sheegay kooxdu go’aamiyeen inay hawl-gal ballaadhan ku beegsadaan Madaarka Abha, sida uu baahiyey Al Masirah TV oo afka kooxdaasi ku hadla. Telefiishanka Sucudiga laga leeyahay Al Arabiya TV ayaa isaguna soo weriyey in Garoonka Abha uu dib u bilaabay duulimaadyada oo hore looga joojiyey. Source
  19. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Cabdiraxmaan Caalin (Cabdiraxmaan dheere) oo ka tirsan mudanayaasha aqalka wakiilada somaliland ayaa soo jeediyay in la baabiiyo xisbiga mucaaridka ah ee UCID, Halkan hoose ka DAAWO Source
  20. (SLT-Hargeysa)-Xukuumada somaliland ayaa joojisay kulan lagu xidhiidhiyey soomaaliya la qorsheeyey in lagu qabto magaalada Hargeysa. War ka soo baxay wasaarada qorshaynta somaliland ayaa lagu soo bandhigay sababo ay xukuumadu u joojisay kulan lagu tala galay inuu Hargeysa ka dhaco kaas oo qayb ka ahaa mashruuca SSF(Somalia Stability Fund). Warka ka soo baxay wasaarada qorshaynta ayaa u dhignaa sidan “Wasaarada qorshaynta iyo horumarinta somaliland waxay idinla socodsiinaysaa inay joojisay kulankii lagu qaban lahaa Hargeysa ee ku saabsanaa maalgashiga sababahan dartood. 1.Mashruuca SSF(Somalia Stability Fund) maaha mid ka jira somaliland, somaliland-na kama mid aha heshiiska lagu helay dhaqaalahan. 2.SSF wax ogolaansho ah kama haysato dawlada somaliland kaas oo ay ku qaban karto kulankan. “Dawlada somaliland waxay ku wargelinaysaa xoghaynta SSF inay masuul ka yihiin in ka qayb galayaashii kulankan ay si nabad ah ugu celiso meelihii ay ka yimaadeen. Dawlada somaliland diyaar ayey u tahay inay soo dhawayso kulan kasta oo aan ka horimanayn sharciyada u taala dalka, balse ma aqbali doonto kulan kasta oo la xidhiidha soomaaliya, arimaha soomaaliya waxa lagaga hadli karaa dalkooda. Source
  21. Ra’isul wasaaraha Itoobiya dr Abiy Axmed ayaa sheegay inta uu xilka hayey in marar badan la isku dayay in la afgambiyo balse shacabka ay ka war heleen oo keli kii toddobaadkii hore dhacay. Dr Abiy Axmed oo golaha wakiillada shacabka ee dalka Itoobiya hordhigay warbixinta ku saabsan afgambigi dhicisoobay iyo xaaladda uu dalku hadda ku sugan yahay ayaa warbixintiisa waxyaaba badan kaga hadlay. Wuxuuna ra’isulwasaaraha uu ku horreeyey dadka loo qabqabtay iney ku lug lahaayeen afgambigi dhicisoobay oo lagu khaarijiyey qaar ka mid ah madaxda deegaanka Amxaarada iyo Saraakiil Ciidan oo dowladda dhexe ka tirsan. “Sida uu dhigayo dastuurka JDFI qodobkiisa 9(3) oo keli ah ayaa xukunka dalkan Itoobiya lagu qabsan karaa wixi intaa ka baxsan waa sharci darro wuxuuna ka horimanayaa dastuurka dalka.“ “Haddaba kooxaha madaxdaasi dilay, qaarna afduubtay, xafiisya dowladeedna la wareegay oo si aan gabbasha iyo cabsi laheen walaalahood u laayey oo waxay isku dayeen iney warbaahinta la wadaagaan oo ay dhahaan waxaan tallaabba sharci ka qaadnay madax dowladeed, afgambi ha dhihina, oo afgambi deegaan kama dhaco ayey dad qaar leeyihiin.“ “Golaha sharafta leh waxaan jeclahay inaan u sheego dadkii afgambiga dhicisoobay qorsheeyey, diyaariyey, ee qoray qorshahooda iney na soo gaarsiinin, intii la dhihi lahaa sidaa ma aha iyaga ayey kaga habbooneyd iney noo sheegaan waxaasaan damacsaneen.” “Khiyaanada ay damacsanaayeen inagu ma garan karno annaga waxaan ognahay oo keli ayaa waxay tahay in arrin sharci darra ah oo nidaamka dastuurika ka horimanayo la sameeyey.” Haddii aad i weydiisaan afgambiga aad sheegeysaan halkeed ka keenteen? Afgambigii 1961-kii dhacay mid la mid ah ayaa dhacay oo jeneraal dowladda ka tirsanaa ayaa laayey ciidama ama madax dowladdi boqortooyada ka tirsaneyd, ciidan dowladda daacad u ah ayaa ka hor yimid sidaa ayuuna ku dhicisoobay. Afgambigii hadda dhacay inta aan ka ogahay kooxda afgambi sameeysay ciidamo xoog badan ayey deegaanka Benishangul soo geliyeen, Baxardar waxay ka sameeyeena waad aragteen, Addis Ababana sida oo kale. “Waxyaabihii aan dhicin ama dadkii la damcsanaa in la khaarijiyo haddii ay nasiib wanaag ay dhimanin oo ay badbaadeen ha dhihina afgambi ama nidaamka dastuuriga ayaa meel looga dhacay ha dhihina waa khalad aad u weyn.” “Deegaannada Benishaangul iyo Oromada dadka aan ka soo qabqabannay waxaa ka mid ah ciidamo loo soo tababaray khaarijinta madaxda hay’adaha amniga .” Waxaan idiin sheegayaa dadka afgambiga dhicisoobay ka qayb qaatay waxaa ka mid ah ciidama aan yareen oo ka mid ahaa ciidamadi hadda ka hor xafiiskeyga iigu timid. Wasaaradda gaashaandhigga marka ay ciidamadaasi qiimeyn ku sameeysay oo qaarkood la xiray kaddib ayey wasaaraddu cafis u fidisay maadaamaa ay dhalinyaro ahaayeen, afgambigan ciidamadi noocaasi ahaana wey adeegsadeen. Marka dad baa isku dayaya iney noo sheegaan waxa dhacay inuusan afgambi dowladeed eheen, caqli gal ma tahay taa?, haddii ay qiil ka dhiganayaan dowlad deegaan ayaa afgambi lagu sameyey sharcigee u banneeyey in dowladda dhexe Afgambi lagu sameeyo. ayuu yiri Dr Abiy Xaqiiqada ayaan idiin sheegayaa wakhti xaadirkan xaaladda dalkeenna uu ku sugan yahay cidna talada dowladda xoog kuma qabsan karto bin la isku dhammaada iney horseeddo mooyee. Nidaamka wakhti xaadirkan dalka uu ku dhaqamaya ee Fedraalka ku dhisan ciddi isku daydo iney dowlad dhexe afgambiso uma suura galeyso inaan horseedno masiibo ay subax walba boqollaal kun ku dhintaan moyee dowlad marnaba afgambi kuma noqon karo. Dadkii Afgambiga ku lug lahaa, sameeysay, ka dambeysay ama gacan ka geysatay intey doontaba hanagu qaadatee waan shaacin doonnaa shacabkana waan u soo bandhigeynaa. “Dadka waxaa isaga qasan Dastuurka Federaalka iyo kan deegaanka, dastuurka deegaannadda waxaa laga soo minguuriyey kan dowladda dhexe haddii u ka degaanka jirinna kan dowladda dhexe ma jirayo”. “Dowladda jamhuuriyadda Dimuqraadiga federaalka Itoobiya uu fadhigeedu yahay Adis Ababa ma jiri karto haddii uu deegaan ka mid ah uu ka maqan yahay dowladda dhexe “ ayuu yiri. “Weerar kasta oo deegaan ka mid ah deegaannada dowladda dhexe dhisay waxay la mid tahay weerar lagu soo qaaday dowladda itobiya”. Golaha Wakiillada Shacabka Itoobiya Ra’isul wasaarae Dr Abiy Axmed oo warbixintiisa sii wato wuxuu golaha uu u sheegay sannadki la soo dhaafay iney isku day iyo afgambiyo aad u fool xun ay dalka Itoobiya ka dhaceen, inta aan la ogeen idiinma sheegayee inta la ogyahay aan idiin sheego. July 23, 2018-kii iyada oo isbeddelku uu labo bilood oo keli ah jiro oo aan wax badan dalka ka qaban isbeddelkana uu curdun yahay waxaa la sameeyey falki foosha xumaa iyo qarixii lagu doonayey madaxda dowladda in lagu khaarijiyo. Inta aan dadkii dambiilayaasha ee falkaasi ka dambeeyey aan kala saarin oo aan baritaankoda ku gudajirno, haddana laba bilood gudahood, oo afar bilood oo keli ah aan xilka hayo deegaanka Soomaalida waxaa ka dhacay arrin halis ah oo midnimada Itoobiya caqbad ku noqoneysa oo aad u abaabulan, ciidadamo kumannaan ah oo tababaran oo siyaasadda iyo dhaqaalaba ka dhisan ay ka qayb qaateen. Falkaasina dhalinyaro badana ayaa ku nafweyday, kaniisado ayaa lagu gubay, dhibaata aad u badana ayaana ka dhalatay, taa marki aan ka soo gudubnayna ciidama aad u hubeysan oo aan yareen ayaa xafiiskeyga igu soo weeraray, oo aan si maskax ah kaga baxsannay. Ciidan Afgambi la damacsanaa Ra’isulwasaaraha Itoobiya Ciidamadaasi markii aan si aqli iyo xeelad ku jirto aan dib isaga celinnay laba biloodba inta ay ka soo wareegin haddana galbeedka dalka wixi ka dhacay waad ogeeydeen. Waxaa galbeedka Itoobiya ka abuurmay xoogag ku dhawaaqay iney seddex bilood ay dowlad ku noqonayaan tallaabbada adag oo aan xooggagaasi ku nadiifineyno ayaan qaadnay wakhti badanna naguma qaadan, balse inta aan howshaasi si buuxda u soo afjarin, waxaa qayba badan oo dalka ka mid ah ka abuurmay xoogag qas wadayaal ah si ay shacabka u barakacaan. Xaalka halkaa marka uu marayo haddana waxay xeeladdooda u beddeleen iney shaqaalaha dowladda adegsadaan sida macallimiinta iyo dhakhaatiirta oo ay shaqa joojin sameeyaan iyaga oo sababa uga dhiganaya mushaarka oo ku yar iwm, balse arrintu waxay ahayd mid siyaasadeysan. Xilligaasi Itoobiya xaaladda dhaqaale ee ay ku sugneyd ma aha xilli dowladda mushaar kordhin la weydiisto qaar kooban ayaa dib ka fahmay waxa arrintaasi ka dambeeyey balse badankood meysan fahmin. Dadki noocaasi ahaa marki aan la fadhiisannay oo aan qancinnay una sheegnay inaan la joogin xilli mushaar iyo xuquuq la weydiisto, haddana waxaa nagu billaawday dagaal dhinaca warbaahinta ah oo dhan walba dowladda lagala dagaallamay. Iyada oo la leeyahay waddankiba Oromo ayuu gacanta u galay, ciidanki oo dhan oOroma ayaa qabsatay jagooyinka dhan oromo ayaa isku koobtay iwm, oo xaqiiqda ka fog. Waxaanna golaha sharafta leh u sheegayaa dhammaan hay’adaha dowladda intey baaraan haddii ay soo saaraan xil dheeri ah oo ay qowmiyadda oromada xaq u lahayn oo ay haysato, laga billaabo aniga waxaan diyaar u ahay in tallaabbo la iga qaado. Ujeeddada laga leeyahay ayaa waxay tahay in shacabka miskiinka ah wararkaasi beenta ah la isaga horkeeno waxaan idiin sheegay habayaraatee iney jirin kursi dheeraad ah oo ay qowmiyadda Oromada haysato. Marki ay kooxa dalka dhibka ka wado arrimahaasi oo dhan ay u suurageli weyday oo ay ku guul darreysteen ayay magaalada Baxirdar iyo Addis Ababa wixi foosha xumaa ee ka dhacay ayey sameeyeen. Shacabka Itoobiya waxaan u sheegayaa isbeddelka inuu yahay mid run ah, isbeddelkanna wuxuu dawo u yahay dalkan Itoobiya, isbeddelkan ma aha mid Itoobiya midnimo u horseedayo balse waa mid muwaaddiniinta Itoobiya oo dhan sharaf iyo horumar u horseedaya. Dadka isbeddelkan hoggaanka u hayo waxaan u sheegayaa maadaamaa ay runta nala jirto iney cidana na joojin karin, cidna nama joojin karto. Imtixaan kasta oo nala soo darso adadeyga ayaan ka sii qaadeynaa haba yaraatee nama daciifinayo, shucuubta dalkana waxaan u sheegayaa iney ka wada qayb qaataan sidi dalka dimuqraadiyad buuxda aan u gaarsiin laheen. Cid kasta oo isku daydo midnimada iyo qaranimada Itoobiya iney wiiqdo kulama dagaallamayo qalin oo keli ah ee waxaan diyaar u ahay inaan qori qaato oo aan la dagaallamo. Xigasho: BBC Somali PUNTLAND POST The post Dr Abiy : Illaa 7 jeer ayaa la isku dayay in la i afgambiyo appeared first on Puntland Post.
  22. Muqdisho (SMN) – Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa shaacisay in dowladda Mareykanka ay dib u billaabi doonto taageeraddii ay siin jirtay qeybo kamida ciidamada xoogga dalka, taasoo hakad gashay bishii December ee sanadkii 2017. Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in kaalmadan lagu billaabayo cutub katirsan ciidamada xoogga, kuwaasoo ka howlgala gobolka Shabeellaha Hoose, oo xilligan ka socdo howlgal ka dhan ah Al-Shabaab. War Saxaafadeedka ayaa lagu xusay in dowladaha Mareykanka iyo Soomaaliya ay qaadeen tallaabooyin wax looga qabtey sababihii markii hore keenay in la hakiyo teegeeradda military. Dhanka kale, dowladda Federaalka ayaa soo dhawaysay go’aanka Mareykanka, kaasi oo ay sheegtay inuu yimid kadib markii la sameeyay hanaan hufan oo lagu diiwan gelinayo ciidamada xooga dalka. Dowlado dhowr ah oo Mareykanka iyo Turkiga ay ugu horeeyaan ayaa ka caawinaya Dowladda Federaalka dib u dhiska ciidanka, oo muhiim u ah soo celinta nabadda iyo xasiloonida wadanka. View the full article
  23. The new United Nations representative for Somalia, James Swan met with Minister of Constitutional Affairs Salah Ahmed Jama in Mogadishu on Monday. Swan and Ahmed have discussed progress in the ongoing review of the 2012 provisional constitution and the way forward. SRSG reaffirmed the UN’s commitment to an inclusive review process. The United Nations envoy also met with Speaker of parliamentary House of People Mohamed Mursal to discuss key pending legislation and preparations for one-person, one-vote elections in 2020. Swan pledged to work closely together to support Parliament. View the full article
  24. Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyay magaalada Gurigeel ee gobalka Galguduud. Mudane Xasan Cali Khayre oo kumannaan dadwayne ah iyo mas’uuliyiin dowladeed oo soo dhawayntiisa isugu soo baxay kula hadlay goob fagaara ah ayaa mahad celin kadib waxa uu uga warbixiyay qorshaha socdaalkiisa Galmudug iyo guulihii la gaaray intii uu waday wadatashiyada uu bulshada kala yeelanayay dhismaha dowlad gobaleed Galmudug loo dhanyahay, waxa uuna ugu baaqay in ay kaalintooda ka qaataan qorshaha dib-u-heshiisiinta iyo dhismaha hay’adaha Galmudug. Ra’iisul Wasaaraha ayaa mar kale ku baaqay in si shurruud la’aan loo joojiyo colaadaha dhiiggu ku daadanayo ee ka socda deegaannada hoos taga degmada Matabaan ee gobalka Hiiraan. Ra’iisul Wasaaraha ayaa intii uu marayay deegaannada dowlad gobaleedka Galmudug waxa uu kulamo wadatashi la yeeshay bulshada qaybaheeda kala duwan, si uu uga dhagaysto talooyinka iyo tusaalaha dhismaha Galmudug dhamaystiran. Mudane Khayre oo horay u tegay deegaano ay kamid yihiin Dhuusamareeb, Cadaado, Caabuudwaaq, Huurshe iyo Xeraale ayaa inta uu joogo Guriceel waxa uu si la mid ah deegaannadii uu soo maray kulamo la yeelanayaa qaybaha bulshada. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo lagu soo dhoweeyay magaalada Guriceel appeared first on Puntland Post.