Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Gudaha Carunta Gobolka Banaadir ayaa waxaa dhawac kasoo gaaray Gudoomiyihii Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yarisow. Dhakhtar kusugan Isbitaalka [...] Source
  2. Dowlad goboleedka Jubaland ayaa ka jawaabtay qoraal ka soo baxay wasaaaradda Arrimaha gudaha dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsanaa in uusan sax ahayn liiska odoyaasha dhaqanka Jubaland ee uu soo gudbiyay guddiga doorashooyinka iyo xuduudaha Jubaland. War-saxaafadeed ka soo baxay dowlad goboleedka Jubaland ayaa lagu sheegay in qoraalka ka soo baxay wasaaradda Arrimaha gudaha dowladda Federaalka Soomaaliya uu yahay mid nasiib-darro ah oo aan wax sharciyad haysan islamarkaana baal-marsan Dastuurka KMG ee dalka iyo kan Jubaland labadaba. Jubaland waxay shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamkaba ugu baaqday in ay la socdaan fara-gelinta qaawan ee dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku hayso arrimaha doorashada Jubaland sidaasi darteedna wixii cawaaqib xuma ah oo ka yimaada ay mas’uuliyadeeda qaadi doonto Villa Somalia. Waxay kale oo guud ahaan shacabka Jubaland ugu baaqday in ay ilaashadaan amniga xasiloonida midnimada iyo wadajirkooda waxaana ay mamnuucday shirar ay sheegay in lagu khal-khal gelinayo Jubaland. Dhinaca kale Jubaland waxay cambaaraysay qaraxyadii ka dhacay magaalada Boosaaso ee lala xiriiriyay dowladda Qatar waxaana ay nasiib-darro ku tilmaantay in dowladda Federaalka Soomaaliya difaacayso dowlado shisheeye oo xasuuq iyo burburin ku haya shacabka Soomaaliyeed. Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka PUNTLAND POST The post Jubaland oo si adag ugu jawaabtay wasaaradda Arrimaha gudaha dowladda Federaalka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  3. Muqdisho (PP) ─ Qarax culsu ayaa goor-dhaw ka dhacay xarunta maamulka gobolka Banaadir ee Muqdisho, kaasoo sababay khasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac. Wararka ayaa waxay sheegayaan in qaraxa uu fuliyay ruux waxyaabaha qarxa isku soo xiray, lamana oga inuu goobta soo galay isla maanta iyo inuu horay ugu diyaarsanaa, waxaana weerarkan la sheegay in lagu beegsanayay guddoomiye Yariisow. Weerarkan khasaaraha geystay ayaa waxaa la sheegay inuu dhacay xilli uu shir uga socday xarunta maamulka dowladda hoose Duqa Muqdisho iyo guddoomiyeyaasha degmooyinka Xamar, kaasoo looga hadlayay hawlaha horyaalla maamulka. Sidoo kale, wararka ayaa waxay sheegayaan in weerarkan uu imaanayo xilli ay maanta xarunta aqalka dowladda hoose ee Xamar ku kulmeen ergayga UN-ka u qaabilsan Somalia James Swan iyo duqa Muqdisho. Dhaawaca guddoomiyaha gobolka ayaa la sheegay in la dhigay isbitaalka Digfeer, halkaasoo lagu daweynayo, iyadoo la sheegayo in dhaawiciisa uu sahlan yahay, balse wararka qaar ayaa sheegaya inuu yahay mid culus, mana jiraanwarar dheeraad ah oo laga bixinayo dhaawaca Inj. Yariisow. Dhanka kale, wararka ayaa waxay sheegayaan in qaraxa ay ku dhinteen qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha degmooyinka Muqdisho, kuwaasoo ay ka mid yihiin; kuwa degmooyinka C/casiis, Waaberi iyo Wardhiigleey. Wararka ayaa waxay sheegayaan in bartilmaameedka qaraxa uu ahaa in lagu dilo guddoomiyaha gobolka Banaadir, balse wuu ka badbaaday, waxaase dadka dhintay ku jira shaqaale ka mid ah kuwa dowladda hoose ee Xamar. Xarunta maamulka gobolka Banaadir ayaa ammaankeeda si aad ah loo adkeeyay, waxaana tani ay noqonaysaa markii ugu horreysay oo xarunta gobolka uu ka dhaco Qarax tan iyo markii dib u dhis lagu sameeyay sannado ka hor. Ugu dambeyn, Hay’adaha amniga DF ayaan weli ka hadlin qaraxa, mana jirto cid sheetatay inay mas’uul ka tahay, waxaase goobta ka socda baaris ku aaddan cidda fududeysay qaraxan. Wixii warar ah ee kusoo kordha Qaraxan iyo khasaarihiisa waxaad kula socon doontaan wararkeena soo socda haddii ALLE ogolaado. PUNTLAND POST The post Qarax ka dhacay Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho oo dhaawacmay appeared first on Puntland Post.
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya qaraxa ka dhacay xarunta gobolka Banaadir ayaa sheegaya inay jiraan dhimasho iyo dhaawac badan. Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Yariisow ayaa la sheegaya in dhaawaca gaaray uu yahay mid culus, islamarkaana la geeyey isbitalka Digfeer ee magaalada. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya inay dhinteen qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir, oo ay ka mid yihiin kuwii Cabdicasiis, Waaberi iyo Warta-Nabadda. Qaraxa ayaa dhacay xilli uu shir u socday Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo qaar ka mid Guddoomiyeyaasha degmooyinka, kaasi oo lagu magacabao shirka Tubaha Qaranka. Wixii kusoo kordha ha ka fogaan Caasimada Online, Insha Allah Caasimada Onlien Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  5. Qarax lala bergsadey Xarunta Gobolka Banaadir Ayaan ilaa hada Faahfaahin rasmi Sh laga heyn, Balse wararka la helayo oo aan wali sugneyn waxaa kamid ah [...] Source
  6. Qarax ismiidaamin ah ayaa goordhow waxaa uu ka dhacay xarunta gobolka Banaadir ee magaalada Muqdisho Goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa waxaa laga maqlayaa rasaas xoogan ay ridayaan ciidama ammaanka kuwaas oo xiray goobta qaraxu ka dhacay. Warar horudhac ah ayaa sheegaya in qaraxa ka dib ay rasaaa dhacday, waxaana la rumeysan yahay in ay khasaare naf iyo maal leh jiraan. Wararkii kasoo kardha halkan kala soco. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. A blast was reported at the Banadir administration headquarters, just after UN envoy to Somalia James Swan has left the centre after he had talks with Mogadishu mayor. The explosion was followed by heavy gunfire, according to the eyewitnesses. Somali security forces cordoned off the scene after the attack and details of the casualties remained unclear as to the situation is tense. More update to follow soon. View the full article
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax xooggan ayaa maanta ka dhacay gudaha xarunta gobolka Banaadir ee magaalada Muqdisho, kaasi oo sababay khasarae isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu dhacay xilli uu shir u socday Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo qaar ka mid Guddoomiyeyaasha degmooyinka, kaasi oo lagu magacabao shirka Tubaha Qaranka. Qaraxa ayaa waxaa sababay qof isku soo xiray walxaha qarxa oo gudaha xarunta ku jiray balse ma cadda inuu ahaa qof soo galay ama qof horey ugu sii jiray. Qaar kamid ah shaqaalaha Aqalka dowladda Hoose, ayaa sheegay inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo ka dhashay qaraxa, kaasoo gaaray qaar kamid ah shaqaalaha xarunta iyo mas’uuliyiin. Wararka la helayo waxa ay sheegayaan inuu dadka dhaawcamay ku jiro Gudoomiyaha maamulka Gobolka Banaadir Injineer Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow, kaasoo u muuqday inuu ahaa bartilmaameedka weerarka. Saraakiil ka tirsan Ibsitaalka Digfeer ayaa sheegay in Isbitaalkooda la geeyay dhaawaca Duqa Caasimada iyo xubno kale, kuwaasoo xaaaldooda lala tacaalayo. Qaraxan ayaa imanaya saacado yar uun kadib markii Wakiilka Qaramada Midoobe u qabailsan Soomaaliya James Swan uu kula kulmay Gudoomiye Yariisoow Aqalka dowladda Hoose. Wixii kusoo kordha ha ka fogaan Caasimada Online, Insha Allah Caasimada Onlien Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  9. Waxaa maanta Muqdisho kulan ku yeeshay Waxgarad, Siyaasiyiin,Aqoonyahano, Dhalinyaro iyo Haween kasoo jeeda Beelweynta Karanle , waxaana kulankan lagu taageeray Shirka dib u heshiisiinta Galmudug ee ka furmaya Dhuuso Mareeb iyo dadaalada uu wado Ra’isul Wasaare Kheyre. Ugaas Cabdulaahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracade oo kamid ahaa waxgaradkii kulanka ka hadlay ayaa taageeray shirka dib u heshiisiinta ee dhawaan ka furmaya magaalada Dhuuso Mareeb ayna isugu imaanayaan beelaha dega Galmudug. Waxa uu sheegay Ugaaska in beel ahaan taageersan yihiin shirka Dhuuso Mareeb ka furmaya iyo dadaalada ay Xukuumada Soomaaliya ugu jirto dhismaha maamul Galmudug loo mideesan yahay. Dhamaan Waxgaradkii kala duwanaa ee kulanka ka hadlay ayaa taageeray shirka gogoshiisa taalo Dhuuso Mareeb, waxa ayna beelaha kale ee Galmudug ugu baaqeen in ay taageeraan shirka Dib u heshiisiinta iyo dadaalada lagu dhisayo Galmudug mideysan. Halkan ka Akhriso War Murtiyeed laga soo saaray Shirka Beesha Karanle War-murtiyeed (24-07-2019) Muqdisho:—-Kulan ay maanta magaalada Muqdisho ku yeesheen wax-garadka, culimada, aqoonyahanka, dhallinyarada iyo haweenka beel weynta Karanle ayaa si buuxda loogu taageeray dadaallada dowladda Federaalku ay ka waddo Galmudug ee isugu jira dib-u-heshiisiinta, dhismaha ciidamada iyo dhismaha dowlad gobaleed Galmudug loo dhanyahay. Shirka beel waynta Karanle ee lagu taageerayo dadaallada xukuumaadda ay ka waddo Galmudug waxaa laga soo saaray war-murtiyeed kan: Beeshu waxa ay si buuxdo u taageersan tahay dadaalada xukuumadda Soomaaliya ay ka waddo Galmudug ee uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre. Beeshu waxa ay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo dib-u-heshiisinta ku ammaaneysaa magacaabista Guddiga Qabanqaabada Shirweynaha Dib-u-heshiisiinta Galmudug ee loogu gogol xaarayo xal waara oo laga gaaro khilaafaadka bulshada reer Galmudug. 3-Beeshu waxa si buuxda u taageertay shaqada guddiga Qabanqaabada Shirweynaha Dib-u-heshiisiinta Galmudug ee u xilsaaran xal ka gaarista khilaafaadka bulsho ee ka dhex jira beelaha Galmudug 4-Beeshu markii ay deristay xaaladda deegaannada Galmudug iyo dadaladda Socda waxa ay si wadajir ah u taageertay go’aanka guddiga iyada oo si buuxda uga qayb geleysaa gogosha nabadeed ee ka fidsan magaalada Dhuusamareeb BAAQ Ugu dambeyn , Beeshu waxa ay ugu baaqeysaa dhammaan beelaha Galmudug in ay muujiyaan xil kasnimo iyo tanaasul si buuxdana ula shaqeeyaan guddiga qaban-qaabada shir-weynaha dib-u-heshiinta si xal waara loo gaaro looguna diyaar Garoobo dhismaha Galmudug loo dhanyahay oo lagu gaaro doorasho xor iyo xalaal ah. Dhammaad
  10. Muqdisho (SMN) – Qarax xoogan ayaa maanta oo Arbaco ah waxa uu ka dhacay magaaladda Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhex-dhacay xarunta Dowladda Hoose ee maamulka gobolka Banaadir. Ma cadda khasaaraha ka dhashay weerarkan, mana jirto illaa iyo haatan koox dusha saaratay mas’uuliyadiisa. Balse warar ayaa waxay sheegayaan in mas’uuliyiin ay kamid yihiin dadka wax ku noqday dhacdadan. Wixii kusoo kordha kula soco wararkeena dambe View the full article
  11. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa tababar u soo xirayay Saraakiil iyo Saraakiil Xigeenno ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo muddo labo sanno ah lagu diyaarinayey Dugsiga Tababarka Ciidamada ee TurkSom. Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay munaasabbadda ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in dhallinyarada Soomaaliyeed ay ku biiraan Ciidamada Qalabka sida, iyagoo ay ka go’an tahay inay dalkooda ka difaacaan argagaxisada iyo cadawga u taagan dibindaabyada shacabka. Madaxweyne Farmaajo ayaa hoosta ka xarriiqay in Dowladda Federaalka ay ka go’an tahay dib u dhiska, qalabaynta iyo tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka, si loo helo ciidan Soomaaliyeed oo si buuxda ula wareega sugidda amniga dalka. “Waxaad tihiin halyeeyada aan dooneyno in ay tiir u noqdaan ciidamo hanta amniga dalka, shacabkana ka samata bixiya dhibaatada ay ku hayaan argagixisadu. Si taas loo xaqiijiyo waa in aad ku tilmaamantihiin wadaniyad, dhaqan iyo anshax ciidannimo.” Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey Dowladda iyo shacabka dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga daddaalka ay ku bixiyeen in saraakiishan lagu carbiyo dalka gudihiisa, waxa uuna xusay in xiriirka u dhexeeya Turkiga iyo Soomaaliya uu yahay mid ku dhisan walaaltinimo iyo saaxiibtinimo. “Waa maalin taariikhi ah in saraakiishan dhallinyarada ah ay akaadimayad dalkeenna ku taal wax noogu bartaan, arrinkaas cidda kugu garab siin karta waa dowlad walaal iyo saaxiibtinimo qoto dheer ay inaga dhaxeyso. Waxaan uga mahadcelinaynaa Dowladda Turkiga sida ay noogu garab taagan yihiin in aan dib cagaheenna ugu istaagno.” Munaasabaddan waxaa goobjoog ka ahaa Guddomiyeha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Wasiirka Kuxigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Colaad Rooble, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Bashiir Cabdi Maxamed, Taliye Kuxigeenka Ciidanka Xooogga Dalka Sarreeye Guuto Cabdi Xasan Maxamed, Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Mudane Francisco Madeira iyo qaar ka mid ah Diblomaasiyiinta ka hawlgala Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – War hadda nasoo gaaray ayaa sheegaya inuu qarax uu ka dhex dhacay gudaha xarunta gobolka Banaadir ee magaalada Muqdisho. Qaraxa oo loo maleynayo inuu yahay is-miidamain uu sameeyey qof ku dhex jiray gudaha xarunta, ayaan weli laga hayn wax faah-fahain ah. Naga filo faah-faahin dhowaan Isnha Allah. Caasimada Onlien Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  13. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa maanta tababar u soo xirayay Saraakiil iyo Saraakiil Xigeenno ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo muddo labo sanno ah lagu diyaarinayey Dugsiga Tababarka Ciidamada ee TurkSom. Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay munaasabbadda ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay in dhallinyarada Soomaaliyeed ay ku biiraan Ciidamada Qalabka sida, iyagoo ay ka go’an tahay inay dalkooda ka difaacaan cadow kasta. Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay ka go’an tahay dib u dhiska, qalabaynta iyo tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka, si loo helo ciidan Soomaaliyeed oo si buuxda ula wareega sugidda amniga dalka. “Waxaad tihiin halyeeyada aan dooneyno in ay tiir u noqdaan ciidamo hanta amniga dalka, shacabkana ka samata bixiya dhibaatada ay ku hayaan argagixisadu. Si taas loo xaqiijiyo waa in aad ku tilmaamantihiin wadaniyad, dhaqan iyo anshax ciidannimo.” Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey Dowladda iyo shacabka dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga daddaalka ay ku bixiyeen in saraakiishan lagu carbiyo dalka gudihiisa, waxa uuna xusay in xiriirka u dhexeeya Turkiga iyo Soomaaliya uu yahay mid ku dhisan walaaltinimo iyo saaxiibtinimo. “Waa maalin taariikhi ah in saraakiishan dhallinyarada ah ay akaadimayad dalkeenna ku taal wax noogu bartaan, arrinkaas cidda kugu garab siin karta waa dowlad walaal iyo saaxiibtinimo qoto dheer ay inaga dhaxeyso. Waxaan uga mahadcelinaynaa Dowladda Turkiga sida ay noogu garab taagan yihiin in aan dib cagaheenna ugu istaagno.” Munaasabaddan waxaa goobjoog ka ahaa Guddomiyeha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Wasiirka Kuxigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Colaad Rooble, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Bashiir Cabdi Maxamed, Taliye Kuxigeenka Ciidanka Xooogga Dalka Sarreeye Guuto Cabdi Xasan Maxamed, Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Mudane Francisco Madeira iyo qaar ka mid ah Diblomaasiyiinta ka hawlgala Soomaaliya. Halkan hoose ka daawo sawirada PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo Tababar usoo Xiray Saraakiil iyo Saraakiil Xiggeeno ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka appeared first on Puntland Post.
  14. Gudoomiye Cabdiraxmaan Ciro Oo Dalka Ku Soo Laabtay Iyo Soo Dhawayn Diiran Oo Lagu Qaabilay Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay. gudoomiye Ciro oo mudooyinkii ugu dambeeyey ka maqnaa dalka ayaa markii uu ka soo dagay garoonka diyaaradaha ee Hargeysa waxa si weyn ugu qaabilay saraakiisha kala duwan ee xisbiga Waddani. Qaran News
  15. (SLT-Hargaysa) Gudoomiye Ciro Oo Dalka Ku Soo Laabtey,Fariina U Diray Madaxweyne Biixi Iyo Wasiir Maxamed Kaahin Source
  16. (SLT-Hargaisa)Suldaanka Guud Ee Beelaha East Burco Clan Oo Ka Hadley Darajada C Ee La Siiyey Magaalada Caynaba Suldaanka guud ee Beesha Barriga Burco Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cali Muuse,ayaa ka hadlay Xeerka uu Golaha Wakiiladu ansixiyey, ee ku saabsan darajooyinka Degmooyinka, waxaanu tilmaamay inuu aad ula yaabay sababta keentay in Degmada Caynaba oo darajada C ahayd inay wali ahaato. Suldaanka guud ee Beesha Barriga Burco Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cali Muuse oo Wargeyska Geeska Afrika arintan wax ka weydiiyey ayaa ugu horeyn ku jawaabay “Aad iyo aad ayaan ula yaabay arintan dhacday iyo waxan ay Wakiiladu ansixiyeen, Madaxweynaha waanu wada hadalnay, waanu is ogayn, waxaanu noo balanqaaday in Caynaba laga dhigi doono B, oo laga bedeli doono C, waraaqo la kala qortayna wey jireen, markaas balanqaadkii Madaxweynaha iyo waxaanu isku ogeyn inay fulaan ayaanu ku rajo weynayn, ee is bedelkan soo kordhay iyo waxana la ansixisay, halkay ka yimaadeen maan garan” Dhanka kale wuxuu dadka ugu baaqay inay is dajiyaan oo ay nabadgalyada ilaaliyaan. Source:- Geeska Source
  17. (SLT-Burco)” Hal Xaaraani Nirig Xalaala Ma Dhasho Golaha Wakiilladu Iyagiiba Xaaraan Ku ” Ex Wasiir Ubaxle. Source
  18. (SLT-Burco) Xarunta Dawlada Hoose Ee Magalada Burco Oo Laga Hirgeliyey Wadooyin Iyo Dhismayaal Casriya + Maayir Muraad Oo Noqday Maayirkii Ugu Waxqabdka Badna Ee Soo Mara Burco. Source
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tababar u soo xirayay Saraakiil iyo Saraakiil Xigeenno ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo muddo labo sanno ah lagu diyaarinayey Dugsiga Tababarka Ciidamada ee TurkSom. Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay munaasabbadda ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in dhallinyarada Soomaaliyeed ay ku biiraan Ciidamada Qalabka sida, iyagoo ay ka go’an tahay inay dalkooda ka difaacaan argagaxisada iyo cadawga u taagan dibindaabyada shacabka. Madaxweyne Farmaajo ayaa hoosta ka xarriiqay in Dowladda Federaalka ay ka go’an tahay dib u dhiska, qalabaynta iyo tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka, si loo helo ciidan Soomaaliyeed oo si buuxda ula wareega sugidda amniga dalka. “Waxaad tihiin halyeeyada aan dooneyno in ay tiir u noqdaan ciidamo hanta amniga dalka, shacabkana ka samata bixiya dhibaatada ay ku hayaan argagixisadu. Si taas loo xaqiijiyo waa in aad ku tilmaamantihiin wadaniyad, dhaqan iyo anshax ciidannimo.” Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey Dowladda iyo shacabka dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga daddaalka ay ku bixiyeen in saraakiishan lagu carbiyo dalka gudihiisa, waxa uuna xusay in xiriirka u dhexeeya Turkiga iyo Soomaaliya uu yahay mid ku dhisan walaaltinimo iyo saaxiibtinimo. “Waa maalin taariikhi ah in saraakiishan dhallinyarada ah ay akaadimayad dalkeenna ku taal wax noogu bartaan, arrinkaas cidda kugu garab siin karta waa dowlad walaal iyo saaxiibtinimo qoto dheer ay inaga dhaxeyso. Waxaan uga mahadcelinaynaa Dowladda Turkiga sida ay noogu garab taagan yihiin in aan dib cagaheenna ugu istaagno.” Munaasabaddan waxaa goobjoog ka ahaa Guddomiyeha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Wasiirka Kuxigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Colaad Rooble, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Bashiir Cabdi Maxamed, Taliye Kuxigeenka Ciidanka Xooogga Dalka Sarreeye Guuto Cabdi Xasan Maxamed, Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Mudane Francisco Madeira iyo qaar ka mid ah Diblomaasiyiinta ka hawlgala Soomaaliya.
  20. Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa tababar u soo xirayay Saraakiil iyo Saraakiil Xigeenno ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo muddo labo sanno ah lagu diyaarinayey Dugsiga Tababarka Ciidamada ee TurkSom. Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay munaasabbadda ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in dhallinyarada Soomaaliyeed ay ku biiraan Ciidamada Qalabka sida, iyagoo ay ka go’an tahay inay dalkooda ka difaacaan argagaxisada iyo cadawga u taagan dibindaabyada shacabka. Madaxweyne Farmaajo ayaa hoosta ka xarriiqay in Dowladda Federaalka ay ka go’an tahay dib u dhiska, qalabaynta iyo tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka, si loo helo ciidan Soomaaliyeed oo si buuxda ula wareega sugidda amniga dalka. “Waxaad tihiin halyeeyada aan dooneyno in ay tiir u noqdaan ciidamo hanta amniga dalka, shacabkana ka samata bixiya dhibaatada ay ku hayaan argagixisadu. Si taas loo xaqiijiyo waa in aad ku tilmaamantihiin wadaniyad, dhaqan iyo anshax ciidannimo.” Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey Dowladda iyo shacabka dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga daddaalka ay ku bixiyeen in saraakiishan lagu carbiyo dalka gudihiisa, waxa uuna xusay in xiriirka u dhexeeya Turkiga iyo Soomaaliya uu yahay mid ku dhisan walaaltinimo iyo saaxiibtinimo. “Waa maalin taariikhi ah in saraakiishan dhallinyarada ah ay akaadimayad dalkeenna ku taal wax noogu bartaan, arrinkaas cidda kugu garab siin karta waa dowlad walaal iyo saaxiibtinimo qoto dheer ay inaga dhaxeyso. Waxaan uga mahadcelinaynaa Dowladda Turkiga sida ay noogu garab taagan yihiin in aan dib cagaheenna ugu istaagno.” Munaasabaddan waxaa goobjoog ka ahaa Guddomiyeha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Wasiirka Kuxigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Colaad Rooble, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Bashiir Cabdi Maxamed, Taliye Kuxigeenka Ciidanka Xooogga Dalka Sarreeye Guuto Cabdi Xasan Maxamed, Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Mudane Francisco Madeira iyo qaar ka mid ah Diblomaasiyiinta ka hawlgala Soomaaliya. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  21. Wasaaradda Arrimaha gudaha Federaalka iyo Dib u-heshiisiinta xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in liiska odoyaasha dhaqanka ee uu soo saaray guddiga doorashooyinka iyo Xuduudaha Jubaland uusan waafaqsaneydn diiwaanka madax-dhaqameedka rasmiga ah ee Wasaaradda ugu qoran odoyaasha beelaha Jubaland. Wasaaradda Arrimaha gudaha Federaalka iyo Dib u-heshiisiinta dowladda Federaalka Soomaaliya waxa kale oo ay sheegtay in ay wasaaradda Arrimaha gudaha Jubaland kala shaqeyn doonto soo saarista liiska rasmiga ah ee odoyaasha dhaqanka beelaha Jubaland ee soo xulaya xildhibaannada maamulka. Sidoo kale waxay ka digtay khatar ay sheegtay in ay ka imaan doonto haddii la bilaabo xulista xildhibaannada Baarlamanka Jubaland iyadoo aan la sixin liiska odoyaasha dhaqanka ee uu soo saaray guddiga doorashooyinka iyo xuduudaha Jubaland. Dhinaca kale waxay wasaaraddu sheegtay in diiwaan-gelinta musharrixiinta madaxtinimada Jubaland aysan ansixi karin iyadoo aan weli la soo xulin xildhibaannada Baarlamanka dowlad goboleedka Jubaland. Halkaan hoose ka akhriso PUNTLAND POST The post Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo qaaddacday liiska odoyaasha dhaqanka Jubaland appeared first on Puntland Post.
  22. Muqdisho (SMN) – Wasaaradda arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya ayaa ka hortimid liiska Odayaasha Dhaqanka ee ay dhawaan ku dhawaaqday Jubbaland. War ay soo saartay wasaaradda ayaa lagu sheegay in khatar ay ka imaan karta haddii la guda galo xulida Xildhibaanada Jubbaland, iyadoo aan la sixin Odayaasha saxda ah. Halkan hoose ka AKhriso: View the full article
  23. Gambia’s Caf 2021 preliminary opponents Djibouti yesterday got the better of Somali in a friendly game. Source: Hiiraan Online