Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,209
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa galabta safar shaqo ugu baxay dalka Jamhuuriyadda Guinea oo uu marti-qaad rasmi ah ka helay Madaxweynaha dalkaa Prof. Alpha Conde. Safarkan madaxweynaha oo qaadan doona maalmo kooban waxa warbaahinta warbixin ka siiyey wasiirka arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland, Prof. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon) oo ka mid ah xubnaha weftiga madaxweynaha ku wehelinayey safarkiisa. Wasiirka oo warbaahinta kula hadlay madaarka Cigaal International Airport ayaa ugu horayn ka war bixiyey safarka weftiga madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Halkan hoose ka DAAWO Source
  2. Muqdisho (PP) ─ Shirkadda diyaaradaha Qatar Airways ayaa maanta si rasmi ah uga billowday Muqdisho duulimaadyo toos ah, iyadoo mid ka mid ah diyaaradaha shirkadaas ay kasoo dagatay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee muqdisho. Garoonka Muqdisho ayaa lagu qabtay munaasabad duulimaadka tooska ah ee shirkadda Qatar Airways ay ka bilaawday Muqdisho lagu daaho-furayay , waxaana ka qeyb galay wasiirka arrimaha dibadda Somalia, xubno ka tirsan dowladda Somalia, danjiraha Qatar u fadhiya Somalia iyo mas’uuliyiin kale. Shirkadda diyaaradaha Qatar Airways ayaa rakaabkii ugu horreeyay keentay Muqdisho, kuwaasoo isugu jira Somali iyo ajaanib, iyadoo dhaa kalena ka qaaday Muqdisho rakaab kale. Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Somalia, ayaa sheegay in duullimaadyada Qatar Airways ay marinkiisa noqon doonaan Muqdisho iyo Doha toos ah, iyadoo aanay soo mari doonin meel kale, inkastoo maanta ay soo martay dalka Jabuutik. Duullimaadyada diyaaradda Qatar Airweys ay Muqdihso ku imaanayso ayaa waxay noqon doonaan saddex jeer toddobaad walba, iyadoo rakaabka si toos ah uga soo qaadaysa Qatar kuna keenaysa Muqdisho, sidaas si la mid ahna rakaabka ay Muqdisho ka qaado si toos ah u geysanaysa Doxa. Waddanka Qatar ayaa waxaa horay u go’doomiyay dalalka Khaliijka, kaddib markii ay ku eedeeyeen inay taageerto kooxaha argagaxisada ah, inkasoo ay Xukuumada Dooxa iska diday eedeyntaas, kuna tilmaantay mid sumcadeeda lagu halleynayo. Xukuumadda Somalia ayaa dhex-dheexad ka noqotay muranka u dhexeeya dalalka Khaliijka, gaar ahaan Sucuudiga iyo Imaaraadka oo isku dhinac ah iyo Qatar oo dhinac kale ah, taasoo keentay in Qatar ay taageero fara badan u ballan-qaaddo Dowladda dhexe ee Soomaaliya. Ugu dambeyn, Shirkadda Qatar Airways ayaa ah shirkaddii afaraad ee heer caalami ah oo duulimaad ka bilaawdo Muqdisho, iyadoo horay duulimaadyo ugu imaan jireen Muqdisho Shirkadaha; Ethiopian Airlines, Turkish Airlines iyo Air Djbouti. PUNTLAND POST The post Diyaaradda Qatar Airweys oo Duullimaadyo Toos ah ka billowday Magaalada Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  3. Muqdisho (Caasimadda Online) – Mid kamid ah diyaaradaha Qatar Airways ayaa maanta duulimaadkeedii ugu horeysay muddo sanado ah kadib ku timd garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho. Munaasabad lagu daahfurayay duulimaadka tooska ah ee Shirkadda Qatar Airways ka bilaawday Muqdisho ayaa lagu qabtay Garoonka Aadan-Cadde,waxaana ka qeyb galay Wasiirka Arrimaha Dibada Somalia,Xubno kale oo ka tirsan Dowladda, danjiraha dowlada Qatar u fadhiya Somalia iyo masuuliyiin kale. Shirkadda Diyaaradaha Qatar Airways ayaa duulimaadkeeda maanta waxaa saarnaa rakaab isugu jira Soomaali iyo ajaanib waxayna sidoo kale ka qaaday rakaab garoonka diyaaradaha Aden Adde. Qatar Airways ayaa toddobaad walba saddex jeer iman doonta magaalada Muqdisho iyadoo duulimaadkeeduna uu noqon doono Muqdisho-Doha iyo Doha-Muqdisho. Qatar Airways oo kamid ah shirkadaha caalamka ugu wanaagsan ayaa ka mid noqoneysa shirkado kale oo duulimaadyo ku yimaada caasimada dalka Soomaaliya iyadoo hore shirkadaha Ethiopian Airlines, Turkish Airlines iyo Air Djbouti ay hore uga howlgali jireen dalka Soomaaliya. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  4. Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Somalia, Maxamed C/llaahi Farmaajo oo kaga qayb-galay Garoonka Kubadda Cagta ee Banaadir Munaasabadda Xuska 1-da Luuliyo ayaa shacabka ku adkeeyey in ay ka shaqeeyaan midnimada iyo dowladnimada. Madaxweynaha ayaa xusay dadaalkii jiilkii xorriyadda iyo dowlad dhiska Soomaaliya, kuwaas oo inooga tagay dhaxal muhiim ah oo aynu mar labaad ka unki karno qaran magac iyo miisaan ku dhex leh caalamka. “Waxaan leennahay sumcad taariikhi ah oo caalamku ay nagu tixgeliyaan, maantana waan awoodi karnaa in aan taas dib u soo celinno, hadii aan ka shaqeyno midnimada iyo xoojinta waddaniyaddeenna.” Sidoo kale, Intii ay munaasabaddu socotay waxaa gaardis ku maray cutubyo ka tirsan Ciidamada Qalabka sida oo uu Madaxweynuhu ka qaatay salaan sharaf, halka ay goobjoog ahaayeen kumannaan shacab ah oo isugu soo baxay xuska maalintan. Waxaa iyaguna madasha socod ku maray shaqaalaha Dowladda iyo ururrada Bulshada Rayidka ah oo sitay boorar ay ku xardhan yihiin halku-dhigyo ay ku xoojinayaan midnimada iyo dowlad wanaagga. Dhanka kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maamuusaya halyeeyada Soomaaliyeed ee wiilasha iyo gabdhaha lahaa ee naftooda u huray xornimada iyo midnimada dalka ayaa subaxnimadii hore ubax dhigay Tallaada Daljirka Dahsoon. Ugu dambeyn, Dabaal-daggan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo dalka ay ka jiraan muranno dhanka siyaasadda ah, kuwaasoo u dhexeeya qaar ka mid ah maamul-goboleedyada dalka ka jira iyo Dowladda Federaalka. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo Xuska 1-da Luuliyo kala qayb-galay Kumannaan shacab ah appeared first on Puntland Post.
  5. (SLT-Hargeysa)-Muwaadin Reer Somaliland Ah Oo Wasaaradda Deegaanka Ku Eedeeyay Inay Duur-joog Ka Iibisay Dalka Koonfur Afrika Oo La Xidhay + Wasiir Shukri Oo Sheegtay Inay Amar Madaxweyne Ku Fulisay Arrintaasi, Halkan hoose ka DAAWO Source
  6. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Xuseen Axmed Caydiid oo ka mid ah golaha wakiillada ayaa si weyn uga dayriyay xaaladda dalka, Halkan hoose ka DAAWO Xildhibaan Xuseen Axmed Caydiid oo ka mid ah golaha wakiillada ayaa si weyn uga dayriyay xaaladda dalka, Halkan hoose ka DAAWO Source
  7. (SLT-Dubai)-Sheekha xukuma Dubai ee Sheekh Maxamed bin Rashid al-Maktoum ayaa erayo cadho leh oo adadag u mariyey Instagram-ka xaaskiisa Boqorad Haya oo u baxsatay dhinaca dalka Jarmalka iyada iyo caruurteedu, sida ay ku waramayaan warbaahinta carabtu. Shekeh Maxamed bin Rashiid ayaa tan iyo intii ay xaaskiisu ka baxsatay waxa soo baxayey warar farabadan oo kutiri ku teen ah oo sheegaya in ay ka baxsatay tacadi iyo dhibaato uu ku hayey odaygeedu, waxaanu fariimo cambaarayn ah uu u mariyey dhinaca Instagram-ka, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen “Khaladaadka qaar ayaa khiyaamo ah” iyo “Waxaad u dhaqantay si hiyaamo leh”. “Qof xoog kuu aaminay ayaad khiyaantay, “ Boos kuma lihid agtayda, u tag kuwa ku yeeshay” iyo Qoraale kale oo farabadan. Waxaana boqortooyadu ay sii wadaa eedo ay u jeedinayaan Haweenaydaasi inay beenalay tahay. Source
  8. (SLT-Nairobi)-Dawladda Soomaaliya ayaa ka hadashay Qoraal uu 27-kii bishan uu Twitter-ka ku baahiyey xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Dalka Kenya, kaasi oo uu ku faahfaahiyey waxyaabaha ay ka wada-hadleen Wasiirka Arrimaha dibedda Somaliland, yaasiin xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) oo ay Nairobi ku shireen. War-saxaafadeed Maanta ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Wasaaraddu u yeedhay Safiirka Dawladda Kenya u jooga Muqdisho, loona dhiibay farriin ah inay ka xun yihiin Qoraalka uu Xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha dibeddu ku baahiyey Twitter-kiisa. War-saxaafadeedka oo dhamaystiran ayaa u qornaa sidan “Maalintii shalay ee Axadda, kuna beegnayd (30 June), Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa ay u yeedhay Safiirka Jamhuuriyadda Kenya ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Jeneraal (Howlgab) Lucas Tumbo, waxaana loo dhiibay dhambaal diidmo culus oo ka dhan ah farriin col abuur ah oo lagu baahiyay Twitter 27 June 2019, kana timid Xoghayaha sare ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya, Mudane Macharia Kamau. Waxa aan u aragnaa farriintaasi lagu faafiyay Twitter-ka mid meel ka dhac ku ah madax banaanida Soomaaliya, midnimadeeda iyo bedqabka dhulkeeda, sidoo kale waxa ay dhaawacaysaa xidhiidhka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya. Soomaaliya waxa ay u taagantahay deris wanaagga, xushmad is weydaarsiga iyo iskaashiga dhow ee kala dhexeeya wadamada deriskeeda ah, sidaas si la mid ah ayay ka rajaynaysaa Kenya.” Source
  9. Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa haatan ka qeyb galaya Munaasabad si heer sare loo soo agaasimay oo lagu xusayo Kowda Luulyo,taasi oo ka socota Garoonka Kubadda cagta Stadium Konis ee magaalada Muqdisho. Munaasabadda oo ah mid loogu dabaal degayo 1da Luuliyo 1960kii oo aheyd maalintii xornimada iyo isku darkii koonfur iyo waqooyi ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb galaya Mas’uuliyiin ka tirsan labada Gole ee Dowladda Federaalka,Saraakiil ciidan iyo kumanaan shacab ah oo ka kala yimid degmooyinka Gobolka Banaadir. Shacabka ka qeyb galaya munaasabaddan ka socota Garoonka Kubadda cagta ee Istadium Konis ayaa wajiyadooda laga dheehan karaa farxad iyo hilowga ay u qabaan Soomaaliya oo mid ah oo horumar ku tallaabsata. Ka hor inta uusan Koonis tagin ayuu Madaxweynaha ubax dhigay Tallaada Daljirka Dahsoon taas oo lagu xusuusanayo halyeeyadii Soomaaliyeed ee wiilasha yo gabdhaha lahaa ee naftooda u huray xornimada iyo midnimada dalka. Dhanka kale madaxwaynaha ayaa waxa uu sheegay in mushaaraadka kala duwan ee shaaqalaha , iyo ciidamada dowlada ay bixiyaan tan iyo arkii uu xilka qabtay kadib arkii uu tilmaamay in ay ladagaalameen musuq maasuqa, madaxda iyo shaqalaha dowlada ayuuna faray in ay iska ilaaliyaan musuq maasuqa. Ciidamada amniga ayaa si weyn u adkeeyay ammaanka magaalada Muqdisho intii ay socotay Xafladihii loogu dabaal dagayey 1-da Luuliyo. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  10. XILALKA WASAARAD ARIMAHA DIBADA EE SOMALILAND DECREETO. MADAXWEYNUHU KU MAGACAABO IYO BEELAHA AY KA SOO KALA JEEDAAN:- HARTI 1. WASIIRKA WASAARADA ———————HARTI/Sool clan 2. WAKIILKA XAFIISKA GANACSIGA——-CHINA—HARTI/Sool clan 3. SAFIIRKA WAREEGA———————————-HARTI/WARSAN GELI 4. WAKIILKA TURKEY ————————————HARTI/Sool clan 5. 3 WAKIIL KU XIGEEN KU MUSHAHAR QAATA—-HARTI/Sool clan WAKIILKA SHIINAHA …………………………………………………………………………………………………………………….. TOTAL ;- 8 XILAYEEY WASARADA KA HAYAAN OO ANAY KU JIRIN AGAASIME WAXEEDYADU. HABAR. AWAL:- 1. WASIIR KU XIGEENKA 2. WAKIILKA JABUUTI 3. WAKIIL UAE 4. WAKIILKA BELGUM 5. WAKIILKA SWEDEN 6. WAKIILKA NORWAY 7. WAKILLKA UGANDA 8. WAKIILKA GERMANY 9. WAKIILKA FINLAN 10. TANZANIA 11. WAKIILKA NETHERLAND 12. WAKIILKA DENMAARK. 13. WAKIILKA SACUUDIGA 14. MALAYSIA 15. 3 LA TALIYE 16. 5 WAKIIL KU XIGEEN …………………………………………….. TOTAL :-22 XIL OO AANAY KU JIRIN AGAASIME WAAXEEDYADU. East Burco Clan; 1. AGAASIMAHA GUUD. 2. GUDOOMIYAHA HAYADA QURBA JOOGA 3. GUDOOMIYAHA HAYADA BUDH CAD BADEEDA. 4. ERGEAYGA MIDOWGA AFRICA. 5. WAKIILKA UK-INGIRIISKA 6. WAKIILKA KENYA 7. WAKIILKA IRELAND 8. 3 WAKIIL KU XIGEEN KU MUSHAR QAATA 9. 2 LA TALIYE …………………………………………. TOTAL: 12 XIL AANAY KU JIRIN AGAASIME WAAXEEDYADU. ARAB. 1. ERGAYGA UN 2. ERGAYGA CITIRAAF RAADINTA 3. WAKIILKA YEMEN 4. WAKIILKA SOUTH AFRICA TOTAL: 4 XIL. Awdal Clan:- 1. WAKIILKA. USA 2. WAKIILKA. FRANCE 3. WAKIILKA CANADA 4. WAKIILKA SOUTH SUDAN 5. 6 KU XIGEEN KU MUSHAHAR QAATA. ……………………………………………………………… 10 XIL West Burco Clan:- 1. WAKIILKA ETHIOPIA 2. NO KU XIGEEN —NO AGAASIME WAXEED ………………………..0………………………………… La soco wasaarada maaliyada Qaran News
  11. Sababaha keenay in shaqaale Ajaaniba lagu weeraro Berbera & Doorka Wasiirada shaqadu ku leedahay Sida ilo xogogaal ahi u soo dusiyeen Warfidiyeenka waxaa maalmahanba ka oognaa Gobolka Saaxil Kacdoon Shaqaale,Buuq & Cabashooyin isdabajooga oo ka soo ugaamaayey shaqaalaha Muruqmaalka ee ku sugan Gudaha Berbera. Shaqaalaha Muwaadiiniinta ee Reer Berbera ayaa ka cabanaayey shaqaale Ajaaniiba oo ku soo badanaya Magaalada Berbera islamarkaana kala wareegay Shaqooyinkii Hoose ee Muruqmaalka siiba Kuuliga & Kuwo maalinlaha ah ee bixintoodu hooseyso. Shaqaalaha shaqada kala wareegay Muwaadiniinta Reer berbera ayey intooda badan dalka Keensadeen shirkada DP world iyo laba shirkadood oo kale oo qandaraas hoose ka qaatey oo Hawlo iyo dhismaayaal ka wada gudaha Dekeda Iyo Madaarka Berbera. Sida iluhu u xaqiijiyeen Warfidiyeenka Shaqooyinka dadkaas ajaanibka ahi qabtaan ayaa waxaa ku jira shaqooyin hoose oo ay ku filan yihiin Muqumaalka reer Berbera balse loo diiday islamarkaana Dad ajaaniiba oo muqaawila debeda looga keenay iyadoo shirkadahaasi aanay wax tixgelina iyo mudnaana siin shaqaalaha muwaadiiniinta ah ee dalka ku sugan. isku soo wada duuboo Sida xogguhu tibaxayaan waxaa arintaas shaqaaleynta dadka Ajaanibka ah ee shirkadahaasi debeda ka keenaan ku lug leh ama qeyb ka ah Wasiirada Shaqada Hinda Jaamac Gaani oo siisay ogolaansho ka dib markii ay kaanbineyadaasi u shubeen lacag aan ku dhicin khasnada Qaranka oo Jeebka wasiirada si toosa u gasha taas ayaana dhalisay in muruqmaalka reer Berbera sameeyaan Kacdoon islamarkaana weeraraan qaar ka mid ah shaqaalaha Ajaaniibta ah oo maanta lagu weeraray Goobahooda,dhaawacyo culculusna la gaadhsiiyey. Halkan ka daawo sawirada Shaqaalaha Ajaaiinbta ah ee la weeraray- Qaran News
  12. Somalia's Foreign Affairs ministry on Sunday summoned Kenya's ambassador Lucas Tumbo over what it termed an offensive tweet by PS Macharia Kamau. Source: Hiiraan Online
  13. Baardheere (SMN) – Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta howlgallo ka sameeyay qeybo ka mid ah gobolka Gedo ee K/ Soomaaliya. Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxa ay ciidamadu ka fuliyeen agagaarka degmada Baardheere ee gobolkaasi. Ciidamada ayaa la sheegay in dhaq dhaqaaqyadan ay ku gaareen tuulooyin dhowr ah oo ay horay ugu sugnaayeen dagaalyahannada Al Shabaab. Ujeedka baaritaanadan ayey saraakiishu ku sheegeen kuwa lagu xaqiijinayo amniga degmada Baardheere. Al Shabaab oo weli ko xoogan Gedo ayaa inta badan weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ka fuliya gudaha gobolkaasi. View the full article
  14. Muqdisho (SMN) – Maalintii shalay ee Axadda, kuna beegnayd (30 June), Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa ay u yeertay Safiirka Jamhuuriyadda Kenya ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Jeneraal (Howlgab) Lucas Tumbo, waxaana loo dhiibay dhambaal diidmo culus oo ka dhan ah farriin col abuur ah oo lagu baahiyay Twitter 27 June 2019, kana timid Xoghayaha sare ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya, Mudane Macharia Kamau. Waxa aan u aragnaa farriintaasi lagu faafiyay Twitter-ka mid meel ka dhac ku ah madax banaanida Soomaaliya, midnimadeeda iyo bedqabka dhulkeeda, sidoo kale waxa ay dhaawacaysaa xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya. Soomaaliya waxa ay u taagantahay deris wanaagga, xushmad is weydaarsiga iyo iskaashiga dhow ee kala dhexeeya wadamada deriskeeda ah, sidaas si la mid ah ayay ka rajaynaysaa Kenya. View the full article
  15. Berbera (SMN) – Wararka laga helayo Somaliland ayaa ku warramayaa in maanta weerar lagu qaaday qaar ka mid ah shaqaalaha Ajaaniibta ka howlgala Dekedda weyn ee Berbera. Weerarka ayaa waxaa la sheegay inay fuliyeen koox Soomaali ah oo ka tirsan isla muruq maalka ka shaqeysta Dekedda magaalada Berbera. Ugu yaraan shan ka mid ah shaqaalaha Ajaaniibta ayaa la dhawaacay, sida ay xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in shaqaalaha Soomaalida ay ka cabanayaan in shaqadoodii ay la wareegeen kuwa Ajaaniibta, taasi oo la soo warinayo in ay sababtay weerarkaasi. Dhaawacyada soo gaaray shaqaalaha Ajnabiga ayaa la dhigay isbitaalka weyn ee magaalada Berbera, si loogu daaweeyo halkaasi. Ciidamo katirsan kuwa Somaliland ayaa dhacdada kadib gaaray goobta, kuwaas oo la sheegay inay gacanta ku dhigeen tiro dad ah. Balse majiro weli wax hadal oo ka soo baxay Somaliland iyo maamulka Dekedda oo ku aadan shaqaaqadaasi. Shirkadda Dp World ayaa sanadkii 2017-kii la wareegtay Dekedda Berbera, waxaana tan iyo markaasi cabasho ay ka soo yeereysay shaqaalaha Soomaalida. View the full article
  16. Wasaaradda arrimaha dibadda ee JFS ayaa sabtidii ugu gudbisay safiirka Kenya ee Soomaaliya qoraal cabasho ah oo ka dhan ah xoghaye ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya Macharia Kamau, kaas oo qoraal Twitter Wasaaradda la soo geliyay ku sheegay Somaliland inay tahay dal. Qoraalka wasaaradda waa ku jiray “Waxa aan u aragnaa farriintaasi lagu faafiyay Twitter-ka mid meel ka dhac ku ah madax banaanida Soomaaliya, midnimadeeda iyo bedqabka dhulkeeda, sidoo kale waxa ay dhaawacaysaa xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya. Soomaaliya waxa ay u taagantahay deris wanaagga, xushmad is weydaarsiga iyo iskaashiga dhow ee kala dhexeeya wadamada deriskeeda ah, sidaas si la mid ah ayay ka rajaynaysaa Kenya. Qoraalka ay Soomaaliya ka carootey: Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. Garoowe (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo xalay ka hadlayay Munaasabadda 1-da Luulyo ee 59-sano guuradii ka soo wareegatay markii Gobolada Koofur ay qaateen xornimada iyo midowgii Waqooyi iyo Koofur ayaa khudbad uu uga hadlay kaga hadlay midnimada dalka iyo xaalada dalka halka uu marayo. Saciid Deni ayaa sheegay inay rajeynayaan in 60-sano ee u buuxsami doonto sanadka soo socda in Midnimadii dalka inuu soo laabto iyo dowladda iyo dadkeeda oo is raacsan yihiin. Waxa uu sheegay in ay muhiim tahay in deegaanadaas ay ka dhacaan doorashooyin xor iyo xalaal ah, waxaana uu ka digay arrimo uu sheegay inay dowladda gacanta kula jirto oo quseeya maamul goboleedyada. Deno ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ugu baaqayn inay ka deyso faragelin ay ku sameyso doorashooyinka Jubbaland iyo Galmudug. “Waxaan aad uga rajeynayaa dowladda Federaalka inay dhex dhexaad ka noqoto doorashooyinka Galmudug iyo Jubbaland oo aanay ka raacin magacii xumaa oo meel kale ka raacay in aanu dib dambe u soo raacin”ayuu yiri Saciid Deni. Hadalka Madaxweynaha Puntland ayaa u muuqday mid si dad badan uga hadlayay doorashadii Madaxweyneneimo ee ka qabsoontay Magalada Baydhabo ee Maamulka Koonfur Galbeed,taas oo uu kusoo baxay Cabdi Casiis Xasan Maxamed(laftagareen). Dowladda Federaalka ayaa dhowr jeer oo hore lagu eedeeyay inay faragelin ku heyso Maamulada Jubbaland iyo Galmudug oo ay dhowaan doorashooyin ka dhacayaan. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/07/Sax-Deni.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  18. Muqdisho (SMN): Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato: https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka-Duhur-01072019-sx.mp3 View the full article
  19. Qatar Airways is today expected to start its first commercial flight to Mogadishu, the airline confirmed. Source: Hiiraan Online
  20. Qatar Airways is today expected to start its first commercial flight to Mogadishu, the airlines confirmed. Source: Hiiraan Online
  21. G/sare Xuseen Cali Maxamuud Taliska qeybta Booliiska gobolka Bari, ayaa ku amray ganacsatada iyo gaadiidleyda magaalada Boosaaso, in ay soo diiwaan-geliyaan dhammaan shaqaalahooda. Amar ka soo baxay taliyaha qeybta Booliiska gobolka Bari, G/sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa lagu faray xarumaha ganacsiga iyo gaadiidleyda magaalada Boosaaso, in ay dhammaan shaqaalahooda ka diiwan-geliyaan xarunta C.I.D-da gobolka Bari, si loo ilaaliyo amniga iyo xasiloonida magaalada. Taliska ayaa sidoo kale ku amray ganacsatada, in ay soo gudbiyaan sawirrada dhammaan shaqaalahooda, si loo aqoonsado wejiyadooda, islamarkaana ciddii denbi gasha loo mariyo sharciga. Halkaan ka daawo shirka jaraa’id ee taliyah PUNTLAND POST The post Boosaaso: Booliiska oo amray in la diiwaan-geliyo dhammaan shaqaalaha ganacsiga iyo gaadiidleyda appeared first on Puntland Post.
  22. Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa si deg deg ah ugu yeertay Safiirka Kenya ee Muqdisho Lucas Tumbo. Soomaaliya ayaa danjire Tumbo ku wareejisay qoraal cabasho ah oo ay kaga dacwooneyso Soomaaliya war lagu daabacay bogga Wasaaradda arrimaha dibadda Kenya. 27kii Bishan Xoghayaha joogtada Wasaaradda Arrimaha dibadda Kenya Amb. Macharia Kamau oo kulan la yeeshay Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin Xaaji ayaa qoraal barta Twitterka Wasaaradda Arrimaha Dibadda lagu sheegay in Kenya iyo Somaliland ka wada shaqeynayaan iskaashiga labada dal. Hadalkaas ayaa loo arkay inuu yahay culeys siyaasadeed oo ay Dowladda Kenya saareyso Soomaaliya. Qoraalka cabashada ayaa lagu sheegay inay hadalkaas u tixgelinayaan inay halis ku tahay madax banaanida, midnimada dhuleed iyo sharafka Soomaaliya, isla markaana ay Soomaaliya ay u taagan tahay deris wanaag, ixtiraam labada dhinac iyo in iskaashi dhow la yeelato deriskeeda ayna sidaas la mid ah ka rajeyneyso dowladda Kenya. Kenya ayaa dhaleeceyn badan kala kulantay baraha bulshada markii ay adeegsatay weedha labada dal,waxaana ku xigtay warqadda maanta ay soo saartay dowladda Soomaaliya. Cabashadaan ayaa kusoo aadeyso xilli uu weli mugdi ku jiro Xiriirka Diplomaasiyadeed ee Dowladaha Kenya iyo Soomaaliya kadib markii ay Kenya ka xumaatay dacwadii ay Soomaaliya u gudbisay ICJ ee ku aadaneyd muranka ay Kenya gelisay Badda Soomaaliya. Halkaan hoose ka akhriso dacwadda ay Somalia u gudbisay Kenya War Saxaafadeed (Faafin deg deg ah) Muqdisho, Soomaaliya July 01, 2019 Maalintii shalay ee Axadda, kuna beegnayd (30 June), Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa ay u yeertay Safiirka Jamhuuriyadda Kenya ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Jeneraal (Howlgab) Lucas Tumbo, waxaana loo dhiibay dhambaal diidmo culus oo ka dhan ah farriin col abuur ah oo lagu baahiyay Twitter 27 June 2019, kana timid Xoghayaha sare ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya, Mudane Macharia Kamau. Waxa aan u aragnaa farriintaasi lagu faafiyay Twitter-ka mid meel ka dhac ku ah madax banaanida Soomaaliya, midnimadeeda iyo bedqabka dhulkeeda, sidoo kale waxa ay dhaawacaysaa xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya. Soomaaliya waxa ay u taagantahay deris wanaagga, xushmad is weydaarsiga iyo iskaashiga dhow ee kala dhexeeya wadamada deriskeeda ah, sidaas si la mid ah ayay ka rajaynaysaa Kenya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com