-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Waa Kuwa Inoo Diidan Horumarka Iyo Isku-filaansho In Aynu Gaadhno “W/q: Mr. Hamse Wiyeer-yare” Hordhac: “Qormadan kooban waxaynu ku falanqayn doonaa dhinacayo badana ka eegi doonaa Ha’yaddaha Caalamiga ah ee dalkeena sida raxan-raxanta ah u imanaaya iyo waxqabadyada ay ka geystaan gudaha dalkeena. Hadaba Ha’yadahani ma yihiin kuwo wax inoogu qabta sida aynu u rabno, isla markaana ma yihiin kuwo inoo daneeya mise waa kuwo danno gaar ah iyo ujeedooyin ay wataan u fuliya arimaha caawimadda ah ee ay inoo qabtaan”. Tiro kor u dhaafaysa boqolaal Ha’yaddood oo caalami ah oo aan dawli ahayn (NGO), ayaa ka xafiisyo iyo xarumo ku leh gudaha caasimadda iyo magaalooyinka kale ee waaweyn, Ha’yaddahani waxay inta badan barahooda Internetka ku faafiyaan waxqabadyadda iyo deeqaha ay doonayaan in ay ka geystaan hadba shaqadda quseysa ee ay lacagaha kusoo qaateen, Isla markaana waxay isla barahoodda Internet-ka ku faafiyaan mashaariic ay sheegaan inta badan boqolkiiba sagaashan (90%) in ay iyagu gacan ka geysteen oo ay ka hirgeliyeen Magaalooyinka iyo tuulooyinka dalka, isla markaana goob kasta oo wax-yar oo ribad leeg ay ka fuliyaan, waxay ku dhejiyaan boodhadh, isla markaana waxay ku faafiyaan Internet-ka iyo caalamka, iyaga oo tusaaya in horumar ka wadaan gobolka iyo guud ahaan qaaradda Afrika. Haddaba su’aasha isweydiinta mudan ayaa waxay tahay, “Ha’yaddaha Caalamigu miyey inoo daneeyaan mise way inagga daneystaan?”, laakiin inta aanan idinla wadaagin cilmi baadhis aan si shakhsiyan ah u sameeyey, aan idin xasuusiyo qodob muhiim ah oo la xidhiidha xogta iyo halka ay ka keenaan lacagaha ay inta badan sheegaan in ay ku bixiyaan ama ku fuliyaan mashaariicda Waddamada soo koraaya oo aynu ka mid nahay, kuwaas oo sheega in ay bulshada ra’yidka ah iyo Dawlada ka caawiyaan. Halkay Ka Helaan Lacagaha: Inta badan Ha’yadaha Caalamiga ah (NGO), oo ay sida inoo sheegaan sumadoodu ama astaan-toodu tahay “Kuwo aan faa’ido doon ahayn(Non-profit Oriented)”, waxay inta badan lacaguhu kusoo galaan laba hab oo waaweyn :- 1. Xafiisyada Arimaha Dibada Ee Waddamada Horumaray: Ha’yadana inta badan deeqaha iyo mashaariicada ka fuliya inta badan waddamada soo kor’aaya ee Afrika oo aynu kamid nahay, waxay Xafiisyada arimaha dibadda ee waddamada horumaray u gudbiyaan nuqulo ay ku sharaxayaan ujeedooyinka ay u samaysan yihiin iyo hiigsiga ay rabaan in ay gaadhaan mustaqbalka dhaw, waxa ayna si kalsooni ku jirto uga dhaadhicyaan ahmiyadahooda guud, halka ay xafiisyadaas arimaha dibada ku qanciyaan in xafiiska laftiisa iyo wadankiisuba ay sumacad iyo taariikh u noqon doonto hadii ay bixiyaan xadiga lacagta ah ee ay ka codsanayaan, iyagoo u balan-qaadaya in xafiisyadaas arimaha dibada ay ugu noqon lahaayeen waddo ay u adeegsadaan sidii ay u gaadhi la’ahaayeen dalka ay Ha’yadahani caawimada ka geysanayaan waa hadii arimo muhiim ahi kasoo galaan wadankaas. 2. Sadaqo Iyo Lacago Lagasoo Uruuriyo Kiniisadaha Iyo Dadka Hantida Leh: Ha’yaddahan mashaariicada caawimadda ah ka fuliya gudaha dalkeenu waxay sawiro iyo muuqaalo u gudbiyaan inta badan dadka hantida leh iyo goobaha kiristaanku ku cibadeystaan ee Kiniisaddaha, sawirada iyo muuqaalada ayey kusoo bandhigaan dad baahan, Afrikaan ah, misna gaajo, abaaro, xanuuno iyo caqbado kae oo badani haystaan, taas waxaa tusaale la taaban karo u aha Maal-qabeenka Bill Gate oo caawimadda dartii u furay Ha’yad isaga hoos timaada oo la yidhaah “Bill & Melinda Gates Foundation” Ha’yaddan isagu uu maamul ayaa dhawaan soo bandhigtay ilaa mudadii la aasaasay oo ahayd 2000 in hanti kor u dhaafaysa 4.6 bilyan oo doolar ka geysatay wadamada soo koraaya ee u badan Afrika. Dhanka kale wax ay ku tilmaamaan sadaqo ayaa inta badan Kiniisadaha wadamada horumaray ay kasoo uruuriyaan iyagoo u sheega in ay ugu gar-gaarayaan dad iyo dalal baahan. Hadaba hadii aynu labadaas qodob kusoo koobno hababka ay lacagaha iyo deeqaha ku helaan Ha’yadaha caalamiga ah ee aan dawliga ahayn (NGO), aan ku xasuusiyo in ay jiraan habab kale oo wadamada soo koraaya ee aynu kamidka nahay ay ku helaan lacago iyo deeqo sharciyeysan, hababkaas kale oo ka madax-banaan Ha’yadaha aan dawliga ahayn ayaa ah in dawaladaha horumaray si toos ah lacago iyo mashaariic ugu yaboohaan, halka lacagahaas ama mashariicdaasi yihiin kuwo dalkaas soo koraaya loogu deeqay ama kuwo ku ah amaa(deyn) oo hadhow laga rabo in wadamada soo korayaa dib iskagasoo celiyaan, mashaariicaha iyo deeqaha noocan ahi waa kuwa inta badan si rasmi ah uga hirgala wadankaas ay ugu deeqeen, isla markaana marka la dhameystiro waa mashaariic noqoda kuwo dhaxal-gal ah oo sanado badan loo aayo, inta badana wadamada ku deeqay kuma faafiyaan warbaahinta, keliya marka ay deeqahaas wareejinayaan iyo marka ay dhamaystiraan mooyaane. Hadaba hadii aynu hoos ugu daadegno ujeedada qormadaydan, bal aynu dhinacyo badan ka istaagno mashaariicaha iyo deeqaha ay Ha’yadduhu sheegaan in ay ka fuliyeen gudaha dalkeena, iyo dhibaatooyinkii laga dhaxlay wixii ay fuliyeen. BEERAHA: Inta badan beeraha iyo deegaanka ayaa ah meelaha sida aadka u ba’an ay saameyn iyo waxyeelo kaga tagaan Ha’yaddaha caalamiga ahi, Waxa ay siidh iyo bacramiyayaal u qaybiyaan inta badan beeralleyda tuulayaasha miyaga, waa wax fiican in siidh iyo bacramiyayaal ay helaan beeralleyda dalkeenu, laakiin natiijadii laga dhaxlay ayaa waxay noqotay in siidhkaasi uu noqodo mid hal mar uun beerma ama bax, kaas oo aan dib u baxahayn, isla markaana nabaad guur iyo xaaluf ku rida dhulkii irmaanaa ee lahaa ciida dihin ee waxsoosaarka sanaddo badan lugu yaqaanay. Midhaha kasoo baxa shiidhkaas iyo bacramiyaashaas ayaa gadaal laga ogaadey in aanay lahayn faaidadii hore ee lugu yaqaanay cuntadaas, taas oo bulshada ka dhigi karta kuwo aan nafaqo iyo awood buuxda ama koritaan dhamaystiran aan helin. Waxyeeladda iyo nabaad guurka ay deegaanka iyo beeraha kaga tageen siidhka iyo iniinyaha ay Ha’yadduhu beeralleyda dalkeena ugu deeqaan, waxay gaadhey heer dalagii yaryaraa ee wakhtiga kooban ku bixi jiray, ahaana kuwa ugu muhiimsan ee sida maalinlaha ah dalka looga quuto ay noqodeen kuwo meesha ka baxa, waxaana tusaale u ah in Xabuubta iyo khudaarta lamidka ahi ay maanta inooga yimadaan wadamadda jaarka siiba Itoobiya, WAX-BARASHADDA: Dhanka waxbarashada hadii aynu eegno, inta badan Ha’yaddahan caalamiga ah ee aan dawliga ahayn waxay deegaano badan oo dalka kamid ah ka fuliyeen mashaariic dib u dayac tir iyo dhismayaal cusub labadaba inta badan dugsiyadda kuyaal deegaano badan oo dalka ah. Ilaa hadda ma jiraan dhismayaal buuxa oo ay Ha’yaddahani ka fuliyaan dugsiyada, laakiin inta ugu badan ayaa ah dhismayaal kookooban sida Suuliyadda iyo hal-hal fasal oo ay ku biiriyaan dugsiyadaas, sida ay Ha’yaddahani ku caan baxeen inta badan isma laha tirada dhismaha ee ay goob ka sameeyeen iyo sidda ay xayeysiisyo ugu sameynayaan, iyagoo ka dhigaaya in guud ahaan dhismaha dugsigaas ay gacantooda ku qabteen, isla markaana boodhadh waaweyn ku dhejinaaya dugsiyadda ay dayac-tireen, taasina waxay meesha ka saaraysaa jiritaankii Wasaaradda waxbarashada, waxayna indhaheena iyo indhaha caalamkaba arkayaan in idil ahaanteenba dalkeenu yahay mid caawimo ku dhisan, kol hadii aynaan laba suuli iyo hal fasal dhisan kari weynay. Maaha dhanka waxbarashada oo keliya ee sidoo kale waxay tanoo kale ka dhacadaa Sariibadaha degmooyinka iyo cisbitaaladaba. XOGTA: Tusaale ha inoogu filnaadaan labadaas qodob ee aadka u muhiimka ah, kana hadlaaya muhiimadda iyo jiritaanka guud ahaan bulshadadeena. Haddaba “Ha’yadduhu miyey inoo daneeyaan mise way inagga daneystaan?”, aynu isbarbar dhigno dhaqaalaha xoogan ee ay kusoo qaataan Ha’yaddaha aan dawliga ahayn ee caalamku iyo waxqabadyada muuqda ee ay inoo qabtaan, waa kala-maan iyo laba aan isbarbardhigi karin kharashka ama lacagta (Fund-ka) kuwaas oo kor u dhaafaya Balaayiin doolar oo lacag ah iyo waxqabadkoodii oo ku kooban kuwo aad u yar oo tiro ahaan kooban misna aan faaido badan laga dhaxlin jiritaankooda iyo manafacaadkii looga fadhiyey waxqabadkaas ay fuliyeen. Xogtan waxaan ku cadeynayaa in ay meesha ka maqantahay gebi ahaanba la xisaabtankii Ha’yadaha NGO-yadda ah ee inooga yimaada caalamka, taasina waata keenaysa in waxqabadka Ha’yaduhu noqodaan “Qawda maqashii, waxna ha u qaban”, taasna waxaa dayacay oo aan ka daba-shaqayn cidii masuuliyad u lahayd in ay la xisaabtamaan, halka madaxweynaha iyo golaha wasiiradu ay kow ka yihiin kuwii la xisaabtami lahaa. Wabilahi tawfiiq. Mr. Hamse Bashe (Wiyeer-yare) Qoraa / Saxafi madax banaan E-mail: Xamse18@gmail.com www.wiyeeryare.blogspot.com www.twitter.com/wiyeeryare www.facebook.com/wiyeeer Hargeysa -Somaliland Qaran News
-
Doha (Caasimada Online) – Dowladda Qatar waxay gaashaanka ku dhufatay Warbixintii shalay lagu soo daabacay Wargeyska The New York Times ee lagu muujiyey inay ku lug leedahay Qaraxyadda ka dhaca Soomaaliya, isla markaana ay taageero siiyaan Kooxaha Islaamiyiinta. Warbixinta wargeyska waxaa lagu soo bandhigay Cod laga duubay Danjiraha Qatar u jooga Somalia iyo Ganacsade, iyagoo ka wada hadlaya Qarax Bosaaso ka dhacay bishii May ee sannadkan, oo ay Kooxda Daacish sheegatay mas’uuliyadiisa. Hadal ka soo baxay Xafiiska Isgaarsiinta ee Dowladda Qatar ayaa lagu sheegay in Siyaasadda Dibedda ee Qatar had iyo jeer ku dhisan tahay in la abuuro Deganaansho iyo Barwaaqo, isla markaana aysan marnaba faragelinin Arrimaha Daakhiliga ee dalalka madaxa bannaan. Qoraalka waxaa kaloo lagu sheegay in qof kasta oo arrimahaasi ku kaca uusan matalin Karin Dowladda Qatar. “Somali gudaheeda, Imaaraadka inay leedahay Siyaasad Dibedeed oo ay ku doonayaan inay ku maamulaan Somalia, iyagoo ku bedelanaya Taageero Maaliyadeed” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Dowladda Qataar. Dhinaca kale, Dowladda Qatar waxay beenisay xiriirka ay la leedahay Ganacsadaha lagu magacaabo Khaliifa Kayad Al-muhindi oo horey loo sheegay inuu aad ugu dhow yahay Amiirka dalkaasi, Sheekh Tamiim Bin Xamad Al-thaani. “Khaliifa Kayad Al-muhindi uma aha La-taliye nooc kasta Dowladda Qatar, mana matalo Dowladda Qatar, xaqna uma laha inuu hadal-celin ku bixiyo, isagoo matalaya magaca Dowladda Qatar” ayaa lagu yiri Qoraalka ka soo baxay Xafiiska Isgaarsiinta ee Dowladda Qatar. Qoraalka waxaa kaloo lagu sheegay inay baari doonaan qofkaasi, isla markaana uu qaadi doono mas’uuliyadda hadalkii uu bixiyey. “Xiriirkeenna aan la leenahay Somalia waxaa asaas u ah Is-xushmayn wadajir ah iyo danno guud, waxaana rajeynaynaaa wanaag DFS iyo dadka, waana sii wadi doonaa Taageeradooda ilaa Deganaanshaha laga dhowrayo” ayey Dowladda Qatar ku tiri qoraalka ay soo saartay. Ugu dambeyntii, Dowladda Qatar waxay sheegtay inay ka codsadeen Wargeyska The News York inay ka taageeraan Baaritaanka Eedeymaha ay qoreen, balse, Maamulka wargeyska wey ku gacan sayreen arrintaasi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Guddiga arrimaha Bulshada oo ka warbixinaya xeerka Mudanayaasha Baarlamanka dowladda Puntland, ayaa maanta ansixiyay xeerka guddiga Shaqaalaha Rayidka ah ee Puntland, kadib markii ay nidaamin iyo wax ka beddel ku sameeyeen qodoba ku jira xeerkaasi. Golaha wakiilada, ayaa ka hor inta aysan ansixin xeerkan, waxay warbixin ka dhegaysteen guddiga arrimaha Bulshada iyo Dhaqanka ee Baarlamanka, oo sharraxaad ka bixiyay qodoba ay dib u-eegista ku sameeyeen ee ku jira xeerka. Kadib warbixinta guddiga ayaa mudanayaasha fadhiga soo xaadiray oo ka koobnaa 37 xubnood, waxay dood dheer ka yeesheen xeerka, iyadoo ay cod aqlabiyad leh ku ansixiyeen, kadib markii 32 mudane u codaysay, halka 4 xubnood ay diideen, xildhibaan kalena ka aamusay. Halkan hoose ka daawo muuqaal dhammaystiran PUNTLAND POST The post Baarlamanka Puntland oo ansixiyay Xeerka guddiga Shaqaalaha Rayidka ah ee Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ahaa xildhibaanno maanta shir jaraa’id qabtay, kana hadlay xaaladda dalka, ayaa sheegay in ay tahay arrin laga walwalo warbixin uu uu soo saaray wargeyska New york times ee dalka Mareykanka ka soo baxa. Wargeyska warbixinta ka soo baxday ayaa sheegay in dowladda Qadar ay ka mid tahay dowladdo falal dil ku ah ammaanka ka geystay Soomaaliya’ xildhibaanka ayaana sheegay in ay tahay arrin aan la aqbali Karin, waxaa uuna yri “ Arrinta ay soo saartay New york times ayaa waxaa ay tahay arrin walal nagu beertay, dalkaan waxa ka socda iyo argigisada meesha ay fanka ka hesho, arrintaas guddiga difaaca gudoomiyihiina waa uu joogaa,waxaan dadka soomaaliyeed u sheegeynaa in baaritaankeena iyo xaqeena aan ka gudaneyno waana arrin walwal noo muujineyso runtii” Sidoo kale Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa nasiib darro ku tilmaamay in safiirka dowladda Qadar u fadhiya dalka,uu wargeysku sheegtay in laga helay cadeymo muu jinaayo in dowladda Qadar ay soomaaliya ka fulisay dilal iyo mashinno lagu qaarijiyay dad ajaanib ah. “ Waxaa nasiib darro ah in la yiraahdo safiirkii dalka Qadar waxa uu ku lug leeyahay mashinno iyo dilal dalka ka dhacay, ayadoo dadka reer Muqdisho ay maalin kaso ay la kulmaan dilal,qaraxyo iyo waxyaabo lamid ah, annaga guddi hoosaadka difaaca ah oo aniga madax u ahay waxaan qaadaneynaa inaan baaritaan sax ah aan galino warbixin sax ahna aan ka soo saarno, haddii uu cadaadana in tilaabada haboon ay qaataan dadka Soomaaliyeed, Baarlamaanka Soomaaliyeedna aan u gudbin doono arrintaasna walwal xoogan ayeey naga muujisay” Dhanka kale Xildhibaanka ayaa sheegay in aan layska indho tiri Karin arrintaan oo ah arrin walwalkeeda leh,waxaa uuna sheegay in Baarlaman ahaan ay waajibkooda gudan doonaan ku aadan arrintaan maanta soo baxday. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Boosaaso (Caasimada Online) – Waxaa maanta dib xoriyadooda u helay qaar ka mid ah xubnihii gudigga dayactirka wadada magaalada Boosaaso kuwaas oo dhawaan xabsiga loo taxaabay ka dib markii ay lacag usoo dirtay dawlada federaalka ah ee Soomaaliya taas oo loogu talagalay horumarinta Magaalada Boosaaso. Gudigga ayaa maanta lasoo taagay maxkamada derajada koowaad ee Magaalada Boosaaso taas oo dib xoriyadooda u siisay. Guddiga oo shir jaraaid qabtay sii dayntooda ka dib waxay sheegeen in si wanaagsan loola dhaqmay ayna diyaar u yihiin inay sii wadaan dhamaystirka mashruucaas. Waxay ummada soomaaliyeed iyo kuwa reer Puntland ugu baaqeen in ay midoobaan oo gacmaha is qabsadaan. Maxakamada ayaa maanta xukuntay in lacagta hartay ay dawladu maamuli doonto, gudigguna waxay sheegeen in duqa degmada Boosaaso uu iyaga digreeto ku magacaabay ayna wada-shaqayn doonaan. Caasimada Online Xafiiska Boosaaso caasimada@live.com
-
Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa magaalada Qardho ka daah-furay Shirka dib u eegista adeeg bixinta baahsan ee degmooyinka, guulaha la gaaray iyo caqabadaha Jira. Shirkaan waxaa Madaxweyne Ku-xigeenka ku wehlinayey , xubno ka tirsan golaha Wasiirada, Agaasimayaasha guud, guddoomiyayaasha degmooyinka, howl wadeeno kale oo ka socday dowladda iyo marti sharaf kale. Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa shirka khudbad uu ka jeediyay waxa uu ku dheeraaday muhiimadda shirkaan looga hadlayo horumarinta degmooyinka Puntland. “Waxaynu halkaan isugu nimid inaynu dib u milicsano howlihii sanadka 2018-2019 ee adeeg bixinta fidsan ee dowlaha hoose, wixii inoo qabsoomay, wixii inaka baaqday, Caqabadaha jira iyo xal u helliddooda iyo hiigsigeena Mustaqbalka”. Ayuu yiri Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed karaash. Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa sheegay inay qabsoomeen howlihii adeeg bixinta ee tijaabada ahaa ee uu ka howlgalo mashruuca JPLG, kaas oo ay iska kaashadaan dowladda Puntland iyo hay’addaha Qaramda Midoobay, waxaana uu xusay in loo baahan yahay in dedaalka halkaasi laga sii badiyo. Ugu dambayn, Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaa kasoo qayb galayaasha ku booriyay inay shirkaan maanta kasoo saaraan Talooyin ku aadan sidii loo gaadhi lahaa adeeg bixin baahsan oo laga hirgaliyo dhammaan degmooyinka, taas oo ay taageerayso dawlada dhexe ee Puntland. Halkaan hoose ka daawo muuqaalka iyo sawirada PUNTLAND POST The post Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Oo Furay Shir Dib Loogu Eegayo Mashruuca Horumarinta Degmooyinka Puntland Ee JPLG appeared first on Puntland Post.
-
Maxkamadda derejada kowaad ee gobolka Bari ayaa maanta xorriyaddooda dib ugu celisay afar xubnood oo ka tirsan guddiga dib u-dhiska wadada bartamaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Saddex xubnood oo guddiga ka tirsan ayaa Khamiistii hore xabsiga la dhigay kadib markii ay dowladda Federaalka Soomaaliya ka guddoomeen lacag deeq ah oo aan soo marin nidaamka Maaliyadda Puntland taasi oo dowladda Federaalku ugu deeqday dib–dhiska wadada bartamaha Boosaaso. Sidoo kale guddoomiyaha guddiga dib-u-dhiska wadada bartamaha Boosaaso Sheikh Maxamed Macallin Axmed ayaa isna xabsiga la dhigay laba maalmood ka hor isagoo ka soo laabtay safar uu puntland uga maqnaa. Xubnaha la xiray oo dhammaantood duhurnimadii maanta la horgeeyay maxkamadda derejada kowaad ee gobolka Bari ayaa xorriyadooda dib loogu celiyay kadib markii sida la sheegay wax dembiya lagu waayay. PUNTLAND POST The post Guddigii dhismaha wadada Boosaaso oo xabsiga laga sii daayay appeared first on Puntland Post.
-
Abdicasiis Diiriye Dahir Oo Shalay Lagu soo dhaweeyay magaalada Hargeysa sheegtayna inuu yahay xildhibaan lagasoo doortay deegaanka Hylte ayaa laxaqiijiyay inay been tahay waxbana kajirin kadib markii dad deegaankaasi kunooli ka yaabeen sheegashadiisa. Kana waayeen magacaciisa sheegeen inuu isasoo sharaxay balse cidba u codayn kana mid ahayn golaha deegaankaasi. Fariin aanu u dirnay degmada uu sheeganayo Ee Hylte ayaa maamulkaasi laf ahaantiisa ku cadeeyeen inuu ka mid ahayn golaha deegaankaasi sheegashadiisuna been cad tahay. Cabdicasiis Dahir waxaa baraha bulshada loogu sheegay inuuna bilaabin wax kala dhex dhigaaya shiki iyo kala aaminaad ku abuura shacabka somliland iyo qurbajoogta waxaan loogu baaqay inay tahay dambi in qofku darajo uu gaadhin ka sheegto dhul uu isleeyahay lagu a zoo baadhi karo. Cabdicasiis Diiriye maaha xildhibaan warbaahintana ha usoo bandhigo goorta la doortay. Hoos ka akhriso maamulka golaha deegaanka uu sheegay Ee Hylte iyo dadka kusoo baxay doorashada. Xalkan ka eeg magacyada golaha deegaanka ee degmada uu sheegtay HALKAN GUJI SI AAD U AKHRISATID Qaran News
-
Turkey strongly condemned Monday’s terror attack in the Somali capital Mogadishu. “We strongly condemn the terrorist attack perpetrated this morning by a car bomb targeting a hotel in Mogadishu, causing death and injury of numerous people,” the Foreign Ministry said in a statement. The bombing killed at least 10 people and wounded several others. “We wish Allah’s mercy upon those who lost their lives, a speedy recovery to the wounded and convey our condolences to the friendly and brotherly Government and people of Somalia,” it added. Al-Shabaab has claimed responsibility for the attack. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiga mucaaradka ah ee Wadajir ayaa ku eedeeyay Dowladda Qatar in qaraxyada iyo dagaaladda ka dhaca Soomaaliya ay u adeegsato Al-Shabaab iyo Daacish. Xisiga oo soo xiganaya war uu qoray wargayska New York Tames ayaa ku eedeeyay dowlada Qatar in ay garab siido kooxaha argagixisada ah. Halkaan ka aqriso warka ka soo baxay xisbiga Wadajir.
-
Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo soo xiganaya warbixin lagu daabacay wargeyska New York Times ee ka soo baxa waddanka Maraykanka, ayaa Golayaasha dowladda Federaalka Soomaaliya ka dalbaday in ay baaritaan dhab ah ku sameeyaan, eedaymo ku xusan warbixintaasi oo sheegaya in dalka Qatar uu ku lug’lahaa qaraxyo ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Madaxweynaha ayaa sheegay, in eedaymaha ku qoran warbixinta wargeyska New York Times ee dowladda Qatar la xiriirinaya, qaraxyo ka dhacay magaalada Boosaaso iyo dilkii loo geystay madaxii shirkadda P&O Ports ee hoostagta DP World Paul Anthony Formousa, ay yihiin kuwa sax ah, islamarkaana u baahan in baaritaan dhab ah lagu sameeyo, si xaqiiqadeeda u dambaysa loo gaaro. “waxaan qirayaa oo ku kalsoonahay in warkaa ay sheegtay uu yahay war xaqiiqo ah, waxaan ka codsanayaa Golayaasha Baarlamanka ee Aqalka sare iyo Aqalka hoose iyo xukuumadda Soomaaliya, in arrintaasi baaritaan dhab ah laga sameeyo. Ma oronaayo waa xaqiiqadii u dambaysay, laakiin waxay aburutay tuhun dadka qaarkiis ay qabeen” ayuu yiri madaxweyne Deni. Hadalka madaxweynaha Puntland ayaa ku soo beegmay, maalin kadib markii wargeyska New York Times ee ka soo baxa waddanka Maraykanka, uu daabacay warbixin ka hadlaysa saamaynta loolllanka waddamada Khaliijka iyo dalka Qatar uu ku yeeshay gudaha Soomaaliya, gaar ahaanna dhinaca xasiloonida iyo amniga. Warbixinta ayaa lagu soo daray sheeko uu wargeysku dhegaystay oo dhexmaray safiirka Qatar u jooga Soomaaliya iyo ganacsade u dhashay isla dalkaasi oo ka sheekaysanaya qaraxyo iyo dilal ay Boosaaso ka geysteen kooxo fulinaya danaha waddanka Qatar, si Imaaraadku uga cararo halkaasi, balse dowladda Qatar ayaa beenisay eedaymahaasi ku xusan warbixinta. Halkaan hoose ka daawo hadalka madaxweyne Deni PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo dowladda Qatar ku eedeeyay qaraxyada ka dhaca magaalada Boosaaso appeared first on Puntland Post.
-
Wararka ka imaanaya Gedo, Jubbaland ayaa sheegaya in qarax miino lala eegtay kolonyo Ciidamada Itoobiya oo ku safraayay Gobolkaasi. Qaraxa ayaa la sheegay inuu ka dhacay wadada xiriirisa Luuq iyo Yurkud, iyada oo la sheegayo iney jiraan khasaare badan. Gaari ka mid ah Kolonyadii ay wateen Ciidamada Itoobiya ayaa Qaraxaasi lala eegtay, waxaana dadka deegaanka ay sheegeen inay arkayeen khasaaraha Ciidamada Itoobiya Qaraxaasi ka soo gaaray. Qaraxa kadib, wararku waxaa ay intaasi ku darayaan iney jirtay is rasaaseyn dhex martay labada dhinac, oo khasaarahaha uu intaasi ka badan yahay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Boris Johnson won the race to become Britain's next prime minister on Tuesday, but will face a confrontation over Brexit with Brussels and members of his own party as well as a tense diplomatic standoff with Iran. Source: Hiiraan Online
-
Baydhabo (SMN) – Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo maanta gaaray magaalada Beydhabo ee xarunta kumeel gaarka ah ee dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed ayaa furay Madasha arrimaha bini’aadninimada dalka. Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa furitaanka madasha ka sheegay in ay muhiim tahay in maskaxda ay shiilaan ka qayb galayaasha madasha, ayna fikirkooda isu geeyaan kana soo saaraan natiijo wax ku ool ah oo ka qayb qaadaneysa hagaajinta xaaladda bini’aadninimo ee dalka. Waraaradda arrimaha gargaarka iyo maareynta musiibooyinka xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa soo agaasintay Madasha arrimaha bini’aadninimada dalka oo looga hadlayo xaaladda bini’aadninimo ee dalka iyo qorshaha lagu horumarinayo mashaariicda dhanka bini’aadninimada. Madaxweynaha dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), ayaa goob joog ka ahaa munaasabadda furitaanka Madasha arrimaha bini’aadninimada dalka oo ay ka qayb gelayaan wasiirro ka tirsan xukuumadda, mas’uuliyiin ka socota dowlad gobaleedyada dalka iyo deeq bixiyaasha. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Golaha aqalka sare ayaa maanta Akhrinta Kuwaad Marsiiyay hindise sharciyeedka shirkadaha, kaasi oo ay soo gudbisay Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Dalka. Sharcigaan Warshadaha haddii uu meeelmaro waxa uu sal dhig u noqon doonaa isku xerka ganacsiyada dalka iyo kuwa suuqyada Caalamka, fududeynta maamulada, diiwaangelinta shirkadaha ganacsiyaga iyo maalgashiga, waxaana kulanka maanta ay golaha aqalka sare ku yeesheen xarunta golaha akhrinta kuwaad ku marsiiyeen hindise sharciyeedka warshadaha dalka. Guddoomiyaha Golaha aqalksa sare ee BFSoomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa furay kulanka oo shir gudoominyay, waxaana uu akhiriyaya ajandaha laga doodayo maanta. Ahmiyada uu u leeyahay dalka ayuu ku ekaa maadaama uu xeer hooseedka uu yahay in ka doodista iyo su’aalo weydiinta ay tahay akhrinta 2-labaada, sidaa daraadeed eng.Cabdullaahi Cali Xasan Wasiirka Ganacsiga iyo warshadaha ayaa ka hor akhriyaya heerarka uu soo maray hindise sharciyeedkaan, waxaana uu sheegay in la soo geliyay latashiyo farabadan oo ka mid ah hay’adaha dalka. Kalfadhiga 5-Aad kulankiisa 12-aad ee golaha maanta waxaa soo xaadiray 29 xubnood, iyadoo uu shir gudoominayay Guddoomiyaha oo ay wehliyaan labadiisa ku-xigeeno waxaana soo xeray Gudoomiyaha golaha Aqalka sare mudane Cabdi xaashi Cabdullaahi. View the full article
-
Muqdisho (SMN): Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka-Duhur-23072019.mp3 View the full article
-
Boris Johnson ayaa noqonaya ra’isul wasaaraha cusub ee dalka Ingiriiska kadib markii loo doortay hoggaamiyaha xibsiga Conservative –ka, waxaa la sheegayaa in cod bixin dhacday uu uga adkaaday Jeremy Hunt Johnson ayaa xafiiska ra’isul wasaaraha la wareegi-doona galabta arbacada isaga oo badali-doona ra’isul wasaaraha is casishay ee Theresa May . Sida uu Borotokoolku yahay, Johnson waxaa uu marka hore tagi-doonaa qasriga boqortooyada ee Buckingham si loo aqbalo kadib ayuu aadi-doonaa daarta ra’isul wasaaraha ee No 10. Boris Johnson waxaa uu Soomaaliya yimid isaga oo ah wasiirka arrimaha dibadda bishii March 2017-kii, isaga oo la kulmay madaxda Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa ka hadlay warbixin uu qoray wargeyska New York Times ee laga leeyahey dalka Mareykanka, oo shaacisay qarax ka dhan ahaa Imaaraadka Carabta oo ay ku lug lahayd Qatar. Siciid Deni oo daahfuray bandhigga buugaagata ee Garoowe ayaa ka hadlay warbixin uu wargeyska New York Times ka qortay qaraxyo Boosaaso ka dhacay ayuu Baarlamanka federaalka ka codsaday in baadhitaanno lagu sameeyo. Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale ka hadlay sababaha ay u diidaan taageerada DF ee Puntland ee muddooyinkan. Sida lagu sheegay warbixinta New York Times, cod uu helay wargeyska oo ah wada-sheekeysi taleefon, ayaa waxaa laga maqlay, Khalifa Kayed al-Muhanadi oo safiirka Qatar ee Soomaaliya Hassan bin Hamza Hashem ku dhahaya “waan ognahay cidda ka dambeysay qaraxyada iyo dilalka.” Al-Muhanadi ayaa sheegay in qaraxyada loo fuliyey “si loogu qasbso Imaaraadka Carabta inay ka cararaan Boosaaso.” “ha cayriyaan Imaaraadka, sidaas darteed ma cusbooneysiin doonaan qanadaraaska [DP World ee dekedda Boosaaso], waxaana qandaraaska keeni doonaa halkan Doxa” ayuu yiri Al-Muhanadi. Caasimada Online Xafiiska Garoowe caasimada@live.com
-
New York (Caasimada Online) – Ganacsade xiriir la leh amiirka Qatar ayaa safiirka Qatar ee Soomaaliya u sheegay in weerar ka dhan ah Imaaraadka Carabta bishii May laga fuliyey magaalada Boosaaso, ayada oo loogu daneynayo Qatar, waxaa sidaas weriyey wargeyska New York Times. Sida lagu sheegay warbixinta New York Times, cod uu helay wargeyska oo ah wada-sheekeysi taleefon, ayaa waxaa laga maqlay, Khalifa Kayed al-Muhanadi oo safiirka Qatar ee Soomaaliya Hassan bin Hamza Hashem ku dhahaya “waan ognahay cidda ka dambeysay qaraxyada iyo dilalka.” Al-Muhanadi ayaa sheegay in qaraxyada loo fuliyey “si loogu qasbso Imaaraadka Carabta inay ka cararaan Boosaaso.” “ha cayriyaan Imaaraadka, sidaas darteed ma cusbooneysiin doonaan qanadaraaska [DP World ee dekedda Boosaaso], waxaana qandaraaska keeni doonaa halkan Doxa” ayuu yiri Al-Muhanadi. Safiirka ayaa kadib u sheegay ganacsade Al-Muhanadi in weerarada loo fuliyey si Imaaraadka loogu qabso inay ka cararaan Soomaaliya.” “Saaxiibadeena ayaa ka dambeeyey weerarkii ugu dambeeyey” ayuu ku jawaabay Al-Muhanadi. Mar ay New York Times wax ka weydiisay codka la helay, Al-Muhanadi iyo dowladda Qatar midna ma beenin sax ahaanshaha wada-hadalka taleefon, oo ay si sir ah u duubeen sirdoonka dowlad kale. Inta uu socday wada-hadalka, ganacsadaha reer Qatar ayaa safiirka u sheegay inuu xiriir la leeyahay xubnaha ka tirsan qoyska madaxweynaha Soomaaliya, kuwaas oo ka caawin doona in heshiiska dekekdda Boosaaso laga soo wareejiyo shikadda DP World ee Imaaraadka laguna beddelo shirkad Qatari ah. Safiirka Qatar ee Soomaaliya, Hassan bin Hamza Hashem oo ay xiriir la sameysay New York Times ayaa beeniyey inuu ganarayo Al-Muhanadi, wuxuuna damiyey taleefonka. “Waxaan ahay nin howl gab iyo ganacsade ah…mana ma talo dowlad” ayaa laga soo xigtay Al-Muhanadi. Dowladda Qatar ayaa sidoo kale sheegtay inaysan faro-gelin arrimaha dalalka madax banaan, islamarkaana cid kasta oo sidaas sameysay aysan ka wakiil ka ahayn dowladda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
