-
Content Count
213,209 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Kooxda Ahlu-Sunna Waljamaaca ayaa aqbashay dalabkii ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ee ahaa in ciidamadooda la qarameeyo laguna daro ciidamada dowladda Soomaaliya. Ahlu-Sunna oo arrintan horey u diiday kadib safarkii koowaad ee ra’iisul wasaare Kheyre uu ku tagay magaalada Dhuusomareeb ayaa ugu dambeyn aqbashay codsiga ra’iisul wasaaraha kadib wada-hadallo dheeraad oo uu kula yeeshay magaaladaas oo uu dib ugu laabtay. Sida aan xogta ku helnay Ahlu-Sunna ayaa arrintan ku beddelatay arrimo ay ka mid yihiin in dowladda ay si joogto ah u bixiso mushaharka ciidamadooda, taasi oo muddo culees ku ahayd kooxdan. Waxaa sidoo kale kooxdan loo xaqiijiyey in doorashada madaxweynaha Galmudug ay ka dhici doonbto magaalada Dhuusomareeb, taasi oo ra’iisul wasaaraha uu ku dhowaaqay intii uu ku sugnaa magaalada Cadaado. Xubno ka dhow xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa Caasimada Online u sheegay in sidoo kale ay jiraan xilal dhowr ah oo ka mid ah kuwa federaalka oo kooxdan loo ballan-qaaday, inkasta oo aan la ogeyn waxay noqon doonaan. Arrintan ayaa imaneysa ayada oo Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo madaxa xukuumadda Galmudug uu xalay sheegay inay diyaar u yihiib in hay’adaha ammaanka dowladda iyo kuwa Galmudug ay si wadajir ay uga howlgalaan magaalada Dhuusomareeb. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa waxaa uu faah faahin ka bixiyey kulan xalay dhex-maray madaxda xisbiyadda iyo madaxweynaha Somaliland. Guddoomiye Faysal ayaa sheegay in kulankaasi ku soo dhamaadey natiijo la’aan isla markaana sababta xal loo gaadhi waayey ay tahay Madaxweyne Muuse Biixi iyo guddoomiye Cirro oo aan wax tanaasul ah samaynin, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Af-hayeenka isimada Puntland Garaad Cabdullaahi Cali Ciid oo xalay khudbad ka jeediyay xuska 1-da Luuliyo, ayaa sheegay in wax walba oo magaca Soomaaliyeed ku yimid lagu koobay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Garaadka oo kamid ah isimada ugu caansan degaannada Puntland, ayaa tilmaamay in xataa kaydka Taariikhda dalka ee Muqdisho yaalla, laga saaray halgamayaashii xornimada Soomaaliya kuwooda ka soo jeeday dhulka kale ee Soomaalida,laguna koobay dadka u dhashay magaalada Muqdisho. Garaadka ayaa ka warramay sheeko dhex-martay isaga iyo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Khayre, kadib markii sid uu sheegay uu su’aalay cidda iska leh magaalada Muqdisho? Iyadoo jawaabaha dhex-maray uu si weyn ugu qoslay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni. Sidoo kale, Garaad ayaa sheegay in maalmaha Muqdisho laga xusayo halgankii xornimada Soomaaliya aan lagu soo darin halyeeygii curiyay calanka Qaranka Maxamed Cawaale Liibaan, taasi beddelkeedana la soo bandhigo taariikho kale. Halkan hoose ka daawo hadalka Garaadka PUNTLAND POST The post Garaad Cabdullaahi Cali oo sheegay in Ra’iisul wasaare Khayre u caddeeyay cidda iska leh Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Berbera)-Shan ka mid ah shaqaalaha Ajaaniibta ah ee ka xoogsata magaalada Berbera ayaa la dhaawacay kadib markii ay weerareen shaqaalaha muruq maalka ee u dhashay magaalada oo ka cabanaya in ay shaqadii ka qaadeen, Halkan hoose ka DAAWO wararkii ugu dambeeyay ee ka soo kordhay arrintaasi Source
-
(SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Maxamed Cismaan Bulqaas ayaa dhaliilo culus u soo jeediyey xukuumadda tallada haysa ee KULMIYE, waxaanu si weyn ugu dayriyay xaaladda dalka marayo isaga oo codsaday in golaha loogu yeedho madaxweyne Biixi iyo wasiir Maxamed Kaahin si wax looga waydiiyo xaaladda dalka, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Cadaado (Caasimadda Online) – Kulan ay Magaalada Cadaado Maanta ku yeesheen Odayaasha iyo Waxgaradka Magaladaas ayaa waxaa ay uga soo horjeesteen hadalkii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ee ahaa in gogosha shirka dib u heshiisiinta Galmudug lagu dhigayo Magalada Dhuusamareeb. Madax-dhaqameedka ayaa sheegay in ay ka soo horjeedaan hadalkii Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya xalay jeediyay ee ku aaddanaa in shirka dib u-heshiisiinta iyo doorashada Galmudug ay labaduba ka dhici doonaan magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug. Odoyaasha ayaa Ra’iisul wasaaraha ku eedeeyay in uu ku ballan-furay, kadib markii sida ay sheegeen uu dhammaan awoodihii maamulka Galmudug u raray magaalada Dhuusamareeb, islamarkaana uu ka *****n waayay hadalkiisi ahaa in Galmudug loo dhanyahay uu wax ka dhisayo. Odayaasha ayaa Magaaladda Dhuusamareeb ku tilmaayay meel ninan isbaaro utaalo aysa yeeli doonin in ay ka qayb galaan Doorasho ka dhacda Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Dowlad Goboleedka Galmudug ee Bartamaha Soomaaliya. Hadalkaan ayaa Imaanaya Saacado uun ka dib markii Ra’iisul wasaaraha Xukumada Faderaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu Dhuusamareeb ka sheegay in ay ka furmi doonto Gogol dhib u heshiisiin ah oo lagu lagu heshiisiinaayo Beelaha Galmudug ayna ka dhici doonto Doorasha Maamulka Galmudug. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa xalay sheegay in markii uu kasoo tegayay Magalada Muqdisho ay dad badan kula taliyeen in uusan tegin Galmudug,isla markaana wax xal ah ka gaareen,hayeeshee taasi ay haatan muuqato. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com
-
Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Maxamed, oo xalay khudbad ka jeediyay xuska 1-da Luuliyo, ayaa sheegay in uu wada-hadallo la gelayo maamulka Somaliland oo khilaaf xuduudeed kala dhexeeyo Puntland, haddii dhankooda laga helo. Madaxweynaha ayaa sheegay in Puntland ay wada-hadal diyaar ulaa tahay, cid kasta oo Soomaaliyeed, haddii ay koonfur ahaan lahayd iyo haddii ay waqooyi ahaan lahaydba, si loo dhammeeyo khilaafaadka jira. “Hadday tahay waqooyi iyo hadday tahay Koonfur iyo Galbeed, cid kasta oo diyaar u ah in lala hadlo diyaar baan u nahay in aan la hadalno” ayuu yiri madaxweynaha Puntland. Sidoo kale madaxweynaha Puntland ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ugu baaqay in ay dhex-dhexaad ka noqoto doorashooyinka dowlad goboleedyada Galmudug iyo Jubaland, si uusan uga raacin magacii xumaa ee ka raacay doorashadii Koonfur Galbeed Soomaaliya. “waxaan aad u rajaynayaa in ay aad uga fiirsato in magacii xumaa ee meela ka raacay uuna dib dambe u raacin oo ka istaagto dhex dhexaad” ayuu yiri Siciid Deni. Waxaa kale oo uu Galmudug iyo Jubaland ugu baaqay in ay wax ka bartan doorashadii Puntland oo si xor ah loogu tartamay, isagoo uga digay in xoog wax lagu raadiyo. Halkaan ka daawo khudbaddiisa oo dhan PUNTLAND POST The post Deni oo ogolaaday in uu Somaliland kala hadlo xuduudaha Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Sudan protests: Deadly unrest as masses oppose the military
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Click here Qaran News -
(SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Axmed Barkhad Obsiiye oo kamid ah xildhibaanada golaha wakiilada ee laga soo doortay gobolka Awdal ayaa si weyn ugu dayriyay xaaladda gobollada bariga Somaliland oo uu sheegay inay faraha ka sii baxayaan. Xildhibaan Axmed Barkhad Obsiiye ayaa waxa uu sheegay in magaalada Buuhoodle uu ka socdo shir ka dhan ah Somaliland, sidoo kalana waxa uu ka ka dayriyay ciidammada Somaliland ee ku sugan gobollada bari ee Somaliland, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar lagu qaaday qaar ka mid ah shaqaalaha Ajnabiga ee ka howlgala Dekedda magaalada Berbera ee hoostagta maamulka gooni isu taaga ah ee Somaliland. Weerarkan ayaa waxaa la sheegay in lagu dhaawacay illaa shan ka mid ah shaqaalaha Ajnabiga ee ka xoogsada Dekeddaasi. Sida ay wararka ku heshay Caasimada Online waxaa weerarka fuliyay koox Soomaali ah oo ka tirsan muruq maalka ka shaqeysta Dekedda magaalada Berbera. Shaqaalaha Soomaalida ayaa ka cabanaya in shaqadii ay qaban lahaayeen ay la wareegeen kuwa Ajnabiga ah, islamarkaana taasi ay keentay inay weerar qaadaan. Dhaawacyada soo gaaray shaqaalaha Ajaanibta ayaa la dhigay isbitaalka weyn ee magaaladaasi, si loogu daaweeyo halkaasi. Ciidamo katirsan kuwa Somaliland ayaa dhacdada kadib gaaray goobta, kuwaas oo la sheegay inay gacanta ku dhigeen tiro dad ah. Illaa iyo hadda majiro wax hadal oo ka soo baxay Somaliland iyo maamulka Dekedda oo ku aadan shaqaaqadaasi. Shirkadda Dp World ayaa bishii March sanadkii 2017-kii la wareegtay Dekedda Berbera, waxaana tan iyo markaasi cabasho ay ka soo yeereysay shaqaalaha Soomaalida ah. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com
-
Qaahira (SMN) – Madaxweynaha Dalka Masar, C/fitaax Aziizi, ayaa hambalyo ku aaddan munaasabadda 1-da Luuliyo la wadaagay Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed. Xogahayaha madaxtooyada Dalka Masar, Axmed Maxamed Ihaab, oo dhambaalkan ka siday Madaxweyne Aziizi, ayaa waxa uu la wadaagay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Magaalada Qaahira. Dowladaha Masar iyo Soomaaliya ayaa leh xiriir Walaaltinimo oo soo jireen iyo mid iskaashi oo dhinacyo badan leh. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabbilsan Soomaaliya, James Swan, ayaa Dadka iyo Dowladda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Sanad-guurada 59-aad ee kasoo wareegatay madaxbanaanida Dalkeenna. “Hambalyo, tani waaa Maalin aad ugu weyn dhammaan Dadka Soomaaliyeed, ee kala jooga halkan iyo Dunida dacalladeeda, in-kastoo ay jiraan dhibaatooyin badan, haddana Maanta waa Maalin ay Dadka Soomaaliyeed ku faani karaan horumarka la sameynayo,” ayuu yiri Md; Swan. James Swan, ayaa intaa sii raaciyay in debaal deggani uu ku soo beegmayo xilli ay jirto fursad abuuraysa rajo laga qabo mustaqbal nabdoon oo barwaaqo badan. Wuxuuna sheegay in Qaramada Midoobay iyo saaxiibbada caalamka ay si dhow ula shaqaynayaan Dadka iyo madaxda Soomaaliyeed, si ay uga caawiyaan inay horumar ka gaaraan amniga, dhaqaalaha, maamul wanaagga, u wada dhamaansho iyo la tacaalidda baahiyaha arrimaha bani’aadannimo. Qaramada Midoobay waxay u debaabldegeysaa Sanad guuradan, iyadoo u ballan-qaadaysa Dadka Soomaaliyeed Garab-istaag Bilaha iyo Sanadaha soo socda.”ayuu yiri , Amb; James Swan. View the full article
-
Hoggaanka dhaqanka magaalada Cadaado, ayaa haatan ku dhawaaqay in aysan gebi ahaanba ka qeyb-geli doonin, shirka dib u-heshiisiinta Galmudug ee Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya xalay sheegay in lagu qaban doono magaalada Dhuusamareeb. Madax-dhaqameedka ayaa sheegay in ay ka soo horjeedaan ,hadalkii Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya xalay jeediyay ee ku aaddanaa in shirka dib u-heshiisiinta iyo doorashada Galmudug ay labaduba ka dhici doonaan magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug. Odoyaasha ayaa Ra’iisul wasaaraha ku eedeeyay in uu ku ballan-furay, kadib markii sida ay sheegeen uu dhammaan awoodihii maamulka Galmudug u raray magaalada Dhuusamareeb, islamarkaana uu ka *****n waayay hadalkiisi ahaa in Galmudug loo dhanyahay uu wax ka dhisayo. PUNTLAND POST The post Madax-dhaqameedka Cadaado oo qaadday shirka dib u-heshiisiinta Galmudug appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho ( SMN):-Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka-Subax-1072019.mp3 View the full article
-
(SLT-Berbera)-5 ka mid ah shaqaalaha ajaaniibta ah ee ka xoogsata magaalada Berbera ayaa la dhaawacay kadib markii ay weerareen shaqaalaha muruq-maalka ee u dhashay magaalada Berbera. Shaqaalaha muruq-maalka ee ka shaqaysta magaalada Berbera ayaa maalmahanka ka cabanayay inay shaqadooduu ka qaadeen shaqaale ajaaniib ahi. Shaqaalaha ajaaniib ah ayaa ka shaqeeya shaqooyin ay ka shaqayn karaan kuwa deegaanka u dhashay. Wararka aanu helayno ayaa waxa ay sheegayaan in dhaawaca shaqaalaha la dhigay Cisbitaalka Berbera. Wixii warar ah ee ka soo kordha kala soco Somalilandtoday.com Source
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Somaliland ayaa ku warramayaa in haatan khilaaf hor leh uu soo kala dhexgalay xisbi siyaasadeed ee ka jira maamukaasi. Kulan gaar ahaa oo saacadiihii la soo dhaafay isugu yimaadeen hoggaamiyeyaasha xisbiyada Wadani, Ucid iyo Kulmiye ayaa fashil ku soo dhammaaday. Xisbiyada ayaa shirkaasi uga wada hadlayay sidii loo qaban qaabin laha doorashada golaha deegaanka iyo mida baarlamaanka ee Somaliland. Wararka ayaa sheegaya in sababta keentay in kulanka saddex geesoodka ah uu ka soo dhammaado natiijo la’aan ay tahay kadib markii xisbiyada mucaaradku ay dalbadeen in xubno dheeraad ah loogu daro guddiga doorashooyinka maamukaasi. Arrintan ayaa waxa ka biyo diiday xisbiga talada haya ee Kumiye, kaas oo uu hoggaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Khilaafka ugu weyn ee haatan soo shaac baxay ayaa salka ku haya tirada ay guddiga doorashada ku yeelanayaan xisbiyada mucaaradka. Biixi ayaa in muddo ah loolan adag kala kulmayay dhinaca mucaaradka, iyaga oo dhaliilo isu marinayay dhanka Warbaahinta. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com
-
Maanta waa 1-da Luulyo, waa maalintii xuriyadda Soomaaliya iyo midowgii labada gobol, waa xanuun iyo nasiib darro ah in 59 sano kadib ay Soomaaliya shisheeye joogaan, midnimo aanay jirin oo la kala maqan yahay, dowladda xilligan jirtaana ay ka daciifsan tahay tii 1960kii! Cadawgii shalay maanta walaal ayuu noqday, qabiilkii ayaa isku badalay qaran, calankii waxaa ka soke maray calammo kale, waxaa is badalay dhadhankii waddaniyadda, inta ay weli ku dambeyso xamaasadda Soomaalinnimo waxaa ay maanta dhahaan“Inta Afka Soomaaliga ku hadasho”. Hadaba, maanta waxaa dib u xasuusan doonaa, Raggii iyo Ururradii ka dambeeyay in Soomaaliya ay xor noqoto, raggii diiday dullinimada iyo in dalka uu kala tago, maanta waxaan xuseynaa inta ku shahiiday in la ilaaliyo danta dadka, dalka iyo diinta. Halgankii Sayidka: Sayid Maxamed Cabduule Xassan ayaa ahaa halgamaagii ugu horeeyay ee dagaal la gala gumeystaha, waxaa uu noolaa mudadii u dhaxeysay(1856-1921), waxaa uu ahaa hogaamiyhii Darwiish, lana dagaalamay gumaystayaashii Ingiriika, Talyaaniga iyo Xabashida, isagoo kula dagaalay dhulka looga yaqaano Somaliland, Nugaal iyo Taleex. Muddo 20 sano ah ayuu socday dagaalka Darwiish iyo gumeystaha, 41 goobood ayay ciidamada Daraawiishta Ingiriisu ku kulmeen, kuwi ugu waaweeynaa ama dagaalka xumi ka dhacay waxaa kamid ahaa: Afbakeeyle, Faradhiddin, Cagaarweeyne, Daratoole, Jidbaale iyo Dulmadoobe. Ugu dambeyntii diyaaradaha cadawga waxaa ay duqeeyeen Taleex iyo xarumihii Sayidka oo dhan, Sayid Maxamed intaa kadib wuxaa uu soo aaday koofurta Soomaaliya halkaas uu markii dambe uu ku geeriyooday degmo ku taallo webi Shabeelle. SYL: Ururka SYL, waxaa uu ahaa urur dhalinyaro oo la aasaasay May 15, 1943dii, ururkan waxaa lagu dhisay guri ku yaalla waddada Via Roma ee Magaalada Muqdisho. Dhalinyaradii dhistay waxaa ay kala ahaayeen: C/qaadir Sheekh Saqaawadiin, Max’ed Xirsi Nuur {Siidii}, Yaasiin Xaaji Cismaan Sharma’arke, Xaaji Maxamed Xuseen Max’ed ,Cismaan Geedi Raage, Dheere Xaaji Dheere , Daahir Xaaji Cusmaan ,Cali Xasan Maslax Berduda, Maxamed Cali Nuur, Maxamed Faarax Hilowle, Xaaji Maxamed C/llaahi Xayeysi, Huudoow Macalin Cabdulle iyo Maxamed Cusmaan Baarbe . Ururka SYL, waxaa madax u ahaa : Cabdulqaadir Shiikh Sakhaawodiin – Guddoomiye Xaaji Maxamad Xuseen – Guddoomiye-xigeen Yaasiin Xaaji Cismaan.-Xogheyaha guud ee ururka SYL Markii dambe oo Yaasin Xaaji Cusmaan geeriyooday waxaa lagu badalay Cabdulahi Ciise Maxamud, dhalinyaradan waxaa lagu xasuustaa dhacdooyin badan oo ku tusinaya dadnimada iyo kartida ay lahaayeen. Dhacdadii 11ka Jannaayo 1948 11 Janaanyo 1948: Waxaa dhacay dagaalkii Hanoolaato, maalintaas waxaa dibad bax ka dhacay magaalada Muqdishu. Dhacdadaas dadkii Soomaalida ka shahiiday waxaa ka mid ahaa Xaawo Taako oo astaan u noqotay gumeysidiidka iyo midnimada. 11-kii Janaayo 1948-dii waxaa dalka soo booqanayey guddi UNada raacsan oo ahaa dalalkii ku adkaaday dagaalkii labaad ee Aduunka sida Maraykanka, Ingiriiska, Faransiska, Ruushka, iyo Talyaniga. Maalintas waxay adeegsadeen dadka dabadhilifka ah. SYL, waxaa ay sameeyeen tab la yaab leh, boqolkii qofba waxaa loo dhiibnay hal hogaamiye , labo calanka side iyo afar ilaalo ah. Dagaalkaas Hanoolaato waxaa Soomaalida ka shahiiday 14 oo ay ku jirto Xaawo Taako, halka Talyaaniga laga dilay 52 Talyaani ah, waxaa gumeystihii lagu aruurinay bilaajo Carab. Dhacdadii Dhagaxtuur: September 1949 ayaa waxaa furmay kalfadhigii golaha guud ee Qaramada Midoobay, kal-fadhigaas ayaa laga sugayey inuu go’aan ka gaaro aayatiinka dalalkii Talyaanigu gumeeysan jirey oo ay Soomaaliya ka mid ahayd. Leegada waxay magaalada New York u dirtay Cabdilahi Ciise Maxamud si uu cabbiro Mawqifka SYL . October 5, 1949 ayey SYL mudaaharaad ka dhan ah Talyaaniga ku sameeysey goobta loo yaqaan Dhagaxtuur. Dagaalkan Dhagaxtuur, Waxaa uu dhex maray Soomaalida iyo Ingiriiska, dowladda Ingiriiska waxaa ay is bidday xoog, Waxaa ay bandow kusoo rogtay dadka, kadib waxaa Dhagaxtuur bilaabay Soomaalidii, dagaal is burbursi ah kadib,. Waxaa halkaas ku dhintay laba qof, waxaana ku dhaawacmay 50. Afar booliska Ingiriiska ah ayaa halkaas lagu dhaawacay. November 21, 1949 ayey golaha guud ee qaramad midoobay soo saareen go’aankiisii ahaa in Soomaaliya loo dhiibo maamul Talyaani ah oo 10 sano ah, Qaramada Midoobayna ku ilaaliyaan. Xukunkii Daakhiliga: Bishii April 1950 ayey dowladda Talyaanigu la wareegay maamulidda koofurta Soomaaliya, waxaa Talyaaniga weheliyey guddi ka kooban saddex dal oo kala ahaa: Masar, Philibin iyo Colombia, dalalkan ayaa wakiil uga ahaa Qaramada Midoobay, ilaalinayeyna sida Talyaanigu u fulinayo shaqada loo dhiibay. SYL waxaa ay sidoo kale ku guuleysatay 12ka Oktoobar 1954 in la taago calanka Soomaaliya kaas uu sameeyay nin SYL ka tirsan lahaa Allaha u naxariistee Maxamad Cawaale Liibaan. Madaxbanaani Gobollada Waqooyi-Somaliland Gobollada waqooyi ee dalka ama Somaliland, waxaa ay galeen halgan dheer, iyagoo ku guuleystay markii dambe in la siiyo xuriyad. April 6, 1960, Golaha Tashriica British Somaliland ayaa meel mariyay Qaraar ama go’aan ku saabsan Madaxbanaanida Somaliland iyo Midnimada Soomaaliya. Gobollada waqooyiga ama Somaliland si ka duwan maanta la joogo ayey go’aanka madaxbanaanida iyo midnimada ugu farxeen. Maalmo kadib, 22-kii April 1960kii, waxaa magaallada Muqdishu lagu soo gabagabeeyay shir 6 maalmood u socday waftigii waqooyi ee kan koofur, Labada dhinac waxaa ay isku afgarteen in 1 July 1960-ka la midoobo oo Waqooyi iyo Koofur ku midoobaan Jamhuuriyadda Soomaaliya. Bishii May 2, 1960-kii, waxaa Yurub tagay wafdi ka socda Somaliland, safarkaas waxaa kasoo baxay in 26-ka June 1960 la gaarsiiyo British Somailand madax banaani. Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal oo watiga horkacayey oo la hadlay umadda Soomaaliyeed isagoo London jooga waxaa uu ku celiyay in Somaliland la midoobi doonto koofurta, sidaana ay labada dhinac ku faraxsan yihiin. 25-26 June, 1960kii lagama seexan gobollada waqooyi ee Soomaaliya, madaxdii Ingiriiska iyo Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal waxaa ay ku mashquulsanaayeen kala wareejinta maamaulka iyo sagootinta gumeystaha. Shacabka waxaa ay isku diyaarinayeen in ay noqdaan dowlad, waxaa intaa dheer fanaaniinta oo qoray heeso iyo sugaan lagu cabirayo maalintaas qiimaha badan. Waxaan filaayaa marka aad xuriyad soo xasuusataan, Waxaa dhagihiina kusoo dhacaya” goormaan Ladnaaney Lixdankii, Lugooyadii na deysay 26-kii June, goormaan Lulanay, 6-dii saacc goormaa Libaaney, 1-dii Luulyo labo midowday. Erayadaas waxaa ay soo koobayaan dareen jiray 26-kii ilaa 1 July 1960-kii, Maalmahaas oo kale Soomaaliya horay uma soo marin. June 26, 1960-kii, Waxaa xoroobey qeybta Waqooyi ee dalka Soomaaliya, Soomaalida ayaa la wareegtay maamulka dhulkooda, isla maalintaas waxaa calanka laga taagay Bartamaha magaalada Hargeisa(Beerta Xuriyadda), iyadoo la qaadayo “Kana Siib Kanna Saar”. Xuriyaddii Koofurta iyo Midnimadii Labada Gobol: Xririyadii Somaliland 4 maalmood kadib, waxaa xuriyadii qaatay gobollada koofureed ee dalka iyagoo ka xuroobey gumeystaha Talyaaniga. Allaha u naxariistee Maxamed Ibraahim Cigaal oo xilligaa ra’isul wasaare ka ahaa Somaliland, Waxaa uu soo hor kacay Wafti reer Somaliland ah oo Muqishu u yimid arin taariikhi ah, taas oo aheyd in la mideeyo labada gobo lee dalka, tiiyoo run noqotay 1-dii July 1960-kii. Ugu Dambeyntii guushii halgankii waxaa la gaaray 1da July 1960 markii laba gobol oo xor ah oo Soomaali ah isu tageen oo dhiseen Jamhuuriyadda Soomaaliya Maalinta ay xuriyadda qaadatay koofura Soomaaliya, isla markaana ay midoobeen labadii gobol ee Waqooyiga iyo Koofurta Soomaaliya waxaa dalka Soomaaliya yimid wafdi ka socota goboladii kale ee ku haray gacanta gumeystaha. Dhanka Xeebta Soomaaliya(Djabuti) Waxaa ka yimid halgamaagii weynaa ee Maxamud Xarbi, Waxaa kaloo joogay Mas’uulyiinka ka timid gobollada Koofur Galbeed iyo NFD. Maalintaas waxaa xoog u kacay dareenkii umadda, Waxaa mar kale lasoo nooleeyay firkadii Pan-Somalism ama Somaliweyn. Markii xuriyadda la helay 1960-kii, isla markaana ay midoobeen labada gobol ee Waqooyi iyo Koofur, baarlamaanka dalka waxaa uu aqlabiyad ku doortay Aden Cabdulle Cusmaan in uu noqdo madaxweyne muddo hal sano ah, isagoo maalmo kadib July 22, 1960-kii Ra’isul wasaare u doortay Cabdirashid Cali Sharma’arke. Cabdi Caziz Axmed Gurbiye, Goobjoog News Source: goobjoog.com