-
Content Count
213,501 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Abha (Caasimadda Online) – Maleeshiyaadka Xuutiyiinta Yeman ayaa mar kale duqeyn culus ka geystay garoon Diyaaradeed oo ku yaalo gudaha Dalka Sacuudiga. Xuutiyiinta ayaa duqeeyey Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Abha oo ku taalo Koonfurta dalka Sacuudiga oo hoggaamiye u ah isbaheysi duulaan ku qaaday Dalka Yeman oo ay awood ku leeyihiin Xutiyiinta xiriirka la leh Iiraan. Sida ay Wakaaladaha wararka tabinayaan 9 qof ayaa ku dhawaacmay duqeyntaas, waxayna dadka daawacmay u badnaayeen Sacuudiyaan. Ciiddanka Isbahaysiga Sacuudiga oo warbixin kasoo saaray duqeyntaas ayaa sheegay in 8 kamid ah dadka dhaawacmay ay yihiin Sacuudiyaan halka qofka kalana uu watay Baasaboorka dalka Hindiya ah. Al-masiirah oo ah Talefishinka kooxda Xuutiyiinta ayaa tabiyey inay duqeyntaas qaadeyn kooxdaan isla markaasna loo adgeesaday diyaarad aan duuliye laheyn. Kooxda Xuutiyiinta Yeman ayaa laba jibaaray weerarada ay ka geysanayaan gudaha Sacuudiga, waxayna asmuucyadii lasoo dhaafay gantaalo iyo duqeymo ka geysteen qaar ka tirsan Garoomada Diyaaradaha ee dalkaas. 3-da Bishii June, Gantaal ay Xuutiyiinta la beegsadeen isla garoonkaan waxa ku geeriyooday Muwaadin u dhashay dalka Syria, halka 21 kalena lagu dhawaacay. Dowladda Sacuudiga ayaa dhawr sano dagaal iyo duqeymo ka wado gudaha dalka Yeman oo ay ku xooggan yihiin kooxdaan, waxaana illaa hadda u suurtageli la’ inay baabi’iso kooxdaan oo hadda lasoo baxday awood ay duqeymo kaga geysato gudaha Sacuudiga. Isbaheysiga Sacuudiga hoggaaminayo ee dagaalka ku qaaday Dalka Yemen ayaa xasuuq u geystay shacab badan oo yamaniyiin ah, waxaana dadka la laayey kamid ah boqolaal kun oo Caruur oo lagu duqeeyey guryahooda. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Jeddahy caasimada@live.com
-
Dawoco yar oo ah nooca ku nool dhulka qaboobaha ayaa ka yaabisay seeynisyahano la socday dhaqdhaqaaqeeda kadib markii ka tagtay dalka Norway, lugna ku tagtay Canada, safarkaas oo ku qaatay 76 maalmood iyada oo qaraab doon ah. Sida uu qorey wargeyska Norway kasoo baxa ee Semitsiag, seeynisyahanada ayaa la yaabay safarkan qariibka ah ee ay dawada gashay, iyada oo ka gudubtay dhul aad baaxadiisa u balaaranyahay, qaboowgiisuna daranyahay. Cilmi baarayaal ka tirsan mac-hadka Polar ee Norway ayaa dacawadani oo hal sanno jir ah ku xiray qalabka GPS-ka ee lagula socdo dhaqdhaqaaqa hadba sheeyga lagu rakiyo. Waxaa 76 maalmood kadib la ogaaday in ay ku sugantahay jasiiradda Ellesmere ee dalka Canada, iyada oo jartay masaafo dhan 2,000 kiilo mitir. Waxa la yaabka leh ayaa ah xawaaraha ay ku jartay masaafada intaas dhan, iyadoo maalin kasta goynaysay 46 km , maalmaha qaarkoodna waxa ay jaraysay 155 km. “Waan rumeysan weynay waxa ay indhaheena arkayaan, waxaan u malaynaynay in ay dhimatay, ama doon lagu qaaday, balse wax doon ah aagga maba joogin” ayay tiri Eva Fuglei oo ka tirsan mac-hadka Polar. Ma jirto dacawo safarka intaas la’eg gashay inta la ogyahay. Eva ayaa ka mid ahayd koox cilmi baarayaal ah oo loo xilsaaray in ay wax ogaadaan sida dawacooyinka ay ugu dulqaataan qaboowga, uguna maareeyaan noloshooda. “Xilliga jiilaalka cunto badan ayaa la helaa, balse xiliga qaboowga waa dhib, waana marka dacawooyinku ay u haajiraan meelo kale si ay cunto u helaan, balse dawacadan waxa ay tagtay meel aad u fog” ayay tiri. Barafka sii dhalaalaya ee adduunka ayaa la sheegay in uu saameyn xooggan ku yeelanayo xayawaanka ku nool dhulkan qaboobaha ah. Bbc somali Qaran News
-
Nairobi (Caasimadda Online) – Xoghayaha Joogtadda ee Wasaaradda arrimaha Dibadda Dalka Kenya Kamau Macharia ayaa xiisadda Soomaaliya iyo Kenya gaarsiisay meeshii ugu sareysay. Amb. Macharia Kamau oo kulan la yeeshay Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin Xaaji, ayaa qoraal barta Twitterka Wasaaradda Arrimaha Dibadda lagu sheegay in Kenya iyo Somaliland ka wada shaqeynayaan iskaashiga labada dal, kaasoo loo arkayay culeys siyaasadeed oo ay Soomaaliya ku saareysay Kamau Macharia ayaa Twitterka ka tiray warbixintii muranka dhalisay ee uu ku sheegay inay Somaliland tahay mid ka madax banaan Soomaaliya iyo dhammaan macluumaadkii kale ee la socday. Diplomaasigaan oo wax laga waydiiyey xiisadda uu sii huriyey ee Kenya iyo Soomaaliya isagoo la hadlayey Shabakadda Wararka Kenya ee Kenyans.co.ke ayuu sheegay inuusan diyaar u aheyn inuu ka hadlo warbixintaas muranka dhalisay. Kamau Macharia wuxuu kamid yahay Siyaasiyiinta inta badan ka shaqeeyo hurinta xiisada dimlomaasiyadeed ee u dhaxeyso Soomaaliya iyo Kenya, wuxuuna hadda ka hor soo qoray waxyaabo meel sare sii gaarsiiyey Xiisadda siyaasadeed ee labadaan dal ka dhaxeyso. Diplmaasigaan ayaa horey usoo noqday Wakiilka Kenya ku matalo Hey’adda Qaramada Midoobay. Sidoo kale wuxuu soo noqday madaxweynaha Guddiga fulinta ee Sanduuqa badbaadada caruurta Qaramada Midoobay ee UNICEF. Wasaaradda Arrimaha Dibadda dowladda Soomaaliya ayaa Safiirka Kenya u jooga Somalia Lucas Tumbo u gudbisay qoraal cabasho ah oo ka dhan ah Xoghayaha Joogtada Wasaaradda arrimaha dibadda Kenya oo qoraal Twitter Wasaaradda la soo geliyay ku sheegay Somaliland inay tahay dal. Qoraalka cabashada ayaa lagu sheegay inay hadalkaas u tixgelinayaan inay halis ku tahay madax banaanida, midnimada dhuleed iyo sharafka Soomaaliya, isla markaana ay Soomaaliya ay u taagan tahay deris wanaag, ixtiraam labada dhinac iyo in iskaashi dhow la yeelato deriskeeda ayna sidaas la mid ah ka rajeyneyso dowladda Kenya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Gaalkacyo (Caasimadda Online) – Allaha u naxriistee waxaa xalay Magaalada Gaalkacyo ku geeriyooday Taliyihii Booliska Degmada Gaalkacyo Col. Cawil Nuur Rooble, kadib markii uu dhaawac ka soo gaaray qarax loogu xiray gaarigiisa. Xiliga uu qarxay gaariga uu watay Taliyuhu ayaa la sheegay in uu marayey Jidka 30-ka ee bartamaha magaalada Gaalkacyo, waxaana dhaawiciisa la geeyey Isbitaalka weyn ee Magaalada Gaalkacyo. Allaha u naxriistii Taliyihii Booliska Degmada Gaalkacyo Col. Cawil Nuur Rooble ayaa maanta lagu wadaa in lagu aaso magaalada Gaalkacyo. Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada qaraxa Gaarigiisa loogu xiray taliyihii Saldhiga Booliska Magaalada Gaalkacyo ee Maamulka Galmudug, waxaana ilaa iyo hadda ka hadlin Madaxda sare ee Maamulka Galmudug. Al Shabaab ayaa sare u qaadday weerarada ay ka fulinayso gudaha magaalada Gaalkacyo waxayna Bilihii lasoo dhaafay fulisay weeraro ka dhan ah askarta iyo saraakiisha maamulada Galmudug iyo Puntland. Dhanka kale Ciidamada amaanka Maamulka Galmudug ayaa saakay waxaa ay Baaritaano ka wadaan xaafadaha ay ka kooban tahay Magaalada Gaalkacyo ee Gobalka Mudug. Caasimada Online Xafiiska Gaalkacyo caasimada@live.com
-
Dhuusamareeb (SMN) – Taliyeyaasha ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta ku wajahan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug. Taliyaha ciidanka Xoogga dalka, taliyaha Booliska iyo kan Asluubta ayaa la filayaa in saacadaha soo socda ay gaaraan halkaasi. Ujeedka socdaalka taliyeyaashan ayaa la xariira heshiiskii Ahlu-Sunna iyo dowladda federaalka Soomaaliya. Sidoo kale waxa ay la wareegi doonaan ciidamada Ahlu-Sunna iyo amniga magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Tallaabadan ayaa qeyb ka ah heshiis ay horay u gaareen Madaxda Ahlu-Sunna Waljamaaca iyo dowladda Soomaaliya. Dhawaaan ayaa lagu wadaa in shirka dib u heshiisiinta Galmudug iyo doorashada maamulkaasi lagu qabto magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud. View the full article
-
Gaalkacyo (SMN) – Guddiyadii loo saaray dadkii rayidka ahaa ee lagu laayey M/Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa War-Saxaafadeed ka soo saaray dhacdadaasi. Warka ka soo baxay guddiyadani ayaa lagu sheegay in kulamo ay la qaateen waxgaradka, qeybaha bulashada, mas’uuliyiinta degmadaasi iyo Ehellada dadka la dilay. Sidoo kale waxa ay soo jeediyeen qodobo ay sheegeen in ay xal u noqon karaan nabad galyada deegaanka. Halkan hoose ka akhriso: View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada casho sharaf lagu maamusayo toddobaadka xorriyadda ugu sameeyay diblomaasiyiinta iyo danjirayaasha dalalka aan saaxiibbada nahay ee ka hawlgala Muqdidsho. Madaxweynaha oo hadal kooban munaasabadda ka jeediyay ayaa ka sheekeeyay sooyaalka Soomaaliya iyo marxaladdii adkayd ee dalku soo maray isaga oo hoosta ka xarriiqay in waddanku uu hadda cagta saaray dhabbada xasilloonida iyo horumarka. Madaxweynaha ayaa xusay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay tixgeliso saaxiibtinnimada ay dalalka caalamka la leedahay isaga oo sheegay inuu ku kalsoon yahay horumarka iyo dib u soo kabashada Soomaaliya inta ay dowladdu garab ka helayso shacabka Soomaaliyeed ee adkaygsiga badan iyo saaxiibbada caalamka. Madaxweyne Farmaajo ayaa marti sharafta uga warbixiyay dadaallada ay dowladdu ugu jirto sidii Soomaaliya loo gaarsiin lahaa horumar waara isaga oo la wadaagay siyaasadaha hor-tabinta u leh dowladda ee dhinacyada amniga, hannaanka maaliyadda iyo siyaasadda loo dhan yahay. “Sida aad ka warqabtaan, Soomaaliya waxay sannadihii la soo dhaafay samaysay horumar xawli ah, waxaana ku faraxsanahay inaan idin la wadaago in dowladdaydu ay gaartay guullo waaweyn intii aan talada hayay. Dhanka dhaqaalaha, Soomaaliya waxay horumar la taaban karo ka samaysay la dagaallanka musuqmaasuqa, sare u qaadidda dakhliga gudaha iyo buuxinta shuruudaha dayn cafinta ee Hay’adda Lacagaha Adduunka oo meel fiican maraya.” Madaxweynaha ayaa dalalka saaxiibka la ah Soomaaliya uga mahadceliyay sida hagar la’aanta ah ee ay u garab taagan yihiin ummadda Soomaaliyeed isaga oo sheegay in dowladda ay ka go’an tahay xoojinta iskaashiga iyo xiriirka ay la leedahay guud ahaan Beesha Caalamka. Munaasabadda casho sharafta waxa sidoo kale ka qaybgalay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Murshal Sheekh Cabdiraxmaan, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle (Xaaf), Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow), Wasiirka Warfaafinta ahna Guddoomiyaha Guddiga Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), xubno ka tirsan Golaha Xukuumadda iyo Baarlamaanka, Taliyeyaasha iyo Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Cambaareyn ka dib ,Anigoo Ah Gudoomiyaha Ururka Sapo ,Waxaan Damiir Xumo Wadaniya u arkaa Xadhiga Wasaaradda Deegaanka Somaliland kula kacday Mawaadin Cabdi Cali (Gadhle) oo ah Khabiir u ololeeya ilaalinta Duur-joogta ,kaasi oo bulshadda Somaliland usoo bandhigay ,sidii loo joojin lahaa 8-Hareemo-cad oo Wasaaradda Deegaanka Somaliland dalka ka dhoofinayso ,kuwaasi oo dad shicib ah oo dalka ka dhoofinaayay laga qaaday isla markaana Jeelasha lagu guray ,Gaadiidkoodiina lagala wareegay. Su’aasha meesha taalaana waxa weeye ,hadii Wasaaradda Deegaanka Somaliland dalka ka Dhoofinayso 8-Hareemocad oo ay Wasaaradu Qiratay,Maxaa loogu diidaayay Dadkii Mawaadiniinta ahaa ee dhoofinaayay ee Jeelasha lagu Guray. ? Waxaanan leeyahay Xumuumadda Somaliland ,Cabdi Cali Gadhle ,waa Mawaadin Dhab ah waxaanu xaq u leeyahay in Abaal Marin la siiyo ,Mana Gayo Xadhig ,maadaama uu si iskaa wax u qabso ah Wasaaradda Deegaanka la’haa Xeerka Mam-nuucaya Dhoofinta Duur-joogta iyo Goynta Dhirta Qoyan ee Somaliland ee baarlamaanku Ansixiyay 2016-kii halagu dhaqmo ,si loola dagaalamo Xaalufinta Deegaanka. Waxaan Mar Labaad ugu baaqayaa laamaha ku shaqada leh Xadhiga Cabdi Cale Jaamac , in si Deg Deg ah xoriyadiisa loogu soo celiyo , Waxaan leeyahay yaan laysku qaldin arimaha Siyaasiga ah iyo arimahailaalinta Deegaanka ku Shaqada leh ,waayo maanta dalkeenu waxa uu u baahanyahay in wada jir looga hortago Xaalufinta Duur-joogta iyo Dhirta,maadaama Nolosha dadkeenu ay ku tiirsantahay Xoolaha nool. Anagu Urur’ahaan Waxaananu garabtaaganahay Cabdi Cali Gadhle ,Mana Ogolin in 8-Hareemocad dalkooda laga dhoofiyo, waayo hadii Xayawaankan la Dhoofiyo waxa furmaaya Dariiqii Dhoofinta Duur-joogta iyo Goynta Dhirta. Geesta kale Cabdi Cali (Gadhle) oo haysta dhalashada Dalka Maraykanka ayaa ah Khabiiru ololeeya ilaalinta Duur-joogta ,iyo Deegaanka waxaanu ka soo shaqeeyay Goobaha ilaalinta Xayawaanka ee USA ,SOUTHAFRICA ,BOTSWANA,TANSANIAiyo dalal kale ,waxaanu 5-sano ee u danbeeyay ka shaqaynaayay DhawristaDuur-joogta Somaliland . Waxaanu Imika ku xidhanyahay Xarunta CID Hargeysa ,waxaana lagu haystaa Maxaad noo sheegaysaa ,arintaasina waa xaq-daro. Gudoomiyaha Ururka ilaalinta Duur-joogta Ee Sapo. Mahad Faarax Cabdilaahi. Source
-
Muqdisho ( SMN):-Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka-Subax-02072019.mp3 View the full article
-
Xildhibaan Cabdi Xasan Cilmi (Indha-yare) oo ka tirsan baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug ayaa sheegay in DFS ay ku fashilantay xal ka gaarista doorashooyinka Galmudug. Wuxuu tilmaamay xildhibaanka in Ra’iisul wasaaraha uu dedaal badan bixiyey, ayna fiican tahay dib u heshiisiin, balse aanay ahayn in Dhuusamareeb gogol la dhigo. Kheyre ayuu sheegay inuu ku degdegay go’aanka ah in doorashooyinka iyo sidoo kale gogosha wadahadalka la dhigo Dhuusamareeb. Sidoo kale, xildhibaanka ayaa sheegay in Cadaado ay tahay xarunta baarlamaanka Galmudug, sidaasi darteedna ay DFS iska indho tireyso arrintaasi. Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in doorashada Galmudug lagu qabanayo degmada Dhuusamareeb, sidoo kalena halkaasi la dhigayo gogosha dib u heshiisiinta Galmudug. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/07/xildhibaan-galmudug-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, C/casiis Lafta-gareen ayaa sheegay in deegaannada maamulkiisa ka arrimiyo gaarsiin doonaan xasilooni siyaasadeed. Wuxuu sheegay Lafta-gareen iney go’aan ku gaareen ka maamul ahaan in dowladnimada la daadejiyo, dadka ku dhaqan degmooyinkana ay u suurtageliyaan iney doortaan cidda ay rabaan. Maamullada deegaannada K/galbeed ayuu sheegay in lagu sameynayo dib u habeyn iyo qorshe, lagana shaqeynayo isdhexgalka bulshada. Lafta-gareen ayaa ka dalbaday shacabka K/galbeed iney kala shaqeeyaan sidii horumar loo gaarsiin lahaa deegaannadooda. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/07/laftagareen-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Xildhibaanno iyo wasiiro ka tirsan Hirshabelle oo warbaahinta kula hadlay magaalada B/weyne ayaa sheegay iney walaac xooggan ka qabaan xaaladda magaaladaasi, sidoo kalena guddigii dhowaan Muqdisho ka tagay ku fashilmeen xallinta maamulka gobolka Hiiraan. Waxay sheegeen in markii ay yimaadeen xildhibaanno Federaalka ah qaarkood ay raadkooda dhumeen, islamarkaana aanay arag wax natiijo ah. Sidoo kale, waxay tilmaameen in dowladda dhexe looga baahan yahay ineysoo farogeliso xaaladda gobolka Hiiraan. Wixii ka dambeeyey markii uu madaxweyne Waare xilka ka qaaday guddoomiye Dabageed waxaa jira khilaaf xooggan, iyadoo Yuusuf Dabageed diiddey inuu xilka wareejiyo. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/07/xildhibaano-hirshabeele.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Saciid C/laahi Dani ayaa ka codsaday dowladda federaalka Soomaaliya, iney dhex-dhexaad ka noqoto doorashooyinka la filayo iney ka dhacaan Jubbaland iyo Galmudug. Wuxuu sheegay in dowladda horey magacyo xun uga raaceen doorashooyin dalka ka dhacay loona baahan yahay iney hadda meel gees ah ka istaagto, waa sida uu hadalka u dhigaye. Dani ayaa tilmaamay in dowladda dhexe waajib ka saaran yahay la shaqeynta dowlad goboleedyada, sidoo kalena ay iska ilaaliso wax walbo oo dalka khilaaf u keeni kara. Galmudug iyo Jubbaland ayaa dhowaan waxaa la filayaa iney ka dhacaan doorashooyinka baarlamaanka iyo midda madaxtinimo. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/07/madaxweynaha-Puntiland-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Qaahira)-Cabdul Monem Aboul Fotouh, oo da’diisu ay tahay 68 jir horena u ahaa musharax madaxweyne oo doorashadii 2012-kii isku soo taagay ayaa xabsi ku yaala dalka Masar ku jira tan iyo 2018-kii. Wiilkiisa oo la yidhaa Axmed ayaa baraha bulshada gaar ahaana Facebook-ga iyo Twitter-ka, ku yidhi “Aabahay wuxuu khatar ugu jiraa inuu naftiisa waayo mar kasta,” isagoo intaasi ku daray in aabihii uu la ildaran yahay wadna xanuun. Caboul Fotouh ayaa hogaaminayey xubno ka tirsan Ikhwaanul Muslimiin ilaa 2011-kii, markaas oo uu ka gaabsaday kooxda isagoo ahaa musharax madaxbanaan oo isku soo taagay doorashadii Madaxtooyada dalka Masar, waxaanu soo galay kaalinta Afraad isagoo helay 17 boqolkiiba codadkii laga dhiibtay wareegii u horeeyey ee doorashada. Waxaanu u muuqday mid ka maskax furfurnaa Musharaxiintii kale ee Ikhwaanul Muslimiin, Maxamed Morsi oo dhawaan maxkamad ku dhex dhintay ayaa ku guulaystay doorashadii Madaxtooyada ee xiligaasi. Guuldaradii ka soo gaadhay doorashada ayaa keentay in Cabdul Fotouh uu Masar ka aasaaso xisbi adag. Balse waxa la xidhay 2018-kii kadib markii waraysi uu siiyey telefishanka Al-jazeera, kaas oo lagu eedeeyey inuu faafiyey warar been ah iyo inuu qayb ka yahay urur la mamnuucay. Source
-
Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi oo ka mid ah xildhibaannada golaha shacabka ee loo xil saaray dhacdadii dhowaan ka dhacday magaalada Gaalkacyo ayaa ka warbixiyey halka ay haatan wax u marayaan. Fiqi ayaa sheegay in ay xog wareysteen dhinacyadii dhibka loo geystay iyo kuwii lagu tuhmayey iney dhibka geysteen, isaga oo tilmaamay iney soo gabagabeeyeen wadahadallo maalmo badan socday, xalna laga gaaray. Dhibkii halkaasi ka dhacay ayuu sheegay xildhibaan fiqi in is faham laga gaaray, isaga oo tilmaamay in la isla gartay in laga xaalo dhibka dhacay iyo dadka deggan Gaalkacyo ee kasoo jeeda gobollada kale ay si xor u shaqeystaan oo aanay ciriiri dareemin. Xildhibaan Fiqi ayaa dhanka kale sheegay in weli ay harsan yihiin wadahadallo kale oo Labada dhinac si toos ah ugu abbaarayaan dhammeynta wixii dhacay. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/07/xildhibaan-axmed-macalin-fiqi.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Tunis)-Hadal ka soo baxay Safaaradda Maraykanka ku leedahay caasimadda dalka Tunisia ee Tunis ayaa lagu sheegay inay Safaaraddu maanta xidhnaan doonto, marka laga reebo Adeegyadda Deg-dega ah. Safaaraddu waxay kaloo sheegtay in sababo dhanka ammaanka darteeda maanta loo xidhay Safaaradda. Tallaabadan ayaa ku soo beegantay, kadib markii ay 2 weerar oo Isqarxin ah ay Khamiistii la soo dhaafay ka dhaceen meel ku dhow Safaaradda faransiiska ku leeyahay magaalladda Tunis. Kooxda Daacish ayaana sheegatay mas’uuliyadda Is-qarxintaasi, oo uu hal Sarkaal Bolis ku geeriyooday, 8 kalena ku dhaawacmeen. Source
-
(SLT-Myanmar)-Dowlada Myanmar ayaa shaaca ka qaaday in wafdi ay u direyso qaxootiga Rohingya ee ku sugan xeryaha ku yaal dalka Bangladesh kuwaasi oo baqdin ka muujinaya in ay dalkooda ay dib ugu soo laabaan. Qaxootigaan ayaa sanadkii 2017-da uga barakacay gobolka Rakhine kadib markii tacadiyo ay u geesteen ciidanka Milatariga iyo Isir naceyb ka dhan ah Muslimiinta. Safiirka qaramada midoobay u qaabilsan Myanmar Hau Do Suan ayaa isniinta shalay u sheegay golaha amniga in dowladiisa ay wafdi u diri doonto dhamaadka bishan Luuliyo dalka Bangladesh. Hau Do ayaa intaa raaciyay in 30,000 oo qaxooti ah ay codsadeen in ay dib ugu soo laabtaan dalkooda ayna xilli kasta ku soo guryo noqon karaan gobolka Rakhine. Dhanka kale wakiilka qaramada midoobay u fadhiya Myanmar Christine Schraner-Burgener ayaa dhaliishay qaabka ay u socoto dib u laabashada Qaxootiga. Waxay sheegtay in kaliya wadada ay ku laaban karaan qaxootiga Rohingya ay tahay in ay helaan dhowritaanka sharafta iyo Dhiigooda. Source
-
(SLT-London)-Meydka qof laga shakisan yahay inuu kasoo dhacay diyaarad ay leedahay shirkadda Kenya Airways oo ku degi rabtay garoonka Heathrow ayaa laga helay beer yar oo ku taalla London. Meydka oo loo badinayo inuu yahay nin ayaa gelinkii dambe ee Axada laga helay beer yar oo ku taal deegaanka Clapham, koonfur galbeed London. Waxaa la rumaysan yahay inuu isku soo qariyay qeybta taayarka diyaaradda oo ka soo duushay magaalada Nairobi, iyadoo qeybtaasi laga helay boorso, biyo iyo cunno. Qof goobjoog ahaa ayaa sheegtay in meydka uu kusoo dhacay meel aad ugu dhaw goob uu ku nasanayay qof ku sugnaa beerta. Booliska Metropolitan ayaa sheegay in baadhitaan lagu samayn doono meydka, isla markaana aanu jirin wax tuhun ah oo laga qabo geerida qofkaasi. Shirkadda Kenya Airways ayaa sheegtay in baadhitaan lagu sameeyay diyaaraddaasi, wax dhibaato ahna aan lagu arkin. Afhayeen u hadlay shirkadda ayaa sheegay inay xidhiidh dhaw la sameeyeen saraakiisha Nairobi iyo London si looga sal gaadho meydkaasi diyaaradda kasoo dhacay. Ma aha markii ugu horreysay oo lagu arko meyd diyaarad kasoo dhacay meel u dhaw garoonka Heathrow. Bishii June 2015, meydka nin kusoo dhuuntay diyaarad ay leedahay British Airways ayaa laga helay deegaanka Richmond, halka mid kale oo ay isla socdeen la helay isagoo xaaladdiisu liidato. Bishii August 2012, nin ayaa meydkiisa laga helay qeybta xamuulka ee diyaarad kasoo duushay magaalada Cape Town ee Koonfur Afrika, kana soo degtay garoonka Heathrow. Source
-
Taliyeyaasha ciidammada Qalabka sida ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Talaadada maanta ah ku wajahan magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad goboleedka Galmudug. Taliyaha Ciidanka Booliiska S/Gaas Bashiir Cabdi Maxamed taliyaha Militariga S/Gaas Daahir Aadan Cilmi iyo Asluubka S/Guud Bashiir Maxamed Jaamac oo ay waheliyaan saraakiil kale ayaa ku sii jeeda Dhuusamareeb kadib markii la isla ogolaaday in ay halkaasi ka hawlgalaan ciidamada kala duwan ee dowladda Federaalka Soomaaliya. Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xassan cali Khayre iyo madaxa Xukuumadda Galmudug Shiekh Maxamed Shaakir Cali Xassan ayaa habeen ka hor magaalada Dhuusamareeb kaga dhawaaqay in dhammaan hay’adaha amniga ee dowladda federaalka ay ka hawl geli doonaan magaalada Dhuusamareeb. Sidoo kale waxay sheegeen in Gogosha dib u-heshiisiinta iyo doorashada Galmudug labaduba ay ka dhacayaan Dhuusamareeb hadalkaasi oo ay ka soo horjeesteen madaxda Dhaqanka magaalada Caadaado ee gobolka Galgadood. PUNTLAND POST The post Taliyaasha Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku wajahan Dhuusamareeb appeared first on Puntland Post.
-
Popular Contributors
