Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,501
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Dubai)-Dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay warbaahinta reer galbeedka ayaa aad u hadal haysay “baxsashada xaaska Amiirka Dubai, Sheekh Maxamad Bin Raashid Ala Maktum” iyo dacwadda ay gudbisay ee ay ku codsanayso in laga furo Sheekha Imaaraadka Carabta u dhashay. Sheekh Maxamed ayaa bartiisa Instagram soo dhigay tix uu si cadhaysan ugu eedeeyay haweeney aanu magacaabin oo uu sheegay inay khiyaamaysay. Amiiradda ayaa la sheegay in horraantii sannadkan ay u baxsatay dalka Jarmalka halkaas oo ay magangelyo weydiisatay, kadibna ay aaday magaalada London oo ay ku leedahay guri weyn. Amiirad Haya Bint Al-Xuseen waxay isku aabbe yihiin boqorka haatan Urudun, Cabdalla Bin Al-Xuseen. Amiirad Haya waxay ka soo jeeddaa boqortooyada Urdun, waxa ayna ka mid tahay lixda dumarka ah ee uu guursaday Amiirka Dubai Amiiradda ayaa magangelyo ka dalbatay dalka Jarmalka, balse waxay haatan labadeeda carruur ah kula nooshahay goob qarsoon oo ku taalla magaalada London ee dalka Britain. Dadaallo lagu soo celinayo Warbaahinta caalamiga ah qaarkeed ayaa sheegtay in Sheekh Maxamad Bin Rashid iyo Boqorka Imaaraadka Maxamad Bin Zayid ay u safreen Jarmalka, markay halkaas joogtay, si ay Amiirad Haya ugu qanciyaan inay noqoto balse ay ka diidday. Noolasheedii hore Amiirad Haya ayaa haatan ah 45 jir, waxay wax ku baratay dalka Britain, oo waxay ka soo qalanjebisay Jaamacadda Oxford, oo ah halka ay ka soo baxeen inta badan madaxda Britain iyo dunidaba. Waxay isku aabbe yihiin boqorka haatan ee Urdun, Boqor Cabdalla Bin Al-Xuseen, balse hooyadeed, Boqorad Calya, waxay ku dhimatay shil diyaaradeed oo dhacay 1977. Haya bint Al-Xuseen waxay sheegtay in dhimashada hooyadeed ka dib ay aad u murugootay, oo ay joojisay inay dadka dhex-gasho, ka dibna aabbaheed, Boqor Xuseen, ayaa siiyay Faras, sidaasna waxay ku noqotay qof aad uga hela fardaha iyo tartamada la xidhiidha. Sannadkii 2004-ta ayay is guursadeen Amiir Maxamad Bin Raashid, kaddibna waxay noqotay madaxa ururka fardayahannada caalamka, sannadkii 2014-ta ayay xilkaasi iska casishay 8 sano oo ay haysay ka dib. Amiir Maxamad Bin Raashid isaga waxaa uu London ku leeyahay goobta ugu weyn caalamka ee lagu xannaaneeyo fardaha, taas oo ay ku nool yihiin 4,500 oo faras, ayna ka shaqeeyaan ilaa 1,500 oo qof. Source
  2. Maamulka deegaanka Lambar 50 ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa faah faahin dheeraad ah wuxuu ka bixiyey qarax Miino oo ka dhacay deegaanka Muuri ee gobolkaasi. Axmed Taakow oo ah ku simaha guddoomiyaha deegaankaasi ayaa u sheegay Goobjoog News, in qaraxan oo dhacay gelinkii dambe ee shalay ay waxyeello kasoo gaartay dad shacab ah. Wuxuu sheegay in qaraxan ay Saddex qof ku dhaawacmeen, kadib markii gaarigii ay la socdeen ku qaraxday Miinada. Taakow ayaa intaasi ku daray in gaarigan uu ka yimid dhanka magaalada Muqdisho, kuna soo jeeday deegaanka Lambar 50. Dadka waxyeellada soo gaartay ayuu tilmaamay in xaalad ahaan ay aad u liitaan. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/07/GUDOOMIYE-XIGENKA-MUMBAR-50-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. (SLT-Mumbai)-Roobab xooggan oo ka dhashay duufaanta Monsoon ayaa dad badan ku dilay waddanka Hindiya, waxaana sidoo kale go’ay dhaqdhaqaaqii gaadiidka ee magaalada Mumbai. Commuters walk on waterlogged railway tracks after getting off a stalled train during heavy monsoon rains in Mumbai, India, July 2, 2019. REUTERS/Francis Mascarenhas – RC1A8A3DC920 Dhisme ku dumay magaalada ayaa waxaa ku dhintay 27 qof halka tiro intaasi ka badan ay ku dhaawacmeen. Waxaa sidoo kale hakad ku yimid isku socodkii gaadiidka kadib markii ay burbureen wadooyinka tareenada iyo gawaadhidu Adeegsadaan. Shacabka magaalada Mombai ayaana 24-tii saac ee la soo dhaafay iskaga xayiran Guryahooda. Dhanka kale dhowr qof ayaa la soo tabinayaa inay dhinteen kadib markii uu dumay gidaar iskuul oo ku yaalla magaalada Kalyan oo 42 kiilo mitir dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Mombai. Waaxda saadaasha hawada Hindiya ayaa sheegtay in laga yaabo in roobabka ay ka sii da’aan gobolada kale ee saaran Xeebaha. Source
  4. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dib waxa ay u dhistay guryo ku yaallay deegaanka Sabiib Iyo Caanoole ee gobolka Shabellaha Hoose, kuwaasi oo la sheegay iney bur-buriyeen Al-shabaab. Guryahan ayaa waxaa lagu wareejiyey shacabkii horey deganaa, waxaana sidoo kale dib loo dhisay masjid halkaasi ku yaalla. Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Isaaq Abow, wasiirka amniga Koonfur galbeed Isaaq Cali Subag iyo xildhibaanno ayaa wareejinta guryahan goob joog u ahaa. Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah mudanayaasha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa wareysi uu siiyey Goobjoog ku sheegay in sidoo kale deegaankaasi laga hirgeliyey nalalka ku shaqeeya cad-ceedda. Wuxuu xildhibaanka tilmaamay in shacabkan ku dhaqan deegaankan ay aad usoo dhoweeyeen isbedallada iyo amniga hadda jira. Sabiib Iyo Caanoole waxaa horey u maamuli jiray Al-shabaab, hase ahaatee waxaa iminka gacanta ku haya ciidanka DFS. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/07/xildhibaan-dalxa.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. (SLT-Muqdisho)-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya kooxo hubeysan oo xalay gudaha Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ku dilay Guddoomiyihii Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Shabeellaha Hoose. Dilkan ayaa waxaa uu ka dhacay Xaafad ka tirsan degmadaas, isla markaana waxaa Guddoomiyihii Maxkamadda Shabeellaha Hoose u geystay rag dhalinyaro ah oo watay Bastoolad, xili uu ku sugnaa gudaha degmada Wadajir. Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Allaha u naxariistee Siciid Cumar Xasan Subeyr, waxaana si deg deg ah goobta uu falka ka dhacay uga baxsatay kooxihii ka dambeeyay dilkaas. Intaasi kadib ayaa waxaa halkaas gaadhay Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya oo goobta ka qaaday Meydka Marxuumka, isla markaana waxaa ay sameeyeen baadhitaano kooban oo ku aadan dilkaas, hayeeshee ma jiro weli cid loo soo qabtay falka. Ilaa hada ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose oo ay kaga hadlayaan dilkii loo geystay Guddoomiyihii Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Shabeellaha Hoose ee dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya. Source
  6. Muqdisho (PP) ─ Ra’iisul wasaaraha Somalia ayaa shalay ka jeediyay degmada Dhuusa-mareeb ee xarunta gobolka Galguduud in doorashada soo aadan ee Galmudug lagu qaban doono Dhuusa-mareeb, taasoo dhalisay caro xoog badan. Khayre ayaa hadalkiisa waxaa loo fasirtay inuu ka hiilliyay degmada Cadaado, isla markaana uu u hiilliyay Dhuusa-mareeb oo gobol qura kuwada yaalla, waxaana taasi ay keentay in shalay ay dibadbaxyo ka dhacaan degmada Cadaado. Degmada Cadaado oo ahayd halkii lagu dhisay maamulka Galmudug ayaa xarun u ahayd maamukaas muddo sannado ah, waxaase hoggaamiyeyasha Galmudug ay u wareegeen sannad ka hor magaalada Dhuusa-mareeb halkaa oo horay loogu asteeyay inay caasimadda maamulkaas noqoto. Ururka Ahlusunna Waljamaaca ayaa waxay go’aansatay inay heshiis buuxa la gasho Ahlusunna, kaasoo keenay in maamulku uu u guuro Dhuusa-maraab, halkaasoo uu Khayre sheegay inay buuxisay shuruudihii laga rabay caasimad, sidaas daraadeedna lagu dhisi doono Galmudug-ta cusub. Dhanka kale, Waxgaradka Degmada Cadaado ayaa si kulul ugu eedeeyay Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha Somalia inay ballantii uga baxeen, isla markaana ay doonayaan inay iska horkeenaan maamulka Galmudug. Balse, waxgrad kale oo u hadlay Galmudug ayaa sheegaey in siyaasadda Galmudug aan loo adeegsan qaab ganacsi, waxayna xuseen in degmada Dhuusa-mareeb ay tahay xarunta Galmudug, isla markaana halkaas lagu qaban doono doorashada Galmudug. “Qaylada ka baxaysa Cadaado, waxaan u aragnaa mid xiriir la leh siyaasad, waayo xubnaha baarlamaanka ku jira ee degmadaas kasoo jeeda ayaa iska leh dhammaan hoteellada iyo goobaha ganacsiga, waxayna doonayaan inaan xarunta Galmudug laga rarin Cadaado, taasna ma ahan wax la qaadan karo,” ayay waxgaradka hadlay ku yiraahdeen warbixin ay wadajir u soo saareen. Ugu dambeyn, Waxgaradkan ayaa sheegay inaan la isku xirn siyaasadda iyo ganacsiga, waxayna ka digeen in Galmudug oo burburta ay dhibaato ugu jirto cid walba oo maamulkaas ka tisran, aysanna jirin cid ay si gaar ah u saameyn doonto. PUNTLAND POST The post Cuqaasha Galmudug oo ku kala Qayb-samay hadal uu Khayre ka sheegay Dhuusa-mareeb appeared first on Puntland Post.
  7. Afgooye (SMN) – Wararka naga soo gaaraya Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in xalay dagaallo u dhexeeyay Al-Shabaab iyo Ciidamada dowladda ay ka dhaceen gobolkaasi. Dagaalladan ayaa yimid, kadib markii dagaalyahannada Al-Shabaab weeraro ay ku qaadeen tuulooyinka Buufow, Mashalaay iyo Danow oo ka tirsan Sh/ Hoose. Tuulooyinka oo hoos yimaada deegaanka Shalanbood ayaa waxaa fariisimo ciidan ku leh Milatariga Soomaaliya oo halkaas dagaal kula galay Dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab. Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weeraradaasi iyo dagaallada xigan intaba. Sidoo kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay labada dhinac oo ku aadan iska hor imaadyada oo ahaa kuwaxoogan. Xaaladda ayaa saaka dagan, balse ciidamada dowladda ayaa dhaq dhaqaaqyo Milatari ka bilaabay qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose ee maamulka K/ Galbeed Somalia. View the full article
  8. (SLT-Tripoli)-Ugu yaraan 40 muhaajir oo kasoo jeeda qaar ka mida dalalka Africa ayaa lagu soo warramayaa in ay ku dhinteen ku dhawaad 80 kalana ay ku dhaawacmeen, kaddib marki xalay madaafiic lagu garaacay xero ay ku jireen dad muhaajiriin ah oo ku taalla dueedka magaalada Tripoli ee dalka Libya. Sarkaal ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha Libya ayaa sheegay in tirada dhimashada dadka lagu laayay xerada degmada Tajoura ee bannaanka caasimadda Libya ay intaasi ka badnaan karto. Wuxuu intaasi raaciyay in hadda ay shaqaalaha gargaarka dag dagga ah ay wali daad gureynayaan meydadka iyo dadka dhaawaca ah. Bayaan kasoo baxay Dowladda ay beesha caalamka aqoonsantahay ee Libya ayaa lagu cambaareeyay weerarka. War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in weerarka uu ka danbeeyo janaraalka awoodda badan ee Khalifar Haftar. Ma jirto ilaa iyo iminka cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka lagu qaaday xarunta lagu hayay dadka muhaajiriinta ah ee Libya. Sidoo kale wali ma aysan soo bixin faah-faahin ku saabsan dalalka ay u kala dhasheen muhaajiriinti xalay lagu dilay dalka Libya. Source
  9. Wafdi isugu jiray wasiirro iyo xildhbaano oo uu hoghaaamineyy guddoomiyaha gobalka Shabeelaha hoose ibraahin aadan Cali Najax ayaa gaarey deegaanka Sabiid Caanoole ee gobolkaasi,iyagoo u kuurgalayay xaaladaha bulshada deegaankaasi. Ibraahim Aadan Najax guddoomiyaha Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa Radio-muqdisho u sheegey in safarkiisa ay qeyb ka ahaayeen wasiir ku xigeenka arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Isaq Abow, wasiirka Amniga gudaha KGS Mudane Isaq Ali Subug iyo Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa. “Waxaan gaarnay deegaanka Sabiid iyo Caanoole si aan xariga ugu jarno mashaariic la soo gaba gabeeyay kuwaas oo ay ka mid yihiin dib u dhis lagu sameeyay 70 guri oo shacab danyar ah ay leeyihiin iyo masaajid kaas oo ay bur buriyeen Malleeshiyada arggixisada Ee Alshabaaab” ayuu yiri Gudoomiye najax. Guddoomiye Ibraahim Aadan Cali najax ayaa Sidoo kale waxaa u Sheegey in deegaanka sabiid ay ka hergeliyeeen nalalka cadceeda ku shaqeeya taas oo wax badan kusoo siyaadisay ganacsiga, bilicda, Amniga magaalada gaar ahaan xiliyada habeenkii. Maamulka gobalka Shabeelaha Hoose ayaa wada dadaaalo ku aadan sidii dhamaan goobihii laga xoreeyay maleeshiyad Al-Shabaab loogu soo celin lahaa dhamaan adeegyadii aas-aasiga ahaa ee Maleeshiyada Shabaab ay ka go”doomiyeen Shacabka isagooo shacabkana u sheegey dhawan guud ahaan gobalka la xureyn doono Al-shabaab. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo guryo ku wareejisay qaar ka mid ah shacabka Sabiib appeared first on Puntland Post.
  10. (SLT-Al-jaris)-Guddoomiyahii Baarlamaanka Al-Jeeriya Mucaad Bouchareb ayaa xilka Iska casilay, sida uu baahiyay Tv-ga Ennahar. Arintaan ayaa timid kadib dibadbaxyo xooggan oo lagaga soo horjeedo oo ka dhacay afaafka hore ee xarunta baarlamaanka ee magaalada Al-Jaris. Guddoomiyaha baarlamaanka Al-Jeeriya ayaa hore wacad ugu maray in uu xilka ka dagayo muddo sadex bilood ah, balse waxaa arintaas ka biyo diiday dibadbaxayaasha oo sheegay in saaxiib dhow uu la ahaa madaxweynihii tallada laga Tuuray. Guddiga doorashada ayaa hakiyay doorashada madaxtinimo oo la filayay in la qabto 4-ta bishan kadib markii la waayay murashax Loolama. Dhanka kale war saxaafadeed ka soo baxay xarunta baarlamaanka ayaa si ku meel gaadh ah xilka loogu magacaabay Terbech Abderazak. Labadii bishii April ayey aheyd markii dibadbaxayaasha Al-Jeeriya ay ku qasbeen in uu xilka ka dago madaxweynihii hore, Cabdi Casiis Butafliiqa oo dalkaasi maamulayay 20-kii sano ee la soo Dhaafay. Source
  11. Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa ka codsaday dhinacyada isku haya deegaanno hoostaga degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan, iney joojiyaan dagaalladaasi. Wuxuu sheegay in cid walbo oo gacan ka geysan karta joojintan dagaalladan waajib ka saaran yahay iney ku baxdo. Kheyre ayaa sheegay inuu dhammaaday waqtigii dagaalka, islamarkaana la galay xilligii nabadda iyo midnimada. Dib u dhiska dalka ayuu sheegay in loo baahan yahay in laga shaqeeyo si loo gaaro horumar. Khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta ayaa ka dhashay dagaal beeleed ka socda deegaanno hoostaga degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/07/Reysalwazaare-kheyre.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Guriceel (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Guriceel kulan kula qaatay Ugaas Xasan Ugaas Maxamed Ugaas Nuur Ugaaska iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka wada hadlay dowrka dhaqanka ee gogosha dib-u-heshiisiinta Galmdug iyo dib-u-dhiska iyo dhamaystirka hey’adaha dowladeed ee Galmudug. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa ugaaska u sheegay in socdaalkiisa Galmudug guud ahaan uu salka ku hayo sidii reer Galmudug uu ugu caawin lahaa dhismaha dowlad gobaleed loo dhanyahay, sal adag, xariir wanaagsan la leh dowladda federaalka, kana shaqeysa danaha reer Galmudug. Ugaas Xasan Ugaas Maxamed Ugaas Nuur oo Ra’iisul Wasaaraha uga mahad celiyay dadaalka dheeraadka ah ee uu geliyay dib-u-heshiisiinta iyo dhismaha hey’adaha Galmudug ayaa qadada kadib guddoonsiiyay faras uu u hadiyeeyay Ra’iisul Wasaaraha ayaa intii uu safarka Galmudug ku jiray la kulmay madaxda dowlad gobaleedka iyo bulshada qaybaheeda kala duwan si loo ballaariyo talada lagu dhisayo Galmudug. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  13. Muqdisho (SMN): Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka-Subax-030719.mp3 View the full article
  14. (SLT-Addis Ababa)-Raysal wasaaraha Itoobiya dr Abiy Axmed ayaa sheegay inta uu xilka hayey in marar badan la isku dayay in la afgambiyo balse shacabka ay ka war heleen oo keli kii toddobaadkii hore dhacay. Dr Abiy Axmed oo golaha wakiillada shacabka ee dalka Itoobiya hordhigay warbixinta ku saabsan afgambigi dhicisoobay iyo xaaladda uu dalku hadda ku sugan yahay ayaa warbixintiisa waxyaaba badan kaga hadlay. Wuxuuna ra’isulwasaaraha uu ku horreeyey dadka loo qabqabtay iney ku lug lahaayeen afgambigi dhicisoobay oo lagu khaarijiyey qaar ka mid ah madaxda deegaanka Amxaarada iyo Saraakiil Ciidan oo dowladda dhexe ka tirsan. “Sida uu dhigayo dastuurka JDFI qodobkiisa 9(3) oo keli ah ayaa xukunka dalkan Itoobiya lagu qabsan karaa wixi intaa ka baxsan waa sharci darro wuxuuna ka horimanayaa dastuurka dalka.” “Haddaba kooxaha madaxdaasi dilay, qaarna afduubtay, xafiisya dowladeedna la wareegay oo si aan gabbasha iyo cabsi laheen walaalahood u laayey oo waxay isku dayeen iney warbaahinta la wadaagaan oo ay dhahaan waxaan tallaabba sharci ka qaadnay madax dowladeed, afgambi ha dhihina, oo afgambi deegaan kama dhaco ayey dad qaar leeyihiin.” “Golaha sharafta leh waxaan jeclahay inaan u sheego dadkii afgambiga dhicisoobay qorsheeyey, diyaariyey, ee qoray qorshahooda iney na soo gaarsiinin, intii la dhihi lahaa sidaa ma aha iyaga ayey kaga habbooneyd iney noo sheegaan waxaasaan damacsaneen.” “Khiyaanada ay damacsanaayeen inagu ma garan karno annaga waxaan ognahay oo keli ayaa waxay tahay in arrin sharci darra ah oo nidaamka dastuurika ka horimanayo la sameeyey.” Haddii aad i weydiisaan afgambiga aad sheegeysaan halkeed ka keenteen? Afgambigii 1961-kii dhacay mid la mid ah ayaa dhacay oo jeneraal dowladda ka tirsanaa ayaa laayey ciidama ama madax dowladdi boqortooyada ka tirsaneyd, ciidan dowladda daacad u ah ayaa ka hor yimid sidaa ayuuna ku dhicisoobay. Afgambigii hadda dhacay inta aan ka ogahay kooxda afgambi sameeysay ciidamo xoog badan ayey deegaanka Benishangul soo geliyeen, Baxardar waxay ka sameeyeena waad aragteen, Addis Ababana sida oo kale. “Waxyaabihii aan dhicin ama dadkii la damcsanaa in la khaarijiyo haddii ay nasiib wanaag ay dhimanin oo ay badbaadeen ha dhihina afgambi ama nidaamka dastuuriga ayaa meel looga dhacay ha dhihina waa khalad aad u weyn.” “Deegaannada Benishaangul iyo Oromada dadka aan ka soo qabqabannay waxaa ka mid ah ciidamo loo soo tababaray khaarijinta madaxda hay’adaha amniga .” Waxaan idiin sheegayaa dadka afgambiga dhicisoobay ka qayb qaatay waxaa ka mid ah ciidama aan yareen oo ka mid ahaa ciidamadi hadda ka hor xafiiskeyga iigu timid. Wasaaradda gaashaandhigga marka ay ciidamadaasi qiimeyn ku sameeysay oo qaarkood la xiray kaddib ayey wasaaraddu cafis u fidisay maadaamaa ay dhalinyaro ahaayeen, afgambigan ciidamadi noocaasi ahaana wey adeegsadeen. Marka dad baa isku dayaya iney noo sheegaan waxa dhacay inuusan afgambi dowladeed eheen, caqli gal ma tahay taa?, haddii ay qiil ka dhiganayaan dowlad deegaan ayaa afgambi lagu sameyey sharcigee u banneeyey in dowladda dhexe Afgambi lagu sameeyo. ayuu yidhi Dr Abiy Xaqiiqada ayaan idiin sheegayaa wakhti xaadirkan xaaladda dalkeenna uu ku sugan yahay cidna talada dowladda xoog kuma qabsan karto bin la isku dhammaada iney horseeddo mooyee. Nidaamka wakhti xaadirkan dalka uu ku dhaqamaya ee Fedraalka ku dhisan ciddi isku daydo iney dowlad dhexe afgambiso uma suura galeyso inaan horseedno masiibo ay subax walba boqollaal kun ku dhintaan moyee dowlad marnaba afgambi kuma noqon karo. Dadkii Afgambiga ku lug lahaa, sameeysay, ka dambeysay ama gacan ka geysatay intey doontaba hanagu qaadatee waan shaacin doonnaa shacabkana waan u soo bandhigeynaa. “Dadka waxaa isaga qasan Dastuurka Federaalka iyo kan deegaanka, dastuurka deegaannadda waxaa laga soo minguuriyey kan dowladda dhexe haddii u ka degaanka jirinna kan dowladda dhexe ma jirayo”. “Dowladda jamhuuriyadda Dimuqraadiga federaalka Itoobiya uu fadhigeedu yahay Adis Ababa ma jiri karto haddii uu deegaan ka mid ah uu ka maqan yahay dowladda dhexe ” ayuu yidhi. “Weerar kasta oo deegaan ka mid ah deegaannada dowladda dhexe dhisay waxay la mid tahay weerar lagu soo qaaday dowladda itobiya. Ra’isul wasaarae Dr Abiy Axmed oo warbixintiisa sii wato wuxuu golaha uu u sheegay sannadki la soo dhaafay iney isku day iyo afgambiyo aad u fool xun ay dalka Itoobiya ka dhaceen, inta aan la ogeen idiinma sheegayee inta la ogyahay aan idiin sheego. July 23, 2018-kii iyada oo isbeddelku uu labo bilood oo keli ah jiro oo aan wax badan dalka ka qaban isbeddelkana uu curdun yahay waxaa la sameeyey falki foosha xumaa iyo qarixii lagu doonayey madaxda dowladda in lagu khaarijiyo. Inta aan dadkii dambiilayaasha ee falkaasi ka dambeeyey aan kala saarin oo aan baritaankoda ku gudajirno, haddana laba bilood gudahood, oo afar bilood oo keli ah aan xilka hayo deegaanka Soomaalida waxaa ka dhacay arrin halis ah oo midnimada Itoobiya caqbad ku noqoneysa oo aad u abaabulan, ciidadamo kumannaan ah oo tababaran oo siyaasadda iyo dhaqaalaba ka dhisan ay ka qayb qaateen. Falkaasina dhalinyaro badana ayaa ku nafweyday, kaniisado ayaa lagu gubay, dhibaata aad u badana ayaana ka dhalatay, taa marki aan ka soo gudubnayna ciidama aad u hubeysan oo aan yareen ayaa xafiiskeyga igu soo weeraray, oo aan si maskax ah kaga baxsannay. Ciidamadaasi markii aan si aqli iyo xeelad ku jirto aan dib isaga celinnay laba biloodba inta ay ka soo wareegin haddana galbeedka dalka wixi ka dhacay waad ogeeydeen. Waxaa galbeedka Itoobiya ka abuurmay xoogag ku dhawaaqay iney seddex bilood ay dowlad ku noqonayaan tallaabbada adag oo aan xooggagaasi ku nadiifineyno ayaan qaadnay wakhti badanna naguma qaadan, balse inta aan howshaasi si buuxda u soo afjarin, waxaa qayba badan oo dalka ka mid ah ka abuurmay xoogag qas wadayaal ah si ay shacabka u barakacaan. Xaalka halkaa marka uu marayo haddana waxay xeeladdooda u beddeleen iney shaqaalaha dowladda adegsadaan sida macallimiinta iyo dhakhaatiirta oo ay shaqa joojin sameeyaan iyaga oo sababa uga dhiganaya mushaarka oo ku yar iwm, balse arrintu waxay ahayd mid siyaasadeysan. Xilligaasi Itoobiya xaaladda dhaqaale ee ay ku sugneyd ma aha xilli dowladda mushaar kordhin la weydiisto qaar kooban ayaa dib ka fahmay waxa arrintaasi ka dambeeyey balse badankood meysan fahmin. Dadki noocaasi ahaa marki aan la fadhiisannay oo aan qancinnay una sheegnay inaan la joogin xilli mushaar iyo xuquuq la weydiisto, haddana waxaa nagu billaawday dagaal dhinaca warbaahinta ah oo dhan walba dowladda lagala dagaallamay. Iyada oo la leeyahay waddankiba Oromo ayuu gacanta u galay, ciidanki oo dhan oOroma ayaa qabsatay jagooyinka dhan oromo ayaa isku koobtay iwm, oo xaqiiqda ka fog. Waxaanna golaha sharafta leh u sheegayaa dhammaan hay’adaha dowladda intey baaraan haddii ay soo saaraan xil dheeri ah oo ay qowmiyadda oromada xaq u lahayn oo ay haysato, laga billaabo aniga waxaan diyaar u ahay in tallaabbo la iga qaado. Ujeeddada laga leeyahay ayaa waxay tahay in shacabka miskiinka ah wararkaasi beenta ah la isaga horkeeno waxaan idiin sheegay habayaraatee iney jirin kursi dheeraad ah oo ay qowmiyadda Oromada haysato. Marki ay kooxa dalka dhibka ka wado arrimahaasi oo dhan ay u suurageli weyday oo ay ku guul darreysteen ayay magaalada Baxirdar iyo Addis Ababa wixi foosha xumaa ee ka dhacay ayey sameeyeen. Shacabka Itoobiya waxaan u sheegayaa isbeddelka inuu yahay mid run ah, isbeddelkanna wuxuu dawo u yahay dalkan Itoobiya, isbeddelkan ma aha mid Itoobiya midnimo u horseedayo balse waa mid muwaaddiniinta Itoobiya oo dhan sharaf iyo horumar u horseedaya. Dadka isbeddelkan hoggaanka u hayo waxaan u sheegayaa maadaamaa ay runta nala jirto iney cidana na joojin karin, cidna nama joojin karto. Imtixaan kasta oo nala soo darso adadeyga ayaan ka sii qaadeynaa haba yaraatee nama daciifinayo, shucuubta dalkana waxaan u sheegayaa iney ka wada qayb qaataan sidi dalka dimuqraadiyad buuxda aan u gaarsiin laheen. Cid kasta oo isku daydo midnimada iyo qaranimada Itoobiya iney wiiqdo kulama dagaallamayo qalin oo keli ah ee waxaan diyaar u ahay inaan qori qaato oo aan la dagaallamo. Xigasho;BBC Source
  15. Waxgaradka ku dhaqan degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan ayaa sheegay iney wadaan dedaallo badan oo lagu doonayo in lagu xalliyo dagaal beeleedyada ka jira deegaanno hoostada degmadaasi. Maxamuud Xasan Cali oo ka mid ah waxgaradkan ayaa u sheegay Goobjoog News, in waxgaradku is abaabulay ayna ka go’an tahay kala dhexgalka dhinacyada is haya. Wuxuu sheegay sidoo kale, iney baaqyo u direen maamullada Galmudug iyo Hirshabelle si ay kaalintooda u muuqato. Dagaallo geystay khasaare kala duwan ayaa ka dhacay deegaannno hoostaga degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan, waxayna dagaalladaan yihiin kuwo soo noq-noqday. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/07/codka-jacfar.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Tripoli (Caasimada Online) -Ugu yaaraan 40 Muhaajiriin ah ayaa ku dhintay duqeyn ka dhacday gudaha dalka Libya, halka ay ku dhawaacmeen 80 kale, kadib markii ay Madaafiic ku habsatay meel lagu xiro soo galootiga oo ku taalla dalkaasi. Xarunta la duqeeyay ayaa ku taalla bariga Tajoura oo ka tirsan magaalada Tripoli ee Caasimada dalka Libya. Dadka dhintay ayaa inta badan ka soo jeeda dalalka Qaaradda Africa, sida Sudan, Eretria iyo Somalia. Warar ay heshay Caasimadda Online ayaa ku warramaya in muhaajiriinta geeriyooday ay ku jiraan Soomaali badan, kuwaas oo aan weli tiradooda la shaacin. Cusmaan Cali Afhayeenka wasaaradda caafimaadka Libya ayaa u sheegay wakaallada AFP in dhismaha uu weerarku ka dhacay ay xirnaayeen 150 Maxbuus 35 kaliyana la helay. Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in tiro intaas ka badan ay ku hoos jiraan dhismaha, islamarkaana ay weli wadaan gurmad xoogan. Dowladda ay aqoonsan tahay QM ee Libya, fadhigeeduna yahay Tripoli ayaa weerarkan ku eedeysay dagaal oogaha dalkaasi Khaliif Xaftar. Balse afhayeen u hadlay Generaal Xaftar ayaa diiday eedeyntaasi, isagoona waxba kama jiraan ki tilmaamay warkaasi. Libya waxaa la dagal dagaallo sokeeye iyo kala qeybsanaan, tan iyo wixii ka dambeeyay markii xilka laga tuuray hoggaamiyihii mudada dheeraa Mucamar Al-Qadaafi. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Tripoli caasimada@live.com
  17. Mas’uuliyiinta maamulka gobolka Shabeellaha hoose ayaa laga soo xigtay in magaalada Muqdisho lagu dilay guddoomiyihii Maxkamadda gobolka Shabeellaha hoose Siciid Cumar Xassan (Subeyr). Laba in oo mindiyo ku hubaysan ayaa sida la sheegay guddoomiyaha ku dilay degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho kadib markii ay murmeen marxuumka iyo labada nine ee mindiyaha ku weerartay inkastoo aan la sii faahfaahin waxa murankaasi la xiriiray. Guddoomiye Subeyr oo iska caabbin sameeyay ayaa sida la sheegayo toogtay mid kamid ah raggii mindiyaha ku weeraray kaasi oo markii dambe u dhintay dhaawac culus oo gaaray. Warbaahinta ayaa sheegtay in dhacdadani ay ka duwantahay dilalkii hore loogu yaqaannay magaalada Muqdisho oo inta badan loo adeegsan jiray bastoolado iyo qoryaha fudud marka laga reebo qaraxyada halkaasi ka dhaca. Guddoomiyaha la dilay ayaa waxaa 5-tii Agoosto 2018-kii xilkan u magacaabay madaxweynihii hore ee koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif xassan Sheikh Aadan waxaana uu xilka hayey mudda hal sano ah. PUNTLAND POST The post Guddoomiyihii Maxkamadda gobolka SHabeellaha hoose oo Muqdisho lagu dilay appeared first on Puntland Post.
  18. Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo shalay gaaray magaalada Dubai ee dalka Imaaraatiga ayaa saaka la kulansan mas’uuliyiiin ka tirsan Imaaraadka Carabta iyo xubno kamid ah ganacsatada waddankaasi. Mudane Axmed Karaash oo safarkiisi ugu horreeyay dalka uga baxay tan iyo markii la doortay ayaa sii maray waddanka Djibouti halkaasi oo uu kaga qeyb-galay xuska maalinta Xorriyadda Djibouti oo ku beegan 27 bisha June. Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaa dhambaal hambalyo ah oo ku aadan xuska sannad-guuradii 42-aad ee ka soo wareegtay maalinta xornimada Jabuuti gaarsiiyay Madaxweynaha dalkaasi Ismaaciil Cumar Geelle iyo shacabkiisa. Sidoo kale madaxweyne ku xigeenka ayaa mudada uu safarka ku joogo dalka Imaaraatiga waxaa la filaya in uu sii wado kulamada uu la qaadanayo mas’uuliyiinta kala duwan ee Imaaraadka iyo ganacsatada waddankaasi. PUNTLAND POST The post Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo la kulansan mas’uuliyiin ka tirsan Imaaraadka appeared first on Puntland Post.
  19. Liverpool have tied down promising young midfielder Abdi Sharif to his first professional contract, which should spell good news for the club’s academy. Source: Hiiraan Online
  20. Muqdisho (CaasimadaOnline) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil xalay guddoomiyihii maxkamadda gobolka Shabeelaha Hoose loogu geystay magaalada Muqdisho. Dilka ayaa ka dhacay gudaha degmada Wadajir, waxaana Marxuumka loo geystay lagu magacaabi jiray Siciid Cumar Xasan oo la yaqaanay (Zubeyr). Wararka ayaa sheegaya in dilka guddoomiyaha loo adeegsaday Mindi, kadib markii ay soo weerareen labo nin oo ku hubeysnaa Tooreeyo. Dad goobjoogayaal ah ayaa Caasimada Online u sheegay in Marxuumka dhaawac uu ka soo gaaray weerarkaasi, balse markii dambe uu u geeriyooday. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in guddoomiyaha oo watay Bistoolad uu dhaawacay mid ka mid ah Raggaasi, kaas oo isna u geeriyooday dhaawicii soo gaaray. Warar kale oo aan helnay waxa ay sheegayaan in guddoomiyaha geeriyooday iyo labada nin ay murmeen, taas oo keentay inuu yimaado gacan ka hadal. Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka degmada Wadajir ee gobolka Banaadir oo ku aadan dhacadaasi. Dhanka kale hay’adaha ammaanka ee dowladda Soomaaloya ayaa sheegay in haatan ay wadaan baaritaan ku aadan sidii ay wax u dhaceen. Dhacdadan ayaa saaka si aad ah looga hadal hayaan gudaha magaalada Caasimada ah ee Muqdisho. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa tababar aqoon korarsi ah u furtay 350 Askari oo ka tirsan Ciidamada Milateriga Soomaaliya oo badankood Ciidanka ka soo galay degaanada Jubbaland oo ay doorasho ku soo wajahan tahay bilooyinka soo aadan. Ciidamadaan ayaa waxaa lagu wareejiyay dowladda Turkiga waxaana loo qorsheeyay in muddo 20 Cesho ah ay gacanta ku heyso lana siiyo cashiro la xariira sugidda amaanka goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka islamarkaana ay ka jirto xaalado adag oo amaanka iyo siyaasadda ah. Sidoo kale Ciidankaan ayaa qorshuhu yahay in loo diyaariyo hub iyo qalab ciidan oo dhameestiran si ay uga hortagaan qatar kasta oo timaada goobaha doorashada iyo guud ahaan magaalada Kismaayo oo awoodda ugu badan ee halkaas ka jirta tahay maamulka Axmed Madoobe. Saraakiil ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa Caasimada Online u sheegay in dowladda Soomaaliya ay damacsan tahay in ay la wareegto awoodda ciidan ee magaalada Kismaayo maalmaha soo aadan si ay halkaasi uga dhacdo doorasho ay maamulo Xukuumadda Soomaaliya. Su’aalo badan ayaa ka taagan sida Ciidamada tababarka loo furay loo geyn doono magaalada Kismaayo maadaama dowladda Soomaaliya aysan heshiis la heyn maamulka Axmed Madoobe oo aad ugu xoogan Kismaayo. Dowladda Soomaaliya ayaa u muuqata in guulo wanaagsan ay ka gaartay jahwareerkii muddo ka badan 2 sano ka taagnaa maamulka Galmudug hadana ay dooneyso in ay milkiso Jubbaland oo ah maamul dhowaan geli doono doorashada Baarlamaanka iyo midda Madaxweynaha. Wax sahlan ma’ahan in Kismaayo noqoto sida magaalooyinka Baydhabo iyo Dhuusamareeb markii loo eego awoodda maamulka Axmed Madoobe laakiin dhanka kale waxkasta waa laga filan karaa Villa Somalia oo meelo badan oo ay weerareen ka soo hoyay guulo waa-wayn oo aa ay u raadinayaan Kheyrre iyo Farmaajo. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  22. Thousands in Dadaab camp were ready to travel to the US and start new lives, but they were denied entry two years ago. Source: Hiiraan Online
  23. The United States made it through to the women's World Cup final on Tuesday after they beat England in Lyon. Source: Hiiraan Online
  24. It is the highest publicly reported toll of an air strike or shelling since eastern forces loyal to Khalifa Haftar three months ago launched an offensive with ground troops and aircraft to take the capital held by the internationally recognized government. Source: Hiiraan Online
  25. THE most powerful passports in the world have been revealed – with tiny Singapore and Japan topping the list. Source: Hiiraan Online