Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,501
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. The United States will partially resume the provision of security assistance to non-mentored units of the Somali National Army (SNA). This move will be implemented on a pilot basis with a unit taking part in critical transition operations in Lower Shabelle. On the basis of internal reforms made by the Federal Government of Somalia and an inspection of the recipient unit, the United States assesses that the Federal Government of Somalia and the SNA have undertaken significant efforts to improve accountability over donor resources. The United States, in coordination with the Federal Government of Somalia, paused assistance to non-mentored units of the Somali National Army in December 2017. This resumption of assistance demonstrates our confidence that the FGS and SNA will continue to improve accountability and fight corruption. View the full article
  2. Galkayo police commander, Major Awil Nur Roble has succumbed to injuries sustained from IED planted in his car on Monday. Major Roble died in Souther Galkayo hospital where he was nursing his injuries on Tuesday morning. Armed group al-Shabaab group has claimed responsibility for the attack. The divided southern Somali city has experienced numerous attacks against members of the security agencies in recent years. Senior police and intelligence officials were targeted within this year an attack claimed by armed group al-Shabaab. The joint police unit from Galmudug and Puntland administrations was formed to ensure security in the city. Agreement between Garowe and Dhusamareb states has ended border based dispute two years ago, after deadly clashes between the two administrations. View the full article
  3. Muqdisho (SMN) Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka XFS mudane Saalax Ahmed Jaamac ayaa maanta xafiiskisa ku qaabilay Wakiilka qaramada Midoobay ee Soomaaliya mudane James Swan oo uu dhowaan soo magacaabay Xoghayaha guud ee qaramada Midoobay António Guterres. Wasiir saalax ayaa ugau horrayn uga war bixiyay guulaha laga gaaray howlaha dib-u-eegista dastuurka iyo sida ay dowladda uga go’anahay in ay dhamaystirto dib-u-eegista dastuurka dhammaadka sanadkan. Wasiirka ayaa sheegay in la dhihi karo dastuurka waa uu dhamaaday balse waxa dhiman ay tahay in madaxda dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah ay ka heshiiyaan arrimaha u baahan wada xaajoodyada siyaasadeed. Sidoo kale, wasiir saalax axmed Jaamac ayaa sheegay in u jeedada ugu wayn ay tahay in Somaaliya noqoto dowlad hannaanka federalka iyo demoqraadiyaddu si sax ah uga dhaqan gasho taasna ay ku xirantahay Dastuurka oo la dhamaystiro. “Si Soomaaliya u noqoto dowlad federal ah oo demoqraadiyaddu si fcn uga dhaqan gasho, waxaa lagamamaarmaan ah in la dhamaytiro dastuurka” ayuu yiri Wasiir Saalax axmed Jaamac. Dhanka kale, Wakiilka xogyaha guud ee qaramada midoobey u qaabilsan Soomaaliya Mr. James Swan ayaa ka mahadceliyay soo dhowaynta waxa uuna boqgaadiyay guulaha laga gaaray dib-u-eegista dastuurka, sidoo kale waxa uu hoosta ka xarriiqay in qaramada midoobay ay sii wadayso taageeradeeda Somalia gaar ahaan dib-u-eegista dastuurka oo uu shegay in ay muhiim tahay in la helo dastuur lagu heshiiyay. Sidoo kale, wasiir Saalax Axmed Jaamac ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay agaasimaha UNDP- Somalia Mr. Jocelyn Mason ee dhowaan la soo magacaabay, iyagoo kawada hadlay sida loo sii wadi lahaa wada shaqaynta UNDP iyo Wasaaradda Dastuurka. UNDP ayaa ka teegeerta Somaaliya arrimo badan oo ay ka mid tahay dib-u-eegista Dastuurka. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  4. Dhuusamareeb (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda federalka Soomaaliya ayaa xerada qaybta 21-aad ee xoogga dalka Soomaaliyeed ku booqday Ciidamo ka tirsan ahlu sunna oo lagu wareejiyey Dowladda Federaalka, maantana loo bilaabayo Hab-raaca ay kaga midnoqonayaan Ciidanka Qalabka sida ee Qaranka. Ra’iisul Wasaaraha oo ay booqashadiisa ku wehliyeen madaxa fulinta Galmudug iyo taliyaasha ciidanka qalabka sida ayaa khudba u jeediyay ciidanka waxa uuna ku boorriyay in ay maraan hab-raaca oo ay is isdiiwaan geliyaan si ay u helaan xuquudooda iyo agabka ciidan ee ay u baahanyihiin. Taliyaasha ciidanka qalabka sida oo guda galay dhaqan gelinta amarkii Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ee ahaa in la qarameeyo ciidanka Ahlusunna, laamaha ammaankana Dhuusamareeb laga howl geliyo ayaa qorshuhu yahay in sida ugu dhaqsaha badan ay uga guul gaaraan qaramaynta ciidanka si loogu diyaar garoobo xoreynta deegaanna Shabaabku uga suganyihiin Galmudug. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  5. Muddaharaad ballaaran oo looga horjeedo go’aankii Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ee ahaa in Gogosha dib u-heshiisiinta iyo doorashada Galmudug labadaba lagu qaban doono magaalada Dhuusamareeb ayaa maanta ka dhacay degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud. Dadka muddaharaadyada ayaa sitay boorar ay ku qoran yihiin waxaan doonaynaa Maqaamka Cadaado iyo ereyo kale oo ka dhan ah go’aanka Ra’iisul wasaaraha ee ku aaddana in doorashada lagu qaban doono Dhuusamareeb. Hoggaanka Dhaqanka magaalada Cadaado ayaa iyana shalay ka soo horjeestay go’aanka Ra’iisul wasaaraha iyagoo ku eedeeyay in uu ballanta uga baxay kadib markii sid ay sheegeen uu qaatay go’aan aan la isla ogayn islamarkaana uu awoodihii maamulka oo dhan geeyay Dhuusamareeb. Halkan ka daawo muddahaaradka PUNTLAND POST The post Muddaharaad looga horjeedo Ra’iisul wasaare Khayre oo ka dhacay magaalada Cadaado appeared first on Puntland Post.
  6. Milicsiga suugaantii Hadraawi waana ( Daalo) Qalinkii Cabdi Caawiye wuxuu hoga tusaalaynayaa oo uu shareerid iyo buunbuuninta afka qanniga ah ee Soomaaliga ku kala bixinayaa quruxda, qiimaha, deegaanta, dalsan nimada iyo bilicda la yaabka leh ee uu Allah ku manaystay buurta Daalo marka aad akhriskeeda ama dhagaysigeeda dhex gasho waxa dubaaqaaga hor kusoo dhacaaya malaha hadraawi kama hadlaayo aduunka ee jannadii ayuu hogatusaalaynaya. Degaan ahaan waxay dhacdaa Gobolka quruxda iyo taariikhda ee Ceerigaabo. wuxuuna yidhi Daaloo korkeedii Figta iyo daruuruhu Isku soo durkeenoo Ceeryaamo daahii Ku dallaalimaysoo Dirir gaaxdey mirayoo Todobaad ku da’ayoo Danabkiyo hilllaacii Isu daba mareenoo Onkodkuna dayaankii Dhulka dakharo yeeloo Casar gaaban daadkiyo Durduradu kulmeenoo Isku soo darmeenoo Isla dulundulceeyeen Jarar moosa dumiyeen Hadba daw samaysteen Shinbiruhu mar duuleen Marna soo degeenoo Damaloo dhan qariyeen Dananka iyo foorida Darandoori heeseen Dayaxiyo cadceedduna Dacallada ka joogaan Isha daawanaysaa Kola daali maysee Bal aan daaha aan rogey Halal kale ku sii daro Dal ahaanna waa gobol Dullo iyo baannanba leh Badna way la deris thay Duni weeye cimiladu Dardarteeda dhigatoo Waxa loogu daray taas Inta qurux u damac roon Cirku dooba kama dhigo Degmo weeye hodanoo Dooxooyin madhaxliyo Deegaan ma guurtiyo Ilo wada darrooriyo Doog aan is dhalan rogin Dayib geed la magic baxay Dahab hoosta yaallaa Dalag looga dhigayoo Cudur kama dilaacoo Dulin kama abuurmoo Dabar-gooye kama dhicin Waa degel qabow oo Qorrax diib is marisoo Jidhka aan damqayn baa Loo soo deldelayoo Dadku kuma gabooboo Nimankii Darwiishkii Kula jiray dagaalkoo Weli doob la moodaa Birta daabka haystoo Gala duullinmaadkoo Iyagaa dorraatiyo Taariikhda duuga ah Dhul fog looga doontaa Duunyadiisu waa geel Daran iyo tigaad cuna Ido deexda lagu dhaqo Ardo lagu dabbaal dego Carro weeye dihinoo Dirka magac ugaadheed Lagu soo dareershoo Farow iyo dibtaag baa Derrimaha ku fara badan Cawl-aan didaynoo Cidi aanay dilinoo Qofna aanu dabannoo Dibindaabyo aragoo Dannigii ka ba’ay baa Dugsanaysa xoolaha Dad ahaanna waa qaran Waa duul is wada dhalay Qalo iyo dir sooc ma leh Dab dhexdooda kama huro Weligood ma diriraan Isma doca-doceeyaan Dumar kama baroortaan Dooxatiyo wereentiyo Budhcad duusha kuma maqal Daandaansi ma oggola Xumo uma dulqaataan Nabaddana ma diidaan Deeq kuma masuugaan Doodna waa yaqaanniin Diricyaa ka kacay badan Damdamtiyo mashxaraddiyo Sacabkana ma daayaan Danna kama fogaadaan Nin dabali wadatoo Waxaan ahay dalxiis iyo Doolaalo keentoo Deg-deg baa I soo galay Dibna waan u kacayaa Dunta gabaygu leeyahay Kama xulan hal-doorkii Dulucdiina kama bogan Balse daymo halacsiga Kolley doorkan manta ah Halkaas aan ku dagagaro. Qalinkii Cabdi Cawiye shaywaal12@gmail.com Qaran News
  7. Somali President, Mohamed Abdullahi Farmajo hosted foreign diplomats serving their nation’s interest in the country on Monday. The ambassadors of countries with embassies in Somalia and international bodies such as the United Nations and African Union envoys were present at a dinner hosted by the Villa Somalia to mark the 59th anniversary of the Somali Independence. The head of state told the representatives that despite the decades of security challenges the country is on the right path to recovery. The President appreciated the unwavering support received from the members of the international community to his government in its quest to stability and development in the horn of the African nation. Somali leader said the Federal government is committed to strengthening bilateral relations with its international community partners. The pledge comes as relations between Mogadishu and Nairobi is at all time low due to the difference of disputed maritime border along the Indian Ocean waters. Somali Foreign Affairs Ministry submitted a letter of complaint to Kenya ambassador to Somalia, Lucas Tumbo on Monday in response to an offensive tweet by Kenya’s foreign affairs principal secretary, Macharia Kamau that term Somaliland as Independent country. The tweet was posted during a meeting between ambassador Kamau and Somaliland Foreign Minister, Yassin Hajji Mohamud in Nairobi last week. View the full article
  8. Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Gelle Xaaf iyo Wakiilka QM u qaabilsan arimaha Soomaaliya James Swan oo maanta ku kulmay Magaalada Muqdisho. Madaxweynaha Galmudug iyo Wakiilka ayaa kulankooda diirada ku saaray sidii loo dardar galin lahaa arimaha dib u hishiisiinta Maamulka Galmudug Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Gelle Xaaf ayaa sheegay in Soomaaliya dib u hishiisiin u baahantahay. Wakiilka QM u qaabilsan arimaha Soomaaliya James Swan ayaa sheegay in uu bogaadinayo uuna soo dhaweynayo in Galmudug laga sameeyo dib u hishiisn xiligan la joogana aad looga baahanyahay waxa uu sheegay in uu gacan weyn ka sii doono sidii loo dardar galin lahaa loona heli lahaa dib u hishiisiin dhab ah. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Xaaf oo la kulmay wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  9. Jowhar (Caasimada Online) – Maxamuud Cali Afrax oo ah sarkaal ka tirsan Kooxda Macaawiisley ee ah shacabka is abaabulay ee ka dagaalama gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ayaa sheegay in ay soo furteen illaa 11 Caruur oo gacanta ugu jiray Al-Shabaab. Sarkaalkan oo la hadlay Warbaahinta dowladda ayaa tilmaamay in howlgal qorsheysan ay ku qaadeen tuulada Xaaji Cali oo hoostagta degmada Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Caruurtan ay silsilado iskula xirnaayeen, islamarkaana si qasab ah looga kaxeeyay Waalidiintooda, sida uu hadalka u dhigay. “Waxaan ka war helnay inay jiraan caruur Al-Shabaab afduubteen, carruurtaas waxaa ay isku dayeen inay ka soo baxsadaan, balse markii ay ka war heleen baxsashada carruurta lugaha ayey silsilado uga xireen si-yasan u baxsan, dhankeena waan ka war helnay arrinkaas waana soo furanay” ayii yiri sarkaalkan. Maxamuud Cali Afrax ayaa intaasi ku daray in ay sii kordhin doonaan dagaallada ay kula jiraan Al-Shabaab, kana saari doonaan deegaanada maamulka HirShabelle. Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi. 24-kii bishan ayey aheyd markii Kooxda la magac baxday Macaawiisley ay shaaciyeen in Al-Shabaab ay ka soo futeen in ka badan 30 qof oo u xirnaa, kadib dagaal ay kula galeen agagaarka magaalada Buulo-Burte gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya. Macaawiisley waa koox shacab ah oo ka dhisantay deegaanada maamulka HirShabelle, waxaana ay dagaal adag ay kula jirtaa Al-Shabaab. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Jowhar caasimada@live.com
  10. Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda federalka Soomaaliya ayaa xerada qaybta 21-aad ee xoogga dalka Soomaaliyeed ku booqday Ciidamo ka tirsan ahlu sunna oo lagu wareejiyey Dowladda Federaalka, maantana loo bilaabayo Hab-raaca ay kaga midnoqonayaan Ciidanka Qalabka sida ee Qaranka. Ra’iisul Wasaaraha oo ay booqashadiisa ku wehliyeen madaxa fulinta Galmudug iyo taliyaasha ciidanka qalabka sida ayaa khudba u jeediyay ciidanka waxa uuna ku boorriyay in ay maraan hab-raaca oo ay is isdiiwaan geliyaan si ay u helaan xuquudooda iyo agabka ciidan ee ay u baahanyihiin. Taliyaasha ciidanka qalabka sida oo guda galay dhaqan gelinta amarkii Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ee ahaa in la qarameeyo ciidanka Ahlusunna, laamaha ammaankana Dhuusamareeb laga howl geliyo ayaa qorshuhu yahay in sida ugu dhaqsaha badan ay uga guul gaaraan qaramaynta ciidanka si loogu diyaar garoobo xoreynta deegaanna Shabaabku uga suganyihiin Galmudug. PUNTLAND POST The post Dowladda Federaalka Soomaaliya oo la wareegtay ciidamadii Ahlu-sunna appeared first on Puntland Post.
  11. Xuutiyiinta oo diyaarado ku duqeeyey garoon ku yaalla dalka Sacuudiga Maleeshiyaadka Xuutiyiinta Yeman ayaa mar kale duqeyn culus ka geystay garoon Diyaaradeed oo ku yaalo gudaha Dalka Sacuudiga. Xuutiyiinta ayaa duqeeyey Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Abha oo ku taalo Koonfurta dalka Sacuudiga oo hoggaamiye u ah isbaheysi duulaan ku qaaday Dalka Yeman oo ay awood ku leeyihiin Xutiyiinta xidhiidhka la leh Iiraan. Sida ay Wakaaladaha wararka tabinayaan 9 qof ayaa ku dhawaacmay duqeyntaas, waxayna dadka dhaawacmay u badnaayeen Sacuudiyaan. Ciiddanka Isbahaysiga Sacuudiga oo warbixin kasoo saaray duqeyntaas ayaa sheegay in 8 kamid ah dadka dhaawacmay ay yihiin Sacuudiyaan halka qofka kalana uu watay Baasaboorka dalka Hindiya ah. Al-masiirah oo ah Talefishinka kooxda Xuutiyiinta ayaa tabiyey inay duqeyntaas qaaden kooxdan isla markaasna loo adgeesaday diyaarad aan duuliye laheyn. Kooxda Xuutiyiinta Yeman ayaa laba jibaaray weerarada ay ka geysanayaan gudaha Sacuudiga, waxayna asbuucyadii lasoo dhaafay gantaalo iyo duqeymo ka geysteen qaar ka tirsan Garoomada Diyaaradaha ee dalkaas. 3-da Bishii June, Gantaal ay Xuutiyiinta la beegsadeen isla garoonkan waxa ku geeriyooday Muwaadin u dhashay dalka Syria, halka 21 kalena lagu dhawaacay. Dowladda Sacuudiga ayaa dhawr sano dagaal iyo duqeymo ka wado gudaha dalka Yeman oo ay ku xooggan yihiin kooxdan, waxaana illaa hadda u suurtageli la’ inay baabi’iso kooxdaan oo hadda lasoo baxday awood ay duqeymo kaga geysato gudaha Sacuudiga. Isbaheysiga Sacuudiga hoggaaminayo ee dagaalka ku qaaday Dalka Yemen ayaa xasuuq u geystay shacab badan oo yamaniyiin ah, waxaana dadka la laayey kamid ah boqolaal kun oo Qaran News
  12. Taliyaasha ciidanka xoogga dalka, Booliiska iyo Asluubta ayaa maanta soo gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad gobaleedka Galmudug. Taliyaasha oo ay la socdaan guddiga isku dhafka ciidanka qalabka sida oo hormuud uu u yahay wasiiru dowlalaha difaaca ayaa socdaalkoodu salka ku hayaa fulinta amarkii Ra’iisul wasaaraha dalka oo ahaa in la qarameeyo ciidamada Ahlusunna iyo in laamaha amniga heer federaal laga howl geliyo Dhuusamareeb. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa dhawaan faray laamaha amniga dalka in sida ugu dhaqsaha badan ay uga howl galaan caasimadda dowlad gobaleedka Galmudug si loo dhamaystiro qorshaha qarameynta ciidanka Ahlusunna looguna diyaar garoobo xoreynta deegaannada Galmudug ay Shabaabku uga suganyihiin. PUNTLAND POST PUNTLAND POST The post Taliyaasha Ciidamada dowladda dowladda Federaalka oo gaaray Dhuusamareeb appeared first on Puntland Post.
  13. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka XFS mudane Saalax Ahmed Jaamac ayaa maanta xafiiskisa ku qaabilay Wakiilka qaramada Midoobay ee Soomaaliya mudane James Swan oo uu dhowaan soo magacaabay Xoghayaha guud ee qaramada Midoobay António Guterres. Wasiir saalax ayaa ugau horrayn uga war bixiyay guulaha laga gaaray howlaha dib-u-eegista dastuurka iyo sida ay dowladda uga go’anahay in ay dhamaystirto dib-u-eegista dastuurka dhammaadka sanadkan. Wasiirka ayaa sheegay in la dhihi karo dastuurka waa uu dhamaaday balse waxa dhiman ay tahay in madaxda dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah ay ka heshiiyaan arrimaha u baahan wada xaajoodyada siyaasadeed. Sidoo kale, wasiir saalax axmed Jaamac ayaa sheegay in u jeedada ugu wayn ay tahay in Somaaliya noqoto dowlad hannaanka federalka iyo demoqraadiyaddu si sax ah uga dhaqan gasho taasna ay ku xirantahay Dastuurka oo la dhamaystiro. “Si Soomaaliya u noqoto dowlad federal ah oo demoqraadiyaddu si fcn uga dhaqan gasho, waxaa lagamamaarmaan ah in la dhamaytiro dastuurka” ayuu yiri Wasiir Saalax axmed Jaamac. Dhanka kale, Wakiilka xogyaha guud ee qaramada midoobey u qaabilsan Soomaaliya Mr. James Swan ayaa ka mahadceliyay soo dhowaynta waxa uuna boqgaadiyay guulaha laga gaaray dib-u-eegista dastuurka, sidoo kale waxa uu hoosta ka xarriiqay in qaramada midoobay ay sii wadayso taageeradeeda Somalia gaar ahaan dib-u-eegista dastuurka oo uu shegay in ay muhiim tahay in la helo dastuur lagu heshiiyay. Sidoo kale, wasiir Saalax Axmed Jaamac ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay agaasimaha UNDP- Somalia Mr. Jocelyn Mason ee dhowaan la soo magacaabay, iyagoo kawada hadlay sida loo sii wadi lahaa wada shaqaynta UNDP iyo Wasaaradda Dastuurka. UNDP ayaa ka teegeerta Somaaliya arrimo badan oo ay ka mid tahay dib-u-eegista Dastuurka. PUNTLAND POST The post Wasiirka Dastuurka Oo Kulan La Yeeshay Wakiilka QM Ee Soomaaliya James Swan appeared first on Puntland Post.
  14. Beledweyne (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa ku warramayaa in maanta dagaal u dhexeeyay Al-Shabaab iyo dad xoolo dhaqato AH uu ka dhacay deegaano dhaca bariga gobolkaasi. Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa la sheegay inuu ka qarxay deegaanada Garisyaani iyo Booca oo hoos yimaada M/Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in dagaalkan uu yimid, kadib markii dadka xoolaha dhaqatada ay ka biyo diideedn Zakawaad ay weydiisteen Al-Shabaab. Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhasahy dagaalkaasi oo qaatay muddo saacado ah. Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka gobolka iyo dhinaca Al-Shabaab oo la xariira dagaalkaasi. Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana weli dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeeda laga dareemayaa bariga gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya. View the full article
  15. Muqdisho (SMN): Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato: https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka-Duhur-02072019.mp3 View the full article
  16. Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay iney dib u bilaabeyso taageerada ay siin jirtay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed. Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii ay sheegeen in xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ay isbadal ka sameysay dib u habeynta nidaamka xisaabaadka iyo isla xisaabtanka. Mareykanka oo taageerada joojiyey December 2017-kii ayaa waxaa uu ku celiyey inuu kalsooni ku qabo dowladda federaalka ah iyo xoogga dalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Maamulka Ahlu-Sunna Waljamaaca ayaa maanta si rasmi ah ciidamadoodii ugu wareejiyay dowladda federaalka Soomaaliya. Munaasabad kooban oo lagu wareejiyay ciidamadaasi ayaa lagu qabtay xerada qaybta 21-aad ee ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo ku taalla duleedka magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad goboleedka Galmudug. Waxa xafladda goob joog ahaa Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, taliyeyaasha ciidamada Xoogga, Booliska, Asluubta iyo madaxa xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan. Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa uga mahadceliyay tallaabada ay qaatay Ahlu-Sunna Waljaamaca. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ciidamada ay soo wareejiyeen la qarameyn doono, islamarkaana ay heli doonaan tababaro dheeraad ah. Arrintan ayaa qeyb ka ah heshiis gaar ah oo ay kala saxiixdeen xukuumadda Soomaaliya iyo Ururkii Ahlu-Sunna ee ku biiray maamulka Galmudug. Dhuusamareeb oo ay ku sugnaayeen ciidamadani ayaa haatan wixii ka dambeeya waxaa ka howlgali doono ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Galmudug. Isbedallada ka dhacay deegaanada Galmudug oo ah kuwa aan la filaneyn ayaa ku soo aadaya, xilli dhawaan doorasho ay ka dhicin doonto maamulkaasi. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Halkan hoose ka daawo Sawirrada: Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb caasimada@live.com
  18. The United States will partially resume the provision of security assistance to non-mentored units of the Somali National Army (SNA). Source: Hiiraan Online
  19. Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay in ay dib u billaabeyso taageerada maaliyadeed ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ay siin jirtay, kadib markii hay’adaha maaliyadda iyo dabagalka Mareykanka ku qanceen dib-u-habeynta lagu sameeyay ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya. Mareykanka iyo dowladda Soomaaliya ayaa joojiyay December 2017, taageero dhanka mushaaraadka iyo saanadda ah oo uu siin jiray ciidamada Xoogga Soomaaliya gaar ahaan kuwa ku sugan gobollada shabeellooyinka, iyada oo sabab looga dhigay musuqmaasuq baahsan oo ka jiray tirada ciidamada dhabta ah ee deegaannadaas ku sugan. War qoraal ah oo ka soo baxay howl-galka Mareykanka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in qeyb ahaan taageeradaan dib loo fasaxay si loogu dhiso kalsoonida ay deeqbixiyaashu ku qabaan nidaamka isla xisaabtanka Soomaaliya. “Dib-u-soocelinta kaalmadaan, waxay muujineysaa kalsoonideenna ah in dowladda Federaalka iyo Ciidankeeda Xoogga ay sii wadaan qor u qaadista isla xisaabtanka iyo la dagaallanka musuqa” ayaa lagu yiri qoraalka. Dowladda Soomaaliya ayaa soo gebo gabeysay wajiga koowaad ee dib-u-habaynta ciidamada oo ka koobnaa, diiwaanngelin ciidamada lagu sameeyay oo loo adeegsaday habla keydinta xogta ee casriga ah, taas oo lagu ogaaday in ka badan 9kun oo magacyo been-abuur ah oo ku jiray liiska ciidamada. Sidoo kale xukuumadda ayaa nidaamka mushaar bixinta ciidamada u beddeshay xisaabta bankiyada halka markii hore ciidamada gacanta laga siin jiray. Dowladda ayaa toddobaadkii hore ku dhowaaqday wejiga labaad ee di-u-habaynta ciidamada oo xog dheeraad ah looga uruurinayo askarta, laguna qiimeynayo baahayaha ciidamada ee dha walbo leh. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  20. Taliyaha qaybta Booliska gobolka Bari G/S Xuseen Cali Maxamed oo shir jaraaid ku qabtay xafiiskiisa ayaa sheegay in mudo 15 maalmood gudahood ay isku soo [...] Source
  21. Waxaa goordhow gaaray caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb taliyeyaasha ciidamada Soomaaliya si ay halkaasi uga hirgeliyaan talaabo la isku dhafayo ciidamada Ahlu sunna iyo kuwa qaranka. Taliyeyaasha waxaa ka mid ah: Wasiiru dowlaha Wasaarada Gaashaandhiga Mudane Maxamed Cali Xagaa, Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Generaal Daahir Aadan Cilmi, taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed General Bashiir Ameeriko, taliyaha ciidanka asluubta Soomaaliyeed General Bashiir Goobe, taliyaha hey’ada Socdaalka iyo Jinsiyadda Gaashaanle sare Maxamed Aaden Koofi iyo saraakiil sare sare oo ka tirsan hey’ada nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka. Waxaa Dhuusamareeb ku sugan ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre, isaga ayaana sheegay in la isku dhafayo labada ciidan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  22. Cadaado (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Cadaado ayaa sheegayo inuu halkaas ka bilowday banaanbax xooggan oo looga soo horjeedo hadalkii uu Ra’isulwasaare Kheyre kaga dhawaaqay Dhuusamareeb oo ahaa in Magaaladaas ay ka dhaceyso doorashada iyo dib u heshiisiinta Galmudug. Banaabaxa oo ah mid si weyn loo soo agaasimay ayaa waxaa ka qeybgalayo dadka Magaalada, Odayaal dhaqameedyada iyo Ganacsatada Cadaado. Dibadbaxayaasha ayaa sita boorar ay ku qoran yihiin ereyo liddi ku ah hadalkii uu Ra’isulwasaare Kheyre ka sheegay Dhuusamareeb kadib heshiis dhex maray Ahlu Sunna iyo Dowladda. Qaar ka tirsan Odayaasha Cadaado oo la hadlay dibadbaxayaasha ayaa sheegay inay Dowladda Soomaaliya cadaalad darro ku sameysay Magaalada Cadaado. Sidoo kale odayaasha ayaa Dowladda Federaalka ku eedeeyey inay kaga baxday ballan ay wada galeen taasina ay tahay mid aysan aqbalin karin Cadaado sida ay hadalka u dhigeyn. Dadka ka hadlay banaanbaxa ayaa dowladda ugu baaqay inay si deg deg ah kaga noqoto go’aanka ay gaartay oo ah in Doorashada iyo Shirka dib u heshiisiinta ay labaduba ka dhacaan Magaalada Dhuusamareeb. Wixii warar ah ee kusoo kordha banaanbaxa socdo kala soco Caasimadda Online. Caasimada Online Xafiiska Cadaado caasimada@live.com